Robert Mugabe: Geesi dalkiisa wax u qabtay miyuu ahaa mise nin Dhibaato u hor seeday?

Kadib markii uu dhaqaalaha Zimbabwe si weyn u burburay sanadihii lasoo dhaafay, dad badan ayaa saadaalinayay in Mugabe uu isna dhici doono, balse markasta taas waa uu ku beentaynayay illaa iyo hadda.

Hase yeeshee waxaa laga yaabaa in markii uu la saftay xaaskiisa, taageereyna in ay isaga badasho uu taas ku lumiyay taageeradii xisbigiisa iyo waliba ciidanka kuwaas oo xukunka ku hayay illaa iyo hadda.

Isaga oo 93 jir ah ayuu sanadihii dhawaa aad tabcaan u noqday muuqaal ahaan, balse sidaas oo ay tahay waxa uu doonayay in uu markale isu soo taago doorashada madaxtinimo sanadka soo socda.

Ka hor doorashooyinkii 2008-dii, waxa laga soo xigtay in uu yiri “Haddii doorasho lagaaga reeyo, dadkuna ku nacaan waa in aad iska tagtaa”. Markii uu kaalinta labaad galay doorashada, wareeg labaadna loo gudbay waxa uu Mugabe sheegay in ‘Alle oo kaliya’ uu xilka ka qaadi karo.

Si uu taageerayaashiisa u badbaadiyo, Morgan Tsvangirai ayaa ka baxay wareegii labaad ee doorashada kadib markii ciidammada ay bilaabeen in ay dhibaateeyaan mucaaradka, iyada oo markii dambe Mugabe lagu qasbay in uu awoodda la qeybsado Morgan oo laga dhigay Ra’isulwasaaraha Zimbabwe muddo afar sanno ah.

Sooyaalka Mugabe oo kooban

1924: Dhashay

1964: Waxaa xabsi galiyay dowladdii gumeysiga ee Rhodesian

1980: Waxa uu ku guuleystay doorashooyinkii dhacay xornimada kadib

1996: Waxa uu guursaday Grace Marufu

2000: Waxa uu ku guuldaraystay afti , kadib ciidamo taabacsan ayaa weeraray beeraha caddaanka.

2008: Kaalinta labaad ayuu galay doorashooyinkii guud ee dhacay

2017: Waxa uu xilkii ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa

Halyeey Halgan

Waxaa lagu eedeeyay in uu isticmaalay rabshado si uu u jabiyo mucaaradka
 Waxaa lagu eedeeyay in uu isticmaalay rabshado si uu u jabiyo mucaaradka

Mar ayaa waxaa loo arkay in uu yahay halyeey dalkiisa iyo dadkiisa u halgamay , meeshana ka saaray xukunkii caddaanka tirada yar ee dalkaas majaraha u hayay, waana sababta hoggaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah ay uga gaabsadaan in ay dhaleeceeyaan.

Adduunka intiisa badan horey ayuu u socday, balse isaga wali halkii ayuu taaganyahay, tusaale ahaan xisbigiisa aragtiyada shuuciyadda ku dhisan waxa ay wali la dagaalamayaan in ay ka reeyaan xooggaga hanti goosadka waxa ay ku tilmaameen.

Qof kasta oo dhaleeceyn u jeediyo waxaa loogu yeeraa “Qaa’inul waddan ama dabo dhilif”, kalmadahaas oo markii lagu guda jirey halganka hubeysan qofkii lagu dhoho ay ka dhigneyd xukun dil ah oo kale.

Markasta waxa uu dhaqaale burburka Zimbabwe ku eedeyn jirey dalalka reer galbeedka oo ay hoggaaminayso Britain, wuxuuna sheegi jiray in ay doonayaan in ay xilka ka tuuraan, xoogna kula wareegaan dhulka beeraha ah..

Mucaaradka oo gubaya lacag qiimo beeshay
 Mucaaradka oo gubaya lacag qiimo beeshay

Dadka isaga naqdiya ayaa ku eedeeyay in uusan fahamsanayn sida uu u shaqeeyo dhaqaalaha adduunka casriga ah.

Waxa uu muddo badan ku mashquulsanaa sida loo qeybsanayo qeyraadka dalka halkii uu ku mashquuli lahaa sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha Zimbabwe.

Mugabe ayaa mar yiri hadalkii caan baxay ee ahaa in dalkiisa uusan waligiis musalafi doonin, balse sanadkii 2008-dii Zimbabwe waxa ay ahayd markab sii quusaya oo kale, sicir bararkana waxa uu gaaray 231 milyan boqolkiiba, waxayna u ekeyd in Mugabe uu doonayay in uu ka wardoono xeerada salkeeda.

Prof Tony Hawkins oo ka tirsan jaamacadda Zimbabwe ayaa yiri “Markasta oo siyaasadda iyo dhaqaalaha is barbar imaadaan, markasta siyaasadda ayaa guuleysan jirtay”.

Sanadkii 2000 markii uu la kulmay mucaaradad adag markii koowaad, waxa uu markiiba buris u qaatay burburinta dhaqaalaha Zimbabwe oo ka mid ahaa kuwa ugu wanaagsan Afrika si uu ugu guuleysto hardankii siyaasadda.

Mugabe ayaa dhiirogaliyay in lala wareego beeraha caddaanka
 Mugabe ayaa dhiirogaliyay in lala wareego beeraha caddaanka

Waxa uu la wareegay beerihii ay lahaayeen dadka caddaanka kuwaas oo laf dhabar u ahaa dhaqaalaha Zimbabwe, waxaana meeshii ka cararay deeqbixiyeyaashii caalamka.

Marka si kale loo dhigo, Mugabe waxa uu ka reeyay mucaaradkiisa oo dhan, isaga oo xukunka kusii nagaaday.

Kaartooyinkii uu isticmaalay isaga iyo tageerayaashiisa waxaa ka mid ah tii barigii ay jabhadda ahaayeen.

Markii uu dhadhamiyay guuldaradii koowaad ee doorashada, sanadkii 2000 xiligaas oo uu ku guuldaraystay aftidii dadka laga qaaday, ayaa waxa uu hawlgaliyay maleeshiyaadkiisii oo wata magaca “halyeeyada dagaalka” kuwaas oo gacan ka helaya ciidammada amniga , waxayna bilaabeen in ay laayaan mucaaraadka, qaar la jir dilo, qaarna la cabsi galiyo.

Siddeed sano kadib iska arrintii oo kale ayaa dhacday kadib markii Mugabe uu galay kaalinta labaad ee doorashada wareegii koowaad ee doorashada. Waxaana kaalinta koowaad ka galay hoggaamiyihii mucaaradka Morgan Tsvangirai.

Marka loo baahdo, dhammaan qeybaha kala duwan ee dowladda sida ciidammada, shaqaalaha rayidka ah iyo waliba warbaahinta oo ay gacanta ku hayaan xubnaha xisbiga ZANU-PF ayaa la hawlgaliyaa si loogu adeego danaha xisbiga.

Mugabe oo 93 jirsaday
 Mugabe oo 93 jirsaday

Ninkii u dagaalamay in uu hirgaliyo nidaamka hal qof iyo hal cod, ayaa markii dambe soo rogay in qof kasta oo codka dhiibanaya uu cadeeyo halka uu degenyahay, islamarkaasina keeno waraaqaha uu ku bixiyay korontada iyo biyaha, taas oo aysan heli karin dad badan oo dhalinyaro ah oo fuqaro ah, una badnaa taageerayaasha mucaaradka.

Fikradda uu ka qabo mucaaradka waxa ay iska cadayd sanadihii 1980-naadkii xiligaas oo ciidamadiisii sida gaarka u tabobarnaa ay weerareen degmada Matebeleland halkaas oo lagu laayay kumanaan ka mid ah taageerayaasha Joshua Nkomo oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka.

Mr. Nkomo ayaa markii dambe aqbalay in uu awoodda la qeybsado Mugabe, si la mid ah sidii Tsvangirai uu u aqbalay kadib markii la laayay kumanaan qof oo taageersanaa.

Waxyaabaha aan shakiga lahayn ee 33-dii sano ee uu xilka hayay u qabsoomay Mugabe waxaa ka mid ah waxbarashada oo 90% dadka reer Zimbabwe laga dhigay kuwa wax qora, waxna akhriya.

Balse taas waxa ay horseeday in dadkii aqoonta yeeshay ay darsaan dhibaatada Zimbabwe, kadibna qaataan go’aano ay kaga soo horjeedaan isaga.

Dhambaalo laga soo xigtay dowladda Maraykanka oo lagu soo daabacay bogga Wikileaks sanadkii 2011-kii ayaa lagu sheegay in Mugabe uu qabo kansar.

Balse sidaas oo ay tahay wuxuu markasta sheegi jiray in uu xilka ka degayo marka uu guuleysto halganka uu ku jiro. Waxaase marar badan soo baxay warar suuqa ku jiray oo ahaa in xisbigiisa ZANU-PF ama dalalka dariska ay xukunka ka tuuri doonaan Mugabe.

Waana isla taas middood waxa hadda dhacaya, inkasta oo aanan wali lagu kala bixin.

Xigasho: BBC SOMALI