26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Somalia outraged by Ethiopia-Somaliland agreement

Mogadishu (Caasimada Online) – In a bold response to the recently announced Ethiopian-Somaliland agreement, Somalia has vehemently expressed its opposition, labeling the pact a “clear violation” of its sovereignty. 

The Somali government, led by Prime Minister Barre, has taken a resolute stance, recalling its ambassador to Ethiopia and appealing to the international community for support.

In a national address, Prime Minister Barre urged Somalis to unite and defend the nation’s territorial integrity using “any legal means.”

Somaliland, a former British protectorate, declared independence from Somalia in 1991. Despite its self-governance, including its own currency, passport, and elected government, Somaliland’s quest for international recognition has yet to be fulfilled.

Under its constitution, Somalia considers Somaliland part of its territory, a standpoint leading to years of political stalemate.

Regional implications

Ethiopia’s involvement in this complex scenario adds another layer of intricacy. The landlocked nation, Africa’s second most populous, has long sought access to the Red Sea for economic expansion.

The deal with Somaliland, providing Ethiopia access to the port of Berbera, represents a strategic move, particularly following its loss of direct Red Sea access after Eritrea’s independence in 1993. 

This development has raised eyebrows across the region, given Ethiopia’s past challenges in maintaining coastal access, primarily through Djibouti after the Eritrea-Ethiopia conflict.

The international dimension

Somalia’s call for international intervention underscores the broader implications of this dispute.

The Somali government has reached out to global and regional bodies, including the United Nations, the African Union, the Arab League, and the East African grouping IGAD, urging them to uphold Somalia’s sovereign rights. 

The unfolding scenario presents a diplomatic challenge, potentially impacting regional stability and international maritime interests in the Red Sea corridor.

Conversely, Somaliland’s agreement with Ethiopia symbolizes its continued push for international legitimacy and economic development.

This move comes amidst internal political tensions and the region’s historical struggle for recognition. 

The recent resumption of dialogue between Somalia and Somaliland, brokered by Djibouti President Ismail Omar Guelleh, offers a glimmer of hope for reconciliation.

However, the Ethiopian deal has undoubtedly complicated these efforts, potentially derailing the fragile progress made thus far.

Daawo: Xasan oo si kulul uga hadlay heshiiska Ethiopia, shaaciyay arrimo dhowr ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay Baarlamaanka ayaa si kulul uga hadlay heshiiskii shalay ay Addis Ababa ku saxiixeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aysan jirin cid awood u leh in Soomaaliya cad kamid ah ay bixiso, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska shalay lagu gaaray Addis Ababa.

“Cid awood u leh in Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso awoowayaasheena iyo aabayaashheena ayaa diiday anaga inta aan nooleyn ayaan diiday, waxa ka dhacay Addis Ababa 1 Janaayo 2024 sinaba dhaqan gal kuma noqon karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu Abiy Axmed uga digay heshiiska uu la galay madaxweyne Muuse Biixi, “Federaal ha joogo ama maamul goboleed ha joogo qof taako ka mid ah Soomaaliya idin siin karo ma jiro, ee haku kadsoomina.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Soomaali Soomaali baa leh waana u dhimaneynaa waana difaaceynaa.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sidoo kale soo hadal qaaday aqoonsiga ay sheegtay Somaliland inay ku beddelanayso dhul-badeedka ayaa sheegay in Itoobiya bixin karin aqoonsi caalami ah.

“Walaalayaal Itoobiya aqoonsi idin ma heyso aqoonsi idin siinaa haddey tiraahdana aqoonsi jiro ma ahan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul-badeed ka hesho Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ay ganafka ku dhufatay heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.

Hoos ka daawo

Xamza oo farriin culus u diray shacabka, wacad-na ku maray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa wacad ku maray difaaca madax-banaanida Soomaaliya, xilli Itoobiya ay Somaliland la gaartay heshiis is-afgarad oo ay ku dooneyso dhul-badeed.

Xamza oo ka hadlay kulankii aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada ayaa sheegay in marnaba dowladda federaalka ay ka laba-labeyn doonin difaaca dalka.

“Waxaa rabaa shacabka Soomaaliyeed u sheego inay is dajiyaan, waxaan u xaqiijinaya inay naga go’an tahay difaaca dalka. Taako kamid ah barigeenna, baddeenna iyo cirkeena laguma soo xad-gudbi karo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku difaacayaan weji kasta oo sharci ah, ayada oo dowladda kaashaneyso shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Waxaan awoodna oo hore usoo awoodnay in aan difaacno dalkeenna. Wax laga cabsado ma yaallo, waxaase rabna markaan in la midoobo oo waxkasta oo Soomaalida dhexdeeda ah laga tago oo aan difaacno dalkeenna, oo difaacno qarannimadeena iyo gobonimadeena.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed midnimo iyo inay u midoobaan difaaca dalkooda, “Dhamaanteen aan u istaagno in aan difaacno dalkeenna, xukuumaddana waxaa ka go’an inay arrintaas ku hoggaamiso umadda Soomaaliyeed.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dadka ku mashquulsan xilligaan waxyaabaha Soomaalida dhexdeeda ah ee macnaha badan laheyn waxaan leenahay xilligaan waa markii la midoobi lahaa ee halka meel la istaagi lahaa, oo waa markii hal dhinac loo jeesan lahaa oo dalka la difaaci lahaa.”

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa imanaya, xilli dowladda federaalka ay meel adag iska taagtay heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, islamarkaana ay u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, iyada oo waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka

Somaliland oo si yaab leh u difaacday heshiiska BADDA

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa difaacday heshiiska madaxweyne Muuse Biixi uu shalay Addis Ababa kula saxiixday ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Heshiiska is-fagarad ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo bad ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, oo sidoo kalena ah afhayeenka xukuumadda ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay gelista heshiisyo noocaan ah, ee faa’iidada ugu jirto, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu heshiiskaan ku tilmaamay guul taariikhi ah iyo in Somaliland ay markii u horreysay ay hesho aqoonsi caalami ah, kaasi oo ay raadineysay in ka badan 30 sano.

“Kiraynta albaab baddeed dhan 20 KM ah waa Taariikh weyn oo lagu Tallaabsaday, waxana ku jira in heshiiskaas lagu doorsado aqoonsi iyo koboc dhaqaale,” ayuu yiir Wasiir Cali Xasan Mareexaan.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa tallaabo wax ka beddelaysa taariikhda, waana heshiis geesinimo leh oo hore loo qaaday, waxayna albaabada u furaysaa mustaqbal ifaya oo ay gaadhaan Somaliland iyo Itoobiya.”

Somaliland ayaa heshiiska is-fagarad ee Itoobiya ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan, marka si rasmi ah loo saxiixo heshiiska, sida uu Muuse Biixi ku sheegay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Axmed.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta baarlamaanka uu ka hor jeediyo khudbad xasaasi ah, isagoo si cad ugu dhawaaqi doona mowqifka Soomaaliya ee ku aadan damaca Itoobiya.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay farriimo u diray Xildhibaannada labada Aqal inay maanta isugu yimaadaan kulan degdeg ah oo uu khudbad ugu jeedinayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta isugu imaanaya shir deg-deg ah, kaas oo go’aan looga gaari doono tallaabada xasaasiga ah ee Itoobiya ay qaaday shalay.

Ilo ku dhow-dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegaya in go’aanka xukuumadda uu noqonayo mid gebi ahaan lagu qaadaco heshiiskaas iyo tallaabooyin kale oo saameynaya xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa tobanaankii sano ee la soo dhaafay ahaa mid aad u xoogganaa, waxayna Itoobiya saaxiib dhow la aheyd xukuumaddihii dalka isaga kala dambeeyay tan iyo sanadkii 2004-tii.

Daawo: Cabdi Xaashi oo si cajiib ah uga hadlay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta khudbad ka jeediyay kulankii maanta ee labada Gole ayaa si cajiib ah ah uga hadlay heshiiska badda ee ay gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay inuu aad uga xumaaday markii uu maqlay heshiiskaasi, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay weligeed raadineysay badda Soomaaliyeed.

“Waxaan aad iyo aad uga xumahay inuu isoo gaaray war aan aad iyo aad uga naxay oo aad moodo dowladda Itoobiya sida aynu la socono waligeed iyo allaheydba raadineysay inay qayb Soomaaliya kamid ah hesho, gaar ahaan ” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Sare.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu mucjiso ku noqday heshiiskan, maadaama warsaxaafadeedka lagu yiri Itoobiya waxay yeelatay dekad, sida uu hadala u dhigay.

“Waxay igu noqotay markaan arkay heshiiska mucjiso iyo la yaab, halkaas waxaa ku qornayd Itoobiya waxay heshay deked ay yeelatay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Waxaa kale oo uu leeyahay Red Sea waxaan ka helnay albaab oo horumarkeena kaalin wayn ka qaadanaayo waa wax laga yaqyiiqsado aadna looga naxo”

Gudddoomiyaha Aqalka Sare oo hadalkiisa sii wata ayaa isla xiriiriyay heshiiskan iyo wada-hadalladii ka dhacay Jabuuti, isaga oo farriin culus u diray madaxweyne Ismaaciil Geelle.

“Marka u horreysa madaxweynaha Jabuuti iyo shicibkiisa raalli ka ahaada dadaalkii aad sameyseen iyo halkaa waxa kasoo dhowaaqay ee aan la qaadan kareynin” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aan la iibsan karin badda Soomaaliyeed, ayna ka hortagi doonaan damaca Itoobiya ee ku aadan inay la wareegto qayb kamid ah badda.

“Badda Soomaaliya ma’aha neef xoola ah oo qof suuqa uu gaysan karo, badda Soomaaliya way ka culustay taas” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay guddoomiyaha Aqalka Sare.

Soomaaliya oo deg deg ugu yeertay safiirkeeda Itoobiya, soona saartay qaraar culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo goordhoweyd Muqdisho ku yeeshay shir deg deg ah oo aan caadi aheyn, ayaa qaraar xasaasiya kasoo saartay heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Afhayeenka xukuumadda oo warbaahinta la wadaagay go’aamada kasoo baxay shirkii aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada, ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay si deg deg ah ugu yeertay safiirkeeda Itoobiya.

“Ayada oo arrintaan laga jawaabayo waxay la tashi deg deg ah ugu yeeraysa safiirkeeda dalka Itoobiya,” ayaa lagu yiri qaraarka kasoo baxay Golaha Wasiirrada oo goordhoweyd shir deg deg ah ku yeeshay Muqdisho.

Qaraarka xukuumadda ee heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya heshiiska ay shalay Addis Ababa ku gaareen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay si adag u diidaysa oo si cad uga horjeeda tallabada guracan ee Itoobiya ku sheegtay inay si sharci darro ah ay heshiis is-afgarad kula gashay maamulka Somaliland, gobollada Waqooyi ee Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda oo warbaahinta la wadaagay qaraarka kasoo baxay Golaha Wasiirrada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tallaabadan ku tilmaamtay mid gardaro ah oo halis galineysa daris wanaaga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka, “Waxay xad-gudub iyo fara-gelin qaawan ku tahay madax-banaanida, gobonimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Sidoo kale Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah siisay Itoobiya. Sidoo kale waxay ka dalbatay Golaha Amaanka ee QM, Midowga Afrika, IGAD, Ururka Jaamacada Carabta iyo saaxiibada kale ee daneeya xasilloonida gobolka iyo caalamka inay Itoobiya ku cadaadiyaan inay kusoo noqoto xayndaabka caalamiga ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka dalbaneysa Golaha Ammaanka QM iyo Ururka Midowga Afrika inay qabtaan kulamo deg deg ah oo looga arrinsanayo xad-gudubka iyo fara-gelinta Itoobiya ee ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalkeena Soomaaliya.”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday is-afgarad (Momentum of Understanding) taariikhi ah, oo ah mid iskaashi iyo wada-shaqeyn labada dhinac ah.

“Is-afgaradkaasi ayaa u gogol xaari doonaa ka dhabeynta hamiga Itoobiya ee ku aaddan xaqiijinta inay marin u hesho badda iyo kordhinta dekedaha kala duwan. Is-fagaradka waxa kale uu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.”

Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay “kiro”.

Sidoo kale wuxuu markaas sheegay in is-afgaradka uu dan u yahay labada dhinacba, oo midba uu helayo waxa uu aadka ugu baahan yahay, oo ah in Somaliland ay hesho aqoonsi, Itoobiyana ay markii ugu horreyso hesho bad.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiskaas, waxaana xusid mudan in Muuse Biixi uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh la saxiixday heshiis dhigaya in la bilaabo wada-hadallo, iyada oo laga fogaanayo wax kasta oo caqabad ku keeni kara geedi socodka wada-hadallada labada dhinac.

Guuleed oo shaaciyey qorshe laga leeyahay HESHIISKA SOMALILAND iyo ITOOBIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa si kulul u cambaareeyey heshiiska ay Addis-Ababa ku saxiixdeen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Waxa ay maanta dowladda Itoobiya ku dhaqaaqday waa fal ka soo horjeeda kana baxsan dhammaan xeerarka iyo shuruucda Aduunka. Xadgudubna ku ah midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya. Waana mid lagu fashilinayo wadahada iyo midnimadii dalka ee guusheedu soo dhawaatay,” ayuu yiri Cabdikariim Xuseen Guuleed.

“Dowladda Soomaaliyeedna go’aano cad cad ayey si deg deg oga soo saari doonta. Shacabka Soomaaliyeedna waxaa laga doonayaa in ay dowladooda garab istaagan, una midoobaan difaaca dalkooda iyo dadkooda,” ayuu ku daray Guuleed.

Marka laga reebo hadalka Guuleed, dowladda Soomaaliya ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin tallaabada xadgudubka ku ah madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya ee uu ku dhaqaaqay Abiy Ahmed.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la filayaa inay maanta kulan ka yeeshaan arrintan, halka madaxweyne Xasan Sheekh la filayo inuu la hadlo xildhibaanada Golaha Shacabka.

Heshiiskaas is-fagarad ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo BAD ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.

Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo. 

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Haddii aan ahaan lahaa Xasan Sheekh waxaan qaadi lahaa tallaabooyinkan deg degga ah

1- Maanta anigaa guddoomin lahaa shirka Golaha Wasiirada.

2- Waxaan luuqad adag ku diidi lahaa heshiiskii Abiye iyo Biixi.

3- Waxaan sheegi lahaa in aan qadiyadda Soomaali Galbeed dib u furayo oo aan la aaddayo maxkamaddo Caalami ah, maadaama dhulkaas iyo dadkaas yihiin Soomaali xoog lagu heysto, walina aan laga heshiinin.

4- Waxaan safiirkeyga kala soo bixi lahaa Addis Ababa, halka safiirka Itoobiya aan dalka uga saari lahaa 48 saac.

5- Waxaan galabta aadi lahaa Masar, anigoo kala hadlaya xaalka Nile iyo suurta-galnimada ah iney i siiyan ciidan badala kuwa Itoobiya ee jooga Somalia.

6- Waxaan wasaaradda arrimaha dibada amri lahaa gudbinta gal-dacwaddeed deg deg ah oo ka dhan ah Itoobiya kaas oo loo dirayo IGAD, Midowga Afrika iyo QM.

7- Waxaan Al-Shabaab weydiisan lahaa wadahadal Qaran-badbaadin iyo xabad joojin ah, si itaalka loo mideeyo hadii mustaqbalka lagama maarmi waayo gacan ka hadal.

8- Waxaan Ismaaciil Cumar Geelle kala hadli lahaa inuu xiro xadka uu la wadaago Soomaaliya.

9- Waxaan labada Aqal ku amri lahaa iney soo saaraan diidmo ku saabsan heshiiskaas oo mustaqbalka wax goyn karta si la mid ah diidmadii Baarlamaankii 8aad ee heshiiskii badda ee lala galay Kenya taas oo caawisay Somalia markii ay socotay dacwadii badda.

Soomaaliya hadii aaney 48-da saac ee soo socota u dhaqmin una hadlin sida Qaran lab ah, Itoobiya waa dabaal degi doonta, Xasan Sheekh iyo maamulkiisuna taariikh xun ayey qaadan doonan.

W/Q: Abdullahi Osman Farah

Muxuu madaxweyne Farmaajo ka yiri heshiiska BADDA ee Somaliland iyo Itoobiya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa damac guracan iyo dhul boob ku tilmaamay heshiiska ay Addis-Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiskaas is-fagarad ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo BAD ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.

Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo. Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo

Heshiiska damaca guracan ee Itoobiya ku dooonayso dhul iyo bad ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyey dareenka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed, waana mid mudan in aan la dhayalsan khatarta ka dhalankarta haddii lagu soo xadgudbo madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Heshiiskan waxa uu baal marsan yahay shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah iyo kan midwoga afrika, waxa uuna dhaawac ku yahay wadajirka iyo xasilloonida dalalka gobolka, sidaas awgeed waxaan caddaynaynaa in cid kasta oo ku lug leh ay ka galeyso taariikhda baal madoow, qaadanaysana masuuliyadda cawaaqib xumida ka dhalan karta.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantowdo damacaan gurracan oo wiiqaya heshiisyadii is-dhexgalka bulsho iyo iskaashiga heer gobol, kaas oo ay aas-aas u ahayd ilaalinta madaxbannaanida iyo dowladnimada shucuubta gobolka, si waafaqsan xeerarka gaarka u ah dal kasta iyo shuruucda caalamiga ah.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay degdeg ugu istaagaan gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan xadgudubka ka dhanka madax-bannaanida iyo gobanimada dalkeenna, anigoo xasuusinaya  guushii aynu ka gaarnay kiiskii dacwadda Badda ee nagala dhexeeyey Kenya uu saldhig u ahaa qaraarkii dhaxal-reeb ee uu soo saaray Baarlamaankii 8-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh waxaa waajib ku ah ilaalinta midnimada dhuleed, badeed iyo umadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la dhawrayaa go’aammada masiiriga ah iyo tallaabooyinka qaran ee u qalma  jiilasheenna danbe.

Dadka Soomaaliyeed, shacab iyo masuuliyiinba waxaan ugu baaqayaa in aynu u midowno qadiyaddan halista ah, innagoo meel iska dhigayna kala fikir duwanaanshaha iyo khilaafkasta oo dhexdeenna ah. Una midowno ilaalita badeenna, dhulkeenna iyo ummaddeenna.

Shariif iyo CC Shakuur oo soo jeediyey tallaabooyin ay tahay in deg deg loo qaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa jawaabo isku mid ah oo kulul ka bixiyey heshiiska ay Addis-Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiskaas is-fagarad ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo BAD ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.

Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo. Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro. Hoos ka aqriso jawaabaha.

Jawaabta Shariif Sheekh Axmed 

Heshiiska sharci darrada ah ee maanta ay wada gaareen RW Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland, wuxuu xad-gudub ku yahay madaxbannaanida Dalkeenna wuxuuna ka hor imaanayaa qawaaniinta Adduunka.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ilaaliso deris wanaagga iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labadeenna Dal.

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u midoobaan ilaalinta midnimadooda, Karaamadooda iyo Kheyraadka Dalkooda.

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa in ay arintaan ka soo saarto go’aan deg deg ah oo ay ku caddeyneyso mowqifkeeda iyo waxa ay kala socoto heshiiskaas sharci darrada ah.

Jawaabta Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Maamulka Abiy Axmad ee dawladda Itoobiya wuxa uu ku xadgudbay gobanimada iyo madaxbannaanida qaranka Soomaaliya. Wuxuu kaloo ku xadgudbay xeerarka Qaramada Midooobay, Midowga Afrika iyo urur Gobaleedka IGAD oo dhamaantood adkeynaya dhowridda madaxbannaanida iyo gobanimada dawladaha xubnaha ka ah ururrudaas.

Anigoo ku kalsoon in laanta fulinta, labada aqal ee Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliya ay ka bixin doonaan jawaab u qalanta xadgudubka maamulka Abiy Axmad, ayaan waxaan adkaynayaa in daqiiqadani ay tahay tii midnimada iyo wadajirka lagu wajihi lahaa halista qaran iyo damaca gurracan ee Itoobiya.

Hadalladii hanjabaadda ahaa ee maalmihii danbe ka soo baxayey Raysalwasaaraha Itoobiya waxay ahaayeen kuwo walwal leh, tilaabta uu maanta qaaday ee qar iska tuurka ahna waa mid halis ku ah deris wanaagga labada dal, gobolkana u horseedaysa xasilooni darri.

Aadan Isaaq iyo Siid Cali oo 5 sano kadib u gacan galay NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka qeybtooda gobolka Bakool ayaa waxaa maanta isku soo dhiibay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Ibraahim Maxamed Nuur oo magaciisa afgarashada loogu yeero (Siid Cali) oo 22 jir ah iyo Aadan Isaaq Aadan oo 21 jir ah ayaa muddo 5 sano ah ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Raggan ayaa sheegay inay qaateen go’aankaan ay kaga soo baxeen fikirka qaldan ee kooxda kadib markii ay arkeen Diin la’aanta, boobka iyo marin habaabinta Al-Shabaab.

Maxamed Ibraahin iyo Aadan Isaaq ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen Jabhadda Al-Shabaab, waxayna xuseen inay ka qeyb qaateen dhawr dagaal iyo howlgal oo kooxda ay fulisay.

Xubnahaan ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa sheegay in iyaga oo ka faa’iidaysana cafiska madaxweynaha qaranka ay helaan dhaqan celin si looga mayro afkaartii qaldanayd ee Shabaab ku beertay, iyaga oo da’yar ahna ay kaga faa’iidaysatay.

Sanadkii dhamaaday deegaanada Koofur Galbeed ayaa waxaa iska soo dhiibay boqolaal Shabaab ah, kuwaasi oo sheegay inay u adkaysan waayeen nolol xumada iyo dagaalada adag ee kooxda ku haysata furimaha dagaalka.

Si kastaba, wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa maraya heer geba-gebo ah, ayada oo kooxda looga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku haysay, loogana dilay horjoogayaal iyo dagaal-yahaanadii ugu badna.

War ka cusub ninkii ay qabatay NISA ee qaraxyada u qaabilsana Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhowaaqday xukunka Ibraahim Cusmaan Macalin Abiikar oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta qaraxyada.

Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda sidoo kalana dhageystay qaar kamid ah dhibanayaasha kiiskan ayaa ugu danbayn maanta Ibraahim ku xukuntay cimrigaa haku furto (xabsi daa’in).

Xukunka maxkamadda ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Garsoore Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed wakiilka Maxkamadda Ciidamada Qaybta Lixdanaad.

Sidee loo soo qabtay ninkaan?

Ibraahim Cusmaan Macalin Abiikar ayaa loo soo xiray 22-kii July ee 2023, wuxuuna kooxda u qaabilsanaa qeybta qaraxyada iyo kala gudbinta agabyada ay u baahanyihiin isagoo isticmaali jiray Mooto Fekon.

Waxaa deeganka Dugaandug ugu yimid Daahir oo isna ka mid ahaa Maleeshiyada una sheegay in uu wado qarax ayna rabaan in uu geeyo magaalada Baydhabo, Bartilmaameedkuna uu yahay goob dadka isugu yimaadaan.

Waxa uu soo qaaday Daahir iyo Miinadii waxa uuna ku aasay Kaam Xagarka Buush ku yaala, waxaa halkaa ku geeriyooday saddex qof halka lix kalana ay ku dhawacmeen.

Ciidanka Hay’adda Nabad-sugida ayuu u soo gacan galay Ibraahim Labo iyo labaatankii bishii July ee sanadkii hore, halka Daahir uu wali fakad ka yahay gacmaha laamaha sharciga.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Maxkamadda ka codsaday qaadista kiiska Ibraahim, waxaana laga ogolaaday sagaal iyo tobankii bishii December ee sanadkii tagay.

Fadhiyo kala duwan ka dib Garsoorka Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda sidoo kalana dhageystay qaar ka mid ah dhibanayaasha kiiskan ayaa ugu danbayn maanta go’aan ku dhowaaqay xunka Ibrahim Cusmaan Macalin Abiikar.

Xasan Sheekh oo maanta hortegaya BFS iyo qorshe xasaasi ah oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hortegi doona Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo la isugu yeeray kulan aan caadi aheyn.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay farriimo u diray Xildhibaannada labada Aqal inay maanta isugu yimaadaan kulan degdeg ah oo uu khudbad ugu jeedinayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulankaan degdega ah ee la isugu yeeray baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya kaddib markii Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ay kala saxiixdeen heshiis badda Soomaaliya 20-KM looga siinayo Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta baarlamaanka uu ka hor jeediyo khudbad xasaasi ah, isagoo si cad ugu dhawaaqi doona mowqifka Soomaaliya ee ku aadan damaca Itoobiya.

Dhinaca kale, Xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayaa inay go’aan ka soo saarto heshiiska dowladda Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ay kala saxiixdeen, kaas oo xadgudub ku ah Qarannimada iyo Madax bannaanida Soomaaliya.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta isugu imaanaya shir degdeg ah, kaas oo go’aan looga gaari doono tallaabada xasaasiga ah ee Itoobiya ay qaaday shalay.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegaya in go’aanka Xukuumadda uu noqonayo mid gebi ahaan lagu qaadaco heshiiskaas iyo tallaabooyin kale oo saameynaya xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa tobanaankii sano ee la soo dhaafay ahaa mid aad xoogganaa, waxayna Itoobiya saaxiib dhow la aheyd Xukuumaddihii dalka isaga kala dambeeyay tan iyo sanadkii 2004-tii.

Kulamo wadatashi ah ayaa u socda Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Kuxigeenkiisa, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, La Taliyeyaasha Amniga, arrimaha Sharciga iyo diblomaasiyadda, kuwaas oo go’aan looga gaarayo damaca iyo isku dayga Itoobiya ku dooneyso inay kula wareegto qeybo ka mid ah Badda Cas ee Soomaaliya.

Shacabka oo falcelin caro leh ka bixiyey heshiiska Badda ee Itoobiya iyo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka Soomaaliyeed ayaa si deg deg ah uga falceliyey heshiiskii ay maanta Addis Ababa ku kala saxiixdeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo dhigaya in Somaliland ay deked iyo saldhig ciidan siineyso Itoobiya.

Waxaan soo uruurinay dhigaaladii ugu xiisaha badnaa falcelinta bulshada, waxaana xusid mudan in isla caawa ay heshiiskaas ka falceliyeen xukuumadda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaarkood, qormadaan ayaad uga boga kartaan wixii laga yiri heshiiskaas.

Ugu horeyn, Abdirisak Idiris Abdilahi Shacrawi oo qeybta faallada ee Facebook aragtidiisa ku soo dhiibtay ayaa yiri, “Heshiishkani laba dhinac waa ka saamayn karaa Somaliland, mid faa’iido iyo mid faa’iido daro.

  1. Mida dhinaca wanaagsan haddii dhinaca dhaqaale mid amniga laga wada shaqeeyo iyo aqoonsi buuxa oo kow ah waa guul weyn oo ay gaartay Somaliland.
  2. Mida labaad waa in la siinayo bad ay ayadu gaar u leedahay oo waligeed ay yeelanayso, laakiin heshiishka ka mid maaha haddii ay dhacdo oo la siiyo waxay samayn doontaa dhul balaadhsi, taasina side effect ay leedahay.

Waxaa heshiiskaas la hor keeni doonaa gollaha wakiilada Somaliland, kadib ayuu dhaqan-geli karaa heshiishkaasi. Gollaha wasiiradana shaqo ayuu idiin sameeyay aad ka doodaan bari.”

Zaki Shiine ayaa isna yiri, “Intaan ciyaaro ku mashquulsaneyn wakaas Muuse Biixi badeenii Ethiopia siiyay.”

Nazir Huzen Arteh ayaa yiri, “Waxaan aad u qoslaa markuu masuul ka tirsan dawlada Soomaaliya ka hadlo badda Somaliland, isagoo aan 32 sanno Hargeysa soo dhex istaagin, ma la odhan karaa iyaga oo soo jeeda ayay riyoonayaan?”

Mahad Mohamud Osoble ayaa isna arrintaas ka yiri, “Kenya sida ay ugu fashilantay in qeyb baddeena kamid ah ay qaadato, si lamid ah ayey Ethiopia ugu fashilmi doontaa, middaas marnaba shaki yuu kaa gelin. Dhul ninkiisii baa iska leh.”

Omar Mire ayaa isna yiri, “Shacabku waxay dareenkood waddaniyeed muujiyaan marka Dawladdu hadasho oo mowqifkeeda cadayso. Markaasbaa shacabku hawlgali karaa. Tan kale Dalkeenna Ismaaciil Omar Geelle mushkilad uusan ka shaqayn kama dhacdo Soomaaliya. Weynu adkaan inshallah.”

Mohamed Hussein Mohamed ayaa yiri, “Alla doqonsanaa Muuse? Laakiin ilaahay mahadiis ah waxaan waa sheeko oo warqad aana Xamar laga saxiixin waxba kama jiraan, sida uu qabo sharciga adduunka.”

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa beri Shir degdeg ah la isugu yeeray “si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland.”

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si xooggan u dhaleeceeyey heshiiska ay Addis-Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa heshiiska ku sheegga ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah xadgudub weyn oo lagula kacay Qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Kheyre.

Wuxuu Kheyre intaas ku sii daray, “Hadii aan nahay madax iyo shacabba, waa in aan u midownaa kahor tagga tallaabadan ay Itoobiya isuga dayayso qabsashada qeyb ka mid ah biyaheena, sidoo kalana lagu tir tirayo mabaadii’dii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4aad, faqraddiisa B.”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna yiri, “Ilaalinta Gobonimada iyo Siyaadada Qaranka Soomaaliyeed waa Mas’uuliyad Dastuuri ah oo Dadka Soomaaliyeed ay u Wakiisheen Dowladdooda. Ficil kasta oo halis galinaya mabaadi’daas waa in dowladdu ka qaaddo talaabo cad oo u dhiganta falka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia.”

Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Go’aannada masiiriga ah ee taabanaya Madaxbanaanida Qaranka waa in aan meel uga soo wada jeesanno isla markaana ka hortagno damaca Ethiopia ay ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya taas oo ah dhaxal ay leeyihiin ubadkeennu. Waxaan rajeynayaa in Xukuumaddu ay qaadato go’aan u qalma ficilka xadgudubka ah ee kasoo yeeray Adis-ababa.”

Rooble oo jawaab culus ka bixiyey xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si xooggan u dhaleeceeyey heshiiskii ay maanta Addis-Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiskaas is-fagarad ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo BAD ay saldhig ka dhigtaan ciidamada badda Itoobiya oo dhowaan dib loo aas-aasay.

Hoos ka akhriso qoraalka Maxamed Xuseen Rooble oo dhameystiran:

Waa wax lala yaabo aadna looga xumaado ficilka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia kaas oo xadgudub cad ku ah Qaranimada Soomaalliyeed sidoo kalena xasillooni darro ka abuuraya Gobolka Geeska Afrika.

Ilaalinta Gobonimada iyo Siyaadada Qaranka Soomaaliyeed waa Mas’uuliyad Dastuuri ah oo Dadka Soomaaliyeed ay u Wakiisheen Dowladdooda.

Ficil kasta oo halis galinaya mabaadi’daas waa in dowladdu ka qaaddo talaabo cad oo u dhiganta falka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia.

Go’aannada masiiriga ah ee taabanaya Madaxbanaanida Qaranka waa in aan meel uga soo wada jeesanno isla markaana ka hortagno damaca Ethiopia ay ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya taas oo ah dhaxal ay leeyihiin ubadkeennu.

Waxaan rajeynayaa in Xukuumaddu ay qaadato go’aan u qalma ficilka xadgudubka ah ee kasoo yeeray Adis-ababa.

Dadka Soomaaliyeed waxaan u rajeynayaa in ay muujiyaan isku duubni xilligan adag.

Xasan Cali Kheyre oo jawaab kulul ka bixiyey heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si xooggan u dhaleeceeyey heshiiska ay Addis-Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiskaas is-fagarad ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo BAD ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.

Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo. Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Hoos ka aqriso qoraalka Kheyre 

Waxaan si xooggan u cambaareynayaa heshiiska ku sheegga ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah xadgudub weyn oo lagula kacay Qarannimada Soomaaliya.

Itoobiya iyo Soomaaliya waa labo dal oo daris ah, oo kala mudan is-xaqdhowr iyo wax-wada-qabsi ku dhisan isixtiraam qarannimada dal walba, waana wax aan la aqbali karin in Addis Ababa ay maanta ku tallaabsato qaadashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Hadii aan nahay madax iyo shacabba, waa in aan u midownaa kahor tagga tallaabadan ay Itoobiya isuga dayayso qabsashada qeyb ka mid ah biyaheena, sidoo kalana lagu tir tirayo mabaadii’dii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4aad, faqraddiisa B.

Marna ma aqbali doonno ficilka noocan oo kale ah ee mugdiga galinaya jiritaankeenna, waxaana ugu baaqayaa Dowladda Itoobiya in ay ka laabato arrintan oo ay ilaaliso nabadda, xasiloonida iyo darisnimada.

Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaan u soo jeedinaya in ay arrintan deg deg uga bixiyaan jawaab u qalanta, ayna u diyaar garooban wixii fal-celin mideysan ah oo loo baahan karo. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta midnimada, Dhulka iyo badda Soomaaliya.

DF Soomaaliya oo qaadeysa tallaabo ka dhan ah heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa la isugu yeeray shir deg deg ah oo aan caadi aheyn, kaas oo berry subaxa hore ka dhacaya Muqdisho, sida lagu shaaciyey farriin ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Kulankaas waxay xukuumaddu go’aan kaga gaari doontaa heshiiskii ay maanta Addis Ababa ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaraha Itoobiya Abiy Axmed.

“Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa beri Shir degdeg ah la isugu yeeray si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska R/Wasaare Xamze Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday is-afgarad (Momentum of Understanding) taariikhi ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy.

Is-afgaradka oo loogu yeeray mid iskaashi iyo wada-shaqeyn ayaa bayaanka lagu sheegay in loogo talogalay in uu noqdo qaab-dhismeedka iskaashi dhinacyada badan leh oo dhex-mara labada dhinac.

“Is-afgaradka waxa uu u gogol xaari doonaa ka dhabeynta hamiga Itoobiya ee ku aaddan xaqiijinta inay marin u hesho badda iyo kordhinta dekedaha kala duwan. Is-fagaradka waxa kale uu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Muuse Biixi ayaa sheegay in is-afgaradka uu dan u yahay labada dhinacba, oo midba uu helayo waxa uu aadka ugu baahan yahay, oo ah in Somaliland ay hesho aqoonsi, Itoobiyana ay markii ugu horreyso hesho bad.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid ka carootay heshiiskaas, waxaana xusid mudan in Muuse Biixi uu toddobaadkaan gudihiisa Madaxweyne Xasan Sheekh la saxiixday heshiis dhigaya in la bilaabo wadahadallo, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo caqabad ku keeni kara geedi socodka wadahadallada DF Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Abiy iyo Muuse Biixi oo kala saxiixday is-afgarad lagu kala bedelanyo BAD iyo AQOONSI

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday is-afgarad (Momentum of Understanding) taariikhi ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy. 

Is-afgaradka oo loogu yeeray mid iskaashi iyo wada-shaqeyn ayaa bayaanka lagu sheegay in loogo talogalay in uu noqdo qaab-dhismeedka iskaashi dhinacyada badan leh oo dhex-mara labada dhinac.

“Is-afgaradka waxa uu u gogol xaari doonaa ka dhabeynta hamiga Itoobiya ee ku aaddan xaqiijinta inay marin u hesho badda iyo kordhinta dekedaha kala duwan. Is-fagaradka waxa kale uu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. 

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo. 

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Muuse Biixi ayaa sheegay in is-afgaradka uu dan u yahay labada dhinacba, oo midba uu helayo waxa uu aadka ugu baahan yahay, oo ah in Somaliland ay hesho aqoonsi, Itoobiyana ay markii ugu horreyso hesho bad.

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada Somaliland marka heshiiska la saxiixo, anagana waxaan noqon doonnaa dalkii ugu horreeyey ee bad 20 km ah siiya Itoobiya,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Waxaa xusid mudan in warqadda kasoo baxday xafiiska Abiy Ahmed aanu lagu xusin aqoonsiga uu shaaciyey Muuse Biixi. Hase yeeshee Muuse Biixi waxa uu caddeeyey in arrintaas ay ku qoran tahay is-afgaradka la kala saxiixday.

Xafiiska Abiy Ahmed wuxuu sheegay in is-afgaradka uu xaqiijinayo horumarinta danaha labada dhinac.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan deg deg uga jawaabin is-afgaradka. Hase yeeshee, haddii sida Muuse Biixi uu u sheegay uu u qoran yahay waa xadgudub weyn oo Itoobiya ay ku sameysay madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Is-afgaradka ayaa yimid maalmo kadib markii madaxda Dowladda Federaalka iyo Somaliland ay heshiis ku aaddan sii wadista wada-hadallada ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti. Ma cadda haddii ay xiriiraan labada dhacdo.

Hoos ka daawo Muuse Biixi oo shaacinaya heshiiska

Xamaas oo maanta weerar culus ku qaaday ISRAEL

0

Gaza (Caasimada Online) – Xoogagga Xamaas ee ku sugan Marinka Gaza ayaa maanta ganey gantaallo aad u tiro badan oo ku wajahan Israel.

Gantaalahan ayaa la sheegay inay kallifeen in la yeeriyo dhawaqa digniinaha marka duqeymo ay jiraan, kaasi oo laga maqlay Israel oo idil. Weli si rasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay.

Xamaas ayaa sii wada beegsiga Israel, xilla dhinaca kale Israel ay wado duullaan ay ka sameynayso Gaza oo ay sheegtay inay dooneyso inay ku cirib-tirto Xamaas.

Dhaq-dhaqaaqa Milateriga Israel ee Gaza ayaa sii socday Isniintii, ayada oo howl-galka dhinaca dhulka iyo cirka ay ciidanka sameynayeen. Israel ayaa sheegtay inay ku dishay taliye sare oo ka tirsan Xamaas.

Taliyaha la dilay ayay magaciisa ku sheegtay Adel Mismah, kaasi oo ay sheegeen inuu gacan ka geystay hoggaaminta weerarkii 7-dii October ee 2023.

Tobonaan kun oo qof oo barakacayaal Falastiiniyiin ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sii qulqulayay magaalada Rafax oo markii horeba ay dadku buux dhaafiyeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ka sokow dagaallada culus ee haatan ka socda Marinka Gaza, waxaa jira khilaaf xooggan oo u dhexeeya Maamulka Falastiiniyiinta iyo Israel, kaas oo ku saabsan mustaqbalka Gaza iyo cidda gacanta ku hayn doonta.

Si kastaba, Maamulka Falastiinyiinta ayaa rajaynaya inuu la wareego talada Gaza, dagaalka kadib, laakiin maamulka Israel ayaa arrintaas ku gacan sayray.

Madaxweyne DENI oo la dhacsan siday wax u socdaan oo soo saaray war cusub

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maalmuhu u harsan yihiin ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay liiska xildhibaannada cusub ee Puntland iyo tallaabada ay maanta qaadeen.

Xildhibaannada cusub oo muran xooggan ka taagan yahay ayaa maanta la dhaariyay, iyada oo isla maanta ay doorteen guddoomiye kumeel-gaar ah.

Saciid Deni ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ugu horeyntii wuxuu tahniyadeeyay Xildhibaannada cusub, “Waxaan u hambalyeeynayaa Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey.”

Deni ayaa sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay tallaabada ay maanta qaadeen Xildhibaannada cusub, isaga oo u rajeeyay in si dhakhso ah u guda galaan doorashada guddoonka Golaha Wakiilada, xilli ay Mucaaradka shaki galiyeen hanaanka sharci ee lagu soo xulay xubnahaasi.

“Allah waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda ay qaadeen, Anigoo u rajeynayaa in ay waajibaadkooda si dhakhso ah u gutaan sida Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada iyo tan Madaxtooyada. Hambalyo,” ayuu Deni ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Deni oo lagu eedeynayo in uu gadaal ka riixayo Xildhibaannada cusub oo isla maanta la dhaariyay, ayaa u muuqda mid la dhacsan sida ay wax u socdaan, xilli laga cabsi qabo in gacan ka hadal uu markale ka dhaco Garoowe.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa meel adag iska taagay Xildhibaannada cusub, iyaga oo been abuur ku tilmaamay liiska soo baxay.

Waxay sheegeen in xulista Xildhibaannada aysan marin habraacyadii rasmiga ahaa, ayna ku badan yihiin xubno aan soo gudbin araajididii saxda aheyd.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale caddeeyay in aysan doorasho ku galayn liiska sharci-darrada ah ee soo baxay, ugana digay madaxweyne Deni in uusan maamulka u horseedin burbur, amni darro iyo qalalaase siyaasadeed, islamarkaana uu isagu qaadi doono masuuliyadda wixii ka yimaada.