Sheekh Shariif oo Muqdisho soo gaaray isagoo aqbalay xil uu dhawaan u magacaabi rabo Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho oo ka tagay dhawaan markaas oo uu ka qeyb galay doorashadii ka dhacay Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb galay doorashadii uu Farmaajo ku guuleystay ayaa la filayaa in dhawaan loo magacaabao xil aad u weyn.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo doonayo inuu dardargeliyo howlaha dib u heshiisiinta qaranka ayaa Sheekh Shariif ku qanciyey inuu qabto xilka Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee dib u heshiisiinta.

Sheekh Shariif ayaa si weyn usoo dhaweeyey xilka uu u gartay Farmaajo oo ay saaxiibo dhow yihiin, waxaana la filayaa in dhawaan xilkaas loo magacaabo isla markaasna ay ansixiyeen golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xilkaan ayaa waxaa horey u haayey Ismaaciil Macalin Muuse oo xilkaas loo dhiibay xilligii dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana muuqato inuusan guddigaas shaqo gal aheyn.

Dowladda Farmaajo ayaa dooneyso inay guul weyn ka gaarto dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxayna arrintaas jeclaatay inay u marto  madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aqoon buuxda u leh qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.