Sawirro: Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka ka socda Kampala

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Khudbad dheer ka jeediyay Shirka Isgarabtaagga Uganda ee arrimaha Qaxootiga.

Madaxweynaha ayaa Khudbadiisa kaga hadlay dhinacyo dhowr ah, waxa uuna ku baaqay in fursado lasiiyo qaxootiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in Qaxootiga Soomaalida lasiiyo fursado ay uga shaqeysan karaan dalalka ay martida u yihiin si ay noloshooda u hormariyaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sharciyadaasi ay yihiin kuwo dhawaan ay dowlada Ugandha u sameysay qaxootiga kale ee adduunka.

Madaxweynaha waxa uu sheegay inuu la kulmay Ganacsato Soomaaliyeed oo dhowr ah kuwaa oo ku dhex ganacsada magaalada Kampala iyo Gobolada kale ee Ugandha.

Isagoo ka hadlaayay la kulankooda ayuu yiri ”waxaan maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo deggan magaalada Kampala, kuwaas oo ii sheegay, in ay haystaan xornimo ay ku ganacsadaan, guryo ku iibsadaan, ugana qeyb qaataan horumarka dhaqaale waddankan”

”Waxay cadeyneysaa in Soomaalidu ay yihiin dad leh adkeysi iyo hal abuur ganacsi”.

Farmaajo ayaa sheegay in horumarka ay ku tallaabsadeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan ay muujineyso soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan ee ay kala kulmeen dadka reer Uganda.

Waxa uu sheegay in dowlada Ugandha ay uga mahad celinayaan guulaha ay gaarsiiyeen Ganacsatada iyo Soomaalida safar u jooga ah ee ku nool dalka Ugandha.