25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Muxuu Feysal Cali Waraabe ka yiri doorashadii Xasan?

Hargeysa (Caasimada Online) –  Guddoomiyha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Mudane Feysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id Wariyeyaasha ugu qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay doorashadii xalay ka dhacday Muqdisho.

Feysal Cali Waraabe oo boggaadiyey qaabka ay u dhacday doorashada ayaa u hambalyeeyey Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad doortay Madaxweyne.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in xalay uu soo jeeday, si uu ula socdo ku dhowaaqista natiijada doorashada.

“Aniga oo waligey daawan doorashada Muqdisho, xaley baan soo jeeday ilaa inta u dambeysay” ayuu yiri Feysal CalI Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha xilka haya ee laga adkaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Waxaa isoo jeediyey waxaa weeye shantaas sanadood waxaan ka seexan kari waayey ninkaa shandada sitay ee ciil qabaha ah,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, isaga oo ka dalbaday inuu fuliyo heshiisyadii ay hore u galeen labada dhiinac.

“Waxaan leenahay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha la doortay horaa laguu doortay waxaan kaa codsanayaa horta heshiisyadii aan wada galnay inaad fuliso,”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhigay taariikh cusub ayaa helay 214 cod, halka Madaxweynihii horeyna Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isna helay 110 cod.

Abiy Ahmed oo war kasoo saaray doorashadii uu kusoo baxay XASAN SHEEKH?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa war ka soo saaray doorashadii xasaasiga aheyd ee xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad la doortay.

Abiy ayaa hambalyo u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afarta sano ee soo socota hoggaamin doono Villa Somalia.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Abiy.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu si dhow ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub, ayna iska kaashan doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo danaha gobolka.

“Waxaan rajaynayaa inaan si dhow uga wada shaqeeynno danaha guud ee labada dal iyo kuwa gobolka” ayuu sii raaciyey.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa shantii sano lasoo dhaafay saaxib dhow la’ahaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay looga adkaaday doorashada, kaas oo helay 110 cod, halka Xasan Sheekh Maxamuud uu isna kusoo baxay 214 cod.

Si kastaba, guusha Xasan Sheekh ayaa waxaa si weyn looga soo dhoweeyey dalka, iyada oo sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka iyo dowladaha dariskana ay ka hadleen.

Dabaal degyo aan horey loo arag oo Muqdisho ka dhacay kadib guushii Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabaal degyo waa weyn oo aan horey loo arkay ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo illaaa saaka sii socday kadib markii madaxweyne cusub uu yeeshay dalka. 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha qaranka, isaga oo doorasho la isla gaaray saddex wareeg kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Markii natiijada lagu dhowaaqay ayaa waxaa rasaas xooggan ay is-qabsatay gees ka gees magaalada, ayada oo shacabkuna ay isugu soo baxeen waddooyinka caasimadda, si ay u damaashaadaan una muujiyaan dareenkooda. 

Dadka ayaa farxad iyo qosol ku dabaal degayey ayaga oo aad u qiireysan oo aan la celin karin, waxaana ka muuqatay farxad aan la qiyaasi karin heerkeeda.

Isu soo baxa shacabka ayaa ahaa mid aad ug weyn sidii la filayey, waxaana ay billowdeen xitaa inta aan natiijada lagu dhowaaqin, ayada oo ay muuqatay in lasii qiyaasayey guusha kadib markii la gaaray wareegga saddexaad.

“Xasan Sheekh guul guul,” ayey shacabka ku qeylinayeen ayaga oo qoob cayaar sameynaya, halka sidoo kale rasaas xooggan ayaa qeyb ka aheyd damaashaadka guusha taariikhiga ah ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee kursiga ka dega ee haddana dib loo doorto, wuxuu hoggaanka dalka kusoo laabtay shan sano kadib markii uu ka tegay, ayada oo xaaladdii uu dalka uga tegay aanay wax badan iska beddelin

Farxadda shacabka ka muuqata ayaad mararka qaar maleyneysaa inay aheyd sida dad sanado badan xabsi ku jiray oo dib u helay xoriyaddooda, iyo sida dad mugdi ku hoyday habeeno badan oo iftiinkii uu usoo bidhaamay. 

Rajada shacabka ay ka qabaan madaxweynaha ayaa ah mid aad u sareysa, ayaga oo ku kalsoon inuu dib u qaban doono shaqadii wanaagsaneyn ee uu qabtay muddadii hore ee uu xilka hayey 2012 illaa 2017.

Sidoo kale, dabaal degyo kale ayaa ka dhacay inta badan magaalooyinka kale ee dalka, oo sidoo kale ay shacabka isugu soo baxeen.

Lama-filaanada ka dhacay iyo casharrada laga bartay doorashadii madaxweynaha

Madaxweynihii dowladdii ugu horreeyay ee xilligii kumeel-gaarka kaddib, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin doona May 2022 ilaa May 2026. Wuxuu helay 214 cod, halka murashaxa la tartamayay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod. Waxaa hallowday saddex cod.

Xasan Sheekh wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee labo jeer xilkaas ka qabta Soomaaliya.

Haddaba waxaan qormadan idinkula wadaageynaa dhowr waxyaabood oo lama-filaan ah oo ku jiray doorashada madaxewnaha ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho. Waxay ahayd doorasho saacado badan qaadatay. Murashaxiintii ugu badnaa ee abid isku soo taaga xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa tartamay.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa dhowr waxyaabood oo la yaab leh oo ku saabsan doorashada madaxweynaha oo muddo sanad iyo bar ku dhow la sugayay.

Siyaasi si lama-filaan ah ugu haray wareegga koowaad

Madaxweynihii ugu dambeeyay dowladdii kumeel-gaarka ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed wuxuu ku haray kaalinta koowaad – 39 cod ayuu ku macasalaameeyay doorashada.

Arrintaas ma aysan sii odorosin falanqeeyeyaasha siyaasadda. Wuxuu ku badnaa hadal-heynta ah inuu ka mid noqon doono afarta u gudbi doonta wareegga labaad, saadaashaas oo malaha lagu saleeyay ololahiisa oo soo billowday ku dhowaad labo sano ka hor.

Sawirka hoose ka arag natiijada wareegga koowaad.

Dadka u dhuun-daloola arrimaha siaasadda ayaa guul-darrada Shariif u sababeynaya ololihiisa oo aysan ka dhex muuqan lafo-culusta siyaasadda iyo siyaasiyiinta lagu yaqaanno ololeyaasha iyo kooxeysiga. Waxaa sidoo kale jiray tuhun ah inuu xiriir dhow la lahaa madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dadka qaar waxay ku doodaan inuu Shariifku gaabsaday wixii ka dambeeyay hanjabaaddiisii ‘Thuma-Wallaahi!’. Nux nux hoose oo la xiriirineysa ‘Nabad iyo Nololna’ “waxay u geysatay dhaawac kale,” ayay leeyihiin.

Labaatan murashax oo hal cod xitaa aan helin

Murashaxiin shuruudihii tartanka buuxiyay, qaarkoodna aad olole uga dhex sameeyay Muqdisho iyo baraha bulshada ayaan hal cod xitaa helin – Dad badan ayaa iswaydiinaya sababta ay waqtiga, lacagta iyo tamarta ugu beeleen fadeexadaas siyaasadeed.

Mise ujeedkooduba wuxuu markii hore ahaa in magacyadooda laga dhex naadiyo madal loogu tartamayo xil-madaxweyne? Mise ujeeddooyin siyaasadeed oo mustaqbalka ayay ku raadinayaan? Mise waxay wakiisheen nasiibkooda oo halkaas dhigay?

Waxaa saf kula jira siddeed murashax oo hal ama labo cod meesha kala tagay. Ku darso, qaar baa codka ay heleen uu ahaa koodii malaha, maaddaama ay baarlamaanka xubno ka yihiin. Waxaa ka mid ah Fowsiya Yuusuf Xaaji Aaden oo ahayd haweeneyda kaliga ah ee tartanka ku jirtay.

Siyaasiga wareegga labaad dhex mushaaxay

Raysul-wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa si lama-filaan ah uga mid noqday afarta sare. Wuxuu ku soo baxay 47 cod, isagoo wareeggii labaadna taageeradiisa gaarsiistay 63 cod. Wuxuu aad uga ag-dhowaaday Saciid Cabdullaahi Dani oo kaalinta koowaad uga soo gudbay wareegga koowaad.

Sida xilka raysul-wasaaraha looga qaaday wuxuu waday olole, sidaas oo ay tahay dad badan ayaa aaminsanaa in uusan u gudbeynin wareegga labaad.

Wuxuu Shariif la wadaagay tuhunka ah inuu baddiil u yahay Farmaajo. Waxaa sidoo kale horay loogu dhaliilay inuusan sameynin ”xisaab-xir” siyaasadeed iyo ka jawaab celin la’aanta eedeymo loo jeediyay intii uu raysul-wasaaraha ahaa ikastoo uu waxyaabaha qaar ka hadlay.

Deni iyo wacdarihiisii

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu wacdaro ka dhigay wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha. Wuxuu ku soo baxay 65 cod oo ahaa kuwii ugu badnaa ee uu hal qof helo wareeggaas. Waa la qiyaasiyay in uu aad isu soo diyaariyay, xildhibaannada ka soo baxay Puntlandna uu ku tashanayay. Hase yeeshee, codadkaas saddex un baa ugu darantay wareeggii labaad.

Wuxuu ahaa farqi-sameeye. Waxay codadkaas u dhaceen Xasan Sheekh Maxamuud oo la rumeysan yahay inay ahaayeen saaxiibbo isku dhow, uuna ka dhaxeeyay xulafeysi siyaasadeed oo ka dhan ah Farmaajo.

Taas oo jirta, haddana waxaa Deni ka go’neyd inuu meesha ka saaro Farmaajo oo ay horay isugu qabteen siyaasadda.

Si kastaba ha ahaatee, dib ugu laabashadiisa Puntland ma noqon doono safar sahlan. Caqabado uga imaanaya ku-xigeenkiisa oo kursiga ku haysta ayaa sugaya.

Ma laga yaabaa inuu Xasan Sheekh u noqdo raysul-wasaaraha xiga ama uu kaalin ku yeesho xulashada raysul-wasaaraha xiga?

W/Q: Abdirahman Taysiir
Weriye sare, BBC Somali

Sidee ayaa looga falceliyey guusha madaxweyne Xasan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib doorashadii xalay dhacday ee uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa guushiisa ka dhalatay falcelin xoog leh, iyada oo si weyn loo soo dhoweeyey inuu markale hoggaamiyo Villa Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn uga hadlay doorashada uu ku guuleystay  Xasan Sheekh Maxamuud.

Rooble oo hoggaaminayey doorashada dalka ee xalay lasoo gabagabeeyey ayaa boggaadiyey guusha madaxweynaha cusub.

“Madaxweyne Xasan waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday. Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha la doortay uu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay, kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri.

Sidoo kale madaxda maamul goboleeyada ayaa ka hadlay doorashada xalay dhacday iyo isbeddalka ku yimid hoggaanka dalka, iyaga oo u hambalyeeyey Xasan Sheekh Maxamuud.

Saciid Deni oo tartanka qayb ka ahaa ayaa yiri “Waxaan u hambalyeeynaya Madaxwehnaha cusub ee Soomaaliya  loo doortay, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waa masuul hore usoo shaqeeyay wuxuuna ku yimi isbedel dalka ka dhacay. Waxaan u rajeynaya in Alle u fududeeyo Xilka loo doortay. Doorashada Madaxweynaha JFS in ay inoo qabsoomto, howl badan iyo shaqo badan ayaa laga soo maray, Illaahay ayaa mahadleh si wanaagsan oo nabad ah inoogu dhameeyay, waynu wada guuleysanay isbedelka dhacayna waxaan rajeynaya in uu dalkeena u jiheeyo dhinaca wanaagsan”.

Qoor Qoor “Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya madaxweynihii 10aad ee caawa kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay. Madaxweyne Axmed ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay gudigii labada aqal ee lahaa qaban qaabada doorashada madaxweynaha dalka, iyo xildhibaanada labada aqal ee gutay waajibkooda dastuuriga ah, soona doortay madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota”.

Axmed Madoobe “Waxaan ugu hambalayaynayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud guusha tariikhiga ah ee caawa uu ka gaaray doorashooyinka dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo masuuliyada culus ee hortaala, sidoo kalana waxaan u mahad celinayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee muujiyay dhabar adayga Saacadaha dheer si doorashooyinka dalkeena ay usoo gunaanadaan.”

Lafta Gareen “Madaxweynaha DG Koofur Galbeed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh alle ugu baryay in uu la garab-galo xilka uu mas’uuliyaddiisa qaaday: “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Mudane Xasan Shekh Maxamuud oo caawa ku guulaystay Tartanka Madaxweynanimo ee Dalka, waxaan Rabi uga barinayaa inuu xilka la garab galo kuna asturo”.

Cali Guudlaawe “Madaxweynaha DG Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Xasan Sheekh Maxamud oo caawa loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay  Madaxweynaha Cusub ee Dalka in Masuuliyada culus ee loo doortay uu Alle u fududeeyo”.

Dhinaca kale mucaaradka ayaa si weyn u boggaadiyey guusha madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka mid ah xubnahaasi:-

Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Waxaan hambalayo u dirayaa saaxibkeey Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Xasan waxaan soo wada galnay halgan adag oo maalmihiisu qaraar yihiin, kaasoo dalka looga samata bixiyey halis kali talis, ku takri fal awoodeed, iyo kala irdheyn shacab. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu xilka la garab galo, kana yeelo kii dalka ku hoggaamiya siyaasad loo dhan yahay oo aan cidna laga tashan, cidna laga tegin”.

Xasan Cali KhayreWaxaan Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha 10.aad ee Jumhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo mar kale lagu aaminay hogaaminta dalka. Waxaa caawa miro-dhalay halgankii adkaa ee aan usoo galnay in dalka awoodiisa lagula kala wareego sanduuq furan iyo cod, waxaana madaxweynaha cusub ee la doortay ugu hambalyeynayaa xilka culus ee loo igmaday. Waxaanna Allah uga rajeynayaa in masuuliyadaas uu ku asturo, noqdana mid dalka iyo dadkaba ka saara caqabaddaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka xiligan ka jira”Sidaasi waxaa yiri Xasan Cali Khayre.

Maxaa madaxweyne Xasan Sheekh la gudboon?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cilmi Faarax Nuur (Wabi) oo soo noqday wasiirkii Maaliyadda dowladii AUN Cali Mahdi Maxamed ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey VOA wuxuu kaga hadlay doorashadii taariikhiga aheyd ee xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Cilmi ayaa si gaar ah diirrada u saaray isbedalka ku yimid hoggaanka dalka, wuxuuna aad u soo dhoweeyey doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad hoggaaminaya dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lagu xasuusto deganaasho siyaasadeed, isla-markaana uu horey wax u soo qabtay, sida uu hadalka u dhigtay.

“Xasan Sheekh horta wuxuu ahaa nin siyaasadda ku cusub dal joogna ah fursaddii hore taas ayaa siisay, runtii shaqooyina wuu qabtay,” ayuu yiri Cilmi Faarax Nuur (Wabi).

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday waxyaabaha la gudboon Madaxweynaha mar labaad doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna tilmaamay inay la gudboon tahay inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare tayo leh, isla-markaana uu dalka ka saaro xaalada uu ku jiro.

“Waxaa laga rabaa inuu dadka Soomaaliyeed u xulo ra’iisul wasaare tayo leh, waxyaabaha kale ee la sugayo waxaa ka mid ah dalkaanu suurtagal ma’ahan in 4.5 illaa Carta la’iskaaga jiro in Dastuur qabyo ah la’iska dhex fadhiyo,” ayuu markale sii raaciyey Cilmi Faarax.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo si weyn looga falceliyey guusha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay loo doortay Madaxweynaha afarta sano ee soo socota.

Doorashadan ayaa dalka ka saartay xaalad kala guur ah iyo hubanti la’aan uu ku jiray tan & 8 Febraayo ee sanadkii lasoo dhaafay 2021-kii, kadib dib u dhacyo ku yimid doorashada.

Waa kuma Xasan Sheekh Maxamuud? – Aqriso taariikh nololeedka madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo horay u soo noqday Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya, intii u dhaxeysay sanadihii 2012—2017-kii.

Xasan Sheekh oo ku guuleystay in dowladii uu hoggaaminayey ay rasmi noqoto oo ka baxdo KMG, burburkii kadib, wuxuu caawa noqday Madaxeynaha 10-aad ee Soomaaliya, waxaana qormadaan idinkugu soo gubnineynaa taariikh nololeedkiisa. 

Taariikh nololeedka Xasan Sheekh Maxamuud

Xasan Sheikh Maxamuud waa hoggaamiye iyo Madaxweynihii siddeedaad (8) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012—2017. Burburkii 1991 ee kaddib Madaxweynihii kowaad ee loo doorto in uu hoggaamiyo Xukuumad aan kumeel gaar ahayn ayuu noqday.

Dul—xaadin

Ku dhashay 1955 degmada Jalalaqsi ee bartamaha gobolka Hiiraan. Haldoor u dhaqdhaqaaqa dhab u heshiisiinta, bulshada rayidka iyo u ololeeye waxbarashada iyo barbaarinta ubadka ayuu ahaa muddo dheer. Kaddib bud— dhige iyo maamulaha Mac’hadka SIMAD oo markii dambe Jaamacad isu badelay ayuu noqday. 2012 ayaa loo doortay Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 2013 ayaa Jariiradda TIME u aqoonsan tahay boqolka qof ee dunida ugu saameynta badan ee raadka reebtay.

Waxbarasho

Xasan Sheikh Maxamuud, shahaadadii koowad 1981 ayuu ka qaatay Jaamacadda Ummadda ka asagoo ku takhakhusay Culuumta Farsamada Gacanta. Shahaadada labaad ee Maamulka iyo Maareynta Farsamada Gacanta 1988 Jaamacadda Barkatullah ee horey loo yaqiinay Jaamacadda Bhopal. 2015 ayaa Barkatullah guddoonsiisay darajada ugu dambeysa (Doctor of Literature) ayada loo aqoonsaday dadaalkiisii dheeraa ee waxbarashada ubadka Soomaaliyeed. Sidoo kale Maxamuud, Jaamacadda Eastern Mennonite Mac’hadkeeda Nabadda ee Virginia ayuu ka qallin jabiyey arrimaha dhexdhexaadinta, tiiraanyo—bixinta iyo dhismaha xaruumaha nabadda iyo waxbarashada.

Sooyaal Shaqo

Macalin iyo tabobarre ayuu ka noqday Dugsiga Sare ee Tababarka Farsamada Gacanta Lafoole, kaddib wuxuu u dalacay Maamulaha Mac’hadka Tabararka Macalimiinta ee Jaamacadda Ummadda.

Burburki Dowladda iyo dagaalada sokeeye dadka faro ku—tiriska ah ee dalka ku nagaaday ayuu noqday. Wuxuu isutaagay xal u helidda dhab—u—heshiisiinta, xal u helidda dagaalada sokeeye iyo dib—u—howlgellinta xaruumihii waxbarashada ee burburay. Wuxuu la shaqeeye hey’adaha Qaramada Midoobay ee UNDP iyo UNICEF. Sidoo kale Jaamacadda Oxford Xaruunteeda Daraasaadka Qaxootiga iyo mashruucyo kale ee horumarinta nabadda iyo dib u dhiska.

Dagaalkii sokeeye markuu qarxay 1991 UNICEF ayuu u noqday Sargaal Waxbarashada kala shaqeeya iyo sidii dib loogu furi lahaa dugsiyadii waxbarashada. Wuxuu UNICEF la shaqeynayey bilowgii 1993 ilaa 1995.

Howlgalkii UNOSOM markii ay dalka ka baxeen, Maxamuud wuxuu qeyb ka noqday shirarkii siyaasadeed ee xalka iyo nabadda Soomaaliya loogu raadinayey. Wuxuu wax ka asaasay bulsho rayid ah oo qeyb ka noqota xal waara u raadinta dalka si la iskugu soo dhaweeyo dagaal oogayaashii dalka iyo caasimadda Muqdishu maamulayey. Ururadii bulshada rayidka ee Maxamuud, wax ka asaasay weli qeybo ayaa shaqeeya.

Heshiiskii Qaahira ee 1997 xubnihii ku guuleystay in ay gorgortan ku qaadaan ‘‘khadkii cagaarnaa’’ ee kala qeybinayey Waqooyiga iyo Koonfurta Muqdishu ayuu noqday. Qaadidda ‘‘khadka cagaaran’’ ayaa aheyd isbaaro weyn oo nolosha iyo isu—socodka bulshada hortiilay.

Dagaalkii sokeeye markuu dabo dheeraaday waxaa la garowsaday si nabad iyo xasilooni waarta logu gaari karo in lehelo khuburo dhexe oo maamulka iyo maareynta bulshada qeyb ka noqota. Ayadaoo taas laga duulayo ayuu 1999 Maxamuud wax ka aasaaso Mac’hadda Maamulka iyo Maareynta Horumarinta (SIMAD) oo markii dambe Jaamacad weyn oo hadda saddex iyo labaatan(23) sano jirsatay noqday. Maxamuud ilaa 2010 wuxuu ahaa maamulaha Jaamacadda SIMAD.

2001 ayuu Maxamuud, ku biiray Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soomaliyeed (CRD) asagoo Cilmi Baare Sare oo Nabadda iyo dib—u—dhiska ka noqday. Safaro is dabo joog ah oo boogodhayid, dhab u heshiisiin iyo xog aruurin ah ayuu gobolada dalka ku bixiyey. Wuxuu noqday xubin bud—dhig iyo hormuud u noqday sida loo adkeyn karo bulsho rayid ah oo bishiiba mar isugu timaadda xal u helidda mashaqooyinka dalka la degay.

2008 ayuu loo magacaabay in uu hoggaamiyo Sharikadda Telecom oo markaa aheyd Sharikadda Isgaarsiinta labaad ee dalka ugu weyn. Sidoo kale sharikado kale oo Geeska Afrika ka hirgalay oo gaar loo leeyahay ayuu wax aasaasay.

2011 ayuu Maxamuud siyaasadda u xuubsiibtay. Wuxuu dhisay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta. Xubnaha Xisbiga ayaa u doortay April 2011 in hoggaamiyo Xisbiga saddexda (3) sano ee ugu horreysa. Bishii August 2012, ayaa loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan ee Baarlamaankii sagaalaad (9) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxtooyada

September 10, 2012 ayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed u doorteen Madaxweynihii siddeedaad (8) ee dalka. Si weyn ayaa Soomaalida iyo caalamku usoo dhaweeyeen doorashadiisa. Ergeygii gaarka ahaa Qamada Midoobay Augustine Mahiga, ayaa ku sifeeyey doorashada, ‘’doorashadii Maxamuud, tallaabo weyn oo dhanka nabadda iyo horumarinta Soomaaliya loo qaadey waaye. In Maxamuud gudaha dalka lagu doorto waxay fariin weyn u direysaa Afrika iyo caalamka in aan horumarinta Soomaaliya marna laga quusan.’’ Dowladda Mareykan ayaa ugu hambalyeysay shacabka Soomaaliyeed doorashada Xasan oo fariintaan u soo gudbisay, ‘‘waa geedi kale oo shacabka Soomaaliyeed ugu guureen dhanka nabadda, dib u dhiska iyo dowlad wakiil rasmiya u ah shacabka Soomaaliyeed.’’

Doorashadii Xasan caalamka ayaa kalsooni buuxda siiyey Dowladda Soomaaliya oo si rasmiyana u aqoonsaday markii ugu horreysay burburkii 1991 kaddib. Aqoonsiga iyo kalsoonida caalamku siiyey ayaa keentay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed lagu taageero adduun dhaqaale oo ka badan labo (2) bilyan oo dollar oo lagu dhisayo siyaasaddii lixda (6) tiir ee Xasan usoo bandhigay shacabka Soomaaliyeed si nabadda, dimuqraadiyad iyo horumarinta dalka horutebinta loo siiyo.

Doorashada Xasan waxaa Soomaaliya horyiilay mushkilado waa weyn. Xukuumadda aan dakhlin soo xareyn karin oo awood dakhlin aruurin lahayn oo laga sugayo is badel gun iyo baac dheer leh iyo la dagaalanka argagixisada nabadda iyo midnimada dadka diidan ayuu la wareegay. Mushkilladaha dakhli iyo awood yaridda dhaqaalaha waxaa u dheeraa dhismaha kalsoonida shacabku ku qabaan dowlad shaqeysa oo adeeg gaarsiin karta. Xukuumadda ayaa isku garab wadey kalsooni dhiska, la dagaalanka argagixisa dalka laga xorreynayo iyo abuuridda iyo kordhinta ilaha dhaqaalaha.

Xasan ayaa ku suntanaa meelmarinta, dhismaha iyo bud—dhiggidda hey’ado awood iyo sharciyad u leh soo celinta kalsoonida, horumarinta iyo dhammeystirka xasilooni siyaasadeed oo taabagasha.

Madaxweyne Xasan ayaa suuro—geliyey in boqolkiiba siddeetan (80%) Al Shabaab laga xorreeyo dalka, in todobaatan iyo shan kun (75,000) oo ardey dugsiyada dib loogu celiyo, howlgelinta Ayraboorka iyo Dekadda oo markii ugu horreysay dhaqaale xoog leh oo lagu kabo miisaaniyadda dowladda, dib—u—dhiska waddooyinka iyo baahinta adeegyada dowladda.

Xasan wuxuu hormuud aan daalin u noqday dimuqraadiyeynta Soomaaliya, horutebin siinta dhismaha hey’daha sharciga ah, dhammeystirka iyo dib—u—eegista dastuurka, dhismaha dowlad gobolleedyo xubin ka ah Dowladda Federaalka iyo doorasho dadban oo dadka loogu dhaweynayo in ay soo doortaan wakiiladooda Golaha Shacabka iyo ugu dambeyn dhismaha Aqalka Sare oo markii ugu horreysay dalka laga hirgeliyey si loo dhammeystiro Federaalleynta dalka.

Maadaama Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee Xoogga Dalka (iyo ciidamada Qalabka sida) wuxuu ku guuleystay in dib—u—habeyn weyn lagu sameeyo isku dhafka, isla xisaabtanka iyo hufnaanta Hey’adaha Amniga si loo helo ciidan muunad qaran leh oo hanta amniga guud dalka. Waxaa dib u habeyn iyo qalabeyn lagu sameeyey Xoogga Dalka iyo Booliska si ay amniga u hantaan.

Labaatan (20) sano ka badan kaddib waxaa Xasan ku guuleystay in dib loo howl—geliyo koror dhaqaale iyo dhiirin gelinta ilaha dhaqaalaha ee gaarka loo leeyahay, ayada oo la dhammeystiray shuruucda iyo xeerarka maareynta iyo maamulka dhaqaalaha dalka. Dhiirigelinta iyo abuurka ilaha dhaqaale ayaa horseeday horumar baaxad weyn oo sanadkii soo kordhiyey koror dhaqaale oo saddex dhibic todobo (3.7%) ka badan. Waxaa kordhay oo saddex (3) jibaarmay ganacsiga gaarka loo leeyahay sida Bangiyada, xawaaladaha, sharikadaha isgaarsiinta iyo beecmushtariga dalka iyo dibadda isaga goosha sida dhoofinta xoolaha nool oo laf dhabar dhaqaale u ah bulshada Soomaaliyeed.

Xasan wuxuu horutebinta iyo muhiimadaha ugu horreeya siiyey dhismaha iyo kor u qaadidda awoodda Hey’adaha Hufnaanta Maaliyadda (PFM) ka shaqeeya sida Bangiga Dhexe, Hantidhowrka Guud, Xisaabiyaha Guud iyo Wasaaradda Maaliyadda si kalsoonida iyo taageerada Hey’adaha Dhaqaalaha Dunida loo helo.

Madaxweyne Xasan ayaa markii ugu horreysay bilaabay hirgelinta Barnaamijka Kormeerka Shaqaalaha Rayidka (Staff-Monitored Program (SMP) ee IMF ku kaalmeynaysay Soomaaliya si deyn cafintu u hirgasho. Barnaamijka Kormeerka Shaqaalaha ee IMF ayaa horseeday in salka u dhigno dib—u—yagleelidda Siyaasadda Maaliyada oo dalka u horseeday in lacagtii iyo awooddii dhaqaalaha ee dalka dib loo soo celiyo. Heshiiska IMF ayaa kaalmeeyey in si dhammeystiran u shaqeeyaan Hantidhowrka, Xisaabiyaha Guud, Baanka Dhexe iyo hey’adaha kale ee maaliyadda markii ugu horreysay burburka kaddib.

Halka la joogo

Bishii February 2017 wuxuu Maxamuud si rasmiya xukunka Madaxtooyada si nabad ah u wareejiyey Madaxweynihii xigay oo ku yimid doorasho si xor, xalaal iyo hufnaan leh ku dhacday oo cod bixinta dadka loo dhaweeyey kaddib doorashadii March 1969.

Xasan hadda waa murashax markale doonaya in uu dadkiisa u adeego si dadaallada dowlad dhiska, dhab—u— heshiisiinta iyo dhammeystirka Dastuurka loo hirgeliyo.

Heerka Xirfadda—Aqoonneed

1978 – 1981 Bachelor of Technology Jaamacadda Ummadda, Mogadishu, Somalia.

1986 – 1988 Master of Technical Education Jaamacadda Bhopal, India

2015 – Doctor of Literature (honorary) Jaamacadda Barkatullah, India

Cilmi Qoraalleedyo muhiim ah

• The role of Somali CSOs in conflict and peace – a paper presented in Somali Social Forum Conference held in Mogadishu, 2003

• Building Structures for Peace: The Banaadir Administration – ACCORD Publication 2009

• Somalia’s Missing Millions: The Somali Diaspora and its Role in Development, March 2009 UNDP Somalia Publication

• A History of Mediation in Somalia Since 1988 – an International Peace Building Alliance (Interpeace) Publication 2009

• Somali Civil Society: Peace Building in a Collapsed State, 2008

Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad loo doortay madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda lasoo gabagabeeyey codeynta doorasho la isla gaaray wareegga 3-aad oo soo bilaabay Axadii maanta, waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo horay u soo noqday Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya, intii u dhaxeysay sanadihii 2012—2017-kii.

Xasan Sheekh wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, wuxuuna xilka kala wareegayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Xasan Sheekh ayaa wareegii 2-aad uga soo gudbay 110-cod, halka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga soo gudbay 83-cod, waxayna labada musharax ku kala hareen wareegii ugu dambeeyey ee 3-aad.

Doorashadaan oo soo bilaabatay maanta duhurkii ayaa lagu kala baxay saqdaan dhexe ee caawa, waxaana soo xirmay todobaadkaan jiitankii dheeraa ee doorashada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo horay ugu guuleystay in dowladii uu hoggaaminayey ay rasmi noqoto oo KMG ka baxdo burburkii kadib, wuxuu caawa noqday Madaxeynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Kooramka xildhibaanadii codeeyey ayaa ku furmay 329 xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ee BFS, sida uu shaaciyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Doorashadaan waxaa ka qeyb galay 36 musharax, waxaana wareegii 1-aad ka soo gudbay afar musharax oo kala ahaa Xasan Sheekh, Maxamed Farmaajo, Saciid Deni iyo Xasan Kheyre, waxaana wareegii 3-aad u gudbay Xasan Sheekh iyo Maxamed Farmaajo, ugu dambeyntiina waxaa caawa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamed.

TOOS: Wareegga 3-aad ee doorashada oo bilowday: Farmaajo vs Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda la guda galay codeynta wareegga 3-aad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana isugu soo haray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib loolan adag oo musharaxiin badan ay ku hareen.

Waxaa goordhow soo idlaaday tirinta wareegga labaad ee codadka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegga labaad uga soo gudbay codad gaaraya 110-cod, halka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 83-cod.

Wareegii labaad waxaa ku haray Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 67-cod iyo Xasan Cali Kheyre oo helay 63-cod.

Guddoonka Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada codadkii wareegga labaad ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo Maxamed Farmaajo ay u dugbayaan wareegga 3-aad.

Farmaajo oo dad badan ay saadaalinayeen in wareegaan uu tanaasuli doono, sidii uu horay u sameeyey Xasan Sheekh ayaa soo qoray fariin uu ku cadeynayo in wareegga 3-aad uu tartami doono, sidoo kalena uu xildhibaanada uga codsanayo inay codkooda siiyaan.

Hoos ka daawo doorashada wareegga 3-aad oo Toos ah

Natiijada wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha iyo codadkii la kala helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo idlaaday tirinta wareegga labaad ee codadka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayadoo loo gudbayo wareegga 3-aad.

Wareegaan waxaa soo gaaray Maxamed Cabdullaahe Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

Wareegaan waxaa ka soo gudbay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo kala helay codad gaaraya Xasan Sheekh oo helay 110-cod, halka uu Farmaajo helay 83-cod.

Wareegaan labaad waxaa ku haray Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 67-cod iyo Xasan Cali Kheyre oo helay 63-cod.

Waxaa goordhow bilaabaneysa codeynta wareegga 3-aad oo ay isugu soo hareen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay joogaan 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare, kuwaas oo codeeyey.

TOOS u daawo codeynta doorashada madaxweynaha oo wareegga labaad la galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Codeynta doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka billaabatay Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayada oo ay u tartamayaan in ka badan 34 musharax.

Waxaa musharaxiinta ka mid ah madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahe Farmaajo iyo madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada ayaa goordhoweyd shaaciyay inay ka hareen tartanka Musharaxiinta kala ah Jabriil Ibrahim Cabdulle iyo Xuseen Cabdi Nuunow. Sidoo kale waxa tartanka doorashada madaxweynaha hore uga haray Cabdikariin Xuseen Guuleed, Dahir Maxamuud Geele iyo Cabdinaasir Cabdulle.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa furay doorashada, isaga oo sheegay inay joogaan 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.

Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa u gudbaya afarta musharax ee ugu codadka badan. Haddii musharaxa afaraad iyo shanaad ay isku cod noqdaan, waxay labaduba u gudbayaan wareegga labaad.

Musharaxa hela laba meelood saddex meel codadka wareegga labaad ayaa ku guuleysanaya tartanka doorashada madaxweynaha. Haddii aanay sidaas dhicin, waxaa wareegga ugu dambeeya u gudbaya labada musharax ee ugu codadka badan.

Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa lagu kala baxayaa cod dheeri, waxaana xilka madaxweynaha ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan.

Ciidamada Midowga Afrika ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, ayaa sugaya amniga goobta ay doorashadu ka dhaceyso, waxaana caawinaya ciidamada booliska Soomaaliya.

Codeyntan oo dib u dhacday muddo ka badan sanad sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed ayay qasab ahayd in la qabto bishan si ay u sii soocto lacag dhan 400 milyan oo dollaar oo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Natiijada rasmiga ah ee wareegga koowaad ee doorashada oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo idlaaday tirinta codadka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayada oo loo gudbayo wareegga labaad.

Waxaa doorashada ka qeyb-galay 34 musharax, waxaana ka mid ah madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahe Farmaajo iyo madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre.

Natiijada ay shaaciyeen guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in wareegga koowaad ay ugu cod badan yihiin Saciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre.

Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu helay 65 cod, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu helay 59 cod, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu helay 52 cod, halka Xasan Cali Kheyre uu helay 47 cod.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kaalinta shanaad galay ayaa helay 39 cod, balse uma gudbayo wareegga labaad. Waxaa jira codad badan oo gaaraya illaa 13 oo hallaabay.

Doorashadan ayaa aheyd tii ugu adkeyd, waxaana afarta musharaxa ee ugu koreeya u dhaxeysay kaliya 18 cod, taasi oo muujineysa inuu dhacay tartan adag.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay joogaan 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare, balse waxaa codeeyey

Musharaxa hela laba meelood saddex meel codadka wareegga labaad ayaa ku guuleysanaya tartanka doorashada madaxweynaha. Haddii aanay sidaas dhicin, waxaa wareegga ugu dambeeya u gudbaya labada musharax ee ugu codadka badan.

Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa lagu kala baxayaa cod dheeri, waxaana xilka madaxweynaha ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan.

Bankiyada Muqdisho oo diiday in la mariyo lacagta ay bixinayaan musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiyada magaalada Muqdisho ayaa meel adag iska taagay in Koontooyin (Account) ka furan lagu shubo lacagaha ay Musharaxiinta madaxweyne siinayaan Xildhibaanada ee loo yaqaano “laaluushka”.

Sida ay ilo xogagaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, Maamulka Bankiyada ayaa arrintaas iska diiday kadib markii qaar kamid ah Musharaxiinta isku dayeen inay Koontooyinka Bankiyada ugu shubaan lacagaha ay siinayaan Xildhibaanada.

Go’aanka ay qaateen maamulada Bankiyada ayaa meesha ka saareysa qorshaha Musharaxiinta qaar ee ku aadana lacag siinta Xildhibaanada, taasi oo haddii ay aqbalaan sharaf dhac weyn ku noqon laheyd.

Waxaa si gaar ah arrintan u rabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida aan xogta ku helnay, ayada xildhibaanada midkiiba loo ballan-qaaday 150 kun oo dollar, balse bankiyada ay diideen in la mariyo.

Musharaxiinta mucaaridka ayaa bixinaya lacag u dhaxeysa 30 illaa 60 kun, ayada oo ay ku xiran tahay miisaanka xildhibaanka iyo heerka uu ka caawin karo musharaxa inuu xubno kale kusoo biiriyo.

Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay xildhibaankiiba siinayso 150 kun oo dollar, taasi oo noqon doonta lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado cod xildhibaan, waxaana adag in la helo musharax bixin kara lacag taas la mid ah.

Lacagaha ay Musharaxiinta siiyaan Xildhibaanada ayaa iska noqotay habraac kamid ah doorashada madaxweynaha, ayada oo musharaxiintuna ay kolba la imanayaan damaanad qaad kala duwan oo ku aadan in codka uu siinayo.

Si kastaba, Doorashada Soomaaliya ayaa maanta la dhammeystiraya, taasi oo qaadatay muddo ka badan hal sano, kadib khilaafaad soo jiitamay oo u dhaxeeyay madaxda sare ee dowladda federaalka, maamulada iyo mucaaridka.

FARMAAJO oo Afisyoone gaaray iyo wararkii ugu dambeeyay ee doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sidoo kale kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka madaxweyne ayaa goordhoweyd gaaray goobta ay ka dhaceyso doorashada ee xarunta ciidanka Cirka ee Afisyoone.

Teendhada Afisyoone ayaa waxa si rasmi ah uga bilaaban doonta doorashada ayada oo halkaas ay ku sugan yihiin saacadihii u dambeeyay qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal.

Sidoo kale musharaxiinta u taagan xilka madaxweyne iyo xubnaha guddiga qaban-qaabada doorashada ee labada Gole ayaa ku sugan hoolka, iyaga oo kala qaabeynaya howlaha socda ee doorashada madaxweynaha.

Warbaahinta iyo marti sharaf kale ayaa sidoo kale loo ogolaaday goobta, si ay goob joog uga noqdaan doorashadan oo ay ku loolami doonaan illaa 35 musharrax madaxweyne.

Dhinaca kale, waxaa xiran dhammaan waddooyinka caasimada, ayada oo hakad la geliyey dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, kadib bandow ay soo rogtay dowladda.

Doorashada Soomaaliya oo maanta la dhammeystirayo ayaa qaadatay muddo ka badan hal sano, kadib khilaafaad soo kala dhex-galay dowladda dhexe, maamullada iyo mucaaradka.

Wararkii ugu dambeeyey ee bandowga, doorashada iyo xaaladda MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabariistay jawi ka duwan xaaladihii hore, kadib markii la xiray dhammaan waddooyinka caasimada sababo la xiriira doorashada madaxweynaha ee maanta dhaceysa.

Bandowgii ay xalay soo rogtay dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhaqan-galay kaas oo bilowday abaare 1:00 am, wuxuuna ku ekaan illaa beri subax 6:00 am, sida uu horey u shaaciyey taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Sidoo kale waxaa hakad ku jira dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada Muqdisho, sida gaadiidka, waxbarashada iyo ganacsiga, iyada oo wadooyinka lagu arkayo ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa nabad sugidda oo xittaa celinaya dadka lugeynaya.

Go’aankan ayaa ahaa mid horey loo shaaciyey, isla-markaana lagu wargeliyey shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dowladdu ay ka dalbatay inay dulqaataan inta ay socota doorashada.

Dhinaca kale waxaa haatan Teendhada Afisyoone ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha, waxaana halkaas kusii qul qulaya xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, musharixiinta iyo marto sharaf kale.

Abaabulkii u dambeeyey ee musharixiinta ayaa sidoo kale socda, waxaana weli socota lacag bixinta lagu kala jiidanayo xildhibaanada labada Baarlamaanka ee codeynaya.

Musharaxiinta ayaa bixinaya lacag u dhexeysa 30 illaa 50 kun, ayada oo ay ku xiran tahay miisaanka xildhibaanka iyo heerka uu ka caawin karo musharaxa inuu xubno kale kusoo biiriyo.

Guddiga isku dhafka eedoorashada madaxweynaha oo dhankiisa ka hadlay diyaar garowgooda ayaa diray farriin la xiriirta doorashada madaxweynaha cusub ee dalka.

“Xildhibaannada iyo Dadka kale ee fasaxa u heysta doorashada waa in gawaaridooda uga soo tagaan goobaha loo asteeyay, cid Gaadiid la imaaneyso ma jirto, Waxaa loo mahadcelinayaa Ciidamada qalabka sida guud ahaan ee amniga sugaya iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo garabsiinaya,” ayuu yiri  Macalimu oo ka mid ah guddiga.

Doorashada Soomaaliya oo maanta la dhammeystirayo ayaa qaadatay muddo ka badan hal sano, kadib khilaafaad soo kala dhexgalay dowladda dhexe, maamullada & mucaaradka.

5 sabab oo xildhibaannada ay codkooda ku bixiyaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada guud ee xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorashada oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamaya ku dhowaad 40 musharrax oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore oo uu ka mid yahay Maxamed Cabdullahi  Farmaajo.

Codadkooda waxaa dhiiban doona illaa 329 xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal, haddaba waxaan halkan kusoo koobi doonaa shan sababood oo xildhibaanka uu codkiisa ku bixiyo, annaga oo tixraaceyno waayo-aragnimada laga dhaxlay doorashooyinkii horay u dhacay.

Lacag

Waa sir shaac ah in codadka lagu kala iibsado lacag aad u badan oo mararka qaarkood gaari karta illaa $200,000 (labo boqol kun doolar) taas oo xildhibaanka looga badesho codkiisa.

Musharaxba kan uu ka lacag haysasho badanyahay ayaa loo badiyaa in uu kaga dhowyahay in uu hantiyo kursiga madaxtinimada.

Xildhibaanka oo qudhiisa ay lacag kaga soo baxday in uu soo helo kursiga, ayay lacagta uu doorashada madaxweynaha ku qaadanayo u tahay fursadda koowaad ee uu kaga soo kaban karo lacagihii kaga baxay kursiga xildhibaanimada.

Xildhibaanada waa ay ku kala fursad badanyihiin helista lacagta, qaar waxaa jira ay u suurtogasho in ay helaan lacag ka badan kuwa kale, waxaana ugu wacan galaangalkooda siyaasadeed, abaabulka ay galaan, iyo sida ay u qariyaan musharaxa ay taageersanyihiin oo ay rasmi ahaan codka siinayaan.

Qaar waxaa jira lacag ka hela dhammaan musharixiinta taagan, balse codkooda wuxuu u dhacaa hal musharax. Qaar kale waxaa jira oo musharaxa kula balama wareegga labaad, haddii uu wareegga koowaad ku haro ninka ay codka u balanqaadeen.

Xildhibaanka waxa uu mushaar ahaan u qaataa lacag dhan $3000 kun doolar, haddii uu wasiir noqdana waxaa u dheer $2000 kun doolar, balse wadarta lacagtaasi muddo afar sano ah ma dhanna lacagta kaga baxday markii lasoo dooranayay. Sidoo kale wadarta mushaarka ee afarta sano waxaa mararka qaar ka badan kara lacagta ay helaan maalinka doorashada madaxweynaha.

Balanqaad Xil

Waa sabab kale oo uu xildhibaanka ku bixiyo codkiisa, gaar ahaan xilalka sarsare sida wasiirnimada ama xitaa mararka qaar Ra’isulwasaare.

Sidoo kale xildhibaanka waxa uu ku gorgortamaa xilalka iyo boosaska muhiimka ah ee dowladda ee beeshiisa loo heli karo, gaar ahaan dajarada ciidanka oo ah waxa ugu badan ee xildhibaanada ay ka raadiyaan qofka madaxweynaha noqonaya.

Afaaro Qabiil

Maadaamaa nidaamka wax qeybsiga awoodda uu ku salaysanyahay beelo, xildhibaanadana ay ku yimaadeen metelaadda beelahooda, waxaa wax iska caadi ah in xildhibaanka uu codka siiyo musharaxa ku beesha ah ee tartanka ku jira.

Waxaaba jirta qaaciddo caan ah oo sheegaysa in musharaxa madaxweynaha uu marka hore haystaa codadka xildhibaanada beeshiisa.

Koox Siyaasadeed

Waxaa jira xildhibaano tiradoodu soo kordheyso oo ka tirsan kooxo siyaasadeed kala duwan ama xisbiyo si kumeelgaar ah u diiwaangashan, kuwaas oo ay ka sharaxanyihiin musharixiin madaxweyne.

Xildhibaanadaasi ayaaba lasii ogyahay qaarkood qofka ay u codeynayaan, waxayna ku jiraan olole furan oo ay ku doonayaan in lagu doorta musharaxa ay koox ahaan kula socdaan.

Inkasta oo xilka iyo xoolaba ay meesha ku jiraan, haddane xildhibaanada codkooda ku dhiibta sabab la xiriirta kooxda ay ka tirsanyihiin waa kuwa ka xoroobay nidaamka qabiilka, qaatayna aragti siyaasadeed oo ay had iyo goor difaacaaan.

Dareenka Shacabka

Sidaba dhacday marar badan, waxaa jira xildhibaano ka jawaaba dareenka shacabka, gaar ahaan marka la gaaro wareegyada dambe, codkana isugu geeya musharax taageero badan ka haysta dhanka shacabka.

Waana taas sababta musharixiin badan ay dedaal iyo qarashba ugu bixinayaan in ay shacabka taageero ka helaan ka hor inta aanan doorashada la gaarin.

BBC

Sawirro: Farmaajo oo farriin diray kahor doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad lagu xusayey 79 guurada ka soo wareegtay aas aaska Ururka Dhallinyaradii SYL, taas oo lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Farmaajo oo maanta ka qayb-galaya tartanka doorashada madaxweynaha ayaa taalada SYL dhigay ubax lagu maamuusayey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee xorriyadda Somalia.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale farriin loogu diray guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna ku booriyey inay wax ka bartaan sooyaalkii halgan ee geesiyaashii SYL, sidoo kalena uu jiilba, jiilka ka dambeeya dhaxalsiiyo, maamuuskooda, taariikhdooda, halgankooda iyo dhaxalkii waddaniyadeed ee ay inooga tageen.

“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dalkeenna iyo kan guud ee ummada Soomaaliyeed. Waxa ay ku sifaysnaayeen, midnimo, dhabar adayg, waddaniyad iyo ka fogaanta qabyaaladda, taas ayaana sabab u noqotay in ay xaqiijiyaan hiigsigii shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in ay ka xoroobaan gumaystaha, noqdaanna dal madax bannaan oo karaamo iyo sharaf ku dhex leh dunida”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taalada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada iyo wadajirkooda, oo ah mabaadi’dii saldhigga u ahaa aasaaskii SYL.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taalada SYL waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Agaasimaha Guuud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise.

Sanadkan wuxuu xuska 15-ka May kusoo aaday, iyada oo la qabanaayo doorashada xilka madaxweynaha oo ay maanta si weyn ugu loolami doonaan xubno ku dhow 40 musharax.

Wararkii ugu dambeeyey ololaha iyo lacag bixinta musharaxiinta oo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya inay xalay xilli dambe illaa saaka ay socotay bixinta lacagaha musharaxiinta ay siinayaan xildhibaanada.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xarunta ololaha musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay noqotay halkii ugu horeysay ee lacag laga bixiyey, waxaana kadib ku xigsaday inta badan musharaxiinta kale.

Musharaxiinta ayaa bixinaya lacag u dhaxeysa 30 illaa 50 kun, ayada oo ay ku xiran tahay miisaanka xildhibaanka iyo heerka uu ka caawin karo musharaxa inuu xubno kale kusoo biiriyo.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Saciid Deni aysan weli bixin wax lacag ah. Villa Somalia ayaa xalay keentay xujo cusub oo yaab leh, ayada oo xildhibaanada u sheegeysa inay lacagtooda qaataan kadibna seexdaan Villa Somalia, taasi oo ay diideen.

Villa Somalia ayaa la filayaa in in xildhibaankiiba ay siiso 100 kun oo dollar, taasi oo noqon doonta lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado cod xildhibaan, waxaana adag in la helo musharax bixin kara lacag taas la mid ah. 

Dhinaca kale, machadka Sahan Reseach ayaa qoray inuu helay warbixin sirdoon oo sheegeysa in dowladda Qatar iyo Fahad Yaasiin ay si hoose u taageerayaan musharax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble Cali.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Cosoble oo wax kusoo bartay dalka Masar, islamarkaana ka tirsan urur diimeedka Islaamiga ah ee Ictisaam uu fikir ahaan aad ugu dhow yahay Qatar, uuna hadda yahay qorshahooda labaad haddii Farmaajo uu meel wanaagsan gaari waayo. 

Caasimada Online si madax banana uma xaqiijin karto xogta Sahan Resaerch. 

Haddii warbixintan Sahan ay sax tahay, waxay isbeddel weyn ku sameyneysaa loolanka doorashada, waxayna Cosoble kusoo dari kartaa xubnaha ka gudbi kara wareegga koowaad ee doorashada.

Loolanka ayaa waxaa weli ku horreeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay u jabeen xildhibaano kasoo kala jeeda Somaliland iyo Koonfur Galbeed, halka uu horey u haystay inta badan xildhibaanada HirShabelle iyo Galmudug. 

Ka sokow Xasan Sheekh, musharaxiinta kale ee la filayo inay wareegga koowaad kasoo gudbaan ayaa ah Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Deni, iyo Cosoble haddii ay sax tahay taageerada Qatar. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay u badan tahay inay wareegga ugu dambeeyey doorashada isku wajahaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ama Xasan Sheekh iyo Farmaajo, haddii aanay wax isbeddelin saacadaha ugu dambeeyey. Waxaa sidoo kale meesha laga saari karin in la-yaab uu ka dhaco doorashada, oo xubno lama filaan ah ay soo meel fiican soo gaaraan.

Xaaladda ayaa ah mid saacadba saacadda ka dambeysay sii yeelaneysa xamaasad, waxaana mar kasta abuurmaya isbaheysiyo cusub, taasi oo xaaladda si deg deg ah u beddeli karta. 

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah. 

Toos: Maxaa ka socda Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Teendhada Afiysoone ee ku dhex taalla gudaha xerada Xalane oo ay maanta ka dhaceyso doorashada madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay bilowdeen dhaq-dhaqaaqyada iyo xaadiritaanka goobta doorashada oo si weyn amnigeeda loo ilaalinayo.

Qaar ka mid ah xildhibaanada labada Aqal iyo musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa goor hore sii tegay hoolka doorashada, si ay isugu diyaariyaan doorashada dhaceysa.

Sidoo kale xubnaha guddiga qaban qaabada doorashada ee labada Gole ayaa ku sugan hoolka, iyaga oo kala qaabeynaya howlaha socda ee doorashada madaxweynaha.

Warbaahinta iyo marti sharaf kale ayaa sidoo kale loo ogolaaday goobta, si ay goob joog uga noqdaan doorashadan oo ay ku loolami doonaan illaa 35 musharrax madaxweyne.

Dhinaca kale waxaa xiran dhammaan waddooyinka caasimada, iyada oo hakad la geliyey dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, kadib bandow ay soo rogtay dowladda.

Doorashada Soomaaliya oo maanta la dhammeystirayo ayaa qaadatay muddo ka badan hal sano, kadib khilaafaad soo kala dhexgalay dowladda dhexe, maamullada & mucaaradka.

Daawo: Beelaha Banaadiriga oo kitaabka u kala furay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Banaadiriga ee Muqdisho ayaa maanta kulan duco ah oo qur’aan loogu akhrinayay madaxweynihii hore ahna murashax Xasan Sheekh Maxamuud ku qabtay isla degmadaas.

Kullankaan oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha bulshada ayaa 114 Qur’aanka Kariimka ay u akhriyeen Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoona u duceeyay, Alle-na ugu baryay inuu ku guuleeyo tartanka doorashada madaxweynenimo ee beri subaxdii loo balansan yahay.

Odayaashii ger cadka iyo dhalinyaradii kasoo qeyb gashay kulankaasi ayaa waxay sheegeen in Xasan Sheekh uu u roonaa dadka iyo dalka, gaar ahaan waxay xuseen in beesha Banaadiriga inuu wax badan u qabtay, abaalna ay ugu hayaan, dhalinyaradii uu shaqaaleysiiyay iyo xilalkii uu siiyay.

Waxay xuseen waxgaradkaasi in beesha Banaadiriga xilalkii safiirnimo oo gaarayay ilaa seddax laga qaaday xilalkii ay hayeen, laguna badalay shaqsiyaad beel ahaan loo xoo xushay.

Ugu danbeyntii qur’aan akhriskaasi alle loogu baryay Xasan Sheekh ayey waxay kusoo gabagabeeyeen duco iyo qasiidooyin, nuxurkoodu yahay guul iyo inuu xilka madaxweyne hanto Xasan Sheekh.

Doorashada madaxweyne oo beri 10 subaxnimo loo madalsan yahay ayaa waxaa la sugayaa natiijada cidda kusoo baxdo, iyadoo murashaxiinta liiska ugu sareeya soo galaya la hadal haayo inay ka mid yihiin madaxweyne Farmaajo, Xasan Sheekh, Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Deni.