Milkiile-yaal cusub oo kusoo biiray siyaasadda Soomaaliya

Siyaasada Somaaliya 17 sano mucaarad iyo muxaafid waxaa isku matali jiray Golaha Shacabka, Golaha Wasiirada iyo Madaxtooyada. Sanad kasta waxaa is bahaysan jiray laba oo la dagaali jiray midka kale sida; Madaxtooyada iyo Barlamaanka oo ridi jiray Xukuumada ama Madaxtooyada iyo Xukuumada oo iska difaaci jiray Barlamaanka. Siyaasiyiinta kale waxey imaan-jireen dhamaadka mudada xilka kadibna u tartami-jireen Xildhibaan, Madaxweyne ama Wasiir.

Markii ugu horeysay sanad ka yar cumriga dawlada ayey soo baxeen Milkiile-yaal Cusub (Stakeholders) aan ka tirsaneyn golayaasha dawlada oo difaacaya jiritaanka Xukuumada iyo la dagaalanka Mooshinada Barlamaanka, waxaana ka mid ah;

  1. Xizbiyada cusub ee is diiwaan geliyey asbuucii hore ayaa cadeeyey in ay rabaan xasilooni siyaasadeed, kana soo horjeedaan isbedel cusub iyo Mooshin hadda lagu mashquulo. Salaad Cali Jeelle oo u hadlay Xizbiyada cusub VOA ayaa sheegay in aysan dhex-dhexaad ka noqoneyn Mooshinka ay wadaan Xildhibaanada qaar, kana hor tagi doonaan “dawladnimada Somaaliya oo ceel ku dhacday waxeyna u baahantahay in tartiib looga soo saaro, mana qaadi karto waqtigaan is bedel iyo buuq”.
  2. Hay’adda Culimada oo digniin cad u dirtay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka wada dawlada Mooshin, aysana aqbali-doonin, ugana digayaan cawaaqibta iyo saameynta uu ku yeelan doono hadii ay ka waantoobi waayaan. Mar culimadu ay la kulmeen qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta.waxey ka codsadeen in ay joojiyaan Mooshinka. Sheekh Nuur Baaruud oo ku tilmaamay in Mooshinku uu xiligaan yahay Khiyaano iyo dulmi laga gelayo Shacabka Somaaliyeed, Culimaduna aysan ka aamusi doonin.
  3. Madasha Talo-wadaag oo  lagu daahfuray Muqdisho ayaa lagu xusay in Madashu dhex-dhexaad tahay, doodna ay ka fureyso waxa dawlada iyo mucaaradku ay isku haystaan, Talana ay siinayso dawlada iyo mucaaradka lkn aysan aqbali dooning Mooshin xiligaan, lagana wada shaqeeyo sidii lagu gaari lahaa; Xizbiyo qaran, Doorasho iyo Dastuur dhameys-tiran, Gudoomiyaha Madasha Talo-wadaag Ridwaan Xirsi Maxamed oo ahaa Raysal-wasaare ku xigeenkii hore ayaa xusay in loo baahanyahay is faham iyo is afgarad dhexmara dawlada iyo mucaaradka, horeyna loo socdo, lana xoojiyo midnimada iyo dawlad-nimada.

Hadaba Xukuumada Khayre ayaa noqoneysa tii ugu nasiibka badneed 17 sano iyo 14 Xukuumadood oo la riday iyaga oo sanad ama ka yar jira, sababtuna waa;

  1. Xukuumada iyo Madaxtooyada oo sanad kadib aan weli kala caban isna qabsan.
  2. Siyaasiyiin, Xizbiyo iyo Culimo aan ku jirin Golaha Xukuumada oo difaacaya jiritaankeeda.
  3. Xukuumada oo u muuqata mid ka bad-baaday malagii dili-jiray Xukuumadaha sanadka hore iyo kalfadhiga labaad ee Barlamaanka.
  4. Xukuumada oo heshay mashaariicdii ugu badneed ee ay Xukuumadi hesho 17 sano.
  5. Mucaaradka oo ku kala qeybsan in Mooshin laga keeno Xukuumada iyo Madaxtooyada.
  6. Shacabka oo ka daalay xasilooni darada siyaasada, dhisma iyo dumin joogta ah.
  7. Rajo laga qabo in laga guuro 4.5 oo loo guuro axzaab iyo doorasho qof iyo cod ah.
  8. Mucaaradka Mooshinka wada oo u nuuqda kuwa qaarkood horey ugu fashilmay Xukuumadihii hore, lagana aaminsanyahay in aysan wax cusub soo kordhinayn.
  9. Fara-gelin shisheeye oo la aaminsan-yahay in ay qeyb ka tahay Mooshinka.
  10. Rajo laga qabo fursadaha iyo jaaniska ay heshay Xukuumadu awgeed in ay qiimayso dibna u saxdo khaladaadkii ay gashay sanadkaan, lana heshiiso mucaaradka, albaabadana u furto.

W/Q: Prof. Mohamed Gacal

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid