Muran ka taagan hanaanka shaqo ee safaaradaha ay DF ku leedahay caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia waxa uu muran ka taagan yahay hanaanka shaqo ee safaaradaha Soomaalida.

Wararku waxa ay sheegayaan in muranka ugu badan uu yahay mid ka taagan howlwadeenada Safaaradaha qaar oo u badan hal dhinac.

Howlwadeenada qaar ayaa la sheegay inaan loo eegin awood qeybsiga, iyadoo ay u badan yihiin hal beel, halka beelaha kale ay yihiin kuwo aan Safaaradaha ku laheyn kuraas.

Muranka ugu badan ayay Xildhibaanadu sheegen inuu ka taagan yahya ilaa 7 Safaaradood oo howlwadeenada ugu badan ay yihiin kuwo kasoo jeeda hal beel.

Howlwadeenada qaar ee ka howlgala Safaaradaha ayaa sidoo kale la xaqiijiyay inaan la marin Wasaarada arrimaha dibadda Somalia, oo khuseysa howlgalinta howlwadeenada.

Howlwadeenada ugu badan ayaa sidoo kale la sheegay inay ku heeb yihiin Safiirada dowlada Federaalka u fadhiya dalalkaasi.

Sidoo kale, howlwadeenada ugu badan ayaa Safaaradaha ka howlgalay mudadii ay jirtay dowladii Xasan Sheekh Maxameed ee uu Ra’isul wasaaraha ka ahaa Cumar C/rashiid.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaarada arrmaha dibadda Somalia ayaa iminka wada dib u habeyn lagu sameynaayo Safaaradaha, iyadoo leysku dhiila tiraayo Howlwadeenada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com