26.5 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Qunsuliyadda Mareykanka ee Toronto oo la rasaaseeyey

Toronto (Caasimada Online) — Rasaas ayaa waaberigii hore ee saaka oo Talaado ah lagu furay dhismaha Qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Toronto ee dalka Canada, balse ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay falkan, sida ay sheegeen laamaha amniga.

Qoraal ay soo dhigeen barta bulshada ee X (Twitter), ayay booliska Toronto ku sheegeen inay ka falceliyeen warbixinno la xiriira rasaas dhacday abbaare 5:29 subaxnimo (09:29 GMT), halkaas oo ay ka heleen caddeymo muujinaya in hub la riday. Qoraal kale oo ay soo saareen ayay ku caddeeyeen in aysan ilaa hadda haynin xog la xiriirta cidda falkan ka dambeysay ama qof si gaar ah loogu tuhmayo.

Ra’iisul Wasaaraha Gobolka Ontario, Doug Ford, oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa dhacdadan si kulul u cambaareeyay. “Rasaasta saaka aroortii hore lagu furay Qunsuliyadda Mareykanka waa fal gacan-ka-hadal iyo cabsi-gelin ah oo aan marnaba la aqbali karin, kaas oo si toos ah loola beegsaday saaxiibadeenna iyo deriskeenna Mareykanka,” ayuu yiri Ford.

Wuxuu intaas raaciyay inuu ku faraxsan yahay baaritaanka ay wadaan Booliska Toronto, isagoo rajo ka muujiyay in ciidamada ammaanka ee heerarka kala duwan ay isugu geyn doonaan dhammaan awooddooda iyo ilaha ay heli karaan si loo soo qabto dadkii falkan ka dambeeyay.

“Waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo karaankeenna ah si sharciga loo waafajiyo, ciqaabta ugu adagna loo marsiiyo shakhsiyaadka mas’uulka ka ah falkan,” ayuu sii raaciyay Ford.

Booliska ayaa goor sii horreysay sheegay in ciidamadoodu ay ka jawaabeen dhawaqa rasaasta ee laga dhex maqlay bartamaha magaalada Toronto (downtown), gaar ahaan agagaarka xarunta qunsuliyadda. Ma jirin xog rasmi ah oo ku saabsan ujeedka weerarka ama cid lala xiriirinayo. 

fhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa telefishinka CBS News u sheegay in xukuumadda Washington ay la socoto dhacdadan, ayna si dhow ula socon doonaan xaaladda iyagoo kaashanaya laamaha fulinta sharciga ee maxalliga ah, balse wuxuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeri ah.

Weerarkan ayaa dhacaya maalmo un kadib markii laba Sinagog (xarumaha cibaadada Yuhuudda) oo ku yaalla aagga weyn ee Toronto lagu weeraray rasaas xilli habeenimo ah, taas oo keentay in si weyn loo xoojiyo joogitaanka ciidamada booliska ee aaggaas. Booliska ayaa xaqiijiyay in aysan jirin cid wax ku noqotay weeraradaas, in kasta oo raadad xabbado ah laga helay albaabka hore ee mid ka mid ah xarumahaas.

Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa rasaasta lagu furay xarumaha cibaadada ku sifeeyay weerar ka dhan ah xuquuqda Yuhuudda reer Canada ay u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan una cibaadeystaan, isagoo ballanqaaday in dowladdiisu ay si buuxda u difaaci doonto goobaha cibaadada.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga in rasaasta lagu furay xarumaha cibaadada ee Yuhuudda iyo tan lala beegsaday Qunsuliyadda Mareykanka ay yihiin kuwo xiriir leh, iyo in ay salka ku hayaan dagaalka haatan u dhexeeya isbaheysiga Mareykanka-Israa’iil iyo Iiraan.

Telefishinka CTV ee dalka Canada ayaa weriyay in waddooyin dhowr ah loo xiray dhacdadan dartiis, halka Duqa Magaalada Toronto, Olivia Chow, ay xaqiijisay in ciidamo boolis ah oo aad u hubeysan la dhoobay agagaarka qunsuliyadaha Mareykanka iyo Israa’iil ee magaaladaas.

“Saaka waxaa rasaas lagu furay Qunsuliyadda Mareykanka. Tani waxay dabo socotaa rasaas lala beegsaday xarumaha cibaadada Yuhuudda labadii dhammaad-wiig ee lasoo dhaafay. Arrintan marnaba lama aqbali karo,” ayay Chow u sheegtay suxufiyiinta ka hor shir uu lahaa golaha deegaanka ee magaalada.

Waxay tiri “Bulshada Yuhuudda ee Toronto waxay xaq u leeyihiin inay ku dhaqmaan diintooda iyo dhaqankooda, ayna nolol-maalmeedkooda u qaataan cabsi, caga-jugleyn iyo gacan-ka-hadal la’aan.”

Ugu dambeyn, Duqa magaalada ayaa xaqiijisay in boolisku ay wadaan baaritaanno xooggan, xafiiskeeduna uu si buuxda u garab taagan yahay dadaallada lagu soo qabanayo dambiilayaasha si caddaaladda loo horkeeno. 

Koofi oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo caawa ka qayb-galay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isaga oo weerar  dhanka ah afka ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh.

Koofi ayaa ugu horreyn dhaleeceeyay madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu isagu fashiliyay dhammaan wada-hadalladii labada dhinac ee horay u dhacay, kuwaas oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday kadib markii la’isku fahmi waayay.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Xasan Sheekh in Golaha Mustaqbalka uu ka diidey in talo ay ku yeeshaan arrimaha dastuurka iyo hanaanka doorashada, maadaama waqtigeeda lagu soo dhawaanayao.

“Goluhu wuxuu arkaa xaaladda maanta lagu jiro iyo waqtiga dhiman inay qasab tahay qof kasta oo Soomaaliyeed waajibka saaran inuu guto, balse madaxweynuhu waa aa ka diidey in talo ku yeeshaan hanaanka doorashada, waqtigii doorashaduna waa la dhaafay.” ayuu yiri Koofi.

Waxa kale oo uu ka hadlay dastuurka la ansixiyay ee ay weli diidan yihiin mucaaradka, wuxuuna ku dooday in loo maray waddo khaldan.

“Iyadoo gobollada kala maqan yihiin iyadoo khayraadka sida loo qaybsanayo aan laga heshiin ayaa la sameeyay waxa aad aragteen oo ah in dastuurkii la ansixiyay” ayuu mar kale yiri Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono xiisadda, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Sagaal DAL oo laga yaabo in ay ku biiraan dagaalka Iiraan

Tehran (Caasimada Online) — Toddobaadkii ugu horreeyay ee uu qarxay dagaalka Iiraan, in ka badan toban dowladood ayaa si toos ah iyo si dadbanba ugu dhex milmay colaadda, iyadoo dalal kalena ay qarka u saaran yihiin inay ku biiraan.

Haddii quwadaha waaweyn ee caalamka sida Shiinaha ama Ruushka ay si buuxda usoo farageliyaan arrintan, waxaa jirta khatar weyn oo ah in colaadda gobolku ay isku beddesho mid aad u halis badan.

Cabsida ugu weyn ayaa ah in dagaalku isku beddelo isku-dhac wakiilasho oo dhexmara Mareykanka iyo Ruushka, ama inuu dhasho qalalaase caalami ah oo dhanka tamarta ah, taas oo ku qasbi karta xukuumadda Beijing inay qaadato go’aanno adag.

Hoos waxaa ku xusan falanqeyn ku saabsan dalalka sida gaarka ah isha loogu hayo ee saameynta iyo doorka ku yeelan kara wejiga cusub ee dagaalkan.

Shiinaha

Xukuumadda Beijing ayaa markii ugu horreysay cambaaraysay duqeymaha uu Mareykanku hormuudka ka yahay, iyadoo ku tilmaantay xad-gudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.

Waxay sidoo kale ku baaqday in xiisadda la dejiyo intii uu socday kulan degdeg ah oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo dhanka kalena si degdeg ah dalka Iiraan uga daadgureysay in ka badan 3,000 oo ah muwaadiniinteeda.

Maadaama Shiinuhu uu boqolkiiba 80% shidaalka uu uga baahan yahay Iiraan uu soo mariyo Marinka Hormuz, xukuumadda Beijing ayaa culeys ku saaraysay Tehran in la damaanad-qaado badqabka isu-socodka marin-biyoodkan istaraatiijiga ah.

Khubaro la hadlay telefishinka NBC News ayaa aaminsan in dagaalka Iiraan uu dedejin doono baahida loo qabo in Shiinaha iyo Mareykanku ay si toos ah uga wada hadlaan colaaddan sii baahaysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, oo Axaddii qabtay shir jaraa’id ayaa dagaalkan ku sifeeyay mid aan marnaba ahayn inuu dhaco, isla markaana aan cidna dan ugu jirin, sida ay tebisay CNN.

Ruushka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Moscow ayaa dhankeeda weerarka Mareykanka ku tilmaantay fal-dambiyeed gardarro hubeysan ah oo horay loo sii qorsheeyay, kaas oo lagu qaaday dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ruushku uu Iiraan siinayo xog sirdoon oo u sahlaysa inay bartilmaameedsato ciidamada Mareykanka. Xogtan ayaa ah mid uu Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth isku dayay inuu meesha ka saaro isagoo barnaamijka “60 Minutes” u sheegay in arrintaasi aysan wax macno ah lahayn, maadaama Mareykanku uu si buuxda u burburinayo Iiraan.

Sidoo kale, Ruushka ayaa la filayaa inuu kordhiyo dhoofinta shidaalkiisa ee dalalka Hindiya iyo Shiinaha, xilli qalalaasaha ka taagan marinka Hormuz uu sababay in qiimaha shidaalku uu cirka isku shareero, gaar ahaan kadib markii maamulka Madaxweyne Trump uu dalka Hindiya u fasaxay inay iibsato shidaalka Ruushka inkastoo ay jiraan cunaqabateyno caalami ah.

Turkiga

Xukuumadda Ankara ayaa ku dhawaaqday in aysan marnaba ogolaan doonin in hawadeeda loo adeegsado weeraro ka dhan ah Iiraan, taas oo ah mowqif ku adag dal xulafo la ah Mareykanka iyo isbaheysiga NATO.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay toddobaadkan kadib markii nidaamyada difaaca ee NATO ay hawada ku bur-buriyeen ugu yaraan labo gantaal oo laga soo riday Iiraan, kuwaas oo ku wajahnaa dhulka Turkiga.

Turkiga ayaa sidoo kale cambaareeyay weeraradii ay Iiraan ku qaadday dalka Azerbaijan asbuucii hore.

Maalintii Isniinta, milateriga Turkiga ayaa lix diyaaradood oo nooca dagaalka ee F-16 ah u daadgureeyay waqooyiga Qubrus, si ay jasiiraddaas badda Dhexe uga difaacaan weerarada suurtagalka ah ee Iiraan.

Intaas waxaa dheer, suurta-galnimada in maleeshiyaadka Kurdiyiinta ay ku lug yeeshaan qalalaasaha Iiraan ayaa sababi karta in Turkigu uu tallaabo adag qaado, maadaama Ankara ay taariikh colaadeed oo fog la leedahay kooxahaas.

Yaman

Kooxda Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay dalka Yaman, oo taageero milateri ka hela Iiraan, ayaan wali si toos ah usoo gelin dagaalka, balse waxay bixiyeen calaamado muujinaya inay ku biiri karaan. Tallaabadaas ayaa furi doonta furin cusub oo dagaal, waxayna si weyn halis u gelin doontaa isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas.

Dalka Yaman ayaa ka mid ahaa waddamo dhowr ah oo ay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanku uga digtay muwaadiniinteeda, iyadoo ugu baaqday inay isaga baxaan sababo la xiriira derisnimada ay la leeyihiin Iiraan iyo taageerada Xuutiyiinta ee xukuumadda Tehran.

Ukraine

Xukuumadda Kyiv ayaa durba iskaashi dhanka difaaca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) la wadda Mareykanka iyo dalalka Khaliijka. Ukraine ayaa adeegsanaysa khibradda adag ee ay ka dhaxashay la-dagaalanka diyaaradaha Drones-ka ee nooca Shahed ee ay Iiraan sameyso, kuwaas oo uu Ruushku u adeegsado dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono difaaca dalalka iyagana ka caawinaya inay soo afjaraan dagaalka caddaalad-darrada ah ee kala dhexeeya Ruushka. Dhanka kale, Madaxweyne Trump ayaa Khamiistii xaqiijiyay inuu soo dhaweynayo caawimaad kasta oo uga timaada dal kasta.

Masar iyo Suuriya

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa si adag ugu boorisay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan dalalka Masar iyo Suuriya inay si degdeg ah uga baxaan. Xukuumadda Qaahira ayaa durba si dhab ah u dareemaysa dharbaaxada dhaqaale iyo saameynta taban ee ka dhalatay gariirka dagaalkan cusub.

Dhanka kale, xaaladda Suuriya ayaa ah mid aan la saadaalin karin. Israa’iil ayaa xiriir sirdoon oo qotodheer la leh Kurdiyiinta ku sugan Suuriya, waxaana laga cabsi qabaa in faragelinta Kurdiyiinta ee arrimaha Iiraan ay carqaladeyso dadaallada dib-u-dhiska Suuriya ee kadib dhicitaankii nidaamkii Bashaar Al-Asad.

Kuuriyada Koonfureed iyo Waqooyi

Talisyada milateri ee Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa wada wadahadallo xasaasi ah oo ku aaddan sidii nidaamyada difaaca gantaallada ee Patriot ee uu Mareykanku leeyahay, kuwaas oo haatan ku sugan Kuuriyada Koonfureed, loogu wareejin lahaa furimaha dagaalka ee Iiraan, sida ay tebisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhanka kale, dalka Kuuriyada Waqooyi, oo taariikh ahaan xulafo dhow la ahaa nidaamka Iiraan, ayaa wajahaya hubanti la’aan cusub iyo su’aalo waaweyn oo ku gedaaman mustaqbalka xiriirkaas iyo doorka ay ku yeelan karaan xiisaddan sii ballaaranaysa.

Somaliland oo dacwad caalami ah oo xasaasi ah ka gudbisay DF Soomaaliya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inuu furtay dacwad caalami ah oo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo la xiriirta maamulka hawada.

Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux ayaa xaqiijiyay in Somaliland ay dacwadan u gudbisay hay’adda hawada ee Qaramada Midoobay.

Ujeedka dacwadan ayuu ku sheegay “sidii ay kula wareegi laheyd maamulka hawadeeda, ayna uga gudbi laheyd nidaamka e-Visa ee Dowladda Soomaaliya ku waajibisay dadka usoo safraya dalka.

“Soomaaliya ayaannu dacweynaynaa, waayo waxay sheeganaysaa in ay hawada Somaliland maamusho, mana maamusho, mana joogto, amarkeeduna kama shaqeeyo,” ayuu yiri Wasiir Fu’aan oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka MMTV.

Waxa uu intaas kusii daray “Marka sharciyada ay sheeganayso (Dowladda Federaalka) ee ay leedahay annaga ayaa hawada maamula, ayaannu caddaynay in aanay maamulin.”

Wasiirka ayaa ku dooday in maamulka hawadu u baahan yahay awood iyo adeegyo gaar ah, sida in diyaaradaha loo oggolaado degis degdeg ah haddii xaalad degdeg ahi timaaddo, in si toos ah loo maamulo garoomada Hargeysa & Berbera iyo in gurmad loo fidiyo diyaaradaha shil ku gala hawadaas. Arrimahan ayuu sheegay in aanay Soomaaliya ka hirgelin karin Somaliland.

“Somaliland waxay go’aansatay intii ay Soomaaliya la hadli laheyd inay marka hore ictiraaf raadsato. Sidaas daeteedna markii Israa’iil aqoonsatay, codsaneyna in hawada Somaliland lagu dhaqo xeerka waddamada qayb ahaan aqoonsiga haysta sida Kosovo iyo Taiwan, kuwaas oo loo oggolaaday in ay hawadooda maamulaan.”

Wasiirka ayaa sheegay in dacwadda ay gudbiyeen ay marayso marxalad wanaagsan, isaga oo muujiyay rajo ah in Somaliland loo oggolaado in ay si madax-bannaan u maamusho hawadeeda. Wuxuu xusay in geeddi-socodkani uu qaadan karo wakhti, balse tallaabooyinka ugu horreeya hore loo qaaday.

Dhanka kale, wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in nidaamka dal-ku-galka danabaysan (e-Visa) ay u adeegsanayso sidii ay dhaqaale uga heli lahayd iyo cadaadis loogu saari lahaa bulshada Somaliland, ee iyagu ka tashaday aayahooga, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in hirgelinta nidaamka e-Visa ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo la socodka dadka soo galaya dalka, taas oo ay ku tilmaantay mid sare u qaadaysa amniga iyo awoodda maamul ee dowladda.

Duqeyn culus oo maanta lala beegsaday xero lagu tababaro xubnaha Al-Shabaab

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in maanta duqeyn culus oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah ay ka dhacday aagga deegaanka Dumaaye oo hoosta degmada Xarardheere ee koonfurta gobolkaasi.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday xero tababar oo Al-Shabaab ay ku leeyihiin halkaasi, taas oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Raagge, sida ay innnoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Xilliga uu dhacayay weerarka ayaa waxaa goobta lagu diyaarinayay xubno ka tirsan Khawaarijta oo tababar u socday, kuwaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay duqeynta.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xerada uu soo gaaray burbur xooggan, isla markaana ay si weyn u saameysay duqeynta lala helay.

Xeradan ayaa horay u ahayd goob Diimeed, waxaana dadka deegaanka ay yaqaaneen Mowlaca Sheekh Maxamed Raage, waxaase si xoog ah kula wareegtay kooxda Al-Shabaab oo u beddashay goob ay ku tababaraan dagaalyahannadooda.

Waa markii labaad ee la duqeynayo xeradan, waxaana horay sidaan oo kale loo weeraray dabayaaqadii 2023-kii, kadib markii ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in war rasmi ay kasoo saarto weerarkan cusub, soona bandhigto khasaaraha guud ee gaaray Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ayaa sare u qaaday howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyada oo laga soo hooyay guullo wax ku ool ah, maadaaama ciidamadu ay dib ula wareegeen deegaano muhiim ah oo laga saaray kooxda.

Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhacay Jubbada Hoose

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa ka tirsan Nabadsugidda dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa yimid kadib markii ciidamada iskaashanaya ee Daraawiishta iyo Nabadsugidda ay weerar ku qaadeen deegaanno la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, oo ay isku uruursanayeen.

Ilo ku sugan gobolka ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay weerarka qaadeen aroortii hore, kadib markii ay heleen xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo ay wadeen dagaalyahannada kooxda.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland oo si hordhac ah uga hadlay howl-galka ayaa sheegay in ciidamada ay gaareen bartilmaameedkii loo qorsheeyay, isla markaana Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Waxay intaas ku dareen in howl-galka uu socday muddo saacado ah, isla markaana lagu burburiyay fariisimo ay kooxda ku lahayd deegaannada la weeraray.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay gacanta ku dhigeen hub iyo agab ciidan oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in rasaas culus iyo qaraxyo laga maqlayay goobaha uu howlgalka ka socday.

Ciidamada Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaannada ku dhow xadka Kenya iyo kuwa hoos yimaada degmooyinka Badhaadhe iyo Afmadow.

Deegaanka Kudhaa ee degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa horey uga dhacay dagaal ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland, kaas oo sababay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.

Tan iyo markaas, ciidamada Jubbaland ayaa waday dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howl-gallo ay ku doonayaan inay ku sugaan amniga deegaannada ku teedsan aaggaas.

Iran oo u jawaabtay Mareykanka: Dhamaadka dagaalka wuxuu ku jiraa…

0

Tehran (Caasimada Online) – Ilaalada Kacaanka Iran ayaa shaaciyay in Tehran ay go’aamin doonto sida uu ku dhammaan doono dagaalka, iyadoo sheegtay in ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ay diyaar u yihiin ilaalinta saliidda iyo amniga gobolka.

Hadalkaasi ayaa ka soo baxay afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran, kaddib markii uu ka falceliyay hadallo uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo ku saabsanaa xaaladda ciidamada Iran iyo sheegashadiisa ah in saamaynta Tehran ay sii yaraaneyso.

Afhayeen Ali Mohammad Naeini, ayaa sheegay in miisaanka awoodda ee gobolka iyo jihada mustaqbalka ay hadda gacanta ugu jiraan ciidamada qalabka sida ee Iran, isagoo xusay in ciidamada Mareykanku aysan awood u lahayn inay soo afjaraan dagaalka.

“Ciidamada qalabka sida ee Iran waxay ciidamada badda ee Mareykanka ku sugayaan marin biyoodka Hormuz iyo sidoo kale markabka diyaaradaha xambaara ee Mareykanka Gerald Ford. Dhamaadka dagaalka wuxuu ku jiraa gacanta Iran,” ayuu yiri.

Naeini waxa uu sidoo kale tilmaamay in Trump uu sheegay in maraakiib ganacsi iyo kuwo milatari ay si sahlan ugu gudbaan marin-biyoodka Hormuz, balse uu ku dooday in maraakiibta Mareykanka iyo diyaaradaha dagaalka ay ka durkeen gobolka masaafo ka badan kun kiiloomitir si ay uga fogaadaan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka jawaabay hadalka Trump ee ku saabsan hoos u dhaca awoodda gantaallada Iran, isagoo sheegay in gantaallada dalkaasi ay hadda ka awood badan yihiin sidii ay ahaayeen bilowgii dagaalka.

Wuxuu xusay in gantaalladaasi ay wataan culays iyo madaxyo dagaal oo miisaankoodu ka badan yahay hal tan, isla markaana lagu beegsanayo saldhigyada Mareykanka iyo Israel.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada qalabka sida ee Iran aysan oggolaan doonin in hal litir oo saliid ah laga dhoofiyo gobolka loona gudbiyo dhinacyada ay cadowga u arkaan ilaa amar kale laga bixiyo.

Wuxuu intaas ku daray in tallaabo kasta oo lagu yareynayo ama lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa shidaalka iyo gaaska ay noqon doonto mid ku-meel-gaar ah oo aan wax badan ka beddeli doonin xaaladda.

Naeini ayaa sidoo kale digniin u diray Washington, isagoo sheegay in ciidamada qalabka sida ee Iran ay si dhow ula socdaan ciidamada badda ee Mareykanka ee ku sugan marin-biyoodka Hormuz, isla markaana ay indhaha ku hayaan markabka xambaara diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, Gerald Ford. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhammaadka dagaalka uu ku jiro gacanta Iran.

Hadalka ka soo baxay Iran ayaa imanaya xilli madaxweyne Donald Trump uu ka hadlayay muddada uu socon doono howlgalka milatari ee Maraykanku ku qaaday Iran.

Trump ayaa sheegay in howlgalkaasi uu soo afjarmi doono “dhawaan”, inkastoo uusan sheegin inuu ku dhammaanayo toddobaadkan.

“Waxaan u maleynayaa inuu dhowaan dhammaan doono. Wax kasta oo ay Iran lahayd way dhammaadeen, oo uu ku jiro hoggaankeedii,” ayuu yiri Trump.

Trump waxa uu sidoo kale sheegay in dad badan aysan xitaa maqal hoggaamiyaha la sheegayo inuu beddeli doono aayaatollah-ka.

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka ayaa mar kale uga digay Iran inay carqaladeyso socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.

“Haddii Iran ay sameyso wax kasta oo joojinaya socodka shidaalka ee marinkan, waxaa ku dhici doona weerar ka imanaya Mareykanka oo labaatan jeer ka adag wixii hore loogu qaaday,” ayuu Trump ku yiri bayaan uu ku daabacay internetka.

Qiyaastii 20% shidaalka adduunka ayaa mara marin-biyoodka Hormuz, waxaana dagaalka socda uu si weyn u yareeyay isu socodka maraakiibta badda, sidoo kalena uu sare u qaaday qiimaha shidaalka ee caalamka.

Trump ayaa intaas ku daray in Mareykanku burburin doono bartilmaameedyo si fudud loo baabi’in karo, taasoo, sida uu sheegay, ka dhigi doonta mid aad ugu adkaan doonta Iran inay mar kale dib u dhisto dalkeeda.

Ugu dambayn, Trump wuxuu sheegay in ay weli jiraan bartilmaameedyo dhowr ah oo Maraykanku aan weli gaarin, balse la burburin karo “hal maalin gudaheed.”

Amiirka Qatar oo digniin culus siiyay Trump kadib markii…

Doha (Caasimada Online) — Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani, ayaa uga digay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in xiisadda milateri ee haatan oogan ee u dhexaysa Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil ay yeelan karto cawaaqib-xumo aad u weyn oo saameysa caalamka oo dhan.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee Qatar (QNA), digniintan ayaa timid xilli labada hoggaamiye ay khadka taleefanka ku wada hadleen maalintii Sabtida. Wadahadalkooda ayaa diiradda lagu saaray horumarradii ugu dambeeyay ee colaadda iyo dadaallada lagu xakameynayo xiisadda gobolka ee sii fidaysa.

Wadahadalkan xasaasiga ah ayaa dhacay xilli ay weli socdaan weeraro ay Iiraan ku bartilmaameedsanayso dalka Qatar iyo dalal kale oo gobolka ku yaalla, iyadoo xiisaddu ay cirka isku shareertay ka dib markii uu qarxay dagaalka tooska ah ee u dhexeeya Tehran, Washington iyo Tel Aviv.

Intii uu socday wadahadalka taleefanka, Sheekh Tamiim ayaa carabka ku adkeeyay in is-mari-waagan milateri uu saameyn taban ku yeelan karo nabadda iyo amniga caalamiga ah, isagoo ku baaqay in si degdeg ah dib loo soo nooleeyo dadaallada diblomaasiyadeed si looga hortago in xaaladdu ay intan kasii darto.

Sidoo kale, waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in dhibaatadan lagu xakameeyo waddooyin siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed. Hase yeeshee, Amiirka ayaa dhanka kale si cad u sheegay in xukuumadda Doxa ay si buuxda u difaaci doonto madax-bannaanideeda, amnigeeda iyo danaha qarankeeda haddii loo baahdo.

Wakaaladda wararka ee QNA ayaa xustay in hoggaamiyeyaasha Doxa iyo Washington ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la taageero xal siyaasadeed si wax looga qabto xiisadaha is-biirsaday ee haatan taagan.

Dalka Qatar ayaa martigeliya saldhigga milateri ee ugu weyn ee ciidamada Mareykanku ay ku leeyihiin guud ahaan Bariga Dhexe.

Joogitaankaas milateri ayaa sababay in dalkaas dhowaanahan lala beegsado gantaallo aargoosi ah oo uga imanayay dhanka Iiraan, xilli uu gobolku marayo marxaladdii ugu adkayd ee iska-hor-imaadyada hubeysan ee sannadihii u dambeeyay.

Weeraradan ayaa inta badan loo adeegsadaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is-miidaaminta ah ee Iiraan, sida nooca Shahed, kuwaas oo qiimahoodu uu aad uga jaban yahay gantaallada ay nidaamyada casriga ah ee Mareykanka loogu talagalay inay iska difaacaan. Iiraan ayaa maalmihii u dambeeyay riday gantaallo ka yar kuwii hore. 

Mid ka mid ah duqeymihii ugu weynaa ayaa ku dhacday nidaam raadaar oo casri ah oo bixiya digniinaha xilliga hore, kaas oo ku yaalla saldhigga Al-Udeid ee dalka Qatar, oo ah saldhigga ugu weyn ee milateriga Mareykanku ku leeyahay gobolka. Weerarka ayaa dhaawacay raadaarka AN/FPS-132, wuxuuna hakiyay awooddiisii shaqo, sida ay muujinayaan sawirrada satalaytka iyo sarkaal Mareykan ah.

Raadaarka AN/FPS-132 ayaa ah mid awood weyn leh oo loogu talagalay inuu hal mar la socdo bartilmaameedyo badan.

Sawirro satalayt ah oo ay qaadday shirkadda Planet Labs ayaa muujinaya burbur soo gaaray xarunta raadaarka ee Qatar.

Sawirrada ayaa muujinaya burbur ka muuqda qaybta waqooyi-bari ee dhismaha raadaarka qaabka qubbada ah ee u jeeda dhanka Iiraan, iyo sidoo kale biyo qulqulaya oo u badan in lagu daminayay dab goobta ka kacay, sida uu sheegay Sam Lair, oo ah cilmi-baare ka tirsan Xarunta James Martin ee Daraasaadka Hubka.

“Waxay muujineysaa jilicsanaanta qaar ka mid ah raadaarradan heerka sare ah,” ayuu yiri Lair oo lafagur ku sameeyay sawirka satalaytka.

Dagaalka Israa’iil iyo Mareykanka ay ku hayaan Iiraan ayaa maanta galay maalintiisii 10-aad.

Puntland oo ku adkeysatay go’aanka ay ka qaadatay dastuurka la ansixiyay

0

Garoowe (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu wehliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa caawa kulan afur iyo wadatashi ah la qaatay Goleyaasha Puntland iyo Xildhibaannada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Garoowe.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybagalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Axmed Saciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Xildhibaannada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Goleyaasha Maamulka Puntland.

Inta ay socdeen wada-tashiyada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha la’isku hayo ee wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Puntland ayaa mar kale ku celisay in ay diidan tahay meel-marinta dastuurka cusub ee la ansixiyay, waxayna sheegtay in marnaba aysan aqoonsan doonin.

“Dowladda Puntland waxay  markale ku celisay in Dastuurka sida sharci darada ah lagu bedelay ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud sameystay, aysan Puntland qeyb ka aheyn, sidaasi darteed aysan aqoon saneen , balse keliya ay aqoon santahay Dastuurkii Soomaali heshiiska ku aheyd ee 2012” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Dhanka kale, madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ee la qaatay go’aanka iyo metelaadda ay ku difaaceen in la bedelo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa.

Si kastaba, Puntland, Jubbaland iyo Mucaaradka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono natiijada, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

 

LINDSEY GRAHAM oo u hanjabay Sacuudiga haddii aysan ku biirin dagaalka Iiraan

Washington (Caasimada Online) — Senator-ka ka tirsan aqalka senate-ka Mareykanka, Lindsey Graham, ayaa Isniintii si adag u weeraray Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo ku dhaliilay inaysan weerarin Iiraan, wuxuuna “cawaaqib-xumo” ugu hanjabay waddamada kale ee Khaliijka haddii aysan ku biirin dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Tehran, kaas oo maamulka Riyadh uu markii horeba kasoo horjeeday in la qaado.

“Sida aan fahamsanahay, Boqortooyadu waxay diidday inay awooddeeda milateri u adeegsato qayb ka mid ah dadaalka lagu soo afjarayo nidaamka argagixisada iyo naxariis-darrada ah ee Iiraan, kaas oo cabsi geliyay gobolka, dilayna 7 qof oo Mareykan ah,” ayuu Graham ku soo qoray bartiisa X (Twitter).

Wuxuu intaas raaciyay weydiin la xiriirta in Mareykanku uu heshiis difaac la galo dal la mid ah Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo aan diyaar u ahayn inuu ka qaybqaato dagaal danta guud ah.

Qoraalka Graham ayaa si dadban u xaqiijinaya xog uu horey sarkaal Mareykan ah u siiyay shabakadda wararka ee Middle East Eye, taas oo ahayd in Riyadh ay ka hor istaagtay Mareykanka inuu saldhigyadeeda dalka gudihiisa ah u adeegsado hawlgalo weerar oo ka dhan ah Iiraan.

Dhanka kale, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa Isniintii xaqiijiyay in askarigii toddobaad oo Mareykan ah uu u geeriyooday dhaawacyo kasoo gaaray duqeyn ay Iiraan 1-dii Maarso la beegsatay saldhig milateri oo Mareykanku ku leeyahay Sacuudiga. Iiraan ayaa weerartay Saldhigga Cirka ee Prince Sultan iyo sidoo kale qaybta sirdoonka CIA-da ee safaaradda Mareykanka ee caasimadda Riyadh.

Graham ayaa si xooggan uga dhex ololeeyay gudaha Mareykanka sidii loo qaadi lahaa dagaalka Iiraan, kaas oo si rasmi ah u qarxay 28-kii Febraayo. Xogaha ayaa muujinaya in safarkiisii Sacuudiga ee bishii hore uu ahaa isku-day uu ku doonayay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu ku qanciyo inuu qayb ka noqdo weerarka, arrintaas oo uu Graham xaqiijiyay dhammaadkii toddobaadkii hore mar uu la hadlayay wargeyska The Wall Street Journal.

Hadalka kasoo yeeray Graham ayaa falanqeeyayaashu u arkaan mid saliid ku shubaya dab markii horeba holcayay. Dalalka Khaliijka ayaa ka cabanaya inaysan Mareykanka ka helin gantaallada difaaca hawada (interceptors), waxaana mas’uuliyiinta gobolku ay aad uga careysan yihiin sida maamulka Madaxweyne Trump uu isaga indho-tiray walaacooda dhanka amniga intii ay socotay abaabulka dagaalka.

Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa wariyeyaasha u sheegay Isniintii in dalkiisu uusan ka qaybqaadan doonin hawlgalo weerar ah oo ka dhan ah Iiraan, in kasta oo uu yahay mid ka mid ah waddamada dhibaatada ugu badan ay kasoo gaartay weerarada aargoosiga ah, isla markaana xiriir dhow la leh Israa’iil.

“Waxaan ka mid ahayn dalalkii sida joogtada ah ugu baaqayay baahida loo qabo wada-xaajood, diblomaasiyad, iyo in xiisadda la dejiyo,” ayuu yiri Jamaal Al-Musharakh oo ku sugnaa magaalada Geneva. “Waxaan si joogto ah u caddeynay in dhulkeena aan loo adeegsan doonin wax weeraro ah oo ka dhan ah Iiraan. Haddana, si cad, si aan cudurdaar lahayn ayaa naloo bartilmaameedsanayaa.”

Kala-fogaansho sii kordhaya

Sacuudi Carabiya iyo waddamada kale ee Khaliijka ayaa olole u galay sidii ay Madaxweyne Donald Trump uga dhaadhicin lahaayeen inuusan dagaal ku qaadin Iiraan, maadaama ay ka cabsi qabeen in weerarada haatan dhacaya ay dusha ka fulaan dalalkooda qaniga ku ah shidaalka.

Si kastaba ha ahaatee, diblomaasiyadda Khaliijka ayaan siinin difaac iyo gaashaan. Imaaraadka, Baxreyn, Kuweyt, iyo Qatar ayaa la kulmay dharbaaxadii ugu cusleyd ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada Iiraan, iyadoo Sacuudiguna uusan ka badbaadin weeraradaas.

“Waxaan rajeynayaa in dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka ay si weyn uga qayb-qaadan doonaan, maadaama dagaalkani uu ka socdo barxaddooda. Haddii aadan diyaar u ahayn inaad milaterigaaga adeegsato hadda, goormaad diyaar u ahaan doontaa?” ayuu yiri Graham isagoo u goodinaya xulafada. Wuxuu raaciyay inuu rajeynayo in go’aankoodu uu isbeddelo, balse haddii kale ay “cawaaqib-xumo” xigi doonto.

Gobolka Khaliijka ayaa aad isaga ilaalinaya inay soo jiitaan weeraro hor leh, gaar ahaan kuwa lala beegsanayo hantida muhiimka ah sida warshadaha sifeynta biyaha badda iyo kaabayaasha tamarta.

Iiraan ayaa si dhab ah u muujisay awoodda ay u leedahay inay fuliso weeraro casri ah oo halis ah. Khubarada ayaa sheegaya in inkastoo Khaliijku uu ka careysan yahay weerarada uga imanaya Tehran, aysan diyaar u ahayn inay galaan dagaal aysan aaminsanayn in Mareykanku uu xaqiijin karo guushiisa.

Xilli colaaddu ay gashay toddobaadkeedii labaad, Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo hay’adaheeda ayaa wali ah kuwa taagan oo aan dumin, iyadoo aysan jirin calaamado muujinaya khilaaf gudaha ah ama kacdoon shacab sidii uu Mareykanku markii hore saadaaliyay.

Axaddii, Golaha Khubarada Iiraan ayaa Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka Aayatulaahi Cali Khamenei, ugu dhawaaqay inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya dalka, taas oo jawaab toos ah u ahayd baaqii Trump ee ahaa in Iiraan ay gabi ahaanba is-dhiibto.

Dagaalkan ayaa durbaba sii xumeynaya xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo dalalka Carabta ee Khaliijka. Madaxweyne Trump ayaa asbuucii hore sheegay in duqeymaha baaxadda leh ee lala beegsaday xulafadiisa ugu qanisan ee gobolka ay ahayd “lama filaankiisii ugu weynaa.”

Sarkaal hore oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa arrintaas ka falceliyay, isagoo u sheegay Middle East Eye in sheegashada madaxweynaha ay tahay wax lala yaabo. “Waa wax la yaab leh,” ayuu yiri sarkaalku.

“Waa sidii in Mareykanku uu hal sano oo dhan qorsheynayay, kuna dhex shaqeynayay xumbo aan xaqiiqada ku dhisnayn. Tani waa wixii Trump looga digay intii uu wada-hadallada la lahaa madaxda Khaliijka, iyo sidoo kale wixii loogu sheegay warbixinnadiisa sirdoon ee uu isagu helayay.”

Khalaf Al-Xabtoor oo weerar culus ku qaaday Mareykanka xilli Imaaraadka uu diiday in…

Abu Dhabi (Caasimada Online) — Ganacsadaha bilyaneerka ah ee u dhashay Imaaraadka Carabta, Khalaf Al-Xabtoor, ayaa qoraal kulul oo uu soo dhigay bartiisa X (Twitter) waxa uu gebi ahaanba meesha uga saaray suurta-galnimada in dalkiisu uu ku lug yeesho dagaalka uu Mareykanku hoggaaminayo ee ka dhanka ah Iiraan, isagoo xukuumadda Washington ku eedeeyay inay danaha Israa’iil ka hormarinayso kooda. 

Al-Xabtoor ayaa xusay in Senator-ka ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, Lindsey Graham, uu maalmihii lasoo dhaafay ugu baaqay dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) inay garab ku istaagaan Mareykanka iyo Israa’iil olohooda dagaal. Si kastaba ha ahaatee, saacado un kadib markii qoraalkan la baahiyay, ayaa u muuqday in laga tirtiray barta X.

“Waxaan si cad ugu sheegayaa: Aad baan u ognahay sababta naloo soo weerarayo, waxaana sidoo kale ognahay ciddii gobolka oo dhan u jiidday xiisaddan halista ah iyadoon xitaa la tashan kuwa uu ugu yeero ‘xulafadiisa’ gobolka,” ayuu qoray Al-Xabtoor.

In kasta oo Al-Xabtoor uusan xil dowladeed haynin, haddana maalqabeenkan saldhiggiisu yahay magaalada Dubai ayaa si weyn ugu dhow xeendaabka xubnaha talada dalkaas haya. Khubarada ayaa aaminsan in faafinta aragti noocan ah ee gudaha Imaaraadka—halkaas oo hadalka xorta ah ee dadweynaha si weyn loo koontaroolo—ay ka tarjumayso fariin dadban oo ay xukuumaddu raalli ka tahay.

‘Ciyaar wasakh ah’

Iyadoo ka falcelinaysa duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil, Iiraan ayaa aargoosi ahaan gantaallo iyo diyaaradaha is-miidaamiya (Drones) la beegsatay waddan kasta oo ku yaalla gobolka Khaliijka. Al-Xabtoor ayaa qiray in Imaaraadku uusan dafirsanayn khatarta Iiraan ee gobolka, isagoo raaciyay inaysan marnaba aamin ku qabin xukuumadda Tehran.

“Balse tani waa ciyaar wasakh ah oo ay isku dhacayaan quwado dhowr ah, khasaarahana uu dhabarka ka jabiyay gobolkeena, waana ciyaar aan sharaf iyo hufnaan toona lahayn,” ayuu yiri, isagoo Iiraan, Israa’iil, iyo Mareykanka ku dhaliilay inay danahooda gaarka ah ka weyneynayaan danta guud ee gobolka.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Sababtaas awgeed, waxaan si cad u leenahay: Ma geli doonno dagaalkan si aan ugu adeegno danaha dad kale, mana u huri doonno nolosha wiilasheena dagaal lagu baajin karay diblomaasiyad iyo xal siyaasadeed. Haddii Madaxweyne Donald Trump iyo Senator Graham ay diyaar u yihiin inay dalkooda iyo nolosha Mareykanka halis u geliyaan danaha Israa’iil, taasi waa dooqooda. Dhankeena, sidaas ma sameyn doonno.”

‘Uma baahnin Ilaalintiina’

Dhaleeceynta ganacsadaha ayaa si gaar ah u taabatay wareysi uu Senator Graham siiyay telefishinka Fox News, kaas oo uu ku andacooday in dalalka Carabtu ay ka faa’iidaan difaaca iyo ilaalinta Mareykanka. 

“Waxaan isaga leeyahay: Uma baahnin ilaalintiina. Waxa kaliya ee aan idinka doonayno waa in aad faraha naga qaaddaan,” ayuu yiri ganacsadaha. Wuxuu xusay in hubka uu Mareykanku ka iibiyo Imaaraadka uusan ahayn abaal ama sadaqo la siiyay, balse xukuumadda Abu Dhabi ay balaayiin dollar ku maalgeliso amnigeeda.

Al-Xabtoor ayaa sidoo kale soo qaatay hadal uu Graham kaga dhawaajiyay danaha shidaalka ee Mareykanka intii uu ku jiray wareysigaas.

“Venezuela iyo Iiraan waxay haystaan boqolkiiba 31% kaydka shidaalka adduunka. Waxaan iskaashi la sameyn doonnaa boqolkiiba 31% kaydka la ogyahay. Tani waa riyada naxdinta leh ee Shiinaha. Kani waa maalgashi wanaagsan,” ayuu Graham u sheegay weriye Maria Bartiromo.

Isagoo taas ka jawaabaya, Al-Xabtoor ayaa yiri: “Markaas uun bay sawiradu caddaanayaan. Markaas uun baana fahmaynaa sababta ay dagaalkan u doonayaan.”

Isbeddelka Al-Xabtoor

Maal-qabeenka ayaa kusoo gaba-gabeeyay qoraalkiisa in qof kasta oo dhegaysta hadallada Senator Graham uu u qaadan karo inuu yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Israa’iil (Knesset).

“Waxaad difaacdaan danaha Israa’iil in ka badan inta aad difaacdaan danaha shacabka Mareykanka qudhiisa. Ma aqbali doonno in xoog nalagula geliyo waddada dagaalka, mana aqbali doonno inaan shidaal u noqono dagaallada kuwa kale,” ayuu raaciyay.

Dhaleeceyntan ayaa aad loola yaabay maadaama ganacsadaha uusan waligiis horay u dhaleeceyn Madaxweyne Trump ama siyaasadihiisa. Taa beddelkeeda, wuxuu ahaa shakhsi si fagaare ah u soo dhaweeyay Israa’iil kadib markii Trump uu garwadeen ka ahaa heshiiskii caadigaeynta xiriirka ee Abraham Accords sanadkii 2020.

Shirkaddiisa Al Habtoor Group ayaa ahayd tii ugu horreysay ee Imaaraadka ee heshiisyo tignoolajiyadeed iyo mid ganacsiba la gasha shirkadaha Israa’iil.

Hadalladan kulul ayaa soo baxaya xilli Axaddii ay mas’uuliyiinta dowladda Imaaraadku si adag u beeniyeen warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil oo sheegayay in Abu Dhabi ay ka qayb-qaadatay duqeyn lala beegsaday warshad biyaha sifeysa oo ku taalla gudaha Iiraan, iyagoo xaqiijiyay in Imaaraadku uusan doonayn in lagu dhex jiido xiisad sii hurta.

Muxuu Sheekh Shaakir ka yiri dastuurka cusub ee dalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo hadda ah guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Towfiiq ayaa si weyn u taageeray tallaabadii ay dhawaan labada aqal ee Baarlamaanka ku ansixiyeen dastuurka cusub.

Dastuurkan oo uu si rasmi ah u saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayuu bogaadiyay Sheekh Shaakir oo haatan la dhacsan qorshaha doorashada qof iyo cod, taas oo si adag uga horyimaadeen mucaaradka.

Ansixinta dastuurka cusub ayuu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo looga gudbay magacii dastuur ku-meel-gaar ah, isla markaana ay Soomaaliya u furtay waddo cusub.

“Tallaabada taariikhiga ah ee lagu meel mariyay dastuurka Soomaaliya, loogana gudbay magacii dastuur ku-meel-gaar ah, waxay Soomaaliya u furtay waddo cusub oo ka turjumaysa dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sidoo kale waxa uu intaas ku sii daray: “Waxaan hambalyo u dirayaa madaxda dowladda iyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida geesinimada leh ee ay uga soo shaqeeyeen in Soomaaliya yeelato dastuur dhameystiran.”

Tallaabadan ayuu ku tilmaamay mid muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya iyo in la helo dowlad si wax-ku-ool ah ugu adeegta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Axaddii si rasmi ah u saxiixay nuqulka dastuurka cusub ee Soomaaliya, isaga oo ku dhawaaqay dhaqan-galkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay madasha saxiixa dastuurka ee Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay dowladdu bilaabi doonto dhaqan-gelinta dastuurka cusub ee dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in dastuurkan uu saldhig u noqon doono xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka uu ahaa mid dheer oo soo maray marxalado kala duwan, isla markaana ugu dambeyn ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dastuurkan oo toddobaadkii hore ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhigaya in muddo-xileedka madaxweynaha uu noqdo shan sano, halka uu hore uga ahaa afar sano.

Arrintan ayaa ka dhigan in hal sano oo dheeraad ah uu qaadan karo Madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan ku jira bilihii u dambeeyay ee muddo-xileedkiisa, taas oo uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

Daawo: Taliska Mareykanka oo maamuusay Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaabilay Taliyaha Howl-gallada Gaarka ah ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid Jubaland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan dardar-gelinta wada-shaqeynta la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada-hadlay sidii loo sii xoojin lahaa howl-gallada milatari ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulka Jubaland.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday taageerada ay bixiyaan ciidamada Mareykanka iyo taliska AFRICOM ee ku aaddan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo si joogto ah uga socda deegaanno ka tirsan Jubaland iyo gobollada ku dhow.

Taliyaha Howl-gallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., ayaa Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe ku maamuusay doorka uu ka qaatay howl-galladii u dambeeyay iyo wada-shaqeynta dhow ee uu la leeyahay taliska.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyay howl-galladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab ee ka howlgala Jubaland, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Waxa uu xusay in howl-galladaas lagu jabiyay maleeshiyaadka kooxda, isla markaana laga gaaray guulo wax ku ool ah oo wax ka beddelay xaaladda amni ee deegaannada qaar.

Taliyaha ayaa sidoo kale muujiyay in taliska AFRICOM uu sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliyeed ee ku howlan la-dagaallanka kooxaha argagixisada.

Dhankiisa, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa uga mahadceliyay wafdiga AFRICOM booqashada ay ku yimaadeen Jubaland, isagoo tilmaamay in iskaashiga u dhexeeya Jubaland, dowladda federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah uu door muhiim ah ka ciyaarayo guulaha laga gaarayo howl-gallada amniga.

Madaxweynaha Jubaland waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gudaha ee Jubaland, Yuusuf Xuseen Cismaan.

Dekeda Muqdisho oo maanta gaartay guul taariikhi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and Harbors (IAPH), oo ah midow caalami ah oo la aasaasay sanadkii 1959, xaruntiisuna tahay magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ku biirista ururkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo muujinaysa horumarka iyo dadaallada lagu xoojinayo kaalinta dekedda ee ganacsiga iyo gaadiidka badda.

Ururka IAPH ayaa ka kooban in ka badan 190 dekedood oo ku kala yaalla 89 dal oo caalamka ah, wuxuuna door weyn ka ciyaaraa isku xirka dekedaha dunida, horumarinta maamulka dekedaha, iyo wadaagga khibradaha la xiriira howlaha badda iyo ganacsiga.

Ku biirista midowgan ayaa Dekedda Muqdisho u fureysa fursado cusub oo ay kaga qeyb qaadato shirarka iyo doodaha caalamiga ah ee la xiriira dekedaha, isla markaana ay ula jaanqaaddo hababka casriga ah iyo tiknoolajiyada lagu maamulo dekedaha.

Sidoo kale, arrintan ayaa kor u qaadeysa is-weydaarsiga xogaha iyo khibradaha u dhexeeya dekedaha caalamka, taas oo gacan ka geysan karta horumarinta adeegyada iyo shaqooyinka ka socda Dekedda Muqdisho.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in midowgan uu dhiirrigeliyo dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka badda iyo horumarinta maamulka dekedaha, arrintaas oo muhiim u ah mustaqbalka ganacsiga badda.

Ku biirista ururkan ayaa la sheegay inay sare u qaadeyso doorka Dekedda Muqdisho ee ka qeyb qaadashada horumarinta ganacsiga iyo isu socodka badeecadaha ee heer gobol iyo heer caalami, iyadoo la xoojinayo xiriirka ay la leedahay dekedaha kale ee dunida.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Maamulka Dekedda Muqdisho waxa uu farxad weyn la wadaagayaa bulshada iyo bahda gaadiidka badda in Dekedda Muqdisho si rasmi ah ugu biirtay International Association of Ports and Harbors (IAPH).

Ururkan caalamiga ah oo xaruntiisu tahay Tokyo – Japan, lana aasaasay sanadkii 1959, waxa uu ka kooban yahay in ka badan 190 dekedood oo ku kala yaalla 89 dal oo adduunka ah.

Ku biirista Dekedda Muqdisho ee midowgan caalamiga ah waxay fursad u siinaysaa:

  • Inay ka qayb qaadato doodaha iyo shirarka caalamiga ah ee dekedaha
  • Inay la jaanqaaddo hababka casriga ah iyo tiknoolajiyada maamulka dekedaha
  • Is-dhaafsiga xogaha iyo khibradaha cusub ee dekedaha
  • Ilaalinta deegaanka badda
  • Aqoon is-weydaarsi la xiriira horumarinta iyo maamulka dekedaha

Tallaabadan muhiimka ah waxay ka tarjumasaa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo Dekedda Muqdisho iyo doorkeeda ganacsi ee gobolka iyo caalamkaba.

Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaareysay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarka Iiraan ku qaaday dalka Azerbaijan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Azerbaijan, Jeyhun Bayramov ayaa la wadaagay sida Soomaaliya uga xun tahay weerarkan.

Wasiirka ayaa wada-hadalka ku muujiyay garab-istaagga Soomaaliya ee ku aaddan weerarkii dhawaan lagu qaaday Azerbaijan, isagoo sidoo kale adkeeyay taageerada Soomaaliya ee nabadda, madaxbannaanida dalalka, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu weerarkaasi ku tilmaamay mid lagu dhaawacayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Azerbaijan, isla markaana khatar ku ah xasiloonida gobolka.

Intii uu socday wada-hadalkooda, labada wasiir waxay si qoto dheer uga falanqeeyeen xiisadda militari ee Bariga Dhexe iyo khataraha ka dhalan kara falalka noocaas ah.

Soomaaliya ayaa caddeysay inay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo wiiqaysa nabadda iyo ku dhaqanka shuruucda caalamiga ah. Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qiray muhiimadda ay leedahay ilaalinta xeerarka caalamiga ah iyo ka hortagga in xiisad cusub ay ka dhalato amniga gobolka iyo kan caalamka.

Wada-hadalka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyadoo lagu heshiiyay in la sii xoojiyo wadashaqeynta dhinacyada siyaasadda, hay’adaha caalamiga ah iyo arrimo kale oo dan u ah labada dal.

Dhanka kale, waxaa si gaar ah loo xusay kaalinta Soomaaliya ay ku leedahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo ah xubin aan joogto ahayn, taas oo u sahleysa inay si firfircoon uga hadasho arrimaha la xiriira amniga iyo xasilloonida gobolka.

Si kastaba, weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday gobolka Nakhchivan ee Azerbaijan ayaa sababay dhaawaca ugu yaraan afar qof oo rayid ah, isla markaana waxyeello gaarsiiyay kaabeyaasha rayidka sida garoonka diyaaradaha ee Nakhchivan iyo meel u dhow dugsi ku yaalla tuulada Shakarabad.

Sidoo kale wararka ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu soo riday halka kuwa kale ay ku dhaceen goobaha rayidka, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadda gobolka ay sii ballaarato.

Dowladda Azerbaijan ayaa dhacdadan ku tilmaantay weerar halis ah oo ku wajahan dalkeeda, inkastoo Iran ay beenisay inay ku lug lahayd.

Iiraan oo maanta gantaal ku weerartay Turkey iyo Ankara oo…

Ankara (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa sheegtay in nidaamka difaaca cirka ee NATO uu ka hortagay oo hawada ku burburiyay gantaal baalistik ah oo laga soo riday Iiraan, kuna wajahnaa dalkooda.

Arrintan ayaa imanaysa xilli cabsida laga qabo in dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil, iyo Iiraan uu ku fido gobolka intiisa kale ay sii kordhayso.

Wasaaraddu waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in gantaalkan hawada lagu burburiyay, xilli uu dulmarayay degmada Sahinbey ee gobolka Gaziantep oo ku yaalla koonfurta Turkiga. Lama soo sheegin wax khasaare nafeed ama hantiyeed ah oo ka dhashay dhacdadan.

“Ankara waxay si adag u caddeynaysaa awooddeeda iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta hawada qarankeeda iyo amniga xuduudaheeda, iyadoo dhinaca kalena ka digaysa in la huriyo xaaladda gobolka oo markeedii horeba kacsanayd,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Wasaaradda Difaaca ayaa sidoo kale hanjabaad adag u dirtay Iiraan, iyadoo si cad u sheegtay in tallaabo kasta oo ka dhan ah dalkeeda ay ka jawaabi doonto.

Waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada isku haya gobolka, gaar ahaan xukuumadda Tehraan, “in ay ka waantoobaan tallaabooyin kasta oo halis gelin kara dadka rayidka ah ama waxyeeleyn kara xasilloonida gobolka.”

Mowjadaha weerarrada iyo gantaalaha Iiraan

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah, dhacdadan ayaa ahayd markii labaad ee gantaal baalistik ah oo laga riday Iiraan lagu soo rido dhinaca Turkiga, tan iyo markii Maraykanka iyo Israa’iil ay dagaal ballaaran ku qaadeen Iiraan 28-kii bishii Febraayo.

Weerarrada joogtada ah ee Maraykanka iyo Israa’iil ayaa dhaliyay in Iiraan ay fuliso mowjado aargoosi ah oo isugu jira gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), kuwaas oo ay la beegsatay guud ahaan gobolka, waxaana ka mid ah bartilmaameedyo ku yaalla waddamada Carabta ee Khaliijka.

Ilaa hadda, xukuumadda Iiraan kama soo saarin war degdeg ah bayaanka Wasaaradda Difaaca Turkiga.

Mowqifka gaashaanbuurta NATO

Afhayeenka NATO, Allison Hart ayaa xaqiijisay in gaashaanbuurtu ay soo riday “gantaal ku wajahnayd Turkiga”.

“NATO waxay si adag u taagan tahay diyaar-garowgeeda buuxa ee ku aaddan in ay ka difaacdo dhammaan xulafadeeda khatar kasta oo soo food saarta,” ayay Hart ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda xiriirka bulshada ee X.

Dhanka kale, Iiraan ayaa beenisay in ay gantaal baalistik ah ku riday Turkiga maalintii Arbacada, kadib markii mas’uuliyiinta Turkigu ay sheegeen in difaaca cirka ee NATO uu soo riday walax qarax ah xilli ay dul mareysay Bariga Badda Dhexe (Eastern Mediterranean).

NATO ayaa si kulul u cambaareysay riditaanka gantaalkaas, waxayna shaacisay in ay “si buuxda u garab taagan tahay” dowladda Turkiga.

“Tani waa caddayn la taaban karo oo muujinaysa awoodda Gaashaanbuurta u leedahay difaacida shucuubteeda iyo ka hortagga dhammaan khataraha jira, oo ay ku jiraan kuwa ka dhasha gantaalada baalistikada ah,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo NATO ka soo baxay.

Qodobka 5-aad ee Axdiga Waqooyiga Atlaantigga (North Atlantic Treaty) ayaa si cad u dhigaya in weerar kasta oo lagu qaado dal xubin ka ah NATO loo aqoonsan doono weerar wadar ahaan lagu qaaday dhammaan xulafada. Sidoo kale, wuxuu ku waajibinayaa dal kasta oo xubin ah in uu qaado tallaabada loo arko in ay lagama maarmaan tahay “si loo soo celiyo loona xaqiijiyo” amniga gaashaanbuurta.

Waraysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters usbuucii hore, markii la soo riday gantaalkii ugu horreeyay ee ku wajahnayd Turkiga, ayuu Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, ku sheegay in aan weli laga wada hadlin suurtagalnimada dhaqangelinta Qodobka 5-aad.

Xeeladda dagaalka Iiraan

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa ku dooday in gantaaladoodu ay u badan yihiin kuwa lagu garaacayo saldhigyada millatari ee Maraykanka iyo bartilmaameedyada kale ee xiriirka la leh Maraykanka iyo Israa’iil ee guud ahaan gobolka, tallaabadaas oo ay ku tilmaameen is-difaacid. Balse khubarada ayaa sheegaya in la beegsaday kaabayaasha muhiimka ah ee dadka rayidka ah.

“Bartilmaameedyada Iiraan ma aha oo kaliya saldhigyada Maraykanka; dhab ahaantii, waxay si weyn u beegsanayaan kaabayaasha dhaqaalaha ee baaxadda leh iyo goobaha ay ku badan yihiin rayidka,” ayuu yiri Rob Geist Pinfold, oo ah macallin dhiga cilmiga difaaca (defence studies) ee Jaamacadda King’s College London.

“Tani ma aha qalad dhacay. Waa qorshe si taxaddar leh loo dejiyay,” ayuu Pinfold u sheegay shabakadda wararka ee Al Jazeera, isagoo ku macneeyay in Tihraan ay doonayso in ay “abuurto fowdadii ugu xumayd ee suurtogalka ah si ay qalalaase u geliso xasilloonida gobolka iyo suuqyada caalamka,” taas oo ah isku day ay ku doonayso in ay ku qasabto Washington in ay faraha kala baxdo dagaalka.

“Waxaan aragnay in Iiraan ay beegsanayso dal kasta oo ka tirsan Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC). Waxay diyaar u tahay in ay gubto dhammaan buundooyinkii xiriirka waddamadaas si ay u hirgeliso istaraatiijiyadan hubanti la’aanta iyo khatarta badan xambaarsan,” ayuu raaciyay.

“Tani waxay si dhab ah kuu tusaysaa sida Iiraan ay u dareemayso in ay wajaheyso khatar soo afjari karta jiritaankeeda. Iyaga marka laga eego, marxaladdani waa mid u taagan geeri ama nolol.”

Sawirro: Maxay tahay lacagta ay maanta wareejisay hay’adda socdaalka Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa maanta qabatay munaasabad lagu wareejinayay deeq lacageed oo dhan 14,400 oo dollar.

Lacagtan oo ay iska soo uruuriyeen shaqaalaha hay’adda, ayaa lagu wareejiyay dhalinyarada Ururka Daryeel Bulsho, oo ah urur si firfircoon uga shaqeeya gurmadka abaaraha iyo caawinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada adag.

Deeqdan ayaa loogu talagalay in lagu gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen biyo, cunto iyo gargaar degdeg ah.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafa Duhulow oo ka qeyb galay munaasabadda ayaa ku dhiirrigeliyay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay sii wadaan doorkooda ku aaddan howlaha samafalka iyo taageeridda bulshada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay tahay arrin laga naxo in maanta ay jiraan dad Soomaaliyeed oo biyo la’aan u dhimanaya, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed qaataan masuuliyadda ka saaran garab-istaagga walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen, isla markaana ay xoojiyaan dadaallada gurmadka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa booriyay sida ay muhiim u tahay in ummadda Soomaaliyeed is-caawiso oo ay isku garab istaagto marka ay timaado xaaladaha adag sida abaaraha.

Guddoomiyaha Ururka Daryeel Bulsho, Maxamed Cali Siyad (Champion) ayaa dhankiisa sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay noqotay hay’addii dowladeed ee ugu horreysay ee ka soo jawaabta baaqooda gurmadka, isaga oo uga mahadceliyay dareenka iyo kaalinta ay qaateen shaqaalaha hay’adda.

Sidoo kale, Cismaan Muxiyadiin Shaatax, Guddoomiyaha Daladda Ururrada Bulshada Rayidka ayaa muujiyay mahadcelin ballaaran oo uu u jeediyay hay’adda.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid dhiirrigelin u noqon karta hay’adaha kale ee dowladda, si ay uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

Muxuu Trump ka yiri xilka loo dhiibay Mojtaba Khamenei?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa markii ugu horreysay si kooban uga falceliyay magacaabista Mojtaba Khamenei inuu noqdo Hoggaamiyaha Sare ee cusub ee Iiraan.

Trump ayaa sheegay inuusan “ku faraxsanayn” go’aankan, isagoo intaas ku daray in jihada dagaalka uu isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ay si wadajir ah go’aan uga gaari doonaan.

Wariye sare oo ka tirsan shabakadda wararka ee Fox News ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka uu u xaqiijiyay, “Kuma faraxsani arrintan.” Iiraan ayaa dhowaan Mojtaba Khamenei u magacowday hoggaamiyahooda sare.

Trump ayaa sidoo kale si dadban u sheegay in ay xirmeen albaabbada wada-hadalka Iiraan, maadaama hoggaamiyaha cusub ee la magacaabay uu dareensan yahay xaalad kasta oo dalkiisa wajahayo iyo xusuusta in uu ku hayo dilka aabbihiis.

Waxa uu xusay inuusan ku faraxsanayn sida ay u dhacday doorashada ka dhacday Iiraan oo ugu dambayn lagu caleemo-saaray Mojtaba Cali Khamenei, oo 54 jir ah, isla markaana si dhow uga soo dhex shaqeeyay Ciidanka Ilaalada Kacaanka.

Sidoo kale, Trump ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka lagu soo afjarayo dagaalka Iiraan uu noqon doono mid “wadajir ah” oo isaga iyo Netanyahu ay iska kaashan doonaan.

Israa’iil ayaa dhankeeda ka digtay in hoggaamiyaha cusub uu noqon karo “bartilmaameed”, iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka iyo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

Muxuu Trump horey uga yiri doorashada hoggaamiyaha sare ee Iiraan?

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ka hor inta aan lagu dhawaaqin magacaabista uu si adag u sheegay inuu isagu talo iyo door ku yeesho magacaabista hoggaamiyaha cusub ee Iiraan.

Isagoo wareysi siinayay telefishinka ABC News, Trump ayaa yiri: “Waa inuu oggolaansho naga helaa… Haddii uusan oggolaansho naga helin, ma waari doono waqti dheer. Waxaan dooneynaa inaan hubinno inaanan dib ugu laaban xaaladdan 10-kii sanaba mar, marka aadan haysan madaxweyne aniga oo kale ah oo aan u dulqaadan doonin arrintaas.”

Wuxuu intaas raaciyay: “Ma doonayo in dadku ay dib ugu laabtaan shan sano kadib, oo ay ku qasbanaadaan inay isla shaqadan markale qabtaan, ama mid ka sii daran oo ah in loo oggolaado inay yeeshaan hub nukliyeer ah.”

Markii la weydiiyay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo shaqsi xiriir la leh nidaamkii hore ee Iiraan, Trump ayaa ku jawaabay: “Haa, si loo doorto hoggaamiye wanaagsan waan sameyn lahaa, haa waan sameyn lahaa. Waxaa jira dad badan oo buuxin kara shuruudahaas.”

Si kastaba, tallaabada uu qaaday Golaha Khubarada Iiraan ayaa si weyn u sii xoojinaysa awoodda garabka mayalka adag ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Mojtaba ayaa ah wadaad diinta ku adag iyo shaqsi awood badan oo daaha gadaashiisa wax ka maamula, isagoo xiriir qotodheer la leh Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).

Magacaabistiisa oo timid kadib markii aabbihiis Aayatullaahi Cali Khamenei lagu dilay duqeyntii wadajirka ahayd, ayaa si cad u muujinaysa in garabka mayalka adag ay weli si buuxda gacanta ugu hayaan talada dalka.

Xubin ka tirsan Golaha Khubarada oo lagu magacaabo Aayatullaahi Mohsen Heidari Alekasir ayaa xusay in wadaadkan lagu doortay dardaaran uu ka tagay aabbihiis, oo ahaa in la doorto beddel “uu cadowgu neceb yahay.”

Go’aankan ayaa si toos ah uga hor-imaanaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo asagu dhawaan ku tilmaamay magacaabista Mojtaba mid aan la aqbali karin.

Mojtaba oo sanadkii 1969-kii ku dhashay magaalada barakeysan ee Mashhad, ayaa ka soo qayb-qaatay dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq, wuxuuna waxbarasho diini ah ku qaatay xarumaha diinta ee magaalada Qom.

In kasta oo uu haysto darajada wadaadnimo ee heerka dhexe ee loo yaqaan Hojjatoleslam — oo hal darajo ka hooseysa Aayatullaahi — weligiisna uusan qaban xil dowladeed oo rasmi ah, haddana wuxuu sanadihii lasoo dhaafay isku duba-riday awood baaxad leh, isagoo ahaa gacan-yare iyo “irid-ilaaliye” awoodda aabbihiis.

Golaha Mustaqbalka oo war culus kasoo saaray ‘muddo kororsiga’ DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta si weyn kaga horyimid muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda kadib tallaabadii uu shalay qaaday madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay dastuurka cusub ee ay horay usoo meel-mariyeen xildhibaannada labada Gole.

Warsaxaafadeed uu soo saaray golaha ayaa waxaa lagu sheegay in ay u hoggaansanyihiin dastuurkii 2012-kii isla markaana xil-haynta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku eg-tahay 15-ka bisha May 2026, halka Baarlamaankana uu muddo xileedkiisa ku ekaan doonto 14-ka bisha April ee sanadkan, haddii xiligaas ay dhaafaanna ay ku joogaan sharci darro.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka waantoobaan muddo kororsiga, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta xiisad siyaasadeed iyo mid amni taasoo dhaawici karta xasilloonida dalka iyo geeddi-socodka dowlad dhiska”. ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waddada saxda ah ee looga gudbi karo marxaladdan waa ixtiraamka dastuurka iyo heshiis laga gaaro doorashooyinka”.

Sidoo kale, wuxuu Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ka digay in dalka uu dib ugu laabto dagaal, gaar ahaan wixii dhacay doorasooyinkii hore ee sababay in isku hor imaadyo hubeysan ee ka dhacaan gudaha magaalada Muqdisho.

“Waa in cashar laga barto wixii dhacay sanadkii 2021-kii uu khilaaf ka dhashay muddo kororsiga uu sababay in ciidamada ammaanka ay isaga horyimaadaan caasimada, taas oo dalka gelisay xaalad khatar ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhanka kale, golaha ayaa baaq u diray madaxda dowlad-goboleedyada kala ah HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxayna ugu baaqeen inay qabtaan doorashooyinkooda, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkooda.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono natiijada, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Imaaraadka oo si kulul u beeniyey war ay faafisay Israel oo ku saabsan dagaalka

Abu Dhabi (Caasimada Online) — Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta ayaa beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil oo sheegayay in xukuumadda Abu Dhabi ay qayb ka ahayd duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday warshad sifeysa biyaha badda oo ku taalla gudaha dalka Iiraan.

Qoraal rasmi ah oo Axaddii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu caddeeyay in dalku uu ku jiro “xaalad is-difaacid” si uu uga falceliyo weerarada kaga imanaya Iiraan, balse aysan marnaba doonayn in xukuumaddooda lagu soo jiido colaado cusub ama xiisad sii hurta.

Bayaankan ayaa daba socday kadib markii dhowr hay’adood oo ka tirsan warbaahinta Israa’iil, kuwaas oo soo xiganaya ilo qariyay magacyadooda, ay tabiyeen in Imaaraadku uu ka dambeeyay weerarka lagu qaaday xarunta sifeynta biyaha ee Iiraan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa Sabtidii sheegay in diyaaradaha Mareykanku ay duqeeyeen warshaddan oo ku taalla Jasiiradda Qeshm ee ku dhex-taalla Marinka Hormuz, arrintaas oo gabi ahaanba goysay biyihii nadiifka ahaa ee ay cabayeen dadka ku nool ilaa 30 tuulo. Mareykanka iyo Israa’iil labaduba way beeniyeen inay fuliyeen weerarkan.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa durba jawaab kulul ka bixiyay eedeymahan markii ay soo baxeen. Dr. Cali Rashiid Al Nuaimi, oo ka tirsan Golaha Qaranka ee Imaaraadka, ahna guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Difaaca, Arrimaha Gudaha iyo Dibadda, ayaa bartiisa X ku tilmaamay wararkan kuwa “been abuur ah.” Wuxuu intaas raaciyay: “Marka aan tallaabo qaadno, waxaan leenahay geesinimada aan ku shaacinno.”

Sarkaal sare oo u dhashay Imaaraadka ayaa u sheegay wargeyska The Jerusalem Post, oo ka mid ahaa warbaahintii ugu horreysay ee tabisay sheegashadan, in xukuumadda Abu Dhabi ay ku dhibtoonayso inay fahamto dabeecadda Israa’iil iyo nooca warbixinnada marin-habaabinta ah ee ay baahinayaan.

Sarkaalkan ayaa ku eedeeyay ilaha Israa’iil inay iyagu dusiyay wararkan, isagoo yiri: “Ma ahan wax habboon in shakhsi lagu sifeeyay ‘sarkaal sare oo Israa’iili ah’ uu ku hadlo magaceena ama uu faafiyo xan ku saabsan tallaabooyinka ay qaadayso dowlad kale oo madax-bannaan.”

Dacaayadda warbaahinta Israa’iil

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee la faafiyo xog noocan ah. Dhowr warbaahin oo Israa’iili ah ayaa baahiyay warar la mid ah tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iiraan asbuucii hore, kuwaas oo dhammaantood markii dambe la ogaaday inay been yihiin.

Toddobaadkii hore, waxaa soo baxay warar sheegaya in dowladda Qatar ay duqeymo ka fulisay gudaha Iiraan, taas oo ay xukuumadda Doxa si degdeg ah u beenisay. Sidoo kale, warbaahinta Israa’iil ayaa dhowr jeer si is-daba-joog ah u tabisay in waddamada Khaliijka, oo ay ku jirto Sacuudi Carabiya, ay isku diyaarinayaan inay waqti dhow duqeeyaan Iiraan.

Dhanka kale, Iiraan ayaa ku dhawaad maalin kasta garaacaysa goobo ay ku tilmaantay saldhigyo iyo hanti uu Mareykanku ku leeyahay Khaliijka, tan iyo markii uu asbuucii hore bilowday dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.

Dalalka Khaliijka ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradaas, iyagoo ku sifeeyay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanidooda qaranka, waxayna si cad uga digeen inay xaq u leeyihiin inay is-difaacaan oo ay jawaab bixiyaan.

Duqeynta la sheegay in lagu bartilmaameedsaday warshadda Iiraan ayaa abuurtay walaac weyn oo caalami ah oo ku aaddan halista soo wajihi karta kaabayaasha biyaha ee gobolka Khaliijka oo idil.

In ka badan 400 oo warshadood oo sifeeya biyaha badda ayaa ku teedsan gacanka, kuwaas oo daboola qiyaastii boqolkiiba 60% baahida sifeynta biyaha ee adduunka oo dhan. Dalka Imaaraadka, qiyaastii boqolkiiba 90% biyaha la cabo waxay ka yimaadaan warshadahan. Tiradan ayaa sidoo kale gaaraysa boqolkiiba 90% dalka Kuweyt, 86% dalka Cumaan, iyo ilaa 70% gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Weerarkan lagu xusay xarunta Iiraan ayaa kusoo beegmay isla maalintii ay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil duqeeyeen xarumo waaweyn oo lagu keydiyo shidaalka oo ku yaalla caasimadda Tehran. Arrintan ayaa dhalisay dab lixaad leh, waxayna abuurtay cabsi laga qabo in la bartilmaameedsado kaabayaasha muhiimka ah xilli ay xiisadda milateri ee gobolku kasii dareyso.