26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Magacyada xildhibaanada maanta soo baxay iyo beelaha ay kasoo jeedaan + Sawirro

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacday doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashada oo lagu horreysiiyey kursiga HOP114 ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi, waxaana kusoo baxay Cumar Ibraahim Xaashi, sida uu shaaca ka qaaday guddiga doorashada Jubbaland.

Cumar ayaa helay 80 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 12 cod, sidoo kale waxaa halaabay 8 cod sida uu sheegay gudiga doorashada Jubaland oo natiijada shaaciyey. Cumar wuxuu kasoo jeedaa jeedaa Daarood/Ogaadeen/Bahgari.

Kursiga labaad HOP107 ee doorashadiisa la qabtay waxaa kusoo baxay Mudane Maxamed Sheekh Nuur Cismaan, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa. Maxamed wuxuu kasoo jeedaa Daarood/Jidwaaq/Bartire.

Sidoo kale kursiga HOP120 ayaa waxaa loo doortay Asad Cabdirisaaq Maxamed oo helay 77 Cod, halka Siciid Cabdiqaadir Shugri oo la tartamayey uu isna helay 18 cod. Asad wuxuu kasoo jeedaa beesha Dir/Layiile Cali/Reer Aw-saciid.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga HOP111. Wuxuu helay 79 cod, halka Aadan Mursal Cadow oo la tartamayey uu helay 17 cod. Cabaas wuxuu kasoo jeedaa Jareerweyne/Shambara.

Cabdinuur Cali Aadan ayaa isna qaab gacan taag ah ugu guuleystay kursiga HOP028 ee Golaha Shacabka JFS, kadib markii uu tanaasulay Axmed Cabdi Maxameed oo la tartamayey. Cabdinuur wuxuu kasoo jeedaa Hawiye/Gaaljecel/Doqondiide.

Dr. Siciid Maxamed Cali ayaa isna ku guuleystay kursiga HOP093. Wuxuu helay 74 cod, halka Mahad Nuur Cismaan oo la tartamayey uu helay 24 cod, waxaana halaabay 3 cod. Dr. Saciid wuxuu kasoo jeedaa Dir/Biyomaal/Sacad.

Abiy Ahmed oo qorsheynaya tallaabo lama filaan ah oo la xiriirta dagaalka TIGRAY

0

Mekelle (Caasimada Online) – Milateriga Itoobiya ayaa qorsheynaya in ay gudaha u galaan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, ayna “ka takhalusaan” xoogagga TPLF, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga, xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo colaadda waqooyiga dalkaas.

Dalka Geeska Afrika ee Itoobiya ayaa muddo ka badan hal sano waxaa ka socday dagaallo, iyadoo ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay la dagaalamayaan ciidamada daacadda u ah xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeed oo ka taliya gobolka Tigrayga.

Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Itoobiya General Abebaw Tadesse oo waraysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka dawlada ee Fana ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF.

“Tigreegu waa qayb ka mid ah Itoobiya, mana jirto awood naga celinaysa in aan galno, waaynu geli doonnaa, cadawgana waanu ka saaraynaa.” ayuu yiri General Abebaw Tadesse.

Waxa uu sheegay inay isku diyaariyeen sidii ay ‘gebi ahaan’ meesha ugu saari lahaayen cududda militari ee TPLF, isagoo intaas raaciyay inaysan la gorgortami doonin.

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warbixintaan inaysan u suurta gelin in uu wax faah faahin ah ka bixiyo hadalka sarkaalka ciidanka Itoobiya.

Toddobaadkan laba diblomaasi oo Maraykan ah ayaa u duulay Addis Ababa si ay u riixaan xabbad-joojinta, iyagoo isku dayaya inay dhisaan calaamado muujinaya kalsoonida xiriir dhex mara dhinacyada dagaallamaya, oo ay ku jiraan sii deynta maxaabiista siyaasadeed.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ee (OHCHR) ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha cirka ah ee lagu eedeeyay in ciidamada Itoobiya ay ka geeysteen gobolka Tigreega.

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed uu doonayo in uu soo afjaro nidaamka federaalka ee ku salaysan qoomiyadaha, halka Abiy uu sheegay in TPLF ay dooneyso in ay la wareegto awooddii qaran ee ay hore u haysay.

VOA + Reuters

Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garowe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa si adag uga falceiyey doorashadii xubnaha Golaha Shacabka ee shalay lagu qabtay gudaha magaalada Garoowe.

Cumar Cabdirashiid ayaa walaac xoogan ka muujiyey doorashadaas, isaga oo su’aallo badan ka keenay, gaar ahaan waxa kalifay in doorashada lagu qbato xero ciidan dhexdeeda.

Sidoo kale wuxuu su’aallo kale ka keenay sida guddiga doorashooyinka u wejihi karo arrimahan iyo cidda ay tahay in lagala xisaabtamo.

“Haddii doorasho lagu qabto xeryo ciidan, waa maxay khatarta ah in FEAT ay si cad u wajahdo sharci-darradaas. Yaan kula xisaabtameynaa liiskan dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee muuqda,” ayuu ku yiri qoraalka uu saaray Cumar Cabdirashiid.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in dhacdooyinkan aad uga argagax badan yihiin wixii ay horay uga baqayeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah doorashada socota.

“Xaqiiqadu waxay u muuqataa mid aad uga argagax badan wixii aan horay uga baqaynay,” ayuu sii raaciyey, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Doorashada ka dhacday magaalada Garoowe oo ah tii ugu horreysay xubnaha Puntland ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa aad loo dhaliilay, waxaana xubnaha la doortay ay aad ugu dhow yihiin madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Arrimahan oo idil ayaa kusoo aadayo, kadib heshiiskii Muqdisho ee Golaha Wadatshiga Qaran, kaas oo lagu caddeeyey in wax laga beddalo hannaanka doorashada oo ay cabasho ka keeneen mucaaradka, laguna go’aamiyey in la soo gabagabeeyo 25 Feberaayo ee 2022.

Wararkii ugu dambeeyey DAGAALKA ka dhex-qarxi raba RUSSIA iyo UKRAINE

London (Caasimada Online) – Britain ayaa Sabtidii ku eedeysay Russia inay isku dayeyso in hoggaamiye taageersan ay madaxweyne uga dhigto Ukraine, ayada oo sheegtay in sirdoonka Russia ay la xiriireen siyaasiyiin hore oo reer Ukraine ah, si qeyb uga noqdaan qorshaha lagu qabsanayo dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ma aysan bixin wax caddeymo ah oo ay ku taageereyso eedeynteeda oo timid xilli ay xiisad u dhaxeysa Russia iyo Reer Galbeedka oo ka dhalatay ciidamada Moscow ay dhoobtay xuduudda Ukraine.

Moscow waa ay beenisay sheegashooyinka Reer Galbeedka ee ah inay qorsheyneyso inay qabsato dalka Ukraine.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Britain waxay sheegtay inay heshay xog muujineysa in dowladda Ruushka ay ka fakareyso in sharci-dejiyihii hore ee Ukraine Yevhen Murayev ay ka dhigto hoggaamiyaha dalkaas.

“Uma dulqaadan doonno shirqoolka Kremlin-ka ee ah in hoggaamiye taageersan Russia madax looga dhigo Ukraine,” waxaa sidaas twitter-ka kusoo qortay Wasiirka Arrimaha Dibedda Britain Liz Truss.

“Kremlin-ka waa ay ogyihiin in qabsasho militari ay noqon doonto khalad weyn, islamarkaana UK iyo saaxiibadeeda ay ciqaab adag kusoo rogi doonaan Russia,” ayey tiri. 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia ayaa ku gacan seertay hadalkan, waxayna ku qeexday “been abuur”, ayada oo ku eedeysay Britain iyo NATO “inay kasii darayaan xiisadda” Ukraine.

“Waxaan ku boorineynaa Xafiiska Arrimaha Dibedda Britain inay joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada daan-daansi iyo faafinta beenta,” ayey tiri Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia.

Warka kasoo baxay Britain ayaa yimid maalin kadib markii diblomaasiyiinta ugu sarreeya Mareykanka iyo Russia ay ku guul-darreysteen inay horumar ka sameeyaan wada-hadallada xal loogu helayo xiisadda Ukraine. 

Russia ayaa sameysay dalabyo ay ka mid yihiin in Mareykanka ay hakiyaan is ballaarinta NATO ee dhanka bari, ayna ballan-qaadaan in Ukraine aan marnaba loo ogolaan doonin inay ku biirto NATO.

Mareykanka ayaa ku gacan seeray dalabyadaaas, hase yeeshee wada-hadallada labada dhinac ayaa la filayaa inay sii socdaan.

SOOMAALIYA oo sanadkan dalal kale uga kor martay qiimeynta awoodda militariga

0

Washigton (Caasimada Online) – Majalladda online-ka ah ee Global Fire Power ayaa dhawaan soo saartay liiska ay sanad walba ku soo bandhigto xogta ku saabsan awoodda militeri ee dalalka caalamka, Soomaaliya ayaana u muuqata in sanadkan 2022-ka ay sameysay isbaddal.

Marka si guud loo eego, waxaa sidii caadada ahaydba liiska oo ka kooban 140 waddan ugu sarreeya Mareykanka, halka ay ku xigaan dalalka Ruushka iyo Shiinaha.

Ilaa laga gaarayo tobanka kaalmood ee ugu horreeya waxaa ugu sii xiga Hindiya, Japan, Kuuriyada Koonfureed, Faransiiska, Britain, Pakistan iyo Brazil.

Tobanka kaalmood ee ugu horreeya isbaddalka kaliya ee ka jira waa in Pakistan ay sanadkan ka dul martay Brazil oo sanadkii hore ka horreysay.

Waxaa kale oo xusid mudan in awoodda militari ee Turkiga uu sanadkan hoos u dhac ku yimid marka la eego liiskan, waxaana ka hor maray labo dal oo uu ka sarreyn jiray oo kala ah Masar iyo Talyaaniga.

Sidaas awgeed, halkii uu Turkiga kaalinta 11-aad ku jiray sanadkii 2021-kii, hadda waxa uu soo galay kaalinta 13-aad.

Dhanka kale, Israa’iil oo kaalinta 20-aad ku jirtay sanadkii lasoo dhaafay ayaa hadda noqotay kaalinta 18-aad, waxaana baddashay oo booskeeda 20-ka gashay Saudi Arabia oo kasoo dagtay kaalinta 17-aad oo ay horay ugu jirtay.

Soomaaliya oo booska 138-aad fadhisa ayaa ka kor martay waddamada Kosovo iyo Bhutan oo ku kala jira kaalmaha 139-aad iyo 140-aad.

Markii hore Soomaaliya waxay meesha ugu hooseysa uga jirtay liiska caalamka. Muddo dheer ayay sanadk kasta Soomaaliya ahayd dalka ugu hooseeya liiska, oo ahaa 140 waddan. Waxaase muuqata in hadda ay horumar sii sameyneyso. dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Mareykanka iyo Qadar ayaa ka qeyb qaata dhismaha militariga Soomaaliya iyo tababartkoodaba.

Hase ahaatee marka la eego dhinaca qaaradda Afrika, Soomaaliya waxay u muuqataa inay sameysay hoos u dhac, iyadoo ka hoos martay waddanka Liberia oo ay liiska uga horreysay sanadkii 2021-kii.

36 waddan oo Afrika looga xusay liiska ayay meesha ugu dambeysa kasoo gashay Soomaaliya, inkastoo liiska caalamka ay uga korreyso dalal kale.

Tobanka waddan ee hoggaaminaya awoodda militari ee Afrika ayaa sidoo kale qaarkood ay sameeyeen isbadallo.

Masar ayaan wali laga taabanin kaalinta koowaad, balse Koonfur Afrika ayaa soo ciriirsatay kaalinta labaad, halkii ay sanadkii hore ku jirtay kaalinta saddexaad, iyadoo hadda booska ka qaadatay Aljeeriya.

Sidoo kale Suudaan ayaa booska 9-aad kala baxday Tunisia oo hadda ah waddanka 10-aad.

Tobanka waddanka ee ugu awoodda badan Afrika iyo sida ay isugu xigaan

Masar, Koonfur Afrika, Aljeeriya, Nigeria, Morocco, Itoobiya, Angola, Liibiya, Suudaan, Tuniisiya.

Sidan ayay u kala horreeyaan waddamada kale ee Afrika.

11- Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo, 12- Kenya, 13- Chad, 14- Zambia, 15- Uganda, 16- Zimbabwe, 17- Ghana, 18- Mali, 19- Suudaanta Koonfureed, 20- Cameroon, 21- Niger, 22- Botswana, 23- Ivory Coast, 24- Tanzania, 25- Mozambique, 26- Jamhuuriyadda Kongo, 27- Eritrea, 28- Muritaaniya, 29- Namibia, 30- Madagascar, 31- Burkina Faso, 32- Gabon, 33- Afrikada Dhexe, 34- Sierra Leone, 35- Liberia, 36- Soomaaliya

Waa sidee awoodda militeri ee Soomaaliya 2022?

Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada adduunka, oo ka kooban 140 dal.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,094,640.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,781,767 ruux, oo u dhigma 23.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,669,060 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 120,946qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

Sanadkan waxa uu wargeyska xusay in Soomaaliya aysan heysanin taangiyo u diyaarsan. Balse waxa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay leedhaay 65 gawaadhida gaashaaman ah. Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3. 11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya

Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya. Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl. Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $63,934,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $30,450,000.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km. Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km. Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km. Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

Isha: BBC Somali

Ciidamada DF oo ka hortegay QARAXYO la qorsheeyey

0

Guriceel (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saaka ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Gorgor ay ka sameeyeen duleedka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Howl-galka ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray ciidamada Gorgor iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Dhagaxyaale oo dhaca koonfurta magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay weerar ku qaadeen xubnahaasi oo diyaarinayey gaari lagu soo raray qarxyo oo la sheegaya in lala damacsanaa Guriceel.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage oo war kasoo saaray howl-galkaasi ayaa sheegay inay ku dileen ugu yaraan 7 xubnood oo uu jiro sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Guriceel, kaas oo uu magaciisa ku sheegay Daa’uud Shaambil.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay ciidamadu gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo jaakadaha qaraxyada, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa khaajiriyay 7 xubnood oo uu ku jiro horjoogihii Al-Shabaab ee Magaalada Guriceel iyo lix kale oo la socotay, waxa ay wateen Gaari Surf ah & Jaakado kuwa qaraxyada lagu fuliyo, Ciidamada ayaa ku raad-jooga saddex kale oo ka baxsatay gacantooda,”  ayuu yiri taliyaha ciidamada Xoogga dalka.

Dhanka kale taliyaha ayaa aad u boggaadiyey laamaha ammaanka iyo shacabka Guriceel, maadaama uu sheegay in si wadajir ah looga hortegay weerarkaasi, kadib xogo ay heleen.

Guriceel waxaa muddooyinkii dambe dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka waday ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku ballaariyey deegaanada hoosyimaada magaaladaasi.

Jubbaland oo qabaneyso doorashada 6 kursi iyo xubnaha ku fadhiyey oo…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada 6 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee ka imaanaya Jubalanad.

Qaban-qaabada doorashada ayaa haatan si weyn looga dareemayaa magaallo xeebeedka Kismaayo, waxaana loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Illaa 12 musharrax ayaa u tartamaya kuraasta maanta doorashadooda la qabanayo, kuwaas oo buuxiyey shuruudihii looga baahnaa.

Lixda kursi ee doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah: 1-Hop107 oo ay ku fadhisay Xaawo Maxamed Aadan, 2-Hop114 oo uu ku fadhiyey Cabdulqaadir Maxamed Cismaan, 3-Hop120 oo uu ku fadhiyey Cabduqaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) oo mar soo noqday wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, 4-Hop111 oo uu ku fadhiyey Maxamed Nuur Iftin Shambara, 5-Hop028 oo uu ku fadhiyey Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir iyo 6-Hop093 oo uu ku fadhiyey Wasiirkii hore ee Diinta & Awqaafta Sheekh Nuur Maxamed.

Tartanka ayaa waxaa gabi ahaan laga reebay xildhibaanadii horey ugu fadhiyey 5 kursi ee ay Jubbaland qabaneyso doorashadooda, waxaana xubnaha la shaaciyey ee tartamaya ay yihiin kuwa cusub, isla-markaana ay ku jiraan xubno aad ugu dhow Axmed Madoobe.

Dhinaca kale guddiga doorashada Jubbaland ee SEIT ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadan ay qayb ka tahay fulinta heshiiskii doorashooyinka ee dhowaan lagu gaaray Muqdisho.

Sida uu qorshuhu yahay doorashada ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo 25 Febraayo ee sanadkan 2022-ka, si markaas loo guda-galo doorashada madaxweynaha.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto, kadib markii ay soo noq-noqdeen muranada ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

Golaha Wasiirada DF oo qorsheynaya go’aan culus oo la xiriira kiiskii Qalbi Dhagax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayaa inay Maanta isugu yimaadaan kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayo go’aankii ay xukuumaddii hore ka gaartay kiiska Qalbi Dhagax iyo ONLF.

Sida ay xogta ku heleyso Caasimada Online, Golaha Wasiirada ayaa la filayaa inay soo saaraan go’aan ku saabsan in laga laabtay go’aankii ay xukuumadda Kheyre liiska argagixisada ugu dartay ururka ONLF ee Soomaali Galbeed.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa raali gelin buuxda siin doona Qalbi Dhagax oo si sharci darro ah dalka looga dhoofiyey isla markaasna loo gacan geliyey Dowladda Itoobiya, inkastoo markii dambe lasoo daayey.

Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bogiisa Facebook ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isulwasaare Rooble ay baal dahab ah ka geli doonto Soomaaliya haddii ay saxdo qaladkii ay ku kacday xukuumaddii ka horeysay ee Ra’isulwasaare Kheyre.

“Maanta Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay maanta indhaha ka furayaan halgamaagii asagoo indho xiran, afduuban, garbaduuban dalka laga dhoofiyey dalka, iyo sidoo kale waxaa wax kama jiraan laga dhigayaa qaraarkii qaldanaa ee liiska argagixisnimo loogu daray Ururka ONLF ee xaq u dirirka ah,” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo dhigay Facebook.

“25 August maalintii Qalbi dhagax amarka Farmaajo looga dhoofiyey garoonka Muqdisho iyo 06 September maalintii xukuumaddii Khayre ay sharciyaysay dhiibista Qalbi dhagax iyo liiska argagixisada in lagu daro ururkiisii ONLF waxay ahaayeen maalmo madow oo dawladnimada Soomaaliya iyo sharciga dalkaba meel looga dhacay, gefna laga galay halgankii ay u taagnaayeen Ururka ONLF.”

Fiqi ayaa intaas ku daray “Raysulwasaare Rooble, wasiirkiisa Amniga Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo golaha xukuumaddu waxay mudan yihiin bogaadin, waxaana xusi doonto taariikhda, haddii xukuumadani ay waxqabatayna waa kii u weynaa.”

Xildhibaano cusub oo lagu doortay KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashada oo lagu horreysiiyey kursiga HOP 114 ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi, waxaana kusoo baxay Cumar Ibraahim Xaashi, sida uu shaaca ka qaaday guddiga doorashada Jubbaland.

Cumar ayaa helay 80 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 12 cod, sidoo kale waxaa halaabay 8 cod sida uu sheegay gudiga doorashada Jubaland oo natiijada shaaciyey.

Kursiga labaad Hop107 ee doorashadiisa la qabtay waxaa kusoo baxay Mudane Maxamed Sheekh Nuur Cismaan, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa. Sidoo kale kursiga HOP120 ayaa waxaa loo doortay Asad Cabdirisaaq Maxamed oo helay 77 Cod, halka Siciid Cabdiqaadir Shugri oo la tartamayey uu isna helay 18 cod.

Doorashada ayaa sidoo kale haatan sii socota, waxaana la guda-galayaa kuraasta xigta ee loo qorsheeyey in maanta la qabto doorashadooda waxayna kala yihiin:-

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadan ay qayb ka tahay fulinta heshiiskii doorashooyinka ee dhowaan lagu gaaray Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Gudiga xalinta khilaafaadka oo soo saaray fariin xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku faahfaahinayo hanaankiisa shaqo gudashada, xiligaan xasaasiga ah, isagoo balan qaaday inuu dhowrayo heshiisyadii kala dambeeyey ee laga gaaray doorashada.

Guddiga ayaa qoraalkaan ku sheegay inay is kala qeybiyeen oo maamul goboleed kasta seddax xubnood loo diray, kuwaas oo kor joogteyn doona qaabka ay dowlad goboleedyadu u qabanayaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

“Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban, wuxuu la socod siinayaa guddiyada heer dowlad goboleed in xubnaha nooga howlgalaya deegaan doorasho kasta ay diyaar u yihiin in ay si buuxda u hubiyaan guddiyada soo xulaya ergooyinka, musharaxiinta iyo ergada la soo xulay in ay buuxiyeen shuruudaha loo dajiyay si waafaqsan heshiiskii golaha wadatashiga qaranka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan.

Bayaanka guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa intaas ku sii daray, “Guddiyada Maamulka Daarashooyinka ee federaal iyo heer dowlad goboleed  waa inay si buuxda u hubiyaan in musharaxiinta u tartameysa kuraasta baarlamaanka, guddiyada soo xulaya ergooyinka iyo ergada lasoo xulayba ay buuxiyeen shuruudihii laga rabay eek u xusan heshiisyada iyo habraacyada doorashada.”

Dhawaan ayaa guddigaan laga eryey todoba xubnood oo gudoomiyihii hore uu ku jiro, waxayna maalmo ka hor Muqdisho ku doorteen guddoomiye cusub, guddigaan oo howshiisu tahay xalinta khilaafaadka ka soo noqda doorashada ayaa dhowr jeer oo hore laga deyriyey daacadnimadiisa.

 

Guddoomiyihii hore ee gobolka HIIRAAN oo caawa MUQDISHO lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa caawa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dishay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Ibraahim Macow.

Marxuumka ayaa lagu toogtay banaanka ee Masjid uu ku soo dukaday salaadii cishaha, sida ay dad goobjogogayaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Cabdiraxmaan Ibraahim Macow oo mudo dheer ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya ayaa haatan u sharaxnaa mid ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee laga soo doorto gobolka Hiiraan.

Marxuumka ayaa la soo shaqeeyey Maxkamadihii Islaamka ee mar ka talinayay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sidoo kale guddoomiye ayuu mar ka soo noqday gobolka Hiiraan.

Marxuumka Cabdiraxmaan oo caawa la dilay ayaa la sheegay in dhowaan uu Muqdisho ku qabtay munaasabad uu ku shaaciyay inuu yahay musharax u tartami doona mid ka mid ah kursta baarlamaanka faderaalka ee laga soo doorto gobolka Hiiraan.

Saciid Deni oo saddex cod ka helay doorashadii Garoowe – Yaa helay labada kale?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa maanta ka bilaabatay maamulka goboleedka Puntland, waxaana la qabtay doorashada shan kursi, oo ka dhacday xerada ciidanka ee 54-aad.

Saciid Deni oo ka mid ah musharixiinta la filayo inay isku soo taagaan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa doorashadii maanta dhacday ka helay 3 cod, ayada oo la doortay saddex qof oo aad ugu dhow.

Labada kursi ee kale ee uusan helin Saciid Deni balse lagu doortay magaalada Garoowe ayaa kala ah HOPP#235 iyo HOPP#200.

Kursiga HOPP#235 waxaa kusoo laabtay xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ah Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya. Halka kusiga HOPP#200 uu kusoo laabtay Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh.

Labadaan xildhibaan oo aan ku aragti aheyn Saciid Deni, islamarkaana ku aragti ahaa madaxweyne Farmaajo ayey dad badan is waydiinayaan sababta keentay inay soo baxaan maadaama doorashada socoto ay tahay mid ay go’aan ka gaarayaan madaxda maamul Goboleedyada.

Labadaan kursi waxaa la sheegay ku dul hagoogteen laba nin oo Jilbo culus ah oo uusan wax ka diidi karin Saciid Deni.

Kursiga HOPP#200 ee laga leeyahay magaalada Garoowe waxaa ku dhagay Islaan Ciise oo codsaday in kursigaan mar kale loo dhaafo xildhibaanka ku fadhiyey oo ah Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh.

Kursiga Labaad ee HOPP#235 oo laga leeyahay degmada Xudun ee Gobolka Sool isna waxaa ku dhagay madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Saciid Deni u dhaafay go’aanka kuraasta kale.

Kuraasta kale ee maanta la doortay oo uu kamid yahay kursiga HOPP#166 waxaa kusoo baxay ninka la yiraahdo Axmed Taajir, waxaana keensaday Saciid Deni oo rajeenayo inuu codkiisa helo, waxaana Kursigaan horey ugu fadhiyey Sadiiq Warfaa.

Kursiga HOPP#249 waxaa ku tartamay labo musharax oo kala ah Cabdullaahi Xasan Rooble oo helay 93 cod, waxaana la tartamayay Maxamed Cabdirisaaq Ciise, waxaana ku soo baxay kursigaas Cabdullaahi Xasan Rooble oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland,  waxaa kursigaan horey ugu fadhiyey Sharma’arke Saleebaan, wuxuuna kamid yahay kuraasta uu ku tashanayo Saciid Deni.

Kursiga shanaad ee Maanta lagu doortay Magaalada Garoowe waa HOP#196 oo ay ku tartameen Cabdi Ibrahim Warsame iyo Abshir Cabdi Xuseen Cabdi Ibraahim oo ku soo baxay doorashada ayaa helay 90 cod halka musharaxii la tartamyay oo ahaa Abshir Cabdi Xuseen uu helay 6, codadka xumaaday ayaa ah 2 cod sida uu shaaciyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed SEIT Puntland.

Kursigaan ayaa noqday midkii Sedexaad ee uu Maanta helo madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ah musharax la filayo inuu isku soo taago xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Sidee Wasiir BIDHAAN kursi uga soo helay GAROOWE isagoo ku dhow Farmaajo?

0

Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa maanta mar kale loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, gaar ahaan xubnaha laga soo doorto Puntland.

Bidhaan, oo aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo, ayaa ka mid noqday shan xubnood oo maanta lagu doortay magaalada Garowe, balse waxuu uga duwan yahay xubnaha kale inuu yahay wasiir ka tirsan dowladda federaalka.

Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka oo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya uu ku jiro, ayaa maalmo ka hor dib uga soo laabtay Garowe, iyagoo sheegay in hoggaanka Puntland uu ka hor istaagay inay u tartamaan kuraasta beelahooda.

Wasiir Bidhaan ayaa markii la doortay kadib waxuu galabta la hadlay Idaacadda BBC, isagoo sheegay in rabitaanka beeshiisa oo kaliya uu ku soo baxay.

Cabdullaahi Bidhaan ayaa la weydiiyay sababta loogu ogolaaday inuu u tartamo kursiga beeshiisa, iyadoo wasiirradii kale ee federaalka ay sheegeen in laga hor istaagay tartanka.

“In mar labaad la i doorto waxaa abaalkeeda leh beesheyda, kuraastaan waxaa leh beelo, caqabaduhuna waa kala duwanyihiin mar kasta, laakiin waxaan aad uga mahadnaqayaa in beesheydu i siisay kalsooni mugleh, oo mar labaad ay ii ogolaatay inaan ku metelo golaha shacabka,” ayuu yiri Cabdullahi Bishaan oo wasiir federaal ahaa shan sano.

Mar la weydiiyay waxa ka jira warar sheegaya in madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash uu ka dambeeyey inuu kursigaas helo ayuu sheegay in arrinkaas aysan waxba ka jirin.

Sidoo kale wasiir Bidhaan ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland aysan waxaba gaar ah kala dhaxeyn, oo kursiga uu ku soo baxay ay u ogolaatay beeshiisa.

“Codkeyga waxaa lagu tirinayaa meeshii ay Soomaaliya dani ugu jirto,” ayuu ku jawaabay mar la weydiiyey musharaxa uu taageeri doono ama uu siin lahaa codkiisa.

Beesha HABAR-GIDIR oo jawaab ka bixisay weerarkii lagu qaaday Rooble (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Hoggaaminta Beelaha Habargidir Cabdullaahi Cabdulle Wehliye ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray qaar kamid ah siyaasiyiinta Gobolada Woqooyi ee ay ku weerareen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdullaahi ayaa sheegay in hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Boqo Buurmadow, Prof. Cabdi Ismaacii Samatar iyo siyaasiyiinta kale uu yahay gaf iyo meel ka dhac.

“Hadalkii kasoo yeeray siyaasiyiinta uu hoggaaminayey Boqor Buurmadow ee ahaa inay cabasho ka yihiin Rooble oo ay dacwad ugu tageen Beesha Habargidir, hadalkaas waa meel ka dhac nama qabato cid noo timaaday ma jirto,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu yahay nin Soomaaliyeed, balse wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Habargidir, wuxuuna tilmaamay in Habargidir ay leedahay gole ay dhisatay.

“Sidaad ka war qabtaan Habargidir waxay dhisatay gole loo dhan yahay, anigaa guddoomiye ku xigeen ka ah, guddoomiyihii wuu xanuusan yahay ma jirto cid dacwad noo keentay oo ka socota Gobollada Woqooyi ama Beesha Dir, boqorka ayaa been sheegayo aniga ma lihi, laakiin hadalkaas annaga nama soo gaarin,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Cabdullaahi ayaa meesha ka saaray in Beesha Habargidir ay ka suurta geli karto inay meel iska dhigto dacwad ay usoo gudbiyaan Beelaha Reer Woqooyiga.

“Walaalaheen reer Woqooyi Galbeed waxaa nahay dad walaalo ah, waxaan nahay dad halgan soo wada galay, waxaan nahay dad wax badan ka dhaxeeyaan, waa dad aan xushmad u heyno  uma quurno inaan been ka sheegno,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Ugu dambeyntii gudoomiye ku xigeenka ayaa musiibo ku dhacday dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay inay maanta goobjoog ka yihiin Boqor Buurmadow, Prof. Cabdi Ismaaciil iyo guddoomiyihii Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo been sheegaya.

Daawo: Hooyo QAALI: Ma dhici karto in FAHAD Yaasiin uu yimaado Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho, ayaa ka hadashay safar la qorsheenayo inuu Beledweyne ku tago agaasimihii hore ee Hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaajir Daahir.

Hooyo Qaali ayaa sheegtay in Fahad Yaasiin uusan imaan karin magaalada Beledweyne si uu u helo xil uu ku dhuunti sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa Beledweyne usoo socdo Fahad Yaasiin oo doonayo inuu helo xil uu ku dhuunto ma imaan karo, dalka wuxuu ku dhisan yahay 4.5, aniga iyo Gabadheedana waxaan kasoo jeednaa laba beel oo ah kuwa ugu weyn ee daga Hiiraan,” ayey tiri.

Hooyo Guhaad ayaa Beesha Gaaljecel oo ay gabadheeda ka dhalatay ugu baaqday inaysan aqbalin inuu Fahad Yaasiin hal habeen ku hoydo Beledweyn.

“Gabadheeda waxay kasoo jeedaa Beesha weyn ee Gaaljecel oo ah Beesha haddii Geel laga dhacdo uusan hal habeen mooro kale ku hoyan, sidee u aqbali karaan in Fahad Yaasiin oo gabadhooda ay ku maqantahay inuu yimaado Beledweyne,” ayey sii raacisay.

Waxay sii raacisay “Anigana waxaan ka dhashay Beesha Xawaadle oo ah Beel uusan cadowgeeda waligiis ilibin ka qaadan, mana aqbalayaan inuu Fahad yimaado Beledweyne.”

Hadalka hooyo Qaali ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada 25 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, waxaana Kuraasta lagu qabanayo kamid ah midka uu u tartamayo agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa muddo dhowr bil ah lagu la’yahay gacanta hay’adda NISA, taasi oo iyadana sheegtay inay afduubatay oo dishay Kooxda Al-Shabaab.

Ikraan waxay bishii August ee sanadkii 1996-kii ku dhalatay magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay.

Waxayna khibrad in muddo ah u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda iyo laamaha amniga.

Gabadhan ayaa in ka badan shan sano ka hor ku biirtay hay’adda Nabad sugidda ama Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay’addaas.

Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali San Baloolshe.

A/Madoobe oo ku ceeboobay heshiiskii Lafta-gareen ee kuraasta HOP56 iyo HOP126

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa lumiyey mid kamid ah dhallinyaradii u halgantay xukun joogiisa, waana Maxamed Xasan Idiris oo loo yaqaan (Maxamed Ganaey).

Wuxuu ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaankii Tobanaad Shantii Sano ee lasoo dhaafday, wuxuuna ku fadhiyey kursigiisa HOPP#126.

In qof siyaasi ah kursi loo diido maahan mowduuc weyn, laakiin sida loo lumiyey ninkaasi dhallinyarada ah waa cashir dhaawacaya shaqsiyadda iyo daacadnimada hoggaamineed ee Axmed Maxamed Islaam.

Axmed Madoobe wuxuu kursigaan dhaafsaday kursi uu ku fadhiyo nin ay xigto yihiin oo la yiraahdo Geelle, kaasoo yaalo Koonfur Galbeed.

In labada kursi la isku badasho Laftagareen waa u siyaasad oo wuxuu la yimid nin uu aamisan yahay inuu codka geyn doono meesha uu isagu rabo, waana Xasan Eelaay, laakiin Axmed Madoobe kursigaan siyaasad ahaan uma wajihin ee heyb ahaan ayuu u sariftay.

Axmed Madoobe iyo Lafgareen si buuxda ayey uga heshiiyeen isdhaafsiga labadaan kursi ee HOPP#56  iyo HOPP#126.

Laftagareen wuxuu Kursiga HOP#56 u dhaafayaa Geelle, halka Axmed Madoobe uu kursiga HOPP#126 siin doono Xasan Eelaay oo kamid ah golaha wasiirada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Axmed Madoobe oo isaga aabi badan oo dhanka Geelle ah laga so wariyey ayey xujada Koowaad ag taalaa oo ah inuu marka hore isagu bixiyo Kursiga HOPP#126.

Dhawaan mar ayaa la sheegay in dhinaca Axmed Madoobe isku dayeen inay ballanta ka noqdaan kadib markii ay la xumaatay sida ay u dulmiyeen ninka dhallinyarada ah ee Maxamed Ganey oo kooxdooda kamid ahaa, balse dhanka Laftagareen ayaa la sheegay inay iyaguna ceejiyeen fursadda Geelle markii ay shakiyeen.

Si walbaba, 26-ka Bishaan ayaa Magaalada Kismaayo waxaa kursiga HOPP#126 lagu siin doonaa Xasan Eelaay kadibna dhanka Koonfur Galbeed ayaa laga sugayaa inay Geelle soo siiyaan Kursiga HOPP#56.

Xildhibaankii ugu horreeyey oo lagu doortay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta ka bilaabatay doorashada kuraas ka mid xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya Puntland, iyada oo goordhow la doortay xildhibaankii ugu horreeyey.

Cabdi Ibraahim Warsame ayaa ku guuleystay doorashada kursiga koowaad ee HOP196 oo la qabtay doorashadiisa, wuxuuna la tartamay musharrax uu isagu keensaday.

Guusha Cabdi Ibraahim ayaa aheyd mid horey loo sii oogaa, maadaama si gaar ah loogu xiray kursigan oo ka mid ah kuraasta maanta loo qorsheeyey in la qabto doorashadooda.

Xildhibaan Cabdi Warsame ayaa haatan ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland, wuxuuna ka mid yahay xubnaha aadka ugu dhow Saciid Deni.

Doorashada ayaa sii socota waxaa la guda-galayaa afarta kursi ee xigta ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda lagu qabto magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Sidoo kale xubnaha ee la sii ogyahay inay soo baxayaan waxaa ka mid ah Axmed Cabdi Xaashi oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Soomaaliya, Cabdullaahi Xasan Rooble oo ah wasiru-dowlaha waxbarashada Puntland, Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ah xildhibaan heer Federaal ah, sidoo kalena Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay Puntland iyo Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah xildhibaan iyo wasiir heer federaal ah.

Tartanka ayaa waxaa horey laga reebay musharixiintii saameynta lahaa ee qeyb-ta ka ahaa loolanka loogu jiro doorashada, kuwaas oo ay ku jiraan wasiiro ka tirsan dowladda, sida wasiirka duulista hawada Soomaaliya oo dhowaan eedeyn culus u jeediyey maamulkaasi

Si kastaba, cabashada kasoo yeereysa doorashada iyo in aysan waxba iska beddalin sidii hore ayaa waxa ay meesha ka saareysaa dhaqan-gelinta qodobadii ku jiray heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Xafiiska ROOBLE oo diiday qorshe cusub oo la sheegay in Imaaraadka damacsan yihiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa beeniyey in dano siyaasadeed laga leeyahay gargaarkii ay Imaaraadka Carabta soo gaarsiiyeen Muqdisho 7-dii Janaayo ee loogu talo-galay abaarta dalka ku dhufatay.

Gargaarkaas kadib ayaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu Abu Dhabi ka raali-geliyey lacagtii ay garoonka Muqdisho ku qabteen sirdoonka Soomaaliya bishii Aprill 2018, isaga oo ballan-qaaday in dib loogu celin doono Imaaraadka.

Cabdirashiid Muuse, oo ah taxliiliye siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay inay caddahay in Imaaraadka ay si xooggan isugu dayayaan inay saameeyaan doorashooyinka Soomaaliya, si ay kursiga uga tuuraan madaxweyne Farmaajo. 

Waxa uu sheegay in Imaaraadka ay kuu guuleysteen inay Rooble ka horkeenaan madaxweyne Farmaajo.

“Imaaraadka marnaba Soomaaliya kama aheyn bixiye deeq gaaraar ama meel kaleba, islamarkaana macaamilkeeda dibedda ee dalalka ay xasillooni darrada ka jirto waxaa xudun ah cayaar ay tahay inay ayada un guuleysato. Waxay ka faa’iideysataa xasillooni darrada iyo duruufaha bani’aadaminimo si ay u riixdo faa’iidooyinkeeda dhaqaale ee dalalka tabarta darran,” ayuu yiri.

Cabdirashiid ayaa sheegay in Imaaraadka ay taariikh u leeyihiin inay maal-geliyaan dhaq-dhaqaaqyada kacdoon iyo afgambiyada dibedda, wuxuuna soo jeediyey in gargaarkii ay dhowaan keeneen Soomaaliya looga dan leeyahay in lagu iibsado saameyn siyaasadeed. 

“Haddii Imaaraadka ay daacad ka tahay gargaarka bani’aadaminimo ee Soomaaliya, marnaba ma aysan xiri laheyn isbitaalkoodii Muqdisho sanado kahor,” ayuu yiri.

Jawaabta xafiiska Rooble

Hase yeeshee, Liibaan Cabdi Cali oo ah agaasimaha warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa Anadolu u sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso caqabado badan, oo ay ka mid tahay abaaraha, wuxuuna xusay in Rooble uu ku baaqay gargaar.

“Deeqda ka timid Imaaraadka waxay jawaab u tahay baaqa, mana arko wax arrimo siyaasadeed ah ama diblomaasiyad gargaar oo lagu saameynayo arrimaheena gudaha, sababtoo ah mowqifkeena waa cad yahay. Waa mid ku dhisan danaha aan wadaagno iy is-ixtiraam, waxaana ka fileynaa dal kasta inuu sidaas oo kale sameeyo,” ayuu yiri Liibaan.

Liibaan ayaa intaas ku daray in taariikh ahaan ay Soomaaliya xiriir wanaagsan la laheyd Imaaraadka, ra’iisul wasaarahana uu doonayo inuu joogteeyo xiriiradaas. 

“Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta waa ay isku xiran yihiin dhaqaale ahaan, islamarkaana go’aanka ra’iisul wasaaraha ee lagu sii daynayo lacagta la qabtay waxaa looga dan leeyahay inuu dhabaha u xaaro xalinta khilaafyada u dhaxeeya labada dal. Soomaaliya ma lahan lacagtan, waxaa leh Imaaraadka, waana in dib loogu celiyaa,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Xasan Cabdisalaan Guuleed oo ah cilmi-baare ayaa ku adkeystay in Abu Dhabi ay awooddeeda ku muujineyso gobolka, ayada oo adeegsaneysa ganacsiga iyo diblomaasiyadda, hase yeeshee aysan aheyn halis saameyn karta dadaallada dib u dhiska Soomaaliya.

“Inkasta oo aysan cidna ogeyn danta dhabta ah ee Imaaraadka ay ka leeyihiin Soomaaliya, haddana Imaaraadka waa ay joogeen Soomaaliya ayaga ka caawinaya gargaarka iyo tababarka militariga. Si kastaba, Imaaraadka, si la mid ah dal kasta oo kale, dan waa ay ka leeyihiin Soomaaliya, waxaan ku aalnaa gobol muhiim ah oo ka mid ah qaaradda,” ayuu Xasan u sheegay Anadolu.

Isaga oo tixraacaya gargaarkii ay dhowaan keeneen Muqdisho iyo isu soo dhowaanshaha labada dhinac, ayaa Xasan waxa uu ku qeexay “tallaabo muhiim ah oo soo daahday”.

“Haddii ay noqoto abaar nolosha halis gelineysa ama dagaallo soo noqnoqda oo ka dhashay doorashooyinka, Soomaaliya waxay hadda ku sugan tahay xaalad halis ah. Sidaas darteed, Soomaaliya way ku faraxsan tahay kaalmo kasta,” ayuu yiri.

Xukuumadda Rooble ayaa maalmihii tegay qaaday tallaabooyin ay ugu muujineyso Imaaraadka Carabta inuu dhab ka yahay isbeddelka siyaasadeed, waxaana ka mid ah inay si weyn uga falcelisay una cambaareysay weeraradii ay Xuutiyiinta ku qaadeen magaalada Abu Dhabi, Isniintii tagtay.

Sawirro: Dibad-bax weyn oo ka dhacay HARGEYSA

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo ay dhigeen dadweynaha ku dhaqan magaaladaas iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, kuwaas oo isugu soo baxay beerta Xoriyada Hargeysa.

Ujeedka dibad-baxa ayaa ahaa mid lagu taageerayey doodii uu dhowaan baarlamaanka UK ka yeeshay aqoonsiga Somaliland, kadib markii uu horgeeyey xildhibaan Gavin Williamson.

Dibad-baxa ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyey goobta, kana hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay qaddiyada Somaliland iyo sidii loo sii wadi lahaa dadaalkeeda Ictiraafka.

Sidoo kale waxaa banaan-baxa oo ah mid ballaaran kasoo muuqday xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Duqa Hargeysa, iyaga oo gacmaha ku sitay Calanka Somaliland, waxayan soo dhoweeyey dooda xildhibaanada UK ka yeesheen aqoonsiga Somaliland.

Baalamaanka UK ayaa isbuucii hore dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland, waxaana doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyada Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhiabanada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka horkeenay mooshinka ka doodida aqoonsiga Soomalailand.

Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa tan iyo wixii ka dambeeyey 1991-kii raadineyso inay hesho madax banaani, si ay uga go’ado Soomaaliya, balse uma suura-gelin, waxaana dhowr mar dhacay wadahadallo u dhexeeyey labada dhinac oo aan weli laga gaarin natiijo wanaagsan.

KENYA oo war cusub kasoo saartay aqoonsiga Somaliland

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta aqoonsiga Somaliland, kaddib dooddii baarlamaanka UK ay dhowaan ka yeesheen arrintaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan.

Omamo ayaa sidoo kale waxay kaga hadashay xiisadda Itoobiya. Waxay sheegtay in Kenya aysan illaawin Itoobiya, oo ay sii wadi doonto inay si hoose ula xaajooto, una adeegsato diblomaasiyad jilicsan si loo soo afjaro xiisadda ka taagan dalka deriskeeda ah.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres uu BBC-da u sheegay in xaaladda Itoobiya ay beesha caalamka ku adkaatay inay xalliyaan, iyadoo xukuumadda Addis Ababa ay si joogto ah uga dhega adeygtay waxa uu ugu yeeray farogelinta shisheeye.

Waxay wasiirka sheegtay in Kenya ay rumeysan tahay awoodda ay Itoobiya u leedahay inay is faham gaaraan, isla markaana inkastoo ay waqti qaadaneyso, haddana siyaasiyiinta xabsiga laga soo daayay ay muujineyso in xoogaa horumar ah la gaaray.

Waxay intaas ku dartay in Kenya ay Itoobiya kala hadleysay baahid aloo qabo wada xaajood qaran, xabbad-joojin iyo in dadka la gaarsiiyo gargaar bani’adaannimo.

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkan gudhiisa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.

Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaannada iska taageen qaddiyadda Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhibaannada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka hor keenay mooshinka ka doodidda aqoonsiga Soomliland.

Gavin ayaa waxaa uu baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda, isaga oo arrimo badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland.

Bishii December ee sanadkii 2020 ayay ahayd markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Muuse Biixi ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo sheegay inay ka wada hadleen danaha ay wadaagaan.

Booqashada Muuse Biixi waxay ku soo aadday xilli uu aad u sii xumaanayay xiriirka Kenya iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

29-kii bishii la soo dhaafay ee November ee isla sanadkaas, war qoraal ahaa oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyay Nairobi looga yeeray Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliya na lagu amray in uu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dowladdiisa.

“Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda qaran, kaddib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland,” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

Kenya ayaa beenisay in farogelin ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa 30 sano ka hor ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse tan iyo xilligaasi ma aysan helin aqoonsi caalami ah.

Isha: BBC Somali