26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Wasiir ka tirsan DF oo ka qeyliyey kursi uu u sharxan yahay ‘oo la boobayo’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda  Soomaaluya  Duraan Axmed Faarax ayaa cabasho ka muujiyey habka loo maamulayo kursiga tirsigiisu yahay HOP#166, kaasi oo deegaan doorashadiisu tahay Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in kursigaas loo marayo hab raac ka duwan heshiiskii 3 illaa 9 January 2022 ay Muqdisho ku gaareen madaxda maamul Goboleedyada, iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada iska leh kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay #Hop166 u caddaynaya in si baal marsan habraacyadii doorashada dadban ee lagu heshiiyay 3 ilaa 9 Janaayo 2022 loo maamulay doorashada kursigaas.iyadoona Nabadoonada beesha kursigu ka dheexyo aan wax door ah la siin” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha xulaya ergada iyo ergada ay soo xuleenba inaysan aheyn kuwa heysto matalaada Bulshada.

Wasiir Duuraan waa Musharrax Xildhibaan u taagan kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#166 kaas uu ku fadhiyo Wasiirka hore ee Shaqada iyo Shaqaalaha Sadiiq Xirsi Warfaa.

Hadalka Wasiir Duraan ayaa ku soo aadaya xilli lagu madalsan yahay in doorashada xildhibaanada Goloha Shacabka lagu soo gabagabeeyo muddo 40 beri oo ku eg 25 Febraayo 2022 sida ku xusan heshiiskii Muqdisho lagu gaaray dhawaan.

Waxaa durba muuqata cabashooyin laga soo gudbinayo sida ay ku socoto doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka oo dib loo bilaabay 15-ka Bishaan, waxaana weli halkiisa kasii socdo boobkii markii hore keenay inay shir isugu yimaadaan Golaha Wada-tashiga Qaran.

Waxaa hadda la is-weydiinayaa haddii xitaa wasiiradii awoodda iyo saameynta lahaa si fudud loogu diidi karo tartanka kuraasta ama la boobi karo, xagee ku jiraan dadka caadiga ah? 

Daawo: Jeneraal Xuud oo Muqdisho la keenay – Sidee loogu soo dhoweeyey?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo si weyn uga soo horjeeday HirShabelle ayaa maanta la keenay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isaga oo ogolaaday inuu wad-hadal toos ah la galo dowaldda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xuud oo diyaarad gaar ah ay kasoo qaaday Beledweyne ayaa waxaa la socday taliyaha ciidamada Lugta General Biixi oo hormuud ka ah dadaallada socda ee lagu qaboojinayo xiisadda ka aloolsan magaaladaasi, si loogu qabto doorashada Golaha Shacabka Somalia.

Generalka oo muddo ku sugnaa duleedka magaalada Beledweyen ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey caasimada, waxaana garoonka ugu hortegy ciidamo iyo saraakiil loo diyaariyey inay qayb ka noqdaan soo dhoweyntiisa, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan.

Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo horey uga hadlay safarkiisa Muqdisho ayaa xusay inuu kulan gaar ah la qaadan doono Farmaajo, maadaama Villa Soomaaliya ay haatan dadaal xoogleh haatan galineyso xiisadda Beledweyne, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey inay guuleysan doonaan wada-hadallada socda ee xalka loogu raadinyo tabashada reer Hiiraan.

“Xalka Hiiraan haddaan madaxweynaha isku tegno waxaan qiyaasaayaa 70% inay xalismi doonto,” ayuu yiri Jeneral Xuud.

Dhinaca kale wuxuu beeniyey in illaa & hadda uu kulan la yeeshay madaxda HirShabelle ee ku sugan Beledweyne, sida madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Yuusuf Dabageed. Xuud ayaa sheegay inuu haatan wadahadalku kula jiro dowladda federaalka Soomaaliya.

“Kacdoon ayaa nala yiraahdaa HirShabelle wax la yiraahdo shir lama yeelanin annaga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin ka hor taliyaha ciidamada lugta oo ay aad isugu dhow yihiin Farmaajo uu gaaray Beledweyne, isaga oo halkaas ka bilaabay kulamo xal raadin ah, si magaaladaasi loogu qabto doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

ROOBLE oo ka dhabeeyay GO’AANKII uu ka qaatay siyaasadda IMAARAADKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u muuqda inuu ka dhabeynayo siyaasadda cusub ee uu shaaciyey inuu ku wajahayo arrimaha dibedda, gaar ahaan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa dhawaan shirkii Golaha Wasiirada ka shaaciyey in marnaba aysan suurta-gal aheyn in Soomaaliya ay colaadiso dalal kala dhaxeeyan dano badan, islamarkaana aysan si gaar ula macaamilin dal gaar ah, kuwa kalena aysan fogeyn, ayada oo xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso sida uu sheegay siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa timid kadib amrkii uu Ra’iisul Wasaaraha dib u soo celiyay xiriirka Soomaaliya ee dowladda Imaaraadka Carabta, uuna ka raali-galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, isagoona u ballan-qaaday in dib loogu wareejin doono.

Is-bedelka siyaasadda arrimaha dibedda ee uu qaatay Rooble ayaa si rasmi ah u dhaqan-galay, ayada oo shalay xukuumadda ay cambaareysay weeraro ay Xuutiyiinta ku qaadeen magaalada Abu Dhabi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dowladda federaalka ay si kulul u cambaareyneyo weeraradaas oo ay fulisay kooxda Xuutiyiinta oo adeegsatay diyaarado drone oo qaraxyo xambaarsan.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka argagaxiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tacsi u dirayaan qoysaska ay dadkooda ku dhinteen weeraradaas, kuwa dhaawaca ahna ay u rajeynayaan caafimaad deg-deg ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda,” ayuu sii raaciyey wasiir Cabdisaciid.

Xukuumadda ayaa ka hor warka kasoo baxay shalay waxay inta badan ka gaabsan jirtay arrimaha Imaaraadka Carabta, ayada oo ay ugu wacan tahay in Farmaajo uu xiriirka Imaaraadka ka door-biday kan Qatar, oo ah dal inta badan aanay waxba kala dhaxeyn Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa shalay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Al-Muwallad ayaa waxay dowladda Sacuudiga u soo magacowday bilowgii ishii October ee sanadkii 2021-ka, muddo kadibna Wasaaradda arrimaha dibadda gudaheeda ayaa shalay si rasmi ah looga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo.

Imaaraadka iyo Sacuudigaba waa laba dal oo Farmaajo u colaadiyey Qatar darteed

Tallaabadan ayaa ka dhigan in uu fulay go’aankii Rooble ka qaatay xiriirada dibada ee Soomaaliya, oo markii hore madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu qaar ku fogeeyay, kuwa kalena uu ku soo dhaweystay.

Wasiir ka tirsan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble oo loo doortay xildhibaan cusub

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed waxaa haatan ka socota doorashada shan kursi ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ka imaanaya dhinaca maamulkaasi.

Doorashada oo kursigii horreeyey la qabtay ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Xasan Cabdinuur Cabdi iyo sidoo kale musharrax Maxamed Cabdulaahi Cali, waxaana kursigan oo ah HOP#184 kusoo baxay Mudane Xasan Cabdinuur.

Xasan ayaa helay codad gaaraya 72 cod halka musharaxii la tartamayay uu sina heley 27 cod, sidoo kale waxaa halaabay 2 Cod, sida uu shaaciyey guddiga.

Musharraxa guuleystay ee Xasan Cabdinuur ayaa ka tirsan xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna haatan ku magacaaban yahay wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galayaa kuraasta xigta ee lo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa maamulkii ugu horreeyey ee soo doorta xildhibaano cusub, kadib heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa qorshaha uu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 Febraayo, si markaas loo guda galo tan madaxweynaha oo haatan si weyn la’isugu hayo.

Arrinta aan la shaacin ee ka dhalatay xiisadda ka dhex-oogan Puntland iyo PSF

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Inkasta oo ay si weyn hoos ugu dhacday xiisadii dagaal ee ka taagneyd magaalada Boosaaso ee u dhaxeysay maamulka madaxweyne Deni iyo hogaanka hay’adda PSF, haddana waxaa soo baxaya in uu reebay saameyn aan weli laga soo kabsan.

Xiisadii dagaal ee Boosaaso waxaa ku xirmay Dekedda Boosaaso oo badeecaddaha kale duwan laga soo dejiyo, islamarkaana la geeyo illaa gobolada dhexe iyo bartamaha dalka.

Badeecadaha kasoo dega Dekedda Boosaaso ayaa waxaa Ganacsi ahaan ku xiran inta badan gobolada dhexe ee dalka, waxayna taasi keentay in uu isbedelo qiimaha maciishadda nuucyadeeda kala duwan.

Waxaa kordhay wax ku dhow 30% magaalooyinka waaweyn ee dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland, qiimaha cuntada ee gobollada Bari, Nugaal, Mudug, Galgaguud iyo Hiiraan ayaa kacay.

Sababaha u weyn ee kor u kaca intaas le’eg ku keenay qiimaha maciishada ayaa ah kadib markii gaadiidka Boosaaso ka soo daabula cuntada ay joojiyeen shaqadaas iyo dekedda oo shaqadeedu istaagtay intii ay socotay xiisada colaadeed.

Inkasta oo aysan hadda xabad ka socon xarunta gobolka Bari, hase yeeshe waxaa weli hoos ka nool dabkii lagu gubtay ee ka dhashay xiisada dagaal ee u dhaxeysay maamulka madaxweyne Deni iyo hogaanka hay’adda PSF.

Si kastaba, Isimada dhaqanka Puntland oo muddo u fadhiyey xalka xiisadda magaalada Boosaaso ayaa dhawaan go’aamiyey in hay’adda PSF ay sideeda sii ahaato oo hoggaankeeda loo daayo Maxamuud Cusmaan Diyaano, iyadoo Agaasime Maxamuud la hordhigay inuu dib isugu raadiyo ciidankii ku kala jabay dagaalkii ka dhacay Boosaaso.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Agaasime Maxamuud Diyaano loo dhigo gogol dib u heshiineed, si loo soo afjaro khilaafka, ayada oo ay go’aamiyeen in dhibkii ka dhacay magaalada lagu dagaalamay loo bandhigo shareecada Islaamka oo lagu dhaqmo xukunkeeda.

UK oo mowqif kasoo saartay aqoonsiga SOMALILAND kadib dooddii baarlamanka

London (Caasimada Online) – Xukuumadda ra’iisul wasaare Boris Johnson ee dalka UK ayaa mowqif niyad-jab leh usoo dirtay Somaliland, xilli baarlamanka dalkaas shalay la geeyey dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka Britain ee Arrimaha Afrika Vicky Ford ayaa ku dhowaaqday in aqoonsi ay hesho Somaliland uu yahay mid ku xiran dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay tahay inay Somaliland ka wada-hadlaan.

“Doodda ka socota Aqalka Wakiilada waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka joogtada ah ee UK ee ku wajahan maqaamka Somaliland. Waa arrin u taalla Somaliland iyo dowladda federaalka inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda,” ayey Vicky Ford ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.

“Waxaan sii wadi doonaa in iskaashi kala sameyno dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland arrimaha dimqoraadiyadda, ammaanka iyo barwaaqada.” 

Hadalka Vicky Ford ayaa soo xiray dooddii qabsatay baraha bulshada iyo rajadii Somaliland ee ay aheyd in doodda la geeyey baarlamanka UK ay hoggaamin karto aqoonsi ay hesho Hargeysa.

Warka kasoo baxay Vicky Ford ayaa yimid saacado kadib markii ay wada-hadallo la yeelatay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay kadib kulankaas ku sheegtay “in labada wasiir ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee Labada Dal.”

“Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika, isaga oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dooddan ayaa waxaa baarlamanka geeyey xildhibaan Gavin Williamson, oo horey u ahaa wasiirka difaaca UK, intii u dhaxeysay 2017 illaa 2019. 

Daawo: Madaxweyne Deni oo weerar cusub ku qaaday DF

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay inay ka go’antahay in shacabka Puntland ay helaan dowlad casri ah, halka uu dhinaca kalena weerar ku qaaday dowladda federaalka.

Saciid Deni ayaa ugu horeyn waxa uu shacabkiisa ku amaanay ilbaxnimada iyo dimuqraadiyadda ay muujiyeen intii ay socotay doorashadii golayaasha deegaanka ee 3-da degmo.

Saciid Deni ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed baahida ugu weyn oo ay qabaan ay tahay dhanka amniga, “Hadii aan la helin amni gacan aamina ku jira, waan garan karnaa waxa ka dhalan kara,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in badanaa cabsi laga muujiyo qabsoomidda doorashooyinka Soomaaliya, isagoo caqabada koowaad u tiiriyey amni xumada dalka ka jirta.

“Inta badan waxaa cabsi laga muujiyaa suurta galnimada doorasho ka dhacda Soomaaliya, waxa ugu weyn ma ahan in dadku aysan doorasho rabin, mana ahan in farsamo ahaan aan doorasho la qaban karin, laakiin waxa ugu weyn ee na xayiray waa amniga,” ayuu yiri

Madaxweyne Saciid Deni, oo weeraraya dowladda federaalka, ayaa intaas ku sii daray in dowladii amniga dadkeeda sugi weysay hadii ay tiraahdo ‘waxaan qabanayaa doorasho qof iyo cod ah ay been u sheegtay dadkeeda.’

“Taasi waa sababta markasta doorashada dadban ee dhibka weyn noo geysatay aan uga gudbi la’nahay, waxaan u baahan inaan ku dhiirano inaan xasilino dalkeenna,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Hoos ka daawo

Maxay ka wada-hadleen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo haatan booqasho ku joogo waddanka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Mudane Abiy Axmed oo isagu u fidiyey casuumaadda uu ku tegay Addis Ababa.

Biixi iyo Abiy oo wada-hadallo gaar ah yeeshay ayaa xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan iskaashiga ay leeyihiin labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Ciise Kayd oo ka warbixiyey kulankaasi ayaa shaaca ka qaaday in labada mas’uul ay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah, sida isticmaala Berber Port iyo Berbera Corridor.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Itoobiya iyo Somaliland ay baallaarin doono iskaashiga dhinaca ganacsiga ee ka dhexeeya labada dhinac.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale inta uu joogo Addis Ababa kulamo doceedyo la yeelan doono madax kala duwan oo ay qayb ka yihiin safiirada deggan magaaladaasi.

Socdaalka madaxweynaha Somaliland ee Itoobiya ayaa ah kiisii labaad oo uu ku tego dalkaas oo xiriir la leh Somaliland, waxaana loo soo dhoweeyey si ballaaran.

Waxaa sidoo kale hadal hayn xoogan ay ka dhalatay hab maamuus loo soo dhoweeyey madaxweynaha Somaliland, waxaana dadka isticmaala baraha bulshada ay barbar ku sameynayeen soo dhoweeyntii hore loogu sameeyey Farmaajo iyo tan Biixi oo aan waxba ku kala duwaneyn, marka la eego qaabka loo soo dhoweeyey labaduba.

Si kastaba, Farmaajo iyo Abiy ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay ahaa saaxibo isu dhow, waana midda sii xoojisay hadal heynta ka dhalatay safarka Muuse Biixi ee Addis Ababa.

JUBALAND oo shaacisay jadwalka doorashada BF

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyey jadwalka doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabke ee deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Guddiga ayaa soo saaray liiska illaa 6 kursi, kuwaas oo ka mid ah 14-kii kursi ee ay Jubbaland shaaciyay 13/12/2021.

Sidoo kale guddiga ayaa qoraalkooda ku xusay in isla maanta ay shaacin doonaan xubnaha guddiga xulista ergada doorashada lixda kursi ee ay soo saareen liiskooda.

Doorashada kuraastaan ayaa sidoo kale la qabanayaa 23-ka bishan, sida ku cadda jadwalka kasoo baxay guddiga doorashada ee Jubbaland.

Tallaabada ay qaaday Jubbaland ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ee u dhexeeyay Golaha Wadatashiga.

Dhanka kale Jubbaland ayaa illaa iyo hadda ku dhawaaqin doorashada kuraasta taalla dhanka Garbahaarey, taas oo isha lagu hayo, maadaama loolan xoogan loo geli doono kuraastaasi oo ay tartan u geli doonto Villa Somalia oo siyaasad ahaan ku xoogan Gedo.

Si kastaba, doorashada Soomaaliya ayaa haatan ku socota dardar xoogan, waxaana qorshaha uu yahay in lasoo gabagabeeyo ka hor 25 Febraayo ee sanadkan 2022-ka.

Yaa hadda ku fadhiyay 11-ka KURSI ee PUNTLAND ay shaacisay doorashadooda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa goordhoweyd shaaciyey 11 kursi, oo kamid ah kuwa Golaha Shacabka, kadib xili uu dhawaan shaaciyay kuraastii u horeysay.

Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku soo bandhigeen liiska kuraastaas, kuwaasi oo kala ah; HOP#014, HOP#174, HOP#191, HOP#192, HOP#129, HOP#075, HOP#121, HOP#221, HOP#073, HOP#198 iyo HOP#199.

11-ka kursi ee uu shaaciyey guddiga doorashada Puntland ayaa waxay kamid yihiin 37 kursi oo ku asteysan deegaanka maamulkaas, kuwaasi oo illa hadda tirada kuraasta Puntland ee la shaaciyey ka dhigeysa 21 kursi.

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa sheegay in faah-faahinta jadwalka iyo kala horeynta doorashada kuraasta uu shalay shaaciyay ay dib kasoo saari doonaan.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa maalmaha soo socda la dooran doona 10 kursi oo horay loo dhameystiray habraacii lagu dooran lahaa.

Hoos ka aqriso magacayada xildhibaanada hadda ku fadhiya 11-ka kursi:

  1. HOP#221: Xildhibaan Daa’uud Maxamed Cumar
  2. HOP#198: Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi
  3. HOP#199: Xildhibaanad Xaawo Yuusuf Axmed
  4. HOP#192: Xildhibaanad Saciido Maxamed Xasan
  5. HOP#191: Xildhibaanad Daahir Maxamuud Muuse
  6. HOP#174: Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar
  7. HOP#129: Xildhibaanad Sacdiya Yaasiin Xaaji
  8. HOP#121: Xildhibaanad Canab Xasan Cilmi
  9. HOP#075: Xildhibaanad Ikraan Yuusuf Xirsi
  10. HOP#073: Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangali
  11. HOP#014: Xildhibaanad Sacdiya Careys Ciise

Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallada Villa Soomaaliya iyo XUUD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda guud ee magaalada Beledweyne, gaar ahaan kulamada xasaasiga ah ee uu haatan la leeyahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xuud oo u warramay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday inuu shirar gaar ah la yeeshay taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo metalayey, sida uu sheegay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waa noo sheegay inuu si gaar ah u metelayo madaxweynaha,” ayuu yiri Jeneral Xuud oo ka warbixinayey dadaallada uu haatan wado taliye Biixi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu maanta kusoo jeedo magaalada Muqdisho, isaga iyo rag kale oo reer Hiiraan ah, si loo sii amba qaado wada-hadallada haatan billowday

“Muqdisho ayaan imaanayaa maanta dad badan ayaa i wehlinayo oo ila tegi doono,” ayuu markale sii raaciyey.

Jeneral Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu kulan gaar ah la qaadan doono Farmaajo, wuxuuna sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey inay guuleysan doonaan wada-hadallada socda ee xalka loogu raadinyo tabashada reer Hiiraan.

“Xalka Hiiraan haddaan madaxweynaha isku tegno waxaan qiyaasaayaa 70% inay xalismi doonto,” ayuu markale yiri Xuud.

Dhinaca kale wuxuu beeniyey in illaa & hadda uu kulan la yeeshay madaxda HirShabelle ee ku sugan Beledweyne, sida madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Yuusuf Dabageed. Xuud ayaa sheegay inuu haatan wadahadalku kula jiro dowladda federaalka Soomaaliya.

“Kacdoon ayaa nala yiraahdaa HirShabelle wax la yiraahdo shir lama yeelanin annaga,” ayuu kusoo gabagabeeyey hadalkiisa.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin ka hor taliyaha ciidamada lugta oo ay aad isugu dhow yihiin Farmaajo uu gaaray Beledweyne, isaga oo halkaas ka bilaabay kulamo xal raadin ah, si magaaladaasi loogu qabto doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Turkiga oo shaaciyey arrin aan horey looga ogeyn oo ku saabsan ciidanka Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha difaaca Turkiga ayaa markii ugu horeysey shaacisay arrin aanan horey waxbadan looga ogeyn oo ku saabsan kaalinta dowladda Qatar ay ku leedahay arrimaha tabobarka ciidamada Soomaaliya.

Bogga Twitter-ka ee wasaaradda ayaa lasoo dhigay sawirro iyo qoraallo muujinaya saraakiil sarsare oo ka socota militariga dalka Qadar oo tabobar u fidinaya 350 ciidamada kumaandooska Soomaaliya ah oo lagu laylinayo xero weyn oo ku taalla dalka Turkiga.

Sawirrada ayaa lagu dul qoray jumladahan oo luuqadda Turkiga aan kasoo turjunnay: “Xarunta Tababarka dhanka la dagaallanka argagixisada iyo carbiska (Isparta). Isbuucii saddexaad ee tababarka loo sameynayo 350 askari oo Soomaali ah oo Turkiga jooga, waxaana qayb ka ah tababarka ciidankan xubno ka tirsan ciidanka militariga ee waddanka Qadar.”

Tababarkan saraakiisha Qadar ayaa ku saabsanaa arrimaha argagixiso la dirirka , wuxuuna ka dhacay xero ku taalla magaalada Sparta ee dalka Turkiga.

Sidoo kale tababarka ciidamada Soomaaliya ayaa aad loogu yaqiinay in ay fidiso dowladda Turkiga, balse kaalinta Qadar ee ciidamada waxay ahayd mid aanan horey looga warqabin, kaliya waxay dowladda Qadar ku koobnayn arrimaha kale ee siyaasadda iyo diplomaasiyadda la xiriira.

Turkiga iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashi militari, iyada oo dowlad kastaba ay saldhig ciidan ku leedahay dalka kale, si isweydaar ah, inkasta oo la sheegay in saldhigga Turkiga uu ku leeyahay Qadar uu weynyahay.

Turkiga waxuu saldhigga ugu weyn ee tababarka ciidamada ku leeyahay Muqdisho, kaas oo lagu magacaabo TurkSom, hase yeeshee ciidamada gaar ah ayaa intooda badan lagu tabobaraa gudaha Turkiga.

Lama oga in saraakiisha Qadar ay tabobar iyo talobixin ciidanba ka fuliyaan gudaha Soomaaliya xilli kooxaha mucaaradka ee Soomaaliya ay aad farta ugu godayaan dowladda Qadar, kuna eedeeyaan in ay garab siiso dowladda hadda jirta ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hulusi Askar ayaa bishii Novembar magaalada Ankara kula kulmay taliyaha guud ee ciidamada Soomaaliya Jeneraal Odowaa.

Markii ugu dambeysay oo arrin ku saabsan ciidamada oo xiriir la leh Qadar ay soo shaacbaxdo waxa ay ahayd sanado ka hor, markii dowladda Soomaaliya ay fududeysay dhallinyaro Soomaali ah in askar ahaan loogu qaado Qadar si ay uga qeybgalaan illaalinta koobka adduunka oo ka qabsoomaya dalka  Qadar sanadkan 2022-ka.

“Dowladda Qadar waxa ay cambaareynaysaa xadgudub kasta oo loo geysto qof si marin habaabin ah loogu sheegay in Qadar loo geynayo fursado shaqo. Dowladda arrinkaasi waa ay kasoo horjeeddaa, waxayna dhammaan dowladaha kale ka codsanaysaa in ay baaraan ficiladaasi” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta Qadar, sida uu kasoo xigtay wargeyska Doha News oo Qadar laga leeyahay.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2019-kii ayay dowladda Qadar gaadiidka gaashaaman ugu deeqdey ciidamada Soomaaliya sida ay xilligaasi faafisay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

Ma jirto xog shaac baxsan ama meel furan oo laga tixraaci karo hawlaha tababarka, qalabaynta iyo caawinta Turkiga ee ciidamada Soomaaliya marka laga reebo war-saxaafadeedyada iyo mararka kooban ee warbaahinta loogu yeero ciidamo soo qalin jabiyay oo Muqdisho lagu soo dhoweynayo iyo kuwo dhoofaya.

Mucaaradka Soomaaliya iyo waalidiin ubad ka maqanyihiin oo dhawr jeer warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidan markii hore loo qoray in Qadar loo qaadayo markii dambe la geeyay dalka Eritrea, si loogu tabobaro.

Dowladda Soomaaliya iyo tan Qadar ayaanan weli eedahaasi ka jawaabin, lamana oga hadda illaa xadka Qadar ay ku lug leedahay arrimaha tababarka ciidamada Soomaaliya oo marar badan ay soo baxeen eedo la xiriira in sababo siyaasadeed loo adeegsado.

Balse sida uu qoray wargeyska Doha News bishii Janaayo 2021-kii, dowladda Qadar ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay in ay baaritaan ku samayso dhallinyarada la la’yahay ee la sheegay in ay ku maqanyihiin dalka Eritrea.

Xigasho: BBC

Khasaare ka dhashay laba qarax oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah qof soo xirtay jaakadda qaraxda ayaa gabal-dhicii isku miidaamiyey Maqaayad ku taalla afaafka hore ee xerada tababarrada ciidanka xoogga Soomaaliya ee Jeneraal Dhega-badan Ex xero Nacnac.

Inta la xaqiijiyey 4-qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas, sidoo kale ugu yaraan 10 qof oo kale ayaa ku dhawacmay, dadkaas ayaa la sheegay inay isugu jiraan askar iyo shacab ku sugnaa maqaayada.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu ka soo saaray qaraxaas waxuu ku yiri, “Abaaro 5:18 PM qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyey Maqaayad u dhaw Xerada Jenera Dhagabadan Ex. Nacnac, khasaaraha ayaa noqday 14 qof oo dhaawac ah, ayadoo ay dhaawici u geeriyoodeen 4-qof, shakhsiga naftiisa haligaha ah ayaa toos u beegsaday Maqaayad ay ku shaahayeen dad ka mid ab bulshada deegaankaas.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay masuuliyadda qaraxaas, warbaahinta taageerta kooxda ayaa werisay in Al-Shabaab ay sheegteen in qaraxaas lagu dilay 20 askari oo ka tirsanaa ilaalada dugsiga tababarrada ciidanka Soomaaliya ee TurkiSom.

Maqaayada uu galabta qaraxaasi ka dhacay oo ku taalla ka soo horjeedka Warshadii hore ee Nacnaca, haatana ah xero tababar oo ciidanka xooggu uu leeyahay ayaa dhacda dhinaca koonfureed ee degmada Wadajir, 15-Juun 2021-kii ayuu sidaan oo kale qarax ismiidaamin ah uga dhacay maqaaxidaas.

Dhanka kale qarax gaari lagu dhejiyey ayaa mar kale caawa ka dhacay isla degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano Xaaji Gaabow, gaariga qaraxaas lagu dhejiyey waxaa lahaa shirkad lagu magacaabo Caadil, mana jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay, markii laga reebo burbur xoog leh oo gaaray gaariga, sidaas waxaa warbaahinta u xaqiijiyey afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan.

 

DF Somalia oo la hadashay UK, xilli laga cabsi qabo inay aqoonsato Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta khadka telefoonka wada-hadal kula yeeshay Wasiirka arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska, Vicky Ford.

Labada Wasiir ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-banaanida Qaran-nimo ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxay wada-hadalkooda diiradda ku saaree kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa dhankiisa uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wada-hadalkan deg deg ah ee Cabdisaciid iyo Vicky Ford ayaa yimid kadib markii xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka UK ay markale bilaabeen olole ictiraaf loogu raadinayo Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan.

Xukuumadda Britain ma aqoonsano gooni isu taagga Somaliland, mana jiro rabitaan ku aadan arrintaas sida ay marar badan sheegtay, oo ay ugu dambeysay bishii November 2021-kii oo ay Vicky Ford, oo ah wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika ay cadeysay in UK ay Somaliland aqoonsan doonto oo keliya marka ay go’aan noocaas ah gaaran Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrikaanka ah.

Somaliland ayaa inta badan ku bixisa dhaqaale badan sidii ay uga miro-dhalin laheyd qadiyada gooni isku-taaga, hase yeeshe Soomaaliya ayaa isku deygaas wiiqda, ayada oo ay ugu dambeyso tallaabada maanta ee ay UK u gaarsiiyeen ilaalinta midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.

Xog: Qorshaha ka dambeeya heshiiska uu Farmaajo la gaaray Jeneraal Xuud

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan lagu soo gabagabeeyey kulamo aan kala joogsi laheyn oo xal loogu raadinayey tabashada laga qabo dhismaha labaad ee maamul goboleedka HirShabelle.

Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Genaraal Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha qeybta 12-Apriil Genaraal Tawane Gurureey iyo saraakiil kale oo ka wakiil ah madaxweyne Farmaajo oo shalay Beledweyne soo gaaray ayaa kulamo la qaatay hoggaamiyaha Golaha kacdoonka Hiiraan ee HirShabelle diidan Generaal Abuukar Xuud iyo saraakiil sare oo kacdoonka ka mid ah.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo, wada-hadallada ayaa waxaa laga gaaray isfaham hordhac ah si loo guda galo wajiga labaad ee dadaalada socdo.

Heshiiska la gaaray ayaa waxaa qeyb ka ah in Generaal Abuukar Xuud iyo xubno kale oo kacdoonka Hiiraan kamid ah ay Generaal Biixi u raacaan magaalada Muqdisho si ay kulan ula qaataan Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Marka ay General Xuud iyo xubnaha la socdo  tagaan Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in halkaas lagu dhameystiro heshiiska qabyada ah.

Dhanka kale, Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Genaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar, saraakiisha ciidanka dowladda iyo maamulka Gobolka Hiiraan.

Sida ay ogaatay Shabakadda Caasimada Online, Villa Somalia ayaa gadaal ka riixeysa wada-hadallada lala furay General Xuud, waxaana qorshahaan loo soo wakiishay Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Genaraal Maxamed Tahliil Biixi.

Jenraal Xuud iyo kooxdiisa ayaa sida aan xogta ku helnay loo ballanqaaday taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Farmaajo ayaa doonaya in xiisadda Hiiraan la dhameeyo, si ay u suurta-gasho in halkaas ay ka dhacdo doorasho, ayada oo kuraas muhiim u ah ay halkaas yaalaan, waxaana ka mid ah kursiga HOP086 oo la filayo inuu isku sharxo Fahad Yaasiin.

Kooxda Farmaajo ayaa hore is-afragrad ula gaartay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, oo loo xil saaray qorshaha fuulinta sidii inta badan kuraasta 25-ka ah ee yaalla Beldweyne loogu gacan gelin lahaa kooxda Farmaajo.

Soomaalida oo falcelin laga naxo ka bixiyey imaatinka safiirka cusub ee Sacuudiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa si xadgudub leh oo laga naxo uga falceliyey kulan maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo looga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sucuudiga usoo dirtay Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa barteeda Facebook ku baahisay sawirada Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomaya safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Dad badan oo ka falceliyey arrintaas ayaa si akhlaaqda ka baxsan u weeraray safiirka cusub ee dowladda Sacuudiga ay u soo magacowday Soomaaliya, marka loo eego dhanka midabkiisa oo uu yahay nin madow ah, ayaga oo hadallo cunsurinimo ah kula kacay safiirka.

Dadka qaarkood ayaa soo dirista safiir madow ah ku qeexay ina ka dhigan tahay in Sacuudiga yasayo Soomaaliya, waa sida ay qoraalka u dhigeen’e.

Hase yeeshee dadkaas ayaa ah kuwa aan xog badan ka haysan in Sacuudiga ay ku nool yihiin dad badan oo madow dhalad ah, oo xitaa qaarkood dalkaas uga horeeyey dadka Carabta ah.

Waxaa yaab leh in dad Soomaali ah oo madow ay haddana cunsuriyeeyaan qof kale oo madow, oo weliba ah Muslim ku diin ah, taasi oo muujineysa heerka ay Soomaalida ka gaareen kibirka iyo isla weynida.

Weerarka lagu qaaday safiirka Sacuudiga ayaa ceeb iyo magac dal ku ah umadda iyo dowladda Soomaaliyeed, waana in dowladda Soomaaliya ay cudur daar ka bixisaa arrintan.

Al-Shabaab oo billowday xeelad cusub oo weeraro ay uga fuliso MUQDISHO

Waqtiyadii ugu dambeeyay waxaa soo kordhayay weerrarada ay fuliyaaan dadka isku soo rakiba jaakadaha laga soo buuxiyay walxaha qarxa ee fuliya weerrarada Al-Shabaab.

Waxaa ugu dambeeyay weerrarkii Axaddi uu qof isqarxiyay ku qaaday afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Mucalimuu, weerrarkaas oo la doonayay in mas’uulkaas lagu khaarajiyo.

Mucalimuu ayaa waxaa soo gaaray dhaawac loo dhigay isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho, iyadoo goordhaweydna lagu qaaday diyaarad gaar ah oo ka qaadday magaalada Muqdisho si dibadda loogu soo dabiibo.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerrarka.

Maxaa Shabaab ku kalifay inay isticmaalaan taaktikadan cusub?

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa yaraaday gawaarida laga soo buuxiyo walxaha qarxa ee lagu weerrari jiray dhismooyinka dowladda iyo hoteellada magaalada Muqdisho ee ay bartilmaameedsan jireen ururka Al-Shabaab.

Khubadara ku xeelka dheer arrimaha ammaanka ayaa ku doodaya inay suuragal tahay in Shabaab ay dhowr arrimood ku dhalisay inay si wayn u adeegsadaan dadka ay ku soo xiraan jaakadaha si ay weerraro u fuliyaan.

Haddaba Xuseen Macalim, waa madaxa Mac-hadka Hiraal ee ammaanka ka faallooda ee magaalada Muqdisho, ayaa sababta badashada weerrarada qofka isqarxinta ku tilmaamay: “Arrintan shakhsiyaadka la beegsanayo ee qofka isku soo xirayo bambadanada waxay aheyd midda hadda ugu sahlan oo ay isleeyihiin waad ku dhaawici kartaan xubno muhiim ah oo dowladda ah iyo dad ay shacabku xanuun ka dareemaayaan haddii wax loo gaysto”.

Xuseen waxa uu intaasi ku daray in “Shabaab dagaalkooda marwalba meesha ay ku xooggan yihiin ayey taktikadooda ku badiyaan oo marba tabtii u shaqaynaysa oo ay ka arkaan ducfiga xagga dowladda ayey xoogga saaraan.”

Maxaa badalay taaktikadii hore ee Shabaab?

Ciidammada dowladda ayaa ku doodaya inay middaasi ku timid deegaannadii ay Shabaabka weerraradaas ka soo abaabuli jireen oo weerraro lagu ekeeyay, deegaanno muhiim ah oo laga saaray iyo buundooyin ay gawaarida soo marsiin jireen oo la jaray, taasina waxa ay keentay in markasta oo Alshabaab ay masaafo ahaan laga fogeeyo caasimadda ay sii yaraadaan qaraxyada ay soo maleegaan.

Dhanka kale waxaa la xiray waddooyin badan oo ku yaal magaalada Muqdisho halkaas oo ay soo mari jireen baabuurta qaraxa sidda, halka koontaroollo la dhigay waddooyinka laga soo galo magaalada, walow taas aanay gebi ahaanba hor istaagin qarxayadii.

Hasayeeshee dadka ku xeelka dheer arrimaha ammaanka ee gobolka ayaa sheegaya inay jiraan taktiikis badan oo ay isticmaalaan, sida miinooyinka dhulka ay galiyaan, kuwa booda oo waayadan dambe gawaarida ku tuuran, bambooyinka gacanta laga tuuro, bistoolado dadka lagu khaarajiyo, iyo gawaarida qaraxa laga soo buuxiyo, hoteellada iyo goobaha dowladda oo ay galaan.

“Intaas oo tab ayey haystaan, oo marba midda lagu adkeeyo ma ahanee midda kale ayey u badalaan marka waxaan isleeyahay kuwii kale ayaa u shaqayn waayay,” ayuu yiri Xuseen Macallim.

“Baabuurta laga soo buuxiyo walxaha qarxa howshoodu aad bay u fara badan tahay, laakiin qofka iyo jaakadda loo soo galinaayo dad aad u yar iyo waqti kooban ayaa lagu sameeyaa, dabcan dad waxaa jira u diyaarsan inay isdilaan, halka bambada diyaarinteeda aanay waqti badan qaadanayn. Halka qofka baltilmaameedkana ay waqti qaadato in la helo jadwalkiisa.

Qorshaha dadka jaakadaha wata

Xuseen Macallin ayaa ku doodayaa inuu jiro liis ay Shabaabka ugu qoran yihiin dadka sarsare ee dowladda ku jira, iyadoo dhanka kale ay jiraan dad u qaabilsan Shabaab in muddada ciidammadooda ay tababarka siinayaan inay soo xulaan, qoraan oo ay tababar gaar ah siiyaan dadka jaakadaha lagu rakibo ee isqarxiya.

“Tababaro ayey siiyaan oo qofka isqarxinaya qalbigiisa ayaa la jilciyaa, kaddibna howlgal ayaa loo diyaariyaa, oo waxaa suuragal ah in meelo gaar ah lagu xanaaneeyo si uusan dad kale ula kulmin oo uusan u dhexgelin” ayuu yiri Xuseen.

“Marwalba way jireen dad jaakado wata laakiin xilliyada ayey kala duwaan oo markii ay ka arkaan inay il u furan tahay, ama jaakadaha ayey tiro ku filan u helaan, marna dadkii isqarxin lahaa ayey helaan… Marna way ku adkaataa oo dowladdaa xoog saarta ama wixii ay u baahnaayeen ayaa ka kala go’a.” ayuu yiri Xuseen Macallim.

Taxadarka weerrarada noocan oo kale ah

Khubarada ammaanka ayaa ku doodaya in hay’adaha amniga ee Soomaaliya ay shaqadooda tahay inay bixiyaan talooyinka ku saabsan weerrarada isqarxinta ah ee lagu beegsado madaxda dowladda iyo shacabka guudba.

Hasayeeshee si gaar ah waxa uu Xuseen Macallin oo hore u soo noqday lataliyaha madaxweynaha ee amniga qaranka ayaa sheegaya in dadka isleh inay bartilmaameed noqon karaan inay iska ilaaliyaan dhowr arrimood.

“Inay iska ilaaliyaan jadwal deggan oo inta loo fiirsado qofka lagu ogaan karo xilliyada uu baxo iyo meelaha uu tagaba, in qofku haddii uu awoodo inuu samaysto gawaarida aan xabbada karin ama ciidan isaga ka ilaaliyo inuu qof ku soo ordo iyo wax la mid ah,” ayuu yiri Xuseen Macallim.

Hasayeeshee dadweynaha ayuu sheegay in intaas ka dayacan yihiin balse ay tahay shaqada dowladda inay ilaaliso shacabka iyo madaxdaba.

“Shabaab difaac kaliya kuma filna, balse qaabka kale ee loogaga hortagi karo ayaa in ah la wiiqo awoodooda iyo in ay dowladda ka shaqeyso sidii ay Shabaab awood ugu waayi lahaayeen inay diyaariyaan dilalka noocaas ah.” ayuu yiri Xuseen Macallim madaxa Mac-hadka Hiraal ee ammaanka ka faalooda ee magaalada Muqdisho.

Dadka caanka ah ee isqarxinta lagu bartilmaameedsaday

Sanadihii la soo dhaafay waxaa waddanka Soomaaliya ka dhacayay qaraxyo intooda badan loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Hasayeeshee waxaa jira kuwo ay fuliyeen dad isku soo rakibay jaakado laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo bartilmaameedsaday dad caan ah ama goobo ay dad badan ku sugnaayeen.

Waa kuwan qaar ka mid ah weerraraii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen dadka isku xira jaakadaha laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo dadkii ku waxyeeloobayba.

Isha: BBC Somali

Maxaa keenay beegsiga lagu hayo mas’uuliyiinta DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan beegsiga lagu hayo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Ismaaciil Daahir ayaa shaaca ka qaaday in amni darrada haatan jirta iyo beegsiga mas’uuliyiinta dalka ay ka dhasheen is qab-qabsiga madaxda dowladda, isla-markaana ay kooxda Al-Shabaab, ayada oo ka faa’iideysaneyo ay kordhisay weerarada qaraxyada ah.

“Beegsiga mas’uuliyiinta dowladda ee kooxda nabad-diidka Al-Shabaab ma’aha mid hadda billowday, balse bilooyinkii dambe waxaa aad u xoogeystay is qab-qabsiga siyaaasadeed ee ka dhexeeya madaxda dowladda, ayada oo su’aal laga keenay cida iska mas’uuliyadda amniga,” ayuu yiri Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Taas ayaa keentay in kooxda nabad diidka, ayaga oo ka faa’iideysanaayo is qab-qabsigaas inay fuliyaan weeraro is-miidaamin ah oo noocan oo kale ah,”.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa shaaca ka qaaday inay meesha ka baxday hay’addii Nabad Sugidda ee la rabay inay ka hortegto qaraxyadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa meesha ka baxay hay’addii sirdoonka ee la rabay inay sameyso ka hortegga falalka amni darro ee kooxdan la beegsato mas’uyuliyiinta dowladda,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu usoo jeediyey xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Rooble inay la wareegto mas’uuliyadda uu dastuurka u siinayo amniga gudaha iyo dibadda.

“Waxaan kula talin lahaa xukuumadda KMG ah in ay la wareegto mas’uuliyaddeeda dastuuriga amniga gudaha iyo dibadda labadaba,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii u dmabeeyey ay kordheen weerarada is-miidaaminta ee lagu beegsanayo madaxda dowladda, waxaana ugu dambeeyey qaraxii lagu dhaawacay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Irbaahim Macallimuu.

Khasaarooyinkii Farmaajo kasoo gaaray dagaalkii uu la galay R/Wasaare ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaday Maxamed Cadullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa is qabtay laba jeer muddo ka yar 120 cisho.

Khilaafka labada nin ayaa sababay inuu Farmaajo laba jeer isku dayo inuu shaqada ka joojiyo Ra’iisul Wasaaraha, laakiin kuma guuleysan maadaama uusan jirin qodob dastuuri ah oo xaq u siinayo tallaabadaas.

Dagaalka labada nin wuxuu kamid ahaa waxyaabihii sida weyn dib ugu dhigay doorashadii Dalka. Labada xiisadba waxay ka yimaadeen dhanka madaxweyne Farmaajo.

Labada jeerba wuxuu Farmaajo difaacayey saraakiisha Hay’adda NISA. Dagaalkii Koowaad wuxuxu ka bilowday difaaca Fahad Yaasiin, dagaalka labaadna wuxuu ka dhashay kursiga Yaasiin Farey taasoo muujineysa sida ay xubnaha NISA muhiim ugu yihiin Farmaajo.

Haddaba, warbixintaan waxaan ku eegeynaa waxa Farmaajo uga khasaaray labadii dagaal ee uu la galay Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dagaalkii Koowaad

Farmaajo wuxuu waayey oo xilkii laga qaaday taliyihii NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Hay’addii ayaana sumcad ahaan u burburtay, waxaana Farmaajo lagu tuhmay isaga inuu wax ka ogyahay kiiska Ikraan Tahliil.

Farmaajo wuxuu dagaalkii Koowaad ku waayey Wasaaradda Amniga. Wasaaradaan ka hor inta uusan dagaalka bilaaban waxaa joogay Xasan Xundubey oo dhanka Farmaajo jiray, laakiin markey xiisaddu qaraxday waa la bixiyey Xasan Xundubey waxaana la keenay wasaaradda Cabdullaahi Maxamed Nuur, taasi oo dhanka Ra’isul Wasaare Rooble marisay wasaaradaas muhiimka ah.

Heshiiskii labada nin ee lagu xalinayey khilaafkoodii Koowaad xubnihii dhanka Rooble ka socday waxay heleen xilal sida Bashiir Goobe oo Wasiiru-dowle qaatay iyo hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la siiyey mid kamid ah la taliyaashii Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waa Hey’ad kale oo muhiim ah oo dhanka madaxweyne Farmaajo gacantooda ka baxday. Nabadsugiddii oo ay wax badan gacanta ku hayeen kooxda madaxweyne Farmaajo waxaa lagu heshiiyey in taliyaha loo magacaabayo uu noqdo qof ay labada dhinac ka heshiiyeen, Rooblana uu keensado qofka noqonaya ku-xigeenka.

Illaa hadda taliye rasmi ah looma magacaabin Hey’adda Nabadsugidda, haddii uu Farmaajo kaligiis iska magacaabana waxaa laga baqayaa inuu Rooble diido.

Hay’adaan inkastoo ay weli awood ahaan dhanka Farmaajo jirto haddana in darafka lagula dhago ayaa kamid ah khasaarooyinkii Farmaajo kasoo gaaray dagaalkii Koowaad ee uu la galay Rooble.

Dagaalkii Labaad

Dagaalkii labaad ee bishii lasoo dhaafay ee welina aan la xalin waxaa isna Farmaajo uga lumay wax badan oo muhiim ah, waxaana kamid ah Wasaaradda Gaashaandhigga.

Markii uu dagaalka Labaad qarxay, Rooble wuxuu badalay wasiirkii Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji oo dhanka Farmaajo ka socday, wuxuuna keensaday Jaamac oo dhankiisa ah.

Taasi waxay ka dhigan tahay in dhammaan wasaaradaha qaabilsan Amniga laga bixiyey gacanta madaxweyne Farmaajo.

Dagaalkaan Labaad wuxuu Farmaajo ku waayey 7 xubnood oo kamid ahaa guddiga xalinta khilaafaadka kuwaas oo dhankiisa ahaa balse uu shaqada ka eryey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana xubnaha la eryey ku jiray guddoomiyihii guddigaas.

Sidoo kale, wuxuu Farmaajo dagaalkaan Labaad ku lumiyey guddoomiyihii guddiga doorashooyinka ee heer Federaal Maxamed Xasan Cirro kaasoo dhankiisa ka socday, waxaana shaqo ka eryintiisa loo adeegsaday xubnaha guddiga. Haddana, hoggaankii guddigaan waxaa qaatay xubin dhanka Saciid Deni ka socda.

Khilaafkaan Labaad waxaa sidoo kale lagu ogaaday in maamuladii uu Farmaajo isku haleenayey inaysan wax badan u tari karin markii ay garab istaagi waayeen shirkii uu iclaamiyey. Waxay aheyd xaalad lagu ogaaday inuusan hadda sidoo kale u awood badneyn.

Imaaraadka Carabta oo uu Farmaajo albaabada Soomaaliya ka xiray ayaa dariiq cusub helay intii uu jiray khilaafkaa.

Waxyaabahaas oo dhan waxay dad badan qabaan in laga badbaadi karay haddii uusan Farmaajo geli laheyn dagaalka Rooble oo aan isagu waxba ka khasaareen maadaama uusan musharax aheyn.

Rooble xubno guddi ah ma heysan, wasaarado muhiim ah ma heysan, taliyayaal iyo hey’ado muhiim ahna ma heysan.

Marka la joogo siyaasadda inaad raadsato dagaalka qof aan waxba gacanta ugu jirin waa calaamad muujineysa inaad u bareertay in xisaabtaada qeyb laga qaato.

Saaxiibada madaxweyne Farmaajo qaar waxay qabeen in intaas oo khasaaro ah laga badbaadin karay kooxda, laakiin lama qaadan taladooda. Intaas waxaa dheer dhaawaca soo gaaray xagga sumcadda iyo rajada doorashada.

Sawirro: Safiirka Sacuudiga ee Somalia oo waraaqaha aqoonsi laga guddoomay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Danjiraha cusub ee Dowladda Sucuudiga  Axmed Bin Maxamed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda la wadaagay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood iyo Labada shacab ee saaxiibbada ah, isaga oo ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii ay Soomaaliya iyo Sucuudigu u xoojin lahaayeen xiriirkooda soojireenka ah iyo iskaashiga Labad Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, arrimaha bulshada iyo siyaasadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Danjiraha Cusub ee Boqortooyada Sucuudiga ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.