25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

PUNTLAND oo soo saartay JADWALKA doorashada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday guddiga doorashada ee Puntland ayaa waxaa lagu shaaciyey jadwalka doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa deegaan doorashooda ay tahay gudaha magaalada Garoowe.

Guddiga ayaa soo saaray liiska 10 kursi oo ah kuraastii ay horey Puntland u shaacisay inay ku bilaabeyso doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Laba ka mid ah kuraastan waxaa si gaar ah loo xiray dumarka, kuwaas lambaradooda ay kala yihiin HOP#232 iyo HOP#094.

Sidoo kale guddiga ayaa u kala saaray doorashada kuraastaan laba qaybood oo ka kooban mid shan xubnood, sida lagu muujiyey warqadda.

Doorashada qaybta koowaad ayaa waxaa la qabanayaa 22-ka bishan Janaayo, halka qaybta kale ay doorashadooda dhaceyso 25-ka bisha, sida ku cad jadwalka soo baxay.

Puntland ayaa sheegatay inay muhiimaddu tahay sidii loo dhaqan-gelin lahaa hehsiiska cusub ee ay dhowaan magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Inta badan maamul goboleedyad ayaa haatan soo saaray liiska xubnaha ugu horreeya ee la dooranayo Golaha Shacabka kadib shirkii Muqdisho, waxaana kuraasta ugu badan soo saartay Galmudug oo xalay ku dhowaaqday inay hal mar qabaneyso doorashada 21 kursi.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa qorshuhu yahay in lagu soo gabagabeeyo muddo 40 cisho ah, si kadib loo guda-galo doorashada madaxweynaha oo ah mida ugu muhiimsan.

 

HirShabelle oo soo saartay amar musharaxiin badan saameyn doona (Akhriso)

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa soo saartay amar ay garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ay uga mamnuuceyso in laga soo dejiyo hub.

Wasaaradda ayaa qoraalkaan ku sheegay in amarkani uu salka ku hayo ilaalinta xasiloonida iyo badqabka bulshada deegaanada HirShabeelle, “Si loo dar-dar geliyo doorasho hufan oo ku dhisan wadar-ogol,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkaan ka soo baxay wasaaradda amniga HirShabeelle ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku war-gelineynaa hey’adaha ay ku socoto warqadaan ee garoomada Jowhar, Muqdisho iyo Beledweyne, in laga bilaabo 15-ka Janaayo la joojiyey in wax hub ah laga soo dejiyo garoomada diyaaradaha ee Jowhar iyo Beledweyne.”

Wasaaradda amniga HirShabeelle ayaa ku goodisay inay la xisaabtami doonto cid kasta isku dayda inay amarkaas jebiso.

“Wasaaraddu waxay fareysa Talisyada Ciimada Booliska iyo Nabad sugidda ee garoomada HirShabeelle in shaqadooda ay si hufan u gutaan, iyagoo la shaqeynaya maareeyeyaasha garoomada,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saartay wasaaradda amniga HirShabeelle.

Amarkaan ayaa ku soo aaday saacado kooban kadib markii uu Jowhar gaaray madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe, lamana oga waxa sababay in amarkaan ay soo saarto xukuumadda Madaxweyne Guudlaawe.

Kuraasta lagu dooranayo magaalada Beledweyne waxaa ka mid ah kursi la filayo in sanadkaan uu u tartamo Fahad Yaasiin oo ah la-taliyaha dhanka amniga ee Farmaajo, kaas oo la aaminsan yahay in hub iyo ciidan uu geysan doono Beledweyne.

Hoos ka akhriso warqadda 

Mareykanka: Nin la dhashay ‘Marwada Al-Qacida’ oo dad ku dhex afduubtay kaniisad Yahuudda ay leeyihiin

Dallas (Caasimada Online) – Is-mari waa ayaa ka taagan kaniisad Yahuudda ay leeyihiin oo ku taalla meel u dhow magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, halkaasi oo nin hubeysan uu dad ku haysto.

Ninkan ayaa dalbanaya in lasii daayo gabar ay walaalo yihiin oo horey loogu helay dambi argagixisanimo, wuxuuna afduubtay Rabbi-ga ama baadariga kaniisadda iyo dhowr qof oo kale, sida ay sheegen booliska.

Afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ayaa sheegtay in madaxweyne Joe Biden lagu wargeliyey xaaladdan oo ka taagan magaalada Colleyville oo 40km galbeed ka xigta magaalada Dallas. 

Taleefishinka ABC News, oo soo xiganaya ilo-wareedyo aan la shaacin, ayaa sheegay in dadka la haysto ay kala yihiin Rabbi-ga iyo saddex qof oo kale oo ku cibaadeysanayey kaniisadda oo lagu magacaabo Congregation Beth Israel.

ABC News ayaa sidoo kale sheegay in ninka afduubka gaystay uu hubeysan yahay, islamarkaana uu sheegay inuu wato walxo qarxa.

Isaga oo soo xiganaya sarkaal Mareykan ah oo xog ogaal ah, ABC News wuxuu sidoo kale weriyey in ninka qabsaday kaniisadda uu sheegay inuu la dhashay Aafia Siddiqui – oo loo yaqaan “Marwada Al-Qacida,” uuna dalbaday in walaashiis xabsiga laga sii daayo. 

Aafia Siddiqui, oo horey u aheyd saynisyahan Pakistani ah, ayaa maxkamad ku taalla New York waxay 2010 ku xukuntay 86 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay inay isku dayday dilka saraakiil Mareykan ah oo ku sugnaa Afghanistan.

Kiiskeeda ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalka Pakistan. 

Aafia ayaa hadda ku jirta xabsi federal oo lagu magacaabo Federal Medical Center (FMC) oo ku yaalla magaalada Fort Worth ee gobolka Texas, una dhow halka uu hadda walaalkeed dadka ku haysto.

Halka ay yaalaan 240-ka KURSI ee weli ka harsan doorashada golaha shacabka

0

Muqdhso (Caasimada Online) – Waxaa shalay si rasmi ah u billaabatay mudada 40-ka cisho ah ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda waxaa la doortay 35 kursi oo ka tirsan golaha shacabka kuwaas oo qaarkood ay muran iyo buuq ka taagan yihiin, waxaana harsan 240 kursi, oo ay tahay in lagu doorto 40 cisho gudahood.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shir isbuuc uga socday Muqdisho ay ku soo gabagabeeyeen 9-kii Janaayo ku sheegay in kama dambeys la soo afmeerayo doorashada golaha shacabka ee baarlamanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya 25-ka bisha soo socota.

Hadabada warbixintaan waxa aan idin kula wadaageynaa  deeganada doorashada ka dhaceyso iyo caqabadaha ka taaga.

Puntland

Garowe: Magaalada caasimadda u ah maamulka uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Deni, waxa ay ka mid tahay deeganada sanadkan loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada golaha shacabka oo maamul walba laba deegaan doorasho ay uga dhici doonto.

Garowe waxaa lagu soo dooranayaa 21-kursi oo ka tirsan golaha shacabka, Garowe waxa ay sidoo kale qeyb ka tahay magaalooyinka ay goobaha doorashada lagu qabanayo amnigooda ay wanaagsan tahay.

Dhinaca kale qaar kamid ah siyaasiyiinta ayaa iyagu walaac mar kale ka muujinaya in maamulka Deni ay weli doonayaan sidii kuraasta ka soo baxeysa Garowe ay saameyn ugu yeelan lahaayeen.

Boosaaso:  Magaalada Boosaaso oo ah maagalada labaad Puntland doorashada ay ka dhaceyso, waxaa taallo oo lagu wadaa in lagu doorto 16-kursi oo ka tirsan golaha shacabka.

Boosaaso ayaa dhawaan ka soo noqotay dagaallo qaraar oo u dhaxeeyey ciida ka amar qaata madaxweyne Deni iyo agaasimaha PSF Diyaano.

Isimada Puntland oo dhawaan baaq ka soo saaray xaaladda magaalada ayaa lagu kala aragti duwanaaday baaqa isimada iyo waxgaradka ka soo yeeray.

Dagaalka ayaa dhashay kadib markii Madaxweyne Deni uu xilka qaadis ku sameeyay agaasimihii PSF, kaas oo ka soo horjeestay xilka qaadista madaxweynaha.

Deni oo sida ay sheegayaan wararka aan xukuumaddiisa shaacin doonaya in uu u tartamo kursiga ugu sareeya dalka ee madaxweynaha ayaa siyaasiyiinta qaar ku eedeeyn in uu saameyn ku leeyahay xildhibaanada la soo dooranayo.

Galmudug

Dhuusamareeb: Magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug waxaa ay qeyb ka tahay deeganada doorashada sanadkaan lagu qabanayo, waxaana illa iyo hadda qaar kamid ah kuraasta lagu doortay ee golaha shacabka ka tirsan ka taagan walaac xooggan kadib markii madaxweynaha Galmudug oo la garab ah madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday ee Farmaajo lagu eedeyay in uu gacan bidixeynta doorashada qeyb ka yahay.

Dhuusamareeb ayaa waxaa taalla 26-kursi oo ka tirsan golaha shacabka, waxa ayna ka mid tahay magaalooyinka tan iyo markii ay doorashada bilaabatay walaaca laga muujiyay hanaanka maamulka Galmudug uu doorashaa uga wado.

Gaalkacyo:  Magaalada Gaalkacayo waxaa taalla 11- kursi oo ka tirsan golaha shacabka taas oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada.

Gaalkacayo waxa ay kamid tahay magaalooyinka sida adag la isugu haayo ee doorashada ay ka dhaceyso, waana magaalo kamid ah magaalooyinka ugu tartanka adag oo ay isku hayaan siyaasiyiinta Mucaaradka iyo kuwa Farmaajo iyo xulafadiisa.

Maamulka Qoor-Qoor oo si aad ah u garab istaaggan aragtida Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa dhowr jeer lagu eedeyay in kuraasta aar uu u diiday in ay musharixiinta ka aragtida duwan u tartamaan.

HirShabeelle

Jowhar:  Magaalada Jowhar waxaa taalla 13-kursi ee golaha shacabka waxaa ka taagan khilaaf dhanka maamulka ah, iyadoo maamulka Hirshabeelle awoodiisa weli aan si rasmi ah ugu baahin deeganada dowlad gobaleedkaas.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa horay loogu ammaanay hanaanki uu u maareeyay doorashada aqalka sare taas oo uu si daah furan u maareyay.

Balse waxaa shaki laga muujinaya sida ay ku suura geli doonto in dhamaan doorashada golaha shacabka loo maarayo si lamid ah doorashada aqalka sare.

Baladweyne:  Magaaladaan waxa ay kamid tahay deegaanada doorashada ay ka dhaceyso, waxaana lagu soo dooranaya 25 kursi.

Baladweyne waxaa bilihi la soo dahafay ka dhacayo dagaallo u dhaxeeyo siyaasiyiinta magaalada ee ka aragtida duwan Cali guudlaawe iyo maamulka hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tan iyo doorashadiisii oo in kabadan sanad ay ka soo wareegtay ku guuldareystay in uu tago magaalaa kadib markii imaanshiyihiisa ay ka hor yimaadeen dadka deegaanka qaar kamid ah.

Guudlaawe oo aan tagin baladweyne inta badanna maamulkiisa laga diidan yahay ayaa la sheegay in ay adkaan doonto qaabka ay doorashada uga qabtaan.

Koonfur Galbeed

Baydhabo: Magaalada caasimadda kumeel gaarka u ah maamulka madaxweynaha Lafta-gareen ayaa waxaa lagu soo dooranaya 43 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Koonfur galbeed oo hadda lagu doortay kuraasta ugu badan ee golaha shacabka ee hadda dooran ayaa guddiyada doorashada iyo maamulkaba lagu eedeyay in aysan si daahfuran deeganka doorasho uga qaban.

Siyaasiyiin uu kamid yahay Prof Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo horay laba xilli u soo noqday guddomiyaha golaha shacabka ayaa loo diiday in ay u tartamaan kuraastooda.

Baraawe:  Magaalada labaad ee koonfur galbeed doorashada golaha shacabka ay ka dhaceyso ayaa ah magaalada Baraawe.

Baraawe waxaa taalla kuraas gaareysa 26 kursi, waxaana ay kamid tahay magaalooyinka kuraasta badan lagu soo dooranayo.

Baraawe ayaa dhankeeda walaac laga muujinaya xaaladeeda amni xilli banaanka magaalada qeyba kamid ah ay fariisimo ku leeyihiin kooxda Shabaab.

Jubbaland

Kismaayo: Magaalada caasimadda kumeel gaarka u ah maamulka Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu soo dooranaya dhankeeda 27 kursi, iyadoo maagaaladaas qaar kamid ah siyaasiyiinta garabka Villada ay cabsi ka qabaan hanaanka Axmed Madoobe u maareynayo doorashada.

Garbahaarey:  Magaaladaan oo muddooyinkii u danbeysay wajaheysay Abaaro iyo siyaasadaha iska soo horjeeda ee Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa taalla 16 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Garbahaareey ayaa kamid ah meelaha sababta u ah in doorashooyinka dalka ay dib u dhacaan muddo ku dhaw sanad.

Muqdisho

Somaliland:  Magaalada caasimadda u dalka ayaa lagu qabanayaa doorashada 46 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Somaliland.

Illa iyo hadda in ku dhan 20 kursi ayaa lagu doortay magaalad oo Somaliland ay tahay deegaan doorashadeedu.

Banaadiriga: magaalada muqdisho ayaa sidoo kale lagu qabanaya doorashada 5-kursi oo ah kurasta banaadiriga.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in doorashada golaha shacabka ay gaarto ilaa Febraayada 2022, taasi oo ka dhigan in Farmaajo uu Villa Somalia joogayo sanad dheeraad ah, keeni kartana in midowga musharaxiinta ay ku fekeraan tallaabooyin ka dhan ah muddo kordhintaas dadban.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

QARAX is-miidaamin ah oo lala beegsaday afhayeenka xukuumadda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyey in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, isla-markaana lala beegsaday afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale sheegay in Booliska uu dib ka bixin doonto faah faahinta khasaaraha ka dhashay weerarkan qaraxa loo adeegsaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaawac Uu soo gaaray afhayeenka xukuumadda, isla-markaana loola cararay isbitaalka.

Sidoo kale waxaa haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa, waxaana daad gureynaya gaadiidka gurmadka deg degga ah.

Xaaladda goobta ayaa aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.

Faah faahinta kala soco: Caasimada.net.

Xubnaha isku haya kuraasta ay shaacisay GALMUDUG: Jeneraal Saadaq oo aan wajaheyn loolan adag

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Galmudug ayaa caawa shaacisay liiska 21-kursi oo dhawaan ay qabaneyso doorashadooda, kuwaas oo ay ka soo dhex-muuqdeen kuraas wajaheysa loolan adag.

Kuraasta sida weyn loo sugayo doorashadooda ee liiskaan ku jira waxaa ka mid ah kursiga HOP248 oo uu u taagan Jeneraal Saadaq Joon ayaa ka soo muuqday liiska 21-kaan kursi ee maalmaha soo socda lagu dooranayo Galmudug.

Kursiga HOP248 ayaa waxaa la rumeysnaa inuu isu soo taagi doono guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari kadib markii kursigiisa Aqalka Sare laga wareejiyey jufadiisa lana siiyey jufo kale.

Si kastaba, waxaa hadda so baxeysa in Abshir Bukhaari aanu tartami doonin oo uu u daayey taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar, taasi oo ka dhigeysa inuu si sahlan ugu guuleysan karo.

Weli lama hayo musharax miisaan leh oo u taagan kursiga HOP248 marka laga reebo Saadaq Joon.

Jeneraal Saadaq ayaa lagu xusuustaa inuu yahay sarkaalkii ugu horreeyey ee is hortaagay muddo kororsigii Farmaajo kadib markii uu ciidan dul dhigay xarunta baarlamanka, taasi oo uu ku waayey kursigiisa, balse ku kasbaday magac iyo sumcad weyn.

Sidoo kale waxaa kuraasta ka mid ah kursiga HOP147 oo haatan uu ku fadhiyo xildhibaan Mahad Salaad. Kursigaan waxuu ka mid yahay kuraasta ugu adag ee laga war sugayo sida ay Galmudug u marey doonto doorashadiisa.

Sidoo kale kursiga HOP138 oo haatan uu ku fadhiyo Xildhibaan Saciid Nuur Giriish ayaa caawa ka soo muuqday liiska kuraasta ay baahisay Galmudug, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Jeneraal Indhacade ayaa la rumeysan yahay inay ka mid yihiin musharaxiinta kursigaas.

Kuraasta kale ee doorashadoodu adagtahay ee liiskaan ku jira waxaa ka mid ah HOP048 oo Jeneraal Cabdullahi Gaafow uu ku fadhiyo, HOPp049 oo Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow uu ku fadhiyo, HOP061 oo Cabdiweli Maxamed Qanyare uu ku dhafiyo, HOP071 oo Cabdisaabir Nuur Shuure uu ku dhafiyo, iyo HOP089 oo Cabdi Shire Cayaar-jecel uu ku fadhiyo.

Liiskaan kama soo muuqan kuraasta ay ku fadhiyaan Cabdiraxmaan Odawaa, Axmed Maxamed Fiqi iyo Ubax Tahliil, kuwaas oo ka mid ah kuraasta la aaminsan yahay in maareynta doorashadooda ay ku adkaa doonto Galmudug, maadaama ay wajahayaan loolan adag.

Hoos ka akhriso xubnaha ku fadhiya dhamaan kuraasta Liiskaan ku jirta

HOP#053: Faarax Cabdi Xasan.
HOP#064: Sahra Cumar Maalin.
HOP#012: Yuusuf Xayle Jimcaale.
HOP#049: Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.
HOP#096: Cabdicasiis Cilmi Cali.
HOP#248: Maxamed Axmed Abtidoon.
HOP#:081: Maryan Cariif Qaasim.
HOP#139: Cabdixakiin Macalin Axmed.
HOP#025: Naciima Maxamed Gacal.
HOP#055: Sakariye Xasan Sheekh Cali.
HOP#147: Mahad Maxamed Salaad.
HOP#007: Cabdullaahi Faarax Wehliye.
HOP#137: Sadiiq Cabdikariin Xaaji Ibraahim.
HOP#138: Saciid Nuur Qayliye Gariish.
HOP#040: Nadiifa Faarax Jaamac.
HOP#048: Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.
HOP#071: Cabdisaabir Nuur Shuuriye.
HOP#089 Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar jecel).
HOP#051: Xasan Macalim Maxamuud Sheekh Cali.
HOP#035: Maxamed Cabdulle Faarax Geesey.
HOP#065: Cabdiweli Maxamed Qanyare.

Rooble iyo Saciid Deni oo dharbaaxo siyaasadeed ku dhuftay isbaheysigii Farmaajo, Mucaaradka iyo Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada guddoonka guddiga doorashada heer Federal oo ka kooban 25 xubnood, kuwaas oo guddoomiye cusub u doortay Muuse Geelle Yuusuf  kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyey guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Ciirro.

Doorashada dhacday maanta ayaa kaliya ku koobneyd xilka guddoomiyaha maadaama aan xilkii laga qaadin ama uusan is-casilin guddoomiye ku xigeenka guddigaas Mowliid.

Doorashada maanta ayaa waxaa kasoo ifbaxay xulafooyin siyaasadeed lama oo lama filaan ah, ayada oo ay isku dhinac noqdeen kooxo aan la fileyn, halka kuwa saaxiibo dhow ahaana ay ku kala tageen.

Hoggaanka guddigan oo ah mid muhiim u ah doorashada Soomaaliya ayaa ku loolamay laba musharax oo taageeri ka kala helayey dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Doorashadan ayaa waxaa markii ugu horreysay ay isku xulufo ka dhigtay Farmaajo, qaar ka mid ah mucaaradka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, halka ra’iisul wasaare Rooble iyo Saciid Deni ay dhinac noqdeen.

Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay dhanka Puntland, ayaa waxa uu taageero ka helay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo Saciid Deni, halka murashax Cabdiraxiim uu taageero ka haystay madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Ugu dambeyntii waxaa tartanka ku guuleystay Muuse Geelle Yuusuf oo ah musharixii ay wateen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni kadib markii uu helay codad gaaraya illaa 14 cod.

Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadan oo dadka badi ay u yaqaanaan Xiirane oo lasoo shaqeeyey xafiiska ra’iisul wasaare Rooble, wasaaradda Gargaarka iyo hey’ado madax banaan ayaa isna helay 11 Cod, wuxuuna ahaa musharixii ay wateen Villa Somalia, madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka.

Xubnaha qaar ee gudigaan ku jira oo la hadlay Caasimada Online ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inay xalay arkeen xubnaha Farmaajo iyo kuwa macaaradka oo si wadajir ah ugu ololeenaya Cabdiraxiim Xiirane.

Ma cadda sababta ay mucaaradka uga soo horjeesteen musharaxa uu watay Deni, balse waxaa la rumeysan yahay inay diidan yihiin in awoodda guddiga ay si buuxda ugu gacan gasho Deni oo ah musharax madaxweyne.

Waxaa sidoo kale suurta-gal ah inay taageerada Cabdiraxiim ay doonayeen inay ugu dhowaadaan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo watay musharaxan.

Muuse Geelle Yuusuf oo madax kasoo noqday Gobolka Bari waxaa loo arkaa inuu wax badan ka tari karo musharaxnimada Saciid Deni oo kamid ah musharixiinta ugu cad cad sanadkaan.

Guuldarada soo gaartay Villa Somalia iyo xulafadeeda ayaa ka dhigan in maamulka guddiga doorashada heer federaal uu la wareegay Rooble oo xoogiisa isugu geeyey sidii uu u maamuli lahaa doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Waa ayo MUUSE GEELLE, guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashada dalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ee Soomaaliya oo maanta qabtay doorasho ayaa waxaa lagu doortay guddoomiye cusub.

Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) oo kasoo jeeda gobolka Bari, beesha Cali Saleebaan, kaddib markii dhowaan xilka laga qaaday guddoomiyihii guddigaas Maxamad Xasan Cirro.

Khilaaf ayaa beryahan ka dhex taagnaa guddiga markii xilka laga qaaday Cirro, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha guddigaasna ay ka soo horjeesteen xil ka qaadistaas.

Labo xubnood oo kamid ah guddiga ayaa isu sharaxay qabashada xilka guddoomiyaha, waxaana la sheegay inuu jiray loollan adag oo ka imaanayay dhinacyada siyaasadda, oo ay ugu xusul duubayaan sida ay u soo saari lahaayeen musharraxa ay taageerayaan.

Faroole ayaa helay 14 cod halka Cabdicasiis Cabdiraxiin Aadan oo la tartamayayna uu helay 11 cod sida ay ku dhawaaqeen Guddiga qabanqaabada.

Waa kuma Muuse Geelle Yuusuf (Faroole)?

Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) ayaa xilal dhowr ah hore u soo qabtay, isagoo xilalka intooda ka badan ka soo qabtay maamul-goboleedka Puntland.

  • Dhowaan wuxuu ahaa guddoomiyaha ku meelgaarka ah ee Guddiga Girgelinta Doorashooyinka Qaranka.
  • Sanadkii 2006 waxaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Bari, Puntland, xilkaas oo uu sanado hayay.
  • Wuxuu sidoo kale soo noqday duqa magaalada Boosaaso.
  • Sanadkii 2013 wuxuu ahaa wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland.
  • Wuxuu ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha Puntland

Bishii July ee sanadkii hore ayay ahayd markii doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho xilka guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dederaal loogu doortay Maxamed Xasan Cirro.

Cirro ayaa markaas ku soo baxay wareegga labaad ee doorashada halkaas oo uu ka helay 14 cod, halka Liibaan Maxamed Xasan oo la tartamayay uu helay 10 cod.

Guddigan ayaa hoggaamin doona doorashada la filayo iney dhowaan ka dhacdo Soomaaliya.

Magacaabidda guddoomiyaha cusub ee guddigan ayaa ku soo aadeysa iyadoo is qabqabs iyo muran uu ka taagan yahay habraaca doorashada.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka ayaa lasoo gabogabeeyay mar dhow halka Golaha Shacabkana ay wali socoto, inkastoo ay jireen dhaliillo iyo cabashooyin hareeyay hannaanka uu kormeerka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Rooble.

Habraaca hadda jira ayaa u muuqda mid maamul kasta uu u fasirtay sidii uu doonayay, islamarkaasna waafajiyay natiijadii uu doonayay in ay doorashada kasoo baxdo, waxaana tusaale weyn ah habka xulista ergada iyo xaqiijinta tartan daah furan oo qof kasta oo danaynaya uu musharax noqon karo, taas oo aanan meelo badan ka dhaqangalin.

Caqabadaha ay tahay in xalka loo helo ee dhinaca habraaca waxaa ka mid ah soo xulista ergooyinka iyo musharraxiinta kuraasta Golaha Shacabka.

Guddiga doorashada ayaa marar badan lagu cambaareeyay in ay hareer mareen habraaca loo dejiyay.

Isha: BBC Somali

DF Soomaaliya oo war culus kasoo saartay duqeymaha ka dhaca Gedo iyo Jubooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa lagu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku heyso sababta ay ciidamada Kenya u duqeeyaan xarumaha shirkadda Hormuud Telecom ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Qoraalka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey inay soo gaartay xogta duqeymo horleh oo loo geystay xarumaha shirkadaasi ay ku leedahay qeybo ka tirsan gobollada Jubooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya qoraalkaan waxay ku cadeysay inay ka xuntahay fal-kasta oo lagu waxyeeleynayo muwaadiniintya Soomaaliyeed, iyadoo ganacsatada shirkada Hormuud uga tacsiyeysay dhibkii loo geystay.

Sidoo kale wasaaradda gaashaandhigga waxay qoraalkaan ku shaacisay inay la xariireyso ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee xaga amniga ka caawiya Soomaaliya, si loo ogaado sababta keentay duqeymahaas.

“Dowladda Soomaaliya waxay baaris rasmi ah ku sameyneysaa dhacdooyinkaan soo noqnoqday ee lagu waxyeeleynayo shacabka Soomaaliyeed, waan mahadsanyihiin saaxiibada Soomaaliya ka caawiya amniga iyo horumarka ay hiigsaneyso,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa marna duqeeya marna toos u guba xarumaha shirkadda Hormuud ee gobolka Gedo oo xuduud la leh Kenya iyo qaar ka mid ah xarumaha shirkadaas ee gobollada Jubbada Hoose.

Kooxda Al-Shabaab oo weerarro ka geysata gudaha Kenya ayaa ayaduna beegsata oo marar badan gubtay xarumaha shirkada Safaricom oo Kenya laga leeyahay, balse lama  ilaa hadda sababta ka dambeysa waxa loo beegsado xarumaha shirkadahaas.

Hoos ka akhriso warqadda wasaaradda difaaca

GALMUDUG oo shaacisay kuraastii ugu badneyd ee doorashada golaha shacabka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa caawa shaaciyey liiska 21-kursi oo doorashadooda uu dhawaan qabanayo.

“Guddiga doorashada Galmudug waxuu guda-gelayaa shaacinta odayaasha iyo bulshada rayidka, diiwaangelinta iyo tababarrada guddiga xulista iyo Ergada,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu shaaciyey liiskaan.

Liiskaan uu caawa shaaciyey guddiga doorashada Galmudug waa tiradii ugu badneyd ee hal-mar uu guddi doorasho shaaciyo, tan iyo markii ay bilaabatay doorashadaan.

15-ka bishan Janaayo oo Sabtidii maanta ku beegneyd waa maalinkii uu Ra’iisul Wasaare Rooble madaxda dowlad goboleedyada faray in dhamaantood ay bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Wixii ka dambeeyey markii Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii golaha wadatashiga qaranka ee lagu go’aamiyey in doorashada lagu soo afjaro mudo 45 cisho ah, ma jiro dowlad goboleed bilaabay doorashada, markii laga reebo liiskaan ay caawa shaacisay Galmudug.

Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in saacadaha soo socda uu guddiga doorashada HirShabeelle soo saari doono liiska kuraastii ugu horeysay ee xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto HirShabeelle.

Hoos ka akhriso Liiska kuraasta ay caawa sii deysay Galmudug

Guddiga doorashada heer federaal oo maanta doortay guddoomiye cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuse Geelle Yuusuf ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT) ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Muuse Geelle ayaa helay 14 cod, halka murashaxii la tartamayey ee Cabdiraxim Cabdicasiis Aadam uu helay 11 cod, kadib loolan maalmo socday oo xulufo siyaasadeedyo lama filaan ah ay ku abuurmeen. 

Muuse Geelle, oo guddiga kasoo galay dhanka Puntland, ayaa waxa uu taageero ka helay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo xubnaha guddiga kasoo galay dhanka Puntland iyo Jubaland.

Murashax Cabdiraxiim ayaa isna taageero ka haystan madaxtooyada Soomaaliya iyo maamullada taabacsan sidan Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale taageerayey qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Waxay aheyd markii u horeysay ee Musharaxiinta ay ku kala aragti duwanaadaan doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT, ayada oo ay laba dhinac ugu kala jabeen doorashadan, oo qaarkood ay ku aragti ahaayeen Villa Somalia. 

Murashaxiinta qaarkood ayaa u diidanaa Muuse Geelle inuu aad ugu dhow yahay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, balse waxaa muuqata in Deni uu ka adkaaday xubnihii kasoo horjeeday.

Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Maxamed Xasan Cirro ayaa xilka laga qaaday 25-kii December kadib markii lagu eedeeyey inuusan dhex-dhexaad ka aheyn arrimaha doorashada, kuna xiran yahay Villa Somalia.

Doorashada Muuse Geelle ayaa ah guul weyn oo usoo hoyatay ra’iisul wasarae Rooble, kagana adkaaday Farmaajo, ayada oo guddiga uu hadda si buuxda uga baxay gacanta Villa Somalia.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Gobolka Banaadir oo ku dhowaaqay go’aan uga sii daraya xiisadda taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir oo haatan xiisad ay kala dhexeyso xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, gaar ahaan wasaaradda amniga ayaa ku dhowaaqay go’aan kale oo uga sii dari karo xiisadda.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa sheegay in cid aanan aheyn maamulka gobolka hadda kadib lagala tacaamuli doonin arrimaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan amniga.

Cali Yare oo si toos ah weerar ugu qaaday xukuumadda ayaa tilmaamay in inta lagu jiro doorashada uu gobolka Banaadir u madax bannaan yahay taladiisa & amnigiisa.

“Inta doorashada lagu jiro maamulka gobolka Banaadir wuxuu u madax bannaan yahay taladiisa, siyaasaddiisa iyo amnigiisa. Ma jiro qof kale oo arrintaas amniga ku saabsan lagala tacaamuli karo nooc kasta oo ay tahay,” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan ula simanahay wasaaradda amniga sida gobollada kale ee Soomalaiyeed, haddii aan waraaqaha wasaaradda amniga ka socon karin Boosaaso, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhabo ma jirto sabab culeys gaar ah loo saaro gobolka Banaadir” ayuu hadalkii sii raaciyey guddoomiye ku xigeenku.

Dhinaca kale wuxuu soo dhoweeyey go’aankii kasoo baxay odayaasha dhaqanka ee dib loogu dhigay dibad-baxii ka dhanka ahaa isku daygii Afgembi ee Farmaajo, wuxuuna sheegay in ka maamul ahaan ay tahay sababta ay uu diideen amniga caasimada dartiis.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddooyinkii u dmabeeyey ay hadallo kulul warbaahinta isku marinayeen madaxda gobolka Banaadir iyo wasaaradda amniga oo horay u shaacisay inay iyadu fasaxday dibad-baxa nabeed ee haatan dib loo dhigay.

Si kastaba, haddii uu sii socda dagaalkan siyaasadeed ayaa saameyn kara amniga caasimada iyo wada-shaqeynta xukuumadda & gobolka oo ku xiran Villa Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Faaduma Cusmaan: Waxay geeriyootay ayada oo maanta loo fadhiyey meherkeeda

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ka hor meherkeedii ku geeriyootay Faadumo Cismaan Aadan, waxaana wada kulmay waqtigii farxadda arooskeeda iyo geerida naxtinta leh ee ku timid marxuumadda.

Faadumo ayaa maanta loo ballansanaa meherka iyada iyo Khaalid Maxamed Maxamuud, hase ahaatee waxaa ku soo booday xanuun deg-deg ah oo ay u geeriyootay, isla maanta, sida ay xaqiijiyeen ehellada marxuumadda, waxaana meherka uu isku beddalay tacsi.

Axmed Karaama oo ka mid ah asaxaabta Faadumo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay inuu meherkeeda uga yimid dalka dibaddiisa, balse uu maanta joogo tacsida walaashiis oo uu u yimid inuu kala qeyb-galo maalinta farxadda ee arooskeeda.

“Walaashay, isla hadda ayaan u sii lebbistay sidii aan uga qaybgeli lahaa meherkeeda oo ku beegnaa isla maanta. Anigoo waddanka ka maqan ayay igu odhan jirtey ii soo dhakhso walaal aad ila joogtid maalinta farxadayda e. Waan ka xumahay inaan maanta u joogo geerideeda. Walaashay waxaa si lama filaan ah ugu soo booday Faalig,” ayuu yiri Karaama.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Qoraalkan waxaan soo qorey iyada oo ay gacmaha iyo wadnuhuba i gariirayaan wallaahi. Ma aqaan waxaan ku sifeeyo dareenkayga,”.

Dhacdadan murugada leh ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada ay ku wada xiriirto ee Internet-ka, waxayna dadku aad u faafiyeen tacsida marxuumadda iyo geerida naxtinta leh ee ku timid, maadaama ay noqotay dhacdo xanuun badan oo murugo xambaarsan.

Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ah dhalinyarada istimaasha Fecebook-ga oo ka hadlayey dhacdadan ayaa sheegay in geerida Faadumo ay tahay mid xanuun badan, isla-markaana ay si gooni ah u taabatay.

“Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun, Alle ha u naxariisto marxuumadda, wlhi inaan garahayn geeri aan maqlo oo ka xanuun kulul maqalkeeda waayadan,” ayuu yiri Maxamed.

Sidoo kale gabar lagu magacabao Xafsa Ducaale ayaa dareenkeeda kusoo koobtay waa “Dhacdo murugo leh iyo Qadar Alleh,”.

Tani ayaa ah cibaaro, waana dhacdooyin mararka qaar dhaca, waxaana dhowr bilood kahor sidan oo kale ay ka dhacdey Jigjiga, kadib markii caruus meherkiisii laga soo dareeray uu geeriyoodey, ka dagaal markii uu la rogmaday baabuur uu la socday oo markaas shil galay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DENI oo xilka ka qaaday taliyihii ciidanka madaxtooyada, mid cusubna magacaabay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Taliye cusub u magacaabay Ciidanka Madaxtooyada Puntland, isaga oo xilka ka qaaday taliyihii.

Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada u magacaabay G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati). Taliyaha cusub ayaa baddelaya Taliyihii hore Ciidanka Madaxtooyada Cabdiqaadir Jaamac Dirir.

Waa markii labaad ee Deni uu beddelo taliyaha ciidamada madaxtooyada Puntland. Bishii May 2020, Deni ayaa magacaabay taliyaha maanta la beddelay kadib markii uu is-casilay Col. Barkhad Cabdullaahi Yuusuf.

Col. Barkhad wax faahfaahin ah xilligaas kama bixin sababta uu isu casiley, hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa in sababta ugu weyni ay tahay wada shaqeyn xumo muddo soo jiitameysey oo ka taagneyd madaxtooyada, taas oo u dhexeysey ilaa madaxweynaha ilaa qaar ka mid ah shaqaalaha hoose ee madaxtooyada.

Hoos ka akhriso wareegtada

Garoowe: 15 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 15-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa Ciidanimo

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Faroole oo jawaabo kulul is-dhaafsaday

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka wada tirsanaa guddi siyaasiyiin iyo odayaal magaalada Boosaaso u tegay xalinta dagaalkii ka dhacay ayaa haddalo isu mariyey Baraha bulshada.

Labadan siyaasi oo kasoo jeeda Puntland, kana mid ahaa senatooradii Baarlamaankii 10-aad ayaa, isaga hor yimid qaabka loo xalinayo xaaladda magaalada Boosaaso oo dagaal ku dhex maray ciiimada maamulka Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cabdullaahi Diyaano.

Isku dhaca labada oday ayaa kasoo bilowday Bayaan ay Boosaaso kasoo saareen Siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo Cumar Cabdirashiid oo looga horjeeday go’aanno kasoo baxay Isimada Gobolka bari oo la safta dhinaca agaasimihii hore ee PSF. 

Cumar Cabdirashiid ayaa iska fogeeyay bayaankaasi, kuna sheegay inuusan waxba kala socon, wax talo hana ku lahayn, taasoo ka careysiiyay C/raxmaan Faroole oo ku eedeeyay Cumar C/rashiid inuu ka mid ahaa guddigooda, laguna wargeliyay bayaanka.

“Waxaan caddaynayaa inaan la igala tashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaarsanaa. Boosaaso dhibka soo gaadhay xal iyo baaq nabadeed keliyaa u dan ah,” ayuu Cumar Cabdirashiid ku yiri qoraalkiisa

Cabdiramaan Faroole oo magaalada Qardho ka hadlay ayaa sheegay in Cumar uu markii hore ka tegay iyadoo ay doonayeen inuu la joog, kadibna uu qoraalkoodii war kasoo daba tuuray oo ah fahmi la’ yihiin ujeedkiisa, wuxuuna beesha uu kasoo jeedo kula taliyey inuusan siyaasad danbe soo doonan.

“Cumar baan idiinka dacwooneynaa, Cumar ama dadka ku soo dara ama siyaasad dambe yuu ka hadlin, isagoo Prime Minister raadinaya yaan la arkin,” ayuu Qardho ka yiri Faroole.

Arrintaan waxay soo jiidatay jawaab kale oo ka timid Cumar C/rashiid, taasoo u muuqatay inay ku socotay C/raxmaan Faroole oo uu ku sheegay inuusan dhexdhexaad ka ahayn arrinta Boosaaso.

“Wafdigii Boosaaso qabtay waxay ka koobnayen marjac, Isimo iyo mid Siyasadeed. Wafdigii Isimada ee nooga fara dhuubnaa arrinka daraf kama noqon mowqifkii Isimada Bari ay qaateen, sidoo kalena marjaca Siyasadeed inuu dhexdhexaad ku ekaado ayey ahayd si Berri xalka ay usoo dhaweeyaan,” ayuu qoraalkiisa jawaabta ahaa ku yiri Cumar Cabdirashiid.

Odayaashii siyaasiyiinta ahaa ee Puntland ayaa hadda ku kala qeybsamay xalinta xaaladda Boosaaso, iyadoo markii hore ay Isimadii ku kala qeybsameen, waxayna Arrinta Boosaaso noqotay mid xalkeedu mugdi sii galay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xigasho: Goobjooge

FIQI oo afar qodob ka soo saaray Galmudug, kadibna weerar ku qaaday Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo war kasoo saaray xaaladda Galmudug ayaa weerar afka ku qaaday madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ay haatan isku hayaan arrimaha siyaasadda.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Galmudug ay wajaheyso afar mushkiladood oo waa weyn, sida, dagaalka Al-Shabaab, ciidamo laga qaaday Muqdisho, ka qeyli-siinta odayaasha dhaqanka iyo boobka doorashada kuraasta Golaha Shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Fiqi oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa sidoo kale farriin u diray dadka reer Galmudug, wuxuuna ka dalbaday inay isha ku hayaan tallaabooyinka Qoor Qoor.

Halkan hoose ka aqriso:-

Galmudug waxay waajahaysaa afar mushkiladood oo waaweyn oo kala ah:

  1. Argagixisada Shabaab oo dhinacyo badan ka soo hareereysay, weeraro joogta ahna soo qaadaysa, kuwaasoo aan kala kulmayn maamulka wax cadaadis ah.
  2. Ciidamo cabtoy ah oo Qoorqoor Muqdisho ka daabulay oo dhibaato iyo dhaqan xumo ku haya bulshada gaar ahaan magaalooyinka ay ku sugan yihiin ama la geeyo.
  3. Ixtiraam darrada iyo ka Qeylo-siinta odoyaasha dhaqanka beelaha Galmudug uu ku hayo Qoorqoor oo si bareer ah u boobaya kuraastooda asagoo fulinaya amaro uu ka helayo kooxda sii dhacaysa ee Villa Somalia, loogana fadhiyey in uu si cadaalad ah ugu maamulo amaanada uu u hayo, tanoo keeni karta in beeluhu ay aayahooda ka tashadaan.
  4. Iyo ugu danbayn hogaan Qayru-mas’uul ah oo u muuqda in loo keensaday boob doorasho kaasoo aan wax dan ah ka lahayn xal u helidda dhibaatooyinkaas waaweyn.

Galmudug hurdo maalinkii oo dhan ah iyo telefoon habeenkii oo dhan ah, qosol aan laabta jirin iyo xan aan cidna looga tureyn, safar joogto ah iyo ka ganacsiga siyaasadda laguma sii maamuli karo intaas oo ay wehliyaan ciidamada Gorgor.

Dadka reer Galmudug waxay indhaha ku hayaan wixii hore waa la arkaye sida uu Qoorqoor ugu istaago xal u helidda dhibaatooyinkaas, si gaar ah sida uu ula dhaqmo odoyaasha beelaha Galmudug iyo daahfurnaanta doorashooyinka ka dhacaya Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Safiirka Mareykanka isku diyaarinaya inuu la wareego safaarada Muqdisho + Sawirro

Washington DC (Caasimada Online) – Safiirka cusub Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Kuxigeenka Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Jacfar Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Danjiraha Mareykanka ee dalka.

Qoraal lagu daabacay barta Safaaradda ee Twitter-ka ayaa lagu yiri “Jacfar Jaamac oo ku hadlaya magaca Safaaradda ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Larry Andre oo si diiran loogu soo dhaweeyay, si ay uga wada hadlaan dhinacyada danaha iyo iskaashiga labada dhinac. Waxaan u rajeynaynaa Danjire Andre in uu si wanaagsan u guto shaqadiisa, uuna xoojiyo xiriirka.”

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa 15-kii bishii April ee sanadkii hore waxa uu Larry Andre u magacaabay inuu noqdo Danjiraha xigga ee Mareykanka u joogga Soomaaliya.

Bishii December, Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa codka kalsoonida siiyay Danjiraha cusub, ka dib markii Guddiga Arrimaha Dibadda ee aqalkaasi uu goluhu horgeeyay magacaabidiisa.

Larry oo 60 jir ah ayaa isu diyaarinaya inuu la wareego xilka safaaradda Muqdisho, oo hadda si ku-meel gaar ah ay u hayso Colleen Crenwelge, kadib markii madaxweyne Biden uu beddelay Donald Yamamoto.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Faroole iyo Gaas way ka run sheegeen siyaasada Puntland

0

Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole, laba madaxweyne hore ee Puntland, waxay ka mid yihiin siyaasiyiinta ku howlan heshiisiinta Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo taliyaga Ciidanka Amniga ee Puntland (PSF) oo diiddan xil ka qaadis uu Deni wareegto ku soo saaray.

Dhowr maalmood ka hor Gaas iyo Faroole waxay soo saareen warsaxaafadeed uu iska fogeeyay Cumar Cabdirashiid, Ra’iisal Wasaare hore. Taasi waxay docwareen ku noqotay kaaliintii Gaas iyo Faroole. Labada siyaasi waxay si kala gaar ah ula hadleen beesha Deni. Waxay ugu baaqeen in ay si deggan ismaandhaafkooda ku dhammeeyaan. Dad baa isla markiiba labada siyaasi dhaliil kula booday iyagoo illowsan in hab siyaasadeedka Puntland yahay mid dadku u sameeyeen sida uu yahay.

Faroole iyo Gaas way og yihiin in Madaxweyne kasta oo Puntland soo mara leeyahay awood aan lagula xisaabtami karin: isaga ayaa madaxtooyada, baarlamaanka iyo ilaha dhaqaalaha xukuma. Waa fursad uu madaxweynuhu ku tuuri karo gorofka saboolka, sadbursi aan xishood lahaynna uu booli ugu miisi karo xigtadiisa iyo kuwa uu sandareerada u tuuro.

Puntland waxay muddo dheer — 16 sano — ahayd maamul dadkiisu gogol yihiin in si sharcidarro ah looga hantiyeysto hantida dadka — waxa aynu u naqaanno hantida dowladda. Kuwa lunsaday hantida dadweynaha marnaba kama talin doonaan horumarka Puntland. Dantoodu waxay ku jirtaa in Puntland sii ahaato maamul dhowr siyaasi ku kaltamaan.

Dhowaan wuxuu Madaxweyne Deni ku baaqay in maalqabeenka Puntland ay ka waantoobeen maalgelinta dalalka shisheeye. “Hantidiinna geliya Puntland” ayuu Deni yiri. Talo wanaagsan oo ka timid madaxweyne ganacsade ahaa oo awood u leh in xilka uu hayo, sida kuwii ka horreeyay, u adeegsado u sadburinta danahiisa ganacsi, iyo sadtiridda kuwa tartan ka kula jira.

Ma cadda in Madaxweyne Deni sidaas u dhaqmay hase ahaatee Puntland ma laha sharciyo u diidaya Deni inuu ku adeegto awoodda siyaasadeed. Waa runta Gaas iyo Faroole si dadban u xuseen. Geel laba jir soo wada mar.

X. F. Maxamuud, Gaalkacyo

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Faalladan waxay markii hore kusoo baxday Puntland Post 

Guddiga doorashada oo dooranaya gudoomiye cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal, taas oo qaban qaabadeeda ay ka socoto hotel Decale.

Wararka ayaa sheegaya in haatan uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka cusub ee beddalaya guddoomiyihii xilka laga qaaday Maxamed Xasan Cirro.

Xilka guddoomiyaha Guddiga Doorashada ee Heer Federaal ayaa waxaa si weyn ugu loolamayo xubno ka kala sopcdo labada xafiis ee ugu sareyso dalka ee kala ah midka madaxweyne Faramaajo iyo kan Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xubnaha xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa u ololeenayo inuu tartanka guddoomiyaha guddiga doorashada kusoo baxo  Cabdiraxiim Cabdicasiis, waxayna gudaha guddiga ka wadaan olole xooggan si ay Berri guusha iyaga u raacdo.

Dhanka kale, Ra’isulwasaare Maxamed Xusseen Rooble iyo xulafadiisa ayaa waxay wataan musharax Muuse Geelle waxayna caawa xubnaha guddiga doorashada heer Federal u qeybiyeen lacago si ay Berri u doortaan musharaxa ay wataan.

Labada xafiis ee ugu sareyso dalka ayaa ku dagaalamaya cidda noqoneyso guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal oo fure u ah doorashada xubnaha Golaha Shacabka kadib markii dhawaan xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro oo xiriir dhow la lahaa Villa Somalia.

Si kastaba, doorashada guddoonka cusub ayaa muhiim ah doorashada Golaha Shacabka ee haatan lasii amba qaadayo, maadaama guddigan uu laf-dhabar u yahay doorashada socota.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey dib u bilaabashada doorashada Golaha Shacabka ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta lagu wadaa ina ay Soomaaliya ka bilaabanto doorashii xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo muddo hakad galay, hase yeeshee sida lagu wado haatan ay tahay in la soo gabogabeeyo 25 Bisha February ee soo socota.

Dhanka kale, waxa iyaguna Maanta iska dhex dooranaya guddoomiye cusub guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federal kadib markii Guddiga doorashooyinka ay xilka ka qaadeen Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro, iyaga oo ku eedeeyey shaqo gudasho la’aan iyo ku milmidda siyaasadda.

Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa inay Maanta ka bilaabanto diiwaangelinta Shan Kursi oo la shaaciyay in toddobaadkan lagu dooranayo magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland ayaa Shaaciyay odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulayaa ergada.

Guddiga ayaa shaaciyay odayaasha dhaqanka iyo xubnaha soo xulaya ergada Lix kursi oo ka mid ah golaha Shacabka.

Ku dhawaad 241 xildhibaan ayaa la doonayaa in mudada u dhaxeysa 15 bisha Janaayo iyo 25-ka bisha Febraayo lagu soo doorto, xilli horay loo soo afjaray doorashada Aqalka Sare.

Dowladda Maraykanka ayaa baaqyadii ku aaddanaa arrimaha doorashada haatan ku badeshey hanjabaad ka dhan ah dhammaan madaxda saamaynta tooska ah ku leh doorashada Soomaaliya, waa haddii doorashada goleyaasha baarlamaanka lagu soo dhamaystiri waayo xilliga loo asteeyay ee 25 Feberaayo, 2022-da.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka Ned Price oo luuqad adag ku hadlay ayaa yiri “Mareykanka wuxuu diyaar u yahay in uu qaado tallaabo ugu habboon oo ay kamid tahay, xayiraado dhanka dal ku galka ah si looga jawaabo in dib u dhaca doorashada iyo tallaabooyinka kale ee carqaladeyn karo hufnaanta doorashada” .

Halkaan hoose ka akhriso odayaasha dhaqanka iyo xubnaha soo xulaya ergada Lix kursi oo ka mid ah golaha Shacabka – Somaliland