DF oo ka hadashay ugaarsiga cusub ee ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa ka hadashay dilalka is xigxiga ee magaalada Muqdisho loogu geysto Nabadoonada iyo Ergooyinka soo xushay Xildhibaanada BFS.

Xukuumadu waxa ay sheegtay inay la socto in magaalada Muqdisho dilalka ugu badan loogu geysto Nabadoonada iyo Ergooyinka kaalinta ka qaatay soo xulida Xildhibaanada.

Xukuumadu waxa ay tilmaantay inay muhiim tahay in la sameeyo talaabooyin lagu xaqiijinaayo amniga shaqsiyaadka kaalinta ka qaatay xulista Xildhibaanada.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dilalka lagu haayo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay keeni doonto qorshayaal cusub oo looga hortagaayo dilalka lagu haayo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu qiray in dilalka ugu badan loo geysto qeybaha ka shaqeeyay in dalka uu yeesho Xildhibaano ka duwan kuwii hore, waxa uuna ballanqaaday in Xukuumadu ay ka fiirsan doonto ugaarsiga lagu hayo Nabadoonada iyo Ergooyinka.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Seddexdii bil ee ugu danbeysay magaalada Muqdisho lagu dilaayay Nabadoonada iyo Ergooyinka soo xulay Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com