27.3 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Dowladda oo shaacisay inay hirgelinayso dastuurka cusub ee la ansixiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib ansixinta dhameystirka wax ka beddelka dastuurka KMG ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay hirgelinayso, xilli weli muran xooggan ka taagan yahay arrintan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ay guda-galayso wejiga hirgelinta iyo dhaqan-galka qodobbada dastuurka ee ay dhawaan ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa ansixinta dastuurka cusub ku tilmaamtay guul taariikhi ah oo dalka ka saaraysa nidaamkii KMG ahaa, isla markaana hadda la joogo xilligii tallaabadaas loo beddeli lahaa ficil dhab ah.

“Ansixinta dastuurka waa tallaabo taariikhi ah oo lagu qabyo-tiray dastuurkii KMG ahaa, looguna saldhigay heshiis bulsho oo kala asteynaya awoodaha iyo waajibaadka heerarka hay’adaha federaalka ah, isla markaana xoojinaya dowlad-wanaagga, isla xisaabtanka iyo wadajirka qaranka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ansixinta dastuurka ay astaan u tahay marxalad cusub oo lagu xaqiijinayo dowlad ku dhisan sharci adag iyo kalsooni dadweyne.

Tani ayaa la sheegay inay saldhig u tahay shaqada wasaaradda ee ku aaddan helidda maamullo ku yimaada rabitaanka bulshada, horumarinta nidaamka federaalka iyo xoojinta dib-u-heshiisiinta.

Sidoo kale, waxaa la xusay in tallaabadan ay gacan ka geysan doonto adkeynta midnimada bulshada iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo shaqeynaya.

Dowladda Federaalka ayaa hirgelinta dastuurka cusub u aragta mid dhabaha u xaaraya qabsoomidda doorasho dadweyne, isla markaana meesha ka saaraya hanaankii hore, arrintaas oo si weyn ugu kala aragti duwan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland.

Shalay ayuu Baarlamaanka Soomaaliyeed cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka dalka, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka taagneyd xiisad xooggan, waxaana weli diidan Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.

Madaxweynaha oo xalay la hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ansixinta dhammaystirka dastuurka KMG ah, isaga oo boggaadiyay tallaabadan ay  xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ku ansixiyeen dastuurka dalka, kuna tilmaamay mid taariikhi ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag, waxaana taagan khilaaf ka dhashay doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka la ansixiyay, oo si adag u diidan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Waare oo jawaab kulul siiyay FARMAAJO oo sheegay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, haatana ah ku-xigeenka xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD ayaa u jawaabay madaxweyne hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku hadal-qabsaday xilli uu ka hadlayay dhacdadii 2019-kii lagu hor istaagay diyaaraddii siday madaxweynayaashii hore ee xilligaas oo kusii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Farmaajo oo markii ugu horeysay xalay faahfahiyay dhacdadaasi ayaa iska fogeeyay inuu ku lug lahaa falkii lagu celiyay diyaaraddii siday Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xiligaas mucaarad ku ahaa dowladdiisa.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ku dooday in arrinta ay ka dhalatay biyo ku jiray garoonka, balse la siyaasadeeyay, isaga oo intaas ku daray in garoonka Beledweyne aysan maamuleyn dowladdu, ayna gacanta ku hayeen saraakiisha ciidanka Jabtuuti oo iyagu soo saaray warbixinta.

“Waxaa laga yaabaa inay dad leeyihiin madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo isagu laftiisu diyaarad ay la socdeen madaxweyneyaal uu celiyay taas oo u socotay Beledweyne waxaa la’isku khaldaayaa wax tiknikaal ah wax siyaasadeed, taas marka aan saxo ileen beenta lagu soo cel-celiyo marka dambe run ayay noqotaa” ayuu yiri madaxweynihii 9-aad ee dalka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Arrintaas madaxweynayaasha 2019-kii dhammaadkeeda markaas ay dhacday ma ahayn arrin siyaasad ee roobab badan, biyo bax iyo fatahaad ayaa ku dhuftay magaalada Beledweyne. Marka ay arrintaas foosha xun dhacday oo hadda ka tacsiyeynaayo laftigeeda ayaa waxaan la hadlay Maxamed Cabdi Waare oo ahaa madaxweynihii HirShabelle oon ku iri arrinatn maxay tahay madaxweyne?, isagana xaqiiqatan qayb kama ahayn, wuxuuna sheegay in biyo ay galeen garoonka markii loo sheegay madaxdana ay ka biyo diideen arrintaas”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Maxamed Cabdi Waare oo qoraal soo saaray, wuxuuna sheegay in Farmaajo uusan ka run sheegin dhacdadaas, isla markaana uu soo qaatay kaliya intii ka anfaceysay, balse ka qoto dheertahay intaasi.

“Marka qofka la horgeeyo maxkamad Mareykanka waxaa lagu dhaariyaa ‘inaad runta sheegeyso, runta oo dhan aad sheegeyso, runta kaliya aad sheegeyso’!. Madaxweynuhu arrintaan intii isaga ka anfaceysay ayuu ka sheegay, sida ugu qurxaneedna waa ugu sheegay laakiin intaa waa ka qoto dheertahay” ayuu ku jawaabay Waare.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay inuu dib ka sheegi doono sida runta ah ee ay wax u dhaceen, uuna u faahfaahin doono shacabka. “Waqtigeeda ayaan faahfaahin doonaa, Insha Allaha”. ayuu kusii daray Maxamed Cabdi Waare.

Golaha wasiirada oo maanta ansixiyay 7 heshiis iyo safiirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay heshiisyo caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal, kuwaas oo muhiim u ah dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed laga soo saaray kulanka.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa guddoomiyay shirka, waxaana si buuxda uga qayb-galay xubnaha Golaha Wasiirrada oo cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay todobo heshiis oo lala soo galay dowlado kala duwan, waxa ayna kala yihiin;-

1- Heshiis is-afgarad oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka Baasaboorka Diblumaasiga kaasi oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan.

2- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka kuna saabsan arrimaha caafimaadka.

3- Heshiis is-afgarad oo ku saabsan Habraaca dib-u-eegista iskaashiga dalalka Afrika.

4- Heshiiska 1965 ee fududeynta Socdaalka Caalamiga ah ee Gaadiidka Badda (Fal 1965).

5- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isbaaniya kuna saabsan wadatashiyada siyaasadeed, iyo Xeer-nidaamiyehiisa.

6- Heshiis u dhaxeeya Soomaaliya iyo hey’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka ee ku saabsan dhaqangalinta dammaanadaha la xiriira heshiiska ka hortagga ee faafitaanka hubka niyuukleerka, iyo barakatooladiisa dheeraadka ah.

7- Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka Ganacsiga sharci Darrada ah ee Daawooyinka Maanka dooriya iyo kuwa maanka saameeya, 1988.

8- Siyaasadda Maareynta wax-qabadka mideysan ee hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa maanta kulankooda ku ansixiay in safiirrinimo loo dalacsiiyo labo mas’uul oo kala ah Mudane Aadan Isaaq Cali iyo Mudane Cabdifataax Sh Axmed Cabdimannaan.

Danjireyaasha la magacaabay laguma qorin dalal, waxaase loo dalacsiiyay derajada Safiirnimo, sida ku cad qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda uga hadlay amniga dalka, gurmadka xaaladda abaaraha, hawlgaladdii ugu dambeeyay ee ciidamadda xoogga dalka ay kula wareegeen deegaanno horleh, iyo warbixinno ku saabsan nidaamka casriyaynta dowladda iyo dardargalinta adeeg bixinta dowladda.

Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan isugu yeeray labada Aqal + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah isugu yeeray xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka, kaas oo la qorsheeyay in caawa uu ka dhacayo magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka ayaa xilliga afurka ka qabsoomi doona xarunta madaxtooyada qaranka, iyada oo ujeedada lagu sheegay inuu madaxweynaha uga mahadcelinayo xildhibaanada iyo senatorrada kaalintii ay ku lahaayeen hannaanka dhammaystirka dastuurka oo muddo 14 sano ah laga shaqeynayay.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa xildhibaannada u jeedin doono khudbad uu uga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo ansixinta wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah, sida lagu sheegay farriin loo diray xubnaha labada Gole.

Shalay ayuu Baarlamaanka Soomaaliyeed cod aqlabiyad leh ku meel mariyay wax ka beddelka dastuurka dalka, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka taagneyd xiisad xooggan, waxaana weli diidan Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.

Madaxweynaha oo xalay la hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ansixinta dhammaystirka dastuurka KMG ah, isaga oo boggaadiyay tallaabadan ay  xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ku ansixiyeen dastuurka dalka, kuna tilmaamay mid taariikhi ah.

“Dhammaan dadka Soomaaliyeed maanta waa maalin taariikhi ah oo ku suntan dhameystirka dastuurka qaranka iyo gaba-gabeynta rasmiga ah ee marxaladdii KMG aheyd ee muddada dheer soo jiitamaysay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Maanta waa maalin lagu xasuusan doono hanashada guul qaran oo muddo dheer la sugayay, taas oo naga saartay ku-meel-gaarnimadii, noona horseeday hanashada hanaan dowladnimo oo ku qotoma saldhig sharciyeed oo adag.”

Dastuurka ayuu sheegay madaxweynuhu inuu soo maray geeddi-socod dheer oo dib-u-eegis iyo wax ka beddel ah. “Tan iyo xornimadii 1960-kii, Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan oo ku saleysan dastuur iyo nidaam dowladeed.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag, waxaana taagan khilaaf ka dhashay doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka la ansixiyay.

Mucaaradkii la heshiiyay Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkooda ansixinta dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Samata-bixinta ee horay heshiiska ula gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan wadajir ah soo saaray ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay shalay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnahan oo kala ah madaxweynihii Hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya, Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa si weyn usoo dhaweeyay dhammaystirka dastuurka, iyaga oo uu mahadceliyay madaxweynaha iyo baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay bayaankooda ku sheegeen in tallaabadan ay muujineyso biseyl siyaasadeed, iyaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta kale ee mucaaradka in ay fiiriyaan danta guud iyo horumarka dalka.

“Waxaan u aragnaa tallaabadan mid muujinaysa bisayl siyaasadeed, dhowrista heshiisyada qaran iyo xoojinta nidaamka dimuqraadiga ah ee ku dhisan wada-tashi iyo isla xisaabtan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran:-

BAYAAN WADAJIR AH, Ku Saabsan Ansaxinta dhameystirka iyo Wax-ka-beddelka Dastuurka

Taariikh: 04/03/2026
Goob: Muqdisho, Somalia

Annagoo ah Xubnaha Golaha Samata-bixinta ee hore heshiis ula gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya arrimaha la xiriira wax-ka-beddelka Cutubka 4aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, gaar ahaan qodobada hoos ku xusan:

1- In nidaamka dowladnimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu sii ahaado nidaam Baarlamaani, iyadoo Madaxweynaha ay doortaan Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

2- In Ra’iisul Wasaaruhu helo kalsoonida Baarlamaanka, isla markaana Baarlamaanku xaq u leeyahay inuu kala noqdo kalsoonidaas si waafaqsan Dastuurka.

3- In tirada Xisbiyada Qaranka aan lagu xaddidin saddex (3), si loo xaqiijiyo furfurnaan siyaasadeed, tartan dimuqraadi ah, iyo matalaad ballaaran.

Waxaan si wadajir ah u hambalyeyneynaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Baarlamaanka Federaalka, oo ansaxiyay dhammaystirka wax-ka-beddelka Dastuurka, kuwaas oo ay ku jiraan qodobadii aan hore heshiiska uga gaarnay Dowladda.

Waxaan u aragnaa tallaabadan mid muujinaysa bisayl siyaasadeed, dhowrista heshiisyada qaran iyo xoojinta nidaamka dimuqraadiga ah ee ku dhisan wada-tashi iyo isla xisaabtan.

Sidoo kale, annagoo aaminsan in Dastuurku yahay dokumenti nool oo la jaanqaadi kara duruufaha iyo baahiyaha isbeddelaya ee bulshada, waxaan soo jeedinayaa in Dowladda Federaalka ay sii waddo wadahadal iyo wada-tashi qaran oo furan oo lala yeesho kooxaha mucaaradka iyo dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan qodobada ay u arkaan in ay u baahan yihiin dib-u-eegis dheeraad ah.

Waxaan ku boorrineynaa dhammaan dhinacyada siyaasadeed in ay ka hormariyaan danaha qaranka kala aragti duwanaanta, isla markaana ay ka shaqeeyaan xasillooni siyaasadeed,
midnimo qaran, iyo hirgelinta dastuur loo dhan yahay.

Waxaa bayaankan si wadajir ah u soo saaray:

1. Mudane Shariif Xassan Sh. Aadan – Guddoomiyihii Hore ee Barlamaanka Somalia iyo Madaxweynihii Hore ee Koonfur Galbeed.

2. Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke – Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Somalia.

3. Danjire Daahir Maxamuud Geelle – Wasiirkii Hore ee Warfaafinta.

Dowlad goboleedkii ugu horreeyey oo soo dhoweysay dhameystirka dastuurka

Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa si diirran u soo dhaweysay, soona saartay dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan go’aanka taariikhiga ah ee uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya cod aqlabiyad ah ugu ansixiyay dhameystirka Dastuurka dalka, kaas oo si rasmi ah meesha uga saaray marxaladdii Dastuurka Ku-meelgaarka ahaa ee dalku ku soo shaqeynayay.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada Hirshabelle ayaa tallaabadan lagu tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, taas oo horseedaysa xasillooni siyaasadeed, horumar dhaqaale, hufnaan iyo nidaam dowladnimo oo taam ah.

Maamulka ayaa xusay in go’aankani uu ka turjumayo rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha dowladnimo waarta iyo xoojinta midnimada qaranka.

“Waxaan ku bogaadinaynaa shacabka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan hay’adaha dowladda dadaalka iyo go’aanka geesinimada leh ee lagu xaqiijiyey guushan,” ayaa lagu yiri bayaanka Hirshabelle, iyagoo intaas ku daray inay si buuxda u garab taagan yihiin dadaallada lagu dhisayo dowladnimada, ilaalinta sharafka iyo karaamada qaranka Soomaaliyeed.

Soo dhaweynta Hirshabelle ayaa imanaysa waxyar kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, uu xalay khudbad isugu jirta bogaadin iyo dhiirigelin u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ansixinta dhameystirka Dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tallaabada ay Xildhibaannada labada Aqal qaadeen ku sifeeyay mid taariikhi ah, isagoo yiri: “Dhamaan dadka Soomaaliyeed maanta waa maalin taariikhi ah oo ku suntan dhameystirka dastuurka qaranka iyo gaba-gabeynta rasmiga ah ee marxaladdii KMG aheyd ee muddada dheer soo jiitamaysay”. Wuxuu intaas ku daray in tani ay tahay guul qaran oo muddo dheer la sugayay, taas oo dalka u horseedaysa hanaan dowladnimo oo ku qotoma saldhig sharciyeed oo adag.

Madaxweynaha ayaa dib u xasuusiyay umadda in Dastuurku uu soo maray geeddi-socod dheer oo dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel ah.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay in 14-kii sano ee lasoo dhaafay uu dalku ku shaqeynayay nidaam kumeel-gaar ah, kaas oo noqday dabar sharciyeed iyo caqabad weyn oo hor istaagtay xaqiijinta xasillooni buuxda oo dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ahba leh.

Inkastoo ay dowladda iyo xulafadeedu u dabaaldegayaan guushan, haddana ansixinta Dastuurka ayaa dhalisay falcelin xooggan iyo diidmo qayaxan oo kasoo yeertay xubnaha mucaaradka iyo qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada.

Isbahaysiga mucaaradka ah ee loo yaqaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si adag u qaadacay wax-ka-beddelka Dastuurka ee la ansixiyay, iyagoo ku dooday in geeddi-socodku uu ka hor-imaanayo habraacyada dastuuriga ah iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka, isla markaana uusan helin aqlabiyaddii loo baahnaa ee laba-meelood saddex meel (2/3) labada aqalba.

Golahan ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda cadaadis siyaasadeed, cabsigelin, iyo laaluushasho, iyagoo xusay in xildhibaanno badan laga hor istaagay inay ka qayb-galaan doodaha. Waxay caddeeyeen inay sii wadi doonaan aqoonsiga Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa ee 2012-kii inuu yahay sharciga rasmiga ah ee dalka, ilaa laga helayo geeddi-socod loo dhan yahay.

Xogta dhismaha dekedda Hobyo iyo qorshaha Itoobiya

Hobyo (Caasimada Online) — Soomaaliya ayaa si xawli ah horay ugu riixeysa dhismaha deked istaraatiiji ah oo laga hirgelinayo magaalada qadiimiga ah ee Hobyo. Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu yareeyo ciriiriga iyo is-buurashada ka jirta dekedaha kale ee dalka, in lagu soo jiito ganacsiga waddanka Itoobiya, iyo in dalku dib u hanto maamulka xeebihiisa mudada dheer dayacnaa.

Mas’uuliyiinta gacanta ku haysa mashruucan ayaa xaqiijiyay in dhismaha dekedda Hobyo uu si habsami leh u socdo, inkastoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin xiisado siyaasadeed, walaac dhanka amniga ah, iyo loolan adag oo u dhexeeya dekedaha kale ee gobolka Geeska Afrika.

Waxaa haatan goobta la gaarsiiyay qalab culus iyo agabkii asaasiga ahaa ee dhismaha, iyadoo xeebta bartamaha Hobyo laga dheehan karo cagafyo iyo wiishash waaweyn oo habeen iyo maalin shaqeynaya. Arrintan ayaa si cad u muujineysa in mashruucu uu si dhab ah uga soo gudbay wajigii naqshadeynta, uuna galay wejigii dhismaha tooska ah.

Horumarkan ayaa ah mid si gaar ah xusid mudan, marka loo eego in mashaariicda waaweyn ee dalka Soomaaliya ay inta badan u curyaamaan ama u xayirmaan arrimo la xiriira kaabeyaal xumo, khataro amni, iyo qalalaase siyaasadeed.

Cabdirisaaq Maxamed oo ka tirsan Shirkadda Maalgashiga Hobyo ee loo soo gaabiyo HICO ayaa wargeyska The Africa Report u sheegay in mashruucu uu si sax ah ugu socdo waqtigii loogu talagalay. Wuxuu xusay in kooxdooda heeganka ah ay si hagar la’aan ah u shaqeynayaan si dhismaha dekedda loo dardargeliyo.

Shirkadda HICO ayaa saami dhan boqolkiiba toddobaatan ku leh horumarinta mashruucan, halka boqolkiiba soddonka soo haray ay leedahay shirkad dhismo oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Metag Holding. Shirkaddan shisheeye ayaa maamuleysa dhammaan dhinacyada farsamada, taas oo muujineysa nidaam isku dhafaya raasamaalka maxalliga ah iyo khibradda injineernimada caalamiga ah.

Khubarada dhaqaalaha iyo taageerayaasha mashruucan ayaa aaminsan in Hobyo ay dib u sawiri doonto khariidadda badda ee Soomaaliya.

Waxaa la aaminsan yahay in dekeddan cusub aysan si toos ah ula tartami doonin dekedaha horay u dhisnaa ee Muqdisho, Boosaaso iyo Berbera, balse ay dhammaystiri doonto baahida jirta, iyadoo kordhineysa awoodda guud ee xamuulka maadaama ganacsiga gobolku uu sii kordhayo.

Sidoo kale, dhul-badeedka Hobyo ayaa waddo cusub u fureysa Itoobiya oo ah waddan aan bad lahayn, si weynna ugu tiirsan dekedda Jabuuti. Falanqeeyayaasha ayaa tilmaamaya in masaafada Hobyo ay u jirto xuduudda ay siin karto xukuumadda Addis Ababa waddo beddel ah, taas oo hoos u dhigi karta kharashka daabulidda badeecadaha, meeshana ka saari karta ku tiirsanaantii xad-dhaafka ahayd ee hal deked.

Doorka taariikhiga ah ee Hobyo ayaa iyaduna qeyb weyn ka qaadaneysa soo jiidashada mashruucan. Qarniyo badan ayay magaaladu ahayd xarun ganacsi iyo marin dabiici ah oo isku xira Soomaaliya, Yemen iyo suuqyada kale ee gobolka.

Dhaqaaleyahan Yaxye Caamir ayaa xusuustay in xilligii uu carruurta ahaa ay Hobyo u adeegi jirtay deked macmal ah oo nolol siisa bartamaha Soomaaliya, halkaas oo doonyo yar yar ay alaabaha uga kala gudbin jireen maraakiibta badda fadhiya iyo ganacsatada berriga.

Hadafka maanta waa in dhaxalkaas taariikhiga ah loo beddelo xarun weyn oo casri ah oo leh biyo mool dheer, xamilina karta maraakiibta xamuulka ee waaweyn, si kor loogu qaado dhaqaalaha maamul-goboleedka Galmudug iyo guud ahaan dalka.

Dhanka kale, Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah Agaasimaha Machadka Daraasaadka Istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, ayaa dekedda Hobyo ku sifeeyay inay tahay xudun muhiim u ah juqraafi siyaasadeedka gobolka, isagoo ku macneeyay inay ku taallo waddooyinka ugu muhiimsan ee Badweynta Hindiya.

Wuxuu intaas ku daray in himilada mashruucu aysan ku ekaan doonin oo kaliya kunteenarro la dejiyo. Maadaama shirkado Turki ah ay wadaan sahan la xiriira shidaal iyo gaas oo laga baarayo xeebaha u dhow Hobyo, dekeddu waxay mustaqbalka isku beddeli kartaa xarun weyn oo lagu keydiyo laguna iibgeeyo tamarta, taas oo saameyn lixaad leh ku yeelan doonta gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, rahmaddan iyo rajadan wanaagsan ayaa wadata halisteeda. Mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee xajmigan leh ayaan inta badan ka hirgelin Soomaaliya iyada oo aanu dhicin is-qabqabsi siyaasadeed.

Khubarada ayaa ka digaya in mashruuc kasta oo leexinaya waddooyinkii soo jireenka ahaa ee ganacsiga, gaar ahaan xamuulka Itoobiya, uu hubaal abuurayo cadow cusub, isagoo caqabad ku ah kaligi-talisnimada dekedaha kale iyo saameynta siyaasadeed ee la socota.

Cumar Maxamuud, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah (ICG), ayaa aaminsan in Hobyo ay qayb ka tahay olole xooggan oo loogu jiro gacan-ku-haynta xeebta Soomaaliya ee dhererkeedu dhan yahay saddexda kun ee kiiloomitir. Loolankan ayaa dhinacyada kala duwan ku riixaya inay dedejiyaan mashaariicdooda si aysan dibadda uga joogin faa’iidada dhaqaale ee ka dhalan karta ganacsiga Itoobiya.

Ugu dambeyn, inkastoo horumar la sameeyay, haddana amniga ayaa weli ah caqabad taagan. Hobyo waxay ku taallaa biyo mar astaan u ahaan jiray burcad-badeedda Soomaalida oo gaaray heerkoodii ugu sarreeyay intii u dhaxeysay sanadihii laba kun iyo siddeed ilaa laba kun iyo laba iyo toban.

Falanqeeye Cabdinaasir Iidle ayaa ka digay in inkasta oo ay hoos u dhacday dhibaatada burcad-badeedda, haddana ay mararka qaar dhacaan afduubyo goos-goos ah.

Wuxuu ku taliyay in si dekeddu ay u soo jiidato shirkadaha maraakiibta caalamiga ah ee waaweyn, ay lagama maarmaan tahay in la helo maalgashi joogto ah oo lagu sameeyo ilaalada xeebaha iyo xoojinta isku-xirka ciidamada badda, haddii kale maalgashadayaasha ayaa ahaan doona kuwo taxaddar weyn muujiya. 

Israa’iil oo la ogaaday inay ka dambeysay qaar ka mid ah weeraradii dalalka Khaliijka

Tehran (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Iiraan ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay fulisay qaar ka mid ah duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lala beegsaday xarumaha tamarta iyo goobaha rayidka ee Gacanka Carbeed.

Mas’uuliyiintan ayaa weeraradaas ku tilmaamay qorshe si taxaddar leh loo agaasimay oo ujeeddadiisu tahay in lagu abuuro caro goboleed, dalalka Carabta-na lagu soo jiido dagaalka ka dhanka ah xukuumadda Tehran.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan oo la hadlay wargeyska Middle East Eye ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay ka dambeysay dhowr weerar oo diyaaradaha is-miidaamiya ah oo lagu qaaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, wuxuuna sidoo kale sheegay inay mas’uul ka ahaayeen ugu yaraan mid ka mid ah weeraradii lagu qaaday dalka Cumaan. Sarkaalkan oo codsaday inaan magaciisa la xusin ayaa si cad u sheegay in qaar ka mid ah weeraradaas aysan fulin Iiraan.

In kasta oo sarkaalku uu diiday inuu carabaabo weerarada gaarka ah ee ay Israa’iil qaadday, haddana Sacuudi Carabiya ayaa ugu yaraan shan jeer lagu garaacay diyaarado Drones ah iyo gantaallo, iyadoo goobaha la bartilmaameedsaday ay ka mid yihiin Saldhigga Cirka ee Prince Sultan, warshadda sifeynta shidaalka ee Ras Tanura, iyo safaaradda Mareykanka ee Riyaad.

Sidoo kale, Dekedda Duqm ee dalka Cumaan, oo ah xarun weyn oo ay Ciidamada Badda Mareykanku si joogto ah u isticmaalayeen tan iyo sanadkii 2019, ayaa la beegsaday labo jeer.

Sarkaalka Iiraaniga ah ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo haddii kooxo wakiilo ka ah Iiraan ay ku lug lahaayeen weerarada, balse ilaa iyo maalintii Arbacada, kooxaha Shiicada Ciraaq ayaan fulin wax weeraro ah oo ka gudbaya xuduudaha, iyagoo jawaabtooda ku koobay oo kaliya bartilmaameedyada Mareykanka ee gudaha Ciraaq.

Dhanka kale, Iiraan ayaa bartilmaameedsanaysay danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe tan iyo maalintii Sabtida, taas oo ah aargoosi ka dhan ah weerar baaxad leh oo ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil oo sababay geerida Hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan, Aayatulaahi Cali Khamenei.

Wejigii koowaad ee weerarada ayaa diiradda lagu saaray xarumaha milateri ee Mareykanka, balse dalalka Khaliijka ayaa soo sheegay in Iiraan ay markii dambe ballaarisay bartilmaameedyadeeda, iyadoo weerartay kaabayaasha rayidka sida hoteelada, garoomada diyaaradaha, iyo xarumaha tamarta. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Iiraan ayaa fagaaraha ka beeniyay inay beegsadeen xarumaha tamarta ee Khaliijka.

Dagaalkan oo galay maalintiisii lixaas ayaa si ba’an u dhaawacay awooddii ay Sacuudiga iyo Qatar u lahaayeen dhoofinta shidaalka iyo gaaska, wuxuuna gabi ahaanba burburiyay sumcaddii magaalada Dubai ee ahayd in ay tahay meel ammaan u ah ajaanibta.

Laba ilo-wareed oo kale oo Iiraaniyiin ah ayaa sheegay in hay’adda sirdoonka dibadda ee Israa’iil (Mossad) ay fulisay qaar ka mid ah weerarada Drones-ka, iyagoo intaas ku daray in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay ogaatay dhaqdhaqaaqa sirdoonka Israa’iil ee gudaha ciidda Iiraan.

Waxay sheegeen in mas’uuliyiintu ay ku guda jiraan hawlgalo lagu baadi-goobayo bakhaarrada ay Mossad u adeegsato keydinta diyaaradaha Drones-ka, iyadoo Iiraan ay ka go’an tahay inay soo afjarto dhammaantood.

Mid ka mid ah xog-ogaalada ayaa xusay in aysan la yaab ku noqon doonin haddii bakhaarro iyo qolal hawlgal oo noocan ah ay ku yaallaan dalal kale oo gobolka ah, kuwaas oo Israa’iil ay u isticmaasho in ay kaga soo qaaddo weeraro ka dhan ah dalalka Khaliijka ee deriska la ah Iiraan.

Mossad ayaa lagu yaqaanaa in ay shabakad qoto dheer oo isugu jirta wakiilo, xog-bixiyeyaal, iyo saad ka dhisatay gudaha Iiraan, taas oo u sahashay in ay fuliso weeraro xiriir ah oo ka dhan ah bartilmaameedyo aad u muhiim ah.

Weeraradii hore ee sirdoonkan ayaa waxaa ka mid ahaa khaarajinta saynisyahan sare oo Iiraani ah oo lagu dilay waddo cidla ah isagoo ku socdaalayay xawaare sare, iyadoo la adeegsaday qori darandoorri u dhaca oo laga hago meel fog; weeraro dhanka internet-ka ah oo lagu qaaday kombiyuutarrada maamula qaybaha muhiimka ah ee barnaamijka nukliyeerka Iiraan; iyo xatooyada kayd xogeed oo ku saabsan dukumiintiyo nukliyeer ah.

Sarkaal kale oo Iiraani ah ayaa sheegay in Iiraan ay fariin cad u dirtay Sacuudiga, taas oo ay ugu caddaynayso in aysan ka dambayn weeraradii lagu qaaday xarunta Ras Tanura ee shirkadda Saudi Aramco, taas oo ah warshadda sifeynta shidaalka ee ugu weyn boqortooyada, ahna marin muhiim u ah dhoofinta saliidda ceyriin.

Sarkaalka ayaa intaas raaciyay in kani uu yahay isku day ay Israa’iil ku doonayso inay ku carqaladeyso nabadda gobolka iyo isbaheysiga dalalka deriska ah. Ilo-wareedyadan ayaa u hadlay si qarsoodi ah maadaama aan loo oggolayn in ay la hadlaan warbaahinta.

Qirashadan ayaa Iiraan u horseedi karta fadeexad weyn, hal sano un kadib markii mas’uuliyiinta Israa’iil ay baahiyeen muuqaallo muujinaya wakiilada Mossad oo gudaha Iiraan ku rakibaya gantaallo iyo diyaarado Drones ah oo is-qarxiya. Hase yeeshee, hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli caasimadaha Khaliijka Carabta ay wajahayaan cadaadis sii kordhaya oo kaga imanaya Mareykanka si ay ugu biiraan ololaha dagaalka ee ka dhanka ah Tehran.

Baaqyadan oo qaarkood ay hoggaaminayso Isutagga Imaaraadka Carabta oo ka dhex ololeynaysa lixda waddan ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), ayaa ku boorrinaya dalalka Carabta inay qaadaan tallaabooyin is-difaacid ah oo ka dhan ah Iiraan.

Intii uu socday kulan muuqaal ah oo ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee GCC maalintii Axadda, waxay sheegeen in ikhtiyaarka ah in laga jawaabo weerarada Iiraan si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka uu wali miiska saaran yahay.

Maalintii Arbacada, Madaxweynaha Iiraan Mascuud Pezeshkian ayaa isku dayay inuu dejiyo walaaca Khaliijka, isagoo sheegay in Tehran ay ixtiraamayso madax-bannaanida dalalka deriska ah balse ay kaliya isdifaacayso.

Wuxuu yiri in boqorrada iyo madaxda dalalka saaxiibada iyo deriska ah ay ogyihiin in Iiraan ay kala shaqeysay sidii diblomaasiyad looga baaqsan lahaa dagaal, balse gardarrada milateri ee Mareykanka iyo Sahyuuniyadda ay ka dhigtay mid aan haysan doorasho aan ka ahayn in ay is-difaacaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida dalalkaas, ayna aaminsan yihiin in amniga iyo xasilloonida gobolka lagu gaari karo oo kaliya dadaal wadajir ah oo ay sameeyaan dalalka gobolka.

Sida uu sheegay Seyed Emamian, oo ah bare-sare oo ka tirsan Jaamacadda Farsamada ee Tehran, marka la eego geeddi-socodka dheer iyo dhibta badan ee ay Iiraan iyo dalalka Khaliijku u mareen hagaajinta xiriirkooda diblomaasiyadeed, waxaa jirta suurtagalnimo weyn oo ah in Israa’iil ay ka dambeysay dhowr ka mid ah weerarada si ay u kordhiso qalalaasaha.

Wuxuu intaas ku daray in Israa’iil ay u xusul-duubayso in weeraradan ay ku burburiso xiriirka laba geesoodka ah ee Iiraan ay la dhisatay dalalka Carabta ee Khaliijka.

Emamian ayaa sheegay in Iiraaniyiintu ay mar walba ku dhawaaqaan inay weerarayaan saldhigyada Mareykanka iyo Israa’iil, balse weerarada lagu qaaday xarumaha rayidka iyo kuwa aan Mareykanka ahayn ay yihiin kuwo ay fuliyeen Israa’iiliyiintu ama marmar dhif ah ay sababeen khaladaad farsamo.

Tan iyo markii uu dagaalku qarxay, dhowr mas’uul oo sarsare oo ka tirsan dalalka Khaliijka ayaa si is-daba-joog ah ugu baaqay is-xakameyn, iyadoo mas’uuliyiinta Sacuudigu ay xulafadooda u sheegeen inay ka fogaadaan qaadashada tallaabo kasta oo kicin karta jawaab ka timaada Tehran ama wakiiladeeda, taas oo gobolka ku riixi karta dagaal baahsan.

Waxaa sidoo kale Sacuudi Carabiya gudaheeda kusii kordhaya codadka ugu baaqaya boqortooyada iyo ururka GCC in aan la sabaaxsan oo aan dagaalka lagu soo jiidin.

Cabdulcasiis Altuwaijri, oo ah siyaasi rug-caddaa ah oo u dhashay Sacuudiga, ahna xoghayaha guud ee Ururka Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Adduunka Islaamka, ayaa maalintii Talaadada sheegay in beegsiga is-daba-joogga ah ee lagu hayo xarumaha Sacuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka isagoo la adeegsanayo Drones-ka uu abuurayo shaki badan oo dhaafsiisan Iiraan.

Wuxuu caddeeyay inuu si adag u rumeysan yahay in maamulka Sahyuuniyadda ee Israa’iil uu doonayo inuu dalalkan dagaalka kusoo jiido si uu u geysto burbur hor leh, u dhaawaco dhaqaalaha, uuna u wiiqo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Qatar, Xamad bin Jaasim bin Jaber Al Thani, ayaa isna si is-daba-joog ah ugu boorriyay GCC in aysan ku dhicin dabin dagaal oo toos ah oo lala galo Iiraan.

Wuxuu horraantii toddobaadkan sheegay in ay jiraan awoodo doonaya in waddamada goluhu ay si toos ah ugu dhex milmaan dagaalka Iiraan, iyagoo og in isku-dhaca hadda u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah, iyo Iiraan, uu aakhirka dhammaan doono.

Wuxuu ka digay in isku-dhac toos ah oo dhexmara waddamada Khaliijka iyo Iiraan, haddii uu dhaco, uu dhiig-bax ku ridi doono kheyraadka labada dhinac, wuxuuna fursad siin doonaa awoodo badan si ay gobolka u maamulaan iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya in ay caawinayaan si xiisadda looga baxo.

Wuxuu raaciyay in waddamada goluhu aysan lahayn doorasho aan ka ahayn in ay gacan midaysan ku wajahaan gardarro kasta oo ka dhan ah, iyagoo diidaya isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu qasbo ama lagu baado.

Sina Toosi, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Golaha Qaranka ee Iiraaniyiinta Mareykanka, ayaa sheegay in Israa’iil ay muddo dheer raadinaysay inay dalalka Khaliijka si toos ah uga horkeento Iiraan, iyadoo si joogto ah ugu sawiraysa Tehran inay tahay khatarta ugu weyn ee gobolka.

Toosi ayaa sheegay in marka laga eego aragtidaas, xiisad kasta oo jilayaasha Khaliijka soo gelisa isku-dhac toos ah oo lala yeesho Iiraan ay u adeegi doonto danaha istaraatiijiyadeed ee Israa’iil, iyadoo dagaalka ka dhigaysa mid goboleed, Tehran-na go’doomin hor leh gelinaysa.

Wuxuu xusay in qaab-dhaqanka Iiraan ee ku wajahan dalalka Khaliijka sanadihii u dambeeyay uu guud ahaan ahaa mid si weyn loo miisaamay.

Toosi ayaa intaas ku daray in Tehran ay leedahay dhiirigelin ay cadaadis ugu saarto danaha Mareykanka ayna ku muujiso awoodeeda goboleed, balse ay sidoo kale maalgashi xooggan ku samaysay soo celinta xiriirkii ay la lahayd dalalka deriska ah ee Khaliijka, gaar ahaan Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in dagaal aan la xakameyn karin oo lala galo dalalka Khaliijka uu halis ku yahay inuu wiiqo guulahaas diblomaasiyadeed, uuna dagaalka u ballaariyo qaab dhaawac weyn u geysan kara Iiraan.

Daawo: Sidee shacabka uga fal-celiyay ansixinta dastuurka cusub ee dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo la hadlay Telefishinka Somali Cable ayaa si weyn usoo dhaweeyay meel-marinta dastuurka Soomaaliya oo ay shalay u codeeyeen labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib wax ka beddel wayn oo lagu sameeyay.

Dadweynahan oo ay ka muuqatay farxad iyo reereen ayaa u mahadceliyay Baarlamaanka iyo madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin go’aanka Baarlamaanka ee wax ka beddelka dastuurka dalka.

“Waxay ka dhigan tahay inaan caawa xorownay, waan faraxsanahay runtii dalkeenna hooyo ayaan joognaa dadka maqana waxaan u sheegayaa Muqdisho save waayay” ayay tiri hooyo kamid ah dadka la wareystay.

Sidoo kale, nin kale oo kamid ah reer Muqdisho oo ka hadlay aragtidiisa ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka xorowday gacmo shisheeye, isaga oo tilmaamay in tallaabada Baarlamaanka ay tahay guul wayn oo usoo hoyatay dalka.

“In dastuurka la dhammaystiro waxay nooga dhigan tahay farxad wayn oo qiimo iyo qaayo leh oo dadka Soomaaliyeed guul u ah, waxaan ka xorownay gacmo shisheeye” ayuu isna yiri nin kale oo kamid ah shacabka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen cutubyada 4-aad illaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama wax ka beddel lagu sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 36 Senator oo hoolka joogtay iyo Senator maqan uu Online ku codeeyay, halka 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ahna ay haa ku wada codeeyeen.

Tallaabada uu maanta qaaday Baarlamaanka ayaa ah guul wayn oo usoo hoyatay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu dadaal xooggan geliyay dhammaystirka Dastuurka Soomaaliya.

DF Soomaaliya oo maanta bixisay malaayiin dollar, kuna shubtay akoonnada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan $3.88 milyan oo si toos ah loo gaarsiiyay dadka ay abaaruhu si ba’an u saameeyeen.

Sida ay shaacisay wasaaradda maaliyadda, lacagtan waxaa helay 17,734 xoolo-dhaqato ah oo is-diwaangeliyay xilliyadii Gu’ga ee April 2025 iyo Dayrta ee October 2025.

Bixinta lacagta ayaa timid kadib markii tusmada abaaraha Takaful ee ku salaysan xogta dayax-gacmeedka uu xaqiijiyay in roob la’aantii dhacday Dayrtii October–December 2025 ay si weyn u baabi’isay dhul-daaqsimeedka gobollo badan.

Lacagahan ayaa si toos ah loogu shubay akoonnada moobilka ee dadka abaartu saameysay, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa saamayn taban ku yeelatay qoysas isugu jira xoolo-dhaqato iyo beeralay. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa sheegay inay abaarta ku waayeen xoolahoodii iyo ilihii nololeed ee ay ku tiirsanaayeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in laga qayb qaato garab-istaagga iyo gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saamaysay.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda:

Dowladda Soomaaliya oo bixisay Malaayiin dollar oo caymiska xoolaha oo la gaarsiiyay qoysaskii abaaruhu saameeyeen

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha. Lacagtan waxaa si toos ah loo gaarsiiyay xoolo-dhaqatada dalka ee ka faidaystay barnaamijka DRIVE ee caymiska xoolaha.

Lacagtan waxaa helay 17,734 xoolo-dhaqato ah oo is diwaangeliyay xilliyadii Gu’ga (April 2025) iyo Dayrta (October 2025).

Bixinta caymiskan waxay timid kadib markii tusmada abaaraha Takaful ee ku salaysan xogta dayax-gacmeedka uu xaqiijiyay in roob la’aantii dhacday Dayrtii October–December 2025 ay si weyn u baabi’isay dhul-daaqsimeedka gobollo badan.

Xoolo-dhaqatadii iibsatay caymiska abaaraha waxaa lacagaha si toos ah loogu shubay akoonnadooda moobilka.

Qoysaska helay lacagtan ma aheyn kaalmo la siiyay, balse waa dad horey u iibsaday caymiska Takaful, oo ah nidaam waafaqsan Shareecada Islaamka kuna dhisan mabda’a wadaagga khataraha iyo iskaashiga bulshada.

Caymiska Takaful waa aalad maaliyadeed oo lagu xoojinayo adkeysiga dhaqaale ee xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.

Barnaamijka DRIVE waa tusaale ka mid ah hindisaha cusub ee Bangiga Adduunka ee la yiraahdo ‘AgriConnect’, kaas oo isku xiraya saddex arrin oo muhiim ah:

1- Dib-u-habayn sharciyeed (sida hirgelinta Sharciga Takaful),
2- Maalgelin guud iyo mid gaar, iyo
3- Maalgashiga kaabayaasha dhijitaalka ah,

Waxa uu si isku dhafan isugu xirayaa suuqyada xoolo-dhaqatada, adeegyada maaliyadeed, tignoolajiyada, iyo horumarinta xirfadaha.

Daawo: Xasan oo muujiyay sida uu ugu farxay go’aanka BF, farriina u direy shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ansixinta dhameystirka dastuurka KMG ah.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay dhameystirka wax ka beddelka dastuurka KMG ah, sida uu sheegay guddoonka Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo tallaabada ay ku ansixiyeen dastuurka dalka ku tilmaamay mid taariikhi ah.

“Dhamaan dadka Soomaaliyeed maanta waa maalin taariikhi ah oo ku suntan dhameystirka dastuurka qaranka iyo gaba-gabeynta rasmiga ah ee marxaladdii KMG aheyd ee muddada dheer soo jiitamaysay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Maanta waa maalin lagu xasuusan doono hanashada guul qaran oo muddo dheer la sugayay, taas oo naga saartay ku-meel-gaarnimadii, noona horseeday hanashada hanaan dowladnimo oo ku qotoma saldhig sharciyeed oo adag.”

Dastuurka ayuu sheegay madaxweynuhu inuu soo maray geeddi-socod dheer oo dib-u-eegis iyo wax ka beddel ah. “Tan iyo xornimadii 1960-kii, Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan oo ku saleysan dastuur iyo nidaam dowladeed.”

“Qiimaha ay maanta u leedahay umadda Soomaaliyeed ma ahan oo keliya in la ansixiyay dastuurkii qaranka, ee waa maalin ay umadda Soomaaliyeed si rasmi ah uga gudubtay marxaladdii ku-meel-gaarka aheyd, una tallaabtay dowladnimo dhameystiran oo sharciyad buuxda leh,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay muddo 14 sano ah ku shaqeynaysay qaab ku-meel-gaar ah, kaasi oo noqday dabar sharciyeed iyo caqabad weyn oo hor istaagtay xaqiijinta xasillooni buuxda oo dalka gaaro, haddii ay ahaan lahayd dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, bulshada iyo xiriirka caalamiga ahba.

“Maanta safarkaas dheer ee qarankeenna Soomaaliyeed soo galay waxa uu gaaray yoolkii uu hiigsanayay, oo ah helitaanka saldhig sharciyeed oo dhameystiran, kaas oo haga howlaha ay qabanayaan hay’adihiisa kala duwan, umadda Soomaaliyeedna awood u siiya jiheynta siyaasadda dalka.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurkan cusub uu sababayo saadaalin ku saabsan Soomaaliya iyo jihada ay u socoto, taas oo lagu saleyn karo sharciyad dastuuri ah oo dalka iyo dadku leeyihiin.

Hoos ka daawo muuqaalka

Farmaajo oo Xasan isugu soo qaatay tusaale: Sideydii inta aysan kugu dhicin waa inaad…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa shir jaraa’iid la qabtay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland ayaa tali cajiib ah u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa tusaale usoo qaatay wixii ku dhacay xukunkiisii hore, isagoo Xasan Sheekh uga digay in muddo-xileedkiisu ka dhamaado iyada oo aan heshiis laga gaarin doorashada.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan yahay “libaax”, balse inta uusan u noqon “bisad”, oo ula jeedo inta sharciyada ka dhamaan uu xal ka gaaro khilaafka siyaasadeed ee salka ku haya hanaanka doorashada.

“Madaxweynoow (Xasan) libaax baad tahay hadda, inta aadan bisad noqon oo waqtigu kaa dhammaan doorasho qabo. Anigaa soo arkay tan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ayaa taageeray xildhibaannada kasoo jeeda Puntland ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan laga celiyay inay tagaan magaalada Garoowe, halkaas oo wadatashi ugu yeeray Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Farmaajo ayaa raali-gelin buuxda ka siiyay xildhibaannada caqabadii ay Dowladda Federaalka kala kulmeen xilli ay doonayeen inay aadan deegaankooda. “Raali-gelin buuxda ayaa ka sameynayaa, aan idin cudur daaro dhibkii idinku dhacay ee siyaasadeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu iska fogeeyay in uu isagu jideeyay in mas’uuliyiin laga carqaladeeyo safarradooda, wuxuuna Xasan Sheekh ku booriyay inuu ka wantoobo tallaabooyinkan noocaan ah.

Ugu dambeyntii, Farmaajo ayaa muujiyay mowqifkiisa ku aadan dastuurka la ansixiyay maanta, oo uu ku tilmaamay mid dhinac ka raran oo sharci darro.

“Dastuurka waa wax umadda oo dhan wada leedahay, oo heshiis bulsho ah,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Iran oo maanta gantaal ridada dheer ku riday Turkiga – Maxaa dhacay kadib?

Ankara (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga aya shaacisay in nidaamka difaaca hawada ee NATO uu fashiliyey gantaal riddadiisu dheer tahay oo nooca Ballistic-ga ah, kaas oo laga soo tuuray dhanka Iiraan.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in gantaalkaasi uu ku wajahnaa hawada Turkiga, islamarkaana si degdeg ah loo qabtay kahor inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa.

Waxaa la tilmaamay in xilliga la tooganayay uu marayay hawada badda Mediterranean-ka, halkaas oo nidaamka difaacu ku guuleystay inuu burburiyo.

Haraadiga gantaalka ayaa la sheegay inuu ku soo dhacay degmada Dörtyol ee gobolka Hatay, taas oo ku taalla koonfurta Turkiga.
Wasaaraddu waxay caddeysay inaysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay burburkaasi, isla markaana aanay waxyeello soo gaarin dadka rayidka ah.

Sidoo kale, waxay xustay in Turkigu si buuxda ugu heegan yahay difaaca qarankiisa, ayna qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo amniga dalka.

“Turkigu wuxuu leeyahay awood uu ku ilaashado dhulkiisa iyo muwaadiniintiisa, cid kasta iyo meel kasta oo khatar ka imanaysaba,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli colaadda Bariga Dhexe ay sii xoogaysanayso, taas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo amniga guud ee gobolka.

Si kastaba, Iiraan ayaa sii wada weerarro ay ku sheegtay aargudasho, kuwaas oo ay ku beegsanayso saldhigyada Mareykanka iyo dalal ka tirsan Khaliijka Carabta, kuwaas oo daba socda duqeymo ay iska kaashadeen Mareykanka iyo Israa’iil oo lagu dilay hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Aayatullaahi Cali Khamenei.

Xog: Xasan Sheekh oo caawa qaadaya tallaabo weyn kadib ansixintii dastuurka ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu caawa saxiixo dhameystirka dastuurka dalka, oo maanta uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe si weyn u riixayay dhammaystirka dastuurka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna tallaabada maanta u arkaa mid uga adkaaday mucaaradka kasoo horjeeda.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay cutubyada 4-aad illaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama wax ka beddal lagu sameeyay, sida uu sheegay guddoonka.

Kooramka Xildhibaannada ayaa la sheegay inuu ku furmay 186 Mudane oo Golaha Shacabka ah iyo 36 Senator oo Aqalka Sare ah, kuwaas oo cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay cutubyada 4-aad illaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama wax ka beddal lagu sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 36 Senator oo hoolka joogtay iyo Senator maqan uu Online ku codeeyay, halka 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ahna ay haa ku wada codeeyeen.

Tan ayaa ah guul wayn oo usoo hoyatay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu dadaal xooggan geliyay dhammaystirka Dastuurka Soomaaliya.

Si kastaba, dhameystirka dastuurka ayaa weli wajahaya khilaaf hor leh, iyadoo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu si adag u diiday wax-ka-beddelka dastuurka ee maanta uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay in go’aanka maanta kasoo yeeray guddoonka baarlamaanka kadib codeyn la sheegay in loo qaaday dhameystirka dastuurka, lagu fuliyay hannaan si cad u jebinaya habraacyada dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada baarlamaanka, iyo shuruudda aqlabiyadda laba-meeloodka.

“Dastuur lagu beddelo cadaadis, laaluush iyo habraac ka leexsan sharciga ma noqon karo dastuur qaran oo mideeya ummadda Soomaaliyeed, mana yeelan karo sharciyad siyaasadeed oo lagu dhisi karo dowladnimo saldhigata,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka.

Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay in uu aqoonsan yahay oo keliya dastuurka KMG ah ee 2012, kaas oo ah heshiiska qaran ee saldhigga u ah midnimada dalka, federaalka, awood-qaybsiga, nidaamka baarlamaaniga ah iyo doorashooyinka afarta sano mar.

Sidoo kale, Golaha ayaa ugu baaqay dowlad-goboleedyada, saamilayda siyaasadda, iyo hoggaanka baarlamaanka inay difaacaan nidaamka dastuuriga ah iyo sharciga dalka.

Beesha caalamka ayay ka dalbadeen inay si cad oo fagaare ah u muujiyaan mowqifkooda ah in wax-ka-beddel kasta oo dastuur uu noqdo mid sharci ah, loo dhan yahay, hufan, kuna dhisan heshiis qaran.

Golaha Mustaqbalka oo si adag u diiday go’aanka BF ee dastuurka, kuna dhawaaqay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u diiday waxa loogu yeeray wax-ka-beddelka dastuurka ee maanta uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay in go’aanka maanta kasoo yeeray guddoonka Baarlamaanka kadib codeyn la sheegay in loo qaaday dhameystirka dastuurka, lagu fuliyay hannaan si cad u jebinaya habraacyada dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada Baarlamaanka, iyo shuruudda aqlabiyadda laba-meeloodka (2/3) ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

“Hannaanka maanta lagu sheegay in lagu ansixiyay wax-ka-beddelka dastuurka ma buuxin shuruudahaas; lama xaqiijin aqlabiyadda dastuuriga ah ee loo baahan yahay, lamana ixtiraamin xeer-hoosaadyada Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu yiri: “Dastuur lagu beddelo cadaadis, laaluush iyo habraac ka leexsan sharciga ma noqon karo dastuur qaran oo mideeya ummadda Soomaaliyeed, mana yeelan karo sharciyad siyaasadeed oo lagu dhisi karo dowladnimo sal adag leh.”

Golaha Mustaqbalka ayaa ku dhawaaqay in uu aqoonsan yahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee 2012, kaas oo ah heshiiska qaran ee saldhigga u ah midnimada dalka, federaalka, awood-qaybsiga, nidaamka baarlamaaniga ah iyo doorashooyinka afarta sano mar, ilaa wax-ka-beddel kasta lagu sameeyo si sharci ah, loo dhan yahay, laguna maro heshiis qaran oo dhab ah.

“Goluhu wuxuu caddeynayaa in mas’uuliyadda siyaasadeed iyo tan dastuurba ay si toos ah u saaran tahay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo hormuud ka ah hannaan xoog iyo laaluush ku beddelka dastuurka, kaas oo muran badan dhaliyay, xilli ay Soomaaliya wajahayso caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin:”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu si adag u diidayaa waxa loogu yeeray wax-ka-beddelka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu fuliyey hannaan si cad u jebinaya habraacyada dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada Baarlamaanka, iyo shuruudda aqlabiyadda laba-meeloodka ah (2/3) ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Dastuurku waa heshiis bulsho oo aasaas u ah dowladnimada iyo wadajirka ummadda, lagumana beddeli karo rabitaan siyaasadeed oo cid gaar ah ama koox yar.

Wax-ka-beddel kasta oo dastuur waa in lagu sameeyaa hab sharci oo cad, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, wadatashi dadweyne oo macno leh, iyo u hoggaansanaan buuxda oo la siiyo habraacyada uu dastuurku dhigayo.

Hannaanka maanta lagu sheegay in lagu ansixiyey wax-ka-beddelka dastuurka ma buuxin shuruudahaas, lama xaqiijin aqlabiyadda dastuuriga ah ee loo baahan yahay, lamana ixtiraamin xeer-hoosaadyada Baarlamaanka.

Intaa waxaa dheer, waxaa jira eedeymo la xiriira cadaadis siyaasadeed, qardajeex iyo cod-iibsasho, kuwaas oo dhaawacaya kalsoonida lagu qabi karo hay’adda sharci-dejinta.

Wax-ka-beddelkan waxaan ka hor yimid dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Sidoo kale, in ka badan 50 xildhibaan ayaa laga hor istaagay inay ka qayb-qaataan doodaha Baarlamaanka ee la xiriira arrintan.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan madax hore oo qaran iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo saameyn ballaaran ku leh bulshada, ayaa iyaguna si cad u diiday hannaankan.

Dastuur lagu beddelo cadaadis, laaluush iyo habraac ka leexsan sharciga ma noqon karo dastuur qaran oo mideeya ummadda Soomaaliyeed, mana yeelan karo sharciyad siyaasadeed oo lagu dhisi karo dowladnimo saldhigata.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu caddeynayaa in mas’uuliyadda siyaasadeed iyo tan dastuurba ay si toos ah u saaran tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo hormuud ka ah hannaanka xoog iyo laaluush ku beddelka dastuurka ee muranka badan dhaliyey, xilli ay Soomaaliya wajahayso caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin:

a) Abaaro ba’an iyo xaalado bini’aadantinimo
b) Xaalad dhaqaale oo soo adkaanaysa
c) Khataraha amni ee ka imanaya kooxaha argagixisada
d) Iyo cadaadis juqraafi-siyaasadeed oo ku sii kordhaya gobolka

Waxaa dalka looga baahan yahay midnimo qaran, wadajir siyaasadeed iyo hoggaan mideeya shacabka Soomaaliyeed. Hannaanka sharci-darrada ah ee lagu beddelayo dastuurka wuxuu halis gelinayaa:

1- Midnimada qaranka iyo wadajirka bulshada
2- Isku-duwidda dadaallada la-dagaallanka argagixisada
3- Suurtagalnimada heshiis doorasho oo loo dhan yahay
4- Guulihii laga gaaray nabadeynta iyo dhismaha dowladnimada

Sidaa darteed, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ugu baaqayaa:

1. Dowlad-goboleedyada, saamilayda siyaasadda, iyo hoggaanka Baarlamaanka inay difaacaan nidaamka dastuuriga ah iyo sharciga dalka.

2. Hoggaamiyeyaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, bulshada rayidka ah iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed inay ka dhiidhiyaan jebinta dastuurka. Aamusnaanta waqtigan waxay u dhigantaa oggolaansho dadban oo lagu burburinayo dastuurkii lagu heshiiyey.

3. Beesha caalamka waa in si cad oo fagaare ah u muujiyaan mowqifkooda ah in wax-ka-beddel kasta oo dastuur uu noqdo mid sharci ah, loo dhan yahay, hufan, kuna dhisan heshiis qaran.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu mar kale caddeynayaa inuu aqoonsan yahay Dastuurka Ku-Meelgaarka ah ee 2012, oo ah heshiiska qaran ee saldhigga u ah midnimada dalka, federaalka, awood-qaybsiga, nidaamka Baarlamaaniga iyo doorashooyinka afarta sano mar, ilaa wax-ka-beddel kasta lagu sameeyo si sharci ah, loo dhan yahay, loona maro heshiis qaran oo dhab ah.

DHAMMAAD

Sidee Iiraan u burburisay maqaamkii Dubai ee caalamka?

Dubai (Caasimada Online) — Muddo tobanaan sano ah, qorshaha suuqgeynta ee magaalada Dubai waxa uu ku dhisnaa dhismayaal dhaadheer oo indhaha soo jiita, mushaar aan canshuur lahayn, fududeynta ganacsiga, iyo arrin kale oo intaas ka sii muhiimsan: ballanqaad aan qornayn oo ahaa in wax kasta oo ka dhaca Bariga Dhexe, magaaladani ay tahay mid gooni ah. Colaadaha ragaadiyay gobolka ayaa waligood u muuqday kuwo ku istaaga xuduudaha Dubai.

Balse maalintii Sabtida, xaaladdaas oo dhan ayaa isbeddeshay. Weeraradii aargudashada ahaa ee Iiraan ay ka fulisay Khaliijka ayaa beegsaday qaybaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Dubai, iyadoo gantaaladu ay ku dhaceen garoomada diyaaradaha, hoteelada, iyo dekedaha.

Sidoo kale, weeraradan waxay si weyn u dhaawaceen maqaamkii magaaladan oo afartan sano ku bixisay sidii ay isugu muujin lahayd inay tahay goobta ugu kalsoonida badan ee ganacsi laga sameeyo, iyadoo ku dhex taal gobol aan la isku halleyn karin.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta, oo ah xulafo dhow oo Mareykanku leeyahay, ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqay si ay u xakameeyaan khasaaraha gaaray kalsoonida maal-gashadayaasha. Hay’adda Maareynta Xasaradaha iyo Masiibooyinka ee dalkaas ayaa sheegtay in xaaladdu ay gacanta ku jirto. Dadka deegaanka oo arkaya astaamahoodii oo gantaalo lagu garaacayo, xilli ay guryaha raashin ku kaydsanayeen, ayaa dhegeystay farriimahaas dejinta ah. Balse in farriimahaasi ay ku filan yihiin qancinta dadweynaha iyo ganacsatada waa su’aal taagan.

“Waa adag tahay in la buunbuuniyo khatarta soo food saartay nidaamka dhaqaale ee Dubai,” ayuu yiri Jim Krane oo ka tirsan Machadka Baker ee Jaamacadda Rice.

“Khasaaraha muuqda ee dhismayaasha wuu yaraan karaa, xanuunka ugu badanna ilaa hadda waa mid maskaxda ah. Balse maqaamkii Dubai ee ahaa gabbaad ammaan ah oo ay u soo qaxaan ajaaniibta iyo ganacsiyadoodu waa mid shaki weyn la gelinayo. Sida uu dagaalku u dheeraado, waxaa sii xoogeysan doona raadinta goobo kale oo beddel ah. Hantida caalamiga ah waa mid si xawli ah u guur-guurta.”

Calaamadaha muujinaya cadaadiska taagan awgeed, suuqyada saamiyada ee Imaaraadka ayaa xirnaa maalmihii Isniinta iyo Talaadada (Maarso 2 iyo 3), halka cilad farsamo oo ku timid xarumaha kaydka xogta ee Amazon ay saameyn weyn ku yeelatay hawlgallada bankiyada qaarkood. Tobanaan kun oo rakaab ah ayaa wali ku xayiran dalkaas kadib markii hawada inta badan la xiray.

Sida Dubai u dhistay sumcaddeeda

Isbeddelka Dubai ee ka soo bilowday deked yar oo lagu kalluumeysto lagana gurto luulka ilaa ay ka noqoto xarun maaliyadeed oo caalami ah, wuxuu ahaa mashruuc qaatay tobanaan sano. Daah-furkii shirkadda diyaaradaha ee Emirates sanadkii 1985, furitaankii dhismaha Burj Al Arab ee 1999, iyo sharciyadii bilowgii 2000-meeyadii ee ajaaniibta markii ugu horreysay u oggolaaday inay hanti yeelan karaan, ayaa ahaa tiirarka aasaaska u ahaa sumcadda magaalada.

Dhaqaalaha Dubai waxa uu haatan inta badan ku tiirsan yahay qaybaha ka baxsan shidaalka, kaas oo hadda ka dhigan wax ka yar 2% dakhliga guud ee maxalliga ah. Dhaqaalahan waxaa lagu beddelay ganacsi, dalxiis, hanti maguurto ah oo qaali ah, iyo adeegyo maaliyadeed oo la jaan-qaadaya shuruucda caalamiga ah.

Kobaca Dubai waxa uu sidoo kale si weyn uga faa’iideystay xasillooni-darrada dalalka kale ee gobolka. Laga soo bilaabo qaxootigii Suuriya, qoysaskii hantida lahaa ee ka cararayay kacdoonadii Gu’gii Carabta, iyo dhawaanahan dadkii Ruushka ahaa ee ka soo cararay dagaalka Ukraine.

Dhammaan dadkan cusub waxay soo geliyeen magaalada hanti iyo aqoon. Tirada dadka Imaaraadka ayaa aad u korortay, iyadoo gaartay 11 milyan sanadkii 2024, marka loo eego 1 milyan sanadkii 1980-kii.

Maxaa isbeddelay Sabtidii?

In kasta oo horumarkaas la gaaray, baylahda gobolka marna ma tirtirmin. Marinka Hormuz, oo ay marto qiyaastii shan meelood meel shidaalka caalamka, ayaa ku dheggan xuduudaha Dubai. Iiraan, oo ah waddan leh ujeeddo iyo awood uu ku carqaladeeyo ganacsiga Khaliijka, ayaa fadhida dhinaca kale ee biyaha.

Khasaaraha muuqda ee dhacay dhammaadkii asbuuca wuxuu ahaa mid dhab ah. Garoonka Diyaaradaha ee Dubai ayaa la garaacay, qayb ka mid ah dekedda Jebel Ali ayaa gubatay, dhismaha caanka ah ee Burj Al Arab-na waxaa soo gaaray burbur ka dhashay firirka gantaalada difaaca ee la soo riday. Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka, saddex qof ayaa dhintay, 58 kalena waa ay dhaawacmeen.

“Dadku waa baqayaan. Waa markii ugu horreysay ee ay ku qasbanaadaan inay ku dhuuntaan dhulka hoostiisa. Garoonka Dubai oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn adduunka ayaa lagu qasbay in la xiro maalmo,” ayuu yiri Nabil Milali oo falanqeeya suuqyada maaliyadda.

Shirkadaha qaar ee fadhigoodu yahay Imaaraadka ayaa durba billaabay qorshayaal hordhac ah oo ay shaqada uga joojinayaan shaqaalaha, iyagoo hakiyay raadinta dhaqaale cusub. Baahida loo qabo iibsiga dahabka ayaa sidoo kale cirka isku shareertay. Bankiyada caalamiga ah ayaa laga yaabaa inay dib u qiimeeyaan baaxadda joogitaankooda magaalada, iyagoo ka fiirsanaya inay macaamiishooda uga adeegaan goobo kale.

In kasta oo khuburada qaar, sida Madhur Kakkar oo madax ka ah Elevate Financial Services, ay aaminsan yihiin in suuqyada Imaaraadku ay taariikh ahaan muujiyeen adkeysi xilliyada xasaradaha, falanqeeyayaasha kale ayaa qaba in aragtidaasi isbeddeshay.

“Runtii waa isbeddel weyn oo ku yimid aragtidihii hore,” ayuu yiri William Jackson oo ah khabiir dhanka dhaqaalaha ah.

“Dhaqaalaha Khaliijka waxaa guud ahaan loo arkayay inuu ka nabad qabo aargudashada Iiraan. Waxaan filayaa in taasi ay si dhab ah isku beddeshay dhammaadkii asbuuca.” Waxa uu intaas ku daray in caqabaddani ay si gaar ah u saameyneyso dadaallada lagu kala duwanayo ilaha dhaqaalaha ee ka socda gobolka.

Daawo: Saadaq Joon oo is-barbar dhig ku sameeyay Xasan Sheekh iyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta ka qayb ka ahaa ansixinta wax ka beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka JFS ayaa is-barbar dhig ku sameeyay marxaladda hadda ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo tii uu ka horyimid ee madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ugu horreyn Saadaq Joog ayaa si weyn u difaacay Dastuurka maanta la dhammaystiray, wuxuuna sheegay inuu muhiim u yahay muwaadin kasta oo Soomaali ah, maadaama laga saaray kumeel gaarnimada.

“Dastuurka la ansixiyay waa sharaftiina waa sharafteyda maanta kadib dalka Dastuur rasmi ah ayuu yeeshay waxaana u dhaqmeynaa sida adduunka oo kale” ayuu yiri Xildhibaanku.

Mar wax laga waydiiyay sababtii Farmaajo uga horyimid, haddana u taageeray qorshaha Xasan Sheekh ayuu ku sheegay in shalay la aaday muddo kororsi sharci darro ah, balse maanta Dastuurka laga saaray kumeel gaarnimada.

“2021-kii Dastuurka waxaa la galiyay cagta hoosteeda, muddo kororis ayaa la aaday, maanta Dastuurkii ayaa KMG laga bixiyay marka waa laba dhacdo oo kala duwan”. ayuu mar kale yiri Xildhibaan Saadaq Joon.

Wuxuu sii raaciyay “Ku darso ninkii Farmaajo oo sidaas sameeyay hadda isaga oo nabad ah ayuu gurigiisa joogaa marka waa kala duwanaasho wayn”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen cutubyada 4-aad illaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama wax ka beddel lagu sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 36 Senator oo hoolka joogtay iyo Senator maqan uu Online ku codeeyay, halka 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ahna ay haa ku wada codeeyeen.

Tallaabada uu maanta qaaday Baarlamaanka ayaa ah guul wayn oo usoo hoyatay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu dadaal xooggan geliyay dhammaystirka Dastuurka Soomaaliya.

BF oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay dastuurka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa goordhow go’aan rasmi ah ka gaaray wax ka beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xilli ay weli diidan yihiin maamullada Jubaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka dalka.

Kooramka Xildhibaannada ayaa ku furmay 186 Mudane oo Golaha Shacabka ah iyo 36 Senator oo Aqalka Sare ah, kuwaas oo cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay cutubyada 4-aad illaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama wax ka beddal lagu sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 36 Senator oo hoolka joogtay iyo Senator maqan uu Online ku codeeyay, halka 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ahna ay haa ku wada codeeyeen.

Sidoo kale, wuxuu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe codeynta kadib yiri “Dastuurka dalka sidaas ayuu ansax ku yahay Mashaa Allaah”.

Tallaabada uu maanta qaaday Baarlamaanka ayaa ah guul wayn oo usoo hoyatay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu dadaal xooggan geliyay dhammaystirka Dastuurka Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxay arrintan guul darro ku tahay Golaha Mustaqbalka oo iyagu horay u diiday wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah, taas oo keentay inay fashilmaan wada-hadalladii ay ku jireen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo dhawaan lagu qabtay Villa Soomaaliya.

Si Kastaba, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid kasii dareysa, waxaana sii kala fogaanaya dhinacyada isku haya geeddi socodka hanaanka doorashooyinka iyo habraacyada wax ka beddelka Dastuurka ee ay maanta dhammaystireen Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Jubaland oo qaadatay go’aan lamid ah kan Puntland kuna dhawaaqday…

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland oo bayaan culus soo saaray ayaa ku dhawaaqay go’aan lamid ah kan Puntland ee lagu qaadacay wax ka beddelka lagu sameeyay Dastuurka dalka.

Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in aysan qayb ka ahayn go’aanka la filayo in maanta Baarlamaanka uu ka gaaro dhammeystirka Dastuurka KMG ka ah, si loo ansixiyo.

“Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa in aysan qayb ka ahayn habraacyada iyo tallaabooyinka lagu wado wax ka beddelka Dastuurka, maadaama wadiiqooyinka loo marayo ay yihiin kuwa aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii lagu dhisay Dastuurka”. ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku dartay in xildhibaannadeeda ay ka maqan yihiin habraacyada wax ka beddelka Dastuurka, isla markaana natiijo kasta oo kasoo baxda kulanka maanta aysan quseyn maamulkooda.

“Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland ayaa si wadajir ah uga maqan dhammaan geeddi-socota iyo habraacyada lagu wado wax ka beddelka Dastuurka. Taas  macnaheedu waa in Jubaland aan s rasmi ah loogu matalin natiijo kasta oo kasoo baxda hanaankaas” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka maamulka Jubaland.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidaas awgeed Dowladda Jubaland waxay si cad u sheegeysaa in dadka iyo deegaannada Jubaland aan lagu dhaqi doonin, lagana aqoonsan doonin go’aan kasta oo hal dhinac ah oo wax looga beddelayo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa iyadoo aan loo marin wadatashi qaran oo loo dhan yahay”.

Jubaland waxaa kale oo ay sheegtay in ay miiska u saaran yihiin dhammaan xulashooyinka la heli karo, haddii uu dhammaado muddo xileedka sharciga ah ee Hay’adaha Federaalka, iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin hannaanka doorashooyinka qaran oo weli ay dood ka taagan tahay.

Tallaabadan oo kale waxaa horay u qaaday Puntland oo iyadana wadatashi ugu yeertay xidhibaannadeeda, waxayna ku dhawaaqday in ay qaadacday wax ka beddelka lagu sameeyay Dastuurka, sidoo kalena aysan qayb ka noqon doonin ansixintiisa oo maanta loo ballansanyahay.

Wasiir ka tirsan xukuumadda Xamza oo is-casilay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Caynaanshe Yuusuf Xuseen ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka wasiiru-dowlaha ee uu ku hayay xukuumadda Dan Qaran ee ra’iisul wasaare Xamza.

Caynaanshe oo kamid ah xildhibaannada laga soo doorto Puntland ayaa xalay goor dambe shaaciyay go’aankan, isaga oo sababta ku sheegay khilaafka xooggan ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka uu kasoo jeedo ee Puntland.

Waxa uu intaasi ku daray inuu la dareen yahay madaxda iyo shacabka Puntland, uuna kasoo horjeedo, sida haatan wax loo wado, maadaama lagu kala aragti duwanaaday wax ka beddalka dastuurka kumeel gaarka ah.

Sidoo kale, Caynaanshe ayaa u mahad-celiyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ku aaminay xilka uu haatan iska casilay.

“Kursiga aan ku fadhiyo waxa aan ku metalaa Shacabka iyo Puntland sidaas awgeed waxa ay raalli ka yihiin ayaan raali ka ahay, waxa aan halkaan ku caddaynayaa in aan iska casilay xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, aniga oo u mahadcelinayo Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilkaan igu aaminay” ayuu yiri Caynaanshe Yuusuf Xuseen.

Is-casilaadda wasiirkan ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah, uuna kasii darayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland, kaas oo sii xoogeystay markii Muqdisho lagu xayiray xildhibaannada kasoo jeedo maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale xalay dhacday in magaalada Muqdisho lagu xiro Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ah la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland, iyadoo lagu eedeeyay falal carqaladeynaya amniga.

Tallaabadan ayaa dhalisay caro xooggan iyo cambaareyn durba kasoo yeertay maamulka Puntland, kuwaas oo falkan ku tilmaamay “afduub” sharci-darro ah oo dhacay xilli habeen ah.