25.8 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa ku hoyanaya dalka…

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi si diirran loogu soo dhoweeyay, iyadoo ay qaabileen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Qatar.

Inta uu ku sugan yahay dalka Qatar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulamo miro-dhal ah la yeelan doonaa madaxda iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi.

Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka qeyb-geli doona Madasha Telefishinka Al-Jazeera oo ka qabsoomaysa magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, si loo dardargeliyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.

Ujeeddada guud ee socdaalkan ayaa ah adkeynta danaha qaranka, horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Afar dowlad-goboleed oo Xasan Sheekh ku wargeliyay inay qaadaceen…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa si wadajir ah u qaadacay ka qeyb-galka tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo ay ugu yeertay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tartankan oo uu taaba-gelinayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayey afartan maamul si cad u diideen ka qeyb-galkiisa, iyagoo diidmadooda ku saleeyay go’aan horey uga soo baxay Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee afartan dowlad-goboleed.

Maamulladan ayaa sheegay in aysan wax wada-shaqayn ah la yeelanayn Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, oo uu haatan hoggaamiyo Wasiir Mukhtaar Roobow, oo ay eedeeyeen.

“Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ah taaba-galiyaha tartankaan waxaan la socodsiineyna in aanaan qeyb ka aheyn tartankaas, diyaarna aanan u aheyn inay dowlad-goboleedyadu ka qeyb galaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee maamullada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaan si cad u muujinaynaa in aysan jirin habayaraatee wax wada-shaqayn ah oo ka dhaxaysa Wasaaradaha maamul goboleedyada iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka, taas oo ka dhalatay ku-guul-darreysiga Wasaaradda Federaalka ee gudashada waajibaadkeeda dastuuriga ah ee wada-shaqaynta iyo isku-xirnaanta hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

KU: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Mohamud

Ujeeddo: Qaadicid Ka Qeybgalka Tartanka Qaranka ee Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakeesan ee Rmadan.

Annagoo ah Wasiirrada Wasaaraddaha Awqafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari, waxaan si wadajir ah u soo saarnay Bayaan rasmi ah, annagoo ka duulayna Mas’uuliyadda na saaran ee daryeelka arrimaha diinta, Awqafta, iyo danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Annagoo Tixraaceyne Warqad Ka soo Baxday Wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Ref: WAAI7/017/2026 kuna Taariikheesan 5/01/2026 taas oo loo diray Wasiirrada Wasaaraddaha Awqafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya Loogana Codsanaayey in ay soo Gudbiyaan Ergada iyo Ardeydii uga qeybgal laheed tartanka Quraanka kariimka ah Heer Qaran bisha barakeesan ee Ramadan kaas uu taaba galiyay Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud oo ay qabato Wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Haddaba, Waxaan halkaan ka cadeyneynaa in aan gabi ahaanba Wax tartan ah oo qabaneyso Wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Islaamka XFS aanan ka qeyb gali doonin wax Ergo iyo Arday ah oo tartankaas nagu matalana aanan soo diri doonin.

Qaadicida Tartankaan waxey daba socotaa Gabi ahaanba Markii aan hakinay Wadashaqeyntii aan laheeen Wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaanka Wasaaradda oo ku guul dareestay Xalinta Cabashooyinka ay qabaan Wasaaraddaha Awqafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ah Taabaha Galiyaha tartankaan waxaan La socodsiineyna inaaanaan qeyb ka ahyn Tartankaas Diyaarna aanan u aheyn inay Dowlad Goboleedyadu ka qeyb galaan.

Waxaan si cad u muujinaynaa in aysan jirin habayaraatee wax wada-shaqayn ah oo ka dhaxaysa Wasaaradaha Maamul Goboleedyada iyo Wasaaradda Aw-Qafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka, taas oo ka dhalatay ku-guul-darreysiga Wasaaradda Federaalka ee gudashada waajibaadkeeda dastuuriga ah ee wada-shaqaynta iyo isku-xirnaanta hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidaa darteed, annagoo ilaalinayna midnimada hawlgalka wasaaradaha diinta, isla markaana ku adkaysanayna Mabda’a wada-shaqaynta iyo wada-tashiga, waxaan si wadajir ah u go’aansanay:

In aanan ka qayb-gelin wax tartan, Munaasabad ama hawl-qaran oo ay qabato Wasaaradda Aw-Qafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka, oo uu ugu Horeeyo tartanka Heer Qaran ee Quraanka kariimka ah, ilaa iyo inta Wasaaradda Federaalka ay si rasmi ah ugu soo laabanayso jidkii wada-shaqaynta, wada-tashiga, iyo ixtiraamka Dowlad-Goboleedyada.

Kadib War Saxaafadeedkii hore ee aan kaga cabannay wada-shaqeyn la’aanta joogtada ah ee Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqafta ee Dowladda Federaalka, waxaa nasiib darro ah in halkii laga sixi lahaa khaladaadka, uu Wasiirku bilaabay isku dayo uu ku kala furfurayo mowqifka mideysan ee Dowlad Goboleedyada, isagoo si gaar ah ula xiriiraya Dowlad Goboleedyada si gooni-gooni ah, una raadinaya in loo soo diro ardayda ka qeybgaleysa Tartanka Qur’aanka Kariimka.

Waxaan si cad u caddeyneynaa in tallaabadaasi ay tahay mid baalmarsan nidaamka wada-shaqeynta Federaalka, kuna xadgudbeysa xaqa Dowlad Goboleedyada, isla markaana sii wiiqeysa kalsoonidii iyo is-afgaradkii lagu dhisay wada shaqeynta Wasaaradaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Arrimahaasi waxay si cad u muujinayaan in Wasiirku uusan diyaar u ahayn wada-shaqeyn dhab ah, una si joogto ah u baalmarayo nidaamka Federaalka, xuquuqda Dowlad Goboleedyada iyo mabda’a wada-tashiga qaranka.

Waxaan Madaxweynaha ka codsaneynaa inuu si degdeg ah u qaado tallaabo ku habboon si loo ilaaliyo nidaamka Federaalka, loona xaqiijiyo in Dowlad Goboleedyadu helaan xaqooda sharci iyo ka-qeybgal buuxa oo ku saleysan wada-tashi, is-ixtiraam iyo isla-xisaabtan.

Madaxda ugu Sareyso Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaan la socodsiineynaa in aan Gabi ahaanba aana ka qeybgal doonin wax tartan heer Qaran ah oo ay qabaneyso Wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Islaamka XFS ayna Qaadeyso Masuuliyadda wixii ka dhasho Qabashada Tartanka Heer Qaran ah oo aan loo dhameen

Xildhibaanno kale oo laga joojiyay BF iyo xiisadda dastuurka oo kasii dareysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa caawa soo saaray go’aan rasmi ah oo 19 xildhibaan uga joojinayo kulamada baarlamaanka.

Xildhibaannadan ayaa laga joojiyay ka-qaybgalka 12 kulan oo ah fadhiyada wada-jirka ah ee labada gole, iyo fadhiyada kale Golaha Shacabka oo ka bilaabanaysa nmaalinta berri ah oo taariikhdu tahay 07/02/2026.

Xildhibaanadan oo ay kamid yihiin ayaa Xil. Cabdirashiid Xidig, Maxamed Geelle, Cali Mahdi Qalato, Yuusuf Gama’diid iyo Nasra Mahdi Maxamed ayuu guddoonka sheegay in kulamada looga joojiyay sabab la xiriirta qalalaasihii ka dhacay fadhigii u dambeeyay ee wadajirka ahaa.

Xubnaha ayuu guddoonku ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen qalalaasihii maalmo ka hor ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal. “Iyadoo la tixgalinaayo xaaladaha amniga, iyo in aysan soo noqon fowdo iyo carqaladeyn kale ee ka dhaca Golaha, kuwaas oo si toos ah u halis gelinaya badqabka Xildhibaannada, shaqaalaha Golaha Shacabka, iyo hannaanka gudashada waajibaadka Golaha Shacabka waxaa kulamada laga joojiyay xildhibaannadan.”

Go’aankan ayaa imanaya xilli maalinta berri ah ay Mudaneyaasha labada Aqal ee baarlamaanka u ballansan yihiin kulan ay kaga doodayaan wax ka beddelka dastuurka kadib markii kulamadii hore uu hareeyey ismarin-waa iyo buuq.

Guddoonka baarlamaanka ayaa doonaya in uu sii wado wax ka beddelka dastuurka oo gadaal ka riixayso Villa Somalia, taas oo xiisadda taagan uga sii dari karta, maadaama ay si adag u diidan yihiin xubnaha mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland.

Hoos ka aqriso magacyada Xildhibaannada laga joojiyay kulamada baarlamaanka:

  1. Xil. Abdirashid Mohamed Hidig
  2. Xil. Mohamed Jaamac Mursal (Geele)
  3. Xil. Abbas Ali Ibrahim
  4. Xil. Ali Mahdi Mohamed (Qalato)
  5. Xil. Nasra Mahdi Arale
  6. Xil. Ali Haji Dahir Saleban
  7. Xil. Abdirashid Jire Khalinle
  8. Xil. Mariam Aweis Jama
  9. Xil. Faduma Farah Adan (Faduma Nine)
  10. Xil. Said Ali Muse
  11. Xil. Ifrah Mohamed Awed
  12. Xil. Faisal Ahmed Mohamud
  13. Xil. Yusuf Mohamed Ismail (Barakaale)
  14. Xil. Ahmed Osman Ibrahim (Daqare)
  15. Xil. Yusuf Hussein Ahmed (Gama’diid)
  16. Xil. Daud Abdikarim Sh Omar
  17. Xil. Khadra Ahmed Mohamud
  18. Xil. Hassan Hurre Ugas
  19. Xil. Mohamed Abdirahman Nadif

Xarumihii u badnaa ee kooxda Al-Shabaab oo la burburiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal bartilmaameed ah ka sameeyay deegaanka Arabow oo hoostaga magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe

Howl-galkan ayaa waxa ay ciidanka ku burburiyeen xarumihii ugu waaweynaa ee koocda Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen falalka argagixiso.

Xarumaha howlgalkan lagu burburiyay waxaa ka mid ahaa; xaruntii siyaasadda iyo maamulka, xaruntii diyaarinta Qaraxyada, xafiisyadii marin-habaabinta (Al-kataa’ib) iyo xeradii tababarada maleeshiyaadka.

Sidoo kale waxaa howlgalkan lagu burburiyay dhisme ay deganaayeen Horjoogeyaal qaabilsanaa tababarada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.

Intii uu socday howlgalku waxaa halkaas lagu dilay siddeed xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalkaan ayaa ku soo dhammaaday si guul ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA).

Ciidanka hay’adda NISA oo door weyn ku leh gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa sidan oo kale maalmo ka hor howlgal qorsheysan ku dilay Horjooge Axmed Dhubad Xidig oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere.

Ninkan ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda gobolka Banaadir, kadib howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 27-kii Janaayo.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dul tagay guri uu ku dhuumanayay horjoogaha ayaa toogtay, sida lagu xaqiijiyay war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA.

Horjoogaha ayaa markaas isku dayay in uu dagaal kala hor yimaado ciidanka intii uu socday howlgalka qorshaysan, waana toogteen ciidanka.

Ninkan ayaa kooxda Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2008-dii, isla markaana muddo dheer ku howlanaa baadda iyo boobka hantida dadweynaha ayaa hore kooxda wakiil dhinaca baadda uga soo noqday gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

Sawirro: Guriga loo dhisay FARMAAJO oo maanta xarigga laga jaray – Imisa ku baxday?

0

Marka (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah xarigga looga jaray guri la sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed ku maamuuseen Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida uu sheegay xafiiska Madaxweynihii hore ee Farmaajo, gurigan ayaa lagu hirgeliyay olole qaran oo ay maalgelinayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka.

Gurigan ayaa laga dhisay deegaanka taariikhiga ah ee Ceeljaalle, oo ka tirsan degmada Marka.

“Olalaha “Mahadsanid Madaxweyne” waxa uu astaan u yahay baraarugga shacabka Soomaaliyeed iyo doorkooda ilaalinta daahfurnaanta, maamul-wanaagga iyo ammaanada qaran, iyadoo muujinaysa dhaxalkii dowladnimada ee uu dhidibbada u taagay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa mahadnaq ballaaran u jeediyay dhammaan muwaadiniintii ka qayb qaadatay ololaha lagu dhisay gurigan.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed shibil iyo ciidanba ee ka qeyb qaatay olalahan waan uga mahad-celinayaa, anigoo adkaynaya farriinta aad muujiseen ee ah in dowladnimadu ay tahay hanti ay wada leeyihiin muwaadiniinteennu, ayna wax kasta oo qaali ah u hurayaan markii ay arkaan hoggaan u adeegaya danahooda, kana shaqaynaya dib u soo celinta qarannimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.

Dhagax-dhigga mashruucan ayaa la sameeyay 21-kii Luulyo 2023, iyadoo dhismaha guriga loogu magac daray Mahadsanid Madaxweyne uu ku kacay $295,000, sida uu sheegay xafiiska Madaxweynihii hore.

“Wadarta guud ee kharashka ay soo ururiyeen shacabka Soomaaliyeedna ayaa gaaraya $300,000, halka kharashka dhismaha gurigu noqday $295,000.”

Dad badan oo ku dhintay qarax ka dhacay masjid ku yaalla…

0

Islaamabaad (Caasimada Online) – Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay masaajidka Khadiijatul Kubra oo ku yaalla deegaanka Tarlai Kalan ee caasimadda Pakistan, xilli ay dad badan isugu yimaadeen gudashada salaadda Jimcaha.

Saraakiisha booliiska Pakistan ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid ismiidaamin ah, kadib markii qofka watay walxaha qarxa la joojiyay iridda laga galo masaajidka, halkaas oo uu isku qarxiyay.

Ciidamada booliiska iyo kuwa ammaanka ayaa si degdeg ah u xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo baarayaashu ay bilaabeen ururinta caddeymaha la xiriira weerarka.

Sidoo kale, xaalad degdeg ah ayaa lagu soo rogay isbitaallada waaweyn ee ku yaalla magaalooyinka mataanaha ah ee Islaamabaad iyo Rawalpindi, si loo daryeelo dadka ku dhaawacmay qaraxa.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dad ka badan 30 qof ay ku dhinteen qaraxa, halka tiro kale oo aad u badan ay ku dhaawacmeen, inkastoo illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin.

Goobjooge ka ag dhowaa goobta, isla markaana ah masuulka daryeelka masaajidka, Syed Ashfaq, ayaa sheegay inuu maqlay rasaas kahor qaraxa. “Gurigaygu wuxuu si toos ah ugu dhow yahay Imambargah-ga. Markii aan maqlay rasaasta, ayaan ka soo orday guriga anigoo u maleynaya in ay dhibaato jirto,” ayuu yiri.

Syed Ashfaq ayaa intaas ku daray in markii uu goobta gaaray uu arkay xaalad aad u argagax badan. “Qarax ayaa horey u dhacay. Maydad ayaa meel walba yaallay; qaar gacmaha ayaa ka go’naa, qaarna lugaha,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka dhaawacyadoodu halista ahaayeen lagu qaaday gaadiid ay si gaar ah u wateen si degdeg ahna loogu geeyay isbitaallada ku dhow.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Pakistan oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ama cidda ka dambeysay weerarkan.

Booliska Soomaaliya oo hirgelinaya hannaan cusub oo casri ah + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa qorsheynaya hirgelinta hannaan cusub oo suurtagelinaya in saldhigyada booliska, xarunta dambi baarista (CID), maxkamadaha garsoorka iyo xeer-ilaalinta ay si isku mar ah u wada helaan ugana wada shaqeeyaan xogta dambiyada la diiwaangeliyo.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay tababar siisay dhallinyaro loo diyaariyay inay ku shaqeeyaan nidaamkan, si loo dedejiyo loona fududeeyo maaraynta xogta dambiyada dhacaya.

“Waxaa jira hannaan si wadajir ah isugu jira 20-ka saldhig ee booliis ee gobolka Banaadir, hoggaanka baarista dambiyada ee CID, maxkamadda garsoorka iyo xeer ilaalinta, kiiska marka uu dhaco kooxdii ka shaqayn lahayd ayaa tababar u billowday,” ayuu yiri Afhayeenka booliska.

Waxaa uu intaas kusii daray “6-da bil ee ugu horraysa 2026 ayay shaqadaan billaabanee, qofkii la xiro xogtiisa way wada gaaree, baaraha lagu qoray xogtiisa ayaa soo baxee, dowlad aan saaxiib nahay ayaa naga caawinayso.”

Dowlad uusan shaacin magaceeda, oo saaxiib la ah Soomaaliya ayuu afhayeenku sheegay inay gacan ka geysanayso hirgelinta qorshahan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wejiga labaad ee qorshahan la iskugu xiri doono xarunta dambi baarista ee CID iyo gobollada dalka, si loo xoojiyo raadraaca iyo qabashada dambiilayaasha.

Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday qorshayaal lagu casriyeynayo laguna mideynayo shaqada saldhigyada booliska, hay’adda dambi baarista ee CID iyo xeer-ilaalinta, si loo wanaajiyo hab-socodka diiwaangelinta, baarista iyo dabagalka dambiyada.

Maxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Jimcaha saakay ah hoggaamiyay olole ballaaran oo nadaafadeed oo laga fuliyay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ololahan nadaafadeed ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, iyo dhallinyaro si mutadawacnimo ah uga shaqeeya nadaafadda caasimadda.

Guddoomiye Muungaab ayaa oo hadal jeediyay ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sii xoojinta ololayaasha nadaafadda, ilaalinta deegaanka iyo qurxinta magaalada, si Muqdisho u noqoto caasimad ku dayasho mudan.

Danjiraha Turkiga ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisa ay sii xoojinayso taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta caasimadda Muqdisho.

Waxa uuna shaaca ka qaaday qorshe lagu mataanaynayo magaalada xadaariga ah ee Konya ee dalka Turkiga iyo Muqdisho, si labada magaalo ay u yeeshaan iskaashi dhinacyada horumarinta magaalooyinka, dhaqanka, iyo is-weydaarsiga khibradaha maamulka.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa bogaadiyay dadaalka muuqda ee guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir uu ku bixinayo hagaajinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda, isagoo xusay in tallaabooyinkan ay kor u qaadi doonaan sumcadda Muqdisho iyo tayada nolosha shacabka.

Dhankiisa, Guddoomiye Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga garab-istaagga joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in mataanaynta Muqdisho iyo Konya ay fure u noqon doonto iskaashi cusub iyo barnaamijyo horumarineed oo ay caasimaddu ka faa’iidaysan doonto.

Netanyahu oo qarsan waayay welwelka uu ka qabo awoodda sii kordheysa ee…

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa muujiyay walaac isa soo taraya oo ku aaddan horumarka ciidan ee ay sameyneyso Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Wuxuu tilmaamay in Israa’iil ay qaadi doonto tallaabooyin looga hortagayo kororka awoodda militari ee Masar.

Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil iyo Masar ay wadaagaan heshiisyo rasmi ah oo u dhexeeya labada dal.

“Ciidanka Masar wuu sii xoogaysanayaa, waxaa naga dhaxeeya xiriiro iyo dano gaar ah oo aan wadaagno, sidaas oo ay tahay waxa aan la soconaynaa arrintaan innaga oo kahortagayna awood Militari oo xad dhaaf ah in la dhiso,” ayuu yiri Netanyahu.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in Israa’iil aysan marnaba aqbali doonin in Qaahira yeelato awood militari oo gaarta heer ay khatar ama cabsi ku noqoto Israa’iil.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in Israa’iil ay si dhow ula socon doonto xaaladda, isla markaana ka hortagi doonto dhismaha awood ciidan oo ka baxsan xadka la oggol yahay.

Masar ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dadaallo ay ku dhiseyso awood militari oo muuqata, taas oo ka dhex iftiimisay Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, taas oo Israa’iil ku riixday inay dhaqaale badan ku bixiso xakameynta heerka awood ciidan ee Masar, iyadoo Qaahira ay sameysatay iskaashi ay la leedahay dalal aan si wanaagsan ula xiriirin Israa’iil.

Xog: Xasan oo u baxaya safar dibadda + Dalka iyo qorshaha

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda booqasho rasmi ah ku tago magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa halkaas kulamo kula yeelan doona hoggaamiyeyaasha dalalka Masar iyo Boqortooyada Sacuudiga, si loo xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa dalalka gobolka.

Safarkan madaxweynaha ayaa imanaya kadib kulammo horudhac ah oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku yeeshay magaalada Qaahira.

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo dhowrista madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa door muhiim ah ku leh wada-hadalladan, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay xasilinta Geeska Afrika.
Sidoo kale, wada-hadalladu waxay la xiriiraan sugidda amniga marinka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed.

Isku soo dhawaanshaha saddexda dal ayaa la filayaa inuu dhabaha u xaaro heshiisyo dhinaca difaaca iyo amniga ah oo kor u qaadaya awoodda ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Arrimahan ayaa imanaya xilli dhammaadkii bishii December ee la soo dhaafay ay Israa’iil ku dhawaaqday inay aqoonsatay maamulka Somaliland, taas oo si adag uga horyimaadeen inta badan dalalka caalamka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Sidoo kale waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday xogta carruur laga dhoofiyey Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) — Dokumiintiyo sir ah oo ay shaacisay Waaxda Caddaaladda Maraykanka ayaa daboolka ka qaaday in shabakaddii uu hoggaaminayay maalqabeenkii fadeexaduhu hareeyeen ee Jeffrey Epstein ay xididdo ku lahayd Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo loo adeegsan jiray goobo laga qorto carruurta iyo marinno laga dhoofiyo dhibbanayaasha.

Warbixintan oo ka kooban in ka badan 3.5 milyan oo bog, isla markaana soo bixitaankeeda uu sababay sharciga daah-furnaanta ee Epstein Files Transparency Act, ayaa tilmaamaysa in Epstein uu adeegsan jiray hay’ado samafal (NGOs), wakaaladaha xayaysiinta dharka iyo hawlgallo bani’aannimo si uu ugu qariyo falalka ka ganacsiga galmada ee carruurta iyo dadka nugul.

Sida ku cad dukumiintiyada la helay, shabakadda Epstein waxay calaamadeysay Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaa gobollada Somaliland, inay yihiin goobo laga fuliyo falalka la xiriira carruurta, halka dalalka Tansaaniya iyo Senegal ay ahaayeen marinno muhiim u ah isku-gudbinta.

Xogta ayaa muujinaysa in magaalada xeebeedka Mombasa ay ahayd xarun laga dhoofiyo carruurta laga keeno Soomaaliya, Itoobiya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan.

Weli dokumentiyada lagama helin faah-faahinno dheeraad ah oo ku saabsan carruurta la sheegay in laga dhoofiyey Soomaaliya, sida magacyadooda, halka la geeyey iyo halka ay ku dambeeyeen.

Dukumiintiyada ayaa si gaar ah u faahfaahiyay qorsheyaal la xiriira deegaanada Somaliland. Baarayaasha ayaa xusay in Epstein uu waday qorshe uu istuudiyo filimada lagu sameeyo (film studio) uga hirgelinayo Somaliland.

Tallaabadaas ayaa la sheegay in ujeeddadeedu ahayd in lagu soo jiito dhallinyarada jilitaanka xiisaysa, si loogu gacan geliyo shabakadda ka ganacsata galmada ee uu maamulayay Epstein iyo xulafadiisa. Sidoo kale, waxaa dukumiintiyada ku jira xogo muujinaya inuu Epstein daneynayay inuu banki ganacsi ka furto gudaha Soomaaliya.

Dukumiintiyada la soo bandhigay waxaa ka mid ah silsilado iimaylo ah oo u dhexeeyay Epstein iyo xulafadiisa laga soo billaabo sanadkii 2009-kii.

Mid ka mid ah farriimahaas oo ku saabsanaa safar Kenya lagu tegayo, ayaa qof la shaqeynayay Epstein wuxuu u qoray: “Inaan soo kaxeyno ilmo yar… ama labo… wiilal ama gabdho,” isagoo hadalkaas ku tilmaamay “kaftan.”

Farriin kale oo dhacday bishii December 2010, ayuu Epstein weydiiyay haweeney lagu magacaabo Irina: “Miyay jirtaa cid cusub caawa?” markii ay ku jawaabtay maya, wuxuu Epstein ku gaabsaday: “Kenya.”

Sidoo kale, Peggy Siegal oo ahayd xayeysiiye caan ah oo xiriir dhow la lahayd Epstein, ayaa iimayl ay dirtay 2009 ku tiri: “Haddii aysan na cunin dagaalyahannada Masaay-da, waxaa na cuni doona burcad-badeedda Soomaaliya,” iyadoo safarkaas ku tilmaamtay “waaya-aragnimo nololeed oo kale.”

Jeffrey Epstein ayaa xabsiga isku dhex dilay bishii July 2019 kadib markii lagu xiray eedeymo la xiriira ka ganacsiga galmada, halka saaxiibtiis Ghislaine Maxwell lagu xukumay dambiyo la mid ah sanadkii 2021.

Warkani wuxuu iftiiminayaa heerka ay gaarsiisnayd shabakaddan caalamiga ah iyo sida magaca samafalka loogu gabbaday si looga faa’iideysto carruurta Geeska Afrika. 

DF Soomaaliya oo caddeysay in aysan lahayn diyaaradaha F-16 + Dalka keensaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in aysan iyadu lahayn diyaaradaha F-16 ee maalmihii u dambeeyay lagu arkay hawada magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in diyaaradahaas ay leeyihiin dowladda Turkiga, oo saaxiib dhow la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Diyaaradaha waxaa leh dowladda walaalaheenna ee Turkiga, qalad ayaana loo fahmay kalmad yar oo aan iri. Sida aan ognahayna, Dowladda Turkiga caawimaad dhinac walba ah ayay Soomaaliya siisaa, sanadkanna waxaan joognaa meeshii ugu fiicneyd dhanka caawinta ciidanka ee ay ka geysanayaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ayaa Talaadadii magaalada Muqdisho ka sameeyay dhoolatus milatari, iyaga oo ku duulayay joog hoose. Dhoolatuskaas waxaa ka qeyb qaatay ciidamo ka tirsan Cirka Soomaaliya, kuwaas oo wada-shaqeyn dhow la leh ciidamada Turkiga.

Diyaaradahan oo ka mid ah kuwa ugu casrisan ee ay soo saarto dowladda Mareykanka ayey dhawaan magaalada Muqdisho keentay dowladda Turkiga.

Iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay Soomaaliya u soo dirtay saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.

Turkiga ayaa sidoo kale xoojiyay joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka. Maraakiibtaas ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

Sidoo kale, Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaarro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka, iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawlgelinta iyo taageerada farsamo.

Waxaa la sheegaya in keenista diyaaradahaasi ay si dhow ula xiriirto qorshayaasha qodista shidaalka badda, oo la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadkan, iyo hindisaha kale ee dhismaha saldhig dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho.

Ka-hor qodista shidaalka Soomaaliya, Turkiga oo heshiis la gaaray shirkad Mareykan ah

Istanbul (Caasimada Online)— Shirkadda qaranka ee batroolka Turkiga (TPAO) ayaa heshiis iskaashi oo dhinaca tamarta ah la saxiixatay shirkadda weyn ee laga leeyahay Mareykanka ee Chevron, tallaabadaas oo qayb ka ah dadaallada xukuumadda Ankara ay ku doonayso inay ku soo saarto kheyraadka dabiiciga ah, laga billaabo Badda Madow illaa xeebaha Geeska Afrika.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa shaaciyay heshiiskan is-faham (MoU) oo lagu kala saxiixday magaalada Istanbul, kaas oo dhabbaha u xaaraya in labada dhinac ay iska kaashadaan mashaariicda sahan-u-sameynta iyo soo-saarista shidaalka, ha noqoto gudaha Turkiga ama masraxyada caalamiga ah.

“Inagoo ka duulayna shaqadeena ka socota Gabar iyo Badda Madow, islamarkaana kaashanayna dadaalladeena caalamiga ah, waxaan hiigsaneynaa in TPAO aan u beddelno shirkad caalami ah,” ayuu yiri Wasiir Bayraktar oo qoraal soo dhigay barta X (horey u ahaan jirtay Twitter).

Wuxuu intaas ku daray in heshiiskan uu qeyb ka qaadan doono yoolka fog ee shirkadda oo ah in la gaaro awood wax-soo-saar oo u dhiganta hal milyan oo fuusto maalintii.

Heshiiskan ayaa noqonaya kii labaad oo ay Turkigu la galaan shirkadaha waaweyn ee tamarta Mareykanka sanadkan gudihiisa, iyadoo horey heshiis kan la mid ah loola galay shirkadda ExxonMobil.

Tani waxay muujineysaa sida Turkiga—oo ku tiirsan tamar dibadda laga keeno—uu ugu dadaalayo inuu helo maal-gashi iyo farsamooyin casri ah oo Reer Galbeed ah si uu uga faa’iideysto kheyraadka ku jira badaha moolka dheer.

Hawlgalka qodista shidaalka Soomaaliya

Heshiiska Chevron ayaa kusoo beegmaya xilli Turkigu uu u diyaar-garoobayo hawlgal culus oo dhinaca shidaal qodista ah oo laga fulinayo xeebaha Soomaaliya, oo ah dal xulufo dhow la ah Ankara, halkaasna ay ku leeyihiin saldhigooda milateri ee ugu weyn dibadda.

Wasiir Bayraktar ayaa xaqiijiyay in markabka casriga ah ee qodista, oo lagu magacaabo Çağrı Bey, kaas oo dhowaan kusoo biiray raxanta maraakiibta Turkiga, loo diri doono biyaha Soomaaliya si uu u hoggaamiyo hawlgalkan. Markabkan ayaa ah nooca jiilka toddobaad oo leh awood farsamo oo sarreysa.

Hawlgalkan ayaa daba socda heshiis taariikhi ah oo dhex maray Ankara iyo Muqdisho horraantii sanadkii 2024, kaas oo shirkadda TPAO siinaya xuquuq gaar ah oo ay shidaal uga baari karto, kuna soo saari karto saddex xirmo (blocks) oo ku yaalla badda Soomaaliya.

Sida qorshuhu yahay, hawlaha qodista ayaa bilaaban doona horraanta sanadkan, iyadoo la beegsanayo keydadka ku jira badda gunteeda hoose, kuwaas oo horey loo aqoonsaday kadib sahan dhameystiran oo uu sameeyay markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis sanadkii 2025.

Qiyaasaha hordhaca ah ayaa muujinaya in Soomaaliya ay yeelan karto keyd gaaraya ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto oo shidaal iyo gaas ah, in kastoo dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa “madax-bannaanida tamarta” ka dhigay tiir-dhexaadka siyaasaddiisa dhaqaale, maadaama Turkigu uu sanadkii hore ku bixiyay qiyaastii $70 bilyan soo iibsiga tamarta, taas oo culays weyn ku haysa miisaaniyadda dalkaas.

Iskaashiga Turkigu la samaynayo shirkadaha Mareykanka ee Chevron iyo ExxonMobil ayaa astaan u ah in Ankara ay doonayso inay ka faa’iideysato khibradda warshadaha Mareykanka si loo dardargeliyo mashaariicdan hamiga leh, in kasta oo mararka qaar ay jiraan mad-madow diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal marka laga hadlayo khilaafaadka gobolka.

Sidee loo khaarijiyay madaxii maaliyadda gobolka Banaadir ee Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleystay in ay khaarajiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere.

Horjoogahan ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda gobolka Banaadir, waxaana lagu dilay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo 27-kii Janaayo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dul tagay guri uu ku dhuumanayay horjoogaha ayaa toogtay, sida lagu xaqiijiyay war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA.

“Horjoogahan ayaa isku dayay in uu dagaal kala hor yimaado ciidanka intii uu socday howlgalka qorshaysan, waana toogteen ciidanka,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Horjoogahan ayaa kooxda Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2008-dii, isla markaana muddo dheer ku howlanaa baadda iyo boobka hantida dadweynaha ayaa hore kooxda wakiil dhinaca baadda uga soo noqday gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

“Ciidanka NISA oo muddo dheer ku raad-joogay Horjooge Axmed Dhubad Xidig, ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in ay soo afjaraan noloshiis,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka NISA.

Ciidanka hay’adda NISA oo door weyn ku leh gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa sidan oo kale dhawaan howlgal qorsheysan ku dilay labo horjooge oo sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkaas oo ka dhacay degmada Jilib ayaa lagu beegsaday Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo magaciisa afgarashadu ahaa Injineer Ismaaciil iyo Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex), kuwaas oo ka mid ahaa maskaxda hawl-gallada khatarta badan ee kooxda.

Horjooge Injineer Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sarreeya uguna khatarta badan kooxda, isaga oo ahaa horjoogaha iyo maskaxda qaybaha qaraxyada, maleeshiyaadka ay ugu yeeraan Amniyaadka iyo qeybta Al-Kataib.

Injineer Ismaaciil oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sida gaarka ah loogu doonista badnaa cadowga ayaa madaxii waxa uu saarnaa lacag dhan 5 milyan oo doollar. Sidoo kale waxa uu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxii 14-kii October iyo qaraxyo kale oo badan oo lagu beegsaday hantida iyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, horjooge Cabdikarin Maxamed Xersi (Qoorleex), oo isna ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta kooxda Al-Shabaab, ayaa si gaar ah u qaabilsanaa deegaannada Jubbooyinka.

Howl-galkaas oo ahaa mid bartilmaameed ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay ayaa u dhacay si guul ah, waxaana lagu soo afjaray halisii iyo dhibaatooyinkii ay horjoogeyaashan ku hayeen ummadda Soomaaliyeed.

DF oo soo saartay baaq qaran oo ku socda beesha…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta kaga hadlay xaaladda daran ee abaaraha dalka ka jira, waxa ayna soo saareen baaq qaran oo ku socda bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan. Sida lagu xaqiijiyay warbixinta, abaartu waxay saameysay in ka badan 74 degmo, ku dhowaad 4.8 milyan oo qof.

Sidoo kale waxa barakacay in ka badan 200,000 qof, halka in ka badan laba milyan oo xoolo ahna ay si ba’an u saameysay abaartu. Arrintan ayaa si toos ah u halis gelisay amniga nolosha, cunnada, iyo maciishadda shacabka Soomaaliyeed.

“Golaha Wasiirradu waxa uu baaq qaran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, beesha caalamka, hay’adaha samafalka, iyo saaxiibada caalamiga ah si ay si mug leh uga jawaabaan baahiyaha bani’aadannimo ee ka dhashay abaarta.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Baaqa xukuumadda

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankiisii caadiga ahaa, isla markaana si qoto dheer u falanqeeyey warbixinta xaaladda abaarta ee ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso.

Warbixintu waxay muujisay in abaartu ay sabab u tahay yaraanta ama maqnaanshaha roobabkii deyrta, taas oo keentay saameyn baaxad leh oo ku dhacday nolosha dadka, iyo xoolaha.

Sida lagu xaqiijiyay warbixinta, abaartu waxay saameysay in ka badan 74 degmo, ku dhowaad 4.8 milyan oo qof, iyadoo ay barakaceen in ka badan 200,000 qof, halka in ka badan laba milyan oo xoolo ahna ay si ba’an u saameysay. Arrintan ayaa si toos ah u halis gelisay amniga nolosha, cunnada, iyo maciishadda shacabka Soomaaliyeed.

Kadib gorfeyn qoto dheer, Golaha Wasiirradu waxa uu si cad u qeexay in xaaladda abaartu ay gaartay heer aad u daran oo u baahan gurmad heer Qaran ah, isku-duubni, iyo jawaab mideysan oo heer dowladeed iyo mid bulsho leh. Golaha Wasiirradu waxa uu adkeeyay in abaartu tahay arrin mudnaan qaran leh, loona baahan yahay in si wadajir ah loola tacaalo.

Sidaas darteed, Golaha Wasiirradu waxa uu baaq qaran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed si ay uga qeybqaataan gurmadka, is-garab istaagga, iyo taakuleynta dadka walaalahood ah ay abaartu saameysay; sidoo kalena, waxey baaq caalami ah u jeedinayaan beesha caalamka, hay’adaha samafalka, iyo saaxiibada caalamiga ah si ay si mug leh uga jawaabaan baahiyaha bani’aadannimo ee ka dhashay abaarta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa faray dhammaan hay’adaha ay quseyso arrinta abaartu, gaar ahaan hay’adaha fulinta iyo kuwa gargaarka, in ay xoojiyaan dadaallada gurmadka ah; mideeyaan qorsheyaasha iyo howlgalka; isla markaana ay mudnaanta koowaad siiyaan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.

Xukuumaddu waxa ay mar kale ku celinaysaa go’aankeeda ah in ay si buuxda uga go’an tahay wax ka qabashada abaarta, iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo yareeyo saameynta musiibadan loona badbaadiyo nolosha iyo mustaqbalka dadka Soomaaliyeed.

Golaha Mustaqbalka oo war culus kasoo saaray xiisadda Baydhaba, sheegay in Lafta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa bayaan adag kasoo saaray dagaalka labadii maalmood ee u dambeeyay ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Golaha ayaa walaac xooggan ka muujiyay dagaalkan oo sababay khasaare kala duwan, wuxuuna si cad u sheegay in xalka arrinta Baydhabo ka dhacday ay tahay in doorasho si degdeg ah loo qabto.

“Goluhu wuxuu xasuusinayaa in muddadii sharciga ahayd ee maamulka Koonfur Galbeed ay dhammaatay, isla markaana aysan jirin sharciyad lagu cusboonaysiiyay muddo-xileedka. Arrintan waxay maamulka gelisay firaaq sharci, nuglaansho siyaasadeed iyo ku-tiirsanaan Villa Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay dayacday mas’uuliyaddii dastuuriga ahayd iyo xilkii ka saarnaa ilaalinta nidaamka dowladnimo iyo kala dambeynta sharciga, taas oo ayandarro uu ku tilmaamay goluhu.

“Waxaa walaaca Golaha sii xoojinaya aamusnaanta dowladda federaalka ee ku aaddan dagaalka labadii maalmood socday, taasoo tilmaam ka bixinaysa jihada uu dalku aadi karo, haddii aan heshiis la gaarin ka hor inta uusan dhammaan muddo-xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.”

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu walaac xoogan ka muujinayaa dagaalka labadii maalin ka socday magaalada Baydhabo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Colaaddu waxay halis toos ah ku tahay nolosha muwaadiniinta, waxay burburinaysaa hantida danta guud iyo tan shacabka, waxay dhaawacaysaa wada-noolaanshaha bulshada, waxayna si weyn u wiiqaysaa kalsoonidii dadweynaha ee hay’adaha dowliga ah.

Xiisaddani waxay kusoo beegmaysaa xilli dalka uu wajahayo abaar ba’an, khataro amni oo ay ka mid tahay argagixiso, iyo hubanti-la’aan siyaasadeed.

Goluhu wuxuu xasuusinayaa in muddadii sharciga ahayd ee maamulka Koonfur Galbeed ay dhammaatay, isla markaana aysan jirin sharciyad lagu cusboonaysiiyay muddo-xileedka. Arrintan waxay maamulka gelisay firaaq sharci, nugayl siyaasadeed iyo ku-tiirsanaan Villa Soomaaliya.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu aaminsan yahay in jidka keliya ee Koonfur Galbeed uga bixi karto hubanti-la’aanta sharci iyo nuglaanta siyaasadeed ay tahay qabashada doorasho loo dhan yahay, daahfuran, isla markaana lagu heshiiyo.

Waxaa ayaandarro ah in dowlada Federaalka ay dayacday mas’uuliyadii dastuuriga ahayd iyo xilkii ka saarnaa ilaalinta nidaamka dowladnimo iyo kala dambeynta sharciga.

Waxaa walaaca Golaha sii xoojinaya aamunsnaanta dowlada federaalka ee ku aaddan dagaalka labadii maalin socday, taasoo tilmaam ka bixinaysa jihada uu dalku aadi karo, haddii aan heshiis la gaarin ka hor inta uusan dhamaan muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Soomaaliya kama gudbi karto colaadda, abaarta, iyo nuglaanta dowladnimo inta muran siyaasadeed lagu xallinayo is-maqnuunin. Xasiloonidu waxay ku dhisan tahay sharciyad, wadahadal, iyo ilaalinta nolosha shacabka.

Kadib go’aankii kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh, Puntland oo ku dhawaaqday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay in canshuur dhaaf loo sameeyay calafka xoolaha iyo galleyda Puntland la soo geliyo, xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu soo saaray go’aan canshuur dhaaf looga dhigayo deeqaha iyo dhammaan adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya.

Sidoo kale, golaha ayaa go’aamiyay in ceelasha biyaha dadka looga dhigo lacag la’aan inta lagu jiro abaaraa, iyadoo maamulka uu sheegay inuu kabayo ceelasha inta lagu jiro xaaladdan.

Ganacsatada calafka keenta ayaa lagu booriyay in sicirka calafka iyo gelleya ay dhimaan, iyadoo booyadlaydana la faray in ay dhimaan qiimaha biyaha.

“Waxaa la joojiyey samaynta kaamamka Barakacayaasha ban-ka-oodka ah, waxaana la faraya laamaha ay khuseyso in la burburiyo kuwa sida khaldan u samaysmay. Dadkana loogu geeyo gargaarka goobaha ay degan yihiin,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Wasiirrada Puntland.

Go’aankan ayaa imanaya saacado kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu amray hay’adaha maaliyadda dalka in canshuuraha laga dhaafo deeqaha iyo dhammaan adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta, ganacsatada Soomaaliyeed, hay’adaha samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah in loo midoobo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya duruufaha nololeed ee ay sababtay abaarta dalka ku dhufatay, si looga hortago saamaynta bani’aadannimo ee ka dhalan karta.

Sidoo kale, wuxuu faray dhammaan hay’adaha dowladda inay mudnaanta koowaad siiyaan badbaadinta shacabka tabaalaysan.

Hoos ka aqriso bayaanka Golaha Wasiirrada Puntland:

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyeey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan laga soo saaray go’aamo loogu gurmanayo dadka ay Abaartu sameysay.

Kadib markii uu Goluhu warbixin ku saabsan xaaladda Biyaha iyo Abaarta ee Puntland ka dhegaystay Wakaaladda Horumarinta Biyaha ee Puntland, wuxuu Goluhu go’aamiyey:-

  • Goluhu wuxuu go’aamiyey in 3-da Bilood ee Abaartu Jirto in Cashuur la’aan laga dhigo Calafka Xoolaha iyo Galleyda Puntland la soo geliyo, iyadoo ganacsatada Calafka keentana laga boorinayo in sicirka calafka iyo gelleya ay dhimaan.
  • Goluhu wuxuu go’aamiyey in Ceelasha Biyaha dadka looga dhigo lacag la’aan (Bilaash) inta lagu jiro abaarata, Dowladdauna ay kabayso Ceelasha inta lagu jiro xaaladdan. Waxaaana lagu boorinayaa Booyadlada in ay iyana dhimaan qiimaha Biyaha.
  • Waxaa la joojiyey samaynta kaamamka Barakacayaasha ban-ka-oodka ah, waxaana la faraya laamaha ay khuseyso in la burburiyo kuwa sida khaldan u samaysmay. Dadkana loogu geeyo gargaarka goobaha ay degan yihiin.
  • Ugu danbeyn Goluhu wuxuu ugu baaqaya Jaaliyaddaha dibedda, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay si mug leh uga qayb-qaybataan gurmadka dadka Abaartu saameysay.

Ergeyga madaxweyne Xasan oo beeniyay eedeymo culus oo la xiriira gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya ee Macaawisleyda, Cali Jeyte Cismaan ayaa si cad u beeniyay eedeymo loo jeediyay oo la xiriiray in uu hakiyay mashaariic horumarineed oo ka socday Beledweyne.

Cali Jeyte oo horey usoo noqday guddoomiyihii gobolka Hiiraan ayaa iska fogeeyay in uu joojiyay mashaariic horumarineed oo ka socday Beledweyne, isagoo eedeymahaasi ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn, isla markaana ah dacaayad iyo been-abuur ay faafinayaan, siyaasiyiin iyo kooxo abaabulan, sida uu sheegay.

“Aniga shaqsiyan dadkayga iyo deegaankayga waxaan u qabaa jacayl weyn, mana ahi qof wax duminaya ama dib-u-dhac ku keena ummadda,” ayuu yiri Jeyte, isagoo sheegay in lagu hayo sumcad-dil.

Sidoo kale wuxuu iska fogeeyay in uusan waligiis ku lug yeelan wax fal ah oo carqaladeynaya horumarka gobolka Hiiraan ama danaha shacabka reer Hiiraan.

Hadalladan ayaa imanaya xilli maamulka gobolka Hiiraan, heer gobol iyo heer degmo ay Cali Jeyte ku eedeeyeen inuu caqabad ku noqday fulinta mashaariic horumarineed oo waaweyn oo laga waday magaalada Beledweyne.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sheegay in mashaariic dhowr ah oo si habsami leh uga socday Beledweyne, gaar ahaan saddex waddo oo laami ah oo midkiiba dhererkiisu yahay saddex kiiloomitir, kuwaas oo la bilaabay sanadkii 2022, ay si lama filaan ah u istaageen kaddib warqad lagu sheegay in lagu hakiyay dhammaan mashaariicda magaalada.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hakinta mashaariicdan aysan ku saleysneyn dan guud, balse ay la xiriirto dano gaar ah, isagoo si toos ah eedda ugu jeediyay Cali Jeyte Cismaan.

“Anigu waxaan ahay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, umaddana Ilaahay ayaa mas’uul iga dhigay. Cali Jeyte waxaan leeyahay magac iyo sharaf hore ayuu u lahaa, balse maanta waxaa ka muuqda dano gaar ah oo ka hor imanaya danta guud,” ayuu yiri.

Maamulka gobolka ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid xaq u leh inay joojiso mashaariic horumarineed oo loogu talagalay shacabka, iyagoo xusay in magaalooyin kale sida Baydhabo, Kismaayo iyo Dhuusamareeb ay mashaariicdoodu si caadi ah u socdaan, halka Beledweyne ay hakad galeen.

Sidoo kale, maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka HirShabelle inay si degdeg ah arrintan usoo farageliyaan, si dib loogu bilaabo mashaariicda horumarineed ee hakadka galay.

Arrimahan ayaa imanaya xilli La-taliyaha Madaxweynaha, Cali Jeyte uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka HirShabelle.

Jeyte ayaa sheegay inuu qeyb ka yahay isbeddelka lagu badbaadinayo maamulka HirShabelle, si loo helo maamul heybad leh, lana hana qaado maamullada kale ee dalka.

“Waxaan shaacinayaa inaan ahay musharax u taagan hanashada xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle kadib markii aan aqbalay talo soo jeedin soo socotay mudo fog oo iiga imaaneysay Umaadda ku dhaqan dowlad goboleedka Hirshabeele dal iyo dibad,” ayuu Jeyte ku yiri qoraal uu naalmo kahor soo saaray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hanka iyo himilada ugu weyn ee uu xaqiijinayo ay tahay in HirShabelle noqoto meel ka caagan argagixiso, isla markaana leh qiyam maamul oo sharfan u-dub dhexaadna u noqoto adkeynta amniga dalka iyo xoojinta midnimada nidaamka federaalka ee dowladnimadeena.

Koonfur Galbeed oo guul ka sheegatay dagaalka Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa guul ka sheegtay dagaal laba maalmood qaatay oo ka dhacay magaaladaasi, kaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo ‘maleeshiyad deegaanka ah’ oo kasoo horjeedo maamulka madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Sida uu baahiyay Telefishinka Koonfur Galbeed, dagaalka ayaa goordhow soo gabagaboobay, waxaana lasoo afjaray ‘maleeshiyaadkii kasoo horjeeday ciidanka’ kuwaas oo ay hoggaaminayaan saraakiil caan ka ah magaalada.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda laga dhigay wax nolol lagu qabtay kuwa cararay, isla markaana weli la daba joogo.

“Burcaddii nabad-diidka ahayd ee dhibaatada ku haayey shacabka reer Baydhabo oo wax nolol lagu qabtay iyo wax cararay laga dhigay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Maxamed Ibraahim Bilaal oo la hadlay warbaahinta ayaa boggaadiyay howlgalka ciidanka, wuxuuna xaqiijiyay in laga adkaaday ciidankii kasoo horjeeday ee shalay iyo maanta ay la dagaalameen.

“Waxaan idiin xaqiijinaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in kooxdaasi fadqalalaha ka abuuray saacadihii la soo dhaafay magaalada Baydhaboi inay ahaayeen kooxo isbaaraleey ah oo burcad ah oo aysan ahayn kooxo mucaarad ah ama siyaasad ku lug leh’’. ayuu yiri Wasiirku.

Dagaalka saaka ka dhacay Baydhaba ayaa yimid kadib markii la sheegay in ciidanka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen guriga wasiirka xanaanada xoolaha Soomaaliya, Xasan Eelaay oo ay isku dhacaan yihiin maamulka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkan ayaa salka ku hayo muran xooggan oo ka dhashay dhul ku yaalla aagga uuqa Xoolaha ee magaaladaasi.

Si kastaba, Xiisaddan ayaa kusoo aadeyso, xilli la filayo in Koonfur Galbeed ay aado doorasho, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii Laftagareen.

Ilyaas Gaboose oo xaalad caafimaad uga baxay Kismaayo

0

Kismayo (Caasimada Online) – Sanator Ilyaas Beddal Gaboose oo dhawaan uu sii daayay Madaxweynaha Jubbaland oo uu muddo u xirnaa ayaa maanta ka dhoofay garoonka magaalada Kismaayo, isaga oo kusii jeeda dalka Kenya.

Gaboose oo shir jaraa’iid qabtay ayaa shaacay in xaalad caafimaad uu ugu baxay magaalda Nairobi, isla markaana maalmo kadib uu soo laaban doono.

“Waxaan hadda anigu caafimaad ku gaarayaa magaalada Nairobi waxaan ku maqnaanayaa muddo laba todobaad ah kadibna waa soo noqonayaa” ayuu yiri Senator Ilyaas Beddal Gaboose.

Sidoo kale, wuxuu ka warbixiyay wada-hadalladii iyo heshiiskii uu la galay Axmed Madoobe, isaga oo sheegay in ugu dambeyn la soo afjaray khilaafkii jiray, laguna balamay in laga wada shaqeeyo horumarka dowladda Jubbaland.

Waxaa kle oo uu carrabka ku adkeeyay in waqtigan ay reer Jubaland si gaar ah ugu baahan yihiin midnimo iyo wadajir, isaga oo xusay in horumarka iyo xasilloonida lagu gaari karo oo keliya isu-tanaasul iyo iskaashi dhab ah.

“Aniga iyo Axmed Madoobe khilafkii naga dhexeeyay waan ka heshiinay, waxaana ka wada-hadalnay inaan ka wada shaqeyno maslaxada Jubbaland” ayuu mar kale yiri Senatorku.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay lagama maarmaan tahay inay isku tanaasulaan, una midoobaan gurmadka abaaraha iyo qadiyadaha kale ee waaweyn ee horyaalla dalkeenna.

Ilyaas Gaboose ayaa dhibane u noqday Axmed Madoobe, tan iyo daba-yaaqadii November ee sanadkii 2024 oo uu doorasho ku qabsaday magaalada Kismaayo, taas oo ay ka horyimadeen isaga iyo xubnaha kale ee mucaaradka, iyaga oo kadib qabsaday doorasho kale oo ay sheegeen in madaxweyne loogu doortay Senator Ilyaas Beddel Gaboose, balse la xiray.

Si kastaba, Jubbaland ayaa haatan galeysa marxalad cusub, waxaana dhinaca kale jira wada-hadallo ay qayb ka tahay oo la filayo inay galaan DFS iyo Golaha Mustaqbalka.