Xog xasaasi ah: Kitaabkii uu Jawaari gacanta geliyey iyo ballan ka bixii uu ku sameeyey tolkiisa

Baydhabo (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa soo ogaatay xog aad u qarsoon oo ku saabsan arrin lala yaabay iyo ballan ka bax weyn oo uu sameeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa intii ay socotay soo xulista Xildhibaanada Koonfur Galbeed olo weyn ka sameeyey Magaalada Baydhabo oo aheyd halkii lagu soo xulay Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ugu jiro Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Jawaari ayaa loolan culus la galay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo doonayey inay Koonfur Galbeed markaan hesho gaar ahaan beesha dagto Bay iyo Bakool xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, wuxuuna kasoo horjeeday in Jawaari uu isku soo sharaxo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Prof. Jawaari ayaa Shariif Xasan kala kulmay cadaadis weyn oo keeni karay inuu waayo booska Xildhibaanimo ee uu hadda ku fadhiyo, wuxuuna Jawaari sameeyey Kaarto iyo qiyaano aad u weyn.

Odayaal ka socday beesha uu Jawaari kasoo jeedo iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo uu horkacayey Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa Prof. Jawaari u sheegay in xilka Baarlamaanimo la siin doono haddii uu halkaan shuruud kasoo bixi karo.

Jawaari ayaa la hor dhigay inuusan isku soo sharaxin xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya taas badalkeedana loo ogolaan doono inuu helo jagada Baarlamaanimo, waxaana meeshaas ka dhacday ballan iyo axdi ay la socotay dhaar la isku dhaariyey Ilaahey Magacabiisa.

Haddaba Jawaari ayaa siyaasad awgeed u aqbalay shuruudaas, ballantaas iyo axdigaas wadatay dhaarta si uu u helo jagadaas isagoo ka watay qiyaano. Jawaari ayaana ku guuleystay tartankii uu u galay xildhibaanimada Koonfur Galbeed.

Markii uu Jawaari guushaas gaaray, waa la ogaa middii dhacday wuxuuna isku soo sharaxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya taasoo la yaab ku noqotay Shariif Xasan iyo kooxdii uu ballanta ka galay Jawaari.

Falkaas uu sameeyey Jawaari ayaa sababay inuu loolan kale oo adag kala kulmo Maamulka Koonfur iyo Galbeed iyo Shariif Xasan si looga hor istaago inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka, balse nasiib wanaag mar kale ayuu jab xoogan u geystay markii uu si rasmi ah  u noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya isagoo taageero ka helayey xisbigii dalka ka talinayey ee uu horkacayey Xasan Shiikh Maxamuud.

Markaas wixii ka dambeeyey xiriirka Prof. Jawaari iyo Koonfur Galbeed ayaa si weyn u xumaaday, waxayna qaar ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed Caasimadda Online u sheegeyn in falkaas uu ahaa Qiyaano qaran oo lagu sameeyey Koonfur Galbeed maadaama ay doonayeen inay markaan noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya isla markaasna ay ka dhinac badashaan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com