27.2 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Shirkadda Dalkom Somalia oo beenisay warar been abuur ah oo lagu beegsanayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Dalkom Somalia ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku beenisay warar been abuur ah, oo lagu sumcad dilayo shirkadda, oo dhowaanahan lagu faafinayey baraha bulshada. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

WAR-SAXAFADEED

Waxaa dhawaanahaan soo baxayey in qeybo ka mid ah Baraha Bulshada Soomaalidu ku kulanto lagu faafinayey warar been abuur ah oo ka dhan ah Shirkadda Dalkom Somalia, iyadoo ujeedadu tahay in sumcad xumo iyo dhaawac loogu geysto maqaamka Shirkaddeena sharafta leh ay ku laheyd gudaha shacabka Soomaaliyeed iyo aduunka intiisa kale.

Hadaba waa tuma: Dalkom Somalia:

Waa shirkad gaar loo leeyahay oo la aas aasay 2003-dii, taas oo wax weyn ka bedeshay isgaarsiinta Soomaaliya, iyadoo hormuud u noqotay in Soomaaliya soo gaarsiiso xariggii ugu horreeyay ee fiber optic-ga badda hoostiisa mara, taasoo dalka ka dhigtay mid ku xiran caalamka iyadoo loo marayo xariga badda hoostiisa mara. Waxay ahayd April 2014, markii Dalkom Somalia ay xeebaha Soomaalilya ka soo dejisay EASSy Cable, oo ah xadhig awood sare leh oo Fiber Optic ah, kaas oo isku xiraya caalamka iyo Soomaaliya markii ugu horreysay.

Iyada oo falanqeeyayaasha saadaaliyeen in ay saameyn weyn ku yeelan doonto horumarka dhaqaale, siyaasadeed Intaba. Helidda interneedku waxa uu ku koobanaa oo kaliya dadka awoodi kara kharashaadka internet-ka, internet-ka waxaa laga heli jirey oo kaliya dayax- gacmeedka inta aaney Dalkom Dalka keenin Xariga internet-ka fiber-optic Dhinaca kale Dalkom iyo aasaasaheeda Maxamed Axmed Jaamac waxay ku guuleysteen abaal-marinno caalami ah; sida: Best Connectivity Solutions for Africa – Connecting Somalia – Closing the final link and Best Network Improvement – Extending EASSy cable into Somalia in AfricaCom 2014 iyo Wholesale Service Innovation Award Global Telecoms Business (GTB) Awards 2015.

Shirkadda Dalkom Waxaa aasaasay ganacsato Soomaaliyeed waana shirkad gaar loo leeyahay, Shirkaddu waxay horumarisay shirkaddaha isgaarsiinta Soomaaliya gaar ahaan dhanka internet-ka waana shirkad dhexdhexaad ah oo oo mar kasta ceeb u aragta monopolism-ka ama isku gaaryeelidda.

Marin habaabinta iyo wararka been abuurka ah:

Waxaa dhawaanahaa soo baxayey hadallo aan masuuliyad ku dheehneen oo la isku dayayo in lagu Magac dillo shirkadda Dalkom Somalia kuwaas oo sheegaya in shirkadda Dalkom ay leeyihiin Mahad Salaad (Agaasimaha NISA) iyo Mustafe Yaasiin (Madaxa NCA), taasi waa mid xaqiiqada ka fog iyo been abuur aan loo meel dayin. Lahaanshaha Dalkom Somalia cid kasta oo si dhab ah u raadisa macluumaadkaas waxay si fudud uga heli kartaa diiwaanka shirkadda ee Wasaaradda Ganacsiga. Sheegashada ah in Dalkom loo magacaabay wakiilka kaliya ee Huawei Technology waa been abuur xaqiiqda ka fog. Shirkadda Huawei waxay warqado wakaalad ah u qortay dhammaan macaamiisheeda Soomaaliya oo ay ku jiraan shirkadaha waaweyn ee isgaarsiinta ee isticmaala Qalabkeeda.

Dib-uga-noqosho iyo Raali galin wararka been abuurka ah:

Dalkom Somalia waxa ay aaminsantahay hufnaan iyo isla xisaabtan. Ka Shirkad ahaan, waxaan mar walba diyaar u nahay in wax laga ogaado howlada baaxadda leh ee aan bulshada Soomaaliyeed u hayno. Si kastaba ha ahaatee, wax ka ogaansha howlaha aan bulshada u hayno waa in loo maraa si mas’uuliyadi ku jirto, cadaalad iyo hufnaan.Waxaan usoo jeedinaynaa shaqsiyaadka ku fooggan faafinta xumaanta iyo wararka been abuurka ah ee xaqiiqada ka fog kana dhanka ah shirkadda Dalkom Somalia in ay si degdeg ah u uga saaraan qoraalladaas aan laga fiirsan oo ay ka muuqato fudeyd iyo in aan si qoto dheer loo taxliilin, raaligelinna ka bixiyaan.

Xasuusin!!!!!!!!!

Hadaba Shirkadda Dalkom waxaa ka go’an in ay ilaaliso qiyamkeeda iyo sharafteeda taasoo aysan marnaba gor gortan ka galeyn waxayna qaadeysaa talaabo kasta oo sharci oo ay ku ilaalineyso sharafteeda iyo karaamadeeda.

Soomaaliya oo dalbatay in xarunta ururka Midowga Afrika laga raro Itoobiya + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli cirka isku sii shareereysa xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii badda ee ay todobaadkan magaalada Addis Ababa ku gaareen Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay si weyn uga carootay dowlada Soomaaliya.

Xiisadda ayaa kusii fideysa gobolka, waxaana dowladda Soomaaliya ay arrintan kala hadashay dalal ay kamid yihiin Kenya, Masar, Qatar iyo waddamo kale.

Dhankooda Ururada Midowga Afrika iyo IGAD oo ay qayb ka yihiin dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa iyaguna siyaabo kala duwan uga hadlay xiisadda soo cusboonaatay, inkastoo wararkooda aaan si toos ah loogu carab dhufan xadgudubka dowladda Itoobiya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa isaga oo ka hadlayay arrimahan wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan, ayna taageerayaan in Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika laga raro waddanka Itoobiya.

Warsame ayaa ku eedeeyay Itoobiya inay jabisay xeerarka lagu dhisay ururka iyo qawaaniinta caalamka, maadaama ay ku xadgudubtay madax bannaanida dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas daraadeedna aysan u qalmin inay martigeliso Xarunta Ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay mar weliba ku tumato mabaad’idii lagu dhisay Ururka oo ahayd dhowrida gobanimda, madax bannaanida iyo midnida dhul dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika.

“Waxaan taageersanahay fikirka ah in xarunta Midowga Afrika laga raro Itoobiyo, maadaama ay jabineyso xeerarka Ururka, ayna ku xadgudbeyso madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta qoraal kasoo baxay Midowga Afrika si aan la fileyn looga hadlay heshiiskii Addis Ababa ee muranka dhaliyay, kana caroortay Somalia.

Ururka marnaba sooma hadal qaadin xadgudubka loo gaystay Soomaaliya oo ka hortimid heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo qoraalkan ku saxiixnaa ayaa si isku mid ah ula hadlay Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo sheegay inuu is dhow ula socdo xiisadda ka dhalatay heshiiskii kowdii bishaan lagu gaaray magaalada Addis Ababa.

“Guddoomiyaha wuxuu ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada labada dhinacba, si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya” ayuu yiri guddoomiye Moussa Faki Mahamat.

Daawo: DF oo heegan buuxa gelisay ciidamada badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda badda, kadib heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee kowdii bishan ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaas oo abuuray xiisad diblimaasiyadeed oo weyn.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow oo maanta kormeeray ugu tegay ciidanka badda ayaa siiyay amar culus oo ku aadan difaaca biyaha Soomaaliyeed.

Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay leedahay cadow gudaha ah iyo cadow shisheeye oo u hanqal taagaya baddeenna.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Xoogga dalka Soomaaliyeed uu awood u leeyahay ka hortegga cadow kasta oo kusoo duula Soomaaliya, ayan sameyn wax kasta oo dadaal ah.

“Cadowga laga hadlaayo ee badda ama mid dhow ha noqdo ama shishe ha noqdee inay intuba ay u hanqal taagayaan, waxaa la’idinka rabaa marka inaad u diyaar garowdiin cadowga guduhu waxba nagu qaadan maayo, cadow dibadeedna sidoo kale waayay isaguna waxba nagu qaadan maayo,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale amray ciidamada badda Soomaaliyeed inay si deg-deg ah u howlgalaan, ayna gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta badda Soomaaliyeed.

“Waxaan rabnaa in ciidanka badda uu dib u bilaabo shaqooyinka uu lahaa, waa inuu u diyaar garoobo shaqo culus oo hortaalla” ayuu mar kale yiri Taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliyeed ay ka faa’iideysan doonto dhalinyarada cusub ee ku biirtay ciidamada badda, si loo badiyo tiradooda.

“Baddaan weyn ayaa ilaalo naga rabto, si loo ilaaliyana waa in laga faa’iideysto xoogag cusub ee maanta kusoo biiray Ciidamada Xoogga dalka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ciidamo cusub oo badeed usoo tababartay dowladda Eritrea, kuwaas oo sanadkii hore ee 2023 lagu soo celiyay gudaha dalka.

Si kastaba, Dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa kusoo aaday, ayada oo kasii dareyso xiisadda ka dhalatay heshiiskii badda ee Addis Ababa oo ay si weyn uga carootay dowlada Soomaaliya.

Caro xooggan oo ka dhalatay shir uu Muqdisho uga qayb-galay safiirka ITOOBIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caro xoogan ayaa ka dhalatay kulankii ay dowladda Soomaaliya la yeelatay xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, kaas oo uu kasoo muuqday safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

Shirkaan oo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay isugu yeertay Danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa waxay uga warbixisay xaaladda go’aanka Soomaaliya ee ku wajahan xad-gudubka Itoobiya ee madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sii-hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cali Balcad ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyay in ay Danjireyaasha Caalamka ay gaarsiisay go’aanka dowladda ee ku aadan tallaabada xad-gudubka ah ee ay qaadday xukuumadda Addis Ababa.

Arrinta carada keentay ayaa ah in isla shirkan looga hadlayay xadgudubka Itoobiya uu fadhiyay safiirkeeda, taas oo dad badan ay ka falceliyeen.

Siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrintan, wuxuuna sheegay in laga haboonaa in safiirka dalka uu sii joogo, kana soo dhex muuqdo shirkii looga hadlay xadgudubka dalkiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xukuumadda ka gaabisay arrintan, wuxuuse baarlamaanka ugu baaqay inuu guto waajibaadkiisa shaqo.

“Ma ahayn in Safiirka Itoobiya uu weli dalka joogo, oo uu maanta dhex fadhiyo diblomaasiyiintii xadgudubka dalkiisa lagala hadlayey. Waxay ahayd in ugu yaraan dalkiisa loo diro. Haddii xukuumaddu xilkeedii gudan waysay, waa in Baarlamaanku waajibkiisa gutaa” ayuu ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Xildhibaanku.

Sidoo kale waxaa arrintan si caro leh uga hadlay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliya oo si adag uga falceliyay kasoo muuqasha kulankaas ee safiirka ee dowladda Itoobiya.

Cumar Xasan Salaad oo kamid ah dadka ka falceliyay ayaa sheegay in arrintan ay ceeb ku tahay Soomaaliya “Saxiix waa ku ceeb xukuumada uu Xamza hoggaamiyo” ayuu yiri.

Maxamed Cabdullaahi ayaa isna yiri “Waa arrin aad looga xumaado niyad jab wayn ku ah shacabka Soomaaliyeed sorry”.

Abdulqaadir Beddal ayaa isaguna ku jawaabay “War nimanku talo xumaa! Hadiiba waxa laga hadlayaa ay tahay arrinta itoobiya maxaa safiirkooda dhex fariisiyay shirka?”.

Dr. Cali Cadow wuxuu isna sheegay inay jirto dabacsanaan dowladda ah “Dabacsanaan baa jirta go’aamadii shalay iska soo daba baxayey in weli safiirki xabashidu na dhex fadhiyo isma keeneyso!”

Wiil kale oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed ayaa isna shaki weyn ka muujiyay arrintan, wuxuuna qoraalkiisa ku yiri “Qalaas sheekada waa la isla ogaa”.

Maxamed Daahir Guuleed wuxuu dhankiisa yiri “Sideedaba xiriirka dal kale kaala dhaxeeya inuu xumaaday waxaa lagu gartaa waa in safiirkooda dalka ka saartaa. Taas haddii aanay dhicin wax kale weeye xaajadu, safiirkooda inaad uga yeerto shirka aad uga dacwooneyso lama micneyn karayo”.

SOMALIA oo raali-gelin deg deg ah ka dalbatay IGAD kadib tallaabadii Dr. Workneh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hortimid qoraalkii kasoo baxay  Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ee looga hadlay heshiiska badda ee ay magaalada Addis Ababa ku gaareen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa looga soo horjeestay hadalka Xoghayaha Guud ee IGAD  Dr. Workneh Gebeyehu kaas oo war lagu qoslo kasoo saaray heshiiska muranka dhaliyay ee badda loogu saxiixay dowladda federaalka Itoobya.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Dr. Workneh Gebeyehu uu la saftay dhinaca Itoobiya, isla markaana qoraalkiisa uu xagliyay dalka uu kasoo jeedo.

Dowladda Soomaaliya ayaa reelli-gelin buuxda ka dalbatay Xoghayaha IGAD, si uu uga laabto hadalka kasoo yeeray oo ay dhibsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu baaqaynaa Xoghayaha Fulinta IGAD inuu si degdeg ah raaligelin uga bixiyo hadalkaas, uuna ka qaado talaabada ku habboon” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dalab culus u dirtay Golaha Fulinta IGAD oo ay ugu baaqday in tallaabada ugu haboon ay ka qaadaan Dr. Workneh.

Arrinta keentay carada dowladda Soomaaliya ayaa ah in warkii kasoo baxay IGAD, gaar ahaan xafiiska Xoghayha aan marnaba lagu soo qaadin heshiiska muranka keenay, waxaana taa beddelkeeda loo dhigay in khilaaf uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya. 

Bayaanka ayaa lagu yiri “Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee la xiriira Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. IGAD waxay si taxaddar leh ula socotaa xaaladda, waxayna aqoonsan tahay saamaynta ay ku yeelan karto xasilloonida gobolka.”

Waxaa kale oo lasii raaciyay ““Ayada oo la eegayo duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu usoo jeedinayaa madaxda IGAD in is-xakameeyaan, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda loogu heli lahaa xal nabadeed oo saaxiibtinimo, lana ilaaliyo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD.”

Si kastaba, Waxaa xusid mudan in madaxa IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu uu yahay nin Itoobiyaan ah. Wuxuu horey usoo qabtay xilal kala duwan oo uu ugu weyn yahay xilka wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, oo uu hayey 2016 illaa 2019.

Sidaa darteed, la-yaab ma lahan bayaanka lagu qoslo ee uu kasoo saaray gardaradda iyo xadgudubka uu dalkiisa ku sameeyey Soomaaliya.

War-saxaafadeedka IGAD ayaa sidoo kale mar kale xusuusin u ah in IGAD uu yahay urur ay maamusho, oo ka shaqeeya danaha Itoobiya, oo inta kale ay magac u yaal ka yihiin.

MAREYKANKA oo ku gacan sayray aqoonsi ay hesho Somaliland (Go’aan culus)

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku gacan sayrtay aqoonsi ay hesho Somaliland, waxayna ku baaqday xasillooni kadib markii madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi uu heshiis la galay Itoobiya.

Soomaaliya ayaa ku eedeysay dalka aan badda lahayn ee Itoobiya inuu weerar kusoo qaaday madax-banaanideeda kadib markii uu heshiis la galay Somaliland, kaasi oo siinaya marin ay ku gasho Badda Cas.

“Dowladda Mareykanka waxay aqoonsan tahay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku saleysan xuduudaheeda 1960-kii,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Matthew Miller.

“Waxaan kula biireynaa saaxiibadeena inaan muujino walaaca xooggan ee aan qabno ee ku saabsan xiisadaha kasoo kacaya Geeska Afrika,” ayuu yiri.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan saamileyda inay galaan wadahadal diblomaasi,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo heshiiska la saxiixday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay in bixinta marin badeed ay beddelkeeda Itoobiya “si rasmi ah u aqoonsan doonto” Somaliland.

Dowladda Itoobiya si rasmi ah uma xaqiijin inay aqoonsan doonto Somaliland, balse waxay sheegtay inay darsi doonto sidii ay u qaadan laheyd mowqif ku aadan arrintaas.

Mowqifka Mareykanka ayaa xoojinaya mid la mid ah oo Midowga Yurub uu horey uga qaatay xiisadda, islamarkaana taageero buuxda u muujiyey madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya

“1-dii Janaayo, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biihi ayaa saxiixday is-afgarad Itoobiya u damaanad qaadaya inay marin u hesho Badda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha dibedda Midowga Yurub.

“Midowga Yurub wuxuu jecel yahay inuu xasuusiyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Tani waxay muhiim u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.”

Midowga Afrika oo si aan la fileyn uga hadlay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda haatan u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhaca bariga Afrika.

Midowga Afrika oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si aan la fileyn uga falceliyay arrintan, gaar ahaan heshiiska muranka dhaliyay ee Somaliland iyo Itoobiya.

Ururka marnaba sooma hadal qaadin xadgudubka loo gaystay Soomaaliya oo ka hortimid heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo qoraalkan ku saxiixnaa ayaa si isku mid ah ula hadlay Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo sheegay inuu is dhow ula socdo xiisadda ka dhalatay heshiiskii kowdii bishaan lagu gaaray magaalada Addis Ababa.

Moussa Faki ayaa labada dal ugu baaqay inay deganaasho muujiyaan, si loo qaboojiyo xiisadda haatan ka dhex aloolsan labada dowladood oo daris ah.

“Guddoomiyaha wuxuu ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada labada dhinacba, si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Sidoo kale wuxuu  ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara in uu xumaado xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labadan dal ee dhaca Bariga Afrika.

Waxaa kale oo uu guddoomiyuhu ka leex-leexday inuu carabka ku dhufto xad-gudubka Itoobiya, isaga oo taas beddalkeeda si wadajir ah labada dal u xasuusiyay in la ixtiraamo madax banaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee guud ahaan wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan dowladaha federaalka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Faki ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka la xiriira dhowrista derisnimada, si sare loogu qaado dhiirogelinta nabadda, ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha waxaa sidoo kale labada dhinacba looga dalbaday inay bilaabaan wada-hadallo deg-deg ah, si xal looga gaaro xiisadda soo cusboonaatay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisaddda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa.

Sawirro: Dibadbax ka dhan ah Itoobiya oo lagu qabtay badda

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Magaalada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa maanta lagu qabtay dibad-bax looga soo horjeedo xadgudubka Itoobiya.

Banaanbaxa oo ka dhacay xeebta dheer ee badda degmadaas ayaa waxaa ka qayb-galay boqolaal dadweyne ah iyo ma’suuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka.

Sidoo kale dibad-baxan ayaa waxaa lagu taageerayay go’aanka dowlada Soomaaliya ee ku aadan heshiiska badda ee ay magaalada Addis Ababa ku gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle oo ay ku jiraan xildhibaano oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in lama taabtaan ay tahay badda Soomaaliya, ayna ka difaaci doonaan cid kasta.

Qaar kamid ah dadweynaha ka hadlay goobta ayaa iyaguna dhankooda sheegay inay diyaar u yihiin difaaca dalka, ayna taageersan yihiin dowlada Soomaaliyeed.

Isku soo baxan ayaa qayb ka ah mid ay dadka Soomaaliyeed ku muujinayaan shucuurtooda kadib xadgudubkii ay Soomaaliya kula kacday dowladda Itoobiya.

Muqdisho ayaa waxaa sidaan oo kale shalay loogu qabtay dibad-bax ay ka qayb-galeen kumanaan kun, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana looga dhiidhiyay heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya ee Addis Ababa.

Xalay ayaa sidoo kale isku soo bax kale oo weyn, ayna ka qayb-galeen Fanaaniin caan ah lagu qabtay Isgoyska Taleex illaa Zoobe, kaas oo looga soo horjeeday damaca Itoobiya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa si weyn uga caroortay heshiiska badda loogu saxiixay Itoobiya, kaas oo xiisad weyn ka dhex abuuray labada dal oo ah kuwa daris ah.

ITOOBIYA oo qoraal kasoo saartay heshiiska Somaliland – Ma xusin ogolaansho aqoonsi

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay qoraal faah-faahsan oo ay ku difaaceyso heshiiska is-afgarad ee ay la gaartay Somaliland, kaasi oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga soo horjeesatay. 

Qoraalka ayaa waxaa ugu muhiimsan in Itoobiya aysan ku qiran inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse taas beddelkeed waxay xustay inay darsi doonto arrintaas.

Qodobka arrintaas ku saabsan ayaa u qoran sidan “Waxa kale oo ka mid ah heshiiska in dawladda Itoobiya xaq u leedahay in ay si qoto dheer u dariisto inay mawqif ka qaadato dedaalka Somaliland ugu jirto aqoonsiga.” 

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Heshiis is-afgarad oo dhammaystiran oo iskaashi iyo isgarab tagni ah oo ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Somaliland

Heshiiska waxaa ku jira dhinacyo badan oo iskaashi oo dhanka bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo ciidamada ah. U xinjirta Afrika ka dib, Somaliland waxay ku sii jirtaa gumaystihii Ingiriiska, waxaanay xorriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii. Waxa kale oo la xusuustaa in dalal badan ay wakhtigaas aqoonsadeen.

Hase yeeshee, isla sannadkaas shan maalmood ka dib, waxay si iskeed ah ugu biirtay Muqdisho oo ka xorowday gumaysigii Talyaaniga. Waxay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991 waxayna ku dhaqmaysay dimuqraadiyad muddo 30 sano ah iyadoo qabatay doorashooyin isdaba joog ah oo nabad ah iyada oo fulinaysay isbedel dawladeed. Waddamo uu dalkeenu ka mid yahay ayaa xafiisyo qunsuliyadeed ka furta Hargeysa. Balse wali ma aysan helin aqoonsi buuxa. lyadoo ay taasi jirto ayaa waxa ay heshiisyo la gashay wadamada qaar oo ay ka mid yihiin adeegyada iyo horumarinta dekedaha.

Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Dekedda Berbera oo locogladey Itoobiya in ay yeelato 19%, ee la saxeexay ayaa caddayn u ah xaqiiqadan. Waxa kale oo la og yahay in waddamo kale ay ku dhaqmaan habkaas oo kale. Markii tani dhacday, ma jirin wax gunuunac ah ama cabasho ah. Heshiiskii iyo habkii ay u saxeexday Itoobiya in ay kirada amaa bixi oo qaado ku hesho adeegga badda ee militariga iyo ganacsiga, asal ahaan waa isku mid.

Waxaa jiray heshiis wada shaqayneed oo soo daahay oo dhex maray dalkeena iyo Somaliland. Dukumeentiga iskaashiga iyo isgarab tagni ah ee hadda jira, kaas oo lagu helay dadaalka labada dhinac si loo sii xoojiyo saaxiibtinimadooda, ayaa ka jawaabaya su’aalaha taariikhiga ah ee labada dhinac, awoodna u leh in la dhiso iskaashi tafatiran, daahfuran oo istiraatiiji ah mustaqbalka fog.

Somaliland ahan, ma jiro waddan jawaab u raadiya su’aalahooda aan laga jawaabin, waxay siin doontaa kaalmo iyo iskaashi aanay ka heli karin waddan kale. Marka laga hadlayo danaha dalkeenna, waxaan siinaa mudnaanta koowaad ee dalalka deriska ah sida si cad loogu sheegay siyaasaddayada (policy) arrimaha dibadda. Sidan ayaan u wadaagnaa dhibaatooyinkooda oo aan ka wada shaqayno sidii aan u xallin lahayn. Inaga oo kobcinayna oo wadaagno kheyraadkeena, waxa ay awood inoo siinaysaa in aan ficil u turjuno aragtideena iyo xamaasaddeenna si aynu u wada korno. Waxa kale oo ay abuurtaa fursad aan si badbaado leh u ilaalin lahayn oo aan ku horumarinayno jiritaankeenna iyo danaha qaranka.

Dalkeenu, taariikhdiisa fog, dhexe iyo tan dhowba, marks lafiiriyo wuxuu ahaa mulkiilaha (albaabka) dekadaha badda. Mawjado kharribaad oo is daba joog ah oo meelo fog iyo dhaw ba ka soo riixay, ayay dekeddaheedii ku wayday. Markii dambe waxay noqotay milkiilaha albaabka (dekadah) badda mar kale. Ugu dambayntii waxa la galay dagaal sokeeye oo socday muddo sodon sannadood ah, laguna taageerayey qalalaase gudaha ah iyo shirqool shisheeye. Markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye, 30-kii sano ee la soo dhaafay waxay ahayd mid aan bad lahayn, taas oo ay ugu wacan tahay khalad laga galay sharciga iyo taariikhda.

Si loo saxo jabkan taariikhiga ah iyo niyad jabka faca, shantii sano ee u danbeysey, dawladdii isbedelku, dagaal kasakow. Mabda’a wax-siinta iyo wax-ka-soo-saarka, waxa uu ku tashanayey oo la talinayey, iskuna dayayey in la balaadhiyo fursadaha la isku halayn karo ee dekedda iyo badda, kuwaas oo ku habboon maqaamka iyo kobaca dalkeenna. Bilowgii sanadkan ayaa isla fikradaas oo ah mowqifka rasmiga ah ee dowladda lagu dhawaaqay in Itoobiyaan iyo beesha caalamka ay ogaadan. Isla mawqifka ay dawladdu ku dhawaaqday, waxa uu aaminsan yahay in aan waddanna dagaal la gelin, isla markaana ay jiraan waxyaabo kale oo dhinac walba ka faa’iidaya. Sidaa darteed, waxaan isku dayeynaa inaan u sharaxno mawqifkayaga dhammaan inta awooda oo diyaar u ah inay dhagaystaan.

Wada-tashi iyo wada-xaajood ayaa Itoobiya iyo Somaliland u socday muddo bilo ah. Heshiis is afgarad ayaa la saxiixay si ay uga faa’iideystaan labada dhinac. Dokumentigani waxa uu siinayaa Itoobiya fursad ay ku kiraysato saldhig badeed joogto ah oo la isku halayn karo iyo adeeg badeed ganacsi oo gacanka Cadmeed.

Sida ku cad mawqifka ay xukuumaddu hore u shaacisay, waxa Somaliland loo ogolaan doonaa inay saami weyn ku yeelato Ethiopian Airlines oo buuxinaayo heshiiska kirada. Waxa kale oo ka mid ah heshiiska in dawladda Itoobiya xaq u leedahay in ay si qoto dheer udariisto Ladonna mawqif ka qaadato dedaalka Somaliland ugu jirto aqoonsiga.

Nimcada gobolkeenu waa mid inagu filan dhamaanteen. Suurtagal maaha in la abuuro berri ka wanaagsan in la diido, balse darxumada dadka oo loo rogay guul darro. Heshiiska ay la gashay Somaliland waxa uu daliil u yahay sida ay dawladdu u aaminsan tahay in Itoobiya ay ku gaadho himilooyinkeeda iyada oo la kaashanaysa dalalka jaarka ah, wax-siinta iyo wax-ku-soo-saarka (give and take), iyo hab nabadeed. Fursadani way u furan tahay dhammaan wayna sii furnaan doontaa. Heshiisku wuxuu abuuray fursad lagu daweyn karo diiqada iyo welwelka da’da weyn ee Itoobiya. Haddaba, waa dhacdo taariikhi ah oo ka farxin doonta dhammaan shacabka Itoobiya. Dhammaan dadka Itoobiya iyo saaxiibada Itoobiya iyo weliba dhammaan xubnaha beesha caalamka ee daneeya nabadda gobolka waa inay ku farxaan.

Ma jiro xisbi ama waddan uu dhaawac ku saameynayo heshiiskan. Sharci jabay iyo iimaan jabay ma jiro. In kasta oo ay xaqiiqadu sidaas tahay, haddana lama odhan karo ma jiri doonto cid ka xumaata, ka naxaysa oo u dhaqaaqi doonta in ay xaaladda burburiso gunaanadkan togan. Haddaba, gaar ahaan Itoobiyaanku waa in ay rumaystaan in marka uu dalkeennu helo meeqaamka ku habboon ee uu ku leeyahay mandaqadda, qaarada iyo caalamkaba, marka uu doorkiisa wax-ku-oolka ah ka soo baxo, dantiisana uu ilaaliyo, in la ina ixtiraamo si wadajir ah. Sababtaas awgeed, dawladda Itoobiya waxay noogu baaqaysaa in aan fursaddan ka faa’iidaysano oo aan ka heshiinno khilaafkeenna in ka badan sidii hore.

Dhacdadani waa mid soo marta nolosha hal mar, ee aynu fursadan uga faa’iidaysano sidii aynu dalkeena u badbaadin lahayn. Aynu ka wada shaqayno sidii aynu Itoobiya dalkeennu u noqon lahayn astaan muujinaysa joogga dalkeenna, si aan taariikhda qarniyo ka dib naloogu eedayn!

Tahsas, 2016 Addis Ababa
Wasaarada adeega xidhiidhka dawlada
በኢፌዴሪ የመንግሥት ኮሙኒኬሽን አገልግሎት
FDRE Government Communication Service

Cabdirisaaq Axmed oo loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta doortay hoggaan cusub, waxayna guddoomiyaha 5-ta sano ee soo socota u doorteen Xildhibaan oo helay 37 cod.

Cabdirisaaq Axmed ayaa soo baxay, kadib markii ay wareegii labaad tanaasuleen musharixiinta la tartami lahaa, taas oo keentay inuu kusoo baxo kursigan.

Sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha KMG ka ah ee Golaha Wakiilada waxaa wareegga koowaad ee doorashadii dhacday ku guulaystay mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo noqonaya guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee Puntland ee 2024 illaa 2029.

Sidoo kale musharixiinta kusoo xigay ayaa waxa ay kala ahaayeen Mursal Maxamuud Cabdi iyo Maxamed Faarax Maxamed Gabyo oo helay min 10 cod kadibna ka tanaasuleen wareegga labaad ee doorashada, sidaasna waxaa kusoo baxay guddoomiyaha cusub.

Xubnaha kale ee tartamay, balse wareega koowaad ku haray waxaa kamid ah guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo helay 8 cod oo keliya.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha waxaa isna loo doortay Mudane Maxamed Baarri Shire, halka labaad uu ku soo baxay Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe).

Arrintan ayaa soo afjareysa hubanti la’aantii iyo walaacii ka taagnaa doorashada Puntland oo ay muddo dheer isku hayeen Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka maamulkaasi.

Doorashada madaxweynaha ayaa ku xigta midda baarlamaanka, taas oo loolan adag loo geli doono, inkastoo weli ay walaac muujinayaan musharixiinta Puntland.

Jawaabta Xasan iyo Xamza ee heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo aad loo saluugay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo Isniintii magaalada Addis Ababa lagu kala saxiixday heshiis 20 KM Itoobiya looga siinayo biyaha Soomaaliya, halkaasi oo ay degayaan ciidanka badda ee Itoobiya oo dhawaan la dhisay, ayaa dhinaca kale waxaa dad badan niyad jab ku riday heerka jawaabta ay bixisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dadka ugu baaqay inay is dajiyaan xilli la sugaayay inay dowladda soo dhaweyso shucuurta kacsan ee dadka ee gaaraysa caalamka, ee muujinaysa fal-celinta adag ee Soomaaliya.

Bayaanka ay soo saartay xukuumadiisuna waxaa ugu muhiimsana in wada-tashi loogu yeeray safiirka Soomaaliya u jooga waddanka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadalkiisa waxaa ugu cuslaa in aanu ka tanaasuleyn taako kamid ah dhulka, badda ama cirka Soomaaliya iyo dhinaca kale in ficilka Itoobiya uu suuq u sameynayo fikirka argagixisada Al-Shabaab.

Dadweynaha aad uma hadal-hayaan jawaabta madaxda Soomaalida, waxaana ugu wacan in aysan badankood u arkin jawaab u qalanta dowlad dalkeeda qeyb kamid ah la bixiyay.

Duullimaadyada diyaaradaha Ethiopia Airlines ayaa shalay caadi u tegay Soomaaliya. Sidoo kale qaadkii ka imaan jiray Itoobiya ayaa loo suuq geeyay inta badan gudaha Soomaaliya.

Ficilkii Isniintii ayaa sidoo kale waxba ka beddelin cilaaqaadka labada dowladood oo wax walba waa caadi xilligaan. Dowladda Soomaaliya ma muujin fal-celin ugu yaraan xataa keeni karta in adduunyada kusoo baxdo buuqa labada waddan oo lasoo dhex-galo.

Dadka ka faallooda siyaasadda gobolka waxay leeyihiin jawaabta hoose ee Muqdisho ka timid ayaa dadajin karta in Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed guda-galaan fulinta heshiiska xilli lagu balamay in 30 cisho gudahood dib la iskugu soo laabto.

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo si adag uga horyimid damacii Abiy Ahmed

0

Qaahira (Caasimada Online) – Baarlamaanka Jamaacadda Carabta oo bayaan culus soo saaray ayaa si kulul uga hadlay heshiiska badda ee ay kowdii bishaan magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdeen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa lagud diiday damaca ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee ku aadan badda Soomaaliya, kaas oo dhalisay xiisad xoogan.

Baarlamaanka ayaa ku baaqay in la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale la ixtiraamayo daris wanaagga.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay dowladda Itoobiya inay inay dhowrto shuruucda caalamiga ah, kuna dhaqanto wada nooshaha daris wanaagga,

”Baarlamaanka Jaamacadda Carabta waxa uu si cad uga soo horjeedaa in lagu xadgudbo Qaranimada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana Itoobiya ugu baaqaynaa in ay ilaaliso xeerarka caalamka kuna dhaqanto wada noolaashaha daris wanaagga, iyo ilaalinta qaranimadooda, waana in aanay faraha la galin arrimaha gudaha dalalka dariska la ah si gobolka xasiloonidiisa iyo amnigiisa loo xaqiijiyo” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale wuxuu bayaanka intaasi kusii daray in madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid aan gorgortan laga gali karin, ayna qayb tahay amniga Qaranka Carabta.

Wuxuu sidoo kale Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ballan-qaaday inuu garab istaagayo dowladda Soomaaliya, si looga hortego damaca ay baddeeda ku rabto Itoobiya.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Fal-celinta tallaabada culus ee Golaha Wadatashiga Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabada ay qaadeen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka oo habeen hore shir deg-deg ah oo aaladda Zoom-ka ah yeeshay, kadinb heshiiskii badda ee ay Addis Ababa ku gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay goobjoog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Ugu horreyn golaha ayaa kasoo horjeestay heshiiska dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna caddeeyay inuu xadgudub ku yahay Soomaaliya, maadaama qayb kamid ah baddeeda ka siiyay dowladda Itoobiya.

Golaha ayaa sidoo kale taageeray qaraarka xukuumadda Soomaaliya iyo xeerka baarlamaanka ee ku aadan heshiiskaas ee soo baxay.

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan reer Somaliland ugu baaqay inay midoobaan, kana soo horjeestaan heshiiska Addis Ababa.

Waxaa kale oo uu goluhu farriin u diray QM, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD, EAC iyo saaxiibbada kale ee caalamka waxayna ka dalbadeen inay garab istaagaan xaqa Soomaaliya ee ilaalinta gobanimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada culus ee Golaha Wadatashiga Qaranka?

Axmed Naaji Cabdalle ayaa yiri “Tilaabo kale oo bogaadin mudan, madaxwayne garabkaaga ayaan nahay difaaca qaranka sii wad”.

Muuse Cartan ayaa ku jawaabay “Madaxweyne macaaga ayaan nahay, madax banaanida qaranimada Soomaaliya waa lama taabtaan.”.

Mahad Cabdulle ayaa isaguna falcelintiisa ku yiri “Villa Somalia qodobada aad ku meyreysaneysaan naga daayee, go’aan aan baaq nabadeed ahayn oo ku dhisan diblomaasiyad luqad adag ku qoran soo saara fulintana ku dara”.

Caa’isha Gabeyre oo kamid gabdhaha isticmaala baraha bulshada ee ka falceliyay arrintan ayaa tiri “Shaqo wacan mudane madaxweyne”.

Zakariye Cali Dayib ayaa isna u mahadceliyay madaxweynaha wuxuuna yiri “Madaxweyne waan kuugu amaanaa xilka gaarka ah ee aad iska saartay arintaan xasaasiga ah“.

Liibaan Cabdulqaadir wuxuu yiri “Soomaaliya gacan aamin ah ayay ku jirtaa. Guulaysta ayaa leenahay madaxdeena uu hormuudka u yahay Dr madaxweyne Xasan Sheekh”.

Somaliland shuruud adag Itoobiya uga xirtay dhaqan-galka heshiiskii ay la gashay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay hal shuruud Itoobiya uga xirtay inay saxiixdo heshiiska.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in Somaliland aysan heshiiskaas si rasmi ah u saxiixi doonin ilaa kaga dhawaaqdo in Somaliland ay u aqoonsatay Jamhuuriyad madax-banaan.

“Heshiiska rasmiga ah Somaliland ma saxiixi doonto ilaa Itoobiya ay ka aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland, wax Soomaaliya ka quseeyana malahan heshiiskaas, weligeedba Soomaaliya waa ka xumeed hormarka Somaliland,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Itoobiya.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay Itoobiya ka kireynayaan 20 KM kaliya, isla markaana uusan jirin dhul ay si bilaash ah ku bixineyso Somaliland.

“Wax kasta Itoobiya waxay uga xiran yihiin inay na ictiraafto, sidoo kale weli lama cayimin dhulka la siinayo Itoobiya hadda kadib ayaa laga shirayaa oo go’aan laga gaarayaa,” ayuu yiri wasiir Keyd.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland wuxuu sheegay in Itoobiya ay ku kalsoon yihiin oo wax kasta ay u dhici doonaan sidii loo qorsheeyey.

Wasiirka waxaa la weydiiyey waxa ay Somaliland ka yeeleyso dacwadaha iyo dalalka iyo ururrada caalamiga ah u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ayaguna ay qoraalo u dirayaan caalamka.

“Dunida waxaan u sheegeynaa in aanu nahay dal madax-banaan, xaqna aan u leenahay inaan ka tashano masiirkeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Keyd.

Sawirro: Ciidamo Macawiisley ah oo deegaanka Caad kala wareegay Al-Shabaab

0

Caad (Caasimada Online) – Ciidamada Macawisleyda ee ka dagaalamaya koonfurta gobolka Mudug ayaa galabta gudaha u galay magaalada Istaraatiijiga ah ee Caad.

Magaalada Caad oo dhacda koofurta gobolka Mudug, ayaa mid ah goobihii ugu dambeeyey ee Shabaab ay ka joogeen gobolkaas.

Howlgalka galabta lagu xoreeyey Caad waxaa horkacayay Guddoomiye ku xigeenada degmada Xarardheere iyo guddoomiyaha deegaanka Ceelhuur,  masuuliyiin kale iyo saraakiil deegaanka ah.

Sida ay masuuliyiintaasi u sheegeen Caasimada Online, waxaa gebi ahaanba Caad iyo nawaaxigeeda iskaga carartay kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug oo dhowr toddobaad ku sugnaa hareeraha deegaanka Caad ayaan weli gudaha u gelin magaaladaas, waxaana galay ciidamada deegaanka oo kaliya.

Wax dagaal ah galabta kama dhicin magaalada Caad, waxaana si nabad ah u galay ciidamada deegaanka, halka kooxdii joogtay ee A-Shabaab ay isaga baxday.

Sidoo kale magaalada Caad waxaa naloo sheegay in dadkii deganaa aysan ka xaqin oo sidoodii ay u degan yihiin magaalada,waxayna dadku soo dhaweeyeen ciidamada u yimid.

Sawirro laga soo qaaday goobaha muhiimka ah ee magaalada Caad ayaa muujinaya burbur iyo duruuf aan caadi aheyn oo ka jirta magaaladaas oo abid ay Shabaab heysteen.

Beri ayaa lagu wadaa in ciidamada xoogga dalka ay gudaha u galaan magaalada Caad, waxaana lagu wadaa in saraakiishu ay warbaahinta la hadlaan oo shaaciyaan qorshaha xiga xoreynta magaaladaan muhiimka ah ee Caad.

Sawirro: Isku soo bax-dadweyne oo ka dhan ah Itoobiya oo caawa ka socda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa caawa ka socda isku soo baxyo dadweyne oo gil-gilay caasimadda iyo bandhig faneed ay qabanayaan fanaaniin waaweyn oo dadka guubaabinaya.

Isku soo baxa caawa ka socda Muqdisho waxaa looga soo hor jeeda damaca guracan ee dowladda Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, waxayna dadku tuban yihiin, isgoysyada Taleex, KM4 ilaa Soobe.

Farxiyo Kabayare iyo fanaaniin kale ayaa caawa bartamaha magaalada Muqdisho ku qabanaya bandhig faneed weyn oo lagu guubaabinayo dadka, loogana soo hor-jeedi damaca Itoobiya.

Ciidamada ammaanka ayaa sugaya amniga dadweynaha caawa isugu soo baxay bartamaha Muqdisho, waxaana aad u kacsan dareenka dadweyne ee ka dhashay heshiiskii ay Somaliland la gashay Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintaan shalay ka istaagtay mowqif adag, waxay u yeeratay safiirkii ka joogay Addis Ababa, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbad qaran ka hor jeediyey baarlamaanka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shalay soo bilowday xiriiro caalami ah, si ay taageero ugu hesho mowqifkeeda ku aadan diidmada damaca Itoobiya, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xiriiray madaxda dalal badan.

Sidoo kale ururrada Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ayaa si cad u garab istaagay dowladda Soomaaliya, iyagoo Itoobiya uga digay damaca ay ku waadineyso badda Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ka xumaatay, raali-gelin deg deg ahna ka dalbatay Agaasimaha guud ee urur goboleedka IGAD, kadib markii uu soo saaray qoraal uu labada dal ugu baaqayo inay xaaladda qaboojiyaan, isagoo aan soo hadal qaadin heshiiska ay ka carootay Soomaaliya ee Itoobiya loogu saxiixay badda.

Somaliland oo farriin yaab leh u dirtay caalamka kadib go’aankii DF ee heshiiska

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta beesha caalamka u dirtay farriin ay ku sheegayso in ay xor u tahay galista heshiis lamid ah kii Isniintii, ee Muuse Biixi uu Itoobiya u saxiixay qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Somaliland ayaa sidoo kale waxay ugu baaqday caalamka in ay u aqoonsadaan dal ka madax-banaan Soomaaliya, “Waxaa dowladaha caalamka ugu baaqaynaa in ay ku dhiirradaan oo ay sqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland, si la mid ah sida ay yeeshay Jamhuuriyadda Federal-ka Ethiopia.”

Bayaankan oo kasoo baxay Golaha Wasiirada Somaliland aya sidoo kale waxa lagu yiri “Aqoonsiga caalamiga ah ee ay Somaliland ka heshay Itoobiya waxa uu golaha wasiirradu u arkaa inay guud ahaan Afrika iyo geeska Afrika ba ay ugu jirto dan weyn mid istaraatiijiyadeed iyo mid nabadgelyoba.”

Farriinta ay caalamka u dirtay Somaliland ayaa waxa kale oo si weyn loogu eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay jabisay heshiisyadii hore u gaareen labada dhinac, oo ugu dambeeyo kii Jabuuti.

“Golaha Wasiirada Somaliland waxay bulshada caalamka u cadaynayaan in dhawaaqyada ka imanaya Soomaaliya uu ka soo hor jeedo dhammaan heshiisyadii ay hore u gaadheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya ee la xidhiidhay Wada-hadaladii kala ahaa: Ankara April 2012 illaa Jabuuti December 2023. Kuwaas oo dhammaantood dhigayey in aan la carqaladayn heshiisyada, maalgashiga, horumarka dhaqaale iyo deeqaha caalamiga ah.”

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.

Si kastaba, Somaliland ayaa weli ku adkeysanaysa jiritaanka heshiiskii Isniintii ay Addis Ababa ku gaaren madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, xilli ay burisay dowladda federaalka, uuna baarlamaanka soo saaray xeer waxba kama jiraan ka dhigaya heshiiskaasi.

Masar oo garab istaag weyn u muujisay SOOMAALIYA

0

Qaahira (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa maanta bayaan ay soo saartay waxay garab istaag weyn ugu muujisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Masar waxay ka soo horjeedaa tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Masar.

Sidoo kale waxay tilmaamtay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo kaliya ay xaq u leeyihiin inay ka faa’iidaystaan kheyraadkooda.

Jamhuuriyadda Masar ayaa aad uga mahad-celisay bayaannada ay soo saareen dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba, kuwaasi oo dhinac uga soo horjeestay tallaabooyinka lidka ku ah xasilloonida Geeska Afrika, siina xoojinaya xiisadda u dhexeysa dalalka gobolka.

Masar ayaa sidoo kale adkaysay baahida loo qabo in la ixtiraamo shuruucda u degsan Midowga Afrika, oo ay ku jiraan difaaca madax-bannaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah iyo mabaadi’da Midowga oo qeexaya in la ixtiraamo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah.

Bayaanka Masar ayaa imanaya kadib markii uu xalay khadka telefoonka uu kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, dhiggiisa Cabdifataax Al-Siisi.

Madaxweyne Xasan iyo Al-Siisi ayaa ku ballamay inay adkeeyaan iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo loo midoobayo caqabadaha gobolka.

Dowladda Masar ayaa hadda u muuqata inay heshay garabka Soomaaliya, maadaama ay labada dal noqdeen isku cadow, kaasi oo ah dowladda Itoobiya. Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya biyo xireenka wabiga Nile, ayaga oo ku sigtay inay xaaladoodu gaarto gacan ka hadal.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hadda dadaal xooggan ugu jirta sidii ay taageero caalami ah ugu heli laheyd difaaca dhulkeeda, kadib markii ay shalay burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Ahmed.

Shir xasaasi ah oo u socda DF iyo beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa hadda Muqdisho uga socda shir deg deg ah, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay damaca Itoobiya.

Shirkaan oo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay isugu yeertay Danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa waxay uga warbixisay xaaladda go’aanka Soomaaliya ee ku wajahan xad-gudubka Itoobiya ee madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sii-hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cali Balcad ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyay in ay danjireyaasha caalamka ay gaarsiisay go’aanka dowladda ee ku aadan tallaabada xad-gudubka ah ee ay qaadday xukuumadda Addis Ababa.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah dadaallo diblomaasiyadeed oo ay bilowday dowladda federaalka Soomaaliya, si ay garab ugu hesho dagaalka ka dhanka ah damacii Itoobiya ee helitaanka Bad.

Dadaaladda dowladda ay ku xoojineyso difaaca danaha Qaran iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyadaas diblomaasiyadeed laga dareemay gobolka iyo caalamka, gaar ahaan dalalka saaxibada la ah Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Masar iyo Amiirka Qatar, waxaana maanta la filayaa inuu madax kale oo dalalka daneeya Soomaaliya la hadlo, si uu taageero diblomaasiyadeed iyo garab istaag uga helo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-siisi ayaa ku ballamay inay adkeeyaan iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo loo midoobayo caqabadaha gobolka.

Dowladda Masar ayaa hadda u muuqata inay heshay garabka Soomaaliya, maadaama ay labada dal noqdeen isku cadow, kaasi oo ah dowladda Itoobiya. Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya biyo xireenka wabiga Nile, ayaga oo ku sigtay inay xaaladoodu gaarto gacan ka hadal.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale hadda u muuqata mid taageero caalami ah u raadsaneysa difaaca dhulkeeda, kadib markii ay shalay burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Ahmed.

IGAD oo war lagu qoslo kasoo saartay heshiiska BADDA ee Somaliland iyo Itoobiya

Jabuuti (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa war-saxaafadeed lagu qoslo kasoo saaray xadgudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-banaanida Soomaaliya kadib heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay maamulka Somaliland.

Bayaanka kasoo baxay xoghayaha guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaan gebi ahaanba lagu soo qaadin heshiiska, waxaana taa beddelkeeda loo dhigay in khilaaf uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya. 

Bayaanka ayaa lagu yiri “Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee la xiriira Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. IGAD waxay si taxaddar leh ula socotaa xaaladda, waxayna aqoonsan tahay saamaynta ay ku yeelan karto xasilloonida gobolka.”

“Ayada oo la eegayo duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu usoo jeedinayaa madaxda IGAD in is-xakameeyaan, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda loogu heli lahaa xal nabadeed oo saaxiibtinimo, lana ilaaliyo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD.”

“IGAD waxaa weli si xooggan uga go’an horumarinta nabadda, xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka gobolka.”

Waxaa xusid mudan in madaxa IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu uu yahay nin Itoobiyaan ah. Wuxuu horey usoo qabtay xilal kala duwan oo uu ugu weyn yahay xilka wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, oo uu hayey 2016 illaa 2019.

Sidaa darteed, la-yaab ma lahan bayaanka lagu qoslo ee uu kasoo saaray gardaradda iyo xadgudubka uu dalkiisa ku sameeyey Soomaaliya.

War-saxaafadeedka IGAD ayaa sidoo kale mar kale xusuusin u ah in IGAD uu yahay urur ay maamusho, oo ka shaqeeya danaha Itoobiya, oo inta kale ay magac u yaal ka yihiin.