27.3 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Xeeladda cusub ee Iiraan ee Mareykanka ku qasbi doonta in uu ka laabto dagaalka

Tehran (Caasimada Online)  Markii ay Israa’iil iyo Mareykanku billaabeen duullaankooda ka dhanka ah Iiraan, ujeeddada asaasiga ah ee laga lahaa waxay ahayd in si degdeg ah xukunka looga tuuro nidaamka Tehraan. In kasta oo natiijadaas ay weli si rasmi ah miiska u saaran tahay, farriimihii ugu dambeeyay ee ka imanaya Washington ayaa muujinaya in dib-u-qiimeyn lagu sameeyay qorshahaas bilowga ahaa.

Xaaladda ka jirta dhulka ayaa ku guuldareysatay inay dhaliso naxdintii iyo kacdoonkii shacab ee la filayay inay horseedaan in Iiraan ay gudaha ka dunto. Sida uu dagaalku u galay maalintiisii afaraad, waxa uu u fiday qaab baaxad leh. Beddelkii uu nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah burburi lahaa, waxa uu qaatay xeelad adkeysi ah, isagoo weerarro khasaare geystay la beegsaday goobo lala xiriirinayo cadowgiisa.

Xaaladdan ayaa ku qasbeysa Mareykanka iyo Israa’iil inay dib u qaabeeyaan qorshehoodii xukun-ka-tuurista iyo fikradihii ay ka qabeen in Iiraan ay oggolaan doonto wadahadal.

Geeridii Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan, Cali Khamenei, kaddib, Tehraan waxay wada-hadal u aragtaa mid aad u fog. Sidaa darteed, Iiraan ayaa si qabow uga jawaabtay baaqyada diblomaasiyadeed ee dalalka gobolka, iyadoo si cad uga digtay waddamada martigeliya saldhigyada iyo hubka milateri ee Mareykanka.

Tani ma ahan oo keliya madax-adayg ku saleysan fikir, balse waa qiimeyn xeeladeed oo xaqiijinaysa in wada-hadal ama xabbad-joojin aan dhalin isbeddel dhab ah ay horseedi karto weerar ka sii weyn mustaqbalka dhexe.

Laba arrimood oo la taaban karo ayaa sii xoojinaya walaacan. Marka hore, maamulka Mareykanka laftiisa ayaa qirtay in dagaalku uusan noqon doonin mid gaaban ama xaddidan. Janaraal Dan Caine, oo ah guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada Mareykanka, ayaa xarunta Pentagon-ka ka sheegay in “la filayo khasaare dheeraad ah”.

Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa isku dayay in uu dejiyo cabsida isagoo yiri, “Kani ma ahan Ciraaq. Ma ahan mid aan dhammaad lahayn.” Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isna ku celceliyay hadalkan, si loo yareeyo walaaca isa soo taraya ee laga qabo in wejigii koowaad ee weerarrada uusan dhalin guulihii la filayay.

Intaa waxaa dheer, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa sii ballaariyay yoolalka howlgalka, isagoo xusay in Mareykanku doonayo in uu tirtiro awoodda gantaallada ballistic-ga ee Iiraan. Rubio waxa uu sheegay inay hayaan bartilmaameedyo ayna qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah inta ay qaadanayso si loo gaaro yoolalkaas. Tani waxay caddaynaysaa in Mareykanka iyo Israa’iil ay aad uga fog yihiin xaqiijinta natiijooyinkii istaraatiijiyadeed ee ay markii hore dejiyeen.

Farqiga u dhexeeya yoolalka iyo xaqiiqada ayaa abuuray culeys ah in la helo waddo cusub oo looga baxo dagaalka. Israa’iil ayaa muddo dheer ku doodayay in la rido nidaamka Iiraan ay aakhirkii u baahan doonto ciidamo dhulka ah. Xaaladdan dhexdeeda, in Washington ay istaraatiijiyadeeda ku darto kooxaha mucaaradka Iiraan iyo Kurdiyiinta ayaa u muuqata mid soo ifbaxeysa.

Hadalkii Rubio ee ahaa in aysan hadda diyaar u ahayn ciidamo dhulka ah balse madaxweynuhu leeyahay ikhtiyaaro uusan meesha ka saarayn, ayaa soo jeedinaysa in Mareykanku laga yaabo inuu diyaar u yahay inuu wajaho khatar weyn iyo dagaal dheer si uu u kabo gaabiska istaraatiijiyadeed ee bilowga ah.

Dhaqdhaqaaqa Iiraan ayaa dhankeeda isbeddelay, iyadoo go’aansatay in ay ka tanaasusho weeraradii goosgooska ahaa ee cuslaa ee ay ku haysay Israa’iil, ayna ku beddesho weerarro joogto ah oo baahsan kuwaas oo loogu talagalay in lagu daaliyo awoodaha difaaca cadowga.

Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Iiraan ayaa si furan u qirtay in kastoo isgaarsiinta xarumaha taliska ay go’day markii hore, unugyada ciidamadu ay sameeyeen qorsheyaal beddel ah oo ay ku howlgaleen, haatanna la soo celiyay isku-xirka.

Sarkaalka ayaa yiri: “Awooddeenna ayaa noo oggolaanaysa in aan dagaalkan gobolka ka wadno bilo. Waxaan bixinnay qiimihii ugu sarreeyay – waxaan waynay hoggaamiyaheennii. Laakiin khasaaraha Mareykanka ayaa ka sii badnaan doona. Kaydkeenna iyo qorsheyaasheenna waa kuwa is-waafaqsan.”

Tijaabada adkeysiga Iiraan ayaa mar hore laga dareemay gobolka. Weerarrada naafeynta ah ee Iiraan ay ku beegsatay ugu yaraan lix saldhig milateri oo Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe ayaa shaki geliyay awoodda difaac ee waddamada Khaliijka ee martigeliya hantida Mareykanka.

Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa la soo sheegayaa inay wajahayaan khatar ah inuu si dhaqso ah u dhammaado kaydkooda hubka difaaca qaarkood, ayna raadsadeen taageero.

Wadahadal dhex maray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxda Imaaraadka iyo Qatar, waxaa la soo wariyay in Imaaraadku ka cawday in dalkooda la weeraro iyadoo aan loo adeegsan goob laga weeraro Iiraan, Putin-na uu u ballanqaaday inuu farriintaas gaarsiin doono Tehraan.

Tani waxay muujinaysaa in Iiraan ay si ula kac ah u carqaladaynayso shabakadaha isbahaysiga Mareykanka ee gobolka, iyadoo xusuusinaysa dalalka Khaliijka in haddii Iiraan ay ka badbaaddo wejigan, ay mar kasta geysan karto khasaare intaas ka badan.

Tamarta iyo ganacsiga badda ayaa weli ah aaladda ugu khatarta badan ee xeeladda Iiraan ay ku kordhinayso qiimaha dagaalka. Digniinaha Iiraan ee ku wajahan maraakiibta maraya Marinka Hormuz ayaa cabsi weyn geliyay suuqyada iyo shirkadaha caymiska. Sicirka shidaalka iyo gaaska ayaa cirka isku shareeray, iyadoo Sucuudiga uu xiray warshadiisii ugu weyneyd ee sifeysa saliidda, halka Qatar ay xirtay xaruntii ugu weyneyd adduunka ee soo saarta gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG).

Tehraan ayaa rumeysan in xitaa haddii khasaaraha milateri ee Mareykanka uu xaddidan yahay, carqaladeynta ganacsiga caalamiga ah ay labalaabi doonto qiimaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dagaalka.

Dhanka gudaha Iiraan, iyadoo aysan muuqan kacdoon shacab oo weyn oo ka dhan ah dowladda, haddana arrin layaab leh ayaa noqotay wadahadallo dhanka khadka taleefanka ah oo la sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta.

Ilo u hadlay Israa’iil ayaa xusay in qowmiyadaha Azaariyinta, Kurdiyiinta, Luuriyiinta, iyo kooxaha Sunniga ah ee waqooyi-galbeed ay u diyaar garoobeen in la kiciyo. Iiraan ayaa qorshahan ku tilmaantay mala-awaal ay Israa’iil ka iibinayso dadka laga tirada badan yahay.

Iiraan ma aysan beegsan oo keliya saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq, balse waxay sidoo kale weerartay ugu yaraan shan xero oo ku yaalla meel u dhow magaalada Erbil oo ay leeyihiin kooxaha mucaaradka Kurdiyiinta Iiraan ee KDPI iyo PAK.

Ugu dambeyntii, muuqaalka soo baxaya ayaa tilmaamaya in jiheynta dagaalka aysan go’aamin doonin guulo ciidan oo degdeg ah, balse ay ku xirnaan doonto isku-geynta khasaaraha labada dhinac.

Mareykanka ayaa dagaalka u arka mid dhalin kara khasaare muddo dheer socda, halka Iiraan ay ugu jawaabayso in ay waqtiga dheereyso oo ay culeyska u qaybiso wejiyo kala duwan oo isku xiran: dhaqaalaha, shidaalka, iyo isbahaysiga gobolka.

Su’aasha ugu weyn ee haatan taagan ayaa dhaafsan Iiraan: Sidee ayay khayraadka iyo baylahda uu dagaalkani banaanka soo dhigay u saameyn doonaan qorshaha istaraatiijiyadeed ee Washington ee ku wajahan Shiinaha? Sidaa darteed, dhibaatada Iiraan ma ahan oo keliya tijaabo goboleed, balse waa tijaabo adag oo lagu eegayo xadka awoodda dhabta ah ee Mareykanka.

Booliska oo Muqdisho ku xiray la-taliyaha Saciid Deni

Muqdisho (Caasimada Onlien) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay xabsiga dhigeen la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland, iyagoo ku eedeeyay falal carqaladeynaya amniga.

Tallaabadan ayaa dhalisay caro xooggan iyo cambaareyn durba kasoo yeertay maamulka Puntland, kuwaas oo falkan ku tilmaamay “afduub” sharci-darro ah oo dhacay xilli habeen ah.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay ciidanka booliska ayaa lagu caddeeyay in ay gacanta ku dhigeen Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, oo ah la-taliyaha madaxweynaha Puntland ee dhanka arrimaha bulshada. Booliska ayaa ku dooday in sarkaalkan uu ku guda jiray “falal liddi ku ah amniga,” isla markaana uu haatan kiiskiisu ku socdo baaritaan.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkiisa qaran ayaa caawa soo qabtay eedaysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku howlanaa falal amniga lid ku ah, waxaana ku socota Baaris,” ayaa lagu yiri qoraal uu taliska booliska soo dhigay barta facebook oo uu la socday sawirka Hurre.

Dhanka kale, dowladda Puntland ayaa si adag u beenisay sheegashada booliska, iyadoo ku eedeysay hay’adaha amniga ee dowladda federaalka inay weerar gaadmo ah oo aan marmarsiiyo lahayn ku qaadeen hoteelka Airport ee magaalada Muqdisho, abaaro 3:00 habeenimo ee saqdii dhexe ee Arbacada.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada federaalku ay gacan-qaad iyo jirdil u geysteen xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo deganaa hoteelkaas, kadibna ay si xoog ah ku kaxeysteen Mudane Hurre.

“Falkan waa mid ugub ku ah Dowladdnimada, iyadoo aan sifo sharci ah loo soo marin oo uusan jirin wax danbi ah oo ay geysteen waxaa hotel AirPort loogu daatay Xildhibaannada iyo Senatarada Puntland, waxaa halkaasi ka dhacay jirdil iyo Afduub,” ayuu maamulka Puntland ku yiri bayaan uu soo saaray,

Puntland ayaa ka digtay in xariggan xasaasiga ah ee dhacay saqdii dhexe uu halis ku yahay inuu kasii daro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe u dhexaysay dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo maamul-goboleedkaas.

 Bayaanka kasoo baxay Puntland ayaa loogu hanjabay dowladda dhexe, iyadoo lagu yiri ““Waxkasta oo ka dhasha falkaasi foosha xun waxaa masuuliyadeeda qaadaysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.”

Iran oo laga cabsi qabo in ay weerarto gudaha Mareykanka kadib markii la ogaaday…

Washington (Caasimada Online) — Iiraan iyo kooxaha gacan-saarka la leh ayaa laga yaabaa inay beegsadaan gudaha Mareykanka, iyagoo uga aargudaya dilkii Sabtidii loo geystay Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, kaas oo lagu dilay duqeymo ay fuliyeen Israa’iil iyo Mareykanka, sida lagu sheegay qiimeyn dhanka sirdoonka ah.

Warbixintan oo ka soo baxday Xafiiska Sirdoonka iyo Falanqeynta ee Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS), ayaa muujineysa in Iiraan iyo kooxaheeda wakiillada ah “laga yaabo” inay khatar ku yihiin Mareykanka, iyagoo qaadi kara weeraro qorsheysan, in kasta oo la xusay in weerar baaxad weyn uu yahay mid aan u badneyn inuu dhaco.

Qiimeynta ayaa intaas ku dartay in muddada dhow, walaaca ugu weyn uu yahay in kooxaha wax jabsada ee taabacsan Iiraan ay qaadaan weeraro dhanka internet-ka ah oo ka dhan ah shabakadaha Mareykanka. Weeraradaas ayaa isugu jiri kara xumeynta wejiga boggaga internet-ka iyo weeraro curyaamiya adeegyada (DDoS).

“In kasta oo weerar weyn oo toos ah uusan u badneyn, Iiraan iyo wakiiladeeda ayaa suuragal ah inay khatar joogto ah oo weeraro qorsheysan ku hayaan gudaha Mareykanka, waxaana hubaal ah inay kordhin doonaan falalka aargudashada — ama baaqyada in la qaado tallaabo,” ayaa lagu yiri warbixinta DHS ee ay aragtay Reuters.

Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, oo ka jawaabaysay codsi faahfaahin ah, ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Waxaan si toos ah ula shaqeynayaa saaxiibadeena sirdoonka federaalka iyo hay’adaha fulinta sharciga, iyadoo aan sii wadeyno inaan si dhow ula socono kana hortagno fal kasta oo khatar ku ah amniga dalkeenna.”

Maalintii Axadda, Iiraan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida Khamenei oo ku dhintay duqeyntii dhacday Sabtidii, taas oo markii hore ay ku dhawaaqeen Israa’iil iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Ballaarinta dagaalka Bariga Dhexe

Qiimeynta DHS ayaa sidoo kale tilmaantay in Iiraan ay u badan tahay inay sii waddo weerarada ay ku beegsaneyso bartilmaameedyada Mareykanka iyo xulafadiisa ee Bariga Dhexe. Sidoo kale, waxa ay hubaal eedda dusha uga tuuri doontaa mas’uuliyiinta sare ee Mareykanka haddii ay dillaacaan dibadbaxyo ka dhashay hadalkii Trump ee ku baaqayay isbeddel nidaam in laga sameeyo Tehraan.

Dagaalka xagga cirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan Sabtidii ayaa sii ballaartay Talaadada maanta ah.

Israa’iil ayaa weerartay dalka Lubnaan iyadoo ka jawaabeysa duqeymo ka yimid kooxda Xisbullaah, dhanka kalena Tehraan ayaa sii wadday weeraradeeda isugu jira gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku beegsaneyso dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada milateri ee Mareykanka.

Dhanka kale ee dalka Mareykanka, mas’uuliyiinta baaraya toogasho Axaddii ka dhacday baar ku yaalla magaalada Austin ee gobolka Texas, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof, ayaa Isniintii sheegay inay xilli hore tahay in la go’aamiyo in ninkii hubeysnaa uu falkaas ku dhiiri-geliyey dagaalka Iiraan.

Meydka ninka hubeysan oo ay toogteen ciidamada booliska ayaa lagu arkay sawir ay heshay Reuters isagoo xiran funaanad uu ku sawiran yahay calanka Iiraan oo ay ku qoran tahay “IRAN” oo leh midabada cagaarka, caddaanka iyo casaanka.

Sidoo kale waxa uu xirnaa funaanad qabow (sweatshirt) oo ay dusha kaga qoran tahay “Hantida Alle” (Property of Allah), sida uu sargaal ka tirsan hay’adaha fulinta sharciga Mareykanka u sheegay wakaaladda Reuters.

TRUMP oo codsi u diray kooxaha kurdiyiinta xilli ay xaaladdu is-beddeshay

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khadka taleefanka kula xiriiray hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq, si ay uga wada hadlaan dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan iyo wejiyada xiga ee uu dagaalkaas yeelan karo.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay warbaahinta Axios ayaa xaqiijiyay in wadahadalladan ay dhaceen maalin uun kadib markii uu bilowday ololaha duqeymaha culus ee ka dhanka ah xukuumadda Tehran.

Kurdiyiinta ayaa kumanaan askari ku leh xuduudda ay wadaagaan Iiraan iyo Ciraaq, waxayna maamulaan deegaano istaraatiiji ah oo door weyn ka ciyaari kara isbeddelka awoodeed ee dagaalka. Sidoo kale, Kurdiyiinta Ciraaq ayaa xiriir qotodheer la leh bulshada laga tirada badan yahay ee Kurdiyiinta Iiraan.

Saddex ilo-wareed ayaa xaqiijiyay in Trump uu la hadlay labada hoggaamiye ee ugu weyn garabyada Kurdiyiinta Ciraaq, kuwaas oo kala ah Mascuud Barzani iyo Bafel Talabani. Mid ka mid ah ilaha xog-ogaalka ah ayaa wadahadalladan ku tilmaamay kuwo “xasaasi ah,” isagoo ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan nuxurka xogaha la isweydaarsaday.

Maskaxda qorshahan 

Wadahadalladan taleefanka ayaa dhashay kadib olole hoose iyo riixid diblomaasiyadeed oo bilooyin qaatay, taas oo uu daaha gadaashiisa ka waday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Israa’iil ayaa tobanaan sano xiriir dhaw oo dhanka amniga, milateriga, iyo sirdoonka ah la lahayd Kurdiyiinta ku kala sugan Suuriya, Ciraaq, iyo Iiraan.

Sarkaal ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa xusay in aragtida guud, gaar ahaanna midda Netanyahu, ay tahay in Kurdiyiintu ay hubka qaadan doonaan, kacdoonna ay ka dhex ridi doonaan Iiraan.

Bafel Talabani, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Midowga Waddaniyiinta Kurdistan (PUK), ayaa maalintii Talaadada xaqiijiyay inuu Trump kala hadlay dagaalka Iiraan. Sida ku cad bayaan kasoo baxay xisbiga PUK, Talabani ayaa kulan uu xisbigiisa la yeeshay uga warramay in Madaxweyne Trump uu si cad u qeexay ujeedooyinka Mareykanka ee dagaalkan haatan socda.

Netanyahu, oo u ololeynayay in duqeymo lagu qaado Iiraan nidaamkana la tuuro, ayaa ahaa shakhsigii ugu horreeyay ee qadiyadda Kurdiyiinta hordhigay Trump xilligii ay ku kulmeen Aqalka Cad.

Sarkaalka ayaa yiri, markii uu Netanyahu la fariistay Trump saacado badan, wuxuu u muuqday inuu wax walba sii diyaariyay, isagoo sii qorsheeyay cidda beddelaysa nidaamka iyo doorka Kurdiyiinta oo uu u kala qaybiyay dhowr kooxood oo kacdoon samayn doona.

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, oo si gaar ah wax looga weydiiyay wicitaanada Trump ee Kurdiyiinta, ayaa ka gaabsatay inay bixiso tafaasiil, balse waxay u sheegtay Axios in Madaxweyne Trump uu maalmihii lasoo dhaafay xiriir la sameynayay xulafo iyo saaxiibo badan oo ku sugan gobolka.

Midowga Kurdiyiinta 

Dhanka kale, Xisbiga Xorriyadda Kurdistan oo ah koox mucaarad ku ah Iiraan, saldhigna ku leh ismaamulka Kurdistan ee Ciraaq, ayaa Axaddii ku eedeeyay Tehran inay ku qaadday olole duqeymo gantaallo iyo Drones ah oo aargoosi ah.

Lix maalmood un ka hor inta uusan dagaalku qarxin, shan kooxood oo ka tirsan mucaaradka Kurdiyiinta Iiraan oo gabaad ka dhiganaya Ciraaq ayaa ku dhawaaqay dhismaha Isbaheysiga Xoogagga Siyaasadda ee Kurdistan-ta Iiraan, si ay ula dagaallamaan xukuumadda Tehran.

Kurdiyiinta ayaa ah qowmiyadda labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq iyo mid ka mid ah kuwa ugu weyn Iiraan, waxaana inta badan lagu tilmaamaa qowmiyadda ugu weyn caalamka ee aan lahayn dal u gaar ah, iyadoo dhulkooda taariikhiga ah uu isku xiro koonfur-bari Turkiga, waqooyiga Suuriya, waqooyiga Ciraaq, iyo waqooyi-galbeed Iiraan.

Kurdiyiinta ayaa maamula dhul is-maamul ah oo ku yaalla waqooyiga Ciraaq, kaas oo suurto-galay kadib duulaankii Mareykanka ee 2003-dii lagu riday kaligii-taliye Saddam Hussein.

Dagaalyahannada Kurdiyiinta oo loo yaqaanno “Peshmerga” – oo macnaheedu yahay ‘kuwa wajaha dhimashada’ – ayaa leh khibrad dagaal oo tobanaan sano ah, iyagoo kasoo dagaallamay Ciraaq iyo Suuriya xilligii ay la dagaallamayeen kooxda Daacish (ISIS).

Ka-qaybgalka dagaalyahannadan ruug-caddaaga ah ee jooga furumaha hore ayaa dagaalka dhulka siin doona awood muhiim ah oo kaabta duqeymaha cirka ee Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen Sabtidii.

Tallaabadan ayaa u eg tii uu Mareykanku adeegsaday Dagaalkii Afghanistan ee 2001-dii, markaas oo uu taageero xooggan oo dhanka cirka ah siiyay xoogagga dhulka ee qowmiyadaha laga tirada badan yahay si ay u ridaan nidaamkii Daalibaan.

Caqabadda Turkiga

Si kastaba ha ahaatee, Kurdiyiinta ayaa cilaaqaad aad u xun la leh dalka Turkiga oo xulafo la ah Mareykanka, kana tirsan isbaheysiga NATO, taas oo abuuri karta caqabad weyn oo dhanka diblomaasiyadda ah.

Sarkaalka ayaa xusay in Madaxweyne Trump uu la hadlayo dhinac walba, isagoo wada-hadallo la yeeshay madaxda Kurdiyiinta iyo waliba Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Sidoo kale, ku-dhawaaqistii isbaheysiga Kurdiyiinta Iiraan ayaa toddobaadkii hore xiisad ka dhex abuurtay iyaga iyo kooxaha mucaaradka ah ee dibad-joogga ah ee uu hoggaamiyo dhaxal-sugihii hore ee Iiraan, Reza Pahlavi.

Inkastoo dejiyeyaasha siyaasadda Mareykanku ay aaminsan yihiin in Netanyahu laga yaabo inuu si xad-dhaaf ah u buunbuuniyay tirada Kurdiyiinta ee hubka ka qaadan doona Iiraan, sarkaalka ayaa caddeeyay in arrintani aysan ahayn mid la dhayalsan karo.

Wuxuu hadalkiisa kusoo xiray in doorka dhabta ah ee ay Kurdiyiintu ku yeelan karaan dagaalka amaba xilliga Iiraan-ta dagaalka kadib, uu yahay arrin miisaan culus leh oo u baahan qiimeyn qotodheer.

Immisa Xildhibaan ayaa loo baahan yahay si loo ansixiyo dhammeystirka dastuurka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saaka lagu wadaa in kulan xasaasi ah ay ku yeeshaan Villa Hargeysa, iyadoo jawiga xarunta uu dagan yahay.

Guddoonka sare ayaa goor hore xubnaha labada Aqal u diray farriin wargelin ah oo loogu sheegay in maanta lagu meel-marinayo wax ka beddalka dastuurka, si loo dhammeystiro.

Ajendaha ayaa ah ansixinta cutubka 4-aad ilaa 13-aad ee dastuurka, kaas oo ay kasoo doodeen mudanayaasha labada Aqal, maadaama wax ka beddal lagu sameeyay.

Xildhibaannada diidan wax ka beddalka dastuurka iyo kuwa taageersan ee taabacsan Villa Soomaaliya ayaa haatan ku wada sugan hoolka, waxaana la filayaa in saacad kadib uu furmo kulankan oo si weyn isha lagu wada hayo.

Dhinaca kale, ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay aagga xarunta Baarlamaanka iyo waddooyinka Muqdisho, sida ay soo sheegayaan dad goobjoogayaal ah.

Haddaba immisa Xildhibaan ayaa loo baahanyahay si loo ansixiyo dastuurka dalka?

Sida uu qorsheeyay guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa maanta dhaceysa codeynta dastuurka, iyadoo go’aan looga gaarayo wax ka beddalka cutubyada wax laga beddalay ee dastuurka KMG ka ah.

Si loo helo aqlabiyadda Baarlamaanka, waxaa lama huraan ah in fadhigan lagu dhammeystirayo dib u eegista dastuurka in ay soo xaadiraan illaa 220 Mudane oo kala ka tirsan labada Aqal (Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare).

Sidoo kale, haddii tirada guud ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ay tahay 275 Mudane waxaa qasab ah in fadhiga ay soo xaadiraan saddex meelood laba meel oo ka dhigaysa in laga rabo ugu yaraan in ay yimaadaan kulanka 184 Mudane.

Senatorrada Aqalka Sare oo tiradoodu tahay 54 Mudane, iyaguna waxaa looga baahanyahay in kulanka maanta ay soo xaadiraan saddex meelood laba meel, taas oo tirada ka dhigaysa ugu yaraan 36 Senator in fadhiga ay yimaadaan.

Si kastaba, ha’ahaatee Villa Soomaaliya oo kaashaneysa guddoonka sare ee Baarlamaanka ayaa haatan wadda dadaal xooggan oo ku aadan meel-marinta qorshaheeda, waxaase taagan dood xooggan oo ay qabaan xildhibaannada mucaaradka ee u badan kuwa kasoo jeedo Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo intii ay socotay doodda si cad u diiday qorshaha wax ka beddalka dastuurka.

Shiinaha oo ka digay qorshe lagu wiiqayo xiriirka DF kala dhaxeeya kadib afduubkii…

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Shiinaha ayaa Talaadadii shaacisay in si nabad ah lagu soo furtay markab kalluumeysi oo ay kooxo hubeysan ku afduubteen xeebaha Soomaaliya maalintii Isniinta, iyadoo ka digtay in isku day kasta oo lagu carqaladeynayo xiriirka labada dal uu fashilmi doono.

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa falkan afduubka ah lagu cambaareeyay, laguna tilmaamay “fal arxan darro ah oo qaawan” kaas oo halis geliyay badqabka shaqaalihii saarnaa markabka iyo guud ahaan isku-socodka maraakiibta caalamiga ah.

Xukuumadda Beijing ayaa caddeysay inay sii wadi doonto qaadista tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay si adag ugu difaacdo xuquuqda sharciga ah iyo danaha muwaadiniinteeda iyo shirkadaheeda ka hawlgala dibadda. Waxay sidoo kale tilmaantay inay la kaashanayso dhinacyada ay khusayso si loo sugo amniga badaha.

“Isku day kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo ama lagu carqaladeeyo iskaashiga u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya waa mid fashil ku dambayn doona,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda, iyadoo tixraacaysa saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo tan qotada dheer ee ka dhexaysa labada waddan.

Safaaradda ayaa xustay in dowladda Shiinuhu ay wada-shaqeyn dhow la yeelatay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland intii lagu guda jiray dhacdadan, taas oo ka dhacday biyaha u dhow xeebaha maamulkaas.

Sida laga soo xigtay hawlgalka diblomaasiyadeed ee Shiinaha, xukuumadda Muqdisho ayaa dib u xaqiijisay in maraakiibta kalluumeysiga ee Shiinuhu ay uga hawlgalaan biyaha Soomaaliya oggolaansho rasmi ah, ayna si buuxda u dhawraan shuruucda maxalliga ah ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay si dhab ah u tixgelinayso walaaca dhinaca amniga ah ee Shiinaha, ayna diyaar u tahay inay ka wada shaqeeyaan meelaha labada dhinacba faa’iidada u ah, oo ay waaxda kalluumeysigu ugu horreyso.

Ugu dambayn, dowladda Shiinaha ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay xukuumadda Muqdisho ee dhinacyada kala duwan, si loo sii xoojiyo isbahaysiga istaraatiijiyadeed iyo wax-wada-qabsiga u dhexeeya labada qaran

BF oo berri u codeynaya dhammeystirka dastuurka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berri oo Arbaco ah ay kulan wadajir ah ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa, kaas oo ku aadan dhammeystirka Dastuurka KMG ka ah oo ay weli ka taagan tahay dood culus.

Guddoonka sare ayaa maanta xubnaha labada Aqal u diray farriin wargelin ah oo loogu sheegay in beri go’aan looga gaarayo wax ka beddalka Dastuurka, si loo dhammeystiro.

Ajendaha ayaa ah ansixinta cutubka 4-aad illaa 13-aad ee Dastuurka, kaas oo ay kasoo doodeen mudanayaasha labada Gole, maadaama wax ka beddal lagu sameeyay.

Dhinaca kale, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa sheegay in berri ay qormeyso taariikh cusub, ayna noqon doonto maalin wayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Berito Insha Allah waxa ay noqon doontaa maalin weyn oo baalasha dahabka ee taariikhda geli doonta!” ayuu yiri wasiirku.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale boggaadiyay dadaalka madaxweynaha, isagoo sheegay inuu ka dhabeeyay ballan-qaadkiisa dhammeystirka Dastuurka.

“Madaxweyne asagoo ka mid ahaa musharaxiintii xilka madaweynaha raadinaysay ayuu barlamaanka iyo umadda ka hor ballanqaaday in qorshihiisa ay ka mid tahay dhammaystirka Dastuurka haddii uu guulaysto. Waa uu ka dhabeeyey ballanqaadkaas, cidna eed ugama dhigi karto maxaad u dhammaystirtay, mana jirto cid laga tagay illaa kuwa ayagu iska diiday oo raba in ay isbaarada siyaasadeed abid ay umadda ku hor gudbaan mooyaane” ayuu kusii daray.

Wasiirka ayaa sidoo kale weeraray xubnaha mucaaradka ee weli diidan wax ka beddalka Dastuurka, wuxuuna sheegay in ay horay ugu ololeeyeen Dastuurka, haddane ay kasoo horjeedaan in dalku yeeshay Dastuur rasmi ah.

“Waxay ku galeen ololaha doorashada madaxtinimada sanadkii 2022-dii in ay dastuurka dhammaystirayaan, waxay badankoodu qeyb ka ahaateen doodihii iyo shirarkii Kala duwanaa ee wax ka bedelka dastuurka looga hadlayay. Ma soo bandhigan dood maangal ah oo dastuurka wax ka bedelkiisa sababta ay u diidan yihiin ah!” ayuu mar kale yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dhanka kale isla kuwii wixii shalay ay ballanqadayeen maanta diidan, ayaa inala leh Musharax Madaxweyne ayaan ahay oo wax kale ayaan ballanqayaa?!”.

Farmaajo oo saddex arrin kala hadlay Turkiga + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta hoyga uu ka dagan yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Alper Aktaş, kadib uu booqasho uu ugu yimid.

Farmaajo oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in saddex qodob uu kala hadlay safiirka Turkiga, kuwaas oo kala ah arrimaha siyaasadda, amniga iyo kobcinta maalgashiga dalka.

“Waxaan kulan mirodhal ah la qaatay Safiirka Dowladda Turkiga u qaabbilsan dalkeenna, Danjire Alper Aktaş, oo igu soo booqday hoyga aan ka deggenahay Muqdisho. Daljiraha waxaan ka wada hadalnay xaaladda siyaasadda, amniga iyo sidii loo xoojin lahaa kobcinta maalgashiga dalka” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, wuxuu intaasi sii raaciyay “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu naga dhexeeyo xiriir soojireen ah ayaan ku bogaadiyey taageerada ay mar walba u muujiyaan dalkeenna”.

Danjire Alper Aktaş ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaq ka waday gudaha caasimada, wuxuuna dhowaan kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Puntland Saciid Deni, isaga oo kala hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bani’aadantinimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo kualnkaas diiradda lagu saaray xaaladda dalku marayo, gaar ahaan is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah oo ay diidan yihiin Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.

Trump oo sheegtay in ay guul ka gaareen dagaalka Iiraan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka, Donald Trumo oo qoraal ku baahiyay bartiisa Truth Social ayaa guul cusub ka sheegtay dagaalka weli kasii soconaya gudaha dalka Iiraan, kaas oo lagu beegsaday mas’uuliyiinta sar sare ee dalkaas iyo xarumaha hubka ee Tehraan.

Trump ayaa shaaca ka qaaday in awooddii milatari iyo hoggaankii Iiraan ay burbureen, isaga carrabka ku dhuftay in difaaca cirka, ciidanka cirka, ciidanka badda iyo hoggaankoodii ay dhammaan meesha ka baxeen.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay doonayso wada-hadal, balse uu uga jawaabay “Waa goor dambe,” taasoo muujinaysa mowqifka adag ee uu ka taagan yahay xiisadda dagaal ee bariga dhexe.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku yiri “Difaacooda hawada, Air Force-kooda, Navy-gooda iyo hoggaankoodii waa dhammaadeen. Waxay rabaan inay hadlaan. Waxaan ku iri, Waa goor dambe!”.

Waxaa kale oo uu Trump sheegay in Maraykanku haysto “hub heer sare ah oo aan xad lahayn”, wuxuuna warbixin uu qoray Wall Street Journal ku tilmaamay inay tahay mid khaldan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa isna qoraal kooban oo uu bartiisa X soo dhigay ku sheegay in weli dalka uu ku jiro xaalad gaar ah, haddana aysan istaagin howlaha dowladeed ee u hayaan shacabka.

Waxa uu xusay in xiriir toos ah uu lala leeyahay guddoomiyeyaasha gobollada, isla markaana la siiyay awood dheeraad ah si go’aannada loogu qaato si degdeg ah oo waafaqsan duruufaha maxalliga ah.

Masoud Pezeshkian ayaa sidoo kale adkeeyay in midnimada qaran ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu wajahayo xaaladda jirta, gaar ahaan weerarka culus ee lagu soo qaaday, laguna dilay hoggaamiyihii sare ee waddankaasi.

Xildhibaannadii ugu badnaa oo qaadacay dastuurka cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii wada-tashiga ee u dhexeeyay madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni iyo qaar kamid ah xildhibaannada maamulkaasi ku metala Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga soo saaray goo’aanno xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka.

Warsaxaafadeedka oo ka kooban lix qodob ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiisadda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka KMG ka ah.

Ugu horreyn shirka ayaa cambaareeyay is-hortaaggii lagu sameeyay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee kusii jeeday Garoowe, iyada oo Puntland sheegtay in waqtigeeda la’iskula xisaabtami doono dhacdadaasi.

Sida lagu sheegay bayaanka, xildhibaannada iyo senatorrada ka qayb-galay shirka oo tiradooda lagu sheegay ilaa 30 mudane ayaa guud ahaan qaadacay wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxayna sheegeen in aysan qayb ka noqon doonin ansixintiisa oo berri Arbaco ah loo ballansan yahay.

“Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ku metala dowladda Puntland oo intooda badan ay kasoo qayb-galeen shirka waxay caddeynayaan in aysan qayb ka ahayn, kana mid noqon doonin wax ka beddalka sharci darrada ah ee Dastuurka kumeel gaar ah lagu sameynayo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo intaas lasii raaciyay “Dowladda Puntland waxay ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u caddeyneysaa in ay kasoo horjeeedo, aysana aqoonsan doonin bedddalida sharci darrada ah ee lagu sameynayo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya”.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay haddii la gaaro 15-ka May in ay ka shaqeyn doonto, iyada oo qayb ka ah Golaha Mustaqbalka qabashada doorasho lagu badbaadinayo waddanka, sida lagu caddeeyay bayaanka maanta soo baxay.

Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda taagan, waxayna kusoo aaday iyada oo todobaadkii hore ay fashilmeen wada-hadalladii u dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Screenshot
Screenshot
Screenshot
Screenshot

Xogta qarax khasaare gaystay oo maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay xaafaddda Buula Xuubey ee degmada Wadajir, kaas oo gaystay khasaare kala duwan, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee baabuurta lagu dhajiyo ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan ciidanka dharcadda ee NISA, xilli uu marayay xaafadda Buula Xuubey, halkaas oo ku dhow garoonka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka uu noqday dhaawac halis ah, waxaana waxyeellada ugu daran ay kasoo gaartay qaybaha dambe ee jirkiisa. Waxaa kale oo burbur xooggan uu soo gaaray gaariga oo ahaa Land Cruiser Surf ah.

Sidoo kale, waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gurmad deg-deg ah u sameeyay sarkaalka la qarxiyay, iyaga oo dhaawiciisa ula cararay mid kamid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka ayaa sidoo kale sameeyay baaris, balse ma jirto illaa iyo hadda cid ay usoo qabteen falkaasi qaraxa ah ee lagu beegsaday sarkaalka ka tirsan NISA.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya, kaas oo ku aaddan qaraxa iyo howlgalka xigay intaba.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli muddooyinkii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda ammaan ee Muqdisho, waxaana gabi ahaan laga tirtiray xubnihii amniyaadka Al-Shabaab ee dilalka iyo qaraxyada ka gaysan jiray caasimada.

Guushaan amni ayaa ku timid, kadib qorshe amni oo ay la timid dowladda Soomaaliya, kaas oo hirgalay, isla markaana looga nastay falalkii amni darrada ee horay uga dhici jiray inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Swan oo la kulmay Dhuxulow kadib cabashadii Puntland + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa UNSOS, James Swan iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, halkaas oo uu kula kulmay agaasime Mustafa Dhuxulow, iyada oo kulanka uu kusoo aaday maalin uun kadib markii ay Puntland beesha caalamka u gudbisay cabasho la xiriira xildhibaannadii loo diiday inay u safraan gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Saciid Deni oo ka carooday tallaabadaas ayaa si toos ah dhacdadan ugu wargeliyay hay’adaha caalamiga ah ee duulimaadyada, isaga oo shaaca ka qaaday in waxa dhacay ay yihiin ‘fal dambiyeed dil ah’, maadaama hawada laga celiyay mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo saarnaa diyaaradda ku socotay Garoowe.

Inkastoo kulanka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Dhuxulow iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee  Soomaaliya ahna Madaxa UNSOS, James Swan aan si toos ah loogu soo qaadin dhacdada ayaa waxaa haddane labada dhinac waxay si guud uga wada-hadleen shaqada ay hayso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasime Mustafa Dhuxulow ayaa la wadaagay wafdiga horumarradii ugu dambeeyay ee Hay’adda ee dhinaca adeeg bixinta, oo ay ka mid yihiin hirgelinta maaraynta amniga xuduudaha, casriyeynta adeegyada danabaysan ee hay’adda sida dal-ku-galka (ETAS), dalku-jooga iyo adeegyada baasaboor bixinta.

Sidoo kale wuxuu xusay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu tayeynayo adeegyada, lagu xoojinayo hufnaanta, isla markaana lagu waafajinayo nidaamka socdaalka heerarka casriga ah.

Dhankiisa Danjire James Swan ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud soo dhaweynta diirran iyo wada shaqeynta dhow oo ay la leeyihiin hay’adda. Waxa uu sidoo kale uu bogaadiyay nidaamyada cusub ee la hirgeliyay, isaga oo muujiyay inay si wanaagsan u soo dhoweynayaan horumarka lagu sameeyay casriyeynta iyo sugnaanta nidaamyada socdaalka.

Waxaa kale oo uu la wadaagay arrimo la xiriira xaaladaha dal-ku-galka iyo deggenaanshaha ee shaqaalaha Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan shaqaalaha kala duwan ee ka howlgala dalka.

Maalmihii dambe Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa wadday dadaallo hormurineed oo ku aadan adeegyada ay bixiso hay’adda, waxaana ay gaartay guullo waa wayn oo la taaban karo, maadaama la casriyeeyay adeegyada.

Kulan xasaasi ah oo u socdo Shariif iyo xildhibaannada PUNTLAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta booqasho ugu tegay xildhibaannada Puntland ee weli ku xayiran garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan ay ku leeyihiin kulan xasaasi ah.

Kulanka oo hadda ka socda hoteelka Airport oo ay dagan yihiin xildhibaannada Puntland ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda soo korortay, gaar ahaan is-hortaagga lagu sameeyay xubnahan oo kusii jeeday magaalada Garoowe.

Shariif ayaa xubnaha uu la kulmay u sheegay inuu ku xun yahay falka lagula dhaqaaqay, isaga oo dhanka kale cambaareeyay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay in deganaan muujiyaan inta xalka laga gaarayo, si loo qaboojiyo xiisadda kala dhalatay dhacdadan.

Goor sii horreysay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale oo kamid ah Golaha Samatabixinta ayaa iyaguna maanta u tegay xildhibaannadan oo ka careysan falka lagula kacay.

Maxammed Xuseen Rooble oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu raalligelin siiyo xidhibaannada, kadibna u fasaxo Puntland.

Waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo xiisadda ka taagan wax ka beddalk Dastuurka, isaga oo eedeyn culus u jeediyay Villa Soomaaliya.

“Xildhibaannada u fasax safarkooda, cudur-daarna kasoo bixi raalli-gelina u raaci, si ay ugu noqdaan deegaan doorashadoodii. Madaxweyne shacabka Soomaaliyeed waxa ay kuugu xantaan waxa aad ku dhagtid iyadoo raalli laga ahayn aad waqti dambe dhulka dhigtid dastuurkan waad ogtahay meesha uu ka bilowday iyo meesha uu u socdo mana soconeyso sida aad u dhoo-dhoobatay” ayuu Ra’iisul wasaare hore Roobe.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Kaalinta Soomaaliya ay ka galeyso gobolka marka ay hesho diyaaradaha JF-17

Muqdisho (Caasimada Online) — Sida ay warisay majaladda Somalia Today, dowladda Soomaaliya ayaa wadahadallo kula jirta dowladda Pakistan si ay u soo iibsato ilaa 24 diyaaradood oo ah nooca dagaalka ee JF-17 Thunder Block III, heshiiskan oo la aaminsan yahay inuu ku kacayo adduun lacageed oo gaaraya $900 oo milyan oo dollar.

Haddii heshiiskani uu hirgalo, wuxuu noqon doonaa soo-iibsashadii milateri ee ugu weyneyd uguna hanka weyneyd ee ay Soomaaliya sameyso muddo tobannaan sano ah, iyo weliba dib-u-dhis xooggan oo lagu sameynayo ciidamadeedii cirka oo muddo dheer aanan hawlgelin.

Diyaaradda JF-17, oo ay si wadajir ah u soo saareen dalalka Pakistan iyo Shiinaha, ayaa loo aqoonsan yahay diyaarad dagaal oo jiilka 4.5-aad ah, oo qaban karta hawlgallo kala duwan.

Nooca Block III waxa uu si gaar ah ugu qalabaysan yahay raadaarka casriga ah ee AESA, aaladaha hagidda iyo isgaarsiinta duulimaadka ee casriga ah, waxa ayna awood u leedahay in ay qaaddo gantaallada hawada lagula dagaallamo ee ridada dheer. Tani waxay aad uga horreysiisaa diyaaradihii hore ee jiilka saddexaad oo ilaa hadda laga isticmaalo qaybo ka mid ah qaaradda Afrika.

Soomaaliya oo aan lahayn ciidan cir iyo diyaarado dagaal oo joogto ah tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii, helitaanka hubkan waxa uu u noqon doonaa calaamad muujinaysa soo nooleynta awooddii difaaca hawada ee qaranka.

Is-barbar dhigga awoodda hawada ee gobolka

Qiimeyn hore oo lagu sameeyay diyaaradaha dagaalka ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa muujisay in awoodda hawada ee gobolka ay inta badan ku kooban tahay saddex waddan:

Uganda: Waxay safka hore kaga jirta gobolka, iyadoo adeegsata diyaaradaha Sukhoi Su-30MK2, oo ah diyaarado culculus oo jiilka 4+ ah, lehna masaafo dheer, awood ay ku qaadaan hub culus, iyo nidaamyo raadaar oo horumarsan. Ciidamada cirka ee Uganda ayaa weli ah kuwa ugu awoodda badan isbaheysiga dhexdiisa marka laga hadlayo awoodda dhabta ah ee qalabka.

Kenya: Waxay ku xigtaa Uganda, iyadoo haysata diyaaradaha Northrop F-5 oo la casriyeeyay. Inkastoo naqshad ahaan ay yihiin kuwo duug ah, diyaaradaha Kenya waxay ka faa’iideysteen casriyeyn lagu sameeyay qalabkooda duulimaadka iyo waayo-aragnimo ballaaran oo dhanka hawlgallada ah, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Tanzania: Waxay haysataa diyaaradaha Chengdu J-7, oo ah madal ku dhisan naqshado hore oo uu sameeyay Midowgii Soofiyeeti. Iyadoo ay u shaqeeyaan ilaalinta hawada iyo doorar dagaal oo kooban, waxaa si ballaaran loo aaminsan yahay in ay ka hooseeyaan tayada Su-30s ama F-5s la casriyeeyay.

Xubnaha kale ee EAC, oo ay ku jiraan Rwanda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Koonfurta Suudaan iyo Burundi, ma laha ciidamo cir oo casri ah oo miisaan leh.

Tallaabo wax-ka-beddeli karta saaxadda

Ku soo biiritaanka Soomaaliya ee saaxadan waxa ay noqon doontaa mid isbeddel weyn ku sameysa awoodda gobolka.

Haddii Soomaaliya ay si guul leh u hesho, ayna hawlgeliso 24-ka diyaaradood ee JF-17 Block III, falanqeeyayaasha milaterigu waxa ay aaminsan yihiin in ay markiiba u gudbi karto heerka sare ee ciidamada cirka gobolka.

Marka laga hadlayo teknoolajiyada dhabta ah, raadaarka casriga ah ee AESA iyo qalabka hubka casriga ah ee JF-17 ayaa u badan inay Soomaaliya ka horreysiin doonto diyaaradaha ay haystaan dalalka kale ee gobolka, sababtoo ah diyaaradda JF-17 waa mid casri ah.

Si kastaba, sida ay qabaan khubarada milaterigu, awoodda warqadda ku qoran mar walba isuma beddesho awood dhab ah oo goobta dagaalka ka shaqeysa.

Helitaanka diyaaradaha ayaa ah un qayb yar oo ka mid ah dhismaha ciidan cir. Diyaaradaha dagaalka ee casriga ah waxa ay u baahan yihiin duuliyeyaal si heer sare ah u tababaran, farsamoyaqaano dhulka ah, silsilad isku-xiran oo isku-gudbisa qalabka dayactirka, saldhigyo ciidan oo la adkeeyay, iyo miisaaniyad dayactir oo fog.

Soomaaliya waxa ay wali dib-u-dhis ku wadaa hay’adaha qaranka ka dib tobannaan sano oo xasillooni darro ah. Waxaa weli taagan su’aalo ku saabsan in dalku uu awoodo in uu sii wado hawlgelinta diyaaradahan xawliga sare ku socda isaga oo aan taageero xooggan ka helin dibadda.

Heshiiska la baahiyay ayaa la sheegay in uu ku jiro xirmooyin tababar iyo taageero isugu jira, balse isku-filnaansho buuxda oo dhanka hawlgalka ah waxa ay Soomaaliya ku qaadan doontaa sanado.

Siyaasadda juqraafi iyo mustaqbalka

Waxaa sidoo kale jira wajiga balaaran ee siyaasadda juqraafiyeed ee gobolka.

Barnaamijkan diyaaradaha ee ay taageerayso Pakistan ayaa muujinaya isbeddelka iyo weji-cusub oo ku yimid isbahaysiga difaaca ee Geeska Afrika, halkaas oo ay dalalka Ruushka, Turkiga, Mareykanka iyo waddamada Khaliijka ay horay ugu lahaayeen doorar saameyn ku leh amniga gobolka.

Marka laga soo tago is-barbardhigga waddamada, tallaabada Soomaaliya ayaa ka tarjumaysa isbeddel ka weyn oo socda: dalalka Afrika ayaa maanta si xawli ah u kordhinaya maalgashiga ay ku sameynayaan awoodda hawada, taas oo ay u arkaan in ay tahay qalab muhiim u ah in ay isku difaacaan, isla markaana ah astaan weyn oo muujinaysa madax-bannaanida qaranka.

Muqdisho ahaan, JF-17 ma noqon doonto oo kaliya hanti milateri. Waxay astaan u noqon doontaa soo celinta iyo xaqiijinta awooddii dawladeed ee hawadeeda iyo xeebaheeda waqti ay wali jiraan khataro dhanka amniga ah.

Haddaba, in heshiiskani dhameystirmo si rasmi ah, iyo in diyaaraduhu ay noqdaan kuwo si buuxda u hawlgala, ayaa aakhirkii go’aamin doonta haddii tallaabadan ay Soomaaliya qaadayso ay dib u qaabeyn doonto miisaanka awoodda hawada ee Bariga Afrika, ama in ay ahaan doonto uun ciwaan xamaasad leh oo saxaafadda ku ekaada.

War ka cusub markab kalluumaysi oo Shiinaha looga afduubtay xeebaha Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Markab kalluumeysi oo Shiinees ah oo dhawaan lagu afduubtay xeebaha maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa la sii daayay.

Markabkan oo ay afduubteen koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa lagu haystay xeebaha deegaannada dowlad-goboleedka Puntland, balse ugu dambeyn waa la sii daayay isaga iyo shaqaalihii la socday.

Sida ay sheegtay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, sii deynta markabka ayaa timid kadib dadaallo wadajir ah oo ay sameeyeen Dowladda Shiinaha, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

“Shiinaha ayaa xiriir joogta ah la sameeyay Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Puntland, waxaa ugu dambayn mira-dhalay wada-hadalkaas oo la isku fahmay sii daynta Markabka iyo shaqaalaha la socday,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay safaaradda Shiinaha.

Lama shaacin in madax furasho laga bixiyay markabkan, sida horey u dhacday, oo malaayiin dollar la siiyo kooxaha burcad-badeedda ee qafaasha maraakiibta.

Dhinaca kale, Dowladda Shiinaha si adag ayay u cambaareysay falkan gurracan ee halista geliyey badqabka shaqaalaha iyo amniga maraakiibta caalamiga ah.

Waxay sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta iyo shirkadaha Shiinaha ee dibadda, isla markaana ay la shaqeyn doonto dhinacyada ay khusayso si loo xoojiyo amniga badaha.

Soomaaliya ayaa dhankeeda xaqiijisay inay muhiimad gaar ah siinayso arrimaha amniga ee uu ka walaacsan yahay dhinaca Shiinaha, isla markaana uu diyaar u yahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac ee faa’iidada u leh labada shacab, gaar ahaan dhinaca kalluumeysiga oo wax weyn ka tara dhaqaalaha.

Ugu dambeyntii, Dowladda Shiinaha ayaa ballan-qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonto Dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo kala duwan leh, loona sii adkeeyo saaxiibtinimada soo jireenka ah, si loo gaaro horumar dheeraad ah oo ku saabsan iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

Hoos ka aqriso bayaanka Shiinaha

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha

Dhawaan, markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha ayaa koox hubeysan ku afduubtay biyaha ka baxsan xeebaha Puntland, Soomaaliya. Kadib dadaallo joogto ah oo ay sameeyeen dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso, markabka iyo shaqaalihiisa waxaa si nabad ah loo soo badbaadiyey 2-da Maarso.

Dowladda Shiinaha si adag ayay u cambaareysay falkan gurracan ee halista geliyey badqabka shaqaalaha iyo amniga maraakiibta caalamiga ah.

Waxay sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta iyo shirkadaha Shiinaha ee dibadda, isla markaana ay la shaqeyn doonto dhinacyada ay khusayso si loo xoojiyo amniga badaha.

Intii ay dhacdadani socotay, dhinaca Shiinaha wuxuu waday wadatashi iyo iskaashi dhow oo uu la yeeshay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maraakiibta kalluumeysiga Shiinaha ay ka howlgalayeen biyaha Soomaaliya iyagoo haysta oggolaansho rasmi ah oo ka yimid Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada la xiriira, isla markaana howlaha ay wadaan ay waafaqsan yihiin shuruucda iyo xeerarka dalka.

Sidoo kale, dhinaca Soomaaliya wuxuu muujiyey inuu muhiimad gaar ah siinayo arrimaha amniga ee uu ka walaacsan yahay dhinaca Shiinaha, isla markaana uu diyaar u yahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac ee faa’iidada u leh labada shacab, gaar ahaan dhinaca kalluumeysiga oo wax weyn ka tara dhaqaalaha.

Shiinaha iyo Soomaaliya waxay leeyihiin saaxiibtinimo soo jireen ah oo qoto dheer. Isku day kasta oo lagu wiiqayo ama lagu carqaladeynayo iskaashiga labada dal waa mid aan miro dhalayn.

Dowladda Shiinaha waxay sii wadi doontaa inay si dhow ula shaqeyso Dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo kala duwan leh, loona sii adkeeyo saaxiibtinimada soo jireenka ah, si loo gaaro horumar dheeraad ah oo ku saabsan iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

Deked muhiim ah oo ku taalla CUMAAN oo la duqeeyay

Dumq (Caasimada Online) – Haan shidaal oo ku taalla Dekedda Duqm ee dalka Cumaan ayaa lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn (drone), sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee dowladda Cumaan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay xilli gobolka uu ka jiro xiisad sii kordheysa oo la xiriirta dagaallo iyo is-maandhaaf siyaasadeed, kadib duullaanka Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan

Ilo amni oo aan la magacaabin ayaa sheegay in waxyeellada la xakameeyay, isla markaana aan la diiwaangelin wax khasaare naf ah. Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in gurmad degdeg ah la sameeyay si looga hortago in dab ama qarax kale uu ka dhasho goobta.

Isla dekedda Duqm ayaa la sheegay in sidoo kale lagu weeraray diyaarado aan duuliye lahayn dhammaadkii toddobaadka. Wararka hordhaca ah waxay muujinayaan in hal shaqaale ah uu ku dhaawacmay weerarkaasi hore.

Dekedda Duqm ayaa ka mid ah xarumaha istaraatiijiga ah ee Cumaan, gaar ahaan dhinaca kaydinta iyo dhoofinta shidaalka. Weerar kasta oo lagu qaado goobtan wuxuu si toos ah u saameyn karaa dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo amniga tamarta ee gobolka.

Dalka dariska la ah ee Qatar, soo saarista gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ayaa la joojiyay Isniintii. Tallaabadan ayaa timid kadib weerarro la sheegay in Iiraan ku qaaday qaar ka mid ah xarumaha tamarta ee dalkaas.

Hakinta soo saarista LNG-ga Qatar ayaa la sheegay inay ka dhigan tahay qiyaastii shan meelood meel sahayda gaaska ee caalamka. Arrintan ayaa si weyn u walaac gelisay suuqyada tamarta iyo dalalka ku tiirsan gaaskaas.

Sacuudi Carabiya ayaa iyaduna ku dhawaaqday inay hakisay wax soo saarka warshaddeeda sifeynta shidaalka ee ugu weyn dalka. Tani waxay sii xoojisay cabsida laga qabo in khalkhal weyn ku yimaado sahayda shidaalka iyo gaaska ee Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Cumaan ayaa muddo dheer door muhiim ah ka ciyaareysay dhex-dhexaadinta wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

Wada-hadalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkaas bishii hore ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, ku tilmaamay “bilow wanaagsan,” inkasta oo xaaladda amni ee hadda jirta ay abuureyso shaki ku saabsan mustaqbalka dadaalladaas.

Somalia oo gashay xaalad aad u halis ah – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaybo badan oo ka mid ah gobollada Soomaaliya ayaa wajahaya abaar si xooggan u saameysay nolosha dadka iyo duunyada.

Degaano tiro badan ayay qoysaskii ku noolaa ka barakaceen, iyaga oo u hayaamay goobo kale oo ay ka heli karaan biyo iyo cunto.

Dadka qaar waxay ka tageen deegaannadoodii iyaga oo aan wadan wax xoolo ah, kaddib markii xoolihii ay dhaqanayeen ay u baaba’een haraad iyo daaq la’aan.

Meelo ka mid ah dhulka ay abaartu ku dhufatay ayaa laga soo wariyay in xoolaha nool ay cunayaan kuwa dhintay, taas oo muujinaysa heerka daran ee xaaladdu marayso.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah deegaannada ay abaartu sida daran u saameysay.

Waxa uu sheegay in uu indhihiisa ku arkay dhacdooyin murugo leh oo la xiriira xoolo cunaya bakhtigii xoolo kale.

“Waxaan indhahayga ku arkay xoolo cunaya bakhtiga xoolo kale, taas oo ka dhalatay abaarta dalka ka jirta. Waxaan booqannay deegaano kala duwan si aan qiimeyn ugu sameyno xaaladda, meel kasta oo aan tagnayna waxaa naloo sheegay baahida ugu weyn waa biyo, baahiduna aad bay u daran tahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda SODMA.

Gobollada Koonfurta, Bartamaha iyo Waqooyiga dalka ayaa dhammaantood laga soo sheegaya saameynta abaarta, gaar ahaan qoysaska xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda ah, kuwaas oo haatan wajahay nolol adag isla markaana codsanaya gargaar degdeg ah, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu isu beddesho macluul haddii aan si dhaqso leh loo helin gurmad.

Sacuudiga oo baaq isku mid ah u diray dalalka Khaliijka oo ku aadan dagaalka Iiraan

Riyadh (Caasimada Online) Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Sacuudi Carabiya ayaa muujiyay carro xooggan oo ku aaddan baaxadda iyo xilliga ay kusoo beegmeen duqeymihii Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan, iyadoo Boqortooyadu ay xulafadeeda Khaliijka ugu baaqday inay ka fogaadaan qaadashada tallaabo kasta oo keeni karta in xukuumadda Tehran ama kooxaha gacan-saarka la leh ay aargoosi buuxa sameeyaan, taas oo gobolka ku riixi karta dagaal baahsan.

Labo ilo-wareed oo Carbeed ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye in Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu farriintan u gudbiyay madaxda dalalka Baxreyn, Kuweyt, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta maalintii Sabtida.

Tani ayaa dhacday wax yar uun kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudigu ay si rasmi ah u cambaareysey weeraradii aargoosiga ahaa ee Iiraan ay ku garaacday dalalka Carabta.

Ilo-wareedyada ayaa xusay in wada-hadalladan ay ahaayeen kuwo kooban, balse uu jiro is-afgarad soo baxaya oo ah in aargoosiga Iiraan uu ahaa mid ka daciifsan sidii la filayay, isla markaana ay tahay in waddamada Khaliijku ay iska ilaaliyaan ficil toos ah oo kicin kara carada Tehran.

Aragtidan ayaa mar kale la xoojiyay markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan, uu khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa dalalka gobolka. Wadahadalladaas ayaa diiradda lagu saaray baaq ku aaddan dejinta xiisadda iyo in la mideeyo mowqifyada siyaasadda arrimaha dibadda ee lixda waddan ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), si looga hortago in dal gaar ah uu qaato go’aan ka baxsan is-afgaradka guud.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, wadahadalka dhexmaray Maxamed bin Salmaan iyo Madaxweynaha Imaaraadka Maxamed bin Saayid, oo bilooyin isku khilaafsanaa dagaallada Yemen iyo Suudaan, ayaa tusaale cad u ah sida jawaabta Iiraan ee weeraradii Mareykanka iyo Israa’iil ay u gilgishay gobolka.

In kasta oo Riyadh horay loogu sii wargeliyay weeraradan, haddana Boqortooyada oo dhaliilo kala kulmaysay Washington sababo la xiriira khilaafkeeda diblamaasiyadeed ee Imaaraadka, ayaa dooratay in aysan ka hor-imaan fikirka guud ee Aqalka Cad.

Tan iyo markii Madaxweyne Trump uu xafiiska ku soo laabtay sanadkii hore, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa laba-laabay ololihiisa fagaaraha ah ee uu Mareykanka ugu baaqayo inuu duqeeyo Iiraan, taas oo uu u arko khatar ku wajahan jiritaanka dalkiisa.

Ololahan ayaa sii xoogeystay kadib dagaalkii 12-ka maalmood ahaa ee sanadkii hore, markaas oo Israa’iil ay weerar lama filaan ah ku bur-burisay xarumo milateri iyo kuwa nukliyeer oo ku yaalla Iiraan, isla markaana ay dishay saraakiil, saynisyahano iyo siyaasiyiin caan ah.

Qaadidda weerarkan Sabtidii dhacay ayaa, sida uu xusay mid ka mid ah ilo-wareedyada, muujinaysa in Aqalka Cad uu iska indho-tiray digniinaha kasoo yeerayay xulafadiisa gobolka, xitaa iyadoo ay u muuqatay in heshiis la gaari rabo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr al-Busaidi, oo door muhiim ah ku lahaa wadahadallada looga hortagayay dagaalka, ayaa markiiba muujiyay sida uu uga xun yahay duqeymahan, isagoo si maldahan u shaaciyey in Israa’iil ay Washington ku jiiday dagaal.

“Danta Mareykanka iyo nabadda caalamkaba kuma jirto arrintan. Waan u duceynayaa dadka rayidka ah ee dhibbanayaasha noqon doona. Waxaan ugu baaqayaa Mareykanka inuusan intan kasii dhex-galin. Kani ma ahan dagaalkiinna,” ayuu yiri al-Busaidi.

Maalin ka hor dagaalka, wasiirku wuxuu ammaanay horumarka laga sameeyay wadahadallada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la tirtiro kaydka macdanta la tayeeyay si looga hortago sameynta hub nukliyeer ah.

‘Walaac qoto-dheer’ iyo arrimaha Yemen

Mid ka mid ah ilaha xog-ogaalka ah ee Khaliijka ayaa u sheegay warbaahinta Middle East Eye in Sacuudigu uu “si weyn uga xumaaday” qaabka loo maareeyay weerarkan.

Ilo-wareedka ayaa xusay in Riyadh ay aaminsan tahay in faragelin kasta oo milateri oo dal Khaliijka ah uu ku sameeyo Iiraan ay dagaalka kusoo jiidi karto kooxda Xuutiyiinta Yemen. “Cabsidayada ugu weyn hadda waa in Tehran ay xiisaddan u adeegsato marmarsiiyo ay ku fasaxdo shabakaddeeda wakiilada ah,” ayuu yiri sarkaalkan.

Xuutiyiinta, oo joojiyay weeraradii badda cas kadib heshiis ay la galeen maamulka Trump, ayaan wali si rasmi ah uga hadlin xaaladda. Hesham Alghannam, oo ah falanqeeye dhanka difaaca oo fadhigiisu yahay Riyadh, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Sacuudigu uu ilaashado dhex-dhexaadnimadiisa si uu Xuutiyiinta uga dhaadhiciyo in aysan dagaalka soo gelin.

“Haddii ay dareemaan in Riyadh ay si aamusan isaga fogeynayso isbaheysiga ka dhanka ah Iiraan, waxaa laga yaabaa inay iyaguna dib isku celiyaan,” ayuu yiri Alghannam. Sidoo kale, cilmi-baare Cabdulcasiis Alghashian ayaa xaqiijiyay in Sacuudigu uu ka carooday go’aanka lagu weeraray Iiraan, uuna sameeyay wax kasta oo uu uga hortagi karay.

Cadaadiska iyo ‘diidmada qasabka’

In kasta oo dalalka Khaliijku ay doorbidayaan dhex-dhexaadnimo, weerarada Iiraan ay ku beegsatay goobo ay ka mid yihiin dekedda Jebel Ali iyo hoteelka caanka ah ee Fairmont ee Dubai ayaa dhalin kara isbeddel istaraatiijiyadeed.

Firas Maksad, oo ka tirsan Eurasia Group, ayaa ka digay in Iiraan ay dalalka GCC ku riixayso in ay go’aano adag qaataan, taas oo keeni karta in ay Mareykanka u oggolaadaan in uu dhulkooda ka qaado weeraro.

Wasiirul-dowlaha Imaaraadka u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga, Reem Al Hashimy, ayaa muujisay in dalkeedu uusan doonayn in dhulkiisa loo adeegsado weerar ka dhan ah Iiraan, balse ay arrintu isbeddeli karto haddii Iiraan ay sii waddo aargoosiga. “Kubaddu hadda waxay ku jirtaa garoonka Iiraan,” ayay u sheegtay CNN.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Qatar, Xamad bin Jaasim bin Jaber Al Thani, ayaa ugu baaqay dalalka Khaliijka in aysan ku dhicin dabin dagaal oo toos ah, isagoo ka digay in isku-dhac dhexmara iyaga iyo Iiraan uu dhiig-bax ku ridi doono dhaqaalahooda, fursadna siin doono awoodo kale.

“Dalalka Golaha ma haystaan waddo aan ka ahayn in ay gacan midaysan ku wajahaan gardarro kasta, iyagoo diidaya isku-day kasta oo qasab ama madax-maraan ah,” ayuu yiri.

Bayaan ka soo baxay DF oo hadal-hayn weyn abuuray kadib markii ay Imaaraadka…

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Soomaaliya ayaa Axaddii si kulul u cambaareysay weeraradii aargoosiga ahaa ee Iiraan ay ku qaadday dalalka Khaliijka, hase yeeshee waxay bayaan rasmi ah oo ay soo saartay si bareer ah uga reebtay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedkeeda ku xaqiijisay inay si buuxda u garab taagan tahay dalalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qatar, Kuweyt, Urdun, Baxreyn, iyo Cumaan. Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalalkaas ku taageersan tahay tallaabooyinka sharciga ah ee ay u qaadayaan difaacidda madax-bannaanidooda iyo ilaalinta shucuubtooda.

Bayaankan oo ku qornaa luqadda Carabiga ayaa weeraradii ugu dambeeyay ee Iiraan ay la beegsatay waddamadan Carbeed ee walaalaha ah ku sifeeyay xadgudubyo waaweyn oo qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanida dalalkaas. Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqday inay si buuxda ula garab taagan tahay midnimo dalalkan, ayna taageersan tahay xaqa ay u leeyihiin is-difaacidda iyo dhowrista wadajirka dhulkooda.

Dhanka kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta ku dhawaaqday inay xirtay safaaradeedii magaalada Tehran, isla markaana ay gabi ahaanba kala soo baxday safiirkeedii u fadhiyay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo dhammaan xubnihii howlgalka diblomaasiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka oo qoraal soo dhigtay barteeda xiriirka bulshada ee X ayaa xustay in tallaabadani ay tahay jawaab toos ah oo ka dhalatay gantaalladii qaawanaa ee Iiraan ay ku garaacday ciidda Imaaraadka.

Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka

Ka-reebitaanka dalka Imaaraadka ee bayaanka taageerada ee dowladda Soomaaliya ayaa salka ku haya xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka amni ee Muqdisho iyo Abu Dhabi oo gaaray heerkii ugu xumaa.

Sida ay qabaan falanqeeyayaasha arrimaha gobolka, Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan baabi’isay heshiisyadii iskaashiga difaaca, amniga iyo maamulka dekedaha ee ay la lahayd Imaaraadka, iyadoo ku eedeysay inay dhaawacayso madax-bannaanideeda iyo jiritaankeeda siyaasadeed.

Cilaaqaadka labada dhinac ayaa kasii daray kadib markii dowladda Israa’iil ay gobolka Somaliland u aqoonsatay qaran madax-bannaan, taasi oo la rumeysan yahay in ay ka shaqeysay Abu Dhabi.

Dhacdadaas wixii ka dambeeyay, Soomaaliya waxay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka, oo ay ku jiraan heshiisyadii waaweynaa ee lagu wareejinayay maamulka dekedaha Berbera iyo Boosaaso, kuwaas oo aan weli si dhab ah loo dhaqan-gelin.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2026, Soomaaliya ayaa si rasmi ah u burisay heshiisyadaas kadib ficilo ay u aragtay xadgudubyo culus oo ka dhan ah madax-bannaanideeda, wadajirkeeda dhuleed, iyo midnimadeeda qaran.

Go’aankan ayaa dhashay kaddib markii lagu eedeeyay in xukuumadda Abu Dhabi ay fududeysay tallaabadii Israa’iil ay ku aqoonsatay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, taas oo Muqdisho ay u aragto meel-ka-dhac toos ah oo lagu sameeyay midnimada Soomaaliya.

Intaas waxaa dheer, Soomaaliya ayaa sidoo kale Imaaraadka ku eedeysay inuu qaaday tallaabooyin cadaawad xambaarsan oo wax u dhimaya xasiloonida dalka Yemen, taas oo ay ka mid tahay inuu oggolaansho la’aan hawada Soomaaliya u adeegsaday daabulidda hoggaamiye ka tirsan kooxaha gooni-u-goosadka Yemen.

Siciid Deni oo shir xasaasi ah la yeeshay xildhibaannadii laga celiyay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shir-guddoomiyey Shirka Wadatashiga Dowladda Puntland iyo Mudanayaasha Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa qabsoomay xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland Garowe, iyadoo qaar ka mid ah mudaneyaasha ay uga soo qayb-galeen habka fogaan aragga ah.

Shirka wadatashiga ayaa maamulka Puntland iyo mudaneyaasha ku metela Puntland Dowladda Federaalka ah waxay iyaga oo isku duuban u soo saareen mowqifka Puntland ay uga soo horjeeddo wax ka bedelka aan sharciga ahayn ee aan heshiiska lagu ahayn ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bedelayo Dastuurka KMG ah.

“Dowladda Puntland waxay aqoonsantahay Dastuurka KGM ah ee heshiiska lagu yahay ee 2012,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Wax kasta oo laga beddelo Dastuurka oo aan heshiis lagu aheyna waa waxba kama jiraan, Puntland qeyb kama aha, meel uu ka shaqayn doonana majirto.”

Shirkan ayaa imanaya xilli Axaddii magaalada Garoowe laga celiyay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Puntland, kuwaas oo doonayay inay ka qayb-galaan wada-tashi uu ugu yeeray madaxweyne Siciid Deni, kaas oo ugu dambeyn ku qabsoomay hab fogaan arag ah.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa laga mamnuucay inay ka baxaan magaalada Muqdisho, iyadoo guddoonka labada Aqal ee BF uu faray ciidanka nabad-sugidda garoonka in uusan jirin xildhibaan bixi kara.

Guddoonka ayaa shardi ka dhigay in xildhibaanka raba inuu ka dhoofo Muqdisho uu fasax ka haysto, taasoo keentay in xildhibaannada mucaaradka u safri waayan Garoowe.

Arrintan ayaa sii hurisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka, iyadoo maamulka Puntland uu waxa dhacay ku tilmaamay “fal-dambiyeed dil ah”, kadib markii Axaddii hawada laga celiyay diyaaraddii ay la socdeen xildhibaannada, taasoo ku socotay Garoowe.