25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

MAREYKANKA oo qaaday tallaabo soo dedejin karta dagaal uu la galo Ruushka

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa dhawaan ciidamo dheeraad ah u diri doona dalalka Poland iyo Romania si ay uga difaacaan bariga Yurub dhibaatada la sheegay inay ka dhalatay ciidamada tirada badan ee Ruushku geeyay xadka Ukraine.

Sida ay sheegen Saraakiil Mareykanka ah ciidamadan ayaa tiradooda tahay ku dhawaad 3,000 oo askari, waxayna ciidamdan isugu jiraan kuwa cirka iyo dhulka. www.colombia.co

Ciiamada ayaa ka bixi doona saldhigyada Vilseck ee dalka Jarmalka iyo Fort Bragg oo ku yaal goblka North Carolina, sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby, ayaa sheegay in ujeedadu tahay in digniin adag loo diro madaxweynaha Ruushak Vladmir Putin, wuxuuna sheegay inay caddeynayaan in Mareykanku diyaar u yahay difaaca NATO.

Sidoo kale, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dirista ciidamadooda ay waafaqsan tahay hadalladii uu u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

“Ilaa iyo inta uu si gar-darro ah u dhaqmayo, waxaan hubin doonnaa inaan u xaqiijin karno xulafadayada NATO iyo Bariga Yurub inaan halkaas joogno,” ayuu yiri Biden, sida lagu sheegay Twitter-ka.

Ruushka ayaa hore ugu goodiyay in uu qaadi doono tallaabooyin millateri oo aan la cayimin, haddii aan la fulin dalabkiisa, oo ay qeyb ka tahay ballan-qaadka NATO ee ah inaysan marnaba aqbalin xubinnimada Kyiv, kadib markii uu boqol kun oo askari geeyay meelo u dhow xuduudaha Ukraine.

Hase yeeshe waxay Moscow iska fogeysay inay waqti xaadirkan duulaan ku qaadeyso dalka Ukraine, ayada oo ku jees-jeestay Britain oo ay ku tilmaamtay Ra’iisul Wasaarahood in uu jahwareersan yahay, siyaasadiisuna ku dhisan tahay jaahilnimo iyo doqonimo, sida uu hadalka u dhigay Ruushku.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xili ay socdaan dadaalo lagu rabo in xal diblomaasiyadeed la gaaro, islamarkaana dhawaan lagu wadaa in madaxweynaha Turkiga uu booqdo dalka Ukraine, halka Ra’iisul Wasaaraha Jarmalkana uu ka degi doono Moscow si uu ula kulmo Putin.

AHLU-SUNNA oo si aan la fileyn u dhigtay doorashada Wiilka Macallin Maxamuud

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa ka hadlay guusha uu maanta gaaray Cabdisamad Macallin Maxamuud, oo uu dhalay hoggaamiyaha ururkaas Macallin Maxamuud, kaasi oo maanta xildhibaan golaha shacabka ah loogu doortay magaalada Dhuusamareeb

Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegay xildhibaannimada maanta Dhusamareeb loogu doortay Cabdisamad Macallin Maxamuud inuusan ururkaasi ku matalin, balse uu qabiilkiisa kusoo baxay.

“Horayna waan u sheegnay qof kasta oo Soomaali ah xaq wuxuu u leeyahay inuu xildhibaan noqdo mar labaadna qof kastaba dee waa inuu qabiilkiisa ka soo galaa marka arrintaa arrin hadda mowqifki Ahlu Sunna Waljameeca ama wixii ka dhaxeeya dowladda dhexe ama dowladda Galmudug wax wax hadda ka baddalaya ma aha magaca Ahlu Sunna kuma soo bixin ee qabiilkiisa ayuu ku soo baxay,” ayuu yiri Cabdisalaan Adan Xuseen Madaxa Siyaasada Ahulu Sunna Waljameeca oo BBC-da wareysi siiyay.

“Asaga nin Ahlu Sunna ah waa yahay, Sheekha Guddoomiyaha u ah Ahlu Sunnana waa dhalay laakiin taasi wax fikir ah ama matalaad ah ama xiriir ah oo ay arrintaasi Ahlu Sunna Waljameeca ay ku leedahay ma jirto,” ayuu yiri.

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa isna sheegay inuu ku yimid awood qabsi beeleed.

“Ahlu Sunna dadka oo dhan ayaa ah, Ahlu-Sunna waa ahay horayna waa u ahaa haddana waa ahay dadka Soomaaliyeed diinkooda iyo caqiidadooda dhanbaa Ahlu Sunna ah waan ku soo shaqeeyey waana ku shaqeynayaa insha allah wax hadda oo isbeddel oo gaar ah oo ay leedahayna ma leh,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad.

Waxa weli ka socota doorashada kuraasta aqalka hoose oo muddo badan dib u dhac uu ku yimid, dib u dhacaasi oo ay sababeen khilaaf ku yimid habraaca doorashada ee horay loo soo saaray.

Waxaana weli dhiman kuraas badan iyada oo jadwalka cusub ee doorashada aqalka sare ee Soomaaliya loo dajiyeyna uu dhigayo in la soo gabagbeeyo bishan Fabraayo ee aan ku jirno.

50 ka mid ah shaqaalaha G/BANAADIR oo shaaciyey in hal sano ka badan aan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 50 dhalinyaro ah oo ka shaqeeya gobolka Banaadir ayaa cabasho xoogan ka muujiyey mushaar la’aan xoog leh, ayaga oo sanad iyo dheeraad ahna ay ku guul-dareysteen inay helaan xuquuqdoodii.

Dhalinyartaan oo qaarkood la hadleen idaacada KNN ayaa waxay sheegen in muddo ka badan sanad la meer-meerinayay, markii dambena loo sheegay in cabashadooda uu wax ka qaban karo oo keliya Guddoomiyaha gobolka, Cumar Filish.

“Cabashadeena waxaa ka bilownay agaasimaha oo wax war ah kama helin, waxaana u gudbinay agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha oo markii dambe noo sheegay in arrinteena uu gaarsiiyay Cumar Filish, laakiin wax jawaab oo cad nooma soo sheegin,” ayuu yiri wiil kamid ah dhalinyartaas oo la hadlay KNN.

“Arrin dheer iyo mujaamilo dheer waxaa naloo sheegay in arrinteen ay ka sokeyn Guddoomiyaha, anaga waqtiga waa noo saamixi waayay in aan la kulano guddoomiyaha.”

Waxay dalbadeen in arrintaan uu soo fara-geliyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, maadama mushaarkii xaqa u lahaayeen ay la’yihiin muddo sanad iyo ka badan aha.

“Waxaan iskugu jirnaa agaasimayaal, agaasime waaxeedyo, shaqaale iskugu jira kuwa xafiiseed iyo kuwa nadaafadeed,” ayuu yiri mid kamid ah oo la weydiiyay qeybaha ay shaqaalaha mushaar la’aanta ka cabanaya iskugu jiraan.

Ma aha markii u horeysay ee shaqaale ka tirsan gobolka Banaadir ay ka cawdaan mushaar la’aan, illa haddana majiro wax war ah oo ku aadan arrintaan oo kasoo baxay maamulka gobolka.

Hoggaamiyihii DAACISH oo hab yaab leh ku dhintay

Idlib (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii ururka Daacish ayaa lagu dilay howl-gal gaar ah oo ka dhacay gobolka Idlib ee waqooyiga galbeed ee Syria, sida uu shaaciyay madaxweynaha Mareykanka.

Howl-galka lagu khaarajiyay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi ayaa waxaa fuliyay ciidanka Kumaandooska Mareykanka (Navy Seal), kadib xog sirdoon oo ay heleen.

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa kusoo degay diyaarado helicopter ah, waxayna weerareen guri ay Daacish ku laheyd Syria, ayaga oo isku-dhac socday laba saac uu dhex-maray koox hubeysan, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Joe Biden iyo kuxigeenkiisa Kamala Harris ayaa si toos ah u daawanayay howl-galka lagu dilay hogaamiyaha Daacish, kaasi oo dilkiisa ay dharbaaco kulul ku noqoneyso kooxdan oo hore looga saaray magaalooyiinkii ay ka xukumi jirtay ee Iraq iyo Syria.

Madaxweyne Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu amray weerarka si uu ilaaliyo shacabka Mareykanka iyo xulufadeena ugana dhigo dunida meel amni ah.

“Ayada oo ay ku mahadsan yihiin ciidamadeena geesiyada ah ee xirfadda leh, waxaan goobta dagaalka ka saarnay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi – Hoggaamiyihii Daacish,” ayuu Biden ku yiri bayaan uu soo saaray.

Hogaamiyaha la beegsaday Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi ayaa hoggaanka kooxda mintidiinta ah la wareegay 31-kii October 2019, maalmo un kadib markii hoggaamiye Abu Bakr al-Baghdadi uu ku dhintay howl-gal ay Mareykanka ka fuliyeen isla aagaas.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in al-Qurayshi uu u dhintay si lamid ah Al-Baghdadi, isaga oo isku qarxiyey bam dilay isaga iyo xubno ka mid ah qoyskiisa, oo ay ku jiraan haween iyo caruur kadib markii ay kusoo siqeen ciidamada Mareykanka.

Howlgalka ayaa yimid xilli ay Daacish isku dayayeen inay dib usoo laba kacleeyaan, ayaga oo weeraro dhowr ah ka fuliyey gobolka.

Si kastaba, Iska hor-imaadka ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay 13 qof oo ay ku jiraan lix caruur iyo afar haween ah, sida ay sheegen kooxaha gurmadka deg-degga ah.

Afar qodob oo kasoo baxay safarkii Rooble ee Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dib gu soo laabtay dalka, kadib booqasho afar cisho oo uu ku tegay gudaha magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa intii uu joogay Isu tegga Imaaraadka Carabta kulamo kala duwan la qaatay madaxda sare ee dalkaasi, sida dhaxal sugaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Sidoo kale wuaxa uu la shiray hay’adaha Bisha Cas iyo hay’adaha kale samafalka ee dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta.

Maxaa kasoo baxay safarka Rooble ee Imaaraadka Carabta?

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu faahiyey qodobada uu ra’iisul wasaaraha kala hadlay xukuumadda Abu Dhabi, kuwaas oo lagu soo koobay afar qodob oo kala ah:-

1- Horumarinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka
2- Fududeynta fiisooyinka dadka Soomaaliyeed ee u safra Imaaraadka Carabta
3- Dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalkaas
4- Gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Socdaalka Rooble ee Imaaraadka ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro doorasho, sidoo kalena uu taagan yahay khilaaf kala dhexeeyo Farmaajo.

Si kastaba, xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa hooseeyey saddexdii sano ee u dambeysay, kadib markii ay isku dhaceen madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday.

Imaaraadka oo mar kale lagu qaaday weerar Drone ah

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay xalay hawadeeda ka qabatay saddex diyaarad oo ah nuuca aan duuliyaha laheyn (Drone), ayada oo mar kale lagu soo qaaday weerar.

Saddex weerar oo horey loogu qaaday Imaaraadka, oo uu ku jiray mid gantaal oo dhacay Isniintii xilli uu dalkaas booqanayey madaxweynaha Israel ayaa waxaa ka dambeeyey kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto.

Hase yeeshee Xuutiyiinta ayaan weli sheegan weerarka cusub.

Weerarkii Drone ee Arbacadii ayaa waxaa sheegtay koox aan sidaas loo aqoon oo lagu magacaabo Alwiyaat al-Waad al-xaq ama “Guutada Ballan-qaadka Runta ah” oo qiil ka dhigatay faro-gelinta Imaaraadka ee Yemen iyo Iraq, sida ay sheegtay kooxda Mareykanka ee arrimaha sirdoonka ee SITE Intelligence Group oo la socota website-ka maleeshiyadan.

Weerarka kaliya ee horey ay kooxdan u sheegatay ayaa dhacay bishii Janayao 2021, kaasi oo ahaa mid loo adeegsaday diyaarado Drone ah oo lagu qaaday dalka Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay “inay diyaar u tahay inay ka hortagto halis kasta” ayna qaadeyso “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si ay u ilaaliso dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay inay diyaaradaha dagaalka u direyso Imaaraadka Carabta si ay u caawiyaan kadib weeraradii lagu qaaday.

Xuutiyiinta ayaa bilihii dhowaa kordhiyey weerarada ay ku qaadayaan Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya oo qeyb ka ah dagaalka toddobada sano ka socda dalka Yemen.

Weerarki u dambeeyey ayaa noqonaya kii saddexaad oo muddo bil gudaheed ah lagu qaado dalka Imaaraadka, ayada oo weerar ay bartamihii Janaayo ka dhacay Abu Dhabi ay ku dhinteen saddex qof, kuna dhaawacmeen lix kale.

Reuters

Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashada xildhibaan ee ka dhacday Dhuusamareeb?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa deegaan doorashadooda ay tahay Dhuusamareeb.

Doorashada la qabtay oo ah illaa afar kursi ayaan loo gelin tartan adag, waxaana kusoo baxay musharixiin si gaar ah loogu xiray.

Xubnaha soo baxay ayaa kala ah: 1- Cabdisamad Macalin Maxamuud Xasan oo ku soo baxay kursiga HOP#139, waxaana dhalay hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca.

2- Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo markale ku guuleystay kursiga HOP#049, wuxuuna haatan ka tirsan yahay musharixiinta mucaaradka.

3-Xuseen Maxamed Nuur ayaa kusoo baxay kursiga saddexaad ee HOP#051, waana guddoomiye ku xigeenkii hore ee maaliyadda ee gobolka Banaadir.

4-Dayax Axmed Cumar oo ah nin dhalinyaro ah ayaa isna ku guuleystay kursiga afaraad ee HOP#061, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Tallaabada ay qaaday Galmudug ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii Muqdisho ee laga gaaray dardargelinta doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Maxkamadda Hargeysa oo go’aan ka soo saartay kiiska wariye Cabdimaalik Coldoon

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa go’aan culus kasoo saartay kiiska Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon, kaas oo muddooyinkii u dambeeyey ku xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa.

Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah ugu dhowaaqday in Coldoon lagu waayey wax dambi ah, waxayna amartay in laga sii daayo xabsiga.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa dhanka kale la sheegay inay rafcaan ka qaadatay go’aanka kasoo baxay maxkamadda Hargeysa ee lagu sii daayey Wariyaha.

Go’aanka sii deynta ee Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa waxaa si diiran u soo dhoweeyey ehelladiisa iyo bulshada Soomaaliyeed oo aad uga hadal haya baraha bulshada.

Coldoon oo xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021-kii, ayaa loo soo jeediyey eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Sidoo kale eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay.

Xiisadda ayaa kasii dartay markii uu Coldoon shaaca ka qaaday in macalimad Joy Isa ay tahay Masiixiyad howl diimeed u timid magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ku caan baxay arrimaha samafalka iyo u gargaarida dadka taabaleysan ayaa marar badan siyaabo kala duwan loogu xiray Hargeysa.

Xog: Muxuu salka ku hayaa dagaalka uu Qoor Qoor ku hayo xildhibaan SAABIR?

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa shalay shaaciyay inay hakiyeen doorashada kursiga tirsgiiisu yahay HOP#71, kaasi oo doorashadiisa la qaban lahaa maanta.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan ee Habargidir.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa sababta doorashada dib loogu dhigay sheegay in aan la dhameystirin habraacyada doorashada kursigaas, ayada Axadii soo saartay jadwalka qabashada doorashada iyo guddiga soo xulista.

Si kastaba Caasimada Online ayaa ogaatay in sababta rasmiga ah ee kursiga dib loogu dhigay ay tahay dagaal shakhsiyeed oo uu madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo ka wakil ah Farmaajo uu ku hayo xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, oo hadda kursigan ku fadhiya.

Yaa ku loolamaya kursiga?

Kursigan ayaa waxa uu ka dhaxeeya saddex jufo hoosaad oo ka tirsan beesha Saleebaan kuwaas oo kala ah Reer Xersi, Warfaa iyo Bah Abgaal.

Waxaa u sharaxan Cabdisaabir oo kasoo jeeda Reer Xersi iyo Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo kasoo jeeda Bah Abgaal. Waxaa sidoo kale jira musharaxiin kale, balse uma miisaan cusla sida Saabir iyo Cabdulqaadir.

Ergada kursiga ayaa waxaa soo xulaya saddex oday oo kasoo jeeda Reer Xersi, Warfaa iyo Bah Abgaal, oo ay wehliyaan laba xubnood oo ka socda ururada Bulshada Rayidka.

Maxaa dhaliyey dagaalka Qoor Qoor uu wado? 

Sida aan xogta ku helnay, labada oday ee Reer Xersi iyo Warfaa iyo labada xubnood ee ururada bulshada rayidka ayaa si buuxda u taageersan in xildhibaan Saabir dib loo soo doorto, halka odayga Bah Abgaal uu taageersan yahay Cabdulqaadir Cali Cumar.

Sababta taageerada u badisay dhanka Saabir ayaa ah waxqabadkiisa mudadadii shanto sano aheyd. Saabir ayaa shaqo wanaagsan u qabtay dadka uu kasoo jeedo ee deegaanada beeshiisa iyo guud ahaan Galmudug.

Muddadii uu xildhibaanka ahaa wuxuu deegaanada jufada ka dhisay laba ceel-biyood, wuxuuna waxbarasho jaamacadeed oo dibedda ah u diray in ka badan 50 arday oo beesha ah, kuwaas oo uu kharashka ka bixiyey.

Waxaan sidoo kale ogaanay in ergada lasoo xulay ay badankood taageersan yihiin Saabir, ayna u badan tahay in codadkooda siiyaan haddii doorashada la qabto.

Sababta loo baajiyey doorashada

Qoor Qoor ayaa markii uu garowsaday inay sidaas u sareyso rajada dib u doorasho ee Saabir wuxuu go’aansaday inuu baajiyo doorashada, si uu uga fakaro qorshe lagu reebi karo xildhibaanka.

Dagaalka Qoor Qoor ee Saabir ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid uu ku fulinayo danta Farmaajo, oo ay ka go’an tahay inaysan soo laaban dhammaan xildhibaanada beesha Habargidir ee mucaaradsanaa muddadii uu xilka hayey.

Waxaa hadda laga cabsi qabaa in Qoor Qoor uu gebi ahaan liiska musharaxnimo ka saaro Saabir, maadaama haddii codeyn ay dhacdo ay caddahay inuu guuleysan doono.

Sawirro: Cabdisamad Macalin Maxamuud oo maanta loo xildhibaan federaal ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha deegaan doorashadooda ay tahay magaaladaasi.

Doorashada oo kursigii ugu horreeyey ee HOP#139 la qabtay ayaa waxaa kusoo baxay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo loo doortay ka mid noqoshada Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Cabdisamad ayaa si gaar ah loogu xiray kursigan, waxaana u tanaasushay Xamdi Cali Shire oo aheyd malxiisad, kadibna waxaa loo qaaday codeyn gacan tag ah, isaga oo helay 101 cod oo ah dhammaan ergadii goobta ku sugneyd.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa waxaa dhalay hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Xasan, waxaana kursigan uu u muuqdaa mid lagu qancinayo Ahlu Sunna oo horey dagaal ula gashay dowlad goboleedka Galmudug.

Kursigaan ayaa waxaa ku fadhiyay baarlamaanka 10-aad Cabdixakiin Macalin Axmed oo dhowaan loo doortay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashada ee maamulka Galmudug ayaa ka warbixiyey sida ay u dhacday doorashadan oo la qabtay saaka aroortii hore.

Halkan hoose ka aqriso:-

Maanta oo taariikhdu tahay 3-da Febaraayo 2022 guddiga Doorashada Galmudug wuxuu qabtay Doorashada Kursiga nambarkiisu yahay HOP#139 oo  musharax isku diiwaangeliyeen, kalana ah:

1- Cabdisamed Macalin Maxamuud Xasan
2- Xamdi Cali Shire

Waxaa ka tanaasulay tartanka Xamdi Cali Shire waxaa ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Cabdisemad Macalin Maxamuud Xasan waxaana ogol ugu codeeyey 101 oo dhammaan ergada ah.

Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursi HOP#139 Musharax Cabdisemad Macalin Maxamuud Xasan oo helay 101 cod.

 

FARMAAJO oo jug culus ay kasoo gaartay doorashadii Muqdisho iyo Garoowe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar kursi oo kamid ah kuwa reer waqooyiga ayaa shalay lagu doortay magaalada Muqdisho. Kuraastaan afartaba waxaa laga leeyahay degmada Seylac. Sidoo kale dhowr kursi ayaa shalay iyagana lagu doortay magaalada Garowe ee maamulka Puntland.

Kuraasta reer waqooyiga ee la doortay waxaa reer ahaan iyo talaba ku leh madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ay reerkiisu 8 kursi ku leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka.

Maalmahaan waxaa jiray loolan u dhaxeeyey madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa la sheegay in kooxda madaxweyne Farmaajo ay isku dayday in aysan kuraastaan kusoo bixin dhammaan xubnaha uu xiriirka dhow kala dhaxeeyo Ismaaciil Cumar Geelle, balse waxaa la xaqiijiyey inay ugu dambeyn taas ku guul dareysteen.

8-da kursi ee reerka Ismaaciil Cumar Geelle ku leeyihiin Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya laba kamid ah ayaa horay loo doortay, waxaana kusoo baxay dadka Farmaajo ogol yahay, kuwaas oo sidoo kale uu soo bixitaankooda raali ka ahaa Ismaaciil Geelle.

Hase yeeshee afarta saakay la doortay waxaa la sheegay in 3 kamid ah uu Farmaajo rabay in la bixiyo dadkii ugu cadcadaa, kuwaas oo si weyn ugu xiran Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, balse damacii kooxda Farmaajo ma suura gelin.

Kuraasta laga doortay dhanka reer waqooyiga waxaa seddex kamid ah kusoo laabtay dadkii horay ugu fadhiyey, hal kursi ayuuna isbadal ku dhacay oo qofkii horay ugu fadhiyey uusan ku soo bixin.

Kursiga HOP#268 waxaa loo doortay Maxamed Cali Xagaa oo ah wasiir dowlaha wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda federaalka ah, isaga ayaana horay ugu fadhiyey kursigaan, wuxuu ku jiray dadkii maalmihii ugu dambeeyey sida weyn u kala fogaadeen madaxweyne Farmaajo, xagga siyaasadda.

Kursiga labaad ee la doortay dhanka kuraasta Seylac waa HOP#267, Seynab Maxamed Caamir ayaa ku adkaatay tartankii loo galay kursigaan, iyadana ayaana horay ugu fadhisay.

Kursiga HOP#236 waxaa mar kale kusoo laabtay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore, kaas oo isaga horay ugu fadhiyey kursigaan. Ninkaan wuxuu kursigaan ka dhaxlay oo horay looga dilay Aabihiis Cismaan Cilmi Boqore oo mar soo noqday guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga HOP#269 waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, kursigaan waxaa horay ugu fadhiyey Maxamed Cabdullaahi Kaamil, waa kursiga qura ee uu isbadal ku dhacay qofkii ku fadhiyey, marka la eego kuraastii laga doortay dhanka reer waqooyiga.

Dhanka Puntland, iyadana waxaa shalay la doortay dhowr kursi. Kuraasta shalay lagu doortay magaalada Garowe waxaa kamid ahaa kursiga HOP#94.

Kursigaan waxaa loo doortay Sahra Cabdullaahi Cigaal, waxayna badaleysaa Prof. Axmed Ismaaciil Shabeel oo kursigaan ku fadhiyey shantii sano ee lasoo dhaafay.

Kursiga HOP#192 oo kamid ahaa kuraastii lagu doortay magaalada Garowe waxaa kusoo baxay Maxamed Faarax Nuux.

Kursiga HOP#121 oo kamid ahaa kuraastii lagu doortay Garoowe waxaa iyadana kusoo baxday Farxiya Yuusuf Cumar, Kursigaas waxaa horey ugu fadhisay Xildhibaan Canab Xasan Cilmi oo kamid aheyd xubnaha sida weyn uga dhex muuqday Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya shantii sano ee lasoo dhaafay.

Kursiga HOP#14 oo isna lagu doortay magaalada Garowe waxaa kusoo baxay Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar, kursigaan waxaa horey ugu fadhisay Sacdiyo Careys Ciise taasoo kamid noqotay liiska uu Saciid Deni ka saaray Baarlamaanka.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhowr cod oo isaga loo tiranayo ka helay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe.

Doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa si xooli ah u socota wallow ay jiraan cabashooyin xooggan oo ka taagan sida loo maareenayo kuraasta, laakiin golaha wadatashiga qaranka wuxuu u muuqdaa inuu go’aansaday in si walbaba doorashada la dhameystiro oo aan loo istaagin cabashooyinka ka imaanaya qabaa’ilka iyo musharixiinta u taagan kuraasta la dooranayo.

Sharciga caalamiga ah iyo lacagta Imaaraatka ee ay isku hayaan Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah usoo dhoweysay raali-gelintii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyey lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay garoonka Aadan Cadde, bishii April 2018.

Raali-gelintan ayaa waxaa lagu aqbalay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta kadib markii dhaxal-sugaha Abu Dhabu Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan uu Abu Dhabi kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sheegtay, in tallaabooyinka uu qaaday Rooble ay muujinayaan xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal, iyo ka mahad-celinta kaalinta taageero ee Imaaraatka ee dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

“Wasaaradda waxay sidoo kale amaaneysa tallaabada Rooble iyo sida uu Imaaraatka Carabta ugu muujiyey inuu la dhacsan yahay taageeradeeda sanadaha badan ee ay siiso dalkiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Lacagtaas oo dhan 9.6 milyan oo dollar ayaa Soomaaliya waxay xilligaas sheegtay in la doonayey in dalka lagu arbusho, balse safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ayaa ku dooday in loogu talagalay mushaharka ciidamadii Soomaaliya ee uu Imaaraatku tababarayey.

Sharciga Caalamiga ah iyo Lacagta Imaaraatka

Sida uu qabo Mudane Showqi Xayir oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah, Heshiiska Caalamiga ah ee Viena ee xiriirka dublamaasiyadeed ee la saxiixay 1961-dii, qodobkii 27-aad wuxuu ka hadlayaa Qandiga Dublamaasiyadeed.

“Qodobkaasi ka hadlaya boorsada dublamaasiyadeed waxa uu si toos ah u caddeynayaa in waxa keliya ee boorsadaas lagu qaadi karo ay yihiin waraaqo iyo dukumendiyo , ujeedkuna wuxuu ahaa in maadaamaa xiligaasi uusan jirin xiriirka isgaarsiinta danabaysan in safaaradaha ay si xor ah oo aan farogalin lahayn waraaqaha iyo xogta ugu gudbin karaan wasaaradooda arrimaha dibedda,” ayuu yiri Showqi.

Waxaa la sheegay in lacagtii Imaaraatka ee Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay ay ku jirtay qandiga dublamaasiyadeed, kaas oo uu heshiiska Viena qabo in aanan la furi karin, lana baari karin.

Hase yeeshee Shoowqi waxa uu qabaa in ay jirtay sabab macquul ah oo ay dowladda uga shakisay in waxa qandiga ku jiraaye aysan waraaqo ahayn, markii la fureyna laga heley lacag badan.

“Sharciga caalamiga ah waxa uu qabaa in maxkamadaha iyo sharciga dal aanan la marsiin karin hanti ay dowlad kale leedahay, keliya waxaa u furan in ay hayn karaan lacagtaasi intii sano ee la doono illaa inta ay labada dowladood ka gaarayaan is afgarad rasmi ag,” ayuu intaasi kusii daray Shoowqi.

Wuxuuse dhib ka arkaa in dowladda ku kala qeybsantahay arrinta lacagta, muhiimna ay tahay in dowladda ay go’aan mideysan ka gaarto arrinta lacagta, inta taasi ka horeysana ay adagtahay sidii lacagtaasi hal dhinac uu ku wareejiyo Imaaraatka.

Waxa kale oo uu Shoowqi u arkaa in ay quruxsanayd in looga dambeeyo wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, iyadana la macaamisho kiiska lacagta si la mid ah sida Imaaraatkaba yeeleen marka ay hadda ka hadleen arrinta lacagta.

Puntland oo xukun kasoo saartay dilkii Bootaan Cawl

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ku ridday nin lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka Allaha u naxariistee Marxuum Bootaan Cawl, kaas oo oo Garoowe lagu dilay 30/9/2021-kii.

Maxkamadda ayaa xukun dil ah ku ridday  Maxamed Cabduqaadir Muuse (Af-dheere), kadib markii lagu helay dilka Bootaan Cawl oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada badda ee PMPF.

Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa sheegtay inay heshay caddeymo muujinaya in Maxamed Cabduqaadir Muuse (Afdheere) uu dilay marxuumka, iyada oo dalbatay in dil lagu xukumo.

Sidaas daraadeed maxkamadda ciidamada Puntland ayaa toogasho ku xukuntay Maxamed Afdheere, kadib fadhiyo kala duwan oo ay ka yeelatay dacwaddiisa.

Dhinaca kale maxkamadda ayaa digniin adag u dirtay askarta dowladda, waxayna fartay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara fal dambiyeed dil ah.

Ehellada marxuum Bootaan Cawl oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyey go’aanka kasoo baxay maxkamadda, iyaga oo u mahadceliyey dowlad goboleedka Puntland.

Puntland ayaa horey xukuno adag uga soo saartay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka maamulkaasi, ayada oo ujeedka ku sheegtay yareynta dambiyada dilalka.

Maxaa ku qoran warbixinta 2005 ee Muuse Biixi dib uga codsaday Midowga Afrika?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay khudabad ka jeediyey munaasabad lagu xusay sanad guurada 28-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidamada Somaaliland ayaa fariin u diray Midowga Afrika, isagoo eedeymo u jeediyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in shacabka Somaliland uu mudan yahay in la tixgeliyo damacooda, haddii aan wax loo tareyna ugu yaraan in lagula shaqeeyo nidaamkooda qaranimo, madax-banaanida iyo dimuqraadiaydda ka jirta dhulkooda.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa sheegay in madaxda Afrika aysan ku cadaadineyn inay aqoonsi ka helaan, oo Somaliland ay ku qanacsantahay in lagu dhaqmo sharciga xuduudihii gumeystaha, balse ay qaati ka taagan yihiin madaxda Soomaaliya oo la dooneysa inay wax ku darsadaan wadan gubanaya.

“Qaranku wuxuu ku dhisan yahay in looga gar qaado xadkii ma jabineyno sharci Afrika, sharciga Afrika u dhigan ee xududihii isticmaarka, ha la joogo ma jabineyno, Axdi qarameedkeeda ma jabineyno, cidna dagaal kuma wadno, walaalaheen ayaa khaldan oo leh aan wada gubanee kaalaya,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse ayaa Ururka Midowga Afrika ka codsaday inuu sii tixraaco warbixintii guddi Somaliland qiimeyn ku sameeyey sanadkii 2005-tii, taas oo raali gelisay damaca Somaliland.

“Ururka Midowga Afrika ee xaruntiisa Addis Ababa tahay waxaa looga baahan yahay inuu xaqiiqada eego oo wafdigii uu soo diray 2005-tii ee yiri arrinta Somaliland wey ka duwan tahay waxyaabaha ka socda dalalka Afrika ee dib ha loo eego intii halkii laga qaado oo lasoo ambaqaado ayaan deriska iyo Afrikaba ka codsaneynaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

30-kii bishii April ee sanadkii 2005-tii guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socday ururka Midowga Afrika ayaa tegay Somaliland, si ay ugu ku uurgalaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, xorriyadtul qowlka iyo bani’aadanimada.

Muuse Biixi ayaa soo hadal qaaday warbixintii uu diyaariyey guddigaas oo ka koobneyd lix bog, warbixintaas waxay kaga hadlayeen xaqiiqooyinkii ay ku soo arkeen Somaliland, iyagoo booqday goobo iyo gobollo kala duwan.

Warbixintii Guddigaas waxaa lagu sheegay in xubnihii ka socday Midowga Afrika ay wadatashiyo kala duwan la yeesheen dhinacyada siyaasadda, Somaliland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, sida madaxweynaha, golahiisa wasiirrada, ergada ictiraaf u raadinta Somaliland, wakiillada ururrada rayadka, siyaasiyiinta xisbiyada iyo ururrada haweenbka.

Sidoo kale magaalooyinka ay booqdeen ee warbixintaas lagu xusay waxaa ka mid ahaa Hargeysa, Berbera, Boorama, magaalada Sheekh iyo deegaano kale, waxayna sheegeen in dadkii ku noolaa magaalooyinkaas ay aragtidooda ka uruuriyeen.

Warbixinta guddigaas uu diyaariyey ee Muuse Biixi uu soo hadal qaaday waxaa lagu yiri “Bulshooyinka kala duwan iyo siyaasiyiinta aan la kulanay fariintoodu waxay tahay, madax-banaanida Somaliland inay lama taabtaan tahay, gorgortanna aan laga galeyn, dib dambana ay Soomaaliya ula midoobeyn ayna doonayaan inay aqoonsi ka helaan Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka.”

100 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka DR Congo

0

Beni (Caasimada Online) – Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu dilay weerar ay koox maleeshiyo ah Arbacada ku qaadeen xero ay ku noolyihiin barekacayaal oo ku taal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida uu sheegeen madaxa urur samafal oo ka howlgala xerada iyo dadka deegaanka.

Labada ilo-wareed ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in maleeshiyada CODECO ay masuul ka ahaayeen dilka xerada Savo oo u dhow degmada Buule ee gobolka Ituri.

Afhayeenka ciidamada Ituri Jules Ngongo ayaa sidoo kale xaqiijiyay weerarkan in ay fulisay maleeshiyada CODECO.

CODECO oo ah mid ka mid ah maleeshiyaad kala duwan oo ka dagaallama bariga Congo ayaa muddo dheer waday xiisad salka ku heysa dhul iyo kheyraadka dalkaas, waxaana maleeshidan ay ku dileen gobolka Ituri boqollaal qof oo rayid ah, waxayna ku qasbeen kumannaan qof inay ka cararaan guryahooda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Lokana Bale Lussa oo ka mid ah dadka ku nool xeryaha barekacayaasha ayaa sheegay inuu tiriyay in ka badan 60 qof oo dhintay, iyo kuwa kale oo dhaawacyo halis ay soo gaareen, wuxuuna sheegay in dadka xeryaha ku jira oo markii hore beeraley ahaa ay hadda u baahan yihiin amni.

Xerada lasoo weeraray ee Savo waxaa ku nool 24,000 oo qof, oo ka mid ah 1.7 milyan oo ku barakacay gobolka Ituri, sida ay sheegtay hay’adda NRC, waxaana sanadka 2021 lagu dilay ugu yaraan 1,200 oo rayid ah.

Shakhsiyeynta AMNIGA QARANKA SOOMAALIYA

0

Waa maalinimo khamiis ah taariikhduna ay ku began tahay 20ka janaayo, waxaa baraha bulshada wada qabsaday Maqaal(Qormo) uu qoray Agaasimihii hore ee NISA : Fahad Yasiin, Qormadaas waxaa Cinwaan looga dhigay Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa”.

Maqaalku wuxuu dhaliyay falcelin balaaran,waxeyna bulshada u qeybsantay dhowr qeybood:kuwo la dhacay aragtida maqaalka, kuwo diidan fariinta maqaalka iyo kuwo ka aamusay.

Waxaa shaki ku jirin in bulshada Soomaaliyeed ay fahan qaldan ka heystaan “ Heyada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka”,taasoo sabab u ah Dowladnimadii Somaliya oo qolfoof ahaan iyo waaqic ahaan u burburtay sanadii 1991 balse burburkaas dowladeed uu bilowday sanadii 1977 kadib markii ay awood ahaan iyo caqli ahaanba u fashilmeyn ciidankii, sidaas darted oo ay manta Soomaalidu ugu noolyihiin firaaq siyaasadeed dhan walba leh mudo ku siman 31 sano.

Amniga Qaranka waa arrin aad u weyn oo aan lagu xeri karin hadba maamulka jira, waa in si daacadnimo iyo hufnaan ay ku jirto loo dhawraa, oo aan lagu xirin dano gaar ah iyo tixgelin ku meel gaar ah. 

Waa maxay Sirdoon iyo Nabadsugid?

Sirdoonka ama Nabadsugiddu, waa Hayad dowliya, oo ka masuul ah, ilaalinta, uruurinta iyo raadinta, xogaha daahsoon, qarsoon, raadraaca iyo dabagalka arrimaha amniga, sida; Sharciga Dalka, Ammaanka Qaranka, Arrimaha Ciidanka iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda.

Hayadda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ayaa qaabilsan ilaalinta, sirta Dalka guud ahaan, iyo ka hortaga dhagarta cadowga Gudaha iyo kan Dibadda 

Adduunka oo dhan Sirdoonku waxa uu marar badan ku shaqeeyaa qaanuunka iyo garsoorka bannaankiisa; maxaa yeelay, waxay ka shaqeeyaan aagag aan qaanuun ka shaqayn ama ka shaqayn Karin! Sidaa waxaa sameeya Hayadaha Sirdoon ee Dunida ka jira sida CIAda Maraykan, Mossadda Israaiil, GRUda Ruushka, MI6ta Ingiriis, RAWda Hindiya iyo kuwa lamidka ah.

Madaxda Dunida soo maray iyo kuwa ka taliyaba waxay dhego iyo indho ka dhigtaan Hayadda Sirdoon ee Qarankaasi leeyahay, sababtuna waa in Hayaddaa lagu aaminay una taagantahay Ilaalinta iyo Difaaca Masaalixda Qarankaasi leeyahay.

Dowladii kacaanka :

Sanadihii Dowladii Kacaanka ee ka talineysay Dalka waxaa ka shaqeynayay Saddex hayadood oo si wadajir ah uwada qabanaayay, ilaalinta iyo uruurinta xogaha sirta ah ee Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisaba :

1- National security service NSS”.
2- Criminal Investigative Division CID
3- Military Intelligence Unit” oo aheyd heyad u gaar ah ciidammada qalabka sida, oo la dhihi jiray Hayadda Nabadgalyada GaashaandhigaHANGASH

Hey’adaha sirdoonka dunida ugu muhiimsan:

Hadaan dunida u jaleecno Dowlad kasta, waxay leedahay labo ama saddex laamood oo sirdoonka iyo dabagalka u qaabilsan, tusaale USA, (CIA, FBI iyo NSA,) waxaa ugu magacdheer CIA oo dibadda qaabilsan balse waxaa ugu halisbadan NSA, daba-galka aad bay ugu dheeraysaa.

Waddanka Pakistan, wuxuu ku jiraa Hayadaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu sarreeya, laantaas waxaa lagu magacaabaa ISI.

Wadanka Ingiriiska, waxuu leeyahay MI6 iyo MI5 oo arimaha Sirdoonka u qaabilsan, midana waa dibadda (MI6), tan kalena (MI5) waa gudaha. Israa’iil waxaa ugu caansan MOSSAD, balse waxaa jira labo laamood oo lakala yiraahdo AMAN, oo ah sirdoonka dhaq-dhaqaaqa militari, iyo shetbet oo gudaha qaabilsan.

Dagaalka Dowladda Ruushka iyo Dowladda Maraykanka waxaa lafdhabar u ah Sirdoonka iyo soo gudbinta xog xaqiiqo ah. Waxuu sirdoonku kuu sahlayaa, inaad tilaabo tilaabo ula socotid cadowgaaga iyo dhaqdhaqaaqa ay waddaan, waxaadna ka hortagi kartaa, tilaabo kasta bulshada iyo karaamada waddanka lagu wax yeelaynayo.

Sirdoonku waa indhaha ku tusaya cadowgaaga mugdiga kuugu dhakan waana lama huraan in la galiyo waqti iyo lacag badan.

AGAASIME FAHAD YASIN IYO DOORKIISII SHAQADA:

Agaasime Fahad Yasin waa macquul in la-tuhmaayo tuhunkaasina iskugu jiri karo run iyo been, waxaase jirta arrimo aan dood ka taagneyn oo ah in uu yahay nin Hayadeed oo karti badan, wuxuuna dib u habeyn ku sameyay taliskii nabadsugida iyo sirdoonka, wuxuuna tayeyay dhismaha dharcada ilaalada shacabka.

Wuxuna dib u habeyn ku sameyay qeybaha kala duwan ee Hayada, kuwaaso aan shaqeynin tan iyo burburkii Qaranimada kadib.

Mudo yar oo kooban waxaa dib usoo noolaaday Magacii iyo Sumacadii ee Hayadda ku laheyd Qaarada Afrika, waxaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo madax ah ka ah Heyadaha Nabadsugida iyo Sirdoonka, kana kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida.

Maxay ku shaqeyaan Hey’adaha Amniga Qaranka?

Hayadaha Amniga Soomaaliya ayaa ku shaqeeya jawi qalafsan, oo afartii sano mar shaqaalaheeda guud lakala diro, taasi oo kordhisa xasilooni darida Dalka, waxayna arrimahaasi ka mid yihiin caqabadaha waaweyn ee hortaagan in ay horumarto,lana jaanqaado, dhigeeda.

Su’aasha dad badani maskaxdooda ka guuxeysa ayaa ah mala kala diri donaa shaqaalaha Heyada Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka sidii horay loo sameyay doorashadii hore, goormaase dhaqankaasi laga garaadsan donaa? Siduu noqon doonaa mustaqbalka Hey’ada NISA?

Muxuu ku xeran yahay horumarka hey’ada?

Horumarka Hey’ada wuxuu ku xeran yahay in la sameeyo kulliyado,  machadyo ku takhasusay Amniga Qaranka iyo Daraasaadka Istaraatiijiyadeed.lana Maskaxshiilo dhalinta Soomaaliyeed ee soo kacaysa laguna hago jidka Dowladnimda iyo sareynta Sherciga,  kaadiriin ku takhasusay dabagalka,  falanqaynta iyo samaynta cilmi baaris ku saabsan isdhexgalka gobolka iyo kuwa caalamka, shaqada aqooneed iyo cilmi baariseed waa udub dhexaadka shaqada Hayadaha Amniga.

HAL BACAAD LAGU LISAY:

Bulshada Soomaaliyeed waxee qaati ka taagan yihiin Siyaasiiin dantooda ku colloobay, dantoodana ku heshiin doona, dhexdoodana ay ku xiiqeyn guulwadayaal, waxaa igu soo dhacday oraahdii Michelle Obama oo aheyd :”In aad madaxweyne noqotaa ma beddelayso qofka aad tahay, balse waxa ay bannaanka soo dhigaysaa qofka aad tahay

Waxaa aad usoo badanaya siyaasiyiin danley ah oo marinhabaabinaya bulshada, una gudbinaya warbixino aan ku dhisneyn Xilkasnimo, Daaacadnimo iyo Wadani,nimo.

Caqliga siyaasiga Soomaaliyeed waa inuu kala gartaa Danaha Diblomaasiyadeed ee Qaranka, Danaha Amniga ee Qaranka iyo loolanka kursiga villa Somalia dhexyaal.

Agaasimaha Heyada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka waa boos siyaasi ah oo la mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada, Wasiirku wuxuu madax ka noqdaa Wasaarad, mudo kadibna waa ka tagaa balse jiritaanka wasaarada waxba iska ma badalo.

Waxaa aan rabaa inan dhaho Golaha midowga Murashaxiinta iyo dhamaan dadka siyaasada kujira in ay Dalka iyo Dadka u turaan kana daayaan in markasta Heyadaha Dowlada laga bilaawo eber {from zero}, waa ka jiri karaan Heyadaha Dowlada dhexdood dhaliilo, musuqmaasuq baahsan, farsamo xumi, kutagrifal awooded balse waxaa loo baahan yahay in aad la timaadaan qorshayaal horumarineed oo dhankasta leh.

Waxee bulshada Soomaaliyeed idinka sugeysaa in Dastuurka Dalka la dhammaystiro, oo afti dadwayne loo qaado, lana tayeeyo Heyadaha Dowliga kuwooda ugu muhiimsan sida Maxkamadda Sare, lana daadejiyo federaalka, lana kobciyo waxsoorkaarka khayraadka, Isku filnaasha buuxdana laga gaaro Amniga Qaranka, iyo hirgalinta Dhabuheshiisiin loo dhan yahay.

Haddii aanan intaa la idinka helin waxaa wadaan waa maan guracan iyo garasho jaan.

Mohamed Ahmed Jiinte – Waxaad kala xiriiri kartaa [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Daawo: KHEYRE ‘oo hor-istaagay’ musharaxnimadii Mukhtaar Sheekh Xuseen

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale oo ahaa musharax xildhibaan ayaa ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ku eedeeyey inuu ka hor-istaagay inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee HOP#049.

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa horay ugu fadhiyey kursigaas, waxaana maanta mar kale loo diiwaan geliyey inuu u tartamo.

Mukhtaar ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre uu ka shaqeeyey in kursigaas oo beesha Habarcayno ee Murusade ay ku leedahay golaha shacabka loo xiro Mustaf Dhuxulow oo aan lagula tartamin.

Sidoo kale eedeyntaan waxaa soo galay Nabadoon Xaad oo Xasan Cali Kheyre wakiil uga ah kuraasta beesha ee Galmudug taalla, sida uu sheegay musharaxaan la reebay.

“Waxaan u sheegayaa umadda Soomaaliyeed, beesheyda iyo ra’iisul wasaare Rooble, in ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu boobayo kuraasta beel-weynta Murusade, isagoo adeegsanaya Adeerkiis Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, taas oo keentay in kursiga aan u tartamaayey ee Hop049 loo xiro Mustaf Dhuxulow,” ayuu yiri Mukhtaar Sheekh Xuseen.

Ninkaan oo galabta warbaahinta la hadlay ayaa cadeeyey inuu isaga haray tartanka kurigaas, kadib markii laga hor istaagay tartanka, isagoo sheegay in Nabadoon Xaad iyo Kheyre aysan dooneyn in kursigaas lagula tartamo Mustaf Dhuxulow.

Afar kursi oo kursigaan cabashadu ka timid uu ku jiro ayaa berri lagu dooranayaa magaalada Dhuusamareeb, waxaana musharaxiintii maanta la diiwaan geliyey ka mid ahaa wiil uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu-Sunna iyo Mustaf Dhuxulow.

Hoos ka daawo

Guddiga Doorashada oo shaaciyey haddii doorashada la dhameyn karo kahor 25-ka Febraayo iyo haddii kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli kasii socota dalka, ayada oo muddadii loo qabtay in lagu gaba-gabeeyo ay ka harsan tahay 23 maalin oo keli ah.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa 9-kii bishii hore go’aamiyay in doorashada xubnaha Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo muddo 40 Cisho laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Haddaba, mudada kooban ee hartay ma lagu soo gaba-gabeyn karaa doorashada Golaha Shacabka, mise dib u dhac kale ayaa ku imanaya?

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina oo warbaahinta kula hadlay maanta gudaha Dugsiga Tobabarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa sheegay in doorashooyinka Golaha Shacabka ay u socdaan sidii loogu talo-galay.

Safiina ayaa waxa uu xusay in maalinta berrito ah ay soo xiri doonaan doorashada 100 kursi oo Golaha Shacabka, islamarkaana ay dardar-geliyeen doorashada.

Sidoo kale waxa uu rejo wanaagsan ka muujiyey in jadwalkii doorashada ee loo asteeyay 25-ka bishaan lagu soo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Ugu dambeyntiina waxa uu faray guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka doorashada inay si deg deg ah u shaaciyaan jadwalka doorashooyinka ee deegaanadooda lagu qabanayo.

Doorashooyinka ayaa waxaa dhowr jeer ku yimid dib u dhacyo, ayada oo ay shaqeyn waayeen jadwal doorashooyin kala duwan oo lasoo saaray, waxaana xiligaan lagu wadaa in doorashada Golaha Shacabka ay kusoo afmeermaan waqtigii loogu tala-galay, ama ugu yaraan bisha kale bilowgeeda.

Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Jeneraal Biixi oo dacwad looga furayo UK

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta, Odayaasha iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka digay in ciidamada dhawaan la geeyay magaaladaasi ay keeni karaan iska horimaad gacan ka hadal ah, iyagoo xusay inay taliyaha ciidamada lugta ee Dowladda Soomaaliya kala xisaabtami doonaan cid kasta oo ku dhimata Beledweyne.

Warqad qoraal ah oo loo diray Ra’iisal Wasaare Maxamed Rooble oo nuqul ka mid ah sidoo kale la gaarsiiyey Beesha Caalamka, ayey Madaxda Beesha Xawaadle kaga digeen in Ciidamada la geeyey Beledweyne uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u isticmaali rabo boobka kuraasta taala Beledweyne.

“Waxaan rumeysannahay in ciidamada qalabka sida ee la geeyey Beledweyne ay tahay fal daandaansi ah oo keeni kara iska hor imaad dhex mara bulshada Hiiraan, taasoo keeni karta barakac iyo amni darro hor leh, xilli in ka badan laba milyan oo shacabka Soomaaliyeed ah ay qarka u saaran yihiin inay macluul u dhintaan halka kala bar Soomaalida ay wajahayaan cunto yari,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu qoray warqadda.

Sidoo kale warqadda ayaa walaac looga muujiyey in ciidamada la geeyey magaalada Beledweyne aysan hoos imaan talisyada ciidamada, islamarkaana aan lasoo marsiin Wasaaradda Amniga iyo habraacyada ciidamada loo dajiyey.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay inay isku aaday hadalkii  dhawaan ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka maamulka Goboleedka HirShabelle ee ahaa in dhammaan kuraasta baarlamaanka Beledweyn ay “ku guuleysanayaan” musharaxiin ay iyagu doortaan, beeluhuna aysan wax door ah ku yeelan doonin.

“Waxaan rumeysannahay inuu xiriir ka dhaxeeyo ciidamada la geynayo Beledweyne iyo hadalka ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ee ahaa in doorashada lagu shubtay aysan ahayn wax iska yimid oo kaliya balse uu yahay qorshe uu soo abaabulay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu saameyn ugu yeesho natiijada doorashada,” ayay yiraahdeen hoggaamiyeyaasha beesha Xawaadle.

Ugu dambeyntii warqadda ayaa lagu xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono taliyaha ciidamada dhulka ee Soomaaliya SNA Sareeye Guuto Maxamed Tahliil Biixi oo ay sheegeen inuu hoggaaminayey ciidamada la geeyey Beledweyne, waxana warqadda lagu xusay in Biixi oo ah muwaadin UK ah in lagu dacwayn doono sharciga ‘Overseas Operation Law”  ee baarlamaanka UK uu ansixiyay sanadka 2021.

Shir ay dhawaan isugu yimaadeen Xildhibaano hore xilal kala duwan u soo qabtay, Madaxweynayaashii hore ee HirShabelle, Qurbajoogta Beesha Xawaadle iyo qeybaha bulshada ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin in ciidamo la geeyo magaalada Beledweyne, iyagoo xusay in xaaladda ka jirta magaalada Beledweyne ay tahay mid siyaasadeed, islamarkaana wax looga qaban karo oo kaliya wada-hadal iyo dib u heshiisiin.

Hogaamiyayaasha ayaa intaa ku daray in soo daabulitaanka ciidamada Haramcad iyo Gorgor oo labaduba uu tababaray dalka Turkiga ay sidoo kale jebiyeen heshiisyadii siyaasadeed ee dhawaan ay gaareen golaha wada tashiga qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaas oo ciidamada ka mamnuucay in ay galaan siyaasada.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa taalo 25 Kursi oo kamid ah 38-ka kursi ee HirShabelle, wuxuuna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dadaalayaa sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa kuraastaas.

GALMUDUG oo hakisay doorashada kursiga uu ku fadhiyo xildhibaan SAABIR

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa goordhoweyd shaaciyay inay hakiyeen doorashada kursiga tirsgiiisu yahay HOP#071, kaasi oo doorashadiisa la qaban lahaa maalinta berri ah.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiyey xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan Habargidir.

Guddiga ayaa sheegay in aan la dhameystirin habraacyada doorashada kursigaas, ayada Axadii soo saartay jadwalka qabashada doorashada iyo guddiga soo xulista.

Sida uu markii hore qorshuhu ahaa maanta waxa bilaabmeysay qabashada araajida, diiwaan-gelinta lacag shubista iyo shahaado siinta musharaxiinta kursigaas oo tirsigiisu yahay HOP#071.

Inkasta oo guddiga uusan si faah-faahsan uga hadlin habraacyada aan dhameystirneyn ee loo hakiyay kursigan, ayaa haddana waxaa soo baxeysa in uu khilaaf ka jiro kursigaas oo musharaxiin ka tirsan ay sheegen in ay iskaga hareen tartanka.

Kursiga la hakiyay doorashadiisa ayaa waxaa hadda ku fadhiya Xildhibaan Saabiir Nuur Shuuriye, lamana oga illaa hadda xiliga dib loo shaacin doono jadwalka doorashadiisa.

Si kastaba, Guddiga ayaa doorashada kursigaas ku badashay HOP#061 oo maalinta berri ah la qaban doono doorashadiisa, ayada oo maanta ay bilaabatay qabashada araajida, diiwaan-gelinta, lacag shubista iyo shahaado siinta msuharaxiinta, iyo weliba dhameystirka tobabarka egrada.