26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Sawirro: Safiirka Sacuudiga ee Somalia oo waraaqaha aqoonsi laga guddoomay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Danjiraha cusub ee Dowladda Sucuudiga  Axmed Bin Maxamed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda la wadaagay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood iyo Labada shacab ee saaxiibbada ah, isaga oo ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii ay Soomaaliya iyo Sucuudigu u xoojin lahaayeen xiriirkooda soojireenka ah iyo iskaashiga Labad Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, arrimaha bulshada iyo siyaasadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Danjiraha Cusub ee Boqortooyada Sucuudiga ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Suxufi caan ah oo isku soo taagay kursigii la sheegay in la siiyey CC SHAKUUR

Muqdisho (Caasimada Online) – Suxufiga rug cadaaga ah ee Xasan Sheekh Axmed Cadde ayaa kusoo biiray masraxa tartanka doorashada golaha shacabka, isaga oo isku soo taagay kursiga HOP138 ee yaalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Xasan Cadde ayaa kursigan kula loolami doona siyaasiyiin uu ka mid yahay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, ahna musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kursiga HOP138 ayaa waxaa hadda ku fadhiya ganacsadaha wayn ee Siciid Nuur Giriish, ayada oo sanadii 2016 loolankii adkaa ee kursigaas loo galay ay ku baxday lacag dhan hal milyan oo dollar. Si kastaba, Saciid ayaa la sheegay in markan uusan musharax aheyn.

Kursigan oo ka mid ah kuraasta ugu saamaynta badan dhinaca Galmudug, ayaa sanadkankan ka duwan sanadadii hore, waayo waxaa jirta culeysyo siyaasadeed oo la doonayo in kursigan aan tartan loo gelin.

Horey waxaa u jiray warar sheegaya in beesha leh kursiga ay siisay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, uuna qaadanayo tartan la’aan, hase yeeshee loolanka ka imanaya Xasan Cadde ayaa wax weyn ka beddeli kara xaaladda.

Su’aasha hadda waxay tahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur diyaar ma u yahay tartankan, sababtoo ah haddii looga adkaado waxay saamayn ku yeelan kartaa rajada uu ka qabo kursiga madaxweynaha Soomaaliya.

Wax walba waxay kala caddaan doonaan maalmaha soo socda marka uu guddiga doorashada Galmudug ku dhowaaqo liiska musharaxiinta kursigan. 

DF oo war kasoo saartay weeraradii ABU DHABI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay weeraradii xooganaa ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka.

Cabdisaciid ayaa sheegay in dowladda federaalka ay si kulul u cambaareyneyo weeraradaas oo ay fulisay kooxda Xuutiyiinta oo adeegsatay diyaarado drone oo qaraxyo xambaarsan.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka argagaxiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tacsi u dirayaan qoysaska ay dadkooda ku dhinteen weeraradaas, kuwa dhaawaca ahna ay u rajeynayaan caafimaad deg-deg ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda,” ayuu sii raaciyey wasiir Cabdisaciid.

Weeraradan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday illaa saddex qof, halka lix kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska.

Dadka dhintay sidoo kale laba ka mid ah waxa ay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu ka soo jeedo waddanka Pakistan.

Imaaraadka Carabta ayaa aad u yareeyey joogitaankooda militari ee dalka Yemen 2019-kii, xilli la isku mari waayey dagaalka ayna sare u kacday xiisadda gobolka iyo Iran, hase yeeshee waxay saameyn ku leeyihiin ciidamada hubeysan ee Yemen oo ay tababareen.

Wararkii u dambeeyey ee doorashada guddoomiyaha Gudiga Xallinta Khilaafaadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda diyaar garow xoogan oo ku aadan doorashada guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka, kadib markii la eryey guddoomiyihii hore.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka, Maxamed Ibraahim Barre oo warqad soo saaray ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada ee guddoonka.

Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa ka shaqeyn doono diyaarinta doorashada guddoomiyaha cusub oo muhiim u ah doorashada socota ee Golaha Shacabka Somalia.

Sidoo kale Maxamed Ibraahim Barre ayaa faray xubnaha uu magacaabay inay daacad noqdaan, isla-markaana ay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

“Waxaa la farayaa xubnahaan inay waajibaadkooda u gutaan si daacad ah,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dalka.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa loogu jiraa loolan adaga, waxaana haatan u tartamaya qabashadiisa xubno ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa isku garbinaya inay guddoonka guddiga  helaan dhinacyo kala duwan, gaar ahaan Villa Soomaaliya, xafiiska Rooble iyo maamul goboleedyada, sida horay u dhacday oo kale, gaar ahaan doorashaddii gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban.

Guddigaas ayaa waxaa kusoo baxay Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay Puntland, kadib garab istaag uu ka helay Deni iyo xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Halkan hoose ka aqriso:-

 

Ciidanka Gorgor ‘oo arrimo yaab leh ka wada’ Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Bulshada ku nool magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa ka cabaneysa ciidamada Gorgor, iyaga oo sheegay inay kala kulmaan dhac maalin iyo habeen ah iyo cabsi gelin joogta ah.

Qaar ka mid ah dadka reer Guriceel ayaa warbaahinta u sheegay in marar qaar ay gudaha magalaada ka dhacaan is-rasaaseyn u dhaxeysa ciidamada, sidoo kale dadka magaalada oo caweyn jiray ilaa xili dambe ay hadda guryahooda ku xarooda 9:00 fiidnimo.

Mid ka mid ah dadka ku nool Guriceel ayaa yiri, “Ciidanka Gorgor ee ku sugan magaalada Guriceel dhibaatada ay ku hayaan dadka shacabka ah waxaa ka mid ah, in hablaha qaadka ku iibiya magaalada ay xoog uga qaataan, iyagoo leh waan idin ka iibsanaynaa, kadibna kala tegaya, waxay sidoo kale dhac u geystaan dhallinyarada magaalada ku daahda habeenkii iyaga oo taleefanada gacanta ka qaata.”

Qofkaas oo sii hadlayey ayaa yiri “Arrinkaan waxaa uu soo bilowday kadib markii ciidamada dowladda iyo Ahlu-Sunna ay ku dagaalameen magaalada, markaas oo ciidamada dowladdu ay ku itaal roonaadeen, hadal-heynta uga badan oo shacabka ayaa ah, in ciidamada in deegaanka laga raro ama meel kale la geeyo ay jeclaan la haayeen.”

Sidoo kale reer Guriceel waxay sheegeen in ciidamada Gorgor ay mararka qaar dhigtaan isbaarooyin, iyagoo dhibaateeya dadka safarka ah.

Dadka reer Guriceel waxay meesha ka saareen in ay jiraan kufsi ay magaalada ka geysteen ciidanka Gorgor, “Ma maqal kufsi ay ciidamadu geysteen, laakiin dhaca maalinta cad ayaa jira, iyaga oo mararka qaar u adeegsada xabado ay ku ridaan dadka, ilaa hadda ma maqal qof ay dileen, dadkuna waxay in badan ka sheegtaan ciidanka Gorgor oo waayahaan joogay deegaan,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool magaalada Guriceel.

“Marka laga soo tago dhaca Taleefanada iyo Qaadka dumarka laga dhaco, waxaa jira dukaamo la jabsaday, guryo loo dhacay iyo kuwa alaabta lagala baxay, dhibaatooyinkaas ayey ciidamadu ku hayaan dadka deegaanka,” ayuu yiri qof ku nool Guriceel.

Badankood dadka reer Guriceel waxay arrintaas u sababeeyeen maqnaashiyaha taliyaha booliska degmada Guriceel oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho

“Taliyaha ciidanka Booliska Guriceel waxaa uu muujiyey dadaal fara badan, isagoo saraakiisha Gorgor iyo kuwa kale isugu geeray, heshiisna ay ku galeen inaan magaalada xabad laga ridi karin, dadkana aan lagu dhibaateyn karin deegaanka. Taliyaha waxaa soo wajahay xaalado caafimaad, intii maalmahaan uu ku maqnaa Miqdisho, balse waxaa ka faa’iidaystay ciidamadii joogay ee Gorgor,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey qof ka mid ah dadka ku nool magaalada Guriceel.

Xigasho: Goobjoog News

Daawo: SACIID DENI oo sheegay arrin uu caqabad iyo DAGAAL kala kulmay

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo khudbad ka jeediyey shirka dhalinyarada oo todobaadkaan ka furmay Garowe ayaa soo bandhigay caqabadaha ku gedaaman jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saaray sidii dhalinyarada fursad loo siin lahaa, balse dagaal culus oo siyaasadeed ay kala kulmeen.

“Dowladaan waxay diyaar u tahay in fursado badan ay u abuurto dhalinyarada, waase nalagu colaadibnayaa, aad ayaan uga xumahay wax lasoo dhaafay in dib la iigu celiyo, dhalinyarada waxaan leeyahay midnimada umadda Soomaaliyeed iyo nabadda xooga saara,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Saciid Deni oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Caqabada ugu weyn ee ka masuul ahaan aan dareemaayo waxay tahay, dadkeena waxaa ku badatay in qof kasta uu xooga saaro dantiisa gaarka ah, waa jiraan waxyaabo naga soo gaaray burburkii oo aan ka soo kabanay, laakiin wax badan oo cusub ayaa nagu soo biiraya, qatar ayaa ku soo wajahan Soomaaliya, ma jirto cid dan guud ka fikireysa.”

Saciid Deni ayaa shirkaan ku tilmaamay mid muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo dhalinyarada ka soo qeyb gashay kula dardaarmay in baahida ay qabaan dadka Soomaaliyeed ee dhanka ammaanka ah ay isku dayaan inay wax ka qabtaan.

“Shirkaan waa mustaqbalkii Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sababtoo ah dadkeenu waa wada dhalinyaro, go’aanka aad maanta gaartaan ayaa dalkaan iyo dadkaan mustaqbal u noqon doona,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Dani ayaa dhalinyarada kula dardaarmay in shirkooda ay ka soo saaraan go’aano wax ka bedeli kara marxaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed, isagoo soo hadal qaaday dhinacyada isku dhaca beelaha, tiknoolajiyadda iyo caqabado kale oo ay Soomaalidu wajaheyso.

Hoos ka daawo

Daawo: Xasan Sheekh oo war cusub soo saaray, sheegayna in waqtiga loo qabtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka hadlay marxalada uu dalku marayo, gaar ahaan dhinacyada doorashada, dhaqaalaha, xiriirka caalamka iyo amniga, isagoo sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay wax badan hoos uga dhacday halkii ay uga tageen afar sano ka hor.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka soo sheekeeyey marxaladihii ay soo martay dowladnimada Soomaaliya ilaa Carta iyo hanaanka federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay markii lasoo dhisay dowladii uu hogaaminayey.

“Anigoo ah oday Soomaaliyeed, waxaan leeyahay dadkeyga Soomaaliyeed aan ka imaano wixii shalay nagu dhacay, aan u imaano tan maanta, sidoo kale aan u diyaar garowno tan berri. Waxkastoo dhacay waa lasoo dhaafay, soomana noqon karaan ee dulqaata,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in kalsooni badan uu ku qabo in doorashadu ay ku dhici doonto waqtiga loo qabtay ee 45-ka cisho ah.

“Anigu waxaan qabaan in 275-ta xildhibaan lagu soo dhameystiri karo waqtigaas, waaba dooran yihiinaa la yiriye,” ayuu yiri.

Waxuu sheegay in madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada aan laga ogolaa karin, in waqti iyo bilo kale ay ku darsadaan oo doorashadaan ay sii jiitanto.

“War aduunku waa nala hadlay, waxaan dhahnaa dal xor ah ayaan nahay, laakiin tiirarkii xornimadu manoo dhan yihiin? hadii dhaqaalihii, amnigii iyo xukunkii maanta uu caalamku naga kaalmeynayo, hadii naloo digo oo waqti naloo qabto ceeb maaha,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sharaxay dhibaatooyinka Soomaaliya ka soo gaari kara hadii ay ka dhega adeygto digniinaha caalamiga ah ee ku aadan qabsoomidda doorasho xor ah.

“Dadka iyo madaxda Soomaaliyeed waan u digayaa, war dalka yaan la gelin ciriiri ku celiya duruufihii aan soo marnay, waxaan uga badbaadi karnaa doorashada oo la dedejiyo, kuma nagaa karno xaaladaan maanta aan ku jirno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa tusaale u soo qaatay wadamo badan oo doorasho la diiday ama xumaatay ay meel xun geysay oo dunida inteeda kale ka haray.

Waxuu sheegay in ciidanka qaranka aysan geysan wax dhibaato ah, balse siyaasiyiinta, gaar ahaan madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar ayuu u saariyey wixii dhib ahaa oo ciidanka qaranka ay ka geysteen meelo kala duwan.

Ugu dambeyntii madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isku dulqaataan oo si aqbalaan, si looga gudbo marxaladaan adag ee dalkeenu ku jiro.

Hoos ka daawo

MUUSE BIIXI oo u amba-baxay Itoobiya + Ujeedka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah u dhoofay dhanka magaalada Addis Ababa, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda sare ee waddankaasi Itoobiya.

Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan golihiisa wasiirada oo qeyb ka ah booqashada uga bilaabatay magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa la sheegay in socdaalkiisa la xiriiro xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi, oo uu ugu horreeyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ah mas’uulka u fidiyey casuumadda uu ku tegay Itoobiya.

Horay waxaa Addis Aababa u gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo hordhac u ahaa safarka Muuse Biixi, kuwaas oo ka qeyb qaadan doono soo dhoweyntiisa.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay xukuumadda Somaliland ka bixisay booqashada Muuse Biixi uu ku aaday caasimada Addis Ababa.

Itoobiya ayaa xiriir xoogan la leh Somaliland, waxaana ay qeyb ka tahay dekeda Berbera oo ay wax kala soo degto, inkastoo muddooyinkii lasoo dhaafay uu yaraa xiriirka labada dhinac, sababo la xiriira dagaalka ka qarxay dalkaas ee u dhexeeya dowladda iyo TPLF.

Faallo: Maxaa soo dadajiyey go’aanka uu Jeneral Xuud ka qaatay xiisada HirShabelle?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneral Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo si weyn uga soo horjeeday maamulka HirShabelle ayaa shalay ku dhawaaqay inuu haatan diyaar u yahay inuu wada-hadal rasmi ah la galo maamulkaasi iyo sidoo kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xuud oo ay hareero taagnaayeen taliyaha ciidamada dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya xaqa ka maqan reer Hiiraan ay ku raadinayaan qaab wada-hadal ah

“Dadow ha’isku sirmina ogaada in la dagaali karo, lana heshiin karo. Cid walbaa og waxa naga maqan in la helo isaga ayey dan ugu jirtaa, annagay noogu jirtaa, Soomaali ayey ugu jirtaa, insha allah xaqaas waan keeneynaa,” ayuu yiri.

Haddaba, Maxaa xilligan soo dadajiyey in Xuud uu go’aankan qaato?

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame uu rabo in uu galaan-gal ku yeesho doorashada Golaha Shacabka ee bilaabatay, xilli uu hore ugu fashilmay in uu saameyn haba-yaraate ku yeesho dhismaha maamulka HirShabeelle.

Guddiga hirgelinta doorashada HirShabeella ayaa shalay shaaciyey 11 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka oo uu dhawaan doorashadoodu ku qabanayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Weli lama shaacin wax kuraas ah oo kamid ah 25-ka kursi ee la qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Beledweyne, ayada oo ay xiligan muuqato in maamulka iyo Jeneraal Xuud isku fahmeen inay doorasho ka dhici karto magaaladaas.

Beledweyne oo kamid ah deegaan doorashooyinka ayaa markii hore wajahaysay culeys ah in lagu qabto doorashada, maadama ay ka taagneyd xiisad dagaal oo u dhaxeysa maamulka Guudlaawe iyo Jabhada Jeneral Xuud.

Sidoo kale waxaa la rumeysan in dabaca mowqifka Xuud iyo in uu dib ula heshiiyay maamulka HirShabeelle oo uu kasoo baxay duurkii uu dagaalka kaga jiray, inaysan ka madhneyn is-faham ka baxsan doorashada oo keliya.

2-dii bishaan unbey aheyd markii uu Jeneral Abuukar Xaaji Warsame Xuud shaaciyay in si buuxda gacanta ugu dhigay maamulka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, islamarkaana ay ciidankiisa joogaan inta badan xaafadaha magaalada, kadib dagaal culus oo dhexmaray ciidamada maamulka.

Waxaa uu xiligaasna sheegay in ujeeddadiisu tahay dhismaha maamul goboleed lagu magacaabo Hiiraan oo aysan dooneyn in ay wax la qeybsadaan maamulka haatan jira ee HirShabeelle ee uu madaxweynaha ka yahay Cali Guudlaawe.

Si kastaba, Jeneraal Xuud ayaa jabhadeyntiisi mudada soo socotay kusoo afmeeray shir jaraa’id uu saaka ku qabtay magaalada Beledweyne, kaasi oo uu ku sheegay in uu wada-hadal la galayo maamulka iyo dowlad federaalka.

KENYA oo shaacisay inay howlgal ku dishay 15 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada Kenya ay ka fuliyeen deegaano dhow dhanka xadka Somalia kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar culus ka fuliyey halkaasi.

Saraakiil u hadashay Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi lagu dilay ugu yaraan illaa 15 xubnood oo looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay ciidamadu weerar ku qaadeen halka loo yanaano Bodhei oo ka tirsan kaynta Boni.

Booliska ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu ay maalmihii u dmabeeyey ku raadjoogeen xubnahaasi oo lagu eedeeyey inay geyteen weerar lagu dilay illaa 6 qof oo ka dhacay gobolka Xeebta ee Laamu.

Sidoo kale waxay saraakiishu intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga hortago weerarada ay kooxda ka geysato Waqooyi Bari.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab, kuna aadan howl-galkaas ay Kenya shaacisay inay uga dishay xubnahaasi.

Xaaladda ammaan ee gobolka Waqooyi Bari ayaa beryihii dambe aheyd mid aad u liidata, waxaana ka dhacay weeraro qorsheysan oo lagu dilay dhowr qof.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa tan markii la galay sanadkan cusub ee 2022 kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahana deegaanada u dhow xadka Somalia.

Maxay tahay arrinta muranka dhalisay ee loo haysto Cabdi Xaashi iyo wiilkiisa? + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka mid ka mid ah beelaha dega gobollada waqooyi ee Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo wiilkiisa waxay ku eedeeyeen inay boobayaan kursi ay ku lahaayeen golaha shacabka.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka beeshaas ayaa sheegay in afar cisho ka hor ay u tageen Cabdi Xaashi oo xilligaas uu la joogay Senator Cabdi Ismaaciil Samatar, balse hadal qanciya ay ka waayeen, kadib markii ay ka codsadeen in kuraastooda uu faro-gelinta ka daayo.

Waxgaradkii ka hadlay boobkaas ay sheegeen in beeshooda lagu hayo ayaa ra’iisul wasaare Rooble ka codsaday in cadaaladii uu balan qaaday ay maanta uga baahan yihiin.

Sidoo kale midowga musharaxiinta iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ayey cod dheer ugu sheegeen in boobkii doorashada uu sidiisii yahay, iyagoo codsaday in laga qabto xubnahaan ay sheegeen inay boobayaan kuraastii ay ku lahaayeen baarlamaanka.

Hoos ka daawo

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey qaraxii Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay agagaarka Afisyoone ee wadada 21-ka October taariikhda markey aheyd 12-kii Janaayo 2022.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu weerarkaas fuliyey Maxamed Aadan Gureey, oo sidoo kale loo yaqaanay Siciid, kaasi oo kasoo jeeday Beesha Gaaljecel, gaar ahaan jufada Dirisame.

Maxamed oo ahaa 44 Jir ayaa dhashay sanadkii 1977, wuxuuna ku dhashay degmada Ceel Cali ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu kusoo barbaaray kuna soo hanaqaaday, sida lagu sheegay qoraalka warbaahinta Al-Shabaab.

Wuxuu kooxda Al-Shabaab kusoo biiray sanadkii 2011, wuxuuna iska diiwaan geliyey garabka Jabhadda ka hor inta uusan ku biirin qeybta qaabilsan is qarxinta.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay in bartilmaameedka qaraxaas uu ahaa Saraakiil cadaan ah oo la socotay kolonyo marayay wadada uu qaraxu ka dhacay, kuwaasi oo ka tirsan howl-wadeenada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo ay baahisay warbaahintooda.

Si kastaba, QM ayaa beenisay in shaqaalahooda ama qandaraasleyaashooda la beegsaday.

War kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu yiri “Si ka duwan warbixinada horudhaca ah qaarkood, ma jirin shaqaale ama qandaraasleyaal QM ah oo la socday kolonyadii lagu beegsaday qaraxii is-miidaaminta ee horaantii maanta ka dhacay Muqdisho.”

Midowga Yurub oo eedeyn u jeediyay DF kana walaacsan go’aankii ay qaadatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa walaac xoogan ka muujiyay mustaqbalka howl-gallada ka dhanka ah burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, kadib go’aankii ay dowladda federaalka ku gaartay in lasoo gabe-gebeeyo.

Howl-galadan ayaa waxaa ka mid ah howl-galka Atalanta, oo sidoo kale loo yaqaan EU NAVFOR Soomaaliya, Ciidanka Wadajirka ah ee Geeska Afrika ee uu hoggaamiyo Maraykanku, iyo Hawlgalka NATO ee Badweynta Shield.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa December 2021 saddex bil oo ku eg March 2022 ku kordhiyay howl-galka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida oo socday sanadihii lasoo dhaafay si loo soo afjaro weerarada qafaalka Maraakiibka Ganacsiga iyo kuwa Dalxiiska oo kooxahaan ay ka heleen dhaqaale badan.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa waxay qabaan in saddexda bilood ee la kordhiyey aanay ku filnayn xasilloonida gobolka, ayaga oo dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeyay inaysan ka go’neyn sii wadida howl-galada caalamiga ah ee ciidamada badda.

Sidoo kale waxay ku doodayaan haddii la kordhin waajibaadka howl-galka ilaalada badda Soomaaliya ay wiiqi doonto awoodda EU NAVFOR ee hawlaha la dagaallanka burcad-badeedda ee gobolka.

Waxaa la rumeysan yahay in soo gaabinta howl-galka ka dhanka ah burcad-badeedda ay ka dambeyso kadib markii ay hoos u dhaceen weerarada burcad-badeeda Soomaalida.

Mudada kooban ee lagu daray ayaa lagu macneeyay inay tahay mid lagu qiimeynayo xaaladda Soomaaliya oo ku xiran ilaalinta dhanka Bariga oo Burcaddu kasoo abaabusho qorshaha qafaalka Maraakiibta, taasi oo uu ka horyimid Midowga Yurub.

Si kastaba, Midowga Yurub ayaa ku doodaya in muda kordhinta loo sameeyay howl-galka aysan ku filneyn xasiloonida gobolka, inkasta oo la warinayo inay hoos u dhaceen weerarada burcad-badeeda Soomaalida.

Macallimuu oo loo qaaday dalka dibadiisa iyo wararkii ugu dambeeyay xaaladdiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shalay qarax is-miidaamin ah uu dhaawac culus kasoo gaaray ayaa maanta loo qaaday dalka Turkiga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka qaaday Macalimuu diyaarad qaas ah oo kuwa caafimaadka oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uga dalbay dowladda saaxiibka nahay ee Turkiga.

Xaalada caafimaad ee Macalimuu ayaa lagula tacaali doona dalka Turkiga, kadib markii wax looga qaban waayay gudaha caasimada dalka ee magaalada Muqdisho.

Macalimu waxaa uu dhaawaca dartii ka jabay lugta, waxaa kale oo uu dhaawac kasoo gaaray gacan iyada oo ay jirtay jug xoogan oo xabadka ah oo dhiig ku celisay, neefta ku adkeysay.

Sidoo kale dhanka lugta waxaa uu mari doonaa qaliin, halkan gacanta aan la ogeyn iney u baahan doonto iyo in kale.

Macalimuu ayaa Axaddii ku dhaawacmay weerar is-miidaamin ahaa oo gaari uu watay lagula eegtay agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, ayada oo Nin xirnaa jaakad ka sameysan walxaha qarxa uu isku qarxiyay qaybtii uu gaarigaasi ka saarnaa.

Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira dowladda federaal ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.

Loolanka kuraasta HOP147 iyo HOP138: Mahad Salaad, Cali Yare iyo CC Shakuur

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Galmudug ayaa dhawaan sii deysay 21 Kursi oo ku hartay magaalada Dhuusamareeb, waxayna ka mid ahaayeen 26 Kursi oo Golaha Shacabka ah oo loo qorsheeyey in lagu doorto caasimadda Galmudug.

5 Kursi oo hadda ka hor halkaas lagu doortay ayaa waxaa qaarkood laga keenay dood xoog leh oo xataa saameysay Dowladda Dhexe. Kuwa hadda ay soo dhajisayna waxaa ku jira qaar si weyn loo hadal hayey waqti dheer, lana sugayey doorashadooda.

Warbixintaan waxaa ku eegeynaa Labada Kursi ee laga leeyahay magaalada Guriceel ee HOPP#147 iyo HOPP#138 kuwaas oo xiiso weyn xambaarsan.

Kursiga HOPP#147 waxaa in muddo ah ku fadhiyey Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, oo Shantii Sano ee lasoo dhaafay ahaa mucaarad aan is qarin, wuxuu talo iyo tabar ku darsaday dariiq walba oo lagu diidanaa nidaamka waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mahad oo kamid ah xubnaha xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sanadkaan wajahaya loolan culus oo kursigiisa ah.

Hardanka ugu weyn wuxuu kaga imaanayaa Ninka dhallinyarada ah ee Cali Yare Cali oo hadda ku magacaaban guddoomiye ku xigeenka Amniga ee Gobolka Banaadir.

Cali oo waqti dheer kamid ahaa taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ayaa waqti dhow lagu soo daray nidaamka dowliga ah.

Xilka guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir iyo fursadda Ganacsi ee Jaadka laga keeno Itoobiya waxay ka dhigan tahay inuu Cali Dhaqaale ahaan u diyaarsan yahay in uu tartamo sanadkaan.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo kursigaan gacanta ku hayo uma badna inuu qof u boobi karo marka la eego foojignaanta iyo abaabulka reerka Kursiga iska leh.

Wax walba ayaa macquul ah haddii la isku dayo in Reerka Kursigaan iska leh xoog lagu dayo. Waxay u badan tahay in kursigaan si toos ah loogu tartami doono.

Qoor Qoor iyo Mahad Salaad waa isku dhawaayeen wixii ka dambeeyey dagaalkii Ahlu Sunna looga saaray Magaalada Guriceel kaas oo Mahad uu Maamulka raacsanaa halka Cali Yare lagu eedeeyey inuu jiray dhanka Ahlu Sunna.

Waxaa Cali culeys ka dhigayo ballanta doorasho ee u dhaxeysa madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Markii dhanka Federaalka la eego waxaa isku dhow Qoor Qoor iyo Cali Yare Cali, balse markii danta Galmudug la fiiriyo waxaa isku dhow Mahad Salaad iyo Qoor Qoor.

Xaaladahaas waxay iftiiminayaan in kursigaas uu xaalkiisa culus yahay. Ganacsatada waaweyn ee Reerka Kursigaan iska leh ayaa iyaguna waqti dheer talo ku lahaa kursigaan.

Waxaa la sheega inay Mahad Salaad taageersan yihiin, laakiin marka la eego xaaladda uu kursiga wajahayo sanadkaan waxay ku qasban yihiin inay ka shaqeeyaan in doorashadu noqoto mid furan oo loolanka Kursiga uusan isku badalin foodo.

Kursigaan waxaa sidoo kale raadinayo Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad, nin la taliye ka ah xafiiska Rooble oo lagu magacaabo Ashkir, wasiirka qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Geelle iyo xubno kale.

Doorashada kursigaan mar waxaa loo arkaa mid xiiso leh marka la eego shakhsiyadka ku loolamayo marna waxaa loo arkaa mid halisteeda leh haddii uu maamulka isku dayo inuu si qaldan u maareeyo.

Kursiga labaad ee isna xiisaha leh waa HOPP#138: Kursigaan waxaa Afartii Sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Ganacsade Saciid Nuur Gariish. Waxaa si weyn loo dhaleeceeyey matalaadiisii Afartii Sano ee lasoo dhaafay.

Kulamo reerka Kursigaan iska leh ay ku qabteen Magaalada Muqdisho waxay ku iclaamiyeen baahida isbadalka. Dadka Kursigaan u sharaxan waxaa ugu horreeyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kaas oo 5-tii Sano ee lasoo dhaafay ahaa mucaaradka ugu weyn ee kasoo horjeeday hab-maamulkii Farmaajo.

Warsame oo mar la isku dayey in la khaarijiyo markii gurigiisa lagu weeraray waxaa la sheegay in Reerka go’aansadeen in Kursiga isaga la siiyo. Hase yeeshe sidaas oo ay tahay weli nidaamka madaxweyne Farmaajo waxaa lagu eedeenayaa inay beegsanayaan Cabdiraxmaan oo ay musharixiin kale lacag soo siiyeen si ay kursiga ugu qabsadaan.

Sidoo kale, Qoor Qoor ayaa la sheegay inay Villa Somalia ku cadaadineyso inuu sameeyo dariiq walba oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu dhaafin karo Kursigaan, balse arrinta aan la dhaafi karin waa inaan Kursigaan loo sameyn karin Ergo been ah oo aan la boobi karin, sidoo kalana ay adag tahay in Reerka lagu qanciyo inay kursiga u diidaan Cabdiraxmaan oo ay ogyihiin wixii dhibaato iyo is hor istaag lagu sameeyey Shantii Sano ee lasoo dhaafay.

Kursigaan wuxuu ku jiraa Kuraasta dabka ku ah Qoor Qoor ee dhallin kara xiisadaha Amni haddii la isku dayo in la boobo.

Inkastoo la sheegay in reerka isku raaceen in kursigaan la siiyo Cabdiraxmaan, haddana musharixiinta kale ee kursigaan raadinayo waxaa kamid ah Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde, Nin wasiir ka ah Koonfur Galbeed iyo xildhibaanka hadda ku fadhiya Kursiga Saciid Nuur Gariish.

Weerar sababy dhimasho iyo dhaawac badan oo maanta lagu qaaday ABU DHABI

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Qaraxyo ka dhashay diyaarado drone ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Abu Dhabi, ayada oo Xuutiyiinta dalka Yemen ay ku dhowaaqeen “howlgallo militari” oo ay ka fuliyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

“Walxyo yar oo duula” ayaa la helay ayada oo saddex booyado shidaalka qaada ah ay ku qarxeen aag warshado, sidoo kalena dab uu ka kacay garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen booliska.

Saddex qof ayaa ku geeriyootay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada, sida ay sheegeen booliska. Dadka dhintay ayaa laba qof waxay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu kasoo jeedo Pakistan.

“Baaritaano horudhac ah ayaa tilmaamaya in walxaha yar ee la arkay ay ka yimaadeen diyaarado drone ah, kuwaas oo ku kala dhacay laba goob ayna suurta-gal tahay inay sababeen qarax iyo dab,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay booliska.

Dhinaca kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay faah-faahin ka bixin doonaan howlgal militari oo ay sheegeen inay ka fuliyeen Imaaraadka Carabta, taasi oo ka dhiggan inuu kasii daray dagaalka toddobada sano ka socda Yemen.

“Ciidamada xoogga waxay ku dhowaaqeen inay saacadaha soo socda faah-faahin doonaan howlgallo ka dhacay Imaaraadka,” waxaa sidaas barta twitter-ka kusoo qoray afhayeenka militariga Xuutiyiinta Yahya Saree.

Imaaraadka Carabta ayaa aad u yareeyey joogitaankooda militari ee dalka Yemen 2019-kii, xilli la isku mari waayey dagaalka ayna sare u kacday xiisadda gobolka iyo Iran, hase yeeshee waxay saameyn ku leeyihiin ciidamada hubeysan ee Yemen oo ay tababareen.

Jeneraal XUUD oo GO’AAN lama filaan ah ku dhowaaqay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – General Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo si weyn uga soo horjeedo HirShabelle ayaa ku dhowaaqay inuu haatan diyaar u yahay inuu wada-hadal rasmi ah la galo maamulkaasi iyo sidoo kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xuud oo ay hareero taagnaayeen taliyaha ciidamada Dhulka Gneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya xaqa ka maqan reer Hiiraan ay ku raadinayaan qaab wada-hadal ah

“Dadow ha’isku sirmina ogaada in la dagaali karo, lana heshiin karo,” ayuu yiri Generaal Xuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray  “Cid walbaa og waxa naga maqan in la helo isaga ayey dan ugu jirtaa, annagay noogu jirtaa, Soomaali ayey ugu jirtaa, insha allah xaqaas waan keeneynaa,”.

Dhankiisa taliyaha ciidamada Dhulka oo ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa soo dhoweeyey go’aanka uu qaatay Xuud, si loo soo afjaro xiisadda bilihii lasoo dhaafay ka jirtay halkaasi.

Generaal Biixi oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday inuu Beledweyne u tegey sidii xal loogu helaa tabashada ay HirShabelle ka qabaan qaar ka mid ah bulshada reer Hiiraan.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan HirShabelle ay guda-galeyso doorashada Golaha Shacabka oo kuraas ka mid ah lagu qabanayo magaalada Beledweyne.

Si kastaba, xiisaddan ayaa sababtay in Beledweyne laga hor istaago madaxweyne Cali Guudlaawe oo aan weli booqan magaaladaasi, tan iyo markii loo doortay HirShabelle.

ROOBLE oo lagu eedeeyey boobka kursi xildhibaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaanka beesha Habar-Cafaan oo ka mid ah beelaha Dir-Waqooyi, Suldaan Abiib Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyey inuu boobayo kursiga Hop215 oo ka mid ah kuraasta beeshiisa ee golaha shacabka.

Suldaanka ayaa sheegay in laga been abuurtay oo magaciisa lagu saxiixay kursigaas, markii dambana ay ogaadeen in Ra’iisul Wasaare Rooble uu yahay go’aamiyaha kursigooda.

Sidoo kale Suldaanka ayaa sheegay in ilaa dowladii lagu soo dhisay Carta uu saxiixa beesha soo ahaa, balse hadda go’aan laga gaaray mid ka mid ah kursta baarlamaanka ee beeshiisa, iyadoo aan waxaba laga weydiin.

“Beesheenu seddax kursi ayey leedahay, mid ka mid ah waa la musuq maasuqay, mudo dheer ayaan ka daba wareegeynay kursigaas, laakiin kadib waxaa naloo sheegay in liiska cuqaasha uu soo qoray Ra’iisul wasaare Rooble, waa yaabee ma Suldaankii beeshaa?” ayuu yiri Suldaan Abiib Maxamuud.

Sidoo kale Suldaanka ayaa sheegay in guddiga doorashada markii ay wax ka qeydiiyeen arrintaan loo sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu u soo gudbiyey liis uu ku jiro magaciisa Suldaan Abiib, waxuuna arrintaas ku tilmaamay dulmi laga gelaayo beeshiisa.

“Shalay ra’iisul wasaruhu waxuu lahaa doorasho haa, boob maya, isaga ayaa boobka nagu bilaabay, kursigeena si cad ayuu u yiri anigaa qaatay, masuuliyiintii iyo dadkii u tegay ayuu sidaas ku soo yiri,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Suldaan Abiib.

Suldaanka ayaa cadeeyey in kursiga Hop215 uu ka boobay Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoo uga dacwooday dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, “Dulmi, boob iyo dhac ayaa naloo geystay mana yeeleyno, kursigaas Rooble ma leh, cid xoog ku qaada kartana ma jirto,” ayuu yiri.

Suldaan Abiib ayaa sidoo kale sheegay in Ergada lagu qoray kursigaas ay ku jiraan xubno Itoobiyaan ah, “Ergo Xabashi ah ayaa lagu qoray iyo Hawiye suuqa laga soo aruuriyey, ma waxaasbaan yeeli karnaa, ninka loo qoray kusriga ma garaneyno cid uu yahay,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Suldaanka ayaa sheegay in boobkaas aysan ogolaa doonin oo meel kasta ay ka dacwey doonaan Ra’iisul wasaaraha, isagoo Rooble ugu baaqay in masiirka kursigooda Hop215 uu u soo celiyo.

Musharaxiinta kursigaas Hop215 waxaa ka mid ah Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo afartii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Suldaan Abiib ma uusan xusin magaca shakhsiga uu sheegayo in ra’iisul wasaaruhu uu u dhacayo kursigooda.

Hoos ka daawo

Baarlamaanka UK oo ka doodaya in Somaliland loo aqoonsado dal – Goorma?

0

London (Caasimada Online) – Baarlamaanka UK ayaa Talaadada beri ah lagu wadaa in muddo kooban uu dhageysto dood ku saabsan madax-banaannida Somaliland, taas oo uu usoo gudbin doono xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Staffordshire.

Doodda oo ah mid uu mudanaha ku soo gabagabeyn doono fadhiga maalinta beri ah ayaan la fileyn in wax go’aan ah uu ka gaaro baarlaamka.

Ma’aha markii ugu horreysay ee baarlamaanka UK uu dhageysto dood ku aaddan aqoonsiga Somaliland oo sheegtay in 1991 ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Bishii December 2019, illaa 11 xildhibaan oo u badan xisbiga Labour-ka ayaa gudbiyay mooshin ah in baarlamaanka UK uu aqoonsado Somaliland, maadaama ay ahayd “maxmiyad ay Britain xukumi jirtay”.

Mid kamid ah xildhibannadaas ayaa markii dambe ka noqday mooshinka.

Sidoo kale golaha deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Birmingham ayaa horay u shaaciyay inay aqoosan yihiin “madax-banaanida” Somaliland, walow taasi aysan wax badan soo kordhin.

Go’aanka dowladda UK

Xukuumadda Britain ma aqoonsano gooni isu taagga Somaliland, sida ay marar badan sheegtay.

Vicky Ford, oo ah wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa bishii November 2021 sheegtay in UK ay Somaliland aqoonsan doonto oo keliya marka ay go’aan noocaas ah gaaraan Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrikaanka ah.

Wadahadallo u dhexeeyay Muqdisho iyo Hargeysa oo looga arrinsan lahaa arrinta Somaliland ayaa dhowr jeer dhacay, in kastoo aanay wax weyn soo kordhin.

Ma jiro dal ka tirsan caalamka oo sodonkii sano ee la soo dhaafay waddan madax bannaan u aqoonsaday Somaliland.

BBC

Sawirro: Rooble oo isbitalka ku booqday Macallimuu iyo xog ku saabsan xaaladiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa saqdii dhexe ee xalay isbitaalka ku booqday dhaawaca Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda, oo shalay ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ahaa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xaaladiisa caafimaad ka xaal wareystay Afhayeenka, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Facebook.

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macalimuu oo xaaladiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad degdeg aha” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhakhaatiirta daweyneysa Afhayeenka Xukuumadda,” ayaa lagu sheegay qoraalka.

Macalimu waxaa uu dhaawaca dartii ka jabay lugta, waxaa kale oo uu dhaawac kasoo gaaray gacan iyada oo ay jirtay jug xoogan oo xabadka ah oo dhiig ku celisay, neefta ku adkeysay. 

Dhanka xabadka, dhiggii yaraa waa laga bixiyey, neef ahaanna uma baahna ventilator ee waxaa ku xiray hadda neefsiiye caadiga ah, dhiigga neefta na waa normal 98. Dhanka lugta waxaa uu mari doonaa qaliin, halkan gacanta aan la ogeyn iney u baahan doonto iyo in kale. 

Macalimuu ayaa Axaddii ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ahaa oo gaari uu watay lagula eegtay agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho. Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaana isku qarxiyay qaybtii uu gaarigaasi ka saarnaa.

Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Federaal ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.