Mareykanka oo ka digay khatar amni oo ku fool leh Sacuudi Carabiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa waxaa looga digay muwaadiniinta Mareykanka ee u socdaala dalka Sacuudiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan wadanka Sacuudi Carabiya, iyaga oo sababta digniinta ku sheegay hanjabaadyo argagixisannimo iyo rabshado uga imaan kara Sacuudiga dalka Yeme.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa sheegtay inay suuragal tahay in maleeshiyaadka argagixisada ah ay falal amni darro ka geystaan gudaha dalka Sacuudiga, iyadoo laga faa’iideysanaayo dhibaatooyinka ka taagan Yemen.

Wasaaradu waxa ay sheegtay inay suuragal tahay in Sacuudiga ay usoo gudbaan gantaalada ballistic-ga ah ee kooxda xuuthiyiinta dalka Yemen kusoo tuuraan dhanka boqortooyada Sacuudiga.

Sidoo kale, Gantaalkii ugu dambeeyay ee lagu soo riday Sacuudi Carabiya ayaa lagu qabtay hawada waqooyiga caasimadda, Riyadh, November 4-deedii, waxana lala beegsanayay garoonka diyaaradaha ee King Khalid International Airport.

Tani ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Sacuudi Carabiya ay hogaamineyso isbahaysiga dagaalka kula jira Yemen tan iyo bishii Maarso 2015, markii boqortooyada ay soo faragalisay inay dib u riixaan ciidamada Xuutiyiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com