25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

DF oo qaaday tallaabo la xiriirta beegsiga Hormuud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay weerarada iyo beegsiga qaraxyada ah ee lagu hayo xarumaha, gawaarida iyo shaqaalaha Shirkadda Hormuud oo kamid ah shirkadaha waa weyn ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qayb-galay kulan dadweyne oo ka dhacay Muqdisho ayaa lagu weydiiyay su’aal ku saabsanayd beegsiga Hormuud iyo waxa uga degsan dowladdiisa, wuxuuna sheegay inay la socdaan arrintaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay qaaday tallaabo deg-deg ah, isla markaana dad loo soo xir-xiray weerarada lagu qaaday Shirkadda IsgaarsiintaHormuud Telecom, kuwaas oo uu tilmaamay in maalaha soo socda la horgeyn doono maxkamad.

“Waxaan rabaa inaan ku sheego dowladdu kama indho la’a dad badan ayaa u xir-xiran arrimahaas oo uu baaritaan ku socdaa ood maqli doontaan, ayada oo la leeyahay qaraxii saas ahaa oo lala beegsaday Injineeradii Hormuud ama Towerka Isgaarsiinta wax lamid ah ayaa maalin maalmaha kamid ah maxkamadda la hortaagan yahay” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu qiray adeegga muhiimka ah ee ay shirkaddan u hayso dadka Soomaaliyeed, maadaama ay muddo dheer ka howlgaleysay dalka.

Waxaa kale oo uu weeraradan ku eedeeyay kooxaha kasoo horjeedo dowladda oo uu ku eedeeyay inay yihiin cadowga shacabka Soomaaliyeed.

“Shirkadda Hormuud waa Shirkad Soomaaliyeed qoysas badana ay ku wada nool yihiin adgeeg nadiif ah dalka keentay in hadaf laga dhigto oo adeeggii la burburiyo oo dadkii ka shaqeynayay jidka lagu u gaarsado oo la dilo cadaawadda iyo colka ay qabaan nimankan ayay kamid tahay, waana ka xunahay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday ammaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isaga oo sheegay inay wax badan iska beddaleen dhowrkii bilodd ee la soo dhaafay.

“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego magaalada Muqdisho duruufteeda wax badan ayaa iska beddalay maanta 100% ma ku dacwooneyno, laakiin wax badan ayaa iska beddalay dhagxaanta taallana mardhow isbeddal ayay ku arki doonaan dadka” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa intaas sidoo kale kusii daray “Magaalada Muqdisho muuqaalkeeda iyo maritaankeeda wuu isbedalayaa haddii uu Alle yiraah”.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wadda qorshe ballaaran oo ku aadan wax ka beddalka amniga dalka, ayada oo ciidamada Soomaaliyeed ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab.

Puntland oo raadineysa wiil iyo aabihiis oo dil gaystay

0

Gaalacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland ayaa haatan bilaabay howlgal ay ku baadi goobayaan Wiil iyo Aabihiis oo xalay dil ka gaystay waqooyiga magaalada ee xarunta gobolka Mudug, kadibna goobta ka baxsaday.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xuseen Muuse Faarax iyo Wiilkiisa Maxamed Xuseen Muuse, sida ay shaaciyeen ciidamada Booliska Puntland.

Labada eedeysane ayaa loo haystaa inay dileen laba sarkaal oo ka tirsanaa Booliska qaybta gobolka Mudug, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray X/le Xuseen  Cabdul Cumar iyo X/le Sakariye Maxamed Diiriye.

Saraakiisha ayaa xilliga la dilayay fulinayay waaran soo qabasho ah oo loo soo jaray eedeysanayaasha oo hubeysnaa kadibna ay sidaas ku dileen marxuumiinta.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa raadinaya Edeysane Xuseen Muuse Faarax iyo Maxamed Xuseen Muuse oo cawa magalada Galkacayo gaar ahaan xaafadda Halabokhad ku dilay laba sarkaal oo police ka qaybta Gobolka Mudug ka tirsana kuwaas oo lagu kala magacaabo X/le Xuseen  Cabdul Cumar iyo X/le Sakariye Maxamed Diiriye iyagoo fulinayay waran loo Soo jarey edeysanaha” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska guud ee Booliska Puntland.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Qofkasta oo garanaya halka ay joogaan waxa lagu boorinayaa in uu ka waco Ciidanka Booliiska Puntland Tell: +252905500000 ama lambarka gaaban ee Booliska 999 ama saldhiga booliiska ee kuugu dhow.

Sidoo kale Booliska ayaa shacabka ka dalbaday wada shaqeyn iyo inay soo war-geliyaan wax kasta oo liddi ku ah amniga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

“FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Gaalkacayo oo kala qaybisa maamullada Puntland iyo Galmudug oo ka kala taliya waqooyiga iyo koonfurta ayaa waxaa ka dhaca dilal iyo falal kale oo amni darro ah.

Xasan oo ku dhowaaqay QORSHE cusub oo la xiriira kadib dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb-galay dood-furan oo ay soo qaban-qaabisay xarunta Minbar, taasi oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu weydiinayeen su’aalo taabanaya arrimo badan.

Madaxweynaha ayaa waxa laga weydiiyey arrimo la xiriira dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada, qorshaha xasilinta, cunuqabateynta hubka ee la qaaday, qalabeynta iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, bixitaanka ATMIS iyo Deynta Soomaaliya laga cafiyay.

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada; Madaxweynaha ayaa soo bandhigay miro-dhalka wajiga koowaad ee howlgalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay diyaarinayso ciidamo si gaar ah uga shaqeeya amniga iyo difaaca deegaannada la xoreynayo.

“Bisha Tobonkeedii ilaa hadda waxaa socda howlgallo joogta ah, muddadaas ilaa hadda waxaa lagu guuleystay xoreynta deegaanno badan. Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay u wada taagan yihiin xoreynta dalka. Qabaa’il badan ayaa wada-yeeshay iskaashi ay ku cirab-tirayaan argagixisada,” ayuu yiri madaxweynaha.

Isaga oo ka hadlayey bixitaanka ATMIS, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee AMISOM ay ka qaateen nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna muujiyey sida uu uga faraxsan yahay in Ciidamada Soomaaliyeed ay soo gaareen marxalad ay ku hantaan sugidda amniga Madaxda, Hay’adaha dowladda iyo hoggaanka dalka.

“Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in amnigeyga ay ilaaliyaan wiilal Soomaaliyeed, haybad iyo nasiib gaar ah ayeeyna ii tahay in aan noqdo Madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee ay ammaankiisa si buuxda u ilaaliyaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, tan iyo burburkii dalka,” ayuu yiri madaxweynaha.

Ciidamada DF oo howlgal ku dilay sarkaal sare oo Al-Shabab ka tirsanaa + Magaca

0

Xudur (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u qaaday guutada 9-aad qeybta 60-aad oo beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa degmada Xudur iyo deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool.

Sida uu shaaciyay abaanduulaha guutada waxaa howlgalkan lagu dilay horjoogihii kooxda u qaabilsanaa gobolka Bakool oo macagiisa lagu koobay Xiirane.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay cagta mariyeen goobo gambaad u ahaa maleeshiyada Al-Shabaab oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka fuliyaan halkaasi.

Abaanduulaha guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka oo sii hadlaya ayaa xusay inay sii wadi doonaan howlgallada, ayna ku wajahan yihiin deegaano horleh.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed,

Si kastaba howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ahShabaab ee ka socda haatan inta badan gobollada dalka, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Xog: Xasan Sheekh iyo Biixi oo ku kulmaya JABUUTI

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lagu wadaa in maanta kulan toos ah ay ku yeeshaan dalka Jabuuti, halkaas oo ay tegi doonaan saacadaha soo socda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay in Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ay ka kala duuli doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, ayaga oo aqbalay casumaad uu u fudiyay madaxweynaha waddanka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa socdaalkan ku wehlin doono qaar kamid ah la-taliyeyaashiisa gaarka ah, wasiiro iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah ergeyga haatan dowladda federaalka u qaabilsan dhanka wada-hadallada Somaliland.

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isna waxaa safarkiisa ku wehlinaya wasiirada kala ah arrimaha gudaha, maaliyadda qorsheynta iyo waxbarashada ee maamulkaasi.

Qaaban-qaabada kulankan iyo xiriirintiisaba waxaa leh madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo labada nin la’ah saaxib, lana leh xiriir wanaagsan.

Ma cadda waxyaabaha rasmiga ee uu ku saabsan yahay kulankooda, laakiin warar hoose ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalladooda oo muddo dheer hakad ku jira.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay tallaabo ugu qaaday dhanka wada-hadallada, kadib dib u doorashadiisii, wuxuuna u magacaabay ergey gaar ah oo ah Cabdikariin Guuleed.

Si kastaba, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horay sidaan oo kale sanadkii hore ugu kulmay dalka Jabuuti, kadibna waxa ay ka wada qayb galeen meherka Xildhibaan Saadaq Joon iyo gabadha madaxweynaha dalkaasi, Haybado Ismaaciil Cumar Geelle.

Biixi oo u dhoofay Jabuuti iyo Somaliland oo xaqiijisay la kulankiisa Xasan Sheekh

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo la filayo inay maanta ku kulmaan isaga iyo madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarkan ayaa waxaa madaxweyne Biixi ku wehlinaya wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha,  Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha.

Somaliland oo faahfaahin ka bixisay safarkan ayaa shaacisay inuu la xiriiro dib u bilaabidda wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo dheer hakad ku jiray

“Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal” ayaa lahu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland.

Dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu isna ka duulo magaalada Muqdisho, si uu u gaaro dalka Jabuuti, waxaana wehlin doono qaar kamid ah la-taliyeyaashiisa gaarka ah, wasiiro iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah ergeyga haatan dowladda federaalka u qaabilsan dhanka wada-hadallada Somaliland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay tallaabo ugu qaaday dhanka wada-hadallada, kadib dib u doorashadiisii, wuxuuna u magacaabay ergey gaar ah oo ah Cabdikariin Guuleed.

Qaaban-qaabada kulankan iyo xiriirintiisaba waxaa leh madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo labada nin la’ah saaxib, lana leh xiriir wanaagsan.

Si kastaba, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horay sidaan oo kale sanadkii hore ugu kulmay dalka Jabuuti, kadibna waxa ay ka wada qayb galeen meherka Xildhibaan Saadaq Joon iyo gabadha madaxweynaha dalkaasi, Haybado Ismaaciil Cumar Geelle.

Weerarro halis ah oo ka socda Muqdisho – Yaa beegsanaya HORMUUD iyo BECO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda weerarro halis ah oo lagu bilaabay shirkadaha ganacsi ee ugu waaweyn dalka, waxaana isisoo tareysa xogta weeraradaan.

Qaraxyo ayaa xalay lagu xiray tabeelayaasha korontada hudbiya ee Shirkadda BECO, waxayna qaraxyadaasi sababeen inay qeybo badan oo ka mid ah Muqdisho ay demaan oo korontadu ay ka go’do.

Horay waxaa loo ogaa in habeenadii lasoo dhaafay xarumihii shirkadda HORMUUD loo qarxiyey, hadda waxaa liiska shirkadaha dhibanayaasha ah ku soo biirtay BECO.

13 xarumood ayaa HORMUUD looga burburiyey qaraxyada, shaqale ayaa looga dilay, kuwo kalena waa looga dhaawacay, waxaana uga burburtay hanti badan oo ay ugu dambeysay Booyad Shidaal ah oo maalin ka hor laga gubay.

Xubno saraakiil ah oo ka tirsan hey’adaha ammaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in la aaminsan yahay in kooxda Daacish ay beegsaneyso shirkadahaas.

Daacish, waxay dooneysaa lacago baad ah, si ay ugu kobciyaan awoodooda, waxaana muuqata inay ku raadinayaan si xoog ah, iyagoo beegsanaya shirkadaha oo hadda ay ugu horeeyaan HORMUUD iyo BECO.

Labadaan shirkadood waa kuwa ugu waaweyn dalka, waxay bixiyaan adeegyada isgaarsiinta iyo korontada, waxayna ugu horeeyaan xaqleyaasha bixiya canshuurta ay masruufato dowladda Soomaaliya, halka bulshada Soomaaliyeed ay u hayaan adeegyo muhiim ah oo xitaa dowladooda aysan ka heleen.

Ilaa hadda, hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ma aysan qaadin wax tallaabo ah, lama qabto xubnaha geysanaya weerarradaan is xigxiga, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan shirkadaha la beegsanayo waxay noo sheegeen in dowladdu aysan waxaba ka weydiin beegsiga lagu hayo iyo cidda ay tuhmayaan.

Labo si oo xasaasi ah ayey arrintaani muhiim u tahay inay ka jawaabaan hey’adaha amniga Muqdisho ‘mar waa in masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniintaan canshuur bixiyaasha ah, marna waa inay ka hor tagaan khatarta kooxaha argagixisada ah ee weerarrada geysanaya’ kuwaas oo ku sii kobcaya hadii la siiyo dhaqaalahaan ay xoogga ku raadinayaan.

Daawo: Xasan Sheekh oo caawa wajahaya su’aalo dadweyne iyo jawaabihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galaya kulan dadweyne oo ay su’aalo ku weydiinayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaro aqoonyahano ah.

Arrimaha ugu muhiimsan shaqada socota ee qaranka ayaa wax laga weydiinayaa Madaxweynaha, waxaana ka mid ah dhaqaalaha dalka, dagaalka Shabaab iyo qorshaha dowladda ee ku aadan sidii dadka Soomaaliyeed looga saari lahaa saboolnimada.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn dadka Soomaaliyeed warbixin ka siiyey dagaalka Al-Shabaab wuxuu sheegay in hadafka dowladiisa uu yahay in muddo kooban laga taqaluso kooxda, isla markaana uu ku laabanayo furimaha dagaalka.

Martida barnaamijka ayaa madaxweynaha weydiisay sababta mushaarka loogu kordhi waayey ciidamada dagaalka kula jira Shabaab, iyadoo miisaaniyadda sanadkaan ay ku jirto mushaar kordhin loo sameeyey baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa ku jawaabay, “Waa sax baarlamaanka waa loo kordhiyey mushaar, duruufo ku xeeran ayaana sababay, sidoo kale weli ma suurta geli in mushaar kordhin loo sameeyo ciidamada, balse qorshaha ayey noogu jirtaa, wiilasheena waxay dalkooda u dhimanayeen iyadoo aan shilin lagu sii jirin, laakiin maanta waxay joogaan waqtigii la abaalmarin lahaa waana ku howlanahay taas.”

Waxaa la weydiiyey su’aal ku saabsaneed arrimaha dhaqaalaha kadib deyn cafintii, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in qorshaha ay ugu jirto kobcinta daqliga dalka, isagoo dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay bixiyaan canshuuraha ku waajibay.

Dhanka caafimaadka ayaa su’aalo laga weydiiyey, wuxuu ku jawaabay “Dunida oo dhan ayaa hadda la dadaalaa dhaceysa bixinta adeygyada caafimaad ee muwaadinka, anagana waxaan joognaa heer dalkeena ay sanadkii ka miisaaniyad badan tahay wasaaradda waxbarashada dalka Kenya.”

Dhanka waxbarashada, maxaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladiisu ay hiigsaneyso heer inay ka gaarto la dagaalanka ‘jahliga’ sanadkaan sii dhamaanaya waxay dowladu qoratay 3,000 oo macalin, wuxuuna balan-qaaday in sanadkaan la qori doono 3,000 oo kale oo macalimiin ah.

Hoos ka daawo 

Daawo: Maamulka Gobolka oo soo xiray shirkado arrin yaab leh ka billaabay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in lasoo xiray raggii lahaa shirkado ay si weyn uga cabteen dadka iska leh Mootooyinka Bajaaj-ta ah ee Muqdisho ka shaqeeya.

Wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ee ka shaqeysta Muqdisho ayaa maalmahaan ka cabanayey shirkado ka qaadanaya lacag dhan $27 oo loogu sheegay inay tahay mid bille ah oo loogu magac-daray ‘badqabka mootada.’

Afhayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa xaqiijiyey in lasoo xiray raggii lahaa shirkadahaas oo ku shaqeynayey sharci darro.

Wuxuu sheegay in maamulka gobolka uusan waxaba ka ogeyn lacagaha ay mootooyinka ku soo rogeen shirkadahaas is kaashaday, isagoo ku goodiyey in tallaabo adag laga qaadayo xubnaha lagu soo qabtay falkaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in amarka lagu soo xiray raggaan uu bixiyey guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale, isagoo farriin u diray dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka.

Madaale ayaa ugu horeyn u mahad celiyey dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta, kuwaas oo sida uu sheegay u hoggaansamay amaradii maamulka, sidoo kale wuxuu u cadeeyey in maamulka gobolka uusan wax shaqo ah ku laheyn lacagtaan dambe ee lagu soo rogay.

Sidoo kale Guddoomiye Madaale wuxuu Bajaaj-leyda u sheegay in aysan bixin lacago aan aheyn canshuurta sharciga ah, isla markaana ay ku soo war geliyaan maamulkiisa wixii culeys ah ee soo wajaha.

“Maamulka gobolka Banaadir wuxuu cadeynayaa in wax shaqo ah uusan ku laheyn lacagahaas laga qaaday Mootooyinka, wuxuu laamaha amniga faray in laga jawaabo cabashada soo yeertay, waxaana shalay lagu guuleystay in lasoo xiro raggii lahaa shirkadaha lacagaha ka qaadanayey mootaaleyda,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Hoos ka daawo

Daawo: NISA oo soo qabatay rag ay hore usoo bandhigtay maleeshiyada Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigtay saddex ka mid ah shaqsiyaad dhawaan tegay deegaanada Al-Shabaab joogto, kana soo muuqday muuqaalo ay horey u baahisay kooxda.

Raggan ayaa kasoo muuqday muuqaalo ay baahisay kooxda, iyaga oo sheegaya inay ku biireen Al-Shabaab. Waxaana markii dambe u suurta-gashay NISA inay gacanta kusoo dhigaan raggaan, inkasta oo aysan shaacin sida loo soo qabtay.

Muuqaal ay maanta baahisay warbaahinta dowladda ayey kasoo muuqdeen saddexdan nin, iyaga oo sheegay in markii hore dowladda ay Muqdisho uga qaaday in ay ka qeyb noqdaan ciidamada Macawiisleyda.

“Muqdisho ayaa nagala qaaday anaga oo Macawiisley ahaan naloo wado si aan ula dagaalano Al-Shabaab. Baardheere ayaa tagnay oo sidii ayaa baabuur kaga raacnay Baardheere oo waxaa tagnay meel caan ah oo ay Al-Shabaab haystaan,” ayuu yiri mid kamid ah saddexdaan nin ee NISA soo bandhigtay.

Sidoo kale waxay sheegeen in la geeyay Jilib, kadibna muuqaalka ay baahisay kooxda laga duubay, hase yeeshe si faah-faahsan uma sheegin sababta rasmiga ah ee ku kaliftay in kooxda raadsadaan iyaga oo Macawiisley ahaan ay dowladda uga waday magaalada Muqdisho.

Waxay ka dalbadeen dowladda federaalka Soomaaliya inay cafis u fidiso, maadaama ay bedeleen mowqifkoodii hore ee looga waday Muqdisho, oo ay aadeen dhanka kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa rajeynayaa hadda maadaama qalad galay oo hadafkeyga badalay, aniga oo Macaawiisley ah oo mowqifkeyga uu ahaa in dalkeyga iyo deegaanadeyda ka xoreeyo haddana aan beddelay mowqifkeyga, oo weliba rag aniga ila mid ah ay Shabaab la xiriireen oo mowqifkeyga bedeleen waxaa rajeynaa in dowladda Soomaaliya i cafiso.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Xog: Kulankii Xasan, guddoonka BF iyo mucaaradka oo sabab yaab leh u baaqday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baaqday kulan dhex-mari lahaa madaxweyne Xasan Sheekh, guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kulanka ayaa ka dhashay kulamo isdaba jooga ah oo maalmihii u dambeeyay u socday madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ahaa xubnihii ugu cad-cadaa Midowgii Musharaxiintii hore.

Si rasmi ah weli looma shaacin sababta keentay in uu kulanka baaqdo, laakiin illo ku dhow-dhow xubnaha mucaaradka ah ayaa sheegaya in kulanka loo baajiyay cudur daar ka yimid dhanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Hase yeeshe warar kale ayaa sheegaya inuu kulanka u baaqday cadaadis Madaxweyne Xasan Sheekh kaga yimid qaar ka mid ah Madaxda dowlad-goboleedyada iyo Xisbiga Madaxweynaha oo kulanka ku tilmaamay shirqool marqaati gelin dadban ah.

Maalin kahor ayay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdiqaadir Cosoble Cali ay ku kulmeen Muqdisho.

Dhinacyada ayaa markaas isla qaatay in ay la kulmaan guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo qorshuhu ahaa in sidoo kale lala wadaago sida ugu haboon ee loo jiheyn karo arrimaha dastuurka.

Balse kulankaan ayaa baaqday, xilli dhinacyada isla qaateen in la sii wado doodaha oo sidoo kale lagu soo biiriyo siyaasiyiinta kale.

Ciidamo gadoodsan oo xirtay wadada madaxtooyada Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Madaxtooyada maamulka ay isbaaro dhigteen wadada laamiga ah ee gasha madaxtooyada.

Waddadan ay xirteen ciidankan gadoodsan ayaa mid muhiim ah oo sidoo kale ay ku yaallaan xarumo dowladeed iyo hoteello waaweyn.

Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa u diiday gaadiidka dadweynaha iyo kuwa maamulka inay isticmaalaan wadadan, iyaga oo sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah.

Madaxweyne Deni ayey ku eedeyeen inuu mushaarkooda u isticmaalay ololaha doorashada, waxayna sheegeen in aysan arrintaas u dulqaadanayn.

Dhacdadan ayaa waxaa ku baxay saraakiil ka tirsan ciidamada, iyaga oo ku howlan sidii saraakiisha iyo ciidamada gadoodsan loogu qancin lahaa inay furaan wadada muhiimka ah ee ay xirteen, inkasta oo markii hore ay ku gacan sayreen saraakiil madaxtooyada ka socotay oo isku dayday inay ku qanciyaan in la xallinayo cabashadooda.

Dhacdadan ayaa imaneysa maalmo un kadib markii ciidamo maleeshiyaad ah u diideen inay garoonka Garoowe kasoo degto diyaaradda Qaadka keenta magaalada, iyaga oo ka cabanayeen in maamulku cid gaar ah u xiray soo dajinta qaadka loo yaqaano Miirooga ee ka yimaada Kenya.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli Puntland ay aadeyso doorasho uu muran badan hareeyay, uuna markale xilka madaxweynaha u tartamayo Saciid Deni, oo xilligaan lagu dhaliilayo in uu ku fashilmay bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowliga ah iyo ciidamada, oo aan wax xuquuq ah helin dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

SSC-Khaatumo oo shuruudo hor leh ku xirtay sii daynta maxaabista Somaliland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa markii u horeysay shaaciyay shuruudo uu ku xiray sii daynta maxaabiista ciidamada Somaliland ee lagu hayo Laascaanood.

Maxaabiista Somaliland ayaa SSC-Khaatumo u gacan galay intii uu socday xoogga dagaalka gobolka Sool, kaasi oo markii dambe dib loogu riixay ciidamada Somaliland.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ee gacanta ku hayaan ay ku sii deyn karaan uun marka la gaaro heshiis nabadeed buuxa.

Sidoo kale waxa uu xusay in sii deynta maxaabiista dagaal ee Somaliland ay qeyb ka tahay in Somaliland ay joojiso wax uu ugu yeeray “daan-daansiga ay ku doonayso inay kusoo duusho deegaannada SSC”.

“Inta uu Muuse Biixi leeyahay waan soo dagaalamayaa, waan is dilaynaa, maxaabiis baan kaa qabsanayaa, adiguna iga qabso, sii dayntu markaas wax dhan-dhan ah sameyn mayso,” ayuu yiri Hoggaamiye Firdhiye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in SSC-Khaatumo ay gacanta ku hayso illaa 292 maxbuus oo ay ka qabteen ciidamada Somaliland ee dagaalka kula jira kuwa dadka deegaanka.

Maxaabiistan ayuu sheegay inay ku xiran yihiin laba xabsi oo ku yaalla magaalada Laascaanood, ayna halkaas ku haystaan daryeel joogto ah, sida uu hadalka u dhigay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

“Hal maxbuus oo kamid ah maxaabiista ayaa u geeriyooday dhaawicii soo gaaray, halka laba kale oo qabay dhawaacyo culus lagu wareejiyay qoysaskooda, iyada oo loo marayo ICRC,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Somaliland ayaa dagaalka Sool looga adkaaday, iyada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-cadde. Wixii markaas ka dambeeyay waxay wadday abaabul dagaal, iyada oo ciidamo soo dhoobtay aagga.

Si kastaba, Somaliland ayaa horay ugu eedeysay SSC-Khaatumo in si arxan darro ah ula dhaqantay maxaabiista gacanta ku hayaan, halka taasi bedelkeeda ay SSC sheegtay in maxaabiistaas si wanaagsan loola dhaqmo, iyada oo u ogolaatay inay booqato hay’adda ICRC.

Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo 5 arrin isku afgartay – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka ku dheriga ah ayaa shalay ku qabsoomay magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa daba socda kulankii Khamiistii lasoo dhaafay dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdiqaadir Cosoble Cali.

Kulankii shalay ayaa labada dhinac ku gaareen dhowr is afgarad, wuxuuna gebi ahaan daarna arrimaha dastuurka.

Sida laga soo xiganayo xubno kamid ah mucaaradka la kulmay madaxweynaha waxay ku qanciyeen madaxweynaha in habka ansixinta dastuurka loo dhaafo habraaca saxda ah gaar ahaan inuu codka qarsoodi noqdo.

Maalmihii tegay waxaa lagu eedeynayay dowladda inay diidan tahay inuu codka qarsoodi noqdo oo ay taasi bedelkeeda gacan taag rabto, balse hadda mucaaradka ayaa madaxweynaha ka codsaday in qarsoodiga loo dhaafo waxaana la sheegay in madaxweynaha uu taas diidin.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in howsha dastuurka aan la bilaabin illaa inta ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimada Puntland oo kadibna laga caleemo saarayo hoggaamiyaha la dooran doono ee maamulkaas, oo ay Puntland kusoo laabaneyso Golaha Wadatashiga Qaran. Markaas kadib ayaa la bilaabi doona doodda arrimaha dastuurka.

Midda saddexaad ee dhinacyadu isla soo dhaweeyeen waa arrinta haykalka dowladnimada. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo afartaan siyaasi ayaa isla fahmay in aan arrinta haylka dowladnimada dooddeeda la ballaariyo oo aan la dadajin, loogana dooddo fagaarayaal waaweyn oo ay sidoo kale ku jiraan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Inkasta oo uusan madaxweynaha sheegin inuu ka tanaasulay aragtidiisa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, haddana inay taasi ka dhalato dooddo waaweyn oo dhex-mara siyaasiyiinta, sharci dejiyayaasha labada Aqal ee BFS, aqoon-yahaanada iyo guud ahaan dadweynaha, iyada oo laga eegayo dhinacyo badan lana waafajinayo duruufaha yaalla Soomaaliya, waa tallaabo muhiim ah.

Dhinacyada ayaa sidoo kale arki doona guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sidoo kale lala wadaagi doono sida ugu haboon ee loo jiheyn karo arrimaha dastuurka.

Nuuca doorashada ayaa la isla soo qaaday, waxaana lagu ballamay in waqtigeeda laga wada-hadlo, iyada oo la qiimeynayo cawaaqibka ay leedahay in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah iyada oo ay ka maqan tahay Somaliland.

Dhinacyada waxay kale oo isla qaateen in la sii wado doodaha oo sidoo kale lagu soo biiriyo siyaasiyiinta kale.

Dowladda hadda tallada haysa waxaa ka go’an in muddo xileedkan dhexdiisa la dhameystiro oo laga saaro kumeel-gaarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda siyaasi bisil oo ogol in wax walba lagala doodo oo ay albaabadiisa furan yihiin, taasi oo marwalba dhalin karta in dalka ku socdo dariiq siyaasad ahaan xasilloon.

Aqriso: Dowladda oo soo saartay bayaan 23 qodoba iyo arrimaha looga hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ka kooban 23 qoddob, kaasi oo looga hadla dhameystirka dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimo ay kamid yihiin dadaallada bini’aadanimo ee ay waddo dowladda.

Bayaankan oo ah midka ay dowladda ku faah-faahiso waxqabadka dowladda ee warbixinta toddobaadlaha ah, ayaa sidoo kale lagu soo qaatay howl-galkii lagu dilay horjooge Macalin Ayman oo kamid ahaa madaxda sare ee Al-Shabaab.

“Cabdirashiid Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay “Indhacadde” ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Guutada 14-ka October ee ku sugan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Hoos ka aqriso qoddobada bayaanka dowladda oo dhameystiran;

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale ka hadley muhimadda dhameystirka dastuurka, guulaha ay dowladda ku tillaabsatey iyo halka uu marayo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Mudane Nasa Cige oo ahaa La-Taliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

3- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

4- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daah furay mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada Geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya.

5- Madax ka tirsan golayaasha dowladda federaalka ayaa saxiixay buugga tacsida ee marxuumad Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye

6- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweis Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatey Maareeye Ku-Xigeennada Wakaaladda Madbacadda Qaranka.

7- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in howgalladii ugu dambeeyay Khawaarijta looga dilay 130 maleeshiyaad ah, isla markaana laga furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabbaad u ahaa Khawaarijta.’

8- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shir looga hadlayey dar-dargelinta hawlaha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir sanadka nagu soo foodda leh ee 2024.

9- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa kulan la qaatay koox farsamo oo ka socotay Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee Afrika (Africa CDC).

10- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Soomaaliya General Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in hawlgalada ugu dambeyeeyay ee Koonfurta gobolka Mudug ay dileen 80 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay ka xoreeyeen waqooyiga iyo bariga magaalada Caad.

11- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA oo kaashanaysa maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa 1,500 oo Qoys oo wajahayey nolol adag gargaar ugu qaybisay gudaha Isbitaalka weyn ee magaaladaas.

12- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah oo dhan 3,800 oo Tan o oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay sameyeen fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ee ku soo barakacay Muqdisho iyo deegannada hoostaga.

13- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyinka Saydheelow, Habxirow, Buurta Qod’qode, Calamka, Warta Dollar iyo Weeley, oo hoostaga deegaanka Goof-gaduud Buurey gobolka Bay oo ay kuu dhuumaalaysanayeen maleeshiyaadka khawaarijta ah ee Al Shabaab.

14- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi kuna eedeysan in uu magaalada Nairobi ku dilay Marxuum Maxamed Xasan.

15- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-Rumeysi.

16- Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay horjooge Macalin Ayman oo ka mid ahaa madaxda Khawaarijta Al Shabab.

17- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgallo culus oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay tuulooyinka Mareereey, Moordiile, Raqayle iyo Caanoole oo ka tirsan Degmada Afgooye.

18- Soomaaliya oo ku guulaysattay Billadda Dhaqanka, Suugaanta iyo Farshaxanka dalalka Geeska Afrika.

19- Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa ka taagan degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo oo ka mid ah degmooyinka ay sida ba’an u saameeyeen daadadka xooggan ee ka dhashay El-Nino.

20- Dowladda Britain ayaa Soomaaliya ugu yaboohday kaalmo dhaqaale oo gaareysa $9 Million oo dollar oo lagu biirin doono mashruuca Bangiga Horumarinta Afrika ee lagu taageerayo Hay’adda Masiibooyinka Qaranka ee SODMA.

21- Laamaha amniga iyo Bulshada degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaguud ayaa yeeshay kulan looga hadlayay ilaalinta nabadgalyada.

22- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Ansixinta qorshaha istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socota ee hay’adda SODMA (2024-2029).

23- Cabdirashiid Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay “Indhacadde” ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Guutada 14-ka October ee ku sugan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Daawo: Qarax lagu qariyay qashin oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Maxamed Suudi oo xalay warbaahinta kula hadlay Waddada Sodonka ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax lagu soo dhex qariyay qashin oo habeen hore ka dhacay gudaha Muqdisho, kaas oo sababay khasaare soo gaaray muwaadin Soomaaliyeed.

Maxamed Suudi ayaa sheegay in qashin badan oo lagu soo daadiyay laamiga dhexdiisa, lasoogeliyay bac lagu qariyay qarax, kadibna ay waxyeelo kasoo gaartay hal qof.

Sidoo kale wuxuu ka digay dhibaatada ka dhalan karta qashinka oo si guud marka loo eego halis ku ah bulshadeenna.

“Qashinka laamiyada lasoo dhigaayo oo xalay ayaa u dambeysay ay dhibaato kasoo gaartay muwaadin Soomaaliyeed inta qashin bac lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa lasoo dhex-dhigay” ayuu yiri agaasimaha guud ee nadaafadda iyo bilic soo celinta gobolka.

Mudane Maxamed Suudi oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu qaadi doono tallaabo ka dhan dadka sameeyay falalkaasi ee dhibaatada ku haya muuqaalka guud ee caasimada, gaar ahaan dhanka bilicda.

“Dadka noocaas sameynaayo waxaan rabnaa inaan halkan digniin uga dirno qashin yaraa laamiga iska dhigaayay lagaama aqbalaayo, waxaad garab siineysaa nabad-diidka” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Banaadir, isaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan nadaafadda iyo bilicda caasimada.

“Reer Muqdisho waxaan leeyahay nadaafadda guud ahaan iyo gaar ahaan ka shaqeeya” ayuu mar kale yiri agaasime Maxamed Suudi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda olole ballaaran oo uu horkacayo maamulka gobolka Banaadir, si ooo horumariyo caasimada iyo dhismayaasheeda.

Wiilka madaxweyne Xasan oo wajahaya 6 sano oo xabsi ah

0

Istanbul (Caasimada Online) – Dacwad oogayaasha Turkey ayaa diyaariyey kiis ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaga oo dalbanaya illaa lix sano oo xabsi ah, kadib markii shil uu ku lug lahaa lagu dilay muwaadin Turkish ah.

Dacwadda uu diyaariyey Xafiiska Dacwad-oogaha Dadweynaha ee Istanbul, ayaa dalbaneysa xukun xabsi oo u dhaxeeya laba illaa lix sano oo lagu rido Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu eedeeyey “dil ka dhashay dayacaad iyo taxaddar la’aan.”

Dacwadda ayaa ku eedeyneysa Maxamed inuu sababay dilka Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir.

Yunus ayaa si xun u dhaaacmay 30-kii November markii mootadii uu watay uu gadaal kaga dhacay baabuurka wiilka madaxweynaha, waddo ku taalla Istanbul. Yunus ayaa dhaawacaas u dhintay 6-dii December.

Maxamed ayaa loo kaxeeyey xabsiga booliska kadib shilka, hase yeeshee waxaa lasii daayey kadib markii laga qoray warbixin aad loo dhallceeyeey. Waxaa kadib lagu soo rogay inuusan dalka ka bixin karin.

Hase yeeshee, waxaa kadib la ogaaday inuu Turkiga ka baxay 2-dii December kahor amarka looga mamnuucay bixitaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah aanu ka cararin Turkiga. Waxa uu sheegay inuu kula taliyey inuu ku laabto, oo uu maxkamadda hortago.

“Waxa uu ahaa shil. Ma uusan cararin, wuxuuna qortay qareen arrintan darteed. Ma jirin wax amar xiritaan ah, marka wuxuu lahaa shaqooyin uu dalka uga soo baxay,” ayuu madaxweynaha u sheegay AP.

Warbixin ay dhowaan soo saareen koox khubaro ah oo eegay muuqaallada shilka ayaa sheegay in wiilka madaxweynaha uu lahaa khaladka, sababto ah ma uusan qaban bareega gaariga markii ay muhiim ahayd inuu sidaas sameeyo.

Warbixintii hore ee booliska ayaa shilka ku eedeysay Yunus, taasi oo aheyd sababta ay booliska usii daayeen Maxamed.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub ee Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga?

Riyadh (Caasimada Online) – Khilaaf cusub oo ka dhex qarxay xulafada Mareykanka ee Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa saameynaya dadaallada uu Mareykanka ku doonayo in uu kaga hortago weerarada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadayaan maraakiibta ku socdaasha Badda Cas.

Warbaahinta Mareykanka ee Bloomberg News oo soo xiganeysa mas’uuliyiinta Yemen iyo Sacuudiga ayaa sheegay in labada dal ku kala aragti duwanaadeen sida ay tahay in looga falceliyo weerarada Xuutiyiinta.

Imaaraatka ayaa doonaya oo taageersan in tallaabo milateri oo ka dhan ah Xuuthiyiinta la qaado, halka Riyadh ay ka cabsi qabto in talaabo noocaas ah ay horseedi karto khatar cusub oo oo wiiqda xabad joojinta jilicsan ee Yemen. Boqortooyadda Sacuudiga ayaa ka walaacsan in talaada militari ay wax u dhinto dedaalka Sacuudiga ee ku aadan in laga gaaro xabad joojin rasmi ah oo ka hirgasha Yemen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu soo shaac baxo kala aragti duwanaansho u dhaxeysa labada dal ee xulafada ah ee Khaliijka Carabta.

Waxa mar walba jiray iskaashi dhaqaale, siyaasadeed iyo mid istiraatijiyadeed oo u dhexeeya Imaaraadka iyo Sucuudiga, kaas oo ku yimi natiijo dabiici ah oo ka dhalatay halka ay ku yaallaan labada dal ee Khaliijka ee jaarka ah iyo isku-xirnaashaha danahooda, iyo caqabadaha guud ee gobolka soo maray.

Laakiin marka la eego in Sucuudiga iyo Imaaraadku ay yihiin labada waddan ee ugu tunka weyn Golaha Iskaashiga Khaliijka marka la eego baaxadda dhaqaalaha iyo tirada dadka, waxaa dabeeci ah in uu mararka tartan ka dhexeeyo iyaga, gaar ahaan marka la eego hoggaanka cusub ee dhalinyarada ah ee labda dal, kuwaas oo meelaha qaar himiladooda iyo damacoogu kala duwan yahay.

Inkastoo guud ahaan tartankan uu ka dhaco daaha gadaashiisa, ayaa haddana waxaa jira xaalado ay isku mararka qaarkood ay iskugu yimaadaan danaha labada dal, taasoo keentay in dadka indha indheeya ay arrimahaas farta ku fiiqaan in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay.

Waxaa laga yaabaa in mid ka mid ah khilaafyadii dhaqaale ee ugu caansanaa ee soo maray labaatankii sano ee la soo dhaafay labada dal ay ahayd diidmada Imaaraadku ka soo jeedisay soo jeedinta Riyadh ee ah in ay martigeliso xarunta Bankiga Dhexe ee Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo ka bixitaankeeda heshiiskii midowga lacagta Khaliijka taas oo ka qayb qaadatay carqaladaynta mashruuca lagu soo saarayo lacagta khaliijka ee midaysan iyo bangiga dhexe ee xiriirka la leh golaha.

July 2021, Sacuudi Carabiya waxay rabtay inay kordhiso go’aanka lagu dhimayo wax soo saarka dalalka xubnaha ka ah OPEC Plus, kaasoo lagu waday inuu ku ekaado Abriil 2022, illaa dhammaadka isla sannadkaas si loo magdhabo khasaaraha ka soo gaaray waddamada xubnaha ka ah natiijada hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha saliidda intii lagu jiray musiibadii Covid-19.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Tamarta ee Imaaraatka, Suhail Al Mazrouei, ayaa ku adkaystay inuu kordhinayo saamiga wax soo saarka dalkiisa, isagoo hadallo uu warbaahinta siiyay ku yidhi: “Ma ahan wax caqli gal ah inaan aqbalno sii socoshada caddaalad-darrada iyo naf-hurnimada in ka badan intii aan u dulqaadannay oo aan u hurnay,” ayuu yiri maadaama uu u arkay soo jeedintaasi mid aan cadaalad ahayn, isla markaana ay sababi karto in wadankiisa uu galo khasaarooyin culus.

Inkastoo heshiis la gaaray bil kadib, haddana xiisad ayaa taagan, waxaana la isla dhex marayey hadal hayn ku aadan in Imaaraadka uu doonayo inuu ka baxo ururka OPEC Plus, taasoo ay beeniyeen saraakiisha Imaaraatka.

Dr. Charles Dunn, oo ah dublamaasi hore oo Maraykan ah ayaa aaminsan in inkasta oo “dhammaan dhinacyadu ay hoos u dhigeen muhiimadda khilaafka, haddana waxay daaha ka qaaday carada Imaaraadku ka qaaday waxa ay u arkayeen rabitaanka Sucuudiga ee ah inuu xukumo go’aamadii ururka iyo malaha arrimo kale”. Dhacdadan waxaa daba socday xurguf kale oo u dhaxeysay labada dowladood ee Khaliijka ee siyaasadda ku xooggan, gudaha iyo dibadda OPEC.

Sanadihii la soo dhaafay, Sacuudiga ayaa tillaabooyinka lagu horumarinayo ilaha dhaqaale, dhimista ku tiirsanaanta saliidda, iyo ballaarinta doorkiisa gobolka iyo caalamiga ah ee qaybaha sida kaabayaasha, duulista, dalxiiska iyo isboortiga dardar galiyay, iyadoo la raacayo qaabka hiigsiga horumarinta ee 2030. Waxa ay u muuqatay mid aan laga fursaneyn in ay taasi abuurto tartan u dhexeeya iyaga iyo Imaaraatka in mid walba uu noqdo xarun ganacsi iyo maalgashi oo ah Khaliijka iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

Tusaale ahaan, Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay ku dhawaaqday horaantii sanadkan inay bilaabayso diyaarad cusub, Riyadh Air, oo uu leeyahay Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha ee Sacuudiga. Shirkaddu waxay la tartami doontaa dalalka deriska la ah Khaliijka, gaar ahaan Emirates Airlines iyo Etihad Airways, maadaama ay rabtay inay duullimaadyo ku tagto in ka badan 100 goob marka la gaaro 2030-ka.

Khubaradu waxa ay u arkeen caqabad kale oo dhaqaale oo soo wajahday dalka ay jaarka yihiin ee Khaliijka.

Riyad waxa ay go’aansatay 2021 in ay joojiso mudnaanta kastamka ee la siiyo badeecadaha laga keeno aagagga dhaqaalaha xorta ah, taas oo khubaradu ay u arkayeen in ay dhabar jab ku tahay dhaqaalaha Imaaraadka oo si weyn ugu tiirsan.

Isbaheysiga hore ee Sacuudiga iyo Yemen

Muddo dheer Sacuudiga iyo Imaaraatka waxay lahaayeen xiriir dhow oo wanaagsan, kaas oo ah mid ay isku qasbanaayeen, maadaama ay arkayeen halis kale oo kaga imaaneysa Iraan.

Imaaraatka waxay qeyb ka ahayd isbaheysigii Sacuudigu aas-aasaay sanakdii 2015kii ee sida wadajirka ah ula dagaalamay Kooxda Shiicada ah ee Iraan ku xiran ee Xuutiyiinta, islamarkaas na lagu taageerayay dowladda Yemen oo dhanka Sacuudiga u janjeerta.

Laakiin Sacuudiga iyo Yemen ba lama dhicin qorsha Imaaraatka uu saldhiga militari uga furanayo Jasiirada Socotra oo ku dhow halka laga galo gacanka carbeed, iyo saldhig militari oo Imaaraatku ka sameyso jasiirada Mayon, oo ku dhow Bab Al-Mandab, marinka muhiimka ah ee hadda bartilmaameed u ah weerarada Xuutiyiinta.

Laakiin labada dal waxaa kale oo ay isku khilaafsan yihiin colaada ka taagan Sudan. Sacuudiga ayaa taageerada hoggaamiyaha ciidamada qalabka sida ee Sudan Al-Burhan, halka Imaaraatka lagu tuhmayo inay taageereyaan janaraalka kasoo horjeeda Xemeti.

Saraakiisha labada dhinac waxay marwalba hoos u dhigaan jiritaanka khilaaf ka dhexeeya labada dal ee khaliifka, laakiin khuburadu waxay u arkaan khilaafka labada dhinac in uu fursad u yahay Iran iyo kooxaha taageersan oo ka faa’iideysan kara shaki iyo tuhunka ka dhex jira Sacuudiga iyo Imaaraatka oo loo arko labada awood ugu saameynta weyn barriga dhexe marka laga reebo Iran, islamarkaas na sida weyn u hortaagatan saameynta iyo is-fidinta Iran.

Koonfur Galbeed oo go’aan culus ka qaadatay ciyaaraha maamul goboleedyada dalka

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Xiriirka kubadda cagta ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo saaray go’aan lama filaan ah oo ay ka qaateen tartanka ciyaaraha ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la filayo inuu Jimcaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Koonfur Galbeed Axmed Cali Xasan (Axmed Doolar) oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in aysan ka qayb-geli doonin tartankaas, ayna isaga baxeen, wuxuuna eedeymo culus uu u jeediyay xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliyeed.

Axmed Doolar ayaa shaaca ka qaaday inay tirsanayaan caddaalad darro weyn oo lagu sameeyay taas oo la xiriira dood laga keenay goolhayaha koowaad ee xulkooda.

“Waxaa jirta waxyaabo aan tabeyno ka maamul ahaan oo aan ku jirin shuruucda kubadda cagta oo la rabo in si gaar ah loogu dabaqo tartanka, taas oo ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan goolhayaha koowaad ee Koonfur Galbeed” ayuu yuri Doolar.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Taas ayaa keentay in Koonfur Galbeed ay qaadato go’aan ah in aysan ka qayb-gelin tartana kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, inta laga xalinayo arrimaha taagan”.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dadka maamulaya tartanka aysan dhex-dhexaad ahayn, ayna si gaar ah u bartilmaameedsadeen xulka Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan u aragnay tartanka dadka maamulaya in aysan ahayn dhex-dhexaad, waayo waxay toos u beegsadeen xulka kubadda cagta Koonfur Galbeed” ayuu mar kale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in sababta ay tahay in ciyaarahaas laga reebo Koonfur Galbeed, maadaama buu yiri ay u diyaar garowday ciyaaraha maamullada dalka.

“Ujeedada waxaa waayey sanadkan Koonfur Galbeed waa muuqataa diyaar garow xoogan ayay sameysay ciyaartoybey diyaarsatay, sidaas daraateed ayaa loo beegsaday” ayuu yiri.

Horay waxaa tartankan looga reebay xulka kubadda cagta SSC-Khaatumo oo billowgii hore liiska kasoo muuqday, sidoo kale waxaa maqan Puntland, taas oo hoos u dhigeysa xiisihii tartankan oo sanad kastaa loo qabto maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Daawo: Hobiyeyaal ku dhacay Boondheere + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo saaka ku dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho kuwaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Hoobiyeyaashan ayaa si gaar ah looga dareemay aagga xarunta madaxtooyada, gaar ahaan dhanka degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay guri ay dagan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla xaafadda Sheekh Yuusuf Alkawnayn ee degmadaas sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyahaas ay ku geeriyootay hooyadii qoyska, kadib markii uu qolkeeda ku habsaday madfa lasoo tuuray saaka aroortii hore.

Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo la hadashay Telefishinka Somali Cable ayaa faahfaahin ka bixisay dhacdadaasi, waxayan xaqiijisay inay go’go’day hooyada geeriyootay.

“Saaka saaladdii subax marka ay ahayd waxaanu ka war helnay annaga oo jiifna qarax weyn oo meel kasta laga maqlay oo hoobiye ah famil meel deggan ayuu ku dhacay islaan guriga mas’uul ka ah carruurta iyo reerka dhashay buu ku dhacay” ayay tiri.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Islaanta way go’go’day guryihii way dumeen dadkii meesha wada joogay way soo yaaceen”.

Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa haatan bilaabay howlgallo baaritaano ah, kadib weerarkaas oo uu bartilmaameedkiisu ahaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Maalmihii u dmabeeyay xaaladda ammaan ee caasimada ayaa ahayd mid deggan, waxaana yaraaday weeraradii iyo qaraxyadii horay uga dhici jiray degmooyinka gobolka Banaadir.