25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Wararkii ugu dambeeyey loolanka doorashada guddoonka guddiga FEIT oo ka socota Hotel Decale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay halkaas ka socoto ololaha loogu jiro doorashada guddoonka guddiga doorashooyinka ee heer Federal oo la filayo inay Berri dhacdo.

Hotel Decale ayaa waxaa ku sugan xubno ka kala socdo labada xafiis ee ugu sareyso dalka ee kala ah midka madaxweyne Faramaajo iyo kan Ra’idsulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xubnaha xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa u ololeenayo inuu tartanka guddoomiyaha guddiga doorashada kusoo baxo  Cabdiraxiim Cabdicasiis, waxayna gudaha guddiga ka wadaan olole xooggan si ay Berri guusha iyaga u raacdo.

Dhanka kale, Ra’isulwasaare Maxamed Xusseen Rooble iyo xulafadiisa ayaa waxay wataan musharax Muuse Geelle waxayna caawa xubnaha guddiga doorashada heer Federal u qeybiyeen lacago si ay Berri u doortaan musharaxa ay wataan.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, xubnaha ka socda xafiiska Ra’isulwasaare Rooble ayaa xubnaha guddiga doorashada heer Federaal siiyey 5 Kun oo Dollar qofkiiba si ay Berri usoo saaraan musharax Muuse Geelle.

Xubnaha ka socdo Rooble ee caawa ku sugan Hotel Decale ayaa waxaa kamid ah

1) Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

2) Liibaan Axmed Xasan (Shuluq)

3) Abuukaate Cumar Cabdulle (Dhageey)

4) Kamaal Dahir Guutaale

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuu caawa tartanka doorashada isaga haray Cabdi Xiis Udun oo uu watay madaxweyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe kadib cadaadis uga yimid dhanka xafiiska Ra’isulwasaare Rooble.

Labada xafiis ee ugu sareyso dalka ayaa ku dagaalamaya cidda noqoneyso guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal oo fure u ah doorashada xubnaha Golaha Shacabka kadib markii dhawaan xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro oo xiriir dhow la lahaa Villa Somalia.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Afrika oo farriin u diray madaxda Soomaalida, shaaciyayna mowqifkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay habraacii dhawaan lagu soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo meesha ka saarayay mad-madowgii ku gadaamna doorashada, gaar ahaan midda Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskii 9-kii January, wuxuuna ku dhiirri-galiyay Golaha Wadatashiga in la soo gaba-gabeeyo doorashooyinka Golaha Hoose, si daah-furan ugu dambayn 25-ka Febraayo.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in sidoo kale la ixtiraamo heshiisyada 17ka Sebtember 2020, May 27 2021 iyo habraaca doorashada 01 Oktoobar 2020 iyo Ogosto 24, 2021.

“Waxaan ku boorrinayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay is-xakameeyaan oo ay horumariyaan wada-xaajood siyaasadeed oo is-dhexgal ah oo ku aaddan xasilloonida siyaasadeed,” ayuu yiri Moussa Faki.

Moussa ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in mowqifka Midowga Afrika uu yahay doorasho lagu kalsoonaan karo, taasi oo tallaabo muhiima u ah nabad waarta oo ka dhalata gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay sare u qaadida taageerada dadaalada ka socda dalka.

Midowga Afrika ayaa marar kala duwan ka hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya, wuxuuna markastaa ku booriyaa madaxda Soomaaliyeed inay ilaaliyaan xasiloonida dalka.

Si kastaba, Golaha Wadatashiga ayaa dhawaan go’aamiyay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo muddo 40 Cisho oo ka bilaabanaysa maalinta berri ah oo ku taariikheysan 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Puntland oo qoraal u dirtay beesha caalamka, kadib eedeyn loo jeediyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qoraal u diray wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya, qoraalkaan ayaa looga faalooday ka go’naashaha Puntland ee hanaanka dimuqraadiyeynta.

Qoraalkaan oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu cadeeyey in Puntland ay ka go’antahay inay sii dhaqaajiso dadaalka ay ugu jirto qabsoomidda doorashooyin qof iyo cod ah iyo hir-gelinta hanaanka xisbiyada badan.

Dabayaaqadii sanadkii hore ilaa seddax degmo oo ka tirsan Puntland ayey doorashooyinkaan ka qabsoomeen, balse shaki badan ayaa dhashay markii hal maalin ay is-casileen guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

Guddoomiyihii is-casilay ee guddiga doorashada Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa xukuumadda Saciid Deni ku eedeeyey inay ka shaqeyn waayeen, sidaasna uu isku casilay, balse xukuumadda Puntland ayaa hadda ka jawaabtay eedeyntaas.

“Madaxweynaha Puntland waxuu 13-kii Janaayo 2022 la kulmay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, waxuu kala hadlay dhameystirka golayaasha degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, madaxweynuhu waxuu kaloo kala hadlay guddiga sidii loo sii amba qaadi lahaa doorashooyinka degmooyinka haray ee Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka ay Puntland u dirtay beesha caalamka.

Madaxweynaha Puntland oo shalay la shiray golihiisa wasiirrada ayaa faray masuuliyiinta hey’adaha ay khuseyso, in lagala shaqeeyo guddiga doorashada dhameystirka doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl.

“Doorasho hal cod iyo hal qof in ay Puntland ka dhacdo waa arrin Dastuuri ah, waa go’aan la gaaray 1998-dii illaa iyo hadana lagu taameyey, anagana waan billownay waana naga go’antahay inaan dhammaan Puntland ka qabano. Sidoo kale waxaa la dardargelin doona qorshaha doorashada looga hirgelinayo dhamaman degmooyinka kale ee Puntland,” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale Puntland ayaa qoraalkaan ugu mahad celisay beesha caalamka oo taageero ka geysatay hir-gelinta doorashooyinkaas, iyadoo balan qaaday inay ka go’antahay qabashada doorashada degmooyinka kale ee Puntland.

Hoos ka eeg qoraalka Puntland

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Somaliland oo gashay xaalad deg deg ah iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa gashay xaalad deg deg ah, kadib markii xukuumadda Muuse Biixi ay ku dhawaaqday in abaarta deegaanadaas ay mareyso meel adag.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa shalay shaaciyay in abaaro ay ku dhufteen dad hal Milyan ku dhaw oo ku kala nool lixda gobol ee ugu waaweyn Somaliland.

“Waxaa maanta halkan u soo joogsanay haddii aanu nahay guddidii gurmadka abaaraha in aanu ku dhawaaqno in abaartii meel adag marayso, ka dib markii roobkii gu’gu uu teel teel ku ahaa qaybo kamid ah dalka,” ayuu yiri.

“Waxa dalka ka jirto xaalad abaareed oo saamaysay dhamaan gobollada dalka, sida Sool, Sanaag, Togdheer, Saaxil, Howdka Maroodi-jeex iyo Xeebta Gobolka Awdal, qiimaynta lagu sameeyay abaarta, waxay si toos ah u saamaysay dad gaadhaya, 810,000 (sideed boqol iyo toban kun).”

Guddida qaran ee abaarta Somaliland ayaa waxay bilaabeen howlaha gurmadka abaarta iyaga oo qaaday tallaabooyin kala duwan, kuwaasi oo kala ah:

  • Howl-galinta guddida farsamo oo ka kooban wasaaraddaha xubnaha ka ah guddida abaarta iyo hay’adda NADFOR oo daraasad ku sameeyey xaaladda abaarta ee dalka ka jirta guud ahaan, kana soo diyaariyay war-bixin dhammaystiran oo la xidhiidha xaaladda abaarta ee dalka.
  • Dayactirka iyo kicinta ceelasha dhaadheer ee biyaha kuwaasi oo ay tiradoodu dhamayd 41 ceel, kuwaasi oo ku yaalay goobaha biyo yaraantu ay ka jirto gaar ahaan gobolada Bari.
  • Waxa biyo-dhaamis ay ka bilaabeen booyadaha dawladdu gobolada Togdheer, Sanaag, Sool iyo Maroodijeex.
  • Waxa hay’adda NADFOR diyaarisay kayd-raashin ah oo loogu talo galay dadka abaartu saamaysay.

Sidoo kale waxay ku dhawaaqeen in maanta laga bilaabo cid walba oo doonaysa inay wax ka qabato abaarta dalka ay waajib tahay inay soo marto guddida gurmadka abaarta.

Xukuumadda Somaliland ee Muuse Biixi ayaa si wax looga qabto xaaladdan waxay u qoondaysay kharash dhan $ 3,000,000 Milyan (Saddex Milyan oo Doolar) oo lagu talogay Raashin, biyo-dhaamis iyo kicinta ceelasha xumaaday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Cali Guudlaawe iyo Cabdi Xaashi?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, oo dhawaan heshiis rasmi ah looga gaaray mad-madowgii doorashada shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale diirada saaray dardar-gelinta iyo dhameystirka arrimaha doorashooyinka, oo la go’aamiyay in doorashada xubnaha Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo muddo 40 cisho, laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Madaxweynaha HirShabeelle doorkiisa ku aadan dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka..

Madaxxweynaha HirShabelle ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, si xal looga gaaro arrimaha doorashada, wuxuuna kulankan qeyb ka yahay kulamo kala duwan oo maalmihii dambe uu la yeelanayay siyaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka.

Shalay ayey aheyd markii uu Cali Guudlaawe uu kulan la qaatay Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yılmaz, kaasi oo looga hadlay arimaha amniga, hirgalinta mashaariicyo horumarineed iyo dhameystirka doorashooyinka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ethiopia oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah madaxa WHO

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa si adag u dhaleeceysay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayada oo dalbatay in uusan sii hayn jagadaas.

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa cabasho rasmi ah u dirtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayada oo agaasimaheeda guud ku eedeysay wax ay ugu yeertay “dhaqan xumo”, kadib markii uu si joogta ah u dhaleeceyn jiray dagaalkii ka dhanka ahaa Tigray-ga.

“Kama soo bixin sharafta iyo shaqo wanaagga laga doonayey xafiiska iyo xilkiisaba” ayaa lagu sheegay qoraalkan ay dirtay xukuumadda Addis Ababa.

Ethiopia ayaa xilli laga joogo afar sano gudbisay Tedros Adhanom inuu noqdo madaxa WHO ayaa hadda ka hortimid inuu mar kale jagada sii hayo, waxaana warqadda oo si gaar ah loo gaarsiiyey guddiga fulinta ee WHO lagu sheegay in Tedros uu meel uga dhacay sharafta hay’adda WHO.

Waxay ka dalbatay xukuumadda Abiy xubnaha 34-ka inay baaritaan ku sameeyaan dhaqankiisa, shaqo xumada iyo xil gudasho la’aanta ay u jeediyeen, ayada oo eedeynta u weyn ay tahay in uu dhinac la saftay.

Si kastaba, Guddiga filinta hay’adda WHO ayaa sida uu qorshuhu yahay kulmi doona 24 illaa 29-ka bishan, waxaana kulankaas qeyb ka ah soo xulista musharaxiinta hay’adda hogaamin lahaa sanadaha soo socda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Qoor Qoor ma kala badbaadin doonaa ciidanka Gorgor iyo dadka reer Galmudug?

0

Dhuusamaree (Caasimada Online) – Galmudug Shacabka waxay qabaan dhibaato weyn, dhibkaan waxaa Fure u ah ciidanka la yiraahdo Gorgor ee Dowladda Federaalka ah ka jooga deegaanada Galmudug.

Shacabka ku dhaqan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel waxay ku jiraan marxaladii ugu adkeyd muddo dhowr iyo Toban Sano ah.

Ciidanka Gorgor oo waqtiyo kala duwan la geeyey Galmudug waxay si arxan darro ah u beegsanayaan Shacabka deegaanka, waxay abuuraan qalalaaso joogto ah, hab dhaqankooda lunsan ee Maalinlaha ah wuxuu halis ku noqday nolosha caadiga ah ee Dadka Deegaanka.

Ciidamada Gorgor iyo Galmudug

Ciidankaan dhexdooda ayaa mararka qaar dagaalamo marna waxay la dagaalamaan Booliska deegaanka. Dagaalada joogtada ah oo ay ciidanka Gorgor ka geystaan qeybo kamid ah Galmudug waxay sababaan dhimasho iyo dhaawac joogto ah.

Galmudug waxaa deegaanadeeda muhiimka ah ku hareereysan Al-Shabaab, balse ciidankaan marna uma dhaqaaqin dhanka Al-Shabaab waxayna u muuqdaan inaysan kooxdaas muhiim u aheyn.

Dhaca dadka Deegaanka

Sida ay xaqiijiyeen Shacabka Dhuusamareeb iyo Guriceel waxay ciidanka Gorgor si joogto ah u dhacaan Shacabka labadaas Magaalo si gaar ah waxay beegsadaan Moobeelada Gacanta.

“ Mar hore ayaa noogu dambeysay inaan xilli Habeen ah Taleefoon qaadano sababtoo ah kama baxsaneysid Gorgor “ ayuu yiri mid kamid ah Dadka dagan Magaalada Guriceel oo aan la hadalnay.

Dhaca waa joogto, ganacsatada waxay sheegayaan inay ciidankaan si joogto ah u baadaan, qaarkood waxay sheegeen in deen ay ciidankaas qaateen inay diideen inay bixiyaan.

Isticmaalka maandooriyaha

Dadka deegaanka waxay ciidankaan ku eedeenayaan inay soo kordhiyeen dhaqan aan deegaanka horey looga aqoon oo ah iibinta iyo ku dhex faafinta bulshada ee noocyada Daroogada ee halista ah.

“ Sababaha ay Habeen walba Rasaasta isaga furan dadkana u boobayaan waxaa ugu badan isticmaalka Balwadaha halista ah ee ciidankaan ay keeneyn deegaanka” ayuu yiri mid kamid ah Ganacsatada Magaalada Dhuusamareeb oo sababo amni diiday inaan xusno magaciisa.

Waxaa sidoo kale ciidankaan lagu eedeeyey dhowr jeer falal kufsi ah. Dadka reer Galmudug oo intaas ku samray waxay muujiyeen baahi dowladeed.

Haddaba inta aan qaraarka dadka deegaanadaas laga daba tagin waxay dad badan qabaan in hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor inuu ku qasban yahay inuu furo dariiq lagula xisaabtami karo ciidankan ama inuu dhibaatada ciidankaan ka dul qaado deegaanka.

Maamulka Galmudug si weyn ayuu ula socdaa dhibaatada ay ciidankaan ku hayaan dadka deegaanka gaar ahaan bushada Dhuusamareeb iyo Guriceel, haddana ma jiraan wax tallaabo ah oo looga hortagayo falalkooda liddiga ku ah nolosha bulshada.

Dadka deegaanka, gaar ahaan waxgaradka waxaa al gudboon inay cabasho rasmi ah u gudbiyaan maamulka oo ka dhan ah dhibaatada soo noq-noqotay ee ciidanka Gorgor.

Haddii uu maamulka ku guuldareysto inuu wax ka qabto mushkiladaana waxaa dadka deegaanka u furan inay ka fakaraan mashruuc isku tashi ah oo lagu soo afjarayo dhibaatada joogta ah ee ciidanka Gorgor ku hayaan Bulshada Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxaa hor taala inuu kala furdaamiyo Shacabka Galmudug iyo ciidanka Gorgor inta aysan xaaladda gaarin meel uusan xalin karin ayey leeyihiin dadka reer Galmudug ee la yaaban hab-dhaqanka ciidanka Gorgor.

Loolan cusub oo ka dhex-qarxay Farmaajo iyo Rooble iyo arrinta hadda la isku hayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Soomaalida ayaa dhawaan ku heshiisay in 40 cisho lagu soo afjaro doorashada Golaha Shacabka, hase yeeshee mu mudadaas oo ka billaabata 15-ka bishan kuna eg 25-ka Febraayo ayaa wajaheysa caqabadda loolan cusub oo ka dhex qarxay Farmaajo iyo Rooble.

Dhowr iyo Labaatan Xildhibaan ayaa illaa hadda laga doortay xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Sida aad la socotaan waxaa jira isbadal ku dhacay labadii guddi ee hoggaamineysay uguna muhiimsanaa doorashada, waa guddigii maamulka doorashada ee heer Federaal oo iyaga ugu dambeyn xaqiijinayey aqoonsiga xildhibaanka iyo guddiga xalinta khilaafaadka oo isna u taagan inuu kala saaro xubnaha isku heysta Kuraasta ama Kuraasta la isku khilaafa natiijadooda.

Labadaan guddi Maanta malahan wax hoggaan ah, Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga xalinta khilaafaadka ka eryey 7 xubnood oo uu ku jiray guddoomiyihii guddigaas illaa Maanta guddigaas ma dooran guddoomiye.

Guddigaas oo aan hoggaan laheyn su’aal badan ayaa ku jirta sida loo wajahayo doorashadaan dadban oo la ogyahay inay mar walba leedahay khilaaf.

Sidoo kale, guddiga doorashada ee FEIT ayaa iyagana xilkii ka qaaday guddoomiyihii guddigaas Maxamed Xasan Cirro, guddigaas iyaguna illaa hadda guddoomiye ma dooran.

Labadaan guddi cid maamusha malahan waxayna ka dhigan tahay inaysan doorashada laheyn maamul waqtigaan. Maqnaanshaha hoggaanka guddiyadaan waxay cuuryaamineysaa shaqada guddiyada sidoo kalana waxay sababi kartaa dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada oo ay dhawaan saxiixeen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran.

Xubno kamid ah guddiyadaan oo aan la hadalnay waxay sheegayaan inuu jiro loolan xafiisyada sare ah oo la xiriira hoggaanka cusub ee labadaan guddi taasina ay tahay sababta dib usii dhigeysa howsha.

Kooxdan madaxweyne Farmaajo ayaa lumisay labada hoggaan ee labadan guddi  ee muhiimka ah, labadii xubnood ee hoggaamineysay guddiyadaan waxaa la fahamsanaa inay labaduba gacan saar dhow la lahaayeen madaxtooyada.

Mar kale, xubnaha Villa Somalia waxay dagaal adag ugu jiraan inay guddiyadaan hoggaankooda kusoo baxaan xubno iyaga raacsan oo u qaban kara laba shaqo. Mid waa in kursigii laga xoogo qof kooxdooda ka tirsan inay joojiyaan iyo midda labaad oo ah inay fasaxaan Kuraasta lasoo siiyo ama loo soo xoogo xubnaha eedeysan ee dhinacooda ka socdo.

Labadii hoggaan ee horey loo eryey ee guddiyadaan ayaa la aamisan yahay inay sababsadeen Kursigii Yaasiin Farey oo ay soo fasaxeen. Kooxda madaxweyne Farmaajo kursigaas waa u gudbay balse waxaa jira Kuraas badan oo kaas uga muhiimsan oo uu ku jiro midka uu u sharaxan agaasimihii hore ee Hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaas oo la eegayo sida ay guddiyadaan u wajahaan.

Hoggaanka guddigu mar walba saameyn xooggan ayuu ku leeyahay go’aanka Kuraasta. Xafiiska Ra’isulwsaaraha iyo midka madaxweynuhu labaduba faraha ayey kula jiraan shaqada guddiyada gaar ahaan cidda noqoneysa guddoomiye iyagoo u dagaalamaya dan shakhsi ah.

Tallaabadaas waxay dib usii dhigeysaa doorashada hoggaanka waana adag tahay inaan la falgalno doorashada socota haddii aysan labada xafiis culeyska ka qaadin guddiyada oo aysan u madax baneenin doorashadooda ayuu yiri xubin kamid ah guddiga doorashada ee heer Federaal ee FEIT.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isagu mas’uul ka ah gunaanadka doorashada waxaa hor taala inuu dareemo in mar walba oo ay dib usii dhacaan doorashada hoggaanka labada guddi inuu sidoo kale dib usii dhici doono jadwalkii lagu heshiiyey ee doorashada taas oo eedeeda uu xafiiskiisa qeyb ku yeelan doono.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Banaanbax looga soo horjeedo Mahdi Guuleed oo lagu qabanayo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bulshada kasoo jeedda Gobollada waqooyi (Somaliland) ee ku Sugan Magaalada Muqdisho ayaa Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya u dirtay warqad ay uga dalbanayaan in loo ogolaado Banaanbax ka dhan ah Raysulwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed .

Ururka Midnimo oo ay ku bahoobeen Dadka kasoo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa horkacaya dalabkaan waxa uuna sheegay in Banaanbaxaan uu yahay “Mid Nabadeed” ay ku muujnayaan tacadiyo iyo cabashooyin ay ka qabaan Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo awoodda Dowladda uga faa’ideysanaya “in uu boobo kuraasta gobollada Waqooyi”.

Wasiirka Amniga XFS Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayuu Ururka Midnimo sheegay in uu ka codsaday dibadbaxaan kana aqbalay si dareenkooda ay ugu muujiyaan dibadbax nabadeed oo ay kusoo bandhigayaan cabashadooda.

Sakariye Nuur Saajin, Guddoomiyaha Dallada Midnimo ayaa Idaacadda Mustaqbal u sheegay in Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Guuleed uu kahor taagan yahay xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda Federaalka si ay u helaan, sidoo kale uu faragelin ku hayo Doorashada Gobollada Waqooyi (Somaliland).

‘’Banaanbaxa aan dalbanay waxa aan uga soo hor jeednaa Raysul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo u adeegaya ninka 1-sano iska fadhiya Villa Soomaaliya sharciyad la’aanta, mana jirto cid naga hor istaagi karta waayo waxa aan fasax ka heysanaa Wasaaradda Amniga oo aan ku wargelinayay in dibadbaxeenu uu yahay mid nabadeed oo aan ku muujineyno xuquuqdeena & Dareenkeena’’ ayuu yiri Sakariye Saajin oo kamid ah hormuudka Dadka abaabulka dibadbaxa wada.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda loo diray Wasaaradda Amniga

Waa kuwee musharaxiinta ugu cadcad guddoonka guddiga doorashooyinka dalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka Abuukaate Mowliid Mataan Salaad oo la filayay inuu isu sharaxo Guddomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa ka haray tartanka oo la qabanayo maalinta Sabtida ah kaddib dalab uga yimid Xafiiska Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Tartanka ololaha doorashada oo maanta si xowli ah ku socda ayaa laga dareemayaa xarunta Guddiga iyo Hoteelka Decale, waxaana hawshaan isku garbinaya dhanka Xafiisyada dalka ugu sarreeeya.

Afarta musharax ee ugu cadcad ayaa kala Cabdiwali Maxamed Qurux, Muuse Geelle Faroole, Cabdiraxiim Cabdicasiis (Xiirane) iyo Cabdi Xiis Udun.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa sida ay Caasimadda Online ogaatay waxay riixayaan Cabdiwali Qurux, balse waxaa culeys kasoo wajahaya Muuse Geelle oo Madaxweynaha Puntland iyo Xafiiska Ra’iisulwasaaraha taageero ka helaya iyo Cabdiraxiim Cabdicasiis Xiirane oo Laftagareen gacan ka helaya, inkastoo Cabdiraxiim uu sidoo kale ku xiranyahay Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Waxaa kale oo jira in Jubbaland ay dhankeeda riixeyso Cabdi Xiis Udun balse ay u badan tahay inuu u tanaasulo Musharaxa Xafiiska Ra’iisulwasaaraha iyo Puntland ay riixayaan ee Muuse Geelle.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleyno ayaa sheegaya in tartamayaasha Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal lagu xiray inay bixiyaan $3000 oo diiwaangelin ah halka $2000 laga qaadayo musharixiinta u taagan xilka guddoomiye ku xigeenka.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo kamid ah xafiiska Ra’isulwasaare Rooble ayaa noo xaqiijiyay in musharaxnimada Cabdi Xiis ay dhabarjab weyn ku tahay maadaama uu taageero xooggan ka helayo xubnaha ay magacawday Dowladda Federaalka, waxaana jiro cadaadis xoog leh oo lagu saarayo inuu ka tanaasulo tartanka si looga adkaado musharixiinta Villa Somalia iyo Koonfur Galbeed.

Dhanke kale, Ma cadda sababta Abuukaate Mowliid Mataan Salaad oo dagaal siyaasadeed u galay Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble loo dhisi waayey. Balse xubno ka tirsan FEIT ayaa noo sheegay in Liibaan Axmed Xasan (Shuluq) oo gacanta midig ee Rooble ah uu ka door biday Cabdi Xiis Udun iyo Muuse Geelle Faroole si taageero looga helo dhammaan Dowlad Goboleedyada.

Guddoomiyihii hore ee Guddiga Maxamed Xasan Cirro oo wali ah xubin ka tirsan guddiga ayaa isagana saameyntiisa leh, inkastoo aan la ogeyn cidda uu sida rasmiga ah ugu ololaynayo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

KASHIFAAD: Xaqiiqda sida lagu soo celiyey dhalinyaradii LIBYA ee FARMAAJO uu ka dhigtay iidhehda siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa iidheh iyo olole doorasho uga dhigtay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo soo celinta 97 dhalinyarro Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Liibiya.

Dhalinyaraddan oo shalay dalka kusoo laabtay ayey Madaxtooyda Soomaliya soo dhex marisay Wasiirka Arrimaha dibadda inuu Farmaajo ka dambeeyay soo celintooda, isagoo kala hadlay hoggaamiyaha Golaha ka taliya dalka Liibiya oo ay isku arkeen dalka Turkiga.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qortay: “Ka dib kulan uu bishii la soo dhaafay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kula qaatay dalka Turkiga Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya, waxaa uu Madaxweynuhu guddi u saaray sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada Liibiya loo soo badbaadin lahaa, waxaana maanta dalka soo gaarey kooxdii ugu horreysey oo ka kooban 97 muwaadin”.

Waxaa sidoo kale la baahiyey muuqaallada qaar ka mida dhalinyaradda oo u mahad celinaya Farmaajo, markii lo osheegay inuu dalka kusoo celiyay.

Sidoo kale waxaa howshan sheegtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana warbaahinta Dowladda lagu qoray sidan: “Dhalinyaradaan ayaa isku dhiibay Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya. Iyadoo dadaaladda soo guryo noqoshada Dadkan ay ka wada shaqeeyeen Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha danjire Maryan Yaasiin oo kaashanaysa hey’adda Socdaalka Adduunka ee IOM”

Wax yar kadib waxaa qoraal soo saaray hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM oo caddeystay macluumaad cusub oo ku saabsan dhalinyaradda Soomaaliyeed ee laga soo celiyey dalka Liibiya.

Madaxa hay’adda IOM ee Soomaaliya Richard Danziger ayaa farriin uu soo saaray ku sheegay in Hay’adda IOM ee Q/Midoobay ay diyaaradda soo qaaday dhalinyaradaasi ku deeqday, iyadoo taageero ka heshay Sanduuqa Africa Trust Fund, La-taliyaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Maryan Yasin iyo Xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa faahfaahin kale bixiyey qorshaha dhalinyarradan lagu keenay.

“Hindisaha Wadajirka ah ee Ilaalinta iyo dib u soo celinta muhaajiriinta ee Midowga Yurub iyo IOM ayaa caawiyey 97 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka yimid dalka Liibiya oo ay ku jireen xabsiyo in ka badan 2 sano. Iyadoo loo marayo barnaamijka, waxay heli doonaan taageerada dib-u-dhexgalka bulshada”

Howsha kooxda Madaxweyne Farmaajo keligood sheegteen inay sameeyeen waxay xaqiiqadii noqotay inay kasoo wada shaqeeyeen saddex dhinac oo kala ah: Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maryan Yaasiin, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM iyo Midowga Yurub /Africa Trsut Fund oo dhaqaale ku bixiyay.

Isha: Goobjooge

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Saddex arrin oo Mareykanka ku qasbeysa faro-gelinta siyaasadda Soomaaliya

0

Muddo afar iyo labaatan saac gudahood ah ayaa Maraykanku ay soo saareen farriimo gooddin ah oo la xidhiidha dib u dhaca doorashada Soomaaliya. Arrintan ayaa u muuqata isbeddel ku yimi habkii Maraykanku muddooyinkii u danbeeyey u dirayey farriimihiisa ku aaddan Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in cunaqabatayn iyo xayiraado dhanka dal-kugallada ah uu soo rogi doono, waa haddii doorashada goleyaasha baarlamaanka lagu soo dhamaystiri waayo xilliga loo asteeyay ee 25 Feberaayo, 2022.

Haddaba dad badan ayaa laga yaabaa in ay is weydiinayaan waa maxay danta Maraykanku ka leeyahay Soomaaliya? Falanqeeyayaal iyo dad u dhuun daloola siyaasadda labada dal ayaa isku raacay saddexdan qodob dartood in Maraykanku uu u ilaalinayo dawlanimada Soomaaliya.

1- Amniga

Haddii aynu ku bilawno arrinta amniga, tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe waxaa isasoo tarayey qalaalasha ka dhalanayey dawlad u samaynta Soomaaliya. Wixii xilliyadaa ka danbeeyey dhinacyo isdiiddan oo kala aragti duwan ayaa dhankastaa u hanqal taagayey hoggaaminta dawladnimada dhalan doonta.

Waxaa se xaalku is beddelay tobanleydii dhexe ee burburkaas, xilligaas oo ay samaysmeen ururka Alshabaab oo xidhiidh la leh Alqaacida, kuwaas oo fadhiisimmo ka yeeshay Soomaaliya, halkaas oo ay ka geysteen weerarro gaadhsiisan dalalka deriska ah.

Weerraradaas oo ay ku nafwaayeen kumannaan dad ah, dhanka kalena ururkaasi waxa ay noqdeen caqabad amni oo ka taagan guud ahaanba Geeska Afrika. Maraykanku isna wixii ka danbeeyey 2001-dii markii la qarxiyey sarihii dhaadheeraa ee mataanaha ahaa ee dalkaas, waxa uu bilaabay hawlgal xooggan oo ay ugu magacdareen ‘La dagaallanka Argagaxisada.’

Qorshahaas oo asalkiisu ahaa ka dabagelidda meel kasta oo ay ku sugan yihiin kooxaha jihaadiyiinta ah, taas oo Soomaaliyana ay ka samaysmeen markii danbe.

Maraykanku isaga oo la dagallamaya kooxahaas waxa uu duqaymo ka geysanayey Soomaaliya tan iyo xilligaas, iyagoona dhawr jeer sheegay in ay dileen madax iyo saraakiil muhiim ah oo ka tirsanayd ururka Alshabaab.

Cabdiraxmaan Caynte oo wasiir ka soo noqday Soomaaliya kana faallooda hadda arrimaha siyaasadda ayaa qaba in danta ugu mudan Maraykanku tahay in aan kooxahaasi geeska, gaar ahaan Soomaaliya ka dhigan saldhig ay ku negaadaan.

“Mareykanku wuxuu daneynayaa in kooxaha argagixisada ah, sida Al-Shabaab, ineysan saldhig ka sameysan guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Wuxuuna dhaqaalaha ugu badan ku bixiyaa la dagaallanka kooxahaas, iyo xoojinta hey’adaha amniga Soomaaliya.”

2- Goobta ay dhacdo Soomaaliya

Xilli dad badan ay qabaan in dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey quwadaha waaweyn ee dunida uu mar kale soo laba kacleeyey, Maraykanku waxa uu isku deyeyaa in uu caabbiya saamaynta Shiinaha iyo Ruushka ee Geeska.

Soomaaliya ayaa istaraatiijiyad ahaan ku taalla meel muhiim ah. Xeebta waqooyi ee Soomaaliya waxay xuduud la leedahay Gacanka Cadmeed, taas oo ku geynaysa marinka muhiimka ah Baab al-Mandeb, oo ah marin cidhiidhi ah oo ay qasab tahay in dhammaan gaadiidka badda ee ka imanaya Mediterranean-ka ilaa badweynta Hindiya ay maraan.

Ka fogaanshaha cidhiidhigan waxay qaadanaysaa in dhammaan badeecooyinka ka yimaada Gacanka Faaris – oo shidaalku ka mid yahay – ee ka ka kala socda Afrika iyo meelo kale oo caalamka ahba ay maraan halkaas si ay u gaadhaan suuqyada Yurub iyo Ameerika.

Sababtaas awgeed, danta Washington ee Soomaaliya waxay ahayd mid taagan xataa xilli uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa. Ka dib dagaalkii sokeeye ee qarxay 1991-kii, Maraykanka, isagoo ka marag kacaya muhiimadda juquraafi ahaaneed ee Soomaaliya, wuxuu si weyn uga qayb qaatay hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee halkaas.

Cabdiraxmaan ayaa sheegaya in Maraykanku rabo in aan laga yeelan gacanta sare ee marinka muhiimka ah.

“Soomaaliya waxay ku taalla isgoys istiraatiiji ah oo isku xira Afrika, Bariga Dhexe ee India. In ka badan 80% shidaalka dunida wuxuu ka dusaa marinka Bab Al-Mandab ee kaabbiga ku haya Soomaaliya. Sidaas darteed, Mareykanku wuxuu hubiyaa inaan looga sayid-caleyn aaggan.” ayaa uu qabaa Caynte.

3- Aragtida guud Maraykanka

Maraykanku waxa uu u ololeeyaa dimuqraaddiyadda, waxaana uu horkacayaa dalalka dadkiisu is doortaan waxna doortaan. Soomaaliyana waxa ay ku jirtaa dalalka rejaynaya in ay waayahaas gaadhaan iyada oo xukuumadihii kala danbeeyey ee ka dhismay Soomaaliya ay dhammaantood u heellanayeen in dalku gaadho doorasho qof iyo cod ah.

Maraykanku waxa maalgelin badan ku bixiyey sidii Soomaaliya ay uga hanaqaadi lahayd dawlad ku timi doonista shacabka, taas oo ah aragtida guud ee dalkaasi badanaa u ololeeyo.

“Mareykanku wuxuu Soomaaliya u arkaa dal dimoqraadi ah oo leh dowlad jaal la ah Reer Galbeedka, sidaas darteed, wuxuu maskax, maal iyo muruq ku bixiyaa inuu xoojiyo saaxiibtinnimadaas, si aysan Soomaaliya ugu dhicin faraqa Shiinaha ama Ruushka, sida dhacday toddobaatameeyadii.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Caynte

Xidhiidhka ganacsi ee Mareekanku la leeyahay Soomaaliya ma badna waxaana uu u badan yahay maalgelin. Waxyaalaha uu Maraykanku u dhoofiyo Soomaaliya waxaa ka mid ah digirta, hadhuudhka, badeecooyinka la xidhiidha waxyaalaha la dubto, deeqaha, iyo mashiinada. Alaabada Mareykanka uu ka keensado Soomaaliya ayaa isugu jira dhagxaan qaali ah iyo shixnado qiimo jaban ugu yimaadda, sida uu sheegay Maraykanku.

Sida lagu baahiyey bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka waxa uu ku qeexay xidhiidhkiisa Soomaaliya mid ku aroora dawlad dhis iyo ilaalinta amniga guud ee dalka.

“Ujeedooyinka ugu waaweyn siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ah in la hormariyo xasiloonida siyaasadeed iyo mid dhaqaale ee dalka, lagana hortago in Soomaaliya loo isticmaalo gabbaad nabdoon oo ay yeeshaan argagixisada caalamiga ah, iyo in la yareeyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ay sababeen colaadaha, abaaraha, fatahaadaha iyo dowlad xumida. Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an in ay dowladda Soomaaliya ka caawiso xoojinta hay’adaha dimuqraadiga ah, horumarinta xasilloonida iyo amniga, iyo sidii loo gaadhsiin lahaa adeegyada ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.”

December 2, 2018, waa markii ugu horreysay tan iyo markii la xidhay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho 5-tii Janaayo 1991-kii, ee Maraykanku uu dib u soo celiyo joogitaankiisa diblomaasiyadeed oo joogto ah Soomaaliya.

Marka laga soo tago safaaradda Muqdisho, howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya waxa uu qeyb ahaan ka howlgalaa safaaradda uu dalkaas ku leeyahay magaalada Nairobi.

Isha: BBC Somali

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Arrin been ah oo ku jirtay khudbaddii FARMAAJO uu jeediyey oo soo shaac baxday

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo hadda hal sano oo aan sharciyad aheyn fadhiya Villa Somalia, inuu ku sheego khudbad isniintii uu jeediyey in xilligan ay Soomaaliya diyaar u tahay ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey waa olole doorasho, been, iyo ka bad-badin.

Inkasta oo dal weliba oo ka tirsan UN-ka sida dalkeenna uu xaq u leeyahay naadiga 15-ka ah ee golaha ammaanka, hadana safarka Soomaaliya ay qeyb uga noqon karto kooxdaas 15-ka ah ma aha mid fudud iyo sida uu u sahashanayo Farmaajo ama uu doonayo in kuwa isaga taageersan ay aaminaan.

Soomaaliya waxay ka mid ah tahay 3-da dal ee deymaha ugu badan ay ku leedahay Qaramada Midoobey, waxaa lagu leeyahay $1.4 million oo ah qaaraanka sanadlaha ahaa ee UN-ka, mana codeyn karto sida uu qabo qodobka 19-aad ee xeerka qaramada Midoobey, laakin isla qodobkaas ayaa marmarsiyo siinayo dalalka aan bixin karin dhaqaale darro awgeed sida Soomaaliya, inkasta oo laga yaabo in codeynta jimciyadda loo ogolaado hadana arrintan waxaa ay saameyn ku yeelaneysaa hamiga uu Farmaajo sheegayo ee ka mid noqoshada golaha ammaanka.

Soomaaliya si ay golaha ammaanka ee UN-ka xubinaheeda aan joogtada aheyn uga mid noqoto,  keliya ma aha iney lacagta iska bixiso, ee waa iney galaangal ku dhex yeelato dalalka gobolka, Afrika, Carabta, naadiga 5-ta joogtada ka ah golaha ammaanka iyo guud ahaan dunida inteeda kale, taasi oo hadda aaney waqti u aheyn, oo waxaa socota doorashada soo jiitameysay tan iyo July sanadkii hore.

Afrika oo hadda 3 kursi ku leh golaha ammaanka, bishan labo ka mid ah waa la buuxin,  oo Gabon iyo Ghana  ayaa  badalaya Tunisia iyo  Niger  halka Kenya oo sanadkii hore soo gashay ay banneyn doonto 2022-ka dhammaadkiisa. Soomaaliya waa iney qaaradda oo dhan ku qancisaa in kursigaas ay hesho.

Marka la fiiriyo caqabadaha aan sheegnay iyo sida ay u adagtahay xubinnimada Soomaaliya ee golaha ammaanka, lana barbardhigo khudbadda Farmaajo, waxaa soo baxaya iney ka aheyd olole doorasho, marin-habaabin rayul-caamka iyo been ka fog xaqiiqda jirta.

Farmaajo ayaa u muuqda inuu bilaabayo olole doorasho oo lagu kicinayo dareenka Shacabka Soomaaliyeed, taasi oo qeyb ah qorshahiisa uu ku doonayo inuu kusoo laabto 2022-ka.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Arrin caqabad ku aheyd Soomaalida ku nool dalka Suudaan oo xal loo helay

0

Khartoum (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo kaashanaysa hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ku bixisay ka jawaabidda iyo xal u helidda caqabad haysatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku guuleysatay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas laga dhaafo lacagta degenaanshaha, lacagta ganaaxa iyo lacagta kaararka shaqada.

Go’aankan oo dhaqan galay 10 casho ka hor, ayaa ku yimid iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kala dhexeeya Dowladda Suudaan, waxayna labada Dowladood isla garteen in muwaadiniintooda ku kala sugan Labada Dal ay ugu adeegaan si siman, iyada oo laga cafinayo dhammaan kharashaadkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka hadashay tallaabada ay Dowladda Suudaan garab istaaga ugu muujisay muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa uga mahadcelisay go’aankaan.

“ Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay uga mahadcelineysaa Dowladda Suudaan garab istaagga ay u muujiso dowladda Soomaaliya iyo fursaddan oo ay ka faa’iideysan doonaan ku dhowaad 7 kun oo arday ah iyo 300 oo qoys oo Soomaali ah oo ku dhaqan dalka Suudaan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Dalka Suudaan ayaa waxaa ku sugan muwaadiniin Soomaaliyeed oo aad u tiri badan kuwaas oo isugu jiro Ardayda, Ganacsato iyo kuwa kale oo dano kale dalkaas u joogo.

Qaar kamid ah ardayda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada oo ka hadlay tallaabada ay qaaday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa aad usoo dhaweeyey waxayna sheegeen inuu heshiiskaan ka fududeyn doono culeysyo badan oo heystay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Saciid Deni oo xilka ka qaaday gudoomiyihii gobolka Bari + Sababta

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa soo saaray dikreeto uu ku bedelay Guddoomiyihii gobolka Bari, isagoo magacaabay guddoomiye cusub.

Madaxweyne Deni ayaa dikreetadaan ku sheegay in go’aanka lagu bedelay guddoomiyaha ay soo jeedisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, waxuuna guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bari u magacaabay Cabdirisaaq Cali Siciid.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa 11-kii bishii Agoosto ee sanadkii tegay waxuu ku guuleystay inuu ka mid noqdo xubnaha dooran ee gobolka Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Magaacidda guddoomiyahaan cusub ee gobolka Bari waxay ku soo aadeysaa, xilli magaalada xarunta u ah gobolkaas ee Boosaaso ay marti gelineyso xiisad gaartay gacan ka hadal oo u dhaxeysa Madaxweyne Saciid Deni iyo hoggaamiyaha ciidanka PSF Jeneraal Maxamuud Diyaano.

Isimada dhaqanka Puntland ayaa habeeno ka hor soo saaray qoraal loo fasirtay inay Jeneraal Maxamuud Diyaano kula safteen, kaas oo madaxweyne Deni loogu soo jeediyey inuu hoggaanka hey’adaas u daayo Sarkaalkii uu horay uga bedelay ee Jeneraal Maxamuud Diyaano.

Hase yeeshee soo jeedintii Isimada waxaa xalay ka soo hor jeestay madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas, wallow Ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo qoraalkaas ku saxiixnaa uu dib ka soo saaray qoraal uu isaga beri yeelayo, taas oo xiisad hor leh ka dhex abuurtay masuuliyiintaas oo 15 cisho Boosaaso u joogay xal u raadinta khilaafkaas.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Khilaaf ka dhex-qarxay Faroole, Gaas iyo Cumar Cabdirashiid

0

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa banaanka u soo baxay khilaaf ka dhex qarxay madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo dhinac ah iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Masuuliyiintaan oo 15 cisho ku sugnaa magaalada Boosaaso, ayaa xalay soo saaray bayaan ay ku diideen qodobadii Isimada dhaqanka Puntland ay soo jeediyeen in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo sarkaalka hoggaamiya ciidanka PSF ee Maxamuud Diyaano.

Bayaanka oo xalay ay baahisay Caasimada Online waxaa ku wada saxiixnaa Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas, Cumar Cabdirashiid iyo guddoomiyaha barlamaanka Puntland, balse waxaa iska fogeeyey Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid ayaa qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yiri, “Bayaan loo qaybiyey war baahinta laguna sheegay inuu kasoo baxay wafdi aan ku jiray ayaan wax ka oran. Waxaan cadayn inaan la igalana tashan oo aanan qayb ka ahayn Bayaan kan soo baxay iyo hadalada uu xambaarsana. Boosaaso dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa dan u ah.”

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid ay dacwo ka yihiin, isagoo shaaciyey in bayaanka ay ka talo geliyeen inta aysan soo saarin, balse markii ay soo saareen uu ka hor yimid.

Faroole oo hadda ah Senator ka tirsan golaha dooran ee Aqalka Sare ee baraalamaanka federaalka ayaa yiri, “Cumar dacwo ayaan ka nahay ee ama dadka ku soo dara, ama siyaasad dambe yuusan ka hadlin oo isagoo Ra’iisul wasaare u sharaxan yaanaa arkin.”

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sidoo kale sheegay in Cumar Cabdirashiid ay shalay ku war-geliyeen in bayaankaas ay soo saari doonaan, balse ay aad u dhibsadeen markii uu ka daba hadlay oo bulshada uu u sheegay in laga been abuurtay oo bayaankaas uusan wax ka soo saarin.

“Cumar waa naga soo tegay oo Garowe ayuu soo aaday, anaga howshii xal-raadinta ayaan sii wadnay, shalay waxaan ku war-gelinay in qoraal aan soo saari rabno, waana naga aqbalay, balse saakay waxaan ku waabareysanay isagoo leh anigu kuma jiro, in Cumar naga daba hadlo fool-xumo ayey nala noqotay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Hoos ka daawo Faroole

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxay ka wadahadleen Farmaayo iyo hoggaamiyaha dalka Liibiya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Hoggaamiyaha Golaha Madaxtooyada ee dalka Liibiya Maxamed Yuunis Al-Manfi, waxuuna kala hadlay dhalinyaradii Soomaaliyeed ee shalay laga soo daayey xabsiyada Libiya iyo kuwa weli ku jira.

Farmaajo ayaa ugu horeyn hoggaamiyaha wadanka Libya uga mahad celiyey doorkii uu ka qaatay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa xabsiyada dalkaas.

Qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay xiriirkaas taleefoon ayaa lagu yiri, “Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada ammaanka, xasilloonida Mandiqadda iyo la dagaallanka argagixisada iyo Tahriibka.”

Hoggaamiyaha Libya Maxamed Al-Manfi ayaa dhankiisa sheegay in ixtiraam iyo qadarin badan ay shacabka Liibiya u hayaan walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo xoojiyey ballan-qaadkiisii ku aaddanaa soo deynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban gudaha dalkiisa.

Intii uu magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uu ka socday shirkii iskaashiga dalalka Afrika iyo Turkiga ayuu Madaxweyne Farmaajo kulan gaar ah la qaatay hoggaamiyaha Libya, xilligaas ayaa la sheegay inuu ka codsaday in xabsiyada Liibiya laga soo daayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibka ku gashay dalkaas.

97 qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa shalay laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay dowladda Liibiya dib ugu soo celisay xorriyadooda, iyadoo ka jawaabeysa codsi ay u gudbisay dowladda Soomaaliya.
Hadda waxaa la sheegay in weli xabsiyada Liibiya ay ku jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo u xiran kooxo Magefayaal ah oo u heysta madax-furasho, dhalinayadaas ayaa doonayey inay tahriib uga gudbaan dalkaas, waxaana xabsiyada lagu hayo dhalinyaradaas loogu geystaa ciqaab adag, si ehelladooda ay kharash badan u bixiyaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Cumar Filish “Waan ka guuleysanay kooxihii banaan-baxa abaabulayey” (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa ka hadlay abaabulkii banaan-baxa ee maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay ka guuleysteen kooxihii abaabulayey oo banaan-baxaas ay baajiyeen.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in midowga musharaxiinta ay shirkii golaha wadatashiga qaranka u gudbiyeen waxii tabasho ay qabeen, balse kooxo gaar ah ay bilaabeen banaan-baxyo uu sheegay in meesha ay ku dambeyn doonaan aan la garaneyn.

“Waxaa soo baxay kooxo leh waxaan qabaneynaa banaab-baxyo waxa ka dhalanaya aan la ogeyn oo aan qeexneyn, ka maamul ahaan waan is-warsanay, marxaladaan lagu jiro iyo in shirkii aysan qeylo ka yeerin markii aan fiirinay, waxaa noo soo baxday in xilligaan aan loo baahneyn banaanbaxyo ay rabshado ka dhashaan,” ayuu yiri Cumar Filish.

Odayaasha dhaqanka caasimadda ayuu Cumar Filish sheegay inay la fariisteen kooxihii abaabulkaas waday iyo maamulka gobolka, iyadoo ugu dambeyntii lagu guuleystay in la baajiyo banaanbaxaas, sida uu sheegay.

“Waxaan u mahad celinayaa odayaashii ka dhaadhiciyey in xiligaan aan loo baaheyn dadkii ku adkeysanaayey in banaan-baxyo ay ka dhigaan gobolka Banaadir,” ayuu yiri Cumar Filish.

Ugu dambeyntii Cumar Filish waxa uu u mahad celiyey dhalinyaradii abaabuleysay banaan-baxaas ee odayaashooda ka aqbalay codsigoodii ahaa inay joojiyaan abaabulkaas.

Hadalka guddoomiye Cumar Filish ayaa u muuqda mid uu ku faanayo in gabi ahaan-ba la joojiyey banaan-baxaas oo ay hor-istaageen, balse xaqiiqadu waxay tahay in waqtiga banaan-baxaas dib loo dhigay oo Axada soo socota la shaacin doono goorta uu dhacayo.

Kadib kulan ay shalay odayaasha dhaqanka Muqdisho la yeesheen guddigii u xil-saaraa abaabulka banaan-baxaas ayaa lagu go’aamiyey in dib loo dhigo banaan-baxa oo Axada soo socota la isugu yimaado shir kale, kaas oo lagu go’aami doono goorta uu dhacayo banaan-baxaas.

Hoos ka daawo Cumar Filish

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Halista ka dhalan karta haddii ay sii socoto carqaladeynta doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dalka u jiheystay doorasho, waxaa isa-soo tarayay caqabado dhowr ah oo horseeday jiitamka iyo dib u dhaca ku yimid doorashooyinka dalka, kuwaasi oo ugu dambeyntii heshiis looga gaaray shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran.

Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran ee la soo gaba-gabeeyay 9-kii bishaan, ayaa waxaa lagu go’aamiyay in doorashada xubnaha Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo muddo 40 cisho, laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Haddaba, Maxaa ka dhalan kara haddii ay markale sii socdaan carqaladeynta doorashada?

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay haddii ay sii socoto carqaladeynta doorashada ay dhaawac weyn u geysaneyso dowladnimadeeda, xilli ay digniino culus kasoo baxayaan dowladda Mareykanka.

“Waa in laga fogaado waxkasta oo sii kicin kara xiisada, haddii uu yimaado fal kale oo dhaawaca u weyn ayuu si guud u soo gaaray dalka, si gaar ahna madaxweynaha oo hadda han ka lahaa in markale lasoo doorto,” ayuu yiri.

Waxa uu soo jeediyay in si habsami leh loo dhameystiro doorashooyinka dalka, islamarkaana lagu soo dhameeyo jadwalka cusub ee uu soo saaray Golaha Wada-tashiga Qaranka.

“Jadwalka lagu heshiiyay haddii markale la xagal daaciyo waxaa u maleyna meesha ay maanta taagan tahay meel aad uga sii khatarsan ayaa la gaara. Markaa waa in heshiiska la hirgeliyo.”

Dowladda Mareykanka ayaa muddo 24 saac gudahood ah labo hanjabaad oo kulul u soo dirtay madaxda Soomaalida, ayada oo ka digtay in doorashooyinka Soomaaliya ay dhaafan 25-ka Febraayo.

Mareykanka ayaa ka digtay inay xayiraado la beegsan doonto siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaalida haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada Soomaaliya. Si kastaba, ilo-wareedyo diblomaasi ayaa Caasimada Online u sheegay inay markan ka go’an tahay inay tallaabo qaadaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wasiirada xukuumadda Rooble oo la dul dhigay amar xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble oo maanta guddoominayay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa markale faray in aysan sameyn karin xil ka qaadis iyo magacaabis.

Rooble ayaa sidoo kale waxa uu ka digay inay galaan Wasiirada xukuumadiisa inay galaan heshiisyo iyo in si qalad ah uga faa’iideystaan marxalada kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

“Waa qasab in mas’uuliyiinta ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala dambeynta, si loo dhowro habsami u socodka shaqo gudashada hay’addaha dowladaha. Majirto cid qaadi karta xil ka qaadis iyo magacaabis aan fasax looga haysan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, yaan lagu deg-degin xil ka qaadis iyo magacaabis,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in marnaba uusan aqbali doonin in aargoosi ama beegsi gaar ah loo isticmaalo awooda xukuumadda, ayna tahay haddii la sameynayo xil ka qaadis lagala tashto xafiiskiisa.

Sidoo kale waxa uu mamnuucay in hantida qaranka loo isticmaalo si qalad ah, ayada oo lagu xalaaleysanayo heshiisyo baal-marsan sharciga.

“Waa in aan iska jirnaa hantida qaranka, oo aad u taxadirnaa oo ka feejignaana. Mana aqbalayo ka ra’iisul wasaare ahaan in wax la is-daba-mariyo.”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu dagaal xoogan kala dhaxeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa dhowr jeer uga digay xukuumadiisa iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada inay qaadan tallaabooyin qaldan, islamarkaana uu asaga noqdo marjaca u dambeeya ee go’aamada ka gaaraya xukuumaddiisa, si toos ahna looga amar qaadanayo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii