25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Khasaaraha weerarkii ay Daacish ku qaaday ciidanka Puntland oo kordhay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ugu yaraan 27 ka mid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen weerarro ismiidaamin ah oo kooxda Daacish ay xalay saqdii dhexe ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla waqooyi-bari ee maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka.

Kooxdan oo adeegsanaysa baabuur iyo mootooyin ismiidaamin ah oo qaraxyo lagu soo xiray ayaa weerarkan ku qaaday saldhigyo ay fadhiyeen ciidamada Daraawiishta Puntland, sida uu VOA-da u sheegay afhayeenka ciidamada Puntland, Jeneraal Maxamuud Maxamed Axmed.

Wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay iska caabiyeen weerarka, isla markaana ay dileen in ka badan 70 ka mid ah maleeshiyaadka Daacish.

Puntland ayaa bishii December ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Daacish, waxaana ay sheegtay in tan iyo xilligaas ay dishay maleeshiyaad ka badan 100, kuwaas oo u badan ajaanib.

Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah ee Daacish, waxaana bishan horraanteedii bartilmaameed u ahayd duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.

Iyadoo lagu qiyaasayo tiradooda inay u dhexeyso 700 ilaa 1,500 oo dagaalyahanno ah, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kobcay sababo la xiriira kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadkan ayaa weli aad uga yar kooxda Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Cirro oo shirka Dubai ka sheegay dalka ugu horreeya ee aqoonsan kara Somaliland

Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, oo maanta ka qayb-galay Shirka Dawladaha Adduunka ee ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dalkiisu si weyn uga sugayo ictiraafka ay muddo badan raadinayeen.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inuu rajaynayo in Mareykanku noqdo dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, xilli dhawaan hadal-haynta arrintan ay si weyn u faaftay, wallow su’aal la geliyay in qorshahaas uu ka mid yahay ajandaha madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Donald Trump.

“Waxaan rajaynaynaa in Mareykanku noqdo dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland wuxuu nasiib darro ku tilmaamay midowgii Somaliland gashay sannadkii 1960-kii, kaas oo uu sheegay in xilligaas looga gol lahaa in lagu raadiyo midnimo Soomaaliyeed, balse Somaliland lasoo noqotay madax-bannaanideeda mar kale sannadkii 1991-kii.

Hadal-jeedinta Cirro, oo isugu dhafnayd mid uu ku iibgeynayay qaddiyadda Somaliland ee aqoonsi raadinta, ayaa ku dheeraaday waxyaabihii u qabsoomay soddonkii sano ee la soo dhaafay, muhiimadda ay Somaliland leedahay, iyo baahida loo qabo in ay hesho aqoonsi caalami ah.

Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen madax kala duwan oo ka socota daafaha adduunka, ayna qayb ka yihiin wasiiro ka socda dowladda federaalka Soomaaliya, ayuu Madaxweynaha Somaliland ka sheegay in ay yihiin dal madax-bannaan oo xaq u leh inuu helo ictiraaf caalami ah, xilli adduunku u aqoonsan yahay maamul ka tirsan Soomaaliya.

“Somaliland waxay leedahay xeeb dhererkeedu yahay 850 km oo ku taalla gacanka Cadmeed. Magaalada Berbera, oo ah deked istaraatiji ah, waxa dagaalkii qaboobaa adeegsaday quwadihii Ruushka iyo Maraykanka, waxaad halkaas ka garan kartaa muhiimadda ay leedahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan rajaynayaa in aan dhammaystirno heshiiska isu gudbinta badeecadaha ee Itoobiya iyo Somaliland ka hor dhammaadka sannadkan aan ku jirno.”

Muxuu yahay shirka ay ka qeyb-galayaan 320 ergo ee maanta ka furmay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka 2-aad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa maanta furey shirweynaha shanaad ee ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay illaa 320 ergo oo ka kala socda dowlad-goboleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo wakiillo matalaya 12-ka urur oo shaqaalaha Soomaaliyeed ah.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga arrinsan doonaa difaaca xuquuqda shaqaalaha iyo madal istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimoqraadiyadeed ee gudaha, laguna adkaynayo midnimada shaqaalaha, la dagaallanka caddaalad-darrada, horumarinta dimoqraadiyadda, kor u qaadidda shaqo abuur, iyo horumar qaran oo ku dhisan sinnaansho iyo caddaalad bulsho.

Mudane Cabdisalaan Dhaay oo ka hadlay furitaan shirweynahan ayaa sheegey in uu ku faraxsan yahay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maalmo ka hor saxiixay sharciga shaqada ee dib u eegis lagu sameeyay 52 sano kaddib.

Tan ayuu ra’iisul wasaare ku-xigeenka 2-aad ku tilmaamy guul muhiim ah oo u soo hooyatay shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

“Waa mid muhiim ah in dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dowladood horkaceyso ay ka wada shaqeeyaan sidii lagu gaari lahaa cadaalad, dimuqraadiyad iyo xoojin xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed. Soomaaliya waxay mareysa xilli taariikhi ah oo dalkeennu uu sameynayo horumar dhinacyo badan taabanaya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta barnaamijka shaqo wanaagsan (Decent Work Country Programme) oo ah mid mudnaan sare u leh Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in koboca dhaqaalaha uu la jaanqaado fursado shaqo ee dalka ka jira.

Xildhibaan Jeesow oo la weeraray – Yaa ka dambeeya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in isaga iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka la weeraray, xilli uu socday shir xasaasi ah.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka joojiyeen shir kooda, isaga oo ku eedeeyay in uu soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Aniga ayaa la igu soo weeraray, anigoo hadlaya ayaa ciidan la igu soo dul dhigay, boorkii ayaa nagala fujiyay. Xasan Shiikhow, beenlow ayaa tahay, waana kula dagaallameynaa,” ayuu yiri xildhibaanku.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ujeedkooda uu ahaa mideynta shan xisbi siyaasadeed, isla markaana ay shirka uga hadlayeen kaliya mustaqbalka xisbiyada iyo horumarintooda.

Xildhibaan Jeesow ayaa sidoo kale xusay in arrintan ay caddeyneyso in Madaxweyne Xasan uusan daacad ka ahayn qorshihiisa doorashooyinka qof iyo codka ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Tan ayaa caddeyneysa in aadan rabin doorasho qof iyo cod ah. Inaad xisbiyadii dalka kusoo weerarto meeshii ay ku shirayeen oo ay ku midoobaayeen, midnimo diid ayaa tahay,” ayuu sii raaciyay Xildhibaan Daahir Jeesow.

Waxaa kale oo uu xildhibaanku yiri: “Waxaan oggolahay doorasho xaq ah oo xalaal ah, oo loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay inay ka dhacdo dalka.”

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan eedeynta loo jeediyay, taasoo kusoo beegmeysa xilli uu weli halkiisii yahay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan sida loo wajahayo doorashooyinka dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Beelaha Shiicada ee Suuriya oo billaabay in ay dal kale u guuraan kadib markii la…

Dimishiq (Caasimada Online) – Qabiilooyinka Shiicada ah ayaa ku dhawaaqay inay ka baxeen dalka Suuriya una gudbeen dalka Lubnaan, kaddib maalmo ay ku dagaallamayeen ciidamada Suuriya xuduudda.

Dowladda KMG ah ee Suuriya, oo u badan xubno ka tirsan kooxdii hore ee fallaagada Hay’at Tahrir al-Sham (HTS), ayaa Khamiistii waxay ka bilowday “olole ballaaran” tuulada xuduudda ku taalla ee Hawik.

Gobolka, oo la sheegay inuu qayb ka yahay dariiq loo isticmaalo tahriibka oo ay isticmaasho Xizbullah, dhaqdhaqaaqa Lubnaan ee taageeri jiray dowladdii la riday Suuriya, ayaa waxaa u badan xubno ka tirsan qabiilada Zaiter iyo Jaafar, oo dega Lubnaan iyo Suuriya.

Qabiilada ayaa si xooggan ula dagaallamay ciidamada Suuriya, kuwaas oo sheegay inay burburinayaan tahriibka hubka iyo daroogada.

Sida ay sheegtay warbaahinta l’Orient Today ee dalka Lubnaan, qabiilada ku lugta leh dagaallada waa qoysaska Zaiter, Jaafar, Noun, Jamal iyo Rachini, qoysas Shiica ah oo Lubnaan u dhashay oo qarniyo badan ku noolaa meelaha xadka ah.

“Si aan uga fogaanno wax kasta oo isku dhac ah, waxaan xubnaheennii ula baxnay dhanka gudaha xuduudaha Lubnaan, iyaga oo ka barakacay tuulooyinkoodii. Nasiib darro, taasi nama caawin, maadaama magaalooyinkeena gudaha Lubnaan lagu weeraray hub culus,” ayuu xubin ka tirsan qabiilka Jaafar ku yiri war-saxaafadeed.

Duqeymo ayaa ku dhacay dhulka Lubnaan maalmihii la soo dhaafay, gaar ahaan gobolka Hermel ee waqooyi-bari, iyaga oo dilay dhowr qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan hal qof oo qaxooti Suuriyaan ah.

Beelaha ku nool waqooyiga Dooxada Beqaa ayaa cabasho ka muujiyay “dayacaad” ay ka dareemeen dowladda Lubnaan, taasoo ay sheegeen inay ku khasbtay inay iyagu difaacaan deegaannadooda.

Jimcihii, Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Suuriya Ahmed al-Sharaa, waxayna ku heshiiyeen in “la isku kaashado xakameynta xaaladda iyo in laga hortago weerarrada shacabka lagu beegsanayo.”

Sabtidii, ciidamada Lubnaan ayaa si ku-meel-gaar ah u soo celiyay xasiloonida, inkastoo rasaas goos-goos ah dib loo maqlay.

Milatariga Lubnaan ayaa sheegay in Aoun uu amar ku bixiyay in cutubyo militari loo diro xuduudaha waqooyi iyo bari “si looga hortago rasaas ka timaadd dhanka Suuriya.”

“Cutubyadani waxay bilaabeen inay ka jawaabaan weerarrada iyagoo adeegsanaya hub ku habboon, iyadoo la eegayo dagaalladii dhawaan ka dhacay gobollo kala duwan oo Lubnaan ah.”

Xuduudda Lubnaan iyo Suuriya ayaa marar badan wajahday dagaallo goos-goos ah iyo caqabado dhanka maamulka tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Suuriya, Bashar al-Assad, 8-dii December.

Todobaadyadii ugu horreeyay kaddib markii uu Assad xilka ka degay, dagaalyahanno hubeysan oo Suuriyaan ah ayaa kula dagaallamay ciidamada Lubnaan meelo badan oo ka tirsan xuduudda labada dal.

Si loo xakameeyo xaaladda, dowladda cusub ee Suuriya ayaa xaddiday gelitaanka muwaadiniinta Lubnaan, haddii aysan lahayn ruqsad deggenaansho, aysan guursan qof Suuriyaan ah, ama aysan haysan oggolaansho gaar ah.

Bishii Janaayo, xeerarkan ayaa wax yar la fududeeyay, iyadoo ruqsado la siiyay shaqaalaha, ardayda, bukaannada, iyo suxufiyiinta reer Lubnaan haddii ay haystaan dukumenti sax ah.

Kahor dhacdooyinkan, dadka reer Lubnaan waxay si xor ah ugu geli jireen Suuriya iyagoo muujinaya oo kaliya kaar aqoonsigooda qaran, iyagoon u baahnayn fiiso ama baasaboor.

Abaabu dagaal oo ka socda maamul goboleedkii labaad

0

Jowhar (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa bilaabay abaabulka dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan galbeedka gobolka Shabeellaha Dhexe, si looga xoreeyo deegaannadaasi, si la mid ah Puntland oo iska xoreyneysa kooxda Daacish.

Abaabulka ayaa xoogiisu ka socdaa duleedka magaalada Jowhar, halkaas oo la isugu geeyay ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo loo diyaariyay inay xoreeyaan degmada Gamboole iyo deegaannada u dhow ee gobolkaasi.

Mas’uul ka tirsan HirShabelle iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhiirogelin ugu tegay ciidamadaasi, si ay ugu boggaadiyaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee ku sugan halkaasi.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta HirShabelle, Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim, oo ka mid ah mas’uuliyiinta tegay jiidda hore ee dagaalka, ayaa ka warbixiyay abaabulka dagaal ee ka socda galbeedka gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo sheegay in socdaalkooda uu kusoo dhammaaday si guul ah.

“Kormeerkeenna wuxuu ku saabsanaa amni sugid iyo xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta. Safarkeenna si guul ah ayuu kusoo dhammaaday, Khawaarijtana waa sii dhammeystireynaa,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqay in saacadaha soo socda ay dhaqaaqi doonaan ciidamada, isla markaana ay gaari doonaan degmada Gamboole oo haatan wax yar u jirta, si looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

“Degmada Gamboole hadda waxay noo jirtaa wax ka yar 15 km. Ilaahey idinkiis waan tegi doonaa waqtiyada soo socda iyo saacadaha nagu soo aaddan, insha’Allah,” ayuu sii raaciyay.

HirShabelle ayaa noqoneysa maamul-goboleedkii labaad ee abaabula dagaal ka dhan ah argagixisada, waxaana dagaalkan la mid ah uu haatan ka socdaa Puntland oo howl-gallo ka dhan ah kooxda Daacish ka wadda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Masar oo Mareykanka u gudbisay farriin xasaasi ah oo ka timid dalalka Carabta

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa Isniintii u sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, in dowladaha Carabta ay taageersan yihiin mowqifka Falastiiniyiinta ee diidmada qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo lagu doonayo in lagu barakiciyo Falastiiniyiinta Gaza, laguna maamulo marinkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay in Abdelatty, kulankii uu Washington kula yeeshay Rubio, uu adkeeyay muhiimadda in si degdeg ah loo dardar-geliyo dib-u-dhiska Gaza iyadoo Falastiiniyiintu wali ku sugan yihiin dhulkooda.

Abdelatty, oo Axaddii gaaray Washington, ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu la shaqeeyo maamulka cusub ee Maraykanka si loo gaaro “nabadda iyo xasilloonida dhammaystiran ee caddaaladda ku dhisan” ee gobolka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Maraykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, isagoo mar kale ku celiyay mowqifka Masar ee taageerada Falastiiniyiinta.

Soo-jeedin kasta oo ku saabsan in Falastiiniyiinta ay ka tagaan Gaza—oo ay u arkaan qeyb ka mid ah dowlad madax-bannaan oo ay doonayaan—ayaa muddo dheer waxaa diidanaa hoggaanka Falastiiniyiinta, waxaana sidoo kale si cad u diiday dowladaha Carabta tan iyo markii uu dagaalka Gaza billowday 2023.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay mideysnaato si ay u taageeraan Falastiiniyiinta, loogana shaqeeyo sidii loo saxilahaa “caddaalad-darro taariikhi ah” looguna soo celin lahaa “xuquuqdooda sharciyeed ee aan laga laaban karin.”

Qorshaha Trump ayaa cambaareyn ballaaran kala kulmay caalamka, iyadoo hoggaamiyeyaasha adduunka ay ka digayaan in tallaabadaasi ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka.

Trump ayaa Isniintii, waraysi uu siiyay Fox News, ku sheegay in Falastiiniyiintu aysan heli doonin xaqa ay ugu laaban karaan marinka Gaza marka la fuliyo qorshihiisa, taasi oo si cad uga hor imaneysa hadallo hore oo ka soo yeeray saraakiil ka tirsan xukuumaddiisa kuwaasoo sheegay in Falastiiniyiinta Gaza loo guurinayo kaliya si ku meel gaar ah.

Trump ayaa ku sheegay inuu aaminsan yahay inuu heshiis la gaari karo dalalka Urdun iyo Masar si ay u aqbalaan Falastiiniyiinta la barakiciyay, isagoo xusay in Maraykanku siiyo labadaas dal “balaayiin dollar sanadkii.”

Markii la weydiiyay haddii Falastiiniyiintu heli doonaan xaqa ay ugu laaban karaan Gaza, Trump ayaa ku jawaabay: “Maya, ma heli doonaan, sababtoo ah waxaan u dhiseynaa guryo ka wanaagsan.”

“Waxaan ka hadlayaa dhisidda meel rasmi ah oo ay degaan,” ayuu sii raaciyay, isagoo xusay in ay qaadan doonto sanado badan si Gaza ay mar kale u noqoto meel la deegi karo.

CC Shakuur oo lacag ugu deeqay ciidanka Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee ku dhawaaqay inuu mushaarkiisa u jarayo ciidamada Puntland, oo haatan dagaal adag kula jira kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Xildhibaan Warsame ayaa xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay gacan ka geystaan taakuleynta ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira Daacish, xilli uu maamulka Puntland sameeyay sanduuq lagu garab istaagayo ciidanka.

“Bil mushaarkayga ah ayaan ku deeqay, waxaanan ku dhiirrigelinayaa labada Gole ee Baarlamaanka inay gacan ka geystaan taakuleynta naftood-hurayaasha difaaca dalkeenna iyo diinteenna u halgamaya,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa ka qayb-qaadashada taakulaynta ciidanka naftood-hurayaasha ah ee la diriraya cadowga argagixisada ah ee dalkeenna ku soo duulay.”

Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada ciidanka Puntland ayaa sameeyay “sanduuqa taakuleynta ciidanka Puntland,” iyagoo guddiga soo bandhigay akoonnada taakuleynta ee ciidanka lagu garab istaagayo.

Guddiga taakuleynta ayaa ballan qaaday inay si daah-furan bulshada ula wadaagi doonaan taakuleynta ciidanka lasoo gaarsiiyo, taas oo bulshada ugu muujinaysa in gacan aamin ah ku dhacayo dhaqaalaha loogu talagalay ciidamada dagaalka ku jira.

Dagaalka ka dhanka Daacish ayaa haatan maraya meel wanaagsan, iyadoo wejigii koowaad ee dagaalka laga gaaray guullo wax ku ool ah, isla markaana kooxda laga saaray deegaanno dhowr ah, halka looga laayay maleeshiyaad badan.

TRUMP oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta la heystayaasha Israel

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Isniintii shalay sheegay in haddii aan la soo deyn la haystayaasha Israa’iil ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas.

Trump wuxuu sheegay in haddii ay taasi dhici waayaan, ay jiri doonto cadaab daran, isaga oo intaasi ku daray in go’aanka ugu dambeeya uu leeyahay Israa’iil.

“Haddii aysan halkaan joogin, dhammaan cadaabta ayaa la fasixi doonaa.” Mar la weydiiyay in Mareykanku uu ka qayb qaadan doono tallaabo lagaga jawaabayo Xamaas haddii aysan soo deyn la haystayaasha, ayuu Trump yiri, “Xamaas way ogaan doontaa waxa aan ula jeedo.”

Hadalka adag ee kasoo baxay Trump ayaa yimid saacado kaddib markii ay Xamaas shaacisay shalay in ay dib u dhigayso sii deynta la haystayaasha gacanteeda ku haray.

Xamaas ayaa ku eedeysay Israa’iil in ay jebisay heshiiska xabbad-joojinta ee saddexda toddobaad jiray, gaar ahaan in ay Falastiiniyiinta u diidday dib ugu laabashada qaybo ka mid ah waqooyiga Gaza iyo in ay toogasho iyo duqeymo u geysatay Falastiiniyiinta Gaza.

Ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo weli kasoo baxay kooxda Xamaas oo ku aaddan tallaabada uu qaaday Madaxweyne Donald Trump.

Xogta weerar ku bilowday qaraxyo oo DAACISH ku qaaday ciidanka Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku bilowday oo maanta kooxda Daacish ku qaaday ciidamada ammaanka Puntland ee howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Weerarka oo ahaa mid xooggan ayaa saaka aroortii hore waxa ay kooxdu ka fulisay deegaanka Haraaryo oo u dhow Toga-Jaceyl oo ay isku hayaan labada dhinac.

Daacish ayaa weerarkan usoo abaabushay si wayn, waxaana fuliyay rag ismiidaamiyay oo ajaaniib u badan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Khasaare xooggan ayaa lasoo wariyay inuu ka dhasha weerarka, waxaana Puntland ay shaacisay inay xubno badan ka dishay dagaalyahannada weerarka soo qaaday.

Sawirro lagu baahiyey barta Telegram ee ciidanka ayaa muujinaya ajaaniib u badan kuwa Madaw ah oo qaarkood isqarixiyey, kuwa kalena ay ciidamadu toogteen.

Dhinac kale qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in maleeshiyaadka kooxda dhegta dhiigga loo daray, isla-markaana dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay weerarka ay saaka kusoo qaadeen ciidamada ammaanka.

“Ciidanku waxay markale dhegta dhiiga u dareen, Argagixisada Daacish- deegaanka Haraaryo, Toga-Jaceel ee buuralayda Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraal taliska.

Sidoo kale waxa lasii raaciyay “Saaka maydkooda Argagixisada Daacish, ayaa meel walbo yaallo – Haraaryo , Tog jeceel, buuraha Calmiskaad”.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo culus laga dareemayaa aaga buuraha Calmiskaad oo ah halka ay isku hayaan Puntland iyo kooxda Daacish.

Weerarkan waxaa ka horreeyay duqeyn dhanka cirka ah oo Isniintii shalay lagu beegsaday Daacish, loogana dilau illaa 13 dagaalyahan oo ajnabi ahaa, sida ay shaacisay Puntland.

13 ajnabi oo Daacish ahaa oo lagu dilay Gobolka Bari

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada amniga ee Puntland ayaa Isniintii shaaciyey in duqeyn cirka ah oo dhawaan ka dhacday gobolka Bari lagu dilay in ka badan 13 dagaalyahan oo ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Daacish.

Duqeyntan ayaa lagu beegsaday saldhigyo ay kooxaha argagixisada ku dhuumaaleysanayeen, waxaana ay qeyb ka ahayd howlgalka socda ee ka dhanka ah argagixisada oo la fuliyay 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee gobolka.

“Duqeyntii lagu qaaday deegaanka Dhasaq, oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad, 24-kii saac ee la soo dhaafay, waxaa lagu dilay in ka badan 13 dagaalyahan oo ajnabi ah oo ka tirsan Daacish,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay unugga la-dagaalanka argagixisada ee Puntland.

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale howlgal ballaaran ka fuliyay deegaannada Hararyo iyo Toga-Jeceel, iyagoo sii ballaarinaya hawlgalladooda si ay u beegsadaan goobo kale oo ay ku sugan yihiin xubnaha Daacish.

“Intii uu socday howlgalka, ciidamada waxay heleen xarumo ay horey u isticmaali jireen kooxaha argagixisada ee Daacish,” ayaa lagu yiri bayaan kale oo lagu daabacay baraha bulshada, gaar ahaan X.

Saraakiisha amniga gobolka ma aysan caddeyn dalka fuliyay duqeyntan. Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa dhacay wax ka badan toddobaad kaddib markii Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu xaqiijiyay inuu duqeymo ka dhan ah Daacish ka fuliyay Soomaaliya, isagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegay in weeraradaas lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa muddo ka badan bil waday howlgallo ka dhan ah kooxda argagixisada, iyagoo ku guuleystay in ay ka xoreeyaan deegaanno badan oo horey gacanta ugu jiray kooxdaas.

Soomaaliya ayaa muddo sanado ah wajahaysay amni darro baahsan, iyadoo khataraha ugu waaweyn ay ka imanayaan kooxaha argagixisada ee al-Shabaab iyo Daacish.

Tan iyo 2007, al-Shabaab ayaa dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM oo ah hawlgal dhinacyo badan leh oo ay ansixiyeen Midowga Afrika isla markaana uu ogolaaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kooxda al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso dalka tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay “dagaal aan waxba la iskula harin” oo ka dhan ah kooxdaas.

Somaliland eyes Somalia talks, rethinks Ethiopia deal

HARGAISA, Somalia – Somaliland’s newly elected leadership is seeking to reopen dialogue with Somalia’s Federal Government, a year after a controversial memorandum of understanding (MoU) on sea access with Ethiopia strained relations between Mogadishu and Hargeisa.

The move signals a potential shift in regional dynamics and a possible reconsideration of the contentious Ethiopia deal.

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro), who took office in December after delayed elections, has assembled a cabinet largely supportive of mending ties with Mogadishu. This shift aims to restore Somaliland’s diminished diplomatic influence, which suffered following the Ethiopia MoU.

Shortly after the 2024 Somaliland presidential election, Mohamoud Adan Jama (Galal), spokesperson for the Waddani party and the newly appointed Somaliland representative to Taiwan, told the media that the new administration would review the MoU with Ethiopia.

“The Waddani party views the maritime memorandum of understanding as a flawed step taken by the former President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, to conceal leadership failures and gain political advantage ahead of the 2024 presidential election,” a Hargeisa-based research center reported.

Stalled dialogue and shifting positions

The Somali Federal Government has reportedly downgraded the activities of the Office of the Special Envoy for Somaliland Affairs, which was tasked in 2023 with conducting national consultations on the dialogue with Somaliland.

Abdikarin Guled, the head of the Special Envoy’s Office, visited Galmudug in 2023 as part of nationwide consultation trips, coinciding with the conflict in Las Anod. Guled unequivocally rejected the claim of former Somaliland President Muse Bihi Abdi, who based Somaliland’s secession on colonial borders.

Djiboutian President Ismail Omar Guelleh has urged the Somali President to restart talks with the Somaliland administration one year after the 2022 wedding ceremony held in Djibouti.

President Guelleh’s efforts led to the December 2023 agreement between the Somali Federal Government and the Somaliland administration in Djibouti. This agreement recognized the Somaliland administration as an entity independent of the Federal Government.

It revived previous contracts, including “not to politicize humanitarian aid.” President Bihi used this article as justification for signing the MoU with Ethiopia.

The MoU soured relations between Somalia and Ethiopia before the 2024 Ankara Agreement, which obligates the Addis Ababa government to respect Somalia’s territorial integrity and seek legitimate maritime commercial access.

The MoU exposed conflicting principles guiding the Somalia-Somaliland talks. While Mogadishu politicians perceived Somaliland’s representation in federal institutions as a self-serving step, the secessionist administration interpreted it as supportive of its self-determination claim based on colonial borders.

The Federal Government of Somalia has rejected calls to recommence talks with the Somaliland administration.

“The principle guiding any future dialogue must oblige the Somaliland administration to comply with the obligation to respect the territorial integrity and political independence of Somalia,” said a senior advisor to the Somali Federal Government.

Ethiopia’s shifting stance

In a further sign of the changing political landscape, the Ethiopian government reportedly prevented a Somaliland delegation from delivering a speech at a UNESCO event in Dire Dawa.

The event celebrated the recognition of Xeer Ciise, a traditional Somali customary law system, as part of the world’s Intangible Cultural Heritage. Instead, a delegation from the Somali Federal Government was given the platform.

Somaliland, a self-declared independent republic in northwestern Somalia, declared its independence in 1991 after the collapse of the Siad Barre regime.

While it has established its own government and institutions, it remains unrecognized internationally. Disputes over sovereignty and autonomy have marked the relationship between Somaliland and the Federal Government of Somalia in Mogadishu.

Previous attempts at dialogue have yielded limited progress, with both sides holding firm to their core positions.

The January 2024 MoU between Somaliland and Ethiopia, granting Ethiopia access to the Red Sea in exchange for potential recognition of Somaliland’s independence, sparked outrage in Mogadishu.

The Somali Federal Government viewed the deal as a violation of its sovereignty and territorial integrity, leading to a sharp deterioration in relations with Ethiopia. T

Somalia: 13 foreign ISIS fighters killed in airstrike

BOSSASO, Somalia – An airstrike in Somalia’s northeastern Puntland region killed more than 13 foreign fighters belonging to the Islamic State (ISIS) group, security officials said Monday.

The strike targeted ISIS hideouts in the Dhasaq area of the Calmiskaad mountains within the past 24 hours, Puntland’s counter-terrorism unit said in a statement. The statement specified that the dead were “foreign fighters.”

Puntland security forces also carried out operations in the Hararyo and Toga-Jeceel areas, discovering sites previously used by ISIS, according to a separate statement on social media platform X (formerly Twitter).

Regional officials did not disclose the origin of the airstrike.

However, the strike comes just over a week after US Africa Command (AFRICOM) confirmed conducting airstrikes against ISIS in Somalia in coordination with the Somali government. AFRICOM said those strikes killed key ISIS-Somalia members.

ISIS maintains a presence in Puntland, though it is smaller than the al-Shabaab militant group, which has been fighting Somalia’s government and the African Union Mission in Somalia (AUSSOM) since 2007. Al-Shabaab is affiliated with Al-Qaeda.

ISIS-Somalia, also known locally as Jabhaat al-Islamiya or Abnaa ul-Calipha primarily operates in Puntland’s Bari region.

Somali President Hassan Sheikh Mohamud declared an “all-out war” against al-Shabaab in 2022. Puntland security forces have been conducting operations against extremist groups for over a month.

Islamic State presence in Somalia

ISIS established a foothold in Somalia around 2015, primarily in the northern Puntland region. Although significantly smaller than the more dominant al-Shabaab, ISIS has maintained a presence through guerrilla tactics, targeted assassinations, and occasional large-scale attacks.

The group often clashes with al-Shabaab, competing for recruits, resources, and territory.

Puntland’s rugged terrain, particularly the Al-Miskaad Mountains, has provided a strategic advantage for ISIS fighters, allowing them to establish hidden bases and evade security operations.

Puntland security forces have been engaged in sustained anti-terror operations for over a month, successfully reclaiming territories previously controlled by ISIS militants.

Somalia has grappled with widespread insecurity for years, facing persistent threats from both al-Shabaab and ISIS.

Al-Shabaab, which has been waging an insurgency against the Somali government and the African Union Mission in Somalia (AUSSOM) since 2007, remains the most prominent militant threat.

Xasan Sheekh oo la xiriiray Amiirka Qatar, kadib xad-gudubkii Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, xilli cabsi weyn laga qabo in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu xumaado.

Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamim ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, si looga mira dhaliyo danaha labada shacab.

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen  muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda wada shaqaynta labada dal, si loo xoojiyo xiriirka adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Dowladda Qatar ayaa si weyn u taageerta Soomaaliya, wuxuuna wadahadalkaan ku soo aadayaa iyagoo Imaaraadka Carabta ay si cad u daandaansanayaan dowladda Soomaaliya, iyagoo ku xad-gudbaya madax-banaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa maanta shir caalami ah ku casuumay Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, isagoo ku casuumay maqaamka dal madax-banaan, taas oo dowladda federaalka ka careysii karta, inkastoo aysan weli wax war ah ka soo saarin.

Qatar iyo Imaaraadka ayaa isku ah Khaliijka Carabta, waxaana ilo wareedyo xog ogaal ah ay sheegayaan in Xasan Sheekh uu Amiirka Qatar uga dacwooday Imaaraadka oo mar kasta ku xadgudba Soomaaliya, iyagoo uga faa’iideysanaya duruufta.

Daawo: Imaaraadka oo DAL ahaan u casuumay Somaliland – DF maxay samey doontaa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu marti-qaaday in uu ka qayb galo Shir-weynaha Dawladaha Adduunka ee sanadka 2025 oo ka dhici doona Dubai, ma cadda in shirkaan lagu casuumay dowladda federaalka Soomaaliya.

Cirro ayaa maanta ka baxay Hargeysa, isagoo u safray dalka Imaaraadka, halkaas oo lagu marti qaaday shir Dubai ka dhici doona 11-ka ilaa 13-ka bishaan, tallaabadaan ayaa halis geli karta xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta.

Xuseen Cabdullahi oo ah Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaas ay ka soo qeyb galayaan inta badan madaxda dowladaha caalamka.

“Madaxweynaha Somaliland wuxuu shirkaas ka jeedi doonaa khudbad taariikhi ah, isagoo dul istaagi doona geedi socodka iyo hormarka iyo guulaha ay Somaliland ka gaartay dhinacyo badan oo saameyn ku leh gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkaan lagu casuumay Madaxweyne Cirro uu muujinayo doorka ay Somaliland ku leedahay Geeska Afrika iyo mudnaanta isisoo tareysa ee caalamku siinayo.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey ajendayaasha shirkaas isagoo sheegay in shirkani uu muhiim u yahay caalamka, Somaliland-na ay Sharaf gaar ah u tahay in lagu casuumo.

“Tan iyo markii la aas-aasay 2013-kii shirweynahaan waxaa hoggaaminayey Sheekh Maxamed Bin Raashid-ka Imaaraadka, wuxuuna noqday madal caalami ah oo lagu gorfeeyo siyasadaha caalamka,” ayuu yiri.

Ma cadda in shirweynahaan lagu casuumay dowladda federaalka Soomaaliya, balse arrintaan ayaa xad-gudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, waxaana suurtagal ah in talaabadaan ay dhaawacdo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Hoos ka daawo

Sawirro: Fiqi oo Muqdisho ku qaabilay wasiir ka tirsan Turkiga – Muxuu kala hadlay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay, wafdi Turki ah oo uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee dowladda Turkiga Prof. Burhanettin Duran.

Wasiir Fiqi ayaa wafdigaan ka socda Turkiga kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashi istiraatiijiyadeed, laguna ballaarin karo wax wadaagga nacfi is-dhaafsiga ee dhinac weliba leh.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga Duran ayaa salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, u gudbiyay Wasiir Axmed Fiqi, isaga oo ka hadlay horumarka laga gaaray Baaqii Ankara ee  soo baxay 11-kii December, 2024.

Baaqaas ayaa lagu heshiisiiyey dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana garwadeen ka ahaa dowladda Turkiga.

Intii kulanka lagu guda-jiray, waxaa labada dhinac ay xuseen muhiimadda ay leedahay fulinta heshiisyada la kala saxiixday ee dhinac kastaba leh, oo ay ku jiraan Gaashaandhigga, Maalgashiga, Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Dabiiciga.

Labada Wasiir ayaa isku raacay in la xoojinayo baahida loo qabo iskaashi sal adag oo taabagelinaya horumar waara, horseedaya kobac dhaqaale, hubinaya barwaaqo-sooran muddo fog ah oo labada dhinac leh.

Kulankani ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Xamsa Aadan Xaadow iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, iyada oo inta kulanka lagu guda jiray lagu wadaagay ka go’naanshaha labada dal ee walaalaha ah horumarinta iskaashi istiraatiijiyadeed oo kor u qaadaya dhinacyada muhiimka u ah dano wadaagga.

Imaashaha wafdigaan ayaa ku soo aadaya iyadoo la filayo in madaxweynaha Turkiga Erdogan uu safar ku yimaado magaalada Muqdisho.

Maxay ka dhigan tahay in dowladda isu-guuriso xubno ka yimid Shabaab? (3 qodob)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekada ugu hadal-haynta badan Soomaaliya ayaa noqotay qisada Abshir Aadan Maxamed iyo Xafsa Maxamed Macallin.

Gabadhan oo ka tagtay gobolka Bakool, kuna sii jeeday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, si ay ula aqal gasho Abshir oo ka tirsanaa argagixisada ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay laamaha amniga ee dowladda federaalka.

Labaduba waxay kasoo jeedaan gobolka Bakool, waxay rabeen in nikaaxooda ay deegaan rasmi ah u beddelaan. Abshir markii uu ka war helay in xaaskiisa la qabtay ayuu go’aansaday inuu isku soo dhiibo dowladda federaalka Soomaaliya. Markii la maxkamadeeyay labadaba, dowladda waa cafisay gabadhii, halka Abshir uu mari doono hal sano uu mari doono hal sano oo dhaqan celin ah.

Waxaase dad badan taabatay in xubin argagixiso ah uu jaceyl dartiisa u beddeli karo fikirkiisa. Xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha gaashaandhiga Cumar Cali Cabdi ayaa goobjoog ka noqday madal Sabtidii lagu kulmiyay lamaanahan.

Xafsa waa xor oo waa lasii daayay waana la damiintay, halka Abshir uu hal sano oo dhaqan celin ah mari doono. Waxaa la sheegay in la siiyay lacag dhan 3,000 dollar, si ay aroos ugu sameystaan.

Haddaba, maxay ka dhigan tahay tallaabadan iyo in xubno dowladeed ay bixiyaan lacago la iskugu guurinayo xubno ka yimid argagixisada.

1. Baahida guurka

Xafsa iyo Abshir waxay muujiyeen inay qabaan baahi guur. Waxaa dhici karta inay argagixisada ula joogeen inay ka helaan dhaqaale ay reer ku noqdaan.

In qodobkaasi la fududeeyay waxay ka dhigan tahay in baahidoodi la xaliyay oo jidkii argagixisada laga soo xiray. Kuwo badan ayaa jira oo argagixisada u galay duruufo dhaqaale.

2. Fulinta ballantii dowladda

Horey madax dowladda federaalka Soomaaliya waxay u ballanqaadeen in si wanaagsan loola dhaqmi doono qofkii kasoo laabtay fikirka argagixisada. Sida labadan dhalinyarada ah loola dhaqmay waxay ka dhigan tahay in dowladda fulisay ballankeedii. Caadiyadan xubnaha isa soo dhiiba waxaa loola dhaqma si ka duwan sida kuwa lasoo qabtay.

3. Farriin ku socota dhalinyarada weli ku dhagan fikirka argagixisada

Waxaa jira xubno badan oo argagixisada la jooga oo aaminsan haddii aad dowladda isku dhiibtaan waa la idin dhibaateyn doonaa.

Sidaas awgeed sida loola dhaqmay Xafsa iyo Abshir waxay farriin ugu filan tahay dhalinyaradaasi kale ee ay argagixisada duufsatay ee cabsida ku nool.

Xisbiga Sheekh Shariif oo jawaab adag ka soo saaray arrintii shalay lagula kacay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga horyimid tallaabadii shalay awoodda ciidan lagula wareegay guriga hooyooyinka.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa shalay subax ku jarmaaday guriga hooyooyinka, kuwaas oo guud ahaan la wareegay dhismaha guriga, islamarkaana xiray qaar kamid ah haweenkii ku sugnaa halkaasi.

Xisbiga ayaa si adag u cambaareeyay falkaasi oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan dowladnimada, “Xisbiga wuxuu cambaareynayaa falka ka baxsan anshaxa dowladnimada ee lagula kacay haweenka qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan weerarkii lagu qaaday gurriga Hooyooyinka halkaas oo lagu jirdilay haween Soomaaliyeed, kuwa kalena lagu xiray.”

Sidoo kale waxa uu xisbiga ugu baaqay madaxda sare ee dowladda in aysan dhegaha ka fureysan dareenka shacabka caasimadda oo xiligaan wajahaya culeysyadii ugu xumaa ee ka dhashay canshuuraha tirada badan, kuwaas oo qaarkood ka baxsan xeerarka maaliyadeed.

“Canshuurtu waa waajib saarran muwaadinka Soomaaliyeed, hase ahaatee waxaa hay’addaha maaliyadda dowladda federaalka looga baahan yahay inay la yimaadaan hannaan canshuur qaadis oo ka hufan musuq-maasuq, sad-bursi iyo awood sheegasho sharciga ka baxsan,” ayaa lagu yiri war-saxafadeed kasoo baxay xisbiga.

Waxa uu intaas kusii daray “Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda Muqdisho waa canshuur bixiyaasha ugu badan dowladda, mana helaan adeeg dowladeed sidaas darteed waa muhiim in dareenkooda si dhab ah loo tixgaliyo.”

Dhinaca kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa wuxuu ka digay sii socoshada xiisadaa colaadeed ee sababay dhimashada iyo dhaawaca, gaar ahaan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo hoggaanka dowladda ugu yeeray in khilaafka siyaasadeed ee Jubbaland lagu xaliyo wada-hadal, lagana fogaado gacan ka hadal iyo in ciidamada qaranka loo adeegsado.

Ugu dambeyntiina waxaa war-saxaafadeedka xisbiga lagu bogaadiyay howl-gallada wada-jirka ee ciidamda qaranka iyo kuwa Macaawiisley ka wadaan qeybo kamid ah dalka, gaar ahaan guulihii ugu dambeeyay ee ciidamada ka soo hooyeen dagaalada ka socda gobolka Hiiraan.

Bakaaraha oo xiran maalintii 3-aad iyo ganacsatada oo war culus soo saaray maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha ayaa maalintii saddexaad xiran, kadib markii ay ganacsatada ka gadoodeen canshuuro dheeri ah oo lagu soo rogay.

Ganacsatada suuqan oo si weyn uga cawday lacago toban nuuc ah oo iskugu jira canshuur iyo adeegyo dowladeed iyo hay’ado amni, wasaarado iyo gobolka ayaa sheegay inay ka shaqeysan la’yihiin dowladda.

Ganacsatada oo soo saaray war-saxafadeed cabasho ah ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay ballan ka bax ku sameysaya ganacsatada in ka badan laba mar, ayna ku saayidisay lacago dheeri ah oo loo xiray shaqsiyaad shaarka dowladda gashan, sida lagu yiri qoraalka.

“Ganacsatada waxaa looga baxay balamihii ee laga qaaday ee ahaa in culeyska ganacsatada gobolka Banaadir saaran iyo shaqsiyaadka shaarka dowladda gashan ee lacagaha baada ah ka qaata ganacsatada laga dulqaado kuwaasi oo waxba ka fulin,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Midowga Ganacsatada gobolka Banaadir.

Sidoo kale ganacsatada ayaa madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta cabashada soo noq-noqotay, taas oo salka ku haysa shaqsiyaad macaash doon ah oo shaarka dowladda adeegsanaya.

Waxa kale oo ay tilmaameen in maalin kasta la handado, islamarkaana loogu tego goobahooda ganacsi, iyagoo la waydiinayo inay soo daabacaan akoonadooda.

Xirnaashaha suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho maalintii saddexaad ayaa ku yimid go’aanka ganacsatada oo sheegay inay ka shaqeysan waayeen dowladda.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xirnaashaha suuqa Bakaaro ayaa iska dhago tirtay cabashada ganacsatada, iyadoo ka hortimid shaqo joojinta ay sameeyeen ganacsatada.

Cirro oo meesha ka saaray arrin walaac xooggan laga qabay – Maxaa dhacay maanta?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta meesha ka saaray walaaca laga qabay dib u dhac ku yimaada doorashooyinka isku sidan ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka Somaliland.

Madaxweynaha oo maanta la kulmay komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa xaqiijiyay in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada doorashooyinka, sidaa darteedna ay doorashooyinka isku-sidkan ay ku qabsoomi doonaan xilliga loo muddeeyey, taasi oo ah 31-ka bisha May, 2026-ka.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey mudadii uu madaxweynuhu xilka hayey, Cirro ayaa komishanka uga mahad-celiyey booqasho-hawleedka ay ugu yimaadeen, iyadoo Komishanka uga warbixiyay madaxweynaha habsami-u-socodka hawlaha ay uga wakiilka yihiin maamulka.

Sidoo kale, komishanka doorashooyinka waxay Madaxweynaha kala hadleen diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyin isku-sidkan ee inagu soo fool leh.

“Madaxweynaha ayaa komishanka ku amaanay hirgelinta doorashadii xasaasiga ahayd ee madaxtooyada. Madaxweynuhu wuxuu komishanka u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, xil-kasnimo, bisayl iyo adkaysi ay ugu jilib dhigeen in masuuliyaddii doorashooyinka madaxtooyadu ay ku dhammaatay guul,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Mudane Cirro ayaa komishanka ku wargeliyay in ay dib u eegis iyo daraasaadba ku sameeyaan wixii khaladaad iyo caqabado ah ee ka soo baxay doorashadii lasoo dhaafay, sida looga bixi karo laguna sixi karo caqabadaha iyo duruusta laga baran karo si mustaqbalka looga digtoonaado.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale wuxuu komishanka u xaqiijiyey in uu fulayo ballan-qaadkii uu la galay bulshada Somaliland ee ahaa in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada doorashooyinka, sidaas darteedna ay doorashooyinka ku qabsoomi doonaan waqtigeeda, iyadoo xukuumadda ay diyaar u tahay inay bixiso wixii dhaqaale ah ee ku baxaya qabsoomidda doorashooyinka.