27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Imaaraadka oo si kulul u beeniyey war ay faafisay Israel oo ku saabsan dagaalka

Abu Dhabi (Caasimada Online) — Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta ayaa beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil oo sheegayay in xukuumadda Abu Dhabi ay qayb ka ahayd duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday warshad sifeysa biyaha badda oo ku taalla gudaha dalka Iiraan.

Qoraal rasmi ah oo Axaddii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu caddeeyay in dalku uu ku jiro “xaalad is-difaacid” si uu uga falceliyo weerarada kaga imanaya Iiraan, balse aysan marnaba doonayn in xukuumaddooda lagu soo jiido colaado cusub ama xiisad sii hurta.

Bayaankan ayaa daba socday kadib markii dhowr hay’adood oo ka tirsan warbaahinta Israa’iil, kuwaas oo soo xiganaya ilo qariyay magacyadooda, ay tabiyeen in Imaaraadku uu ka dambeeyay weerarka lagu qaaday xarunta sifeynta biyaha ee Iiraan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa Sabtidii sheegay in diyaaradaha Mareykanku ay duqeeyeen warshaddan oo ku taalla Jasiiradda Qeshm ee ku dhex-taalla Marinka Hormuz, arrintaas oo gabi ahaanba goysay biyihii nadiifka ahaa ee ay cabayeen dadka ku nool ilaa 30 tuulo. Mareykanka iyo Israa’iil labaduba way beeniyeen inay fuliyeen weerarkan.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa durba jawaab kulul ka bixiyay eedeymahan markii ay soo baxeen. Dr. Cali Rashiid Al Nuaimi, oo ka tirsan Golaha Qaranka ee Imaaraadka, ahna guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Difaaca, Arrimaha Gudaha iyo Dibadda, ayaa bartiisa X ku tilmaamay wararkan kuwa “been abuur ah.” Wuxuu intaas raaciyay: “Marka aan tallaabo qaadno, waxaan leenahay geesinimada aan ku shaacinno.”

Sarkaal sare oo u dhashay Imaaraadka ayaa u sheegay wargeyska The Jerusalem Post, oo ka mid ahaa warbaahintii ugu horreysay ee tabisay sheegashadan, in xukuumadda Abu Dhabi ay ku dhibtoonayso inay fahamto dabeecadda Israa’iil iyo nooca warbixinnada marin-habaabinta ah ee ay baahinayaan.

Sarkaalkan ayaa ku eedeeyay ilaha Israa’iil inay iyagu dusiyay wararkan, isagoo yiri: “Ma ahan wax habboon in shakhsi lagu sifeeyay ‘sarkaal sare oo Israa’iili ah’ uu ku hadlo magaceena ama uu faafiyo xan ku saabsan tallaabooyinka ay qaadayso dowlad kale oo madax-bannaan.”

Dacaayadda warbaahinta Israa’iil

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee la faafiyo xog noocan ah. Dhowr warbaahin oo Israa’iili ah ayaa baahiyay warar la mid ah tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iiraan asbuucii hore, kuwaas oo dhammaantood markii dambe la ogaaday inay been yihiin.

Toddobaadkii hore, waxaa soo baxay warar sheegaya in dowladda Qatar ay duqeymo ka fulisay gudaha Iiraan, taas oo ay xukuumadda Doxa si degdeg ah u beenisay. Sidoo kale, warbaahinta Israa’iil ayaa dhowr jeer si is-daba-joog ah u tabisay in waddamada Khaliijka, oo ay ku jirto Sacuudi Carabiya, ay isku diyaarinayaan inay waqti dhow duqeeyaan Iiraan.

Dhanka kale, Iiraan ayaa ku dhawaad maalin kasta garaacaysa goobo ay ku tilmaantay saldhigyo iyo hanti uu Mareykanku ku leeyahay Khaliijka, tan iyo markii uu asbuucii hore bilowday dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.

Dalalka Khaliijka ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradaas, iyagoo ku sifeeyay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanidooda qaranka, waxayna si cad uga digeen inay xaq u leeyihiin inay is-difaacaan oo ay jawaab bixiyaan.

Duqeynta la sheegay in lagu bartilmaameedsaday warshadda Iiraan ayaa abuurtay walaac weyn oo caalami ah oo ku aaddan halista soo wajihi karta kaabayaasha biyaha ee gobolka Khaliijka oo idil.

In ka badan 400 oo warshadood oo sifeeya biyaha badda ayaa ku teedsan gacanka, kuwaas oo daboola qiyaastii boqolkiiba 60% baahida sifeynta biyaha ee adduunka oo dhan. Dalka Imaaraadka, qiyaastii boqolkiiba 90% biyaha la cabo waxay ka yimaadaan warshadahan. Tiradan ayaa sidoo kale gaaraysa boqolkiiba 90% dalka Kuweyt, 86% dalka Cumaan, iyo ilaa 70% gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Weerarkan lagu xusay xarunta Iiraan ayaa kusoo beegmay isla maalintii ay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil duqeeyeen xarumo waaweyn oo lagu keydiyo shidaalka oo ku yaalla caasimadda Tehran. Arrintan ayaa dhalisay dab lixaad leh, waxayna abuurtay cabsi laga qabo in la bartilmaameedsado kaabayaasha muhiimka ah xilli ay xiisadda milateri ee gobolku kasii dareyso.

Iiraan oo burbur xooggan ku haysa awooddii difaaca hawada ee Mareykanka

0

Tehran (Caasimada Online) — Xukuumadda Iiraan ayaa si weyn u bartilmaameedsanaysa nidaamyada raadaarka ee u adeega sidii indhaha difaaca cirka ee gobolka Bariga Dhexe, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay duqeysay xarumo dhowr ah, arrintaas oo hoos u dhigtay awooddii Mareykanka iyo xulafadiisa ay kula socon lahaayeen gantaallada kusoo wajahan, waxaa sidaas qoray Wall Street Journal.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil Mareykan ah, falanqeeyayaal milateri iyo sawirro satalayt ah, weerarada aargoosiga ah ee Iiraan ay uga jawaabayso ololaha duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ayaa lagu dhuftay nidaamyada raadaarka, isgaarsiinta iyo difaaca cirka ee dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta, Urdun, Baxreyn, Kuweyt iyo Sacuudi Carabiya.

Weeraradan ayaa inta badan loo adeegsadaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is-miidaaminta ah ee Iiraan, sida nooca Shahed, kuwaas oo qiimahoodu uu aad uga jaban yahay gantaallada ay nidaamyada casriga ah ee Mareykanka loogu talagalay inay iska difaacaan. Iiraan ayaa maalmihii u dambeeyay riday gantaallo ka yar kuwii hore.

“Guud ahaan, nidaamyadeena difaacu si wanaagsan ayay u shaqeynayaan. Marka taas la eego, waxaa cad in Iiraaniyiintu ay fahamsan yihiin nooca bartilmaameedyada ay doonayaan inay culeyska saaraan, taasna waxaa ka mid ah nidaamka taliska iyo isgaarsiinta iyo awoodda aan ku ogaan karno gantaallada iyo diyaaradaha soo socda,” ayuu yiri Ravi Chaudhary, oo ah xoghaye ku xigeenkii hore ee Ciidamada Cirka ee qaabilsanaa saldhigyada.

Afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ciidanku uu wali leeyahay awooddii dagaal ee buuxday, inkastoo ay jiraan duqeymahaas. Mareykanka ayaa xoojinayay difaaciisa gobolka, isagoo soo diraya qalab iyo gantaallo dheeraad ah, sida ay xuseen saraakiil Mareykan ah.

Mareykanka ayaa sheegay inuu maalinba maalinta ka dambaysa wiiqayo awoodda Iiraan ay ku qaadi karto weeraro. Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe, Admiral Brad Cooper, ayaa Khamiistii sheegay in weeraradii gantaallada ballistic-ga ay hoos u dhaceen boqolkiiba 90%, halka weeraradii diyaaradaha Drones-ka ay hoos u dhaceen 83% tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka ayaa adeegsada shabakad isku xiran oo ka kooban nidaamyada Thaad, Patriots iyo qalab kale oo difaaca cirka ah si ay u soo ridaan gantaallada, diyaaradaha Drones-ka iyo gantaallada kale ee ay ridaan Iiraan iyo maleeshiyaadka xulafada la ah ee gobolka.

Nidaamyadan difaaca cirka ayaa si weyn ugu tiirsan raadaarka si ay u ogaadaan khataraha soo wajahan. Xarumahan ayaa inta badan ah kuwo dhif ah oo aad qaali u ah. Colaaddan ayaa sidoo kale hoos u dhigtay kaydkii Mareykanka ee gantaallada ka hortagga ah ee loo isticmaalo difaaca.

Mid ka mid ah duqeymihii ugu weynaa ayaa ku dhacday nidaam raadaar oo casri ah oo bixiya digniinaha xilliga hore, kaas oo ku yaalla saldhigga Al-Udeid ee dalka Qatar, oo ah saldhigga ugu weyn ee milateriga Mareykanku ku leeyahay gobolka. Weerarka ayaa dhaawacay raadaarka AN/FPS-132, wuxuuna hakiyay awooddiisii shaqo, sida ay muujinayaan sawirrada satalaytka iyo sarkaal Mareykan ah.

Raadaarka AN/FPS-132 ayaa ah mid awood weyn leh oo loogu talagalay inuu hal mar la socdo bartilmaameedyo badan. Mareykanka ayaa haysta shan ka mid ah nidaamyadan raadaarka ee fadhiya goobaha sugan, kuwaas oo qayb ka ah nidaamka digniinta Waqooyiga Ameerika si ay dhul-weynaha Mareykanka uga difaacaan gantaallada kusoo wajahan, sida ay sheegtay hay’adda falanqeynta difaaca ee IISS. Nidaamkan ayaa qiimihiisu gaarayaa ilaa 1 bilyan oo doolar.

“Kuwani waa kheyraad istaraatiijiyadeed oo aad u yar,” ayuu yiri Thomas Karako, oo ah agaasimaha Mashruuca Difaaca Gantaallada ee Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiga iyo Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Washington.

Sawirro satalayt ah oo ay qaadday shirkadda Planet Labs ayaa muujinaya burbur soo gaaray xarunta raadaarka ee Qatar. Sawirrada ayaa muujinaya burbur ka muuqda qaybta waqooyi-bari ee dhismaha raadaarka qaabka qubbada ah ee u jeeda dhanka Iiraan, iyo sidoo kale biyo qulqulaya oo u badan in lagu daminayay dab goobta ka kacay, sida uu sheegay Sam Lair, oo ah cilmi-baare ka tirsan Xarunta James Martin ee Daraasaadka Hubka. “Waxay muujineysaa jilicsanaanta qaar ka mid ah raadaarradan heerka sare ah,” ayuu yiri Lair oo lafagur ku sameeyay sawirka satalaytka.

Sidoo kale, Iiraan ayaa duqeysay raadaar noociisu yahay TPY-2 oo ku xiran nidaamka Thaad oo ku yaalla dalka Urdun, sida ay muujinayaan sawirro satalayt iyo sarkaal Mareykan ah. Raadaarkan ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka difaaca gantaallada ee dhulka, kaas oo hawada sare ku bur-buriya gantaallada ballistic-ga.

Sawirro satalayt ah oo uu dib u eegis ku sameeyay wargeyska The Wall Street Journal ayaa sidoo kale muujinaya burbur soo gaaray saddex qubbadood oo raadaar oo ku yaalla Camp Arifjan, oo ah saldhig ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka ee Kuweyt, iyo burbur soo gaaray nidaam isgaarsiineed oo satalayt ah oo ku yaalla xarunta dhexe ee Guutada Shanaad ee Ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan Baxreyn.

Gudaha Sacuudi Carabiya, sawir satalayt ah oo la qaaday 1-dii Maarso ayaa muujinaya qiiq ka baxaya dhisme ku dhex yaalla xarun raadaar oo ku taalla Saldhigga Cirka ee Prince Sultan ee Boqortooyada.

Mareykanka ayaa nidaamyadiisa raadaarka ee ugu muhiimsan geeyay goobo istaraatiiji ah oo daafaha caalamka ah si uu isaga difaaco khataraha uga imanaya Iiraan, Kuuriyada Waqooyi, Ruushka iyo cadawga kale. Ciidamada Badda ayaa sidoo kale gobolka ku leh dhowr markab dagaal oo xambaara gantaallada la hago, kuwaas oo iyaguna awood u leh inay soo ridaan gantaallada ballistic-ga iyo khataraha kale ee hawada.

Nidaamyadan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray colaadda hadda kala dhexaysa Iiraan. Markii Iiraan ay gantaal ku riday saldhig milateri oo ku yaalla Turkiga, halkaas oo Mareykanku uu ku kaydiyo hub nukliyeer ah, nidaam raadaar oo Mareykanku leeyahay oo ku yaalla koonfur-bari Turkiga ayaa ogaaday gantaalka soo socda, wuxuuna xogta khatartaas u gudbiyay markab dagaal oo Mareykanku leeyahay oo ku sugan bariga badda Mediterranean, kaas oo soo riday gantaalka.

Xarunta raadaarka ee magaalada Kürecik ayaa in ka badan toban sano ka hor waxaa halkaas dhigay maamulkii Obama si loo xoojiyo difaaca cirka ee NATO ee ka dhanka ah Iiraan.

Ciidamada Dhulka ee Mareykanka ayaa guud ahaan haysta kaliya toddobo nidaam oo Thaad ah oo hawlgal ah, kuwaas oo ay ku jiraan labo si joogto ah u saldhiggan Guam iyo Kuuriyada Koonfureed.

Shanta nidaam ee Thaad ee meelaha kala duwan loo wareejiyo, labo ka mid ah ayaa hadda ku sugan Bariga Dhexe—Israa’iil iyo Urdun—si ay uga hortagaan khataraha Iiraan. Nidaamkii siddeedaad ee Thaad ayaa Mareykanka la siiyay sanadkii hore balse wali waxaa ku socda tijaabooyin, sida ay sheegeen saraakiishu. Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa iyaguna nidaamyada Thaad uga iibsaday Mareykanka, waxayna sheegeen in qaar ka mid ah ay hadda hawlgal yihiin.

Weeraro badan oo ay qaadday Iiraan, waxay adeegsatay diyaaradaha Drones-ka ee is-miidaaminta ah ee qarxa marka ay bartilmaameedka ku dhacaan. Diyaaradahan oo si hooseysa oo tartiib ah u duula ayaa ah kuwo adag in ay iska difaacaan nidaamyada difaaca cirka ee caadiga ah. Drones-ka ayaa door xudun ah ka ciyaaray aargoosiga Iiraan, iyagoo ku dhuftay xarumo shidaal, saldhigyo milateri iyo dhismayaal dhaadheer oo ku yaalla Khaliijka.

Iiraan ayaa riday gantaallo ka yar kuwii ay ridaysay wejigii hore ee weeraradeeda si ay uga jawaabto weerarka Mareykanka iyo Israa’iil, balse weeraradeeda Drones-ka ayaa si is-daba-joog ah usii socday. Kadib mowjaddii ugu horreysay ee in ka badan 500 oo Drones ah labadii maalmood ee ugu horreysay colaadda, Imaaraadka Carabta ayaa maalin kasta lagu bartilmaameedsanayay in ka badan 100 Drones ah, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca dalkaas.

Labada dhinacba waxay wajahaan yaraansho dhanka kaydka hubka ah. Saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa dagaalka ka hor walaac ka muujiyay in Mareykanka iyo xulafadiisu ay haystaan kayd kooban oo ah gantaallada difaaca cirka ee ka hortagga ah. Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in dalkiisu haysto hub ku filan oo uu ku wajaho colaaddan.

Waxaa la rumeysan yahay in Iiraan ay leedahay awood ay ku soo saarto kumannaan Drones ah, kuwaas oo ay sidoo kale u dhoofisay Ruushka. Xukuumadda Moscow ayaa u adeegsatay Drones-ka Iiraan iyo noocyo la mid ah oo ay ku farsameyso gudaha Ruushka si ay duqeymo ugu fuliso Ukraine. Ruushka ayaa sidoo kale Iiraan la wadaagaya xog sirdoon oo ay u adeegsan karto si ay u beegsato ciidamada milateriga.

“Dhibaatada weerarada isku-dhafan ee qalafsan ee cirka iyo gantaallada ayaa taagan, waana inaan la tacaalnaa dhammaan noocyada khataraha gantaallada cirka, oo aan ahayn kaliya kuwa ballistic-ga,” ayuu yiri Karako. “Waa inaad haysataa difaac aad ku difaacdo nidaamyadaada difaaca.”

 

Mucaaradka oo digniin culus kasoo saaray xaaladda dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Samatabixinta ee Mucaaradka ayaa haatan ka digay ku dhaqanka dastuurka cusub ee uu meel-mariyay Baarlamaanka Soomaaliya iyo in dib looga dhaco waqtiga doorashada, xilli haatan dowladda ay ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano ah, sida uu dhawaan goob fagaare ah ka sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Afhayeenka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, Eng Maxamed Maxamuud Beyle oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa xusay in marnaba aysan ogolaan doonin dastuurka la ansixiyay ee uu ugu dambeyn shalay saxiixay madaxweynuhu, wuxuuna ku tilmaamay inuu la doonayo kaliya muddo kororsi.

Beyle ayaa sidoo kale sheegay in ay ka digayaan in dalku galo xaalad hubanti la’aan ah iyo qalalaase, haddii la gaaro 15-ka bisha May, isla markaana ay dhici weyso doorasho guud oo heshiis lagu yahay.

“Waxaan ka digeynaa xaaladda hubanti la’aanta ah ee uu dalku sii galayo iyadoo Soomaaliya maanta ka taagan yihiin abaaro, iyadoo Soomaaliya qayb kamid dalkeeda lagu soo duulay” ayuu yiri Afhayeenka Madasha Samatabixinta.

Sidoo kale, wuxuu intaas kusii daray “Dowladda muddo xileedkeeda waxaa aaminsanahay inuu yahay 4 sano, waxayna ku eegtahay 15-ka May 2026, Baarlamaankuna hadeer ayuu dhacayaa waqtigiisana waxaa ka haran waxaan dhammeyn bil”. Ayuu mar kale yiri Eng. Maxamed Maxamuud Beyle.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in dhibaato kasta oo dhacda uu mas’uuliyaddeeda qaadi doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama isaga loo doortay dalkan, loona dhaariyay hoggaaminta qaranka.

“Dalka waxaa ka dhici kara qalalaase iyo fowde oo ay dowladdu mas’uuliyaddoodu qaadeyso haddii 5-ka May dhici weyso doorasho heshiis lagu yahay”. ayuu sii raaciyay afhayeenka.

Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono natiijada, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Mareykanka iyo Israa’iil oo uu ka dhex-qarxay khilaaf ku saabsan dagaalka Iran

Tehran (Caasimada Online) — Duqeymo culus oo ay Israa’iil Sabtidii la beegsatay 30 xarumood oo lagu keydiyo shidaalka gudaha Iiraan ayaa sababay khilaafkii ugu horreeyay ee weyn ee soo dhex-gala xukuumadaha Washington iyo Tel Aviv tan iyo markii uu dagaalku qarxay siddeed maalmood ka hor, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Mareykan iyo Israa’iili ah iyo ilo xog-ogaal ah.

Xukuumadda Washington ayaa si weyn uga walaacsan in beegsiga kaabayaasha u adeega shacabka caadiga ah ee Iiraan ay dhalin karto cawaaqib-xumo dhanka istaraatiijiyadda ah, taas oo horseedi karta in bulshada Iiraan ay is-garab taagto nidaamka Tehran, isla markaana ay cirka isku shareeraan qiimaha shidaalka caalamka.

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa sababay dab lixaad leh oo qabsaday caasimadda Tehran, iyadoo ololka iyo qiiq madow oo is-qabsaday laga arkayay masaafooyin fog-fog.

Bayaan kasoo baxay Taliska Milateriga Israa’iil (IDF) ayaa lagu sheegay in keydadkan shidaalka ay dowladda Iiraan u adeegsato inay sahay ku siiso qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan hay’adaheeda milateriga.

Sarkaal ka tirsan milateriga Israa’iil ayaa xusay in ujeedka duqeymahan ay qayb ahaan ahaayeen farriin Iiraan loogu sheegayo inay joojiso beegsiga kaabayaasha rayidka ee Israa’iil.

Falcelinta Mareykanka

Inkastoo saraakiil labada dhinac ah ay xaqiijiyeen in milateriga Israa’iil ay horay ugu sii wargeliyeen dhiggooda Mareykanka ka hor inta aysan weerarka qaadin, haddana sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in Washington ay la yaabtay baaxadda iyo baahsanaanta duqeymahan.

“Uma aragno in tani ay ahayd fikrad wanaagsan,” ayuu yiri sarkaal sare oo Mareykan ah.

Dhanka kale, sarkaal Israa’iili ah ayaa shaaciyay in farriinta kasoo baxday Mareykanka ee ku aaddan dhacdadan ay ahayd mid muujinaysa yaab iyo weydiin kulul (oo ay ku sifeeyeen ereyga ‘WTF’).

Aqalka Cad iyo milateriga Israa’iil ayaan wali wax war ah kasoo saarin arrintan.

In kasta oo xarumaha la duqeeyay aysan ahayn kuwo si toos ah u soo saara shidaalka ceyriin, haddana saraakiisha Mareykanka ayaa ka cabsi qaba in muuqaallada keydadka gubanaya ay argagax geliyaan suuqyada caalamiga ah, taasna ay sii kordhiso kharashka tamarta.  

La-taliye ka tirsan maamulka Madaxweyne Trump oo la hadlay warbaahinta Axios ayaa yiri: “Madaxweynuhu ma jecla weerarkan. Wuxuu doonayaa inuu badbaadiyo shidaalka. Ma doonayo in la gubo. Waxayna arrintani dadka xusuusinaysaa qiimaha shidaalka ee qaaliga ah.” 

Hanjabaad aargoosi

Dhanka kale, afhayeenka taliska Khatam al-Anbiya ee Iiraan, oo maamula hawlgalada milateri ee dalkaas, ayaa Axaddii ka digay in haddii la sii wado weerarada ka dhanka ah kaabayaasha shidaalka Iiraan, ay Tehran kaga jawaabi doonto duqeymo la mid ah oo ay la beegsato guud ahaan gobolka.

Wuxuu intaas raaciyay in Iiraan aysan ilaa hadda beegsan kaabayaasha shidaalka iyo tamarta ee dalalka deriska ah, balse wuxuu ku goodiyay in haddii ay sidaas sameyso, qiimaha hal fuusto oo shidaal ah uu gaari karo $200 oo doolar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baaqir Qalibaf, oo ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa nidaamka, ayaa isna dhankiisa bixiyay digniin adag oo ah in haddii weerarada kaabayaasha ay sii socdaan, Iiraan ay aargoosan doonto “dib-u-dhac la’aan.”

Sarkaal Mareykan ah ayaa xaqiijiyay in khilaafkan soo baxay iyo waxa ay Washington ka rajeynayso hab-sami-u-socodka dagaalka la filayo in si qoto dheer looga wada hadlo heerar siyaasadeed oo sare oo u dhexeeya labada dowladood ee xulafada ah maalmaha soo socda.

Xogta 5 goobood oo lagu duqeeyay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta dalka, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeymaha oo lagu garaacay 5 goobood oo kala duwan ayaa waxaa jab culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyada oo weerarradan ay iska kaashadeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah.

Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo lagu bartilmaameedsaday goob ay qaraxyo ku diyaarinayeen maleeshiyada Al-Shabaab, taas oo gebi ahaan la burburiyay.

Duqeymo kale ayaa ka dhacay degmada Kuntuwaarey, waxaa iyana lagu beegsaday xubno kale oo qorsheynayay in ay weerarro ka gaystaan Muqdisho iyo deegaanno kale oo kamid ah gobollada dalka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in weerar kale oo cirka ah uu isna ka dhacay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu qarxiyay gaari ay la socdeen horjoogayaal sar sare oo Shabaab ah, kuwaas oo kala ah;- Shuceyb Axmed, Daahir Carab, Muuse Buurow, Abuu Muxsin iyo Abuubakar oo dhammaan ahaa horjoogayaal muhiim u ah argagaxisada.

Waxaa kale oo duqeyn culus laga fuliyay deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada Dhexe, taas oo iyana lala beegsaday dagaalamayaal ajaaniib ah oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, waxaana gaaray khasaare culus.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in war rasmi ay kasoo saarto weerradan is-daba joogga ah, soona bandhigto khasaaraha guud ee gaaray Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ayaa sare u qaaday howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyada oo laga soo hooyay guullo wax ku ool ah, maadaaama ciidamadu ay dib ula wareegeen deegaano muhiim ah oo laga saaray kooxda.

Waa kuma Mojtaba Khamenei – Hogaamiyaha cusub ee Iran?

Tehran (Caasimada Online) — Kadib geeridii aabbihiis oo ku baxay duqeyn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil, Mojtaba Khamenei oo 56 jir ah ayaa loo magacaabay Hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya dalka Iiraan.

Tallaabadan oo uu qaaday Golaha Khubarada Iiraan ayaa si weyn u sii xoojinaysa awoodda garabka mayalka adag ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Mojtaba ayaa ah wadaad diinta ku adag iyo shakhsi awood badan oo daaha gadaashiisa wax ka maamula, isagoo xiriir qotodheer la leh Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).

Magacaabistiisa oo timid kadib markii aabbihiis, Aayatulaahi Cali Khamenei, lagu dilay duqeyntii wadajirka ahayd, ayaa si cad u muujinaysa in garabka mayalka adag ay wali si buuxda gacanta ugu hayaan talada dalka.

Xubin ka tirsan Golaha Khubarada oo lagu magacaabo Aayatulaahi Mohsen Heidari Alekasir ayaa xusay in wadaadkan lagu doortay dardaaran uu ka tagay aabbihiis oo ahaa in la doorto beddel “uu cadowgu neceb yahay.”

Go’aankan ayaa si toos ah uga hor-imaanaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo dhawaan ku tilmaamay magacaabista Mojtaba mid aan la aqbali karin.

Mojtaba oo sanadkii 1969-kii ku dhashay magaalada barakeysan ee Mashhad, ayaa kasoo qayb-qaatay Dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq, wuxuuna waxbarasho diini ah ku qaatay xarumaha diinta ee magaalada Qom.

In kasta oo uu haysto darajada wadaadnimo ee heerka dhexe ee loo yaqaan Hojjatoleslam — oo hal darajo ka hooseysa Aayatulaahi — weligiisna uusan qaban xil dowladeed oo rasmi ah, haddana wuxuu sanadihii lasoo dhaafay isku duba-riday awood baaxad leh isagoo ahaa gacan-yaraha iyo “irid-ilaaliyaha” awoodda aabbihiis.

Waddooyinka uu ku gaari lahaa xilka ugu sarreeya ayaa sii xaarmay kadib dhimashadii madaxweynihii hore Ebrahim Raisi oo sanadkii 2024 ku dhintay shil diyaarad helicopter ah.

Isagoo ah shakhsi si weyn uga soo horjeeda garabka isbeddel-doonka iyo reer Galbeedka, Mojtaba ayaa sanadkii 2019 waxaa cunaqabateyn kusoo rogtay Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka.

Tallaabadaas ayaa salka ku haysay wada-shaqeynta dhow ee uu la leeyahay Ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka iyo maleeshiyada Basij, si loo meel-mariyo damaca Tehran ee carqaladeynta gobolka iyo siyaasadaha caburinta ee gudaha Iiraan.

Kor u qaadistiisa ayaa dhalisay khilaaf xooggan oo gudaha ah, iyadoo dadka naqdiya nidaamka ay gabi ahaanba diideen in xukunka dalka la iska dhaxlo, maadaama Iiraan ay sanadkii 1979-kii riday nidaamkii boqortooyada ee uu Mareykanku taageerayay.

Mojtaba ayaa taariikh dheer ku leh taageeridda gacan-ka-hadalka iyo caburinta dadka ka aragtida duwan.

Waxaana la aaminsan yahay inuu isagu mas’uul ka ahaa soo-bixitaankii madaxweynihii mayalka adkaa Mahmoud Ahmadinejad iyo taageeridda caburintii rabshadaha wadatay ee lagu muquuniyay banaanbaxyadii 2009-kii.

Sidoo kale, wuxuu ahaa bartilmaameedka ugu weyn ee carada shacabka intii ay socdeen banaanbaxyadii waaweynaa ee 2022 ee looga soo horjeeday xeerarka adag ee labiska Islaamiga ah.

Kadib markii uu ka badbaaday duqeymihii isbahaysiga ee dhawaan dhacay — kuwaas oo galaaftay nolosha aabbihiis iyo xaaskiisaba — Mojtaba Khamenei ayaa hadda leh awoodda kama dambaysta ah ee go’aan ka gaarista dhammaan arrimaha dowladda Iiraan, oo ay ku jiraan siyaasadda arrimaha dibadda, amniga qaranka iyo barnaamijka nukliyeerka.

Daawo: Jawaahir Baarqab oo jawaab kulul siisay Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Marwo Jawaahir Baarqab oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay maalinta haweenka ee siddeeda Maarso ayaa jawaab kulul siisay madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) oo dhawaan weerar ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo oo dhawaan shir jaraa’iid la qabtay xildhibaano kasoo jeeda Puntland ayaa tusaale usoo qaatay wixii ku dhacay xukunkiisii hore, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga digay in muddo-xileedkiisu ka dhamaado iyada oo aan heshiis laga gaarin doorashada dalka.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan yahay “libaax”, balse inta uusan u noqon “bisad”, oo ula jeedo inta sharciyada ka dhamaan uu xal ka gaaro khilaafka siyaasadeed ee salka ku haya hanaanka doorashada.

“Madaxweynoow (Xasan) libaax baad tahay hadda, inta aadan bisad noqon oo waqtigu kaa dhammaan doorasho qabo. Anigaa soo arkay tan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Intaas kadib waxaa soo jawaabtay Marwo Jawaahir Baarqab oo si weyn u difaacday Xasan Sheekh, waxayna tilmaamtay in uu sii ahaan doono libaax, dalkuna uu ka dhigay nabad.

“Waxaan arkaayay madaxweynihii hore oo dhahaayo madaxweyne Xasanow libaax ayaa hadda tahay, hadhowna bisad ayaa noqon doontaa, waxaan leeyahay wax bisad la dhaho ma jiraan madaxweynuhu waa libaax, wuuna ahaan doonaa annagu nabad ayaan rabnaa waana haysanaa” ayay tiri Jawaahir.

Waxaa kale oo ay carrabka ku dhufatay in dhibaato aysan dhici doonin haddii la gaaro 15-ka May, isla markaana hanjabaadda mucaaradka ay tahay mid ku eeg afka baarkiisa, sida ay hadaka u dhigtay.

“Dad badan ayaa waxay leeyihiin 15-ka May marka la gaaro maxaa dhaci doona, horta wixii Ilaah qoro ayaa dhacaayo, Insha Allah mana jiraan wax dhib ah oo dhacaayo” ayay kusii dartay Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan Soomaaliya ay taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana weli la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ka ah.

Farmaajo oo war ka soo saaray tallaabadii uu maanta qaaday madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku saxiixay Dastuurka cusub ee dalka.

Farmaajo, oo war-saxaafadeed soo saaray, ayaa go’aankan ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo halis weyn gelinaya jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isagoo madaxweynaha xilka haya ku eedeeyay inuu dalka u horseedayo kala-qaybsanaan.

War-saxaafadeed ayaa lagu xusay in madaxweynaha “uu muddo-xileedkiisu dhammaanayo” uu saxiixay dastuur uu isagu gaar u samaystay. Madaxweynihii hore ayaa ku dooday in aysan jirin wax heshiis bulsho ama mid siyaasadeed ah oo sharciyad siinaya tillaabadan.

Mowqifka dowlad goboleedyada ee ku saabsan laalista dastuurka dalka, xildhibaannada labada aqal ee qaaddacay fadhiyada Dastuurka oo metalaya bulsho badan iyo Madaxdii iyo mas’uuliyiintii hore oo wadajir uga soo horjeeda hannaanka loo maray, waxa ay dhammaan arrimahani muujinayaan in aanu jirin heshiis bulsho iyo mid siyaasadeed oo sharciyad siinaya tallaabadan,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka waantoobo saxiixa sharci-darrada ah oo uu xusay inuu si cad uga hor imaanayo habraacyadii lagu heshiiyay ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah. Wuxuu xukuumadda ugu baaqay inay dib ugu soo laabato waddadii wadar-ogolka ahayd, muddada kooban ee u hartayna ay dalka ku gaarsiiso doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda, kuna qotonta shuruuc iyo nidaam la isku waafaqsan yahay.

Dhaliilahan culus ee kasoo yeeray hoggaamiyaha mucaaradka ayaa imanaya saacado un kadib markii Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu munaasabad weyn oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya si rasmi ah ugu saxiixay nuqulka Dastuurka cusub, isagoo ku dhawaaqay inuu dhaqan-gal yahay maanta wixii ka dambeeya.

Madaxweynaha oo ay garab taagnaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in geeddi-socodkan dheer ee dib-u-eegista uu soo afjaray marxaladdii kumeel-gaarka ahayd ee dalku ku soo jiray mudada dheer.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dastuurkani uu saldhig adag u noqon doono xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Xuddunta khilaafka siyaasadeed ee haatan dalka ka aloosan ayaa salka ku haysa qodobbo xasaasi ah oo ku jira dastuurka la ansixiyay, gaar ahaan qodobka dhigaya in muddo-xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka laga dhigo shan sano, halkii uu markii hore ka ahaa afar sano.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo haatan ku jiray bilihii gaba-gabada ee muddo-xileedkiisii sharciga ahaa, uu qaadan doono hal sano oo dheeraad ah. Xubnaha mucaaradka ayaa qodobkan u arka muddo-korarsi dadban oo la doonayo in lagu xalaaleysto sii joogidda awoodda dalka, taas oo sii kordhinaysa xiisadda siyaasadeed ee cakiran.

Madaxweynaha dalka Iiraan oo raalli-gelin ka bixiyay…

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian ayaa Sabtidii raalli-gelin ka bixiyay weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalkiisu ku qaaday qaar ka mid ah dalalka deriska, xilli weli weerarro kale ay ku socdaan dalal ku yaalla Khaliijka Carabta.

Pezeshkian ayaa sheegay in duqeymaha ka dhanka ah waddamada Gacanka Carabta la soo afjari doono, haddii aan hawadooda iyo saldhigyada Mareykanka loo isticmaalin weerarada liddi ku ah Iiraan.

Hadalkan ayaa imanaya toddobaad kadib markii dagaal ballaaran uu ka qarxay gobolka. Colaaddan ayaa bilaabatay kaddib weerar cirka ah oo dhacay 28-kii Febraayo, kaas oo Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan, laguna dilay hoggaamiyihii sare ee dalkaas, Ayatollah Cali Khamenei.

Tan iyo xilligaas, Iiraan ayaa weerarro jawaab ah ku qaaday qaar ka mid ah waddamada Khaliijka oo Mareykanku ku leeyahay saldhigyo milatari.

Pezeshkian ayaa sheegay inuu ka cudur-daaranayo dalalka deriska ah ee ay gantaalladu ku dhaceen, isaga oo yiri: “Anigoo magacayga ku hadlaya, waxaan raalli-gelin ka bixinayaa dalalka deriska ee ay Iiraan weerarradu ku dhaceen.”

Si kastaba, saacado ka hor hadalkan, gantaallo iyo diyaarado daroon ah ayaa lagu weeraray goobo muhiim ah oo ku yaalla Khaliijka.

Duqeymaha Iiraan ayaa lala beegsaday kaabayaasha tamarta ee guud ahaan Khaliijka, halka weerarada Israa’iil ay beegsadeen xarumaha keydka shidaalka ee gudaha Iiraan.

Mowjado cusub oo duqeymo Iiraani ah ayaa Axaddii ku dhuftay Khaliijka, iyadoo waddamo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qadar, Baxreyn, iyo Kuweyt ay dhammaantood soo sheegeen weeraro.

Sacuudiga ayaa sheegay inay soo rideen 15 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones), halka duqeymo ka dhacay Baxreyn ay “khasaare hantiyeed” gaarsiiyeen warshad muhiim ah oo sifeysa biyaha badda.

Weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday waddamada Khaliijka ayaa u muuqda kuwa iftiiminaya khilaaf ka dhex jira madaxda Iiraan, arrintaas oo ka hor imaanaysa hadallo uu Sabtidii jeediyay madaxweyne Masoud Pezeshkian.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Iiraan ayaa diiday dalabka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo ku baaqay in Iiraan “si aan shuruud lahayn isu dhiibto.” Pezeshkian ayaa sheegay in arrintaas ay tahay “riyo ay la geli doonaan qabriga.”

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya jahawareer ka jira hoggaanka Iiraan. Afhayeenka ciidamada dalka, Abolfazl Shekarchi ayaa sheegay in Iiraan aysan weerarin dalal aan u oggolaan Mareykanka inuu ka soo duulo si uu weerar ugu qaado Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa sheegay in duqeymo ka xooggan kuwii hore ay soo socdaan, xilli weli Tehran ay gantaallo u qeybinayso dalalka Khaliijka iyo Israa’iil.

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa ansixiyay heshiis hub oo cusub oo qiimihiisu yahay $151 milyan oo lagu taageerayo Israa’iil, iyadoo saraakiisha Mareykanka ay sheegeen in weerarro aad u ballaaran ay dhici karaan maalmaha soo socda.

Xasan oo ku dhawaaqay dhaqan-gelinta dastuurka oo ay ku jirto muddo kordhin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay nuqulka dastuurka cusub ee Soomaaliya, isaga oo ku dhawaaqay dhaqan-galkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay madasha saxiixa dastuurka ee Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay dowladdu bilaabi doonto dhaqan-gelinta dastuurka cusub ee dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in dastuurkan uu saldhig u noqon doono xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka uu ahaa mid dheer oo soo maray marxalado kala duwan, isla markaana ugu dambeyn ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Maanta waxaa soo gaba-gaboobay safarkii dheeraa ee dib-u-eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dheer ku-meel-gaar ahaa, isla markaana ay dhowaan ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ilaahey idankiis, maanta wixii ka dambeeya waxaa bilaabanaya dhaqan-galkiisa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda saxiixa dastuurka cusub ayaa waxaa ku wehliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo guddoomiyeyaasha guddiyada dib-u-eegista dastuurka.

Dastuurkan oo toddobaadkii hore ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhigaya in muddo-xileedka madaxweynaha uu noqdo shan sano, halka uu hore uga ahaa afar sano.

Arrintan ayaa ka dhigan in hal sano oo dheeraad ah uu qaadan karo Madaxweyne Xasan Sheekh, oo haatan ku jiray bilihii u dambeeyay ee muddo-xileedkiisa, iyadoo mucaaradka si adag uga horyimaadeen wax-ka-beddelka dastuurka.

Soomaaliya oo la wareegtay awoodda garsoorka B/Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay kaalinteeda hoggaamineed ee gobolka, kadib markii ay heshay kursi muhiim ah oo ka tirsan laamaha garsoorka ee East African Community (EAC).

Intii uu socday shir-madaxeedkii 25-aad ee hoggaamiyeyaasha EAC ee lagu qabtay magaalada Arusha, waxaa si rasmi ah loogu dhaariyey Garyaqaan Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi inuu noqdo garsoore ka tirsan Qaybta Koowaad ee East African Court of Justice, oo ah maxkamadda ugu sarreysa ee qaadda dacwadaha la xiriira heshiisyada iyo shuruucda ururka EAC.

Magacaabistan ayaa loo arkaa guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo Soomaaliya u horseedaysa inay door muuqda ka qaadato go’aamada sharci iyo siyaasadeed ee gobolka.

Garsoore Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi ayaa ah khabiir sharci oo leh waayo-aragnimo ballaaran oo ku saabsan shuruucda gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Wuxuu hore uga soo shaqeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir isagoo ahaa xeer-ilaaliye dowladeed, taasoo siisay faham qoto dheer oo ku saabsan nidaamka garsoorka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu shahaadada Master of Laws (LL.M) ee sharciga isbarbardhigga iyo dastuuriga ah ka qaatay Ohio State University ee dalka United States.

Kahor magacaabistiisa, wuxuu la-taliye sharci iyo dib-u-eegis dacwadeed ka ahaa xafiiska dacwad-oogaha ee magaalada Columbus, halkaas oo uu ka helay khibrad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamyada dacwadaha ee heer caalami.

In garsoore Soomaaliyeed uu ka mid noqdo Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika waxay leedahay muhiimad sharci iyo dhaqaale oo weyn.

Maxkamaddan ayaa go’aan ka gaarta khilaafaadka ka dhasha jebinta heshiisyada EAC, oo ay ku jiraan caqabadaha ganacsiga ee ka gudba xuduudaha, sida xannibaadaha sharci-darrada ah ee xamuulka iyo caqabadaha aan canshuurta ahayn.

Joogitaanka garsoore Soomaaliyeed ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto fahamka iyo difaaca danaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya dalalka Bariga Afrika.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, oo ka qayb galay shir-madaxeedka, ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, dhismaha amniga, dowlad-wanaagga iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka ku mideysan EAC.

Magacaabista garsoorahan ayaa ku soo aadaysa xilli ururka EAC uu Soomaaliya faray inay waafajiso shuruucdeeda qaranka heshiisyada ururka, isla markaana ay soo gabagabeyso wada-tashiyada gudaha ee la xiriira Federaalka Siyaasadeed ee Bariga Afrika ugu dambayn bisha Juun 2026.

Guushan ayaa muujinaysa in khubarada sharciga ee Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka qaadanayaan hay’adaha gobolka, xilli Soomaaliya ay sii xoojinayso doorkeeda ku aaddan nidaamka sharci iyo siyaasadeed ee Bariga Afrika.

Iran oo dooratay hogaamiye bedelaya Ayatullah Khamenei

Tehran (Caasimada Online) – Golaha khubarada ee Iiraan u qaabilsan soo xulista hoggaamiyaha cusub ayaa doortay hoggaamiyaha beddelaya Aayatullah Cali Khamenei, oo Sabtidii la soo dhaafay lagu dilay duqeyn ka dhacday Tehran.

Inkasta oo si rasmi ah loo shaacin magaca hoggaamiyaha sare ee la doortay, haddana waxaa la xaqiijiyay in guddiga uu maanta hab codeyn ah ku doortay.

“Musharraxii ugu habboonaa, oo ay ansixiyeen aqlabiyadda Golaha Khubarada, ayaa la go’aamiyay,” ayuu yiri Mohsen Heydari, oo ka tirsan guddiga xulashada oo u waramay wakaaladda wararka Iiraan ee ISNA.

Mohammad Mehdi Mirbagheri oo isna ka tirsan guddiga ayaa muuqaal ay baahisay wakaaladda wararka Fars ee dalkaas ku xaqiijiyay in “la gaaray go’aan rasmi ah oo ka tarjumaya aragtida aqlabiyadda.”

Aayatullah Mohsen Heidari Alekasir ayaa isna tilmaamay in shakhsiga loo doortay inuu beddelo hoggaamiyaha sare uu u badan yahay mid ay si weyn uga soo horjeeddo Washington.

Wuxuu sheegay in “sheydaanka weyn,” oo ah eraybixin ay Iiraan u adeegsato Mareykanka, uu si aan ku talagal ahayn guddiga ugu sameeyay “fursad abaal-marin ah” markii uu si furan u naqdiyay musharraxiin gaar ah.

Hadalladiisa ayaa u muuqday kuwo tixraacaya faallooyin uu bixiyay Donald Trump, kaas oo sheegay inaan la aqbali doonin in wadaadadu ay doortaan wiilka uu dhalay Khamenei, ee Mojtaba, inuu noqdo beddelkiisa.

Si kastaba, xubnaha golaha ayaa weli isku maandhaafsan qaabka loo shaacinayo hoggaamiyaha cusub; xubnaha qaar ayaa rumeysan in markiiba la shaacin karo, halka kuwa kalena ay aaminsan yihiin in loo baahan yahay kalfadhi kale ka hor inta aan si rasmi ah bannaanka loo soo dhigin magaciisa.

Israa’iil ayaa ka digtay inay beegsan doonto shakhsi kasta oo loo doorto inuu beddelo Cali Khamenei, kaas oo lagu dilay duqeymo wadajir ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil maalintii ugu horreysay ee dagaalka lala galay Iiraan.

Milatariga Israa’iil ayaa dhankooda ka digay inay sii wadi doonaan dabagalka iyo beegsiga ciddii beddesha hoggaamiyihii sare ee geeriyooday. Qoraal ku qornaa afka Faarisiga oo lagu baahiyay barta X, ayay milatariga Israa’iil sidoo kale ku sheegeen inay raad-goobayaan qof kasta oo isku daya inuu beddel u magacaabo Khamenei.

Caqabadaha ku xeeran Mojtaba Khamenei

Maalmihii u dambeeyay, Mojtaba Khamenei oo 56 jir ah ayaa soo ifbaxay inuu yahay ninka ugu cadcad tartankan.

Magacaabistiisa ayaan ahayn mid hubaal ah, iyadoo dadka naqdiya nidaamka ay u arkaan in tallaabadani ay sii adkeyn doonto maamul ay kooxaha u dooda xuquuqda aadanuhu ku eedeeyeen inuu dilay ugu yaraan 7,000 oo qof bilihii lasoo dhaafay.

Intaas waxaa dheer, in dhaxalka aabe-iyo-wiilka ah uu yahay arrin laga dheehan karo weji-gabax dhexdiisa aasaaska culimada Shiicada ah ee Iiraan, gaar ahaan jamhuuriyad ka dhalatay afgembigii lagu riday nidaamkii boqortooyada sanadkii 1979-kii.

Sida uu qabo dastuurka Iiraan, Golaha Khubarada oo ka kooban 88 xubnood ayaa mas’uul ka ah xulashada hoggaamiyaha sare ee dalka. Khamenei, oo Iiraan xukumayay 37 sano, ayaa 28-kii Febraayo lagu dilay duqeyn ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen caasimadda Tehran.

Xiisadda iyo khilaafka gudaha Iiraan

Kulanka ay wadaadadu ku magacaabayaan hoggaamiyaha cusub ayaa ku soo aadaya xilli dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan uu si aad ah u xoogeystay dhammaadkii toddobaadka.

Duqeymo ay fulisay Iiraan ayaa lala beegsaday kaabayaasha tamarta ee guud ahaan Khaliijka, halka weerarada Israa’iil ay beegsadeen xarumaha keydka shidaalka ee gudaha Iiraan.

Mowjado cusub oo duqeymo Iiraani ah ayaa Axaddii ku dhuftay Khaliijka, iyadoo waddamo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qadar, Baxreyn, iyo Kuweyt ay dhammaantood soo sheegeen weeraro.

Sacuudiga ayaa sheegay inay soo rideen 15 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones), halka duqeymo ka dhacay Baxreyn ay “khasaare hantiyeed” gaarsiiyeen warshad muhiim ah oo sifeysa biyaha badda.

Sida ay ku warramayaan Washington Post, Fox News, iyo hay’ado kale oo warbaahineed oo Mareykan ah, Ruushka ayaa Iiraan siinayay xogo sirdoon oo ka caawin kara beegsiga saldhigyada milatari ee Mareykanka ee gobolka.

Weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday waddamada Khaliijka ayaa u muuqda kuwa iftiiminaya khilaaf ka dhex jira madaxda Iiraan, arrintaas oo ka hor imaanaysa hadallo uu Sabtidii jeediyay madaxweyne Masoud Pezeshkian.

Madaxweynaha ayaa raalligelin siiyay waddamada Gacanka Carabta isla markaana soo jeediyay in duqeymaha ka dhanka ah la soo afjari doono, haddii aan hawadooda iyo saldhigyada Mareykanka loo isticmaalin weerarada liddi ku ah Iiraan.

Sida ay qabaan dadka lafagura arrimaha siyaasadda, ballanqaadka Pezeshkian ee ah inaan la duqeynin dalalka Khaliijka ayaa bannaanka soo dhigay khilaaf dhif ah oo ka dhex taagan madaxda sare ee dalka, iyadoo mas’uuliyiinta nidaamku ay ku mashquuleen sidii ay u sharxi lahaayeen una fasiri lahaayeen hadallada madaxweynaha, kuwaas oo u muuqday kuwo ka careysiiyay garabyada mayalka adag ee Iiraan.

Ballaarinta weerarada Mareykanka iyo Israa’iil

Habeennimadii xalay, duqeymo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil ayaa ku dhuftay shan xarumood oo shidaal oo ku yaalla agagaarka Tehran, sida uu sheegay mas’uul Iiraani ah.

Wuxuu xusay in goobahaasi ay waxyeelo soo gaartay balse dabkii ka dhashay si dhaqso ah loo xakameeyay.

Qaraxyo ka dhacay magaalada Karaj ee u dhow caasimadda ayaa laga maqlay gobolka oo dhan, waxayna deegaanka kaga tageen uuro madow.

Keydadka shidaalka ee duleedka Tehran ayaa sidoo kale dab qabsaday aroornimadii hore ee Axadda, iyadoo ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ay ballaariyeen olohooda ka dhanka ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Iiraan.

Wakaaladda wararka ee Axios ayaa werisay in Mareykanka iyo Israa’iil ay ka wada hadleen in ciidamo gaar ah (special forces) loo diro gudaha Iiraan si loo sugo ammaanka keydka yuraaniyaamka (uranium) ee tayeysan, marka la gaaro wejiyada dambe ee dagaalka, sida ay xaqiijiyeen afar ilo wareed.

Maalintii oo dhan, Iiraan ayaa si joogto ah gantaallada ballistic-ga ugu garaacday Tel Aviv iyo bartamaha Israa’iil.

Ugu yaraan hal qof ayaa si xun u dhaawacmay ka dib markii la duqeeyay dhisme la deggan yahay, sida ay sheegtay Magen David Adom, oo ah adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil.

Inta badan gantaallada ayaa waxaa fashiliyay difaaca cirka ee Israa’iil, mana jirin khasaare nafeed oo intaas dhaafsiisan.

Dagaalka Lubnaan

Dhanka kale, dagaalka Israa’iil ee wejiyada badan ayaa sii socday, iyadoo Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ay duqeymo xooggan ku qaadeen Lubnaan, halkaas oo ay saldhig ku leedahay kooxda hubeysan ee ay Iiraan taageerto, ee Xisbullah (Hezbollah).

Duullaanka Israa’iil ee Lubnaan ayaa sababay dhimashada afar qof oo ku dhintay qarax ka dhacay hotel ku yaalla Beirut iyo dhimashada 12 kale oo ku dhintay duqeymo lala beegsaday deegaannada koonfureed ee dalka.

Israa’iil ayaa sheegtay inay beegsanaysay “taliyeyaal muhiim ah” oo ka tirsan guutada Quds ee milatariga Iiraan.

Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 339 qof lagu dilay colaadda, halka Golaha Qaxootiga Norway ay sheegeen in qiyaastii 300,000 oo qof ay ka qaxeen guryahooda.

Xasan Sheekh oo saxiixay dastuurka muranka dhaliyay ee uu ansixiyay BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow saxiixay dastuurka dalka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, kaasi oo muran xooggan ka taagan yahay.

Madaxweynaha oo garbihiis ay taagan yihiin guddoonka labada gole ayaa qalinka ku duugay dastuurka cusub, si uu u noqdo dhaqan-gal, iyadoo tallaabadan ay kusoo aadeyso xilli ay kasii dareyso xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe si weyn u riixayay dhammaystirka dastuurka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna tallaabada maanta u arkaa mid uga adkaaday mucaaradka kasoo horjeeda.

“Dhameystirka dastuurka waa tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowladnimada, midnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo dhawaan kulan afur ah ku maamuusay xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee ansixiyay dastuurka.

Sidoo kale wuxuu adkeeyey in dastuurka la dhammaystiray uu saldhig u noqon doono dhismaha hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee ku dhisan sharciga iyo isla xisaabtanka.

Waxaa kale oo xigtay in isla habeenkaas uu guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe uu ku dhawaaqay in uu dhaqan-gal yahay dastuurka, isla markaana baarlamaanka uu ku darsaday muddo hal sano ah.

Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono natiijada, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Shiinaha oo malaayiin dollar ku wareejiyay DF Soomaaliya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa maanta deeq lacageed iyo raashiin ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda SoDMA, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si rasmi ah uga guddoomay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu, deeq lacageed oo dhan 2 milyan oo dollar iyo raashin loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalkeenna.

Danjir Wang Yu oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka abaaraha, iyo ka hortagga musiibooyinka kale ee ka dhaca dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca gargaarka iyo horumarinta bulshada, si loo caawiyo dadka danta yar iyo barakacayaasha ku sugan gudaha dalka.

Dhankiisa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Shiinaha taageerada joogtada ah, isaga oo sheegay in deeqdan lagu caawin doono dadka ku nool 72 degmo oo ka tirsan gobollada dalka kuwaas oo ay saameysay abaarta, gaar ahaan 45 degmo oo xaalad degdeg ah ku sugan.

Wuxuu sidoo kale xusay in taageeradan ay muhiim u tahay ilaalinta nolosha dadka abaaraha saameeyeen, gaar ahaan carruurta, haweenka, iyo qoysaska nugul.

Shiinaha ayaa kamid noqonaya dowladaha waa wayn ee sida deg-dega ah ee kasoo jawaabay dalbka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan wax ka qabaqashada xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira gudaha dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira abaaro baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada, iyadoo meelaha laga soo warinayo xaalado dhimasho ah.

 

Itoobiya oo ciidan dhoobtay xadka, xilli Abiy go’aansaday inuu xoog ku qabsado BAD

Addis-Ababa (Caasimada Online) — Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa la soo sheegayaa inay ku qulqulayaan agagaarka xuduudda waqooyi ee dalkaas, xilli ololaha Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ku doonayo marin Badda Cas ah uu kiciyay cabsi laga qabo dagaal hor leh oo dhabar-jab ku noqda xasilloonida Geeska Afrika.

Kumannaan ka tirsan ciidamada federaalka Itoobiya oo wata taankiyo iyo madaafiicda waaweyn ayaa fariisimo ka samaystay meel dhowr meyl u jirta kooxda fallaagada Tigray, sida uu weriyay wargeyska The Wall Street Journal, ka dib iska horimaadyo dib uga qarxay deegaankaas dhammaadkii bishii Janaayo 2026.

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedaysay fallaagada inay jabiyeen heshiiskii nabadda ee jilicsanaa ee la saxiixay 2022, kaas oo soo afjaray dagaal sokeeye oo socday laba sano, kaas oo lagu qiyaasay inay ku dhinteen ilaa 600,000 oo qof.

Isbeddel lama filaan ah oo ku yimid isbaheysiga gobolka, cutubyo ka tirsan lugta ciidamada Ereteriya oo ka walaacsan damaca badda ee Addis Ababa, ayaa la soo sheegayaa inay ka gudbayaan xuduudda si ay u xoojiyaan xoogagga Tigrayga, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo ilo dhanka milateriga ah oo uu soo xigtay wargeyskaas ka soo baxa dalka Mareykanka.

“Waxaa jira calaamado muujinaya inay dhowdahay in colaaddu dib u qaraxdo,” ayuu Magnus Taylor oo ah falanqeeye ka tirsan kooxda xasaradaha caalamiga ah (International Crisis Group) u sheegay The Wall Street Journal.

‘Xabsi Juquraafiyeed’

Saddexdii sano ee la soo dhaafay, Abiy Ahmed oo ah ninka ku guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, ayaa si weyn u hadal hayay in luminta xeebta ay tahay caddaalad darro taariikhi ah oo u baahan in la saxo. Itoobiya ayaa lumisay xeebteedii dhererkeedu ahaa 1,400 meyl (2,250 kiiloomitir) sanadkii 1993-kii markii ay Ereteriya ka go’day ka dib dagaal xornimo doon ahaa oo socday soddon sano.

“Muddo dheer ayaan ku jirnay xabsi juquraafiyeed — tani ma ahan wax sax ah,” ayuu yiri Abiy dhowaan, isagoo farta ku fiiqay dekedda Assab ee dalka Ereteriya, oo qiyaastii 30 meyl (50 kiiloomitir) u jirta xuduudda Itoobiya. Waxa uu intaas ku daray in marin u helidda baddu ay tahay “fure” muhiim ah.

In kasta oo Ra’iisul Wasaaruhu uu bishii Maarso sheegay in Itoobiya aysan “xabbad kaliya” ku ridi doonin deriskeeda, haddana hadalladiisa waxaa weheliya dhoolatusyo milateri oo xooggan. Dhoolatus dhowaan ka dhacay koonfurta Itoobiya, waxaa lagu soo bandhigay boorar ay ku qoran yihiin in qaranku uusan sii ahaan doonin mid bad la’aan ah “haddii aad jeceshihiin iyo haddii kaleba.”

Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in Abiy uu dareemayo dhiirigelin uu ku fuliyo qorshihiisa, xilli uu arko nidaamka caalamiga ah oo sii daciifaya. Khudbad uu u jeediyay baarlamaanka, Abiy ayaa xitaa soo qaatay tusaalihii Israa’iil ay ku qabsatay buuraha Golan Heights sanadkii 1967-kii, isagoo tilmaamay in quruumuhu ay xoog ku qabsan karaan dhul marka ay u arkaan inay u muhiim tahay jiritaankooda.

Damaca badda ee Itoobiya ayaa si weyn u walaaciyay Ereteriya, taas oo u aragta hiraalka Abiy inuu yahay hanjabaad toos ah oo duulaan milateri. Geesta kale, dadka Tigrayga ah oo ka kooban kaliya boqolkiiba lix (6%) dadka Itoobiya oo gaaraya 130 milyan, ayaa milaterigoodu dalka ka talinayay soddon sano ka hor inta uusan Abiy Ahmed oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada xukunka iman 2018-kii.

Markii dagaalku qarxay 2020, Ereteriya waxay xulafo la ahayd Itoobiya si loo burburiyo fallaagada Tigrayga. Laakiin maanta, diblamaasiyiintu waxay sheegayaan in taliyayaasha Tigrayga ay ku qanciyeen cadowgoodii hore ee Ereteriya in isbaheysigu yahay jidka kaliya ee ay kaga badbaadi karaan dowladda federaalka ee dib u soo xoogeysanaysa.

Tadesse Werede oo ah madaxa gobolka Tigray ayaa sheegay in inkasta oo ay nabad raadinayaan, haddana ay u diyaar garoobeen inay iska difaacaan duulaan kasta. Dadka rayidka ah ee Tigray ayaa bilaabay inay ka qaxaan deegaannada xuduudda, iyadoo la soo weriyay saxmad xooggan oo ka jirta bangiyada magaalada Mekelle iyo dukaamada raashinka oo laga soo dhex dhameeyay agabkii yiillay.

Xiisado is-bed-bedelaya

Raadinta Itoobiya ee marin-biyoodka kuma koobna Ereteriya oo kaliya. Sannadkii 2024, Addis Ababa waxay heshiis muran dhaliyay la gashay Somaliland, oo ah gobol gooni u goosad ah oo ka tirsan Soomaaliya, si ay u kireysato 20 kiiloomitir oo xeeb ah. Tallaabadaas ayaa ka caraysiisay Soomaaliya, waxayna soo jiidatay dalka Masar oo markii horeba isku hayeen Itoobiya arrinta ku saabsan biyo-xireenka weyn ee (GERD).

Bishii Febraayo 2026, Qaahira ayaa la sheegay inay Itoobiya u soo jeedisay inay ka caawiso helitaanka dekedaha Jabuuti iyo Ereteriya, laakiin waxay shardi uga dhigtay in Addis Ababa ay ka tanaasusho damaceeda saldhig milateri oo badeed, kuna qanacdo dalabaadka Masar ee ku saabsan biyo-qaybsiga webiga Niil.

Dagaal cusub oo ka qarxa Itoobiya ayaa khatar weyn ku ah marinka ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kaas oo maamula qiyaastii 15 boqolkiiba (15%) ganacsiga adduunka. Waqtigan xaadirka ah, gobolka waxaa hadheeyay dagaalka sokeeye ee Suudaan, kacdoonnada Soomaaliya, iyo weerarada kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

In kasta oo Hey’adda Lacagta Caalamiga ah (IMF) ay saadaalisay in dhaqaalaha Itoobiya uu kordhi doono sanadkan, khubarada ayaa ka digaya in Abiy uu ciidankiisa culays weyn saarayo.

“Itoobiya waxay ciidankeeda u raryaysaa waqooyiga sababtoo ah ma lahan awood ay ku maareyso dhowr dhibaato oo isku mar ah,” ayuu Stefano Ritondale oo ka tirsan shirkadda sirdoonka ee Artorias u sheegay The Wall Street Journal.

Xogta kulan xasaasi ah oo dhex-maray Farmaajo iyo Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo xalay gudaha magaalada Muqdisho ay ku yeesheen madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Farmaajo iyo Shariif ayaa ka wada-hadlay xaaladda cakiran ee uu dalku galay, iyo sidii xal loogu heli lahaa marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya, maadaama ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka gudaha ee ka taagan dalka.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in kulanka labada madaxweyne lagu soo qaaday xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadday dowladda iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, kuwaas oo abuuray xaalad kale oo siyaasadeed.

Waxaa kale oo ay ka tashadeen sida loo wajihi karo arrintan loona aadi lahaa doorasho guud oo waqtigeeda ku dhacda, marka la gaaro 15-ka May.

Is aragga labada madaxweyne ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli Arbacadii lasoo dhaafay labada Gole ee Baarlamaanka ansixiyeen wax ka beddelka dastuurka dalka, iyada oo kadib guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu ku dhawaaqay in Baarlamaanka uu ku darsaday muddo-kororsi hal sano ah.

Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono natiijada, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha ka jira dalkeenna.

Daawo: Maxaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay dibad-bax ay dhigeen qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo taageeray ansixinta dastuurka dalka oo Arbacadii lasoo dhaafay ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen labada Gole.

Isku soo baxa oo ka dhacay isgoysa Taleex ee degmada Hodan ayaa waxaa ka qayb-galay boqolaal dadweyne ah iyo mas’uuiyiin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo caddeeyay mowqifkooda, soona dhaweeyay dhammaystirka dastuurka dalka.

“Waxaa halkan ka socda reereen iyo dabaal-deg, maadaama dastuurkii la dhammaystiray Mudane Xasan Sheek Maxamuud waxaan leeyahay waad mahadsan tahay guul iyo gobanimo” ayuu yiri mid kamid ah shacabka.

Intaas kadib waxaa isna warbaahinta la hadlay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo sheegay in ay la dabaal-dagayaan shacabka ku dhaqan caasimada, isaga oo sheegay in ay metalaan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

“Waa habeen aan u dabaal-geyno dastuurkeennii oo ka baxay qabyadii, dadka gobolka Banaadir waxay metalaan dadka Soomaaliyeed, maadaama caasimadii halkaan ay tahay waxayna muujiyen farxadooda” ayuu yiri Yabooh.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in dastuurka cusub lagu caddeeyay maqaamka Muqdisho, isla markaana hadda kadib ay xaquudooda heli doonaan shacabka caaasimada, waxaa kale oo u sheegay in hoggaankana lasoo dooran doono.

“Magaalada Muqdisho hadda waxay yeelatay maqaam rasmi ah, waxaana hadda doorateen goleyaashiinii deegaanka mardhow waxaa dooran doontaan gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo maayarka caasimada” ayuu sii raaciyay.

Dareenka farxadeed ee ay muujiyeen shacabka Muqdisho ayaa kusoo aadayo, xilli weli siyaasiyiinta mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ay diidan yihiin wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ka ah, waxayna taasi keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo waddanka inuu galo qalalaase siyaasadeed.

Bin Zayed oo markii ugu horreysay soo hadlay xilli uu weerar culus ku socdo dalkiisa

Abu Dhabi (Caasimada Online) — Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Saayid Al Nahyan, ayaa Sabtida si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu ku jiro “xaalad dagaal”, isagoo wacad ku maray in xukuumadda Abu Dhabi ay dhibaatadan kasoo bixi doonto iyadoo ka xooggan sidii hore.

Hadal uu jeediyay madaxweynaha oo ay baahisay Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee Imaaraadka (WAM) xilli uu booqanayay dadkii ku dhaawacmay weeraradii ay Iiraan ku qaadday dalkaas, ayuu ku sheegay in daryeelka dadka dhaawacmay uu yahay “mas’uuliyad saaran garbaha dowladda.”

Sheekh Maxamed bin Saayid ayaa xusay inuu isbitaalka ku booqday shan qof oo rayid ah oo ay dhaawacyo kasoo gaareen duqeymaha, kuwaas oo kala ah labo muwaadin oo u dhashay Imaaraadka, hal qof oo Hindi ah, hal Suudaani ah, iyo hal qof oo Iiraani ah. Isagoo shacabka u xaqiijinaya xaaladda guud, wuxuu yiri: “Imaaraadka xaaladdiisu waa ay wanaagsan tahay.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay ciidamada qalabka sida ee dalkaas doorka muhiimka ah ee ay cayaarayaan “xilligan lagu jiro dagaalka,” wuxuuna si weyn u ammaanay hay’adaha amniga oo uu ku tilmaamay inay dalka u hayaan “adeeg sharaf iyo qaddarin mudan.”

Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay ajaanibta u soo shaqo-tagtay ee ku dhaqan Imaaraadka, isagoo yiri: “Waxaan ku jirnaa xilli dagaal, waxaana u ballanqaadayaa inaan gudan doonno waajibkeenna. Xaaladdan waa mid nala soo darsay oo nagula qasbay, waxaana u hawlgalaynaa inaan is-difaacno, isla markaana aan badbaadinno qoysaskeenna iyo dalkeenna.”

Isagoo farriin kulul u diraya cidda uu ku sifeeyay cadowga Imaaraadka, ayuu yiri: “Imaaraadku waa dal soo-jiidasho leh, qurux badan, tusaalena u ah caalamka, balse yuusan qofna is-khiyaanin. Imaaraadku wuxuu leeyahay harag adag iyo hilib qaraar — suurtagal ma ahan in si fudud naloogu liqo,” isagoo mar kale adkeeyay ballanqaadkiisa ah in dalku uu dagaalkan kasoo bixi doono isagoo ka awood badan sidii hore.

28-kii bishii Febraayo, xukuumadda Iiraan ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ku garaacday Israa’iil iyo waddamada Khaliijka ee martigeliya saldhigyada iyo hantida milateri ee Mareykanka. Qaar ka mid ah weeraradan ayaa sababay khasaare nafeed iyo burbur xooggan oo soo gaaray xarumaha rayidka ah, oo ay ku jiraan dekedo iyo dhismayaal la-dego.

Xukuumadda Tehran ayaa ku doodeysa in weeraradani ay yihiin aargoosi toos ah oo ka dhan ah olole milateri oo ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil, kaas oo gudaha Iiraan ku dilay boqolaal qof, oo uu ku jiro Hoggaamiyihii ugu sarreeyay Iiraan, Aayatulaahi Cali Khamenei, iyo saraakiil sarsare oo dhanka milateriga ah.

Horraantii Sabtida, Madaxweynaha Iiraan Mascuud Pezeshkian ayaa fagaaraha ka ballanqaaday in Iiraan ay joojin doonto beegsiga ay ku hayso waddamada deriska ah, balse wuxuu shardi uga dhigay in aan dalalkaas dhulkooda laga soo qaadin wax weeraro ah oo ka dhan ah Iiraan.

Nin Pakistani ah oo isku dayey inuu dilo Donald Trump oo…

Washington (Caasimada Online) — Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa shaacisay in maalintii Jimcaha dambi lagu helay nin u dhashay dalka Pakistan, kaas oo laba sano ka hor qorsheynayay inuu khaarajiyo Madaxweyne Donald Trump iyo siyaasiyiin kale oo caan ka ah Mareykanka, isagoo fulinayay amar uga yimid dowladda Iiraan.

Asif Merchant ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu gudaha Mareykanka ka qoro dad fuliya qorshahan oo bartilmaameedsanayay Trump iyo mas’uuliyiin kale, taas oo ahayd aargoosi ka dhan ah dilkii ay Washington sanadkii 2020-kii ugu geysatay magaalada Baqdaad taliyihii sare ee milateriga Iiraan, Qaasim Suleymaani, xilligaas oo uu Trump ku jiray muddo-xileedkiisii koowaad.

Sida ay xaqiijiyeen dacwad-oogayaasha federaalka, bartilmaameedyada qorshahan ee sanadkii 2024-kii waxaa sidoo kale ka mid ahaa Madaxweynihii xilligaas xafiiska joogay ee Joe Biden iyo Nikki Haley, oo sanadkaas Trump kula tartantay magacaabista xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtooyada.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Waaxda Caddaaladda ayaa lagu sheegay in Asif lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin “isku-day dil oo lacag lagu bixinayo iyo abaabulka falal argagixiso oo ka gudbaya xuduudaha caalamiga ah,” kuwaas oo ay si toos ah u hagayeen hay’adaha dowladda Iiraan.

Dhageysiga maxkamadeynta ninkan oo ka dhacday degmada Brooklyn ee magaalada New York ayaa bilaabatay toddobaadkii hore, maalmo un ka hor intii uusan Madaxweyne Trump amrin duulaanka baaxadda leh ee ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan, kaas oo haatan isku beddelay dagaalkii ugu weynaa ee gobolka soo mara muddo sanado ah.

Qirashada eedeysanaha iyo fashilinta qorshaha

Intii ay socotay maxkamadeynta, Asif wuxuu qirtay inuu ku biiray qorshe ay soo maleegeen Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), balse wuxuu ku dooday inuu falkaas u sameeyay si qasab ah, si uu u badbaadiyo qoyskiisa oo ku sugan caasimadda Tehran.

Wuxuu intaas ku daray in aan marnaba la siin amar toos ah oo ku aaddan khaarajinta shakhsi gaar ah, balse sarkaalkii Iiraaniga ahaa ee hagayay uu magacaabay saddexdaas mas’uul intii ay ku guda jireen wadahadallo ay ku yeesheen magaalada Tehran.

Laamaha amniga ee Mareykanka ayaa fashiliyay qorshahan ka hor inta aan la fulin wax weerar ah. Sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladdu, shakhsi uu Merchant la xiriiray bishii Abriil ee sanadkii 2024 si uu uga caawiyo shirqoolka ayaa laamaha amniga ku wargeliyay dhaqdhaqaaqiisa, wuxuuna isku beddelay xog-bixiye qarsoodi ah oo la shaqeeya dowladda. Asif ayaa sanadkaas la xiray, isagoo markii hore maxkamadda horteeda ka qirtay inuusan wax dambi ah gelin.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ayaa door udub-dhexaad ah ku leh Iiraan, iyagoo isku darsaday awood milateri, mid dhaqaale, iyo shabakad sirdoon oo baaxad leh. Xukuumadda Tehran ayaa dhankeeda si adag u beenisay eedeymaha sheegaya inay bartilmaameedsatay Trump ama mas’uuliyiin kale oo Mareykan ah.

Dhanka kale, weerarada is-daba-joogga ah ee ay Mareykanka iyo Israa’iil qaadayeen tan iyo maalintii Sabtida ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan 1,332 qof oo shacab Iiraaniyiin ah, iyadoo kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyay safiirka Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay.

Dagaalkan ayaa sidoo kale lagu dilay hoggaamiyeyaal sare oo Iiraaniyiin ah, oo uu ku jiro Hoggaamiyihii ugu sarreeyay dalkaas, Aayatulaahi Cali Khamenei.

Dhinaca Mareykanka, taliska milateriga ayaa shaaciyay in lix ka mid ah ciidamadooda lagu dilay duqeyn lala beegsaday saldhig ku yaalla dalka Kuweyt, halka diiwaanka Israa’iil uu muujinayo in ugu yaraan 10 qof oo rayid ah lagu dilay gudaha dalkaas tan iyo markii ay colaaddu qaraxday.

Tirada dadka ku dhintay magaalada Nairobi oo korortay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa weli sii kordhaya khasaaraha dhimashada, dhaawaca iyo burburka ee ka dhashay roobab mahiigan ah oo habeen kahor ka da’ay magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya.

Roobabka ayaa dhaliyay khasaare baaxad leh, waxaana ay saameeyeen waddooyinka waa wayn iyo xaafadaha, iyadoo xaaladda ay faraha ka baxday.

Booliska Kenya oo weli wada gurmad ayaa haatan meelo kala duwan ka soo helay meydad horleh, taas oo kordhisay tirada dhimashada oo gaartay 23 qof.

Sidoo kale, wuxuu Boolisku sheegay in tirada ay intaasi kasii badan karo, maadaama dad badan  lagu la’yahay raq iyo ruux intaba, kuwaas oo ehelladooda ay ka baafinayaan baraha bulshada ee Internet-ka.

Khasaaraha ayaa waxaa sii badiyay markii ay biyuhu u gubeen xaafadaha Nairobi, waxaana sidoo kale xirmay biyo mariinadii waddooyinka Nairobi.

Xaafadda Islii oo ay ku badan tahay Soomaalida ayaa kamid ah meelaha ay ka jiraan xaaladaha adag, balse ilaa iyo hadda wax dhimasho ah lagama soo warin.

Dhinaca kale, ciidanka Milatariga Kenya oo watay gaadiidka waa wayn ayaa ka qayb-qaatay howlaha samatabixinta, waxaana la arkayay iyaga oo dadka liita ku qaadayay dhabarkooda, kadibna gawaaridooda ku geeyay meelo nabdoon.

Is-maamulka Nairobi ayaa waxaa si weyn loogu dhaleeceynayaan inuu wax ka qaban waysay dhibaatada adag ee haatan ka taagan magaaladaasi, isla markaana uu indhaha laga laabtay roobabkan oo horay looga sii dagay.

Si kastaba, roobabka ayaa la saadaalinayaa inay sii socdaan, iyadoo Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ay si joogta ah u direyso farriimo la xiriira halista ka imaan karta roobabka da’aya iyo inay ka taxadaraan dadka shacabka ah.

 

23 rux meydad kala kaso heya lamaana, dadka wlei raq iyo ruux lag l’ahay