Wasiir Yusuf Garad oo ka hadlay qorshaha saldhiga Turkiga ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumada Somalia Yusuf Garaad Omar ayaa ka hadlay qorshaha la filaayo in dhawaan magaalada Muqdisho looga furo Saldhiga ay maamuli doonto dowlada Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaasi uu yahay mid ay horay uga wada hadleen dowladaha Somalia iyo Turkiga, maadaama Somalia ay baahi gaara u qabto Saldhig iyo Saraakiil u tababara ciidamada.

Waxa uu sheegay in dowlada Turkiga ay Saldhigaasi furi doonto dhawaan si ay uga anfacaan ciidamada dowlada ee tababarada dibadda loo qaadi jiray.

Wasiir Yusuf Garaad Omar, waxa uu ka gaabsaday xiliga rasmiga ah ee la furi doono Saldhiga, balse waxa uu qeexay in furitaanka Saldhiga uu noqon doono bilaha fooda nagu soo haya, waxa uuna hadalkaasi sheegay xili uu la hadlaayay Wakaalada wararka Turkiga.

Yusuf Garaad Omar, waxa uu tilmaamay in dowlada Turkiga ay kaalin mug leh ka qaadan doonto kobcinta ciidamada Qaranka si loo helo ciidamo tayo leh oo dhan waliba ka dhisan.

Waxa uu carab dhabay in dowlada Somalia ay abaal u heyso dowlada Turkiga oo iyadu garab muuqda siisay Shacabka Soomaaliyeed ee soo maray marxaladaha kala duwan, haba ugu badnaaden abaaraha is xigxigay ee ku dhuftay Gobolada Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay dhiseen waddooyin dhowr ah oo iminka ay maraaan gaadiidka, halka sidoo kale ay dhismo aad u qurxan ku sameeyen Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Waxa uu sheegay in Somalia ay ka faa’iideysan doonto isgarabtaaga Turkiga, maadaama ay Somalia ku jirto xaalad ay u talaabeyso hormar.

Waxa uu soo hadalqaaday xiisada ka dhex aloosan dowladaha leysku yiraahdo Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga iyo Qadar, waxa uuna carab dhabay in Somalia aysan qeyb ka aheyn dowladahaasi, isla markaana ka madaxbanaan tahay xiisada taagan.

Dowlada Somalia ayaa dhawaan shaacisay inay meel gaara ka taagan tahay xiisada ka dhexeysa wadamada Khaliijka, waxa ayna ku baaqday in laga gudbo xiisada taagan.

Haddalka Yusuf Garaad Omar, ayaa sidoo kale kusoo beegmeysa xili dhawaan ay DFS beenisay inuu jiro Saldhig ay Turkiga ka furaneyso Somalia, waxa uuna hadda Garaad burinayaa hadalkii horay uga soo baxay dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com