26.7 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Siyaasadda Rooble ee ku wajahan Imaaraadka oo si rasmi ah u dhaqaaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbeddel weyn oo dardar ku socda ayaa ka muuqda siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo ah dal aan wax xiriir ah la laheyn Soomaaliya tan iyo bishii April 2018.

Xilligaas ayaa sirdoonka Soomaaliya waxay garoonka Aadan Cadde ku qabteen lacag dhan 9.6 milyan oo dollar, oo ay sheegeen in lagu arbushi rabay xasilloonida dalka, balse Abu Dhabi ay sheegtay inay aheyd lacag loogu talo-galay ciidamada Soomaaliya ee xilligaas ay tababari jireen.

Hase yeeshee, 7-dii Janaayo, Rooble ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah oo uu Imaaraadka Carabta kaga raali geliyey dhacdadaas, sidoo kalena ku ballan-qaaday inuu soo celin doono lacagtaas.

Wixii markaas ka dambeeyey, waxaa muuqata in xiriirka labada dal uu soo wanaagsanaanayo, si gaar ahna in dowladda federaalka ay qaadeyso tallaabooyin ay Imaaraadka Carabta ugu muujineysa inuu dhab ka yahay isbeddelka ay ballan-qaaday.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa shalay oo Arbaco ahayd khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Imaraadka Carabta, Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii ay Xuutiyiinta ku qaadeen magaalada Abu Dhabi.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah, iyaga oo isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran. Waxaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.

Waxay aheyd markii labaad toddobaad gudihiisa oo dowladda federaalka ay qaado tallaabo ku wajahan dhanka Imaaraadka Carabta.

Markii uu dhacay weerarkii Abu Dhabi Isniintii, dowladda federaalka ayaa isla maalinkii soo saartay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo lagu cambaareeyey weerarkaas.

Rooble ayaa toddobaad kahor wuxuu shirkii Golaha Wasiirada ka shaaciyey in marnaba aysan suurta-gal aheyn in Soomaaliya ay colaadiso dalal kala dhaxeeyan dano badan, islamarkaana aysan si gaar ula macaamilin dal gaar ah, kuwa kalena aysan fogeyn, ayada oo xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso sida uu sheegay siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa hadda muuqata in dowladda federaalka ay tallaabooyin deg deg ah u qaadeyso inay Imaaraadka ku qanciso in siyaasaddii Farmaajo ee ku wajahneyd Abu Dhabi ay beddeshay siyaasadda Rooble.

Faah-faahin ku saabsan nabaddoon caan ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysnaa oo galabta ay kooxo hubeysan ka geysteen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Toogashada oo ka dhacday xaafada Fagax ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxaa loo geystay Nabadoon caan ka ahaa degmadaas oo lagu magacaabi jiray Geesey Cusmaan Cabdulle.

Sida ay sheegen dad deegaanka ah kooxda dilka fulisay ayaa markiiba ka baxsaday goobta, ayada oo halkaasi ay tageen ehellada marxuumka la dilay iyo Ciidamao ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Laanta Fagax.

Ciidamada ayaa goobta uu dilka ka dhacay ka sameeyay howl-gal, kaasi lagu baadi-goobayo kooxdii dilka fulisay, illaa hadda majirto cid weli loo soo qabtay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo laamaha amaanka oo ku aadan dhacdadaan, oo qeyb ka ah dilalka qorsheysan ee muddooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaasi oo loo geysto Askar ka tirsan ciidamada, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Odayaasha dhaqanka, waxaana inta badan sheegata kooxda Al-Shabaab.

Muuse Biixi oo digniin culus u diray madaxda DF kadib tallaabooyin ay qaadeen

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga jawaabay tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku wiiqday ololihii ictiraaf raadinta ee maalmihii u dambeeyay laga waday baarlamaanka UK.

Muuse Biixi ayaa uga digay madaxda dowladda federaalka in markale ay ka dagaal gasho inay meel marto qadiyada Somaliland, wuxuuna tallaabooyinkaas uu ku tilmaamay mid sii kala fogeynaysa dadka Soomaalida ah.

“Dowladda Muqdisho iyo dadka waxaas ka talinaya waxaa u sheegeyna in waxaas ay sii kordhinayaan naceyb, kala fogaansho iyo colaad dheeraata oo ku dhex beeraysan Soomaalida dhexdeeda, caqliyad ma aha in cadaawad fogaata inay usii taagnaato ubadkeena soo socda,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland aan lagu qasbi karin ka laabashada madax-banaanideeda iyo masiirkeeda, islamarkaana ay diyaar u tahay inay wax walba u bixiso qadiyadeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Qaran ahaan Somaliland waxay si gaar ah ugu mahad-naqaysa jaaliyada reer UK oo si gaar ah xil iskaga saaray oo kasoo shaqeeyay howshaas, sidoo kale waxa u mahad-naqeyna cidkasta oo qadiyada Somaliland taageeraysa mid dhaqaale iyo aqooneedba.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda Somaliland iyo shacabkeeda waxay ka mideysan yihiin inay wax walba u huraan madax-banaanida iyo helida aqoonsiga wado kasta oo ay u marayaan iyo culeys kasta oo ay ku kaceyso.”

Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa imaneysa xilli ay dowladda federaalka wiiqday isku day olole loogu raadinayay aqoonsiga Somaliland, kaasi oo ay wadeen xubno ka tirsan baarlamaanka UK.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa wada-hadal telefoon ah oo uu la yeeshay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Vicky Ford, ku booriyay ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee labada Dal.

Sidoo kale Wasiirka qorsheynta xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa weerar shaqsi ah ku qaaday xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii barlamaanka UK horgeeyay mooshinka looga doodayay aqoonsiga Soomalailand.

“Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Wasiir Jamaal.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay Somaliland dadaal badan ku bixineyso sidii ay u heli laheyd aqoonsi, inkasta oo go’aanka ah in dal madax-banaan loo aqoonsado uu ku dhaqan-geli karo heshiis dhex-mara Soomaaliya, taasi oo illa hadda u muuqan mid suurtagal ah.

‘Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa’ – Faallo uu qoray FAHAD YAASIIN

0

Waxay ahayd 15, kii Agoosto 2018, markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ii magacaabay Ku Xigeenka Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka. 

Waxey ahayd masuuliyad culus iyo shaqo igu cusub, balse waxaa ii muuqatay muhiimadda ay leedahay shaqada sirdoonka qaranka oo ah ilaalinta nabadda iyo danaha Qaranka, iyadoo bartil-maameedka ugu horreeya uu yahay helidda xog sugan oo ka dhigi karta sirdoonkeenna mid la isku halleyn karo oo dhammaystiran. 

Kolkii aan xog urursadey, una fiirsaday shaqada iyo waajibaadka horyaalla hay’adda waxaan fahmay sadex arrimood oo aad u muhiim u ah. 

Waa tan koowaadee, halka dal ka dhismo, ka horumaro, lagana cabbiro awooddiisa inay tahay tayada sirdoonkiisa. Waa tan labaadee, waxaan u tagay saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo xubno kala duwan, oo leh aqoon iyo xirfad lasoo dhisayay tan iyo markii la aasaasay, sanadkii 1970-kii, kuna hubaysan daacadnimo iyo dal jacayl. Waa tan sadexaadee, waxaan la kulmay dhallinyaro karti iyo aqoon leh oo u baahan isku dubarid iyo dib u qaabayn, si ay uga hortagaan ururada argagixisada iyo kooxaha kale ee abaabulan ee khatarta ku ah amniga dalkeenna. Hay’adduna awood buuxda ugu yeelato dhexgalka cadowga iyo helista xogohooda. 

Sadexdaas isla jaanqaadkooda ayaa keenaysa in nabadda iyo barwaaqada shacabkeenna ay ku xiran tahay horumarinta iyo tayeynta Sirdoonka Qaranka, sababtoo ah dal aan laheyn amni la isku halleyn karo marna ma gaarayo horumarka iyo barwaaqada uu hiigsanayo.

Tilmaamaha iyo dardaaranka Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ee aan shaqada ku bilaabay waxaa saldhig u ahaa gaarista laba yool; Soo celintii tayada iyo awooddii Sirdoonka Qaranka, si ay tartan ula gasho Hay’adaha dhiggeeda ah ee gobolka iyo qaaraddaba, ulana jaanqaaddo dunida sirdoonka casriga ah, islamarkaana u gudato waajibaadka ka saaran ammaanka Qaranka ee guddaha iyo dibbada. 

Tan xigtana, waxay ahayd soocelinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Sirdoonka Qaranka, waxayna ka bilaabanaysa Xamar oo nabad ah, oo degan, taas oo ah arrin mudan in ahmiyad wadareed lawada siiyo. 

Dhanka shaqada waxaa Madaxweyne Farmaajo welwel iyo feker joogta ah ku hayey tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhasha qaraxyada iyo beegsigii tooska ahaa ee lagu ugaarsan jiray hal-doorkii shacabka, iyadoo bil walba la horgayn jiray tirakoob qeexaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda, oo ay bilaha qaar dhici jireen wax ka badan 85 fal danbi, oo u kala qaybsan qarax, beegsi toos ah iyo burburin hanti, ayna ka dhalan jirtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

Dhismaha dharcadda [ilaalada shacabka] waxay noqotay qoshe mira dhalay, oo noqday saaxiibka koowaad ee bulshada, tababar heerkiisu sarreeyo iyo tayayn lagu sameeyey dhallinyarada waxbaratay ayaa keentay inay dhismaan dharcadda ilaalada shacabka. 

Waxaa xasuus mudan askari katirsan Ilaalada shacabka in loo soo bandhigey fursad ah in loo magacaabayo Guddoomiye Degmo. Askarigaasi wuu diiday dalabkaas, isagoo ku jawaabay, ilaalada shacabka waa shaqadii ugu wanaagsanayd ee aan Qaranka u qaban lahaa, waana ilaalinta nafta iyo maalka bulshadeenna, taasoo muujinaysa miisaanka iyo micnaha ay agtooda ka leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed sugidda amniga bulshada iyo tan Qaranka.

Qorshe isku tashiga ayaa jiray, wuxuuna ahaa qorshe aad u balaaran oo saldhig u noqday sidii loo heli lahaa hay’ad ku taagan wixii lagasoo dhex dhaliyo maskax-shiilka dhallinyarada khubarada ah ee la carbiyey, kuna hawlan sidii afkaar-curintooda loogu rogi lahaa shaqo raadkeeda ay dadku arkayaan oo qaranku u aayo!

Qorshahaas baa keenay in hangool la iskaga qabto wax soosaar aynaan ummad ahaan curintiisa waxba ku lahayn ama la falgalkiisa aanad ku filnayn, kaas oo ku tiirsan, kuna xiran taakulo shisheeye oo si joogta ah kuula nool. 

Tan waxay ahayd taladii ugu haboonayd ee la qaatay. Taladaas waxay na gaarsiisay in Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed lagu hago aqoon iyo khibrad ay curiyeen ama la falgaleen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo jecel sidii uu dalkooda u hormari lahaa.

Qiimaynta sadexdii bilood walbaba, waxaa soo hagaagayey jawiga nabadeed ee dalka, waxaana is dhimayay tirada dhimashada ka dhasha falalka kala duwan ee argagixisada, wuxuuna gaaray hoos u dhac ballaaran oo bilaha qaar dhici jireen wax kayar sagaal fal danbiyeed ay ku dhinteen ama ku dhawaacmeen tiro boqolkiiba sagaashan ka hooseysa sidii sanadihii hore ay ahayd. 

Madaxweynaha iyo madaxda kala duwan ee Qaranka waxay taas uga dhignayd farxad iyo horumar, waxayna dhiirrigalin joogta ah la garab taagnaayeen shaqada wanaagsan ee ay u tagaanyihiin hay’adaha amniga Qaranka guud ahaan, iyo hay’adaha sirdoonka ee kala duwan. 

Dagaalkii qaboobaa wuxuu sirdoonkeenu ahaa mid dunida ka tilmaaman oo dunidu ku kutashato, saamayn weyna kulahaa siyaasadaha dunida iyo xiriirada kala geddisan ee caalamka. 

Dhawr dowladood oo qaarada Afrika katirsan oo xilliyo kala duwan aanu kulannay ayaa nooga sheekeeyay sidii sirdoonka Soomaaliya uu sabab ugu noqday dhismaha dalkooda iyo dhismaha hay’adda sirdoonkooda, hadday tahay tababarid iyo qalabaynba. 

Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha Hay’ad Sirdoon oo dal Afrika ah ka socday oo Xamar igu soo booqday ayaa shirkeennii ku furay in xaruntan NISA uu ku qaatay tababarkiisi koowaad markii la aasaasayey sirdoonka dalkooda sanadkii 1979-kii, wuxuu markale naga codsaday inaan siinno tababaro dhanka la dagaallanka argagixisada ah. 

Hay’adaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu saamaynta badan waxay sheegaan in NISA ay kamid tahay Hay’adaha ugu awoodda badan qaaradda Afrika xaga la dagaallanka argagixisada, halka Gobolka Geeska Afrikana ay NISA hormuud u tahay dhanka la dagaallanka argagixisada, laguna kalsoonyahay xogtooda iyo khibradooda. 

Muddadii aan Agaasimaha Guud ka ahaa Hay’adda Sirdoonka Qaranka, saddex sano ee u dambaysay waxaa booqasho rasm ah noogu yimid Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo ka kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida, iyo kuwa qaaradda Afrika oo aan qaarkood daris nahay ama isku khatar amni ah wada leenahay, iyagoo si qotodheer u fahamsanaa awoodda iyo khibradda ay leeyihiin saraakiisha sirdoonka Soomaaliya. 

Xusuustayda waxaanan ka tirmi doonin sheekooyin yaab leh oo ahaa kuwo dhaliyay guulo saamayn weyn ku yeeshay nabadda iyo daganaanshaha. Dabcan dhammaantood masoo qaadan karo balse haddii aan soo qaato mid iyo labo; waxaan ogaannay sarkaal katirsan Hay’adda inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah shabaab, una qaabilsanayd dabagalka sirdoonka Soomaaliya, sarkaalkani wuxuu ahaa sargaalkii labaad ee ay haweenaydaasi sidaas ku guursato. Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dambana ay khaarijiso. 

Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wuxuu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan. 

Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dhammaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo biirista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay warqadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan shaqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaqeeyo wiilkeeda.

Horumarka adeegga NISA, waxaa lafdhabar u ah Shacabka qaybihiisa kala duwan, oo qaarkood waddamo kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo sabab u noqday guulo waaweyn oo uu gaaray sirdoonkeenna. Sidoo kale, dunida oo dhan waxay isla qirsantahay, in sirdoonku uu hadafkiisa gaari karo marka uu haysto Madaxweyne hagaya oo leh qorshe qaran oo fogaan arag ku qotomaa, waana sababta uu Madaxweyne Farmaajo marwalba rafiiq iyo wadaay ugu noqday Ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed. 

Waa hubaal in hammiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka dawlad cago adag ku taagan ay qayb ka tahay horumarinta iyo tayaynta laamaha amaanka iyo sirdoonka qaranka. Waxa kale oo hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxayaan kor u qaadidda awoodda iyo jiritaanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Marka aad wanaag fasho, niyad sami la timaaddo, dad aqoon iyo xirfad u lehna hawsha la kaashato, waxaad filanaysaa natiijo wanaagsan oo waxtar uleh qarankaaga.

(Qoraagu waa Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS.)

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Sawirro: Shiinaha oo ballan-qaad culus u sameeyey DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay danjiraha Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, FEI Shengchao.

Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa waxaa diiradda lagu saraay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaham gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday sidii ay dowladda Shiinuhu u bilaabi laheyd mashaariic horumarineed oo laga fulinayo dalka, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada shacab ee saaxiibbada ah.

Danjiraha Shiinaha oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u tahay saaxiib istaraatiiji ah, wuxuuna ballan-qaaday inay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay sii wadidda taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya iyo ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida.

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada iyo kaalinta ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka daneeya Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa mashaariicyo kala duwan, isaga oo sidoo kale ka qayb-qaata arrimaha bani’aadanimada ee dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada

 

Guddoomiye cusub oo loo doortay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Rooble oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa maanta doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacdayxerada Teendhada Afisyoone oo taalla xerada Xalane ee magaalada ee Muqdisho.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa isku soo taagay laba musharrax oo kala ah Maxamed Cawil Warsame & musharax Mustaf Macalin Cali, waxaana markii dambe tanaasulay Mustaf.

Kadib xubnaha guddiga ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey musharrax Maxamed Cawil oo helay 21 cod, wuxuuna sidaasi ku noqday guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta.

Maxamed ayaa ku cusub guddiga wuxuuna ka mid yahay xubnihii uu Rooble ku beddalay todobadii xubnood ee uu horay uga saaray Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Sidoo kale musharraxa laga guuleystay ayaa guddiga kasoo galay dhinaca Galmudug, waxaana soo magacaabay Qoor Qoor oo haatan aad ugu dhow Farmaajo

Tani ayaa ka dhigan inuu markale ra’iisul wasaaru hantiyey Guddoonka Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo muhiim u ah doorashada haatan ka socota dalka, waana guddiga kaliya ee go’aanka ka gaarayo kuraasta ay cabashada ka timaado ka hor doorashada ama kadib.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay doorashadan ayaa isla-markiiba u hambalyeeye guddoomiyaha cusub ee la doortay.

“Hambalyo Gudoomiyaha cusub ee guddiga Xalinta Khilafaadka Doorashooyinka Md Maxed Cawil Warsame,” ayuu yiri Al-Cadaala oo ka mid ah xubnaha ku dhow ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Doorashadiisu waa talaabo wanaagsan oo kaalin wayn ku leh ilaalinta Hufnaanta Doorashada,”.

Waa guushii labaad ee uu helay Rooble, kadib markii dhowaan xilka guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban loo doortay Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay dhinaca Puntland, kadib markii ay garab siiyeen Saciid Deni iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan lasii amba qaaday Doorashada Golaha Shacabka oo la filayo in lasoo gabagabeeyo 25 febraayo ee sanadkan 2022-ka.

AXMED MADOOBE ma ku abaal-dhacay Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa si toos ah loo guda galay, musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa ti toos ah u bilaabay ololahooda xukun doonka ah.

Maamulada qaar waxay u diyaarsan yihiin inay 100% kaarkooda saartaan madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Inta la ogyahay Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maran gacanta madaxweyne Farmaajo.

Mucaaradka Xamar jooga waxay waqti dheer rajeenayeen in codadka labadaas maamul ee Puntland iyo Jubbaland ay wax fiican ka heli karaan marka la gaaro xilliga doorashada, balse waxaa meel dhexe uga soo baxay Saciid Cabdullaahi Deni oo aaminay inay fursad madaxweyne ku jirto halkaan.

Musharaxnimada Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa rajada codadka musharixiinta mucaaradka ka dhigtay sida Farmaajo oo laga xirtay codadkii Puntland.

Waxaa soo haray Jubbaland, Farmaajo wuxuu 16-kursi geystay magaalada Garbahaarey, dadka uu isagu rabo ayaa heli doona kuraastaas, ma u codeyn doonaan waa dood kale.

Kuraastii Kismaayo ku hartay ayey mucaaradka baadi rajo ka qabeen, laakiin dhawaan Axmed Madoobe oo Muqdisho uga qeybgalay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa la kulmay xubno kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka, wuxuuna toos ugu sheegay inuu dhisayo Saciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Madoobe wuxuu sheegaa inuu Saciid Deni ku leeyahay abaal badan oo siyaasadeed. Axmed oo dib usoo doorashadiisii muran badan la geliyey, loona diiday aqoonsigii dowladda dhexe wuxuu si weyn ugu baahnaa ictiraaf siyaasi ah, maadaama uu ciidan ahaan ku tiirsan yahay dowladda Kenya.

Waxay aheyd 2 Sano ka hor, Axmed wuxuu aqoonsigiisa dul dhigay xafladdii caleema saarkiisa. Saciid Deni wuxuu ahaa dhanka maamul goboleedyada, maamulka qura ee tagay caleema saarkaas, laakiin maamul goboleed miyaa aqoonsi siin kara maamul goboleed kale? Jawaabtu waa maya.

Axmed Madoobe wuxuu markaas u baahnaa madax heer Qaran ah, Labadii madaxweyne ee hore ee Soomaaliya, guddoomiye ku xigeenkii Aqalka sare iyo dhammaan xubnihii mucaaradka ayaa u duubtay in Axmed Madoobe loo sharciyeeyo doorashadiisa.

Qaarkood halis duulimaad ayey la kulmeen, balse ugu dambeyn waa ku guuleysteen in Axmed uu u noolaado, sidii madaxweyne sharci ah, iyadoo dowladda federaalka ay markii dmbe ku qasbanaatay inay aqoonsato Axmed Madoobe.

Madaxdii heer Federaal ee u dagaalantay aqoonsiga Axmed Madoobe, maanta waa laga soo xirtay albaabada Jubbaland, Axmed-na wuxuu leeyahay Saciid Deni oo kaliya ayaa abaal igu leh.

Dood kama taagna inuu Deni siyaasad ahaan u garab istaagay Axmed Madoobe, laakiin kaligiis waxba uma tari karin.

Lama yaqaano waxay maanta dareemayaan xubnihii shalay naftooda halista u geliyey inay Axmed Madoobe difaacaan, si uu xilliga doorashada u garab siiyo, balse maanta irdaha laga soo xirtay.

Axmed Madoobe sida muuqata Saciid Deni oo qura ayuu u abaal gudayaa maanta, waana cashir siyaasi ah oo la diiwaan geli doono.

Waxa qura ee arrintaan laga baran karo waa sida siyaasiyiinta Muqdisho kasoo jeeda ay ugu liitaan akhrinta iyo is waafajinta waxa taagan iyo timaatada. Dagaallada ay mabda’ la’aanta u galaan iyo inay rajooyinkoodii siyaasi ga ah dul dhigeen xubno aysan ballan xoogan kala dhaxey.

Inkastoo aan la aqoon halka ay codka geyn doonaan xubnaha lasoo siin doono kuraasta, haddana waxay dad badan aamisan yihiin in tallaabada Axmed Madoobe ay dhallin doonto in siyaasiyiinta Soomaalida ah ay cashir ahaan u heystaan inta aysan mar walba qaadin tallaabo laab la kac ah.

Cumar C/rashiid oo weerar culus ku qaaday madaxda maamul goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee dib loo bilaabay, kadib heshiiskii Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore walaac ka muujiyey hannaanka doorashada, wuxuuna sheegay in weli kuraasta baarlamaanka lagu hayo boob, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shaaciyey in boobka socda uu ka awood badan yahay habraacyada doorashada ee lasoo saaray, taasina ay keentay in la xakameyn waayo.

Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madax goboleedyada oo uu tilmaamay in awooda oo dhan loo gacan geliyey, isla-markaana ay iyagu maamulanayaan ergooyinka, halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen, ayna soo saarayaan xildhibaano daacad u ah.

“Sida bareerka ah ee gacmaha loola galay qabaa’ilada kuraastooda waxay keentay in la xakamayn waayo, waayo habraaca doorashada waxaa awood lagu siiyay dowlad goboleedyada in ay yeeshaan awoodda ergooyinka halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen arrintaas,” ayuu yiri ra’iisul wasaare hore Mudane Cumar Cabdirashiid.

Sharmaarke oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in arrintan ay keeni karto in xoog lagula soo baxo xildhibaanka la rabo, taasina ay tahay mid xilligan aan habooneyn.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan doorashada Golaha Shacabka ay ku socoto si dardar leh, isla-markaana qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 Febraayo ee 2022.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee kala guurka ah, taas oo ka dhalatay muranada heereeyey doorashada oo dib u dhacday muddo hal sano ah.

Wasiir ka tirsanaa xukuumadii Kheyre oo shaaciyey sababta fashilisay wada-hadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Maxamed Sabriye (Qarafaan) oo soo noqdey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu tuhmayo wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland in horumar laga gaaro inay cusleeyeen siyaasadaha ka jira magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Wuxuu carabka ku dhuftey in wada hadalladii ugu danbeeyey markii lagu soo kala tagayey Jabuuti lagu balamey in la isku soo noqdo muddo laba toddobaad gudahood ah, oo cabashooyin jirey lasoo xaliyo.

Somaliland ayaa dooneysay in si guud deeqda loo wada siiyo Soomaaliya oo ay qeyb ka aheyd, iyada in saamigeeda gaar loogga dhigo mar waliba.

Sidoo kale, Somaliland ayaa dalbatey in maamulka hawada Soomaaliya labada qeybood iney wada maamulaan, iyo qodobka saddexaad oo la xiriirey amniga.

Waxaa lagu heshiiyey in saddexda qodob aynu soo xusney loo saaro saddex guddi farsamo oo soo diyaariya, sida uu sheegay wasiir Sabriye.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in dhinacyadii u kala dab qaadayey labadda dhinac ee Midowga Yurub iyo Mareykanka, iney ku cuslaatey xalinta dalab ka imanayey Somaliland xalintiisa.

Dalabka Somaliland ayaa ahaa in guddiyada farsamo ee la magacaabo aaney qeyb ka noqon xubno kasoo jeedo Waqooyi, taasoo ay dowladda Soomaaliya maareyn weysay inaan lagu soo darin guddiyada xubno ka socda Waqooyi.

Ugu danbeyntii wasiir Sabriye, ayaa sheegay in xaaladdu dhaafi waysay ka soocista guddiyada farsamo xubnaha ka socda Waqooyi, taasna ay hakisay shirkii lagu balan sanaa in la isugu yimaado muddo laba toddobaad ah.

Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, ee wada hadaladii ugu danbeeyey ee ay yeeshaan Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo ka dhacey dalka Djibouti.

Wasiir Cabdi Qarafaan, wuxuu hoggaaminayey xiligii wada hadalka guddiga farsamo ee ka socday Soomaaliya.

Isha BBC

Joe Biden oo dhabar-jab weyn kala kulmay Senate-ka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden iyo xisbigiisa Dimoqraadiga ayaa Arbacadii dhabar-jab weyn kala dulmay Aqalka Senate-ka Mareykanka, kaddib markii xisbiga Jamhuuriga ay hor istaageen shirciga ilaalinta xuquuqda codbixinta, kaas oo ay muddo sanad ah u ololeynayeen.

Dimuqraadiyiinta ayaa diyaar u ahaa inay isla markiiba u codeeyaan isbedel lagu sameeyo mid ka mid ah xeerarka Senate-ka, si ay uga gudbaan habraaca filibuster-ka oo ay u arkayeen inuu caqabd ku yahay hindisahooda, si ay ugu ansixiyaan aqlibiyad fudud sharciga ilaalinta xuquuqda codbixinta.

Laakiin bedelka sharcigan ayaa sidoo kale ku dhammaaday guuldarro, maadaama Biden uu awoodi waayay inuu ku qanciyo laba senator oo xisbigiisa ah.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Chuck Schumer, oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, ayaa isku dayay inuu dib u habeeyo qaanuunka filibusterka, isagoo hoos ugu dhigay tirada ansixita xeerkan 50-cod oo markii hore aheyd 60-cod, laakiin Kyrsten Sinema oo laga soo doorto gobolka Arizona iyo Joe Manchin oo isna laga soo doorto gobolka West Virginia ayaa diiday inay la saftaan xisbigooda Dimoqraadka, ayna beddelaan habraaca Senate-ka, taas oo Jamhuuriga fursad u siisay inay si fudud u laalan hindisahan.

Labadan Senator ayaa sheegay inay taageersan yihiin sharcigan, laakiin aysan diyaar u aheyn wax ka beddelka xeerarka Senate-ka.

Madaxweyne Biden ayaa bayaan uu soo saatay kadib guuldarradan ku yiri “”Maamulkaygu waligi ma joojin doono dagaalka ilaa inta loo hubinayo xaqa codbixinta wax kasta oo ay nagu qaadato”

Aqalka Senate-ka oo ka kooban 100 xidhibaan ayaa hadda u kala qeybsan 50-50, waaloow Dimuqraadiyiintu ay leeyihiin aqlabiyada ciriir ah, maadaama madaxweyen ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ay leedahay codka jebinta barbardhac.

Sharciga Xorriyadda Codbixinta oo ay Dimuqraadiyiintu ugu magacdareen Xeerka John R. Lewis, wuxuu maalinta doorashada ka dhigi laha fasax qaran, wuxuuna muhiim ugu ahaa doorashada soo socota ee dabayaaqada sanadkan ee loo yaqaan Mid Term, taas oo Dimoqraadiyiitu ku rajo weyniyihiin inay ku guuleystaan aqlibiyadda labada Aqal.

Dadka u dooda xuquuqda codbixinta ayaa ka digaya in gobolada uu Jamhuuriga hoggaamiyo ee dalka oo dhan ay soo saarayaan sharciyo dadka madowga ah ku adkeynaya doorashada, iyada oo gobllada qaarkood ay soo yareynayaan gobaha codbixinta, isla markaana ay dalbanayaan aqoonsi codbixiyeyaash oo dheeri ah.

VOA + AP iyo Reuters.

Maamullada Jubaland iyo K/Galbeed oo shaaciyey jadwalka doorashada 3 kursi

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada saddex kursi oo ka mid ah xubnaha deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Saddexda kursi ee la shaaciyey ayaa kala ah HOP#126, HOP#118 iyo HOP#127, sida ku xusan warqadda kasoo baxday guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed Jubbaland.

Kuraastan ayaa waxaa ku kala fadhiyey : HOP#126 Maxamed Xasan Idiris, HOP#118  Swaqar Ibraamin Cabdalla iyo HOP#127  Cali Cismaan Xirsi.

Guddiga ayaa sidoo kale ku dhowaaqaday in doorashada saddexdaan xubnood la qaban doono 26-ka bishan Janaayo oo ku beegan maalinta Arbacada ee soo socota.

Dhinaca kale guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa isna shaaciyey jadwalka doorashada saddex kursi oo ka mid ah kuraasta taalla deegaanada maamulkaasi.

Kuraasta la shaaciyey ayaa kala ah HOP#056 oo uu ku fadhiyay Maxamed Jaamac Mursal, HOP#002 oo uu ku fadhiyay Cabdullaahi Sheekh Maxamuud iyo HOP#231 oo uu ku fadhiyay Maxamuud Macalin Yaxye.

Sidoo kale guddiga ayaa jadwalka uu soo saaray ku sheegay in doorashada kuraastan la qabanayo 25-ka bishan Janaanyo ee sanadka 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa shalay soo saartay illaa shan xildhibaan, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararkii ugu dmabeeyey ee loolanka doorashada guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta waxaa lagu wadaa in lagu qabto doorashada guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka, kadib markii guddoomiyihii hore iyo xubno kale laga eryey shaqada.

Doorashada oo ka dhaceyso Teendhada Afisyoone ayaa haatan waxaa socda diyaar garow xoogan oo ku aadan qabsoomida doorashada guddoomiyaha.

Sidoo kale guddiga qaban qaabada doorashadan oo ka kooban shan xubnood ayaa shalay soo gabagabeeyey diiwaan-gelinta xubnaha u sharraxan guddoonka cusub.

Doorashada oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa goobjoog noqon doono mas’uuliyiin kala duwan, si ay ula socdaan qaabka ay u dhaceyso doorashada guddoomiyaha cusub.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa loogu jiraa loolan adag, waxaana haatan u tartamaya qabashadiisa xubno ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa isku garbinaya inay guddoonka guddiga helaan dhinacyo kala duwan, gaar ahaan Villa Soomaaliya, xafiiska Rooble iyo maamul goboleedyada, sida horay u dhacday oo kale, gaar ahaan doorashaddii gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban.

Guddigaas ayaa waxaa kusoo baxay Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay Puntland, kadib garab istaag uu ka helay Deni iyo xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Daawo: Xuud oo shaaciyey qorshe aan horey loo ogeyn oo uu MUQDISHO u yimid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xuud oo ah hoggaamiyaha Jabhad ka aas-aasan gobolka Hiiraan ayaa maanta la keenay Muqdisho, iyadoo diyaarad looga soo qaaday magaalada Beledweyne, Xuud ayaa warbaahinta u sheegay inuu u tanaasulay qaranimada Soomaaliya, isagoo uga baqaya inay burburto.

Sidoo kale Xuud ayaa sheegay in canshuurta dadka Soomaaliyeed uu wax ku soo bartay, taasina ay ku kaliftay maanta in dowladnimada uu u tanaasulo, sidoo kalena uu heshiisii doono madaxda sare.

Waxuu sheegay in Muqdisho uu u yimid si loo badbaadiyo dowladnimada Soomaaliya, isla markaana uu isku howli doono heshiisiinta madaxda ugu sareysa dalka, isagoo madaxda u soo jeediyey in caro la isku qabo aan dalka loo burburin.

“Soomaali maanta waxaan u sheegayaa inaan u tanaasulay in qaranka Soomaaliyeed uusan burburin, canshuurtiisa ayaan wax ku soo baranay, in dalkaan aan burburino nalooma soo tababarin, dhibka dhexdeena ka teegay waxuu keenayaa qaran-jab hor leh, qaran waa duminay, laakiin ma dhisi naqaano,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Sidoo kale Xuud ayaa sheegay in Xamar uu u yimid arin khuseysa dowladda federaalka, balse safarkaan uusan shaqo ku laheyn khilaafkii kala dhaxeeyey hoggaanka HirShabeelle.

“Anigu waxaan Muqdisho u imid arrin federaalka kheyseysa, HirShabeelle waan is khilaafnay, laakiin wixii Alle ka dhigo ayey noqon, balse waxaan xaq u leeyahay mida federaalka ah, raggii la heshiisii waayey, ayaan doonayaa inaan heshiisiiyo, oo aan isu keeno oo Soomaali mideeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Xuud.

Waxuu ku celceliyey in dadka Soomalaiyeed ay midnimo meel ku gaari karaan, isagoo sheegay in mid ka mid ah masuuliyiinta oo magaciisa uusan sheegin uu dalka burburin u geystay isagoo u careysan masuul kale.

“Waxaa la yaab leh in masuul Soomaaliyeed uu dalka u jejebiyo caro uu u qabo masuul kale, waxaas halaga joogo, ciidamada Soomaaliya waxaan idin leeyahay hadda ka hor waa dayacdeen dalka, hadii aad taagnaa laheydeen oo qabiiladiina aadnaa kala raacin, waad badbaadi karteen dalka, war maanta ka fekera sidii dalkaan aad u badbaadi laheydeen,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Jeneraal Abuukar Xuud.

Hoos ka Daawo

Daawo: WASIIR DURAAN Faarax oo shaaciyey cida boobeysa kursiga beeshiisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS, Duraan Faarax ayaa eedeyn culus u jeediyey hoggaanka Puntland, kadib markii laga hor istaagay sida uu sheegay inuu u tartamo kursiga xildhibaan ee beeshiisa ay ku leedahay golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Duraan ayaa dhawaan tegay magaalada Garowe, si kursiga Hop166 uu ugu tartamo, balse waxa uu sheegay in damaciisii ay ka hor istaagtay madaxtooyada Puntland.

Wasiirka ayaa hoggaanka Puntland ku eedeeyey inay doonayaan in kuraasta Golaha Shacabka ee beelaha deegaanada Puntland ay dad gaar ah u xiraan.

“Waxyaabaha cajiibka ah ee aan idinla wadaagayo waxaa ka mid ah, in madaxtooyadu ay la soo hadleyso guddiga loo xil-saaray doorashada, iyadoo amar lagu siinayo in qof gaar ah loo diiwaan geliyo, kursiga, odaga dhaqanka ama ergada, iyadoo lala gambaneyn nin jecleysiga ka jira meesha,” ayuu yiri Wasiir Duraan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in doorashadii hore ee 2016-kii uu u tartamay isla kursigaan, balse looga guuleystay isagoo ku qanacsan natiijada, laakiin waxuu aad u dhaliilay hanaanka haatan uu doorashada ku maamulayo hoggaanka Puntland.

“Doorashadii sanadkii 2016-kii waxay u dhacday si cadaalad ah, waxayna taasi ka dhigan tahay in dadkii xiligaas xukunka hayey ay la haayeen dareen Soomaalinimo, laakiin kuwa hadda xukunka jooga, waxay doonayaan inay doorashada boobaan, iyagoo aan u tureyn shacabka reer Puntland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in si hor dhac ah uu hambalyo ugu diraayo ninka kursigaas loo doora doono, kaas oo sida uu sheegay uu sii ogyahay, maadaama kursiga loo xiray sida uu hadalkiisa u dhigay, inkastoo uusan magaciisa sheegin.

“Ninkaas hada hambalyada ayaan u sii hor marinaayaa, waxaana ka rajeynaa in si wanaagsan oo cadaalad ah uu ugu adeegi doono bulshada aan dooran ee xildhibaanka looga dhigayo,” ayuu yiri wasiirka gadiidka iyo duulista hawada XFS Duraan Faarax.

 Hoos ka daawo

Sidee looga falceliyay in markale Villa Somalia lagu arko sawirka Aadan Cadde?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad kooban oo maanta ka qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa markale kasoo muuqday sawirka madaxweynihii koowaad ee Jamhuuriyada AUN Aadan Cabdulle Cismaan oo shaki badan uu ka dhashay in laga fujiyey Madaxtooyada.

Bogga Facebook ee Villa Somali oo maanta lasoo dhigay Sawirada Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomaya Safiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad, ayaa waxa la arkayay sawirka Aadan Cadde oo darbiga ku dhagan.

Dood adag ayaa hore uga dhalatay markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday kasoo muuqday warbaahinta Soomaalida asaga oo ay gadaashiisa ku dhagsaneyn sawirka madaxweynihii koowaad ee Jamhuuriyada AUN Aadan Cabdulle Cismaan.

Siyaasiyiinta xilligaas ka hadashay arrintan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug oo asagu sheegay in banaanbaxa ay qorsheynayaan mucaaridka ay ku sharfi doonaan xurmadle Aadan Cadde, maadaama uu xiligaas sheegay in Farmaajo sawirkiisa ka fujiyey madaxtooyada.

Qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyey in sawirka Aadan Cadde AUN markale uu kasoo muuqdo qeybo kamid ah Villa Somalia, ayada oo qaarkood ay sheegen in meelaha qaar laga fujiyey un, halka kuwa kalena ay ku doodayeen in marka horeba aan laga fujin sawirka madaxtooyada.

“Dadkii dhahayay aaway wuxuu dajiyay sawirka madaxweyne Aadan Cadde?,” ayuu yiri mid kamid dadka ka falceliyay. Sidoo kale mid kale ayaa yiri: “Sawirki wali lama fujin miyaa?”.

“Farmaajo waa ku dheelay Dowladnimadii sawirka Aadan Cade maalina waa fujinaa maalina waa ku dhajina madaxtooyada,” ayuu sidoo kale yiri mid kamid ah dadka ka falceliyay arrintaan.

Si kastaba, arrinta sawirka oo qeybo kamid ah Madaxtooyada kasoo muuqan xilli uu dhawaan khudbad uu jeedinayay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa waxa uu dhaliyay hadal hayn badan, ayada oo xiligaas uu meel sare gaaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble, uuna xafiiskiisa ka fujiyey Rooble sawirka madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Suldaan reer Somailand ah oo lagala baxay gurigiisa ku yaalla Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Suldaanka Beesha Makaahiil Samaroom Suldaan Cabdulqaair ayaa hadda lagala baxay gurigiisa, waxaana lagu xiray Xarunta Dambibaarista CID ee KM4.

Suldaanka lagala baxay gurigiisa ayaa waxaa dhowr jeer u yeertay xeer ilaalinta Qaranka, wuxuuna diiday inuu tago, waxayna xogaha aan helnay sheegayaan in laga gudbiyey dacwad.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Caasimada Online ayaa tibaaxaya in Suldaanka loo xiray arrimo la xiriira kuraasta beeshiisha, gaar ahaan kursiga 226 oo ay ku fadhiso Xildhibaan Maryan Maxamuud.

Xarigan waxaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Axmed Yuusuf oo u rabay kursiga tirsigiisu yahay 226 in loo xiro musharax ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Yoonis Bashiir Muuse.

Xariga loo geystay Suldaanka ayaa kusoo aadayo xilli dib loo bilaabay doorashada xubnaha Golaha Shacabka, waxaana Muqdisho ka socdo loolan loogu jiro kuraasta Gobolada Woqooyi ee Somaliland.

Wasiir Jamaal oo u jawaabay xildhibaanka UK ee wada dooda aqoonsiga Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta xukuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa si adag ugu jawaabay xildhibaan xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii barlamaanka UK horgeeyay mooshinka looga doodayay aqoonsiga Soomalailand.

Jamaal oo ka jawaabay qoraal Gavin Williamson uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayaa waxa uu ku weeraray shaqsiyada Gavin, si adagna uga horyimid in uu soo fara-geliyo arrimaha gudaha dalkeena.

“Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Wasiir Jamaal.

Xildhibaan Gavin Williamson oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland, isagoo hadal kasoo yeeray Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Vicky Ford ku tilmaamay in faham la’aan ka haysato xaqiiqda jirta.

Vicky Ford ayaa ku dhawaaqday in aqoonsi ay hesho Somaliland uu yahay mid ku xiran dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay tahay inay Somaliland ka wada-hadlaan, xilli baarlamanka dalkaas shalay la geeyey dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

“Doodda ka socota Aqalka Wakiilada waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka joogtada ah ee UK ee ku wajahan maqaamka Somaliland. Waa arrin u taalla Somaliland iyo dowladda federaalka inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda,” ayey Vicky Ford ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.

“Waxaan sii wadi doonaa in iskaashi kala sameyno dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland arrimaha dimqoraadiyadda, ammaanka iyo barwaaqada.”

Hadalka Vicky Ford ayaa soo xiray dooddii qabsatay baraha bulshada iyo rajadii Somaliland ee ay aheyd in doodda la geeyey baarlamanka UK ay hoggaamin karto aqoonsi ay hesho Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu yimid hadalka Vicky Ford saacado un kadib markii ay wada-hadallo la yeelatay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali, kaasi oo ku aadana ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee labada Dal.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xilligan marnaba ogoleyn in Somaliland loo aqoonsado dal madax-banaan, ayada oo uu gaabis weyn ku yimid wada-hadaladii u dhaxeeyay labada dhinac.

Yaa kusoo baxay 5-ta kursi baarlamaan ee maanta la qabtay doorashadooda?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed waxaa maanta lagu qabtay doorashada shan kursi oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ka imaanaya dhinaca maamulkaasi.

Kuraasta maanta la qabtay doorashadooda ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaano hore ugu fadhiyay iyo kuwa cusub, waxaana loogu kala guuleystay sidaan hoose;

Kursiga 1-aad: HOP#184 ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Xasan Cabdinuur Cabdi iyo sidoo kale musharrax Maxamed Cabdulaahi Cali, waxaana kursigan kusoo baxay Mudane Xasan Cabdinuur.

Xasan Cabdinuur oo hadda ah wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, ayaa waxa uu helay codad gaaraya-72 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Maxamed Cabdulaahi Cali uu heley 27 cod, sidoo kale waxaa halaabay laba cod.

Kursiga 2-aad: HOP#085 ayaa waxaa ku tartamay Shariif Maxamed Cabdalla oo hore ugu fadhiyay kursigaan iyo Maxamed Xuseen Mukhtaar, waxaana markale kursigaan ku guuleystay Shariif Maxamed Cabdalla.

Shariif Maxamed Cabdalla ayaa waxa uu helay 79 cod, halka Musharrixii la tartamayay ee Maxamed Xuseen Mukhtaar uu helay 19-cod, waxaana halaabay 3 cod, sida uu shaaciyey guddiga.

Kursiga 3-aad: HOP#176 waxaa kursigaan ku tartamay Maxamed Mursal Maxamuud Boorow iyo Cabdixakiin Mustaf Ibraahim, waxaana ku guuleystay Maxamed Boorow oo asagu hore ugu fadhiyay kursigaan.

Sida uu sheegay guddiga Maxamed Mursal Maxamuud Boorow ayaa helay codad gaaraya 73 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Cabdixakiin Mustaf Ibraahim uu heley 26 cod, sidoo kale waxaa halaabay hal cod.

Kursiga 4-aad: HOP#046 waxaa kursigaan oo horey ugu fadhisay Raabaco Sheekh Nuur maanta ku tartamay Maxamed Wardheere Cabdi iyo Cabdulaahi Samow Cusmaan, waxayna guushu ku raacday Maxamed Wardheere.

Maxamed Wardheere Cabdi ayaa helay codad gaaraya 83 cod, halka Cabdulaahi Samow Cusmaan oo ah musharaxii la tartamayay uu helay 11 cod, waxaana halaabay hal cod oo keli ah.

Kursiga 5-aad: HOP#156 oo ahaa kursigii ugu dambeeyay ee maanta doorashadiisa la qabto ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Aadan Maxamed iyo Maxamed Ibraahim Isaaq, waxaana ku guuleystay Maxamed Aadan Maxamed.

Maxamed Aadan Maxamed oo ah guuleystaha kursigaan ayaa waxa uu helay codad gaaraya 88 cod, Maxamed Ibraahim Isaaq oo ahaa musharaxii la tartamay uu heley 10 cod, sidoo kale waxaa halaabay laba cod, sida uu sheegay guddiga.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa maamulkii ugu horreeyey ee soo doorta xildhibaano cusub, kadib heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa qorshaha uu yahay in la soo gaba-gabeeyo 25-ka Febraayo, si markaas loo guda galo tan madaxweynaha oo haatan si weyn la isugu hayo.

Maxaa ka dhaxeeya khilaafka FARMAAJO iyo ROOBLE, iyo qaraxyada Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodo u muuqda inay xaaladda uga sii darayaan ayey baafinayaan qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ah iyo jamaahiirtooda. Caasimadda waxaa kusoo laabtay waayadaan dambe qaraxyo.

Afartii qarax ee ugu dambeysay ee Muqdisho ka dhacay waxaa dhammaan loo ekeysiiyey kuwa xambaarsanaa dano siyaasadeed.

Qaraxii lagu dilay Allaha u naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Africa, mid dhawaan ka dhacay wadada 21-ka October iyo midkii ugu dambeeyey ee lagu dhaawacay afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa kusoo beegmay xilli ay jirto xurgufta madaxda sare.

Tuhunka marka laga tago waxaa jira dad Siyaasiyiin ah oo u bareeray inay isku xiraan xaaladda kacsan ee siyaasadda iyo qaraxyadaas.

Haddaba dooda aan weli dhinaca loo ridin waxay tahay macquul ma tahay in arrimahaasi is waafaqi karaan?

Waxaan la hadalnay qaar kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, marka Koowaad Qarax is-miidaamin ah oo uu fuliayo qof naftiisa dilaya waxa ay dowladda federaalka ah ku yeelan karto abaabulkiisa waa mid aad u yar.

Dhibka ugu badan inuu iyagu gaarayo waa caddahay, laakiin inay iyagu fulin karaan waa arrin mustaxiil ah. Askari dowladda federaalka ah ka tirsan waligiis isma qarxin, inay is qarxiyaan iska dhaafe qaarkood sida shacabka ayey uga dhuuntaan goobaha bartilmaameedka ah.

Waxaa la isku raacsan yahay haddii uuba qaraxu yahay is-miidaamin wuxuu ka billowdaa kuna dhammaadaa kooxda Al-Shabaab.

Mid waa macquul, waana inuu jiri karo xiriir xubnaha dowladda qaar la yeelan karaan Al-Shabaab, laakiin taas kama badan karta xog is dhaafsi ayey leeyihiin khubarada amniga ee aan la hadalnay.

Uma badna inay isla qorsheyn karaan qofka iyo goobta. Al-Shabaab isku xukun ayey marisaa dhammaan dadka dowladda federaalka u shaqeeya, isla iyagana talo kama waydiineyso cidda ay dileyso, ayuu yiri mid kamid ah sarakiisha aan la hadalnay.

Dad badan waxay qabaan in qaraxyada ismiidaaminta ah iyo xurgufta madaxda sare inaysan cilaaqaad laheyn ama yeelan karin.

Haddii ay qaraxyo ahaan lahaayeen miinooyin dhulka lagu aasay ama weeraro toos ah dooduhu waxay heli lahaayeen dad xoogaa dhageysta oo tuhun ayey abuuri lahaayeen.

Xilliga doorashada iyo Amniga

Doorkii doorasho ee ugu dambeeyey ee Soomaaliya waxaa xilliga doorashada la dilay dad kala duwan oo qaarkood kasoo horjeeday madaxdii xilligaas xilka heysay, qaarkood weerar toos ah oo gaadiidkooda lagu qaaday ayaa lagu dilay bartamaha wadada Makka Al-Mukarama.

Qaraxyo iyo Hoteelo la weeraray ayaa sidoo kale dadka qaar lagu beegsaday, haddii la isku xiro weerarada iyo qofka xukunka haya markaas dhammaan madaxdii dalka xukumeysay 12-kii sano ee lasoo dhaafay waxay noqon doonaan dambiilayaal, ayey leeyihiin xeel dheerayaashu.

Arrintaan uma fududa sida dadka qaarkiis u dhigayaan. Waxaa la aamisan yahay in mar walba xilliga doorashada inay Al-Shabaab beegsadaan dadka muhiimka u ah xaaladda taagan, balse siyaasiyiinta qaar ayaa isku dayaya inay arrimaha qaar u adeegsadaan olole siyaasadeed.

Waqtigaan la joogo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasad ahaan is diidan, laakiin taasi kama dhigna inay madaxda isku badalaan argagixiso.

Siyaasiyiinta is waafajinaya labadaan kiis ee khilaafka madaxda iyo qaraxyada is-miidaaminta ah waxay si weyn usii kala fogeenayaan bulshada, waxay dambiilayaal ka dhigayaan madaxda is-haysa, waxay dhaawacayaan dowladnimada, waxay shacabka ku abuurayaan in dhinacyada oo dhan ay ka aamin baxaan, waxayna fariimahooda keeni karaan in xaaladda amniga sii xumaato.

Xeel dheerayaasha Amniga waxay leeyihiin; in siyaasiyiinta xukmiyaan qarax walba cidda ka dambeysa iyagoo danahooda eegaya, waxay jeexi kartaa ama abuu kartaa isbeegsi aan hadda jirin oo dowladda dhexdeeda ah, waxayna qaarkood ku talinayaan in laga fogaado arrintaas.

Wasiir ka tirsan DF oo ka qeyliyey kursi uu u sharxan yahay ‘oo la boobayo’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda  Soomaaluya  Duraan Axmed Faarax ayaa cabasho ka muujiyey habka loo maamulayo kursiga tirsigiisu yahay HOP#166, kaasi oo deegaan doorashadiisu tahay Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in kursigaas loo marayo hab raac ka duwan heshiiskii 3 illaa 9 January 2022 ay Muqdisho ku gaareen madaxda maamul Goboleedyada, iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada iska leh kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay #Hop166 u caddaynaya in si baal marsan habraacyadii doorashada dadban ee lagu heshiiyay 3 ilaa 9 Janaayo 2022 loo maamulay doorashada kursigaas.iyadoona Nabadoonada beesha kursigu ka dheexyo aan wax door ah la siin” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha xulaya ergada iyo ergada ay soo xuleenba inaysan aheyn kuwa heysto matalaada Bulshada.

Wasiir Duuraan waa Musharrax Xildhibaan u taagan kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#166 kaas uu ku fadhiyo Wasiirka hore ee Shaqada iyo Shaqaalaha Sadiiq Xirsi Warfaa.

Hadalka Wasiir Duraan ayaa ku soo aadaya xilli lagu madalsan yahay in doorashada xildhibaanada Goloha Shacabka lagu soo gabagabeeyo muddo 40 beri oo ku eg 25 Febraayo 2022 sida ku xusan heshiiskii Muqdisho lagu gaaray dhawaan.

Waxaa durba muuqata cabashooyin laga soo gudbinayo sida ay ku socoto doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka oo dib loo bilaabay 15-ka Bishaan, waxaana weli halkiisa kasii socdo boobkii markii hore keenay inay shir isugu yimaadaan Golaha Wada-tashiga Qaran.

Waxaa hadda la is-weydiinayaa haddii xitaa wasiiradii awoodda iyo saameynta lahaa si fudud loogu diidi karo tartanka kuraasta ama la boobi karo, xagee ku jiraan dadka caadiga ah?