25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

PUNTLAND oo xukunno adag ku ridday shabakad ka kooban 6 dhalllinyaro ah

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah 6 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay ahaayeen shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka geysan jiray gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxkamadda ayaa afar ka mid ah dhalinyaradan ku xukuntay dil toogasho ah, halka labada kale lagu riday xabsiyo u dhexeeyo 20 illaa 30 sano oo xarig ah.

Afarta dhaliyarada ah ee dilka lagu xukumay ayaa kala ah Farxaan Faysal Salaad, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Barkhad Cawil Xirsi iyo Liibaan Aaden Muuse.

Sidoo kale Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayaa waxa ay Maxkamaddu ku xukuntay 30 sano oo xarig ah, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed isna lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah.

Dhalinyaradan ayaa waxaa dhamaantood lagu eedeeyey inay Gaalkacyo ka howl-galayeen intii u dhexeysay 2017-kii illaa 2021-kii, isla-markaana ay ka geysteen qaraxyo iyo dilal.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa intaasi ku dartay in dhalinyarada la xukumay ay heystaan 30 cisho oo racfaan ay ku qaadan karaan, si ay u qabsadaan qareenno u dooda oo ka difaaca dambiyada ay ku mutaysteen xukunada adag ee haatan lagu ridday.

Puntland ayaa horey xukuno dil ah ugu ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyey 18 kii nin ee bartamihii 2021-kii lagu toogtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka dhacay Galgaduud + Khasaaraha

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay qaybo ka mid gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo u dhexeeyey laba maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka ayaa ka qarxay duleedka koonfureed ee degmada Balanbale, waxaana intii uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dirirtu ay dhex-martay laba maleeshiyo Beeleed oo muddo isku hayey arrimo la xiriira aano Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa sidoo kale isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo shacab ku sugnaa halka uu dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in inta uu dagaalka uu socday in ka badan 15 guri oo ay daganaayeen qoysas xoolo dhaqaqto ah, taas saameyn ku yeelatay deegaanka.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana is hor fadhiya maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay koonfurta degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Dagaal Beeleedyada ayaa ku soo noq-noqday deegaanada maamulka Galmudug, kuwaas oo geystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur intaba.

Dacwadda dilkii Sankara oo la hakiyey + Sababta

0

Burkina Faso (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla waddanka Burkina Faso ayaa hakisay dacwadda la xiriirta dilkii madaxweynihii hore ee dalkaas, Thomas Sankara, oo ay wajahayeen eedeysaneyaal.

Sankara oo ahaa hoggaamiyihii kacaanka ee dalka Burkina Faso  ayaa la dilay sanadka marka uu ahaan 1987-kii, waxaan kadib billowday baaritaano soo socday oo ku aadan dilkiisa.

Qoyska Mr Sankara ayaa codsaday in la hakiyo kiiska sababo la xiriira afgambigii militari ee waddankaas ka dhacay isbuucii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay dib u billaabi doonaan marka sharciga dastuurka lagu soo celiyo dalka.

Midowga Afrika ayaa Isniintii sheegay inuu xubinnimada ururkaas ka saaray Burkina Faso, go’aankaas oo yimid afar maalmood kaddib markii urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas uu sidoo kale iska saaray Burkina Faso.

Wafdi isku dhaf ah oo ka kooban Qaramada Midoobay iyo Ecowas ayaa ku sugan magaalada Ouagadougou si ay wada hadal ula yeeshaan hoggaanka militariga.

Si kastaba, xaaladda Burkina Faso ayaa haatan aad u cakiran, kadib is-bedalka ka dhacay waddankaas oo gebi ahaanba ay Inqilaab ku qabsadeen ciidamada milatariga.

Xog: Wada-hadal u furmay Daacish iyo ganacsatada Suuqaha Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda hubeysan ee Daacish ayaa weli gaaf wareeg iyo culeys ku heysa ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dhawaan goobo muhiim ah oo Suuqa ka mid ah ayaa la xiray kadib markii kooxdaas ay ganacsatada weydiisatay lacag baad ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ciidan ku daadisay Suuqa Bakaaraha, balse ganacsatada waxay sheegeen in ciidanka xoogiisa uu ka laabtay suuqa oo hadda ay hal goob fariisin ka sameysteen.

Goobihii u xirmay lacagtii ay Daacish weydiisatay darteed ayaa dib loogu furay amar dowladeed, dhaqan aad loo dhaliilay oo jajuub iyo xoog ah ayey ciidanka dowladda ku wajaheen ganacsatada, laakiin taas waxaa la sheegay in aysan xal u noqon dhibaatadii taagneyd iyo lacagtii ay kooxda dalbatay.

Ciidanka dowladda federaalka ah waxay u muuqdeen inay kaliya diidan yihiin Suuqaha Bakaaraha oo u xiran Daacish darteed, laakiin ma jirin aragti dowladeed oo lagu maareyn karay mushkiladaan ayey yiraahdeen ganacsatada.

Waxaan maanta u kuur galnay waxa lagu xaliyey lacagtii ay kooxda dalbatay iyo xaalka sida uu yahay, waxaana la hadalnay qaar ka tirsan ganacsatada.

Waxay sheegeen inaan weli la xalin dhibaatadii taagneyd  “Suuqa waa la furay waa amarka dowladda oo weliba xoog lagu daray, laakiin weli kooxdii lacagtii ayey rabtaa,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatadii aan la hadalnay.

“Maadaama aysan dowladda noola imaan qaab wax lagu xalin karo, waxaan ku qasbanaanay inaan anaga xal raadino, guddi ayaan u saarnay arrintaan, waxaan ku heshiinay in 15 maalin lagu xaliyo howsha taagan, guddiga waxay la fariisanayaan kooxda, waxayna kala doodayaan habka ugu macquulsan ee lagu kala badbaadi karo, laguna macaamilo karo, waxaan ku qasbanahay inaan kooxda la hadalno oo aan is xalino si aan u ganacsano” ayuu yiri ganacsadahaas.

Maxaa ka dhallan kara tallaabada lagula heshiinayo kooxda?

Sida muuqato, qorshaha ganacsatada waa inay si toos ah ula heshiiyaan kooxda Daacish, iyagoo eeganaya naftooda iyo maalkooda.

Halkaan waxaa ka dhalanaya inay Xamar ku waajibeyso canshuur seddexaad, maadaama ay horay u hirgashay midii Al-Shabaab, waxaa kaloo ka dhallan karta inay abuurmaan kooxo kale oo lacag doon ah oo magacyo cusub leh, balse dhibaatada ugu weyn ee arrintaani waa sare u kaca nolosha magaalada.

Mar walba oo ay badato baada laga qaadayo ganacsatada waxay iyaguna ku qasban yihiin inay qiimo sare wax ku iibiyaan badeecada, taas oo shacabka ku badineyso culeyska. Waxaa kaloo ka dhallan karta inay ganacsiyada qaar xirmaan.

Dowladda iyo canshuurta sedaxaad

Hey’adaha ammaanka ee dowladda federaalka ah waxaa lagu eedeenayaa in aysan heysan qorshe si dhab ah wax looga qaban karo dhibaatooyinka kooxahaan hubeysan.

Mar walba oo ay kooxuhu helaan lacag waxay dhiira gelineysaa inay sii jiraan oo ay geystaan dhibaatooyin amni.

Madaxda dowladda federaalka ah ayaa si weyn ugu mashquulsan arrimaha doorashooyinka iyo danahooda gaarka ah, waxayna taas keentay inay kooxahaan helaan dariiq nabad ah oo ay ku shaqeystaan, maadaama ay dowladdii iyagu isku mashquulsan tahay.

Xamar oo aan amni aheyn, waddooyinka badi xiran yihiin wax horumar bulsho oo la taaban karana aan loo sameyn ayaa maanta u muuqata inay aqbaleyso inay bixiso seddex lacagood oo kala duwan, waa laba baad ah iyo mid canshuur ah.

Kooxda Daacish waxay maanta mareysaa ganacsatada, haddii aan arrintaan wax laga qaban oo la aqbalana sida Shabaab-ka ayey berrina bilaabi doonaan lacagaha laga qaado qeybaha kale ee magaalada.

Maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo wasaaradda arrimaha gudaha wax aragti ah kama lahan sida muuqata dhibaatadaan socota, umana eka kuwo ku mashquulsan inay xal u raadiyaan dhibkaan

Daawo: Maxaa kasoo baxay kulankii Rooble iyo dhigiisa dalka Imaaraadka Carabta?

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Maxamed Bin Raashid Ala-Maktoum.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labad dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha, dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale waxay si gaar ah diirada u saareen sida ay xiligan lagama maarmaan u tahay sidii dal-kugalka (Fiisooyinka) loogu fududeyn lahaa Soomaalida u safarta dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid ayaa ballan-qaaday in dowladdiisu kordhin doonto gar-gaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Ugu dambeyntiina Rooble ayaa dhiggiisa Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid uga mahad-celiyay kaalinta dowladdiisu ay ka geysatay gurmadka abaaraha ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Abu Dhabi.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhowaan raali-gelin siiyey dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isagoo u ballan qaaday in dib loogu celin doono lacagtaas, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Si kastaba, booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa markale dhidibada u taageysa xiriirka u dhaxeeyay labada dal, oo muddooyinkii dambe uu ka jira mad-madow badan, waxayna ku soo aadeysa xilli xasaasi ah oo ay is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday oo garab ka hela dowladda Qatar.

Daawo: C/Qani Saciid oo la sheegay in xilka laga qaaday iyo jawaab uu ka bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir aan caadi aheyn oo maanta ay isugu yimaadeen xubnaha guddiga fulinta iyo golaha Congress-ka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa lagu ansixiyey xilka qaadis lagu sameeyey guddoomiyaha xiriirka Cabdiqani Saciid Carab.

Xubno ka kala socday 14 ka mid ah kooxaha kubadda cagta, ururka macalimiinta iyo garsoorka xiriirka ayaa ka soo qeyb galay munaasabadii xilka looga xayuubiyey guddoomiye Cabdiqani.

Cali Maxamed Cabdi (Cali Shiine) ayaa si KMG ah loogu dhiibay inuu sii wado shaqada xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, Cali Shiine ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka mahad celinayo hoggaamintaan sida KMG ah loogu igmaday.

Guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday Cabdiqani Saciid Carab oo isna warbaahinta la hadlay ayaa fowdo ku tilmaamay shirka ay qabteen qaar ka mid ah xubnaha xiriirka kubadda cagta ee xilka looga qaaday.

Waxa uu sheegay in wax kasta oo ay sameeyeen xubnihii maanta ay baal marsan yihiin xeerka xiriirka kubadda cagta, “Waxaa la abaabulay shir aan dastuurkeena waafaqsaneyn oo nasiib darro ku ah bahda kubada cagta, talaabadaas aad ayaan uga xumahay, waana sharci darro,” ayuu yiri Cabdiqani Saciid Carab.

Sidoo kale Cabdiqani ayaa sheegay in maalmahaan ay socdeen dadaallo ay waday wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, iyadoo wasiirku dhawaan uu soo jeediyey in la isugu yimaado shirweyn oo xal looga gaarayo khilaafaadka jira.

Shirkii maanta xilka looga qaaday ayuu Cabdiqani ku tilmaamay mid lagu dhabar jebinayo nidaamka xiriirka, isagoo wasiirka cayaaraha iyo guud ahaan xubnaha wasaaradaas uga digay inay ku milmaan qalalaasaha ka dhex socda hoggaanka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Dhanka kale qaar ka mid ah hoggaanka kooxaha kubadda cagta oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hor yimid go’aankii maanta lagu ansixiyey xilka qaadista guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab.

War-saxaafadeed ka soo baxay kooxahaas ayaa lagu sheegay in shirkaas aysan ka warheyn oo warbaahinta un ay ka arkeen, sidaas darteena wixii halkaas ka dhacay aysan waafaqsaneyn sharciga xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Hoos ka daawo Cabdiqani Saciid Carab

Maamulka G/BANAADIR oo DIGNIIN culus soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa digniin adag kasoo saaray goobaha danta guud ee la degan yahay, ayaga oo dadka ku jira ay fareen in sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan.

Guddoomiyaha degmada Heliwaa, Mire Salaad Dhuxulow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in xarun dan guud ah loo isticmaalo dan gaar ah.

“Dadka degan dhamaan dhulka danta guud ee ku yaalla degmada Heliwa, bi-fadlikum alaabtiina meesha ka qaata oo kasii guura, waa idin soo socona, oo guryo kireysta ama iibsada oo ka guura dhulka danta guud,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in maamulka uu muddo 7 cisho ah u qabtay in dadka degan dhulka danta guud ay uga guuraan, wixii ka dambeeyan ay qaadi doonaan howl-gal ay si qasab ah uga saarayaan, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu faray ganacsatada hareeraha wadooyinka ku ganacsada inay ka guuraan, maadama ay aad u soo yaraatay wadada, islamarkaana ay dhawaan qorsheynayaan in ganacsatadaas u diyaariyaan suuq.

“Waxaa rabna in aan wadada lagu dhex ganacsan oo waxaa loo dhisay in la maro, anagii ayaa weynay meel aan ka marno, walaalayaalow ka guura intaas ka badan idinkama xishoon karno. Suuqleyda waxaa u qorsheynayna in aan u diyaarino suuq, laakiin inta aan idin diyaarinayno ma ogolaaneyno in aad suuqa kusii ganacsataan.”

Digniintan ayaa imaneysa kadib markii uu maamulka bur-buriyay ganacsiyo ku yaalla wadada hareeraheeda, halka kuwa kalena uu faray in si dhaqso ah uga guuraan inta aan la dumin ganacsigooga.

Lamaane is-qabay oo lagu dilay magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Dabley hubaysan ayaa xalay dil ugu gaystay lammaane is-qaba xaafada Farxas-kule ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, xili ay kusii socdeen gurigooda.

Sida ay sheegen dad deegaanka ah, kooxda dilka geysatay ayaa islamarkiiba ka baxsaday goobta kadib markii ay toogteen labada qof ee lamaanaha ah, ayada oo goobtaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan booliska.

Labada marxuum ayaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Maxamuud Muuse Ismaaciil iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Shukri Xasan Maxamed Tima-cade

Taliyaha Booliska gobolka Sool, Cali Axmed Shire oo la hadlay VOA ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeeyay dhacdadaas, asaga oo sheegay inay dad dhowr ah u soo xireen falkaas, islamarkaana ay socoto baaristiisa.

“Waxaa u tacsiyadeynaya labada marxuum ehelkooda, qaraabadooda iyo qaranka jamhuuriyada Somaliland, falkaas foosha xun ayaa xalay ka dhacay gobolka Sool, koley dadna waa u xir-xiran yihiin oo baaristii waa socota ka hor dhici mayno, waxna waa daba socona,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay bulshada reer Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool dadka ku nool inay nabad-gelyada gacan ka siiyaan laamaha amaanka, si loo xaqiijiyo amaanka guud ee gobolka.

“Waxaa ballan-qaadeyna in aan si hagar la’aan ah ugu shaqeynayno, ayagana waxaa ka codsaneyna inay la shaqeeyaan Booliska, oo nabad-gelyada la ilaaliyo.”

Dilka loo geystay labada marxuum ee lamaanaha ahaa ayaa noqonaya kii labaad ee bil gudaheed ka dhaca magaalada Laascaanood, kaasi oo illaa hadda la garanayn cidii gaysatay.

Somaliland ayaa hore falalka amni xumada Laascaanood ugu eedeysay dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliyada, ayada oo bishii Oktoober ee sanadkii hore magaaladaas ka tarxiishay kumanaan qoysas ah, taasi oo ay cambaareyn xoogan kala kulantay.

Si kastaba, Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa weli ka dhaca falal amni daro oo ay ugu horeyso dilalka ku dhufo ee ka dhaqaaqda loo yaqaano.

Koox diyaarado drone ah ku weerartay magaalo uu ku sugnaa madaxweynaha Israel

0

Dubai (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa mar kale weeraro culus ku qaaday labada magaalo ee ugu waaweyn dalka isku tagga Imaaraatka Carabta.

Sida uu bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyey afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, kooxda ayaa Gantaalo laga riday diyaarado Drone ah la beegsatay magaalooyinka Dubai iyo Abu Dhabi, ayaga oo duqeymaha lala beegsaday xarumo cayiman oo ahaa kuwa si gaar ah loo beegsaday.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay fashilisay weeraradii ay kusoo qaaday Xuutiyiinta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda.

“Ciidanka difaaca cirka ayaa qabtay saaruukh lagasoo gamay Yemen balse ma jirin wax khasaara ah oo ka dhashay, burburka sawaariikhda ayaa ku dhacay goobo aan la deganayn,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda Abu Dhabi.

Weeraradan ayaa lagusoo beegay xilli uu madaxweynaha Yahuudda Isaac Herzog booqasho rasmi ah ku joogo dalka Imaaraatka Carabta.

Wasaaradda difaaca Israel ayaa beenisay inuu khatar amni galay madaxweynahooda, waxayna cambaareysay weerarka lagu qaaday dalka Imaaraadka Carabta.

Waa markii sadexaad oo kooxdaan ay duqeymo ka fuliso gudaha Imaaraadka Carabta, waxayna horey weeraro noocaan oo kale uga fulisay gudaha dowladda ay xulafada yihiin ee Sacuudiga.

Qaraxyo ka dhashay diyaarado drone ah ayaa 7-dii ka dhacay magaalada Abu Dhabi, ayada oo Xuutiyiinta dalka Yemen ay ku dhowaaqeen “howlgallo militari” oo ay ka fuliyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

“Walxyo yar oo duula” ayaa la helay ayada oo saddex booyado shidaalka qaada ah ay ku qarxeen aag warshado, sidoo kalena dab uu ka kacay garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen booliska.

Saddex qof ayaa ku geeriyootay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada, sida ay sheegeen booliska. Dadka dhintay ayaa laba qof waxay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu kasoo jeedo Pakistan.

Imaaraadka Carabta ayaa aad u yareeyey joogitaankooda militari ee dalka Yemen 2019-kii, xilli la isku mari waayey dagaalka ayna sare u kacday xiisadda gobolka iyo Iran, hase yeeshee waxay saameyn ku leeyihiin ciidamada hubeysan ee Yemen oo ay tababareen.

Weerar iyo qarax lagu dilay 6 qof oo ka dhacay Kenya

0

Mandhera (Caasimada Online) – Lix qof ayaa geeriyootay kadib markii gaari rakaab ah oo ay la socdeen uu maanta burburiyey qarax intuu uu socday weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen koox hubeysan, waqooyiga bari ee dalka Kenya, meel ku dhow xuduudda Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa rasaas ku furay gaariga kadib markii uu dul maray miino dhulka lagu aasay, meel 8 km u jirta magaalada Mandhera.

“Lix qof ayaa la dilay intii uu socday weerarka lagu qaaday gaariga. Waxaa socda howlgal lagu soo qabanayo kooxda weerarka soo qaaday,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska qaranka Bruno Shioso.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Warbixin ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in askar lugeyneysay oo ka ag dhowaa goobta ay rasaas is-weydaarsadeen kooxda weerarka soo qaaday, kuwaas oo u baxsaday dhanka xuduudda Soomaaliya.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa adeegsaday rasaas iyo gantaallada garbaha laga tuuro intii uu socday weerarka, sida lagu sheegay warbixinta.
Gaariga oo gebi ahaan ku burburay weerarka ayaa siday tiro rakaab ah oo aan weli la shaacin.

Shioso ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in toddoba qof ay ka badbaadeen weerarka balse ay qabaan “dhaawacyo kala duwan.”

Toddobaadkii tegay, dhowr ka mid ah safaaradaha Reer Galbeedka ee Nairobi ayaa ka digay weerar argagixiso oo lagu beegsanayo ajaaniibta ku sugan caasimadda.

Safaaradaha Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ka digay weerar suurta-gal ah maalmo gudahood, halka Mareykanka ay soo saareen digniin feejignaan ah.

AFP + VOA

Khadiija Diiriye oo dib loo doortay kadib markii Baarliin lagu reebay hab farsamo ah

0

Jowhar (Caasimada Online) – Khadiija Maxamed Diiriye ayaa markale ku guuleysatey kursiga tirsigiisu yahay HOP#097 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Khadiija Maxmed Diiriye oo hadal ka jeedisay kadib guusheeda ayaa u mahad-celisay beesheeda, oo ay sheegtay inay wax ku tahay, ayada oo ballan-qaaday inay markasta heegan u tahay beesheeda.

“Alle ayaa mahad leh oo wax walba qadartiisa ay ku noqdeen, waxaan u mahad celinayaa hogaanka dolwadda HirShabelle, beesha Yaxar oo suurtagal ka dhigtay 2000 illaa 2025 in aan hogaamiyo siyaasadooda iyo shacabka Soomaaliyeed ee guushan sugayay, garashadiina ayey ku timid qaangaar-nimadeyda siyaasadeed” ayey tiri.

Natiijada doorashadan ayaa aheyd mid hore loo sii ogaa, waxayna Khadiija kursigaas ku fadhisay tan iyo dowladdii lagu soo dhisay Carta – Jabuuti, 21-sano ka hor.

Khadiija ayaa sida la fahamsan yahay kamid aheyd shaqsiyaad si gaar ah loogu xiray kuraasta Golaha Shacabka, ayada oo musharaxii kale sida weyn ula loolamayey laga reebay tartanka, kadib markii loo diiday shahaadada musharaxnimada, sida ay sheegtay.

Baarliin oo dooneysay in wasiir Khadiija Maxamed Daariye ay kula tartanto kursiga golaha shacabka ay ku leedahay beesha Yaxar ee HOP#097 oo xalay warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ay toos uga reebeen tartanka, kadib markii ay hor dhigeen dhowr jid-gooyo.

Caqabada ugu weyn oo ay sheegtay in guddigaas ay hor dhigeen ayaa aheyd inay keensato ID-kaar cadeynaya inay tahay beesha ay kursigeeda u tartameyso ee Yaxar, islamarkaana ay geysay guddiga odayaashii dhaqanka beesha, halka Khadiija ay la timid odayaal kale oo isla beesha ah, halkaasna lagu cadeeyey in Baarliin ay u dhalatay beesha Yaxar.

Hase yeeshee waxay sheegtay in ugu dambeyntii guddoonka guddiga doorashada HirShabeelle ay si cad ugu sheegeen in doorashada aysan ka qeyb geli doonin oo aysan u diiwaan geli doonin inay u tartanto kursiga beesheeda.

Khadiijo Diiriye ayaa hadda ka hor fagaare ka sheegtay in Baarliin Biin aysan u dhalan beesha Yaxar, isla markaana aysan kula tartami doonin kursiga beesheeda, taas oo sida muuqata ay hadda ka dhabeysay Khadiijo.

Sida ay ku bilaabatay doorashada HirShabelle ee Golaha Shacabka ayaa muujineyso in Cali Guudlaawe uu ka leexday dhabihii uu horey ugu wajahay doorashadii Aqalka Sare oo aad loogu boggaadiyey, waxaana durbo soo shaac baxay cabashooyin ku aadan doorashada Jowhar.

Xog: Loolan adag oo ka jira doorashada HOP123 iyo musharaxa loo saadaalinayo

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya loolan aad u xooggaan in uu ka jiro qaar kamid ah kuraasta taalla gobolka Gedo, iyadoo ay jifooyinka wada leh kuraastaas sanadkaan isku hayaan hab qaybsiga inta badan kuraasta halkaa taalla, kursigii ugu loolanka adkaa ayaase u muuqda in uu dhinac u dhacay.

Kurisga HOP#123 oo uu horay ugu fadhiyay Xildhibaan Maxamuud Cali Magan ayaa wararka aan ka helaynno Jubaland waxay sheegayaan in Axmed Madoobe uu go’aansaday in uu u xiro jifo kamid ah jifooyinka wada lahaa kursigaan, taas oo lagu fasiray cadaalad u raadinta jifooyinka ku qaday doorashooyinki hore.

Waxaana sanadkaan ay dowlad goboleedka Juballand jaangooysay in jifooyinka Aqalka sare kuraas ka helay aysan ku darsan Aqalka Hoose sidii maamul goboleedka horay uga dhici jirtay, taasi oo keeneysa in kuraasta ay beelo badanw ada gaaraan.

Sida aan xog ku helnay, musharaxa ugu hadal haynta iyo saameynta badan lana filayo inuu sanadkan kusoo baxo kursiga HOP#123 ayaa ah Cabdullaahi Sheekh Maxamuud Sheikh Cabdullaahi.

Sida aan xoggaha ku helnay musharaxan ayaa taageero badan ka haytaa beeshiisa iyo dhinacyo kale, waxaana si weyn loo saadaalinayaa in musharaxaan uu kursigan kusoo baxo hadii uusan imaan musuq-maasuq.

Xildhibaankii u horeeyey oo maanta lagu doortay Jowhar iyo CALI GUUDLAAWE oo…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baraalamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana lagu bilaabay 6 kursi.

Kursigii ugu horreeyey ee Hop#033 oo doorashadiisa la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Yuusuf Ibrahim Afrax (Yuusuf Kabaale) oo noqday xildhibaankii ugu horreeyey ee lagu doorto Jowhar, waxaana uu markale sidaas ugu biirayaa baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Yuusuf Kabaale ayaa kusoo baxay codad badan oo gaaraya illaa 69 cod, halka musharixii la tartamayey ee Maxamed Xuseen Sabriye uu heley 22 cod, sidoo kale waxaan halaabay 6 Cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashooyinka ee maamulka HirShabelle.

Guusha Yuusuf Ibrahim Afrax ayaa la filayey, maadaama uu ka mid ahaa xubnaha aadka loo hadal hayey inuu ku soo baxayo doorashada.

Kursiga labaad ee HOP#005 waxaa kusoo baxay Maxamed Cumar Ceymoy oo loo waayey musharax la tartama, waxaana loo qaaday, cod gacan taag ah, isaga oo helay 73 cod.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galay kuraasta xigta ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda ay ka dhacdo HirShabelle.

Kuraasta maanta doorashadooda la qabanyo sidoo kale waxaa ka mid ah kursiga HOP#097 oo ay sanado badan ay ku fadhisay Khadiijo Diiriye, taas oo markale si gaar ah loogu xiray.

Sida ay ku bilaabatay doorashada HirShabelle ee Golaha Shacabka ayaa muujineyso in Cali Guudlaawe uu ka leexday dhabihii uu horey ugu wajahay doorashadii Aqalka Sare oo aad loogu boggaadiyey, waxaana durbo soo shaac baxay cabashooyin ku aadan doorashada Jowhar.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ay ku jirtaa xaalad kala guur ah, waxaana xiisadda uga sii daray cabashooyinka hareeyey hannaanka loo wajahay doorashada Golaha Shacabka.

Yaa lagu beegsaday dilalkii qorsheysnaa ee magaalada Muqdisho ka dhacay xalay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan degmooyinka Hodan iyo Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka koowaad oo loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Gorgor ayaa ka dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana toogashadaas fuliyey rag ku hubeysnaa Bistoolado oo weerar gaadma ah ku qaaday askariga, xilli uu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in askariga xilliga la dilayey uu kasoo baxay xerada ciidamada Gorgor ee Tarabuunka, isla-markaana uu ku socday gurigiisa oo ku yaalla Seybiyaano.

Ragga dilka fuliyey ayaa lagu soo warramayaa inya goobta isaga baxsadeen, kadib dhacdadaasi, waxaana goor dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuw ammaanka.

Sidoo kale dilka labaad oo ay geysatay koox burcad ah ayaa ka dhacay xaafadda Xoosh oo ka tirsan degmada Dharkenley, waxaana loo geystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Khaalid Cabdixamiid Macalin Cali, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Burcadda oo taleefoon uu watay marxuumka ka qaadatay ayaa la sheegay inay dilkiisa u adeegsatay Toorey, waxayna isla-markiiba ka carareen goobta.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilalkan xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Amni darrada Muqdisho ayaa sii baaheysay maalmihii u dambeeyey, waxaana sii kordhay weerarada qaraxyada ah, dilalka qorsheysan iyo dhaca socda xilliyada habeenkii ah.

Sababta Farmaajo uusan mas’uul uga aheyn boobka doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii xildhibaanada laba Aqal ee Baarlamaankii 10-aad, fadeexooyin waaweyn ayaa laga diiwaan geliyey, sanadkii 2016-kii.

Waxaa mar hore doorashadaas loo tix-gelin jiray middii ugu musuqa, boobka iyo fadeexadda badneyd doorashooyinkii soo maray dalka burburkii kadib. Balse waxa dhacaya waqtigaan la joogo ayaa doorashadii 2016-kii cudur daar ugu filan

Sanadkii dhammaaday ee 2021-kii iyo bilowga sanadkaan fadeexooyinka doorashada Soomaaliya waa kuwa taariikhda geli doona.

Ergo doorashaneysa kursi aysan beeshooda laheyn, musharax loo sheegayo inuu tartanka ka haro oo kursigii qof kale la siiyey, malxiisyo iskuwada ceyn ah, madax kuraasta ku bixineysa xidid, dadkii kuraasta laga dhacay oo aysan cabashadooda qiimo ku fadhin iyo laaluushka aan lala xishooneyn ayaa hareeyey doorashada hadda socota.

Sida iska cad doorashadaan ayaa ka ceyb, fedeexad iyo musuq badan midii 2016-dii, balse waxaa kala duwan cidda qaadaneysa eedaha ka dhalanaya doorashadaan hadda socota iyo ciddii qaadatay eedihii ka dhashay doorashadii hore ee 2016-kii.

Golihii Qaran ee maamulayey doorashadii 2016-kii waxaa hormuud u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, mas’uuliyad badan ayuu iska saaray inuu geedigu dhaqan galo, mudo 6 bilood ka yar ayey ku qaadatay doorashadaas, marka la eego maalintii uu ku ekaa muddo xileedkiisa.

Wanaag iyo eed badan ayey laheyd doorashadaas, wixii wanaag ah oo doorashadaas 2016-kii ay laheyd waxaa la siiyaa Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena wax walba oo tacadi iyo ceeb ah oo doorashadaas ka dhacay, iyadana waxaa dusha loo saaraa Xasan Sheekh.

Hadda, waa muddo dhammaadka madaxweyne Farmaajo, xilli doorasho ayaa lagu jiraa, waxay aheyd inuu hor kaco doorashada, balse waxaa hoggaamintiisii doorashada ka dhashay khilaaf iyo gacan ka hadal.

Mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaar ayaa diiday inuu Farmaajo hoggaamiyo doorashada, wuxuuna ugu dambeyn aqbalay inuu doorashada iyo maamulkeedaba faraha kala baxo.

Hadda waxaa socda wax fool xun oo aan la hubin inay dhici lahaayeen iyo in kale haddii uu isaga sii hoggaamin lahaa howsha doorashada.

Maamullada dalka waxay heleen awood aysan heysan markii uu Farmaajo gacanta kula jiray doorashada, tacadiyada hadda socda qaar waxaa loo sameynayaa Farmaajo dartiis oo isaga ayaa ragga qaar waxay u hayaan shaqo aan shaacsaneyn, laakiin sidaas oo ay tahay Farmaajo gacantiisu waa ka bannaanka doorashada.

Haddaba su’aasha ugu badan oo dadku is waydiinayaan ayaa ah Farmaajo wax maku yeelan doonaa ceebaha iyo fadeexadda doorashadaan, si lamid ah eedihii uu Xasan Sheekh ku yeeshay doorashadii 2016-kii.?

Dad badan waxay qabaan inay arrintu u qeybsami doonto labo, mid Farmaajo waa ku ceeb, midna wuu ka badbaadi doonaa.

Farmaajo waxaa ceeb ku noqon doonta, inuu hoggaamin waayey doorashada oo uu dalkii doorasho gelin waayey oo uu muddo kororsi aaday, kadibna uu xalkii noqday in laga wareejiyo doorashada. Mida kale waxuu ka badbaadi doonaa eedda boobka iyo fadeexadda doorashada socota.

Cid kale haddii ay isaga dartiis wax usoo boobto ama isaga oo dhuumanayo uu doorashada ku dhex jiro kama dhigna inuu qaadan doono eed lamid ah middii uu qaadan lahaa haddii uu toos madax uga ahaan lahaa shaqda doorashada ayey leeyihiin dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Golaha wada-tashiga Qaran ayaa qaadan doona dhibaatada iyo ceebta doorashadaan, Farmaajana bannaanka ayuu ka joogaa  golahaan.

Inkastoo ay mucaaradka guul u arkeen in Farmaajo laga fara maroojiyey hoggaankii doorashada, haddana waxaa dhibaato ku ah in gobolada qaar ay shaqo uga socoto Farmaajo isna uu ka badbaadayo mas’uuliyadda eedaha doorashada.

Kooxdiisa qaar waxay leeyihiin haddii uu Farmaajo sii hoggaamin lahaa mashruuca doorashadaan sidaan foolxumada ah waxba uma dhaceyn, qaarna waxay leeyihiin waa fursad in gacanta wax lagu boobayo ee Berri la eedi doono inaysan aheyn midda Farmaajo.

Jeesow oo weerar culus ku qaaday xukuumada Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Hiiraan ayaa si kulul uga hadlay xaaladda cakiran ee magaaladaasi iyo ciidamada ay dhowaan dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya geysay halkaasi.

Jeesow oo u warramay Shabelle TV ayaa ugu horreyn taageeray ciidamada ay dowladdu todobaadkii lasoo dhaafay ku daad gureysay Beledweyne, wuxuun sheegay in ciidankaas ay ku tageen codsi ka yimid HirShabelle, welibana ay ku yaryihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamo ayaa hadda la geeyey Beledweyne, weliba aa nagu filneyn ciidankaas laba qayb ayey isugu jiraan kuwo waa Haramcad oo amniga qaabilsan, kuwana waa Gogor oo loogu tagalay inay la dagaalamaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xidlhibaanka oo hadalkiis sii wata ayaa weerarka afka ah ku qaaday golaha wasiirada ee  xukuumadda Soomaaliya , isagaoo uu ku sheegay inay yihiin kuwa ‘xanaaqsan’ oo ka faa’iideysanaya khilaafka taagan iyo xiisadda ka alaalsan magaalada Beledweyne.

“Waxaan rabnaa in ra’iisul wasaaraha uu kala ilaaliyo wasiirada xanaaqsan ee ka faa’iideystay khilaafka ee khilaafka kusoo galay dowladda iyo riyaalatiga jira ee dhabta ah,” ayuu sii raaciyey Xildhibaan Jeesow.

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ugu baaqay inuu qaato mas’uuliyadda ka saaran doorashada iyo amniga dalka.

“Mudane ra’iisul wasaare adiga ayaa ah ra’iisul wasaarihii dalka adiga ayey maanta mas’uuliyad kaa saaran tahay dalka, doorashadiisa ha noqoto, amnigiisa ha noqoto, yuusan ku qaldin wasiir xanaaqsan,” ayuu markale yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha Beledweyn oo ay dhowaan ka dhaceyso doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, waxaana xiisaddu kasii dartay markii ay ciidamo dheeraad ah dowladda Soomaaliya geysay magaaladaasi, kuwaas oo ay ka horyimaadeen siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Loolanka cusub ee MASAR iyo TURKEY ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa dhawaanahan wadday dedaallo ay ku xoojinayso xiriir kala dhexeeya Soomaaliya oo sanadihii dambe hooseeyay, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta Bariga Dhexe.

Dabayaaqadii sanadkii 2021, Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka ee Qaahira oo xiriir la leh wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa mas’uuliyiin ka socda wasaaradaha Soomaaliya u qabatay tababar ku aaddan nabadeynta iyo xallinta khilaafaadka.

Shariif Ciise oo ah wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee Masar, una qaabilsan arrimaha Afrika ayaa tababarka ka sheegay in dalkiisa uu taageerayo “dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dagaalka ay argagixisada kula jirto dowladda Soomaaliya .”

Masar oo sanadihii dambe ka maqnayd saaxadda siyaasadda Soomaaliya ama ugu yaraan uu galaangalkeeda gaabis ahaa – taasoo qeyb ahaan ku timid xiriirka ay la leedahay Isutagga Imaaraadka Carabta iyo xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya – ayaa hadda doonaysa inay xukuumadda Muqdisho ka taageerto dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Bishii August 2021, ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ku tegay Qaahira, waxaana uu kulamo ku aaddan xiriirka labada waddan la yeeshay dhiggiisa Mustafa Madbouly iyo mas’uuliyiin kale. Waa mid ka mid booqashooyinka heerka sare ah ee madaxda dowladda Soomaaliya ay ku tageen dalalka Carabta ee xiriirka uu wanaagsanyahay amaba soo hagaagayo.

Masar ayaa u muuqata in ay qaadayso tallaabooyin muujinaya ifafaalooyin dardar leh oo ay ku jiraan kuwa kalsooni kasbasho ah, waxaana ka mid ah in la kordhisay tirada deeqaha warbarasho ee ay siiso ardayda jaamacadaha ee Soomaaliya, waxaana ay sanadkiiba gaarsiisay 400 oo arday.

Danaha Masar

Masar ayaa doonaysa in ay xiriir dhaw oo dhinacyo badan la yeelato Soomaaliya oo ku taalla aagga istaraatiji ahaan muhiim ugu ah xukuumadda Qaahira, maadaama uu khilaaf kala dhexeeyo Itoobiya oo dhisatay biyo xireen muran dhaliyay.

Cabdiraxaam Aadan Ruush (Xadaana) oo ka faallooda arrimaha Carabta ayaa rumaysan in Masar ay doonayso inay dib boorka uga jafto xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

“Masar waxa ay doonaysaa inay xoojiso xiriirkii qotada dheeraa ee kala dhexeeyay Soomaaliya, si aanay marti uga noqon ama aysan cid kale ugu soo marin danaheeda Geeska Afrika,” ayuu yiri Xadaana.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi ayaa bishii sebtember, 2019-kii magaalada New York isugu geeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isaga oo siku dayay in uu heshiis dhex dhigo labada dal oo xiriirkooda uu meel xun marayay xilligaas. Tani waa talaabadii ugu weynayd oo ay Masar usoo qaaddo dhanka Soomaaliya oo illaa heer madaxweyne gaarsiisan, inkasta oo aysan wax badan ka fulin isku daygaasi.

Waxaa jirta aragti ah in Masar ay booska ka riixan rabto Turkiga oo maalgelin dhinacyo badan ku samaysatay Soomaaliya. Masar iyo Turkiga waxa ay isku hayaan arrimo badan oo shaac ah, sida dhacdadii xukunka looga tuuray madaxweynihii la doortay ee Masar Maxamed Mursi, kaas oo kadibna xabsiga ku dhintay, sidoo kale waxa ay labada dal isku hayaan arrimaha dalal ay Liibiya ka mid tahay. Masar waxa ay taageeraysaa Jeneraal Khaliifa Xaftar, halka Turkiga uu taageero dhinac kasta ah la garab istaagay dowladda caalamka aqoonsanyahay ee Tripoli ka jirta.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada tababarka ciidanka, caafimaadka, waxbarashada iyo weliba dhaqaalaha. Wuxuuna noqday dalka taageerada ugu weyn ee tooska ah siiya Soomaaliya, balse lama oga illaa heerka ay taasi damaqday Masar.

Hase yeeshee Showqi Axmed Xayir oo isna ka faallooda arrimaha Carabta ayaa ku doodaya in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu ka adag yahay wax kasta oo aysan Masar si fudud ula wareegi karin kaalinta Ankara.

“Turkiga waa mid dhinac kastaba Masar uga awood badan gudaha Soomaaliya, haddii ay ahaato tababarka ciidamada Soomaaliya iyo dhaqaalaha uu ku bixiyo hay’adaha kala duwan ee dalka. Masar xilligan la joogo ma hayso dhaqaalo ay kula tartami karto Turkiga, gaar ahaan gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri Showqi.

Dowladda Soomaaliya

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa bartanka u gashay xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya dalal galaangal kala duwan ku leh Soomaaliya, sida khilaafkii u dhexeeyay waddamada Carbeed iyo dowladda Khaliijka ku taalla ee Qatar.

Inkastoo ay Soomaaliya shaacisay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafkaas, ayaa haddana waxa ay mucaaradka ku eedeeyeen inay la safatay xukuumadda Dooxa. Sidoo kale dowladihii Carabta ee ay Qatar is hayeen ayaysan u cuntamin go’aankii Soomaaliya.

Falanqeeye Xadaana ayaa rumaysan in dowladda dhalan doonta ay u taallo hawlo adag oo ah isu dheeli tirka danaha is diiddan ee siyaasadaha dibedda oo markii ugu horeysey dusha soo martay xagga muhiimadda.

“Dowladda cusub ee ay yeelan doonto Soomaaliya ayaa looga baahan yahay inay si taxadar leh oo ay ku jirto danta dalka uga baaraandegto siyaasadaha is diiddan ee gobolka iyo caalamka ba,” ayuu yiri Xadaana.

Danaha Caalamiga ah ee Soomaaliya yaala ayaa sii kordhaya markasta oo dowladnimada Soomaaliya ay soo hagaagto, waxaana danahaasi koow ka ah codka ay Soomaaliya ku leedahay ururada caalamiga ah sida Midoowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo xitaa Qaramada Midoobay.

Sidoo kale hawada Soomaaliya ayaa yeelatay muhiimad ka duwan tii hore kadib markii dowladda Soomaaliya ay hawadeeda diidday in ay ka xayirto diyaaradaha Qatar oo xayiraad ay saareen dowladdaha Khaliijka.

Xigasho: BBC

Madaxweyne Lafta Gareen oo magacaabay WASIIRO

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa magacaabay wasiiro cusub oo ka mid noqonayo golihgiisa wasiirada, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Wasiirada uu magacaabay Lafta Gareen oo gaaraya illaa saddex xubnood ayaa kala ah  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Wasiirka Boosta iyo Isgaarsiinta & Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowelad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Aweys Xuseen Macalin oo loo magacaabay Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka ayaa beddalaya Xuseen Xuseen Maxamed (Eelaay) oo dhowaan loo doortay Golaha Shacabka.

Sidoo kale Cabdullaahi Sheekh Daahir Muxudiin ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, halka Wasiirka Kalluumeysiga Koonfur Galbeed loo Magacaabay Cabdullaahi Cabdi Cumar.

“Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,” ayuu lagu yiri wareegatada, wuuna saxiixay.

Lafta Gareen ayaa faray wasiirada cusub ee uu magacaabay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareegaan xililka loo igmaday, si loo dardar-geliyo shaqooyinka horyaalla.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeyso, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay doorasho ku jirto Koonfu Galbeed oo hadda hoggaanka u heyso maamullada, marka la eego doorashooyinka.

Daawo: Xafiiska Rooble oo war cusub kasoo saaray qorshaha safarka Imaaraadka

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maqribadii galabta gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo si weyn ay ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin uu ku jiro wasiirka cadaaladda dowladda Imaaraadka Cabdalla Suldaan Alniceymi.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa faahfaahin ka soo saaray waxa uu ku qotomo safarkaan, waxaana caawa bilaawday kulamada uu Rooble la yeelanayo madaxda sare ee dowladda Imaaraadka.

Agaasimaha warfaadinta ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka uu ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

“Waxaa qorsheysan in Ra’iisul Wasaaruhu inuu wadahadallo kala duwan la yeesho madaxda dalka Imaaraadka oo Soomaaliya uu kala dhaxeeyo xiriir qota dheer oo ku qotoma dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo taariikhda,” ayuu yiri Liibaan Cabdi.

Wafdigaan waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku wehliya, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo ay is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo dowladdiisu ay xiriirka u jartay Imaaraadka, waxuuna Farmaajo garab ka helayaa dowladda Qatar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhowaan raali-gelin siiyey dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isagoo u ballan qaaday in dib loogu celin doono lacagtaas, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Hoos ka daawo faahfaahinta safarka Rooble

Xildhibaan Khadiija Diiriye oo farsamo yaab leh kursiga loogu xiray iyo Baarliin Biin oo war soo saartay (Daawo)

0

Jowhar (Caasimada Online) – Baarliin Biin oo dooneysay in wasiir Khadiija Maxamed Daariye ay kula tartanto kursiga golaha shacabka ay ku leedahay beesha Yaxar ee Hop097, ayaa caawa shaacisay in tartanka laga reebay oo Khadiija Diiriye kursigaas loo xiray.

Baarliin oo caawa warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ay toos uga reebeen tartanka, kadib markii ay hor dhigeen dhowr jid-gooyo.

Caqabada ugu weyn oo ay sheegtay in guddigaas ay hor dhigeen waxay tahay in lagu xujeeyey inay keensato ID-kaar cadeynaya inay tahay beesha ay kursigeeda u tartameyso ee Yaxar.

Waxay sheegtay in markii la weydiiyey ID-kaarka ay guddiga hor geysay odayaashii dhaqanka beesheeda, halka Khadiija Diiriye ay la timid odayaal kale oo isla beesha ah, halkaasna lagu cadeeyey in Baariin ay u dhalatay beesha Yaxar.

Odayaasha ka socday garabka Khadiijo iyo kuwa ka socday garabkeeda, Baarliin waxay sheegtay inay ku jireen labo oday oo wada dhalatay, taas oo guddiga u cadeysay in beesha ay u dhalatay.

Hase yeeshee waxay sheegtay in ugu dambeyntii guddoonka guddiga doorashada HirShabeelle ay si cad ugu sheegeen in doorashada aysan ka qeyb geli doonin oo aysan u diiwaan geli doonin inay u tartanto kursiga beesheeda.

Xaqdarada ay sheegtay in doorashada kursigaas ay ka jirto waxay tusaale ugu soo qaadatay, xubin ka mid ah guddiga soo xulaya ergada oo aan beesha kursiga leh ee Yaxar aan u dhalan, halka iyadoo beesha u dhalatay shaki la geliyey.

Khadiijo Diiriye ayaa hadda ka hor fagaare ka sheegtay in Baarliin Biin aysan u dhalan beesha Yaxar, isla markaana aysan kula tartami doonin kursiga beesheeda, taas oo sida muuqata ay hadda ka dhabeysay Khadiijo.

Sidoo kale Baarliin waxay sheegtay in Madaxweyne Cali Guudlaawe ay kol hore u tagtay, isla markaana uu ka balan qaaday in tartan furan loo geli doono kursigaas oo ayada iyo Khadiijo uusan u kala xagli doonin.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya waxay kursigaas ku soo fadhisay tan iyo dowladdii lagu soo dhisay Carta – Jabuuti, 21-sano ka hor.

Khadiijo ayaa maanta Jowhar lagu gudoonsiiyey shahaadada musharaxnimada, Baarliin waxay aheyd halka qof ee beesha u dhalatay oo ku hamisay inay sanadkaan la tartanto Khadiijo Diiriye, balse waxaa loo cadeeyey in tartanka laga reebay.

Hoos ka daawo