26.7 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Sawirro: Dibad-bax weyn oo ka dhacay HARGEYSA

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo ay dhigeen dadweynaha ku dhaqan magaaladaas iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, kuwaas oo isugu soo baxay beerta Xoriyada Hargeysa.

Ujeedka dibad-baxa ayaa ahaa mid lagu taageerayey doodii uu dhowaan baarlamaanka UK ka yeeshay aqoonsiga Somaliland, kadib markii uu horgeeyey xildhibaan Gavin Williamson.

Dibad-baxa ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyey goobta, kana hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay qaddiyada Somaliland iyo sidii loo sii wadi lahaa dadaalkeeda Ictiraafka.

Sidoo kale waxaa banaan-baxa oo ah mid ballaaran kasoo muuqday xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Duqa Hargeysa, iyaga oo gacmaha ku sitay Calanka Somaliland, waxayan soo dhoweeyey dooda xildhibaanada UK ka yeesheen aqoonsiga Somaliland.

Baalamaanka UK ayaa isbuucii hore dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland, waxaana doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyada Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhiabanada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka horkeenay mooshinka ka doodida aqoonsiga Soomalailand.

Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa tan iyo wixii ka dambeeyey 1991-kii raadineyso inay hesho madax banaani, si ay uga go’ado Soomaaliya, balse uma suura-gelin, waxaana dhowr mar dhacay wadahadallo u dhexeeyey labada dhinac oo aan weli laga gaarin natiijo wanaagsan.

KENYA oo war cusub kasoo saartay aqoonsiga Somaliland

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta aqoonsiga Somaliland, kaddib dooddii baarlamaanka UK ay dhowaan ka yeesheen arrintaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan.

Omamo ayaa sidoo kale waxay kaga hadashay xiisadda Itoobiya. Waxay sheegtay in Kenya aysan illaawin Itoobiya, oo ay sii wadi doonto inay si hoose ula xaajooto, una adeegsato diblomaasiyad jilicsan si loo soo afjaro xiisadda ka taagan dalka deriskeeda ah.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres uu BBC-da u sheegay in xaaladda Itoobiya ay beesha caalamka ku adkaatay inay xalliyaan, iyadoo xukuumadda Addis Ababa ay si joogto ah uga dhega adeygtay waxa uu ugu yeeray farogelinta shisheeye.

Waxay wasiirka sheegtay in Kenya ay rumeysan tahay awoodda ay Itoobiya u leedahay inay is faham gaaraan, isla markaana inkastoo ay waqti qaadaneyso, haddana siyaasiyiinta xabsiga laga soo daayay ay muujineyso in xoogaa horumar ah la gaaray.

Waxay intaas ku dartay in Kenya ay Itoobiya kala hadleysay baahid aloo qabo wada xaajood qaran, xabbad-joojin iyo in dadka la gaarsiiyo gargaar bani’adaannimo.

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkan gudhiisa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.

Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaannada iska taageen qaddiyadda Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhibaannada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka hor keenay mooshinka ka doodidda aqoonsiga Soomliland.

Gavin ayaa waxaa uu baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda, isaga oo arrimo badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland.

Bishii December ee sanadkii 2020 ayay ahayd markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Muuse Biixi ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo sheegay inay ka wada hadleen danaha ay wadaagaan.

Booqashada Muuse Biixi waxay ku soo aadday xilli uu aad u sii xumaanayay xiriirka Kenya iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

29-kii bishii la soo dhaafay ee November ee isla sanadkaas, war qoraal ahaa oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyay Nairobi looga yeeray Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliya na lagu amray in uu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dowladdiisa.

“Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda qaran, kaddib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland,” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

Kenya ayaa beenisay in farogelin ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa 30 sano ka hor ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse tan iyo xilligaasi ma aysan helin aqoonsi caalami ah.

Isha: BBC Somali 

AL-SHABAAB oo noqotay kooxda ugu taajirsan ee ku xiran shabakada Al-Qaacida

Washington (Caasimada Online) – Jeneraal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tahay kooxda ugu taajirsan unugyada ku xiran shabakadda Al-Qacida ee dunida ka howl-gala.

“Al-Shabaab waa ciidanka ugu ballaaran, ugu taajiirsan uguna firfircoon ee Al-Qacida ay ku leedahay dunida, waxayna halis ku yihiin Mareykanka iyo shacabka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri Jeneral Stephen Townsend oo ah taliyaha taliska ciidamada Mareykanka Afrika (AFRICOM), oo wareysi siiyey VOA. 

Jeneral Townsend ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in halista Al-Shabaab ay sii korortay sideeddii illaa 12-kii bilood ee ugu dambeeyey, ayna ugu wacan tahay ciidankii Mareykanka ee ka baxay Soomaaliya iyo cudurka COVID-19.

“Waxaan u maleynayaa in halistaas ay sii kordheyso sababo la xiriira cadaadiskii ka hortagga argagixisanimo oo aan jirin sanadkii tegay, iyo firfircooni la’aanta ciidamada Amisom. Sabab kalena waa COVID-19,” ayuu yiri Townsend.

“Hoggaankooda waxay dagaal-yahanooda culeys ku saaraan inay dadka Mareykanka ku weeraraan meel kasta oo ay ku arkaan, marka waa inaan taas si dhab ah u qaadanaa.”

Jeneral Townsend ayaa sidoo kale sheegay in khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, loolanka doorashada iyo shaqada liidata ee dowladda federaalka ay sidoo kale caawisay Al-Shabaab.

“Waxaan ka walaacsanahay inuu jiri doono weerar weyn oo Al-Shabaab ay fuliso. Waxaan hada aragnaa weeraro is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacayey labadii toddobaad ee tegay. Marka waxaan dareemayaa inay sii ballaaranayaan oo ay sii korayaan,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM.

Hadalka Townsend ee la xiriira in Al-Shabaab ay hadda tahay kooxda ugu taajirsan kooxaha ku xiran Al-Qacida ayaan la-yaab laheyn marka loo eego heerka uu la egyahay dhaqaalaha kasoo gala Soomaaliya.

Qyaas ay sameysay dowladda Mareykanka, oo uu helay wargeyska New York Times bishii October 2021, ayaa muujineyso in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii 2020 uu yahay 120 milyan oo dollar.

Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka sameysay dowlad dadban oo dhinac socota tan federaalka, taasi oo soo xareysay lacagtan oo badankeed ka timaada canshuurta iyo lacagaha kale ee laga qaado shacabka. Canshuurta xooggeeda ayaa Al-Shabaab uga soo xaroota dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada shacabka.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa wargeyska New York Times u sheegay in Al-Shabaab ay konteenar kasta oo kasoo dega dekedda Muqdisho ka qaado 90-dollar midka caadiga ah iyo $150 midka weyn.

Sarkaalka ayaa sidoo kale la wadaagay New York Times rasiit ay ku qoran tahay 250-dollar oo Al-Shabaab ay siisay muwaadin degan Muqdisho oo iibiiyey dhul uu lahaa, kaasi oo canshuur ay ka qaaday kooxda.

Dakhligan ayaa ka dhigan awoodda Al-Shabaab ay maanta taagan tahay halkii ugu xooganeyd, sida warbixinta New York Times ay tiri.

Dakhliga ay Al-Shabaab kasoo xareyso lacagta ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada kale ee gaaraya $120 milyan ayaa ka dhigan inay aad ugu dhowdahay midka dowladda federaalka.

Miisaaniyadda 2021 ee dowladda federaalka, oo ay Caasimada Online ku noqotay kadib warbixintan, ayaa waxaa ku qoran in dakhliga gudaha ee dowladda federaalka ee 2020 uu ahaa $269 milyan, oo $182 milyan oo ka mid ah ay aheyd canshuurta gudaha.

Tani waxa uu macnaheedu yahay in Al-Shabaab ay soo xareyso dakhli ku dhow laba meelood meel guud ahaan dakhliga dowladda federaalka Soomaaliya, iyo 65% dakhliga canshuurta ee dowladda federaalka.

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo soo saaray dalab xasaasi ah kadib go’aankii ay qaateen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo shalay kamid ahaa siyaasiyiintii reer Waqooyiga ee qaadacay doorashada Golaha Shacabka, ayaa dalbaday in lagu soo laabto hanaanka isla-ogolka.

Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu joojiyo doorashada kuraasta gobolada Waqooyi, gaar ahaan 12-ka kursi oo la shaaciyay in maalmaha soo socda doorashadooda lagu qabanayo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Doorashada lagu dhawaaqay hadda ee la sheegayo in la qabanayo waxaa usoo jeedinaya Ra’iisul Wasaaraha iyo xafiiska dadka ka shaqeynaya inay dib u dhigaan oo loo qabto si la isla ogol yahay,” ayuu yiri.

Dalabka Cabdi Xaashi ayaa imanaya, ayada oo siyaasiyiinta reer Waqooyiga ay qaadaceen doorashada, kadib markii ay sheegen in kuraasta uu saaka soo saaray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka gobollada waqooyi ee SEIT aysan waxba ka ogeyn, islamarkaana uu iska wataan guddoomiyaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in la bilaabayo 22-ka bishaan oo ku beegan Sabtida maanta ah diiwan-gelinta ergada, tababarida, qabashada codsiga iyo xaqijinta shuruudaha musharaxiinta ayna socon doonaan illaa 23-ka bishaan Janaayo.

Sidoo kale guddiga ayaa ku caddeeyey jadwalka in doorashada kuraastan la qabanayo 24-ka bishan janaayo ee sanadkan 2022-ka.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli uu kal hore Ra’iisul Wasaare Rooble ugu eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday inuu fara-gelin qaawan ku hayo doorashada, illaa haddana majiro wax war ah oo kasoo baxay Xafiiska Rooble oo ku aadan eedeynta loo jeediyay.

FARXADDA QALBIGA | W/Q: ABUBAKAR MOHAMMED

0

Ma ogtahay in farxadaaddu ay ka timaaddo qalbigaaga, markasta oo qalbigaagu yahay qalbi nadiif ah, waxaa fududaanaya in farxadda qalbigaaga ku jirta ay ka muuqato wajigaaga. Markasta oo aad dadka cafiso, una dulqaadato dhibaatooyinka aad kala kulmaysid, macnaheedu waa, farxaddaada ayaad muujisay.

Cafiska iyo dulqaadku waxay ka tirtiraan qalbigaaga, muruggada iyo mugdiga, waxaadna helaysaa nafis raaxo ah oo ka imaanaya qalbigaaga. Waxayna kaaga dhigaysaa qofka sokeeya saaxiib, laakiin haddii aad qalbigaaga gelisid dhibaatooyinka dadku kaa sameeyay, waxaa dhacaysa in farxaddaadu ay nusqaanto, murugtuna ay hesho boos ay ka degto qalbigaaga.

Xasuusashada badan ee dhibaatooyinka lagugu sameeyay dib u dhac ayay kugu keeni kartaa.

Cashar ka baro oo dadaal si mustaqbalkaagu u noqdo mid qurxoon. Dabayshu waxay u socotaa horay, adiguna marka aad soconaysid waxaad u socotaa horay, adduunkuna wuxuu u socdaa horay, qofka caqliga lehna wuxuu ka fikiraa waxa soo socda. Sidaas awgeed, dhibaatooyinka lagugu sameeyay haddii aad ka socoto oo aadan u istaagin soo ma ahan waxa qalbigaaga farxad gelinaaya, Rabbigaaguna kugu jeclaanayo? 

“Qofkii iska cafiya, oo wanaajiya ajarkiisa Alle ayaa siinaya.” – Surah Ash-Shuraa Ayah 40

Ma Cafin Kari ?

Dhibaatooyinka lagugu sameeyay oo sabab u noqday in aad habeenno badan soo jeeddo, xanuunkeeda adiga keli ah ayaa dareensan. In aad iska cafiso waa arrin aad u dhib badan, laakiin ma ogtahay cafisku in aad adiga wax badan ka faa’iidaysid, inta aan la gaarin qofka ku dhibaateeyay? Tusaale ahaan:

Haddii aad xanaaqdo oo qalbigaaga geliso cuqdad, wajigaagana murugo ka muuqato, ama habeenno badan aad jiifan waydo adiga oo ciil ku hayo, markaas yaa dhib qaba? Ma adiga mise qofka dhib kugu sameeyay? Adiga uun baa wadnahaaga dhibaato u geysanaya ee qofka kale waxba ma aadan u dhibin.

Alle wuxuu leeyahay: “Mana isku eka wanaag iyo xumaan, bixi arrinta fiican markaas waxa soo bixi in midkii col idin dhexyiil uu noqon sokeeye iyo saaxiib”.

Waxa laga yaabaa in dadka qaar saamaxaadda u arkaan jab, aamusnaantana u arkaan jab, laakiin waxaysan ogayn cafintu waa mid ka mid ah tilmaamaha lagu garto dadka leh awood maskaxeed, ogna wax dantooda ah.

Alle wuxuu leeyahay: “cafiska (dheeraadka ah) qaado, wanaaggana far (sheeg) kana jeedso kuwa jaahiliinta ah”.

W/Q: Abubakar Mohammed, Qoraaga Buuga: Ku Raaxeyso Noloshaada & Daawada Murugada 

Wararkii ugu dambeeyey qarax ay ku dhinteen dad badan oo ka dhacay Ghana

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa uu ku dhacay mooto mareysay galbeedka Ghana, kadibna uu sameeyay qarax weyn, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen Jimcihii.

Shilkan ayaa ka dhacay deegaanka Piate, oo u dhow Bogoso, oo ah magaalo macdanta laga qodo oo ku taal degmada Dooxada Prestea-Huni, sida uu sheegay madaxa fulinta dowladda hoose ee degmada Isaac Dsamani.

Gaariga ayuu sheegay in uu siday waxyaabaha qarxa oo loo waday godka dahabka laga qodo ee Chirano ee ku yaala Galbeedka Gobolka.

Qaraxa ayaa burbur weyn u geystay tuulada APIate, oo ay ku nool yihiin ilaa 500 oo qof. “Waa xaalad murugo leh,” ayuu yiri Prosper Baah oo ah ku simaha madaxa adeegga gaadiidka caafimaadka.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa qortay in muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxu ka dhcay oo la soo dhigay baraha bulshada uu muujinayay guryaha goobta ka agdhawaa oo si weyn u burburay.

“Runtii waa dhacdo nasiib darro ah, naxadin iyo murugona leh” ayuu ku yiri Madaxweynaha Ghana Nana Addo Dankwa Akufo-Addo qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, isagoo si qoto dheer uga tacsiyeeyay qoysaska dadka dhintay.

VOA

Sawirro: Shirkada Somtel oo si rasmi usoo afjartay ololihii ku shubo oo ku guuleyso

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa si rasmi ah u soo af-jartay Ololaha ku Shubo oo guuleyso 10000 Hadiyadood kaasoo socday Muddo 6 bilood ah, Waxa ay sidoo kale shirkaddu abalmarisay’ macaamii-kii ku guuleystay Todobaadkii (24 aad ) Munaasabad Lagu qabtay beerta nabada ee Magaalada Muqdisho..

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho,  Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Ururka Haweenka qaranka  Gudoomiyaha Gobalka banaadir  & Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel, & Dhabshil Group intaba.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Waaxda Ganacsiga   shirkadda isgaarsiinta somtel  Mudane: C/laahi Cali Caamir Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid  Wax tar u leh  bulshada soomaaliyeed  macamiil walba oo  ku guuleystay  Nasiibka ayaa u saamaxay & dadaalkii  uu la yimid   isticmaala adeegyda somtel ku hadal, internet & adeegga eDahab & Ku Shubashada karaka ku hadalka

“ Waxaan u mahad celinayaa marti -Sharafta ka soo qeyb-gashay Munaasabada Sida Gudoomiyaha Gobalka  Xildhibaanada Wasiirada Rugta ganacsiga Madaxda Jaamacadaha Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga, Bajaajyada, Dahab-ka I.w.M  Waxaan balan qaadeeynaa inan  haliisa ka sii wadno waliba  si rasmi ah  U daah-furno horaanta  sanadka Cusub 2022 Waxaana lagu guuleysan doonaa 15’000 hadiyadood  oo uu ka mid yahay Appartment ka mid ah Dahab Tower Dhismaha ugu dheer Soomaaliya  Waxaa Xusid Mudan in ololahaan ay ka Faa’ideysteen dad aad u dan -yar Sida Maamo beeraleey Dan-yar oo ku nool gobalka hiiraan oo ku guuleystay gaarigii Hyundai-ga 1aad Waxaa sidoo kale bajaaj ku guuleysatay gabar jaariyad ah oo u shaqeeysa qoys soomaaliyeed waxa ay ka hesho ehelkeeda ku maareyn jirtay & Dad-ka baahiyaha gaarka qaba ooku guuleystay hadiyado dhowr ah”

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay  Xildhibaan:Prof Maxamed Cumar Dhalxa  oo  horay  Loogu Sharfay Inuu Generate-gareeyo  Gaariga Hyundai-ga Sedexaad  Isagoo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso & hadiyadaha qiimaha leh ay bulshada ku Celineeyso

“ Waxaan si diiran u bogaadinayaa Maamulka sare ee Somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bulshadu wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo  qabaneeysa barnamijkaan daah-furnaanta leh, iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah Waxaa Xusid Mudan in  Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo la timid Istaraatijiad Suuq-geyn dhaxal  gal ah kaasoo aan ka jirin suuqa soomaliya waxa Hubal ah in Dahabshil Group Maal-gelin balaaran ka sameeysay guud ahaan Soomaaliya Waa shirkadda Kaliya ee ka qeyb-qaadata Had & jeer Taakuleynta dadka danyarta ah Waxaan goobjoog U ahaa Xafladii Gaariga 1ad lagu gudoonsiiyay Maamo beeraleey Dan-yar ah oo ku Nool  Deegaanada Hir-Shabelele Waxaan Maanta Xaadir u ahay munaasabada Lagu abaalmarinayo Marwo: Xaliimo Cumar Karaani oo aan aniga Gacanteyda U generate gareeyay Waxaa Abaal-marinta lagu Maamuusay inuu gudoonsiiyo Duqa Caasimada Muqdisho Mudane; Cumar finish Maadaama xaliimo ay dagantahay Degmada kaaraan ee Gobalka banaadir Guul balaaran U soo hooysay Magaalada Caasimada ah ee Muqdishio”

 Ugu dambeyntii Waxaa munaasabada  ka hadlay Mudane:  Xildhibaan Idiris C/ Dhaktar oo bogaadiyay wax-qabadka muuqda ee shirkadda Somtel & Hormarka balaaran ay ku talaabsatay

“waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah ugu generate gareyno  macaamiisha  u tartantay hadiyadaha ‘10’000  todobaadkii Dhowr ah Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta  si gaar ah uga  soo qeyb-galo  Marka  Dib loo daah-furo sanadka Cusub 2022 Si dhow ayan ula socdaa  ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh hadiyado  wax ku ool ah sida:  gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab,  Laptop-yo I.w.m  waxa ay dahabshil Group ka qeyb-qaadataa Samafalka dadka Soomaaliyeed Waxaa ugu dambeeyay gargaar ay U fidiyeen dadkii laga soo musaafuriyay Magaalada Laas-Caanood oo ay Ugu Deeqeen lacag $300’000 ah Sidoo kale hadda waxa ay ay qeyb ka yihiin gudiga gurmadka Degdeg ah Soomaaliyeed oo Gurmad U fidinaya dadka abaarta Wax-yeeleeysay Koonfurta Soomaaliya”

Waxaa Sidoo Kale  Munaasaba Ka hadlay  Xildhibaan:Dr C/raxmaan Xaji Aden (Ibbi) oo Qiray Daah-Furnaanta Ololahaan

“Waxaan Halkaan Ka Cadeeynayaa Daah-Furnaanta Ololahaan Waxaa U genete gareeyay Gabadha Gaariga Kui Guuleysatay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa Waxaa Horteena Gaariga Ku gudoonsiiysy Gudoomiyaha Gobalka banaadir Mudane: Cumar Finish Waxaan Ugu baaqayaa Macaamiisha Shirkadda ka Faa’ideystaan Olalahaan Dib loo bilaabayo Dhawaan”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada Ka hadlay Gudoomiye ku Xigeemka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Mudane: C/raxmaan C/laahi Aden ( Galambi)

“Waxaa Farxad balaaran ii ah inan goobjoog u ahaa habeenkii Ololahaan la daah-furayay 7/7/2021ee lagu qabtay Elite Hotel  & Maanta oo la soo gabagabeeynayo Xaadir ayaan u ahay Waxaan qirayaa in Somtel ay la timid Istaraatiijiyad ganacsi oo aan ka jirin Suuqa Taasoo keentay in ololahaan uu guuleysto Shirkaduna ay 10’000 hadiyadood bulshada Ku Celiso”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka Hawenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo: Warsan Xasan Xagar 

“ Waxaan bogaadinayaa in Somtel ay aad u dhiira-gelisay gabdhaha soomaaliyeed Sedexdii Gaari Min $40’000 Somtel Macaamiisheeda ay ku celisay Labao gaari oo kamid ah Dumarka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay  Waa karti & dadaal ay muujiyeen gabdhaha soomaaliyeed Bajaajyada,Dahabka,Deeqda Waxbarasho & dhamaan Hadiyadaha qaaliga ah ay Somtel bixisay Waxaa inta badan ku guuleystay gabdhaha Waa Karti dheeri ah ay muujiyeen Dumarka”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadlay maareeye Ku Xigeenka Somtel Ahna Madaxa Howl-Fulinta Guud ee Shirkadda isgaarsiinta Soomtel  Mudane: Aden Yusuf Ibraahim

“Waxaan U Mahad Celinayaa Marti-Sharafta Munaasabada ka soo qeyb-gashay Xildhibaanada’Wasiirada’Gudoomiyaha Gobalka baandir’ Rugta Ganacsiga Jaamacadaha Waxaan Cadeeynayaa  in 10’000 hadiyadood si daah-furan shirkaddu u bixisay Waxa uu Socday Ololahan 24 Todobaad  Muddo 6 bilood ah Waxaa Ku Guuleystay hadiyadaha aan bixinay dadkii ugu mudnaa Macaamiisheena Weliba bulshada intooda dan-yarta ah Sida Maamada Ku guuleysatay  gaariga Hyundai-ga 1aad oo ah mamao Beeraleey sabool ah  Hadiyadaha aan bixineynay Waa  qeyb ka mid ah Mas’uuliyad bulshadeedka  aan ku celineeyno Umada Soomaaliyeed Waxaan Tix-gelineeynaa Inooga yimid madaxda Jaamacadaha  Waan kordhineeynaa Hadiyadaha deeqda Wax-barasho Waxaan Sidoo kale Sanadkaan ku Darnay hadiyadaha la bixinaayo Hanti  Ma guurto ah Waxaan rajeeyneeynaa in macaamiisheeenu u tartamaan”

Waxaa Sidoo Kale munaasabada Ka hadlay Maareeye Ku Xigeenka Dahabshiil Group Mudane; C/risak Xaaji  Xuseen oo bogaadiyay Gabadha ku guuleysatay Gaariga Sedexaad

‘Waxaan U mahad-Celinayaa Dhamaan mart- Sharfta Ka soo qeyb-gasahay Munaasabada Waxaan goob=jog u ahaa munaasabada Daah-furka ololahaan Sidoo Kale manta oo L soo Xiraayo Marqaati ayan ka ahay in gariga Sedexaad lagu wareejiyay Xaliimo Cumar karaani Waxaa uur-Ku taalo igu reebay Maamadii Beeraleeyda Ku guuleysatay Gaarigii Koowaad oo aheyd Maamo Beeraleey Sabol ah markii La weydiiyay Gaariga aad ku guuleysatay Maxaa Kaaga Qorsheysan? Waxa ay ku jaawbaty Waan iibinayaa Wiilkeyga Tacliintiisa ayaan ku bixinayaa Qarashka ii soo haray ganacsi ayaan ku furanayaa Si aan ugu maareeyo Nolosha Qoyskeyga Waa Gucasho-Togan aan marnaba Maskaxdeyda  & Maankeygaba ka go’in”

Ugu dambeynrtii Waxaa Munaasabada Soo Xiray Gudoomiyaha Gobalka banaadir Mudane: Cumar maxamed ,Maxamuud (Finish) oo aad  U Mahad -Celiyay Shirkadda Somtel

“Waxaan bogaadinayaa Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo  10’000 Hadiyadood ku Celisay Bulshada Soomaaliyeed Waxa’ay la Timid Istaraatiijiyad gnacsi oo aan ka jirin Guud ahaan Soomaaliya Waa Talaabo Ku dayasho mudan Waxaan rajeeyneeynaa ganacsatada kale inay qaadaan dhabaha ay somtel qaaday Umada Soomaaliyeed ay wax ku soo Celiyaan Waxaan Bogaadinayaa Shirkadda Somtel oo igu Sharaftayi nan gaariga Sedexaad Gudoonsiiyo Macaamiilkii ku guuleystay oo ka mid ah bulshada Ku dhaqan Magaalada Caasimada Muqdisho”

Waxaa Sidoo Kale munaasabada Ka hadlay Madaxda jaamacadaha Mogadishu University & SIU Oo iyagunA Bogaadiyay Talaabada ay qaaday shirkadda isgaarsiinta SomteI

Inta aan la soo xirin Munaasabada Waxaa Micraphone-ka qaadatay Marwo Xaliimo Cumar Karaani oo u Mahad-Celisay Shirkadda Isgaarsiinta Somtel

“Waxaan U mahad Celinayaa Shirkadda Isgaarsiinta Somtel Ma Filaneyn inaan Ku guuleysanayo Maraka la ii sheegay inan ku guuleystay gaariga aad ayan ugu farxay xaqiiqdii dareenkeyga Xiligaas Ma qiyaasi Karin Waxaa ii soo hambalyeeyay Maqrib & Cisho inta u dhaxeysay dad ka badan 100 qof Maanta Waan gudoomay gaarigii aan ku guuleystay Waxa badan ayuu ka tari doonaa Nolosheyda & mida qoyskeyga”

Isku soo wada duuboo Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa soo gabagabeeysay Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood Muddo 6 bilood Socday sanadkii tagay 2021.

PUNTLAND oo qabaneyso doorashada 5 kursi iyo xubnaha kusoo baxaya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada kuraastii ugu horreysay xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleeddka Soomaaliyeed ee Puntland.

Puntland ayaa doorashada ku bilaabeyso illaa 5 kursi oo kala ah Hop196, Hop166, Hop249, Hop200 iyo Hop235 oo dhammaan deegaan doorashadood ay tahay Garoowe.

Guddiga hirgelinta doorashada ee Puntland ayaa shalay soo gabagabeeyey diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ee kuraasta la qabanayo doorashadooda, walow musharixiinta qaar ay eedeymo u jeediyeen Puntland, kadib is hortaag lagu sameeyey.

Natiijada doorashadan ayaa lasii ogyahay, waxaana Puntland, gaar ahaan maamulka Deni uu kuraastan u xiray shaqsiyaad gaar ah oo haatan aad loogu saadaalinayo doorashada.

Xubnaha tartamaya ayaa waxaa haatan ugu cad- cad Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo ah wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland, Axmed Cabdi Xaashi Axmed Taajir oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Soomaaliya, Cabdullaahi Xasan Rooble oo ah wasiru-dowlaha waxbarashada Puntland, Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ah xildhibaan heer Federaal ah, sidoo kalena Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay Puntland iyo Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah xildhibaan iyo wasiir heer federaal ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online kuraastan ayaa waxaanan ka furneyn tartan sidaa u weyn, waxaana loo xiray shaqsiyaadkan oo wata malxiisyo siyaasadeed, iyada oo tartanka laga reebay musharixiintii saameynta lahaa ee qeyb-ta ka ahaa loolanka doorashada, kuwaas oo ay ku jiraan wasiiro ka tirsan dowladda, sida wasiirka duulista hawada Somalia.

Dhammaan xubnaha haatan loo saadaalinayo inay kusoo baxayaan doorashada maanta ayaa ah kuwo aad ugu dhow oo diyaarsaday Deni oo loolan weyn ugu jiro doorashada.

Si kastaba, cabashada kasoo yeereysa doorashada iyo in aysan waxba iska beddalin sidii hore ayaa waxa ay meesha ka saareysaa dhaqan-gelinta qodobadii ku jiray heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Daawo: Mahdi Guuleed oo raali-gelin siiyey Rooble iyo Beesha Habar-gidir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa garab istaag xoog leh u muujiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib eedeyntii maanta ka soo yeertay siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, Senator Cabdi Ismaaciil Samatar, Boqor Cusmaan Buurmadow iyo Xildhibaan Maareeye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoyga Cabdi Xaashi uu Muqdisho ka degan yahay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno beeshiisa ah ay boobayaan kuraasta baarlamaanka ee reer waqooyiga.

Hase yeeshee Mahdi Guuleed oo caawa hadlay ayaa sheegay in wixii maanta ka dhacay guriga Cabdi Xaashi aysan dhaqan Soomaaliyeed aheyn.

Waxa uu sheegay in hadalkii maanta uu gef-weyn ku ahaa Ra’iisul wasaaraha iyo xubnihii kale ee loo jeediyey, isagoo sheegay in beelaha Dir-waqooyi ay u mahad-banaan yihiin doorashada kuraastooda.

“Wixii maanta ka dhacay guriga Cabdi Xaashi dhaqan Soomaaliyeed ma aheyn Ra’iisul Wasaare Rooble iyo beeshiisa Habargidir waxaan ka raali gelinayaa gefkaas, waxaan leeyahay xaal qaata, Ra’iisul wasaarow raali ahaaw, beesha Habargidir-na hanaga raali noqoto,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Sidoo kale Mahdi ayaa sheegay inay dhigi doonaan gogol ay ku xaal-mari doonaan beesha Ra’iisul Wasaaraha, “Dhaqanka aad ayaan u naqaan, wixii maantana dhaqan fiican ma aheyn,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo faahfaahin ka bixiyey doorka uu ra’iisul wasaare Rooble ku leeyahay doorashada kuraasta reer waqooyiga ayaa sheegay in door dhaqaale oo aan looga maarmin uu ku leeyahay xafiiska Rooble, balse uusan ku faro-gelin hanaanka loo maamulayo doorashada kuraastaas.

Hoos ka daawo

Beelaha Dir koonfur oo war kasoo saaray go’aankii Dir Waqooyi ee doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay beelaha Dir-koofureed ayaa garab istaag loogu muujiyey siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka reer Somaliland oo cabasho xoog leh ka muujiyey boob doorashada oo ay ku eedeeyeen Ra’iisul Wasaare Rooble.

Bayaankaan ayaa lagu sheegay in marnaba aan loo dul qaadan karin qeylo dhaanta ka soo yeertay xubnaha reer Somaliland, iyadoo golaha wadatashiga qaran loogu baaqay in deg deg ay u soo faro-geliyaan cabashadaan.

“Waxaan ugu yeereynaa Shir wadatashi Beelaha Dir ee Koonfur iyo Waqooyi, si meel looga soo wada jeedsado xaaladan khatarta ku ah midnimada ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedkaan oo dhameystiran:

Maanta oo ay taariikhdu tahay 21ka Janaayo 2022 waxaa warsaxaafadeed ka soo saaray Caasimadda dalka ee Muqdisho beelaha Dir Koonfureed. Ka dib markaan aragnay qeylo-dhaanta ka soo baxeysay hoggaanka dhaqanka Beelaha Dir Wapoyi ee Somaliland oo si bareer ah loogu xadgudbay madaxbannaanida maamulka doorashada Xildhibaanadooda, taas oo dhalisay in maanta Bogor Cusmaan Aw -Maxamuud, Salaadiin, Siyaasiyiin iyo indheergaradka Beelaha Dir waqooyi ee Somaliland ay soo saaraan bayaan dhiilo xambaarsan.

Waxaan cadeyneynaa in habayaraatee marnaba loo dulqaadan karin faragalin iyo xadgudub lagu sameeyo aayo ka-tashiga doorashooyinka Baarlamaanka ee Somaliland, arrintaas oo saameyn xun ku yeelanaysa wada-jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ku garab-taaganahay Hoggaanka Siyaasadda ee Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Raysalwasaare Ku-Xiggeenka, Odayaasha Dhaqanka ee Saxiixayaasha ah in ay u madax-bannaan yihiin xulista Guddiyadooda Xulista iyo Ergooyinkooda.

Waxaan ugu baaqeynaa Raysalwasaaraha oo lagu sharfay fududeynta Doorashooyinka Dalka oo dhan in uu xurmeeyo hannaanka doorashooyinka ee lagu heshiiyey, isla markaasna ka fogaado wax walba oo dhaawac ku keeni kara Midnimada Soomaaliyeed, Daahfurnaanta Doorashooyinka, iyo xurmada Dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaan ka codsaneynaa Golaha Wadatashiga Qaranka oo u xilsaaran meelmarinta Heshiiska Doorashooyinka in ay si degdeg ah u soo faragaliyaan qeylo-dhaantan xooggan, loogana qanciyo Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Dir Waqooyi ee Somaliland tabashadooda si looga hortago habacsanaan iyo dhib-u-dhac kale oo ku yimaada Doorashada Dalka.

Waxaan ugu yeereynaa Shir wadatashi Beelaha Dir ee Koonfur iyo Waqooyi si meel looga soo wada jeedsado xaaladan khatarta ku ah midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Caaqilka beesha leh kursigii uu ka qeyliyey wasiir Duraan oo go’aan soo saaray

0

Garowe (Caasimada Online) – Caaqil Maxamed Xaashi Cigaal oo ah Caaqilka beesha iska leh kursiga HOP166 oo dhawaan wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda Soomaaliya uu sheegay in loo diiday inuu u tartamo ayaa war ka soo saaray boobka kursigaas.

Caaqil Maxamed ayaa guddiyada doorashada ugu baaqay in la hakiyo doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP166, kaas oo sida uu sheegay aysan talo ku laheyn hanaanka la doonayo in lagu doorto.

Sidoo kale Caaqilka ayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni u soo jeediyey in madaxweynaha Soomaaliya uusan u tartami karin, maadaama reer Puntland uu maamuli waayey oo cadaalad-darro badan ay ka tabanaayaan maamulkiisa, sida uu sheegay.

“Madaxweynaha Puntland waxuu u tartamayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, laakiin hadii anagu aan ka tirsaneyno cadaalad darro iyo gacan dhaaf, ma garanayo sida ay ugu suurta gareyso inuu madaxweyne u noqdo dowladda federaalka,” ayuu yiri Caaqil Maxamed.

Kursigaas ayaa ka mid ah kuraas ay Puntland shaacisay in doorashadiisa la qabanayo 22-ka bishan oo ku beegan berri oo Sabti ah.

“Anigoo ka wakiil ah shacabka iska leh masiirka kurisga Hop166, waxaan ognahay in dad kale oo aan talo ku laheyn kursigaas doorashadiisa loo diyaarsaday, wadadii saxda aheyd looma marin doorashada kursigaas,” ayuu yiri Caaqil Maxamed.

Caaqilka ayaa guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ka codsaday inay joojiyaan doorashada kursigaas oo la qorsheeyey inay dhacdo Sabtida berri.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS, Duraan Faarax ayaa 19-kii bishaan dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo warbaahinta u sheegay in hoggaanka Puntland uu ka hor istaagay inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee tirsigiisu yahay Hop166.

“Waxyaabaha cajiibka ah ee aan idinla wadaagayo waxaa ka mid ah, in madaxtooyadu ay la soo hadleyso guddiga loo xil-saaray doorashada, iyadoo amar lagu siinayo in qof gaar ah loo diiwaan geliyo kursiga, odaga dhaqanka ama ergada, iyadoo lala gambaneyn nin jecleysiga ka jira meesha,” ayuu yiri Wasiir Duraan.

Prof. Cabdi Ismaaciil: Rooble wuxuu noqday Omicron oo kasii daran FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah Senatorada dooran ee Aqalka Sare ayaa waxa uu si weyn u dhaliilay hanaanka ay ku socoto doorashada, asaga oo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyay boobka doorashada.

Cabdi ayaa waxa uu Rooble ku sifeeyay shaqsi ka daray madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hore loogu haystay boobka doorashada, maadama uu shaqsiyaad gaar ah u boobayo doorashada, sida uu sheegay.

“Soomaaliya waxay madaxa la gashay 4.5, sidaas ayey ku socotey. Nin madaxweyne ahaa ayaa kusoo dul degay oo damcay inuu beelaha oo dhan sameysto, ayadoo taas la yaaban yahay ayaa laga qabtay, haddana waxaa loo dhiibay Ra’iisul Wasaaraha oo asaguna ka daray,” ayuu yiri.

Prof. Cabdi Ismaaciil oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Ninkii wuxuu noqday (Rooble) kud ka guud oo qanjo u guur, wuxuuna doonayaa in uu boobo doorasho oo cid gaar uu wato u boobo. Afar dhalinyaro oo aan aqoon iyo waaya-aragnimo lahayn ayuu meesha dhigtay.”

Waxa uu intaas kusii daray in shaqaalaha xafiiskas ay maamulayaan odayaasha wax dooraneysa, ayada oo kuwa aan loo meerin karin meesha laga saarayo.

“Anagoo la yaaban siyaasiyiintii Covid-19 kii Madaxtooyada laga qorsheeyay waxaa yimid mid Omicron Covid-19 oo Ra’iisul Wasaarihii wuxuu noqday Omicron,” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar.

Siyaasiyiinta reer Waqooyiga ayaa qaadacay doorashada Golaha Shacabka, kadib markii ay sheegen in Rooble uu boob qaawan ku hayo kuraasta Somaliland, una maamulayo sida uu rabo.

Jawaabta CC SHAKUUR ee faalladii FAHAD YAASIIN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka jawaabay faalladii Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran:

Shaqada sirdoonka laga rabo waxay ku xiran tahay aragtida xukun ee la doonayo. Haddii xukun kalitalis ah laga hadlayo awoodda, hantida, tamarta iyo waqtiga waxaa la gelinayaa amniga kalitaliska. Sirdoonku wuxuu ka shaqaynayaa basaasidda, baacsiga iyo sumcad dilka mucaaradka, cabsi ku haynta kuwa daacada u ah rajiimka, shirqool iyo khaarijin, shaki kala gelinta bulshada, jahwareerinta iyo jihaynta ra’yiga dadwaynaha si loo jeclaysiiyo rajiimka, loogana raarido in la’aantii dalku dumayo. 

Haddiise xukunku dimoqoraadi yahay, sirdoonku wuxuu qayb ka yahay ilaalinta iyo difaaca Amniga Qaranka oo ay ugu horrayso amniga muwaadinka, jiritaanka hay’adaha dawladda, dhaqaalaha dalka, amniga tamarta, cuntada, bay’ada, tiknoolajiyada, iwm. Xukuumadda ayaa dejisa, fulisana qorshaha amniga qaranka. Baarlamaanka ayaa leh korjeegtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha amniga. Sirdoonkuna wuxuu hoos yimaadaa Wasaaradda ku shaqa leh ee madaxweyne ama Raysalwasaare midkoodna ma hoos tago. 

Qoraalka taliyihii hore ee nabadsugidda marna xukuumadda iyo Baarlamaan laguma soo hadal qaadin. Dawlad Goboleed warkeeda daa. Wuxuu sheegay in qorshaha Madaxweynaha lagu hagayey sirdoonka, in uu isagu rafiiq (wehel) u ahaa, halbeega guushana welwelka  farxada Madaxweynaha ayuu ka dhigay. 

Wuxuu kaloo imtixaan uu kaligiis qaaday natiijo 100% siiyey shaqadiisa oo xitaa gaabis, guuldaro ama tabar yari ma sheegin. Qoraalku wuxuu marag fur u yahay xantii ahayd in talada dalka ay labadooda ku koobnayd. 

Waxaa marag ma doonta in shantii sano ee la soo dhafaay awooddii iyo dadaalkii ugu badnaa ee Hay’adda NISA lagu bixiyey dagaalka siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo ku duulka dawlad Goboleedyada (DG) ka aragtida duwan rajiimka Farmaajo, taasoo fursad wayn siisay in argagexisada Alshabaab (AS) ay canshuur iyo baad maalin cad Shacabka ka gurtaan. 

Waxay canshuur ka qaadaan meheradaha ganacsiga, dekedda, garoonka diyaaradaha, suuqa bakaaraha, dhulka la kala iibsado, NGOs. Shacabkii waxay naf bideen in kuwii qarxinayey garsoor u doontaan.  Qabiilladii ayey u sameeyeen, waxay ugu yeereen naqiib, kaasoo  qabiilka wakiil uga ah Al shabaab. Maadaama ay si dadban Muqdisho u xukumaan, AS waxay qaraxyadii ku soo koobeen kuwo farriin ku kooban oo ah; weli waa jirnaa, qatarna waa ku nahay ciddi damacda in ay canshuurta ama baadda bixin weyso?

Maadaama uu Taliyihii hore caddeeyey in qorshaha NISA lagu hagayey uu Madaxweyne hore Farmaajo lahaa waxaa cad  in uu isagu  lahaa amarkii iyo qorshihii

1- Itoobiya  loogu dhiibay Qalbidhagax.
2- Weerarkii ay NISA ku qaaday xarunta Xisbiga Wadajir.
3-  Weerarradii lagu qaaday Hoteelkii ay labada Madaxweyne iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaan deganaayeen.
4- Weerarkii Mukhtaar Rooble lagu soo afduubay
5-  Shacabkii iyo madax kale oo iyagoo dibadbaxaya la weeraray.
6- Awooddii ciidan ee guddoomiyihii Baarlamaanka xilka looga tuuray, kii kalana lagu  madiidiyey.
7-  Wiilashii Soomaaliyeed ee lagu soo xero geliyey in Qatar loo qaadayo, ka dibna  dagaalka Tigreega lagu guray
8- Dilkii Ikraan Tahliil iyo is hortaagii caddaalad u raadinteeda.
9- Isku daygii Raysalwasaare Rooble lagu afganbi rabay.
10- Isku daygii Madaxweynaha Jubbaland lagu soo qafaalan rabay, iyadoo kumaandoos dawlad kale la adeegsanayo.

Kalsooni darrida shacabka ay NISA ka qabaan waxay keentay in ay labada talis ee AS iyo NISA la kala garan waayo, halhayskii KALA MAAN oo ka tarjumaya guuxa jirana uu  ahaa “shaki malaha inay laba shabaab wada shaqeeyaane”

Maxaad ku falaysaa Guddoomiye Degmo oo hadaf muuqda Alshabaab u ah, adigoo heli kara in aad ku shaqayso nabadsugid dharcad ah oo toos ugu xiran taliye cid walba ka sarreeya, haystana awood iyo hanti aan la xisaabinaynin.

Falsafada waxaa ka mid ah solipsism oo ah waxa adiga maskaxdaada ku jira ayaa xaqiiqa ah, cid kale waxba kaama quseeyaan. Waxay la mid tahay in uu ruux ku doodo “ Sanadkaas ayaa ah kii Soomaaliya ugu fiicnaa maxaa yeelay asaga lee og sababta. 

Mar haddii wixii maskaxdaada ku jira oo keli ah sax yihiin waxaad ku dhacdaa in aad dadka kale  caqligooda ku xadgudubto oo aan tiraahdo

“Dal aan 30 sano ka hor tababari jirnay, soddonkii aan burbursanayn isagu dawlad ahaa, ayaa weli tababar noo soo doonanaya” 

Waxaad kaloo oran kartaa  

“Soomaaliya waxay leedahay sirdoonka ugu fiican Afrika, oo ay wiil iyo hooyadiis u wada shaqeeyaan, laakiin caasimada ugu amaanka xun ayaa xarun u ah” 

Waxaad kaloo dhihi kartaa 

“Soomaaliya waxay lahayd Madaxweyne wadani ah, ciidanka Afrika ugu xooga badan, iyo sirdoonka ugu khatarsan aduunka, haddana dalkii burburo way ka celin waayeen”. Waxay la mid tahay adoo yiri “ ardayga ugu fiican waxbarashada Iskuulka ayaan ahay, laakiin Imtixaankii waan ku dhacay , sababtoo ah macalimiinta ayaa i neceb nooh” Soomaaliyana shirqool shisheeye ahaa dumiyey. 

Koleey qoraalku kama marna dacaayad olole ee Farmaajo iyo ha la i xusuusto. Mar haddii adigoo dadka loogu hadalhaynta badan ka mid ah, lehna saamayn wayn, mar qura burjigaagu jabo,  aadna wayso cid warkaada haysa, waxaa kugu dhacaya cudur la yiraahdo “Is waayid”. Waxaadna ku qasban tahay in aad isi soo muujiso oo aad hawshadii hore  ku laabato.

Video: Buurmadow iyo Cabdi Xaashi iyo Reer Waqooyiga oo ka baxay doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadoow iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ay hareero joogeen inta badan Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyey inay gebi ahaanba ka baxeen doorashada.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayey ku eedeyen in uu si qaldan u maamulayo doorashadooda, ayada oo aan lagala tashan, islamarkaana uu ku tagri falay awoodiisa oo uu boobayo kuraastooda, sida ay sheegen.

Waxay sheegen in kuraasta uu saaka soo saaray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka gobollada waqooyi ee SEIT aysan waxba ka ogeyn, islamarkaana uu iska wataan guddoomiyaha iyo ra’iisul wasaaraha.

“Doorashadu waxay noogu socotay si habsami leh oo waxaa iskula eegi jireyna sida ay beeshu xildhibaanadeeda u soo dooraneyso, maalmahan dambe waxaa dhacday in waxyaabihii aan u gudbinay beel ahaan uu wax is daba-weydaariyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadoow.

“Waxaa u cadeynayna cid walba in aan doorashadii faraha kala baxnay oo uu maamulanayo Ra’iisul Wasaaraha, oo aan laheyn hanaan dowladeed oo sharfan.”

Waxa uu intaas kusii daray in Ra’iisul Wasaaraha ay uga dacwoodeen beeshiisa, hase yeeshe ay cidba ka dhageysan weyday cabashada ay ka qabaan Rooble iyo xafiiskiisa oo ay ku eedeynayaan boobka doorashada Gobolada Waqooyi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa asaguna ku baaqay in la joojiyo jadwalka doorashada reer Waqooyiga ee la soo saaray, islamarkaana ay muhiim tahay in doorashada loo qabto si la isla ogol yahay.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku aadan eedeynta loo jeediyay, waxayna arrintaan imaneysa xilli uu kal hore Rooble ugu eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday inuu fara-gelin qaawan ku hayo doorashada.

Ciidamada DF oo hub iyo gaadiid ku qabtay Muqdisho

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey degmada Dharkenley, waxayna ciidamadu guriguri u baarayeen xaafadaha degmadaasi.

Taliye ku xigeenka qeybta Galbeed ee Ciidamada Booliiska Bashiir Durqan oo ka mid ah saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen hub, gaadiid iyo dad eedeysanayaal ah.

Bashiir ayaa xusay inay dib ka faah faahin doonaan inta uu la egyahay hubka iyo dadka ay soo qabteen, marka ay soo dhammaadaan baaritaanada ay haatan wadaan saraakiisha laamaha ammaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgallada ka socda degmooyinka dhaca Galbeedlka, gaar ahaan Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda ee gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amni darrada ah ee ka dhacaya gudaha caasimada.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa ciidamada dowladda Soomaaliya ay kordhiyeen howlgallada ka socda Muqdisho oo ay ka dhacayeen weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan magaalada Muqdisho ay ka socoto doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo keentay in dowladda ay xooga saarto doorashooyinka dalka.

Dowladda Itoobiya: “Waxba iskama badelin mowqifkeena ku aaddan SOOMAALIYA”

Addis Ababa (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya Dina Mufti oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa wax laga weeydiiyay booqashadii uu dhowaan halkaas ku tagay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Weriye ka tirsan idaacadda Jarmalka ee DW ayaa weeydiiyay in booqashada madaxweyne Biixi ay dhaawici karto xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay “Ma jirto wax isbadal ah oo ku dhacay moowqifkeenii Soomaaliya ku aaddanaa, mana doonayno in imaanshaha Biixi ay dhaawacdo xiriirka nalaga dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya”.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhowaan booqasho uu tagay Itoobiya dib ugu laabtay Hargeysa, waana booqashadii koowaad tan iyo intii uu dagaalka ka biloowday Itoobay.

Dhanka kale guddooomiyaha xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa isna lagu warramayaa in safar ugu anbabaxay dalka Itoobbiya. Wax faahfaahin oo dheeraad ah lagama bixin safarkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somailand, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, oo ka hadlay safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xilliga ay tageen ay ahayd xilliga ugu munaasibsan oo ay safar ku tagi karayeen dalka Itoobiya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamey in kulanka dhex marey wefdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi, iyo ra’iisal wasaarahaha Itoobiya loogga hadley dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka mandiqadda Geeska Afrika.

Dhanka kale wasiirka ayaa ka jawaabay su’aal ahayd in wada hadallada ay ka mid yihiin arrinta dekeda Seylac ayuu wasiirka iska fogeeyay arrinkaas , “Waa arrin aanan sal iyo raad ah lahayn, nin weriye ayayna ka timid markii hore”.

Hadalhaynta Seylac ayaa maalmahan baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha haysatay, balse ma jiro illo rasmi ah oo arrintaasi xaqiijinaya, waana markii koowaad oo ay Somailand beeniso tan iyo inta safarka madaxweynaha soo baxay.

Dr Ciise ayaa iska fogeeyey iney qeyb la safan yihiin dagaalka ka socda Itoobiya, isagoo sheegay in dagaalkaasi ay iyagu dhex dhexaad ka yihiin.

Safarka madaxweyne Muuse ayaa imanaya xilli Itoobiya ay kasoo baxayso dagaalo sokeeyo oo qaraar , inkasta oo weli aysan jirin heshiis weyn oo gudaha Itoobiya ka dhacay.

Dhawr jeer oo hore ayuu madaxweynaha Somaliland booqday Itoobiya oo uu kala dhaxeeyo xad dheer iyo xiriir ganacsi oo muddo fog soo jirey.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu ku sugna dalka Itoobbiya waxa uu booqasho ku tegay xarunta warshadaha ee Hawassa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fana.

Booqashada ayaa waxaa madaxweynaha Somaliland ku wehliy madaxweynaha gobolka Sidama, Desta Ledamo, wasiirka maaliyadda, Axmed Shide, wasiirka arrimaha dibadda, Ambassador Redwan Hussein, guddoomiyaha guddiga maalgashiga Lissie Neme iyo madax kale oo ka tirsan dawladda.

Maamulaha Xarunta Warshadaha ee Hawassa Mr. Fitsum City ayaa wediga ku soo dhaweeyay, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay waxtarka wayn ee ay xaruntani ka geysanayso horumarinta dhaqaalaha Itoobiya.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu booqdo xaruntan, waxaanu sheegay inuu aad ula yaabay shaqada halkaas ka socoto.

Xarunta waxaa lagu tilmaamay inay tahay midda Afrika ugu wayn. cabirkeedu wuxuu yahay 149 hektar oo warshado keli ah ay ku yaallaan.

Cadeymo muujinaya in askar Soomaali ah ay xasuuq ka gaysteen Tigray oo la helay

Toronto (Caasimada Online) – Caddeymo cusub oo la helay ayaa muujinaya in ciidamo Soomaali ah ay xasuuq ka gaysteen gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo tusmeyneysa isbaheysi cusub oo militari oo ka abuurmaya Geeska Afrika, waxaa sidaas qoray Wargeyska The Globe and Mail ee dalka Canada.

Wargeyska The Globe and Mail ayaa sheegay inuu helay caddeymo goobjoogeyaal oo muujinaya in ciidamo Soomaali ah oo ay wehliyaan kuwa Eritrean ah ay xasuuq ka gaysteen gobolka bilihii hore ee dagaalkan, oo billowday bishii November ee 2020.

Caddeymahan ayaa dhalinaya su’aalo argagax leh oo ku saabsan isbaheysiga militari ee u dhaxeeya Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya, kaasi oo burbur iyo dhimasho badan ka horseeday gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia.

Saddexda dowladood ayaa si rasmi ah u beeniyey inuu jiro isbaheysi caynkaas ah, waxaana Soomaaliya ay sidoo kale beenisay in ciidamadeed ku sugan Eritrea la geeyey gobolka Tigray.

Hase yeeshee baaritaanka wargeyska The Globe and Mail ayaa lagu helay markii ugu horreysay faah-faahino buuxa oo ku saabsan dilalka ay gaysteen askarta Soomaalida ee xulufada la ahaa kuwa Eritrea ee tegay gobolka.

Gebretsadik, oo ah 52 jir beeraley ah oo degan xaafadda Zebangedena ee gobolka Tigray, ayaa sheegay in waddooyinka xaafadiisa ay daadsanaayeen meydka baadariyaal kaniisad bishii December 2020, dhowr toddobaad kadib markii uu dagaalka billowday.

Qaar ka mid ah baadariyaashan ayuu sheegay inay ahaayeen kuwa uu garanayo. Ciidamada Soomaalida, oo ka dhinac shaqeynayey kuwa Eritrea ee qabsaday xaafadda, ayaa beegsaday kaniisadaha, waxayna dileen dadkii ka shaqeynayey, ayuu sheegay.

“Waxay u gowraceen sida digaagga oo kale,” ayuu u sheegay The Globe and Mail.

Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Eritrea ayaa xaafadda joogay illaa dhammaadkii Febraayo 2020, sida uu sheegay Gebretsadik, oo inta badan u carari jiray baadiyaha iyo buuraha, si uu uga baxsado weerarada xilligaas.

Wargeyska The Globe and Mail ayaa la hadlay tobaneeyo dad oo ka badbaaday balse goobjoog u ahaa xasuuq ka dhacay lix xaafadood oo ka tirsan Tigray, oo ay gaysteen ciidamada Soomaalida ee halkaas saldhigga uu u ahaa intii u dhaxeysay December 2020 illaa Febraayo 2021.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ay xirnaayeen dareeska ciidamada Eritrea, balse si fudud loo fahmi karay inay Soomaali yihiin, sababo la xiriira luuqaddooda iyo muuqaalkooda. 

Si ka duwan Eritrean-ka, kuma aysan hadli karin luuqadda Tigrinya ee looga hadlo gobolka Tigray iyo inta badan Eritrea. Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay inay maqlayeen ciidamada Eritrea oo ugu yeeraya Soomaali.

Sanadkii tegay, QM iyo Mareykanka ayaa sheegay inay heleen akhbaaraad muujinaya in ciidamo Soomaali ah ay joogeen gobolka Tigray, hase yeeshee lagama helin faah-faahin.

Qiyaastii 10,000 oo askar Soomaali ah ayaa la geeyey gobolka Tigray, sida ay sheegeen saraakiil hore oo Ethiopian ah oo la hadlay The Globe and Mail, kuwaas oo codsaday inaan la magacaabin, si aysan u beegsan xukuumadda Abiy Ahmed.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ay xasuuqeen boqolaal shacab ah oo ku sugnaa xaafadaha ay maamulayeen militariga Eritrea, kuwaas oo qaarkood xitaa ay gowraceen. Ma jirin wax ciidan Ethiopian ah oo joogay xaafadahaas, sida ay sheegeen.

“Ma aysan muujin wax naxariis ah,” waxaa sidaas yiri Berket oo ah 32 jir beeraley ah oo ku sugan xaafadda Mai Harmaz ee gobolka Tigray. “Ciidamada Eritrea su’aalo ayey ku weydiinayaan inta aysan ku dilin. Balse Ciidamada Soomaalida marna sidaas ma sameyneyn.”

Baadari kaniisad oo ahaa 76 jir deris la ah Mai ayaa ka mid ahaa dadka ay dileen ciidamada Soomaalida, sida uu sheegay.

Kibrom, oo ah 37 jir Soomaali ah oo ka qaxay xaafadda Hamlo bishii Janaayo 2021, ayaa sheegay in gowraca ay sameynayeen ciidamada Soomaalida uu “xaqiiq maalinle ah” ka noqday xaafadda.

“Kaniisadaha waxay noqdeen guryaha ciidamada. Waxay gubeen kitaabadii. Kaniisadaha waxay noqdeen meel aan la aadi karin, sababtoo ah ciidamada Soomaalida way dilayeeen qof kasta oo halkaas taga,” ayuu yiri Kibrom.

Sida ay sheegeen saraakiil Ethiopian ah, inta badan ciidamada Soomaalida ayaa kasoo gudbay xuduuuda Eritrea oo soo galay galbeedka gobolka Tigray, toddobaadyadii hore ee dagaalka.

Waxay intaas ku dareen in ciidamada Soomaalida oo ka amar qaadanayey taliska Eritrea ay diyaar ku ahaayeen xuduudda toddobaadyo kahor inta aanu dagaalka qarxin.

“Shaki la’aan waa ay ka qeyb-galeen dagaalka,” waxaa sidaas yiri Gebremeskel Kassa, oo ahaa madax-shaqaalaha maamulkii ku-meel gaarka ee Abiy Ahmed uu u magacaabay gobolka Tigray kadib markii ciidamadiisa ay qabsadeen bilihii hore ee dagaalka. 

Gebremeskel Kassa ayaa markii dambe u cararay dibedda, si uu naftiisa ula baxsado kadib markii lagu eedeeyey guulaha ay Tigray dib uga gaareen dagaalka.

Gebremeskel Kassa ayaa sheegay inuu joogitaanka ciidamada Soomaalida ku ogaaday safardii uu ku tagay gobolka Tigray iyo kulamadii uu la yeeshay saraakiisha iyo jeneraalada Ethiopia.

“Dhammaan inteena xilalka sare hayey waan ogeyn arrintan,” ayuu u sheegay The Globe and Mail. “Ciidamada Soomaalida waxay tababar ku qaateen xerada Sawa ee Eritrea, taasi oo qeyb ka aheyd heshiis militari oo dhex-maray saddexda dowladood kahor dagaalka.”

Kadib markii arrintan ay muran badan ka dhalisay Soomaaliya, gaar ahaan markii ay banaanbaxyo dhigeen waalidiinta askarta, ciidamada Soomaalida waxaa dib loogu celiyey Eritrea, ayuu yiri.

“Waxay gebi ahaan ka baxeen gobolka bishii March,” ayey yiraahdeen saraakiisha.

Heshiiska saddex geesoodka militari ee Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa si sir ah loo gaaray 2018-kii markii uu xukunka qabtay Abiy Ahmed. Heshiiskan ayaa dhabar-jab weyn ku ah saameynta sii yaraaneysa ee reer galbeedka ay ku leeyihiin Geeska Afrika.

Madaxweynaha kali-taliska ah ee Eritrea, Isaias Afwerki ayaa ah cayaaryahanka ugu muhiimsan isbaheysigan. 

“Wuxuu tani u arkaa fursad uu dib ugu qaabeyn karo Geeska Afrika oo dhan oo uu u jeedin karo dhankiisa,” waxaa sidaas yiri Martin Plaut, oo ah khabiir British ah oo ku takhasusay arrimaha Eritrea.

“Ka qeyb-gelinta ciidamada Soomaalida waxay aheyd tallaabadii ugu horreysay xiriri aad u qota dheer una muhiimsan oo uu isku dayayey inuu dhiso, kaasi oo isaga uu noqon lahaa boqorka,” ayuu Plaut u sheegay The Globe and Mail, isaga oo ka hadlaya xiriirka saddex geesoodka.

“Tan iyo 1970-maadkii ayuu daba socday damaciisa ah inuu burburiyo Tigray-ga. Si uu ugu guuleysto, wuxuu jeclaa inuu aas-aaso xiriir dhowr qaran ah oo ka hirgala Geeska Afrika, kaasi oo dalalka ay u jirayaan si iskood ah balse ay is-taageerayaan, halka ay baabi’inayaan dhaq-dhaqaaqyada gudaha.” 

Wararkii ugu dambeeyey dilal ka dhacay GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi siyaabo kala duwan loogu dilay ugu yaraan saddex qof oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dilalka oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa geystay maleeshiyaad beeleed kasoo kala jeeda koonfurta iyo waqooyiga magaaladaasi oo ay ka kala arrimayaan maamullada Galmudug iyo sidoo kale Puntland.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in markii hore maleeshiyaad hubeysan ay suuqa Ariga Gaalkacyo ku dileen qof ka mid ahaa dadka deegaanka, waxaana kadib weerar qaaday maleeshiyaad ku heyb ah marxuumka oo iyaguna dilay laba qof oo kale.

Dilalkan ayaa salka hayo xiisad la xiriirta aano Qabiil oo ka taagan halkaasi, gaar ahaan koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo kan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaase sheegay inay bilaabeen howlgallo ballaaran oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey dilalkaasi.

Gaalkacyo waxaa in muddo ah kusoo noq noqday dilal iyo dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad fara badan.

Guddiga doorashada Reer Waqooyiga oo shaaciyey jadwalka doorashada 12 kursi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka gobollada waqooyi ee SEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa soo saaray liiska 12 kursi oo maalmaha soo socda doorashadooda lagu qabanayo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in la bilaabayo 22-ka bishaan oo ku beegan Sabtida diiwangelinta ergada, tababarida, qabashada codsiga iyo xaqijinta shuruudaha musharaxiinta ayna socon doonaan illaa 23-ka bishaan Janaayo.

Sidoo kale guddiga ayaa ku caddeeyey jadwalka in doorashada kuraastan la qabanayo 24-ka bishan janaayo ee sanadkan 2022-ka.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa waxa ay kala yihiin:-

1: Hop260 oo ay ku fadhiso Faadumo Odawaa Raage.

2: Hop257 oo uu ku fadhiyo Cabdalla Xaaji Cali Axmed

4: Hop215 oo uu ku fadhiyo Faatix Saciid Xasan

5: Hop267 oo ay hadda ku fadhiso Seynab Maxamed Caamir

6: Hop268 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cali Xagaa oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga

7: Hop269 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Kaamil.

8: Hop245 oo uu ku fadhiyo Cabdiraxmaan Axmed Suge

9: Hop247 oo ay hadda ku fadhiso Khadro Maxamed Tukaale

10: Hop209 oo uu ka geeriyooday Axmed Dhimbil Rooble ( Casoowe)

10: Hop211 oo ay ku fadhiso Caasho Koos Maxamuud Cumar

11: Hop201 oo uu hadda ku fadhiyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

12: Hop214 oo uu ku fadhiyi Dr Cilmi Maxamuud Nuur.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo muddo 40 cisho gudahood, taas oo ku eeg 24-ka bisha soo socoto ee Febraayo, sida ay ku heshiiyeen xubnaha Golaha Wadatshiga Qaran ee Dalka.

2 sheeko oo yaab leh oo ku jiray faalladii Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa faallo uu qoray kusoo bandhiga labo sheeko oo yaab leh, oo uu la kulmay intuu joogay NISA.

Fahad ayaa sheegay in uu ogaaday sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah kooxda Al-Shabaab, una qaabilsanayd daba-galka sirdoonka Soomaaliya.

Sarkaalka oo uu qariyey magaciisa ayaa waxa uu ahaa sarkaalkii labaad ee ay haweenaydaasi ay sidaas ku guursato, sida uu ku sheegay faalladiisa.

“Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dambana ay khaarijiso. Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso.”

Waxa uu intaas kusii daray in Hawl-galkaas uu sahlay in la soo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwan shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan.

Sheekada labaad ee uu soo qaatay Fahad ayaa ayaduna aheyd Hooyo Soomaaliyeed oo loo diyaariyay inay qeyb ka noqoto Sirdoonka Qaranka, taasi oo si yaab leh u ogaatay in wiilkeeda uu qeyb ka yahay hay’addana, oo ka shaqeeyo.

“Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dhammaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo biirista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay warqadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan shaqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaqeeyo wiilkeeda,” ayuu ku yiri faaladiisa Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin oo inta badan lagu yaqaano in uusan saxaafadda ka hadlin, kana soo muuqan sawir iyo cod toona, ayaa faaladiisa kaga sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay NISA tan iyo intii ku biiray hay’adda. Faaladan ayaa si gaar ah loo soo gaarsiiyey Caasimada Online – Halkan guji oo ka aqriso.