27.3 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Baaq degdeg ah oo laga soo saaray dagaalka BARIGA DHEXE

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada ka socda Bariga Dhexe, isla markaana dib loogu laabto wada-hadallo diblomaasiyadeed oo dhab ah.

Guterres ayaa sheegay in xaaladda sii xumaanaysa ay halis weyn ku tahay nabadda gobolka iyo tan caalamkaba, isagoo ku adkeeyay in loo baahan yahay dadaal degdeg ah oo lagu joojinayo colaadaha.

“Waa in la joojiyaa dagaalka, laguna laabtaa wada-hadallo diblomaasiyadeed oo dhab ah,” ayuu Guterres ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (ex-Twitter).

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay in weerarrada sharci-darrada ah ee ka dhacaya Bariga Dhexe iyo meelo kale ay sababayaan dhibaatooyin iyo khasaare weyn oo soo gaaraya dadka rayidka ah ee ku nool gobolka.

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdan ay halis weyn ku tahay dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan dadka nugul ee durba la tacaalaya duruufo adag.

Xoghaye Guterres ayaa ugu dambeyn ka digay in xaaladdu ay si degdeg ah uga bixi karto gacanta.

“Halistu aad bay u weyn tahay, waxaana laga yaabaa in xaaladdu gaarto heer aan cidna xakamayn karin,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Si kastaba, weerarada cirka ee Bariga Dhexe ayaa socda maalinkii toddobaad oo xiriir ah, iyagoo si weyn saamayn ugu yeesheen suuqyada caalamka.

Qatar oo jawaab adag ka bixisay weerar ay ku tilmaamtay ‘bareer’ oo Iran ku qaaday…

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa si adag u cambaaraysay weerar ay sheegtay in Iiraan ku qaadday dhismayaal ay deganaayeen xubno ka tirsan Ciidamada Badda ee dowladda Qatar.

Qoraal rasmi ah oo ay goor hore oo maanta ah soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa lagu sheegay in dhismayaasha la beegsaday ay ku yaallaan dalka Baxrayn.

Wasaaraddu waxay sheegtay in goobahaas ay hoos yimaadaan Taliska Mideysan ee Ciidamada Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), oo ay wadaagaan dalalka Khaliijka.

Xukuumadda Dooxa ayaa falkaasi ku tilmaantay “weerar bareer ah” oo si toos ah uga hor imanaya xeerarka caalamiga ah.

Sidoo kale waxay ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida dalka Baxrayn, iyadoo ka digtay in tallaabadan ay sii hurin karto xiisadda gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa xaqiijisay in dhammaan xubnihii ciidamada Qadar ee ku sugnaa dhismayaasha la weeraray ay badqabaan, isla markaana aan la soo sheegin wax khasaare ama dhaawac ah oo ka dhashay weerarkaasi.

Si kastaba, dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan ayaa galay maalintiisii toddobaad, iyadoo weerarraduna ay weli si xiriir ah uga sii socdaan gudaha Iiraan iyo dalal kale oo ku yaalla gobolka Bariga Dhexe.

Dowladda Iiraan ayaa sii wada weerarradeeda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee ay ka fulinayso guud ahaan Gacanka, xilli Washington iyo Tel Aviv ay ku andacoonayaan in ololehooda milatari — ee loogu magac daray Hawlgalka Cadhada Ba’an (Operation Epic Fury) — uu si xooggan u wiiqayo awoodda milatari ee Iiraan.

Qiyaaso ay Khamiistii soo saartay Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiga iyo Caalamiga ah (CSIS) ayaa muujinaya in kharashka ku baxay 100-kii saacadood ee ugu horreeyay Hawlgalka Epic Furyn uu gaaray lacag lagu qiyaasay $3.7 bilyan.

Tani waxay ka dhigan tahay qiyaastii $891 milyan maalintii. Inta badan kharashkan oo gaaraya $3.5 bilyan, ma ahayn mid hore loogu talagalay ama ku jiray miisaaniyadda, sida ay warisay xarunta CSIS.

Mowqifka Waqooyi Bari ee dhameystirka dastuurka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowlad-goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya (Northeastern State) ayaa si diirran u soo dhaweysay go’aankii uu Baarlamaanka Federaalka ku ansixiyay dastuurka dib-u-eegista lagu sameeyay ee dalka, iyagoo tallaabadan ku tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta nidaamka federaalka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

War-saxaafadeed Khamiistii kasoo baxay Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee maamulkaas ayaa hambalyo loogu diray labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, iyagoo lagu bogaadiyay soo afjaridda geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka oo muddo dheer dib u dhac ku imanayay.

Wasaaradda ayaa meel-marinta axdigan dib-u-habeynta lagu sameeyay ku sifeysay horumar taariikhi ah oo salka u adkeynaya qaab-dhismeedka siyaasadeed ee Soomaaliya, kadib sanado badan oo dalku uu ku soo shaqeynayay nidaam ku-meel-gaar ah.

“Dastuur dhammaystiran waxa uu asaas u yahay nidaamka dowladeed, kala-sarraynta hay’adaha iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda.

Baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya ayaa Arbacadii kulan wadajir ah ku meel-mariyay dastuurka la casriyeeyay, kaas oo si rasmi ah u beddelaya dastuurkii kumeel-gaarka ahaa ee la qaatay sanadkii 2012 markii uu dhammaaday xilligii kala-guurka.

Xildhibaannada ayaa sheegay in wax-ka-beddelka oo koobaya Cutubyada 1-aad ilaa 13-aad uu si cad u qeexayo awood-qaybsiga dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, isla markaana uu qeexayo waajibaadka hay’adaha, nidaamka federaalkana uu xoojinayo.

Wasaaradda maamulka Waqooyi-Bari ayaa xustay in dhammaystirka dastuurku uu gacan ka geysan doono yaraynta khilaafaadka dhanka sharciga iyo maamulka, maadaama uu si cad u qeexayo awoodaha hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidoo kale, waxay ugu baaqday hay’adaha federaalka, maamul-goboleedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah inay sii wadaan wadatashiyada la xiriira dhaqan-gelinta dastuurka, si loo xaqiijiyo in dukumiintigan uu si dhab ah uga turjumayo midnimada qaranka.

“Waxaan ugu baaqaynaa labada aqal ee baarlamaanka inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dhammaystirka habraacyada dastuuriga ah ee harsan, iyagoo ilaalinaya midnimada, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya,” ayay tiri wasaaraddu.

Dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya ee la qaatay 2012-kii ayaa aasaasay hay’ado federaal ah oo joogto ah, balse wuxuu ka tagay qodobo muhiim ah oo aan xal loo helin, iyadoo xukuumadihii is-xigay ay ballan-qaadayeen dib-u-eegis dhammaystiran.

Geeddi-socodkaas ayaa si is-daba-joog ah dib u dhac ugu imanayay, taas oo inta badan salka ku haysay khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada dalka.

Dagaalka Iran oo Mareykanka geliyay laba daran mid dooro – Maxaa cusub?

Seoul (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa qorshe cusub u dejiyay xoojinta nidaamka Difaaca Hawada ee Bariga Dhexe, kadib culays xooggan oo ka dhashay dagaalka uu fududaystay ee Iiraan.

Qorshahan cusub waxaa ka mid ah soo rarida nidaamkii difaaca ee Patriot oo hore uga jiray Kuuriyada Koofureed, taas oo Mareykanka ku noqotay laba daran mid dooro.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koofureed, Cho Hyun ayaa Baarlamaanka dalkiisa u sheegay in Nidaamka Patriot la qaadayo si looga hortago gantaallada Kuuriyada Waqooyi.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa walaac ka muujiyay talaabadan, iyagoo sheegay in meesha laga qaaday difaaca culus ay kordhin karto khatarta gantaallada Kuuriyada Waqooyi.

Mareykanka ayaa wajahaya go’aan adag oo ku saabsan dalka uu ku rakibi doono nidaamkan difaaca, maadaama dalalka Khaliijka Carabta si saf mar ah ay u beegsanayso Iiraan, halka difaacyadii hore ee la geeyay aysan awoodin in ay qabtaan gantaallada Tehran.

Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mareykanku uu ka qaaday qaar ka mid ah ciidamadiisa Kuuriyada Koofureed.

Hadda, Mareykanku wuxuu ku leeyahay Seoul 28,500 oo askari iyo nidaam difaac oo hawada ah, oo ay ku jirto kan loo yaqaan Patriot.

Tallaabadan ayaa muujinaysa sida Washington u tixgelinayso khatarta sii kordheysa ee ka imaanaysa Iiraan. Waxaa la filayaa in nidaamka cusub ee loo rarayo Bariga Dhexe uu kaalin muhiim ah ka qaato xoojinta difaaca hawada iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.

Swan oo laga beddelay Soomaaliya xilli xasaasi ah – Halkee ayaa loo magacaabay?

0

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa James Swan u magacaabay inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in diblomaasiga Mareykanka Swan uu hoggaamin doono howlgalka MONUSCO, isaga oo xilka kala wareegaya Bintou Keita.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale uga mahadcelisay Keita doorkii ay ka qaadatay hoggaaminta howlgalkaas muddadii ay xilka haysay.

Magacaabistan cusub waxay ka dhigan tahay in Swan uu ka tagayo xilkii uu ka hayay Soomaaliya, halkaas oo tan iyo bishii Maarso 2025 uu ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxa howlgalka UNTMIS.

Swan ayaa sidoo kale hore u soo hoggaamiyay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, intii u dhexeysay sannadihii 2019 ilaa 2022.

Ka tegitaanka Swan ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay mid kacsan, iyadoo hoggaanka siyaasadeed uu weli isku khilaafsan yahay arrimo ay ka mid yihiin wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Dhanka kale, howlgalka MONUSCO ee uu Swan hadda hoggaamin doono ayaa Qaramada Midoobay aasaastay sanadkii 2010, si loo ilaaliyo rayidka, loona taageero dowladda Congo, isla markaana loo xasiliyo gobollada ay colaadaha ka jiraan.

Colaadahaas ayaa inta badan ka socda bariga dalka, halkaas oo ay ka howlgalaan kooxo hubeysan oo kala duwan.

Kooxahaas waxaa ka mid ah ururka March 23 Movement (M23), oo gacanta ku haya dhul ballaaran oo ay ku jiraan magaalooyinka Goma iyo Bukavu, iyadoo dowladda Congo iyo Qaramada Midoobay ay Rwanda ku eedeeyeen inay taageerto M23, inkastoo Kigali ay arrintaas si adag u beenisay.

Tirada dhimashada iyo dhaawacyada Israa’iil ee weerarrada gantaallada Iran

Tel Aviv (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha gudaha Israa’iil ka geysteen duqeymaha Iran iyo Xizbullah, kuwaas oo maalmihii dambe si aad ah loo qarinayay.

Bayaan ay wasaaradda caafimaadka ee Israa’iil ku daabacday Telegram ayaa lagu sheegay in tirada guud ee dadka dhaawacmay tan iyo markii uu billowday howl-galka “Lion’s Roar” ay gaartay 1,619 qof.

Waxaa la sheegay in ugu yaraan 40 qof ay ku dhaawacmeen gudaha Israa’iil hal maalin gudaheed, halka 10 qof lagu dilay goobaha ay gantaalladu ku dhaceen tan iyo markii uu billowday weerarka.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa sheegtay in 140 qof la dhigay isbitaallada 24-kii saac ee la soo dhaafay, kadib weerarro la xiriira iska horimaadka u dhexeeya Iran iyo ururka Xizbullah.

Dadka dhaawacmay ayaa isugu jira xaalado kala duwan, iyadoo hal qof uu qabo dhaawac culus, halka 19 kale ay qabaan dhaawacyo dhexdhexaad ah.

Sidoo kale, 114 qof ayaa qaba dhaawacyo fudud, halka afar kale ay la kulmeen xaalado argagax iyo cabsi xooggan oo loo yaqaan panic attacks iyo laba qof oo weli xaaladdooda caafimaad la qiimeynayo

Dadkaas ayaa la geeyay isbitaallada dalka, sida ku cad xogta la diiwaangeliyay ilaa subaxnimadii Jimcaha, 6-da Maarso.

Dhanka kale, adeegga ambalaasta Israa’iil ayaa sheegay in 502 qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaallada intii lagu jiray toddobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka, halka 138 qof ay ku dhaawacmeen goobaha ay gantaalladu ku dhaceen.

Si kastaba, weerarada cirka ee Bariga Dhexe ayaa socda maalinkii toddobaad oo xiriir ah, iyagoo si weyn saamayn ugu yeesheen suuqyada caalamka.

XASAN SHEEKH oo u baxay safar dibadda ah + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duhurnimadii maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isaga oo kusii jeeda dalka Tanzania.

Madaxweynaha ayaa ka qayb-galaya meertada 25-aad ee madaxda dalladda bulshada Bariga Afrika (EAC), oo berri ka dhacaya magaalada Arusha ee caasimadda Tanzania.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha ayaa waxaa ku jira wasiirro ka tirsan XFS, kuwaas oo lagu wado in ay kulamo gaar gaar ah la yeeshaan dhiggooda ka socda dalalka xubnaha ka ah ururka EAC.

Sidok kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Tanzania la kulmi doona madaxda sare ee dalkaas iyo hoggaamiyeyaasha kale ee ka qayb-galaya shirka, si ay uga wada-hadlaan xiriirka ka dhaxeeya dalalkooda iyo ajendaha shirka.

Safarkan ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka ay muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu xoojinayo matalaadda Soomaaliya ee dalalka xubnaha ka ah EAC, xilli dalka uu si rasmi ah ugu biiray ururkaasi sanadkii 2023.

Soomaaliya ayaa haatan dadaal ku bixinaysa inay ka faa’iideysato fursadaha dhaqaale iyo iskaashi ee ka dhex jira dalalka xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, isu-socodka iyo maalgashiga.

Si kastaba, ka mid ahaanshaha Soomaaliya ee ururka EAC ayaa loo arkaa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo is-dhexgalka gobolka, iyadoo dalka uu doonayo inuu door firfircoon ka qaato horumarka waara, shaqo-abuurka iyo sare u qaadista tayada nolosha ee bulshada Bariga Afrika.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta bixiyay abaal-marinno lacageed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa ardaydii kaalimaha hore ka gashay tartanka sannadkan guddoonsiiyay 62,000 dollar oo abaalmarinno lacageed.

Munaasabadda xiritaanka tartanka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, culimo, waalidiin iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey ardayda ku guuleysatay tartanka iyo dadaalkooda ku aaddan barashada Quraanka Kariimka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey dhammaan ardaydii ka qayb-gashay tartanka, gaar ahaan kuwii ku guuleystay kaalmaha hore. Waxa uu sheegay in ardaydan ay laf-dhabar u yihiin mustaqbalka wanaagsan ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dadaalka ay ardaydu geliyeen barashada, xifdinta iyo faafinta Quraanka Kariimka ah, isaga oo xusay in Quraanku yahay iftiinka hagaya bulshada iyo saldhigga akhlaaqda iyo wanaagga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muuqda ka siisay culimada Soomaaliyeed geeddi-socodkii dib u eegista Dastuurka dalka, si loo xaqiijiyo in dastuurku si buuxda ula jaanqaadayo shareecada Islaamka.

Waxa uu sheegay in shareecada Islaamku ay tahay aas-aaska ugu weyn ee uu ku dhisan yahay nidaamka dowladeed ee dalka, islamarkaana dowladdu ay ka go’an tahay ilaalinta iyo xoojinta qiyamka diinta Islaamka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa abaalmarinno lacageed guddoonsiiyey xufaadda kaalimaha hore galay tartanka, isaga oo ku ammaanay waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey ardaydan, kana baryey Alle in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwo dalkooda iyo diintooda u adeega.

IRAN oo iska fogeysay gantaalkii ay burburisay NATO – Yaa ka dambeeyey?

Ankara (Caasimada Online) Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan ayaa si adag u beeniyay eedeymo sheegaya inay gantaal ku rideen gudaha dhulka Turkiga, iyagoo ku adkeystay inay si buuxda u ixtiraamayaan madax-bannaanida iyo bedqabka xukuumadda Ankara, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay warbaahinta dowladda.

Hadalkan kasoo baxay xukuumadda Tehran Khamiista ayaa daba socda war-saxaafadeed ay Arbacadii baahisay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, taas oo lagu shaaciyay in gantaal nooca riddada dheer ee ballistic-ga ah oo laga soo riday Iiraan, soona maray hawada dalalka Suuriya iyo Ciraaq, ay nidaamyada difaaca gantaallada ee isbaheysiga NATO ku bur-buriyeen hawada sare ee badda Mediterranean).

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga bartilmaameedka rasmiga ah ee uu gantaalkaas ku wajahnaa.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa xaqiijisay in gantaalkan si xirfadaysan oo waqtigiisa ku habboon dhexda looga qabtay, lana fashiliyay ka hor inta uusan soo gelin hawada Turkiga.

Wasaaraddu waxay xustay inaanu jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay dhacdadan, balse waxay bixisay digniin culus oo ah in Ankara ay xaq u leedahay inay ka jawaabto tallaabo kasta oo cadaawad xambaarsan, iyadoo dhinacyada dagaallamaya ugu baaqday inay ka fogaadaan sii hurinta colaadda gobolka.

Diidmada Iiraan ayaa imaneysa ayada oo dhowaan ay soo baxeen warar sheegaya in Israa’iil ay ka dambeysay qaar ka mid ah gantaalladii lagu garaacay dalalka Carabta, ee lagu tuhmayey Iiraan, taasi oo lagu sheegay isku day ay dalalka carabta ugu soo biirineyso dagaalka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo xalay khudbad xasaasi ah u jeediyay shacabkiisa, ayaa sheegay in dalkiisu uu qaadayo “dhammaan tallaabooyinka taxaddarka ah ee lagama maarmaanka ah” isagoo la tashanaya xulafadiisa NATO. Wuxuu xusay inay bixinayaan digniino aad u cadcad si looga hortago in shilal noocan ah ay dib u dhacaan.

“Haddii aan, shacab ahaan, doonayno inaan ku noolaano nabad iyo xasilooni… waa inaan si joogto ah u kordhinaa awooddeena is-xakameynta iyo is-difaacidda. Waqtiyadan adag… waxba uma deyneyno nasiib marka ay timaado amniga xuduudaheenna iyo hawadeena,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Dhanka diblomaasiyadda, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa khadka taleefanka u gudbiyay dhiggiisa Iiraan cabasho adag iyo diidmada xukuumadda Ankara, sida ay tebisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Afhayeenka isbaheysiga NATO, Allison Hart, ayaa dhankeeda si kulul u cambaareysay tallaabada Iiraan ay ku bartilmaameedsatay Turkiga, iyadoo xaqiijisay in isbaheysigu uu si adag u garab taagan yahay dhammaan xulafadiisa, oo ay ku jirto xukuumadda Ankara. Waxay carabka ku adkeysay in awoodda is-difaacidda ee isbaheysigu ay tahay mid adag marka ay timaado difaaca cirka iyo gantaallada.

Dhanka kale, Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa meesha ka saaray in bur-burinta gantaalkan ay toos u dhaqan-gelinayso Qodobka 5-aad ee isbaheysiga NATO, kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado hal xubin oo ka tirsan isbaheysiga uu la mid yahay weerar lagu qaaday dhammaan xubnaha, isagoo sheegay in arrintan aysan hadda gaarsiisnayn heerkii aargoosi wadajir ah.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Saldhigga Cirka ee Incirlik ee ku yaalla koonfurta Turkiga uu yahay xarun istaraatiijiyadeed oo muhiim ah oo ay isticmaalaan ciidamada shisheeye, gaar ahaan kuwa Mareykanka iyo xulafada kale ee NATO.

Saldhiggan oo hoos yimaada taliska ciidamada cirka ee Turkiga, balse u shaqeeya qaab saldhig wadajir ah oo ay leeyihiin Turkiga iyo Mareykanka, ayaa door taariikhi ah kasoo qaatay hawlgaladii milateri ee gobolka.

 Wuxuu xudun saadka iyo taageerada cirka ah u ahaa hawlgaladii Mareykanku hoggaaminayay ee Ciraaq xilligii Dagaalkii Khaliijka ee 1991-kii, iyo sidoo kale hawlgaladii la-dagaalanka kooxda Daacish (ISIS) ee sanadkii 2014-kii, in kasta oo Turkigu uu horey u diiday in Mareykanku uu saldhiggan u adeegsado duulaankii Ciraaq ee sanadkii 2003-dii.

War ka cusub la-taliyihii Saciid Deni ee lagu xiray Muqdisho

0

Garoowe (Caasimada Onlien) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii deysay la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland, kaas oo maalmo ka hor ay boolisku ku xireen magaalada Muqdisho.

Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, oo ah la-taliyaha madaxweynaha Puntland ee dhanka arrimaha bulshada ayaa taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed dhawaan ku eedeeyay falal carqaladeynaya amniga.

La-taliyaha ayaa shalay ka degay magaalada Garoowe, halkaasi oo ay gaareen xildhibaannada kasoo jeeda Puntland ee ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib maalmo ay ku xayirnaayeen xayndaabka garoonka Muqdisho.

La-taliye Axmed oo warbaahinta si kooban ula hadlay markii uu gaaray Garoowe ayaa sheegay inuu xarigiisu ahaa afduub sharci darro ah.

“Aniga wixii la igu xiray la ima sheegin, koley Ilaahay waa iga soo daayay. Waa la i afduubtay ee la ima xirin, afduubkaasna waa kasoo baxay. Hadda waxan ma rabo in faah-faahintooda ka hadlo ma rabo, ayuu yiri La-taliyaha sare ee Madaxweyne Siciid Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Reer Xamar waa isku baahanahay, ciladda jirta waa Xasan Sheekh iyo rajiimkaas, laakiin dadka reer Muqdisho waa dad wanaagsan oo na jecel oo jecelnahay, isagana (Xasan) waa ka dulqaadeyna.”

Xariga mas’uulkan ayaa markii hore dhalisay caro xooggan iyo cambaareyn kasoo yeertay maamulka Puntland, kuwaas oo tallaabadaas ku tilmaamay “afduub” sharci-darro ah oo dhacay xilli habeen ah.

Maamulka Puntland ayaa markaas ciidamada federaalka ku eedeysay inay gacan-qaad iyo jirdil u geysteen xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo deganaa hoteelkaas, kadibna ay si xoog ah ku kaxeysteen Mudane Hurre.

“Falkan waa mid ugub ku ah Dowladdnimada, iyadoo aan sifo sharci ah loo soo marin oo uusan jirin wax danbi ah oo ay geysteen waxaa hotel AirPort loogu daatay Xildhibaannada iyo Senatarada Puntland, waxaa halkaasi ka dhacay jirdil iyo afduub,” ayuu maamulka Puntland ku yiri bayaan uu soo saaray.

Dowladda Federaalka oo Arbacadii ku guuleysatay qorshaheeda dhameystirka dastuurka ayaa dhawaan is hortaagtay in xildhibaannada kasoo jeeda Puntland ay tegaan Garoowe, iyadoo markaas mamnuucday in xildhibaannada Baarlamaanka ay ka baxaan magaalada Muqdisho.

Haatan, go’aankaas ayaa meesha laga saaray, kadib markii Villa Soomaaliya ay soo xirtay malafka dastuurka, oo ah kan uu muranka ugu xooggan ka taagan yahay.

Si kastaba, dhameystirka dastuurka ayaa weli wajahaya khilaaf hor leh, iyadoo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu si adag u diiday wax-ka-beddelka dastuurka ee shalay uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay in go’aanka kasoo yeeray guddoonka baarlamaanka, kadib codeyn la sheegay in loo qaaday dhameystirka dastuurka, lagu fuliyay hannaan si cad u jebinaya habraacyada dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada Baarlamaanka iyo shuruudda aqlabiyadda laba-meeloodka.

“Dastuur lagu beddelo cadaadis, laaluush iyo habraac ka leexsan sharciga ma noqon karo dastuur qaran oo mideeya ummadda Soomaaliyeed, mana yeelan karo sharciyad siyaasadeed oo lagu dhisi karo dowladnimo saldhigata,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka.

Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay inuu aqoonsan yahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee 2012, kaas oo ah heshiiska qaran ee saldhigga u ah midnimada dalka, federaalka, awood-qaybsiga, nidaamka baarlamaaniga ah iyo doorashooyinka afarta sano mar.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dowlad-goboleedyada, saamilayda siyaasadda iyo hoggaanka Baarlamaanka inay difaacaan nidaamka dastuuriga ah iyo sharciga dalka.

Sidoo kale, beesha caalamka ayay ka dalbadeen inay si cad oo fagaare ah u muujiyaan mowqifkooda ah in wax-ka-beddel kasta oo dastuurka lagu sameeyo uu noqdo mid sharci ah, loo dhan yahay, hufan, kuna dhisan heshiis qaran.

Taliye Mahad Salaad oo si cajiib ah u sagootiyay Aadan Maxamed Cumar oo dhawaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Kaaliyihii hore Amniga ee hay’addaas, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar oo dhowaan loo magacaabay xil cusub.

Kulankan oo ka dhacay xarunta NISA ayaa lagu maamuusayay shaqadii iyo kaalintii uu Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar kasoo qaatay howlaha amniga iyo sirdoonka intii uu ka tirsanaa hay’adda.

Agaasime Mahad Maxamed Salaad ayaa munaasabaddaasi ku guddoonsiiyay Aadan billad sharafeed, taas oo lagu maamuusay dadaalkii iyo shaqadii uu kasoo qabtay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Mahad ayaa ku ammaanay Aadan sida uu uga soo dhalaalay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, isaga oo xusay in uu ka mid ahaa saraakiisha muhiimka ah ee door weyn ka qaatay sugidda amniga.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar u magacaabay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka, kuwaas oo haatan lagu wado qorshe lagu dardargelinayo howlahooda.

Ciidankan gaarka ah ee uu hoggaamin doono ayaa la filayaa in ay door muhiim ah ka qaataan howlaha amni ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Hay’adda NISA ayaa Aadan ku tilmaantay shaqsi naf iyo waqti u huray howlaha hay’adda, isla markaana lagu yaqaanay karti, hufnaan iyo sida uu u gutay waajibaadka shaqo ee loo igmado.

Muddo xileedka Xasan iyo xildhibaanada baarlamanka oo hal sano lagu kordhiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa xalay ku dhawaaqay in muddada xil-heynta Baarlamaanka 11-aad ay tahay shan sano, kaddib markii xildhibaannada Labada Aqal ay Arbacadii ansixiyeen dastuurka cusub ee Dowladda Federaalka.

Baarlamaanka 11-aad ee hadda shaqeynaya, oo lagu soo doortay Dastuurkii KMG ahaa ee markaas jiray, waxaa lagu asteeyay in muddada xilheyntiisu tahay afar sano, kana bilaabaneysa maalintii xildhibaannada Labada Aqal la dhaariyey, taas oo ahayd 14-kii Abriil 2022, kuna eg 14-ka Abriil 2026.

Hase yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanku sii shaqeyn doono muddada uu oggol yahay dastuurka cusub ee la meel mariyey, taas oo ah shan sano.

Waxay sidoo kale tani ka dhigan tahay in muddo xileedka madaxweynaha uu yahay shan sano, sida ku cad dastuurka cusub, taasi oo ka dhigan in madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka sii hayn doono illaa May 2027.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadalkiisa laga dheehan karay in baarlamankan, oo muddada xilheyntiisu geba-gebo ku dhowdahay, uu la jaanqaadi doono dhaqangelinta dastuurkan, kaas oo wax ka beddelkiisa si weyn loogu kala aragti duwan yahay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo.

“Baarlamaanku wuxuu shaqeyn doonaa inta uu tilmaamay dastuurka hadda la ansixiyay, ayuu joogi doonaa. Dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ma ahan ee waa dastuur rasmi ah. Inta uu tilmaamay ayay Baarlamaanka iyo hay’adaha dastuuriga ahi shaqeyn doonaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xalay ka hadlayay kulan afur ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u sameeyay xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa yiri, “Kalfadhiyada noo harsan, shuruuc kale oo muhiim ah oo hadda laga gaari waayay iyo waxyaabo kale oo dowlad-dhiska ka mid ah ayaan ku qaban doonnaa.”

Aadan Madoobe ayaa sheegay in xildhibaannadu ay Arbacadii fasax galeen si ay u soo nastaan, maadaama, sida uu yiri, ay waqti dheeraad ah shaqeynayeen, isla markaana ay shaqada dib ugu soo laaban doonaan marka fasaxoodu dhammaado.

Aadan Madoobe ayaa intaas ku daray in xildhibaannadii la ganaaxay ay la mid yihiin xildhibaannada kale, wuxuuna ugu baaqay in iyaguna ay shaqada ku soo laabtaan marka fasaxu dhammaado.

“Fadhiga soo socda hal qof inuu naga maqnaado ma rabno, waxaana leenahay idiinkana imaada, ganaaxiinnii waa dhammaaday, dastuurkiinna waa la ansixiyay, idiinkana imaada ayaan leenahay walaalayaal, wax naga halaaysanna ma jiraan,” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Dhanka kale, Aadan Madoobe ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu yeeray in aysan ka hor imaan dastuurka cusub, haddii kalena loo aqoonsan doono kuwo diidan qaranimada Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale xusuusiyay in musharrax kasta uu doorashadii hore ku ololeynayay in uu dhammaystiri doono dastuurka dalka, isla markaana uu sheegay in Madaxweynaha talada haya uu ku guuleystay arrintaas, sidaas darteedna aysan jirin sabab ay u diidi karaan.

Aadan Madoobe ayaa carrabka ku adkeeyay in aanu dastuurkan noqon doonin mid meel iska yaalla, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh ku booriyay in la dhaqangeliyo.

Aabe iyo hooyo Soomaali ah iyo carruurtooda oo lagu dilay Finland – Sidee u dhacday?

Helsinki (Caasimada Online) — Booliska dalka Finland ayaa maxkamad weydiisan doona in xabsiga lagu sii hayo oday 71-jir ah, kaas oo looga shakisan yahay inuu si ula kac ah dab u qabadsiiyay qeybta ay ka degan yihiin dhisme dabaq ah, falkaas oo galaaftay nolosha shan qof oo isku qoys ah oo kasoo jeeda Soomaaliya, sida ay sheegeen baarayaasha kiiskan.

Masiibadan ayaa ka dhacday dhismahan la deggan yahay oo ku yaalla xaafadda Pähkinärinne ee magaalada Vantaa, taas oo dhacda waqooyiga caasimadda Helsinki, waaberigii hore ee subaxnimadii Talaadada. Adeegyada gurmadka degdegga ah ayaa qaylo-dhaanta helay abaaro 5:41 aroornimo (0341 GMT), iyagoo markiiba xaqiijiyay in dabku uu ahaa mid aad u xooggan oo si xawli ah u faafayay.

Qiiq isku shareeray jaranjarada dhismaha ayaa xiray waddooyinkii ay ku baxsan lahaayeen dadkii deganaa dabaqyada sare. Shan qof oo kala ah; aabaha iyo hooyada oo da’doodu u dhexayso 30 ilaa 40 jir, iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen oo da’doodu kala tahay saddex, lix, iyo siddeed jir, ayaa ku neef-qabatoobay sunta gaaska ee ka dhalatay qiiqa xilli ay isku dayayeen inay baxsadaan.

Ilmo dhowaan-dhalad ah oo isla qoyskan ka tirsan ayaa ka badbaaday musiibadan, waxaana laga dhex helay meydadka agtooda. Ilmahan yar ayaa loola cararay isbitaalka, xaaladdiisuna weli waa mid aad u liidata.

Ninka falkan lagu tuhmayo, oo ah oday u dhashay dalka Finland, da’diisuna ay 70-meeyo tahay, isla markaana deganaa dhismahan, ayaa iskiis u aaday booliska oo goobta ku sugnaa isagoo isu dhiibay. Waxaa la filayaa in Jimcaha la horgeeyo maxkamadda degmada, halkaas oo boolisku ay dalban doonaan in uu xabsiga kusii jiro inta baaritaanku socdo.

Sida ay sheegtay Sanna Rentola, oo ah madaxa baarayaasha kiiskan, falkan ayaa loo baarayaa sidii shan kiis oo dil bareer ah, laba isku-day dil, iyo dab-qabadsiin ula kac ah. “Boolisku waxay hal mar su’aalo weydiiyeen eedeysanaha, waana ay sii wadi doonaan baaritaannada dheeriga ah,” ayay tiri Rentola oo war-saxaafadeed soo saartay.

Caddeymaha hordhaca ah ee la helay ayaa muujinaya in dabka si ula kac ah loo shiday, isagoo ka bilowday guriga eedeysanaha ee ku yaalla dabaqa labaad, ka hor inta uusan ku faafin dhismahan oo ka kooban lix dabaq.

Mas’uuliyiinta ayaa ilaa hadda meesha ka saaray in falkan uu salka ku hayo nacayb ka dhan ah dadka soo-galootiga ah. “Ma jiraan wax muujinaya ujeeddo cunsuriyadeed,” ayay Rentola u sheegtay suxufiyiinta, iyadoo intaas ku dartay in qoyska Soomaaliyeed aan iyaga si gaar ah loo beegsan, balse ay la mid ahaayeen dadka kale ee dhismaha deganaa ee khatarta wajahay.

Si kastaba ha ahaatee, eedeysanaha ayaa leh diiwaan dembiyeed hore oo la xiriira falal rabshado ah.

Wargeyska maalinlaha ah ee Ilta-Sanomat ee kasoo baxa Finland ayaa weriyay in ninkan uu horay u galay dambi isku-day dil horraantii sanadihii 2000-aad, markaas oo uu mindi ku weeraray haweeneydii ay isqabeen.

Sidoo kale, maxkamad ayaa sanadkii 2014-kii ku xukuntay inuu wejiga ka garaacay isla haweeneydaas kadib markii ay kala tageen. Boolisku si faahfaahsan ugama hadlin taariikhda eedeysanaha ee ka baxsan wixii la xiriira kiiskan taagan.

Afar qof oo kale oo dhismaha deganaa ayaa ku dhaawacmay dabka, iyadoo mid ka mid ah xaaladdiisu ay aad u liidato. Mas’uuliyiinta ayaa daad-gureeyay dhammaan dadkii deganaa dhismahan, waxaana gebi ahaanba la xiray oo ciidamo la dhoobay dhismihii gubtay.

Musiibadan ayaa si weyn u ruxday magaalada Vantaa, si gaar ahna dhaawac weyn ugu noqotay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Finland. Vantaa waa magaalada afaraad ee ugu weyn dalka Finland, waxayna ka mid tahay degmooyinka ugu dadyowga kala duwan dalkaas, iyadoo ku dhawaad boqolkiiba 29 dadka degan ay ku hadlaan afaf qalaad oo aan ahayn luqadda hooyo ee dalkaas.

Soomaalida ayaa ka mid ah jaaliyadaha ugu faca weyn waddankan dhaca waqooyiga qaaradda Yurub, iyadoo badankood ay yimaadeen horraantii 1990-meeyadii kadib markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

Maamulka maxalliga ah ayaa si degdeg ah u diyaariyay hoy ku-meel-gaar ah iyo taageero dhanka dhimirka ah oo la siinayo dadkii ku barakacay dabkan. Magaalada ayaa sidoo kale qaban-qaabisay barnaamijyo taageero wada-sheekaysi ah oo laga sameeyay iskuullada iyo xanaanooyinka maxalliga ah, si loo caawiyo ardayda, qoysaska iyo shaqaalaha inay u adkeystaan xanuunka naxdintan.

Kaniisadda Hämeenkylä ayaa qabatay kulan baroor-diiq ah oo u furan bulshada, halka xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed ay isugu soo baxeen masaajidda deegaanka si ay ugu duceeyaan dadkii dhintay.

Booliska ayaa caddeeyay in baaritaanka hordhaca ah uu weli marayo heer bilow ah, uuna qaadan karo dhowr bilood in lasoo afjaro.

“Tirada eedeymaha dambiyada iyo falalka kale ee soo baxa waa kuwo dib-u-eegis joogto ah lagu sameyn doono markasta oo uu baaritaanku hore u socdo,” ayay tiri Sanna Rentola.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dib loogu soo celiyay dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 12 muwaadin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xarumo ku yaalla magaalooyinka Khartoum iyo Omdurman ee dalka Sudan.

Muwaadiniintan ayaa la qabtay xilli ay isku dayayeen inay si sharci-darro ah ugu tahriibaan dalal kale, waxaana ay ku jireen xabsi dhowr sano ah ka hor inta aan lagu guuleysan in dib loogu soo celiyo Soomaaliya, kadib dadaallo diblomaasiyadeed oo ay sameysay dowladda.

Markii ay soo gaareen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Mas’uuliyiinta soo dhaweeyay muwaadiniintan ayaa u muujiyay taageero iyo daryeel, iyagoo sidoo kale sheegay in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu caawinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan waddamada dibadda.

Waxay xuseen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineyso ilaalinta xuquuqda iyo badbaadada dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalalka kale, ayna mar walba ka shaqeyn doonto sidii loo soo badbaadin lahaa muwaadiniinta la kulma xaalado adag.

Sidoo kale waxaa loo mahadceliyay Safaaradda Soomaaliya ee Sudan, Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), iyo dowladda Sudan kaalintii ay ka qaateen fududeynta sii deynta iyo dib usoo celinta muwaadiniintan.

Ugu dambeyn, Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka fogaadaan tahriibka sharci-darrada ah, iyagoo ku booriyay inay ka fiirsadaan khataraha waaweyn ee ka dhalan kara safarrada noocaas ah.

Trump oo xilka ka qaaday Kristi Neom kadib markii ay kashiftay arrin xasaasi ah

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Khamiistii shaqada ka ceyriyay Xoghayihii waaxda Amniga Gudaha (DHS), Kristi Noem, kadib markii ay soo wajahday dhaliil xooggan oo ku aaddan qaabka ay u maamushay waaxdaas, gaar ahaan tallaabooyinkii adkaa ee xukuumadda ee ka dhanka ahaa soo-galootiga iyo ka-jawaabidda musiibooyinka dabiiciga ah.

Madaxweyne Trump, oo go’aankan xasaasiga ah ku shaaciyay baraha bulshada, ayaa sheegay inuu xilkaas u magacaabi doono Senator Markwayne Mullin oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto gobolka Oklahoma.

Dhanka kale, Trump ayaa xusay in Noem loo magacaabi doono “Ergeyga Gaarka ah ee Gaashaanka Qaaradaha Ameerika” (Special Envoy for The Shield of the Americas), oo ah hindise amni oo cusub oo uu sheegay inuu diiradda saari doono dalalka dhaca galbeedka adduunka.

Tallaabadan xil-ka-qaadista ah ayaa timid laba maalin un kadib markii Noem ay su’aalo adag iyo weydiin adag kala kulantay xubnaha sare ee xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ee fadhiya Aqalka Koongareeska.

Daqiiqado kadib markii Trump uu baahiyay warka xil-ka-qaadisteeda, Noem ayaa khudbad ka jeedisay madal ay lahayd waaxda Amniga Gudaha, iyadoo aan soo hadal-qaadin shaqo ka ceyrinteeda. Beddelkeeda, waxay akhrisay khudbad horay loo sii diyaariyay oo ay ku xoojinaysay farriimihii Trump uu ka jeediyay khudbaddii xaaladda qaranka ee bishii hore.

Kristi Noem ayaa noqonaysa xubintii ugu horreysay ee ka tirsan gollaha wasiirada oo xilka laga qaado inta lagu guda jiro muddo-xileedka labaad ee Madaxweyne Trump. Bixitaankeeda ayaa soo afjaraysa muddo-xileed ay hareeyeen qalalaase iyo dibadbaxyo la xiriira hab-dhaqankeeda adag ee ku wajahan fulinta shuruucda socdaalka, taas oo dhalisay dacwado sharciyeed oo is-daba-joog ah.

Xil-haynta Noem ayaa u muuqatay mid gabaabsi ah kadib dhageysigii guddiyada Koongareeska ee toddobaadkan, halkaas oo ay kala kulantay dhaliilo naadir ah balse kulul oo uga yimid xitaa sharci-dejiyayaasha xisbigeeda Jamhuuriga.

Qodobada ugu weyn ee sida weyn loogu bartilmaameedsaday waxaa ka mid ahaa olole xayeysiis ah oo ku kacay 220 milyan oo doolar, kaas oo ay ka dhex muuqatay Noem, ujeedkiisuna ahaa in lagu dhiirigaliyo dadka sida sharci-darrada ah dalka ku jooga inay si iskood ah dalka uga baxaan.

Noem ayaa u kashiftay sharci-dejiyayaasha in Trump uu horay uga warqabay ololahan, balse Madaxweynaha ayaa si adag u beeniyay arrintaas wareysi uu Khamiistii siiyay wakaaladda wararka ee Reuters, isagoo xaqiijiyay in uusan marnaba saxiixin oggolaanshaha olole xayeysiiseedkaas, waxaana la sheegay in uu aad ugu carrooday.

Dhanka kale, waaxda Amniga Gudaha ee DHS ayaa u xirneyd muddo 20 maalmood ah sababo la xiriira miisaaniyad la’aan ka dhalatay is-mari-waa siyaasadeed, inkastoo shaqaale badan oo waaxdaasi ka tirsan ay wali shaqeynayaan iyagoo aan wax mushaar ah qaadan.

Barasaabkii hore ee gobolka South Dakota ayaa sidoo kale la kulantay mowjado cambaareyn ah oo ku aaddan ololaheeda adag ee ka dhanka ah soogalootiga, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii ciidamada fulinta socdaalka ay toogasho ku dileen labo qof oo banaanbaxayaal ah magaalada Minneapolis.

Waxaa u dheer in lagu dhaliilay qaabka ay waaxdeedu u maamushay balaayiin doolar oo uu Koongareesku u qoondeeyay in wax looga qabto xaaladaha deg-degga ah.

Burburka siyaasadeed ee Noem ayaa sidoo kale salka ku haya gaabis ku yimid bixinta dhaqaalaha gurmadka degdegga ah ee la sii mariyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Federaalka (FEMA).

Hab-maamulkeedii daciifka ahaa ee ka-jawaabidda musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ku dhuftay ayaa sababay in xubnaha Jamhuuriga dhexdiisa ay ka dhashaan shaki iyo dhaliilo waaweyn oo dedejiyay in meesha laga saaro.

Ugu dambeyn, Senator Markwayne Mullin ayaa u baahan doona in Senate-ka ay si rasmi ah u meel-mariyaan magacaabistiisa. Si kastaba ha ahaatee, sida uu qabo sharciga federaalka ee maamulaya jagooyinka banaan ee laanta fulinta, waxaa loo oggolaan doonaa inuu si kumeel-gaar ah u sii hayo xilka Xoghayaha waaxda Amniga Gudaha inta laga sugayo in magacaabistiisa ay ansixiyaan senate-ka.

Xasan iyo xildhibaannada taabacsan oo u dabaal degay ansixinta dastuurka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan af-fur ah ku maamuusay, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey dadaalka, dulqaadka iyo mas’uuliyadda ay muujiyeen muddadii ay socotay shaqada qaran ee dhammeystirka dastuurka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in guushan ay tahay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowladnimada, midnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka,

Sidoo kale wuxuu adkeeyey in dastuurka la dhammeystiray uu saldhig u noqon doono dhismaha hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee ku dhisan sharciga iyo isla xisaabtanka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey khubaradii Soomaaliyeed iyo guddiyadii farsamo ee ka shaqeeyey in la gaaro heshiis qaran oo ku saleysan danaha shacabka Soomaaliyeed, iyada oo aan loo baahan kaalmo shisheeye.

Sidoo kalena wuxuu ku boorriyey Xildhibaannada iyo dhammaan hay’adaha dowladda in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran oo ka tarjumaysa rabitaanka iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo isna ka qeyb-galay ayaa dhankiisa sheegay in dastuurka la ansixiyay uusan ku imaan talo ama saameyn ka timid dhinacyo shisheeye, siyaasadeed ama dhaqaale midna, balse uu yahay mid ka dhashay aragti iyo go’aan Soomaaliyeed.

Xamza ayaa xusay in dhammeystirka dastuurka uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, laguna dhisayo qaran leh awood iyo isku-filnaansho dhaqaale, isla markaana leh amni sugan iyo hay’ado dowladeed oo shaqeeya.

“Dhammeystirka Dastuurku waa aragti Soomaaliyeed oo fayoow, oo xoojinaysa horumarka iyo dhismaha qaran awood leh oo isku filan, dhaqaalihiisana ku tiirsan, leh amni sugan oo hirgelinaya doorashooyin madax-bannaan, awooddana loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Qoor-Qoor oo eryay wasiiro, kuwa cusubna magacaabay + Magacyada

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa maanta soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirrada dowlad-goboleedka Galmudug.

Wareegtada Madaxweynaha oo tirsigeedu yahay Lr.299, kuna taariikheysan 05-ka March 2026, ayaa lagu magacaabay wasiirro, wasiir-dowle iyo wasiir ku-xigeenno cusub oo ka mid noqonaya maamulka.

Sidoo kale wareegtada ayaa lagu xusay in baahida loo qabo in la helo wasiirro karti leh oo gudan kara waajibaadkooda shaqo ay qeyb ka tahay sababaha loo sameeyay magacaabistan cusub.

Xubnaha cusub ee uu Madaxweynaha magacaabay ayaa kala ah: Maxamed C/raxmaan Xasan oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Maxamuud Cabdi Ciise oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, iyo Cabdullaahi Maxamed Daahir oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.

Sidoo kale Mustaf Cabdi Xaashi ayaa loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, halka Guuleed Nuur Cabdi loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Duulista iyo Hawada.

Cabdiqadar Axmed Maxamuud ayaa isna loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka ee dowlad goboleedka Galmudug.

Qoor-Qoor ayaa sidoo kale tilmaamay in uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay leeyihiin xubnaha la magacaabay, ka hor inta uusan soo saarin xeerkan. Iyadoo uu la-tashi la sameeyay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ka hor inta uusan go’aanka rasmiga ah gaarin.

Si kastaba, Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa faray dhammaan hay’adaha dowlad-goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan wasiirrada cusub si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Madaxweyne Xasan oo xil sare u magacaabay Zakariye Yuusuf Xuseen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Zakariye Yuusuf Xuseen u magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Magacaabistan ayaa lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday Madaxtooyada Soomaaliya, taas oo qayb ka ah isbeddellada maamulka ee lagu xoojinayo shaqada hay’adaha dowladda.

Villa Somalia ayaa sheegtay in tallaabadan ay ka mid tahay dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tayeynayso hufnaanta iyo waxqabadka hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, madaxtooyadu waxay tilmaantay in magacaabistan ay qeyb ka tahay dhiirrigelinta ka qaybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta iyo maamulka dowliga ah.

Mudane Zakariye Yuusuf ayaa horey u soo noqday Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu soo noqday Komiishinar ka tirsanaa Guddigii Xuduudaha iyo Federaalka, isagoo ku takhasusay arrimaha siyaasadda, horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah.

Dhanka kale, Agaasime Ku-xigeenkii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa dhawaan loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Maxamed Amiin ayaa maalin ka hor u gudbiyay nuqulka waraaqaha aqoonsiga safiirnimo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, taas oo u oggolaanaysa inuu si rasmi ah u bilaabo xilkiisa diblomaasiyadeed.

Iran oo war shaki abuuray kasoo saartay weerarka maanta lagu qaaday Azerbaijan

Baku (Caasimada Online) – Gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ayaa maanta lagu beegsaday garoonka diyaaradaha ee Nakhchivan ee dalka Azerbaijan.

Gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ayaa ku dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Nakhchivan. Garoonkan ayaa qiyaastii 10 kiiloomitir u jira xadka Iiraan, wuxuuna ku yaallaa gobolka Nakhchivan ee Azerbaijan, oo juqraafi ahaan ka go’an dhulka intiisa kale ee dalka.

Weerarkan oo markii hore lala xiriiriyay Iiraan ayaa haatan waxaa soo baxaya shaki muujinaya in dhinac kale uu fuliyay, kadib markii xukuumadda Tehran ay si cad isaga fogeysay weerarka maanta lagu qaaday Azerbaijan.

Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan ayaa sheegay in duqeynta ay ka dambeeyaan Israa’iil, isagoo ku eedeeyay inay doonayso inay carqaladeyso xiriirka u dhexeeya dalalka Muslimiinta.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay marar badan adeegsato falal qarsoodi ah si ay xiisad uga dhex abuurto dalalka gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Iiraan ayaa meesha ka saartay inay si toos ah u bartilmaameedsanayso dalalka Muslimka, iyadoo sheegtay in siyaasaddeedu aysan ku saleysneyn weerarro ka dhan ah dowladaha Islaamka.

Dhinaca kale, xukuumadda Azerbaijan ayaa weerarkan kadib u yeertay safiirka Iiraan, halka wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas uu cambaareeyay weerarka drone-ka ee lagu beegsaday dalkooda.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu xaq u leeyahay inuu ka jawaabo weerarkan, oo maanta lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Nakhchivan.

Si kastaba, weerarrada cirka ee Bariga Dhexe ayaa socda maalinkii lixaad oo xiriir ah, iyagoo si weyn saameyn ugu yeeshay suuqyada caalamka.

Rabshadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe ayaa sababay barakac ballaaran, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR). Ilaa 100,000 oo qof ayaa ka qaxay magaalada Tehran labadii maalmood ee ugu horreeyay, kadib weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil.

Xildhibaannadii laga celiyay Puntland oo ugu dambeyn maanta ka degay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Puntland ayaa maanta ka degay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Xildhibaannadan oo muddo ku xanibnaa xayndaabka garoonka Muqdisho ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, kadib markii dowladdu ogolaatay inay u duulaan halkaasi.

Guddoonka Baarlamaanka Puntland, xildhibaano heer federaal ah, xubno ka tirsan golayaasha maamulka Puntland iyo qaar kamid ah shacabka Garoowe ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta xildhibaanadan.

Xubnahan ayaa sheegay in hor-istaagga lagu sameeyay looga gol lahaa inaysan ka bixin magaalada Muqdisho illaa inta laga ansixinayo dhameystirka wax-ka-beddelka dastuurka KMG ah, kaasi oo guddoonka baarlamaanka uu shaaciyay in cod aqlabiyad ah lagu meel-mariyay.

Xildhibaannadan ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wax-ka-beddelka dastuurka ee uu shalay ansixiyay baarlamaanka, iyagoo si cad u sheegay inaysan aqoonsanayn dastuurkan cusub.

“Innaga dastuurkeennu waa dastuurkii aynu samaynay, waxa kale waxba kama jiraan mana aqoonsanin,” ayuu yiri Senator Faroole oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu intaas ku sii daray, “Kan shaqo kuma lihin (dastuurka cusub), nimankaasna illaa bisha May ayaa u hadhay, halkaas ayay ku dhammaanaysaa.”

Dowladda Federaalka oo haatan ku guuleysatay qorshaheeda dhameystirka dastuurka ayaa dhawaan is hortaagtay in xildhibaannada kasoo jeeda Puntland ay tegaan Garoowe, iyadoo markaas mamnuucday in xildhibaannada Baarlamaanka ay ka baxaan magaalada Muqdisho.

Haatan, go’aankaas ayaa meesha laga saaray, kadib markii Villa Soomaaliya ay soo xirtay malafka dastuurka, oo ah kan uu muranka ugu xooggan ka taagan yahay.

Si kastaba, dhameystirka dastuurka ayaa weli wajahaya khilaaf hor leh, iyadoo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu si adag u diiday wax-ka-beddelka dastuurka ee shalay uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay in go’aanka shalay kasoo yeeray guddoonka baarlamaanka, kadib codeyn la sheegay in loo qaaday dhameystirka dastuurka, lagu fuliyay hannaan si cad u jebinaya habraacyada dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada Baarlamaanka iyo shuruudda aqlabiyadda laba-meeloodka.

“Dastuur lagu beddelo cadaadis, laaluush iyo habraac ka leexsan sharciga ma noqon karo dastuur qaran oo mideeya ummadda Soomaaliyeed, mana yeelan karo sharciyad siyaasadeed oo lagu dhisi karo dowladnimo saldhigata,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka.

Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay inuu aqoonsan yahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee 2012, kaas oo ah heshiiska qaran ee saldhigga u ah midnimada dalka, federaalka, awood-qaybsiga, nidaamka baarlamaaniga ah iyo doorashooyinka afarta sano mar.

Sidoo kale, Golaha ayaa ugu baaqay dowlad-goboleedyada, saamilayda siyaasadda iyo hoggaanka Baarlamaanka inay difaacaan nidaamka dastuuriga ah iyo sharciga dalka.

Beesha caalamka ayay ka dalbadeen inay si cad oo fagaare ah u muujiyaan mowqifkooda ah in wax-ka-beddel kasta oo dastuurka lagu sameeyo uu noqdo mid sharci ah, loo dhan yahay, hufan, kuna dhisan heshiis qaran.