Dhageyso: Madaxweyne Xaaf oo sheegay inuu Imaaraadka u tagay sidii uu lacag usoo heli lahaa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu ku saxan yahay go’aanka uu xiriirka ugu jaray dowladad Qatar.

Xaaf oo hadda ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u sheegay inuu halkaas u aaday qaraab iyo sidii uu lacag kusoo heli lahaa.

Xaaf ayaa sheegay inuu Imaaraadka Carabta isgiisa aaday oo aysan jirin cid u wacatay, wuxuuna xusay inuu halkaas u tagay sidii uu Xulafada Sacuudiga ugu sheegi lahaa inuusan dowladda dhexe ku raacsaneyn mowqifka ay ka qaadatay Khilaafka Dowladaha Khaliijka.

Wuxuu sheegay inuu halkaas u aaday isaga iyo Madaxda maamul Goboleedyada kale sidii ay lacag usoo heli lahaayeen.

Hadalkaan ayaa muujinayo in Madaxda Maamul Goboleedyada ay uga hor imaadeen mowqifka dowladda dhexe ee ku aadan Khilaafka Khaliijka iyagoo fiirinayo lacagta tirada badan oo ay Imaaradka u adeegsaneyso sidii ay isaga hor keeni laheyd Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweyne Xaaf