Galmudug oo ciidamo iyo gaadiid dagaal geysay meel u dhow garoonka Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug oo wata gaadiid Dagaal ayaa la soo sheegayaa in goordhow ay gaaren eeryada Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Galkacyo oo dhisme lagu bilaabay.

Ciidamada iyo Gaadiidka dagaal ayaa la sheegay inay yihiin kuwo looga hortagaayo dhismo ay Puntland la damacsan tahay Garoonka diyaaradaha.

Ciidamadaani aadka u hubeysan ayaa la sheegay inay doonayaan carqaladeynta dhismaha Garoonka oo iminka bilaabanaaya.

Cabdi Xuseen Maxamed oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Ammniga iyo Siyaasadda Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu dhisme ku bilaabay garoonka, taasina ay tahay sababta dhalisay xiisada hadda ka taagan magaalladda.

Waxa uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka inaanu suuragal noqon doonin in leyska dhiso Garoonka iyadoo aan laga wada hadlin dhismaha.

Sidoo kale, Ciidamo kale oo aad u farabadan ayaa waxaa hadda lagu daadiyay Suuqa magaalladda Gaalkacyo, waxaana taas ay qalqal ku beertay ganacsatada suuqa Gaalkacyo.

Ilaa iyo hadda Maamulka Puntland kama uusan hadlin xiisada ka taagan magaalladda Gaalkacyo iyo Hub uruursiga Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com