25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Cali Guudlaawe oo maanta sameeyay arrin yaab leh oo hadal hayn xooggan dhalisay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta ku kacay arrin yaab leh oo hadal hayn badan dhalisay.

Guudlaawe oo dhiiri-gelinayay kooxda u ciyaareysa maamulkiisa koobka maamul goboleedyada dalka ee galabta ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa gaarka ah ee Facebook, soo raaciyay sawir ay hoos uga qoran tahay “Guul Galmudug”.

Sawirkan oo uu hore u isticmaalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa sida muuqata waxay kooxda warbaahinta madaxweyne Guudlaawe kusoo qaateen si aan ka fiirsi laheyn, taasi oo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada Soomaalida.

Qoraalka uu soo dhigay Guudlaawe bartiisa Facebook ayaa u dhigna sidan: “Waxaan bogaadinayaa Xidigaha Xulka Kubada Cagta Hirshabeelle ee inooga qeybgalaya Tartanka K/cagta Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir galabta uga furmaya Magaalada Muqdisho.”

“Waxaan idiin rajeynayaa guul iyo inaad koobka soo hoydaan, waana ku kalsoonnahay inaad ka adkaan doontaan Kooxda dhigiina ah ee aad la ciyaareysaan galabta. Shacab iyo Dowlad-ba Garabkiina ayaan nahay mar walba, waadna heleysaan dhiirigelin, mudnaan iyo wax walba oo aad mudan tihiin. Guushu waa xageenna.”

Kadib markii arrinkaan si weyn ugu baahay baraha bulshada, waxaa sawirkii laga saaray bogga madaxweyne Cali Guudlaawe.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabdullaahi Cali ayaa waxa uu yiri: “Madaxweynihiinu (HirShabeelle) Galmudug miyuu la jiraa meeshaan Galmudug guuleysta ayaa ku qorane.”

“Team-ka Media-yaha u qaabilsan madaxweyne Cali Guudlaawe ma siddaan ayaa ka daacad ah. Sawir uu madaxwyanaha Galmudug isticmaalay ayay kadaba isticmaalayn Xxitaa farsamo xumada ma waxaa ay ku darsadeen arag la’aan.Guul Galmudug ayuu taagan yahay Madaxwaynihii HirShabeelle,” ayuu yiri Haadi Maxamuud Xasan.

Dr’s Fartuun Maxamed Axmed ayaa sidoo kale waxay tiri “Madaxweynaha yaana leyska dhigin ma aha Cali Guudlaawe waxa qoraalka soo qoray.”

Daahir Ibraahim: “Qoor-Qoor baa waxaas ka dambeeyay asaa jambalkaan noo dhigay balse waaku fahanay.”

“Sawirka Guul Galmudug hoos u qoran tahay maxa waaye marka Qoor-Qoor ma isku malaysay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Xaaji Xaashi.

Axmed Nuur Ibraahim: “Guul ayan u rajeynaa HirShabeelle laakiin hada ayaa hurdo laga soo kiciyay ayaqn umaleynaa Qoor-Qoor mar hore ayuu so dhiira-galiyay kooxdiisa adne waad so daahday.”

Maxay Puntland ka tiri kulanka Xasan iyo Biixi iyo wada-hadallada dib u bilowday?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa si adag uga hortimid wada-hadallada shalay dib uga furmay dalka Jabuuti ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhaliilay kulankii Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ee Jabuuti, isagoo ku tilmaamay wada-hadallada markale billowday kuwa qaldan.

Deni oo xalay ka hadlayay xaflad uu ku shaacinayay inuu musharax yahay u taagan markale qabashada xilka madaxtinimada Puntland ayaa sheegay in aysan sax aheyn in madal ay ka maqan tahay Puntland looga hadlo wada-hadalladaasi.

“Shirka Jabuuti ka socda waan dhaliileynaa waana cambaareeyneynaa, garna ma aha in iyadoo Soomaaliya oo ay Puntland ka maqan tahay in la yiraahdo Soomaaliya ayaa laga hadlayaa, waa arrin khaldan,” ayuu yiri madaxweynaha Saciid Deni.

Hadalka Deni ayaa imanaya, xilli weli uu halkiisi yahay khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana uu muddo badan hakad ku jiray wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dadaaladaasi awgeed shalay uu tegay Djibouti, waxaana wehlinaya wasiirka arrimaha gudaha ee DFS, wasiirka ganacsiga iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga gaarka ah ee wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhanka Wafdiga Somaliland waxaa horkacaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana qayb ka ah wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda, qorshaynta iyo horumarinta qaranka, arrimaha gudaha, waxbarashada iyo sayniska, iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha.

Si kastaba, Wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo shalay dib uga furmay Jabuuti, ayada oo maanta uu galay maalintii labaad, waxaana garwadeen ka ah madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Xiisad xooggan oo ka taagan doorashada Puntland – Maxaa soo kordhay maanta?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xiisad xooggan ayaa ka taagan doorashada maamulka Puntland, gaar ahaan Xildhibaannada laga soo doorto SSC-Khaatumo.

Arrinta xiisadda ay hadda ka taagan tahay ayaa ah in Saciid Deni uu suuqa ka qortay 17-ka Xildhibaan ee laga soo doorto SSC, xilli Isimida dhaqanka SSC-Khaatumo ay sheegeen in aysan ka qeyb-galeyn doorashada Puntland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in 17 xubnood oo laga keenay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha xukuumadda Deni lagu daray liiska 66-ka Baarlamanka Puntland.

Xubnahan ayaa haysan saxiixa rasmiga ah ee Isimada iyo cuqaasha SSC-Khaatumo, oo iyagu dhawaan si buuxda u caddeeyay mowqifkooda doorashada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xubnaha uu soo xushay Siciid Deni ay qaarkood haystaan saxiixyo lagu been-abuurtay Isimada dhaqanka iyo cuqaasha SSC-Khaatumo.

Arrintaan ayaa waxaa si weyn uga horyimid musharaxiinta mucaaradka Puntland, oo digniin culus kasoo saaray. Sidoo kale waxaa soo baxeysa in tallaabadan isku maandhaafsan yihiin Deni iyo ku-xigeenkiisa Karaash.

Xiisadda ka taagan Xildhibaannada laga soo doorto deegaannada SSC ee 17-ka ah ayaa markale laga cabsi qabaa inay gacan ka hadal ka rido Garoowe, xilli lasoo warinayo in mucaaradka uu isku diyaarinayo qaadista tallaabo ka dhan ah isku-dayada Deni.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa xalay caddeeyey in haddii SSC ay noqoto maamul gaar ah aysan lumin doonin xuquuqda siyaasadeed ee beelaha SSC-Khaatumo ay ku leeyihiin maamulka Puntland.

“Waxaan ixtiraameynaa mudada ay qabsadeen, waxaana kula shaqey doonaa sida ay jecelyihiin, Cid walba waxaan ogeysiinayaa Puntland weli sidii lagu soo dhisay ayey ku dhisan tahay ilaa inta wax laga bedelayo xeerarka iyo qawaaniinta u taalla,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Muxuu Dr. Baadiyoow ka yiri guusha usoo hoyatay Jaamacadda Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha dib u heshiisiinta, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow ahna Bare Jaamacadeed ayaa ka hadlay guul usoo hoyatay Jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya, gaar ahaan Jaamacadda Mogadishu University. 

Mogadishu University ayaa kaalin wanaagsan ka gashay liiska Jaamacadaha ugu wanaagsan Dalalka Carabta, qiimayn la sameeyay sannadkan sii dhamaanaya ee 2023. 

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow ayaa sheegay in xilliyadii lasoo dhaafay ay isbeddel muuqda laga dareemay Jaamacadaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Mogadishu University جامعة مقديشو, oo uu sheegay in ay gaartay horumar waxbarasho, waxa uuna ku ammaanay maamulka Jaamacadda. 

“Markii la qiimeeyay 208 Jaamacadood, oo ku yaalla dalalka Carabta, Mogadishu University جامعة مقديشو (MU), waxay gashay kaalinta 108. Taas macnaheedu waa in MU ka sare martay 100 Jaamicadood iyo 107 jaamicadood oo ka sare maray MU. Hambalyo maamulka, macallimiinta iyo ardayda MU. Hore usocda sanadka dambe,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow. 

Sidoo kale Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow waxa uu tilmaamay in haatan Jaamacadha ku yaalla Soomaaliya ay cagta saareen waxbarashada caalamka, isaga oo sheegay in muddo uu farqi u dhaxeeyey waxbarashada taalla caalamka iyo tan Soomaaliya, balse haatan arrintaas laga kabsaday, waxa uuna ku ammaanay aqoonyahannada Soomaaliyeed, oo u dhabar adeegay arrintaas. 

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow ayaa ka mid ah aqoonyannada Soomaaliyed ee 30-kii sano ee la soo dhaafay dhidibbada u aasay in dalka uu kasoo kabsado dhinaca waxbarashada, wuxuuna ka mid ahaa aas-aasayaasha Jaamacadda Muqdisho. 

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay xawaalado dhowr ah

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa cuna-qabatayn ku soo rogay shirkado dhinaca xawaaladaha lacagta ah, oo laga kala leeyahay Turkiga iyo Yemen, kadib markii lagu eedeeyey inay gacan ka geysteen lacagaha loo dirayo kooxda Xuutiyiinta ee gacan-saarka la leh Iran.

Kooxdan ayaa lagu eedaynayaa weerarada ay ku qaaddo maraakiibta ganacsiga ee maraya dhinaca Koonfureed ee Badda Cas.

Shirkadaha lagu soo rogay cuna-qabataynta ayay ku jiraan qaar ku yaalla Sanca, iyo saddex xarumood oo dhinaca sarrifka lacagaha ah oo ku kala yaalla Turkiga iyo Yemen.

Wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa ku eedaysay in shirkadahan iyo shakhsiyaadka ku lug lehiba ay gacan ka geysteen in lacag malaayiin doollar ah loo xawilo kooxda Xuutiyiinta, iyada oo la raacayo tilmaamaha Sa’id al-Jamal oo ah fududeeye dhinaca maaliyadda ah oo u dhashay dalka Iran. Sa’id ayaa ka mida dadka cuna-qabatayntu saaran tahay.

Cuna-qabatayntan ayaa ka hor-istaagaysa shirkadahan iyo shakhsiyaadkani inay la baxaan hantida ka taalla Maraykanka iyo xataa lacagaha u yaalla baananka, isla markaana waxay ka hor-istaagaysaa inuu ganacsi dhexmaro shirkadaha ay leeyihiin muwaadiniinta Maraykanku.

Tallaabadan ay qaaday dawladda Maraykanku ayaa ah, tii ugu dambaysay ee ay ku bartilmaameedsanayso kooxda Xuutiyiinta.

Bilawgii bishan, waxaa Maraykanku ay ku dhawaaqeen cuna-qabatayn lagu soo rogay illaa 13 qof iyo shirkado lagu eedeeyey inay xuutiyiinta gaadhsiiyeen, alaabooyin ku kacaya tobanaan milayn oo dollar oo ka yimi dalka Iran.

Ajaaniib dahab kasoo dhacay Muqdisho oo lagu qabtay…

0

Qardho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howl-gal ka sameeyay magaalada Qardho ayaa gacanta kusoo dhigay koox ajaaniib ah oo dhawaan dhac baahsan ka gaysatay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarweyne.

Kooxdan oo ka kooban 4 qof oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Syria ayaa waxaa loo haystaa inay dhaceyn Dahab gaaraya illaa 940 garaam, sida lagu sheegay qoraalka.

Afarta eedeysane ayaa kala ah:- Abdikarin Axmed Almuhamed,  Jamiila Qasi Yuusufm, Abdalla Abdikariim Axmed iyoMalay Abdikarim Ahmed.

Booliska Puntland ayaa shaaca ka qaaday in afarta eedeysane oo isku qoys ah, isla markaana ah laba rag ah iyo laba dumar ah ay qabteen, ayaga oo baxsad ah.

“Ciidanka Booliska Puntland oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta sharuucda Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay eedeysanayaal baxsad ah oo u dhashey dalka Suuriya kuwaa oo soo dhacay 940 Garaam oo dahab” ayaa lahu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Muuqaal CCTV ayaa laga arkayay kooxdan kasoo jeeda Syria oo Xamarweyne si indha-sarcaad ah uga qaadanaya Dahabkan tirada badan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

Puntland waxa ay sidoo kale ballan-qaaday in la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag sharciga wafaaqsan.

“Ciidanka Booliska qaybta Gobolka Karkaar iyo CID ayaana ku guulaystay qabashada eedaysanahayaasha Waxaana la horgeyndoona Cadaalada” ayaa lasii raaciyay.

Sidoo kale Booliska ayaa shacabka ka dalbaday wada shaqeyn iyo inay soo war-geliyaan wax kasta oo liddi ku ah amniga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Fal-celin culus oo ka dhalatay kulanka Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ee Jabuuti

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Somaliland ayaa shalay ku kulmay dalka Jabuuti, kaasi oo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada madaxweyne ayaa noqonaya midkii labaad oo ay yeeshaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi, ayada oo ujeedkiisu ahaa dib usii amba qaadida wada-hadallada dowladd federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo dheer hakad ku jiray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dadaaladaasi awgeed shalay uu tegay Djibouti, waxaana wehlinaya wasiirka arrimaha gudaha ee DFS, wasiirka ganacsiga iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga gaarka ah ee wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhanka Wafdiga Somaliland waxaa horkacaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana qayb ka ah wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda, qorshaynta iyo horumarinta qaranka, arrimaha gudaha, waxbarashada iyo sayniska, iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha.

Xiriirinta kulankaan iyo qaban-qaabadiisa waxaa lahaa madaxweyne Geelle oo labada nin la’ah saaxiib, lana leh xiriir wanaagsan, sidoo kalena hadda ah guddoomiyaha urur-goboleedka IGAD.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Cabdiqaadir Bile Ibraahim: “Helitaanka xal lagu wada qanacsan yahay waxay u baahan tahay dublamaasiyad jilicsan, isu tanaasul, iyo ballan-qaad dhab ah oo ka yimaada labada dhinac. Guul ayaan rajeeynayaa in ay ku dhammaadaan dadaalan socda.”

Cabdirisaaq Bashiir ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Somaliland maxay kala hadlaysaa Somalia sheekadu maanay meeshii hore hoos uga soo dagin Khaatumo uun maa loo diro Somaliland ayagaa afyaqaane.”

“Aad iyo aad waan soo dhaweyneynaa wllhen reer Somaliland soo dhawaada,” ayey tiri Sowda Maxamed.

Axmed Cabdi ayaa isna waxa uu yiri “Somaliland uma baahno wada-hadal, awood military ayaan dul-dhigaaye cid kasto oo ka soo horjeedo midnimada.”

“Waan so dhaweynaya wa shir wanaagsan hadiiba Somaliland maanta raadineyso la kulanka madaxda qaranka ayado aan ognahay sanada ka hor meesha ay taagnayeen,” ayuu yiri Ibraahim Maxamed Cali.

Qodobada ugu culus wada-hadallada DF iyo Somaliland

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Magaalada Jabuuti waxaa isugu tegey wufuud ay hogaaminayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkaasoo uu durba kulan uga billowday.

Bishii Juun sanadkii 2020-kii waxaa isla dalka Jabuuti ku shiray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biix Cabdi, ayadoo markii la soo gabagabeeyay laga soo saaray qodobbo dhowr ah oo markaa dhinacyadu ku heshiiyeen.

Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ugu muhiimsanaa dhowr qodob oo kala ahaa in laga wada shaqeeyo nabadgelyada labada dhinac, in aan la siyaasadayn dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aamnimo ee caalamka, in la wada maamulo arrinta duulimaadyada hawada oo khilaaf ka taagnaa, iyo isku socodka bulsho ee labada dhinac.

Dadka falanqeeya arrimahan ayaa aaminsan in fulin la’aanta qodobadii hore loogu heshiiyay ay mar walba noqon karto caqabadda ugu weyn ee hortaagan gaarista hadafka laga leeyahay wadahadallada muddada jiitamaya.

Maxey u hirgali waayen qodobbadii ugu dambeyay ee lagu heshiiyay?

Saddex qodob ayaa ugu muhiimsanaa heshiiskii ugu dambeyay kuwaas oo kala ahaa wada-maamulidda hawada, wadaagidda deeqaha caalamiga ah iyo amniga.

Somaliland xilligaas waxay dalbatay in wax ka qabashada qodobbadaan ay sal u noqon doonaan in hore loogu socdo wadahadallada iyo ka gun-gaaristooda, waxaana arrintaas ay keentay in saddex guddi loo magacaabo si loo dharaandhiriyo arrinta, dhinacyaduna ugu qancaan. Isla wakhtigaas doodda dowladda federaalka ah waxay ahayd in isu socodka la isku furo oo siyaasiyiinta iyo dadka kaleba ay si xorriyadi ku jirto ugu safraan halka ay doonaan.

Cabdi Maxamuud Sabriye oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha oo wasaaraddiisu qabanqaabineysay wadahadalladaas ayaa sheegay in xilligaas oo ahayd bishii Juun ee sanadkii 2020-kii marka la isla fariistay cid walbana dooddeeda gudubsatay lagu ballamay in laba toddobaad kadib la isku yimaado guddiyadii seddexda ahaana ee aan kor ku soo xuneyna la isku keeno.

“Marka halkaa howshu maraysay waxaa soo kordhay xilligaas arrin aan horay loogu baraarugsaneyn, kana timid dhanka Somaliland sida muuqatana ku adkaatay dhanka dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo ahayd in Somaliland ay diidday in guddiyada isu imaatinkooda la sugayay lagu soo daro cid ka soo jeedda waqooyiga,” ayuu yiri Sabriye.

“Reer Somaliland waxay yiraahdeen saddexda guddi ha ku soo darinina qof ka soo jeeda Somaliland, haddaad ku soo dartaan ma soo galeyno gogoshaas,” ayuu yiri Cabdi Maxamuud Sabriye wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya.

Dhanka dowladda federaalka Soomaaliya maadaama guddiyada howshaan loo saaray wakhtigaas ay lagama maarmaan u ahaayeen wasaaradaha qaar sida tan maaliyadda iyo qorsheynta ayna joogeen rag ka soo jeeda Somaliland waxaa ku adkaatay in ay beddesho.

“Xilligaas haddii la yiraahdo dowladda federaalku yaaney ku soo darin guddiyada dad reer waqooyi ah nooma shaqeyn karin, iyaguna ma aqbali karin, intaas ayaa horjoogsatay,” ayuu yiri wasiir hore Sabriye

Guuleed Dafac oo ah sharci yaqaan iyo falanqeeya siyaasadeed ayaa isana qaba in sababaha ugu waaweyn ee heshiiskii hore loo fulin waayay ay tahay, iyadoo markii horeba dhinacyadu aanay u galin wadahadallada hannaan hufan oo ay u kala caddahay waxa laga hadlayo iyo ujeedada laga leeyahay.

“Anigu waxaan is leeyahay sababaha keenaya in aan heshiisyadaasi fulin waxay ahayd in qaabka wadahadalka loo galayaa mar uu yahay mid gole-kafuula, oo aan ahayn qaab habeysan waxa la isku hayana aan si mug leh looga wadahadleyn,” ayuu yiri Guuleed Dafac.

Wuxuu intaa raaciyay in marka la is mari waayo lagu mashquulo arrimo uu ku tilmaamay kor ka xaadis oo ula jeedo in aan loo dhaadhicin ubucda iyo nuxurka waxa la isku hayo.

“Cid dabagasha oo arrimihii sii raacdana ma jirto marka waa qaab wadahadalka wax weyn ka qaldan yihiin ayuu hadalkiisa raaciyay,” Guuleed.

Haddii la dhaqan galin lahaa qodobbadii hore maxaa soo kordhi lahaa?

Waa su’aal dad badan ay is waydiinayaan isla markaana qof walba haddii uu aragtidiisa ku cabbiro si uun uu uga jawaabi karo.

Wasiir hore Cabdi Maxamuud Sabriye oo BBC-du su’aashaan waydiisay maadaama uu mar hormuud u ahaa qabsoomidda wadahadallada ayaa si kooban u bixiyay jawaab ah, “koley haddii wixii taagnaa markaas laga gudbi lahaa rajadu waxay ahaan laheed in loo gudbo wax kale oo la isku fahmo ama la isku diido”.

Aragtidaas mid aan wax badan kaga duwaneyn waxaa isna qaba Guuuleed Dafac , “kalsooni kaliya ayaa imaan lahayd marka heshiisyadii la gaaray la fuliyo, oo wuxuu gogal xaar u noqon lahaa kuwa dambe,”.

Ma laga tillaabsan karaa qodobbadii horey aan la fulin oo wax kale ma laga wada hadli karaa?

Qaar ka mid ah falanqeeyaasha arrimahan ayaa qaba in dhibaatada ugu weyn ay tahay in labada dhinac ee mar walba wada hadlaya oo ah madaxda Soomaaliya iyo Somaliland aaney ku dhicin in cid walba waxa ay rabto ay si aan ka leexleexad laheyn u wajahdo.

In gunta ujeedada aan loo dhaadhicin waa arrinta keenaysa mar kasta in aysan wadahadalladu miro dhal noqon. Marka loo yimaado in laga tillaabsado qodobbadaan oo labada dhinacba ku adkaatay markii hore waa arrin adag oo aan suurta gal aheyn.

Guuleed Dafac ayaa rumeysan in aan laga wadli karin arrimo kale iyadoon labada dhinac, gaar ahaan madaxweynayaashu aaney kulanka la imaan wax ay ku matalaan shucuubtooda oo go’aan kama dambeysa ah ay ka gaari karaan.

“Wax bisil miiska ha la yimaadaan oo madaxweynaha Soomaaliya dadkiisa ku mato madaxweynaha Somaliland-na shacabkiisa ku matali karo,” ayuu yiri Guuleed.

Wasiir hore Cabdi Maxamuud Sabriye ayaa isagu qaba in qodobbadaan horey loogu heshiiyay ee aan la fulin ayba yihiin caqabad aan ogoleyn in heshiis dhab ah laga gaaro wahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

“Haddii hore loo socdo oo laga hadlo heshiis muhiim ah oo ama la kala tago ama la is qaato oo sidaa heshiis lagu gaari lahaa qodobbadaan meesha way ka bixi lahaayen.”

Wuxuu intaa ku daray Mr Sabriye in labada dhinac ee mar walba wadahadlaya aysan ku dhici karin in midba midka kale aqbalo waxa uu rabo oo go’aan sidaas aanu qaadan karin.

Isha: BBC

Deni oo shaaciyey go’aankiisa ku aadan in KHAATUMO ay noqoto maamul gaar ah

0

Garowe (Caasimada Online) –Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa cadeeyey mowifkiisa ku aadan go’aanka ay Khaatumo ku noqaneyso maamul madax-banaan oo hoos taga dowladda federaalka, isla markaana la siman Puntland iyo maamullada kale ee dalka.

Saciid Deni ayaa munaasabadii uu xalay ku shaaciyey musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Puntland wuxuu ka sheegay in go’aankii Isimada SSC Khaatumo uu soo dhaweynayo.

“Taageeridda aayo ka tashiga dadka reer Khaatumo waa qodob ka mid ah barnaamijkeyga siyaasadeed hadaan ku soo laabto xukunka,” ayuu uiri Deni.

Wuxuu sheegay in Puntland ay juhdi iyo dhaqaale badan ku bixisay xoreynta dhulka SSC Khaatumo, isla markaana ay ixtiraamayaan go’aanka iyo masiirka dadka deegaanadaas.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland wuxuu cadeeyey in hadii SSC ay noqoto maamul gaar ah aysan lumi doonin xuquuqda siyaasadeed ee beelaha SSC Khaatumo ay ku leeyihiin maamulka Puntland.

“Waxaan ixtiraameynaa mudada ay qabsadeen, waxaana kula shaqey doonaa sida ay jecelyihiin, “Cid walba waxaan ogeysiinayaa Puntland weli sidii lagu soo dhisay ayey ku dhisan tahay ilaa inta wax laga bedelayo xeerarka iyo qawaaniinta u taalla,” ayuu yiri.

Saciid Deni wuxuu weeraray qaar ka mid ah musharaxiinta kula tartameysa kursiga, isagoo yiri “Saaxiibadey shalay waxay diideen doorasho qof iyo cod ah, waxay soo jeediyeen in doorashada lagu galo nidaamkii hore ee 66, hadana markii uu soo baxay go’aanka SSC, waxay leeyihiin 49 xildhibaan doorashada ha lagu galo, taasi ceeb ayey ku tahay labo hadal oo is qabtana maaha.”

Saciid Deni ayaa cadeeyey in 8-da Janaayo doorashada Puntland lagu gelayo 66 xildhibaan, iyadoo dhinaca kalena la ixtiraamayo go’aanka gooni isku taagga ah ee Isimada SSC Khaatumo ay gaareen.

“Cid kasta oo dooneysa inay qabato hoggaanka Puntland waxaa laga rabaa inay ilaaliso sharciga u yaalla Puntland, hadii la kala tegayo waa in sharci loo maraa,” ayuu yiri.

Madaxweynaha waqtigubka dhamaaday ee Puntland wuxuu hoosta ka xariiqay in dhismaha Khaatumo uusan ka dhigneyn in Puntland la dumiyey, “labadaba waajib ayaa naga saaran, qalqalka dastuuriga ah, khatar ayuu ku yahay aayaha Puntland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xog ku saabsan dagaalka koonfurta gobolka MUDUG

0

Caad (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ee la abaabulay ayaa weli laba jiho kaga sii gurguuranaya deegaanka Caad ee koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamadii toddobaadkii hore ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere ee la wareegay tuulada Baraag Ismaaciil ayaa weli ku sii siqaya deegaanka Miiroon, oo la filayo in ay uga sii gudbaan deegaanada Eryaal, Miliqo illaa ay Caad ka gaaraan.

Ciidamadan oo si taxadar leh ugu socdo waddada ayaa iska caabin kala kulmaya maleeshiyada Al-Shabaab ee dhulka jiqda ah ku jira, iyadoo sidoo kalena ay caqabado ka haystaan miinooyinka ku aasan waddada.

Sidoo kale ciidamadii kale ee ka soo dhaqaaqay deegaanka Cammaara ayaa weli ku sii siqaya deegaanka Caad, waana halka ay ciidanku iska caabinta xoogeeda kala kulmayaan.

Maleeshiyada Shabaabka ayaa la sheegaya in ay difaacyo dhirarsan kaga jiraan tuulooyinka Jeex-jeexa, Yacgoos illaa aagga Dhagaxdheer, isla-markaana ay dhooban yihiin dhulka hawdka ah ee halkaasi ku yaala.

Dhulka lagu dagaalamayo oo dhul buuraley, hawd iyo miyiba leh ayaa qayb ka ah waxyaabaha sababay in hawlgalku uu gaabis noqdo.

Caqabadda kale ee ay ciidamadu wajahayaan ayaa ah miinooyinka lagu aasay waddada iyo Shabaabka oo qaarkood qoryaha liishaanka leh la saaran buuraha, waxna ay ka soo tooganayaan, inkastoo ay jiraan diyaarado dagaal oo xagga hawada ka garaacaya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hawlgalka ay Arbacadii ku biireen cutubyo ka tirsan Guutada Abuu Dujaana iyo Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka.

Ciidamadan oo dagaalka ka soo galay dhanka hawdka ee deegaanka Shabellow ayaa hujuumaya Jeex-jeexa, oo haddii ay la wareegaana ay waddo u furi karto qabsashadooda Caad.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray dhul ballaaran oo hawdka ah, ciidamaduna ay kulaalayaan deegaanka Caad, oo sida uu yiri ay wax yar u jiraan.

Waxa uu sheegay in Shabaabku ay dhaawacyo fara-badan kala geeyeen deegaanka Jowle oo hoostagga Degmada Xarardheere iyo Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

“Runtii meelaha laga saarayna xabaalo wadareedyo ay maleeshiyaadkoodu ku aaseen baa laga heli karaa,” ayuu yiri Taliyaha.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha dhanka ciidamada ayaa waxa uu yiri “Annaga waxa na soo gaaray ma badna, wixii xagayna gaara waa shuhaddo, dalkooda iyo diintooda difaacaya. Runtii dagaal haddii la galana dhimashana waa jirtaa, dhaawacna waa jiraa, laakiin khasaaraha ciidamadeenna soo gaaray aad buu u kooban yahay.”

Taliyaha oo garowsan in hawlgalkan uu gaabis hareeyay ayaa ku andacoonaya “Dhulka lagu dagaalamayo oo dhul buuraley oo kaymo u badan, muddo dheerna ay nimankan ka qodanayeen godad iyo dhufeysyo weeye dhulka lagu dagaalamayo. Marka taasaa waxay keenaysaa in hawlgalku uu ku socdo si tartiib tartiib ah, meel kasta oo ciidamadu qabanayaana ay baaritaano ku sameynayaan, si loo yareeyo khasaaraha dadka deegaanka, loogana feejignaado miinooyinka dhulka lagu aasay.”

Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Sidaas oo ay tahay runtii guul fiican ayaa laga gaaray dagaalka, dhul ballaarana waa laga riixay nimankaas, waxa dhimana oo bulshada Soomaaliyeed naga filayaana, waanu gaari doonnaa, haddii Ilaahay nagu simo.”

Korneyl Dayax ayaa hawlgalka koonfurta Gobolka Mudug ku sheegay mid dadka deegaanka looga dulqaadayo dhibaatada ay ku hayaan kooxaha argagixisada.

Villa Somalia ayaa la fahamsan yahay in ay gadaal ka riixeyso dardargelinta gulufka militari ee lagu xoreynayo deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan Gobolada Dhexe.

Saciid Deni oo shaaciyey tallaabo ka dhan PUNTLAND oo DF ay ku dhaqaaqday

0

Garowe (Caasimada Online) –Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo xalay xaflad weyn ku qabsaday magaalada Garowe ayaa ugu horeyn shaaciyey in mar kale uu u sharaxan yahay xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Puntland.

Saciid Deni oo ka shaakeeyey wax qabadkiisii shantii sanomee xafiiska uu joogay ayaa sheegay in dhaqaale badan uu kaga baxay xoreyntii gobolka Sool oo hadda SSC Khaatumo ay ka taliso.

Sidoo kale Deni ayaa sheegay in Puntland ay u cunaqabateysan tahay dowladda federaalka, isla markaana dhaqaalihii caalamku ku taageeri jiray Soomaaliya, qeybihii kaga soo aaday Puntland ay Muqdisho ku xayiran tahay.

“Bulshada Puntland waxaan u sheegayaa in cunaqabateyn adag ay ka soo wajahday dhanka dowladda federaalka, miisaanayadii kabka aheyd ee caalamka uga timid Puntland waxay ku xayiran tahay Muqdisho,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Wuxuu ku faanay in dhaqaalaha Puntland ay xukuumadiisu ku sameysay dib u habeyn taas oo sahashay inay Puntland bixiso mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada, hal bil oo cabasho ah ayuu sheegay in ciidmaada ay ka soo yeertay, balse ay tabartu dhigtay halkaas.

“Dhaqaalihii aan ku bixinay xoreynta Sool iyo qabashada doorashooyinka Puntland haduu noo baaqan lahaa ciidamadeena waxaan sii laheyn lacago dheeraad ah,” ayuu yiri Saciid Deni.

Wuxuu sheegay in masiirka dadka reer Puntland uusan siisa doonin shilimaad yar, “ Dadbaa i dhaha maad iska qaadatid dhaqaalaha kaaga cayiran DF oo sida ay rabaan u yeeshid, war masiirkiina miyaan siistaa shilimaad?” Ayuu dadkii xafladda joogay su’aalay Saciid Deni.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Puntland ay isku tashatay, iskuna filan tahay, isla markaana aysan jirin cid u meeri karta masiirkeeda iyo waxa ay hiigsaneyso, “Caawa waxaa la igu dhaliilay in la i waayey, hadaa i weyseen waan idiin shaqeynayey, habeen iuo maalin ma nasan idinkaan idiin shaqeynayey, waana mudan tihiin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Xog ka cusub wada-hadallada DF Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socda Jabuuti

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad galay wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo dib uga furmay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay kulansiiyay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Wada-hadallada ayaa galay maalintii labaad, ayadoo saxaafada dibad joog ka tahay kulamadan.

Kulamada socda ayaa looga arinsanaya sidii dib loogu sii amba-qaadi lahaa kulamadii iyo wada-hadalladii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Arrimaha u waaweyn ee xilligaan miiska saaran ayaa ah qodobbadii horey loogu heshiiyay ee aan la fulin, iyo si habsami leh loogu sii qaado wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa la rumeysan yahay in caqabad aan ogoleyn in heshiis dhab ah laga gaaro wada-hallada Soomaaliya iyo Somaliland ay tahay heshiisyada aysan waxba ka fulin ee kulamadii hore, waana u muhiim si hore loogu sii socdo.

Si kastaba, Kulankan madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti ayaa noqonaya kii u horreeyay ee labada dhinac si rasmi ah isku soo hor-fariistaan. Iyada oo labada madaxweyne sanadkii tegay bishan oo kale ku kulmeen munaasabad ka socotay dalka Jabuuti, taasi oo aan aheyn kulan shaqo.

Xog: Wasaaradda Maaliyadda DF oo si qarsoodi ah shirkad ugu xireysa shaqo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa shirkad gaar ah ku wareejisay uruurinta qeyb ka mid ah canshuuraha u soo xarooda dowladda federaalka.

Heshiiskaas weli ma uusan saxiixin wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Cige, balse shirkadaas ayaa ku howlgeleysa saxiixa agaasimaha guud ee daqliyada wasaaradda maaliyadda XFS.

Shirkadaan waxay howlgeleysaa toddobaadkaan, sida ay xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxayna ka shaqey doontaa canshuur uruurinta daaraha iyo wado-marista.

Shirkadaan ayaa qoratay ciidamo iyo shaqaale gaar ah, waxaana sidaas shaqadoodii ku waayey in ka badan 200 oo qof oo wasaaradda maaliyadda uga shaqey jiray uruurinta canshuuraha.

Shaqaalaha shaqadooda lagu wareejiyey shirkadaan waxay ka howlgeli jireen ugu yaraan 15 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana hadda kadib uruurinta canshuuraha daaraha iyo wado marista wasaaradda maaliyadda u uruuri doona ciidamada iyo shaqaalaha cusub oo ay qoratay.

Xogta ay heshay Caasimada Online waxay xaqiijineysaa in 70% canshuurta soo xaroota ay shirkaddu ku shubi doonto akoonka wasaaradda maaliyadda, halka 30% ay la hari doonto.

Lacagta faa’iidada ah ee shirkadda u hareysa waxaa saami ku yeelanaya xubno siyaasiyiin ah oo dowladda ka tirsan, waxaana la is weydiinayaa sababta ay wasaaraddu ku dooratay inay ogolaato saami, iyadoo heleysa faa’iido 100% ah.

Sanadkii 2017-kii wasiirkii maaliyadda Beyle iyo ra’iisul wasaare Kheyre ayaa joojiyey qorshe noocaan oo kale ahaa oo shirkado gaar ah loogu xiray uruurinta canshuuraha, waxaana xiligaas la go’aamiyey in shaqaalaha wasaaradda iyo ciidamada booliska Soomaaliyeed ay masuul ka yihiin uruurinta canshuuraha dowladda.

Go’aankaas oo ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee dowladda waxaa la buriyey maanta, waxaana howlgeli doonta shirkad aan saxiix ka heysan wasiirka maaliyadda, iyadoo ay shaqadooda sidaas ku weyn doonaan in ka badan 200 oo shaqaale ah oo wasaaradda maaliyadda masuul uga ahaa uruurinta canshuuraha.

Madaxda 9 TV oo ku dhegan Villa Somalia + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Warbaahinta Madaxa-banaan ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku eedeysay Madaxtooyada Soomaaliya oo ay sheegeen inay cuuryaamisay doorkii Dastuuriga ahaa ee Warbaahinta Madaxa-banaan.

Bayaankaan ayaa ka soo baxay shir xasaasi ah oo maanta ay isugu imaadeen agaasimayaasha 9 ka mid ah TV-yada gaarka loo leelayahay ee dalka ka howlgala.

War-saaxaafadeedka soo baxay ayaa ka kooban afar qodob oo eedeyn ah iyo labo qodob oo baaq ah.

Ugu horeyn agaasimayaasha sagaalkaan TV waxay sheegeen in madaxweyne Xasan Sheekh uu uga baxay balantii aheyd inuu soo afjarayo dhaqankii taliskii Farmaajo oo warbaahintu ay dhibsatay shantii sano ee xafiiska uu joogay.

Qodobka labaad waxaa lagu eedeeyey xafiiska warfaafinta madaxtooyada oo lagu eedeeyey inuu cuuryaamiyey doorkii warbaahinta madaxa-banaan ee tebinta xogta rasmiga ah ee dalka.

Sidoo kale xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada waxaa lagu eedeeyey in wadashaqeyntii warbaahinta kale uu ku soo koobay muuqaalo faaf-reeban oo lasoo diro.

Isla xafiiska warfaafinta madaxtooyada waxay madaxda warbaahinta madaxa-banaan ku eedeeyeen inuu caqabad ku noqday in madaxda dowladda ay la hadlaan warbaahinta madaxa-banaan.

Ugu dambeyntii sagaalka agaasime ee soo saaray bayaankaan waxay soo jeediyeen labo qodob oo baaq ah, kuwaas oo kala ah:

1 – In saxaafadda madaxa banaan loo ogolaado xaqa dastuuriga ah oo ay u leedahay soo tebinta dhacdooyinka masiiriga ah ee dalka, si faafreeb la’aan ah.

2 – In saxaafadda madaxa-banaan laga joojiyo faafreebka iyo sumcad dilka uu ku wado xafiiska warfaafinta ee Villa Somalia, taas oo keeni karta cawaaqib xumo.

Hoos ka akhriso bayaan

 

 

Sawirro: Golaha Wasiirada oo maanta go’aan ka gaaray heshiis lala soo galay dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda  Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay xarunta Villa Somalia ee Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeeniisa Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan golaha.

Inta uu socday shirka waxaa lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq, kaas oo maanta la horgeeyay xubnaha golah wasiirada.

Sidoo kale golaha ayaa meel-mariyay heshiiska caalamiga ah ee da’da ugu yar ee shaqada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay shirkooda.

“Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiiska caalamiga ah ee  da’da ugu yar ee shaqada iyo heshiis is-afgarad ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhanka kale golaha wasiirada ayaa sidoo kale shirkooda maanta ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo anshax-xumada oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ay goluhu dood adag ka yeesheen.

Sharcigan iyo heshiisyada ay go’aanka ka gaareen golaha wasiirada ayaa la marin doonaa Baarlamaanka, si uu ugu doodo, kadibna waxaa saxiixi doono madaxweynaha dalka.

Gabagabadii waxaa shirka warbixino iyo talooyin looga dhageystay qaar kamid ah wasiirada, halka wasaaradda gaashaandhigga ay soo bandhigtay warbixin guud oo ku saabsan howlgalladii ugu dambeeyay, gaar ahaan jabka la gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab.

 

Geelle oo is-horkeenay Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta hal goob isugu keenay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta gaaray dalkaasi, wuxuuna noqonayaa kulankii labaad oo ay yeeshaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi.

Labada madaxweyne ayaa yeeshay kulan xasaasi ah oo uu goobjoog ahaa madaxweynaha dalka Jabuuti, kaas oo ahaa mid hordhac ah, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa dib usii amba qaadida wada-hadallada Dowladd Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo dheer hakad ku jiray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dadaaladaasi awgeed Maanta uu tegay Djibouti, waxaana wehlinaya Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhanka Wafdiga Somaliland waxaa horkacaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana qayb ka ah wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha,  Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha.

Xiriirinta kulankan iyo qaban qaabadiisa waxaa lahaa madaxweyne Geelle oo labada nin la’ah saaxib, lana leh xiriir wanaagsan, sidoo kalena hadda ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD.

Si kastaba, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horay sidaan oo kale sanadkii hore ugu kulmay dalka Jabuuti, kadibna waxa ay ka wada qayb galeen meherka Xildhibaan Saadaq Joon iyo gabadha madaxweynaha dalkaasi, Haybado Ismaaciil Cumar Geelle

Daawo Xasan Sheekh: Farxad ayey ii tahay inaan noqdo madaxweynihii u horeeyey ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qayb-galay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan amnigiisa oo ay haatan la wareegeen ciidamada Soomaaliyeed, kadib markii ay dhowaan kala wareegeen ciidamada ATMIS.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in wax weyn ay uga dhigan tahay inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay oo ay ilaaliyaan ciidamada Soomaaliyeed, kadib wixii ka dambeeyay sanadkii 2000 oo dowaddii KMG ahayd lagu soo dhisay dalka Jabuuti.

“Laga soo bilaabo 2000 ee Carte berigii Jamhuuriyadda saddexaad lagu soo aas aasay illaa maanta farxad ayay ii tahay, karaamo ayaa dareemayaa, weynaan in madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay muddadaas ee ciidan ajnabi ah aanu ilaalineyn oo wiilal Soomaaliyeed bis ay ilaalinayaan” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu dareemayo amni buuxa iyo kalsooni, maadaama ay amnigiisa haatan sugayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Nasiib gaar ah oo uu Alle i siiyay, Ilaaheyna aan uga mahadcelinayo waayay, waxaan dareemayaa ammaan buuxa, kalsooni badan” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Dhanka kale, waxa uu u mahadceliyay ciiidamada howlgalka ATMIS ee mudddada dheer ka howlgalayay Soomaaliya, isaga oo sheegay inay u hayaan abaal-weyn.

“Ciidanka ATMIS ee AMISOM ahaan jiray ee 16 sano nala joogay aad iyo aad ayay Soomaaliya waxa ugu qabteen wiilal badan oo waddamada ciidamada noo soo diray kamid ah ayaa dalkan ku geeriyooday qaarkood aad nooga fog xuduudadhooda oo wax dano ah oo Soomaaliya ka leeyihiin aysna jrin” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Mar walba ciidankaas taariikhdeena ayuu kamid yahay, waana xusi doonaan, maankana waan ku heynaynaa, waana u abaal-gudeynaa”

NISA oo gacanta ku dhigtay koox halis ah oo kusii jeeday…

0

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa gacanta ku soo dhigay gawaari qalab siday qalab iyo siddeed qof oo kusii jeeday dhanka kooxda Al-Shabaab.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda ciidamada ayaa qabtay saddex gaaari oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo sidoo kale dadkii watay .

Ragga lasoo qabtay waxaa ku jira Muwaadin u dhashay dalka Uganda, sida lagu shaaciyay qoraalka kasoo baxay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

“Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose waxaa sidookale Ciidanku gacanta ku dhigeen 8 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

NISA ayaa intaasi kusii dartay qalabkan loo waday kooxda Al-Shabaab, isla markaana ujeedka uu ahaa in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

“Kooxdaan Ciidanka Sirdoonku gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday goobaha Al-shabaab  joogto waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen  al-shabaab si loogu adeegsado gumaadka Shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Ciidamada ammaana ayaa sidaan oo kale horay gacanta ugu dhigay rag loo waday Al-Shaabaab iyo qaar kamid ah xaasaskooda, kadib howlgallo ka dhacay Shabeelooyinka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga caasimada ee ka socda Muqdisho iyo deegaanada kale ee u dhow dhow.

Villa Soomaaliya oo xog ka bixisay kulanka maanta ee Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya oo faah-faahin ka bixisay safarka wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa Jabuuti u tegay si uu ula kulmo madaxweynaha Somaliland oo isna ka baxay magaalada Hargeysa, waxaana wada casuumay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Villa Soomaaliya oo qoraal soo saartay waxa ay ku sheegtay in ujeedka kulankaas uu yahay dib u bilaabidda wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland.

“Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Somaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka aloosan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhanka kale Somaliland ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay ku sheegtay in wada-hadallada ay ku bilaabayaan heer madaxweyne oo labada dhinac ah, kadibna lasii wadi doono.

“Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal” ayaa lahu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland.

Biixi isna waxaa wafdigiisa kamid ah wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha,  Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha.

Qaaban-qaabada kulankan iyo xiriirintiisaba waxaa leh madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo labada nin la’ah saaxib, lana leh xiriir wanaagsan.

Si kastaba, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horay sidaan oo kale sanadkii hore ugu kulmay dalka Jabuuti, kadibna waxa ay ka wada qayb galeen meherka Xildhibaan Saadaq Joon iyo gabadha madaxweynaha dalkaasi, Haybado Ismaaciil Cumar Geelle.

XASAN oo ku adkeystay qorshihiisa muranka dhaliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb-galay dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu weydiinayeen su’aalo taabanaya arrimo badan.

Madaxweynaha ayaa waxa laga weydiiyey arrimo la xiriira dastuurka, dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada, qorshaha xasilinta, cunuqabateynta hubka ee la qaaday, qalabeynta iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, bixitaanka ATMIS iyo Deynta Soomaaliya laga cafiyay.

Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dastuurka ayaa waxa uu yiri “Qabyo tirka Dastuurku dib u dhacyo badan ayuu lasoo kulmay, waxaana isku soo dhiibay baarlamaano kala duwan oo uu waqtigu ka dhammaaday iyaga oo ka shaqeynaya,” ayuu yiri madaxweynaha.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa naga go’an in uusan muddoo xileedkan nala dhaafin, dhammeystirkiisana waxaa asal u ah rabitaanka ummadda Soomaaliyeed. Qaabka aan anigu jeclahay waxaa ka muhiimsan rabitaanka inta badan bulshada Soomaaliyeed.”

Isaga oo ka hadlayey, deyn cafinta iyo kobaca dhaqaalaha;Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay natiijada laga filanayo deynta laga cafiyey dalkeenna, waxa uuna xusay in sannadkan 2023 uu kobcay dhaqaalaha 14%, waxa ayna dowladdu higsanaysaa in sannadka cusub la gaarsiiyo kobac dhan 22%, taas oo ay barbar socota yareynta fakhriga iyo saboolnimada oo la yareeyey lana gaarsiiyey 54%,halka uu horey u ahaa 69%.

“Horumarka dal waa in uu leeyahay hiigsi fog. Sida aan u sheegnay, sannadkan iyo sanadka xiga ugama gudbi karno caqabadaha jira, waana sababta aan u keennay hiigsiga 2060. Soddon iyo Todoba sano oo hadda kaddib ah, Soomaaliya side u ekaanaysaa in aan maanta gaarno go’aankeeda,” ayuu yiri madaxweynaha.