Shirkia Kismaayo: Waxa uu ka jawaabayaa qorshihii qeybi oo xukun

Waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu maalinta Isniinta si rasmi ah uga furmo shir Ajandihiisa lagu sheegay “Wadatashiga Maamul-gobolleedyada” gogoshaas oo uu dhigay Madaxwaynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Tan iyo intii uu ku dhawaaqay gogoshaas Axmed Madoobe, waxaa aad isu soo taraysay caqabado siyaasadeed iyo jahwareer ka dhashay nuxurka kasoo baxaya shirka Kismaayo.
Tusaale ahaan, shirka Kismaayo wuxuu mugdi wayn galiyay wadashaqayntii Maamullada iyo DF, si gaar ah wuxuu daqaro siyaasadeed uga abuuray maamullada Puntland iyo Jubaland.
Dhinaca kale – Waxaa jira in Madaxwayne Axmed Madoobe ay xafiiskiisa soo gaareen warqado la xiriira in uu joojiyo shirka, kuwaasi oo ka socda dowladaha gobolka ee ciidamadu ka joogaan deegaannada Jubaland, dhammaanba tillaabooyinkaasi waxay noqdeen kuwo cabsi wayn ku abuuray Axmed Madoobe, waxaana uu waajahay walwala xiririira in ay saamayso dabaysha ka curatay Hirshabeelle iyo Galmudug.
Waayo cidda riixaysa in uu qabsoomo Shirka Kismaayo?
Sida aan ku helayno warar lagu kalsoonyahay, waxaa jira dhowr jiho oo dhiirigalinayo in uu qabsoomo shirka Kismaayo, waxaana jihooyinkaasi ka mid ah.
1- Dowladda imaaraadka oo rabta in ay wiiqdo awooda dowladda dhexe, si ay ugu suurto-gasho qorshaheeda “Qaybi oo xukun”
2- Shariif Xassan oo xilligaan waajahaya culaysyo siyaasadeed oo kaga furan gudaha Koonfur-galbeed, taa badalkeedana taageero ka raadsanaya Madaxda Maamullada kale.
3- Axmed Madoobe Iyo C/wali Gaas oo xilligaan aad uga shakisan DF, kuwaasi oo Shariif Xassan uu ka dhaadhiciyay in weerar lagu yahay Nidaamka Federaalka, haddii isaga la tuurana aysan ka dambaynayna
4- Xaaf oo aaminsan in aad loogu hiiliyay marba haddii isagoo matalaya Galmudug uu kursigaaa kaga qayb-galo shirka Kismaayo, sidaas awgeed-na naf iyo maalba u huray in uu qabsoomo shirkaasi.
Si kasta oo ay xaalku ahaadaba, shirka Kismaayo ayaa Soomaalidu u aragtaa mid lagu hagal-daacinayo wadajirka Soomaaliya.
W/Q: Maxamed Cabdullahi Maxamed
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid