25.8 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Wiilkii Qadaafi, Sayf al-Islam oo la dilay – Sidee u dhacday?

Tripoli (Caasimada Online) – Sayf al-Islam Qadaafi oo ahaa wiilkii uu dhalay hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay dalka Libya, Mucamar Al-Qadaafi, ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dalkaasi.

Weriyaha telefishinka Al Jazeera ee Waqooyiga Afrika, Axmed Khaliifa, ayaa Talaadadii sheegay in Sayf al-Islam la rumeysan yahay in lagu toogtay magaalada Zintan ee dhaca galbeedka dalka Libya, halkaas oo saldhig u aheyd tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Geerida ninkan oo 53-sano jir ahaa waxaa xaqiijiyay la-taliyihiisa dhanka siyaasadda, Cabdullaahi Cuthmaan, in kastoo aan weli faahfaahin buuxda laga bixin duruufaha rasmiga ah ee ku xeeran qaabka uu dilku u dhacay. Dhanka kale, mas’uuliyiinta dowladda Liibiya ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadan.

Sayf al-Islam marnaba xil rasmi ah kama uusan qaban dowladdii aabbihiis, balse waxaa si weyn loogu tirin jiray shaqsiga labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi intii u dhaxeysay sannadkii 2000 ilaa 2011, xilligaas oo ahayd markii xoogagga mucaaradka ay afgambiyeen xukunkii dheer ee Mucammar Al-Qadaafi, kadibna ay dileen.

Sannadkii 2011-kii, Sayf al-Islam ayaa lagu qabtay magaalada Zintan xilli uu isku dayayay inuu dalka ka baxsado kaddib markii mucaaradku la wareegeen caasimadda Tripoli. Muddo lix sano ah ayuu xabsiga ku jiray ka hor inta aan la sii deyn sannadkii 2017, kaddib cafis guud oo loo fidiyay.

Waji cusub mise difaaca nidaamkii hore?

Sayf al-Islam, oo ah nin wax ku soo bartay dalalka Reer Galbeedka, aftahan ahaa, PhD ka qaatay jaamacadda London School of Economics (LSE) sannadkii 2008, ayaa mar loo arkayay wajiga “casriga ah” ee nidaamkii kali-taliska ahaa ee aabbihiis. Wuxuu hormuud ka ahaa dadaallo lagu hagaajinayay xiriirka Liibiya iyo Reer Galbeedka horraantii 2000-meeyadii.

Hase yeeshee, markii uu qarxay kacdoonkii “Guga Carabta” ee 2011, wuxuu qaatay mowqif adag oo uu ku difaacayo xukunka aabbihiis. Wareysi uu xilligaas siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayuu ku yiri: “Halkan ayaan ku dagaallameynaa, halkan ayaana ku dhimaneynaa.”

Wuxuu xilligaas ka digay in dalka ay hareeyn doonaan “webiyo dhiig ah,” isagoo saadaaliyay in haddii nidaamka la rido ay qaadan doonto 40 sano in heshiis laga gaaro maamulka dalka, maadaama qof walba uu doonayo inuu madaxweyne noqdo.

Dambiyada dagaal iyo maxkamadda ICC

Sayf al-Islam ayaa wajahayay eedeymo culus oo la xiriira jirdil iyo tacaddiyo ka dhan ah bani’aadannimada intii uu socday kacdoonkii lagaga soo horjeeday aabbihiis. Bishii Febraayo ee 2011, Qaramada Midoobay ayaa xayiraad dhanka safarka ah saartay, hantidiisana waa la xayiray.

Sidoo kale, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo, iyadoo loo heystay dambiyo ka dhan ah aadanaha. Sannadkii 2015-kii, maxkamad ku taalla Tripoli ayaa xukun dil ah ku ridday isagoo maqane ah.

Tan iyo markii xabsiga laga sii daayay 2017, Sayf al-Islam wuxuu ku noolaa dhuumaaleysi gudaha magaalada Zintan si uu uga badbaado isku dayo dil, isagoo dhif iyo naadir xiriir la sameyn jiray dadka dibadda iyo gudaha ku sugan, sida uu sheegay Mustafa Fetouri oo ah falanqeeye reer Liibiya ah oo xiriir dhow la lahaa.

Mareykanka oo shaaciyey damac iyo qorshe dhaqaale oo uu ka leeyahay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) — Sare u qaadista hawlgallada militeri ee Maraykanku ka wado Soomaaliya ayaa la sheegay inay gacan ka geysan karto sidii loo soo saari lahaa kheyraadka dalka ee muddada dheer xayirnaa, iyadoo amniga oo hagaaga uu soo jiidan karo maalgashi caalami ah,  sidaas waxaa sheegay taliye sare oo ka tirsan taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).

Sarreeye Gaas John Brennan, oo ah ku-xigeenka taliyaha AFRICOM, ayaa sheegay in amni darrada ay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah iyo fursadaha ganacsi ee dalka yaalla.

Taliyaha ayaa ku dooday in cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya iyo dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ay yareyn karto halista amni, isla markaana ay ballaarin karto fursadaha ay heystaan shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay.

“Kheyraad dabiici ah ayaa ceegaaga Soomaaliya, balse xaaladda amni darro awgeed, Soomaalidu kama aysan faa’iideysan,” ayuu yiri Brennan, isagoo intaas ku daray in Soomaalidu haatan ay indhaha ku hayaan macdanta qaaliga ah iyo rajada laga qabo shidaalka badda.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa muddo dheer waxaa curyaamiyay colaado, kaabayaasha dhaqaalaha oo liita iyo khilaafyada siyaasadeed, iyadoo maal-gashadayaasha caalamiga ah ay ka caga-jiidayaan inay dalka soo galaan sababo la xiriira amniga iyo is-mari-waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Istiraatiijiyadda amniga iyo dhaqaalaha

Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkii dambe dadaal ugu jiray in amniga la sugo si loogu gogol xaaro dhismaha dekedaha, waddooyinka, iyo abuurista shaqooyin rasmi ah oo dhaafsiisan xoolaha nool iyo xawaaladaha.

Brennan ayaa xusay in kaalinta Maraykanka ay tahay inta badan la-dagaallanka argagixisada, balse wuxuu tilmaamay in maalgashiga gaarka ah—gaar ahaan kan ka imaanaya Maraykanka—uu noqon karo aalad lagu xoojiyo amniga mustaqbalka fog, isagoo abuuraya shaqooyin, isla markaana sare u qaadaya dakhliga dowladda si meesha looga saaro in dhallinyarada ay askareeyaan kooxaha hubeysan.

Wuxuu sheegay in Maraykanku uu bixiyo xogta sirdoonka, ilaalada cirka iyo taageerada duqeymaha, halka ciidamada Soomaalida ay fuliyaan hawlgallada dhulka. Taliyaha ayaa si gaar ah u xusay guulaha laga gaaray waqooyiga dalka, halkaas oo ciidamada maamul goboleedka Puntland ay dib u qabsadeen dhul muhiim ah oo ay horay u heysteen dagaalyahannada Daacish.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso inay dalka u bandhigto suuq cusub oo leh kheyraad badan, haddana dadka fallanqeeya arrimaha dhaqaalaha ayaa digaya.

Waxay sheegayaan in si looga miro-dhaliyo kheyraadkaas, ay lagama maarmaan tahay in la helo sharciyo cad-cad, nidaam daah-furan oo qandaraasyada lagu bixiyo, iyo heshiisyo lagu kalsoonaan karo oo dhex mara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ku aaddan qeybsiga dakhliga.

Rajada laga qabo soo saarista shidaalka iyo macdanta ayaa sidoo kale dhalisay walaac ku aaddan musuq-maasuq iyo is-qabqabsi dhanka qandaraasyada ah, maadaama hay’adaha dowladda ay weli yihiin kuwo nugul.

Ugu dambeyntii, Brennan wuxuu sheegay in inkastoo mudnaanta koowaad ee Maraykanka ay tahay ilaalinta amniga dalkiisa, haddana guulaha laga gaaro amniga gudaha Soomaaliya ay dhiirrigelin karaan dhaq-dhaqaaq dhaqaale, taas oo iyaduna sii adkeyn karta xasiloonida.

Taliye Odowaa oo xilka wareejiyay maanta + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta si rasmi ah xilka u wareejiyay, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xilka u kala wareejiyay labada taliye, Wasiirka Gaashaandhigga, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Saraakiil ciidan iyo Marti sharaf kale oo la casuumay.

Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre hambalyo kadib sheegay in Ciidanka Qaranka ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, iyaga oo ka xoreeyey deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen, isla markaana cadowga u diiday jiif iyo nasasho, waxa uuna intaas raaciyey in dhawaan si buuxda looga ciribtiri doono dalka.

“Meesha aan taaganahay waa meel lagu ilaaliyo calanka Qaranka Soomaaliyeed, waana astaan sharaf iyo masuuliyad gaar ah leh. Haddii cadowga laga xorayn dalkeenna, horumar lama gaarayo, sidaas darteed, mudnaanta koowaad waa xoreynta deeggaannada ay ku sugan yihiin kooxaha Khawaarijta ah.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Dhankiisa Odowaa Yuusuf Raae oo munaasabadda ka hadlay ayaa ka warbixiyay wixii u qabsoomay intii uu xilka hayay, wuxuuna u mahadceliyay madaxda qaranka iyo ciidamada oo ku garab istaagay inuu shaqeeyo dalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu ballan qaaday inuu la shaqeyn doono taliyaha cusub, isla markaana uu ku gara istaagi doono mas’uuliyadda culus ee oo igmaday.

Taliyaha Cusub Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ah sarkaal da’yar oo xilka la wareegay ayaa isna sheegay in shaqada uu halkeeda kasii wadi doono, isla markaana uu xoogga saari doono xoreynta dalka iyo waajibaadka kale ee saaran.

“Waxaan rabaa inaan hortiinna ka caddeeyo inaan aqbalay xilka la ii idmaday, waxaanan ku faraxsanahay inaan xilka kala wareego Taliye Odowaa oo aan soo wada shaqeynay.” ayuu yiri Taliyaha Cusub ee Ciidanka Dalka

Gaashaanle Sare Ibraahim ayaa horay u haystay qeybta taakulada ee Ciidanka Xoogga Dalka, waana sarkaal tababar sare kusoo qaatay dalka Turkiga.

Isbeddalkan ayaa yimid, kadib soo jeedin ka timid dhinaca Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, taas oo ay ansixiyeen golaha wasiirradu.

Taliyihii hore oo laba jeer xilka soo qabtay ayaa lagu xasuusan doonaa doorkii uu ka qaatay xoreynta iyo shaqadii uu ka qabtay horumarka ciidamada, maadaama uu galiyay dadaal fara badan oo ku aadan dhismaha Xoogga Dalka.

Daawo: Doorasho xasaasi ah oo ka socota MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka socota doorashada Guddoonka Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed, taas oo ay ku tartamayaan illaa saddex musharrax oo kamid ah guddiga.

Xubnaha isku soo taagay xilkan ee maanta loolamaya ayaa kala ah Wasiir hore Maryam Qaasim Axmed, Farxaan Maaxamed Jimcaale iyo Cumar Cabdulle Calasow.

Ugu horreyn waxaa tartanka ka baxay oo tanaasulay Wariye hore Farxaan Maxamed Jimcaale, sidoo kalena soo noqday afhayeenka xukuumada hadda jirta, isaga oo sheegay inuu fursad siinayo musharixiinta kale ee tartameysa.

“Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan guddoomiyenimada, ma’ahayn go’aan waxa fudud waxaan sidaa u sameynayaa aniga oo kalsooni ku qaba musharrixiinta kale ee harsan oo awood iyo waayo aragnimo ku filan u haysta guddigan inay hoggaamiyaan” ayuu yiri Farxaan Maxamed Jimcaale.

Intaas kadib waxaa doorashada isugu soo haray Maryan Qaasim oo xilal kala duwan kasoo qabatay dowladihii kala duwana ee dalka soo maray iyo Cumar Calasow oo lasoo shaqeeyay howlgalka AMISOM ee hadda loo beddalay AUSSOM.

Doorashada oo hadda socota ayaa waxaa ugu cad-cad wasiir hore Maryan Qaasin oo loo saadaalinayo inay kusoo baxdo xilka Guddoomiyaha Guddia Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, taas oo khudbad u jeedisay xubnaha guddiga.

Maryan Qaasin ayaa xubnaha guddiga oo ka kooban 9 xubnood ka dalbatay inay siiyaan codkooda, iyada oo sidoo kale soo bandhigtay waxqabadkeeda iyo taarikhdeeda.

‘In aan isku sharaxo xilka Guddoomiyaha, igama ahan xil jacayl aniga horay aya usoo shaqeeyay qibrad waxaan leeyahay dhowr 40 sano ah saddex mar ayaan noqday wasiir, hay’ado caalami ahna waa kasoo shaqeeyay” ayay tiri  Maryan Qaasin.

Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay kala soo wareegtey Qaramada Midoobey maamulka xuquuqul-aadanaha dalka.

Imaaraadka oo DAL ahaan u casuumay Somaliland + Sawirro

0

Abu Dubai (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah lagu marti-qaaday Shir-weynaha Dawladaha Adduunka (World Governments Summit), kaas oo lagu qabtay magaalada Dubai ee caasimada dalka Isu tegga Imaaraadka Carabta.

Shirkan oo ah mid ballaaran, kana mid ah kulamada caalamiga ah ee ugu muhiimsan Dunida, ayaaa waxaa intiisa diiradda lagu saaraa hoggaaminta casriga ah, maamul-wanaagga, horumarinta Dawladnimada, iyo aragtida mustaqbalka caalamka.

Sanadkan waxaa Shirka World Governments Summit ka soo qayb-galay kumannaan qof, kuwaas oo isugu jiray Madax Dawladeed, Hoggaamiyeyaal Caalami ah, Ra’iisul-wasaarayaal, Wasiirro, Khubaro Caalami ah, Ganacsato waaweyn, iyo Wakiillo ka socda Hay’adaha waaweyn ee Caalamiga ah. Ka soo qaybgalka ballaaran ee heerkan ahi waxa uu muujinayaa miisaanka iyo saamaynta uu Shirku ku leeyahay jihaynta Siyaasadda iyo Horumarka Caalamiga ah.

Madaxtooyada Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay ka qayb-galka Madaxweyne Cirro oo sanadkii labaad ku metalay shirka, waxayna sheegtay in ay guul u tahay, isla markaana ay si cad u muujinayso doorka sii kordhaya ee ay Somaliland ku leedahay fagaareyaasha caalamka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu shirku socdo fursad u heli doona in uu kulammo midho-dhal ah la yeesho Hoggaamiyeyaal iyo masuuliyiin Caalami ah, isaga oo faahfaahin ka bixin doona horumarka, xasilloonida, iyo hiigsiga mustaqbal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa kale oo uu warsaxaafadeedku intaasi kusii daray “Ka qaybgalka  Shirkan Caalamiga ah waxa uu Somaliland u leeyahay faa’iido diblomaasiyadeed oo weyn, maaddaama Jamhuuriyadda Somaliland ay codkeeda, aragtideeda iyo waayo-aragnimadeeda Dawladnimo ka dhiibanayso Madal Caalami ah, taasi oo xoojinaysa xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga Caalamiga ah”.

Si kastaba, Somaliland oo sannadkii 2-aad oo xiriir ah ka qayb-gashay Shirka Caalamiga ah ee World Governments Summit ayaa sheegtay inuu astaan cad u yahay dedaallada joogtada ah ee ay Xukuumada Wadajir iyo Waxqabad ugu jirto xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed, kor u qaadista magaca iyo sumcadda Caalamiga ah, iyo halganka uu Qaranka JSL ugu jiro xaqiijinta Aqoonsi buuxa oo Caalami ah, iyada oo ay Somaliland si kalsooni iyo ku-dhacba leh uga muuqanayso Masraxayada Caalamka.

Wefdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland waxaa ka mid ah: Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Talaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawaan Dowladda Federaalka ay cayrisay Imaaraadka Carabta, iyada oo ka laabatay dhammaan heshiisyadii horay loola galay kadib xadgudub uu u gaystay madax-banaanida Soomaaliya.

 

Faah-faahinta Mareykanka oo soo riday diyaarad ay leedahay Iran

0

Washington (Caasimada Online) –  Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in diyaarad aan duuliye laheyn ee loo yaqaanno drone-ka nooca Shahed-139 oo ay leedahay Iiraan, taasoo ku dhawaatay markabka diyaaradaha qaada ee Abraham Lincoln, lagu beegsaday laguna soo riday diyaarad dagaal oo Mareykan ah nooca F-35.

Afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), Captain Tim Hawkins oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay tallaabadan loo qaaday si is-difaac ah, si loo ilaaliyo markabka iyo shaqaalaha saaran.

“Diyaarad dagaal oo F-35 ah oo ka timid markabka diyaaradaha qaada ee Abraham Lincoln ayaa soo ridday diyaaradda aan duuliyaha laheyn ee Iiraan leedahay si is-difaac ah, si loo ilaaliyo markabka iyo shaqaalihiisa,” ayuu yiri Captain Tim Hawkins.

Sidoo kale, Wax yar ka hor intaan wararkan la shaacin, wakaaladda wararka Reuters iyo CBS, oo ah shabakadda lag aleeyahay Mareykanka ayaa sheegay in militariga Mareykanka uu soo riday drone Iiraan leedahay oo ku soo dhowaatay markabka USS Abraham Lincoln ee ku sugnaa Badda Carabta.

Markabka diyaaradaha qaada ee Abraham Lincoln ayaa bilaabay safarkiisa isagoo ka soo baxay Badda Koonfurta Shiinaha kuna wajahnaa Bariga Dhexe 14-kii Janaayo, waxaana la sheegayaa in hadda uu ku dhow yahay xeebaha Cumaan.

Weerarkan ayaa uga sii daraya xiisadda Mareykanka iyo Iran ee ka taagan bariga dhexe, taas oo cirka isku sii shareereysa marba marka ka damabeysa.

Xiisadda ayaa haatan gaartay meeshii ugu sarreysay, kadib markii xukuumadda Tehran iyo isbahaysigeeda gobolka ay ku hanjabeen tallaabooyin milatari oo adag, xilli ciidamada badda Mareykanka ay soo dhoobteen biyaha Gacanka Carabta.

Dhaq-dhaqaaqan milatari ee cusub ayaa yimid kadib markii Donald Trump uu amray in cudud milatari oo dheeraad ah la geeyo gobolka, tallaabadaas oo lagu macneeyay mid cadaadis lagu saarayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Si kastaba, ha’ahaatee arrintan ayaa sii kululaatay kadib markii dowladda Iran ay qaadday tallaabooyin adag oo ay ku caburineyso dibad-baxyada gudaha dalkaas ka socda, taasoo keentay in Mareykanku uu ka digay cawaaqib xumo.

NISA oo howlgal culus ku dishay xubno Al-Shabaab ah, kuna burburisay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal culus oo xalay saq-dhexe ka dhacay deegaanka Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaday in howlgalkaas oo ay iska kaashadeen ciidamadeeda iyo saaxibada caalamiga ah lagu dilay ugu yaraan illaa 7 dhagar-qabe oo ku sugnaa goobta la beegsaday.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku dartay in la burburiyay kayd hub ah oo ay kooxda ku lahayd halkaasi, kadib markii lala helay gantaal culus.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay ilaa toddobo (7) dhagar-qabe oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta, iyada oo sidoo kale weerarkaas lagu burburiyay kayd hub iyo xarumo gabbaad u ahaa Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay NISA.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in howlgalkan uu daba socday weerarrada lagu hayo kooxda ee maalmahan ka dhacayay Shabeellaha Hoose.

“Howlgalkan oo la fuliyay xalay gelinkii dambe ayaa daba socday howlgalkii maalmo ka hor lagu bartilmaameedsaday koox Horjoogeyaal ah oo ku shirayay guri ku yaalay deegaanka Maxaa Saciid ee isla Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu soo afjaray nolosha ilaa shan Horjooge halka seddax kalana dhaawac culus lagu gaarsiiyay”. ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhinaca kale, waxaa digniin loo diray dadka shacabka ah ee ku sugan deegaannada ay joogaan maleeshiyada Al-Shabaab, iyaga oo ka codsaday inay ka fogaadaan, si aysan waxyeelo uga soo gaarin weerarrada lagu hayo.

“Markale, waxaa lagu wargelinayaa dadka rayidka ah in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaariijta, oo mar kasta bartilmaameed u ah Ciidanka Qaranka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454” ayaa lasii raaciyay.

Duqeyntii ugu dambeysay oo ka dhacday deegaanka Maxaa Siciid ayaa waxaa dhibaato ay kasoo gaartay dad rayid ah oo ganacsato ay ku jirtay, kuwaas oo kooxd u yeertay, kadibna waxa ay la kulmeen howlgal cirka ah oo lagu qaaday, kaas oo sidoo kale ay ku dhinteen horjoogayaal ka tirsanaa argagixisada.

 

DF oo war cusub kasoo saartay gogosha Xasan ee Golaha Mustaqbalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo galabta warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay dib u dhaca ku yimid wada-hadallada la filayo inay yeesheen Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka ee looga hadlayo xaaladda cakiran, gaar ahaan Dastuurka iyo Doorashooyinka.

Ugu horreyn dowladda dhexe ayaa ku celisay in weli ay fidsantahay gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay adkaynayso inuu qabsoomo shirkaaas, muhiimadduna ay tahay ilaalinta midnimada dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliyaiyada oo ka duulaysa mas’uuliyadda qaran ee ka saaran ilaalinta midnimada dalka wada-jirka bulshada Soomaaliyeed, iyo xoojinta hannaan wada-tashi ku dhisan, waxay mar kale adkaneysaa in gogosha wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ay fidsantahay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, waxayn dowladdu wax laga xumaado ku tilmaamtay is hortaaggii lagu sameeyay ciidamadii ay iska soo hormariyeen madaxweynayaasha Jubbaand iyo Puntland oo qayb ka ah shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho, arrintaas oo sababtay in wufuuddii imaan lahayd caasimada ay dib u dhacaan.

“Waxaa nasiib darro ah dhacdadii dhacday 1-dii Febraayo 2026 iyo dib u dhicii ku yimid qaar kamid ah wufuudii Golaha Mustaqablka” ayaa markale lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa ku sheegtay in ay diyaar u tahay in khilaafka taagan lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad, iyada oo la tixgelinayo xaaladaha adag ee ka taagan dalka, sida abaaraha iyo dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay rajo wanaagsan ka muujisay in shirka uu guulesto, isla markaana wada-hadalladu ay noqdaan kuwa mirodhala.

“Waxaan rajanaynaa in shirkan uu noqdo mid mirodhal ah, dhinacyaduna niyad wanaag ku wajahaan” ayaa lagu soo gababageeyay qoraalka.

Screenshot

Diyaaradaha dagaalka F-16 oo dhoolatus ciidan ka sameeyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ayaa saaka sameeyay dhoolatus milatari oo ka dhacay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku duulayay joog hoose.

Diyaaradahan oo ah kuwa ugu casrisan ee ay soo saarto dowladda Maraykanka ayaa dhawaan waxaa magaalada Muqdisho keentay dowladda Turkiga.

Saaka qeybo kamid ah Muqdisho waxaa lagu arkayay diyaaradaha F-16 oo ku socda joog hoose, waxaana wehlinayay diyaarado qumaatiga u kaca ah oo Turkigu horay u keenay dalka, kuwaas oo haatan ay ku shaqeeyaan Ciidamada Cirka Soomaaliya.

Dhoolatuskan ayaa waxaa qayb ka ahaa ciidamo ka tirsan Cirka Soomaaliya oo wada-shaqeyn dhow la leh kuwa Turkiga ka socda.

Iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay Soomaaliya u soo dirtay saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.

Turkiga ayaa sidoo kale xoojiyay joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka. Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaarro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka, iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawl-galinta iyo taageerada farsamo.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in keenista diyaaradahaasi ay si dhow ula xiriirto qorshayaasha qodista shidaalka badda oo la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadkan, iyo hindisaha kale ee dhismaha saldhig dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho.

Arrimahan ayaa lagu fasiray kuwo sii xoojinaya iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, tamarta iyo tiknoolajiyadda, iyadoo Ankara ay kordhinayso joogitaankeeda iyo saameynteeda gobolka.

Switzerland oo ballan-qaad muhiim ah u sameysay Soomaaliya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Switzerland, kaas oo isla maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wadigan ayaa waxaa hoggaaminaysa Agaasimaha Guud ee Hay’adda , Danjire Patricia Danzi, oo ballan qaad culus u sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Switzerland, gaar ahaan dhinacyada maamul wanaagga, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo gargaarka bani’aadannimo, maadaama ay dalka ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn hadalka qaatay ayaa uga mahadceliyay dowladda Switzerland taageerada joogtada ah, gaar ahaan mashaariicda horumarinta dhaqaalaha, isaga oo xusay in doorka Switzerland uu yahay mid muhiim u ah dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimilada.

Dhankooda wafdiga Switzerland oo ka mahadceliyay qaabilaadda, ayaa ballan qaad u sameyay dowladda Soomaaliya, wuxuuna xaqiijiyay, sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada Switzerland iyo ballaarinta mashaariicda horumarineed, si loo xoojiyo iskaashiga muhiimka u ah labada dal.

Xamza ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay qaabilay wufuud iyo diblumaasiyiin sar sare oo ka socda qaar ka mid ah dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, iyada oo xukuumaddu ay sheegtay in kulamadaas ay qeyb ka yihiin xoojinta difaaca qaranimada kadib duulaankii qaawanaa ee Israa’iil kusoo qaadday midnimada dalkeena.

Waxaa kale ay xukuumaddu intaasi kusii dartay in qaabilaadda diblumaasiyiinta ay ka tarjumayso sii xoojinta xiriirka caalamiga ah iyada oo la-tixgalinayo shuruucda iyo qawaaniinta dhaqanka diplomaasiyadeed iyo xeerarka u degsan dunida ee ilaalinta qaranimadda dalalka madaxa bannaan iyo in aan la farogalin arrimahooda gudaha.

Sawirro: R/wasaare Xamza oo maanta xarigga ka jaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray waddo casri ah oo dhererkeedu yahay ku dhowaad 2km, taas oo laga hirgeliyey degmada Wadajir, gaar ahaan Buulo-Xuubey.

Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda Dan-Qaran ay ku horumarinayso kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda Muqdisho.

Waddadan ayaa Ra’iisul Wasaaruhu horey u dhagax-dhigay 4-tii November 2025, waxaana lagu hirgeliyey muddo 3 bilood gudahood, iyada oo loo dhisay si casri ah, tayo sare leh, taas oo muujineysa isbeddelka dhanka dhismaha waddooyinka ee ka jira caasimadda, si loo helo dhismaha kaabayaal waara oo u adeegaya shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in horumarka kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda uu yahay tiir muhiim u ah kobaca dhaqaalaha, fududeynta isku socodka, qurxinta bilicda magaalada iyo xoojinta amniga.

Waxa uu tilmaamay in waddadan ay door weyn ka qaadan doonto isbeddelka muuqaalka Degmada Wadajir.

Sidoo kalr wuxuu sheegay in 10 sano ka hor aan la filayn in xaafaddan ay gaarto heerkan horumarineed, balse dadaal wadajir ah oo u dhexeeya xukuumadda Dan-Qaran, maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka ay suuragelisay in Muqdisho ay maanta ka mid noqoto caasimadaha sida xawliga ah u kobcaya ee caalamka, isaga oo uga mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanka in ay ilaashadaan, amniga, bilicda, quruxda waddooyinka iyo hantida danta guud, isla markaana ay ka shaqeeyaan in magaca iyo sumcadda Muqdisho aan dib loogu celin dhibkii ay soo martay. Isaga oo sidoo kale, kula dardaarmay in dhirayn iyo cagaarin lagu daro dhismaha waddooyinka, si loo helo magaalo qurux badan.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in xukuumadda Dan-Qaran ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic waaweyn oo horumarineed, kuwaas oo wax ka beddelaya nolosha shacabka, isla markaana xoojinaya kaalinta Muqdisho ee caasimad casri ah.

Guddigii uu magacaabay Xamza oo qaaday tallaabadii u horreysay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi heer qaran ah ee uu dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre u magacaabay inay ka shaqeeyaan arrimaha la-dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, tan iyo markii la magacaabay.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), yada oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha guddigan oo wasiirro u badan, kuwaas oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu ciribtirayo tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka, iyo xoojinta iskaashiga hey’adaha dowladda ee ku hawlan arrimahan.

Guddiga ayaa sidoo kale ku balamay inay bilaabaan ka guul gaaridda shaqada culus ee loo igmaday, iyaga oo kaashanaya ciidanka amniga, si looga hortego kooxaha ka shaqeeya tahriibinta oo aad ugu soo badanaya gudaha dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan wadday qorsheyaal guud oo lagu ciribtirayo tahriibka, waxaana howlgalka xooggiisa laga dareemay garoonka Aadan Cadde oo inta badan la mariyo dadka socdaalayo, iyaga oo sii mara Masar iyo waddamo kale, si ay u gaaraan qaaradda Yurub.

Inta badan dadka baxaya ayaa isugu jiro gabdho wiilal dhalinyaro ah oo sii mara waddo halis badan iyo marinno badeed, halkaas oo ay kala kulmaan dhibaatoiyin nololeed, halka qaarkoodna ay dhex ku waayeen naftooda.

Si kastaba, dadkan ka cararaya dalkooda ayaa sabab uga dhigaya shaqo la’aanta jirta, iyagoo ku doodaya in raadsanayaan nolol dhaanta tan ay haystaan

 

Soomaaliya iyo Ruushka oo kala saxiixday heshiis cusub oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan iyo Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Ruushka, H.E Oleg Salagay ayaa magaalada Geneva ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga caafimaad ee labada dal.

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in la adkeeyo xiriirka wada-shaqeyneed ee dhinaca caafimaadka, isaga oo saldhig u noqonaya iskaashi ballaaran oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaad ee Soomaaliya.

MoU-ga ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta nidaamka daryeelka caafimaadka, tayaynta adeegyada jira, iyo tababaridda shaqaalaha caafimaadka si loo kordhiyo aqoontooda iyo xirfaddooda.

Sidoo kale heshiisku wuxuu xoojinayaa wadaagidda khibradaha iyo cilmi-baarista caafimaad, ka hortagga iyo daaweynta cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin, iyo nidaaminta daawooyinka iyo qalabka caafimaadka.

Qodobbada kale ee heshiiska ku jira waxaa ka mid ah horumarinta daryeelka hooyada iyo dhallaanka, hirgelinta tiknoolajiyada dhijitaalka ah ee caafimaadka, daawada nukliyeerka, iyo dhiirrigelinta dalxiiska caafimaadka.

Iskaashigan cusub ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kor u qaadista tayada adeegyada caafimaad ee dalka iyo xoojinta awoodda hay’adaha caafimaadka ee Soomaaliya.

Wasiirrada labada dal oo kulan gaar ah yeeshay kadib saxiixa heshiiska, ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka qotada dheer ee dhinaca caafimaadka.

Sidoo kale waxay si wadajir ah u adkeeyeen in is-afgaradkan si hufan loo dhaqan-geliyo, si looga miro-dhaliyo natiijooyin wax ku ool ah oo u adeegaya danaha wadajirka ah ee labada dowladood.

Maxay ka wada-hadleen Somalia iyo Koonfur Afrika? + Sawirro

0

Pretoria (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo haatan ku sugan magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ayaa maanta kulan la yeeshegay dhiggiisa dalkaasi Ronald Lamola, oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Kulankan oo ahaa mid su heer sare ah loo sii agaasimay ayaa waxaa goobjoog ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq iyo xubno kale oo kamid ah wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalka Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.

Labada wasiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika iyo horumarinta iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo badan leh.

Sidoo kale, waxay ka wada-hadleen ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta awoodda aadanaha, iyo beeraha.

Waxaa kale oo ay si wada-jir ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo tallaabooyin wax ku ool ah oo keena natiijooyin la taaban karo oo ay ka faa’iideystaan labada shacab.

Wasiir Cabdisalaan oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dowladda Koonfur Afrika taageerada mabda’a ku dhisan ee ay si joogto ah ugu muujiso madax-bannaanida, midnimada, iyo amniga Soomaaliya.

Dhankiisa wasiirka xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ronald Lamola, ayaa isaguna adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo is-waafajinta mowqifyada ay ka wadaagaan fagaarayaasha goboleed iyo kuwa caalami ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, xasilloonida, iyo horumarka waara.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Koonfur Afrika aya waxaa haatan ka dhexeey xiriir xooggan oo diblumaasiyadeed, kaas oo ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

Haweenaydii dishay Saabiriin oo saaka lagu toogtay Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Gaalkacyo lagu toogtay Hodan Maxamuud Diiriye, oo hore maxkamad ugu heshay dambiga dilka Saabiriin Cabdulle Saylaan, uguna xukuntay dil toogasho.

Xukunka Hodan ayaa waxaa lagu fuliyay fagaaraha toogashada ee magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta laamaha cadaaladda.

Dilkan ayaa waxaa fuliyay dhaxlayaasha marxuumadda, iyadoo maxkamadda gobolka Mudug ay sheegtay in fulinta xukunka ay u dhacday si waafaqsan shareecada Islaamka.

Allaha u naxariistee Saabiriin Cabdulle Saylaan oo 14 sano jir ahayd ayaa si arxan-darro ah loo dilay, xilli ay kula noolayd Hodan gurigeeda.

Kiiskan ayaa noqday mid aad u gilgilay bulshada, maadaama uu xambaarsanaa dhacdooyin murugo leh oo naxdin badan.

Intii ay socotay maxkamadeynta, waxaa la soo bandhigay caddeymo ay ka mid ahaayeen muuqaallo muujinaya sida falka dilka ah u dhacay, kuwaas oo si weyn u taabtay dareenka bulshada Soomaaliyeed.

Go’aanka maanta la fuliyay ayaa si weyn loo sugayay, waxaana si gaar ah u soo dhaweeyay ehellada marxuumadda, kuwaas oo muddo dalbanayay in deg-deg loo toogto haweeneyda dishay gabadhooda.

Mareykanka oo shaaca ka qaaday in halis uga iman karta Soomaaliya ay ku qasabtay…

Washington (Caasimada Online) — Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah iyo hawlgallada milatari ee ay ka fuliso gudaha Soomaaliya, sababo la xiriira in looga hortago in kooxaha xagjirka ah ay helaan fursad ay ku qorsheeyaan weerarro ka dhan ah amniga gudaha Mareykanka.

Hadalkan waxaa shaaca ka qaaday Jeneraal John Brennan, oo ah Taliye Ku-xigeenka Taliska Milatariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), isagoo ka digay “khataro la xiriira Daacish” oo ka soo unkamaya shabakado ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo hiigsanaya inay abaabulaan weerarro ka dhaca Mareykanka iyo Qaaradda Yurub.

Jeneraal Brennan ayaa sheegay in istiraatiijiyadda Mareykanka ay tahay in cadaadis joogto ah la saaro xarumaha kooxahan, si loo carqaladeeyo awooddooda qorsheynta hawlgallo waaweyn.

“Marka koox argagixiso ah oo haysata dhaqaale, sida Daacish oo kale, la siiyo waqti iyo fursad, waxay geysan karaan weerarro halis ah,” ayuu yiri Jeneraalka, isagoo raaciyay in cadaadiska joogtada ah uu ku qasbo kooxahaas inay ku mashquulaan badbaadinta naftooda halkii ay qorsheyn lahaayeen weerarro dibadda ah.

Taliska AFRICOM ayaa beegsanaya dagaalyahannada xiriirka la leh kooxda Daacish iyo Al-Shabaab, kooxdaas oo gacanta ku haysa qaybo badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya, isla markaana dagaal kula jirta dowladda Federaalka iyo ciidamada amniga.

Taliye Brennan ayaa xusay in diiradda la saaray dhaq-dhaqaaqyada xagjirka ah ee ka soo wareegaya Bariga Dhexe una soo gudbaya Qaaradda Afrika. Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay joogitaanka hoggaamiyeyaasha Daacish ee silsiladda buuraha Golis ee Puntland, halkaas oo uu sheegay inuu ku dhuumaaleysanayo hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, iyo xubno kale oo muhiim ah.

Mareykanka ayaa sheegay inay si adag u baadi-goobayaan Muumin si meesha looga saaro “gabbaad kasta” oo ay kooxdu ku badbaadi karto.

Isagoo ka hadlayay qaabka hawlgallada, Brennan wuxuu sheegay in kaalinta Mareykanka ay isu beddeshay mid ku dhisan “talo-siin iyo caawinaad fog”, iyadoo ciidamada Soomaaliya ay fulinayaan inta badan hawlgallada dhulka, halka Mareykanku uu bixinayo taageero dhanka sirdoonka, sahanka, iyo duqeymaha cirka.

Dhinaca waqooyiga dalka, Brennan ayaa ammaanay guulaha ciidamada Puntland, isagoo sheegay inay dib u qabsadeen dhul ballaaran oo ay horay u maamulayeen dagaalyahannada Daacish. Hawlgalladaas oo gacan ka helay sirdoonka iyo duqeymaha Mareykanka ayaa lagu guuleystay in lagu qabto xubno ka tirsan kooxda iyo agabkoodii.

Mar uu ka hadlayay Al-Shabaab, Jeneraalka ayaa ku tilmaamay inay weli yihiin khatarta ugu weyn ee dalka ka jirta, isagoo ku sifeeyay inay yihiin garabka ugu awoodda badan uguna dhaqaalaha roon ee shabakadda Al-Qaacidda, iyagoo leh damac ah inay qabsadaan Muqdisho ayna xukunkooda ku baahiyaan Soomaaliya oo dhan.

Wuxuu sidoo kale soo bandhigay walaac cusub, isagoo sheegay in Al-Shabaab ay billaabeen inay xiriir iskaashi la sameeyaan kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Tallaabadan ayaa la rumaysan yahay inay Al-Shabaab u furi karto waddo ay ku helaan dhaqaale iyo khibrad dheeri ah, in kasta oo diiraddoodu ay weli saaran tahay gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Mareykanka ayaa sheegay inay xoojinayaan iskaashiga ay la leeyihiin dowladaha gobolka iyo maamullada maxalliga ah si loo joogteeyo cadaadiska saaran kooxahan.

Xog cusub: Xayiraadda ay DF saartay shirkadda Arkia iyo duulimaadkii ka caraysiiyey

Tel Aviv (Caasimada Online) — Warbixinno cusub oo uu daabacay wargeyska Israa’iil ee Haaretz ayaa daaha ka rogay tafaasiil ku saabsan sababta dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga mamnuucday shirkadda diyaaradaha ee Arkia inay isticmaasho hawada Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ku qasbtay shirkadda Arkia inay beddesho khadka duulimaadyadeeda ay ku tagto dalka Thailand, iyadoo hadda kadib mari doonta waddo ka duwan tii hore.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa lala xiriirinayaa xiisadda dibloomaasiyadeed ee ka dhalatay safar uu bishii hore Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, ku tagay Somaliland.

Wasiirka ayaa safarkaas ku raacay diyaarad ay leedahay shirkadda Arkia, waxaana safarkaasi yimid toddobaadyo un kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo aqoonsada Somaliland. Dowladda Soomaaliya oo Somaliland u aqoonsan gobol ka mid ah dhulkeeda ayaa si adag uga hortimid tallaabooyinkaas.

Isbeddelka dhanka hawada awgiis, Arkia waxay sheegtay inay hadda isticmaali doonto marinka waqooyi (northern route), iyadoo dul mari doonta dalalka Aasiyada Dhexe ka hor inta aysan u leexan dhanka koonfureed ee Thailand. Wareeggan cusub ayaa la filayaa inuu waqtiga duulimaadka ku kordhiyo hal saac oo dheeraad ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkadda Arkia ayaa lagu xaqiijiyay in inkastoo hawada Soomaaliya laga xiray, haddana aysan hakad gelin doonin jadwalka duulimaadyadooda Bangkok.

“Arrintan waxaa hadda gacanta ku haya kanaalada rasmiga ah ee dowladda Israa’iil, oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Duulista Rayidka, kuwaas oo kala shaqeynaya hay’adaha ay khuseyso sidii loo xalin lahaa,” ayaa lagu yiri bayaanka shirkadda. Waxay intaas ku dareen in inta xal laga gaarayo, ay sii wadayaan isticmaalka marinka waqooyi.

Dhinaca kale, Wasaaradda Gaadiidka Israa’iil ayaa toddobaadkii hore sheegtay in sababta loo diiday Arkia aysan caddayn, iyadoo ku tilmaamtay tallaabada Soomaaliya mid baal-marsan heshiiska caalamiga ah ee duulista hawada (ICAO Convention), maadaama Soomaaliya ay saxiixday heshiiskaas balse aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku aaddan diidmada.

Waxaa xusid mudan in Arkia ay toddobaadkii hal duulimaad ku tagto Bangkok, balse shirkadda ugu weyn dalkaasi ee El Al, oo toddobaadkii 16 duulimaad ku tagta Thailand, ay weli si caadi ah u isticmaalayso hawada Soomaaliya.

Faylasha Epstein oo shaaca ka qaaday sida Trump ugu afduubnaa sirdoonka Mossad

Washington (Caasimada Online) — Dokumeenti sir ah oo ay leedahay Hay’adda Dembi-baarista Mareykanka ee FBI-da, kaas oo Jimcihii la shaaciyay, ayaa soo bandhigay eedeymo xasaasi ah oo ku aaddan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xiriirro la sheegay inuu la lahaa sirdoonka Israa’iil.

Warbixintan oo qayb ka ah faylasha la xiriira maal-qabeenkii geeriyooday ee dambiyada galmada ku caanbaxay, Jeffrey Epstein, ayaa lagu sheegay in Trump uu “u afduubnaa” dowladda Israa’iil intii uu xilka hayay muddo xileedkiisa koowaad.

Sidoo kale, dokumeentiga ayaa tilmaamay in Epstein uu ahaa shakhsi la shaqeeya sirdoonka dibadda ee Israa’iil (Mossad), halka koox diimeed Yuhuud ah oo lagu magacaabo Chabad-Lubavitch ay isku dayday inay afduubato maamulkii Trump ee xilligaas.

Dokumeentigan oo la qoray sannadkii 2020-kii, qaybna ka ahaa baaritaan ay FBI-du ku sameynaysay faragelinta shisheeye ee doorashooyinka Mareykanka, ayaa soo xigtay ilo-wareed qarsoodi ah (Confidential Human Source).

Wuxuu sheegay in kooxda Chabad, oo ah urur diimeed xididdo ku leh Ruushka balse haysta xubno gaaraya 90,000, ay dadaal ugu jirtay inay la wareegto jihaynta madaxtooyada Trump. Kooxdan ayaa lagu tiriyaa inay xiriir dhow la leedahay siyaasadaha fog ee deegaamaynta Yuhuudda ee dhulka Falastiin.

Sida ku cad warbixinta, wiilka uu soddogga u yahay Trump, Jared Kushner, ayaa lagu tilmaamay “maskaxda dhabta ah” ee ka dambeysay maamulka Trump, isagoo taageero xooggan u hayay kooxdan.

“Maalintii Trump la doortay, gabadhiisa Ivanka iyo seygeeda Kushner waxay booqdeen qabriga Rabbi Schneerson, oo ahaa wadaadkii ugu awoodda badnaa shabakadda Chabad,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Ilo-wareedka FBI-da ayaa intaas ku daray: “Trump waxaa gacanta ku dhigay Israa’iil, waxaana arrimaha maamulkiisa hagayay Kushner.”

Xiriirka Epstein, Mossad iyo Ruushka

Dhinaca kale, warbixinta ayaa si qoto dheer uga hadashay Jeffrey Epstein, iyadoo ku tilmaamtay inuu ahaa wakiil u shaqeeya sirdoonka Mossad.

“Xogtu waxay na tuseysaa in Epstein uu ahaa wakiil ay qoratay Mossad,” ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo la xusay inuu xiriir dhow oo tobanaan sano ah la lahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Ehud Barak.

Barak, oo horey usoo noqday sarkaal sare oo dhanka sirdoonka milatariga ah, ayaa lagu eedeeyay inuu Epstein u tababaray hawlaha basaasnimo, isagoo in ka badan 30 jeer ku booqday guriga Epstein ee New York intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2017.

Dokumeentiga ayaa sidoo kale soo bandhigay iimayllo dhex maray labada nin, oo u muuqday kuwo si sarbeeb ah uga hadlaya xiriirkaas sirdoon.

Arrintan ayaa lagu xiriiriyay heshiiskii muranka dhaliyay ee Epstein uu galay 2008-dii, xilligaas oo dacwad-oogihii kiiska, Alex Acosta, loo sheegay in Epstein uu “ka tirsan yahay sirdoonka,” sidaas darteedna loola dhaqmo si ka duwan maxaabiista kale.

Ugu dambeyntii, warbixinta FBI-da ayaa xustay in kooxda Chabad ay xiriir la leedahay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyadoo loo sii marayo wadaadkooda Berel Lazar, kaas oo la sheegay in Putin uu u adeegsado inuu kula socdo dhaqdhaqaaqa maalqabeennada Yuhuudda ee Ruushka.

Report reveals why Somalia blocked Israeli airline Arkia

Tel Aviv, Israel – Somali authorities have denied airspace access to Israeli carrier Arkia, forcing the airline to divert Thailand-bound flights onto longer routes, following a high-profile Israeli diplomatic mission to the breakaway region of Somaliland, according to new details from Israeli media.

The airspace denial marks the first operational fallout since Israel became the first UN member state to formally recognise Somaliland’s independence in December 2025, a move Mogadishu condemned as a violation of its sovereignty.

According to reports by the Israeli daily Haaretz, Somali aviation officials rejected Arkia’s request to overfly the Horn of Africa, specifically because the airline had transported Israeli Foreign Minister Gideon Sa’ar to Somaliland’s capital, Hargeisa, last month.

The federal government in Mogadishu considers Somaliland an integral part of its territory and views unauthorized direct flights to the region as a breach of national security.

No ‘targeted’ ban

Officials in Mogadishu rejected claims that they arbitrarily targeted the Israeli carrier, insisting instead that they were enforcing standard aviation protocols regarding the breakaway region.

Mohamed Abdi Osman, Director of Information at Somalia’s Ministry of Transport and Civil Aviation, described reports of a political boycott against Arkia as “baseless.”

“The Federal Government of Somalia has not targeted any specific company. It has not banned any company from using the airspace without following the legal aviation process,” Osman told the BBC.

However, Osman linked the restrictions to the airline’s operations in Somaliland, which Mogadishu refers to as the “Northern regions.”

“Any flight activity towards the Northern regions is a national duty related to protecting the unity and sovereignty of Somalia’s land and airspace,” Osman said. He added that the government would not tolerate violations of its territorial integrity.

Israel’s Transportation Ministry disputed Mogadishu’s framing, stating that Somali authorities offered no transparency regarding the decision.

“Somali authorities didn’t provide details on the reason behind the refusal, which is a violation of the Convention on International Civil Aviation,” the ministry said in a statement, noting that Somalia is a signatory to the ICAO treaty.

Operational impact

The dispute has forced Arkia to abandon its direct flight path over the Red Sea and the Horn of Africa.

The airline announced it has activated a “northern route” for its Bangkok service, which traverses the airspace of Central Asian nations before turning south toward Thailand.

The diversion adds approximately one hour to the flight time, increasing fuel consumption and operational costs.

“Until approval is received… Arkia has updated the flight path,” the company said, confirming that “the matter is being handled through official channels of the State of Israel.”

Arkia emphasized that flight schedules would remain unchanged despite the longer duration.

Diplomatic crisis

The aviation standoff stems from a deepening rift in the Horn of Africa.

On December 26, 2025, Israel formalized diplomatic ties with Somaliland, a former British protectorate that declared independence in 1991 but had lacked international recognition for 34 years.

Israeli officials view the partnership as a strategic imperative, securing a foothold near the Bab el-Mandeb strait—a critical choke point for global shipping that faces persistent threats from Yemen’s Houthi rebels.

Reports suggest the deal could grant Israel access to the port of Berbera for logistical purposes.

Somalia, supported by regional allies Egypt and Turkey, views the recognition as an act of aggression. A joint statement from the three nations last month warned that the move sets a “dangerous precedent” for stability in the Horn of Africa.

Risks for El Al

While Arkia operates only one weekly flight to Bangkok, the ban raises concerns for Israel’s flag carrier, El Al, which operates 16 weekly flights to Thailand through Somali airspace.

El Al currently holds a valid overflight permit that expires in March. Aviation analysts warn that if Mogadishu expands the restriction to include El Al upon renewal, it would significantly disrupt Israel’s primary air corridor to Southeast Asia.

Until recently, international bodies managed Somalia’s airspace from Nairobi.

However, the federal government in Mogadishu has successfully reasserted full control over its Flight Information Region (FIR), providing it with the legal and technical capacity to enforce airspace bans.

Arkia said the Foreign Ministry and Civil Aviation Authority are currently mediating with “relevant bodies” to resolve the impasse.

Somali president lifts security curbs on regional leaders as MPs brawl

Mogadishu, Somalia Today – Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Monday lifted restrictions on opposition leaders’ security details, reversing a blockade that sparked a diplomatic outcry. However, the move failed to quell a bitter political standoff as violence erupted in the national parliament.

The concession, which followed intense pressure from international partners, aimed to salvage crucial election talks in Mogadishu.

Yet the leaders of semi-autonomous Puntland and Jubaland refused to travel, demanding a formal apology from the government for turning back their advance teams on Sunday.

The deadlock threatens to derail efforts to finalize a new electoral model for the Horn of Africa nation, where tensions between the central government and regional administrations have reached a boiling point.

The crisis began on Sunday when federal authorities at Mogadishu’s Aden Adde International Airport blocked flights carrying advance security teams for Puntland President Said Abdullahi Deni and Jubaland President Ahmed Madobe.

Aviation officials ordered the aircraft, which were carrying heavy weaponry and personnel, to turn back mid-air.

The government defended the move at the time, citing a violation of security protocols for the high-security Halane base where the talks were set to be held.

Regional leaders slammed the incident as a “hostile act” intended to sabotage the dialogue, which directly led to the current impasse.

Presidential u-turn

Sources close to the presidency confirmed to Somalia Today that Mohamud now authorized Puntland President Said Abdullahi Deni and Jubaland President Ahmed Madobe to bring their full security contingents to the capital.

“The President authorized the leaders to arrive in Mogadishu with their full security contingents and weaponry, without any preconditions,” a senior official said on condition of anonymity.

In a further move to de-escalate the crisis, Mohamud dispatched a delegation of traditional elders and business leaders to the opposition coalition, known as the Somali Future Council.

The mediators seek to convince the opposition to return to the negotiating table for the National Consultative Council (NCC) summit.

Nonetheless, the opposition remains defiant. Officials from Puntland and Jubaland told Somalia Today they would not travel to Mogadishu solely on the reversal of the ban.

Instead, they demanded a public apology and “guarantees of safety,” arguing the government deliberately endangered their personnel by ordering their flights to turn back mid-air on Sunday.

“We cannot trust a government that plays games with the lives of our security teams,” a Jubaland official said. “We need accountability for yesterday’s hostile action.”

Brawl in parliament

Meanwhile, as the executive branch scrambled to save the talks, the legislature descended into chaos.

Speaker Sheikh Adan Mohamed Nur, also known as Adan Madobe, abruptly adjourned a session of the House of the People on Monday after a brawl broke out between pro-government lawmakers and opposition MPs.

Violence flared when the Speaker attempted to extend the session to continue debates on controversial constitutional amendments.

Opposition MPs, hailing largely from Puntland and Jubaland, blew whistles and shouted down the Speaker, insisting the session close constitutionally.

Witnesses described mayhem in the chamber as lawmakers exchanged punches and threw chairs. Consequently, MP Adar Hared suffered injuries in the scuffle and received treatment at a Mogadishu hospital.

“I am speaking on behalf of the leadership… we are adjourning the session today to cool the tempers,” Speaker Madobe announced after security officers intervened.

“Parliament will not close, and the work will continue, but we want to listen to our brothers and hear their grievances.”

Moreover, security forces barred independent media from entering the parliament building and deployed heavy reinforcements to the perimeter.

Diplomatic pressure

The standoff drew sharp rebuke from Somalia’s international partners, who fear political infighting will distract from the war against Al-Shabaab insurgents.

The United Nations and European Union issued statements expressing “regret” over the government’s initial decision to block the regional security teams.

The UN mission (UNTMIS) urged a “rapid completion” of preparations so dialogue could begin, regretting that authorities failed to grant “necessary technical clearances.”

Similarly, EU Ambassador Francesca Di Mauro called the incident a “shame” and urged all sides to find a “conducive environment” for talks.

The talks aim to resolve a dispute over the government’s push for a “one-person, one-vote” electoral system. The opposition argues the administration is rushing these changes without consensus to consolidate power.