25.8 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Ilyaas Gaboose oo xaalad caafimaad uga baxay Kismaayo

0

Kismayo (Caasimada Online) – Sanator Ilyaas Beddal Gaboose oo dhawaan uu sii daayay Madaxweynaha Jubbaland oo uu muddo u xirnaa ayaa maanta ka dhoofay garoonka magaalada Kismaayo, isaga oo kusii jeeda dalka Kenya.

Gaboose oo shir jaraa’iid qabtay ayaa shaacay in xaalad caafimaad uu ugu baxay magaalda Nairobi, isla markaana maalmo kadib uu soo laaban doono.

“Waxaan hadda anigu caafimaad ku gaarayaa magaalada Nairobi waxaan ku maqnaanayaa muddo laba todobaad ah kadibna waa soo noqonayaa” ayuu yiri Senator Ilyaas Beddal Gaboose.

Sidoo kale, wuxuu ka warbixiyay wada-hadalladii iyo heshiiskii uu la galay Axmed Madoobe, isaga oo sheegay in ugu dambeyn la soo afjaray khilaafkii jiray, laguna balamay in laga wada shaqeeyo horumarka dowladda Jubbaland.

Waxaa kle oo uu carrabka ku adkeeyay in waqtigan ay reer Jubaland si gaar ah ugu baahan yihiin midnimo iyo wadajir, isaga oo xusay in horumarka iyo xasilloonida lagu gaari karo oo keliya isu-tanaasul iyo iskaashi dhab ah.

“Aniga iyo Axmed Madoobe khilafkii naga dhexeeyay waan ka heshiinay, waxaana ka wada-hadalnay inaan ka wada shaqeyno maslaxada Jubbaland” ayuu mar kale yiri Senatorku.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay lagama maarmaan tahay inay isku tanaasulaan, una midoobaan gurmadka abaaraha iyo qadiyadaha kale ee waaweyn ee horyaalla dalkeenna.

Ilyaas Gaboose ayaa dhibane u noqday Axmed Madoobe, tan iyo daba-yaaqadii November ee sanadkii 2024 oo uu doorasho ku qabsaday magaalada Kismaayo, taas oo ay ka horyimadeen isaga iyo xubnaha kale ee mucaaradka, iyaga oo kadib qabsaday doorasho kale oo ay sheegeen in madaxweyne loogu doortay Senator Ilyaas Beddel Gaboose, balse la xiray.

Si kastaba, Jubbaland ayaa haatan galeysa marxalad cusub, waxaana dhinaca kale jira wada-hadallo ay qayb ka tahay oo la filayo inay galaan DFS iyo Golaha Mustaqbalka.

Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay heshiisyo muhiim ah + Sawirro

0

Muqdisho (Casimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kas oo lagu ansixiyay siyaasado muhiim ah iyo heshiis cusub oo lala soo galay dowladda Turkiga oo taageerada ugu wayn siiso Soomaaliya.

Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaate Xamza Cabdi Barre, ayaa lagu meel-mariyey heshiisyo iyo siyaasado muhiim u ah horumarka hey’addaha ay khuseyso, kuwaas oo lagu tayeynayo adeegyada dowladda, waxa ayna kala yihiin;-

𝟏- 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐢𝐬-𝐚𝐟𝐠𝐚𝐫𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚, 𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚.

𝟐- 𝐀𝐱𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝟐𝟎𝟎𝟔).

𝟑- 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐛𝐮𝐫𝐛𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐛𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟎𝟕.

𝟒- 𝐀𝐱𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐜𝐚𝐛𝐛𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐥𝐚𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐛𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝟏𝟗𝟔𝟗.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixinno ka tarjumaya xaaladda abaaraha ka jira gayiga Soomaaliyeed iyo saameynta dhanka biyaha iyo cuntada ah ee ay ku yeelatay dalka, iyada oo ay Xukuumaddu qorshaynaso tallaabooyin deg-deg ah oo wax looga qabanayo xaaladda taagan.

Waxaa kale oo kulankan lagu ansixiyay 𝐗𝐞𝐞𝐫-𝐍𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐝𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚, kaas oo dhigaya hannaan sharci iyo maamul oo mideynaya diyaar-garowga, ka-hortagga, iyo wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadamka sameeyo, iyada oo ujeedka guud yahay isku tashiga bulshada iyo dowladda.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Tahriibka iyo Ka-ganacsiga Dadka, oo lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee tahriibka iyo dhibaatooyinka ba’an ee ay ku hayaan dhallinyarada Soomaaliyeed, taasi oo iftiimisay halista naf iyo maalba leh ee ay la kulmaan dhallinyarada ku hamisa tahriibka, oo ay ka mid yihiin dhimasho, dhaawac, xabsi, tacaddiyo iyo ka faa’iidaysi bani’aadamnimo, kuwaas oo si toos ah u saameeya mustaqbalkooda iyo horumarka dalka.

Shirkan oo la qabto todobaad kasta maanta oo kale ayaa waxaa diiradda lagu saaraa xaaladda dalka, iyada oo sidoo kale laga soo saaro  go’aanno culus.

Mareykanka oo hub culus soo gaarsiiyay DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Maraykanka ayaa qalab milatari oo isugu jira gaadiid iyo hubka noocyadiisa culus ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda federaalka ay ku doonayso inay ku xoojiso howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaan lagu faahfaahinin tirada rasmiga ah ama qiimaha dhaqaale ee qalabkan, balse waxaa lagu tilmaamay inay tahay mid kamid ah taageerada joogtada ah iyo iskaashiga dhanka amniga ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Washington.

“Waxaa naga go’an inaan dalka ka ciribtirno haraadiga argagixisada, howlgalladuna waxay sii socon doonaan inta laga xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni ka hanaqaadda guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda.

Gobolka Shabeellada Dhexe, oo dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho, ayaa noqday mid kamid ah furimaha ugu adag ee dagaalka dowladdu kula jirto Al-Shabaab. Kooxdan, oo weli ah awoodda ugu weyn ee xagjirka ah ee Geeska Afrika, ayaa weerarro joogto ah ku haysa xarumaha ciidamada iyo goobaha shacabka, inkastoo cadaadis milatari oo xooggan la saaray.

Soomaaliya ayaa muddo ka badan toban sano dagaal kula jirtay Al-Shabaab oo xiriir la leh shabakadda Al-Qaacidda. Ururkaas ayaa weli gacanta ku haya dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxayna sii wadaan qaraxyada iyo weerarada gaadmada ah.

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa door muhiim ah ka ciyaara taageerada ciidamada Soomaaliya, iyagoo bixiya tababarro, la-talin, iyo taageero dhanka cirka ah. Maraykanka ayaa dhowr jeer fuliyay duqeymo lala beegsaday saldhigyada iyo horjoogayaasha Al-Shabaab, iyadoo lala kaashanayo dowladda federaalka.

Taageeradan u dambaysay ee hubka ayaa kusoo aadaysa xilli ciidamada dowladda iyo xoogaga deegaanka ee garabka siinaya ay isku dayayaan inay xajiyaan deegaannadii dhawaan la xoreeyay, isla markaana ay ka hortagaan in Al-Shabaab ay dib isugu abaabulaan waddooyinka muhiimka ah iyo dhulka miyiga ah ee isku xira gobollada wax-soo-saarka beeraha iyo caasimadda.

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa ku celceliyay in howlgalladu aysan istaagi doonin ilaa kooxda laga saaro deegaannada ay ku harsan yihiin, dibna loosoo celiyo kala dambaynta iyo maamulka dowladda ee guud ahaan dalka.

Maxay Somalia ka faa’iideysaa hehsiisyada ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada?

0

Muqdisho (Casimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay heshiis muhiim ah oo lagu horumarinayo gaadiidka Badda, kuwaas oo lala soo galay dowladda Turkiga oo taageerada ugu wayn siiso Soomaaliya.

Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaate Xamza Cabdi Barre, ayaa waxaa lagu meelmariyay heshiisyadan, iyada oo xukuumaddu sheegtay in lagu tayeynayo adeegyada dowladda, waxa ayna kala yihiin;-

𝟏- 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐢𝐬-𝐚𝐟𝐠𝐚𝐫𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚, 𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚.

𝟐- 𝐀𝐱𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝟐𝟎𝟎𝟔).

𝟑- 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐛𝐮𝐫𝐛𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐛𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟎𝟕.

𝟒- 𝐀𝐱𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐜𝐚𝐛𝐛𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐥𝐚𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐛𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝟏𝟗𝟔𝟗.

Haddaba Maxay Somalia ka faa’iideysaa hehsiisyada ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada?

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in heshiisyada la galay ay diiradda saarayaan ilaalinta badqabka badda, ayna kor u qaadayaan kalsoonida iyo sumcadda dalkeenna.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Golaha Wasiirrada  Soomaaliya oo maanta iyagu meel-mariyay, si loo dhaqan-geliyo heshiiyadaasi.

“Waxaan Golaha Wasiirrada shaarfta leh uga mahadcelinayaa ansixinta heshiisyada muhiimka ah ee la xiriira horumarinta badda iyo badmaaxiinta Soomaaliyeed. Heshiisyadani waxay xoojinayaan iskaashiga caalamiga ah, ilaalinta badqabka badda, kor u qaadidda kalsoonida iyo sumcadda dalkeenna, iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha badda” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Tallaabooyinkani waxay qeyb muhiim ah ka yihiin siyaasadda guud ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta arrimaha badda iyo dhaqan-gelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka”.

Dagaalka ka qarxay Baydhaba iyo ‘kaalinta Laftagareen’ oo..

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Xildhibaan Sadiiq Cabdullaahi Cabdi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka qarxay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, ee u dhexeeyo ciidanka maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad deegaanka ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka saaka ayaa yimid kadib markii la sheegay in ciidanka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen guriga wasiirka xanaanada xoolaha Soomaaliya, Xasan Eelaay oo ay isku dhacaan yihiin maamulka.

Xildhibaanka oo ka hadlay dagaalka ayaa cambaareeyay, wuxuuna soo bandhigay kaalin uu sheegay inuu ku leeyahay madaxweyne Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in waxa ka socda magaalada ay qayb ka yihiin tacaddiyada uu maamulka ka wado magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay.

“Tacaddiyada maanta ka dhacay Baydhabo ma aha kuwo cusub; maamulkaasi hore ayuu ugu caan baxay dilal bareer ah, xarig sharci-darro ah, jirdil, caburin siyaasadeed, iyo hor-istaag joogto ah oo lagu sameeyo safarro iyo duulimaadyo ay lahaayeen siyaasiyiin ka aragti duwan” ayuu yiri Xildhibaanku.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran;-

Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarrada, xasuuqa, iyo tacaddiyada arxan-darrada ah ee maamulka Laftagareen ka wado xaafadaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah ee magaalada Baydhabo iyo sidoo kale go’aanka si ula kac ah hawada looga saaray isgaarsiintii magaalada Baydhabo oo dhan; waa fal dambiyeed lagu qarinaayo xaqiiqda, si aan loo ogaan waxa dhab ahaan ka socda magaalada. Xadgudubyadan naxariis-darrada ah waa kuwa si cad xiriir ula leh dano siyaasadeed oo lagu doonayo in si sharci-darro ah talada loogu sii nagaado.

Laftagareen, oo xilka ku yimid hannaan aad loogu muransanaa isla markaana dhiig ku daatay, ayaa muddo saddex sano si sharci-darro ah ugu fadhiya xafiiska, isagoo aan haysan wax sharciyad ah. Tacaddiyada maanta ka dhacay Baydhabo ma aha kuwo cusub; maamulkaasi hore ayuu ugu caan baxay dilal bareer ah, xarig sharci-darro ah, jirdil, caburin siyaasadeed, iyo hor-istaag joogto ah oo lagu sameeyo safarro iyo duulimaadyo ay lahaayeen siyaasiyiin ka aragti duwan.

Ficilladan waa xadgudub cad oo ka dhan ah Dastuurka, xuquuqda aadanaha, iyo dowladnimo. Adeegsiga awood ciidan oo lagu beegsanayo dad rayid ah iyo mucaarad siyaasadeed oo ka aragti duwan waa dembi culus; mid siyaasadeed iyo mid bini’aadannimo labadaba. Falalkan arxan-darrada ah waa kuwo haba yaraatee aan la aqbali karin, waana in si degdeg ah loo joojiyaa. Laftagareen iyo dhammaan saraakiisha ciidan ee maamulkiisa ee ku lugta leh xadgudubyadan waa in lala xisaabtamaa; hadda ama marka ay xilka ka degaan.

DF oo ku adkeysaneysa arrin fashil u horseedi karta wada-hadallada mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa adkeeyay mowqifka dowladda ee ku aaddan dhammaystirka wax ka beddelka dastuurka ku-meelgaarka ah ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in aan la sii wadi karin ku dhaqanka sharciyo uu ku sifeeyay “kuwo waqtigoodu dhammaaday,” isagoo si adag u difaacay qorshaha dowladda ku dooneyso dhameystirka wax ka beddelka dastuurka.

Xamza ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo maanta ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu si toos ah u sheegay in xukuumaddu aysan aqbali doonin in dalka lagu sii maamulo xeerar hore oo aan waafaqsanayn duruufaha iyo baahiyaha jira, isagoo xusay in loo baahan yahay in isbeddel dhab ah la sameeyo.

“Dastuurka waa in la dhammeystiro, xukuumaduna waxay diiday in la iska fadhiyo. Dalka wuxuu u baahan yahay in uu hore u socdo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hannaanka wax-ka-beddelka dastuurka ayaa maalmahan sababay muran iyo qalalaase ka dhex abuurmay Baarlamaanka Federaalka, kaddib markii xildhibaanno ka tirsan mucaaradka ay carqaladeeyeen fadhiyo lagu doonayay in lagu bilaabo dib-u-eegista qodobo ka mid ah dastuurka, taas oo keentay isku dhacyo dhex maray iyaga iyo ciidammada ammaanka.

Arrinta dastuurka ayaa weli ah qodob siyaasadeed oo muran badan ka taagan yahay, waxaana la rumeysan yahay in hirgelinta wax ka beddelka ay ku xirnaan doonto xal laga gaaro ismaandhaafka u dhexeeya dowladda iyo dhinacyada mucaaradka.

Hadalkan Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaya xilli bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha hadda talada haya, isla markaana ay mucaaradka meel adag iska taageen muddo kororsi sharci darro ah.

Si kastaba, arrimahan ayaa sii fogeyn kara xal lagu gaaro shirka wadatashiga ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kaasi oo la filayo in todobaadka soo aadan uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa looga hadli doona arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka.

Yaa dilay, sideese loo dilay Saif al-Islam Qadaafi?

Zintan (Caasimada Onlien) – Saif al-Islam Qadaafi, oo ah wiilka hoggaamiyihii geeriyooday ee Libya, Mucammar Al-Qadaafi, ayaa fiidnimadii Talaadada lagu dilay hoygiisa oo ku yaalla magaalada galbeedka dhacda ee Zintan.

51-jirkan ayaa la toogtay 3-dii Febraayo, isagoo ku sugan guriga uu deganaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah dhacdadan ayaa dilka ku tilmaamay “hawlgal qorsheysan oo heer sare ah,” kaas oo si weyn uga duwanaa isku-dayo hore oo kala daadsanaa oo lagu doonayay in lagu khaarajiyo.

Dhacdadan ayaa timid xilli uu Saif al-Islam soomanaa. Sida wararku sheegayaan, waxaa daldalool soo wajahay amniga hoyga daaqad waqti oo kooban, kadib markii Axmed Al-Cajmi Al-Catiri, oo ah wiilka taliyaha reer Zintan ee mas’uulka ka ahaa ilaalinta Qadaafi, uu xarunta uga baxay si uu usoo qaado cunnada afurka.

Dabley hubeysan ayaa gudaha u gashay dhismaha xilli Qadaafi uu khadka taleefoonka kula jiray xubno ka tirsan kooxdiisa siyaasadda. Sida ay sheegayaan ilo wareedyadu, wuxuu ku wargeliyay kaaliyeyaashiisa joogitaanka dableyda ka hor inta uusan isku dayin inuu isku difaaco bastoolad uu watay.

Wuxuu is-rasaaseyn la galay kooxdii weerarka soo qaaday, balse waa la dilay iyadoo khadka taleefoonku uu weli furan yahay. Dableyda ayaa goobta ka baxsatay ka hor inta aysan soo laaban ilaaladii amniga.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay gobolka ka jireen xiisado sii kordhaya, oo ay ka mid yihiin hadallo kulul oo ka imaanayay hoggaamiyeyaasha maleeshiyaadka fadhigoodu yahay Zintan oo ku aaddan xaaladda Qadaafi, iyo warar sheegayay shilal amni oo ka dhacay koonfurta Liibiya.

Fal-celinta degdega ah ee kooxaha siyaasadda ugu waaweyn Liibiya ayaa ahayd mid kooban, iyadoo aysan jirin cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda.

Muddo ka badan toban sano, Saif al-Islam wuxuu matalayay “Garabka Cagaaran” (Green Bloc)—dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo lala xiriiriyo nidaamkii hore.

Falanqeeyayaasha ayaa kooxdan ku tilmaamay inaysan ahayn xisbi rasmi ah, balse ay tahay shabakad bulsho oo baahsan, isla markaana joogitaan xooggan ku leh qaab-dhismeedka qabaa’ilka iyo laamaha amniga ee dalka Liibiya.

Dadka indho-indheeya arrimaha siyaasadda ayaa xusay in inkastoo Qadaafi si rasmi ah looga reebay geeddi-socodka siyaasadda, haddana uu ahaa shakhsi miisaan culus leh sababo la xiriira awoodda uu u lahaa inuu abaabulo saldhig taageero oo ka madax-bannaan kooxaha hadda talada haya.

Mowqifkiisu wuxuu isku beddelay astaan mudaaharaad oo ay u arkaan dadka ka niyad-jabay kala-guurka siyaasadeed ee dalkaas ka jiray wixii ka dambeeyay 2011-kii.

Arrintani waxay ka dhigtay mid “walaac istiraatiiji ah” ku haya kooxaha awoodda ku leh bariga iyo galbeedka Liibiya, kuwaas oo aan haysan sharciyad shacab oo la mid ah tiisa.

Inkastoo meesha laga saaray xafiiltankii siyaasadeed ee Saif ay si ku-meel-gaar ah u dejin karto miisaanka awoodda, haddana waxay xambaarsan tahay khataro fog.

Khaarajintani waxay meesha ka saartay tiir dhexaadkii nidaamkii hore, balse falanqeeyayaashu waxay ka digayaan inaysan tirtiri doonin saldhiggiisa taageerada.

Waxaa jira khatar la xusay oo ah in geeridiisu ay gaarsiiso heer “Shahiidnimo” taageerayaashiisa dhexdiisa, taasoo ay suuragal tahay inay mideyso jiilka yar ee saraakiisha “Cagaaran” oo wadaaga tabashooyin ka dhan ah nidaamka siyaasadeed ee hadda jira.

Inkastoo jilayaasha hadda talada haya ay ka faa’iidi karaan meesha ka saarista loolankii Qadaafi, haddana dhacdadan ayaa si aan ula kac ahayn u khal-khal gelin karta heshiisyada jilicsan ee hadda isku haya dalka Liibiya ee kala qeybsan.

Erdogan iyo Maxamed Bin Salmaan oo soo saaray war culus oo la xiriira Soomaaliya

Riyadh (Caasimada Online) — Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay taageeradooda aan liic-liic lahayn ee ku aaddan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Labada hoggaamiye ayaa si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu tilmaamay “gooni-goosad” oo khatar ku ah jiritaanka qaranimada dalka ku yaalla Geeska Afrika.

Bayaan kasoo baxay Agaasinka Warfaafinta ee Madaxtooyada Turkiga Arbacadii, ayaa lagu faahfaahiyay kulan heerkiisu sarreeyo oo labada hoggaamiye ay ku yeesheen magaalada Riyadh intii ay socotay booqashada rasmiga ah ee halka maalin qaadatay ee Madaxweyne Erdogan.

Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro xasilloonida, horumarka iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ka digay in la abuuro nidaamyo is-garab socda oo wiiqaya midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qodobka ugu culus ee kulanka ayaa ahaa cambaareyn wadajir ah oo loo jeediyay tallaabadii dhowaan ay qaadeen maamulka Israa’iil iyo gobolka Somaliland.

Turkiga iyo Sacuudiga ayaa si cad u qaadacay bayaankii is-aqoonsiga ahaa ee dhexmaray labada dhinac, iyagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah, isla markaana sii hurinaya xiisadaha ka aloosan gobolka. Labada hoggaamiye ayaa tallaabadaas ku sifeeyay mid xoojinaysa falalka gooni-goosadka ah ee aan sharciga ahayn.

Xiisaddan ayaa timid kaddib markii dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore ay Israa’iil ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo caro weyn ka dhalisay Muqdisho iyo guud ahaan gobolka.

Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-kii, ayaa u shaqeysa sidii maamul madax-bannaan balse weli ma aanay helin aqoonsi caalami ah oo rasmi ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar walba ku adkaysata in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah dhulka lama taabtaanka ah ee Jamhuuriyadda, iyadoo tallaabo kasta oo aqoonsi ah u aragta faragelin qaawan oo lagu sameeyay qaranimadeeda.

Kulankan Riyadh ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu ilaaliyo midnimada Soomaaliya xilli ay jiraan cadaadisyo shisheeye.

Xogta dagaal culus oo maalintii labaad ka socda Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu dib uga qarxay gudaha magaaladaasi, kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed ay weerareen guriga Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Eelaay, wuxuuna dagaalku galay maalintii 2-aad.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladdu ay faraha ka baxday, isla markaana uu sii xoogeysanayo dagaalka, iyada oo labada dhinac ay is-waydaarsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Wasiir Xasan Eelaay oo u warramay  Dalsan Tv ayaa sheegay in gurigiisa lagu soo duulay, wuxuuna tilmaamay in mas’uuliyadda uu qaadayo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo ay isku hayaan arrimaha siyaasadda maamulkaasi.\

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkan ayaa salka ku hayo muran xooggan oo ka dhashay dhul ku yaalla aagga uuqa Xoolaha ee magaaladaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga oo ku aadan dagaalka ka socda Baydhaba, waxaana dhinaca kale lasoo sheegayaa in is-gaarsiinta ay jartay Koonfur Galbeed.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay halkaasi, kaas oo u dhexeeyay ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa kale oo daacad u ah sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Niishow, kaas oo isna lagu eedeeyay qalqal-gelin amni iyo sidoo kale inuu dhigtay jidgooyo.

Xiisaddan ayaa kusoo aadeyso, xilli la filayo in Koonfur Galbeed ay aado doorasho, maadaama uu mar hore dhammaaday muddo xileedkii Laftagareen.

Xasan Sheekh oo soo saaray amar cusub oo ku saabsan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta faray hay’adaha maaliyadda dalka in canshuuraha laga dhaafo deeqaha iyo dhammaan adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya.

Madaxweynaha ayaa amarkan bixiyay xilli uu kormeer ku tegay xarunta gurmadka degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), halkaas oo uu ugu kuur-galay hawlaha gurmadka degdegga ah, isla markaana uu faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay mudnaanta koowaad siiyaan gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha ayaa warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta dalka ka dhageystay howl-wadeennada hay’adda, kuwaas oo soo bandhigay deegaannada ugu daran ee abaartu saameysay, barakaca, nabaad-guurka deegaanka iyo qasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Howl-wadeennada hay’adda ayaa tilmaamay in abaartu gaartay heer halis ah oo laga cabsi qabo in ay isu beddesho macluul.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta, ganacsatada Soomaaliyeed, hay’adaha samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah in loo midoobo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya duruufaha nololeed ee ay sababtay abaarta dalka ku dhufatay, si looga hortago saamaynta bani’aadannimo ee ka dhalan karta.

Sidoo kale, wuxuu faray dhammaan hay’adaha dowladda inay mudnaanta koowaad siiyaan badbaadinta shacabka tabaalaysan.

Si kastaba, amarka cusub ee maanta kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muhiimad weyn u leh marxaladda taagan, si loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo ee shacabka tabaalaysan.

Shirka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo dib u dhacay iyo xogihii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dib u dhacay, kaasi oo loo ballansanaa in uu furmo 1-dii bishaan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo toddobaadka soo aadan, iyada oo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay qorsheeyeen in ay imaadan magaalada Muqdisho maalinta Isniinta ee soo aadan.

Dib u dhaca shirka ayaa yimid markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Axaddii magaalada Muqdisho ka celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ay iska soo hormariyeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, taas oo uga sii dartay xiisaddii siyaasadeed ee dalka.

Dowladda Federaalka ayaa markaas ku andacootay in tallaabadaas u qaaday si loo ilaaliyo baratakoollada iyo habraacyada amniga, halka maamullada Puntland iyo Jubaland ay sheegeen in khatar la galiyay saraakiil iyo ciidamo hordhac u ahaa safarka la filayay in madaxdaan ku soo gaaran caasimada Soomaaliya.

Dhacdadaas kadib wakiillada beesha caalamka ayaa cadaadis saaray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ugu dambeyn ku qasabtay inuu aqbalo ka laabashada go’aankii ciidanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ogolaaday in madaxda Puntland iyo Jubaland ay Muqdisho la yimaadaan ciidankooda iyo hubkooda, iyada oo aan lagu xirayn shuruudo gaar ah.

Si kastaba, wakiillada beesha caalamka ayaa xoogga saaraya sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa, iyagoo muujiyay sida lagama maarmaan u tahay in arrimaha la isku hayo isfaham looga gaaro shirka.

Ajendaha shirka ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sameeyay magacaabis cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay agaasimeyaal cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Adeegyada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, kaas oo loo magacaabay Maxamed Isaaq Cabdinuur.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu Agaasimaha Guud ee Horumarinta Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo Xirfadaha Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda JFS u magacaabay Marwo Xabiibo Cali Maxamed.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada iyo hannaanka maamulka Wasaaradda Waxbarashada, si loo horumariyo adeegyada waxbarasho ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa labada agaasime kula dardaarmay in ay gutaan waajibaadkooda shaqo si hufan, isla markaana muujiyaan xil-gudasho iyo daacadnimo.

Magacaabistan ayaa imaanaysa xilli Ra’iisul Wasaaraha uu muddooyinkii dambe waday isbeddello cusub oo ku aaddan xukuumadda Dan-Qaran, si loo dardargeliyo shaqada.

Maalmo ka hor, Xamza ayaa sidaan oo kale u magacaabay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Saalax Xiirey Kheyre.

Saalax ayaa horay uga tirsanaa howl-wadeennada maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan maamulka degmada Warta Nabadda, isaga oo noqday guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta degmadaas.

Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri doorashadii maanta ka dhacday Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay hannaanka doorashada oo ku tilmaamay mid si hufan u qabsoomtay, isaga oo muujiyay in tani ay astaan u tahay horumar laga sameeyay dhismaha hay’adaha madaxa-bannaan ee qaranka.

Hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa kala ah Guddoomiyaha cusub Marwo Maryan Qaasim Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxamed Haaruun, iyo Xoghayaha Guddiga Marwo Faadumo Cabdiqani Yuusuf.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada hoggaanka la doortay ay door weyn ka qaadan doonaan xaqiijinta himilada Soomaaliya ee la xiriirta dhowrista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in guddigan uu yahay tiir muhiim u ah kor u qaadista caddaaladda, isla xisaabtanka, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa nugul.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka in ay xoogga saaraan horumarinta nidaamyada ilaalinta xuquuqda aadanaha, isla markaana ay si madaxbannaan u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Doorashada hoggaanka cusub ee guddigan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta doorka Soomaaliya ee ilaalinta xuquuqul insaanka, xilli dalku dib ula soo wareegay maamul buuxa oo madaxa-bannaan.

Tallaabadan ayaa Soomaaliya u sahlaysa in ay si madax-bannaan u fuliso waajibaadkeeda qaran iyo kuwa caalami ah ee ku aaddan dhowrista, kormeerka, iyo ka warbixinta arrimaha xuquuqda aadanaha.

Puntland oo xaqiijisay in si fudud maamulka lagu soo galiyo…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in gudaha maamulka lasoo geliyo hub sharci-darro ah, kaasi oo si sahlan usoo geliyaan ganacsato si gaar ah uga shaqeysta arrintaan.

La-taliyaha Amniga Madaxweynaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in ay jiraan ganacsato si gaar ah uga shaqeeya soo gelinta hubka, kaas oo khatar amni ku ah maamulka.

Waxa uu tilmaamay in shaqsiyaadka ka ganacsada hubka ay awood u leeyihiin in si dhakhso ah u keenaan noocyo kala duwan oo hub ah marka lacag la helo. La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ayaa si gaar ah u xusay in meelaha laga soo dejiyo ay u badan yihiin xeebaha, iyadoo ay jiraan meelo kale oo dalka ka mid ah.

La-taliyaha ayaa sheegay in qulqulka waxyaabaha sharci-darrada ah la xakamayn karo, haddii gebi ahaanba la mamnuuco, lana dhaqan geliyo sharciyo adag oo ka hortagaya soo dejintooda, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo ku lug yeelata, lagana wareego wixii la soo geliyo.

“Hub kasta oo aan dawladdu lahayn waa sharci-darro. Haddii la soo dejiyo waa in la qabtaa, cidda lagu helana maxkamad waa in la horgeeyaa, hubkana laga qaadaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale, La-taliyaha ayaa ku baaqay in la sameeyo hannaan wax-ku-ool ah oo lagu xakameeyo arrintan, si loo sugo amniga iyo kala dambeynta Puntland.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Puntland uu fara ba’an ku hayo hubka sharci darrada ah, kaasi oo la sheego in ka ganacsigiisa qeyb ka yihiin siyaasiyiin iyo ganacsato maxalli ah, kuwaas oo inta badan Yemen ka keena hubka fudud iyo kan culus.

Yemen ayaa ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee lagu kala iibsado hubka sharci-darrada ah, sida ay hore u sheegeen warbixinno ay soo saareen Qaramada Midoobay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale horay liiska cuna-qabataynta ugu daray shakhsiyaad ka soo jeeda Puntland, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin ganacsiga hubka sharci-darrada ah, oo qeybo kamid ah ay gaareen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Sawirro: C/raxmaan Cirro oo ka faa’iideystay fursadda uu ka helay Imaaraadka – Sidee?

0

Abu Dubai (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa ka faa’iideystay fursadda uu ka helay Dalka Imaaraadka Carabta oo ku casuumay Shir-weynaha Dawladaha Adduunka (World Governments Summit) oo lagu qabtay Abu Dubai, wuxuuna halkaas ka dhex bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ku aadan aqoonsiga Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro iyo wafdigiisa ayaa xalay ka qayb-galay casho sharaf ka qabsoontay magaalada Abu Dubai, taas oo ay ka soo wada-qaybgaleen Prince Edward, Duke of Edinburgh, oo ah Boqorka UK, King Charles III walaalkii.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in cashadan ay muujisay heerka sare ee is-dhexgalka diblomaasiyadeed, ixtiraamka caalamiga ah, iyo wada-shaqeynta saaxiibtinimo ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Midowday Ingiriiska (United Kingdom).

Sida oo kale, waxa ay iftiimisay xidhiidhka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac, kaas oo saldhig u ah iskaashi ku dhisan kalsooni iyo is-ixtiraam, sida lagu sheegay bayaanka.

Waxaa kale oo Kulanka casho sharafta ah isaguna ka soo qayb galay Sir Gavin Williamson MP oo ah Mudane ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Dalka Ingiriiska isla markaana si weyn ugu ololeeya aqoonsiga Somaliland.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa milgo iyo qaddarinba leh ugu mahad naqay Sir Gavin Williamson garab-istaaggiisa joogtada ah ee uu siiyo dalka iyo dadka Somaliland, isaga oo had iyo jeer qaddiyadda Somaliland ka dhex muujiya Fagaarayaasha Siyaasadeed ee Caalamiga ah.

“Kulankan ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada kala ah dawladnimada, horumarinta, amniga, iyo xidhiidh bulsho ee u dhexeeya shacabka labada dal, iyada oo la muujiyay rabitaanka wadajirka ah ee lagu hormarinayo dano-wadaag ah iyo mustaqbal waara” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhanka kale, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay ‘dal ay ka go’an tahay’ mabda’a nabad-ku-wada noolaansho, wada-hadal, is-ixtiraam iyo iskaashi caalami ah.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale caddaysay doorkeeda firfircoon ee ay kaga jirto Saaxadda Diblomaasiyadda Caalamiga ah, iyada oo sii xoojinaysa xidhiidhada ay la leedahay saaxiibada caalamka, gaar ahaan Boqortooyada Midowday Ingiriiska ee UK” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Sidee looga fal-celiyay guusha Maryan Qaasim Axmed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay guusha Maryan Qaasim Axmed oo maanta loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka kadib doorasho ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho.

Maryan Qaasim oo horay xilal kala duwan usoo qabatay ayaa heshay 5 cod, halka musharixii la tartamay ee Cumar Cabdulle Calasow uu isna helay 4 cod, kadib codeyn ay sameeyeen sagaalka xubnood ee Guddiga Xuquuqul Insaanka.

Horay ayaa loo saadaalinayay inay guuleysaneyso Maryan Qaasim, sababo la xiriira aqoonteeda iyo qibradeeda, maadaaama ay horay usoo qabatay xil wasiir, kana soo shaqeysay arrimaha bani’aadanimada dalka.

Haddaba sidee looga fal-celiyay guusha Maryan Qaasim?

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa soo dhaweeyay doorashadan, wuxuuna hambalyo u diray Maryan Qaasim isaga oo sheegay in guusheeda ay muujineyso kalsoonida lagu qabo aqoonteeda.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Dr. Maryan Qaasin Axmed, oo ay maanta doorteen xubnaha Guddiga. Doorashada Dr. Maryan waxa ay muujinaysaa kalsoonida lagu qabo aqoonta, waayo-aragnimada iyo hufnaanteeda, si ay u hoggaamiso hay’ad muhiim u ah dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Xukuumadda DanQaran waxaa ka go’an xoojinta hay’adaha madaxa-bannaan, gaar ahaan kuwa u xilsaaran difaaca, horumarinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ah tiir muhiim u ah nabadda, caddaaladda iyo dowlad-wanaagga. Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa guul iyo hawl-qabad miro-dhal ah oo ay ku horumariso doorka Guddiga Xuquuqul Insaanka, si loo xaqiijiyo ilaalinta karaamada muwaadinka iyo xuquuqdiisa aasaasiga ah”.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa iyadana hambalyo iyo bogaadin u dirtay Marwo Maryan Qaasim Axmed iyo xubnaha kale ee kusoo baxay guddoonka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Wasiir Shamso ayaa intaasi ku dartay in guusha Marwo Maryan Qaasim ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo difaaca iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, isla markaana ay dhiirrigelin u tahay haweenka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada Soomaaliyeed, Maxamed Cali Saciid oo isna qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu ku kalsoonyahay kartida Maryan Qaasim, wuxuuna u rajeeyay in Alle uu fududeeyo mas’uuiyadda loo igmaday.

“Waxaan u hambalyeynayaa Maryan Qaasim oo loo magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka. Maryan Qaasimboo aan wada ognahay howlkarnimadeeda waxaan leeyahay allaha kugu guuleeyo masuuliyaddaan culus” ayuu yiri Maxamd Cali Saciid.

Si kastaba, Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay kala soo wareegtay QM Maamulka Xuquuqul Insaanka Dalka.

Kiiska Farxiyo Fiska iyo Mubaarak Oktoobar oo gaaray meel xun

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Fanaanada caanka ah ee Farxiyo Axmed Cadaawe Geedi (Farxiyo Fiska) oo wareysi xasaasi ah bixisay ayaa markii ugu horreysay ka hadashay jir-dil xooggan oo uu dhawaan u gaystay Seygeeda Mubaarak Axmed Yuusuf (Oktoobar) oo isna ah Fannaan kale oo da’yar ah.

Farxiyo Fiska ayaa sheegtay in uu u gacan seygeeda, isla markaana uu gaarsiiyay dhaawacyo daran oo illaa hadda ku yaallo jirkeeda.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in qol uu kusoo xiray, isla markaana muddo afar saacadood ah oo xiriir ah uu dilayay, sidoo kalen uu ceeji u gaystay.

Waxaa kale oo ay carabka ku dhufatay in ‘ujeedkiisa uu ahaa in uu dilo, balse uu Alle ka badbaadiyay shirqoolkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxa i soo gaaray wax yar ma aha, filan waa ayay igu noqotay. Korkeyga meel fayoow ma leh”, xitaa wuu i ceejiyay oo wuxuu rabay inuu nafta iga qaado oo ilaa hadda dhuunta way i xanuuneysaa”, ayay tiri Farxiyo Fiska.

Dhanka kale, wax ay sheegtay in haatan ay maxkamad la tiigsatay, isaguna uu hadda damaanad ku joogo banaanka, balse uusan ka bixin karin guriga.

“Meesha uu ugu dilay waa Somaliland, waana waddan sharci leh maxkamaddu waa noo socotaa, mana aha middaan mid lagu kala hari doono” ayay raacisay.

Kiiskan ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan oo qabsaday baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana soo farogeliyay fannaan kale oo garab istaagay Fiska.

Maryan Qaasim oo ku soo baxday doorasho maanta ka dhacday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada Guddoonka Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed, taas oo ay ku tartameen illaa laba musharrax oo kamid ah xubnaha guddiga.

Xubnaha isku soo taagay xilkan ee maanta loolamay ayaa kala ahaa Wasiir hore Maryam Qaasim Axmed, iyo Cumar Cabdulle Calasow oo isna lasoo shaqeeyay howlgalka AMISOM ee hadda loo beddalay AUSSOM.

Doorashada oo adkeyd ayaa waxaa ugu dambeyn kusoo baxday Maryan Qaasim oo xilal kala duwan kasoo qabatay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray, waxayna heshay illaa 5 cod, halka Cumar Cabdulle Calasow uu isna helay 4 cod, kadib codeyn ay sameeyeen sagaalka xubnood ee guddiga.

Horay ayaa loo saadaalinayay inay guuleysaneyso Maryan Qaasim, sababo la xiriira aqoonteeda iyo qibradeeda, maadaaama ay horay usoo qabatay xil wasiir, kana soo shaqeysay arrimaha bani’aadanimada dalka.

Sidoo kale khudbad ay ka jeedisay goobta ayay uga hadashay waxqabadkeeda iyo taariikhdeeda, iyada oo xustay in aanay usoo istaagin xukun jacayl dartiis, balse ay rabto inay u adeegto dadkeeda iyo dadkeeda.

‘In aan isku sharaxo xilka Guddoomiyaha, igama ahan xil jacayl aniga horay aya usoo shaqeeyay qibrad waxaan leeyahay dhowr 40 sano ah saddex mar ayaan noqday wasiir, hay’ado caalami ahna waa kasoo shaqeeyay” ayay tiri  Maryan Qaasim.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Aniga wax kambeyn ah xittaa ma gelin oo Hotel ayaan iska daganaa, dadka ii codeeyay ma garanaayo kulligiin waad mahadsan tihiin”.

Dhanka kale, waxaa guddoomiye ku xigeenka Guddigan loo doortay Maxamed Haaruun Maxamuud oo helay 8 cod, halka Faadumo Cabdiqani Yuusuf iyana ay kusoo baxday Xoghayaha guud, taas oo ka dhigan in haweenka Soomaaliyeed ay hanteen xilalka ugu sarreeya guddiga.

Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay kala soo wareegtay Qaramada Midoobay Maamulka Xuquuqul Insaanka Dalka.

Doorasho xasaasi ah oo ka socota Muqdisho

 

Imaaraadka oo jab kale oo weyn kala kulmay Sacuudiga

Cadan (Caasimada Online) – Isbeddel weyn oo xagga istiraatiijiyadda iyo awoodda ciidan ah ayaa ka dhacay koonfurta waddanka Yemen, kadib markii Ciidamada Iska-caabinta Qaranka (NRF) ee uu hoggaamiyo Tareq Saalax ay si rasmi ah uga leexdeen isbahaysigii ay la lahaayeen Imaaraadka Carabta, iyagoo toos u hoos tegay taliska Sacuudiga.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay dhinaca kale u riixday, isla markaana wiiqday awooddii Golaha Kala-guurka Koonfureed (STC), taasoo dib u qaabayn ku samaysay miisaanka awoodda ee xeebta galbeed iyo nawaaxiga magaalada Cadan.

Ciidamada NRF oo muddo ku dhow siddeed sano garab taagnaa kooxda gooni-u-goosadka ah ee STC, taageero mug lehna ka helayay Abu Dhabi, ayaa haatan amarkooda iyo dhaqaalahoodaba ka qaata Sucuudiga.

Wararka ka imanaya furimaha dagaalka ayaa xaqiijinaya in ciidamadii weli daacadda u ah STC ay dib uga gurteen fariisimihii ay ku lahaayeen gobollada Cadan iyo Lahj, iyagoo u ruqaansaday dhanka saldhiggooda weyn ee al-Dhale.

“Hore waxaan amar iyo hagid ka heli jirnay ciidamada Imaaraadka, sidaas darteed daacadnimadeenu iyaga ayay ahayd. Maanta, amarka waxaa ina siiya Sacuudiga oo jooga Cadan, sidaa awgeed iyaga ayaan u hoggaansanahay,” ayuu yiri Ammar, oo ah askari ruug-caddaa ah oo da’diisu tahay 49 jir.

Ammar ayaa ku tilmaamay isbeddelkan mid la xiriira anshaxa ciidanka oo aan ku salaysnayn mabda’ siyaasadeed, isagoo xusay in askarigu uu raaco taliyihiisa si looga fogaado fowdo.

Isbeddelkan ayaa dardar yeeshay bishii hore kadib markii Sacuudigu taageeray dalabka Golaha Hoggaanka Madaxtooyada (PLC) ee ahaa in ciidamada Imaaraadku ka baxaan deegaannadaas. Tani waxay timid kadib xiisad ka dhalatay markii diyaaradaha Sacuudigu duqeeyeen shixnad hub ah oo u socotay kooxaha gooni-u-goosadka.

Sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo askar ku sugan baraha koontaroolka ee gobolka Lahj, calanka Jamhuuriyadda Yemen ayaa hadda lagu beddelay calankii “gooni-isu-taagga” ee STC oo horay halkaas uga baban jiray xilligii joogitaanka Imaaraadka.

Jaawid Subayxi, oo 34 jir ah kana tirsan ciidamada ku sugan Lahj, ayaa sheegay in khilaafkii soo kala dhex galay Riyadh iyo Abu Dhabi uu ku riixay dagaalyahanno badan inay la saftaan Sucuudiga.

Wuxuu intaas ku daray in Sacuudigu hadda wado qorshe uu ku doonayo inuu ku mideeyo kooxaha kala daadsan ee hubeysan, si loo hoos geeyo Wasaaradda Gaashaandhigga, taasoo loo arko tallaabo loo qaaday dhanka dhismaha ciidan qaran oo mideysan.

Dhaqaalaha oo ah isha isbeddelka

Awoodda wareegtay ayaa sidoo kale waxaa sii xoojiyay dhanka dhaqaalaha. Askarta NRF ee ku sugan xeebta galbeed ayaa markii ugu horreysay mushaharkoodii bishii Janaayo ka helay Sacuudiga.

“Waxaan ka cabsi qabnay in mushaharku istaago bixitaankii Imaaraadka kadib, balse waan la yaabnay markii Sucuudigu bixiyay mushaharaadkayagii,” ayuu yiri Amiin Raashid oo ka tirsan ciidamada NRF.

Taageerada maaliyadeed ee Sacuudiga ayaan ku ekayn kaliya ciidamada, balse waxay sidoo kale bixiyeen mushaharaadka shaqaalaha rayidka ah iyo maalgelinta mashaariicda gargaarka sida isbitaallada, kuwaas oo markii hore ay gacanta ku haysay Imaaraadka.

Maxamed Cali, oo ah saxafi u dhashay Yemen, ayaa ka digay khatarta ay leedahay in daacadnimadu ku xirnaato cidda lacagta bixinaysa, maadaama hay’adihii dowladdu ay burbureen.

“Dalka bixiya adeegyada aasaasiga ah iyo mushaharaadka shaqaalaha ayaa hannanaya taageerada shacabka,” ayuu yiri Maxamed, isagoo ka digay in xaaladdan ay tahay mid u eg “calooshood u shaqeysnimo” oo daacadnimadu is beddeli karto mar walba oo maalgeliyuhu is beddelo. Wuxuuna ku baaqay in la helo xal dhaqaale oo waara oo dalku ku maareeyo khayraadkiisa.

Wiilkii Qadaafi, Sayf al-Islam oo la dilay – Sidee u dhacday?

Tripoli (Caasimada Online) – Sayf al-Islam Qadaafi oo ahaa wiilkii uu dhalay hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay dalka Libya, Mucamar Al-Qadaafi, ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dalkaasi.

Weriyaha telefishinka Al Jazeera ee Waqooyiga Afrika, Axmed Khaliifa, ayaa Talaadadii sheegay in Sayf al-Islam la rumeysan yahay in lagu toogtay magaalada Zintan ee dhaca galbeedka dalka Libya, halkaas oo saldhig u aheyd tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Geerida ninkan oo 53-sano jir ahaa waxaa xaqiijiyay la-taliyihiisa dhanka siyaasadda, Cabdullaahi Cuthmaan, in kastoo aan weli faahfaahin buuxda laga bixin duruufaha rasmiga ah ee ku xeeran qaabka uu dilku u dhacay. Dhanka kale, mas’uuliyiinta dowladda Liibiya ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadan.

Sayf al-Islam marnaba xil rasmi ah kama uusan qaban dowladdii aabbihiis, balse waxaa si weyn loogu tirin jiray shaqsiga labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi intii u dhaxeysay sannadkii 2000 ilaa 2011, xilligaas oo ahayd markii xoogagga mucaaradka ay afgambiyeen xukunkii dheer ee Mucammar Al-Qadaafi, kadibna ay dileen.

Sannadkii 2011-kii, Sayf al-Islam ayaa lagu qabtay magaalada Zintan xilli uu isku dayayay inuu dalka ka baxsado kaddib markii mucaaradku la wareegeen caasimadda Tripoli. Muddo lix sano ah ayuu xabsiga ku jiray ka hor inta aan la sii deyn sannadkii 2017, kaddib cafis guud oo loo fidiyay.

Waji cusub mise difaaca nidaamkii hore?

Sayf al-Islam, oo ah nin wax ku soo bartay dalalka Reer Galbeedka, aftahan ahaa, PhD ka qaatay jaamacadda London School of Economics (LSE) sannadkii 2008, ayaa mar loo arkayay wajiga “casriga ah” ee nidaamkii kali-taliska ahaa ee aabbihiis. Wuxuu hormuud ka ahaa dadaallo lagu hagaajinayay xiriirka Liibiya iyo Reer Galbeedka horraantii 2000-meeyadii.

Hase yeeshee, markii uu qarxay kacdoonkii “Guga Carabta” ee 2011, wuxuu qaatay mowqif adag oo uu ku difaacayo xukunka aabbihiis. Wareysi uu xilligaas siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayuu ku yiri: “Halkan ayaan ku dagaallameynaa, halkan ayaana ku dhimaneynaa.”

Wuxuu xilligaas ka digay in dalka ay hareeyn doonaan “webiyo dhiig ah,” isagoo saadaaliyay in haddii nidaamka la rido ay qaadan doonto 40 sano in heshiis laga gaaro maamulka dalka, maadaama qof walba uu doonayo inuu madaxweyne noqdo.

Dambiyada dagaal iyo maxkamadda ICC

Sayf al-Islam ayaa wajahayay eedeymo culus oo la xiriira jirdil iyo tacaddiyo ka dhan ah bani’aadannimada intii uu socday kacdoonkii lagaga soo horjeeday aabbihiis. Bishii Febraayo ee 2011, Qaramada Midoobay ayaa xayiraad dhanka safarka ah saartay, hantidiisana waa la xayiray.

Sidoo kale, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo, iyadoo loo heystay dambiyo ka dhan ah aadanaha. Sannadkii 2015-kii, maxkamad ku taalla Tripoli ayaa xukun dil ah ku ridday isagoo maqane ah.

Tan iyo markii xabsiga laga sii daayay 2017, Sayf al-Islam wuxuu ku noolaa dhuumaaleysi gudaha magaalada Zintan si uu uga badbaado isku dayo dil, isagoo dhif iyo naadir xiriir la sameyn jiray dadka dibadda iyo gudaha ku sugan, sida uu sheegay Mustafa Fetouri oo ah falanqeeye reer Liibiya ah oo xiriir dhow la lahaa.