25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Sawirro: Rooble oo isbitalka ku booqday Macallimuu iyo xog ku saabsan xaaladiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa saqdii dhexe ee xalay isbitaalka ku booqday dhaawaca Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda, oo shalay ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ahaa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xaaladiisa caafimaad ka xaal wareystay Afhayeenka, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Facebook.

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macalimuu oo xaaladiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad degdeg aha” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhakhaatiirta daweyneysa Afhayeenka Xukuumadda,” ayaa lagu sheegay qoraalka.

Macalimu waxaa uu dhaawaca dartii ka jabay lugta, waxaa kale oo uu dhaawac kasoo gaaray gacan iyada oo ay jirtay jug xoogan oo xabadka ah oo dhiig ku celisay, neefta ku adkeysay. 

Dhanka xabadka, dhiggii yaraa waa laga bixiyey, neef ahaanna uma baahna ventilator ee waxaa ku xiray hadda neefsiiye caadiga ah, dhiigga neefta na waa normal 98. Dhanka lugta waxaa uu mari doonaa qaliin, halkan gacanta aan la ogeyn iney u baahan doonto iyo in kale. 

Macalimuu ayaa Axaddii ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ahaa oo gaari uu watay lagula eegtay agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho. Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaana isku qarxiyay qaybtii uu gaarigaasi ka saarnaa.

Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Federaal ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda BOOSAASO, kadib qaraxyo ka dhacay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howl-gallo ballaaran ka wada gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kadib weeraro loo adeegsaday bam-gacmeedyo oo xalay ka dhacay magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya inay ciidamadu isku ballaariyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan Boosaaso, isla-markaana ay ka bilaabeen baaritaano lagu baadi goobayo raggii fuliyey qaraxyadaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaanadu, isla-markaana ay shaacin doonaan natiijada, marka ay soo idlaadaan howl-gallada haatan socda.

Qaraxyada oo ahaa labo ayaa waxaa lagu weeraray laba shirkadood oo ku yaalla bartamaha magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Puntland.

Weerarka koowaad oo bam ahaa ayaa waxaa lagu tuuray xarunta shirkad lagu magcaabo Al-Najax, waxaana ku dhaawacmay hal ruux, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Sidoo kale qaraxa labaad ayaa lagu weeraray xarun ay leedahay shirkad kale oo la yiraahdo Muwaafaq, balse ma geysan khasaare, sida ay laga soo xigtay saraakiisha.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga magaaladaas oo ka mid ah goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada.

Si kastaba, Boosaaso ayaa waxaa dhinaca kale weli ka jirta xiisad dagaal oo u dhexeyso xukuumadda Saciid Deni iyo saraakiisha sar sare ee hay’adda PSF-ta ee maamulkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada golaha shacabka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee maamulka Jubbaland ayaa ku dhowaaqay doorashada illaa 13 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kuraasta la shaaciyey oo dhowaan la qabanayo doorashadooda ayaa kala ah: HOP023, HOP 029, HOP 072, HOP 079, HOP 092, HOP 112, HOP 124, HOP 127, HOP 130, HOP 132, HOP 133, HOP 136 iyo HOP 219.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday inuu dib ka baahin doono jadwalka doorashada kuraastaan iyo sida ay u kala horreeyaan.

“Waxaa dib kasoo sheegi doonaa jadwalka iyo kala horreynta kuraasta kor ku xusan,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday guddiga doorashada ee Jubbaland.

Tallaabada ay Jubbaland u qaaday doorashada ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii siyaasadeed ay dhowaan Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen Muqdisho.

Yaa ku fadhiya kuraasta 13-ka ah ee la shaaciyey?

1-HOP023 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cali Maxamed Muuse

2-HOP 029 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Liibaan Cusmaan Cabdiraxmaan

3-HOP 072 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdirashiid Maxamed Xiddig

4-HOP 079 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay Farxiya Xasan Axmed

5-HOP 092 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Maxamuud Cabdullaahi Siraaji

6-HOP 112 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed (Xukun)

7-HOP 124 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdullaahi Xirsi Kulmiye (Cabdiraxmaan Dheere)

8-HOP 127waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cali Cismaan Xirsi

9-HOP 130 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Maxamed Diiriye Khaliif

10-HOP 132 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Ibraahim Maxamed Xuseen Buulle

11-HOP 133 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay Luul Cabdi Aadan

12-HOP 136 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey oo geeriyooday AUN Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi iyo

13-HOP 219 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdifataax Maxamed Cali.

 

Al-Shabaab oo gudaha u gashay dalka Kenya, kadibna weerar ku dishay dhowr qof

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in markale xoogaga Al-Shabaab ay weerar ka geysteen qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi, gaar ahaan deegaan u dhow xadka ay wadaagaaan Soomaaliya iyo Kenya.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa la sheegay inay gudaha u galeen deegaanka Banisa oo hoostaga magaalada Mandera, waxayna halkaas ku dileen dhowr qof.

Sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah waxaa weerarkan lagu khaarijiyey ugu yaraan laba qof, halka uu ku dhaawacmay mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dadka lagu dilay weerarka ayaa la sheegay inay dagaalyahanada weerarka qaaday ugu tageen guryahooda, kadibna ay ku dileen halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo la xiriira weerarkaas khasaaraha dhaliyey.

Kenya muddooyinkii lasoo dhaafay waxay kordhisay ciidamada ku sugan xadka labada dal, haddana weerarada ayaa ah kuwa sii socda.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa kooxda Al-Shabaab ay xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha waddanka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay qarax caawa ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax bam-baano oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Warta-Nabadda.

Inta la xaqiijiyey hal qof  oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, ugu yaraan labo kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo loo adeegsaday bambo-gacmeed.

Askar ka tirsan booliska Soomaaliya oo bar-control ku leh isgoyska Xararyaalle ee degmada Warta-Nabadda ayaa la sheegay in lagu weeraray qaraxaas.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarkaas uu dhacay salaadii cishaha kadib.

Sidoo kale dadka deegaanku waxay sheegeen in ciidanka lagu weeraray qaraxyadaan loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga tuuro ay jiha kasta rasaas u fureen, taas oo ilaa hadda aan xog rasmi ah laga helin, hadii uu jiro khasaare ka dhashay.

Ciidamada ammaanka ayaa xaafadaha ka agdhow isgoyska uu weerarkaas ka dhacay ee Xararyaale waxay ka bilaabeen howlgallo ay ku baacsanayaan kooxdii fulisay weerarkaas oo goobta isaga baxsatay.

Daawo: Xilliga uu dhacayo banaan-bixii la baajiyey ee Muqdisho oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxmuud Cali Ugaas oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey kulan ay maanta yeesheen odayaasha dhawanka beelaha Muqdisho iyo guddiga abaabulka banaan-bixii dhawaan dib loo dhigay ee mucaaradku iclaamiyey, xukuumaduna ogolaatay.

Ugaaska ayaa sheegay inay isku afgarteen ayaga iyo guddiga abaabulka bannaan-baxa in 28-ka bisha soo socota ee Febraayo la isugu yimaado bannaanbax nabadeed.

Ugaaska ayaa sidoo kale sheegay inta ka horeysa waqtigaas inay si dhaw ula soca doonaan, dhaq-dhaqaaqa doorashada dalka, waxuuna aad ugu mahad celiyey xubnihii loo xil-saaray abaabulka banaan-baxa oo ka aqbalay soo jeedintoodii.

“In 28-ka Febraayo la isugu yimaado banaan-bax nabadeed oo weyn ayaan isku af-garanay, kaas oo ka culus kii hore ee abaabulnaa, umaduna ay si xor ah ay dareenkeeda u cabiri doonto, ka horna waxaan si dhaw ula soca doonaa dhaqdhaqaaqa doorashada dalka ka socota,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Ugaaska ayaa ku baaqay in loo dareero doorasho xalaal ah oo laga fogaado khilaafka iyo boobka, sidoo kale bulshada gobolka Banaadir ayuu fariin u diray, isagoo balan qaaday in hadda kadib ay odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir ay doorkooda qaada doonaan.

“Bulshada gobolkaan waxaan leeyahay dadkiina ku kalsoonaada, waxaan isku afgaranay in doorashada lagu aado, anigoo afka odayaasha ku hadlaya, waxaan ka shaqeyn doonaa isu-keenidda bulshada ku abtirsata gobolkaan Banaadir, waxaan ka shaqey doonaa in magaaladaan oo nabad ah dowlad xor ah lagu doorto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ugaas Maxamuud.

Hoos ka daawo

Falcelin caro leh oo ka dhalatay war ay Qatar kasoo saartay qaraxii Macallimuu

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa si caro leh uga falceliyey qoraal ay Dowladda Qatar kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta lala beegsaday Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu, kaasi oo dhaawac uu kasoo gaaray.

Qoraalka Qatar kasoo baxay oo lasoo galiyey warbaahinta dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Telefishanka SNTV ayey ku sheegtayinay aad uga xun tahay qaraxyada ay argagixisada la beegsadaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee rayidka ah.

Hase yeeshee dad badan oo ka falceliyey ayaa muujiyey sida aysan ugu qanacsaneyn cambaareynta Qatar ayaga oo dowladda Qatar ku eedeyay inay qeyb ka tahay falalka amni daro ee ka dhaca dalkeena.

Caasimada Online oo indhaha la raacday fal-celinta dadweynaha ayaa waxay sidoo kale inta badan dowladda Qatar ku eedeynayeen inay wax ka ogtahay qaraxyada lala beegsado mas’uuliyiinta, oo ugu dambeeyay midka Macallimuu.

Waxaa xusid mudan in labo sano ka hor un aheyd markii uu baahiyey New York Times cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefoon, kaasi oo laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.”

Al-Muhanadi ayaa xiligaas sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbo Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.” – “Ha cayriyaan Imaaraadka, sidaas darteed ma cusbooneysiin doonaan qandaraaska [DP World ee dekedda Boosaaso], waxaana qandaraaska keeni doonaa halkan Doxa.”

Hoos ka aqriso fal-celinta dadweynaha qaarkood oo aan idiin soo aruurinay;

Cabdalla Qaasimow: Tuhun baa i galay warkaan markii aan aqriyay maalin hore ayuu qarax dhacay ma cambaareynin, week ka hor mid ayaa dhacay ma cambaareynin maanta maxaa ka soo hadal siisay?. Carab la dhahay lacag baa wax lagu xaliyaa, kadibna loogu daray kii naga diidana aan qaarijino uma xuma. Meesha ay ku dhamaato aan aragno dawlad qatar bil ixsaanik wadanka ha laga saaro.

Mohamed Abdirahman Abu Sudeys: Shacabka Soomaaliyeed waxay garteen inay argagixisada ay noocya badan tahay Alshabaab un dusha laga saaro laakiin ay shaqada midaas ka wayn tahy indhaheenu nama siri karaan.

Abuukar Muhudiin Ali: Shaqadooda waaye iyaga iyo kuwa ay maal-geliyaan ayaa masuul ka ahaa, waxba yaaney boorka iskugu keena qarin waxaaba tusaale ah qaraxii kan ka horeeyey meysan cambaareyne sababta ay midkaan hore ugala soo cararayaan maxay tahay? Anagay rabaan iney ilinti yaxaaska inoo muujiyaan.

Aisha Mohamed Somali: War kuwaas waa tuugo Dalkeenna dhibaateyay ee naga daaya cambaareyn kama rabno. Kuwa dhibaatada iyo balaayada shidayo haddaad warkooda keentaan lamid baad noqoneysaan.

Hassan Kenadid: Dowlada Qatar waxay caqabad ku tahay dowladnimada Soomaaliya. RW Rooble waxaa la gudboon inuu xiriirka u jaro dalkana ka saaro dowlada Qatar.

Zakir Salah Moh’ud: Qatar iney arrintaan cambaareyso waxay iila muuqataa in qaarajintii lala damacsanaa Macalimuu ay wax ka ogtahay wixii maanta dhacay waa arrin siyaasadeysan.

Khadar M. Khaliif: Shirqool, waxaa soo abaabulay Qatar iyo ninka Villada ku xareysan.

Maxamad Daahir Bowdole: Ninkii ku diley, kuu dood miyey mareysaa Soomaaliya.

Mohamad Mohamud: Qatar dadka caqliyadooda ku ciyaari kari mayso waa la ogyahay in ay Qatar Alshabaab xidhiidh toos ah la leedahay iyadaana ka danbeysa qaraxyada iyo dilka dadka ku dhaw raysalwasaaraha.

Abuukar Amoore: Qatar iyagaa argagaxiso ah ee hadii war leyga maqlaayo dhaawaca yaanan loo qaadin Qatar, hadii kale sida Eng Yariisow ayey meydka kusoo taraaraxinayaan wlhi, eng dhaawac daran ma uusan aheyn ee iyaga dilay mana cafin doono ilaa-maa-yuumul aaqiro.

Yasiin Aadan Maxamed: Qadar waa masiibo umada Soomaliyeed loo so diray alaha naga qabto.

Su’aalo ka dhashay qaraxii lala beegsaday Macallimuu iyo beegsiga saaxiibada Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta lala beegsaday Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu, waxaa isa-soo taraya shakiga ay siyaasyiinta qaar ka muujinayaan qaraxaas.

Xildhibaan Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa su’aalo ka keenay qaraxa lala bartilmaameedsaday Macalimuu ee uu dhaawaca kasoo gaaray, ayaga oo u rajeeyay in uu si deg deg ah uga soo kaco.

Mahad Salaad ayaa ugu horeyntii yiri: Saaxiibada Farmaajo cidina ma qarxiso ee kuwa Rooble maxaa loo beegsadaa mar walba. Soo uma muuqato mashruuc siyaasadeysan oo la maalgelinayo. Allaha caafiyo walaalkeen Mohamed Ibrahim Moalimuu Afhayeenka XFS.

Marka laga soo tago mashruuca siyaasadeysan ee uu ka dhawaajiyey Mahad Salaad, dhankiisa Fiqi ayaa asaguna sheegay inay arrintan u muuqato shirqool lagu beegsanayo rug cadaaga iyo mas’uuliyiinta warbaahinta qaarkood.

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay inay u egtahay mid abaabulan oo lagu cabsi-gelinayo ama lagu aamusinayo codka warbaahinta ka hortimid kalitalisnimada Farmaajo iyo barnaamijyadeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Allaha u yasiro saaxiibkeen Macalimuu oo weerar argagixiso saakay lagu beegsaday, caafimaad degdeg ayaan Alle uga baryaynaa.! Waxaan ku talinayaa in bahda warbaahinta iyo cid walbaba is ilaaliso intii tabar ah marxaladdaan kala guurka ah iyo inta amniga mas’uuliyadda dalka ay sheeganayaan kuwo aan ehel u ahayn ama mararka qaarkood u arkaya dadka ka aragtida duwan Farmaajo cadow!.”

Qaraxa lala beegsaday Macalimuu ee uu dhaawaca kasoo gaaray ayaa waxa uu sare u qaadaya shakiga ah in qaraxyada ay ka imaan oo keliya rabitaanka hal jiho (argagixisada), balse ay jiraan jihooyin kale.

Macallimuu oo horay ula soo shaqeeyey BBC-da ayaa ka bad-baaday ugu yaraan illaa afar qarax oo ay badi kasoo gaareen dhaawacyo xoogan, wuxuuna qaraxa markale lala beegsaday kusoo aadaya iyada oo Arbacadii weerar loo adeegsaday is-miidaamin uu ka dhacay wadada 21-ka October, kaasi oo ay mas’uuliyaddiisa ay sheegteen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ka horreeyey qarax kale oo is-miidaamin ah oo lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, kaas oo dhacay 20-kii November ee sanadkii 2021-kii.

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay is jiid-jiidka weli ka taagan hanaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxda dalka, taas oo loo sababeynayo amni darrada sii baaheysa ee haatan ka jirta gudaha caasimada Soomaaliya.

Daawo: Sanbaloolshe oo ka hadlay go’aankii Rooble iyo khudbaddii FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee ha’ayadda Nabad sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay nin aan tanaasulin oo been ku soo hoggaaminayey dalkaan.

Cabdullahi Sanbaloolshe oo soo hadal qaaday khudbadii u dambeysay ee Farmaajo ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed uusan la hadleyn, balse beesha caalamka uu iska maslaxaayey, isagoo sheegay in beenta Farmaajo ay dadku barteen shantii sano ee xukunka uu joogay.

“Ninkaas waxay la tahay inuu dadka u siri karo sidii uu shalay u siray, war dadkaan waa barteen Farmaajo, yuusan masaakiin isaga dhigin markii ay xaaladu ku xumaato,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Dhanka kale Sanbaloolshe waxuu soo dhaweeyey go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku shaaciyey inuu Imaaraadka u celinayo lacagta ay ka heysato dowladda Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaaraha wax kasta oo Farmaajo haleeyey inuu saxo waajib ayey ku tahay, sababtoo ah dowladeenu burcad lacagaha islaameed dhacda maaha, Rooble waa ku saxan yahay in dowladihii caalamka ee la xumeeyey uu raali geliyo oo danta iyo saaxiibtinimada caalamka ee Soomaaliya uu ka fekero,” ayuu yiri Cabdullahi Sanbaloolshe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Imaaraadka uu ogeysiinayo in Soomaalidu ay saaxiib la tahay, laakiin ninka cadawga ku ah uu yahay Farmaajo oo ku heysta dano isaga u gooni ah.

Siyaasigaan ayaa sheegay inuu aad ula yaabay warqadii uu Farmaajo ku amray guddoomiyaha Bangiga Dhexe in uusan bixin lacagtii Imaaraadka.

“Madaxweynuhu ma jooji karo amar uu Ra’iisul wasaaruhu siiyey mid ka mid ah hey’adaha uu maamulo, warqadaha Farmaajo uu Ra’iisul wasaaraha ka daba qorayana waxuu ku dhaawacayaa dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri.

Cabdullahi Sanbaloolshe oo wareysigaan siiyey TV-ga Goobjoog ayaa ugu dambeyntii yiri, “Xoolo islaameed ayaan iska celineynaa wax lagu doodo maaha ra’iisul wasaaraha ayaana 100% gar leh.”

Hoos ka daawo

Xildhibaanada ku fadhiya kuraasta doorashadooda la shaaciyay ee HirShabeelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada HirShabeella ayaa shaaciyey 11 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo uu dhowaan doorashadoodu ku qabanayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Kuraasta la shaaciyey, oo kala ah HOP005, HOP024, HOP033, HOP052, HOP070, HOP088, HOP097, HOP098, HOP106, HOP115, HOP140, ayaa dhammaantood ah kuraasta la qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Jowhar.

Guddiga ayaan weli shaacin wax kuraas ah oo ka mid ah 25-ka kursi ee la qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Beledweyne, ayada oo weli aanay caddeyn haddii halkaas doorashado ay ka dhici karto.

Xildhibaanada Hirshabeelle ku matalayay afarti sano ee la soo dhaafay kuraastaan waxa ay kala yihiin :-

  1. HOP#005, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Maxamed C Ceymooy
  2. HOP#024, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Cabdulqaadir Caraboow
  3. HOP#033, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Yuusuf Ibrahim Afrax
  4. HOP#052, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Farxiyo Maxamud Dhaqane
  5. HOP#070, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Aadan Cali Xasan
  6. HOP#088, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Dahabo Suusow Maxamuud
  7. HOP#097, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Khadiijo Diiriye
  8. HOP#098, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Maxamud Max’ed Jimcaale
  9. HOP#106, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Miino Xasan Maxamed
  10. HOP#115, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Cali Maxamed Cumar
  11. HOP#140, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Cabdulqaadir Cosoble Cali

Guddiga ayaa dhanka kale dib u dhigay shaacinta laba kursi oo ka mid ah 13-ka kursi ee yaalla magaalada Jowhar, kuraastaas oo ay ka taagan tahay xiisad laga cabsi qabo inay dagala isku rogto.

Labada kursi ee dib looga dhigay ayaa kala ah HOP141, oo uu hadda ku fadhiyo wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, iyo HOP146 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Macallimuu kadib QARAXII lala beegsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda caafimaad ee afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa haatan aad u wanaagsan, kaas oo waxyeelo ay kasoo gaartay qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta lagula eegtay Muqdisho.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa la sheegay inuu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa, isla-markaana la dhigay Isbitaalka weyn ee Digfeer.

Wararka ayaa sheegaya in waxyeelada ugu badan ay kasoo gaartay qeybaha dambe ee jirka, balse xaaladdiisu ay hadda fiican tahay, sida ay shaaciyeen dhaqaatiirka isbitaalka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa sidoo kale looga hadlay weerarka la beegsaday Macallimuu, waxaana lagu sheegay in dhaawiciisa uusan aheyn mid halis ah.

“Afhayeenka XFS Mudane Mohamed Ibrahim Moalimuu waxaa dhaawac ka soo gaaray weerar argagixisadu la beegsadeen gaarigii uu saarnaa. Xaaladda dhaawaciisu halis ma aha, waxaanna u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Rooble

Macallimuu oo horay ula soo shaqeeyey BBC-da ayaa ka bad-baaday ugu yaraan illaa afar qarax oo ay badi kasoo gaareen dhaawacyo xoogan.

Qaraxa maanta ka dhacay maagaalada Muqdisho ee markale lala beegsaday Macallimuu wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo Arbacadii weerar loo adeegsaday is-miidaamin uu ka dhacay wadada 21-ka October, kaas oo ay mas’uuliyaddiisa ay sheegteen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ka horreeyey qarax kale oo is-miidaamin ah oo lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, kaas oo dhacay 20-kii November ee sanadkii 2021-kii.

Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay is jiid-jiidka weli ka taagan hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxda dalka, taas oo loo sababeynayo amni darrada sii baaheysa ee haatan ka jirta gudaha caasimada Soomaaliya.

Samantha Lewthwaite oo ka carartay Soomaaliya kadib markii uu furay Sheekh Xasan

London (Caasimada Online) – Gabadha argagixisada British-ka ah ee Samantha Lewthwaite oo loo yaqaan “Carmaladda Cad,” ayaa ka baxsatay Soomaaliya una carartay dalka Yemen kadib markii ay isku dhaceen sarkaalkii qabay ee Al-Shabaabka ah, waxaa sidaas ku waramay ilo-wareedyo amni.

Samantha Lewthwaite, oo kasoo jeeda magaalada Aylesbury ee dalka UK ayaa ka mid ah dadka loogu raadiska badan yahay caalamka, ayada oo loo haysto dilalka boqolaa qof.

Gabadhan 38 jirka ah, oo uu qabi jiray mid ka mid ah raggii fuliyey qaraxyadii 7/7 ee London, ayaa dalka UK uga carartay South Africa 2009, ayada oo kadibna tagtay Tanzania, ugana si gudubtay Kenya, kahor inta aany u gelin Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Naaneysteeda ah “Carmaladda Cad” ayaa waxaa u yaqaan hay’adaha sirdoonka caalamka, waxaana lala xiriiriyey weeraro argagixiso oo dhowr ah oo ka dhacay qaaradda Afrika oo sababay dhimashada 400 qof.

Sanadihii dhowaa ayaa waxay Soomaaliya kula nooledy seygeeda afaraad oo qabay muddo 7 sano ah, kaasi oo loo yaqaan “Sheekh Xasan” kahor inta aaney kala tegin una cararin Yemen, sida uu qoray wargeyska Mirror ee UK.

Ilo-wareedyo amni ayaa wargeyska u sheegay in Samantha, oo ah gabadha askari British ah oo ka dagaalamay Waqooyiga Ireland, ay ka carartay aag aan la gelin oo Soomaaliya ka mid ah, kadib markii ay seygeeda kala tageen.

Waxaa hadda la rumeysan yahay inay degan tahay aag ay ku xoogan yihiin jihaadiyiinta oo ka tirsan dalka Yemen, halkaasi oo ay xirato niqaab buuxa si aan loo aqoonsan.

Mid ka mid ah ilo-wareedyada amni ayaa u sheegay Mirror “Samantha iyo Sheekh Xasan hadda ma wada joogaan – waxaa la rumeysan yahay inay is-fureen. Waxaa Soomaaliya ku ilaalin jiray qoyskiisa.”

“Balse hadda halkaas lagama jecla waxayna aaday aag ay Al-Qacida maamusho oo ka tirsan Yemen. Waxay ku baxday doon.” 

Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa sanadoo 2013 soo saaray amar lagu soo xirayo Samantha oo lala xiriirinayo weeraradii lagu qaaday Westgate Mall ee Nairobi, oo ay ku dhinteen 66 qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen British.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay inay ku lug laheyd qorshaha weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo lagu dilay 148 qof.

Samantha, oo ka qalin jebisay Jaamacadda London, ayaa la rumeysan yahay inay isku sameysay qalliin wejiga ah, islamarkaana miisaan badan uu koray, si aan loo aqoonsan 

Waxay ballan-qaaday inay dhammaan afarteeda caruur, oo ay u kala dhashay saddex nin oo kala duwan, ay ku barbarian doonto inay mustaqbalka noqdaan jihaadiyiin. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ma wuxuu mar kale shalay iska dhaliyey gool siyaasadeed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa badanaa lagu sheegaa inuu yahay siyaasi nasiib u leh guulaha siyaasadeed, balse marka guusha usoo gacan gasho aan xajisan karin ama sameeya khaladaad dib uga celiya.

Doorashada hoggaanka guddiga doorashada dalka ee shalay oo uu kusoo baxay Muuse Geelle Yuusuf waxay mustaqbalka dhow kala caddeyn doontaa haddii Rooble mar kale uu guul siyaasadeed gacantiisa ka bixiyey iyo haddii kale.

Muuse Geelle, oo guddiga kasoo galay dhanka Puntland, ayaa waxa uu taageero ka helay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidee ayey wax u dhaceen?

Rooble ayaa dagaal siyaasadeed xooggan usoo galay inuu gacanta ku dhigo hoggaanka guddiga kadib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro, taasi oo guul horudhac ah siisay ra’iisul wasaaraha.

Si uu guushaas u dhameystiro, wuxuu Rooble u baahnaa inuu xaqiijiyo in xilka guddoomiyaha cusub loo doorto qof isaga ku xiran, hase yeeshee wuxuu kusoo dhammaaday inuu kala doorto laba musharax oo mid uu wato Deni, midna ay wataan Villa Somalia iyo Lafta-gareen.

Ma cadda sababta Rooble u heli waayey musharax ka madax-banaan labadaas dhinac oo uu si gaar ah isaga u dhisto.

Waxaa marar badan xafiiskiisa lagu eedeeyey inuu ku wanaagsan yahay dagaalka iyo arbushaadda siyaasadeed balse aanu haysan xeel dheerayaal iyo farsamoyaqaan siyaasadda dejiya oo goolal siyaasadeed dhalin kara, waxayna doorashadan mar kale caddeyn u noqatay arrintaas.

Guusha Saciid Deni?

Rooble wuxuu doortay inuu taageero musharaxii Saciid Deni. Ma cadda haddii uu jiro heshiis siyaasadeed oo dhex-maray isgaa iyo Deni oo taageeradiisa aysan aheyn mid ka dhalatay “laba darran mid dooro,” balse waxaa cad in Muuse Geelle uu warka Deni ka hormaqlayo kan Rooble.

Saciid Deni, oo ah musharax madaxweyne ma ahan nin siyaasadda loo meerin karo, waxaana haddii Muuse Geelle uu si buuxda ugu xiran yahay ay ka dhigan tahay in hoggaanka guddiga uu isaga u gacan galay. 

Waxaa suurta-gal ah in Rooble ay wax kasta uga dhigneyd inuu hoggaanka guddiga doorashooyinka ka ilaaliyo Farmaajo, sidaas darteedna uu Deni u arkay inuu ka roon yahay, hase yeeshee taasi soo kama dhigna in ra’iisul wasaraaha ay ka maqan tahay dhameystirka guulaha siyaasadeed?

In Farmaajo guul-darreysto waa mid, inaad adiga guuleysatana waa mid kale, Rooble ma ahan kaliya inuu ka fakaro guul-darrada Farmaajo balse waa inay xisaabta ugu jirtaa inuu isaga guuleysto.

Guusha iyo maamulka Rooble ee guddiga doorashada waxay ka digan tahay dhex-dhexaanimada iyo caddaalad falidda dhammaan musharaxiinta kale ee dalka, maadaama uusan isaga musharax aheyn.

Farmaajo waa musharax, Saciid Deni-na waa musharax kale. Macno ma sameyneyso in hoggaan lagala cararay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday loo gacan geliyo Deni.

Waqti ayaa kala sheegi doona haddii uu Rooble gacanta ku dhigay hoggaanka guddiga doorashada iyo haddii uu u gacan geliey Deni.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF oo jawaab lama filaan ah ka bixisay lacagta ay QM ku leedahay – Sidee ku timid?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa jawaab lama filaan ah ka bixiyey sida ay ku timid lacagaha ay QM ku leedahay Soomaaliya oo ah  qaaraanka ee sanad walbo laga qaado dalalka xubnaha ka ah golaha guud.

Abuukar Baalle ayaa shaaca ka qaaday in lacagta laga rabo Soomaaliya oo dhan 1.4 milyan ay ka timid laga soo bilaabo 1989-kii illaa 2017-kii, isla-markaana intii u dhexeysay sanadahaasi ay uruurtay deynta haatan lagu leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaa noogu dambeysay inaan bixino 1989-kii marka lacagahan halka malyan iyo shanta boqol ku dhow waa 1990-kii illaa 2017-kii lacagihii isku teg-tegay,”ayuu yiri Danjiraha.

Sidoo kale wuxuu Danjiruhu ku faanay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ay afartii sano ee la soo dhaafay bixineysay lacagta qaaraanka ah sanad walba, taas oo u dhexeyso qiyaastii 35000 illaa 37000 oo Dollar.

“2018-kii illaa 2021-kii waan bixineynay lacagihii la’iska rabay sanad walba. Lacagta waa is bed-bedashaa laakiin qiyaastii waxay u dhexeysaa 35000 illaa 37000 sanadkii,” ayuu markale yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Qaramada Midoobay.

Danjire Baalle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu rajo weyn ka qabo in dadaalka ay Soomaaliya haatan wado ay  ku guuleysan doonto, isaga oo soo jeediyey in miisanadda sanadkan lagu daro lacagta laga doonayo, si aysan u weyn codka ay ku leedahay QM.

“Hadda waxaan rajeyneynaa sanadkan dadaalkii inuu mira dhali doono oo bajadka lagu dari doono 2022-ka,” ayuu sii raaciyey Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay dowladdu wada-hadal kula jirto guddiga Qaramada Midoovbay u qaabilsan qaaraamaadka dowladaha bixiyaan sanad kasta, si ay Soomaaliya u qabsato muddo cusub oo ay ku bixineyso lacagta haatan lagu leeyahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkii hore ay QM shaacisay liiska wadamada aan weli bixin lacagaha qaaraanka ah ee miisaaniyada golaha, taas oo ay ku jirtay Somalia.

Sidee ayey mucaaradka uga falceliyeen doorashadii ay ku kala jabeen ee shalay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyey doorashadii guddoomiya cusub ee guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf oo shalay ka dhacday Muqdisho

Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraallo ay soo kala saareen ku soo dhaweeyey doorashada guddoomiyaha cusub.

Ugu horeyn madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Hambalyo guddoomiyaha cusub ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Muuse Geelle Yuusuf. Alle ha u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay. Waxaan u rajeynayaa in uu guddiga ku hoggaamiyo hirgalinta doorasho hufan oo la isla oggolyahay. Dhammaan qeybaha bulshada waa in ay ku garab istaagaan xaqiijinta hadafkaas wayn.”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa yiri, “Waxaan Hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee maanta loo doortay Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT, Muuse Geelle Yuusuf. Waxaan rajeynayaa in Guddoomiyaha cusub si waafaqsan heshiisyadii doorashooyinka, iyo dastuurka Dalka uu dhex-dhaxaadnimo iyo xilkasnimo ugu guto howsha iyo mas’uuliyadda ummadeed ee maanta loo xilsaaray.”

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa isna qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan Hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha la doortay ee Guddiga doorashooyinka heer Federal Mudane Muuse Geelle Yuusuf, waxaan eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda culus. Guddiga doorashada heer Federaal iyo guddiyadda doorashooyinka heer dowlad gobol waxaa saaran xil weyn oo ah in ay hogaamiyaan doorasho daah furan oo dalka ka saarta xaaladda adag ee kala guurka ah, waxaana Guddoomiye Muuse u rajeynayaa in uu qaato kaalin hoggaamineed oo hufan.”

Ugu dambeyntii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraalkii uu ka soo saaray doorashadaas ku yiri, “Waxaan u hambalyeynayaa Muuse Geele Yuusuf oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal. Waxaan u rajaynayaa in uu Guddiga si hufnaan leh u hoggaamiyo, una meelmariyo habraacyada doorashooyinka, si daahfurnaan leh.”

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo ka kooban 25 xubnood ayaa maanta Muqdisho ku qabtay doorashada guddoomiyahooda, waxaana ku soo baxay oo guddigaas hoggaami doona Muuse Geelle Yuusuf , doorashadaan ayaa soo bandhigtay is xulufeysi siyaasadeed oo hor leh.

Doorashadan ayaa markii ugu horreysay ay isku xulufo ka dhigtay Farmaajo, xubno ka tirsan mucaaradka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, halka ra’iisul wasaare Rooble iyo Saciid Deni ay dhinac noqdeen.

Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay dhanka Puntland, ayaa taageero ka helay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Saciid Deni, halka murashax Cabdiraxiim uu taageero ka haystay madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Musharaxiinta mucaaradka ah.

Hase yeeshee waxaa tartanka ku guuleystay Muuse Geelle Yuusuf oo ah musharixii ay wateen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni, kadib markii uu helay 14-cod, halka musharaxii la tartamay uu helay 11-cod.

Sidee gudoomiyaha cusub ee gudiga doorashada ka yeeli doonaa cabashada taagan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal, Mudane Muuse Geelle Yuusuf oo wareysi siiyey laanta Afka Soomaaliya BBC-da ayaa ka warbixiyey howlaha horyaallo oo ay ugu horreyso dadajinta doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo haatan ka socota gudaha dalka.

Geelle ayaa sheegay inay ka guddi ahaa dadaal xoogan ku bixinayaan, sidii ay doorashada waqtigeeda ugu soo gabagaboobi laheyd marka la gaaro 25 Febraayo ee sanadkan 2022.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in Ummadda Soomaaliyeed ay xillgan ay u baahan tahay doorasho, isla-markaana ay gelin doonaan dadaal xoogan, sidii ay u dhici laheyd.

“Ummadda Soomaaliyeed maanta doorasho ayey u baahan tahay annaga waxaan ka wajaheynaa inay dhaqaajino, waana u badan tahay Insha Allah inay soo gabagabowdo xilligii loogu talagalay annaga waan ku dadaaleynaa,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday cabashada ka taagan kuraasta qaar ee horay loo qabtay doorashooda, wuxuuna sheegay in go’aanka laga sugayo guddiga khilaafaadka.

“Cabashada kuraas uu dad ka cabanaayo iyada wixii khilaafaadka u gudbay qoladaas ayaa laga war sugayaa iyagaa go’aan ka gaari doono, laakiin wax kasta oo la qabto waa laga cabanayaa,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal.

Waxa kale oo uu hadalkiis kusii daray in cabashooyinka soo laabanaya aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin habsami socodka doorashada, ayna xallin doonaan tabashooyinka jira.

“Soomaaliya sideedaba waxaa jira siyaasado kala duwan marka cabashadaas guud wax dhib ah uma arko, doorashadana wax weyn oo ay ku sameyneyso oo garaafo ah ma jirto,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan kasoo yeeray guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal oo shalay lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan inta badan maamul goboleedyada soo saareen liiska kuraas ka mid ah doorashada xubnaha cusub ee Golaha Shacabka, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii laga gaaray doorashooyinka.

Laba kursi oo Harti-Abgaal ay isku hayaan oo laga tegay xilli la shaaciyey doorashada kuraasta taalla JOWHAR

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga doorashada HirShabeella ayaa shaaciyey 11 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo uu dhowaan doorashadoodu ku qabanayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Kuraasta la shaaciyey, oo kala ah HOP005, HOP024, HOP033, HOP052, HOP070, HOP088, HOP097, HOP098, HOP106, HOP115, HOP140, ayaa dhammaantood ah kuraasta la qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Jowhar.

Guddiga ayaan weli shaacin wax kuraas ah oo ka mid ah 25-ka kursi ee la qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Beledweyne, ayada oo weli aanay caddeyn haddii halkaas doorashado ay ka dhici karto.

Guddiga ayaa dhanka kale dib u dhigay shaacinta laba kursi oo ka mid ah 13-ka kursi ee yaalla magaalada Jowhar, kuraastaas oo ay ka taagan tahay xiisad laga cabsi qabo inay dagala isku rogto.

Labada kursi ee dib looga dhigay ayaa kala ah HOP141, oo uu hadda ku fadhiyo wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, iyo HOP146 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

HOP146 ayaa la rumeysan yahay inuu Cabdullaahi Maxamed Nuur uga tanaasulay Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo la sheegay in beeshu kursigan siisay.

Labadan kursi ayaa waxa uu ka dhaxeeyaa Beesha Suul Harti, laakiin waxaa ku fadhiya laba xildhibaan oo isku jufo hoose ah, taasi oo cabasho xooggan ay ka qabaan jufooyinka kale ee kursigan wax kale.

Xiisadda ka taagan arrintan ayaan weli xal laga gaarin, waana taas sababta dib loogu dhigay doorashada kuraastan.

Jufooyinka ka cabanaya in labada kursi ee HOP141 iyo HOP146 ay qaadatay hal jufo ayaa wacad ku maray inaysan ka tanaasuli doonin, waxayna ka digeen dagaal ka dhaca Jowhar haddii aan xuquuqdooda lasiin. 

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wadahadlay Arrimaha horumarinta dhaqaallaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wada hadal la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Marwo Molly Phee oo uu weheliyo Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabbilsan Geeska Afrika Danjire David Satterfield.

Wada hadalka Masuuliyiinta ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka ee dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika,.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

 

PUNTLAND oo soo saartay JADWALKA doorashada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday guddiga doorashada ee Puntland ayaa waxaa lagu shaaciyey jadwalka doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa deegaan doorashooda ay tahay gudaha magaalada Garoowe.

Guddiga ayaa soo saaray liiska 10 kursi oo ah kuraastii ay horey Puntland u shaacisay inay ku bilaabeyso doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Laba ka mid ah kuraastan waxaa si gaar ah loo xiray dumarka, kuwaas lambaradooda ay kala yihiin HOP#232 iyo HOP#094.

Sidoo kale guddiga ayaa u kala saaray doorashada kuraastaan laba qaybood oo ka kooban mid shan xubnood, sida lagu muujiyey warqadda.

Doorashada qaybta koowaad ayaa waxaa la qabanayaa 22-ka bishan Janaayo, halka qaybta kale ay doorashadooda dhaceyso 25-ka bisha, sida ku cad jadwalka soo baxay.

Puntland ayaa sheegatay inay muhiimaddu tahay sidii loo dhaqan-gelin lahaa hehsiiska cusub ee ay dhowaan magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Inta badan maamul goboleedyad ayaa haatan soo saaray liiska xubnaha ugu horreeya ee la dooranayo Golaha Shacabka kadib shirkii Muqdisho, waxaana kuraasta ugu badan soo saartay Galmudug oo xalay ku dhowaaqday inay hal mar qabaneyso doorashada 21 kursi.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa qorshuhu yahay in lagu soo gabagabeeyo muddo 40 cisho ah, si kadib loo guda-galo doorashada madaxweynaha oo ah mida ugu muhiimsan.

 

HirShabelle oo soo saartay amar musharaxiin badan saameyn doona (Akhriso)

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa soo saartay amar ay garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ay uga mamnuuceyso in laga soo dejiyo hub.

Wasaaradda ayaa qoraalkaan ku sheegay in amarkani uu salka ku hayo ilaalinta xasiloonida iyo badqabka bulshada deegaanada HirShabeelle, “Si loo dar-dar geliyo doorasho hufan oo ku dhisan wadar-ogol,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkaan ka soo baxay wasaaradda amniga HirShabeelle ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku war-gelineynaa hey’adaha ay ku socoto warqadaan ee garoomada Jowhar, Muqdisho iyo Beledweyne, in laga bilaabo 15-ka Janaayo la joojiyey in wax hub ah laga soo dejiyo garoomada diyaaradaha ee Jowhar iyo Beledweyne.”

Wasaaradda amniga HirShabeelle ayaa ku goodisay inay la xisaabtami doonto cid kasta isku dayda inay amarkaas jebiso.

“Wasaaraddu waxay fareysa Talisyada Ciimada Booliska iyo Nabad sugidda ee garoomada HirShabeelle in shaqadooda ay si hufan u gutaan, iyagoo la shaqeynaya maareeyeyaasha garoomada,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saartay wasaaradda amniga HirShabeelle.

Amarkaan ayaa ku soo aaday saacado kooban kadib markii uu Jowhar gaaray madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe, lamana oga waxa sababay in amarkaan ay soo saarto xukuumadda Madaxweyne Guudlaawe.

Kuraasta lagu dooranayo magaalada Beledweyne waxaa ka mid ah kursi la filayo in sanadkaan uu u tartamo Fahad Yaasiin oo ah la-taliyaha dhanka amniga ee Farmaajo, kaas oo la aaminsan yahay in hub iyo ciidan uu geysan doono Beledweyne.

Hoos ka akhriso warqadda