Golaha wasiirada ma lagu dhawaaqay, xafiiska miyaa la idinka soo wacay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa sheeko cajiib noqotay oo maalmahaan ka taagneyd magaalada Muqdisho iyo guud ahaan deegaanada Soomaalida ay ku sugan tahay, waxayna wada sugayeen ogaanshaha golaha wasiirada xukuumada.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa sanadkaan waxay aad u dhowr sugayeen golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya iyo shaqsiyaadka kasoo muuqan doona.

Xafiiska Caasimada Online ee Muqdisho waxaa kusoo dhacayay wicitaano badan oo dhanka Teleefanada ah  iyo aalaha bulshada ku wada xiriirto, waxayna ruux kasta oo kula soo xiriira uu na weydiinayay xiliga golaha wasiirada la shaacinayo.

Waxay noqotay arin  cajiib ah markii xubno ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya  ay nala soo xiriirayeen daqiiqad kastaa iyaga oo na weydiinaya golaha wasiirada iyo goorta lagu dhawaaqayo.

Waxaan marar badan isweydiinay sababta xiisaha  u sheegay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya , maadaama sidaan aan loo xiiseyn jiray wasiiradii ka horeeyay.

Dad badan oo falanqeeya siyaasada ayaa sheegay inay labo arin sabab u  tahay in xukuuamadan aad loo hadal hayo.

1 Iney dadka is laheysiiyeen dowladda Soomaaliya oo ay beel walbaa iska dhex arko karto golaha wasiirada

2 Iyo iney dadka sugayaan beelaha aad u yar ee loo malaynayo inay xilal sare ka qabtaan golaha wasiirada cusub.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa in lagu dhawaaqo waxay qaadatay maalmo badan, waxaana laga dhowr sugayaa wasiirada lagu dhawaaqo iyo waxqabadka ay la imaan doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com