25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Ra’iisul Wasaare Rooble oo laga dalbaday inuu raali-gelin ka bixiyo saddex dhacdo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda Yuusuf Xasan Mursal oo ka hadlay go’aankii ay dhawaan gaartay Xukuumadda Rooble, kaasi oo looga laabtay qaraarkii ONLF loogu daray liiska argagixisada, ayaa dalbaday in Ra’iisul Wasaaraha uu raali-gelin iyo garawshiyo ka bixiyo weeraradii ay qaaday xukuumaddii ka horeysay ee Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu si gaar ah u carabaabay weerarkii 2017-kii lagu qaaday hoyga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Senator Cabdi Qeybdiid iyo dadkii lagu laayay Koonfuur Galbeed, xiligii weerarka lagu qaaday Mukhtaar Roobow.

“Waxaa leenahay Faanoole far kama qodna, wax walba oo Farmaajo looga soo horjeedo waa ku jirna haddaan nahay reer Koonfur Galbeed dhibaato badan ayaa ka dhacday, waxaa rabnaa in Ra’iisul Wasaaraha uu wax ka qabto arrintaas,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay dadaalada uu Ra’iisul Wasaare Rooble dib ugu saxayo qaladaadka ay gashay xukuumadii Kheyre oo xiligaas si weyn iskugu dhawaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

“Haddaan dhaho waan tirinaya gabood falada iyo tacadiyada ay dowladda gashay runtii wax dhow ma ah, waxaa rabaa in aan kusoo gaba-gabeeyo waa soo dhaweynayna dadaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa.”

Yuusuf ayaa ugu dambeyntiina waxa uu si gaar ah u dalbaday in arrinta Mukhtaar Roobow uu wax ka qabto, maadama uu si sharci darro ah muddo ugu xiran yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku dhawaaqday in ONLF laga saaray liiskii argagixisada ee hore loogu daray, tallaabo qaldana ku tilmaamtay dhiibistii Qalbi Dhagax.

Galmudug oo shaacisay doorashada 4 kursi oo mid muran uu ka taagan yahay

0

Dhuusamareeb (Caasimda Online) – Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed ee Galmudug (SEIT) ayaa waxa uu maanta shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 4 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee maamulkaas.

Afarta kursi ee la shaaciyey ayaa waxay kala yihiin; HOP#248, HOP#064, HOP#089 iyo HOP096, kuwaasi oo doorashadoodu qabsoomeyso maalinta Khamiista ee ku taariikheysan 27 Janaayo 2022-ka.

Guddiga ayaa sidoo kale maanta bilaabaya tababarista iyo diiwaan-gelinta guddiga xulista, diiwaan-gelinta ergada iyo tababaridooda, ayada oo maalinta berri ah ay bilaabaneyso qabashada araajida iyo diiwaan-gelinta musharaxiinta.

Kuraasta uu maanta shaaciyay guddiga ayaa waxa ku jira kursiga HOP#064 oo ay ka taagan tahay cabasho xoogan, islamarkaana ay dacwo kasoo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka beesha iska leh.

Qoraal dacwo ahaa oo kasoo baxay odayaasha ayaa waxaa lagu yiri “Kursiga HOP#064 waxa uu kamid yahay kuraas lasoo dhajiyay ee la doonayo in lagu doorto Dhuusamareeb, Galmudug, ayadoo la iska indha tirayo cabashada dadka xaqa u leh oo ah beelaha Maxamed Cadde iyo Laba Bahood.”

“Waxaa guddiyada sharafta leh si xushmad leh uga codsaneynaa in kursiga HOP#064 loo madax-baneeyo beelaha iska leh ee Maxamed Cadde iyo Laba Bahood, islamarkaana la hakiyo doorashada kursiga inta laga xalinayo dacwadda ka taagan.”

Kursiga ay ka taagan tahay cabashada, islamarkaana laga gudbiyay dacwada ayaa waxaa hadda ku fadhisa Xildhibaanad Sahra Cumar Maalin.

Khasaare ka dhashay qarax loo dhigay ciidamada DF iyo dagaal ka dambeeyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaal toos ah iyo qarax sababay dhimasho iyo dhaawacyo soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa galabta ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Inta la xaqijiyay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhintay 12 kalena way dhaawacmeen qarax miino oo Al-Shabaab ay ku diyaariyeen wadada xariirisa magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanka Ceeldheere.

Ciidamada ayaa la sheegay in markii qaraxu uu haleelay ay ku sii jeedeen howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna kula dagaalameen deegaanka Sinadhaqo oo qiyaastii 30-KM koonfur ka xiga Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalamayaal badan ay kooxda uga dileen dagaalkii ka dhacay deegaanka Sinadhaqo, balse ma shaacin tiro rasmi ah.

Gaariga ay la socdeen ciidmada dowladda ee qaraxu haleelay oo ahaa nooca Cabdibilaha ayaa waxaa watay askar ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya, waxaana goobta ku dhintay hal askari, halka 12-kalena dhaawac looga qaaday, sida aan xogta ku helnay.

Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay qabsadeen deegaanka Sinadhiqo oo ay ka saareen maleeshiyaadkii ka tirsanaa Shabaab oo mudooyinkaan ku sugnaa.

Magaalada Dhuusamareeb oo la filayo inay dhowaan ka billaabato doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa ku sugan taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Jeneraal Yuusuf Raage iyo Agaasimaha KMG ah ee hey’adda NISA Yaasiin Farey.

Taliye cusub iyo ciidankiisa oo qabsaday Beledweyne soona saaray farriin culus

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisad ayaa ka taagan magaala madaxda gobolka Hiiraan ee Beledweyne, kadib markii Maleeshiyo aad u hubeysan ay qabsadeen qaar kamid ah xaafaddaha iyo wadooyinka muhimka ah ee magaalada.

Sarkaal la yiraahdo Nuur Dheere oo hogaaminayay Maleeshiyada Beledweyne soo gashay ayaa meel fagaare ah ka sheegay in sababta ay sidaas u sameeyeen ay tahay, iyadoo la doonayay inuu magaaladaasi tago madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, taasina ay diidan yihiin haddii ay yihiin kooxda kacdoonka wada.

“Bulshada reer Hiiraan aad ayaan u salaamayaa, shuucuurta ay muujiyeen, ka hortaga ay ka hortageen ninkii cadowga ahaa ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u hanqal taagayay Beledweyne, Beledweyne wuxuu leeyahay rag iyo Allah, shacbiyad diidan ayaa Beledweyne joogta,” ayuu yiri taliye Nuur Dheere.

Wuxuu intaas ku daray “Horaan u sheegnay dadka meeshaas jooga, dad dadkaasi keeni kara maaha, wadanka annagaa leh, annagaana u dhimanayno, HirShabelle wax la yiraahdo oo ka shaqaynaayana ma jiraan waxaan u maleenayaa in malakamoodka Cali Guudlaawe uu yaalo Beledweyne.”

llaa hadda wax iska hor’imaadyo ah oo la soo weriyay ma jiraan, waxana la sheegay in ciidamada dawladda iyo kuwa HirShabelle ay ku kooban yihiin xerada lama galaay.

Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa ilaa xalay waxay gudaha magaalada ka sameynayeen dibadbaxyo waa weyn oo ay uga soo horjeedaan safar lagu waday inuu maanta Cali Guudlaawe ku tago Baledweyne, kaasoo haatan u muuqanaya mid baaqday.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Hirshabeelle oo ku aadan ciidamada hubeysan ee ku sugan inta badan gudaha magaalada Baledweyne, waxaana saaka markale dib u bilaawday banaanbaxyada looga soo horjeedo HirShabelle.

Dhowaan ayaa maamulka HirShabeelle la heshiiyeen Jeneraal Xuud oo hoggaamin jira maleeshiyada Beledweyne balse waxaa muuqata in heshiiska Xuud uusan hadda macno badan sameyneyn oo weli diidmada Guudlaawe ee Beledweyne ay taagan tahay.

WASIIR BEYLE oo waayey kursigiisii xildhibaan + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta waayey kursigii uu sanadaha ku fadhiyey ee HOP201, waxaana loo doortay xildhibaan cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa ku guuleystay kursigan, sida uu shaaciyey guddiga doorashada SEIT ee Somaliland.

Wasiir Bayle oo arrintan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay markale inuu u tartamo kursigiisa, wuxuuna sababta ku sheegay inay is-taabanayaan kursiga iyo maaliyadda oo uu haatan mas’uulka yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Ma caddeyn sida ay hadda isku saameyn karaan kursiga iyo maamulka maaliyadda, maadaama afartii sano ee lasoo dhaafay uu isku ahaa xildhibaan iyo wasiir maaliyadeed.

“Si baa waxaan u arkay kursigeyga iyo maaliyadda inay isku taabanayaan. Aniga waxaa maqsuud ku ahay maaliyadda iyo arrimaheeda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Bayle

Wasiirka maaliyadda oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in muddada uu xilka hayey uu waqti fara badan geliyey horumarka dhaqaalaha dalka, uuna u maamulay si waafaqsan sharciga.

“Haddii aan ka hadlo miisaaniyadda iyo dhaqaalaha dalka ayaan u joogaa inaan u maamulo si sharciga waafaqsan oo adduunku ogyahay,” ayuu sii raaciyey.

Kursiga HOP201 ee uu ku fadhiyey Cabdiraxmaan Bayle ayaa ka mid ahaa kuraasta sida aadka ah la’isugu hayey maalmihii lasoo dhaafay, basle waxaa ugu dambeyn loo doortay Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ah agaasimaha Machadka Raas, isla-markaana haatan xiriir la leh Villa Somalia, wuxuuna sidoo kale ka mid yahay siyaasiyiinta taabacsan Mahdi Guuleed.

Yaa kusoo baxay doorashadii xildhibaan ee maanta ka dhacday Muqdisho? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka bilaabatay doorashada kuraas ka mida xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Doorashada ayaa waxaa illaa hadda la qabtay saddex kursi, waxaana kusoo baxay xubnaha kala ah:- Khadra Maxamed Tukaale oo heshay 100 cod, kadib markii ay u tanaasushay Filsan Jaamac Cismaan oo la tartami laheyd, waxaana ay Khadra ku guuleysatay HOP#247.

Kursiga labaad ee HOP#245 oo doorashadiisa la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Axmed Suge oo isna helay 100 cod, ka gadaal markii uu isna u tanaasulay musharrax Aadan Geedi Cabsiye oo la tartami lahaa.

Sidoo kale kursiga saddexaad ee HOP#215 waxaa ku soo baxay Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ahaa Senatar 4 sano ee hore, wuxuuna helay 94 cod. Isna axaana u tanaasulay Musharrax Axmed Yuusuf Bakaal.

Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa dhankiisa ku guuleystay kursiga HOP214 isaga oo aan gelin wax tartan ah, waxaana tartanka ka hartay Tusmo Jaamac Liibaan oo tanaasuhay.

Hop209 waxaa isna ku guuleystay Maxamed Xuseen Haadi, sida uu shaaciyey guddiga doorashada SEIT ee Somaliland.

Dhammaan xubnaha soo baxay ayaana gelin wax tartan ah, iyada oo kuraasta loo xiray, taas oo natiijada ka dhigtay mid lasii ogaa, isla-markaana loo saadaalinayey xubnahan.

Qabashada doorashadan ayaa kusoo aadeyso, ayda oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay kuraasta gobollada waqooyi, kadib markii guddoomiye Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiinta kale ee taabacsan ay kasoo horjeesteen hannaanka loo maamulayo doorashadda socota.

Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii daraya walaaca haatan laga muujinayo doorashada Soomaaliya oo dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyey muddo hal sano ah.

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ka dagay magaalada Jigjiga + Ujeedka

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta gaaray gudaha magaalada Jigjiga ree xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cagjar ayaa Abiy Axmed iyo mas’uuliyiinta kale ee la socota uga hortegay garoonka Jigjiga, kadibna waxaa loo sii galbiyey xarunta madaxtooyada ee is-maamulka, halkaas oo ay ku qaateen kulan gaar ah.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya ee Jigjiga la xiriira wax ka qabashada xaaladaha abaaraha ee ka jira dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Abiy, Cajgar iyo madaxda kale ee qaybta ka ah socdaalkan ayaa sidoo kale kormeeri doono deegaanada qaar ee ay sida daran u saameeyeen abaaraha ka jira halkaasi.

Sidoo kale waxaa la filayaa inta uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya joogo Jigjiga inuu kulamo ka bilaabay magaaladaasi oo looga hadlay xaaladda guud ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Booqashada Abiy Axmed ee Jigjiga ayaa daba socota baaq uu dhowaan dowladda u diray madaxweyne Mustafe Cagjar, kaas oo la xiriira in dowladda ay gacan ka siiyo abaaraha.

Gobollo badan oo hoostaga is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey laga soo warinayey xaalado nololeed, kadib markii ay saameysay abaartu.

Somaliland oo kala cadeysay haddii dekedda Zaylac ay ku wareejinayso ETHIOPIA

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadashay hadal hayn badan oo ka dhalatay safarkii madaxweyne Muuse Biixi ee dalka Itoobiya, kaasi oo la xiriiray dekedda Zaylac.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya aysan ka wada-hadlin arrimo la xiriira dekedda Zaylac, oo muddooyinkii dambe la isla dhex-marayay in lagu wareejinayo Itoobiya.

“Waa arrin aan sal iyo raad toona laheyn, arrintaas wax aan ka wada-hadalnay ma jirto oo waa waxba kama jiraan arrinta Zaylac. Labada dhinac waxay ka wada-hadleen danaha labada dal,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay dooneyso in ay xoojiso xiriirka Somaliland, ayna ka wada-hadleen labada dhinac, Ganacsiga, Nabad-gelyada, Dhaqaalaha, Isticmaalka dekedda Berbera iyo isku dheeli-tirka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa uu intaas kusii daray “Itoobiya waxay siisa ardaydeena Schoolrship fara badan, taasna waxaa ka wada-hadalnay in lasii kordhiyo oo lasii joogteeyo.”

Arbacada toddobaadkii hore unbey aheyd markii ay kulan yeeshen Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku tagay Itoobiya iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Abiy Axmed oo isagu u fidiyey casuumaadda uu ku tegay Addis Ababa.

Si kastaba, Xukuumadda Itoobiya ayaa xiligan sii xoojinaysa xiriirka ay la leedahay Somaliland oo ku dooda inay tahay dal madax-banaan, ayada oo afartii sano ee la soo dhaafay ay saaxiibo isu dhow ahaayeen Abiy Axmed iyo Farmaajo

Daawo: Xuseen Macalin oo soo jeediyey in Farmaajo iyo Kheyre la maxkamadeeyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo hadda ah Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal, ayaa soo jeediyey in kiiska ONLF iyo Qalbi-Dhagax aan intaan looga gudbin.

Xuseen Macalin ayaa ku taliyey in lagu maxkamadeeyo ragii hoggaaminayey dowladii Qalbi-Dhagax u gacan gelisay Itoobiya, sidoo kalena u geftay ururka xaq u dirirka ah ee ONLF.

“Xukuumadii go’aankaas gaartay iyo madaxweynaheedii xilligaas waa waayeen wax qiil ah oo ay lasoo shir tagaan, sababta dadkii howshaas ka dambeeyey ay ilaa hadda dadka u hor imaan la’yihiin waa culeyska ficilkii ay geysteen,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Agaasime Xuseen ayaa Farmaajo, Kheyre iyo ragii kale ee howshaas kula jiray waxuu kula taliyey inay towbad keenaan oo u hoydaan muwaadiniintii ay ku dhibaateeyeen shaatiga dowladnimada Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed ku dhawaad shan sano ayey arrintaan la murugsanaayeen, marka hada waxay daneynayaan inay ogaadaan sababtii idinku qasabtay go’aankaas, waxaadna ogaataan in qof xad gudub geystay uusan ku faka doonin, waxaan ku talinayaa in howshaan aysan intaan ku dhamaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Agaasimaha Machadka Hiraal.

Xuseen ayaa soo jeediyey in ragii dhiibay Qalbi-Dhagax ee ONLF argagixisada ku shaabadeeyey aan laga harin ilaa inta ay cafis ka dalbanayaan ama sharciga laga hor geeynayo oo lagu maxkamadeynayo qaladkaas.

“Tallaabada Rooble qaaday, waxaan rajeynaa in kiiskaan aysan soo xirin, si jariimooyinka soo socda aan uga ammaan helno, cashirna ay noogu noqoto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal Xuseen Macalin.

Hoos ka Daawo

Guudlaawe iyo Villa Somalia oo kala shakiyay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – HirShabeelle ayaa laga sugayaa inay jadwaleyso kuraastii ay dhawaan shaacisay ee Golaha Shacabka. Maamulkaan waxaa taalla 38 kursi oo Golaha Shacabka ah, 13 waxay taallaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka, halka 25 kursi ay taallo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Hirshabelle waxay dhawaan soo dhajisay 11 kamid ah Kuraasta taalla Magaalada Jowhar, balse maalmo ka hor cinwaan weyn ayaa ka yimid dhanka Magaalada Beledweyne, kadib markii General Abuukar Xuud uu heshiis la qaatay Villa Somalia.

Laakiin fasiraada taalla dhanka maamulka Cali Guudlaawe ma ahan inay heshiiyeen Xuud iyo Villa Somalia ee waa in markii horaba isku dhawaayeen.

Illo ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa ku waramay inay waqti dheer qabeen tuhun ah in Villa Somalia gacan xooggan ku leedahay qorshaha Xuud ee dhulka howdka ah ee magaalada Beledweyne, haddana ay iyaga ujeedo kale damacsan yihiin.

Madaxweyne Farmaajo iyo la taliyihiisa Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxay heshiis ku ahaayeen in Cali Guudlaawe loo dhiibo hoggaanka maamulka Hirshabelle, balse dad badan ayaa aaminsan in Cali Guudlaawe uu noqon waayey ninkii ay filayeen, kadibna waxaa lagu eedeynayaa inay u abuureen dhowr jidgooyo.

Mid kamid ah jid gooyooyinkaas ay Villadu sida qarsoon ugu dhigtay Cali Guudlaawe waa General Abuukar Xuud ayey dadka badi leeyihiin.

Cali Guudlaawe waxaa la filayey inuu todobaadkii lasoo dhaafay tago Magaalada Beledweyne, laakiin dib ayuu u dhacay safarkiisa, kadib markii uu xoogeystay tuhunkii ahaa in General Xuud ay Villa Somalia ku heysay meesha.

Sababta ayaa illaa hadda si weyn loogu jahwareersan yahay, qof kamid ah xubnaha ku dhow Cali Guudlaawe wuxuu leeyahay “ Farmaajo iyo Fahad iyagoo awooda inay wax na weydiistaan oo maamulka u dirsadaan waxay labada gobol ka rabaan ayey na saareen culeys iyo inay kala qeybiyaan maamulka, si aan iyagu uun ugu xayirnaano mar walba.”

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa waxay tuhun badan ka muujiyeen sidii uu Cali Guudlaawe u maareeyey doorashadii Aqalka Sare, markaas oo kooxda madaxweynuhu ay aamintay in uusan Cali ugu adeegin si lamid ah sidey ula shaqeeyeen markii uu raadinayey kursiga.

Waxaa la sheegay inay aamineen in Cali Guudlaawe uusan sameyn doonin waxa gobollada qaar ka socda oo waxaa macquul ah inuu tartanka kuraasta Golaha Shacabka ka dhigo mid daah furan, taas oo sababi karta in dhaqaale badan uga baxo tartanka ama dad badan oo dhankooda ah kuraas soo waayaan.

Inay mar kale General Xuud ku celiyaan duurka magaalada Beledweyne ayaa si buuxda u kala dili karta Farmaajo iyo Cali Guudlaawe.

Kala shakiga Villa Somalia iyo Cali Guudlaawe waa xooggan yahay, waxaana arrinta sii xoojinaya sida uu Guudlaawe waayadaan ugu badnaa dhanka Ra’isul wasaare Rooble intii uu jiray khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Daawo: Cabdi Xaashi oo sheegay ballan uu uga baxay madaxweyne FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ka hadlay go’aankii ka soo baxay xukuumadda Rooble ee la xiriiray ONLF iyo Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in Farmaajo uu markii la dhiibayey Qalbi-Dhagax uga baxay ballan uu ka qaaday oo aheyd inaanu dhiibi doonin.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu aad ugu farxay go’aanka xukuumadda Rooble, kaas oo sida uu sheegay uu mudo dheer ku taamaayey, marar badana uu kula taliyey madaxdii hore.

Cabdi Xaashi ayaa aad ugu mahad celiyey Ra’iisul Wasaare Rooble iyo golihiisa wasiirrada, “Waxaad saxdeen dembi horay u dhacay oo dowladdii Farmaajo madaxda ka ahaa ay gashay, kaas oo ahaa in la dhiibo Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo aan dalkiisa ka gelin wax dembi ah, ururka ONLF oo u dagaalama xorriyada Soomaalida dulman ee la heystana ku sifeysay urur argagixiso ah,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sidoo kale Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in go’aankii xilligaas ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Qalbi-Dhagax iyo ururka ONLF uu aad uga naxay, “Wixii tabarteyda ahaa waan ka geystay, waxaan soo jeediyey talooyin badan, laakiin cidina igama hoos qaadin,” ayuu yiri.

Guddoomiye Cabdi Xaashi waxuu intaas ku sii daray in go’aankii shalay ka soo baxay xukuumadda uu farxad weyn geliyey, kaas oo meesha ka saaray gefkii ay geysatay dowladii Farmaajo, “Waa ku mahadsanyihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xukuumadiisa,” ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Waxaa xusid mudan in maalmo ka hor Cabdi Xaashi uu ka mid ahaa xubno ka soo jeeda gobollada waqooyi oo si adag u eedeeyey Ra’iisul wasaare Rooble oo sida ay sheegeen ay doorasho isku hayaan, balse sida muuqata taasi kama hor istaagin Rooble iyo xukuumadiisa uu uga mahad celiyo go’aankii ay ku saxeen qaladkii laga Qalbi-Dhagax iyo ONLF.

Horay Guddoomiye Cabdi Xaashi waxuu u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka balan qaaday in Qalbi-Dhagax aan loo dhiibi doonin Itoobiya habeenkii ka horeeyey maalinkii la dhiibay, balse ay soo baxday in muwaadinkaas la dhiibay Cabdi Xaashi waxa  cuu sheegay in wixii maalinkaas ka dambeeyey uu aad u nacay Farmaajo.

Hoos ka daawo

Ciidamada ammaanka DF oo xalay rag hubeysan ku qabtay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Garasbaaley oo ku yaalla waddada isku xirto Muqdisho iyo Afgooye.

Howl-galkan ayaa waxaa lagu soo qabtay afar nin oo hubeysan, kuwaas oo la sheegay inay dhac u geysanayeen dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ka warbixiyey howl-galkaasi ayaa sheegay in ragga lasoo qabtay oo burcad ahaa ay ku hubeysnaayeen bistoolado, ayna wateen Bajaaj.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in raggan dhalinyarada lagu raadjoogay maalmihii lasoo dhaafay, kadib cabasho ay kasoo gudbiyeen dadka shacabka, haatana lagu haayo baris.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dareen in laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga, isla-markaana deg deg loo horgeyn doonto maxkamad.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka socday howl-gallo ballaaran oo ay wadeen ciidamada Booliska, kuwaas oo looga hortegayo falal liddi ku ah nabad-gelyada caasimada.

Dilalka, qaraxyada iyo dhaca ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku soo badanayey degmmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo sare u kacay todobaadyadii dambe.

Si kastaba, dhibaatooyinkan oo idil ayaa dhacaya xilli haatan lagu jiro marxalad doorasho, taas oo ay qayb ka noqdeen saraakiishii loogu tala-galay inay sugaan amniga dalka.

Faankii Fahad iyo Fiyonadii Za’iir- Faallo jawaab ah

0

Waxaan ka dhoofayaa Addis Ababa waxaana wattaa jaan tusyada xeryaha ciiddanka Itoobiya, hadday xabashidu igu arkaan waa qoor gooyo aan qiil lahayn, xafiiskii aan ka jaranayay tikitka ayaan ku arkay qof Haweeneey reer Za’iir ah ( Fiyona) oo gu’gii 40 aad aan is leeyahay waa dhaaftay ladnaanse ka muuqato, si indha adayg ah ayaan u bartay waxay u safraysaa Kinshaasa oo aan sii mari doono si aan Qaahira u gaaro, hotelkay ku jirtay ayaan u raacay waxaan hubsaday dharaarta ay baxayso, nasiib wanaag 7 casho ka dib ayay dhoofi doontaa, intaan haleel ugu laabtay xafiiskii tikidhada ayaan dharaarteedii ku aadistay, hotelkiina dhinac baan kasoo dagay.

Sagaal boqol iyo jajab dollar ah oo aan wattay iyo jaan tuskii ayaan boqshad ku ritay, Fiyoona ayaan subaxdii aanu bixi doono inta qolka ku garaacay iri waan iska joogayaa oo xoogaa Dollar ah ayaan ka baqayaa in la iga qaatto markaan xal u helaan soo dhoofiye iska nabad gal, waxay tiri ma dhacayso anigaa kuu qaadaya oo waxaan galin meel aan la baari karayn, si dhaga waddanaan leh ayaan uga yeelay si nabad ah ayaan Kinshaasa ku gaarnay xoolahaygiina kula wareegay sooryadii safarka markaan ka baxshay xaashiyahaygii muhiimka ahaa ayaan Qaahira la aaday oo aan xamar uga soo baxay Islaantaas maysan ogayn waxay waddo miisaanka iyo muhiimadda uu leeyahay.

Gu’yaashii uu Fahad Yaasiin ahaa Taliyaha NISA, Taliskeeda waxaad mooddaa inaysan wax badan ka duwanayn Islaantii Xogta muhiimka ii wadday aanse ka warhayn waxay siddo qiimaha ay u leeyihiin Qaran Soomaaliya la yiraahdo, Hay’addu waxay qabatay oo ay ku faani karto waxay ila tahay inay adkeeyeen ammaanka xarumaha ay Madaxdu dagan tahay, jidadka loo maro iyo goobaha ay ku kulmaan, waxaa yaraaday dadkii la iska xiran jiray waxaase soo kordhay in Safaaradaha qaarkood aysan qof Soomaali ah siinin Dal ku gal ilaa uu NISA ka helo ogolaansho, helitaanka ogolaan shahaas shacab badan waxay u maraan dullaaliin dollar ka qaata.

NSS tii Soomaaliya sanidii hore waxaan ka shaqayn jirtay nabad galyada dalka iyo dadka soomaaliyeed hasa ahaatee nasiib xumadu waxay dhacday 80 aadkii markaan u xuub siibanay la dagaallanka shacabka Soomaaliyeed, xiligan haattan la joogo xoogga shaqada Hay’adda NISA waxaa laga dhigay dullaal Siyaasadeed waliba gurracan kulamadii ugu badnaa ee Taliyaha NISA Fahad sanadihii tagay wuxuu la qaatay Xildhiiban iyo cid doonaysa Xildhibaan xooggiisa wuxuu isugu geeyay inuu helo codadkii lagu dooran lahaa Madaxwaynaha xiga Farmaajo, Dadka badankii waxay u malaynayaan inuu Ina Yaasiin waardiye u yahay Farmajo xogtuse sidaas way ka duwan tahay.

70% haddii shaqada Hay’adda loo leexin lahaa nabad galyada Xamar siday tahay waa dhaami lahayd. Shacabkuna waa ka ducayn lahaayeen kalsoonida kala qaarana waa loo dhamays tiri lahaa Nabad iyo Nolosha dusha ka wada socota guntana ku kala tagsan.

Inta Xuduudaheenu iska balaqan yihiin, inta badeeco dhacday lasoo waariyado, inta shilimaadka Khaliijka aan u hanqal taagayno NISA wax wanaagsan oo ay samaysay oo lagu faano inoogama muuqdaan. Xildhibaanada dooranna kama sugayno geed waaban inay geeyaan Qaranka maydkaa.

Sanadihii ugu dameebay NISA waxay yeelatay hanaan Dawladeed shacab iyo madaxba waa ka dhawr sanayeen waana loo soo joogsanayay hase yeeshee Taliska Hay’addu uma muuqan awoodda iyo sida loogu joogsanayo, Taliyuhu malaha sidii Fiyoona ayuusan ogayn qiimaha Qolka uu Qaranka furihiisa u hayay !!

W/Q: F Xiirane (NSS 1976 – 1991) 

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo magaalada Beledweyne, kadib markii ay xalay magaaladaasi ka dhaceen dibad-baxyo rabashada watay oo ay dhigeen qaar ka mid ah shacabka deegaanka.

Dibad-baxa ayaa waxaa looga soo horjeeday safar la sheegay inuu Beledweyne ku tegayo madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Shacabka dhigayey dibad-baxa ayaa isugu soo baxay xaafadaha qaar iyo waddooyinka magaaladaasi, waxaana markii dambe kala eryey ciidamada ammaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaybo ka mid ah magaalada lagu arkay ciidamo taabacsan sarkaalka lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsanaa ciidanka milatariga, balse haatan si weyn uga soo horjeedo HirShabelle, isaga oo la magac baxay Kacdoonka Hiiraan.

Dhaq-dhaqaaqyadaan cusub ayaa muddo kooban saameyn ku yeeshay xaaladda guud ee Beledweyne, kadib markii ay dibad-baxayaashu isku ballaariyeen xaafado dhowr ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo kan gobolka Hiiraan oo ku aadan rabshadahaasi.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Muqdisho loo soo qaaday Jeneral Xuud oo ka mid ahaa xubnaha diidan HirShabelle, kaas oo wada-hadal kula jiro dowladda dhexe.

Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan kuraas ka mid ah doorashada Golaha Shacabka, waxaana weli ka taagan xiisad xoogan oo ka dhalatay dhismaha HirShabelle, gaar ahaan doorashadii Madaxweyne Cali Cabdullaahi Guudlaawe.

Midowga Musharaxiinta oo soo saaray DIGNIIN culus kana hadlay laba arrin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal ay ku soo dhaweeyeen go’aankii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ay shalay ku burburiyeen, liiskii madoobaa ee xukuumadii Xasan Cali Kheyre ay ku dartay ururka ONLF iyo Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Midowga Musharaxiinta ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid aad loogu riyaaqay, isla markaana saxay khaladaad siyaasadeed oo meel ka dhac ku ahaa qarannimada Soomaaliya.

“Waxay ahayd taariikh madow oo mugdi ah in ururka gobanimo-u-dirirka ah ee ONLF lagu asteeyo argagixisanimo, iyadoo ay Dowladda Soomaaliya ku keli noqotay qaadashada go’aankaas gurracan iyo dhiibistii muwaadin Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax) loogu gacan geliyay Dowladda Ethiopia, tallaabooyinkaas oo xadgudub ku ahaa xuquuqda muwaadinka, sumcadda iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaankaan ka soo baxay golaha Midowga Musharaxiinta.

Golaha ayaa hambalyo u diray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xukuumadiisa, “Go’aanka geesinimada iyo wadaniyadda xanbaarsan oo ay qaateen waxuu saxay khaladaadkii dowladdu horay u gashay,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Midowga oo mar kale digniin u diray saraakiisha ciidamada ayaa qoraalkaan ku yiri, “Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu uga digayaa saraakiisha ciidanka ee garabka ka helaya Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda.”

Ugu dambeyntii bayaankaan waxaa lagu soo hadal qaaday xiisada maamul ee ka taagan gobolka Hiiraan, waxuuna goluhu soo jeediyey in xal siyaasadeed Hiiraan looga baahan yahay ee olole doorasho aan lagu deyin, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayey u soo jeediyeen in shaqadiisa doorashada uu u madax banaanaado.

“Tabashada reer Hiiraan waa mid u baahan xal siyaasadeed, mana aha in olole doorasho loo adeegsado. Goluhu wuxuu ku boorinayaa Ra’iisul Wasaare Rooble in uu u madax-banaanaado maamulka, hagidda iyo dar-dargelinta doorashada,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka Midowga Musharaxiinta.

 

Daawo: Kheyre oo loo diray dalab culus oo la xiriira ciidanka loo qaaday Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore Amniga ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar oo ka hadlay ciidamada loo qaaday dalka Eritrea ee la soo warinayo inay ka dagaalameen Ethiopia ayaa dalbaday in Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu ka hadlo waxa uu ka ogyahay arrintaas.

Cabdirisaaq Cumar oo wareysi siiyay telefishanka Goobjoog ayaa waxa uu Kheyre u soo jeediyay in arrintaas uu cadeeyo haddii uusan ku lug laheyn, maadama uu yahay Musharax madaxweyne.

“Waqtigii uu joogay Xasan Cali Kheyre ayaa la qaaday ciidamada, waxaa qabaa in Kheyre wixii uu ka ogyahay arrintaas uu ka hadlo asaga ayey sumcad ugu jirta, xataa haddii uusan ka warqabin ha dhaho Fahad iyo Farmaajo ayey ku koobneyd,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in loo baahan yahay in madaxda ku lugta lahaa arrintaas ay soo hor istaagan waalidka dhalay dhalinyarada la geeyay Eritrea, una sheegan dhimasho iyo nolol xaalada ay ku sugan yihiin caruurtooda.

“Dowladda cusub ee imaan doonta waxaa qabaa inay la xisaabtamto dadka mas’uuliyada lahaa in wiilasha la geeyo Eritrea, oo ah dadka hadda mas’uuliyada haya oo ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.”

Wasiirkii hore Amniga ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyay in uu illaa hadda ka aamusan yahay dhalinyarta ku maqan Eritrea, oo qaarkood la soo warinayo inay ku baxeen dagaalkii Ethiopia.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay soo baxayso in dhawaan dalka dib loogu soo celin doono qaar kamid ah ciidankii muranka badan dhaliyey ee tababarka loogu qaaday wadanka Eritrea, sida ay noo xaqiijiyeen Jeneraalo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Horaanta bisha soo socoto ee February ayaa la filayaa in ciidankaas la keeno Magaalada Muqdisho, waxaana loo diyaariyey in la dejiyo xerada Jeneral Gordan, halkaas oo wixii daganaa lagu amray inay ka guuraan.

Imaaraadka iyo Soomaaliya oo shaaciyey saddex dhinac oo ay iska kaashanayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa iska kaashaanaya saddex dhinac oo ay maanta uga wada-hadleen kulan ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay safaaradda Imaaraadka.

Kulanka ayaa dhex-maray safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Maxamed Axmed Al-Cusmaan iyo wasiirka beeraha dowladda federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid.

Qoraal ay twitter soo dhigtay safaaradda Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay; in intii uu socday kulanka ay labada mas’uul ka wada-hadleen xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sida loo taageeri karo loona hormarin kara, ayaga oo isku raacay inay iska kaashadaan saddex dhinac oo kale ah:

1- Dhinaca beeraha labad dal.
2- Maal-gashiga ka dhaxeeya labada dal
3- Iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal

Kulankan ayaa qeyb ka ah Isbeddel weyn oo dardar ku socda  oo ka muuqda siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo ah dal aan wax xiriir ah la laheyn Soomaaliya tan iyo bishii April 2018.

Xilligaas ayaa sirdoonka Soomaaliya waxay garoonka Aadan Cadde ku qabteen lacag dhan 9.6 milyan oo dollar, oo ay sheegeen in lagu arbushi rabay xasilloonida dalka, balse Abu Dhabi ay sheegtay inay aheyd lacag loogu talo-galay ciidamada Soomaaliya ee xilligaas ay tababari jireen.

Hase yeeshee, 7-dii Janaayo, Rooble ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah oo uu Imaaraadka Carabta kaga raali geliyey dhacdadaas, sidoo kalena ku ballan-qaaday inuu soo celin doono lacagtaas.

Wixii markaas ka dambeeyey, waxaa muuqata in xiriirka labada dal uu soo wanaagsanaanayo, si gaar ahna in dowladda federaalka ay qaadeyso tallaabooyin ay Imaaraadka Carabta ugu muujineysa inuu dhab ka yahay isbeddelka ay ballan-qaaday. 

Booliska DF oo soo qabtay haweeneydii caruurta ka duubtay muuqaalki shiishada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta kusoo dhigay haweenay ku eedeysan in labo caruur ah oo ay dhashay ka duubtay muuqaal ay siinayso shiishad, kaasi oo lagu baahiyay baraha bulshada, sida uu sheegay maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa sheegay in haweeneydaas u gudbin doonaan laamaha garsoorka, si loogu qaado dambigeeda.

“Howlgal ay sameeyeen laamaha amniga waxaa noo suurtagashay inaan gacanta ku soo dhigno Hooyo ku takri fashay labo gabdhood oo saqiiro ah oo ay dhashay kana duubtay muuqaal iyada oo siineeysa Badeeco/Shiishad – muuqaalkaas oo argagax galiyay Bulshada Soomaaliyeed Dal iyo Dibadba,” ayuu yiri Cali Yare.

Labada caruur ah oo da’doodu lagu qisaayo afar illaa shan jir ayaa muuqaalkooda si weyn u qabsaday baraha bulshada, ayadoo dadku aad uga xumaadeen in ilmo intaas le‘eg lagu barbaariyo maandooriye.

Muuqaalka ay ka duubtay haweenaydan la sheegay inay dhashay labada caruur ah ayaa waxa uu argagax galiyay bulshada Soomaaliyada, kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga fal-celiyay, kana mideysnaa in sharciga la horgeeyo Hooyada ku takri fashay ubadkeeda.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay dowladda federaalka bilooyinkii dambe bilowday howl-galo ka dhan ah maandooriyaha, ayada oo sameysay goob lagu dhaqan celinayo dadka isticmaala, islamarkaana xaraysay boqolaal carruur ah oo waddooyinka caasimada ku isticmaali jiray maandooriyaha.

Dhageyso: Macalimuu oo markii ugu horreysay ka hadlay xaaladiisa caafimaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday 16-kii Janaayo, islamarkaana dhaawiciisa loo qaaday dalka Turkiga ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladiisa caafimaad.

Maxamed Ibraahim oo ka qeyb-galay barnaamij dood ah oo ay Idaacadda Goobjoog ku qabatay Twitter Space oo looga hadlayey hoggaamiyaha wanaagsan oo ay Soomaaliya u baahan tahay ayaa ka hadlay xaaladiisa.

“Aad iyo aad ayaan u fiicanahay Isbitaalkii ayaan ku jiraa maadaama aan sariir iska saaranahay waxaa is iri dooda saaxiibadaa iska dhageyso, waxaa isoo jiitay mowduuca,” ayuu yiri.

Macalimuu ayaa sheegay inuu ka jabay gacan iyo lug, islamarkaana uu hadda sugayo qaliin lagu sameenayo, wuxuuna xusay in xaaladiisa ay soo fiicnaaneyso Maalinba Maalinta ka dambeyso.

“ Xaaladeeda maalinba maalinta ka dambeyso waa soo hagaageysaa, sidaas la socotaana Gacan iyo Lug ayaa iga jaban, firiradii yar yaraa waa la iga saaray, hadda waxaa la ii diyaarinayaa howlihii kale iyo qaliimadii marka xaalkeyga aad ayuu u wanaagsan yahay sida ay dhakhaatiirta sheegeen, waxaana rajeenayaa in inta dhimana uu ilaahey ii fududeeyo,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyntii Afhayeenka xukuumadda ayaa sheegay inuu la socdo in dadka Soomaaliya ay dhammaantood usoo duceeyeen.

“Waxaan ahay qof  masxkadiisa fiican tahay oo barnaamijkaan dhageysanayo, waan ogahay inaad iisoo duceyseen.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu dhaawacay afhayeenka Xukuumadda, waxayna sheegtay inuu weerarkaas u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Hoos ka dhageyso codka Macalimuu

SOMALILAND oo shaacisay go’aan ay ka qaadatay DF

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr Ciise Maxamuud Kayd ayaa shaacisay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay joojiso wada-hadalada kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wasiirka ayaa dowlada federaalka ku eedeeyay inaysan daacad ka aheyn wada-hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, sidaas darteedna wixii hadda ka dambeeya aysan sii wadi doonin xukuumadda Hargeysa.

“Wada-hadaladu waxay soo bilaabmeen 2012-ka, ilaa hadana wax miro-dhal ah ma yeelan, shirarkii kala duwanaa ee waddamada kala duwan ka dhacay, waanu joojinaynaa wada-halada madaama oo qolada Soomaaliya aanay diyaar u ahayn in laga gun-gaadho” ayuu yidhi wasiir Kayd.

Waxa uu intaas kusii daray in dowladda federaalka Soomaaliya aysan u hayn aqoonsi, xilli dalalka caalamka ay ku cadaadinayaan Somaliland in qadiyadeeda madax-banaanida ka heshiiyan Soomaaliya.

“Wax aqoonsi ah oo dowlada Soomaaliya ay Jamhuuriyada Somaliland u haysa ma jirto, hadaba 30 sanno ayaanu madax-bannaanayn.”

Somaliland oo ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya ayaa illaa hadda helin aqoonsi, taasi oo loo aaneynayo inay ka dambeyso dowladda federaalka oo ayadu rabin in la kala gooyo dalka.

Si kastaba, Wada-hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo soo bilowday toban sano ka hor ayaa illaa hadda laga gaadhin horumar la taaban karo, ayada oo sanadihii dambena uu gebi ahaanba istaagay.