26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Siciid Deni oo shir xasaasi ah la yeeshay xildhibaannadii laga celiyay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shir-guddoomiyey Shirka Wadatashiga Dowladda Puntland iyo Mudanayaasha Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa qabsoomay xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland Garowe, iyadoo qaar ka mid ah mudaneyaasha ay uga soo qayb-galeen habka fogaan aragga ah.

Shirka wadatashiga ayaa maamulka Puntland iyo mudaneyaasha ku metela Puntland Dowladda Federaalka ah waxay iyaga oo isku duuban u soo saareen mowqifka Puntland ay uga soo horjeeddo wax ka bedelka aan sharciga ahayn ee aan heshiiska lagu ahayn ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bedelayo Dastuurka KMG ah.

“Dowladda Puntland waxay aqoonsantahay Dastuurka KGM ah ee heshiiska lagu yahay ee 2012,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Wax kasta oo laga beddelo Dastuurka oo aan heshiis lagu aheyna waa waxba kama jiraan, Puntland qeyb kama aha, meel uu ka shaqayn doonana majirto.”

Shirkan ayaa imanaya xilli Axaddii magaalada Garoowe laga celiyay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Puntland, kuwaas oo doonayay inay ka qayb-galaan wada-tashi uu ugu yeeray madaxweyne Siciid Deni, kaas oo ugu dambeyn ku qabsoomay hab fogaan arag ah.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa laga mamnuucay inay ka baxaan magaalada Muqdisho, iyadoo guddoonka labada Aqal ee BF uu faray ciidanka nabad-sugidda garoonka in uusan jirin xildhibaan bixi kara.

Guddoonka ayaa shardi ka dhigay in xildhibaanka raba inuu ka dhoofo Muqdisho uu fasax ka haysto, taasoo keentay in xildhibaannada mucaaradka u safri waayan Garoowe.

Arrintan ayaa sii hurisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka, iyadoo maamulka Puntland uu waxa dhacay ku tilmaamay “fal-dambiyeed dil ah”, kadib markii Axaddii hawada laga celiyay diyaaraddii ay la socdeen xildhibaannada, taasoo ku socotay Garoowe.

Imaaraadka Carabta iyo Qatar oo codsi u diray Trump xilli ay wajahayaan in 4 maalin ay…

Doha (Caasimada Online) — Dowladdaha Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa olole diblomaasiyadeed oo hoose ka wada dalalka xulafada la ah, si ay gacan uga helaan in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump lagu qanciyo inuu soo gaabiyo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah Iiraan, oo uu raadiyo waddo looga baxo xiisadda taagan, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal u ah arrintan.

Wadamadan Khaliijka ayaa la sheegay inay raadinayaan isbaheysi ballaaran oo horseeda in colaadda lagu soo afjaro qaab diblomaasiyadeed oo degdeg ah. Ujeedada ugu weyn ee dalalkan ayaa ah in laga hortago in xiisaddu ay ku fido gobolka intiisa kale, lagana baaqsado naxdin dhaqaale oo dabo-dheeraata taas oo saamaysa qiimaha tamarta adduunka, sida ay xuseen shakhsiyaad magacooda qariyay maadaama xogtan aan weli si shaacsan loo soo bandhigin.

Qiimeyn ay samaysay dowladda Qatar oo lala wadaagay warbaahinta Bloomberg ayaa ka digtay in haddii marinnada maraakiibta ee gobolka ay sii xirnaadaan ilaa bartamaha toddobaadkan, la filan karo in suuqyada caalamka ay kala kulmaan saameyn ka xooggan tii isbeddelkii degdegga ahaa ee ku yimid qiimaha gaaska dabiiciga ah maalintii Isniinta.

Tani ayaa imanaysa kaddib markii Qatar ay xirtay xarunteedii ugu weyneyd adduunka ee soo saarta gaaska dabiiciga ah ee dareeraha laga dhigay (LNG), kaddib markii ay bartilmaameedsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ay soo riday. Weerarkan ayaa sababay in qiimaha gaaska ee qaaradda Yurub uu cirka isku shareero in ka badan boqolkiiba 50%.

Dhanka kale, wararku waxay intaas ku darayaan in Imaaraadka iyo Qatar ay si qarsoodi ah uga shaqeynayaan sidii ay si degdeg ah ugu xoojin lahaayeen awooddooda difaaca cirka. Xafiiska Warbaahinta Caalamiga ah ee Qatar iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ku aaddan in ay arrintan faahfaahin ka bixiyaan.

Ilo-wareedyada ayaa intaas raaciyay in Imaaraadku uu xulafadiisa ka codsaday in laga caawiyo nidaamyada difaaca cirka ee riddada dhexe, halka Qatar ay dalbatay taageero la xiriirta ka-hortagga diyaaradaha is-miidaamiya ee Drones-ka, kuwaas oo isku beddelay khatar aad uga weyn gantaallada riddada dheer ee ballistic-ga.

Sida ku cad xog-baaris gudaha ah oo ay aragtay Bloomberg, kaydka gantaallada difaaca cirka ee Patriot ee ay haysato Qatar ayaa ku filnaan doona oo kaliya afar maalmood, haddii la eego xawaaraha ay hadda u isticmaalayaan si ay isku difaacaan.

Si arrimahan xal loogu helo, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Saayid Al Nahyan, iyo Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani, ayaa maalmihii la soo dhaafay khadka taleefanka kula xiriiray dhowr hoggaamiye oo reer Yurub ah.

Madaxda ay la hadleen ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz.

Horjoogihii qorsheeyay weerarkii Al-Shabaab ee godka Jilacow oo xalay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ku dilay horjoogihii qorsheeyay weerarkii Al-Shabaab ee godka Jilacow.

Howl-galkan ayaa xalay ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo hoostaga Degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay xaqiijisay hay’adda NISA.

Horjoogaha la dilay oo adeegsan jiray magacyada Kamaaludiin Yuunis Maxamed, Saalim Nuur Sheekh Cabdiraxiim, Caraale iyo Cabdullaahi Xasan Cali ayaa sidoo kale ahaa maskaxdii iyo isku-duwihii weerarro argagixiso oo sababay dhimashada shacab, saraakiil iyo ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga Qaranka.

Ninkan ayaa ahaa hagaha shabakaddii fulisay weerarkii Godka Jilcaow (4 October, 2025), weerarkii naftii-halignimo ee Kulliyadda Jaalle Siyaad (09 July, 2025), iyo weerarkii Dugsiga Tababarka General Dhega-Badan – Xero Nacnac (10 December, 2025).

Horjoogahan ayaa waxa uu si toos ah u maamuli jiray shabakadihii fulin jiray falalka argagixiso.

Howlgalka xalay ayey NISA sheegtay inuu ahaa mid loogu aargudayay dhiigga shacabka, saraakiisha iyo ciidamada ku naf waayay weerarradii argagixiso.

Daba-galka horjoogahan ayaa waxay qaadatay in ka badan 150 maalmood, iyadoo si gaar ah loo ilaaliyay badqabka shacabka, maadaama la sheegay inuu gabaad ka dhigan jiray goobo rayidku ku badan yihiin, gaar ahaan deegaannada Mubaarak, Ugunji, Daarusalaam, Hantiwadaag, Kurtunwaarey iyo Gendershe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Beegsiga lagu burburinayo shabakadaha argagixisada iyo horjoogeyaashooda waa ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa iyo xasillooni waarta oo dalka oo dhan ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “God iyo gabaad kasta oo ay galaan dhagar-qabeyaasha Khawaarijta gumaceennu wuu ugu galayaa.”

Go’aankii DF ee safarada gudaha oo maanta ka dhaqan-galay garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafa Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay hirgelinta kaarka aqoonsiga qaranka ee socdaalka gudaha dalka.

Tallaabadan ayaa lagu xoojinaya nidaamka maamulka iyo habsami-u-socodka howlaha socdaalka gudaha dalka, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka.

Agaasimaha guud ayaa booqday terminaalka laga dhoofo ee duulimaadyada gudaha, halkaas oo uu warbixin faahfaahsan kaga dhageystay madaxda waaxda xuduudaha, taas oo la xiriirtay habraaca cusub, heerka diyaargarowga farsamo iyo sida adeegga loogu fududeynayo muwaadiniinta u safraya gudaha dalka.

Saaka waxaa si rasmi ah loogu adeegey dadkii ugu horreeyay ee u safrayay gudaha dalka, kuwaas oo loogu adeegay kaarka aqoonsiga qaranka, iyada oo nidaamka loo maray hannaan waafaqsan tilmaamaha socdaalka sharciga ah.

Agaasime Mustafa Dhuxulow ayaa tilmaamay in hirgelintan ay door muhiim ah ka qaadanayso horumarinta nidaamka socdaalka gudaha, xoojinta amniga xuduudaha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dadka si waafaqsan sharciga.

Sidoo kale, waxa uu faray saraakiisha iyo shaqaalaha inay muujiyaan dulqaad iyo tixgelin gaar ah inta ay muwaadiniintu la qabsanayaan nidaamka cusub, si adeeggu u noqdo mid hufan oo waxtar leh.

Kaarka aqoonsiga qaranka ayey dowladdu dooneysa in lagu xiro adeegyo badan oo dowli ah, iyadoo dhawaan ay hay’adda socdaalka dhaqan-gelisay in qof kasta oo sameysanaya baasaboor uu sito kaarka NIRA, taas oo waajib ka dhigaysa qaadashada kaarkan.

Iran oo sheegtay in aysan weerarin xarumaha shidaalka Sacuudiga – Su’aal ka taagan cidda fulisay

Tehran (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iiraan, Majid Takht-Ravanchi ayaa wareysi uu goordhow siiyay warbaahinta CNN ku sheegay in dowladdiisu aysan wax lug ah ku lahayn weerarradii maanta lagu qaaday Sacuudiga.

Weerarradan ayaa lagu beegsaday kaabayaasha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee Sacuudiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin warshadaha iyo xarumaha shidaalka ee dalkaas.

Takht-Ravanchi ayaa sheegay in Iiraan ay la xiriirtay dowladda Sacuudiga, isla markaana ay u xaqiijisay inaysan mas’uul ka ahayn weerarradaasi.

“Waxaan la xiriirnay walaalaheen Sacuudiga, waxaana u xaqiijinay inaysan Iiraan fulin weerarradii maanta ka dhacay warshadaha iyo xarumaha shidaalka,” ayuu yiri wasiirka.

Weerarradan oo sababay qaraxyo iyo khasaare soo gaaray qaar ka mid ah xarumaha lagu sifeeyo shidaalka, ayaa sare u qaaday xiisadda ka taagan gobolka Khaliijka, xilli ay horey u jireen eedeymo is-daba joog ah oo la xiriira amniga kaabayaasha tamarta.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidda ka dambeysa weerarradaasi, hase yeeshee hadalka ka soo baxay Tehran ayaa abuuray su’aalo ku saabsan suuragalnimada in dhinac kale uu ku lug leeyahay falalkan, si uu uga faa’iideysto xaaladda cakiran ee gobolka.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda gobolka ayaa is weydiinaya in ay jirto cid kale oo xiisaddan ka faa’iideysaneysa, si dalalka Carabta loogu qasbo inay taageeraan ama oggolaadaan sii socoshada duullaanka ka dhanka ah Iiraan.

Sidoo kale waxaa jira tuhun ku saabsan in Iiraan ay adeegsaneyso istaraatijiyad ku dhisan abuuridda shaki iyo jahawareer siyaasadeed, si ay uga fogaato eedeymaha loo jeedinayo.

Si kastaba, waqtiga ayaa muujin doona xaqiiqda dhabta ah ee ka dambeysa weerarradan iyo cidda mas’uulka ka ah.

Xasan oo cambaareeyey Iran kadib wada-hadallo uu la yeeshay boqorada laba dal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhanka telefoonka kula hadlay Boqor Cabdalla binu Al-Xuseen, Boqorka Urdun iyo Sheekh Tamiim binu Xamad, Amiirka Qatar ayaa si adag u dhalleeceeyay weerarrada Iiraan.

Madaxweynaha ayaa duqeymaha Iiraan ee dalalkan ku tilmaamay kuwo gardarro ah, iyadoo uu adkeeyay mowqifka adag ee Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Urdun.

Wada-hadalkan, hoggaamiyeyaashu waxa si qoto dheer uga hadlene xaaladda gobolka, xiisadaha iyo iskahorimaadyada milatari ee Bariga Dhexe.

Sidoo kale waxay muujiyeen muhiimadda ay leedahay dejinta xaaladda, yareynta xiisadaha iyo xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey mowqifka adag ee Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Urdun oo dowladda Iiraan kala kulmay duqeymo gardarro ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey mowqifka carbeed ee mideysan, isagoo muujiyey in weerar kasta oo lagu qaado dhulka dalalkaas walaalaha ah uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, caqabadna ku noqonaya nabadda iyo xasilloonida mandiqadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u muujisay garab istaaga dalalka Khaliijka Carabta oo duqeymo kala kulmaya Iiraan, kadib howlgalka wadajir ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ka wadaan gudaha Iiraan.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarradan oo geystay burbur iyo khasaare bani’aadamnimo ay yihiin kuwo si cad ugu xadgudbay madax-bannaanida iyo xurmada dalalkaasi.

Wasaaradda ayaa caddeysay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso dalalka Khaliijka ee la weeraray, iyadoo ku dhiirrigelisay inay qaadaan tallaabo kasta oo ay u arkaan mid sharciga waafaqsan oo lagu difaacayo amniga, laguna ilaalinayo dadkooda iyo dhulkooda.

“Soomaaliya waxay caddeyneysaa sida ay uga xun tahay dhibaatada ka taagan gobolka, waxayna garab taagan tahay waddamada ay saameeyeen falalkaas hubeysan, iyadoo ugu horreyn xustay taageerada buuxda ee ay siinayso Sucuudi Carabiya, Kuweyt, Urdun, Qadar iyo Saldanadda Cumaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dalkii u horreeyay oo Yurub ah oo qaatay mowqif ka dhan ah Mareykanka oo la xiriira Iran

0

Madrid (Caasimada Online) – Dowladda Spain ayaa si cad u diiday in hawadeeda iyo saldhigyadeeda milatari loo adeegsado weerarro uu Mareykanku ku qaado gudaha Iiraan, xilli uu sii fidayo dagaalka ka socda Bariga Dhexe.

Go’aankan ayaa yimid iyadoo xiisadda gobolka ay sii xoogeysaneyso, isla markaana dalal badan lagu cadaadinayo inay qaataan mowqif cad oo ku aaddan colaadda taagan.

Mareykanka ayaa saldhigyada Rota iyo Moron ee ku yaalla koonfurta Spain ka saaray illaa 15 diyaaradood oo ay leeyihiin ciidamada milatariga Mareykanka kaddib markii xukuumadda Madrid ay ku dhawaaqday in aan loo oggolaan doonin Washington inay dhulkeeda u adeegsato weerarro ka dhan ah Iiraan.

Bixitaanka diyaaradahaas ayaa lagu xaqiijiyay xog laga helay barta FlightRadar24, taasoo muujineysa in diyaaradaha Mareykanku si rasmi ah uga ambabaxeen Spain.

Diyaaradahan ayaa u badnaa nooca shidaalka siiya diyaaradaha dagaalka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan KC-135 Stratotankers, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata howlgal kasta oo cirka ah.

Wararka ayaa sheegaya in toddobo ka mid ah diyaaradahaasi ay ka dageen saldhigga Ramstein ee dalka Jarmalka, halka qaar kalena ay u duuleen dhanka koonfurta Faransiiska.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Spain, Jose Manuel Albares ayaa caddeeyay in dalkiisu uusan oggolaan doonin in saldhigyada milatari ee ku yaalla Spain, kuwaas oo si wadajir ah u maamula Mareykanka iyo Spain balse hoos taga madax-bannaanida Madrid loo adeegsado weerarro dhiig ku daato oo ka dhan ah Iiraan.

Waxa uu xusay in Spain ay ilaalinayso madax-bannaanideeda, isla markaana aysan qeyb ka noqon doonin tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda.

Spain ayaa si adag u cambaareysay weerarrada, iyadoo ku tilmaantay kuwo ka baxsan sharciga caalamiga ah isla markaana halis ku ah nabadda gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa isna ku sifeeyay duqeymaha ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen Iiraan kuwo khaldan oo horseedi kara xasillooni darro caalami ah.

Mowqifka Spain ayaa ka dhigay mid ka duwan qaar ka mid ah dalalka kale ee reer Yurub, sida Ingiriiska, kaas oo oggolaaday in saldhigyadiisa loo adeegsado waxa uu ku tilmaamay is-difaac wadajir ah, halka duqeymaha laga fuliyay gudaha Iiraan lagu soo waramayo inay ku dhinteen boqolaal ruux oo ay ku jiraan mas’uuliyiin sare, oo ugu sarreeyo hoggaamiyihii dalkaas, Ayatollaahi Cali Khamenei.

Madaxweyne Trump oo ku hanjabay aargoosi kadib dilka askar Mareykan ah

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu ka aargudan doono ah askarta Mareykanka looga dilay howlgalka ka dhanka ah Iiraan.

Wuxuu caddeeyay in weerarrada milatari ee billowday Sabtidii aysan istaagi doonin, isla markaana ay sii socon doonaan. Hadalkan ayuu ku baahiyay muuqaal hore loo duubay oo uu ku daabacay bartiisa Truth Social.

Mareykanka ayaa illaa hadda dagaalka looga dilay saddex askari, halka shan kale ay soo gaareen dhaawacyo culus, sida uu xaqiijiyay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM).

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in askar kale ay qabaan dhaawacyo fudud, oo ay ku jiraan dhaawacyo ka dhashay firirka walxaha qarxa iyo miyir-beel, kuwaas oo la filayo in dib loogu celiyo shaqada marka xaaladdooda la qiimeeyo.

Madaxweyne Trump ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta CNBC ku sheegay in howlgalka ciidamada Mareykanka uu ka hormaray jadwalkii loo dejiyay, taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa in weerarradu u socdaan sidii loo qorsheeyay.

Arrintan ayaa timid iyadoo xiisaddu cirka isku sii shareerayso, kaddib weerarro ay si wadajir ah u qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Duqeymahaasi waxay sababeen dhimashada hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, taasoo si weyn u gilgishay Jamhuuriyadda Islaamiga ah tan iyo kacaankii 1979-kii. Geeridiisa ayaa si degdeg ah u dhalisay falcelin milatari oo ka timid Tehran, iyadoo Iiraan ay billowday weerarro aargoosi ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in habeenkii Sabtida la qaaday weerarro culus, kaddib markii Iiraan ay diiday dalabyo uga yimid Mareykanka oo ku saabsanaa dhimista ama xaddididda barnaamijkeeda nukliyeerka. Tani waxay sii hurisay khilaaf muddo soo jiitamayay oo u dhexeeyay labada dal.

Dhanka kale, Kongareeska Mareykanka ayaa la filayaa inuu toddobaadka soo socda ka doodo, isla markaana u codeeyo qaraar la xiriira awoodaha dagaalka, si loo caddeeyo doorka sharci ee howlgalka socda.

Tallaabadan waxay muujinaysaa dood siyaasadeed oo ka dhex aloosan Washington oo ku saabsan baaxadda iyo muddada uu socon doono dagaalku.

Colaaddan ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay suuqyada caalamka, iyadoo la baajiyay kumannaan duulimaad tan iyo markii uu dagaalku billowday.

Sidoo kale, shirkadaha caymiska ayaa kordhiyay khidmadaha caymiska maraakiibta shidaalka ee mara marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, taasoo sare u qaadday qiimaha saliidda.

Hoggaamiyeyaasha gobolka iyo quwadaha caalamka ayaa si dhow ula socda jihada ay xaaladdu u jiheysan doonto, iyagoo is weydiinaya in dagaalku ku ekaan doono gudaha Iiraan iyo in kale. Waxaa kaloo la eegayaa in isbeddelka hoggaanka Tehran uu keeni doono siyaasad cusub ama uu sii adkeyn doono mowqifka dowladda Iiraan.

Swan oo degdeg ula kulmay Aadan Madobe kadib go’aankii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo go’aannadii u dambeeyay ee ka soo baxay guddoonka baarlamaanka, oo uu ugu dambeeyay kan maanta ee socdaalka looga joojiyay xildhibaannada.

Intii uu kulanka socday, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa Ergeyga warbixin ka siiyay howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taageerada ay siiyaan dowladda iyo sidoo kale guud ahaan shaqooyinka ay dalka ka hayaan.

Sidoo kale, Guddoomiye Madoobe ayaa uga warbixiyay howlaha baarlamaanka, gaar ahaan arrimaha la xiriira dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka oo muran xooggan ka taagan yahay, xilli maalmo ka hor ay burbureen wada-hadalladii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS wuxuu Ergeyga u sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka ay meel wanaagsan mareyso, islamarkaana ay ku howlan yihiin Baarlamaanka labadiisa aqal,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo lana joogteeyo wada-shaqeynta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa imanaya xilli guddoonka baarlamaanka uu qorsheynayo ansixinta wax-ka-beddelka dastuurka, oo uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu ku soo aadayaa iyadoo guddoonka uu xildhibaannada Baarlamaanka ka mamnuucay inay ka baxaan magaalada Muqdisho, uuna guddoonka labada Aqal ee BF faray ciidanka nabad-sugidda garoonka in uusan jirin xildhibaan bixi kara.

Guddoonka ayaa shardi ka dhigay in xildhibaanka raba inuu ka dhoofo Muqdisho uu fasax ka haysto, xilli shalay xildhibaanno ka soo jeeda Puntland laga celiyay Garoowe, iyagoo doonayay inay ka qayb-galaan wada-tashi uu ugu yeeray Madaxweyne Siciid Deni.

Xildhibaannada oo mar kale saaka tegay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa laga hor istaagay inay ka baxaan, taasoo keentay in mar kale uu baaqdo safarkoodii.

Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay amarkan cusub, iyagoo qaarkood oo la hadlay warbaahinta si weyn u dhaleeceeyay madaxda dowladda.

Arrintan ayaa sii hurisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka, iyadoo Madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’id qabtay uu waxa dhacay ku tilmaamay “fal-dambiyeed halis ah”, kadib markii shalay hawada laga celiyay diyaaraddii ay la socdeen xildhibaannada, taasoo ku socotay Garoowe.

Diyaarado ay leeyiiin ciidanka Mareykanka oo ku burburay Kuwait – Yaa soo riday?

0

Kuwait (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ay ayaa waxaa laga helayaa tiro kamid ah diyaaradaha F-15 ee Mareykanku leeyahay oo maanta ku burburay gudaha dalka Kuwait oo ay weli duqeyn ku waddo dowlada Iran.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Kuwait ayaa lagu xaqiijiyay in ay soo dhaceen qaar kamid ah diyaaradaha ciidanka Mareykanka, balse aanu jirin wax khasaare ah marka laga reebo burburka diyaaradaha soo dhacay.

Sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay in duuliyeyaasha diyaaradaha la daad-gureeyay, loona qaaday isbitaallo, si baaritaanno caafimaad loogu sameeyo. Waxay intaas ku dartay in xaaladda shaqaaluhu ay tahay mid deggan.”

Kuwait ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay la shaqaynayso xulafadeeda Mareykanka si loo ogaado duruufta dhacdadan, isla markaana ay sameyneyso baaritaanka sababaha keenay shilka.”

Muuqaal si weyn ugu baahan baraha bulshada ayaa muujinayo mid kamid ah duuliyeyaasha diyaaradaha burburay oo kusoo booday baarashuud, waxaase uu u gacan galay dadka deegaanka, isaga oo ku hubeysan qoray.

Duuliyaha ayaa markii hore isku dayay in uu is difaaco, balse shacabka ayaa kusoo xoomay, kadibna isaga oo gacmaha kor u taagaya ayuu is-dhiibay.

Waxyar kadib waxaa goobta tegay laamaha amniga Kuwait oo ka gaaray iyaga oo duuliyaha ku qaatay gaari yar oo ay wateen.

Kuwait, Baxrayn iyo waddamo badan oo ka tirsan Khaliijka ayaa hadda la kulmaya weerarro xooggan oo uga imaanaya Iran, iyada jab lagu gaarsiiyay Mareykanka oo saldhigyo kuleh waddamadaasi, maadaama ay xulafo la yihiin.

Ciidanka dowladda yo kuwa AUSSOM oo la wareegay deegaanno muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta guul wayn ka sheegatay howlgal culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM ee ka howlgalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaannada Mubaarak iyo Daarusalaam, isla markaana shacabka lagu dul-qaaday dhibtii lagu hayay.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Africa Ee AUSSOM & Kuwa UPDF ayaa ka saaray maleeshiyadka Argagixisada ee ku dhuumaaleysanayay deegaanada Mubaarak & Daaru salaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalkan oo qayb ka ah hawlgalada Bedar ayaa Waxa Shacabka ku dhaqan Deeganadan looga dulqaaday heeryo cadow oo in muda ah saarnayd” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale inta uu socday howlgaka ayaa waxaa lagu laayay maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda, balse talisku ma shaacin tirada rasmiga ah ee la dilay.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in ciidamada ay si wadi doonaan howlgalka, ayna ka go’an tahay ciribtirka Khawaarijta.

“Ciidanka XDS waxaa ka go’an ciribtirka maleeshiyaadka argagixisada ee khatarta ku ah amniga shacabka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan nabad iyo amni la isku haleyn karo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Wasaarada Gaashandhiga iyoTaliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan in howlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii  wadi doonaan ilaa laga xaqiijiyo amniga, xasiloonida,iyo nabadda guud ahaan dalkeena”.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan dardar ku wadda howlgallada lagu beegsanayo argagixisada, waxaana shalay ay si rasmi ah ugu dhawaaqday bilaabashada hawlgal cusub oo loogu magac daray “Hawlgalka Hillaac”.

Xildhibaannada BF oo laga mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeedo Puntland ayaa maalintii shalay laga celiyay Garoowe, xilli ay doonayeen inay ka qayb-galaan wada-tashi uu ugu yeeray madaxweyne Saciid Deni.

Xildhibaannada oo mar kale saaka tegay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa laga hor istaagay inay ka baxaan, taas oo keentay in mar kale uu baaqdo safarkooda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa maanta amar culus dul-dhigay xildhibaannadaas guddoonka labada Aqal oo ciidanka Nabad-sugidda garoonka faray in uusan jirin xildhibaan bixi kara, isaga oo aan fasax ka heysan guddoonka.

Intaas kadib xildhibaannada ayaa dib isaga soo laabtay garoonka, waxaana qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay dhaleeceeyeen madaxda dowladda.

Arrintan ayaa sii hurisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka, iyada oo madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’iid qabtay uu waxa dhacay ku tilmaamay ‘fal-dambiyeed dil ah’, kadib markii shalay hawada laga celiyay diyaaraddii ay la socdeen xildhibaannada oo ku socotay magaalada Garoowe.

“Intaas waxaa loo sameynayaa oo hadddana loo diiday xildhibaannada usoo socday deegaan doorashadooda inay la tashi soo sameeyaan waa in ay DFS ku foogan tahay inay afduubto sharciga iyo kala dambeynta dowladnimada” ayuu yiri Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Ficilka maanta dhacay waa afduub loo gaystay dadkii rakaabka ahaa ee isugu jiray shacabka iyo mas’uuliyiinta dadkaa laga afduubay inay Garoowe soo aadaan ee hadda ku xayiran garoonka Aadan Cadde waxaan ka codsaneynaa dadka waxgaradka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta damiirka uu weli ku haray inay dadkaas xorriyadooda siiyaan”.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo isaguna cambaareeyay is-hortaaga lagu sameeyay xildhibaannada ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay uga sii dareyso khilaafka taagan, maadaama horay loogu kala tegay wada-hadalladii u socday labada dhinac, isla markaana dalka uu ku jiro xilli kala guur ah.

“Go’aankan wuxuu sii fogeynayaa khilaafka xilli dalka ku jiro marxalad kala guur ah oo u baahan deganaasho, wada-tashi iyo is-afgarad qaran” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn wuxuu golaha hoosta ka xariiqay in xilligan adag ay lagama maarmaan tahay in hoggaanka dalka uu muujiyo xilkasnimo iyo biseyl siyaasadeed, iyadoo la ixtiraamayo nidaamka federaalka ee uu  qaatay dalka.

R/W Xamza oo marxalad ay gashay Soomaaliya la wadaagay Sandra Lattouf

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya usoo magacowday, Marwo Sandra Lattouf, ayaa la wadaagay warbixin ku aadan marxaladda cusub ee ay haatan gashay Soomaaliya.

Xamza ayaa marka hore Marwo Landra, la wadaagay guulaha hirgalay ee ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran, isaga oo xusay in Soomaaliya ay gashay marxalad dib-u-habeyn iyo dhismaha dowladnimada ah gaar ahaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029 (NTP) oo ah qaab-dhismeedka ugu weyn ee hagaya mudnaanta horumarineed ee dalka.

Sidoo kale, wuxuu uga mahadceliyay hey’adda UNICEF, taageeradeeda ku aaddan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, nafaqada carruurta, iyo hirgelinta sidii biyo nadiif ah lagu gaarsiin laha bulshada nugul, gaar ahaan deegaannada ay saameeyeen abaaraha.

Dhankeeda Marwo Sandra Lattouf, ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhexeysa labada dhinac, si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah.

Waxaa kale oo ay ballan-qaday in sii wadi doonto taageerada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan caafimaadka iyo tallaalka carruurta, la dagaallanka nafaqo-darrada, horumarinta waxbarashada iyo kordhinta helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa soo dhaweyn, iyo sidii loo yeelan lahaa xiriir dhinacyo badan oo u dhaxeeya xukuumadda iyo hay’adda UNICEF oo kamid ah hay’aha caalamiga ah ee ka howlgala gudaha dalka.

Maalmihii u dambeeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waday kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, isaga oo kala hadlayay xaaladda  Soomaaliya iyo kordhinta taageerada caalamiga ah ee ay hesho dowladda federaalka ah.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaas ah oo ka dhalatay khilaafka doorashooyinka iyo xaalad kale oo la xiriirta abaaraha ka jira dalka.

Imaaraadka oo soo saaray go’aan culus xilli ay Iiraan ku garaaceyso duqeymo culus

Abu Dhabi (Caasimada Online) — Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay xirtay safaaraddeedii ku taallay caasimadda Iiraan ee Tehran, isla markaana ay kala soo baxday safiirkeedii iyo dhammaan hawl-wadeennadii diblomaasiyadeed ee u fadhiyay dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in go’aankan uu ka dambeeyay weerarro gantaallo ah oo aan loo meel-dayin oo lala beegsaday goobo rayid ah, kuwaas oo isugu jira xaafado la deggan yahay, garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo xarumaha adeegga bulshada.

Wasaaraddu waxay xustay in duqeymahan ay si toos ah halis u geliyeen nolosha dadka shacabka ah, ayna yihiin xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madax-bannaanida qaran ee Imaaraadka, shuruucda caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Xukuumadda Abu Dhabi ayaa sheegtay in xiritaanka safaaradda iyo ka bixitaanka shaqaalaha diblomaasiyadeed ay ka turjumayaan mowqifkeeda adag ee aan gabbashada lahayn, kaas oo ka dhan ah gardarro kasta oo wax u dhimaysa amnigeeda iyo madax-bannaanideeda dhuleed.

Waxay intaas ku dartay in xiisaddan milatari ee sii xoogeysanaysa ay fashilin karto dadaalladii nabadeynta ee gobolka, isla markaana ay Bariga Dhexe gelin karto waddo aad u halis badan oo khatar ku ah nabadda caalamka, amniga tamarta iyo guud ahaan dhaqaalaha adduunka.

Go’aankan diblomaasiyadeed ee kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddankan Khaliijka ayaa ku soo beegmaya xilli weerarrada aargoosiga ah ee Iiraan ay la beegsanayso saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe ay khasaare gaarsiiyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dubai iyo dhismayaal kale oo ay deggan yihiin dad rayid ah.

Weeraradan, oo si weyn u ruxay xasilloonida dalkaas, ayaa sababay in si degdeg ah loo xiro hawada Imaaraadka oo dhan, arrintaas oo gabi ahaanba hakad gelisay nolol maalmeedkii, ganacsiga iyo isu-socodkii caadiga ahaa ee shacabka.

Dhanka kale, xukuumadda Tehran ayaa war ay soo saartay ku adkaysatay in ujeeddadeeda rasmiga ahi ay tahay oo keliya inay bartilmaameedsato xarumaha iyo saldhigyada milatari ee Mareykanku ku leeyahay gobolka.

Iiraan ayaa ku dooday in tallaabadani ay tahay aargoosi toos ah oo ka dhan ah duqeymihii isdaba-joogga ahaa ee ay isbahaysiga Mareykanka iyo Israa’iil ka fulinayaan gudaha ciidda Iiraan, inkastoo gantaaladeedu ay waxyeelo baaxad leh gaarsiiyeen kaabayaasha rayidka ah ee waddamada martigeliya ciidamadaas.

Go’aanka Imaaraadka ayaa calaamad u ah burbur weyn oo lama filaan ah oo ku yimid xiriirkii diblomaasiyadeed ee Abu Dhabi iyo Tehran, kaas oo muujinayay ifafaale soo kabasho ah sanadihii lasoo dhaafay.

Imaaraadka ayaa hoos u dhigay xiriirkii uu la lahaa Iiraan sanadkii 2016-kii, kadib markii Sacuudi Carabiya ay xiriirka u jartay Tehran sababo la xiriira dibadbaxayaal weeraray xarumaha diblomaasiyadeed ee Sacuudiga ku lahaa gudaha Iiraan.

Kadib sannado ay jirtay xiisad salka ku haysay loollan awoodeed oo gobolka ka jiray, amniga badda iyo dagaallada wakiillada ah, Abu Dhabi ayaa markii dambe qaadatay siyaasad wax-ku-ool ah oo ujeedkeedu ahaa in la yareeyo isku-dhaca tooska ah.

Taasi waxay horseedday in Imaaraadku dib u soo celiyo safiirkeedii Tehran sanadkii 2022-kii, isaga oo ujeedkiisu ahaa ilaalinta waddooyinka ganacsiga iyo isu-socodka badda.

Burburkan diblomaasiyadeed ayaa haatan ku soo beegmaya xilli uu gobolku wajahayo xaalad kacsan oo aan la saadaalin karin, waxaana jirta cabsi laga qabo in isku-dhac kasta oo ay Iiraan qayb ka tahay uu ku fido guud ahaan Gacanka Carbeed, isaga oo carqaladeyn kara kaabayaasha muhiimka ah ee tamarta iyo gaadiidka.

Imaaraadka, oo ah xudun weyn oo dhanka maaliyadda iyo saadka ah, ayaa xaqiijiyay in isku-dhac kasta oo milatari uu saameyn ballaaran ku yeelan doono dhaqdhaqaaqa maraakiibta, duulimaadyada iyo kalsoonida maalgashadayaasha shisheeye.

Ilaa iyo haatan, dowladda Imaaraadku ma aysan caddeyn muddada uu xirnaan doono xafiiskeeda magaalada Tehran, mana cadda in adeegyadii qunsuliyadda iyo isu-socodka dadweynaha loo marsiin doono dalal saddexaad.

Dhanka kale, xukuumadda Tehran ayaan weli soo saarin wax jawaab rasmi ah oo ku aadan go’aankan adag ee kasoo baxay Abu Dhabi.

Deni oo farriin culus u diray beesha caalamka kadib tallaabadii ay qaaday DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay is-hortaaggii ay Axaddii dowladda Soomaaliya ku sameysay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ee laga soo doorto maamulkaasi, kuwaas oo kusii jeeday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Saciid Deni oo eedeyn culus u jeediyay dowladda dhexe ayaa arrinta dhacday toos ugu wargeliyay hay’adaha caalamiga ah ee duulimaada, isaga oo shaaca ka qaaday in uu yahay ‘fal dambiyeed dil ah’, la’iskulana xisaabtami doono.

“Waxaan aad uga xumahay in dowladdii Soomaaliyeed ay isku bedashay warato uu qof sidii uu doono uu ka yeello taas waxay halis ku noqon doonaan dhismaha dowladnimada” ayuu yiri madaxweyne maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay afduub cad oo lagu jabinayo dowladnimada iyo sharciga kala hagaya ummadda Soomaaliyeed.

“Intaas waxaa loo sameynayaa oo hadddana loo diiday xildhibaannada usoo socday deegaan doorashadooda inay la tashi soo sameeyaan waa in ay DFS ku foogan tahay inay afduubto sharciga iyo kala dambeynta dowladnimada” ayuu mar kale yiri Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu ku daray “Ficilka maanta dhacay waa afduub loo gaystay dadkii rakaabka ahaa ee isugu jiray shacabka iyo mas’uuliyiinta dadkaa laga afduubay inay Garoowe soo aadaan ee hadda ku xayiran garoonka Aadan Cadde waxaan ka codsaneynaa dadka waxgaradka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta damiirka uu weli ku haray inay dadkaas xorriyadooda siiyaan”.

Deni ayaa sidoo kale xusay in ay qiimeyn doonaan khasaaraha ka dhashay arrintan ayna kadib dacwo gudbin doonaan, si magdhow loo siiyo dhibanayaasha.

Kadib soo celintii xildhibaannada labada Gole ee ku socday Garoowe, shalay Puntland ayaa deegaannadeeda ka mamnuucday diyaaradda Daallo oo siday xildhibaannada ka baxay magaalada Muqdisho, balse amar ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa dib looga soo celiyay magaalada Garoowe.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Puntland ayaa diyaaradda Daallo Airlines ku eedeysay in muddo laba jeer ah ay khatar gelisay nolosha mas’uuliyiin iyo muwaadiniin reer Puntland.

“Waxaa lagu wargelinayaa Shirkadda Diyaaradaha Daallo in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 1-da Maarso 2026 lagala noqday ruqsaddii duulimaadyada Diyaaradaha Daallo ee dhammaan garoomada diyaaradaha Puntland, maadaama ay muddo laba jeer ah khatar gelisay nolosha mas’uuliyiin iyo muwaadiniin reer Puntland,” ayaa lagu yiri amarka ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Maamulka Puntland.

 

Sidee MBS loogu qanciyey weerarka Iran, yaase loo diray?

Riyadh (Caasimada Online)Senator-ka Maraykanka Lindsey Graham ayaa dhammaadkii bishii Febraayo safar ku tagay Sacuudi Carabiya, si uu Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Maxamed bin Salmaan, ugu qanciyo inuu taageero weerar milatari oo ka dhan ah Iran, sida uu Middle East Eye u sheegay sarkaal Maraykan ah oo xogtan la socday.

Safarka Graham hore ayaa loo soo tebiyey, balse ujeeddada dhabta ah ee kulanka uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudiga hore looma shaacin. Ilo xog ogaal ah ayaa Middle East Eye u sheegay in hoggaanka Sacuudigu uusan si toos uga hor imaan fikradda weerarka, arrintaas oo muujinaysa in maamulka Donald Trump uu go’aanka weerarka Iran gaaray xilli wada-hadallo ay weli socdeen.

Inkasta oo Sacuudigu markii hore doorbidayay xal diblomaasiyadeed oo lala gaaro Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, weerarrada Tehran ayaa hadda kiciyey caro xooggan oo ka jirta dalalka Khaliijka. Sarkaal Maraykan ah iyo mid Carbeed oo arrintan la socday ayaa Middle East Eye u sheegay in Riyadh ay hadda si tartiib ah ugu sii dhawaanayso taageeridda tallaabada milatari ee ka dhanka ah Iran.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa Sabtidii sheegtay in Riyadh ay cambaareysay “weerarrada arxan darrada ah ee Iran” ku qaaday dalalka kale ee Khaliijka, iyadoo ku tilmaantay kuwo dhaawacaya “amniga iyo xasilloonida” gobolka.

Madaxweyne Trump ayaa Sabtidii khadka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, hase yeeshee faahfaahinta wada-hadalkaas si rasmi ah looma shaacin.

Lindsey Graham ayaa kulankiisa dhaxal-sugaha ku tilmaamay mid “miisaan culus leh” qoraal uu ku daabacay barta X. Wuxuu sidoo kale ammaan u jeediyey Sacuudi Carabiya, maalmo kaddib markii uu dhaliilay khilaaf ka dhex aloosan Riyadh iyo Abu Dhabi.

“Shantii sano ee la soo dhaafay waxaan si dhow u bartay Dhaxal-sugaha, welina waxaan la dhacsanahay aragtidiisa ku aaddan dalkiisa iyo gobolka,” ayuu Graham ku qoray X.

Weerarka ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran ayaa si xawli ah isugu baddalay qalalaase goboleed oo ballaaran, iyadoo Iran ay bilowday duqeymo isugu jira boqolaal gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ku dhacay guud ahaan Khaliijka.

Dalalka Khaliijka ayaa, iyagoo adeegsanaya nidaamyada difaaca cirka ee Maraykanka, inta badan soo riday gantaallada iyo diyaaradahaas.

Si kastaba, Iran ayaa la sheegay inay ku guuleysatay in qaar ka mid ah diyaaradaha nooca Shahed ay ka gudbaan gaashaanka difaaca, kuwaas oo si wax-ku-ool ah u beegsaday hoteello qaali ah oo ku yaalla Dubai iyo saldhigyo militari oo Maraykanku leeyahay.

Imaaraadka, Baxrayn iyo Kuweyt ayaa la sheegay inay qaadeen culayska ugu weyn ee weerarrada, inkasta oo Sacuudi Carabiya lafteeda ay bartilmaameed noqotay.

Ugu yaraan saddex askari oo Maraykan ah ayaa lagu dilay weerarro ay Iran fulisay, halka shan kalena ay dhaawacyo culus soo gaareen. Sidoo kale, gantaal Iran laga soo tuuray ayaa la sheegay inuu ka gudbay difaacyada cirka ee Israa’iil, kuna dilay ugu yaraan sagaal qof magaalada Beit Shemesh oo qiyaastii 18 mayl galbeed kaga beegan Qudus.

Iran waxay sheegtay in duqeymaha Maraykanka iyo Israa’iil ee gudaha dalkaas ay dileen ugu yaraan 200 qof, ayna ku jiraan saraakiil sar sare, oo ay ka mid yihiin Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.

Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ahayd dalalkii gobolka ugu codka dheeraa ee ku boorrinayey Washington inay doorato waddo diblomaasiyadeed oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran.

Hase yeeshee, labada sarkaal ee la hadlay Middle East Eye waxay sheegeen in boqortooyadu aysan riixayn weerar lama filaan ah, sida warar kale qaarkood tilmaamayaan, balse wada-hadallada Riyadh iyo Washington ay ahaayeen kuwo ka murugsan oo ka qoto dheer sawirkaas.

Bishii Janaayo, Middle East Eye waxay hore u shaacisay in maamulka Trump uu Wasiirka Difaaca Sacuudiga, Amiir Khalid bin Salmaan, kala hadlay muhiimadda ay leedahay in Sacuudigu garab istaago Maraykanka haddii mustaqbalka la qaado weerar, iyadoo loo bandhigay dood ah in duqeymo militari ay yareyn karaan halista Iran ku hayso xulafada gobolka iyo keydkeeda gantaallada ballistic-ga ah.

Weli ma cadda in Trump uu dalbanayey ballanqaad dadweyne oo ka yimaada dalalka Khaliijka, mise uu ku filnaa oggolaansho aan la shaacin oo albaabbada u xiran gadaashooda ah. Sarkaalka Maraykanka ah ee la hadlay Middle East Eye ayaa sheegay in Washington ay heshay nooc ka mid ah aqbalaaddaas.

Waxaa jira siyaabo badan oo ay dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sacuudi Carabiya, u caawin karaan Maraykanka iyaga oo aan si toos ah uga qeyb gelin hawlgallada weerarka. Maraykanka iyo Israa’iil ayaa la sheegay inay gabaabsi ka dareemayaan gantaallada ka hortagga ah ee lagu joojiyo gantaallada ballistic-ga Iran, sida THAAD, Patriot, Arrow iyo David’s Sling.

Sacuudi Carabiya ayaa sannadkii hore hawlgelisay nidaamkeedii ugu horreeyay ee THAAD, halka saddex nidaam oo kale la filayo in la dhammaystiro sannadka 2026.

Intii lagu jiray weerarkii Maraykanka iyo Israa’iil ee bishii Juun, saraakiil Maraykan ah ayaa Sacuudiga ka codsaday inuu siiyo gantaallada THAAD si loogu difaaco Israa’iil, balse boqortooyadu way diidday xilligaas.

Haddaba maadaama Iran ay haatan weerarro ku hayso Sacuudiga, waxaa suuragal ah in Riyadh ay durbaba u adeegsanayso gantaalladaas difaaceeda gudaha.

Dalalka Khaliijka waxay wajahayaan doorasho adag: haddii ay si toos ah ugu biiraan hawlgallada weerarka, waxay halis ugu jiraan inay kiciyaan aargoosi dheeraad ah oo Iran ka timaadda, xilli kaabeyaashooda tamarta aan weli si toos ah loo beegsan. Dhinaca kale, waxay sidoo kale dareemi karaan baahi ay ku muujiyaan xuduud cas oo ka dhan ah Tehran.

Firas Maksad, oo ah madaxa Eurasia Group ee Bariga Dhexe, ayaa barta X ku qoray in Iran ay “ku qasbayso Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) inay sare u qaadaan xiisadda”, isagoo sheegay in dalalkaasi ay ku qasbanaan doonaan inay ka fiirsadaan jawaab, ama ugu yaraan inay Maraykanka siiyaan xorriyad hawlgal oo ballaaran si uu weerarro uga fuliyo dhulkooda.

Muxuu yahay is-aqoonsiga uu Xamza faray muwaadiniinta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay Aqoonsiga Qaranka, isaga oo farriin toos ah u diray muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay shacabka in ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isaga oo ku tilmaamay mid laf-dhabar u ah dowlad-dhisidda, sugidda amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadinka.

Xamza ayaa xusay in Aqoonsiga Qaranku uusan ahayn kaar keliya, balse uu yahay astaan muujinaysa muwaaddinimada qofka, isla markaana u suurtagelinaysa inuu helo adeegyada dowladda iyo difaac sharci ah.

“Dadkaygoow, Aqoonsi-Qaran ma ahan kaar oo keliya, ee waa astaan muhiim ah oo muujinaya muwaaddinimadaada, caddayna u ah in aad tahay qof dadka laga dhex garanayo oo sugnaan iyo summad gaar ah leh difaacna ka hela Qarankiisa,” ayuu Xamza ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hirgelinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ay tahay tallaabo istaraatiiji ah oo looga gudbayo dhibaatooyinkii ka dhashay waraaqaha been-abuurka ah iyo suuqyada sharci darrada ah ee hore u jiray.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu caddeeyay in qaadashada kaarkan ay muhiim u tahay mustaqbalka dalka, amniga guud iyo kobaca dhaqaalaha, isaga oo muwaadiniinta ku dhiirrigeliyay inay ka faa’iideystaan fursadda qaadashada oo hadda ah mid lacag la’aan ah.

“Ma nihin dad aan magacyo lahayn, mana nihin dad aanan wejiyadooda la aqoonin ee waxaan nahay qaran qab iyo karaamo leh oo ka kooban rag iyo dumar leh magacyo, ciwaan deegaan, taariikh, leh rejo, iyo wax kasta oo uu muwaaddin leeyahay oo lagu tixgalinayo.”

Hoos ka akhriso qoraalka ra’iisul wasaaraha oo dhameystiran:

Dadkaygoow, Aqoonsi-Qaran ma ahan kaar oo keliya, ee waa astaan muhiim ah oo muujinaya muwaaddinimadaada, caddayna u ah in aad tahay qof dadka laga dhex garanayo oo sugnaan iyo summad gaar ah leh difaacna ka hela Qarankiisa.

Dadaalka dowladda ee ku aaddan hirgalinta Aqoonsiga Qaranka ee (NIRA) waa tallaabo istaraatiiji ah oo ka qeyb qaadanaysa dhismaha dowladnimo casri ah, taasi oo sahlaysa in muwaaddin kasta uu helo aqoonsi sharci ah, sugan oo la xaqiijiyey.

Sannado badan dadkeennu waxa ay noolaayeen iyaga oo aan haysan Aqoonsi Qaran oo mideysan, taasi oo halis galisay habsami u socodka nolosha bulshada, dalkana u horseedday in ay kusoo bataan dambiyada, been-abuurka waraaqaha aqoonsiga, waxa abuurmay suuqyo aan sharciyad haysan oo dhac iyo wax isdaba-marin loogu geysto dadkeenna, dalkana sumcadiisa lagu dilay.

Waxaa arrin lagu farxo ah in kaarka ay qaateen wax ka badan hal milyan oo qof kuwaas oo kala jooga gobollada dalka, iyada oo si toos ah looga heli karo wax ka badan kala bar degmooyinka Jamhuuriyadda, howshaas oo aan si weyn ugu bogaadinayo maamulka iyo shaqaalaha ee Hey’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

Ma nihin dad aan magacyo lahayn, mana nihin dad aanan wejiyadooda la aqoonin ee waxaan nahay qaran qab iyo karaamo leh oo ka kooban rag iyo dumar leh magacyo, ciwaan deegaan, taariikh, leh rejo, iyo wax kasta oo uu muwaaddin leeyahay oo lagu tixgalinayo.

In muwaaddin kasta la siiyo Aqoonsi-Qaran waxa ay ka dhigantahay in la dhawray sharaftiisa qofnimo, in la diiwaangaliyo muwaaddin kasta ayaa iyana ka dhigan in la sugay amnigiisa.

Ololaha bixinta Kaarka Aqoonsiga waxa uu ka socdaa guud ahaan dalka si carruurteenna loogu barbaariyo kalsooni iyo waddaniyad, looguna fududeeyo diiwaangalinta iskuulaadka, dadka Soomaaliyeedna cabsi la’aan kaga shaqo doontaan shirkadaha iyo dowladdalagu, sidoo kalena si fudud u helaan adeegyada dowladda.

Tallaabadani ma ahan arrin maamul ee waa dowlad-dhis dhab ah. Maalmihii suuqa madoow laga qaadan jirey waraaqaha been abuurka waa in ay soo afjarmaan, casrigii dadka aan la aqoonin ay halista galin jireen amniga guud waa soo dhammaaday. Waxaan dooranay nidaam iyo kala dambayn waarta si aan dunida kale ula jaanqaadno.

Muwaaddin kasta waa in uu ku dedaalaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga, kana faa’iideystaa inta ay jirto fursadda lagu qaadanayo si lacag la’aan ah, maadaamaa qaadashada kaarkan ay ku xiranyihiin adeegyo badan oo asaasi ah oo dowladeed, mustaqbalkana lagu biirin doono adeegyo kale.

Kaarkan Aqoonsiga, waxa uu laf-dhabar u yahay horumarinta nidaamka amniga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, maadaama uu gacan ka gaysanayo diiwaangelin hufan iyo xog sugan, taasi oo loo diyaariyey adeeg bulsho, waanna astaan muujinaysa in dowladda ay ka go’antahay ilaalinta xuquuqda muwaaddiniinta sugidda amniga iyo dhismaha mustaqbal ay ku mideysan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Golaha Mustaqbalka oo 3 qodob kasoo saaray tallaabadii DF ee lagu beegsaday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay is-hortaaggii shalay dowladda Soomaaliya ay ku sameysay xildhibaannada laga soo doorto deegaannada Puntland ee dib looga soo celiyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Golaha oo soo saaray bayaan ka kooban saddex qodob ayaa marka hore  xadgudub ku tilmaamay tallaabada lagu beegsaday xildhibaannada ee dib loogu soo celiyay Muqdisho, xilli ay doonayeen inay lasoo tashadaan madaxweyne Saciid Deni oo ugu yeeray magaalada Garoowe.

“In xildhibaannada la farageliyo safarkooda iyada oo amar fulineed la adeegsanayo waa ku xadgudub mabda’ kala-soocida awoodaha dowladeed, waana faragelin toos ah oo lagu sameeyay hay’adda sharci dajinta” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale, waxa uu goluhu eedeeyay Hay’adda Duuista Rayidka Hawada, isaga oo tilmaamay in tallaabada la qaaday ay jabineyso mabda’a dhex-dhexaadnimada ee hay’adda iyo shuruucda caalamiga ee duulimaadyada.

“Ficilkan wuxuu dhaawacayaa kalsoonida shirkadaha duulista, sumcadda hawada Soomaaliya iyo waajibaadka caalamiga ah ee dalka kaga xiran nidaamyada duulista rayidka” ayaa lasii raaciyay.

Waxaa kale oo Golaha Mustaqbalka intaasi kusii daray in tallaabadan ay uga sii dareyso khilaafka taagan, maadaama horay loogu kala tegay wada-hadalladii u socday labada dhinac, isla markaana uu dalka haatan ku jiro xilli kala guur ah.

“Go’aankan wuxuu sii fogeynayaa khilaafka xilli dalka ku jiro marxalad kala guur ah oo u baahan deganaasho, wada-tashi iyo is-afgarad qaran” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn wuxuu golaha hoosta ka xariiqay in xilligan adag ay lagama maarmaan tahay in hoggaanka dalka uu muujiyo xilkasnimo iyo biseyl siyaasadeed, iyadoo la ixtiraamayo nidaamka federaalka ee uu  qaatay dalka.

Sawirro: Khasaaraha Israel oo kordhay xilli Iran ay si xun ugu garaaceyso gantaallo

Tel Aviv (Caasimada Online) – Inkasta oo ay la kulantay duqeymo culus oo maalintii labaad xiriir ah uga imanaya Maraykanka iyo Israa’iil, isla markaana ay weli ka soo kabanayso saameynta dilka Hoggaamiyihii Sare Ayatollah Ali Khamenei, Iran ayaa sii wadday weerarro aargoosi ah oo isugu jira gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo lagu beegsanayo Israa’iil iyo saldhigyada Maraykanka ee gobolka.

Mid ka mid ah gantaallada Iran ayaa ku dhacay goob gabbaad ah oo ku taalla magaalada Beit Shemesh ee bartamaha Israa’iil, oo ah magaalo ay inta badan deggan yihiin bulshada Yuhuudda ee ultra-Orthodox. Ugu yaraan sagaal qof ayaa halkaas ku dhintay, taasoo tirada guud ee dhimashada Israa’iil tan iyo bilowgii colaadda gaarsiisay 12 qof.

“Xaafadaha ultra-Orthodox-ku waa kuwo aad u ciriiri badan. Markasta oo cufnaanta dadka ay badato, khatartuna way sii korortaa,” ayay Pnina Pfeuffer, oo ah qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada kana tirsan bulshada ultra-Orthodox ee Israa’iil, u sheegtay Middle East Eye.

Iran ayaa sidoo kale sii xoojisay weerarrada ay ku hayso dalalka deriska la ah ee Khaliijka, iyadoo ku andacoonaysa in dalalkaasi ay marti-gelinayaan ciidamada Maraykanka, inkasta oo weerarro qaarkood ay u muuqdeen kuwo ku dhacay goobo rayid ah.

Wararka ayaa sheegaya in la beegsaday Riyadh, Abu Dhabi, Dubai, Manama, Doha iyo Kuwait, iyo sidoo kale Cumaan, oo hore uga shaqeynaysay dhexdhexaadin lagu baajinayo dagaal buuxa oo u dhexeeya Tehran iyo Washington.

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu soo warramay inay ku dhinteen Imaaraadka Carabta, halka hal qof lagu dilay Kuwait.

Dhanka kale, Washington ayaa sheegtay in saddex askari oo Maraykan ah la dilay, shan kalena dhaawacyo halis ah ay kasoo gaareen hawlgalka milatari ee loogu magac daray “Epic Fury”.

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa markii ugu horreysay kasoo muuqday telefishinka dowladda tan iyo markii weerarradu billowdeen.

Waxaa loo magacaabay gole hoggaan ku-meel-gaar ah oo saddex xubnood ka kooban, oo ay sidoo kale ku jiraan madaxa garsoorka Gholam-Hossein Mohseni-Ejei iyo caalimka diinta Ayatollah Alireza Arafi.

Pezeshkian ayaa sheegay in Iran ay leedahay “waajib sharci ah iyo xaq buuxa” oo ay kaga aargudaneyso cidda fulisay iyo cidda qorsheysay dilka Khamenei, isagoo dhacdadaas ku tilmaamay “dambi taariikhi ah”.

Kadib, Donald Trump ayaa wareysi uu siiyay majaladda The Atlantic ku sheegay in hoggaanka cusub ee Iran uu doonayo inuu bilaabo wada-hadallo, isaga oo intaas ku daray inuu oggolaaday inuu la hadlo.

Hase yeeshee, warbaahinta Israa’iil ee Ynet ayaa soo werisay in Tehran ay diidday dalab xabbad-joojin ah.

Dagaalkan ayaa la filayaa inuu dhaawac iyo jahawareer weyn ku yeesho dhaqaalaha Bariga Dhexe, iyo weliba dhaqaalaha caalamka. Iran ayaa xirtay marin-biyoodka Hormuz, halkaas oo mara qiyaastii 20 boqolkiiba shidaalka dunida, taas oo sare u qaadi karta qiimaha saliidda marka suuqyadu furmaan subaxda Isniinta.

Hay’adda amniga badda ee Britain ee UKMTO ayaa sheegtay in laba markab lagu weeraray marin-biyoodkaas istaraatiijiga ah. Telefishinka dowladda Iran ayaa isna sheegay in markab shidaal siday uu degayay kadib markii lagu dhuftay xilli uu si “sharci darro ah” isugu dayayay inuu ka gudbo marinka.

Ciidamada Maraykanka ayaa dhankooda sheegay inay quusiyeen markab dagaal oo Iran leedahay oo ku sugnaa Gacanka Cumaan. Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa iyaguna sheegay inay weerareen markabka dagaalka ee Maraykanka ee USS Abraham Lincoln, balse Pentagon-ka ayaa beeniyay warkaasi.

Sida ay sheegtay Laanqeyrta Cas ee Iran, ugu yaraan 201 qof ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo ka dhacay meelo kala duwan oo Iran ah, halka 747 kalena ay ku dhaawacmeen, inkasta oo la rumeysan yahay in tirada dhabta ahi ka badan karto.

Magaalada koonfureed ee Minab, tirada dhimashada ka dhalatay duqeyn Sabtidii lagu qaaday dugsi hoose oo gabdhaha ah ayaa kor ugu kacday 153 qof. Inta badan dadka dhintay waxay ahaayeen gabdho yar yar, kuwaas oo maamulka deegaanka sheegay inay da’doodu u dhexeysay toddobo ilaa 12 jir.

Mid ka mid ah shaqaalaha dugsiga ayaa sheegay in goobtii waxbarashadu ay isu beddeshay “guri baroordiiq”.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarrada lagu hayo Iran la sii xoojin doono, isagoo intaas ku daray in 100,000 askari oo keyd ah loo yeeray.

“Waxaan bixiyay amarro lagu sii wado ololaha,” ayuu ku yiri farriin muuqaal ah.

“Ciidamadeennu hadda waxay si xooggan u garaacayaan wadnaha Tehran, waxaana tani sii kordhi doontaa maalmaha soo socda.”

UK oo si rasmi ah ugu biirtay dagaalka IRAN, soona riday…

London (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu biirtay xiisadda sii cakiran ee u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka iyo Israa’iil, ayada oo dagaalka uu galay maalintii labaad.

Wasaaradda Difaaca Ingiriiska ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee dalkaas ay hawada ku soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leedahay Iiraan, taas oo ku wajahneyd dhulka Qatar.

“Diyaarad dagaal oo nooca Typhoon ah oo ka tirsan Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Midowday (RAF), kana hawlgashay dalka Qatar, iyada oo qayb ka ah guutada wadajirka ah ee UK–Qatar Typhoon Squadron, ayaa si guul leh u soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leedahay Iiraan, taas oo ku sii jeedday dhulka Qatar,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Difaaca UK.

Howlgalkaas ayaa ka dhacay hawada dalka Qatar, waxaana Ingiriisku sheegay inuu qayb ka ahaa iskaashi milatari oo u dhexeeya UK iyo Qatar.

Wasaaradda Difaaca ayaa caddeysay in diyaaradda Typhoon-ka ay si guul leh u bartilmaameedsatay una soo ridday diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Iiraan, taas oo ku sii jeedday dhulka Qatar. Howlgalkan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah tallaabooyinka lagu sugayo amniga hawada gobolka, sida lagu sheegay bayaanka.

“Diyaaradda Typhoon-ka ah ayaa ku jirtay kormeer difaac oo cirka ah, waxayna adeegsatay gantaal cirka-ilaa-cir ah si ay u soo riddo diyaaraddaas, iyada oo xaqiijisay amniga hawada Qatar iyo danaha Ingiriiska ee gobolka.”

Iskaashigan milatari ayaa muujinaya doorka ay ciidamada UK ka ciyaarayaan ilaalinta amniga xulafadooda iyo danahooda istaraatiijiyadeed ee Bariga Dhexe.

Tallaabadan ayaa sii kordhinaysa xiisadda ka taagan gobolka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Iiraan iyo dhinaca kale ee Mareykanka iyo Israa’iil. Wararka kasoo baxaya dhinacyada is haya ayaa tilmaamaya inay jiraan weerarro iyo jawaabo milatari oo isdaba joog ah, iyadoo weli ay socoto qiimeynta khasaaraha ka dhashay.

Saameynta colaaddan ayaa sidoo kale gaartay ganacsiga iyo isu socodka gobolka Khaliijka, waxaana la soo werinayaa inay carqalado ku yimaadeen duulimaadyada, dekedaha iyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta shidaalka, xilli walaac laga muujinayo amniga marinka Hormuz.

Xiisadda iyo howlgalada la xiriira ayaa weli socda, waxaana la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay iyo xaaladda guud ee amniga gobolka.