Shir weyne looga hadlayay dhismaha Jubbaland oo lagu qabtay Doolow

Waxaa Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ka dhacay Shir Balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Siyaasiyiinta Gobolka Gedo lagana hadlayay  Mustaqbalka Maamul usameynta Jubbaland State.

Shirkaan oo labo maalmoood oo xiriir ah ka socday Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa waxaa ka qayb galayay dhinacyo kala duwaan oo ay ka mid yihiin Wafdi Balaaran  oo dhawaan soo garay Gobolka Gedo kuwaas oo markoodi hore ka yimid Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose iyo Siyaasiyiinta iyo saraakisha Ciidamada Gedo  kuwaas oo ka kala yimid  Dagmoyinka xorta ah ee gobolka gedo marka laga reebo Dagmada Ceelwaaq oo aan so xaadirin.

Shirkaan ayaa waxaa loga hadlayay sida ugu macquulsan ee lo dhisi karo maamul ay yeeshaan Jubboyinka iyo Gedo iyo kaalinta ay qaadan karto Dowlada Fadaralka Somalia.

Dood badan oo  dhinacyadi  Shirka ka qayb galayay  ay is wadarsadeen ka dib  Siyaasiyiinta  Saraakiisha  iyo waxgaradka gobolka gedo waxay isku raceen in  si buuxda lo taageero dhismaha maamul mideeya Jubboyinka iyo Gedo.

Sido kale Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha iyo Waxgaradka Gobolka Gedo waxaay isku raceen in Kaalin mugleh  howlaha maamul usameynta jubboyinka iyo gedo laga siiyo Dowlada Fadaraalka Somalia oo ay sheegen in ay tahay Dowlada Rasmiga ah ee ka talisa Wadanka Somalia.

Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax  oo hogaaminayay Wafdigii Kismaayo ka yimid ayaa waxaa uu shegay in uu soo dhamaday madmadowgi Dowlada Somalia iyo Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ku dhex jiray waxana uu si weyn ugu mahad celiyay Raisulwasaaraha Somalia oo uu shegay in uu kalin weyn ka qatay isfahanka dhexmaray dhinacyadi is diidana.

“Hadi ay jirtay waqti la oran jiraay Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo Dowlada Somalia way is haystaan  hada  taasi wa laga gudbay shacabka reer Jubbaland wa in ay u diyaargarooban  dhismaha Maamul ay si wada jir ah iskaga kaashadan Dowlada Somalia  Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ayu yiri Gudomiye Aw-libaax.

Kulankaas ayaa waxaa sido kale  ka hadlay Masuliyiin ay ka mid yihiin  Ex Xildhibaan Maxamuud Sayiid Adaan, Gudomiyaha Doolow  Cabdirashiid Janan, Gudomiyaha Dagmada BaladXaawo Mudane Beerxaani, iyo Masuuliyiin kale oo ka kala socotay Dagmoyinka Luuq iyo Garbahareey, Odayaal dhaqameed iyo waxgarad kale kuwaas oo guud ahaan mujiyay sida ay u garab taagan yihiin Dhismaha Maamul mideeya Gobolada Jubboyinka iyo Gedo oo ay Dowlada Somalia ku yeelato kaalin muuqata.

Ugu  danbeyn Shirkaan ayaa waxaa uu ku soo dhamaday  guul iyo isfahan ayado wafdigii ka socday Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ay dib ugu labteen Magaalada Balad Xaawo ee Gobolkas Gedo  halkaas oo ay uga sii gudbidoonan Dagmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo  oo ayadana ay ku qaban doonan kulan la mid ah midka ka dhacay Doolow kadib na waxaay uga sii gudbi doonan Magaalada Dhobleey ee Gobolka Jubbada hoose .