George HW BUSH: Maxay Soomaaliya ku xusuusataa madaxweynaha taariikhda gaarka ah ku leh?

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynehii hore e Mareykanka George HW Bush ayaa ku geeriyooday gurigiisa ku yaalla magaalada Houston ee gobolka Texas, isaga oo 94 jir ah.

Busha waa madaxweynaha kaliya ee Mareykan ah ee taariikhda booqday Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ahaa madaxweynihii amray in ciidamada Mareykanka ay galaan Soomaaliya December 5, 1992-kii.

Bush Sr ayaa ahaa madaxweynehii 41-aad ee Mareykana intii u dhaxeysa 1989-kii ilaa 1993-kii, waxaana waqtigiisa lagu xasuustaa dhammaadka Dagaalkii Qaboobaa, dagaalkii koowaad ee Iraq ee ka dhanka ahaa Sadaam Xuseen iyo faro-gelintii uu ka sameeyey Soomaaliya.

Maxay ahayd faro-gelintii Soomaaliya?

Hawlgalkii ciidamada Militariga Mareykanka ee Soomaaliya (1992-93) ee qeybta ka aha dadaaladii bili’aadannimo iyo nabad ilaalnta ee ay caalamka Soomaaliya ka bilaabeen xagaagii 1992 waxa uu soo gabagaboobay 1005.

Farogalintaas waxaa xigay dagaalkii loo yaqaanay dagaalkii Muqdisho ee dhacay 3-4 October 1993, waxaa ku dhintay 18 ka mid ahaa ciidamadii Mareykanka halka sidoo kale boqolaal maleeshiyo Soomaali ah iyo shacab ay ku dhinteen.

Dhacdooyinka horseeday farogalinta sanadkii 1992 waxa ay ahaayeen afgambigii lagu sameeyey kalitaliye Maxamed Siyad Barre oo ay rideen isbahaysi jabhado ah. Waxaa kaddib dagaalamay labadii qab qable ee ugu awoodda badnaa Cali Mahdi Maxamed iyo Maxamed Faarax Caydiid.

Bishii Abriil 1992 waxaa Soomaaliya soo gaaray hawlgalkii gargaarka. Hase ahaatee, fulinteeda waxa ay noqotay mid adag taas oo ay sabab u ahayd in  maleeshiyaadkii Soomaalida ay tixgalin waayeen xabad joojinta halka ay si ballaaran u dhacayeen una afduubayeen kolonyooyinkii cunta gargaarka ah waday.

Madaxweynihii Mareykanka George H.W. Bush (Ee maanta geeriyooday) ayaa u soo jeediyey Qaramada Midoobe in Mareykanka u diro Soomaaliya ciidamadiisa dagaalka si ay u difaacaan shaqaalaha gargaarka. Qaramada Midobe wey aqbashay soo jeedintii Bish, bishii Diseembar 9-keedii 1992, ciidamo gaaraya 25000 oo Mareykan ah ayaa bilaabay in ay soo gaaraan Soomaaliya.

Hawlgalkii Ciidamada waxa ay bilowgiiba la kulmeen caqabado. Maqnaanshihii hoggaan qaran oo Soomaali ah iyo dhibaatooyinkii jidadka Muqdisho ka dhacayey maalin walba waxa ay curyaamiyeen hawlgaladdii amniga. Isaga oo aan ku qancin natiijadii hawlgalka, Madaxweynihii cusbaa ee Mareykanka Bill Clinton waxa uu amray in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka.

Juun 1993 markii la gaaray, 1,200 oo ciidamo Mareykan ah ayaa ku haray Soomaaliya oo gacan ka helayey ciidamo ka kala yimi 28 dal oo kale oo ku shaqeenayey amarka UN-ta. Xaaladdii markii horeba ahayd mid aan xasillooneyn ayaa waji kale yeelatay markii la dilau 24 askarta Pakistan ah oo baaritaan ku waday goobo hubka la dhigo. UN-ta waxa ay si aan rasmi ahayd ugu eedeysay maleeshiyadii Caydiid iyaga oo meelmariyey qaraar dhigayey in la cabsi galiyo kuwii lahaa mas’uuliyadda xasuuqaas.

Labadii toddobaad ee xigay, ciidamada Mareykanka iyo UN-ta waxa ay weerarro lagu bartilmaameedsanayo xoogagga Caydiid sameeyeen laakiin kuma guuleysan in ay soo qaabtaan Jananka. Dabayaaqadii Agoosto waxaa Soomaaliya soo gaaray 400 oo ka mid ah ciidamada Raanjariska Mareykanka si ay u soo qabtaan Caydiid. Ciidamada gaarka waxa ay sameeyeen lix hawlgal ilaa iyo bishii Sebteembar waxa ayna ku guuleysteen in ay soo qabtaan qaar ka mid ah xulufadii Caydiid.

Oktoobar markii ay 3 ahayd 1993, Mareykanka waxa ay isku aadiyeen isku daygii toddobaad si ay u soo qabtaan Caydiid iyo saraakiishiisii sar sareyd. Hadafka waxa uu ahaa Hotel-ka Olympic ee Muqdisho halkaas oo la qabay in ay ku shirsanaayeen. Hawlgalka oo lagu rabay in lagu soo qabto Caydiid ayaa loogu talagalay dagaal yar oo ay qaadaan ciidamada Commandos-ta Mareykanka halka Ciidamada Mareykanka ee Delta Force ilaaliyaan soonka balse uma dhicin sidii qorshaha ahaa. Mashaqada waxa ay bilaabatay markii la soo riday diyaaradda Black Hawl Down oo hawlgalka qeyb ka ahayd lagu soo riday meel u dhaw Hotel-ka. Ciidamada Mareykanka waxa ay la kulmeen dagaal ba’an. Waxaa la soo riday diyaarad labaad oo Black Hawk Down ah saacad kaddib. Boqolaal dagaalyahanada Soomaalida ayaa soo buux dhaafiyey jidadka sidaasna waxaa go’doon ku galay ciidamada Mareykanka.

Kaddib 17 saacadood oo dagaal ah xiriir ah, ciidamadii Mareykanka ee is badbaadinayey waxaa soo badbaadiyey ciidamadii Caalamiga ahaa. Dagaalkaas waxaa ku dhintay 18 askari oo Mareykan ah waxaana ku dhaawacmay 84 kale. Dhinaca Soomaalida, ugu yaraan 300 ayaa dhaawacmay oo ay u badnaayeen shacab dagaalka qabsaday. Walow la qab qabtay Caydiid saaxiibadiis,hadana hawlgalka khasaarihii shacabka ee uu geystay awgeed waxaa lagu tilmaamay mid guuldarreystay.

Muddo yar kaddib dhacdadaas Muqdisho, Clinton waxa uu dhammaan ciidamadiisa Mareykanka ka saaray Soomaaliya. Sanad kaddib, Ciidamadii UN-ta xataa waa la saaray, iyaga oo dalka ku dhaafay dagaal sokeeye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com