25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Lafta-gareen oo kursigiisa dhaafiyey maanta xildhibaan aad ugu dhow Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ka dhacday doorashada 5 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka.

Kuraasta la doortay waxaa kamid ahaa kursi uu ku fadhiyey Xildhibaan caan ah oo saaxiib dhow la ahaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kursiga HOP#177 oo uu muddo dheer ku fadhiyey Ibraahim Isaaq Yarow ayaa loo diiday inuu u tartamo kursigaan, kadib markii uu u awood sheegtay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Xildhibaan kursigiisa la xoogay ee Ibraahim oo ahaa guddoomiyihii guddiga dib u eegista sharciga doorashada iyo asteynta kuraasta xildhibaanada ee lagu soo saaray astaanta (HOPP) ayaa taageero u ahaa madaxweyne Farmaajo, wuxuuna waqti badan geliyey sidii uu usoo laaban lahaa.

Wuxuu soo saaray xeerkii doorashooyinka ee baarlamanka ee la diiday kaasi oo ahaa mid cakiran oo aan la fulin karin, balse ujeedka Ibraahim Isaaq Yarow uu ahaa inuu Farmaajo ugu salaxo fursad uu muddo kororsi ku sameysto.

Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sidoo kale waxaa lagu xusuustaa inuu u gefay shacabka Muqdisho, kadib markii uu sheegay in go’aan ka gaarista matalaad uu helo gobolka Banaadir ay tahay arrin u taalla baarlamanka oo cid gaar ah aysan waxba ka dhihi karin.

“Arrinta matalaadda Aqalka sare ee gobolka Banaadir, cid gaar ah waxba kama dhihi karto. Sidaas darteed arrintaas waxay ka mid tahay waxyaabaha baarlamaanka hortagi doona ee uu xal ka gaari doono,” ayuu Ibraahim yiri xiligaas.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo dadka kasoo jeeda ay ka kooban yihiin umadda Soomaaliyeed oo dhan, oo aanay ahayn beel gaar ah.

Xildhibaankan ayaa dhowaan barahiisa bulshada saartay sawirada Madaxweyne Farmaajo, madaxeweynaha Koonfur Galbeed iyo astaanta kooxda Nabad iyo Nolol, isagoo ujeedkiisu ahaa in mar kale la siiyo kursiga, balse waxaa rajadiisa cagta mariyey madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa kursigaas siiyey Cabduqaadir Sheekh Cali (Baraka) oo maanta doorasho ka dhacday Baydhaba ugu soo baxay codad gaaraya illaa 75-cod, musharixii la tartamayey oo lagu magacaabo Maxamuud Abuukar Kheyre ayaa helay 16 cod, halka 1 cod la sheegay inuu halaabay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa dagaal xooggan ku qaaday xildhibaanadii horey ugu fadhiyey kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo doorto Koonfur Galbeed, wuxuuna dariishada ka saaray inta badan xildhibanadii ka tirsanaa Baarmaanka 10-aad.

Sawirro: R/W Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyey dalka Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Abu Dhabi, waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda dalka Imaaraadka Carabta Cabdalla Suldaan Alniceymi.

Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah; Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay haatan is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dowladdiisu xiriirka u jartay Imaaraadka, isaga oo dhinaca kale garab ka helay Qatar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhowaan raali-gelin siiyey dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ballan qaaday in dib loogu celin doono, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Rooble ayaa sidoo kale shirka Golaha Wasiirada ka shaaciyey in marnaba aysan suurta-gal aheyn in Soomaaliya ay colaadiso dalal kala dhaxeeyan dano badan, islamarkaana aysan si gaar ula macaamilin dal gaar ah, kuwa kalena aysan fogeyn, ayada oo xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso sida uu sheegay siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed.

Wixii markaas ka dambeeyey, waxaa muuqata in xiriirka labada dal uu soo wanaagsanaanayo, si gaar ahna in dowladda federaalka ay qaadeyso tallaabooyin ay Imaaraadka Carabta ugu muujineysa inuu dhab ka yahay isbeddelka ay ballan-qaaday.

Ajendaha R/W ROOBLE ee Imaaraadka: 7 qodob oo ay tahay inuu hordhigo Abu Dhabi

0

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow u kicitimay dalka Imaaraadka halkaas oo ku tagayo booqasho tii ugu horeysay ee uu ra’isul wasaare Soomaaliyeed sameeyo 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Safarkan Rooble ayaa kusoo aadaya iyada oo uu aad xumaa xiriirka labada dal tan iyo April-2018 kolkaas oo Muqdisho ay la wareegtay $9.6 milyan ah oo ay leedahay Abu Dhabi taas oo uu ra’isul wasaare Rooble naftiisu raaligelin ka bixiyey, waxaa kale oo hadda isbadalay xiisaddii gobolka Khaliijka iyada oo ay heshiis gaareen Qatar iyo dalal kale oo uu Imaaraadka ku jiro, waxaa kale oo xusid mudan in Sacuudiga oo xulufo la ah UAE uu safiir usoo diray Muqdisho, arrimhaas oo lagu daro doorashada xilligan ka socota dalkeena ayaa xiisad gaar ah u yeeleysa booqashada.

Haddaba, Waxaan halkan kusoo gudbin doonaa 7 qodob oo ay ka tahay in Rooble Kala Hadlo Abu Dhabi:

1. Fududeynta Ganacsiga iyo Fiisaha: 4-tii sano ee tagtay, ganacsatada Soomaaliyeed ayaa culeys kala kulmay Imaaraadka, oo marriin muhiim ah u ahaa ganacsiga, fiiseyaasha iyo tashiilaadkii kale ayaa meesha ka baxay, oo adkaaday, waxaana la joogaa in Rooble uu safarkan uga faa’ideysto arrintaas, kalana hadlo madaxda dalkaas sidii Imaaraadka ay albaabada ugu furi lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed.

 2. Fududeynta Ganacsiga: Soomaaliya waxaa ay Imaaraadka u dhoofin jirtay xoolo, dahab iyo alaabo kale oo qiimo badan, oo ku kacayey ilaa 200 milyan oo doolar sanadkii, Rooble waa inuu safarkan kala hadlo Imaaraadka sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay suuqyo cusub uga heli lahaayeen UAE.

3. Tababarka Ciidanka: Imaaraadka waxay joojiyeen tababar ay siin jireen ciidamada ku sugan Banaadir, iyaga oo horay u tababaray ciidamo ka badan 2407, oo lagu daray ilaa 2,000 oo Puntland ah,  uuna bixin jiray weliba mushaarkooda, waxaa intaas dheer in ay fureen saddex xarumood oo tobabar. Rooble waa inuu kala hadlo soo celinta adeeggaas.

4. Taageerada Caafimaad: Imaaraadka waxay xireen April 16, 2018 Isbitaalka Sheekh Zaa’id ee Muqdisho, waxaa si lacag la’aan ah maalin walba loogu daweyn jiray 200-300 oo ah bukaanno, waxaana ka hawlgeli jiray 40 qof oo Soomaali ah, 14 ka mid ah ahaayeen dhakhaatiir leh taqasusaaad kala duwan. Rooble waa inuu kala hadlo Imaaraadka soo celinta hawlahaas muhiimka u ahaa dadka.

5. Kabka Miisaaniyadda: Imaaraadka iyo Sacuudiga waxaa ay qeyb ka ahaayeen dalalka kabo miisaaniyadda Soomaaliya iyaga oo sidoo kale taageeri jiray dhismaha maamullada. Rooble waa in safarkan uga faa’ideysto soo celinta kabka miisaaniyadda, gaar ahaan sanadkan oo doorasho socoto.

6. Wax Kaqabashada Abaaraha: Imaaraadka waxaa ay xilliga Soomaaliya ka taageeri karaa wax kaqabashada arrimaha abaaraha, iyada oo 7 milyan ay dhibaato heyso, waxaana muhiim ah in Rooble uu arrinkaas kala hadlo Abu Dhabi.

7. Maalgeshiga:  Imaaraadka waxa ay maalgeshi ku sameysataa maamullada sida Somaliland iyo Puntland, iyada casriyeynayo dekadda Berbera oo ku bixisay  $442 million muddo 30 sano ah halka 30 sano kale ay dekadda Boosaaso,ku bixineyso  $336 million, waxaa la joogaa in Rooble uu UAE kala hadlo in Imaaraadka sida Turkiga oo kale ay toos ugu yimaadaan Muqdisho, taasi oo alaabka u furi karta dalalka kale ee Khaliijka.

Ugu dambeyntii, Rooble waa inuu mas’uulkiyad iska saaro in UAE uu kala hadlo sidii la isaga kaashan lahaa ladagaalanka argigixisada, joojinta dhoofka dhuxusha, ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya iyo arrimo kale.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Hoggaamiyaha TPLF oo shaaciyey arrin lama filaan oo la xiriirta dagaalka Tigray

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebre Michael oo wareysi siiyay BBC-da ayaa si lama filaan ah shaaca uga qaaday in ay iyaga iyo dowladda Itoobiya uu u socdo wada hadal dadban, oo waxtar leh.

Gebremichael ayaa tilmaamay in tallaabadaas ay dhalisay in labada dhinac ay isu soo dhawaadaan, sidoo kalana wuxuu sheegay inay rabaan in colaadda ka jirta gobolka Tigray lagu dhameeyo xal nabadeed.

“Waxaan rabnaa in xal nabadeed lagu dhameeyo colaadda, balse haddii loo baahdo waan sii wadi doonnaa dagaalka si aan u ilaalino xuquuqda shacabka Tigray,” ayuu yiri Gebremichael.

Ra’iisal Wasaare Abiy ayaa mudooyinkii dambe u muuqday inuu raadinayo xal aan xabbad ahayn in laga gaaro colaadda Tigray.

Waxa uu xabsiyada ka sii daayay maxaabiis, waxa uuna meesha ka saaray xaaladda degdeg ah ee uu dalka ku soo rogay.

Muranka dhuleed ee ka dhexeeya Amxaarada iyo Tigray, iyo weliba damaca madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee uu ku tirtiri rabo ururkan ayaa la filayaa inay wadahadallada labada dhinac ka dhigaan kuwo adag.

Arrimahan oo dhami waxay kusoo aadayaan xilli dalku uu si guud uga socdo diyaar garawga wadatashi heer qaran ah oo uu horey ugu dhawaaqay Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, kaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda uu dalku ku sugan yahay.

TPLF iyo dowladda Itoobiya ayaa muddo sannad ka badan ku dagaallamayay gobolka Tigray, inkastoo dagaalku uu markii dambe ku fiday degaannada deriska la ah Tigray ee Axmaarada iyo Canfarta, walina uu kasii socdo dhinaca Canfarta oo ay ku dagaallamayaan TPLF iyo Ciidamada gaarka ah ee degaanka Canfarta.

Maxkamadda G/Banaadir oo go’aan culus kasoo saartay lacagta Imaaraadka Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar culus oo lagu hakinayo bixinta lacagta Imaaraadka ee uu horey u sheegay ra’iisul wasaaraha Somalia in lagu wareejinayo xukuumada Abu Dhabi, kadib raali-gelin uu siiyey.

Warqad kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir, isla-markaana lagu soo aadiyey safarka Rooble uu ku aaday Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu faray guddoomiyaha bangiga dhexe iyo wasiirka maaliyadda in lacagtaas aan laga bixin karin qasnadda dowlada.

Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in weli ay socoto baaris lagu hayo lacagtan, isla-markaana aan la saari karin bangiga dhexe, illaa inta laga gaarayo go’aanka u dambeeya.

“Sidaas daraadeed lacagtaas lagama saari karo qasanadda dowladda illaa laga soo dhameynayayo baaritaanka iyo go’aan gaariska kiiska lacagtaas ee horyaalla xafiiska xeer ilaaliyo iyo hay’adaha baarista,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maxkamadda.

Maxakamadda ayaa shaaca ka qaaday in lacagtaas oo dhan 9,600,000 inay si sharci darro ah kusoo gashay dalka, isla-markaana ay weli hortaallo xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka.

Amarka maxkamadda gobolka Banaadir ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ra’iisul wasaare Rooble uu amba-baxay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay, isaga oo la kulmi doono madaxda sare ee dalkaasi.

Horey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u soo saaray wareegto ka dhan ah tallaabada ra’iisul wasaaraha, wuxuuna amar ku bixiyey in lacagtaasi aan laga saari karin bangiga dhexe, isaga oo sheegay in go’aanka Rooble uu yahay mid uu gaaray hal nin, sidaaas daraadeedna aan lagu bixin karin lagacaataasi oo la qabtay bishii April ee sanadkii 2018-kii, xilli laga soo dajiyey garoonka Aadan Cadde.

Al-Shabaab oo oo fal yaab leh ka sameysay deegaano ku dhow magaalada Muqdisho

0

Balcad (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa dab qabad siiyey tuulooyin ku dhow caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Tuulooyinka ay Al-Shabaab dabka qabad siiyeen ayaa kala ah Mareerey iyo Mukay Dheere ee duleedka degmada Balcad kadib markii uu halkaas dagaal ku dhex maray Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda.

Wararka laga helayo halkaas ayaa sheegaya in Dadkii daganaa tuulooyinkaas ay isaga barakaceen kadib markii la gubay guryihii ay daganaayeen isla markaasna la dilay qaar ka mid ah dadkiii halkaas ku noolaa.

Mareerey oo qiyaastii 5 km Waqooyi bari ka xigta degmada Balcad ayaa shalay galinkii dambe dab la qabad siiyay, halka Mukey Dheere la gubay Jimcihii.

Boqollaalka qoys ee tuulooyinkaasi ka barakacay, ayaa hadda waxa duruufo nololeed oo aad u adag, ku haystaan degmada Balcad oo ay ku soo qaxeen.

Gudoomiyaha magaaladaasi Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in sababta loo gubay tullooyinkaas ay tahay inay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas kula dagaallamayay Al-Shabaab.

Xildhibaan taariikh cusub dhigaya iyo afar xildhibaan oo kale oo maanta la doortay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta dib uga bilaabatay doorashada shan kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay magaaladaasi.

Doorashada kursiga koowaad ee HOP#175 oo la qabtay ayaa waxa ku soo baxay Dr Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilay) oo helay 70 cod, halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Aadan Maxamed Ibraahim uu isna  helay 22 cod, waxaana halaabay saddex cod.

Kursigan waxaa horay uga fadhiyey xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed Taaw oo ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad ee dalka.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#159 waxaa ku tartamay labada musharrax ee kala ah Maxamed Bare Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Isaaq, waxaana kursiga ku guuleystay Maxamed Barre oo ka mid noqonaya baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed ayaa ku dhowaaqay in Maxamed Barre Maxamuud uu helay 72 cod, halka musharaxii la tartamayay uus helay 23 cod.

Waxaa sidoo kale kursigaan ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Xildhibaan Xasan Maxamed Ibraahim oo laga reebay inuu ka qayb-galo tartanka.

Kursiga saddexaad ee HOP#188 waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdi Maxamed oo helay 73-cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdisamed Aadan Isaaq uu heley 27-cod, sidoo kale waxaa halaabay 1-cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed.

Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa noqonaya xildhibaankii ugu da’da yaraa ee soo galay Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu yahay kaliya 25 jir, taasi oo taraiikh cusub dhigeysa.

Kursiga HOP#185 waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan isaaq Maxamed oo helay 71-cod, halka musharaxii la tartamayay ee Maxamednuur Maxamed uu heley 24-cod. 6-cod ayaana ayaa halaabay.

HOP#177 waxaa kusoo baxay Cabduqaadir Shekh Cali (Baraka) oo helay codad gaaraya 75-cod, halka musharaxii la tartamayay Maxamuud Abuukar Kheyr uu kaheley 16-cod. Kursigan waxaa hore ugu fadhiyey xildhiban Ibrahim Yarow.

Koonfur Galbeed ayaa dardar-gelineyso doorashada Golaha Shacabka oo muhiim u ah mida madaxweynaha, waxayna noqota maamulka ugu horreeya qabashada doorashooyinka.

Magacyada xildhibaanada miisaanka culus ee weyn kara kuraastooda kadib liis lasoo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug iyo kan maamulka doorashada xubnaha baarlamaanka ee gobollada waqooyi ayaa soo saaray jadwallada doorashada 13 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Doorashooyinka kuraastan ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda lagu kala qabto magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb, waxaana kuraastooda ku weyn kara xildhibaano miisaan culus.

Galmudug ayaa soo saartay liiska shan kursi oo ka mid ah kuraasta doorashadooda uu loolanka adag ka taagan yahay, sidoo kalena isha lagu wada hayo hanaanka loo mareyn doono, halka xubnaha guddiga reer waqooyiga ay soo saareen liiska 13-kursi.

Caasimada Online waxay dib u baartay xildhibaanadii horay ugu fadhiyey kuraasta 13-ka ah ee galabta ay liiskooda soo kala saareen guddiyada doorashada Galmudug iyo reer waqooyiga.

Waxaan ku hor-mareynaa 5-ta kursi ee laga soo doorto Galmudug, waxaa ku kala fadhiyey xubnaha kala ah:

1– HOP#139, Cabdixakiin Macalin Axmed
2– HOP#055, Zakariye Xasan Sheekh
3– HOP#051, Xasan Macalin Maxamuud
4– HOP#049, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
5– HOP#012, Yuusuf Xeyle Jimcaale

Dhanka kale 8-deeda kursi ee guddiga maamulka doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland ay soo saareen ayaa waxaa ku kala fadhiyey xubanaha kala ah:

1– HOP#270, Zakariye Xuseen Caarre
2– HOP#271, Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye
3– HOP#218,  Cadow Maax Faarax
4– HOP#226, Maryan Maxamuud Ciise
5– HOP#269, Maxamed Cabdullahi Kaamil
6– HOP#268, Maxamed Cali Xagaa
7– HOP#267, Seynab Maxamed Caamir
8– HOP#236, Cadnaan Cusmaan Cilmi (Boqore).

Doorashada Golaha Shacabka ee sanadkan ayaa waxaa inta badan kuraastooda ku waayey xildhibaanadii horey ugu fadhiyey ayada oo madax goboleedyada ay soo saarayaan xildhibaan cusub oo daacad u ah, waxaana xubno badan oo liiska kore ku jira ay ku biiri doonaan saaxiibadooda horey loo tuuray.

UK oo qaadeyso tallaabo jawaab u ah RUUSHKA

0

London (Caasimada Online) – Britain ayaa sheegtay in ay ka fiirsaneyso qorshe ay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan NATO ugu direyso qeybo ka mid ah Yurub, taasoo qeyb ka ah qorshe lagu xoojinayo xuduudaha Yurub, isla markaana jawaab u ah ciidamada uu Ruushku geeyay xadka Ukraine.

War kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaare Boris Johnson ayaa lagu sheegay in, in Britain ay ka fakareyso sidi qeybta ugu weyn uguna macquulsan ay ugu yaboohi laheyd xubnaha qeybta ka ah heshiiska difaaca NATO ee dalalka Waqooyiga iyo kuwa Baltiga ee Yurub,.

Sidoo kale qorshahaas ayaa laba laabi doono tirada ciidanka Ingiriiska isla markaana ogolaanaya in hub dheeraad ah oo kuwa difaaca ah loo diro dalka Estonia.

Ra’isulwasaare Johnson ayaa sheegay in tallaabadani ay farriin cad u direyso Ruushka isla markaana aysan u dul-qaadan doonin ficilladooda carqaladeynta ah.

Britain ayaa hora yuga digtay in duulaan kasta oo uu Ruushka ku qaado Ukraine, ay uga jawaabi doonaan cuna-qabateyn dhaqaale oo deg deg ah.

Xiisadda dagaal ee u dhexeyso Ukraine iyo Ruushka ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, ayada oo ay sii xoogeysatay cabsida laga qabo tallaabooyinka Vladmin Putin.

Madaxaweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dhankiisa dalalka reer galbeedka ugu baaqay in aysan abuurin walaac xilli ay ciidamada Ruushku ku sii siqayaan dalkiisa.

Howlgal culus oo xalay laga sameeyey gobolka GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay howl-gallo ballaaran ka sameeyey qaybo ka mid ah gudaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah.

Howl-gallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey xaafadaha degmadaasi, ayada oo ciidamadu ay gurgur u baarayeen goobaha ay tageen.

Sidoo kale ciidamada ayaa baaris ku sameynaya darawaladda gaadiidka ee isticmaalaya waddooyinka ku yaalla magaaladaasi.

Taliyaha Guutada 10-aad qeybta 43-aad, Gaashaanle Sare Warfaa Sheekh Aadan Faroole oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howl-galladan, wuxuuna tilmaamay in dadka lasoo qab-qabtay baaris lagu sameeyey, isla-markaana qaarkood lagu sii daayey damiin.

Warfaa ayaa ujeedka howl-galkan ku sheegay mid lagu xaqiijinaya amniga Garbahaarey, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya, ayada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay falal liddi ku ah amniga iyo weeraro ay ka dhacayeey gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Garbahaarey ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Shacabka oo laga dareemayo magaaladaas.

Wararkii ugu dambeeyey safarka Rooble ee Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Abu Dhabi ee caasimadda waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Imaaraadka Carabta isaga oo saacadaha soo socda ka duuli doono Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sarreysa ee dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo diiradda lagu saarayo dib usoo nooleynta xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Somalia & Imaaraadka.

Sidoo kale waxaa wada-hadalladan lagu soo qaadi doonaa arrimo la xiriira xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo uu Imaaraadka doonaya inuu galaangal xoogan ku yeesho, si uu fursad ugu helo dhismaha dowladda cusub.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dowladdiisu xiriirka u jartay Imaaraadka, isaga oo garab weyn ka helaya dowladda Qatar.

Arrimahan oo dil ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan ra’iisul wasaare Rooble uu raalli-gelin siiyey dowladda Imaaraadka, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ballan qaaday in dib loogu celin doono, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa haatan doonaya inuu isku fidiyo siyaasad ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana shalay Abu Dhabi tegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, halka uu maalmo ka sii horna uu tagay Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al Sisi.

K/Galbeed oo qabaneysa doorashada shan KURSI

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta ka dhaceyso doorashada 5 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashada ee Koonfur Galbeed oo haatan wada qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa soo gabagabeeyey diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah ee u tartamaya kuraasta maanta doorashadooda ay ka dhaceyso magaalada Baydhabo.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah HOP#188, HOP#185, HOP#175, HOP#159 iyo HOP#177, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa kuraastan ku tartami doono musharixiinta kala ah: 1: HOP#188 waxaa ku tartami doono Cabdisamed Aadan isaaq & Maxamed Cabdi Maxamed, waxaana horey ugu fadhiyey xildhibaan Aadan Ibraahim Dhayow.

2: HOP#185 waxaa ku tartami doono Maxamed Nuur Maxamed iyo Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed, waxaana horey ugu fadhiyey xildhibaan Cali Aadan Xuseen.

3: HOP#175 waxaa ku tartami doono Aadan Maxamed Ibraahim iyo Cabdirishiid Nuur Jilley, waxaana horey ugu fadhiyey xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed Taaw

4: HOP#159 waxaan ku tartami doono Maxamed Bare Maxamuud & Cabdullaahi Maxamed Isaaq, waxaana kursigan horey ugu fadhiyey Xildhibaan Xasan Ibraahim Maxamed.

5: HOP# 177 waxaa ku tartami doono Maxamuud Abuukar Kheyre & Cabduqaadir Sheikh Cali Baraka, waxaana horey ugu fadhiyey Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow

Koonfur Galbeed ayaa dardargelineysa doorashada Golaha Shacabka, waxaana shalay ay ku dhowaaqday deegaan doorashada labaad ee Baraawe oo lagu qabanayo 13 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu dooranayo halkaasi.

Ra’iisul wasaare Rooble oo u baxay Imaaraadka + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Abu Dhabi ee caasimada waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kasii sagootiyey ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed iyo xubno kale oo ka tirsan golihiisa wasiirada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in safarka Rooble uu la xiriiro xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaraha inta uu joogo Imaaraadka uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay haatan is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dowladdiisu xiriirka u jartay Imaaraadka, isaga oo dhinaca kale garab ka helay Qatar.

Arrimahan oo dil ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan ra’iisul wasaare Rooble uu raalli-gelin siiyey dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ballan qaaday in dib loogu celin doono, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa haatan doonaya inuu isku fidiyo siyaasad ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana shalay Abu Dhabi tegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, halka uu maalmo ka sii horna uu tagay Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al Sisi.

Xog: Wasiir maanta ciidan ku qabsaday xarunta guddiga doorashooyinka G/Waqooyi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa maanta mudo kooban hakad gashay shaqada guddiga doorashada kuraasta baarlamaanka ee gobollada waqooyi, kadib markii wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble uu gaadiid dagaal la tegay xarunta.

Maxamed Aadan Xagaa oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa maanta ciidan ku hor jaray xarunta guddigaas oo ku taalla dhabarka dambe ee Villa Somalia, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ku sugnaa goobta.

Wasiir Xagaa oo ah musharax xildhibaan ayaa ka carooday ergadii uu soo qoray oday dhaqameedka beeshiisa, waxaana la sheegay inuu soo jeediyey in ergada kuriga uu u tartamayo fursad loo siiyo inuu wax ka soo qoro.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in odaga beesha uu ku gacan seyray soo jeedinta wasiirka, taasina ay sababtay in markii maanta xarunta guddiga la geeyey ergada, si loo diiwaan geliyo uu ka hor istaagay Wasiir Maxamed Xagaa.

Irida laga galo xarunta guddiga ayaa la sheegay in wasiiru dowluhu uu dhigay gadiid dagaal iyo ciidan, isagoo xubnihii ergada beeshiisa ku amray inay kala tagaan, waxaana mar dambe arrintaas ku soo baxay odayaal dhaqan oo ka socday beelaha kale ee reer waqooyiga.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina oo ka fal-celinaya dhacdadaas ayaa galabta soo qoray in uusan jirin weerar lagu qaaday xarunta gudiga maamulka doorashada kuraasta baarlamaanka ee reer waqooyiga.

“Majirto cid weerar ku soo qaaday xarunta GMDKLA ee Somaliland, Wasiirada iyo Xildhibaanada xarunta u imaanaya shaqooyinka waxa ay wataan ciidamo ilaalo u ah loomana ogala in gudaha xarunta soo galaan, beeluhu ha xalistaan khilaafka u dhaxeeya, shaqada doorashadu way socotaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeen Axmed.

R/W Rooble oo si ka duwan beelaha kale balan-qaad ugu sameeyey beel degta Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kulan ku saabsan ‘hufnaanta doorashada kuraasta Banaadiriga’ la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo guddiga doorashada beelaha Banaadiriga.

Kulanka oo goobjoog ay ka ahaayeen guddiyada doorashada heer federaal ee (FEIT) iyo xallinta khilaafaadka ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxuu ku soo bandhigay sida ay uga go’an-tahay xaqiijinta hufnaanta doorashooyinka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay odeyaasha dhaqanka ee uu la kulmay taladooda iyo aragtidooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

“Waxaa idiin xil saarayaa xubno ka kala socda guddoonka guddiga doorashada federaalka iyo xafiiskeyga oo aan doorashada faro geli karin, aniguna waan la soca doonaa howshooda, yaan la deg degin waqti fiican ayaan qaada doonaa, warbixinta awood qeybsiga kuraastiina markii la ii soo dhameystiro ayaa qaadan doonaa go’aanka ugu haboon, Allaa igu og cid gooni ah ma wato,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey hanaanka loo mari doono awood qeybsiga shanta kursi ee beelaha Banaadiriga, isagoo balan qaaday in aysan jiri doonin cid laga hor istaagi doono tartanka doorashada.

Dhankooda, odeyaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sida uu u tixgeliyey talooyinkooda, iyaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorasho xasilloon oo ka tarjumeysa hannaanka hab-qeybsi ay heshiis ku yihiin.

Hoos ka daawo

Damaca cusub ee Qoor Qoor: Madaxweyne mise R/Wasaare

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa soo xoogeysanaya wararka la xiriira damac siyaasadeed ee heer Federaal ee hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Ninkaan oo siyaasiyiin badan ay damac ka qabeen inuu dhisi doono sanadkaan dan ama qabiil middii ay noqotaba, ayaa hadda lasoo tabinayaa inuu isagu tolanayo shaati u gaar ah.

Hoggaamiyahaan oo madax u ah koox siyaasadeed loo yaqaan (Waayo Arag) oo qaar badan oo kamid ah ay kuraas soo heleen ayaa lasoo wariyey inuu heshiis daneed la gaaray shakhsiyaad badan oo kuraas kaasoo qaatay Galmudug.

Maamulkaan ka dhisan bartamaha Soomaaliya wuxuu maamulaa 8 Senator iyo 37 xubnood oo Golaha Shacabka ah. Sanadkaan kursi ujeedo la’aan ah ma bixin Qoor Qoor, haddana ma bixin doono, ayuu yiri xubin sare oo kamid ah saaxiibada siyaasadeed ee Qoor Qoor.

Illaa hadda maamulka Galmudug wuxuu qabtay doorashada 8 Senator oo mid lagu laaban doono iyo 8 xubnood oo Golaha Shacabka ah. Inkasta oo ay jiraan musharixiin ku daaban dadka kuraastaas soo qaatay ama qaar lacag ka bixiyey, haddana waxaa Dhuusamareeb taala dood la yiraahdo damaca Qoor Qoor maxaad ka goysaa iyo maxaa wada yeelan karnaa.

Xubno ka tirsan kooxda Waaya Arag oo aan la hadalnay waxay sheegayaan si aan leex leexad laheyn inuu Qoor Qoor damac ku jiro.

Bilo ka hor ayey arrintaan sidaan oo kale usoo baxday, balse hadda 3-dii asbuuc ee lasoo dhaafay mar kale ayuu Qoor Qoor dib uga hadlay dantiisa.

Waxaa la xaqiijiyey inay jiraan kuraas uu isaga bixiyey lacagta diiwaan gelinta musharixiinta, middii ergada ama midda baarlamanka.

Markii hore waxaa jirtay dood aheyd in Kuraasta qaar uu lacagtooda Farmaajo baxsanayo oo lasoo mariyey Qoor Qoor, balse hadda waxaa soo baxay jiritaanka dhowr kursi oo uu isagu toos u maal geliyey.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyey inuu kaalmo maaliyadeed siiyey dhowr qof oo saaxiibadiis ah oo Kuraas ka doonatay maamul goboleedyada kale.

Kooxdiisa weli waa kala qeexi la’yihiin madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare midka uu damaciisa la egyahay, laakiin waxay xaqiijiyeen inuu ku jiro damac xoog leh.

“Intaan ogahay wuxuu qiimeyn doonaa xaaladda, waxaa dhexdeena yaala abaabul dhaqaale iyo mid Kuraas, ma jirto sabab uu ugu shaqeeyo dad uu isaga ka fursad badan yahay, halkaan waxaa wax lagu qeybinayaa maxaa wada yeelan karnaa iyo qofkaan ma aamini karnaa, taas waxay kuu caddeyneysaa ujeedka” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada kooxda Waaya Arag.

Qoor Qoor iyo Farmaajo

Axmed Cabdi Kaariye, hoggaamiyaha Galmudug iyo saaxiibkiis Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isma diidana, laakiin dooda ay dad badan ka qabaan dib u doorashada Farmaajo ayuu si weyn u dhageysanayaa Qoor Qoor, haddii uu Qoor Qoor dhisayo qof musharax ah wuxuu dhisayaa Farmaajo waa haddii uu weli fursad leeyahay, iyadoo ay dantu tahay mid ku dabaqan kursiga Ra’iisul Wasaaraha.

“Sidaasadda waa dan, haddii uu Qoor Qoor dhiso musharax ay isku dhari yihiin muxuu ka faa’idayaa,” ayuu ku dooday mid kamid ah saaxiibadiis oo aamisan in Qoor Qoor haddiiba uu musharax kale dhisayo inuu Farmaajo aadi doono.

Qoor Qoor iyo Musharixiinta Beeshiisa

Hoggaamiyaha Galmudug sanad ka hor waxaa ku xooganaa oo galaangal ku lahaa siyaasiyiinta beel dhexaadkiisa ah, laakiin dhammaan kooxdaani hadda dagaal ayey banaanka ula taagan yihiin, sababta waxaa loo arkaa in xubnaha qaar fahmeyn damiciisa qaarna hibo dagaal ayeyba leeyihiin.

Dhowr kulan oo la rabay in Qoor Qoor looga dhaadhacsiiyo inuu dhiso qof reerka ah ayaa dhicisoobay. Dadka qaar waxay leeyihiin xubnaha ku cadaadinaya inuu dhiso maba aaminsana Qoor Qoor inay dhismi karaan ama inay leeyihiin fursad tiisa oo kale ah.

“Haddii uusan sanadkaan yeelan damac federal ah oo uusan laacin kursi weyn ma wuxuu hubaa inuu 2026 heli doono fursadaan oo kale, Qoor Qoor ama wuu is sharixi doonaa ama wuxuu soo saaranayaa dad u goyn kara Kursi Ra’iisul Wasaare,” ayuu yiri mid kamid ah la taliyayaasha Qoor Qoor.

Soo laba kacleynta damaca Qoor Qoor ayaa tareenka kasii tuureysa xubno badan oo ay isku dhari yihiin oo kamid ah musharixiinta xilka madaxweynaha.

Guddoomiyaha G/Hiiraan oo ka digay ‘QORSHE uu R/W ROOBLE damacsan yahay’

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Hiiraan iyo hadal heynta xooggan ee ka dhalatay ciidamada la geeyey magaalada Beledweyne.

“Ciidankaas wuxuu u yimid waajibaad qaran, ujeedkooda koowaad waa inay la dagaalamaan Al-Shabaab kuwaas oo hareereeyey magaalada, waad ogtihiin iskuma furna Beledweyne iyo Buulaburde, Buulaburde iyo Jalalaqsi iskuma furna, Beledweyne iyo Maxaas iskuma furna, Matabaan iyo Beledweyne iskuma furna, ma jirto meel noo fiyow,” ayuu yiri Guddoomiye Cali Jeyte.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in ujeedada ay dowladda federaalka ah ciidamada u keentay Beledweyne ay tahay inay shacabka u adeegaan.

“Sababta looga qeylinayo ma fahmin aniga , wax kasta in dhinaca xun laga fiiriyo maahan, ciidamadaan waa ciidankiinii, waa wiilashiinii, waa ciidan Soomaaliyeed, waxaa loo keenay inay idiin adeegaan, talada lagu keynana waxbaa ku lahaa,” ayuu sii raaciyey.

Jeyte ayaa siyaasiyiintii dhawaan shirja jaraa’id ku qabatay Muqdisho ee kasoo jeeday Gobolka Hiiraan ku tilmaamay inay yihiin kuwa baaga muudo ah isla markaasna wuxuu tilmaamay in warkooda uusan meel kasoo qaad laheyn.

“Qolada saaxiibadey ah ee hadda baagamuudada ah ee maalin dhaweyd hadashay wax weyn oo wax dhibayo malahan, sababtoo ah mar kasta oo isbadal siyaasadeed yimaado ama xaaladu soo gaarto darbiyo isku qaad qaad waa jiri jiray waligeed.”

Jeyte ayaa dhanka kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyey inuu  siyaasadeenayo ciidanka soo gaaray Beledweyne, wuxuuna si ad ugu soo horjeestay shirkii Golaha Wasiirada ee laga soo saaray in dib loo soo celiyo ciidamada la geeyey Beleweyne.

Wuxuu shaaciyey qorshe uu Ra’iisal wasaare Rooble doonayo inuu doorashada uga wareejiyo magaalada Beledweyne.

“Waxaa la yaab leh oo wax laga naxo ah in Ra’iisul wasaarihii dalka uu shiriyo wasiirada xukuumadda, kuna dhawaaqo in lasoo celiyo ciidamada magaalada Beledweyne la keenay, waliba iyadoo ay nagu hareereysan yihiin Al-Shabaab,” ayuu yiri Cali Jeyte .

“Doorashada dalka waa laba deegaan doorasho, haddii magaalada Beledweyne ay ka dhici weyso doorasho waxaa mas’uuliyadeeda qaadayo Ra’iisul Wasaaraha Dalka, sababtoo ah isagaa Farmaajo ka dalbaday in lagu wareejiyo doorashada iyo amnigeeda, awoodda looma adeegsado dadka aad madaxda u tahay.”

Hadalka Guddoomiye Jeyte ayaa kusoo aadayo xilli uu muran ka taagan yahay ciidamo ay Dowladda Federaalka ah geysay Magaalada Beledweyne, kuwaas oo la rumeysan yahay in loo adeegsanayo boobka doorashada 25-ka Kursi ee taalo Magaaladaas.

Lafta-gareen oo burburiyay qorshihii Saciid Deni, Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen waxaa weli ka go’an inuu ka shaqeeyo dariiq walba oo uu madaxweyne Farmaajo ugu soo laaban karo Villa Somalia.

Guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed waxay xalay shaaciyeen oo ay soo dhajiyeen 13 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooran doono magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Baraawe waa caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo hadda si kumeel gaar ah ugu shaqeenayo magaalada Baydhaba.

Tallaabadaan ayaa soo afjartay aragti ay kor u hayeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada. Hoggaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe weli dhibaato ayaa ka heysata gobolka Gedo mana rabo inuu Garbahaarey ku qabto doorasho.

Hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni culeys badan ayaa kaga yimid dhanka magaalada Boosaaso halkaas oo uu ka walaacsan yahay inuusan sida uu doono ka yeelan karin 16-ka kursi ee taala.

Halka hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe weli loo diidan yahay inuu tago magaalada Beledweyne oo ay taalo 25 kursi oo golaha shacabka ah.

Waxaa la sheegay in saddexdaas hoggaamiye ay qabeen aragti ah in marka ay soo dhammaadaan doorashooyinka ka socda xarumaha maamul goboleedyada in la qabto hal shir oo Golaha Wada-tashiga Qaran ah kadibna la qaato go’aan ah hal deegaan doorasho oo laga laabto Kuraastii loo calaamadeeyey Magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo, Beledweyne, Garbahaarey iyo Baraawe.

Inta aan taas la gaarin Cabdicasiis Laftagareen ayaa xalay Ceel dheer ku riday rajadaas, wuxuuna soo dhajiyey Kuraastii taalay Magaalada Baraawe.

Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo saaxiibkiisa hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyagu marnaba ma keenin Golaha Wada-tashiga Qaran dood ku saabsan hal deegaan doorasho, waxayna ahaayeen raggii diidanaa in laga laabto qodobada laba deegaan doorasho iyo ergo 101 ah.

Nidaamka madaxweyne Farmaajo oo loo diwaan gelin doono hannaan doorasheedkan wuxuu Berri sheegan doonaa inuu doorashada dalka gaarsiiyey 101 ergo ah iyo laba magaalo, balse weli waa doorasho dadban iyo mid boobkeeda cad yahay.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni wuxuu hadda ku qasban yahay inuu la tacaalo xaaladda magaalada Boosaaso, maadaama uu hirgalay kiiskii laba deegaan doorasho, halka Axmed Madoobe uu isna laqi doono qaraarka 16-ka kursi ee Garbahaarey oo dhanka Farmaajo aadi doona.

Cali Guudlaawe wuxuu hadda ku qasban yahay inuu arrinta Beledweyne u raadiyo xal uu ku fulin karo, maadaama aan laga baaqsan karin in doorasho ka dhacdo magaalada Beledweyne, inkastoo kooxda madaxweyne Farmaajo lagu eedeenayo inay si weyn gacanta ugula jiraan arrimaha magaalada Beledweyne.

Tallaabada uu xalay qaaday Cabdicasiis Laftagareen waxaa lagu sheegay codsi kaga yimid saaxiibadiisa Villa Somalia, balse Laftagareen laftirkiisa wuxuu leeyahay dan doorasho.

Waxaa jira warar sheegaya in hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uu ku jiro damac la xiriira kursiga guddoomiyaha Gobolka Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, inuu riyadaas waqtiga fog soo jirta rumeeyana waxay u baahan tahay inuu helo garabka kooxda madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo saameyn xoog leh ku leh kuraasta Golaha Shacabka.

Jeneraal Xuud oo shaaca ka qaaday mowqifkiisa kadib kulankii FARMAAJO + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo dhow ah, sida wada-hadallada uu kula jiro dowladda Soomaaliya, xaaladda HirShabelle yo ciidamada la geeyey Beledweyne.

Xuud ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho, isla-markaana loo dhigay gogol Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray inuu la kulmay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Farmaajo waan is aragnay arrintaas waxba kama uu qabo Soomaalinimo ayuu u istaagay  ra’iisul wasaarahana, insha allah waan is arki doonaa isagana waxaan leenahay Soomaali fiiri u istaag dhammaan Soomaali,” ayuu yiri Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuuud).

Sidoo kale wuxuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey ujeedka socdaalkiisa magaalada Muqdisho iyo wada-hadallada u bilowday isaga iyo Villa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inuu u socdo heshiis ku aadan sidii xal waara looga gaari lahaa tabashada reer Hiiraan.

“Waxaan nimid xamar waxaan u nimid dowladda heshiis ayaa noo wada socda heshiiskaas waa mid u faa’iideynaaya Ummadda reer Hiiraan, heshiiskaas wuxuu noqon doonaa mid labada dhinacba laga istaago,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Jeneraal Xuud ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weli uusan ka tanaasulin mowqifkiisa, isla-markaana uu u taagan yahay raadinta xaq uu sheegay inuu ka maqan yahay Hiiraan.

“Annaga kacdoonka shacabka Hiiraan ayaa nala yiraahdaa kama tanasulin arrintii aan u istaagnay nin walbo haddaba dhagahaaga ku heyso annaga dad u yimid in la gato maahin, waana ka weynahay. Lacag wax ay tarto malaha karaamaa wax tarta,” ayuu yiri Xuud.

Dhinaca kale Xuud ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo dhowaan si kulul uga hadlay xiisadda magaalada Bedweyne, wuxuuna ugu jawaabay Jeneraalku:-

“Daraad waan maqlaayey waxa uu ku hadlaayey Dabageed walaalkey aqoon darraa u geysay anne waaa i caaynayaa oo waalkiisaan ahay, Cali Guudlaawana soo dhowaaw ayuu leeyahay waa ayaan darro weyn oo meesha taallo weeyey,” ayuu yiri Generaal Xuud.

Ugu dambeyn waxaa Jeraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) wax laga weydiiyey ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay gudaha magaalada Beledweyne oo shaki weyn dhaliyey, maadaama lagu soo aadiyey xilliga doorashada, wuxuuna hoosta ka xariiqay haddii ciidamadaas ay u shaqeyn waayeen Soomaalinimi lasoo celinayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidankaas Beledweyne la geeyey haddi uu u shaqeyn waayo si Soomaalinimo ah waan soo celineynaa hadduu Soomaalinimo u shaqeeyane waa ciidankii aan baahneyn,”.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada weli xaalad kacsanaan laga dareemayo magaalada Beledweyne oo lagu qabanayo doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, waxaana xiisaddu ay kasii dartay markii ay dowladda Soomaaliya ciidamo u dirtay halkaasi.

Ciidanka dowladdu geysay Bakaaraha xal ma u noqon karaan dhibaatada Daacish?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Saaka ciidamo geysay Suuqa Bakaaraha kadib markii goobo badan ay u xirmeen Kooxda Daacish.

Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Khamiistii faray wasiirka Amniga inuu la yimaado qorsho wax looga qaban karo culeyska heysta Ganacsatada Reer Muqdisho, gaar ahaan kuwa Suuqa Bakaaraha.

Saaka wuxuu Suuqa ku waabariistay ciidamo ay soo dhigtay Dowladda wadooyinka, Ciidanka la geeyey waxay isugu jiraan kuwa Boolis ah iyo kuwa Nabadsugid.

Sida la xaqiijiyey, cilidanka waxay Ganacsatada ku amreen in dib loo furo goobaha u xiran Amarka kooxda Daacish.

Goobo badan ayey Saaka fureen ciidanka Dowladda, laakiin in goobta xoog lagu furo ama xoog lagu xiro daawo uma ahan dhibaatada taala Suuqa Bakaaraha sida ay sheegayaan ganacsatadu.

Daacish waa culeys sax ah oo jira oo baahan xal buuxa oo lagu wajaho ayey leeyihiin ganacsatada Suuqa Bakaaraha kuwaas oo aaminsan in ciidan Maalin ama Laba maalin la keena Suuqa inaysan xalin karin kooxda.

Waxaa la aamisan yahay inaysan kooxda u baahneyn inay suuqa dhex timaado, waxaana inta badan la sheegaa inay banaanka iyo xaafadaha ku ugaarsato ganacstada diida amarkooda.

Waxaan waydiinay ganacstada qaar waxa ay ku kala duwan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish xagga la macaamilka ganacsatada, waxayna sheegeen in Shabaabku leeyihiin hanaan toosan oo ah goob la tago, warqad caddeneyso lacag bixinta, qaab haddii aadan xilligaas lacag heyn aad u yar yareen kartid, koox kula doodeysa iyo goobo aad u dacwoon karto haddii waaxda maaliyadda isku daydo wax ka badan wixii la isku ogaa.

Balse dhanka Daacish waxay sheegeen inaysan laheyn goob la tago, kaliya waxaa la sheegay inay wataan magaca goobta Ganacsiga, magaca milkiilaha iyo taleefoonkiisa, kadibna amar ka culus midka Al-Shabaab ayey dul dhigaan ganacsatada.

Sidoo kale waxaa la sheegaa in lacagaha loogu diro taleefano kala duwan halka Shabaabka ay Akoono ku qaataan.

Bixinta lacagtaan baada ah ganacsatada qaar waa qabatimeen iyadoo qaarkood lagu eedeenayo inay mararka qaar diidaan canshuurta Dowladda Federaalka ah.