26.1 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

DF Soomaaliya oo sheegtay in Somaliland ay lumisay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad) oo la hadlay Telefishinka Al-Jazeera ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Somaliland, isagoo sheegay in ay lumisay dhul muhiim ah oo ku yaal waqooyiga Soomaaliya.

Cali Balcad ayaa wareysigan kusoo bandhigay aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ka haysato Somaliand, wuxuuna u kala qaybiyay saddex qaybood oo kala ah Waqooyi Bari oo uu sheegay inay hadda ka tirsan tahay DFS iyo Galbeed oo kusoo biireysa, halka uu xusay in Somaliland  ay kaliya hadda ka taliso Waqooyi Galbeed oo uu tilmaamay in ay degto Beesha Isaaq.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in hal qabiil aanu noqon karin dal, isla markaana ay ka kooban tahay 400 qabaa’il, sida uu ku sheegay wareysigiisa.

“Somaliland waa saddex gobol; Waqooyi-bari oo ka tirsan DFS, Galbeedka oo ku soo biiraya DFS; waxa keliya laga hadlayo waa Waqooyi-galbeed oo ay degto beesha Isaaq oo 40% ka ah Somaliland. Sidaas darteed, Soomaaliya waxay ka kooban tahay 400 oo qabaa’il, haddii qabiil kasta goosto, Soomaaliya waxay noqon lahayd boqolaal dal”. ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Haddaba, haddii qabiil kasta uu doonayo inuu noqdo dal, taasi waa aragti aan macquul ahayn oo aan caqli ku dhisnayn”.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay difaacato midnimadeeda, isla markaana ay xoojisay iskaashiga dalalka ay u aragto in ay ku gacansiin karaan dedaalkeeda si ay meel isaga xirto faragelinta shisheeye ee dalkeeda lagu hayo, sida uu hadalka u dhigay.

Soomaaliya waxaa ka go’an in ay difaacato midnimadeeda & dhulkeeda, dabcan ma aqbalayno in Israa’iil ay usoo rarto Dadka Gaza si qasab, waxa aan qaadnay tallaabooyin diblumaasi innaga oo iskaashi la samaynay Turkiga, Sacuudiga, Masar & Dalal kale” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Cali Balcad.

Isaga oo ka hadlayay maamulka Dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo ee Shirkadda Imaaraadka ee DP WORLD waxa uu tilmaamay in aanay Soomaaliya aqbali doonnin in si sharci darro ah loo maamulo dekedahaas.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay dedaallada  lagu xoojinayo difaaca dalka, kaddib markii ay Israa’iil 26-kii December 2025 ku dhawaaqday in dal madax banaan ay u aqoonsatay maamulka Somaliland.

Cumar Cabdirashiid iyo Daahir Geelle oo caddeeyay mowqifkooda ku aadan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo xalay shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo caddeeyay mowqifkooda ku aaddan xiisadda ka dhalatay arrimaha Dastuurka oo ay isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.

Cumar Cabdirashiid oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin tallaabada loo qaaday wax ka beddalka cutubka 4-aad ee Dastuurka, wuxuuna u mahad-celiyay guddiyada iyo baaralamaanka dalka.

“Waa jecleyn in hadda kahor arrinta Dastuurka la keeno baarlamaanka laakiin maanta qadarka Alle ka dhigay, waxaana rabnaa inaan iyada uga mahad-celinno dowladda in wixii lagu heshiiyay ay fulineyso” ayuu yiri Cumar.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in heshiiskii ay horay ula galeen Villa Somalia ay qayb ka ahayn arrintan, isla markaana ay furaxsan yihiin in maanta la fuliyo.

“Hadda akhriskii ugu horreeyay ee cutubka 4-aad ee la geeyay baarlamaanka waan boggaadineynaa runtii dowladda iyo guddiyadii kasoo shaqeeyay waafajiyayna heshiishii 25-kii August aanu saxiinay” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu ku daray in kaliya haatan ay harsan tahay doorashada iyo wada-hadallada loo ballansan yahay ee u dhexeeya dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, isagoo rajo ka muujiyay in ay guuleysan doonaan.

“Maanta waxa dhiman waxaa weeye waa arrimaha doorashooyinka iyo hadda shirarkan nagu soo wajahan Madash Mustaqbalka iyo dowladda ay yeelanayaan iyagana waxaan rajaneynaa in is-afgarad uu kasoo baxo” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay baarlamaanka Soomaliya uu ka dooday qodobada wax ka beddalka lagu sameeyey ee 49-aad, 50-aad iyo 54-aad, isla-markaana ay soo jeediyeen guddiyada ku shaqada leh ee Dastuurka.

Xiisada Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka oo xoogeysatay iyo Masar oo qaaday tallaabo

Qaahira (Caasimada Online) – Dawladda Masar ayaa bilowday dadaal diblamaasiyadeed oo baaxad leh, kaas oo ay ku doonayso inay ku dhisto is-bahaysi amni oo istaraatiijiyadeed oo dhex mara Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo dalka Ereteriya.

Sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha iyo ilo wareedyo diblamaasiyadeed, tallaabadan ayaa salka ku haysa qorshaha Qaahira ee ah inay iska caabiso galaangalka sii kordhaya ee Imaaraadka Carabta ku leeyahay gobolka Geeska Afrika.

Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa muujinaya is-beddel weyn oo ku yimid loolanka ka socda marinka muhiimka ah ee Badda Cas. Masar ayaa isku dayaysa inay xaddiddo hami-weynida saaxiibkeedii hore ee Imaaraadka, kaas oo hadda xiriir dhow oo dhanka millatariga ah la samaystay dalka Itoobiya—oo ay xurguf weyni kala dhexayso Ereteriya.

Sarkaal ka tirsan dalalka Carabta oo xog-ogaal u ah arrimahan ayaa sheegay in Qaahira ay si firfircoon u dhex-dhexaadinayso xukuumadda go’doonsan ee Asmara iyo hoggaanka Riyadh.

Qorshahan ayaa la sheegay inuu daba socdo hannaankii heshiiskii difaaca ee bishii Jannaayo dhex maray ciidanka Suudaan iyo dalka Pakistan, kaas oo la rumeysan yahay inay maalgelisay Sucuudi Carabiya.

Is-beddelka xulafada gobolka ayaa daaha ka fayday khilaafka sii dheeraanaya ee u dhexeeya labada quwadood ee Khaliijka (Sacuudiga iyo Imaaraadka). Iyadoo Riyadh iyo Qaahira ay taageero u fidinayaan ciidanka joogtada ah ee Suudaan, Abu Dhabi ayaa dhankeeda xoojisay iskaashiga millatari ee ay la leedahay Itoobiya, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyo inay taageerto xoogagga Gurmadka Degdega ah (RSF) ee dagaalka sokeeye kula jira dawladda Suudaan.

Baahida Asmara iyo maal-gelinta Riyadh

“In la taageero Ereteriya waa tallaabo macno u samaynaysa amniga gobolka ee Masar, balse Qaahira waxaa haysata caqabad dhanka dhaqaalaha ah,” ayuu yiri Michael Woldemariam oo ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika.

“Haddii ay ku guuleystaan inay Sucuudiga soo geliyaan mashruucan, iyadoo la ogyahay hantida ballaaran ee Riyadh, waxay taasi u adeegaysaa danta Masar.”

Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki, ayaa dabayaaqadiisii sanadkii 2025 booqasho ku tagay magaalada Riyadh si uu uga wada hadlo iskaashiga difaaca. Hoggaamiyahan 80-jirka ah ayaa la sheegay inuu raadinayo qalab millatari oo casri ah si uu isaga difaaco awoodda dhanka cirka ee Itoobiya oo aad u korortay.

Xiisadda u dhaxaysa Asmara iyo Addis Ababa ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii Itoobiya ay si rasmi ah u shaqo gelisay Biyo-xireenka weyn ee Renaissance (GERD) bishii Sebteembar 2025—mashruucaas oo ay Masar u aragto khatar jiritaan oo ku wajahan saamiga ay ku leedahay biyaha webiga Niil.

“Ereteriya waxay aad uga walaacsan tahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones-ka) ee Itoobiya,” ayuu yiri Martin Plaut oo xog-ogaal u ah gobolka. “Waxay u baahan yihiin qalab cusub, waxayna u baahan yihiin lacagta Sucuudiga.”

Dhaq-dhaqaaqyadan diblamaasiyadeed waxay kusoo beegmayaan xilli Abu Dhabi ay xoojisay joogitaankeeda gudaha Itoobiya. Horraantii sanadkan 2026, waxaa la diwaangeliyay diyaarado badan oo xamuulka millatariga ah oo ka degaya garoonka Harar Meda ee dalka Itoobiya.

Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in Imaaraadku uu Itoobiya u isticmaalayo xarun saadka looga gudbiyo xoogagga RSF ee ka dagaalamaya dalka deriska ah ee Suudaan.

Masar ayaa iyaduna dhankeeda qaadday tallaabooyin kulul, oo ay ka mid tahay inay soo dhoweysatay diyaaradaha drones-ka ee dalka Turkiga, isla markaana ay cadaadis saarayso xulafada gobolka si loo jaro waddooyinka saadka u dhowra kooxda RSF.

Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka is-bahaysigan weli waa mid aan cago-adag ku taagnayn. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Sacuudigu, oo hadda xoogga saaraya is-beddelka dhaqaalaha gudaha ee dalkiisa, uu muujiyay cagajiid ku aaddan inuu ballanqaad buuxa ka bixiyo maalgelinta baaxadda leh ee ay codsatay Asmara.

Madaxweyne Afwerki, oo lagu yaqaanno inuu ku dhex dhuunto loolanka quwadaha iska soo horjeeda, ayaa loolankan hadda u dhexeeya dalalka Khaliijka u arka fursad cusub oo uu ku xaqiijinayo badbaadada maamulkiisa, xilli gobolku uu galay xaalad aan fadhigeedu sugnayn.

Xog: Somaliland oo qortay shirkad Mareykan ah oo aqoonsi uga raadisa Trump

Washington (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland, oo dhowaan uun xiriir rasmi ah la yeeshay Israa’iil, ayaa hadda u muuqda inuu indhaha ku hayo yool ka weyn midkaas, kaas oo ah helidda aqoonsi diblomaasiyadeed oo uu ka helo dowladda Maraykanka.

Sida lagu xusay diiwaangelinta sharciga ee dadka u ololeeya danaha shisheeye ee Mareykanka (FARA), Somaliland ayaa shaqaalaysiisay shirkad saameyn weyn ku leh xisbiga Jamhuuriga, gaar ahaan maamulka madaxweyne Donald Trump, si ay ugu ololeyso gudaha Washington.

Shirkadda Nestpoint, oo fadhigeedu yahay magaalada Dallas ee gobolka Texas, kana shaqaysa arrimaha maalgashiga iyo xiriirka dowladaha, ayaa la xaqiijiyay in Somaliland ay u wakiilatay “dejinta iyo fulinta qorshe dhammaystiran oo lagu xaqiijinayo aqoonsi caalami ah.” Shirkaddan ayaa ka shaqayn doonta sidii ay xiriir dhow ula yeelan lahayd madaxda iyo hay’adaha go’aan-gaarista ee dowladda Maraykanka.

Sida ku cad heshiiska oo la saxiixay bishii Oktoobar ee sannadkii hore, Nestpoint waxay bishii qaadan doontaa lacag dhan $7,500, iyadoo qandaraaskaas oo socon doona muddo sannad ah uu sidoo kale dhigayo in shirkaddu ay suuq-geyso maalgashiga Somaliland.

Qoraal ay shirkaddu soo saartay bishii Decembar, waxay ku sheegtay in labada ujeedo ee ugu waaweyn ee ay u adeegayso macmiilkeeda cusub ay yihiin aqoonsi diblomaasiyadeed iyo isku-fillaansho dhaqaale.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo ka hadlay heshiiskan ayaa yiri: “Awoodda ay Nestpoint u leedahay inay isku xirto u qareemidda diblomaasiyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, waxay ka dhigaysaa lammaanaha ugu habboon ee ka gacan siin kara Somaliland sidii ay kaalinteeda saxda ah uga qaadan lahayd fagaaraha caalamka.”

Xubnaha ka dambeeya ololaha

Nestpoint waxaa majaraha u haya rag miis culus ku leh xeeladaha xisbiga Jamhuuriga (GOP). Waxaa ka mid ah John Thomas oo ah falanqeeye caan ka ah telefishinnada Maraykanka. Hasa yeeshee, qofka ugu muhiimsan ee loo xilsaaray ololaha Somaliland waa Stuart Jolly, oo ahaa agaasimihii ololihii doorashada ee Donald Trump sannadkii 2016.

Mr. Jolly waa shaqsi uu Trump si gaar ah ugu ammaanay masraxa markii uu ku guuleystay doorashadii horudhaca ahayd ee New Hampshire, wuxuuna hore u hoggaamin jiray ururka “Great America PAC” oo taageera Trump.

Tallaabadan ay qaadday Somaliland ayaa ku soo beegmaysa xilli xarumaha cilmi-baarista (Think Tanks) ee xisbiga Jamhuuriga ay aad u cadaadinayaan in aqoonsi la siiyo Somaliland, iyadoo gobolka Geeska Afrika uu hadda u muuqdo mid u rogmaday fagaare lagu loolamayo saamaynta istiraatiijiyadeed ee dunida.

In kasta oo loolanku xooggan yahay, haddana Nestpoint iyo Somaliland waxay wajahayaan waddo aad u adag oo dhagaxaan badan.

Hindise-sharciyeed lagu aqoonsan lahaa Somaliland oo la horkeenay Aqalka Hoose ee Maraykanka bishii Juun ee sannadkii hore ayaan weli dhaafin heer guddiyo. In kasta oo ay jiraan xubno saameyn leh oo taageersan, sida Senator Ted Cruz, haddana inta badan xubnaha Congress-ka ayaa weli ka cagajiidaya inay ka horyimaadaan mowqifka caalamiga ah ee midnimada Soomaaliya.

Daawo: Xasan iyo Sisi oo ku kulmay Qasriga Al-Itixaadiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay gaaray magaalada Qaahira ayaa maanta soo dhaweeyn cajiib ah oo aad u sareysa loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Al-Itixaadiya halkaasoo uu ku qaabilay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa saacadaha soo socda yeelan doono wada-hadallo xasaasi ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Masar, iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyagoo kadib wadan qaban doono shir jaraa’id oo wadajir ah.

Sidoo kale waxaa wada-hadalladooda ay kusoo qaadi doonaan arrimaha gobolka iyo doorka  Soomaaliya iyo Masar ay ka qaadan karaan xasilloonida, nabadda iyo badbaadada marinada ganacsiga ee muhiimka u ah gobolka iyo caalamkaba.

Sida lagu sheegay qoraal ay booqashadan kasoo saartay Villa Soomaaliya wuxuu safarkan qayb ka yahay safarro kala duwan oo uu madaxweynuhu ku kala bixinyo qaar kamid ah dalalka caalamka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo danaha Soomaaliya ay ka leedahay dalalkaasi.

“Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kaas oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Safarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu habeen hore madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar, halkaas oo uu uga soo qayb-galay Madasha 17aad ee Aljazeera, isaga oo ka jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo xadgudbka Israa’iil.

Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay ka hortegtay farogelinta Israa’iil ee madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay ka hor imaaneyso xeerarka caalamiga ah ee dunida.

Waxaa kale oo uu ka hadlay arrimo ku aadan ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jira kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish, isaga oo sheegay in haatan laga gaaray guul wayn.

Danab oo dishay xubno Shabaab ah soona qabatay…

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Danab ay Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo bartilmaameed ayaa waxaa khasaare lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, sida ay shaaciyay dowladda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay laba xubnood, laguna soo qabtay laba kale oo kamid ahaa maleeshiyada argagixisada, xilli ay ku sugnaayeen aagga Warmaxan

“Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo ka dhan ah Khawaarijta, kaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalkaas waxaa lagu dilay laba ka mid ah maleeshiyaadka khawaarijta ah, halka laba kale nolosha lagu qabtay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, inta uu socday howlgalka waxaa lagu qabtay qaraxyo ‘ay kooxda dooneysay inay ku dhibaateyso shacabka, iyada oo sidoo kale lagu burburiyay xarumo ay lacago ku qaadi jireen maleeshiyaaadka Al-Shabaab.

“Howlgalka waxaa lagu qabtay waxyaabaha qarxa oo argagixisadu ay qorsheynayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, iyadoo lagu burburiyay goobo Khawaarijtu ay ku baadayeen shacabka” ayaa lasii raaciyay.

Dhanka kale, saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan, ujeedkoodana uu yahay inay xoreeyaan deegaanadaas.

Maalmihii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay howlgallada ka dhanka ah argagixisada, waxaaana lagu gaarsiiyay khasaare culus, marka loo eego howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay qaar kamid ah gobollada dalka.

Xasan oo saddex qodob kala hadlaya Al-Sisi+ Sawirro

0

Qaahira (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo dhowr cisho qaadan doonto.

Villa Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in booqashadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay Qaahira, waxa uu kulan muhiim ah la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi, isaga oo kala hadli doono saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah xoojinta iskaashiga qotada dheer ee labada shacab iyo dowladood, arrimaha gobolka iyo doorka  Soomaaliya iyo Masar ay ka qaadan karaan xasilloonida, nabadda iyo badbaadada marinada ganacsiga ee muhiimka u ah gobolka iyo caalamkaba.

Sida lagu sheegay qoraalka booqashadan ayaa sidoo kale qayb ka a safarro kala duwan oo uu madaxweynuhu ku kala bixinyo qaar kamid ah dalalka caalamka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo danaha Soomaaliya ay ka leedahay dalalkaasi.

“Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kaas oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Safarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu habeen hore madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar, halkaas oo uu uga soo qayb-galay Madasha 17aad ee Aljazeera, isaga oo ka jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo xadgudbka Israa’iil.

Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay ka hortegtay farogelinta Israa’iil ee madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay ka hor imaaneyso xeerarka caalamiga ah ee dunida.

Waxaa kale oo uu ka hadlay arrimo ku aadan ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jira kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish, isaga oo sheegay in haatan laga gaaray guul wayn.

Xukuumadda Xamza oo la dhacsan arrinta baarlamaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa boggaadiyay in la guda galay ka doodista wax ka beddalka Dastuurka, isaga oo la dhacsan arrintan ayuu hambalyo u diray xildhibaannada ku howlan sii wadista wax ka beddalka Dastuurka.

“Barlamaanku shaqadiisa si wacan ayuu u wataa waa u hambalyaynaynaa” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan in la dhammeystiro Dastuurka, si looga gudbo caqabadaha haatan taagan, isaga oo sheegay kadib loo gudbi doono dowladnimo rasmi ah.

“Dastuurka in la dhammaystiro waa lagama maarmaan, mugdiga badan iyo qeyladhaanta waxaa ka dambeeya iftiin iyo dawladnimo”. ayuu kusii daray.

Hadalkan Fiqi ayaa imaanaya, iyada oo weli xiisad xoogan ay ka taagan baarlamaanka dhexdiisa, kadib markii xildhibaannadu ay ku kala qaybsameen dooda Dastuurka, taas oo keentay in golaha uu galo xaalad jahwareer ah.

Guddoonka Labada Gole ayaa ku adkeysanayo sii wadista wax ka beddalka Dastuurka, iyaga oo maanta shaaciyay in la guda galay ajendaha kulanka wadajir ah ee Dib U eegista Dastuurka, gaar ahaan marxaladda labaad ee ka doodista soo jeedimaha wax ka badalka dastuurka iyo sidoo kale cutubka 4-aad ee wax ka baddel kooban oo ku saabsan Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee Dastuurka Kmg ah.

“Intaasi ka dib mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday qodobada wax ka bedelka kooban lagu sameeyey ee 49-aad, 50-aad iyo 54-aad, islamarkaana ay soo jeediyeen guddiyada ku shaqada leh” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka guddoonka sare.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli weli xildhibaannada diidan Dastuurka ay buuq iyo fawdo ka wadaan golaha dhexdiisa, waxaana maanta xarunta la geeyay ciidamo dheeraad ah oo Boolis ah, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa.

Xildhibaan Macalimuu oo shaaciyay cidda soo dirtay xildhibaannada buuqsan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka ayaa runta u sheegay xildhibaannada mucaaradka ee fowdada ka dhex-wada baarlamaanka, isaga oo shaaciyay inay soo dirsadeen dowlad-goboleedyada kasoo horjeedo dowladda dhexe.

Xildhibaanka oo qoraal soo saaray ayaa ka digay carqaladeynta kulamada baarlamaanka, wuxuuna ku taliyay in sharciga la ilaaliyo, codna lagu kala baxo.

“Ma aha waddo sax ah in si bareer ah loo carqaladeeyo habsami-u-socodka howlaha Baarlamaanka, gaar ahaan marka ay taasi ku dhisan tahay taageero laga helayo Dowlad-Goboleedyo ka horjeeda Dowladda Federaalka. Khilaaf kasta oo siyaasadeed oo jira, waxaa habboon in lagu wajaho wada-hadal iyo kulamada horey loogu ballansanaa ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan sax ahayn in la carqaladeeyo shaqada golaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in baarlamaanku yahay hay’ad dastuur ah oo ay waajib tahay in si xor iyo xushmad leh u guto waajibaadkiisa.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan;-

Wax-ka-beddelka Dastuurka waxaa si gaar ah masuul uga ah labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad Dastuurka Kumeelgaarka ah. Sidaa darteed, habraaca wax-ka-beddelka dastuurku waa in uu ku socdaa dariiq sharci ah, iyadoo si furan looga doodayo aragtiyada kala duwan ee Xildhibaanadu qabaan, ugu dambeyntiina lagu kala baxayo cod.

Ma aha waddo sax ah in si bareer ah loo carqaladeeyo habsami-u-socodka howlaha Baarlamaanka, gaar ahaan marka ay taasi ku dhisan tahay taageero laga helayo Dowlad-Goboleedyo ka horjeeda Dowladda Federaalka. Khilaaf kasta oo siyaasadeed oo jira, waxaa habboon in lagu wajaho wada-hadal iyo kulamada horey loogu ballansanaa ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda.

Guddoonka Baarlamaanka waxay ku saxan yihiin in ay, iyagoo tixgelinaya rabitaanka inta badan Xildhibaanada, sii wadaan howlaha Golaha, isla markaana ay qaadaan tallaabooyinka ku habboon cid kasta oo carqalad ku keenta shaqada Baarlamaanka, sida ay dhigayaan Xeer-Hoosaadyada Golaha.

Waxaa sidoo kale mudan in la soo dhaweeyo wax-ka-beddelka lagu sameeyay qodobadii 49, 50 iyo 51 ee Cutubka Afraad ee Dastuurka—kuwaas oo aan anigu hore uga mid ahaa dadka diidanaa—kadib soo-jeedintii mucaaradka, taas oo muujinaysa in geeddi-socodku yahay mid furan oo la is dhageysanayo.

Dastuurku ma laha muxaafad iyo mucaarad midna; waa heshiis qaran oo ay waajib tahay in dhammaan si masuuliyad leh uga wada qayb-qaataan dhammaystirkiisa.

Shariif oo war kasoo saaray arrinta ka taagan baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd haddana ah Xildhibaan, Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii maanta ee baarlamaanka, kadib markii ay mar kale fowdo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa , sidoo kalena laga celiyay xildhibaanno u badan kuwa mucaaradka, sababo la xiriira xiisadda ka dhalatay Dastuurka.

Sheekh Shariif ayaa shaca ka qaaday in si cad loo burburinayayo hanaanka dowladnimada Soomaaliya, isla markaana lagu tumanayo sharciga dalka.

“Waa masuuliyad darro waxa ka socda golahii BJF Soomaaliya oo ah muraayaddii dalka, mana ahan suuragal in horteenna lagu burburiyo hannaanka dowlad-dhiska dalkeenna oo meel fog laga keenay.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay sida loola dhaqmay xildhibaannada iyo wariyeyaasha loo diiday inay galaan baarlamaanka.

“Sida loola dhaqmay xildhibaanada iyo warbaahinta xorta ah waa calaamad kale oo habayaraatee aan raad ku lahayn dowlad wanaaga” ayuu sii raaciyay.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd oo hadalkiisa sii wata ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu kusoo laabto xeyndaabka dowladnimada iyo sarreynta sharciga, isla markaana uu joojiyo waxa uu wado.

“Arkaanta dowladnimada waxaa ugu muhiimsan isla-xisaabtan iyo daah-furnaan, waxaana sidoo kale wax laga xumaado ah hab-dhaqanka hoggaanka baarlamaanka oo ku milmay damaca madaxtooyada ee qar iska tuurka ah” ayuu mar kale yiri Shariifka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo baarlamaanka uu haatan wajahayo xaalad adag oo ka dhalatay wax ka beddalka dastuurka, waxaana guddoonka sare uu sheegay in maanta laga dooday qodobo kamid ah cutubka 4-aad, gaar ahaan qodobiisa 50aad iyo 54aad, taas oo uga sii dareysa xiisadda taagan.

Daawo: Guddoonka golaha shacabka oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisada taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa maanta qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda ka taagan golaha ee ka dhalatay wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay bogga Facebook-gga ee Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu sheegay in xildhibaannada labada Gole ay ka doodeen wax ka beddalka cutubka 4-aad ee Dastuurka, xilli saaka la arkayey buuq iyo ismari-waa hareeyey fadhigii maanta.

“Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan wadajir ah ayaa ka dooday qodobo ka mid ah cutubka 4-aad ee dastuurka Kmg ah” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Aqalka Sare ayaa dhankiisa isaguna shaaciyay go’aan kan lamid ah, waxaana xoghayaha Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka Senator Saciid Cabdi Xasan Cowke uu yiri “Xildhibaannada labada Aqal waxaa laga rabaa inay mas’uuliyadooda ka gutaan Dastuurka Dalka, oo aan wadatashi kala yeelanay dhammaan heerarka kala duwan ee bulshada iyo laamaha dowladda”.

Dhinaca kale, Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka oo isna qoraal soo saaray ayaa sheegay in Baarlamaanka oo ka dooday soo jeedimaha wax ka beddealka qodobada Dastuurka, gaar ahaan Qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad.

“Kulanka 11aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka oo ajendihiisu ahaa ka doodista soojeedin kooban oo ku saabsan Qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad ee Cutubka 4aad oo uu shirguddoomimayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Sen. Cali Shacban Ibrahim ayaa hadda soo xirmay” ayuu yiri guddigu.

Waxaa kale oo uu bayaanka intaasi kusii daray “Guddomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Avv. Burhan Adan Omar ayaa Xildhibannada Labada Aqal ee Baarlamaanka u soo bandhigay soojeedimaha Wax-kabedeelka Cutubyada 5aad Ilaa 9aad ee Dastuurka, iyo soojedin kooban oo ku saabsan Qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad ee Cutubka 4aad”.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli weli xildhibaannada diidan Dastuurka ay buuq iyo fawdo ka wadaan golaha dhexdiisa, waxaana maanta xarunta la geeyay ciidamo dheeraad ah oo Boolis ah, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase guddoonka sare ee Baarlamaanka uu u muuqdaa inuu qaatay go’aan uu kusii wadayo meelmarinta wax ka beddalka Dastuurka oo haatan xiisadda ugu wayn ay ka taagan tahay.

Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay R/W Xamza ee looga yeeray Muungaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayo soo bandhigidda iyo dardargelinta Biyo-Mareenka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo lagu marti qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulankan oo sidoo kale ay ka qayb-galeen inta badan Golaha Wasiirad ayaa waxaa ugu horreyn warbixin looga dhagaystay Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta XFS, maamulka Gobolka Banaadir iyo xeel-dheerayaal ka socda mashruucda NAGAAD , taasi oo ku saabsan farsamada iyo qorshaha guud ee Biy-mareenka Naqshadda, baaxadda iyo marxaladaha hirgalinta.

Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen, ayaa sharaxay in lagu guuleystay furitaanka dhuumihii hore ee biyo-mareenada ee xirmay, balse loo baahanyahay in la dhiso kuwo cusub iyo goobo waara, si looga hortago fatahaadaha markasta dhaca ee dhibaatada naf iyo maalba leh.

Dhankiisa Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigay maalgelinta dhaqaale ee loo qorsheeyay, kaalinta looga baahanyahay in dowladda Soomaaliyeed buuxiso iyo heerka kaalmadda Bangiga Adduunka uu ku leeyahay hawshan baaxadda leh, oo ka socota magaalooyin kala duwan oo dalka ah.

Sidoo kale Wasaaradaha kala ah Dhaqaalaha Buluugga, Duulista iyo Gaadiidka Hawada, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo door ku leh hawshan ayaa  soo jeediyay warbixinno ku saabsan hawlaha qaran ee socda saamayntooda iyo sida la-isu waafajin karo.

Intaas kadib Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay dib-u-soo celinta billicda caasimadda iyada oo dib loo furayo biyo-mareennadii hore ee xirmay si loo helo tuubooyin biyaha qaada oo tayo leh, isaga oo faray hey’adaha ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga howl-gallaan hirgalinta mashuurcan oo muhiimad weyn u leh caasimadda.

Mashruuca biyo-mareennada caasimadda oo leh ahmiyad Qaran ayaa si toos ah u taabanaya badqabka, nadaafadda iyo horumarka guud ee caasimadda, maadaama uu door weyn ka qaadanayo ka hortagga fatahaadaha, yaraynta cudurrada ka dhasha biyaha wasakhda ah, ilaalinta deegaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, guryaha iyo goobaha ganacsiga.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in mashruucan uu noqdo mid la taaban karo oo guuleysta loona hirgaliyo sida ugu wanaagsan si magaalada Muqdisho u noqoto caasimad u diyaarsan maalgashi.

Mareykanka oo hal arrin u xaqiijiyay R/W Xamza + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta la kulmay Sii-hayaha Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Justin Davis, isaga oo u xaqiijiyay in dowladdiisa ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Labad mas’uul ayaa si gaar ah kulankooda diiradda ugu saaray xoojinta xiriirka labo-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Inta uu socday kulanka waxaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimaha amniga iyo la-dagaallanka argagixisada oo haatan maraya meel wanaagsan, iyada oo dowladda Soomaaliya ay kala kaashanayso saaxiibada caalamiga ah.

Sidoo kale, Xamza ayaa warbixin guud ka siiyey Danjiraha horumarrada laga gaaray amniga dalka, dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah iyo dadaallada Xukuumadda ee lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay cadowga, isaga oo xusay, kana mahadceliyay in taageerada Dowladda Maraykanka iyo doorka muhiim ah ee ay ka qaadatay tababbarka, qalabeynta iyo  xirfadaynta ciidamada Qaranka.

Waxaa kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu is-dultaagay muhiimadda weyn ee dowladda u leedahay in xoogaha xagjirka ah laga saaro dhul beereedka si dalka u gaaro isku filnaansho dhanka  maalgashiga iyo cunnada ah.

Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa dhankiisa bogaadiyey guulaha is-daba-joogga ah ee ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka dadweynaha.

Danjire Justin Davis ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dowladda Maraykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, taakulaynta ciidamada iyo gargaarka bini’aadantinimo oo xilligan ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii gurmad loo gaarsiin lahaa bulshada ay saamaysay.

Dhanka kale waxa uu adkeeyay in dowladda Maraykanka si buuxda u taageersantahay midnimada iyo madaxbanaanida  dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa si qoto-dheer loogu wada-hadlay xaaladaha bini’aadannimo ee dalka ka taagan iyo sidii samofal loo gaarsiin lahaa malaayiinta qof ee ay abaaraha saameeyeen, iyada oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa, ka dhowaajiyay in Xukuumadda DanQaran, ay hirgalisay qorshe ballaaran oo isku tashi shacab iyo dowlad ah oo bulshada lagu garab-istaagayo, iyada oo saaxiibada caalamka oo uu Maraykanka ugu horeeyana looga baahanyahay in ay gacan ka gaystaan.

Xildhibaanada mucaaradka oo qaylo dhaan afka furtay kana horyimid go’aanka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada mucaaradka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa qaylo dhaan afka furtay, iyaga oo si adag ua fal-celiyay arrintii maanta ka dhacday xarunta Baarlamaanka, kadib markii guddoonka sare uu sheegay in xubnaha labada Gole ay ka doodeen wax ka beddalka cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ka ah.

Xildhibaannada ayaa beeniyay warkaasi, waxaana ay sheegeen in maanta aan wax Dastuur ah laga wada xaajoon, sida ay ku doodeen.

Cabdiraxmaan Cabdisakuur oo kamid ah mudanayaasha hadlay aya sheegay in wixii maanta dhacay ay kala qaybinayan dalka iyo dadka.

“Maanta Dastuur aan laga wada xaajoonin dadkii lagu kala qaybiyo oo aanan wax dan ah laga gelin oo midnimada la fiirin ee lagu dhaqaaqay in si ula kac loo sii kala qaybiyo dalka iyo dadka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa kale oo uu kusii daray “”Saaka waxaan sii marnay 9 isbaaro, tani waa dowlad ku dhaqmayso awood ciidan oo dastuurka aan ilaalineyn, wixii saaka dhacay wax lagu tilmaamo lama yaqaano”.

Dhankiisa, Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo isna hadalka qaatay ayaa ku baaqay in laga hortego damaca madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku eedeeyay in dalka uu ku wado meel halis ah.

“Xasan hala iska qabto, dalka halis ayuu ku wadaa, Siyaad Barre isaga ayaa ka daran, wixii maanta dhacay waa wixii qarankeena dumiyay” ayuu yiri Samatar.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli weli xildhibaannada diidan Dastuurka ay buuq iyo fawdo ka wadaan golaha dhexdiisa, waxaana maanta xarunta la geeyay ciidamo dheeraad ah oo Boolis ah, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase guddoonka sare ee Baarlamaanka uu u muuqdaa inuu qaatay go’aan uu kusii wadayo meelmarinta wax ka beddalka Dastuurka oo haatan xiisadda ugu wayn ay ka taagan tahay.

Xildhibaan live kasoo galay BF oo sheegay inay dagaal u diyaar garoobeen + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo live kasoo dhex-galay xarunta Villa Hargeysa oo lagu waddo in goor dhow ay shir ku yeeshaan labada Gole ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladda meesha ka jirta.

Xildhibaanka oo soo bandhigay muuqaalka guud ee xarunta oo ciidamo ay ku dhex-jiraan, isla markaana uu ka socdo dhaq-dhaqaaq culus ayaa sheegay in maanta ay u diyaar garoobeen dagaal, haddii lasii wado doodda Dastuurka.

“Saaka dagaal baan u diyaar garoobay wax jaakad la yiraahdo ma jiraan, lama waxeynayo” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).

Isaga oo ka hadlayay ciidamada lasoo geliyay gudaha xarunta wuxuu yiri ”Haaheey saaka iyo hoolka Baarlamanka sidaasaa Alle u qadaray, askartii waxayba leeyihiin mobile-da idinka qaadaynaa. Ha beensanina hadaa aragtaan anoo askari mobile-ka iga qaatay saakay. Intii la yaqaanay waa ka gudubtay”.

Xildhibaan kale oo ka hadlay goobta ayaa isaguna nasiib darro ku tilmaamay xaaladda adag weli ka jirta Baarlamaanka, wuxuuna sheegay inay ka hortagi doono wax kasta oo sharci darro ah, gaar ahaan wax ka beddalka Dastuurka.

“Farriinteyda waxaa weeye Soomaaliyeed in Baarlamaanka la suurad xumeeyay laga dhigay meel qashin ah askar laga soo buuxiyay annaga oo rabna inaan si nabad ah u diidno, kana hor imaaneyno sharci darrada” ayuu yiri xildhibaan kale oo live-ka ka dhex-hadlay.

Guddoonka sare ee Baarlamaanka ayaa markii saddexaasd isku dayayo in la guda galo ansixinta ajendaha, si looga doodo Dastuurka, gaar ahaan cutubyadiisa 5-aad ilaa 9-aad ee haatan lasoo jeediyay in wax laga beddalo.

Arrintan ayaa keentay in xildhibaannadu ku kala qaybsamaan, waxaana kasoo horjeedo kuwa mucaaradka oo u badan xubnaha laga soo doorto Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxa ay arrintan sababtay in xalay guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow uu  soo saaro go’aan rasmi ah oo uu illaa 19 xildhibaan uga joojiyay kulamada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannadaas ayaa toos looga mamnuucay ka-qaybgalka 12 kulan oo ah fadhiyada wada-jirka ah ee labada gole, iyo fadhiyada kale Golaha Shacabka oo ka bilaabanaysa maanta oo Sabti ah oo taariikhdu tahay 07/02/2026, iyada oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen  qalalaasihii ka dhacay fadhigii u dambeeyay ee wadajirka ahaa.

Horay waxaa sidoo kale fadhiyada Baarlamaanka, 12 kulan looga joojiyay 18 xildhibaan iyo 2 Senator oo iyana ku lug lahaa qalalaase ka dhacay golaha.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana dib u dhacay wada-hadalladii la filayay inay u bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka oo qorshuhu ahaa in heshiis ay ku garaan labada dhinac.

Villa Somalia oo beenisay warkii uu Farmaajo shalay ka sheegay madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay sheegashada Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee ahayd in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday inuu joojiyo olole taageero loogu ururinayay, si guri loogu dhiso.

Afhayeenka Madaxtooyada, Cabdicasiis Golfyare, ayaa ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Farmaajo mid “ka fog xaqiiqada,” isaga oo meesha ka saaray inuu jiro wax wadahadal ah oo dhex maray labada mas’uul oo ku saabsan dhismaha guriga la sheegay in ay shacabka u dhiseen.

Murankan ayaa soo shaac-baxay kadib markii Madaxweynihii hore, Farmaajo, uu shalay sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu lasoo xiriiray, kana codsaday inuu hakiyo ololaha “Mahadsanid Madaxweyne”, isaga oo ku dooday in mashruucaasi uu “dareenkii shacabka ka qaatay dowladdii cusbeyd.”

Hase yeeshee, Villa Somalia ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay beenisay eedeyntaas.

“Ma jiro wadahadal dhex maray Madaxweynaha JFS iyo Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku saabsan dhismaha guriga la sheegay,” ayuu yiri Afhayeen Golfyare.

Waxa uu intaas ku daray in xilliga uu Farmaajo sheeganayo, Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku mashquulsanaa arrimo masiiri ah sida “dagaalka lagula jiro Khawaarijta (Al-Shabaab), dadaallada deyn cafinta, iyo qaadista cuna-qabataynta hubka.”

Villa Somalia ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore, iyadoo ku eedeysay inuu raadinayo “hadal-hayn warbaahineed” oo aan xaqiiqo ku dhisnayn.

Hadalladan la is-dhaafsaday ayaa imanaya xilli shalay xarigga laga jaray guri laga dhisay deegaanka taariikhiga ah ee Ceeljaalle, degmada Marka, kaas oo ay taageerayaasha Farmaajo ugu dhiseen hadiyad ahaan, sida la sheegay.

Sida uu sheegay xafiiska Madaxweynihii hore, dhismaha guriga oo loogu magac daray “Mahadsanid Madaxweyne” ayaa ku kacay lacag dhan $295,000, iyadoo wadarta guud ee ay shacabku iska ururiyeen ay gaartay $300,000.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhaleeceysay soo bandhigista gurigan xilligan, iyadoo ku tilmaamtay tallaabo aan ka turjumayn mas’uuliyadda hoggaamineed.

“Waa ayaan-darro in la soo bandhigo guri ay ku kacday $300,000 xilli dadka Soomaaliyeed ay la daalaa-dhacayaan abaaro iyo duruufo adag,” ayaa lagu yiri bayaanka afhayeenka Villa Somalia.

Dhankiisa, Farmaajo oo u mahadcelinayay dadkii ka qeyb-qaatay dhismaha ayaa sheegay in ololahani uu astaan u yahay in “dowladnimadu ay tahay hanti ay wada leeyihiin muwaadiniintu.”

Daawo: 6 qof oo Moroccan ah oo lagu haysto Garowe oo baahiyay muuqaal naxdin leh

Muqdisho (Caasimada Online) — Lix muwaadin oo u dhashay dalka Marooko kuwaas oo ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, ayaa codsi degdeg ah u diray dowladda dalkooda, iyagoo sheegay inay weli u xiran yihiin si sharci darro ah.

Raggan oo muddo dheer ku jiray xabsiga ayaa sheegay in inkastoo labo sano ka hor ay maxkamadi ku weysay eedihii argagixisada ee loo heystay, isla markaana lagu xukumay in dalka laga tarxiilo, ay weli ku go’doonsan yihiin gudaha xabsiga.

Mid ka mid ah maxaabiistan oo lagu magacaabo Maxamed Al-Busadi ayaa muuqaal dhowaan lagu baahiyay baraha bulshada ku sheegay in wakiillo ka socda Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ay booqdeen bishii Jannaayo ee sannadkan. Al-Busadi ayaa xusay in loo sheegay in dhammaan galalka dacwadooda iyo dukumentiyadooda sharciga ah loo gudbiyay safaaradda Marooko ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sida uu sheegay maxbuuskan, mas’uuliyiinta Laanqayrta Cas ayaa u xaqiijiyay in dhammaan nidaamkii maamul la soo afjaray, balse ay hadda sugayaan oo kaliya waraaqaha aqoonsiga safarka iyo tikidhada diyaaradda si ay dalkooda ugu laabtaan. Waxa uu intaas ku daray in dowladda Marooko ay horay u oggolaatay inay bixiso kharashka ku baxaya dukumentiyadaas.

Baaq loo diray boqorka

Maxamed Al-Busadi ayaa baaq toos ah u diray Boqorka dalka Marooko, Maxamedka Lixaad, isagoo ka codsaday inuu soo dhex galo arrintooda si loo soo afjaro dhibaatada ay ku jiraan.

“Laba sano ka hor ayaa nala bari-yeelay, waxaana naloogu xukumay in dalka naga la tarxiilo. Dhammaan faylasheenii waa diyaar, waxaan u dhiman nahay oo kaliya tigidhada diyaaradda,” ayuu yiri Al-Busadi oo muuqaalka ka soo muuqday isagoo ka walwalsan xaaladdiisa.

Maxaabiistan ayaa sidoo kale ka cabanaya duruufaha nololeed ee ka jira gudaha xabsiga, iyadoo dhowaanna la filayo inay dhalato bisha barakaysan ee Ramadaan. Al-Busadi ayaa xusay inay la tacaalayaan cunno iyo biyo yari baahsan, taas oo ka dhigaysa noloshooda mid aad u adag.

“Xaaladda halkan ka jirta waa mid aad u qallafsan. Biyaha iyo cuntadu waa gabaabsi. Waxaan ku jirnaa xanuun iyo dhibaato weyn, gaar ahaan anagoo ka fog qoysaskayadii iyo dalkayagii,” ayuu raaciyay.

Muuqaalkan ayaa dhaliyay falcelin ballaaran oo ka dhex dhalatay shacabka dalka Marooko iyo baraha bulshada. Inkastoo dad badan ay muujiyeen dareen naxdin leh, iyagoo ugu baaqay dowladda Marooko inay degdeg u soo celiso muwaadiniinteeda, haddana waxaa jira dad kale oo su’aalo iska weydiinaya qaabkii ay raggan ku tageen Soomaaliya.

Dadka qaarkood ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in si cad loo sharxo duruufaha ku xeeran safarkooda iyo sababtii markii horeba loo xiray, iyadoo dadka qaar ay baraha bulshada ku qoreen: “Arrintani shaki ayay xambaarsan tahay. Maxay halkaas u tageen? Wax aan is-qabanayn ayaa jira.”

Ilaa hadda, maamulka Puntland iyo dowladda Marooko midna si rasmi ah ugama hadlin cabashadan cusub ee ka soo yeertay maxaabiistan ku xiran xabsiga Garowe.

Xasan Sheekh oo fagaare caalami ah uga hadlay faro-gelinta Israa’iil iyo dagaalka…

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar ayaa ka qayb-galay Madasha 17aad ee Aljazeera, isaga oo ka jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo xadgudbka Israa’iil.

Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay ka hortegtay farogelinta Israa’iil ee madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay ka hor imaaneyso xeerarka caalamiga ah ee dunida.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay is hor istaagtay xadgudubka Israa’iil ee December ku samaysay Midnimada Dalka, waa tallaab ka dhan ah Xeerarka Caalamiga ah iyo kan Midowga Midowga Afrika” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Badda Cas waxa ay sal u tahay xasiloonida nabadgalyada Adduunka iyo marinka Ganacsiga, waxaa wadaaga Dalal badan oo Soomaaliya ay kamid tahay, Israa’iil ayaa si sharci darro ah damacday in ay xasilooni darro ka abuurto iyada oo soo maraysay faragelinta ay ku samaysay Soomaaliya, tallaabadaas waxa ay kahor imaanaysaa mabaadi’ida Afrika”.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dhibaatooyinka ay Israa’iil ku hayso reer Falastiin, isaga oo carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay si buuxda u  taageersan tahay qorshaha dowlad dhiska Falastiin, taasna uu tahay xalka kaliya ee loogu gudbi karo dhibaatada taagan.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay arrimo ku aadan ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jira kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish, isaga oo guul wayn ka sheegtay.

Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka oo kaashaneysa saaxibada caalamia ah ay qaadeen guluf culus oo lagu cuuryaamiyay Khawaarijta, isaga sidoo kale amaanay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Soomaaliya waxa ay horumar ka samaysay dagaallada Caalamiga ah ee ka dhanka ah Argagixisada, Dagaalkaan ayaa isugu jira mid Militari, Dhaqaale iyo fikir, waxaan taageerro ka helnay Saaxiibada Caalamiga, waxaana bogaadinayaa geesiyaasha naftooda u huraya Dalkooda si looga adkaado Argagixisada” ayuu mar kale yiri khudbaddiisa ku yiri Madaxweyne Xasan

Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii dambe xoogga saartay dagaalka argagixisada, iyada oo howlgalladii ugu dambeeyay ay guullo waa wayn soo hoyeen Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xaq-u-diririka deegaanka.

Maxaa laga filan karaa kulanka maanta ee BF Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in mar kale maanta oo Sabti ah ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaas oo weli ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah.

Farriin xalay loo diray xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay inay si buuxda uga soo qayb-galaan kulankan, iyada oo guddoonka sare uu markii saddexaasd isku dayayo in la guda galo ansixinta ajendaha, si looga doodo Dastuurka, gaar ahaan cutubyadiisa 5-aad ilaa 9-aad oo haatan lasoo jeediyay.

Arrintan ayaa keentay in xildhibaannadu ku kala qaybsamaan, waxaana kasoo horjeedo kuwa mucaaradka oo u badan xubnaha laga soo doorto Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxa ay arrintan sababtay in xalay guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow uu  soo saaro go’aan rasmi ah oo uu illaa 19 xildhibaan uga joojiyay kulamada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannadaas ayaa toos looga mamnuucay ka-qaybgalka 12 kulan oo ah fadhiyada wada-jirka ah ee labada gole, iyo fadhiyada kale Golaha Shacabka oo ka bilaabanaysa maanta oo Sabti ah oo taariikhdu tahay 07/02/2026, iyada oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen  qalalaasihii ka dhacay fadhigii u dambeeyay ee wadajirka ahaa.

“Iyadoo la tixgalinaayo xaaladaha amniga, iyo in aysan soo noqon fowdo iyo carqaladeyn kale ee ka dhaca Golaha, kuwaas oo si toos ah u halis gelinaya badqabka Xildhibaannada, shaqaalaha Golaha Shacabka, iyo hannaanka gudashada waajibaadka Golaha Shacabka waxaa kulamada laga joojiyay xildhibaannadan.” ayaa lagu yiri go’aanka soo baxay.

Horay waxaa sidoo kale fadhiyada Baarlamaanka, 12 kulan looga joojiyay 18 xildhibaan iyo 2 Senator oo iyana ku lug lahaa qalalaase ka dhacay golaha.

Dhinaca kale, waxaana la ogayn sida uu kooramka u buuxsami doonno maanta, maadaama la ganaacay ilaa 40 xildhibaan oo ka maqnaan doono golaha 12 kulan oo xiriir ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana dib u dhacay wada-hadalladii la filayay inay u bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka oo qorshuhu ahaa in heshiis ay ku garaan labada dhinac.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa ku hoyanaya dalka…

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi si diirran loogu soo dhoweeyay, iyadoo ay qaabileen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Qatar.

Inta uu ku sugan yahay dalka Qatar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulamo miro-dhal ah la yeelan doonaa madaxda iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi.

Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka qeyb-geli doona Madasha Telefishinka Al-Jazeera oo ka qabsoomaysa magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, si loo dardargeliyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.

Ujeeddada guud ee socdaalkan ayaa ah adkeynta danaha qaranka, horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.