26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Daawo: MUUSE BIIXI oo ka degay Jigjiga + Qorshaha

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Waxaa madaarka diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ku soo dhaweeyey wafdiga Muuse Biixi, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar oo ay wehlinayaan madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo madaxda kala duwan ee dawlad deegaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inuu safar dhinaca dhulka ah ku galo Hargeysa, halkaasi oo ay ka socoto qaban-qaabada soo dhoweyntiisa.

Biixi ayaa heshiis is-afgarad magaalada Addis Ababa kula soo saxeexday ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, kaasi oo uu Itoobiya ugu saxiixay dhul badeed dhan 20 KM, si ay saldhig uga dhigtaan Ciidanka Badda Itoobiya.

Heshiiskan ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay Baarlamaanka, ayaa sheegay in aysan jirin cid awood u leh in Soomaaliya cad kamid ah ay bixiso, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiskaasi.

“Cid awood u leh in Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso awoowayaasheena iyo aabayaashheena ayaa diiday anaga inta aan nooleyn ayaan diiday, waxa ka dhacay Addis Ababa 1 Janaayo 2024 sinaba dhaqan gal kuma noqon karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Soomaali Soomaali baa leh waana u dhimaneynaa waana difaaceynaa.”

Si kastaba, Xiriirka labada dal ayaa tobanaankii sano ee la soo dhaafay ahaa mid aad u xoogganaa, waxayna Itoobiya saaxiib dhow la aheyd xukuumaddihii dalka isaga kala dambeeyay tan iyo sanadkii 2004-tii.

Hoos ka daawo muuqaalka

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo diblomaasiyadeed culus kadib damacii Abiy

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday dadaallo diblomaasiyadeed oo ay garab ugu helayso dagaalka ka dhanka ah damacii Itoobiya ee helitaanka Bad.

Dadaaladda dowladda ay ku xoojineyso difaaca danaha Qaran iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyadaas diblomaasiyadeed laga dareemay gobolka iyo caalamka, gaar ahaan dalalka saaxibada la ah Soomaaliya.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad ayaa xalay kula kulmay Nairobi Madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto.

Wasiir Cali Balcad ayaa waxaa uu Ruto kala hadlay arrimaha Geeska Afrika ku soo kordhay iyo xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhex aloosan.

Madaxweynaha Kenya ayaa kulankaasi ku adkeeyay muhiimadda madax-bannaanida iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo axdiyada caalamka u degsan.

Sidoo kale waxaa maanta la filayaa in Waaaaradda Arrimaha Dibadda iyo La-taliyeyaasha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarzha la kulmaan safiirada dalalka caalamka u joogo Soomaaliya.

Masuuliyiintan ayaa wakiilada caalamka la wadaagi doona warbixint xaalada ku soo korortay gobolka iyo dadaalka dowladda ugu jirto difaaca Midnimafa dhuleed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Masar iyo Amiirka Qatar, waxaana maanta la filayaa inuu madax kale oo dalalka daneeya Soomaaliya la hadlo, si uu taageero diblomaasiyadeed iyo garab istaag uga helo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-siisi ayaa ku ballamay inay adkeeyaan iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo loo midoobayo caqabadaha gobolka.

Dowladda Masar ayaa hadda u muuqata inay heshay garabka Soomaaliya, maadaama ay labada dal noqdeen isku cadow, kaasi oo ah dowladda Itoobiya. Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya biyo xireenka wabiga Nile, ayaga oo ku sigtay inay xaaladoodu gaarto gacan ka hadal.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid taageero caalami ah u raadsaneysa difaaca dhulkeeda, kadib markii ay shalay burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Ahmed.

Kadib heshiiskii Ethiopia MUUSE BIIXI oo qaaday tallaabo cusub + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo weli ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa qaaday tallaabo culus kadib heshiiskii uu magaaladaas kula saxiixday dowladda federaalka Itoobiya ee ku saabsanaa badda.

Madaxweyne Biixi iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kormeer ku tegay safaaradda ay Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalada Addis Ababa.

Biixi waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Amb. Cumar Cabdilaahi Badde iyo safiir ku xigeenkiisaBarkhad Maxamed Kaariye oo hormuud u ahaa hawl-wadeenada iyo diblumaasiyiinta ka hawl-gala afaaradda.

Hadal kooban oo safaaradda ka dhex jeediyay madaxweynuhu wuxuu u mahadcelinayay howlwadeennada, wuxuuna sheegayi inay mas’uuliyiin Ummadda reer Somaliland.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay Baarlamaanka, isagoo si kulul uga hadlay heshiiskaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aysan jirin cid awood u leh in Soomaaliya cad kamid ah ay bixiso, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska shalay lagu gaaray Addis Ababa.

“Cid awood u leh in Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso awoowayaasheena iyo aabayaashheena ayaa diiday anaga inta aan nooleyn ayaan diiday, waxa ka dhacay Addis Ababa 1 Janaayo 2024 sinaba dhaqan gal kuma noqon karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu Abiy Axmed uga digay heshiiska uu la galay madaxweyne Muuse Biixi, “Federaal ha joogo ama maamul goboleed ha joogo qof taako ka mid ah Soomaaliya idin siin karo ma jiro, ee haku kadsoomina.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Soomaali Soomaali baa leh waana u dhimaneynaa waana difaaceynaa.”

Xiriirka labada dal ayaa tobanaankii sano ee la soo dhaafay ahaa mid aad u xoogganaa, waxayna Itoobiya saaxiib dhow la aheyd xukuumaddihii dalka isaga kala dambeeyay tan iyo sanadkii 2004-tii.

Itoobiya oo ku dhowaaqday in ay aqoonsanayso Somaliland

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhowaaqday go’aan kale oo sii hurinaya xiisadda haatan ka dhalatay heshiiska badda ee ay kowdii bishaan magaalada Addis Ababa kula gashay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi, kaas oo ay si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Mesganu Arga ayaa xaqiijiyay warka ku aadan aqoonsiga Somaliland, kadib heshiiskii ay madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed kula galeen Addis Ababa.

Mesganu Arga ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay Somaliland siinayso aqoonsi buuxa, islamarkaana uu  kamid yahay qodobada heshiiska ay wada galeen labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabada koowaad ee Itoobiya qaadeyso kadib heshiiska uu noqonayo aqoonsiga, sida uu hadalka u dhigay.

“Tallaabada koowaad ee ay qaadeyso Ethiopia waa aqoonsiga Somaliland, si ay u hesho bad ay isticmaasho,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, sida lagu baahiyay bogga BBC News Ahmaric.

Hadalkan kasoo yeeray Itoobiya ayaa waxa uu sii xoojinayaa midkii Muuse Biixi Cabdi oo horay u sheegay in badda ay siiyeen Itoobiya ay ku bedasheen aqoonsiga Somaliland.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shalay soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.

Midowga Yuurb oo taageero buuxda u muujiyey Somalia kadib damacii Abiy Ahmed

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa taageero buuxda u muujiyey madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya kadib Is-afgaradkii ay Addis Ababa ku saxiixdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

“1-dii Janaayo, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biihi ayaa saxiixday is-afgarad Itoobiya u damaanad qaadaya inay marin u hesho Badda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha dibedda Midowga Yurub.

“Midowga Yurub wuxuu jecel yahay inuu xasuusiyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Tani waxay muhiim u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.”

Qoraalka Midowga Yurub ayaa dhabar-jab weyn ku ah damaca waaliada ah ee Abiy Ahmed, oo rumeysan in heshiis beenaad uu la galo Muuse Biixi uu ku boobi karo badda Soomaaliya.

Qoraalka Midowga Yurub ayaa laga dareemi karaa muhiimadda ay leedahay in gobolka laga ilaaliyo xasillooni darro kale, xilli Badda Cas ay mar horeba ka taagneyd xiisad xooggan oo ka dhalatay dagaalka Gaza, ayadoo Xuutiyiinta ay weeraro dhowr ah la beegsadeen maraakiibta ganacsi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la hadlay labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in tallaabada Itoobiya ay qaaday ay tahay “nasiibdarro.”

“Cid awood u leh dhulka Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dhulka ay iska leeyihiin jiilka soo socda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in is-afgaradka looga dhowaaqay Addis Ababa uusan “sina dhaqangal u noqon doonin.”

Waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay fursad u siinayso al-Shabaab inay qorato dad cusub, xilli dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto dagaalka Al-Shabaab, guulana ka gaartay.

“Jihada aad 1-da Jannaayo u jeesateen kasoo jeesta, waddo idinka ma jirto meeshaas,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo farriin u dirayey Itoobiya.

Somaliland ayaa sheegtay in Somaliland ay Itoobiya ka kiranayso marin-badeed 20km ah muddo 50 sano ah, taas beddelkeedana ay Itoobiya rasmi ahaan u aqoonsanayso Somaliland.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa is-afgaradkaas, oo heshiiskiisa ay ku ballameen inay saxiixi doonaan, ku tilmaamay inuu yahay mid “taariikhi ah.” 

Shan qodob oo culus oo laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa xalay shir deg-deg ah ka yeeshay heshiiskii badda ee lagu saxiixay Addis Ababa, kaas oo dhex-maray madaxweymaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ku qabsoomay aaladda Zoom-ka, waxaana guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay goobjoog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Inta uu socday shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyay heshiiskii Addis Ababa, waxayna madaxdu kasoo saareen illaa 5 qodob, sida lagu caddeeyay war-murtiyeedka.

Ugu horreyn goluhu wuxuu kasoo horjeestay heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna caddeeyay inuu xadgudub ku yahay Soomaaliya, maadaama qayb kamid ah baddeeda ka siiyay dowladda Itoobiya.

Golaha ayaa sidoo kale taageeray qaraarka xukuumadda Soomaaliya iyo xeerka baarlamaanka ee ku aadan heshiiskaas ee shalay soo baxay.

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan reer Somaliland ugu baaqay inay midoobaan, kana soo horjeestaan heshiiska Addis Ababa.

Ugu dambeyn xubnaha golaha ayaa farriin culus u diray Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD, EAC iyo saaxiibbada kale ee caalamka waxayna ka dalbadeen inay garab istaagaan xaqa Soomaaliya ee ilaalinta gobanimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Hoose ka akhriso qodobada:

1.Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu si cad uga soo horjeedaa xadgudubka Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

2.Goluhu wuxuu si buuxda u ayidayaa mowqifka iyo qaraarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay arrinkan ka qaadatey iyo xeerka uu soo saarey BFS ee Burinta waxa lagu tilmaamay Is-Af-garad dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Itoobiya.

3.Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee ku aaddan ilaalinta, dhowrista gobnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo dadeed ee dalkeena.

4.Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan (dal iyo dibadba) oo ay ugu horreeyaan dadka reer Soomaaliland in ay u midoobaan dhowrista gobnimada, madaxbannaanida iyo midnimada qaranimada Soomaaliyeed
.
5.Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD, EAC iyo saaxiibbada kale ee caalamka inay garab istaagaan xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobnimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

DHAMAAD.

Tallaabooyinka sharci ee ay Soomaaliya qaadi karto kadib heshiiskii Addis-Ababa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo BAD ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.

Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo.  

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay la hadlay labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in tallaabada Itoobiya ay qaaday ay tahay “nasiibdarro.” 

“Cid awood u leh dhulka Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dhulka ay iska leeyihiin jiilka soo socda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in is-afgaradka looga dhowaaqay Addis Ababa uusan “sina dhaqangal u noqon doonin.” 

Haddaba maxay yihiin tallaabooyinka sharci ee hadda dawladda Soomaaliya u furan?

Sharci yaqanada ka faallooda sharciga caalamiga ah ayaa qaba in Dowladda Soomaaliya ay u furan tahay inay sameeyso saddex arrin. 

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegatay in ay qaadi doonto tallaabooyin dheerad ah oo la xiriira heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

“Tallaabooyinka ay qaadi karto Soomaaliya ee u furan ayaa waxa ka mid ah in ay ka codsato golaha amamanka, golaha Midowga Afrika, IGAD iyo jaamacadda Carabta, inay Itoobiya ku cadaadinayaan inay kusoo laabato xayndaabka sharuucda caalamiga ah oo la arko in ay halis ku tahay nabad gobolka iyo xeerarka caalamiga ah,” ayuu yiri Axmed Cali Kheyre .

“Dawladda Soomaaliya waxa kale oo u furan in kiiska ay gayso maxkamada caalamiga ah ee Cadaalada si la mid ah heshiiskii isfahamka ahaa ee dhax maray kenya Soomaaliya balse markii dambe ay Soomaaliya gaysay maxkamada caalamiga ah ee Cadaalada Adduunka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Axmed Cali Khayre waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sidoo kale qaadi karto taallabooyin kale oo ay ka mid yihiin “in dalka ay ka saarto ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ku meel gaarka ah ee ATMIS”.

“Sharciga caalamiga ah waxa uu qaba in hadii dal lagu soo xadgubo uu isdifaaco marka waa qodob kale oo u furan dowladda Soomaaliya,” ayuu yir Axmed Cali khayre.

Dowladda Itoobiya ayaa horey heshiis ula gashay Soomaaliya sanadkii 2018-kii waxan heshiiskaas oo ka kooban ilaa 7 Qodob oo ka mid ahaa in Itoobiya ay maalgashato illaa 4 dekedood oo ka mid ah kuwa Soomaaliya .

Daawo: Mahdi Guuleed oo farriin u diray reer Somaliland, kadib heshiiskii Addis Ababa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, ahna haatan xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka falceliyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Mahdi Guuleed ayaa ugu horreyntii caddeeyay mowqifkiisa, wuxuuna sheegay inuu kasoo horjeedo heshiiskaas oo qayb kamid ah badda Soomaaliya loogu saxiixay Itoobiya.

“Soomaalidu waxa ay tiraahdaa Berbera wax go’ lagu qaado waa ka weyn tahay badda Soomaalidu iyo dhulka Soomaaliyeed wax Muuse Biixi inuu degta ku rito oo uu iib geeyo waa ay ka weyn tahay” ayuu yiri Xildhibaan Mahdi Guuleed oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale wuxuu eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo isagu saxiixay heshiiskaas, wuxuuna tilmaamay in dhib u horeesadayo Soomaalidu.

“Habar Jeclo Muuse waa kaa, Soomaaliyey Muuse waa kaa waa aragtaan nala arka horay ayaan u sheegnay marar badan halka uu dadkaas ku wado” ayuu mar kale yiri Mahdi.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Somaliland iyo baarlamaanka maamulkaasi oo ugu baaqay inay ka horyimaadaan heshiiskaasi.

“Waxaan baaq u dirayaa shacabka Somaliland ee gobta ah, waxaan baaq u dirayaa baarlamaanka Somaliland labadiisa Aqal, waxaan baaq u dirayaa xisbiyada iyo ururada siyaasadda, culima-u-diinka, bulshada rayidka iyo qof kasta oo Somalilander ah inuu ka dhiidhiyo is-afgarad ku sheegaas baadilka ku dhisan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday arrinta aqoonsiga Somaliland, maadaama la sheegay in Muuse Biixi uu heshiiskaas ku bedashay aqoonsi ay siiyo Itoobiya.

“Muuse dadka waxa uu ka iibinayaa aqoonsi, waad ogtihiin aqoonsiga qawaaniinta caalamiga ah waa taqaanaa marka Itoobiya ku aqoonsatay ma ah wax uu dadka ka iibin karo waqtigiisa wuu dhammaaday” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Gabagabadii waxa uu yiri “Ugu dambeyn waxaan u tacsiyeynayaa shacabweynaha Soomaaliyeed dhammaantood, waxaan u tacsiyeynayaa reer Somaliland, waxaan u tacsiyadeynayaa madaxweynaha Jabuuti iyo shacbiga reer Jabuuti oo iyagana saameyn iyo tabasho dadban uu ku yeelanayo”.

Daawo: Dibad-baxyo ka billowday Muqdisho kadib heshiiskii S/land iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda dibadbax ballaaran oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, kaas oo looga horjeedo heshiiska badda ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Boqolaal dadweyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka ayaa ka qayb-galay dibadbaxa, kuwaas oo isugu tegay fagaaraha Daljirka Daahsoon iyo garoonka Koonis.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka, kuwaas oo ay qayb ka yihiin xildhibaanno iyo wasiirro.

Dibad-baxaan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ayaa waxaa lagu muujinayaa, sida ay shacabka Muqdisho uga xun yihiin heshiiska lagu gaaray magaalada Addis Ababa.

Yuusuf Madaale oo ka hadlayay dibad-baxan iyo ujeedkiisa waxa uu sheegay inuu jawaab u yahay tallaabadii aan habooneyn ee ay qaadeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

“Waxaan halkan farriin uga gudbinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Soomaaliya ee Muqdisho aniga oo ah guddoomiyihii gobolka Banaadir farriintaan aan gudbinaayo waxa ay tahay inaan ka jawaabno tallaabadii aan ku habooneyn dalka iyo dadka Soomaaliyeedba ee shalay ay ku dhawaaqeen Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya arrinkaas oo ah in baddii Soomaaliya uu heshiis kula galay Itoobiya” ayuu yiri.

Sidoo kale Duqa Muqdisho wuxuu intaasi ku daray in heshiiskan uu xadgudub ku yahay Soomaaliya, isaga oo sheegay in MuuseBiixi uu ka faa’iideysanayo muddo xileedkiisa dhammaadka ah.

“Ma’aha arrin u qalma Soomaaliya sida aan la socono Muuse Biixi xilligiisii waa dhammaaday waxa ay ahayd inuu doorasho ka shaqeeyo dalka ayuu qaybiyay sida aan la socono, waatii dagaallo sokeey ay ka dhaceen deegaanada Somaliland” ayuu mar kale yiri.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Si kastaba, Heshiiska ay Addis Ababa ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Somalia.

Ninkii dilay Khadiijo Siyaad Maxamed oo lasoo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay degmada Hodan ayaa gacanta ku soo dhigay nin hubeysan oo dil ka geystay gudaha degmadaasi, kaas oo isku dayay inuu baxsado balse toogasho lagu dhaawacay.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Ibraahim Aadan Maadey ayaa waxaa loo haystaa inuu dilay Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed oo ka tirsaneyd shaqaalaha nadaafadda ee degmada Hodan.

Qoraal kasoo baxay Booliska oo lagu faah-faahiyahy dhacdadan ayaa waxaa lagu yiri “Ciidanka Saldhiga Boliiska Degmada Hodon, ayaa galabta 02.Jan.2024 abaare 17:40 PM, gacanta ku dhigay qof rag ah oo ku eedeysan inuu dilay Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed ina hooyo Saliimo Cumar Cismaan 43 jir ah, kana mid aheyd shaqaalaha Nadaafada ee Degmada Hodon”.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Eedeysane Ibraahim Aadan Maadeey ina hooyo Nuurto Cabdi Cabdulle 19 jir ah ku dhashay Shabeellaha Hoose degan Ceelasha Biyaha, ayaa ciidanku gacanta ku dhigeen, xiligii uu dilka geystay, wuxuu isku dayay inuu Ciidanka iska difaac, Balse waxaa suurta gashay in la qabto isaga oo dhaawac ah iyo hubkii uu falka ku geystay”.

Booliska Soomaaliyeed ayaa intaasi kusii daray in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn maxkamad, si uu cadaallada u maro.

“Eedeysanaha oo dhaawac ah ayey Ciidanku gacanta ku hayaan, waxaana la waafajin doonaa Garsoorka awooda u leh si uu cadaalad u maro” ayaa mar kale lagu yiri warka.

Ma’aha ninkii ugu horreeyay oo dil ka gaystay caasimada oo ay gacanta kusoo dhigaan laamaha amniga, waxaana jiray kiisas hore oo sidan oo kale loogu guulaystay.

Muddooyinii u dambeeyay waxaa daganayd xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, waxaana howlgallo joogta ah ka waday Booliska, Nabad-Sugidda iyo ciidanka Xasilinta.

Naadiya Maxamed oo loo dhaariyay duqa St. Louis Park

0

St. Louis Park(Caasimada Online) – Naadiya Maxamed ayaa loo dhaariyay duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota, kadib xaflad ka dhacday xarunta magaaladaasi, taasi oo ay kasoo qeyb-galeen boqollaal ka tirsan Soomaalida gobokaasi oo ay ku jireen xubnaha la doorto.

Naadiya Maxamed oo 27-jir ah ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah.

Waxay doorashadeeda kahor aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda duqa magaaladaas.

Duqii hore ee magaalada St. Loius Park, Jake Spano oo shir-guddoominayay kulankiisii ugu dambeeyey ee golaha deegaanka magaaladaas ayaa sheegay inuu ku faraxsanayay isbedelka ka dhashay doorashadii bishii Novermber ee sannadkii hore.

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay hoggaanka cusub ee magaalada St. Loius Park.

Muqdisho oo isla ruxmeysa maanta – Maxaa ka dhacaya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta la la filayaa inuu ka dhaco dibadbax weyn oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, kaas oo looga soo horjeedo heshiiska badda ee ay Somaliland kowdii bishan Addis Ababa kula gashay dowladda Itoobiya.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay dibad-baxan oo noqonayo kii ugu ballaarnaa ee ka dhaca gudaha caasimada ayaa haatan ka socda dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Sida qorshuhu yahay waxaa lagu wadaa in Muqdisho ay isla nuuxsato, si ay u muujiyo dareenkeeda ku aadan heshiiskaas oo xadgudub ku ah Qaranimada Soomaaliya.

“Maanta haddii uu ilaah yiraahdo iyo gelinka hore waa innoo ballan ah magaalada Muqdisho inay isla nuuxsato” ayuu guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay dibadbaxa uu qabanayo maamulkiisa.

Sidoo kale Yuusuf Madaale ayaa farriin culus u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in ay ka horjeestaan heshiiskaas, ayna ka dhiidhiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Waxaan halkan farriin uga gudbinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Soomaaliya ee Muqdisho aniga oo ah guddoomiyihii gobolka Banaadir farriintaan aan gudbinaayo waxa ay tahay inaan ka jawaabno tallaabadii aan ku habooneyn dalka iyo dadka Soomaaliyeedba ee shalay ay ku dhawaaqeen Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya arrinkaas oo ah in baddii Soomaaliya uu heshiis kula galay Itoobiya” ayuu raaciyay.

Sidoo kale Duqa Muqdisho wuxuu intaasi ku daray in heshiiskan uu xadgudub ku yahay Soomaaliya, isaga oo sheegay in Muuse Biixi uu ka faa’iideysanayo muddo xileedkiisa dhammaadka ah.

“Ma’aha arrin u qalma Soomaaliya sida aan la socono Muuse Biixi xilligiisii waa dhammaaday waxa ay ahayd inuu doorasho ka shaqeeyo dalka ayuu qaybiyay sida aan la socono, waatii dagaallo sokeey ay ka dhaceen deegaanada Somaliland” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu yiri “Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqayaa inay arrintaas ka dhiidhiyaan, ka falceliyaan ay isu soo baxaan ay ka jawaabaan, ayna qabtaan banaanbax nabadeed” ayuu ku daray.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hortimid heshiiska Addis Ababa, waxayna xukuumadda kasoo saartay qaraar culus, halka baarlamaankuna uu soo saaray xeer deg-deg ah.

Xasan Sheekh oo wada-hadal deg deg ah la yeeshay Sisi kadib xadgudubkii Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Somalia ayaa qoraal ka soo saartay wadahadal taleefoon oo dhex-maray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar, iyagoo ka wadahadlay arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadajirka u wadaagaan Labada shacab ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifitaax Al-siisi ayaa ku balamay inay adkeeyaan iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo loo midoobayo caqabadaha gobolka.

“Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee gobolka,” ayaa qoraalka lagu yiri.

Xog ay Caasimada Online ka heshay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya wadahadalka labada Madaxweyne diiradda lagu saaray damaca Itoobiya ee doonista badda Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa hadda u muuqata inay heshay garabka Soomaaliya, maadaama ay labada dal noqdeen isku cadow, kaas oo ah dowladda Itoobiya.

Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya biyo xireenka wabiga Nile, waxayna marar badan ku sigteen inay xaaladoodu gaarto gacan ka hadal.

Dowladda Soomaaliya hadda kamhor dhexdhexaad ka aheed khilaafka Masar iyo Itoobiya, waxaana hadda qarxay khilaaf culus oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo Masar iyo Soomaaliya ku khasbeysa inay iskaashadaan.

Baarlamanka oo xeer xasaasi ah ka soo saaray heshiiska BADDA ee Muuse Biixi iyo Abiy

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xeer ka soo saaray heshiiskii ay shalay Addis Ababa ku galeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo lagu bixiyey qeybo ka mid ah badda Soomaaliya.

Kulan aan caadi aheyn oo maanta ay yeesheen Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa isugu yeeray Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, sida ku cad dastuurka dalka.

Hadal-jeedintii Madaxweynaha kadib, Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood adag ka yeeshay ‘heshiis ku sheega dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia.’

“Xildhibaannada labada aqal ayaa sheegay in marnaba la aqbali doonin heshiiskaas, iyadoona Baarlamaanka uu maanta soo saaray Xeer ku saabsan burinta is afgarad beenaadka shalay lagu gaaray Addis Abbaba’ kaas oo ay si wadajir u saxiixeen Soomaaliland iyo Maamulka Abiy Ahmed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay BFS.

Baarlamaanka ayaa cadeeyey inay lama taabtaan tahay biyaha iyo dhulka Soomaaliya, lana ilaaliyo nidaamka dunida u degsan iyo kan Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD iyo kan Soomaaliya.

Baarlamaanka labadiis aqal ayaa si wadajir ah u ansixiyay xeerka maanta uu soo saaray Baarlamaanka JFS.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehlinayey Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ku-xigeennada Labada Aqal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay kulanka Labada Aqal  ayaa sheegay in ajandaha maanta uu yahay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay ilaalinta midnimadeeda dhuleed iyo ka dooddida masiirka dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay wixii Addis Ababa ka dhacay ay ka soo hor jeedo qaanuunka caalamiga ah, xeerarka Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xeerka Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay kulanka maanta ayaa Dowladda Itoobiya ka dalbaday inay ilaaliso midnimada Soomaaliya, wuxuu uga digay in marnaba ay ku soo xadgudbin xuduuda iyo qaanuunka u yaala dalalka aduunka, Urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, isagoona sheegay in taako ka mid dhulka Soomaaliya aan la bixi karin.

Shir xasaasi ah oo u socda Golaha Wadatashiga Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xilligan uu shir deg deg ah u socda Golaha Wadatashiga Qaranka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shirkaan oo hadda ka socda qadka Zoom-ka, ayaa waxaa ka qeyb ka ah Madaxweynaha Soomaaliya , Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Madaxda dowlad-goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug, HirShabeelle iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee dalka ku soo korortay, gaar ahaan damaca Itoobiya ee ku aaddan isku daygeeda inay ku hesho dhul badeed geyiga Soomaaliya ah iyo heshiiska muranka dhalay ee Addis Ababa ku gaareen madaxweyne Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed.

Madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay Baarlamaanka, isagoo si kulul uga hadlay heshiiskaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aysan jirin cid awood u leh in Soomaaliya cad kamid ah ay bixiso, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska shalay lagu gaaray Addis Ababa.

“Cid awood u leh in Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso awoowayaasheena iyo aabayaashheena ayaa diiday anaga inta aan nooleyn ayaan diiday, waxa ka dhacay Addis Ababa 1 Janaayo 2024 sinaba dhaqan gal kuma noqon karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu Abiy Axmed uga digay heshiiska uu la galay madaxweyne Muuse Biixi, “Federaal ha joogo ama maamul goboleed ha joogo qof taako ka mid ah Soomaaliya idin siin karo ma jiro, ee haku kadsoomina.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Soomaali Soomaali baa leh waana u dhimaneynaa waana difaaceynaa.”

Shacabka Hargeysa oo ka banaan-baxay damaca Itoobiya, farriin culusna u diray Muuse Biixi

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Shacabka Somaliland ee ku nool magaalooyin ay ugu horeyso Hargeysa ayaa maanta ka banaan-baxay heshiiskii uu Muuse Biixi la galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Shacabka Somaliland ayaa si adag uga hor yimid heshiiskaas, waxayna cambaareyn culus iyo caro kala dul dhaceen madaxweynahooda Muuse Biixi.

Dadka qaar waxay si cad u sheegayeen in Muuse Biixi uu qiyaamay dadka reer Somaliland, isla markaana uu yahay nin waqtigiisii dhamaaday, sidoo kale shacabka Hargeysa waxay ku goodiyeen in heshiiskaas uusan dhaqan-geli doonin.

“Walaahi waxaan noqoneynaa Falastiinta Afrika, dhagax ayaan ku dagaalameynaa, Muuse Badaan ma iibsa kartid, dadkeena dega Raaskambooni ilaa Raascaseyr ayaa wax ku leh, Soomaali Galbeed ayey Itoobiya si fudud ku qaadatay, maanta waanu soo jeednaa Muuse, namana gaadeysid,” ayey tiri Gabar ka mid ah banaan-baxayaasha.

Gabar kale ayaa sheegtay in shacabka Somaliland ay la yaabanaayeen talo xumada Muuse Biixi ee sababtay in la laayo  ciidankii Somaliland, “Muusow adigaa na xasuuqay, waxaa tiri Siyaad Barre wuxuu ahaa Munaafaq, adigaa munaafaq ah, sababtoo ah Maxamed Siyaad waligiis taako dhul ah ma uusan bixin,” ayey tiri.

Shacabka Somaliland waxay si cad u sheegeen in aysan raali ka aheyn heshiiska lala galay Itoobiya, “adduunka waxaan u sheegeynaa in Itoobiya ay na dhaceyso, Muuse nama metelo, waqtigiisii waa dhamaaday.”

Shacabkii maanta isugu soo baxay bartamaha Hargeysa waxay sheegeen in si kasta oo Soomaali isku disho ay mid tahay oo Itoobiya aysan ka dooraneyn walaalahooda Soomaaliyeed “Muuse waa tegayaa waqtigiisiina waa dhameystay,” ayey ku qeylinayeen shacabkii hadlay.

Dhinaca kale, Mucaaradka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiiskii shalay madaxweyne Muuse Biixi uu Addis Ababa kula saxiixday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Bayaan kasoo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa lagu sheegay in ay soo dhoweynayaan heshiiskaas haddii ay Somaliland ku helayso aqoonsi, hase yeeshe waxay tilmaameen in maamulka uusan waxba kala socodsiin mucaaradka.

“Xisbiga Waddani waxa uu mar kasta ilaalinayaa una taagan yahay madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aanu soo dhaweynaynaa haddii uu jiro aqoonsiga Ethiopia iyo horumar kasta oo Somaliland danteeda ku salaysan tahay isla markaana sharciga dalka u yaallana waafaqsan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhinaca kale, caawa waxaa Hargeysa ka socda banaanbaxyo kale oo maamulka Somaliland uu soo abaabulay, kuwaas oo lagu taageerayo heshiiskii uu Muuse Biixi lasoo galay Abiy Axmed.

Mucaaradka Somaliland oo dalab culus kasoo saaray heshiiska BADDA ee Addis Ababa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiiskii shalay madaxweyne Muuse Biixi uu Addis Ababa kula saxiixday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Bayaan kasoo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa lagu sheegay in ay soo dhoweynayaan heshiiskaas haddii ay Somaliland ku helayso aqoonsi, hase yeeshe waxay tilmaameen in maamulka uusan waxba kala socodsiin mucaaradka.

“Xisbiga Waddani waxa uu mar kasta ilaalinayaa una taagan yahay madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aanu soo dhaweynaynaa haddii uu jiro aqoonsiga Ethiopia iyo horumar kasta oo Somaliland danteeda ku salaysan tahay isla markaana sharciga dalka u yaallana waafaqsan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waddani ayaa sidoo kale ka digay wax kasta oo xad-gudub ku ah karaamadda umadnimo iyo jiritaanka Somaliland, wuxuuna dalbaday xogta rasmiga ah ee heshiisyada Muuse Biixi uu ku saxiixay dalalka Djibouti iyo Ethiopia.

“Waxaa waajib ku ah Madaxwayne kasta oo Somaliland ah in uu Golaha Wakiilada u gudbiyo wixii heshiiyo caalami ah ee uu soo galo si Goluhu u darso nuxurka iyo faa’iidada ugu jira Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran;

Sida shacabka reer Somaliland ka war-qabaan waxaa saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey Xukuumadda Muuse Biixi ka soo baxayey heshiisyo is khilaafsan, iyada oo ilaa hadda aan Golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada Mucaaradka ee Jamhuuriyadda Somaliland waxba kala socon xaqiiqada arrimahan taagan.

Xisbiga WADDANI waxa uu mar kasta ilaalinayaa una taagan yahay madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aanu soo dhaweynaynaa haddii uu jiro aqoonsiga Ethiopia iyo horumar kasta oo Somaliland danteeda ku salaysan tahay isla markaana sharciga dalka u yaallana waafaqsan.

Xisbiga WADDANI waxa uu ka digayaa wax kasta oo xad-gudub ku ah karaamadda umadnimo iyo jiritaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa awgeed, waxaa Xisbigu sugayaa xogta rasmiga ah ee heshiiyada Madaxweynuhu ku saxeexay dalalka Djibouti iyo Ethiopia.

Sida laga warqabo waxaa Jamhuuriyadda Somaliland muddooyinkii u dambeeyey ka taagnaa khilaafiyo siyaasiya ah oo dhammaan waayay, isla markaasna ay faraheeda ka baxeen qaybo dhan oo ka mida waddankii mideysnaa, iyada oo Madaxwaynaha hadda talada hayaana uu dhammaaday muddo-xileedkiisii sharciga ahaa isaga oo haysan taageero shacab iyo sharciyad uu ku galo heshiisyo taabanaaya masiirka umada Somaliland.

Sidaa awgeed, sida shuruucda dalka u yaallaan dhigayaan, waxaa waajib ku ah Madaxwayne kasta oo Somaliland ah in uu Golaha Wakiilada u gudbiyo wixii heshiiyo caalami ah ee uu soo galo si Goluhu u darso nuxurka iyo faa’iidada ugu jira Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

MADAALE oo farriin deg-deg ah u diray shacabka Muqdisho – Maxaa berri dhacaya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si adag uga hadlay heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Madaale ayaa farriin culus u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in ay ka horjeestaan heshiiskaas, ayna ka dhiidhiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Waxaan halkan farriin uga gudbinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Soomaaliya ee Muqdisho aniga oo ah guddoomiyihii gobolka Banaadir farriintaan aan gudbinaayo waxa ay tahay inaan ka jawaabno tallaabadii aan ka habooneyn dalka iyo dadka Soomaaliyeedba ee shalay ay ku dhawaaqeen Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya arrinkaas oo ah in baddii Soomaaliya uu heshiis kula galay Itoobiya” ayuu yiri.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in heshiiskan uu xadgudub kuyahay Soomaaliya, isaga oo sheegay in Muuse Biixi uu ka faa’iideysanayo muddo xileedkiisa dhammaadka ah.

“Ma’aha arrin u qalma Soomaaliya sida aan la socono Muuse Biixi xilligiisii waa dhammaaday waxa ay ahayd inuu doorasho ka shaqeeyo dalka ayuu qaybiyay sida aan la socono, waatii dagaallo sokeey ay ka dhaceen deegaanada Somaliland” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay beri kasoo qayb-galaan banaanbax ka dhacaya caasimada oo looga soo horjeedo in Itoobiya ay la wareegto qayb kamid ah badda Soomaaliya.

Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqayaa inay arrintaas ka dhiidhiyaan, ka falceliyaan ay isu soo baxaan ay ka jawaabaan, ayna qabtaan banaanbax nabadeed” ayuu ku daray.

Waxaa kale oo uu yiri “Beritu haddii uu ilaah yiraahdo iyo gelinka hore waa innoo ballan ah magaalada Muqdisho inay isa nuuxsato” .

Somaliland oo raali-gelin ka dalbatay DF + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa raalligelin buuxda ka dalbatay dowladda federaalka, kadib markii wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in heshiiskii Jabuuti uu ahaa mid lagu midaynayay labada dhinac.

Maxamed Kaahin Axmed wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo u jawaabay Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inuu jebiyay qodob kamid ah heshiiskii ay ku gaareen dalka Jabuuti.

Wasiirka ayaa xusay in qodobkaas uu ahaa in heshiiska laga ilaaliyo hadallada xanafta leh iyo wixii dhaawacaya intaba, sida uu ku dooday.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu aad uga xun yahay hadalka kasoo yeeray Fiqi ee ah in laga wada-hadlayayay sidii loo mideyn lahaa Soomaaliya iyo Somaliland.

“Waxa ku jiray in dhinac waliba ilaaliyo geedi socodka shirarka, isla markaana aan la samaynin hadalo iyo qoraalo dhaawacaya geedi socodka shirarka iyo jawiga wadahadalada, waxaan ka xumahay in wasiirkii aanu wada saxeexnay uu ku tilmaamay mid dalka wadajirkiisa loogaga talinayay” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Somaliland ayaa intaasi kusii dartay in arrintan ay muujineyso in Soomaaliya ay durbo ka baxday heshiiskii, balse ay ka dalbanayaan raalligelin, si loo sii wado wada-hadallada.

“Arrintani waxay muujinaysa in heshiiskii ay ka baxday Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaanu ku baraarujinaynaa in ay raaligalin ka bixiyaan qodobkan wasiirku uu sida khaldan u tilmaamay” ayuu mar kale yidhi Wasiirku.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in ujeedka heshiiska aanu ahayn in Somaliland iyo Soomaaliya midoobaan, balse uu ahaa in labada dhinacba ay gaaraan heshiis ay raali ku wadayihiin mustaqbalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada todobaadkii hore ay waddanka Jabuuti ku kulmeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo gaaray heshiis ka gooban siddeed qodob, kadib markii uu isku keenay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweyne ayaa isku raacyay in dib loo bilaabo wadahadallada labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal-waara.

Labada dhinac waxay sidoo kale ku heshiiyeen in 30 maalmood gudahood go’aan looga gaaro hanaanka geedi socodka wadahadaladaas, iyadoo lasoo magacaabayo guddiyo farsamo oo fududeeya wadahadallada.

Si kastaba, waxaa heshiiskaas kasoo dib maray mid kale oo ay shalay Addis Ababa ku saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka, kadib markii dowladda Itoobiya loo saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.

Dhageyso: Maxay Al-Shabaab ka tiri heshiiska BADDA ee Somaliland iyo Ethiopia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ay shalay ku saxiixdeen magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, kaas oo Somaliland 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed ugu wareejisay Itoobiya.

Cali Dheere ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiiskaasi, isaga oo tilmaamay in marnaba aysan suurtagal noqon doonin in Itoobiya qaadato qayb kamid ah badda Soomaaliya.

“Haddaba haddii aan nahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaan leenahay heshiiskaas waa mid xaaraan ah, baadil ah burcadnimo iyo boob aan geed loogu soo gamban ma aqbaleyno in taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee Muslimiintu leedahay ay Xabashidu qaadato” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yir afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu heshiiskan la meel dhigay inuu lamid yahay qabsashada Yahuudda ee dhulka Falasdiin, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Cali Dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay la dagaalami doonaan, uuna dhiggooda ka horreeyo in lala wareego badda Soomaaliyeed.

“Arrintaas waxaa kasoo horreeyo dhiggeena bi’idni laahi tacaalaa, annaga iyo idinka waxaan kala helno ayaan leenanay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Dheere.

Dhanka kale waxa uu weerar culus ku qaaday madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyay inuu qiyaanay dadka Soomaaliyeed.

“Ninka heshiiska soo saxiixay waa nin murtad ah oo aan metalin Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, waana qaa’in dalkiisii iyo dadkiisii iibsaday” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu baaq cod dheer ah u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyay inay u istaagaan difaaca baddooda iyo barrigooda.

“Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah waxaan ugu baaqeynaa inay qalabka qaataan si ay ula jihaadaan gaalada Xabashida ah ee dalkeeda kusoo duushay” ayuu yiri gabagadii.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhakeeda dowladda Soomaaliya ay maanta ka dhiidhisay heshiiska Addis Ababa, ayada oo u yeertay safiirkii u fadhiyay dalka Itoobiya.

Hoos ka dhageyso codka