26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

SOMALILAND oo shaacisay go’aan ay ka qaadatay DF

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr Ciise Maxamuud Kayd ayaa shaacisay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay joojiso wada-hadalada kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wasiirka ayaa dowlada federaalka ku eedeeyay inaysan daacad ka aheyn wada-hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, sidaas darteedna wixii hadda ka dambeeya aysan sii wadi doonin xukuumadda Hargeysa.

“Wada-hadaladu waxay soo bilaabmeen 2012-ka, ilaa hadana wax miro-dhal ah ma yeelan, shirarkii kala duwanaa ee waddamada kala duwan ka dhacay, waanu joojinaynaa wada-halada madaama oo qolada Soomaaliya aanay diyaar u ahayn in laga gun-gaadho” ayuu yidhi wasiir Kayd.

Waxa uu intaas kusii daray in dowladda federaalka Soomaaliya aysan u hayn aqoonsi, xilli dalalka caalamka ay ku cadaadinayaan Somaliland in qadiyadeeda madax-banaanida ka heshiiyan Soomaaliya.

“Wax aqoonsi ah oo dowlada Soomaaliya ay Jamhuuriyada Somaliland u haysa ma jirto, hadaba 30 sanno ayaanu madax-bannaanayn.”

Somaliland oo ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya ayaa illaa hadda helin aqoonsi, taasi oo loo aaneynayo inay ka dambeyso dowladda federaalka oo ayadu rabin in la kala gooyo dalka.

Si kastaba, Wada-hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo soo bilowday toban sano ka hor ayaa illaa hadda laga gaadhin horumar la taaban karo, ayada oo sanadihii dambena uu gebi ahaanba istaagay.

Safiirka Mareykanka oo yimid Muqdisho iyo tallaabada ugu horreysa ee uu qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, ku dhowaad sanad kadib markii la magacaabay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda.

Qoraalka safaaradda oo lasoo dhigay Twitter ayaa lagu yiri “waxaan ku faraxsannahay inaan ku dhowaaqno imaatinta Danjire Larry Andre.”

“Waxa uu aad u daneynayaa inuu si iskaashi leh ula shaqeeyo shacabaka Soomaaliyeed, dalkooda iyo dowladda federaalka, si loo horumariyo hadafyada aan wadaagno ee dib usoo nooleynta Soomaaliya oo ah qaran ammaan, barwaaqo iyo dimoqraadi ah.

Danjiraha cusub ayaa Soomaaliya imanaya ayada oo ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muran aan dhammaad laheyn oo hareeyey doorashada xildhibaanada, taasi oo si cad loo musuq-maasuqayo.

Tallaabada ugu horreysa ee uu qaadayo safiir Andre ayaa la filayaa inay noqoto inuu madaxda Soomaalida ku cadaadiyo inay doorashada golaha shacabka kusoo dhameynayaan waqtiga ay dowladda Mareykanka u qabatay oo ah 25-ka Febraayo.

Dwladda Mareykanka ayaa horey ugu hanjabtay inay xayiraado la beegsan doonto kuwa carqaladda ku ah doorashooyinka Soomaaliya, haddii aan doorashada lagu soo dhameyn waqtiga loogu-talo-galay.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowlad goboleedyada inay u hoggaansamaan jadwalka cusub ee la isku raacay, islamarkaana ay saxaan khaladaadka illaa hadda hareeyey hanaanka doorashada,” waxaa sidaas horey u yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price.

“Doorashooyinka Soomaaliya waxay jadwalkooda ka dib dhaceen hal sano. 8-da Febraayo waxay noqon doontaa sanad-guurada koowaad ee markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweynaha. Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay adeegsato aaladaha ay heli karto, oo ay ku jirto xayiraado Visa, si looga jawaabo dib u dhacyo kale, ama ficillo kale oo wax u dhimaya sharafta hanaanka.”

Safiir Larry Andre ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda dowladda federaalka, oo uu ugu horeyn doono madaxweyne Farmaajo, si uu warqadaha aqoonsi ugu gudbiyo.

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa 18-kii December ansixiyay in Larry Edward Andre, Jr. uu noqdo Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna beddelay danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.

Madaxweyne Mareykanka Joe Biden ayaa bishii April 2021 magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay.

André ayaa hore u ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.

Faah-faahin: Qarax maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo laga helayo warar kala duwan.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay halka loo yaqaano Sarifyaraha, isla-markaana uu ka dhashay gaari NOAH ah oo la sheegay in lagu soo xiray walxaha qarxa.

Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha, laakiin waxaa uu qaraxa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen dad fara badan.

Sidoo kale waxaa meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan Booliska degmada Howl-wadaag oo isku geedaamay goobta ay wax ka dhaceen.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana sidoo kale qaraxan uu saameyey dhaq-dhaqaaq qaybo ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Saraakiisha laamaha ammmaanka weli kama hadlin qaraxan, balse waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka ee Soomaaliya.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo todobaadyadii lasoo dhaafay  siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba, amni darrada ka jirta caasimada ayaa waxaa loo sababeynayaa xaaladda kala guurka ah ee uu dalka ku jiro iyo mashquulka doorashooyinka ka socda Soomaaliya.

Muxuu helay R/W ROOBLE kadib go’aankii DF ee ONLF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoonyahan Feysal Rooble oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay go’aankii kasoo baxay xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib markii ay shalay ku dhowaaqeen inay ka laabteen go’aankii Urur Argagixiso loogu aqoonsaday ONLF oo ka dhisan Soomaali Galbeed.

Feysal Rooble oo aad u falanqeeyo arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo Geeska Afrika ayaa shaaca ka qaaday in tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kuna raaceen Golihiisa Wasiirada uu ku helay sharaf iyo magac fiican oo Soomaalinimo ah.

“Rooble arrintan wuxuu ku helay sharaf iyo magac fiican oo Soomaalinimo ah, waana ku mahadsan yahay taariikhadana way xusi doontaa,” ayuu yiri Feysal Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray  “Inta badan taariikhda lama tabo marka la dhex joogo, laakiin marka la tego ayaa dib loo fiiriyaa. Rooble waa ku amaanan yahay,”.

Aqoonyahankan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Ra’iisul wasaaraha uu qaatay go’aan sax ah, isla-markaana ah jiho ay u badan tahay Ummadda Soomaaliyeed.

“In Rooble arrintii uu saxay waxay ku tusineysaa inuu maanta qaaday jiho ay Ummadda Soomaaliyeed u badan tahay,” ayuu markale yiri.

Dhinaca kale Feysal Rooble ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay bar madow ay ku noqon doonto madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre, wuxuuna intaasi raaciyey in xittaa maxkamad loo soo taagi karo kiiskan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay uga dhigan tahay wax bar madow ugu taalla taariikhdooda waxaa kale oo ay ka dhignaan kartaa in xittaa ay daaqad u furan tahay in labadaas shaqsi maxkamad lasoo taagi doono oo ku aadan inay meel kaga dhaceen Qalbi Dhagax & ONLF,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo si weyn looga falceliyey go’aankii Golaha Wasiirada ee liiska argagixisada looga saaray Ururka ONLF ee Soomaali Galbeed, go’aankaas oo ay horey usoo saartay xukuumaddii uu horkacyey ra’iisul wasaare Mudane Xasan Cali Khayre.

Maxay yihiin ciidanka ATMIS ee lagu beddalayo AMISOM?

0

Muqdisho (Caasimada Oniline) – Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika ayaa is-afgarad ka gaaray qorshaha kala guurka ee ay AMISOM uga baxeyso Soomaaliya, kadib markii ay miro dhaleen wadaxaajoodkii lala yeeshay Golaha Amniga & Nabadda ee Ururka Midowga Afrika.

Labada dhinac ayaa isku raacay in ciidamo cusub oo ka socda Midowga Afrika ay amniga dalka kala wareegaan AMISOM, kuwaas oo loo bixiyey ATMIS, iyaga oo heysto 2 sano.

Howl-galka ATMIS ayaa sidoo kale noqon doono mid kumeel gaar ah, wuxuuna ku egyahay illaa inta laga gaarayo bisha December ee sanadka soo socda 2023-ka.

Ciidamadan cusub ayaa la wareegi doono mas’uuliyadda amniga, waxayna qaban doonaan shaqooyinkii ay hayeen ciidamada AMISOM, marka ay dhammaato muddada labada sano ahna, waxay amniga dalka ku wareejin doonaan ciidanka Soomaaliya, sida lagu heshiiyey.

Qorshahan ayaa soo socday bilooyinkii lasoo dhaafay, kadib markii ay dood adag kala dhalatay qorshaha kala guurka ee ciidanka Midowga Africa ee magacooda loo soo gaabiyo AMISOM, hayeeshii is afgaradkan ayaa lagu gaaray wadahadalladii u dambeeyey ee dhacay.

Ciidamada AMISOM oo ka socda dalal badan oo Afrikaan ah ayaa Soomaaliya joogay in ka badan 15 sano, iyaga oo dagaal kula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka.

Illaa iyo hadda ma dhammaan dagaalka, waxaana xoogaga Al-Shabaab ay weli gacanta ku hayaan deegaano iyo degmooyin ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah iyo marxalad doorasho oo ay ka dhasheen murano xoogan oo sababay dib u dhac balaraan.

Ciidankii ku maqnaa Eritrea oo lasoo wado iyo qorshaha laga damacsan yahay – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan dalka dib loogu soo celin doonaa ciidankii muranka badan dhaliyey ee tababarka loogu qaaday wadanka Eritrea, sida ay noo xaqiijiyeen Jeneraalo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Horaanta bisha soo socoto ee February ayaa la filayaa in ciidankaas la keeno Magaalada Muqdisho, waxaana loo diyaariyey in la dejiyo xerada Jeneral Gordan, halkaas oo wixii daganaa lagu amray inay ka guuraan.

Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa degan xeradaas, balse isaga iyo xubnihii kale ee daganaa xerada General Gordan waxaa loo sheegay inay baneeyaan, si halkaas loo dajiyo ciidanka laga keenayo dalka Eritrea.

Sida ay saraakiishaan inoo xaqiijiyeen tirada ciidanka laga keenayo Eritrea waxay gaareysaa 7-Kun oo Askari, waxay u qeybsan yihiin 5,500 oo ah ciidanka xoogga dalka iyo 1,500 oo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid.

Qeybta ciidanka xoogga dalka ee ah 5,500 waxaa hal guuto oo kamid ah loo tababaray inay noqdaan ciidanka Badda, 12 Doomood oo hubeysan ayey wataan. Guutadaan waxaa la filayaa inay Muqdisho degaan, halka inta kale ee afantariga ah qaar loo isticmaali doono inay furaan wadada isku xirto Muqdisho iyo Baydhaba, qaarna dhanka Jubbooyinka loo diro, waxaa sidaas xog ku bixiyey saraakiisha aan la hadalnay.

Ciidanka qeybtiisa la dejinayo xerada General Gordan waxaa todobaadkii hore la siiyey oo loo diyaariyey lambarooda ciidanka, waxaana mushaarkooda bixin doonta dowladda Qatar, sida aan xogta ku helnay.

Saraakiishaan waxay sheegeen in askari walba oo kamid ah ciidankaas lasoo wado uu mushaarkiisa noqon doono 300 oo dollar, taas oo ka dhigan inay xagga mushaarka la simni doonaan ciidanka la yiraahdo Gorgor oo qaato mushaar ahaan 300 oo dollar.

Gorgor waxay 200 ka helaan dowladda Turkiga, halka 100 dollar ay ka qaataan dhanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidankaan Soomaalida ah ee ku sugan wadanka Eritrea waxaa dhawaan loo jeediyey eedeyn culus. Shacabka ku nool Gobolka Tigrey ee woqooyiga wadanka Itoobiya ayaa sheegay in ciidan Soomaali ah ay xasuuq ka geysteen Gobolkooda.

Wargeys Canada kasoo baxa oo la yiraahdo Globe and Mail ayaa marqaatiyaal uu wareystay waxay sheegeen in Militariga Soomaaliya ee la socday ciidanka Eritrea ay xasuuq badan geysteen gobolka Tigray, bilihii hore intii uu dagaalku socday.

Ururka ONLF oo war xasaasi ah kasoo saaray go’aankii xukuumadda R/W ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ee Soomaali Galbeed ayaa ka hadlay go’aankii shalay kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo ka laabtay go’aankii ururkan loogu aqoonsaday mid argagixiso, sidoo kalena qalad weyn ku tilmaamay tallaabadii Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) loogu dhiibay Itoobiya.

Afhayeenka ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka kasoo baxay xukuumadda Rooble uu ahaa mid la wada sugayey, isla-markaana ay soo dhoweynayaan ka Urur ahaan.

“Go’aanka kasoo yeeray xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Rooble waa go’aan in badan la sugayey oo aan aad usoo dhoweyneyno qiimo weyna ugu fadhiyo dadka Soomalaiyeed,” ayuu yiri afhayeenka ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aankan uu macno weyn ugu fadhiyo Ururka ONLF iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Ururka ONLF macno weyn ayuu u sameynayaa, shacabka iyaga macno weyn ayuu u sameynayaa, maxaa yeelay annagu waxaan hormuud ka nahay ama aan hoggaamineynaa halgan uu iska leeyahay shacab gobanimo doon ah oo wadani ah oo Soomaali ah oo xaq qaddiyad ku taagan daba socda,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu afhayeenku hoosta ka xariiqay in aysan jirin cid kale oo argagixiso u taqaanay marka laga reebo dowladdii hore ee Itoobiya.

“Qaddiyad dambi laga geli karo ma ahayn oo lagu tilmaami karayo inay tahay argagixiso dowladdii Itoobiya ee hore oo aan annaguna argagixiso u naqaanay, iyaduna argagixiso noo taqaanay mooyaani cid bani’aadam ah oo noo taqaanay inaan argagixiso nahay ma jirin,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo si weyn looga falceliyey go’aankii Golaha Wasiirada ee liiska argagixisada looga saaray Ururka ONLF ee Soomaali Galbeed, go’aankaas oo ay horey usoo saartay xukuumaddii uu horkacyey ra’iisul wasaare Mudane Xasan Cali Khayre.

Iimaamkii MASJID QUBA: Waxaan hadda ogaaday inay maxkamada iiga horreeyeen

0

Amesterdam (Caasimada Online) – Khilaafkii u dhexeeyay Guddiga masjid Quba, oo ah masjid Soomaalidu leedahay ayaa gaaray halkii ugu sareeysay kaddib markii iyada oo laga dhur-sugayo in bisha dambe [Febraayo] ay Maxkamadu dhageysato doodaha ay qabaan 2da dhinac ee uu khilaafku u dhexeeyay oo kala ah; Guddoomiyaha Guddiga masjidka, ahaana iimaamkii masjidka Shiikh Suldaan Gasle oo dhinac ah &  Shiikh Ibraahim [Abuu-khadiija] & Guuleed Wayrax oo dhinaca kale ah ayaa mar qura laga war-helay warqad Maxkamadeed oo soo gaartay Shiikh Suldaan Gasle, oo qudhiisa lagu eedeynayay inuu masjidka Maxkamad dacwad ka geeyay. 

Shiikh Suldaan, oo masjidka dibad-joog ka ahaa wixii ka dambeeyay 14kii September 2021 xilligaasoo ciidamo boolis ah oo masjidka yimid ay ka dalbadeen inuu isaga baxo, ayaa xalay kelmad muxaadaro ah jeediyay, isaga oo ka warbixiyay arrimo dhowr ah. 

Hadalka Shiikhu, wuxuu ku soo beegmaya iyada oo baryahan aad loo hadal hayay in Shiikh Suldaan ay warqad Maxkamadeed u soo dhacday, loogana yeeray Maxkamadda. 

Shiikhu, wuxuu mar kale wax kama jiraan ku tilmaamay in uu dacwad ka geeyey masjidka, isla markaana magdhow uu dalbaday. 

“Warkii ay soo saareen ee u dambeeyay waxay ku sheegeen in Shiikhu uu masjidka dacwad ka geeyay Maxkamad. Anigu masjidka Maxkamad kama dacweyn ee 2daas nin [Guuleed & Shiikh Ibraahim] ayaa dacweeyay” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, waxaa uu intaasi raaciyay in ay la yaab ku noqotay in Maxkamadii isaga loo nisbeeynayay inuu masjidka geeyay inuu ogaaday in lagaga horeeyay. 

“Waxaa, arrintii oo dhan sii haleeyay oo dadku aysan la socon oo aan hadda ogaaday in ay iyagu Maxkamadaba iiga horreeyeen, oo hadda naloo soo diray, anigana waxay i leeyihiin Maxkamad buu masjidka geeyay” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, wuxuuna intaasi raaciyay in ay jiraan dad arrinta dhexda kaga soo dhacay oo iyaga oo aan wax kala hubsan dhinac gaar ah la saftay. 

Shiikh Suldaan Gasle, waxaa kale oo uu sheegay in Garyaqaankiisa, lala soo xiriiray, lagana dalbaday in Shiikha uu ka dhaadhiciyo inuu arrinta masjidka isaga haro, lacag na qaato. 

“Waxaa wax cusub ah in Garyaqaankoodii  u tegay Garyaqaankeygii, kuna yiri waddaadku meesha ha ka baxo lacag baan siineynaa, taas iyaga ayaa wata, anigu mid aan wato ma ahan” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, wuxuuna intaasi sii raaciyay. 

“Waxaa qalad ah, qof aan mustawiisa ogahay xittaa daruusta aan u dhigi jiray aan soo xaadiri jirin in rag iska riix darteed inuu gefafkaa u sameeyo.” 

Dhinaca kale, khilaafkan oo u dhexeeyay saddexda xubnood ee magacyadooda aan soo xusnay, waxaa ku soo baxay bishii Abril 2021 cuqaal Soomaaliyeed oo la baxay guddigii dhexdhexaadinta odayaasha Tilburg & Eindhoven; iyada oo guddigaasi ay  2da dhinac u qoor-dhiibteen. 

Guddiga ayaa howshiisa dhexdhexaadinta ah soo waday muddo 4 billood ah, waxaanna kulan ay la yeesheen bishii September  Jaaliyada Soomaalida ah shir ay u qabteen   ka shaaciyeen in Shiikha laga saxan yahay, ayna tahay in isagu tanaasulo, inkastoo dhowr cisho ka hor inta aaney la kulmin jaaliyada in Shiikhu shaaciyay in guddigaasi uu kalsoonidii kala laabtay markii shaqsiyaad guddiga ka tirsan ay ka baxeen hannaankii dhex-dhexaadnimada, ayna isaga u hanjabeen.  

Tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay khilaafka masjidka xalkiisu wuxuu u muuqday mid mugdi sii galaya, iyada oo guddiyo kala duwan oo arrintaasi ku soo baxay ay wax xal ah ka keeni waayeen. 

Dacwadaasi ka soo billaabatay Shiikh & ardaydiisii, ayna ka quusteen in wax xal ah ay ka gaaraan hormuudka & waxgaradka bulshada Soomaaliyeed ee dalkan ku dhaqan ayaa hadda xal ka gaaristeedu waxa ay hortaalaa maxkamadda waddanka Nederlands, waxaanna laga sugayaa in maxkamaddu go’aan ka gaarto. 

Xeel-dheerayaal dhinaca sharciga ah oo ka hadlay waxa ay noqon karto natiijada dacwadaasi waxa ay i sheegeen in xukunka maxkamaddu noqon karo 3 midkood. 

1- In meelmar ay noqoto doodda ragga masjidka ku haray, Shiikhana laga guuleysto. 

2- In ragga masjidka ku haray lagu qasbo in ay wada shaqeeyaan iyaga & Shiikha, lana yiraa, Shiikh Suldaan ha lagu soo celiyo xilkiisa shuruud la’aan. 

3- In 2da dhinac laga wareejiyo mas’uuliyada masjidka, laguna wareejiyo dhinac 3aad, oo noqon kara dad aan muslim aheyn in ay masjidka maamulaan. 

 W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xassan 

“Farmaajo iyo Kheyre waxay galeen dambi qaran markii ay dhiibeen Qalbi-Dhagax”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorshaynta Galmudug, Cabdikaafi Maxamed Maxamud oo la hadlay saxaafada ayaa guul ku tilmaamay go’aankii shalay ay qaateen Golaha Wasiirada xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay in go’aankii shalay uu Golaha kaga laabtay qaraarkii ONLF loogu daray liiska argagixisada uu ahaa mid bulshada Soomaaliyeed ku wada qanceen, marka laga reebo koox Villa Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxan soo dhawaynayaa go’aanka Golaha wasiirada PM Rooble ku burburiyeen in Qalbi Dhagax iyo Ururka ONLF yihiin Argagixiso. Waxa uuna ahaa Guul siyaasadeed iyo mid bulshada Soomaaliyeed ay ku wada qanceen,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, oo ayagu qeyb ka ahaa go’aankii ay xukuumadda Rooble ka laabatay.

“Ex PM Xasan Cali Khayre iyo Ex Madaxwayne Farmaajo waxay go’aamiyeen in Qalbi Dhagax iyo Ururka ONLF yihiin argagixiso, runtii go’aankaas laftigiisa ayaa ahaa mid argaxigiso-nimo iyo mid qiyaano-qaran labadaba waana in doorashada soomaaliya looga reebo dambigan wayn ee ay dalka iyo dadka ka galeen(traitors).”

Afhayeenka ONLF oo la hadlay BBC-da ayaa dhankiisa soo dhaweeyay go’aanka taariikhiga ah ee ay shalay qaateen Golaha Wasiirada xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, asaga oo sheegay inay tagayaan Soomaaliya iyo caasimada dalka ee Muqdisho.

Sidoo kale Qalbi-Dhagax ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo ay meel kasta dacwo uga dhigayaan raggii ku dhibaateeyey magaca dowladnimada Soomaaliya, isagoo mid mid ugu mahad celiyey wasiiro faro ku tiris ah oo 2017-kii diiday go’aankii ay xukuumadii Kheyre ugu aqoonsatay argagixisada.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo si weyn looga falceliyey go’aankii Golaha Wasiirada ee liiska argagixisada looga saaray Ururka ONLF ee Soomaali Galbeed, go’aankaas oo ay horey usoo saartay xukuumaddii uu horkacyey ra’iisul wasaare Mudane Xasan Cali Khayre.

W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Soomaaliya 

Ciidanka Badda Mareykanka oo gacanta ku dhigay markab hub geeyey Soomaaliya

Dubai (Caasimada Online) – Ciidamada Bada Mareykanka ayaa Gacanka Cumaan ku qabtay Markab hadda ka hor hub geeyey Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

Warka kasoo baxay ciidamada badda ayaa lagu sheegay in markabka gantaalaha xambaara ee USS Cole uu markabkan ku qabtay meel u dhow biyaha dalka Iran.

Markabka ayaa isticmaalayey marin ay inta badan adeegsadaan doomaha iyo maraakiibta hubka u geeya kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Waxaa saarnaa maadooyinka kiimikada ee loo adeegsado in lagu sameeyo walxaha qarxa.

Markabkan ayaa sanaddii tagtay waxay sidoo kale ciidamada Mareykanka ku qabteen xeebaha Soomaaliya ayada oo ay saarnaayeen hub badan, waxaana lasii daayey markii hubka laga reebay. 

Bayaanka kasoo baxay ciidamada badda Mareykanka ayaa intaas ku daray in markabka la qabtay 6-dii Janaayo, waxaana saarnaa shan qof oo u dhashay dalka Yemen.

Qabashada markabka iyo kiimikada halista ah ee saaran ayaa timid ayada oo ay sare usii kacayaan rabshadaha dalka Yemen ee u dhaxeeya isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo iyo dagaal-yahanada Xuutiyiinta.

Jimcihii, ugu yaraan 70 qof ayaa lagu dulay 100 kalena waa lagu dhaawacay dalka Yemen kadib duqeyn ay fuliyeen Sacuudiga. Weerarka ayaa lagu beegsaday xabsi ku yaalla Yemen, wuxuuna qeyb ka ahaa dadaal dib loogu riixayo Xuutiyiinta.

Weerarka ayaa sidoo kale dhacay maalin kadib markii Xuutiyiinta ay weerar loo adeegsaday diyaarado drone ah ku qaadeen magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo lagu dilay saddex qof, lix kalena lagu dhaawacay.

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay duleedka BALCAD + Khasaaraha

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax xoogan oo geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay waddada dheer ee isku xirto magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay deegaanka Qalimow oo hoostaga degmada Balcad, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa la geliyey goob maqaaxi oo ku taalla deegaankaas, isla-markaana ay fariistaan askar ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiro askar iyo dad shacab ah oo xilliga uu dhacayey qaraxa ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa milatariga dowladda Soomaaliya oo howl-gallo kooban ka sameeyey deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war oo kasoo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan qaraxaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Muddooyinkii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gobolka Shabeelahay Dhexe, waxayna dhowaan la wareegtay degmada Balcad oo ay heysatay muddo kooban, walow markii dambe ay dib uga baxday gudaha magaaladaasi.

Ciidamada GALMUDUG iyo rag hubeysan oo xalay ku dagaalamay Caabudwaaq

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaare kala duwan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo u dhexeeyey Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug oo howl-gal ka waday magaaladaas iyo rag hubeysan oo ku sugnaa xaafadda ammaana ee magaalada Caabudwaaq, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in rasaaseynta labada dhinac ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay iska hor imaadkan, kaas oo ka mid ahaa dableyda hubeysan halka uu dhaawac soo saaray askari ka tirsan ciidanka Galmudug.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, welina ma jiro wax faah faahin ah kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Caabudwaaq ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, taas oo keentay in Galmudug ay magaaladaasi geyso ciidamo dheeraad ah.

Si kastaba, howl-gallada haatan socda ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii looga hortegi lahaa amnia dirrada iyo dilalka ka dhaca gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Lix arrin oo sabab u ah amni-darrada iyo dilalka ka socda magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxay mar kale ku laabatay dariiqii dilalka tiro beelka ah. Walwalka iyo cabsida heysa Shacabka caasimadda ku nool ayaa laba jibaarantay labadii Bilood ee lasoo dhaafay.

Seddaxdii todobaad ee u dambeysay waa naadir Habeen ama Maalin aan Muqdisho lagu toogan qof shacab ah. Sida aan ogaanay seddax waji ayey dilalku leeyihiin.

Qaar waa kuwo qorsheysan oo laamaha amnigu sheegeen inay fuliyaan kooxda Al-Shabaab, qaar waxaa fuliya burcad ka tirsan ciidanka dowladda oo rabta inay dhacaan dadka shacabka ah, kuwana waxaa dhaliya isticmaalka saa’idka ah ee daroogada oo si ba’an ugu faaftay caasimada Muqdisho.

Dadka magaalada waxay isku dhinac wadaan cabasho iyo aaska meydadka, mana muuqdo qorshe deg deg ah oo wax ka qabanaya arrintaan.

Dalku wuxuu ku jiraa xilli doorasho, dad badan waxay is waydiinayaan maxaa u sabab ah dhibaatooyinka amni ee caasimaddu la ciir-ciireyso maalmahaan?.

Dhowr arrimood ayaa loo arkaa sababta ka dambeys dhibaatadaan.

1- Dhaqaale la’aan

Caasimadda Soomaaliya waxay wajheysaa dhaqaale xumo, kaalmadii dibadda ayaa hoos u dhacday, ganacsatadii ayaa yareeyey dhaq-dhaqaaqooqda wax soo dajinta, iyagoo ka walaacsan xaalka siyaasadeed ee dalka.

Lacagihii kaashka ahaa ayaa badi dalka laga saaray, dhaqaale xumadaan waxay saameysay dhinac walba oo kamid ah Bulshada.

Mar walba oo magaalada dhaqaale la’aan ka dhacdo askartu waxay isku dayaan inay hunguriyeeyaan jeebka shacabka, iska caabinta ka dhalatana waxay badisaa geerida.

2- Madaxdii Ciidanka oo aaday Siyaasadda

Nidaamka Madaxweyne Farmaajo wuxuu hunguri siyaasi ah geliyey dhammaan hoggaamiyaashii ciidanka dowladda, Xamar waxaa Hoteellada fadhiya saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada.

Waxay raadinayaan xildhibaanimo ama nidaamka talada haya ayaa usoo dhiibay qof reerkooda ah oo la rabo inay xildhibaan kasoo dhigaan oo ay beesha kasoo iibiyaan.

Shaqada siyaasadeed ee loo diray saraakiishii ciidanka ayaa dhalisay firaaq amni.

3- Khilaafka madaxda sare

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa soo noqnoqday khilaafka madaxda sare ee dalka, ciidanka ayuu dhowr jeer kala qeybiyey khilaafkaan, mar walba oo madaxda sare ay isku dhacaan waxay hoggaanka ciidanka la kala saftaan madaxda is heysa, waxaana hoos u dhacda kala amar qaadashada ciidanka.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble wuxuu qeyb ka yahay waxyaabaha sababay dayac amni ee ka jira Caasimadda Muqdisho, maadaama aysan askartu si buuxda iskula shaqeyn hadda.

4- Wada-shaqeynta la’aan ciidanka iyo Shacabka

Markii la joogo magaalada Muqdisho waxaa aad u yar cilaaqaadka ka dhaxeeyo laamaha Amniga iyo Shacabka, waxaana jirin kalsooni badan, askartu uma sameysno mana hayaan aragti lagu soo jiidan karo ama lagu dhex geli karo bulshada.

Halka dhanka dadweynaha taalo aragti sheegeysa ciidanka laftirkooda lagala kulmi karo dhibaato Amni oo ay tahay in laga fogaado oo aan lala macaamilin.

Waa la isku dan ah oo haddana is diidan .

5- Maandooriyaha

Caasimadda waxaa kusoo batay isitcmaalka iyo ka ganacsiga noocyada halista ah ee maandooriyaha. Magaaladaan muddo dheer waa ka bad qabtay dhibaatadaas, laakiin hadda si xooggan ayaa loo iibiyaa looguna dhex faafiyaa dhallinyarada iyo ciidanka.

Dagaal xooggan iyo wacyi gelin Diineed oo arrintaasi la xiriirta ma muuqato. Askartu iyagoo aan miirkooda joogin ayey rasaas ku furaan qofkii ay doonaan.

6- Ciqaab la’aanta dilaayaasha

Muqdisho waxaa ku badan askarta gacan ku dhiiglayaasha ah. Labadii Bilood ee lasoo dhaafay wixii Shacabka laayey waxay u badnaayeen Askarta Dowladda, badankood lama qaban lamana ciqaabin.

Mar walba oo la diciifiyo ciqaabta waxaa abuurma dambiilayaasha cusub.

Maxaa xal u ah dhibaatada Muqdisho?

Dad badan waxay qabaan in haddii hoggaanka ciidanka kasoo haraan siyaasadda oo shaqadooda xoogga saaraan oo khilaafka madaxda sare iyo hey’adaha amniga lakala ilaaliyo oo la abuuro aragti cusub oo ay ku wada-shaqeyn karaan Shacabka iyo hey’adaha Amniga oo si buuxda loola dagaalamo Daroogada oo sio deg deg ah loo ciqaabo gacan ku dhiiglayaasha oo ciidanka joogteeyaan roondada iyo ka war qabka magaalada waxaa la aaminsan yahay in xaaladda Muqdisho ay dhaami laheyd sida ay Maanta tahay.

Falcelin taariikhi ah oo ka dhalatay GO’AANKII DF ee ONLF iyo Qalbi-Dhagax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka iyo inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaweeyey go’aankii ay maanta golaha wasiirrada Soomaaliya liiskii lagu daray ee argagixisada uga saareen Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax iyo ururka ONLF.

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa soo kala saaray qoraalo ay ku bogaadinayaan qaraarkii ay maanta qaadatay xukuumadda Rooble.

Hoos ka akhriso qoraaladii ay soo saareen siyaasiyiintaas:

Xasan Sheekh Maxamuud: “In ONLF argagixiso lagu summadeeyo waxay muujineysay madaxbannaani la’aanta siyaasaddeena arrimaha dibadda muddooyinkaan dambe. Ka laabashada maanta ee go’aankaas gurracnaa waxa uu Soomaaliya ku soo celinayaa waddadadii toosnayd ee diblamaasiyadda dhexdhexaadka ah. Waan bogaadinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golehiisa wasiirrada.” 

Shariif Sheekh Axmed: “Waxaan bogaadinayaa, soona dhoweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga laabtay qaraarkii 2017 ururka ONLF Xukuumadda ugu aqoonsatay urur argagixiso, laguna dhiibay Cabdikariim Sh Muuse Qalbi Dhagax, waa go’aan taariikhi ah oo hoosta ka xariiqayaa qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.”

Cumar Cabdirashiid: Waxan soo dhoweynayaa go’aanka Goloha Wasiirada ee looga noqday go’aankii  ONLF looga dhigay argagixisada iyo raaligelinta laga bixiyey falkii baal marsanaa Somalinimada ee lagu dhiibay xurmadle Qalbidhagaxx. Go’aankii 2017 wuxuu ahaa taarikh Madow. Well done PM @MohamedHRoble.

Axmed Madoobe: Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixiso. 

Sidoo kale, waxaan uga mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Sheikh Muuse(Qalbidhagax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed.

Abshir Bukhaari: Mahadcelin ballaaran & bogaadin ayaan u dirayaa xurmadle Ra’iisal wasaare @MohamedHRoble & Golihiisa wasiirada oo maanta baabi’iyey wax-kama-jiraanna ka dhigay go’aankii dhagarta ahaa 2017 ee hoggaankii Nabad & Nolol @M_Farmaajo & @HassanAKhaire ay ugu gacan geliyeen galeen dowlada Itoobiya halgamaa Cabdikarim Sheekh Muse Qalbidhagax isla markaasna ay ugu aqoonsadeen ururka gobonimo-u-dirirka ahaa ONLF urur agagixiso. Go’aankaas waxa uu ahaa godob ay ka galeen shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed kuna magaca ummadda Soomaaliyeed.

Aadam Aw-Xirsi: Kani waa go’aan taariikhi ah. Run ahaantii, waa bar madow oo Jamhuuriyadda Soomaaliyeed laga fujiyey. Qaarkiin baa la gole iman doona “dan siyaasadeed ayaa go’aankan laga leeyahay.” Waxaan kuwaa ku leennahay “yeelko.” Boqol danood ha laga lahaado haddii la doono.

Wixii sax ahi waa sax, waxna nagama gelin ciddii dan kale ku dhex wadata, iyaduu mindhaa ajarku uga yaraanayaa.

Cashar: 

1- Waa in uu mas’uul kasta oo Soomaali ahi ogaadaa in xafiiska looga dambayn doono. 

2- Waa in uu mas’uul kasta oo Soomaali ahi ogaadaa in aysan nacamlayaashu is-garab taagi doonin markii ay xaaladdu is beddesho.

3- Waa in uu mas’uul kasta oo Soomaali ahi ogaadaa in go’aan kasta oo aan sharci iyo anshax ku fadhiyin ee ay isaga iyo nacamlayaashiisu meel ku xarriiqaan, in isagoo Xamar dhinac ka jooga — ama hadduu rabo xafiisyada dhinac ka fadhiya — qashinka uu qoro daaqadda laga tuuri doono.

Cabdiraxmaan Caynte: Xurmadle @MohamedHRoble wuxuu taariikhda Soomaaliya ka galay baal dahab ah, sida waddaniyadda leh ee uu uga dhiidhiyey gaboodfalkii foosha xumaa ee lagula kacay halgamaa Qalbidhagax markii loo dhiibay taliskii TPLF ee Itoobiya, iyo summadeyntii gurracneyd ee ONLF. Guuleyso

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame: “Waxaan u mahadcelinayaa Raysalwasaare Rooble iyo Golaha Xukuumadda go’aankii ay maanta ummada Soomaaliyeed kaga daweeyeen daqarkii ceebeed, loogana laabtay gaboodfalkii lagula kacay halgamaa C/kariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) iyo ururkii uu ka tirsanaa ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) ee argagexisada lagu tilmaamay.”

Axmed Macalin Fiqi: “Go’aankii maantay golaha wasiiradu ay gaareen wuxuu caddaynayaa in danbi kasta oo dalkan laga geysto haba soo daahee maalin un in cadaaladiisa la gaari doono! Haddii sharcidarro horey Barlmamaanku ugu tilmaamay go’aankii golaha wasiirada ee 06 September 2017, maantana raalli gelin laga bixiyey arrintaas, lagana noqday go’aankii qaldanaa, waxaa dhiman in ciddii k mas’uulka ka ahayd xadgudubkaas in sharciga la horkeeno, loona saaro guddi qaran oo baaritaan sax ah soo sameeya.”

Mahad Salaad: Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golihiisa Wasiirada in ay ka laabteen go’aankii ceebeed ee QALBI-DHAGAX lagu dhiibay, ONLF-na loogu gefey. Waxay ahayd bar-madow oo ku suntaneed dadka iyo dowladnimada Soomaaliya. Mudane Ra’iisul Wasaare waad ku mahadsantahay in aad naga xoreysay go’aankaas ceebeed ee Farmaajo iyo Khayre ay bideen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa aad u soo dhaweeyey go’aankii ay galabta golaha wasiirrada Soomaaliya uga saareen liiskii lagu daray ee argagixisada, isaga iyo ururkiisa ONLF.

Qalbi-Dhagax waxa uu sheegay inay qaateen raali gelinta xukuumadda Rooble, balse aysan cafi doonin xubnihii ka soo shaqeeyey in Itoobiya loo dhiibo, ururka ONLF-na lagu shaabadeeyo argagixiso, isagoo cadeeyey in kiiskiisa gacanta ugu weyn uu ku lahaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

Daawo: Beyle oo ka hadlay arrinta laga faafiyey ee Qalbi-Dhagax iyo ONLF iyo sida ay maanta wax u dhaceen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa iska soo duubay muuqaal uu ku beeniyey in maanta uu diiday go’aankii ONLF iyo Cabdikariin Qalbi-Dhagax looga saaray liiska argagixisada oo xukuumaddii uu ka tirsanaa ee Xasan Cali Kheyre ay ku dartay.

Markii uu galabta soo baxay go’aankii ay xukuumadda Rooble ku saxday khaladkii hore ayaa waxaa baraha bulshada aad loogu faafiyey in Wasiir Beyle inuu ahaa codka kaliya ee diiday kiiska ONLF iyo Qalbi-Dhagax.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qiray in mudadii uu socday shirka golaha wasiirrada uu soo jeediyey in dib loo dhigo ajendaha ku saabsan arinta Qalbi-Dhagax iyo ONLF.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in u jeedkiisu uu ahaa in kiiskaan loo maamuuso sida uu u weyn yahay, balse mar kasta uu taageersanaa halganka gobonimo u dirirka ah ee ONLF.

“Waxaan Internetka ku arkay warar been abuur ah oo dhahaya Beyle waxuu diiday in ONLF laga saaro liiska madow, arrintaasi waa been, markii wax la falanqeynayo waxa jira ajende, ajendaha nooguma jirin arrintaan, marka anigu waxaan soo jeediyey in kiiskaan muhiimadda uu leeyahay loo yeelo oo ajendaha lagu soo daro, aniga ka Beyle ahaan ma dhici karto in walaalahey ONLF aan dulmiyo,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxa uu sheegay in madaxda ONLF ay saaxiibo yihiin oo qaarkood ay horay u soo wada shaqeeyeen, haatana uu u aqoonsan yahay rag guul ka gaaray gobanimo u dirirkooda.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa Ra’iisul wasaaraha oo maanta ajendahaas nahor keenay oo muhiimadiisa siiyey kiiskaas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Hoos ka daawo

Qalbi-Dhagax oo sheegay tallaabo ay qaadayaan kadib go’aankii xukuumada Rooble

0

Nairobi (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo galabta golaha wasiirrada Soomaaliya ay ka saareen liiskii lagu daray ee argagixisada, isaga iyo ururkiisa ONLF ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo soo dhaweeyey go’aankaas, aadna ugu mahadceliyey xukuumadda Rooble.

Qalbi-dhagax ayaa tallaabadii maanta go’aan geesinimo leh ku tilmaamay, isagoo shaaciyey inay qaateen raali gelintii golaha wasiirrada Soomaaliya, isagoo ku hadlaya magaca ururka ONLF.

Sidoo kale Qalbi-Dhagax ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo ay meel kasta dacwo uga dhigayaan raggii ku dhibaateeyey magaca dowladnimada Soomaaliya, isagoo mid mid ugu mahad celiyey wasiiro faro ku tiris ah oo 2017-kii diiday go’aankii ay xukuumadii Xasan Cali Kheyre ugu aqoonsatay argagixisada.

Qalbi-dhagax waxa uu sheegay in ONLF ay meel kasta dabaal degyo ka dhigeyso caawa, isla markaana ay soo saari doonaan war-saxaafadeed rasmi ah oo ay ku shaacinayaan soo dhaweyntooda go’aankaas.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble ay kula kulmeen magaalada Nairobi ee dalka, isla markaana uu xiligaas ka balan qaaday in burburinta go’aankaas ay mar un xukuumadiisu ka fariisa doonto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Rooble uu qorsheynayey in mar hore la gaaro go’aankaan, balse ay jireen jid gooyo siyaasadeed oo uu kala kulmaayey xafiiska Farmaajo iyo dhinacyada taabacsan.

“Mas’uuliyadda koowaad ee dhiibitaankeygii waxaa lahaa Farmaajo, xildhibaano u tegay 20 beri kadib markii la I dhiibay ayuu ku yiri sheegta ninkaas magtiisii anigaa dhiibaye, sidoo kale golaha wasiirrada isagaa fariisiyey markii aniga iyo ONLF argagixisada ay nagu shaabadeeyeen, markii laga reebo 3-xubnood wasiirradu waa u codeeyeen qaraarkaas dulmiga ahaa,” ayuu yiri Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

QARAX lagu dilay mas’uul oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Xasan Ganey oo ahaa guddoomiyihii waaxda 5-aad ee maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa goordhaw lagu dilay xaafadda Xoosh ee degmadaas.

Dilka Guddoomiyaha ayaa loo adeegsaday qarax miino oo lagu diyaariyey wada, waxuuna qaraxaas gaarigiisa haleelay salaadii Maqrib kadib.

Xubno ka tirsan maamulka degmada Kaxda ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in guddoomiye Axmed Xasan uu goobta ku geeriyooday, sidoo kalena ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas.

Inta la xaqiijiyey laba askari oo ilaalo u aheyd masuulka la dilay iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, welina wax war ah kama soo saarin hey’adaha ammaanka Soomaaliya ama maamulka degmada Kaxda.

Xaalada ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa aad u liidatay mudooyinkaan, waxuuna qaraxaan ku soo aadayaa iyadoo xalay degmada Wadajir lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Macow, isagoo ka soo baxay Masjid uu ku soo dukaday salaadii cishaha.

Mustafe Cagjar oo war kasoo saaray go’aankii kasoo baxay xukuumadda R/W Rooble

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii ay maanta xukuumadda Soomaaliya uga laabatay qaraarkii uu horay u gaartay xukuumaddii Kheyre sanadkii 2017-kii, kaasi oo ka dhan ahaa ururka ONLF.

Waxa uu sheegay in go’aankii hore ee ururka ONLF loogu daray liiska argagixisada uu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.

“Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax),” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu dhaleeceeyay ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda.

“Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay. Waxaan ugu baaqayaa inay ka bixiyaan raali-galin buuxda.”

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ka laabtay go’aankii uu golaha 2017 ku gaaray in ururka ONLF loo aqoonsado urur argagixisio, wuxuuna sidoo kale sheegay inay khalad aheyd in Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax loo dhiibo dowladda Ethiopia.

Golaha oo kulan maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay inuu isku raacay “In dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay ahayd xad-gudub lagula kacay Dastuurka Ku Meel-gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 4aad, Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobkiisa 11aad iyo Hab-raacyada uu jeexay Habka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobaddisa 278 & 279.”

Golaha ayaa sheegay inuu go’aankan gaaray kadib markii uu ogadaay “in dhiibista Qalb-Dhagax aan loo marin sharciga, sidoo kalena soo xaqiijiyay in Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin.”

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu soo xaqiijiyay in aanu jirin heshiis isu dhiibis oo ay Soomaaliya la gashay Ethiopia.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa sheegay in ururka ONLF aanay dawladda Soomaaliya u aqoonsanyn argagixiso oo go’aankii golaha wasiirada uu 6-dii September 2017 ONLF ugu aqoonsaday argagixiso uu ahaa sharci darro, halkanna lagu baabi’yay.

Golaha Wasiirada DF oo ka laabatay go’aankii ONLF iyo Qalbi Dhagax laga gaaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayo go’aankii ay xukuumaddii hore ka gaartay ururka ONLF ee Soomaali Galbeed iyo Dhiibistii Qalbi Dhagax.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan ay gaartay xukuumaddii Kheyre sanadkii 2017-kii, kaasi oo Soomaaliya ay ururka ONLF ugu aqoonsatay urur argagixiso.

Sidoo kale waxa uu Golaha sheegay inay khalad aheyd dhiibistii Cabdikariin Qalbi Dhagax ee loogu gacan galiyay dowladda Ethiopia.

Hoos ka akhriso go’aanka xukuumadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federalaaka Somaaliya:

Ka dib markuu ogaaday in Dastuurka Ku Meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 36aad uu mamnuucayo in qof loo dhiibo dal kale haddii aanu jirin heshiis si cad u fasaxaya isu-dhiibista, qofka la dhiibayana aan eed lagu soo oogin ama aynan maxkamadi xukumin, isla markaana dhiibitiisa aan loo marin waddada sharcigu qeexayo;

Ka dib markuu soo xaqiijiyay in aanu jirin heshiis isu dhiibis oo ay Soomaaliya la gashay Ethiopia;

Ka dib markay u caddaatay in dhiibistu sharci darro noqonayso haddii aan la buuxin labada shardi ee uu dhigayo qodobka 11aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya oo kala ah: 1) in falka uu gaystay kan la dhiibayo uu dambi ka yahay dalka wax dhiibaya iyo kan loo dhiibayo labadaba ; 2) in haddii uu dambiile noqdo qofka la dhiibayaa aanu dambigaasu ahayn mid siyaasadeed;

Ka dib markuu soo xaqiijiyay in Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin;

Ka dib markuu ogaaday in ururka ONLF aanu marnaba ku sifoobin sharciyada caalamiga ay u qeexaan argagixisada oo dalka kaliya ee argagixso u aqoonsadayna ay tahay Ethiopia oo uu ka dhaxeeyay dagaal siyaasadeed oo iyaduna hadda ka laabatay go’aankaas, uu haatan ururku si caadiya uu uga hawl-galo gudaha dalka Itoobiya.

Kad bib markuu ku qancay in u dhiibistii Ethiopia loo dhiibay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) 28kii August 2017 iyo Go’aankii Golaha Wasiirada ee 6ii September ee Uruka ONLF loogu aqoonsaday argagixiso aan loo cuskan wax sharciyad ah ayna baal-marsanayd dhammaan shuruucda kor lagu xusay;

Ka dib markii Golaha Shacabku ee JFS si cad u diiday in ONLF argagixiso lagu tilmaamo iyo in Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) loo dhiibo Ethiopia, aanu wali golaha wasiiradu baddalin go’aankiisii uu ONLF ugu daray argagixisada uusanana qirin khaladkii dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Ayuu isku Raacay:

1- In dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay ahayd xad-gudub lagula kacay Dastuurka Ku Meel-gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 4aad, Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobkiisa 11aad iyo Hab-raacyada uu jeexay Habka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobaddisa 278 & 279.

2- In dhiibistu ay xad-gudub ku ahayd xuquuqaha shakhsi ahaaneed ee Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) sida xaqa qofku u leeyahay xorriyad iyo ammaan ee lagu xusay qodobka 15aad ee Dastuurka iyo xaqa u madax-bannaanida aragtida iyo u xor ahaanshaha cabbirka ra’yiga ee ku xusan qodobka 18aad ee Dastuurka.

3- In dhiibista CadikariinSh Muuse ay si weyn uga hortimid dareenka iyo mabaadida Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad.

4- HADDABA Dawladda Soomaaliya waxa ay raali galin ka bixinaysa gefkii lagula Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

5- In ururka ONLF aanay dawladda Soomaaliya u aqoonsanyn argagixiso oo go’aankii golaha wasiirada uu 6dii September 2017 ONLF ugu aqoonsaday argagixiso uu ahaa sharci darro, halkanna lagu baabi’yay.

Daaw: Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo go’aan lama filaan ah ku dhowaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa shaaciyey in uu ka haray in uu markale u tartamo kursiga uu ku fadhiyo.

Ciyaar Jecel ayaa sheegay in tartanka kamid noqoshada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya uu uga haray maadama uusan aqoonsaneyn sharciga uu dalka ku aaday doorasho dadban, kaasi oo uu sheegay inay ka dhalatay sida ay wax u socdaan iyo boobka baahsan ee ka jira doorashada Golaha Shacabka.

“Labo xildhibaan oo aniga ku jira xiligii la ansixinayay sharciga doorasho dadban lagu aaday waa diideen, dad badan oo maalintaas ila yaaban markaa diiday hadda waxay igu taageereen go’aankaas masiiriga ah ee aan qaatay. Go’aankaas wuxuu ahaa mid ka turjumayay waxa aan siyaasada ka aaminsanahay, waxaa haddana idin muuqata foolxumada ka socota maamulada dalka oo ay baalmareen habraacyadii, iskana soo qoranayaan qofka ay rabaan,” ayuu yiri.

“Waxaa ku wargelinaya umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan beesha iska leh kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#089 in aan difaacaneyn oo u tartameyn sababaha aan soo sheegay awgood.”

Sidoo kale waxa uu musharaxiinta kursiga uu iskaga haray u hanqal taagaya u soo jeediyay inay ilaaliyaan maamuuska iyo magaca kursigan, oo ku asteysan xor iyo xalaal, sida uu sheegay.

Ciyaar Jecel ayaa maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo madaxweyne Qoor-Qoor uga digay in uu isku dayo in uu musuq-maasuqo kuraasta Golaha Shacabka oo uu kamid yahay midka uu maanta iskaga haray tartankiisa.

“Doorashada waa inay noqoto mid qabiilada iska leh kuraasta si xor iyo xalaal ah uga tartamaan. Waxaa uga digayaa in la isku dayo fara-gelinta kursigan, waxaana qaba in haddii loo madax-baneyn waayo kursigooda, uu dhici karo qal-qal amni oo saameya guud ahaa Galmudug.”

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dalka kasii socoto doorashada Golaha Shacabka, kadib heshiis ay 9-kii bishaan gaareen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, kaasi oo dhigaya in la soo gaba-gabeeyo 25 February ee sanadkaan, iyada oo ay soo if-baxayaan musuq-maasuq hor leh.