25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Farmaajo oo kulan xasaasi ah ugu yeeray Qoor Qoor iyo Lafta Garen + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shalay qorax dhicii soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana uga sii horeeyey hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Labada hoggaamiye waxay saaxiibadooda iyo dadka la kulmay u sheegeen inay rabaan inay shir gaar ah ku yeeshaan Muqdisho, laakiin shir gaar ah iyo Muqdisho waa is-diideen.

Xog aan ka helnay socdaalka labada hoggaamiye ayaa ku xireysa madaxweyne Farmaajo. Dadka sida dhow ula socda safarka Qoor Qoor iyo Laftagareen waxay xaqiijiyeen inuu labada nin u yeeray madaxweyne Farmaajo oo ay shirko siyaasadeed yihiin.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli ka socota labadaas maamul. Laftagareen wuxuu dhawaan soo dhajiyey kuraastii lagu qaban lahaa magaalada Baraawe, isagoo ka hor tagayey qorshe ay madaxda maamulada qaar rabeen in looga takhaluso qorshaha laba deegaan doorasho ee madaxweyne Farmaajo.

Galmudug 9 kursi oo golaha shacabka ah ayaa illaa hadda la doortay, wararku waxay sheegayaan in qaar kamid ah kooxda madaxweyne Farmaajo inay shaki ka muujiyeen sida uu Qoor Qoor u dhigayo kuraasta qaar, taasi oo shaki ku keentay qorshaha wada-shaqeynta labada dhinac

Sidoo kale, wararka damaca Qoor Qoor ee waayadaan soo xoogeystay ayaa dadka qaar sheegayaan in kooxda madaxweyne Farmaajo tuhun ka qaaday.

Si walbaba, kulankan waa wada-tashi iyo is turxaan bixin. Laftagareen isaga shaki badan lagama qabo oo sidii uu Farmaajo rabay ayuu illaa iyo hadda howsha u wadaa, balse loogama maarmo xoojinta heshiiska saddex geesoodka ah, ayey leeyihiin ilaha aan la hadalnay.

Waxaa kaloo jira warar sheegaya in dhinacyadu ka wada hadlayaan aragti horey miiska u taalay oo ah awood qeybsi siyaasadeed.

Saaxiibada ku dhow dhow hoggaamiyaha Galmudug waxay maalmihii dambe bilaabeen inay kor u sheegaan inuu Qoor Qoor damac federaal ah ku jiro, balse musharixiinta xilka madaxweynaha weli arrintaasi ma aaminsana.

Qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweyaha oo aan la hadalnay waxay arrintaasi u arkaan mid uu Qoor Qoor iyaga albaabada uga xiranayo, si uu Farmaajo kuraas ugu soo saaro, iyadoo arrinta loo ekeysiinayo inuu Qoor Qoor wato shaqo isaga u gaar ah.

Waxaa marna la inkiri karin inuu Qoor Qoor wax rabo, laakiin inta ay la egyihiin waxa uu rabo weli ma cadda, ayey leeyihiin dadka qaarkiis.

Weli lama hayo saacadda iyo maalinta kulanka dhex maraya seddex hoggaamiye ee Farmaajo, Qoor Qoor iyo Laftagareen kuwaas oo hadda ku wada sugan magaalada Muqdisho, xillii uu Ra’iisul Wasaare Rooble safar ugu maqan yahay dalka Imaaraadka, iyadoo lagu xamanayo inuu lacag u raadiyey qaar ka tirsan musharixiinta xilka madaxweynaha.

Rag hubeysan oo maanta toogasho ka fuliyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo barqanimadii maanta dabley hubeysan ay ka geysatay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Somalia.

Dilka ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Askariga la dilay ayaa tirsanaa ciidamada dowladda, kuwa qaada Canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyo, waxaana weerar gaadma ah ku dilay rag ku hubyesan Bistoolado.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dilka fulisay oo baxsatay ay horey usii qaateen qoriga askariga oo goor dambe maydkiisa laga soo qaaday halkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta uu falku ka dhacay, kuwaas oo sameeyey baaritaano dheeraad ah, walow aysan cidna gacanta kusoo dhigin.

Maalmihii u dambeeyey waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan oo ay badi sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, arrimana oo dil ayaa kusoo aadaya, xilli haatan magaalada Muqdisho ay ka socoto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Yaa kusoo baxay maanta doorashada xildhibaan ee ka dhacday MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Kursigii u horreeyey ee HOP#268 oo doorashadiisa la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Xagaa, kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Maxamed Cali Xagaa ayaa loo qaaday cod gacan taag ah, wuxuuna helay 98 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa kursiga labaad ee HOP#267 ku guuleystay Saynab Maxamed Caamir oo horey ugu fadhiday kursigaas, taas oo iyana kusoo baxday codeyn gacan taag.

Marwo Saynab oo heshay 97 cod ayaa waxaa u tanaasushay Sucaado Muumin Maygaag oo kula tartami laheyd doorashada.

Kursiga saddexaad ee HOP#236 waxaa kusoo baxay Cadnaan Cismaan Cilmi ( Boqore) oo aan wax galin wax tartan ah, wuxuu isna helay 99 cod oo gacan-taag ah.

Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ayaa sidoo kale kursiga afaraad ee HOP#269 helay, waxa uuna kusoo baxay 98 cod, kadib markii ay u tanaasushay Buuxo Maxamed Cismaan.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa si dardarleh ku wada doorashada, taas oo qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Safaaradda Mareykanka oo caddeysay sababta safiirka cusub uu aqoonsigiisa ugu gudbin doono FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa caddeysay sababta safiirka cusub oo Muqdisho soo gaaray dhowaan uu nuqul ka mida waraaqihiisa aqoonsiga ugu gudbinayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa muddo sanad ah kursiga ku fadhiya si sharci-darro ah kadib markii muddo xileedkiisu dhammaaday 7-dii Febraayo 2021.

Safaaradda oo billowday baahinta qoraallo iyo sawirro ay dadka ku bareyso safiirka cusub iyo taariikhdiisa ayaa dhinaca kale qoraal ay soo saartay uga hadashay munaasabadii uu Sabtidii 29-ka Janaayo 2022 safiirka cusub Larry Andre nuqul ka mida waraaqihiisa aqoonsiga ugu gudbiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

“Shalay Ambassador André waxa uu nuqul ka mid ah warqada aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse Cali. Asalka Warqadan waxaa loo gudbin doonaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Safaaradda oo sharaxaad ka bixisay arrintan ayaa qoraalkeeda kusoo gabagabeysay: “Sida dhaqanka diblomaasiyaddu yahay, warqadda aqoonsiga waxay si rasmi ah danjiraha uga dhigeysaa wakiilka madaxweynaha dalka (Mareykanka) u metala Soomaaliya ee ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka, taasoo ku socota madaxweynaha dawladda Soomaaliya.”

Mareykanka ayaa hore doorashadii 2017 dib u dhigay inuu safiirkii cusbaa waraaqihiisa aqoonsiga la wadaago madaxweynihii xilligaasi waqtigiisa dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana lala sugay madaxweynihii cusbaa; balse xilligan ayaa waxaa muquda inay doorashadu gaabis ku socoto waqti dheerna qaadan doonto.

Sidaas darteed, waxaa cad inaan la ogeyn xilliga Soomaaliya ay yeelan doonto madaxweyne cusub, ayada oo dadka qaar rumeysan yihiin in Farmaajo uu mar kale isku dayi doono inuu carqaladeeyo doorashada sida uu dhowr goor oo horey u sameeyey.

Isha: Goobjooge 

R/W Rooble oo la kulmay Maxamed bin Zayed iyo Imaaraadka oo aqbalay…

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah usoo dhoweysay raali-gelintii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyey lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay garoonka Aadan Cadde, bishii April 2018.

Raali-gelintan ayaa waxaa lagu aqbalay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta kadib markii dhaxal-sugaha Abu Dhabu Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan uu maanta Abu Dhabi kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Bin Zayed waxaa la rumeysan yahay inuu yahay shaqsiga ugu awoodda badan dalka Imaaraadka Carabta, waxaana la sheegaa inuu yahay hoggaamiyaha dadban ee dalkaas.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheekh Maxamed ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, iyo hababka lagu xoojin karo. Waxay sidoo kale is-weydaarsadeen arrimaha sida gaarka ah u quseeya labada dal. 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad-celiyay Sheekh Maxamed Binu Zayed iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Binu Zayed ayaa dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay mowqifkii xukuumadda Soomaaliya ay ku cambaareysay weerarradii argagixiso ee maleeshiyaadka Xuutiyiintu la beegsadeen goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Binu Saayid, ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya guud ahaan gobolka iyo xiriirka labad dal.

MADASHA BADBAADADA GALMUDUG oo war kasoo saartay xiisadda Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madasha Badbaadada Galmudug ayaa markii u horeysay ka hadashay xaaladaha amni darro ee kasoo cusboonaaday deegaanada maamulka Galmudug, ayada oo ugu baaqday in la joojiyo dagaalka.

Qoraal kasoo baxay Madasha ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan tahay xaaladaha amni darro, gaar ahaan dagaalka ka socda deegaanka Hiraale ee hoostaga degmada Ballanbale ee gobolka Galgaduud, kaasi oo sababay khasaaro nafeed oo ballaaran.

“Madasha Badbaadada Galmudug waxay ugu baaqaysaa waxgaradka ka soo jeeda beelaha walaalaha ee dagaalku u dhexeeyo in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, laguna xaliyo wada-hadal iyo nabadeyn arrimaha sababay dagaalka dhimashada iyo dhaawaca badan dhaliyey ee ku soo beegmay xili abaaro ba’an ay ku dhufteen deegaanada Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Badbaadada Galmudug.

Waxay ugu baaqeen maamulka Galmudug in uu qaaato kaalinta mas’uuliyad iyo midda akhlaaqeed ee ugu aadan joojinta colaadaha soo noq-noqdey ee deegaanadaas, islamarkaana uu si deg deg ah ciidamo ugu diro deegaanada dirirtu ka socoto.

Sidoo kale Madasha ayaa si adag ugu jeedisay madaxda maamulka Galmudug inay si dhaqsa ah u diyaariyaan jawi wada-hadal iyo gogol nabadeed oo laga dhex furo dhinacyada dagaaladu ka dhaxeeyaan, si loo soo celiyo amniga iyo wada-jirka dadka reer Galmudug oo xiligan wajahaya xaalad adag.

Ugu dambeyntiina waxay madaxweynaha maamulka Galmudug ku dhaliileen in uusan gudan waajibkii loo igmaday, kuna mashquulsay danahiisa gaarka ah, ayaga oo baaq u diray xukuumadda dhexe, wadamada deeqaha bixiya iyo ganacsatada Soomaaliyeed, si looga qeyb qaato gurmadka Galmudug.

Si kastaba, Madasha Badbaadada Galmudug oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka Galmudug ayaa waxay hore si adag uga hortimid hogaaminta Qoor-Qoor iyo hanaanka uu ku wajahay xaaladaha deegaanada maamulkaas, waxayna qeyb ka yihiin olole hogaan cusub loogu sameynayo maamulka.

Musharixii lagu dhaawacay Garoowe oo xildhibaan loo doortay – Side u dhacday?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland waxaa maanta ka bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee ay deegaan doorashadooda ay tahay gudaha magaaladaasi.

Doorashada ayaa manta loo qorsheeyey illaa lix kursi, waxaana kursigii ugu horreeyey ee HOP#192 kusoo baxay isaga oo dhaawac ah Musharax Maxamed Faarax Nuux ((Dheere) oo ay shalay weerar gaadmo ah ku qaadeen rag hubeysan oo ku beegsaday Garoowe.

Maxamed Dheere ayaa loo xiray kursigan, waxaana la tartantay Ruweyda Maxamuud Maxamed oo uu isugu keensaday, si ay malxiis ugu noqoto

Guddiga doorashada ee Puntland ayaa shaaciyey in xildhibaan Maxamed Dheere uu helay 91 cod, halka Ruweyda ay heshay 1 cod oo kaliya, sidoo kale waxaa halaabay 2 cod.

Musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed Dheere) oo uu shalay dhaawac kasoo gaaray gacanta ayaa kusoo muuqday doorashada, waxaana weerarka lagu qaaday uu salka ku hayey khilaaf xoogan oo ka dhashay kursiga oo uu ugu dambeyn kusoo baxay.

Sidoo kale rasaasta ay dableyda hubeysan ku fureen Musharaxan ayaa waxaa ku dhaawacmay labo kamid ah Askarta ilaalada u ah, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Dhinaca kale doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta xiga ee loo qorsheeyey in maanta lagu doorto magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Tallaabada ay Puntland u qaaday dhanka doorashada ayaa qayb ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sawirro: Axmed Madoobe oo laba arrin kala hadlay safiirka UK ee Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweymaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo kula shiray safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster iyo wafdi ay hogaamineyso oo gaaray magaaladaas.

Shirka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta Jubbaland Maxamed Cumar Jaamac, wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed iyo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha, Axmed Xuseen Baraki.

Axmed Madooble ayaa kala hadlay Kate Foster iyo xubnaha kale ee la socday laba arimood oo ku qotomay abaaraha iyo doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu faah faahiyey kulankan, waxaana lagu sheegay in diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay abaaraha.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaanada qaar, Dowlada Jubaland ayaa bilihii lasoo dhaafay gurmad baaxad leh ka samaysay abaaraha iyadoo kaalmo kala duwan gaarsiisay dadka ay dhibaatadu gaartay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Sidoo kale qoraalka ayaa markale lagu yiri “Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay arimaha doorashooyinka golaha shacabka oo qaybo badan oo dalka kamid ah kasocda.

Jubbaland oo haatan ku jirto doorasho ayaa waxaa ku dhuftay abaar saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan saddexda gobol ee Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

 

 

PUNTLAND oo qabaneyso doorashada lix kursi

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada 6 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Kuraasta doorashadooda la qaban doono ayaa kala ah: HOP#192, HOP#094, HOP#014, HOP#121, HOP#174 & HOP#074 oo dhamaan deegaan doorashadooda tahay Garoowe.

Guddiga hirgelinta doorashada ee Puntland ayaa sidoo kale soo gabagabeeyey diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ee u tartamaya kuraasta doorashadooda la qabanayo.

Illaa 12 musharrax ayaa ku loolamaya lixdaan kursi kuwaas oo kala ah:- 1HOP#192  waxaa ku tartamaya Maxamed Faarax Nuur iyo Ruweyda Maxamuud Maxamed, waxaana horey ugu fadhisay Siciido Maxamed Xasan.

2-HOP#094: waxaa u tartamaya Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Farduus Maxamed Aadan, waxaana kursigan ku fadhiyey Axmed Ismaaciil Shabeel.

3-HOP#014 waxaa u tartamaya Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar iyo Cabdirisaaq Axmed Xuseen, waxaana horey ugu fadhisay Sacdiya Careys Ciise.

4-HOP#121: waxaa ku tartamaya Farxiya Yuusuf Cumar iyo Nimco Cumar, ayada oo horey ugu fadhisay Canab Xasan Cilmi.

5-HOP#174: waxaa ku tartamaya Khadra Axmed Maxamed iyo Leylo Cabdi Faarax, waxaana horey ugu fadhiyey Burhaan Aan Cumar.

6-HOP#074: waxaa u tartamaya Cabdiqani Maxamuud Maxamed iyo Axmed Cabdiraxmaan Cilmi, waxaana kursigan horey ugu fadhisay Ikraan Yuusuf Xirsi.

Abiy Axmed oo saamiga dekada Berbera kala hadlay Imaaraadka kadib warkii kasoo baxay Somaliland

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo sabtidii booqasha ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa inuu dowladda Imaaraadka kala hadlay arrinta Dekedda Berbera, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Imaaraadka.

Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la yeeshay Amiirka Imaaraadka Sheekh Maxamed bin-Zayed Al Naxyaan. Wuxuuna kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dekadda Berbera ee ay saamiga ugu badan ku leedahay sidii ay uga wada faa’ideysan lahayeen, madaamaa Itoobiya aysan laheen Dekad isla-markaana dhaqaalaheeda uu si weyn u saameeyey dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas.

Wargeyska The Jordan Post oo faalo ka qoray booqashada Abiy uu ku tagay Imaaraadka ayaa sheegay labada dhinac in loo badinayo inay ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin: Dagaalka waqooyiga Itoobiya ka socda, soo afjariddiisa sidii ay isaga kaashan lahaayeen, inay iska kaashadaan horumarinta Wajaale iyo Berbera, si ay Itoobiya Dekaddaas uga faa’ideysato.

Sidoo kale waxaa la soo hadal qaaday dagaalka ay Imaaraadku ka wajahayaan Xuutiyiinta Yemen. Itoobiya ayaa hadda Imaaraadka u ogol saldhigyo ay diyaaradaheeda ka duqeeyaan fallaagada Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto.

Wargeyska waxaa kale uu sheegay Imaaraadka dhankeeda marka laga reebo saldhig ciidan ay dooneyso inay wax soo saarka beeraha Itoobiya ka faa’ideysato, ayna maalgashato beeraha dalkaas.

Itoobiya oo ka mid ah waddamada saboolka ee qarradda Afrika oo ay dadka ugu badan ku nool yihiin, sanadihi u dambeeyey waxay xiriir adag ay la lahayd dowladda Imaaraadka Carabta. Xiriirka u dhaxeeya Abu-Dabi iyo Addis Ababa ayaa xoogeystay wixi ka damneeyey markii uu Abiy Axmed hoggaanka u qabtay dalka Itoobiya.

“Abiy wuxuu Imaaraadka uu doontay taageero dhaqaale oo uu ku hormariyo adeegyada aas-aasiga ah ee Wajaale ilaa iyo Dekadda Berbera, si ay Addis Ababa ugu sahlanaato isticmaalka dekadaas,” ayuu yiri Sajid Nedin oo ka faallooda arrimaha badda cas iyo bariga Afrika.

Waxaa dhawaan la daahfuray wejiga koobaad ee ballaadhinta dekedda Berbera, taas oo ay gacanta ku haysay shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka.

Heshiiska Dekadda Berbera oo soo billaambay 2016-kii wuxuu ahaa seddex geesood, iyada oo heshiiskaasi ay qalinka ku duugtay xukuumadda Somaliland.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in shirkadda DP World ay saamiga dekadda ku yeelanayso 51%, Somaliland ayaa ku yeelaneysa 30%, halka dowladda Itoobiya ay qaadatay saami dhan 19%, heshiiskaas waxa uu soconaya mudo 30 sanadood ah.

Hase yeeshee, Somaliland bishii la soo dhaafay waxay sheegtay iney Itoobiya wax saami ah ku lahayn dekedda Berbera uuna burburay saamigii 19% ka ee ay lahayd.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo marti ku ahaa barnaamijka “La hadal Horyaal” ee TV-ga Horyaal ayaa sheegay in Somaliland iyo DP World oo kaliya ay qeybsadaan faa’iidada kasoo baxda Dekedda Berbera, isla markaana Itoobiya aysan waxba ku lahayn.

“Saamiga shirkada DPworld Berbera la yidhaahdo waxaa iska leh DPworld iyo Somaliland, Somaliland 35% ayay leedahay DPworld-na 65%, heshiiska halkaa lagu galay ee sidaa loo kala qayb saday saamiga Itoobiya qayb kama aha” ayuu yiri Wasiir Shire.

KENYA oo UK u gacan gelisay wiil Soomaali ah oo ku eedeysan dembi culus

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wiil Soomaali-British oo lagu magacaabo Maxamuud Siyaad Cabdixakiin ayaa laga qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo loo gacan geliyey dowladda Ingiriiska, si loogu maxkamadeeyo dalka UK.

Maxamuud Siyaad Cabdixakiin oo ah wiil asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya oo da’iisa lagu sheegay 24-sano jir iyo Monteiro Mangal oo ah 21-jir British ah ayaa loo heystaa dilka Alex Smith oo ahaa wiil 16-sano jir ahaa.

Alex Smith ayaa la sheegay in ragaan oo ku hubeysnaa Toorey ay ku dileen waqooyiga magaalada London 12-kii bishii Ogosto ee sanadkii 2019-kii, iyagoo isaga baxsaday London wixii ka dambeeyey markii ay geysteen dilkaas.

Booliska Kenya oo helay xogo sirdoon ayaa labadaas wiil Axadii ka soo qabtay xaafada Kilimani oo ka tirsan Nairobi, waxaana loo gacan geliyey dowladda Ingiriiska oo aad u doon-dooneysay ragaan.

Sida uu baahiyey wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya, Booliska UK waxay weli baadi goobayaan rag kale oo labadaan nin kula eedeysan dilka wiilkaas yar, sidoo kalena dhacay gaadiid laga lahaa halka uu dilkaasi ka dhacay.

Tirada guud ee ragga dilka wiilkaas ku eedeysan waa lix nin, balse waxaa ilaa hadda la qabtay Monteiro Mangal iyo Maxamuud Siyaad Cabdixakiin oo asalkiisu yahay Soomaali.

Ragaan ayaa la sheegay in mudo ay ku dhuumaaleysanayeen xaafadda Kilimani ee suuqa weyn ee magaalada Nairobi, iyagoo baxsad ka ah cadaaladda UK, “Labadoodaba waxaa loo gacan geliyay UK si ay u wajahaan cadaaladda dembiyada ay galeen,” ayaa lagu baahiyey warbixintaan.

“Dalkeenu gabaad uma noqon doono dadka baxsadka ah. Haddii aad dembi gasho diyaar u noqo inaad sharciga wajahdo,” ayuu yiri Agaasimaha hey’adda dembi baarista booliska Kenya (DCI) George Kinoti.

Dowladaha Kenya iyo Ingiriiska waxaa ka dhaxeeya heshiis ay horay u gaareen oo dhigaya inay isusoo celiyaan maxaabiista iyo dembiilayaasha baxsadka ah, sidaas darteed tallaabadii ugu dambeysay ee fulista heshiiskaas ayay saraakiishu ku sheegeen dhiibista labadaas nin.

Laba musharax madaxweyne oo shalay kuraas ka helay doorashadii Jowhar – Xog

0

Jowhar (Caasimada Online) – HirShabelle ayaa shalay qabatay doorashada 6 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Kuraasta lagu doortay magaalada Jowhar waxaa kamid ah kursiga caanka ah ee HOP#97, kaasi oo tan iyo shirkii Carta ay ku fadhisay wasiirka Gargaarka Dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye.

Dadka waxay si weyn isku weydiinayaan kuraasta shalay kasoo baxday magaalada Jowhar iyo musharixiinta laga yaabo inay codka siiyaan xildhibaanada halkaas lagu soo doortay.

Kursiga  HOP#97 waa kursiga qura ee si rasmi ah loo ogyahay halka uu geyn doono codka. Khadiija Maxamed Diiriye waxay wareysi ay mar hore bixisay ku sheegtay inay codkeeda siin doonto madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo haddii ay mar kale soo hesho kursiga, ugu dambeyna shalay ayey soo heshay kursiga taas oo kuu sheegeysa halka uu codkaan aadi doono.

Hoggaamiyaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Xasan Cusmaan ayaa kaalin ku lahaa in Khadiija Diiriye ay mar kale kusoo laabato kursigeeda halka kooxda Farmaajana ay caawinaad la garab taagnaayeen.

Kursiga HOP#97 waxaa jira kursi kale oo mataan la ah, waana kursiga HOP#98, waxaa ku fadhiya xildhibaan Maxamed Maxamuud Seesey, mar kale isaga ayaa kusoo laabtay.

Sida caadiga ah oo ay dadkana ka war hayaan Seesey iyo Khadiija Diiriye mar walba waa isku siyaasad, labadaasi cod waxaa loo xisaabinayaa madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, iyadoo sidoo kalena ay muuqato in Cali Guudlaawe uu gacan weyn ku lahaa.

Musharax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa isna sidoo kale miisaan ku lahaa doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar. Kursiga HOP#005 waxaa kusoo baxay Maxamed Cumar Ceymoy oo ah wasiirka Beeraha ee HirShabelle.

Ceymoy isaga ayaa horey ugu fadhiyey kursigaan. Wuxuu ku jiray siyaasiyiintii iyagoo heer federaal ah go’aansaday inay wasiiro ka noqdaan maamul goboleedyada.

Ninkaan siyaasad ahaan waxaa loo yaqaanaa Cabdulqaadir Cosoble, wuxuuna ku jiray codadkii uu Cosoble ka helay magaalada Jowhar.

Kursiga HOP#88 waxaa kusoo baxday Dahabo Suusow oo horey ugu fadhisay kursigaan, loolan culus kama dhicin kursigaan. Dahabo waxaa la xaqiijiyey inuu taageerayey musharax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble.

Labadaas cod ee Ceymoy iyo Dahabo waxaa loo tiriyey musharax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble, waxaana la inkiri karin inuu ku taageeray madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

In Cosoble uu shalay laba cod kasoo helay magaalada Jowhar waxay Cali Guudlaawe ka yareeneysaa culeyska beeleed ee ka imaan lahaa sida uu kuraasta u maareeyey.

Kursiga HOP#52 wuxuu kamid ahaa kuraastii shalay lagu doortay magaalada Jowhar, waxaa mar kale kusoo laabatay Farxiya Maxamuud Dhaqane. Hoggaamiyaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa saameyn ku lahaa kursigaan, laakiin kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa la xaqiijiyey inay Farxiya Dhaqane taageereen.

Codkaan Farmaajo ayaa loo xisaabinayaa, inkastoo uu talo xoog leh ku leeyahay hoggaamiyaha HirShabelle.

Kursiga kale ee shalay lagu doortay magaalada Jowhar waa kursiga HOP#33. Kursigaan waxaa kusoo baxay xildhibaan Yuusuf Kabaale oo horeyna ugu fadhiyey.

Buuq kooban ayaa ka dhashay Kursigaan, maadaama uu kamid yahay kuraasta ay sida weyn u fiirsanayeen dadka kasoo jeeda Shabeellada Dhexe.

Kursigaan waa midka kaliya ee musharixiisu 100% is maal-geliyey kuraastii kasoo baxday magaalada Jowhar. Cali Guudlaawe ayaa loo arkaa qofka 100% talo ku leh codka Yuusuf Kabaale halka uu aadi doono.

Musharax gooni ah looma xisaabin karo kursigaas maadaama la xaqiijiyey inuu Yuusuf Kabaale isaga is-taageeray xagga maaliyadda.

Lixdaas kursi ayaa shalay lagu doortay magaalada Jowhar, sidaas ayeyna musharixiinta u kala heleen. Farmaajo iyo Cosoble ayaa miisaan ku lahaa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo kamid ah musharixiinta ugu culus xilka madaxweyaha Soomaaliya waxaa la filayey inay saameyn ku yeelan doonaan kuraasta Golaha Shacabka ee taalla HirShabelle.

Laakiin marka la eego xisaabta soo baxday maalintii koowaad ee HirShabelle ee doorashada Golaha Shacabka labadaas hoggaamiye wax natiijo ah kama gaarin, lamana yaqaano waxay taas u dhibi doonto hoggaanka Cali Guudlaawe.

“Waa sharci darro warqada Maxkamadda Gobolka ee ku aadan lacagta Imaaraadka Carabta,” Waxaa sidaas yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-xigeenkii hore ee xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, Garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa sharci darro ku tilmaamay waraaqdii ay Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dhawaan ku hakisay bixinta lacagta Imaaraadka.

Warqada kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir 30-kii bishii hore, islamarkaana lagu soo aadiyey safarka Rooble uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu faray guddoomiyaha bangiga dhexe iyo wasiirka maaliyadda in lacagtaas aan laga bixin karin qasnadda dowlada.

Garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa sheegay in ugu horeyntii ay aheyd qalad in la qabto lacagta u socotay safaarada Imaaraadka ee Soomaaliya, kaasi oo jabinaya xeer caalami ah.

“Marnaba qaanuunka marnaba ma cadeynayo in Safaarad hanti ay leedahay ama boorsooyin ay leedahay la baaro oo la xanibo. Wadan kasta oo caalamka ka jira qanuunkaas ayey ku dhaqmaan, weyba dhacday hadda waxaa go’aan ka gaaray Golaha wasiirada oo in dib loogu cesho lacagta dowladda Imaaraadka Carabta,” ayuu yiri.

“Waxaa la is-weydiinaya halkee xeer ilaalinta kasoo gashay arrintaan? Ma Madaxweynaha ayaa u dacwooday, ma aheyn inay gesho xeer ilaalinta oo dacwad maamul haddii ay jirto waxay aheyd in maxkamada sare loo dacwoodo.”

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golahiisa wasiirada ay raali-gelin ka bixiyaan qaladka lagula kacay dowladda Imaaraadka Carabta, islamarkaana uu ku dhiiraday in uu ballan-qaado in uu lacagtii dib ugu celiyo.

“Dacwado badan ayaa la gudbiyay ardaydii la qaaday Eretria oo aan illaa hadda la ogeyn halka ay ku dambeeyen, runtii waxaa leeyahay in arrintaas ay xal u iman doonaan iyo in meesha laga saari doono hay’addaha la isku adeegsanayo.”

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii Maxakamadda gobolka ay shaaca ka qaaday in lacagtaas oo dhan 9,600,000 inay si sharci darro ah kusoo gashay dalka, isla-markaana ay weli hortaallo xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka.

Amarka maxkamadda gobolka Banaadir ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, islamarkaana ra’iisul wasaare Rooble uu aadayay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay, isaga oo maalmihii dambe la kulmay madaxda dalkaas.

Horey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u soo saaray wareegto ka dhan ah tallaabada ra’iisul wasaaraha, wuxuuna amar ku bixiyey in lacagtaasi aan laga saari karin bangiga dhexe, isaga oo sheegay in go’aanka Rooble uu yahay mid uu gaaray hal nin, sidaaas daraadeedna aan lagu bixin karin lagacaataasi oo la qabtay bishii April ee sanadkii 2018-kii, xilli laga soo dajiyey garoonka Aadan Cadde.

Somaliland oo Mareykanka u yaboohday laba waxyaabood si ay uga beddelato aqoonsi

Washington (Caasimada Online) – Somaliland ayaa militariga Mareykanka u yaboohday deked iyo garoon diyaaradeed oo ku yaalla marin badeed muhiim ah, ayada oo uga bedelaneysa tallaabooyin ku wajahan in loo aqoonsado dal madax-banaan.

Isaga oo rajeynaya inuu ka faa’iideysato walaac sii kordhaya oo Mareykanka uu ka qabo is-ballaarinta Shiinaha ee Afrika, ayaa madaxweynaha Somaliland wuxuu qorsheynayaa inuu bisha March booqdo Washington, halkaasi oo la filayo inuu ku sahmiyo xiisaha Mareykanka ee ku aadan isticmaalka xarumo ku yaalla magaalada Berbera.

Berbera waxay ku taallaa Gacanka Cadan, oo ah marin muhiim ah oo xiriiriya Badweynta India, marin biyoodka Suez iyo Badda Meditareeniyaanka.

“Madaxweynaha wuu soo dhoweyn lahaa joogitaanka Mareykanka iyo inuu ilaaliyo mari-biyoodyadan,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Ciise Kayd oo wareysi siiyey Wargeyska Wall Street Journal ee Mareykanka.

“Mareykanka waa inay si deg deg ah falcelin u sameeyaan,” ayuu yiri.

Somaliland ayaa mudod 30 sano ah wadday olole ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah. Hase yeeshee dadaalkan cusub ayaa imanaya xilli ay haysato fursan weyn.

Waxaa jira niyadjab ay Washington ka qabto dowladda federaalka ee Muqdisho, oo dhowr jeer dib u dhigtay doorashooyinka, islamarkaana ku lug yeelatay khilaafyo siyaasadeed oo dhexdeeda ah, taasi oo dhalisay guuldarro ku aadan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Niyadjadbka laga qaaday dowladda federaalka, oo ay wehliyaan walaacyada ka dhashay dagaalka dalka deriska ah ee Ethiopia iyo afgambiga militari ee Sudan, ayaa dhaliyey in Congress-ka Mareykanka uu dabacsanaan u muujiyo Somaliland oo ku guuleysatay doorashooyin Dimoqraadi ah iyo nabad.

“Xasillooni darrada sii socota ee Geeska Afrika iyo tartanka caalamiga ah ee loogu jiro kheyraadka iyo saameynta ayaa ka dhigaya muhiim inaan la shaqeyno saaxiibada nagu aragtida ah ee gobolka sida Somaliland oo ay ka go’an tahay nabad, dimoqraadiyad iyo barwaaqo,” waxaa sidaas yiri Senator Jim Risch, oo ka mid ah xubnaha ugu sarreeya xisbiga Jamhuuriga ee ku jira Guddiga Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senate-ka. 

Si kastaba, maamulka Biden ayaa ku adkeysanaya siyaasadda Mareykanka ee ah in Soomaaliya ay tahay hal dal, oo Somaliland ay ku jirto. Sidoo kale dowlado badan oo Afrikan ah ayaa aqoonsi ay hesho Somaliland u arka inay dhiiri-geli karto inay ayagana wajahaan gooni u goosad dalalkooda ka dillaaca.

Ayada oo ay sidaas jirto, ayaa haddana Diblomaasiyiinta Mareykanka aysan qarin sida ay uga niyadjabsan yihiin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marar badan dib u dhigay doorashada iskuna dayey muddo kororsi.

Sanadii 2017, Shiinaha ayaa saldhig militari ka sameystay dalka Jabuuti, oo ku dhegan Somaliland, meel u dhow marinka Bab el-Mandeb, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Inkasta oo Jabuuti aysan muujin inay sidaas dooneyso, haddana waqti kasta ay xiri kartaa saldhigga Mareykanka ee dalkaas, taasi oo militariga Mareykanka ku qasbi karta inay raadiyaan mid cusub.

Somaliland ayaa u aragta loolanka quwadaha adduunka inuu u furayo albaab ay ku xaqiijiso aqoonsi caalami ah. 

“Haddii Shiinaha ay awood ku qabsadaan dalkeena, ama siyaabo kale, markaas marinka oo idil ayagaa maamuli doona,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Ciise Kayd.

Bishii August 2021, diyaarad militari oo Mareykan ah ayaa cago dhigatay garoonka Berbera, halkaasi oo saraakiil Mareykan ah ay qiimeyn ku sameeyeen dekedda iyo garoonka. 

“Militariga Mareykanka waxay hadda haystaan Jabuuti, balse waxay u baahan yihiin qorshe labaad (Plan B), islamarkaana Somaliland waxay noqon kartaa midkaas,” waxaa sidaas yiri Tibor Nagy, oo ahaa kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika, ee maamulkii Trump.

Bishii November, Ciise Kayd oo ah muwaadin Mareykan ah ayaa booqday Washington si uu olole uga sameeyo Congress-ka Mareykanka. Bishii ku xigtay ee December, kaaliyeyaal sare oo ka tirsan Congress-ka ayaa booqday Berbera iyo Hargeysa.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa qirsan inaysan u muuqan inay deg deg u heli karaan aqoonsi, balse waxay raadinayaan inay xulufo la noqdaan Washington kuna guuleystaan tallaabooyin ay xiriir toos ah kula yeelanayaan.

“Aqoonsi beddelkiisa, hadafkeena ugu weyn waa wada-shaqeyn,” ayuu yiri Ciise Kayd.

Sanadii tegtay, Senator Risch, oo laga soo doorto gobolka Idaho ayaa qoray sharci ku qasbaya Pentagon-ka inuu wada-shaqeyn militari la yeesho Somaliland, ayada oo la dhinac marayo dowladda federaalka. Sharcigaas ayaa ka gudbi waayey Aqalka Senate-ka. Balse Risch wuxuu doonayaa inuu mar kale dib usoo nooleeyo wada-xaajoodka Somaliland.

Mareykanka oo QATAR u aqoonsanaya dal maqaam gaar ah leh – Muxuu yahay?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii u ballan-qaaday amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani inuu dhowaan Qatar u aqoonsan doono xulufo weyn oo aan NATO aheyn, taasi oo dalkan siineysa maqam gaar ah.

Intii uu socday kulan ay ku yeesheen Aqalka Cad, ayuu madaxweyne Biden sheegay inuu dhawaan ku wargelin doono Congaress-ka Mareykanka magacaabista Qatar, taas oo Mareykanka u ogolaaneysa inuu soo dhaweysto xulufada aanan NATO ka tirsaneyn, balse militariga Mareykanka la leh xiriirka shaqo ee istaraatiijiga ah.

Biden oo uu dhinac fadhiyay Amiirka Qatar, Sheekh Tamim Bin Hamad, ayaa ku tilmaamay Qatar saaxiib wanaagsan oo la isku halleyn karo oo karti leh, Islamarkaana soo dhaweynteeda Isbaheysiga NATO ay aheyd arrin muddo dheer dib looga dhacayay.

Qatar waa dalka ugu soo saarista badan gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah, waxaana hadda suuragal ah in wax soo saarkeeda ay u weeciso Yurub, haddii colaadda Ukraine ay carqaladeyso Gaaska uu hadda Ruushka siiyo Qaaradda Yurub.

Ajandaha Biden ee Aqalka Cad ee kulanka Amiir Tamim ayaa qeyb ka ahaa wadahadallada nukliyeerka Iran iyo xiriirka Afghanistan, halkaas oo danaha Mareykanka hadda uu wakiil uga yahay dalkaan yar ee ku yaalla Gacanka Khaliijka.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo Amiirka Qatar ay Isniinti ka hadleen arrimo kale oo dhowr ah oo ay ku jireen xoojinta xiriirka ganacsiga iyo iskaashi ay labada dhinac ka sameeyaan maal-gashiga.

Sida ay sheegeen saraakiil, Sheekh Tamim ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeeshay Xoghayaha Ammaanka Gudaha ee Mareykanka, Alejandro Mayorkas iyo Xoghayaha Gaashaandhiga Lloyd Austin, oo uu kala hadlay arrimo la xiriira iibinta hub iyo arrimo kale oo militari.

Qatar oo ka mid ah dalalka Bariga Dhexe ee martigeliya saldhigyada millatari ee Mareykanka, ayaa muddo dheer xiriir la lahaa Dowladda Mareykanka.

REUTERS + VOA

Musharax loo xiray kursi xildhibaan oo weerar culus lagu qaaday + Khasaaraha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Musharax u taagan kursi xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka.

Musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed Dheere) oo u taagan kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#192 ayaa waxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray weerarka maanta lagu qaaday.

Sidoo kale rasaasta ay dableyda hubeysan ku fureen Musharaxa ayaa waxaa ku dhaawacmay labo kamid ah Askarta ilaalada u ah, sida ay noo sheegen goobjoogeyaal.

Weerarka lagu qaaday Maxamed Dheere ayaa salka ku haya khilaaf xoogan oo ka taagan kursiga xildhibaan ee uu isku soo taagay, kaasi oo la soo warinayo in si gaar ah loogu xiray.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa maanta Musharax Xildhibaan Maxamed Dheere siiyay shahaadada musharaxnimada, ayada oo lasii xoojiyay amniga musharaxa oo hore uga mid ahaa xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland.

Kursiga HOP#192 ee uu isku soo taagay Maxamed Dheere ayaa waxa lagu wadaa in maalinta berri ah ay doorashadiisa ka qabsoomto magaalada Garoowe, taasi oo dab ku sii shiday xiisada ka taagan kursigaas, maadama ay ka hor-yimaadeen jufooyin la wadaaga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xiisada ka dhalatay loolanka kursigaas ay ku baxeen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Garoowe, si loo qaboojiyo oo aysan u dhicin beegsiyo kale.

Waddan ka carooday in magaciisa lagu daray liis ay ku jirto Soomaaliya + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Colombia ayaa ka carootay in waddankaas lagu daray liiska warbixinta Qaramada Midoobay ee 20 dal oo ay ka jirto “baahi daran”, isla-markaana ay qayb ka tahay Soomalaiya, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee AFP.

War Isniintii kasoo baxay xukuumadda Bogota ayaa lagu dalbaday in Colombia laga saaro liiska waddamada lagu tilmaamay inay halis ugu jiraan “raashin la’aan.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Colombia ayaa xafiiska hay’adda FAO ee magaalada Rome u gudbisay go’aanka ku saabsan sida ay uga soo hor jeedaan warbixintaas, sida ay ku warrameen warbaahinta dalkaas.

Warbixinta carada dhalisay waxaa isbuucii lasoo dhaafay si wadajir ah u shaaciyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Berraha iyo hay’adda Caafimaadka Adduunka.

Waxaa lagu sheegay in “dad ay tiradoodu gaareyso 7.3 milyan oo reer Colombia ah ay heystaan dhibaatooyin cunto la’aan ah ayna u baahan yihiin in raashin lagu caawiyo 2022-ka.”

Waddamada kale ee liiska ka muuqda waxaa ka mid ah Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Itoobiya, Madagascar iyo Yemen.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana siyaabo kala duwan uga falceliyey dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka.

BBC

Guddigii uu magacaabay ROOBLE oo digniin kasoo saaray boobka doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee uu horey u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay doorashada socota ee Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo digniin culus kasoo saaray boobka lagu hayo kuraasta Baarlamaanka.

Marwo Caasho Siyaad oo ka mid ah xubnaha guddigan ayaa sheegtay inay ka digayaan in la boobo kuraasta loo qorsheeyey haweenka ee Baarlamaanka, kadib wareysi ay siisay Universal TV.

Caasho Siyaad ayaa sidoo kale soo jeedisay in Qabaa’ilka aan laga qabanin liis aysan ku jirin gabdho, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee 30%.

“Cabasho way jirtaa waana ka sii digeynaa, waana ka sii dardaarmeynaa gabdhaha kuraastooda in la ilaaliyo Qabaa’ilka gabdhaha laga rabo inaanan laga qabanin liis aysan gabdho ku jirin” ayey tiri Caasho Siyaad oo ka mida Gudiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay inay dacwad culsu ka gudbin doonaan kuraasta gabdhaha ee la boobayo, haddii aan wax laga qaban , inta ay socoto doorashada.

“Annaga dacwo ayaan ka gudbineynaa, haddii ay dhacdo in kuraas gabdho loo qoondeeyey ay rag ku soo fariistaan,” ayey sii raacisay.

Ugu dambeyn Marwo Caasho Siyaad ayaa farriin u dirtay madax goboleedyada, waxayna ugu baaqday inay ka shaqeeyaan hunfnaanta doorashada iyo ilaalinta qoondada haweenka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayda oo aysan weli waxba iska beddalin hannaanka doorashada, kadib shirkii Muqdisho waxaana weli socda ‘boobka’ doorashada iyo in kuraasta qaar loo xiro shaqsiyaad gaar ah, taas oo xiiso beel ku ridday doorashada.

“Annaga oo ay rasaas nagu socoto ayuu OSAMA Bin Laden iga diiday inuu gabado”

Dukumintary ay BBC-du ka sameysay taariikhdii dhinaca jihaad doonka ee Osama Bin Laden ayaa dadkii lagu wareystay waxaa ku jira nin ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii mujaahidiinta oo lagu naaneyso ‘Ma Cabsade’.

Waxa uu ka sheekeeyay sida uu Bin Laadin ahaa markii ugu horreysay ee uu tababarka u sameynayay iyo sida uu ninkaas uu bilyaneerka aabihiis ahaa ku noqday maskaxdii ka dambeysay weerarro argagixiso.

‘Ma cadsade’ waxa uu sheegay in Osama uu ahaa nin aamusnaan badan, balse sheekada xiisaha badan waxa ay ahayd mid ku saabsan maalin ay dagaal culus ka qayb galeen.

Ninka qisada ka sheekeynaya waxa uu ka mid ahaa dagaalyahannadii reer Afghanistan ee u babac dhigay ciidamadii miwdowga Soviet. Dad kale oo jihaad doon ah ayaase uga yimid meelo kale oo caalamka ka tirsan, sida waddamada carabta, si ay garab u siiyaan.

“Raggii carabta ahaa ee noo yimid waxaan ku qaabilnay sida ay yihiin carruur. Aad bay u dhiirranaayeen balse wax fikrad ah kama aysan heysanin sida loo dagaallamo. Way iska keen socdeen, qaarkoodna raashin ayay noo karinayeen. Hoggaamiyeyaasheenna marka ay xulanayaan dad soo dagaallama way ka leexan jireen kuwa Carabta ah.

“Waxaa jiray 12 nin oo Carab ah oo nagu soo biiray, mid ka mid ah waxaa lagu magacaabi jiray Osama. Dhowr maalmood kaliya ma ahayn waxa uu nala joogay balse bilo ayuu nala joogay, waxay ahayd 6 bilood mise 8 bilood, ma xasuusto,” ayuu yidhi Ma Cabsade.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee heystay dagaalyahannada waxaa ka mid ahaa waddooyinka oo aan dhisneyn, sida uu sheegay ‘Ma Cadsade’.

Andullah Anas, oo isagana ka mid ah mujaahidiintii hore, kuna jira muuqaalka dukumintary-ga ah, ayaa yidhi: “Waxaan xasuustaa mar aan safar ku tagay dhinaca waqooyi inaan arkay Osama oo aad u xamaasadeysan oo kaxeynaya baldoosar.

“Waan u tagay, markaas ayaan ku dhahay, ‘Maxaad sameyneysaa Osama?’, Markaas ayuu igu yidhi: ‘Waa lagama maarmaan inaan waddooyin u dhisno mujaahidiinta, sidoo kalena waa inaan xarumo caafimaad ka sameyno godadka buuraha dhexdooda ku yaalla’, sidaas awgeed injineerro ayuu ka keenay shirkaddiisa dhismaha ee ku taallay Jidda.”

Ma Cadsade waxa uu sheegay inay mar walba arki jireen Osama oo dhiiqada ku dhex jira marka uu baldoosarka ku dhisayo waddada, balse aysan waligood fahmin inuu isagu bixinayay lacagta oo dhan.

“Waxaan u heysannay in ay dad kale kharashka bixinayeen isaguna uu ka ahaa shaqaale caawinaad sameynaya.”

Dagaalkii qaraaraa

“Nimanka Carabta ah ee noo yimid waxba kama aysan aqoonin hubka, tusaale ahaan sida loo isticmaalo AK47 ama sida wax loo toogto. Waligoodba ma aysan ku fikirin,” ayuu yidhi.

“Osama wuxuu noo arkayay inaan nahay macallimiintiisa tababarka siinayay, jihaadka iyo dagaalkana barayay. Annaga ayay naga fiirsan jireen, ugu dambeyntiina way barteen.”

“Markii ay wax barteen waxaan u kaxeyn jirnay jiidda hore ee dagaalka. Waxaan xasuustaa in annagoo dagaal qaraar ku jirna aan Osama ku kari weynay inuu gabbado xilli ay rasaas nagu socotay. Waxaan ku dhahnay, ‘gabbo haddii kale xabbadda way kugu dhaceysaa’, balse ma uusan is xakameyn karin oo maba aysan kusoo dhaceynin inuu gabbado.

“Marba qof ayuu ku ordaa, haddana qof kale ayuu ku ordaa. Markii dambe aniga ayaa ku xanaaqay, waan ku qeyliyay “fariiso” kaddib ayuu fariistay.”

“Waxa uu ahaa nin dheer oo caato ah, dabeecaddiisa ayaaba ahayd inuusan gabbanin, weligiisna kama uusan baqin inay xabbad ku dhacdo,” ayuu yiri.

Bin Laden oo markii dmabe mas’uul ka ahaa weerarradii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka, waxa uu ku dhintay howlgal ay ciidamada Mareykanka fuliyeen bishii May ee sanadkii 2011-kii. Howlgalkaas waxa uu ka dhacay guri uu Osama dagganaa oo ku yaallay gudaha dalka Pakistan.

Xigasho: BBC SOMALI

“Waxaan ka cabsi qabaa in baarlamanka 11-ad ee dalka uu argagixiso noqdo” + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad ee waqtigu ka dhamaaday oo dhawaan laga reebay tartankii kurisigiisa oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa ka deyriyey hanaanka ay u socoto doorashada Soomaaliya iyo waxa laga dhaxli karo.

Waxa uu sheegay in dalku uu khatar ugu jiro inay u soo baxaan xildhibaano Al-Shabaab ah, “Waxaan ka cabsanaa in baarlamaanka 11-aad uu noqdo argagixiso, waxaan la yaabay ayaa dalka ka socda,” ayuu yiri.

Idiris Dhaqtar ayaa sheegay in xukuumadii loo xil saaray doorashada ay howlo kale ku mashquulsan tahay, waxuu sheegay in rag taageersanaa nidaamka Farmaajo oo isaga ku jees-jeesay markii laga reebay tartanka ay hadda K/Galbeed ka soo laabteen iyadoo loo soo diiday kuraastii.

“Ragga kuraasta loo soo diiday waxay igu eedeynayeen inaan ahay mucaarad, waxay igu yiraahdeen ’20 sano ayaan kuriga ku fadhinay, nin kasta oo xukunka yimaadana muxaafid ayaan u aheyn’ Farmaajo ayey soo saarteen Facebook-yadooda, hadana waxaa laga reebay tartankii, wadankaan waxuu u socdaa meel qaab daran,” ayuu yiri.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar ayaa walaac ka muujiyey qorshaha cusub ee Daacish ay baada uga qaadaneyso ganacsatada Suuqa Bakaaraha, taas oo dowladdu aysan waxaba ka qaban karin, sida uu sheegay.

“Waxaa igu maqaalaa in deegaan ka tirsan Muqdisho ay Shabaab dacwadaha dadka ku qaadaan oo loogu tago xafiisyo ay ku leeyihiin, dowladdii sheeganeysay inay xukunto magaaladaan kama warqabto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Idiris Dhaqtar.

Abaaraha dalka ka jira iyo lacagaha tirada badan ee la isku dooranayo ayuu sheegay in xukuumadda Rooble ay iska indhatireyso, isagoo ku dhaliilay safaradda badan ee dibadda ah.

“Qaladaadka dhacaya masuuliyadooda Rooble ayaa iska leh oo mar Kenya aadaaya, mar Qatar, marna Imaaraadka, kamaba war-qabo waxa dalka ka socda, anigu hadda xukuumadda Rooble 11-kun oo lacag ah ayaan ka rabaa, qasnada ayaan ugu shubay inaan kurisiga beesheyda u tartamana waa la iga hor istaagay,” ayuu yiri Xildhibaan hore Idiris Dhaqtar.

Waxuu intaas ku sii daray, “Lacagta waxaan ku soo shubay Bankiga dowladda, mas’uuliyadda doorashadana waxay saaran tahay Rooble, kama hari doono lacagteydii maxkamad ayaan la koraa, hadii maanta ay awood leeyihiin, maalin aysan awood laheyn ayaan ka qaadanaa lacagteydii.”

Hoos ka daawo