24.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Musharaxiinta Mucaaradka Puntland oo qaadacay liiska xildhibaannada cusub

0

Garoowe (Caasimada Online) – Musharaxiinta Mucaaradka ee u taagan xilka Madaxweynimada Puntland ayaa ku dhowaaqay in aysan aqoonsaneyn liiska Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Musharaxiinta Mucaaradka oo shir deg deg ah ku yeeshay Garoowe ayaa waxay been abuur ku tilmaameen liiska soo baxay, iyaga oo sheegay in xulista Xildhibaannada aysan marin habraacyadii rasmiga ahaa, ayna ku badan yihiin xubno aan soo gudbin araajididii saxda aheyd.

“Musharaxiinta waxay shacabka Puntland u cadeynayaan in aysan aqoonsaneyn liiska baalmarsan habraacii lagu soo xuli jiray xubnaha Golaha Wakiilada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Musharaxiinta Mucaaradka Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Musharaxiinta waxay kale oo cadeynayaan in aysan doorasho ku galayn liiska sharci-darrada ah ee soo baxay.”

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa uga digay madaxweyne Deni in uusan maamulka u horseedin burbur, amni darro iyo qalalaase siyaasadeed, islamarkaana uu isagu qaadi doono masuuliyadda wixii ka yimaada.

Bayaankan deg deg ah ayaa waxaa si wada-jir ah usoo saaray Musharaxiinta kala ah; Dr Cabdiweli Maxamed Cali, Amb Axmed Ciise Cawad, Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi, Xasan Shire Abgaal, Faarax Cali Shire iyo Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale waxaa qeyb ka bayaankan Musharaxiinta; Maxamuud Xayir Ibraahim, Cumar Ismaaciil Waaberi, Dr Guuleed Saalax Barre, Cali Gaashaan Cali, Aadan Sheekhdoon Cali, Dr Maxamuud Maxamed Mashruuc, Cabdilladiif Muuse Nuur, Eng Maxamuud Khaliif Jabiye, Cartan Yuusuf Cismaan iyo Axmed Cabdillaahi.

Bayaanka Mucaaradka ayaa imanaya xilli goordhoweyd la dhaariyay Xildhibaannada kusoo baxay liiska uu muranka ka taagan yahay, islamarkaana ay doorteen guddoomiye KMG ah.

Si kastaba, arrimahaan ayaa uga sii daraya muranka haatan ka taagan doorashada Puntland, taasi oo laga cabsi qabo in markale uu gacan ka hadal ka rido Garoowe, kaasi oo u dhaxeeya maamulka Deni iyo Mucaaradka.

Aadan Madoobe oo aad uga carooday arrin ay sameeyeen xildhibaannada baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa si weyn uga carooday in kulamada Baarlamaanka ay u baaqdan kooram la’aan.

Waxa uu sheegay in ay ceeb ku tahay Baarlamaanka in 275 Xildhibaan laga waayo xataa 140 Mudane oo soo xaadirta kulankii maanta, uuna sidaas ku baaqday.

“Waxaa u baahan in la is weydiiyo in aan 275 Xildhibaan aan ka weyno 140 Xildhibaan runtii Baarlamaankeena ceeb ayay ku tahay. Kalfadhigan afaraad waxaa nalooga baahna shuruuc muhiim ah oo ay tahay in aan ansixino,” ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe.

Waxa uu ka dalbaday Xildhibaannada maqan in soo xaadiraan kulamada Golaha Shacabka, ayna dhowraan dhaartii, “Umadii shalay dooratay oo iyaguna kitaabka Ilaahay ugu dhaarteen inay shaqeynayaan oo waajibaadkooda fushadaan oo soo xaadiraan ayaa u jeedineyna.”

Sidoo kale waxa uu ku dhawaaqay in kulankii maanta ee Golaha Shacabka uu u baaqday kooram la’aan, isaga oo u mahad-celiyay Xildhibaannadii koobna ee soo xaadiray.

“Kooram inagoo helin lama furi karo shirka, sidaas daraadeed wuxuu shirkii maanta u baaqday kooram la’aan, aniga oo dareensanahay in Xildhibaannada magaalada ay joogaan, taas anaga ayay ceeb nagu tahay.”

Si kastaba, Marar badan ayaa guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u digay Xildhibaannada iska maqan ee aan soo xaadirin kulamada, balse illaa hadda ma jirto wax kasoo naasa cadaaday digniintaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka

Daawo: Dowladda oo amar culus kasoo saartay dhulalka danta guud ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay u baahan tahay dhulalkeeda.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay qaadan doonto macallimiin gaaraya illaa 20 kun, kuwaas oo u baahan meel ay ku shaqeeyaan, ayna tahay in la banneeyo dhulkooda.

“Haddaanu nahay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare madaxweynaha ayaa mar nagu siiyay, xukuumadda ayaan ansixisay in 20 kun oo macallin la qoro muddada xukuumaddan ay joogto, hadda waxaan mareynaa 6 kun, sanadkan gudihiisana 4 kun oo kale ayaan ku kordhineynaa, i.n” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Sidoo kale wasiirka ayaa dalbaday duqa Muqdisho inuu arrintaan gacan ku siiyo, si dadweynaha iyo shaqsiyaadka kale ee haysta dhulalkaas looga raro.

“Guddoomiyaha gobolka waxaan ka rabnaa dhulka waa mustaqbalkeenna inaan haba yaraatee marna aan laga gorgortamin” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo sii hadlayay ayaa shaaca ka qaaday inay diyaariyeen lacagihii lagu dhisi lahaa dhammaan xarumaha burbursan ee wasaaradda waxbarashada.

“Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in wasaaradda waxbarashadaay diyaar u tahay, ayna diyaarisay qarashkii dib loogu dhisi lahaa dhammaan dugsiyada oo dhan, gobolka Banaadir ayaana ugu horeeyo” ayuu sii raaciyay wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in sanadkan uu noqon doono midka waxbarashada, ayna ku dadaali doonaan horumarinteeda.

“Sanadkan 2024-ka annaga haddaa nahay dowladaha Afrika waxaan u naqaanaa inuu yahay sanadkii waxbarashada, haddaani nahay Soomaaliya waxaa u naqaanaa inuu yahay sanadkii waxbarashada” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Faarax C/qaadir.

Daawo: Odawaa oo shaaciyey arrin yaab leh oo ka taagan garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa sheegay in Muqdisho weli ay ka jirto cabsi ay reebeen weerarradii Al-Shabaab, si gaar ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo ku taliyey in wax badan laga bedelo irdaha laga sugo amniga garoonka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in garoonka Aadan Cadde qofkii ka soo dega ee Muqdisho aan aqoon uu dareemayo cabsi xoog leh, isagoo farriin u diray xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

“Qofkii ka soo dega garoonka Aadan Cadde, isagoo ajanebi ah ama Soomaalida aan imaa jirin ah, markii uu arko biraha iyo dhagaxda cabsida muujinaya ee garoonka lagu wareejiyey wuxuu dareemayaa qalqal,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

Xildhibaanka ayaa maamulka gobolka Banaadir, hey’adaha amniga iyo xukuumadda ku canaantay suurad xumada ka jirta irdaha laga galo garoonka Aadan Cadde, “xitaa lama rinjiyeeyo oo lama qurxiyo biraha iyo dhagaxaanta, ra’iisul wasaare ka tashada adiga iyo maamulka gobolka Banaadir, arrinta garoonka waa muhiim in wax laga bedelo,” ayuu yiri Odawaa.

Sidoo kale xildhibaan ayaa soo jeediyey in gudaha caasimada Muqdishi laga mamnuuco qoriga BKM ee Dabajeexa loo yaqaano, maadaama aan looga baahneyn gudaha Muqdisho, taas bedelkeedna uu muujinayo xaalad cabsi ah.

“Hadii garashadu aysan is bedelin amnigu isma bedeli doono, waxaad arkeysaa gaari ay saaranyihiin ciidan badan iyo qoryo dabajeexyo ah oo magaalada dhex maraya, fadlan siyaasi uma baahnid askar badan, amnigaaga waxaa sugi kara labo askari oo labo AK47 wadata, ka dhaafa amniga caasimada suurad xumeynta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Odawaa.

Sidoo kale Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in dhagaxaan badan oo aan loo baahneyn, isla markaana looga maarmay amniga Muqdisho ay yaalaan gudaha Caasimadda.

“Qeybo badan oo magaaladaan ka mid ah waxaa taalla dhagaxaan badan, kuwaas oo laga soo gudbay baahidooda, cid ka qaadeysana ma jirto ilaahey amarkii!” Ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Hoos ka daawo

FAYSAL Cali Waraabe oo shaaciyey qorshaha kulankii Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ee dalka Jabuuti.

Kulanka labada madaxweyne oo ahaa mid dib loogu bilaabayay wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, ayada oo Somaliland ay muujisay dabacsanaan aan hore u dhicin wada-hadalladii hore.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in socdaalka Muuse Biixi uu ku tegay Jabuuti iyo wada-hadallada uu dib u bilaabay uusan ka talo gelin siyaasiyiinta Somaliland iyo mucaaradkaba.

“Waxaa asbuucii dhoweyd bilowday arrin aanu fileyn, oo waxaa war ku helnay Muuse Biixi wuxuu tegay Jabuuti. Ma jirin wax dadka kala socodsiiyay oo anagana nala socodsiiyay aysan jirin,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

“Waxay aheyd (Muuse Biixi) in doorashadii uu waqtigeeda qabto, xeerkii uu sii daayo. Waqti aan maanta Soomaaliya hadal la furno saacadeedii ma joogno.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Muuse Biiix aan hadda laga sugeyn inuu wada-hadal la furo Soomaaliya, balse ay aheyd inuu qabto doorashada, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid.

“Waxaa u aragnaa socdaalka uu Jabuuti ku tegay fallaari gil-gilasho kagama go’do,” ayuu yiri Eng. Faysal Cali Waraabe oo weyn ugu dhaliilay Muuse Biixi inuu wada-tashi la’aan ku tegay Jabuuti, uuna dib u furo wada-hadallada.

Waxa uu intaas kusii daray “Wixii dhacay ee ka dhacay Laascaanood, dambiyadii ka dhacay Goojacadde oo maanta ciidamadeenu joogaan Oog maanu fadh-fadhin, oo waxaa u fadh-fadhi weynay waxaa diidaynay dadkeena wax tafaraaruq galiya inta dalka difaaceyno, oo cadowga iska durkineyno oo doorashadeeda qabanayo.”

Si kastaba, in ay wada-hadallada ku bilowdeen heer sidaan u dabacsan oo ogolaansho badani ay ka muuqato ayaa loo tirinayaa inay horseed u tahay cadaadiska gudaha ka haysta Muuse Biixi, oo dhawaan lumiyay Sool, uuna buuq siyaasadeed xooggan ku furan yahay.

Guddoomiyaha guddiga doorashada PUNTLAND oo diiday xildhibaanada cusub

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Puntland Isxaaq Axmed Xasan oo shir jaraa’idu qabtay warbaahinta ayaa ka horyijmid liiska la shaaciyay ee xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi.

Aroortii hore ee saaka ayuu soo baxay liiska oo ka kooban 66 xildhibaan oo ay ku jiraan 17-ka xildhibaan ee SSC-Khaatuma, waxaana akhriyay xoghayaha guddiga doorashada.

Guddoomiye Isxaaq ayaa sheegay in liiskaas ay soo gudbisay madaxtooyada, xubnaha ku qorana aysan soo marin habraacii saxda ahaa ee doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxtooyadu liis-bey soo diyaarsatay waxaa nala tusay liis aan la garaneyn liiskaas 70% ma ahayn xittaa dad soo maray habraacii saxda ahaa ee guddiga” ayuu yiri Isxaaq.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay arrintaan lama filaan ku noqotay, isla markaana ay tahay wax laga xumaado in doorashadii ay la wareegto madaxtooyada.

“Arintaas waxay igu noqotay lama filaan waxay keentay khilaaf illaa xalay waxaa socday muran dhammaan waayay” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu caddeeyay inay waxba kama jiraan uu yahay liiska la shaaciyay, maadaama aanu isagu saxiixin, sida uu ku dooday guddoomiyaha guddiga doorashada.

“Aniga waxaan u caddeynayaa Ummadda reer Puntland wixii xalay meeshaas ka dhacayay wax ka jira inaana jirin, mana saxiixin liiskaasi, raallina kama ihi” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo liiska la shaaciyay ay kusoo baxeen xubno badan oo ay wadato madaxtooyada, taas oo hadal heyn xoogan ka dhalisay Puntland.

Si kastaba, arrintan ayaa uga sii dareysa muranka haatan ka taagan doorashada Puntland, maadaama ay dhankooda horay tallaabadan uga digeen xubnaha mucaaradka iyo Isimada dhaqanka Puntland oo iyagu soo jeediyay in doorashada lagu galo kaliya 49 xildhibaan.

Xildhibaannada cusub ee Puntland oo la dhaariyay, kadibna guddoon doortay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaamada cusub ee baarlamaanka maamulka Puntland ayaa goordhow la dhaariyay kadib munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe.

Dhaarinta ayaa ka qabsoontay xarunta Golaha wakiilada, ayada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka, waxaanaxarunta la dhigay ciidamo badan.

Xildhibaannada cusub oo saaka uun la shaaciyay ayaa hadda kulankoodii ugu horreeyay yeeshay, waxayna doorteen guddoomiye KMG ah, waxaana loo doortay Xasan Cabdalla Xasan oo ah ninka ugu da’da weyn, kaas oo horay usoo noqday duqii Boosaaso.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli dood xoogan ay ka taagan tahay liiska xildhiibaannada cusub oo ka koobam 66 mudane, waxaana ku jira 17-ka ka imaanaya deegaannada SSC-Khaatuma.

Dhanka kale, Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Isxaaq Axmed Xasan oo saaka shir jaraa’idu u qabtay warbaahinta ayaa ka horyijmid liiska la shaaciyay ee xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi.

Guddoomiye Isxaaq ayaa sheegay in liiskaas ay soo gudbisay madaxtooyada, xubnaha ku qorana aysan soo marin habraacii saxda ahaa doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxtooyadu liis-bey soo diyaarsatay waxaa nala tusay liis aan la garaneyn liiskaas 70% ma ahayn xittaa dad soo maray habraacii saxda ahaa ee guddiga” ayuu yiri Isxaaq.

Si kastaba, tallaabadan ayaa uga sii dareysa muranka haatan ka taagan doorashada Puntland, maadaama ay dhankooda horay tallaabadan uga digeen mucaaradka iyo Isimada dhaqanka Puntland oo iyagu soo jeediyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan.

Rag qaraxyo fulin rabay oo gacanta lagu soo dhigay

0

Caad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay maanta ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Mudug.

Howlgalkaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Caad ayaa waxaa lagu soo qabtay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo waday walxaha qarxa.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka deegaanka Ceel-huur Maxamed Aadan oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa xog ka bixiyay raggaasi qaraxyada lagu qabtay, wuxuuna sheegay inay kasoo bixi jireen Jeex-jeex, kadibna ay miinooyin u dhigi jireen ciidamada.

“Nimanka la qabtay waxay kasoo tagi jireen Jeex-jeex waxay miinooyinka usoo qaadi jireen waddada soo aada magaalada Caad” ayuu yir guddoomiye ku xigeenku.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilliga la qabanayay ay ku howlanaayeen aasidda miino, kadibna laga war helay, sidaasna gacanta loogu soo dhigay.

“Laba nin ayay ahaayeen oo qarax dhigayay, waxaan qabanay iyaga oo jidka waardiye ka haayo” ayuu mar kale wareysiga ku yiri guddoomiye Maxamed Aadan.

Waxaa kale oo uu hadalkiisa ku daray “Xittaa in la qabto waa diideen muddo hal saac iyo bar ayaa la eryanaayay”.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa weli howlgallo culus ka wada koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkii ugu dambeeyay oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ayaa xalay ka dhacay deegaanka Jeex-jeex, kaas oo kooxda looga dilay ku dhowaad 50 ka tirsanaa maleeshiyadeed, xilli ay isku uruursanayeen halkaasi.

46 ka tirsanaa Al-Shabaab oo hal goob lagu dilay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe duqeymo xoogan ay ka dhaceen koonfurta gobolkaasi, gaar ahaan halka loo yaqaano Jeex-jeex oo ay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleyda ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkaasi dhanka cirka ah, wuxuuna sheegay in lagu qaaday xubno Shabaab ah oo ku sugnaa halkaasi.

“Howlgalku wuxuu ka dhacay meel ay Khawaarijta isku uruursanaayeen, laakiin ciidamadu aysan u dhoweyn markaas oo ku taal koonfurta deegaanka Jeex-jeex” ayuu yiri sarkaalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Wuxuu ahaa howlgalka mid cirka ah oo kaliya, waxaana iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah”.

Ugu yaraan 46 kamid ahaa xubnihii ku sugnaa saldhigga la duqeeyay ayuu sheegay in lagu dilay halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Khasaare aad u baahsan ayaa gaaray kooxda, sida naloo xaqiijiyay illaa 46 kamid ahaa Khawaarijta ayaa meeshaas ku naf waayey” ayuu yiri sarkaalka Macawiisleyda ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in la burburiyay saldhiggii ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab, kaas oo uu tilmaamay inay ka difaacayeen deegaanka Jeex-jeex.

“Goobta waxa ay ahayd saldhig kooxda Khawaarijta ka difaaceysay Jeex-jeex hadda kuma sugna ciidamada dowladda, weli waxaa jooga Khawaarijta” ayuu mar kale yiri sarkaalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada maamulka Galmudug.

Mareykanka oo weerar ku billaabay Xuutiyiinta Yemen

Sanca (Caasimada Online) – Ugu yaraan toban ka tirsan kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Axadda shalay lagu dilay kuwa kalana waa lagu dhaawacay kadib markii ciidamada badda Mareykanka ay doomoha kooxda duqeyn kula beegsadeen Badda Cas.

Ciidamada Mareykanka ayaa goor sii horreysay sheegay in ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanku burburoyeen dhowr doomaha yaryar ah oo ay ku howlgalayeen kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran.

Diyaarado Helicoptero ah oo ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka ayaa quusiyay saddex doomood oo ay wateen fallaagada Xuutiyiinta kuwaasi oo weeraray markab xamuul ah oo marayay Badda Cas, sida ay shegeen milatariga Mareykanka.

Taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ka dib markii ay Xuutiyiintu rasaas ku fureen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Maraykanka, ay ciidamada Mareykanku “ka jawaabeen iyagoo is difaacaya,” ayna quusiyeen saddex ka mid ah afar doomood oo yar yar oo markabkooda u soo jirsaday ilaa 20 mitir, waxayna dileen dadkii doomaha saarnaa.

Taliska ayaa intaa ku daray in doonta afaraad ay aagga ka baxsatay.

Taliska CENTCOM ayaa sheegay in ciidamada baddu ay ka jawaabayeen codsi kaga yimid markabka Maersk Hangzhou, oo sittay calanka Singapore lagana leeyahay Denmark kaasi oo soo wariyay in muddo 24 saac gudahood ah uu laba weerar kula kulmay Badda Cas.

AFP, VOA

Liiska xildhibaanada cusub ee PUNTLAND oo la shaaciyay + Magacyada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Puntland ayaa saaka aroortii hore shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Puntland oo la sugayay ku dhowaaqistooda.

Guddiga ayaa soo saaray magacyada xildhibaannadan oo ka kooban 66 Mudane, waxaana ku jira 17-ka xildhibaan ee metelayo SSC-Khaatuma, kuwaas oo uu xulistooda muran xoogan ka taagnaa.

Caasimada Online oo heshay nuqul kamid ah liiska kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu soo bandhigay magacyada xildhibaannada iyo deeegaannada ay kasoo kala jeedaan.

Arrintan ayaa uga sii dareysa muranka haatan ka taagan doorashada Puntland, maadaama ay horay tallaabadan uga digeen mucaaradka iyo Isimada dhaqanka Puntland oo iyagu soo jeediyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan.

Sidoo kale waxa ay arrintan ka hor imaaneysaa go’aankii Isimada SSC iyo hoggaankooda oo dhowaan uun shaaciyay in aysan qayb ka noqon doonin doorashada Puntland, ayna isaga baxeen guud ahaan maamulkaasi, maadaama ay dhisteen maamul madax bannaan oo ay aqoonsatay dowladda dhexe.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa ku adkaysanaya in doorashada maamulka lagu galo sidii hore, isla markaana aan waxba laga badali doonin siday u dhisneyd illaa amar dambe, taasi oo ka dhigan in 66 xubnood lagu gali doono doorashada, kuwaas oo hadda la shaaciyay.

Si kastaba, tallaabadan ayaa ka dhigan in Puntland qaadacday inay marxaladaan fasaxdo Khaatumo, maadaama ay ku gacan seertay go’aankeedii ka bixista Puntland.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana saacadaha soo socda la sugayaa jawaabta musharixiinta mucaaradka iyo Isimidda dhaqanka ee SSC-Khaatuma.

 

Imran Khan oo hab cajiib ah looga reebay doorashada ka dhaceysa dalka Pakistan

0

Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan oo xabsiga ku jira iyo inta badan taageerayaashiisa ayaa loo diiday in ay isku sharaxaan doorashada dhaceysa 8-da bisha February ee sanadka cusub.

Saraakiisha xabsiga ku heysa Imran Khan ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigii la isku diiwaangelin lahaa doorashada.

Imran Khan ayaa xabsi ku jiray illaa bishii August, isaga oo wajahaya dacwado la xiriira dhowr kiis oo uu ku tilmaamay in loo soo abaabulay, si looga reebo in uu doorashada ka qeyb galo, isagoo hoggaaminaya xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI).

Xiddiggii hore ee Cricket-ka ayaa horraantii sanadkan lagu helay dambi ah in uu ku kacay fal dambiyeed, laakiin maxkamad ayaa hakisay xukunkii saddexda sano ahaa ee lagu riday, iyadoo xukunkaasna uu racfaan ka qaatay.

Guddiga doorashaoyinka ee dalka Pakistan (ECP) ayaa Imran Khan ka mamnuucay in uu xafiiska u tartamo xukun danbiyeedka awgeed. Xisbiga PTI ayaa waraaqaha magacaabistiisa gudbiyay toddobaadkii hore.

Imran Khan ayaa ra’iisul wasaare ka soo moqday dalka Pakistan, balse waxaa xukunka looga tuuray si awood sheegasho ah.

Dowlado u badan reer Galbeedka oo Mareykanku uu ugu horeeyo ayaa diidan in Imran Khan uu dalkiisa ka sii cayaaro door siyaasadeed, taasi waxay sababtay in xabsi lagu rido, dacwadana lagu soo oogo.

DF oo shaacisay magacyada madaxda Shabaab-ka ee lagu dilay duqeyntii Sh/Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay magacyada horjoogayaasha Al-Shabaab ee lagu dilay duqeyntii maanta ka dhacday Shabeellaha Hoose.

Duqeyntan oo ka dhacday deegaanka Nuun-Garre oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay laba horjooge oo muddooyinkii dambe si aad ah loogu raadjoogay.

Labada horjooge ee lagu dilay howl-galkan ayaa kala ahaa; Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Khawaarijta kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.

“Labada horjooge ee la dilay ayaa ahaa dembiileyaal si wayn loogu raad joogay, kuwaas oo loo haystey gabbood fallo ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa lagu shaaciyay bayaankan in howl-gal aad loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka lagu dilay toddobo ka mid ah kooxda Al-Shabaab.

Xubnahaan ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisin kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen duleedka magaalada Caad ee gobolka Mudug.

“Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta haraadiga ah,” ayaa markale lagu yiri bayaanka kasoo dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Maxaad ka ogtahay afarta arrin ee weyn ee xujada ku ah Xasan iyo 4 uu dhameystiray?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheekh Maxamuud, nasiib iyo hibo hoggaamineed middii ay tahayba waa madaxweynaha ugu badan ee Soomaaliya ee loo diiwaan-geliyay inuu dhameystiray qadiyadihii ugu waaweyn dalka, tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991.

Dib ugu soo laabashadii xafiiska ee 15-kii May 2022 ayaa gacanta u galisay dhowr fayl oo uu isagu hore u bilaabay, qaarna ay kasii horreeyeen balse la dhameystiri waayay shantii sano ee uu ka maqna xukunka.

1 sano iyo 7 bilood oo uu xafiiska joogo muddo xileedkiisan cusub wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhameystiray afar arrimood oo muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliya, waxaana hadda u dhiman afar kale oo iyaguna waaweyn oo dalka muhiim u ah.

Arrimaha uu dhameystiray waxaa kamid ah;

1. Ku biiristii East African Community

In lagu biiro dallada dhaqaalaha ee bulshada Bariga Afrika muddo ayay raadineysay Soomaaliya.

2. Cuna-qabateyntii hubka

32 sano waxaa Soomaaliya saarneyd cuna-qabateyn xagga hubka waana mida dalkeenna keentay argagixisada, markii dambena sababtay in laga adkaan waayo.

3. Xilka 2-aad ee ugu sarreeya urur-goboleedka IGAD

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay tan iyo 2014-kii raadineysay mid kamid ah xilalka ugu sarreeya urur-goboleedka IGAD, laakiin ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kusoo guuleystay inuu Soomaaliya u keeno xilka labaad ee ugu sarreeya ururkaan oo loo magacaabey Maxamed Cabdi Waare.

4. Deyn cafinta

Dalkaan ku yaalla Geeska Afrika ayaa laga cafiyay lacag ku dhow 5 bilyan oo dollar oo lagu lahaa ku dhowaad lixdan sano.

Xasan Sheekh oo isagu bilaabay ololaha deyn cafinta ayaa haddana nasiib u yeeshay inuu dhameystiro.

Afartaas qodob ee waaweyn waa afarta uu dhameystiray madaxweyne Xasan Sheekh, waxaase hadda hortaalla afar arrimood oo kale oo iyaguna dalka iyo dowladnimada muhiim u ah.

Afarta dhiman ee qabyada ah ayaa kala ah;

1. La-dagaalanka argagixisada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kal xukunkiisi hore 32 degmo ka saaray argagixisada, halka uu kal xukunkiisa labaad uu ka saaray in ka badan 70 goobood oo ay ku jiraan degmooyin ay kamid yihiin Ceeldheer, Xarardheere, Aadan Yabaal iyo kuwa kale.

Laakiin sidaas oo ay tahay weli argagixisada waa nooshahay oo waxay dhibaateynaysa dad Soomaaliyeed. Shaqada ugu weyn ee hadda hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu dalka dhaafiyo argagixisada.

2. Dhameystirka Dastuurka

Dalka wuxuu tan iyo 2012-kii ku shaqeynayaa dastuur qabyo ah oo kumeel-gaar ah. Inuu dalka yeesho dastuur rasmi ah, heshiis lagu yahay, waafaqsan shareecada islaamka waa arrin aad loogu baahan yahay, waana shaqada labaad ee ugu weyn ee u taalla madaxweyne Xasan Sheekh.

3. Midnimada

Labadii cisho ee lasoo dhaafay madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shir uga socday magaalada Jabuuti ee waddanka Jabuuti, waxaana ugu dambeyn dib loo bilaabay wada-hadalladii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

In dib loo soo celiyo midnimadii dalka oo la qanciyo Somaliland waa arrin si weyn loogu taamayay muddo soddan sano ka badan.

Waa mid kamid ah howlaha la rabo in Xasan Sheekh ka miro-dhaliyo ama meel fiican uu soo gaarsiiyo inta uu joogo xukunka.

4. Maqaamka Caasimada

Midda afaraad ee madaxweyne Xasan Sheekh u dhiman waa maqaamka caasimada.

In ka badan afar milyan oo qof oo Soomaali ah oo bixiya 100% canshuurta ay dowladda ka hesho gudaha dalka ayaa laheyn maamul ay doortaan iyo metelaad siyaasadeed toona, taasi oo marar badan lagu cel-celiyay inay tahay wax aan la aqbali karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu ballan-qaaday haddii uu dib ugu soo laabto xafiiska inuu Muqdisho u sameyn doono maqaam gaar ah, waana arrin kale oo kamid ah qodobada waaweyn ee weli laga sugayo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Afarta qodob ee hore hal sano iyo lix bilood ayay ku qaadatay madaxweynaha inuu dhameystiro, afarta dambena weli waa qabyo waana looga fadhiya maadaama uu weli xukunka joogo.

Ujeedada Abiy Ahmed ugu yeeray Muuse Biixi + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa maanta halkaasi uga bilaabantay booqasho rasmi ah kadib markii uu u yeeray oo uu marti-qaaday Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa madaarka caalamiga ah ee Bole International Airport ku soo dhaweeyey ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia Demeke Mekonnen iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Ethiopia.

Soo dhawaynta Muuse Biixi oo hab-maamuuskeedu ahaa mid aad u sareeya ayaa qadar nasasho ah kadib waxaa loo galbiyey qasriga madaxtooyada oo madaxweynaha la dejiyey looguna sameeyey hadhimo sharafeed.

Safarka Muuse Biixi ee Ethiopia ayaa wuxuu kusoo aadaya kadib un maalmo markii ay dalka Jabuuti heshiis hordhac ah ku gaareen dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo dib loogu bilaabayo wada-hadallada labada dhinac.

Sidoo kale waxa uu imaanaya safarkiisa Addis Ababa, ayada oo Abiy uu weli ku dhagan yahay qorshaha helitaanka bad ee Ethiopia, uuna si cad u muujiyay damaciisa Saylac.

Si kastaba, waxaa safarkaan Biixi ku wehliya wasiirrada wasaaradaha waxbarashada iyo eayniska, qorshaynta iyo horumarinta qaranka, horumarinta maaliyadda, ku-xigeenka ganacsiga iyo dalxiiska, halka wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah uu dalka Ethiopia kaga sii horeeyo wafdiga iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalkaasi.

Sawirro: Ujeeddada kulan xasaasi ah oo maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka iyo dhammaan xubnaha guddiga joogtada ah.

Guddoomiyeyaasha guddiyada ayaa waxay soo bandhigeen warbixino ku aadan shaqada guddiyada iyo hindise sharciyeed-yada ay diyaariyeen una baahan in la horkeeno Golaha si loo marsiiyo dariiqa loogu talagalay.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ayaa aad uga dooday ajandeyaal muhiim u ah fadhiga Golaha Shacabka.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiyada Golaha Shacabka ay hayaan shaqooyin muhiim u ah qaranka, islamarkaana laga rabo in ay laba jibaaraan howlaha horyaala, isagoo faray shuruucda ay gacanta ku hayaan inay soo dhameystiraan.

Kulankaan ayaa imanaya xilli uu jiro guux xooggan oo la xiriira qorshaha uu weli ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ee heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Sidoo kale waxaa dhawaan baaqday kulan dhex-mari lahaa madaxweyne Xasan Sheekh, guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo looga hadli lahaa arrimahaan.

Maalmo kahor ayay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdiqaadir Cosoble Cali ay ku kulmeen Muqdisho.

Dhinacyada ayaa markaas isla qaatay in ay la kulmaan guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo qorshuhu ahaa in sidoo kale lala wadaago sida ugu haboon ee loo jiheyn karo arrimaha saameynaya dastuurka.

Balse kulankaasi ayaa baaqday, xilli dhinacyada isla qaateen in la sii wado doodaha oo sidoo kale lagu soo biiriyo siyaasiyiinta kale.

Puntland oo maanta ku dhawaaqeysa go’aan saameyn weyn ku yeelanaya SSC

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayaa in lagu dhawaaqo liiska xubnaha Golaha Wakiilada ee maamulka Puntland, xilli ay maamulka ka taagan tahay dood la xiriirta go’aankii SSC-Khaatumo.

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa weligii ahaa 66 xubnood, sida ugu qoran dastuurka. Sidoo kale waxay Sool ku qoran tahay dastuurka Puntland, oo ah inay maamulkaas ka tirsan tahay.

Waxba lagam bedelin sharciyan illaa hadda in baarlamaanka Puntland uu yahay 66 xubnood, ayada oo reer Khaatumo diideen soo xulista 17 xildhibaan, iyaga oo ku dhowaaqay ka bixitaankooda Puntland.

Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka Puntland ayaa maanta lagu wadaa inay shaaciyaan liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee maamulka.

Waxaa maanta dhacay baarlamaankii Puntland ee soo saari lahaa habraaca 49 Xildhibaan, dhinaca kalena waxaa lagu dhowaaqaya liiska Xildhibaannada cusub

Arrinta sida weyn isha loogu wada hayo waa cadadka ay noqon doonaan Xildhibaannada cusub ee Puntland, taasi oo jawaab u ah reer Khaatumo.

Guddiga xallinta khilaafaadka maamulka ayaa shalay isku khilaafay in liiska xubnaha SSC lagu soo daro shaacinta, ayada oo xubnaha qaarkood ku taliyeen in laga reebo liiska inta heshiis laga gaarayo.

Haddii 66 Xildhibaan la shaaciyo waxay ka dhigan tahay in Puntland qaadacday inay marxaladaan fasaxdo Khaatumo, halka haddii 49 Xildhibaan la shaaciyana ay ka dhigan tahay in labada maamul ay toos u kala guranayaan.

Madaxweyne Deni ayaa ku adkaysanaya in doorashada maamulka lagu galo sidii hore, islamarkaana aan waxba laga badali doonin siday u dhisneyd illaa amar dambe, taasi oo ka dhigan in 66 xubnood lagu gali doono doorashada.

Deni ayaa wuxuu guddiga gacanta ku haya howshaan ku cadaadinayaa inay xubnaha SSC kusoo daraan shaacinta liiska, xilli SSC-Khaatumo ay meel adag iska taagtay ka qeyb noqoshada doorashada maamulka Puntland.

Si kastaba, Arrintaan ayaa isha lagu wada hayaa, ayada oo musharaxiinta qaar ee u taagan xilka madaxtinimada Puntland ay aaminsan yihiin in 66 xubnood laga boodi karin, oo lagu qasban yahay si dastuurka iyo jiritaanka maamulka loo ilaaliyo.

Wada-hadallada Xasan iyo Muuse Biixi oo shaki horleh ka abuuray SOMALILAND

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti ayaa dhawaan laga soo saaray war-murtiyeed si buuxda miiska ugu soo celiyay dooddii midnimada.

Qoraalka shirka oo 8 qodob ka koobna ayaa xambaarsana saddex ujeedo, wuxuusa u qornaa si ka dabacsan sidii looga bartay wada-hadalladii hore ee labada dhinac.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markale qaatay doorka dhex-dhexaadinta. Saddexda ujeedo ee ugu waaweyn war-murtiyeedka ayaa kala ah;

  1. In si buuxda wada-hadalladii u bilowdeen, oo hadda kadib toos ay shaqooyinka u socon doonaan.
  2. In aan waqti dambe la lumin oo toos looga wada-hadli doono arrimaha masiiriga ah. Masiirka ugu weyn ee meesha yaalla waa “midnimo ama kala tag”. Markii hore waxaa waqtiga looga lumin jiray labada bulsho wada-hadal maalayacni ah, hadda mowduuca weyn ayaa toos loo aadi doona.
  3. In guud ahaan la soo celiyo wada-shaqooyinkii, si gaar ah kuwii amniga iyo dhamaan cilaaqaadyada dabacsan. Muddo bil gudaheed ah ayaa la jeexi doona habka loo shaqeynayo, iyada oo la dhisi doono guddiyo.

Intaas waa nuxurka warqadda ku qoran, laakiin xogaha dheeriga ah ee shirka waxay sheegayaan in Muuse Biixi Cabdi uu ka dhawaa intii hore.

Iyada oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay rabto dhameystirka dastuurka iyo qabashada doorasho iyo cod ah, ayaa dhinaca kale waxaa caqabadaha jira kamid ah maqnaashaha Somaliland.

Waxaa si hordhac ah loo soo dusiyay in wada-hadalkii Jabuuti uu ahaa kii ay Somaliland ugu dabacsaneyd uguna daacadsaneyd, iyada oo Muqdisho marar badan muujisay inay wax badan uga tanaasuli karto Hargeysa si dib loogu soo celiyo midnimada.

Durba shaki ayey inta qarsoon ee wada-hadallada ka abuureen Hargeysa. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xasan wuxuu sheegay in qoraalkii kasoo baxay shirkii Jabuuti inuu ahaa mid hoos u dhigaya Somaliland.

Wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin waxkasta oo mugdi galinaya sida uu yiri qarannimada Somaliland. Tuhun weyn ayaa Hargeysa yaalla maanta.

Inuu Muuse Biixi Cabdi wada-hadal dabacsan galo waxay dadka qaar aaminsan yihiin inay keeneen duruufaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ay maanta dhex jiifto Somaliland, kuwaasi oo xitaa aan maanta haysan niyad wanaagii beesha caalamka.

Halka dadka qaar ay qabaan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu miiska geeyay tanaasul, niyad wanaag iyo fulinta shuruudo waaweyn, haddii Somaliland dib usoo laabenyso taasi oo qaboojisay kuleylkii dhanka Somaliland.

Si walba, dadka ka faalloonaya wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxay sheegayaan in xalka uu intii hore ka dhow yahay marka la eego xeeladaha Xasan Sheekh, xaalka uu ku sugan yahay Muuse Biixi iyo sida ay u naafoowday fikradii ictiraafka.

Inay wada-hadallada ku bilowdeen heer sidaan u dabacsan oo ogolaansho badani ay ka muuqato, waxay madaxweyne Xasan Sheekh u tahay fursad kale oo naadir ah oo xoojinaysa rajooyinka laga qabo xukunkiisa.

Arrimaha sababay isbedelka Somaliland iyo qodobada ay ku aqbashay shirkii Jabuuti

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Qodobadii kasoo baxay shirkii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti ayaa u muuqda kuwo wax badan kaga duwan wada-hadalladii hore ee labada dhinac.  

Maxamed Muqtaar Ibraahim, oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, ayaa sheegay in kulankan ay gaareen yeesheen labada dhinac uu wax badan kaga duwan yahay kuwii hore, marka la fiiriyo xilliga uu ku soo aaday war-murtiyeedka kasoo baxay, sida loo qoray iyo qodobbada lagu heshiiyay.

Waxaa uu tilmaamay in war-murtiyeedka kasoo baxay shirka labada qodob ee ugu horreeya ay sheegayaan in laga wada hadallo arrimaha masiiriga ah, halka kulamadii hore kalsooni dhisida oo kali ah laga hadli jiray oo aan gudaha loo gali jirin arrimaha masiiriga ah. 

“Markii hore arrimaha amniga, siyaasadda gargaarka, iyo hawada waxaas oo kale ayaa laga hadli jiray, arrimaha masiiriga ah dib ayaa loo dhig jiray, sidaas ayuuna kaga duwan yahay kuwii hore,” ayuu yiri Maxamed Muqtaar Ibraahim. 

“Waxaa uu ku soo aaday kulanka iyo heshiiska xilli ka duwan daruufihii hore y u jiray, oo ay soo korortay arrinta Khaatumo, Soomaaliya oo laga qaaday cunqabateeynta hubka, waxaa laga cafiyay dayntii, Soomaaliya waxaa ay ku biirtay dalalka Bulshada Bariga Afrika, dhammaan waxaas oo dhan arrinta sameeyn ayay ku leeyihiin wada-hadalka iyo heshiiska,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. 

Waxaa uu sheegay in isbeddalka ka jira caalamka sida arrinta Badda Cas iyo dagaalka Gaza iyo gantaallada kooxad Xuutiyiinta ay sidoo kale yihiin waxa wada-hadalka sii xoojinaya.

Maxamed waxaa uu sheegay in Somalilnd markii ugu horreysay ay aqbashay in war-murtiyeedka lagu qoro erayga ‘Gobollada Waqooyi,’.

In wasiirrada arrimaha gudaha labada dhinac ay hoggaamiyaan oo ay saxiixan heshiiska, ayuu sheegay in ay tahay arrin kale taas oo muujinaysa in labada dhinac ay fahmeen in arrintu ay tahay mid gudaha ah.

Wuxuu rajo ka muujiyay in wada-hadalladan ay miro-dhali doonaan, marka la eego xaaladaha iyo duruufaha uu tilmaamay inay dalka ka jiraan.

Daawo: Gaas oo weerar culus ku qaaday Saciid Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo mar kale isku soo taagan xilka madaxweynaha ee maamulkaas ayaa weerar culus oo dhanka afka u qaaday madaxweynaha hadda talada haaya ee Saciid Deni.

Gaas oo ka hadlay xaflad weyn oo uu ku qabsaday magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay Deni inuu dib u dhigay horumarkii dowlad goboleedka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ka tegay Puntland xasiloon siyaasad ahaan, qaanuun ahaan iyo ummad ahaan-ba, 5 sano kadib waxaan u imid Puntland oo dadkeedii kala irdhoobeen, Puntland oo ciidan-keedii la iska horkeenay, Puntland magaalooyinkii ugu muhiimsanaana laga qaxayo” ayuu musharrax madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday khilaafka Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in Puntland ay ahayd hoggaanka maamullada dalka, maantana aan wax tashi ah lagala sameynin arrimo masiiriga ah, ayada oo ay dhacayaan isbedallo waa weyn.

“Puntland waxay ahaan jirtay hoggaanka maamul goboleedyada Soomaaliya, waxayna qayb ka ahayd dhammaan aragtiyada lagu maamuuso Soomaaliya, nasiib darro maanta waxba lagama weydiiyo arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Gaas.

Musharraxa oo hadalkiisa ayaa xusay in xilligan ay Puntland  u baahan tahay isbedda dhab ah, si ay u hesho madaxwyene ka samata-bixin kara xaaladda adag ee ay ku jirto.

“Hoggaaminta Puntland ee waqtigan waa ka muhuumsan tahay doorashooyinkii hore waayo Soomaaliya waxaa ka socda isbeddello waa weyn oo ay kamid yihiin cunaqabateyntii hubka oo la qaaday, goleyaasha JFS oo lagaga doodayo dhammeystirka Dastuurka” ayuu raaciyay.

Puntland ayaa haatan ku jirta xaalad adag, waxaana soconaya is jii jiid ku aadan doorashooyinka maamulkaas oo ay weli isku hayaan Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.