24.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

11 qof oo Beledweyne ku dhintay kadib markii uu ku…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay haatan ka taagan tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu ka dilaacay Cudurka Shuban Biyoodka oo fara kulul ku hayo.

Ugu yaraan illaa 11 qof oo u badan carruur ayaa saacadihii lasoo dhaafay xanuunka ugu geeriyootay gudaha magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen dhaqaaqtiirta caafimaadka.

Sidoo kale waxaa isbitaallada yaalla carruur kale oo il daran, kuwaas oo uu soo ritay Cudurka Shubanka, waxaana haatan la tacaalaya bahda caafimaadka.

Cudurka ayaa dilaacay kadib markii laga soo noqday fatahaadda ku dhufatay magaalada Beledweyne oo xaafadaha ku reebtay biyo wasaqeysan.

Sidoo kale waxaa jirta daawo yari iyo xaalad adag oo ka taagan qaar kamid ah isbitaallada ku yaalla xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Meelaha ugu daran ee haatan dhibaatada laga soo warinayo waxaa kamid ah xaafadaha  Buundaweyn, Kooshin iyo Xaawo-taako oo ahaa meelaha ugu daran ee fatahaadda.

Reer Beledweyne ayaa sanadkan wajahaya xaalado adag, sida fatahaadda Elinino, qaraxyo ka dhacay magaalada oo dad badan ay ku dhinteen iyo Shuban Biyoodka hadda dilaacay.

Si kastaba, waxaa haatan soconaya dadaallo ay iska kaashanayaan maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha caafimaadka oo ku aadan sidii looga hortegi lahaa xaaladdaasi.

Xog: Siciid Deni oo ku gacan sayray go’aankii Isimada iyo guddiga xalinta oo kala jabay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka horyimid bayaankii ka soo baxay isimada dhaqanka Puntland ee lagu go’aamiyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan.

Madaxweyne Deni oo kulan deg deg ah la yeeshay guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa ku amray in aysan dheg jalaq u siin go’aanka isimada oo uu ku tilmaamay mid dastuurka baal-marsan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Siciid Deni uu guddiga u sheegay in aysan jirin wax isbeddel ah oo lagu samayn doono shakhsiyaadka wata magaca reer SSC-Khaatumo ee uu suuqa ka qortay, si uu doorashada ugu galo.

Guud ahaan liiska 66-da xubnood oo ay ku jiraan shakhdiyaadka reer SSC ee suuqa laga qortay ayaa dhammaystirmay shalay, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah loo shaaciyo maanta, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin xiisadda ka taagan arrintaasi.

Dhinaca kale, guddiga xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta baarlamanka ayaa dhexdooda ku muransan fulinta amarkii uu siiyay Madaxweyne Siciid Deni ee ahaa in aysan dheg jalaq u siin go’aankii isimada dhaqanka.

Guddiga oo dood ka yeeshay sida laga yeelayo awaamiirta Siciid Deni ayaa aad u kala qaybsan, waxaana laga filan karaa in ay laba garab u kala jabaan haddii khilaafkoodu sii socdo.

Horjoogayaal iyo Shabaab kale oo lagu dilay howlgal culus oo ka dhacay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in howlgal qorshayn uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Howl-galkan culus ayaa lagu dilay horjoogayaal iyo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay Caasimada Online u xaqiijin qaar kamid saraakiisha ciidanka.

Howl-galkaan oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in bartilmaameedka duqeynta uu ahaa fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi, kuwaasi oo la bur-buriyay.

Weli si rasmi ah looma shaacin magacyada horjoogayaasha Shabaabka ee lagu dilay howl-galkaan. Wixii kasoo kordha waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.

Howl-galkaan ayaa imanaya saacado kadib markii ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS ay howl-gal bur-burin ah ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bakool.

Deegaanadaasi oo kala ah Gomori, Banjinaay, Sheekh Xasey, Aboorey iyo Dhanfaruur oo dhamaantood hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Ciidanka ayaa gebi ahaanba bur-buriyay fariisimihii kooxda Al-Shabaab ee ay ku lahaayeen deegaanadaasi howl-galka laga sameeyay.

Dr. Cumar Axmed: “Awoodii iyo saameyntii Shabaab waxba iskama beddelin” (Daawo)

0

Rotterdam (Caasimada Online) – Dr. Cumar Axmed Weheliye oo soo qabtay xilka Maareeyaha Dekadda Muqdisho bartamihii sannadkii 2006-dii, xilligaas oo ku beegneyd markii Golihii Maxkamaduhu ay la wareegeen gacan ku haynta Muqdisho iyo qaar ka mid ah goboladii dalka, ayaa sheegay in awooddii iyo saameynta Al-Shabaab aysan waxba iska beddelin.  

Dr. Cumar oo ah maclalin wax ka dhiga Jaamacada Islaamiga ah Rotterdam oo ka hadlay barnaamij aragti-wadaag ah, wuxuu sheegay wax uu ku tilmaamay fashilka ciidamada dowladda ay kala kulmaan goobaha dagaalka in ay sabab u tahay khibrad yarida ciidamada iyo tayada hubka ay haystaan oo liita. 

“Labadii gobol ee dagaalku ka billowday ee la yiri nimanka Al-Shabaab) ha laga saaro weli sidii ayey nimanku u joogaan,” ayuu yiri Dr. Cumar.

Sheekh Cumar ayaa sidoo kale ka hadlay isbeddelka amniga caasimada marka la barbar dhigo sida ay dowladda Madaxweyne Xasan wax uga qabatay amniga, dowladdii ka horreeysay.

“Nin aad la dirireyso oo xafiiskaagiina fadhiya waa fashilkii haystay dowladihii hore. Dowladda Xasan in amniga ay ku guuleysato waxaa u sabab ah; ciidamo la soo tababaray oo shaqadaas qabanaya ayaa la keenay, hay’adaha amniga awal nimanka lala diriraayo ayaa ku dhex-milnaa, hadda waa laga suuliyay, qaar na way carareen, qaar xabsiyada ayey tageen, kuwa kale na haddii ay joogaan xitaa uma hadli karaan sidii ay u hadli jireen,” ayuu yiri. 

Hoos ka daawo muuqaalka Dr. Cumar

\

Shir xasaasi ah oo laga yeeshay amniga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay isugu yimid shir ballaaran oo ku saabsan amniga Muqdisho.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya mudane Maxamed Cali Xagaa, kaas oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa shirka ka soo qeyb-galay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, taliyeyaasha qeybta guud ee booliska iyo NISA, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, taliyeyaasha guutooyinka ciidanka Polizia Militare, taliyeyaasha qeybaha iyo saldhigyada caasimada ee Boliiska iyo Nisa.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in wax la iska weydiiyo xaaladaha ammaan ee caasimada sanadkan 2023 ee sii dhamaanaya iyo qorshaha sugida iyo adkeynta amniga iyo xasiloonida ee sannadka soo socda ee 2024.

Inta uu shirka socday waxaa sidoo kale saraakiisha laga dhageystay caqabadahii iyo casharadii laga bartay sanadkan iyo sidii loo hagaajin lahaa amniga guud ee dalka gaar ahaan kan caasimada.

Sidoo kale saraakiisha iyo madaxda shirka ka qayb-gashay ayaa ku ballamay in lasii laba jibaaro dadaallada lagu sugayo amniga caasimada oo haatan ah mid deggan.

Kulankan ayaa daba socday shir kale oo shalay ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaas oo uu ka qayb-galay ra’iisul wasaare Xamza, loogana hadlayay isbeddelka amni ee haatan laga dareemayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Amniga Muqdisho ayaa waxaa haatan iska kaashanayaa Ciidamada Booliska, kuwa NISA iyo Polizia Militare oo inta bada la geeyay xaafadaha caasimada iyo duleedkeeda.

Maxaad ka taqaan marinka fudud ee loo maro Mareykan?

0

Panama City (Caasimada Online) – Dalka Nicaragua ayaa xuddun u noqday muhaajiriinta isaga kala imanaya dalalka caalamka ee doonaya inay soo gaadhaan Maraykanka, kuwaas oo markii hore soo mari jiray jidad halis badan iyo deegaano kaymo ah oo khatar badan.

Muhaajiriinta ka imaaya Americada Koonfureed, dalalka Caribbean-ka, Afrika iyo Asia ayaa markii hore ku dhiiran jiray inay soo maraan, kaymaha halista badan iyo dhulka aan sharciga adagi ka jirin ee u dhexeeya Colombia iyo Panama, si ay u soo gaadhaan Maraykanka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xukuumadda ka talisa dalka Nicaragua ee uu hoggaamiyo madaxweyne Daniel Ortega inay si ula kac ah ugu fududaynayso muhaajiriintu inay dalkeeda soo maraan si ay u gaadhaan Maraykanka.

Manual Orozco oo ah khabiir dhinaca socdaalka ah oo la shaqeeya hay’adda Inter-American Dialogue ee fadhigeedu yahay Washington ayaa u sheegay AFP in xukuumadda madaxweyne Daniel inay fududaynayeen “ganacsi isku xidha adeegyada duulimaadka oo caalami ah” si ay muhaajiriintu “si degdeg ah ugu gaadhi karaan xadka u dhexeeya Maraykanka iyo Mexico”

“Waxaan ururinay xogta in ka badan 500 oo duulimaad oo gaar ah” ayuu yidhi Orozco, isaga oo intaas ku daray, in masuuliyiinta dhinaca garoomada ee dalkaasi inay kireysteen “Shirkado gaar ah oo fadhigoodu yahay dalka isu-tagga imaaraadka carabta si ay u tababaraan, saraakiisha ku lugta leh, hababka caalamiga ah ee loo maamulo duulimaadyada noocan ah.”

Orozco ayaa intaas ku daray in xukuumadda Nicaragua inay arrintan ka aamustay, balse ay faa’iido badan ka samayso lacagaha ka soo gala fiisayaasha iyo kaadhadhka dalxiiska, iyo lacagaha laga qaado muwaadiniinta imaya dalkaas iyo cashuuraha degitaanka diyaaradaha.

Wuxuu sheegtay in khadkan cusub ee Nicaragua inuu yahay mid fursad siinaya muhaajiriinta, balse uga sii daraya xaaladda muhaajiriinta ee Maraykanka haysata.

AFP, VOA

Sarkaal Al-Shabaab kasoo goostay oo isku dhiibay DF

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Soomow Ibraahim Iidow oo magac afgarashada  loo yaqaano (Macallin Soomow), kana tirsanaa saraakiisha kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybtooda 60-aad.

Macallin Soomow kooxda ka tirsanaa muddo 5 sanno ah, wuxuuna u qaabilsanaa dhanka Jabhadda, sida ay sheegeen saraakiisha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka.

“Soomow Ibraahim iidow oo Magac afgarashada Khawariijta loo yaqaano (Macallin Soomow) ayaa saaka Isku soo dhiibey Taliska Guutada 8-aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Xoogg adalka.

Waxaa warsaxaafadeedka la sii raaciyay “Soomow oo Muddo 5-Sano ah ka tirsanaa khawariijta ayaa u qaabilsanaa waxa ay u yaqaanaan Jabhadaha”.

Sidoo kale ninkan ayaa kasoo qayb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wareysi laga qaaday Macallin Soomow waxa uu uga hadlay waxyaabaha sababay inuu isaga soo baxo Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in dhibaatada ka jirta dhexdooda iyo midda ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed darteed uu uga soo goostay kooxda.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dhalinyarada ee weli ka barbar dagaalameysa kooxda, isaga oo ugu baaqaan inay kasoo tegaan, iskuna soo dhibaan dowladda Soomaaliyeed.

Muddooyinkii u dmabeeyay waxaa isa soo tarayay xubnaha kasoo tegaya Al-Shabaab, kuwaas oo aad u kordhayay, waxaana sababta lagu sheegay dagaallada lagu qaaday.

Xasan Sheekh oo war kasoo saaray geerida xildhibaankii Qur’aanka ku furi jiray BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Hore Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed.

Xildhibaan Shaacir ayaa ka mid ahaa Golihii 10-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna maanta ku dhintay dalka Hindiya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Sheekh Shaacir uu muddo dheer u soo adeegayey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo muddo dheer ayuu u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Xildhibaan Shaacir oo xanuunsanaa maalmahaan ayaa ugu dambeyn maanta ku geeriyooday dalka Hindiya oo arrimo caafimaad loo geeyey.

Xildhibaanka ayaa kamid ahaa Baarlamaankii 10-aad ee Golaha Shacabka wuxuuna ahaa Xildhibaanka intabadan Aayadaha Qur’aanka Kariimka ku furfura kulamada Baarlamaanka.

Allaha u naxariistee Sheekh Shaacir wuxuu noqday marxuumkii labaad oo xildhibaanadii hore ka mid ah oo geeriyooday saacadihii lasoo dhaafay.

Xalay waxaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan hore Sheekh Ibraahim Deyfullaah, wuxuuna Sheekh Shaacir noqonayaa xildhibaankii labadaad oo saacado gudahood ka baxay baarlamaankii hore.

Daawo R/W Xamza: Amniga MUQDISHO la iskuma haley karo inta ay ka socoto….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa maanta Muqdisho uga qeyb galay kulan looga hadlayey amniga caasimadda, kaas oo soo hagaagayey dhowrkii bilood ee ugu dambeysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn si adag uga hadlay dil xalay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan hore Sheekh Ibraahim Deyfullaah.

“Xalay waxaan wacay taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir, waxaan ari mala qabtay ninkii dilay Sheekh Ibraahim Deyfullaah? Wuxuu igu yiri maya, soo ma socoto marka waa dilay, waa baxsaday?” Ayuu yiri R/Wasaaraha Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in uusan aqbali doonin in lasoo qaba waayo qofkii dila qof kale, isagoo aad u canaantay madaxda hey’adaha amniga.

Xamse Barre wuxuu carrabka ku adkeeyey in amniga Muqdisho uusan aheyn mid la isku haleyn karo inta uu baxsanayo qofkii dila qof kale, “Amniga hadii ay wax iska bedeleen waa in lasoo qabto qofkii wax dila, hadii kale amni la isku haleyn karo Muqdisho kama jiro,” ayuu yiri.

Xamza ayaa intaas ku sii daray, “Anigoo amaanaya saraakiisha, hadana inta uu baxsanayo qofkii dil geysta wax aad qabateen ma jiraan, ilaa aan ka hilmaameyno hebel waa dhintay, kii dilayna waa baxsaday, saxaafadu waxay dhihi jirtay ‘maleeshiyaad aan heybtooda la garan ayaa dilay, kadibna waxay ka baxsadeen goobta’ arrintaas waa inaan soo gabagabeyno.”

Ugu dambeyntii R/W ayaa balan-qaaday in bisha Janaayo jidadka Muqdisho laga qaadayo dhagaxda la dhigay si amniga loo sugo, “Shacabku waa ka sheegteen dhagaxda, hadii bishaan ay dhamaato waa balan waa la qaadayaa,” ayuu yiri Xamza Barre.

Hoos ka daawo

DF oo jiirtay darbigii ugu cuslaa iyo Somaliland oo aqbashay arrin weyn

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Shirkii labada maalin uga socday madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ee sii amba-qaadista wada-hadallada labada dhinac ayaa sida muuqata si weyn loogu dabciyay mowqifkii adkaa ee Somaliland ee gooni isu-taaga, marka la fiiriyo luuqada uu ku qorna heshiiskii kasoo baxay.

War-murtiyeed kasoo baxay kulamadii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi, iyo wafdigii labada dhinac ee hoggaaminayeen ayaa Somaliland loogu yeeray “Dowladda Somaliland”.

Middaan ayaa ka dhigan in Somaliland si lamid ah maamul goboleedyada dalka ee Dowladda Puntland, Dowladda Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, taasi oo toos u geynaysa Somaliland qaanada ay ku jiraan maqaam ahaan maamullada kale ee dalka.

Sidoo kale sida ka muuqata War-murtiyeedka oo uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, waxaa qeybo kamid ah ku qornaa ereyga “Gobollada Waqooyi” taasi oo ka hor imaaneysa gooni isu-taaga ay sanadaha badan ku doodeysay Somaliland.

Somaliland ayaa sanado badan kadib markii u horeysay aqbashay in Gobollada Waqooyi lagu qoro War-murtiyeedka, sidoo kalena loogu yeero Dowladda Somaliland, halka ay sida caadiga ah u adeegsato Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxyaabaha kale ee dabacsanaanta ka muujisay Somaliland waxaa kamid ah wada-shaqeynta tooska ah ee dowladda federaalka, gaar ahaan dhanka arrimaha ammaanka, xilli Somaliland ay ku jirto marxalad dagaal, islamarkaana looga adkaaday duulaankii Sool.

“In labada dhinac ay iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amniga iyo ka hortaga dembiyada abaabulan, iyadoo iskaashi buuxa ay ka yeelanayaan hey’adaha labada dhinac,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka xalay laga soo saaray shirkii madaxda Soomaaliya iyo Somaliland uga socday Jabuuti.

Si kastaba, War-murtiyeedkaan ayaa si weyn u dhaawacay qadiyadii sanadaha badan ay ku doodeysay Somaliland, waxayna fallanqeeyaashu qabaan in dabaca baaxada leh ee hal mar ku kala wareegtay Somaliland uu keenay cadaadiska uu wajahayo Muuse Biixi, oo Sool laga goostay, uuna buuq siyaasadeed xooggan uga furan yahay gudaha Somaliland.

Daawo Sanbaloolshe: Muqdisho amnigeeda waxaa ka shaqeeyay Macawiisley

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo ka qayb-galay kulan looga hadlay isbeddalka amni ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Sanbaloolshe ayaa qiray inuu isbeddal weyn ka jiro amniga Muqdisho, marka la eego nabad-gelyada ka jirta, isagoo sheegay inay ku timid shaqadii wanaagsaneyd ee la qabtay.

Xildhibaanka ayaa xusay in amniga laga dareemayo caasimada ay wax ka keeneen ciidanka Macawiisleyda ee dagaalka ku jira, isla markaana Al-Shabaab ka saaray dhul ballaaran.

“Magaalada Muqdisho inay nabad ahaato kaliya dadka jooga kama shaqeynin ee Macwiisley ayaa ka shaqeysay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Cabdullahi Sanbaloolshe.

Sidoo kale waxa uu sharraxaad ka bixiyay qaabka ay Macawiisleyda uga qayb-qaadatay amniga caasimada, wuxuuna sheegay inay adkeeyeen difaaca goobaha ay kula dagaalamayaan Shabaab, taasna ay culays ku noqotay kooxda, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii xabadda laga bilaabay Matabaan, xagana Aadan Yabaal looga keenay xagana hadda socota Jeex-jeex oo Shabeeloow dhaaftay oo caad mareysa , haddii aan Macawiisley ahayn qaraxyadii meeshaan loogu talagalay waa kuwa Maxaas ka dhacaayay oo Buuloburde ka dhacaayay oo Beledweyne ka dhacaayay oo Dhuusamareeb ka dhacaayay oo lagu sigay naftiisa madaxweynaha Galmudug” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Ammaanka waa meesha kaliya oo ay tahay inuu qof walbaa ka shaqeeyo, laakiin ma’aha inuu qof walba hoggaamiyo”

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay arrinta mamnuucista hubka waa weyn ee lagu dhex qaato caasimada, taas oo hirgashay waxaase uu ku baaqay in xitaa qoryaha laga saaro Muqdisho.

“Xakameynta hubka sanadka 2024-ka waxaa la rabaaa in magaalada oo dhan laga mamnuuco qoray” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad deganaasho ah laga dareemayo Muqdisho oo ay ka howlgaleen ciidanka Xasilinta oo kaashanaya Booliska iyo NISA.

R/Wasaare Xamza oo ku dhowaaqay arrin farxad leh oo la sameynayo sanadka cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, MXamza Cabdi Barre oo maanta ka qayb-galay kulan looga hadlayay amniga caasimada ayaa ku dhowaaqay war farxad geliyey dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in bilowga sanadka cusub ee 2024-ka la qaadi doono dhagxaanta lagu jaray waddooyinka muhiimka ee ku yaalla waddooyinka caasimada, maadaama uu isbeddel weyn oo amni uu haatan ka jiro magaalada Muqdisho.

“Waxaan sugeynaa sidaan ku heshiinay, haddii ay bishaan dhammaato in la qaado dhagxaanta lagu gooyay waddooyinka caasimada” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu sheegay in marka hore dhagxaanta laga qaadi doono degmooyinka hadda lagu guuleystay in la sugo amnigooda, kuwa kale lagu sii xijin doono.

“Inta la sugay amnigooda oo la’isku halleyn karo dhammaantood waa in lagaa qaadaa dhagxaanta, waana in wayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Foolxumo ayay ku yihiin magaalada shacabka waa ka sheegteen, annaga xittaa waan ka sheeganay shido waayay”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, wuxuuna farriin u diray ciidamada ammaanka.

Sidoo kale wuxuu kusii daray in Xukuumadda DanQaran ay sameysay shuruuc muhiim u ah amniga caasimadda, taas oo qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amniga ee Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu ku ammaanay hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir dadaalka iyo wada-shaqeynta dhexdooda ah, maadaama uu keenay guul weyn.

Karaash oo ku dhowaaqay go’aan ka duwan midkii Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo war cusub kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee Puntland ayaa ka hadlay arrimaha doorashada, gaar ahaan xulista xildhibaanada SSC.

Karaash ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhoweyayo go’aanka Garaadada Khaatumo, baaqii musharixiinta mucaaradka iyo go’aannadii Ismimada dhaqanka Puntland.

Markaan arkay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay, markaan tixgaliyey go’aankii  kasoo baxay golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu kasoo horjeestay go’aankii madaxweyne Saciid Deni ee ku aadanaa in lasoo xulayo 17-ka xildhibaan ee SSC, si ay u galaan doorashada, wuxuun taasi beddalkeed Axmed Karaash soo dhaweeyay in doorashada lagu galo kaliya 49 xildhibaan.

“Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada  deeganadaas” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen”.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale ka digay in madaxtooyada iyo dhinacyada kale ay qaadaan tallaabo keeni karta qalalaase ka dhaca Puntland

“Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni” ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.

Si kastaba, Puntland ayaa waxaa weli  ka taagan xaalad jahwareer ah oo ka dhalatay doorashada iyo go’aankii bixintaanka ee ay ku dhowaaqeen Isimada SSC-Khaatumo.

Daawo: Xamza oo ‘ku dhex caajisay’ shir uu qabtay maamulka gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ka qayb-galay kulan ballaaran oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayay isbeddalka amni ee caasimada.

Xamza oo khudbad ka jeediyay shirkan ayaa sheegay inuu meesha ku dhex caajisay, isaga oo xusay in la badiyay khudbadaha dadka ka qayb-galay kulankaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan jirin madadaalo, sida heeso, gabayo, buraanbur ama shirib loogu talagalay shirka.

“Marka meesha fadhinay wax xoogaa waan is xansanay Guddoomiye Yuusuf waxaan ku iri meeshu hadalkiibaa batay qof uunbaa tegaya, qofna wuu soo fuulaya bir qalax la tumayana ma jirto, hees maleh, gabay ma leh, buraanbur maleh, shirib maleh waa sidee?” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoomiyuhu ku jawaabay inuu madasha joogo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ayna ka xishoodeen isaga, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka waxa uu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa nala joogo xoogaa waa ka xishoonay, laakiin arrintaas Sheekh Mukhtaar wuu diiday ma jirto ayuu yiri” ayuu kuu sii daray Xamza.

Waxaa kale oo uu yiri “Dadka wax xoogaa inay is kululeeyaan oo la heeso oo wax la sheego oo si kale wax naloogu sheego oo hadalka keliya aan ahayn waa muhiim”.

Ugu dambeyn wuxuu boggaadiyay ciidamada ammaanka iyo saraakiishooda, maadaama ay wax badan ka qabteen amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dalkii ugu horreeyay oo taageeray heshiiska DF Soomaaliya iyo Somaliland

0

London (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa war kasoo saartay wada-hadallada cusub ee haatan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga billowday dalka Jamuuriyadda Jabuuti, si dib loogu amaba qaado dadaalladii hore u socday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda UK ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ugu horreyntee lagu soo dhaweeyay war-murtiyeedka kasoo baxay shirka ay labada dhinc ku yeesheen dalka Jabuuti, iskuna arkeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ingiriisku uu soo dhawaynayo heshiiska haatan laga gaaray sii amba qaadida wada-hadallada labada dhinac, iyada oo UK ay ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo xaga dib u heshiisiinta loo qaaday.

“Waxaan soo dhawaynaynaa war-murtiyeedka ka dib wada-hadallo muhiim ah oo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, Xasan Sh. Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi ee Jabuuti, waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dib-u-heshiisiinta” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

UK ayaa noqoneysa dalkii ugu horreeyay ee soo dhaweeyay wada-hadallada dib u billowday ee Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama ay horay dalkeeda uga dhaceen shirarkii hore ee wada-hadallada ku saabsan dowladda federaalka iyo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Jabuuti oo ka kooban 8 qodob ayaa waxaa lagu go’aamiyey in mar kale dib loo bilaabo wada-hadallada labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal-waara.

Labada dhinac waxay sidoo kale ku heshiiyeen in 30 maalmood gudahood go’aan looga gaaro hanaanka geedi socodka wadahadaladaas, iyadoo lasoo magacaabayo guddiyo farsamo oo fududeeya wada-hadallada.

Waxaa kale oo bayaana lagu yiri “In garowshiyihii dowladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfaladii iyo burburintii dowladii militeriga ay u geysatay dadka gobollada waqooyi ay u geysatay ka garaabidioda ay sii wado”.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraalada iyo wax kasta oo wax u dhibi kara jawiga wadahadallada ee socda.

Muwaadin Mareykan ah oo u socday inuu Al-Shabaab ku biiro oo si cajiib ah loo qabtay

0

Manhattan (Caasimada Online) – Muwaadin Mareykan ah oo ku nool Masar ayaa isku dayey inuu ku biiro ururka argagixisada ee Al-Shabaab, islamarkaana uu jihaad ku qaado Mareykanka iyo xulufadiisa kadib weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israel 7-dii October, waxaa sidaas Jimcihii sheegay dacwad-oogayaasha Federaalka.

Karrerem Nasr, oo 23 jir ah, kana soo jeeda magaalada Lawrenceville ee gobolka New Jersey, ayaa la xiray 14-kii December kadib markii uu kasoo duulay Masar oo uu yimid Nairobi, Kenya, halkaasi oo dacwad-oogayaasha ay sheegeen inuu qorsheynayey inuu kula kulmo xubno Al-Shabaab ah kahor inta aanu u safrin inuu kusoo tababarto Soomaaliya.

Nasr ayaa lagu soo celiyay Mareykanka Khamiistii, ayada oo la qorsheeyey inuu kasoo hor muuqdo maxkamad Federaal oo ku taalla Manhattan Jimcihii shalay.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ah in uu isku dayay in uu taageero agab siiyo urur ajnabi ah oo loo aqoonsaday argagixiso. Hadii lagu helo dambiga lagu soo oogay waxa uu muteysan karaa illaa 20 sano oo xarig ah.

Diiwaanada maxkamada ma aysan xusin wax qareen ah oo ku hadli kara magaca Nasr.

Nasr, oo sidoo kale loo yaqaan Ghareeb Al-Muhajir, ayaa ku muujiyay rabitaankiisa ku biirista Al-Shabaab qoraallo uu soo dhigay online-ka iyo xiriir uu la sameeyey qof si sir ah ula shaqeeya FBI-da oo lacag la siiyey, kaasi oo isu ekeysiiyay fududeeye ka tirsan ururada argagixisada, sida ay sheegtay dacwad dambiyeedka la shaaciyey Jimcihii.

Nasr ayaa ku yiri jaajuuska sida hoose ula shaqeynayey FBI-da “Cadowga koowaad waa America,” oo uu ku qeexay “Madaxa maska,” sida ku xusan dacwadda.

Waxa uu barta X kusoo qoray “jihaad ayaa kusoo wajahan meel ka tirsan America oo kuu dhow,” ayaa lagu yiri gal dacwadeedka. Qoraalka oo uu ku adeegsada magaca “Masriga Muslimka ah” ayaa waxaa la socday diyaarad, bam iyo holac.

Nasr, oo bishii July u guuray Masar, ayaa xiriirkiisa qofka la shaqeynayey FBI-da billaabay November, sida gal dacwadeedka lagu xusay.

Waxa uu jaajuuska u sheegay inuu ka fakarayey inuu jihaad qaado “muddo fog” hase yeeshee “inuu awoodi waayey inuu sidaas sameeyo” kahor inta aysan Xamaas weerarin Israel, yaa lagu yiri dacwadda.

“Kadib weeraradii October 7, waxaan dareemay inay wax isbeddeleen,” ayuu Nasr u sheegay jaajuuska, sida ku xusan dacwadda. “Waxaan ula jeedaa dhanka wanaagsan. Waxaan dareemay in qabkii iyo sharaftii ay usoo laabteen muslimiinta.”

Mareykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsaday urur argagixiso 2008.

AP

Somaliland oo afar qodob oo xasaasi ah kasoo dabacday – Maxaa ku cusub heshiiska?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Somaliland ayaa kasoo dabacday qodobo muddo ay ku dheganeyd, sida ku cad war-murtiyeedka laga soo saaray wada-hadalladii madaxda Dowladda Federaalka iyo Somaliland ku dhex-maray dalka Jabuuti.

Qodobadaas ayaa waxaa ka mid ah in markii u horreysay Somaliland aqbashay in war-murtiyeedka lagu qoro erayga ‘Gobollada Waqooyi,’ oo horey ay u diidaneyd in loogu yeero.

Waxaa kaloo iyana War-murtiyeedka ku xusnaa in halkii markii hore si garba siman loogu qori jiray Soomaaliya iyo Somaliland, in war-murtiyeedkaan uu ku soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland.

Arrintaan ayaa ka dhigan in Somaliland aan dal ama Jamhuuriyad loo aqoonsaneyn, oo ay lamid tahay sida dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo u muuqata inay aqbashay mabda’ ahaan.

Qodobkaas wuxuu dowladda Somaliland geynayaa qaanadda ay ku jiraan maqaam ahaan Dowladda Puntland, Dowladda Jubbaland, Dowladdaha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Somaliland waxay markii ugu horreysay ogolaatay in war-murtiyeedka lagu soo daro qodobka Masiiriga ee midnimada oo wadahadaladii hore aan lagu soo darin, maadaama aysan madaxda Somaliland waligood ogolaan in laga hadlo arrimaha masiiriga ah.

Dhinaca kale, in markii ugu horreysay Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Somaliland u saxiixay war-murtiyeedka ayaa ku cusub wadahadallada hadda bilowday, halka bayaanadii ka soo bixi jiray wadahadaladii hore uu Wasiirka Arrimaha Dibadda u saxiixi jiray Somaliland, taasi oo macnaheedu ahaa in Somaliland u dhaqmi jirtay sida dal madax-banaan oo kale.

War-murtiyeed ayaa xalay laga soo saaray shirkii dalka Jabuuti uga socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo ka kooban 8 qodob.

Qodobka koowaad waxaa lagu go’aamiyey in dib loo bilaabo wadahadallada labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal-waara.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in 30 maalmood gudahood go’aan looga gaaro hanaanka geedi socodka wadahadalada bilaabanaya, iyadoo lasoo magacaabayo guddiyo farsamo oo fududeeya wadahadallada.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la dhaqan-geliyo heshiisyadii horay loo galay sanadihii u dhaxeeyey 2012-kii ilaa 2020-kii.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Arrin cusub oo kasoo korortay ciyaaraha M/Goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan tartanka xiiso leh ee maamul goboleedyada oo shalay si rasmi aj uga furmay garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.

Tartankan oo u dhexeeyo maamul goboleedyada, marka laga reebo Puntland iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu bilaabay Galmudug iyo HirShabelle oo barbaro 1 iyo 1 galay.

Guddiga Farsamada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa ugu horreyntii raaligelin buuxda siiyay taageerayaashii shalay garoonka tegay, balse aysan u suuragelin inay daawadaan ciyaartaasi, maadaama kumaan kun ay buux dhaafiyeen Stadium Muqdisho.

“Guddiga farsamada iyo tartamada ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JFS waxay raaligelin buuxda siinayaan dhamaan taageerayaasha Tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir iyo Dhamaan bahda Sports-ka ciladihii farsamo iyo daaha ciyaarta galabta ku timid , sidoo kale waxay si khaas uga raaligineynaan taageerayaashii galabta u saamixi weysay inay daaawadan tartanka ayaga oo Tikityo soo Jartay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta.

Sidoo kale Xiriirka ayaa sheegay in haatan muddo laba maalmood ah dib loo dhigay jadwalka tartanka oo ay galabta ku ballansanaayeen Gobolka Banaadir Galmudug, kuwaas oo ugu dambeys is arki doona maalinta Isniinta ee soo socota.

“Waxa uu  idin Ku Wargelinayaa in Cayaarta Beri Ee  Banaadir VS Koonfur Galbeed  dib loo dhigay  lana Cayaari Doono Maalinta Isniinta 1da Janaayo 2024” ayaa mar kale lagu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu xiriirku ka codsaday shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan taageerayaasha inay u diyaar garoobaan tartamada kale ee xiisaha leh.

“Sidaas daraadeed waxaan ku rajaweynahay in aad sidii aan horay idinkaaga baranay aad usoo diyaar garoobi doontaan” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Go’aan laga gaaray tirada xildhibaanada Puntland kadib bixitaankii SSC-Khaatumo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka Puntland, oo shir deg deg ah ku yeeehay Garoowe, ayaa go’aamiyay in doorarashada lagu galo 49 xildhibaan islamarkaana la ixtiraamo go’aankii masiiriga ahaa ee SSC-Khaatumo.

SSC-Khaatumo ayaa odayaasheeda waxay horey u sheegeen inay go’aan ku gaareen in aanay soo xulin xildhibaanada Puntland, ayaga oo sheegay in hadda kadib ay yihiin maamul madax-banaan, oo aanay ka tirsaneyn Puntland.

Bayaanka isimada dhaqanka Puntland oo ay ku saxiixan yihiin ilaa 30 isin ayaa sidoo kale soo jeediyay in ay is-casilaan xubnaha SSC-Khaatumo kaga jira guddiga xallinta khilaafaadka doorashada.

Isimada dhaqanka ayaa sidoo kale magacaabay guddi isimo ah oo ka kooban 5 shan xubnood, kuwaas oo korjoogteeya guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland.

Waxay sidoo kale soo jeediyeen in marka doorashadu dhacdo, maamulka soo baxa, Isimada iyo waxgaradka Puntland ay isaga yimaadaan dhammaystirka tirada ka bannaan baarlamaanka Puntland, ee ay ka baxeen xildhibaanadii Khaatumo.

Isimada ayaa sheegay in aanay waxba iska beddelin xilliga doorashada, waxayna dalbadeedn inay adkeynayaan go’aankii Isimada Puntland soo saareen 1-dii November 2023 ee ahaa in doorashadu ay dhacdo 8-da Janaayo, 2024.

Ugu dambeyn Isimada ayaa usoo jeediyey saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee Puntland ku wargelinaynaa inaysan ku milmin siyaasadda, waajibaadkoodana u gutaan si karti iyo hufnaan ay ku dheehan tahay gaar ahaan marxaladdan xasaasiga ah.

BURUNDI oo ciidamadii ugu badnaa kala baxday Somalia

0

Bujumbura (Caasimada Online) – Dowladda Burundi ayaa warbixin cusub kasoo saartay howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha kala guurka ah.

War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in bishan gudaheeda ay ciidamadii ugu badnaa kala baxeen Soomaaliya, taas oo qayb ka ah qorshaha dhimmista ciidamada howlgalka ATMIS ee howlgallada u jooga gudaha dalka.

Tirakoob ay soo saartay dowladda Burunti ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 734 askari ay kala baxday Soomaaliya, wixii ka dambeeyay 23-kii bishan December ee 2023-ka.

Ciidamadan oo ahaa wajiga labaad ee qorshaha dhimmista askarta Midowga Afrika ayaa dalkooda dib ugu soo laabtay 27-kii bishan, sida lagu sheegay qoraalka.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Burundi ayaa boqolaalkan askari kusoo dhoweeyay garoonka ciidamada ee ku yaalla magaalada caasimada ah Bujumbura.

Horay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa u bilaabay inay la baxaan askartooda, taas oo qayb ka ah go’aanka ciidamada shisheeye looga saarayo dalka.

ATMIS waxa ay wareejisay xerooyin badan oo ay ku lahayd gobollada dalka, waxaana haatan si buuxda u maamulaya ciidamada Xoogga dalka oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay horraantii bishan wareejisay amniga guud ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo 16 sano kadib ay ilaalinayaan ciidamo Soomaaliyeed.

Si kastaba, ciidanka howlgalka ATMIS ayaa la filayaa in dhamman dalka ay isaga baxaan marka la gaaro bisha December ee sanadka cusub ee 2024-ka.