25 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Wasiirada xukuumadda Rooble oo la dul dhigay amar xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble oo maanta guddoominayay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa markale faray in aysan sameyn karin xil ka qaadis iyo magacaabis.

Rooble ayaa sidoo kale waxa uu ka digay inay galaan Wasiirada xukuumadiisa inay galaan heshiisyo iyo in si qalad ah uga faa’iideystaan marxalada kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

“Waa qasab in mas’uuliyiinta ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala dambeynta, si loo dhowro habsami u socodka shaqo gudashada hay’addaha dowladaha. Majirto cid qaadi karta xil ka qaadis iyo magacaabis aan fasax looga haysan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, yaan lagu deg-degin xil ka qaadis iyo magacaabis,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in marnaba uusan aqbali doonin in aargoosi ama beegsi gaar ah loo isticmaalo awooda xukuumadda, ayna tahay haddii la sameynayo xil ka qaadis lagala tashto xafiiskiisa.

Sidoo kale waxa uu mamnuucay in hantida qaranka loo isticmaalo si qalad ah, ayada oo lagu xalaaleysanayo heshiisyo baal-marsan sharciga.

“Waa in aan iska jirnaa hantida qaranka, oo aad u taxadirnaa oo ka feejignaana. Mana aqbalayo ka ra’iisul wasaare ahaan in wax la is-daba-mariyo.”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu dagaal xoogan kala dhaxeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa dhowr jeer uga digay xukuumadiisa iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada inay qaadan tallaabooyin qaldan, islamarkaana uu asaga noqdo marjaca u dambeeya ee go’aamada ka gaaraya xukuumaddiisa, si toos ahna looga amar qaadanayo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Rooble oo golaha wasiirada la wadaagay go’aanka xiriirka dibadda ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxmed Xuseen Rooble oo maanta guddoominayay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa ka hor sheegay in marnaba aysan suurta-gal aheyn in Soomaaliya ay colaadiso dalal kala dhaxeeyan dano badan.

Waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, xilli uu dhawaan dib u soo celiyay xiriirka Soomaaliya ee dowladda Imaaraadka Carabta.

“Waxaa naga go’an in aan wanaajino xiriirka aan la leenahay caalamka, gaar ahaan dalalka aan la leenahay xiriirka ganacsi, waxbarasho iyo socdaal, anaga oo markasta tix-gelinayna halka ay ku jirto maslaxada umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

“Sida aad la socotan suurta-gal ma aha in aan si macno laheyn u colaadin dalal aan walaalo nahay oo ay sanad kasta na-dhex marto malaayiin dollar, sidoo kalena marin iyo deegaan u ah qeybta u weyn ee ganacsigeena dibedda.”

Sidoo kale waxa uu cadeeyay in xukuumadda ahaan aysan jirin dal ay gooni u beegsanayaan, islamarkaana ay xiriir wanaagsan la yeelanayaan cid kasta oo maslaxo ugu jirto umadda iyo dalka Soomaaliyeed.

Hadalka Rooble ayaa imanaya xilli uu dhawaan dowladda Imaaraadka ka raali-galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u ballan-qaaday dowladad Imaaraadka in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono waqtiga ugu dhaw, ayada oo uu si weyn uga horyimid madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xilliga ay dhaceyso doorashada shir-guddoonka guddiga doorashada heer federaal oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga loo doortay qaban-qaabada doorashada shir-guddoonka Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa maanta shaaciyay in maalinta Sabtida ee ku taariikheysan 15/01/2022 ay qabsoomi doonto doorashada shir-guddoonka guddiga.

Sidoo kale waxay soo saareen habraacyada ku saabsan doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka guddiga, waxaana waajib ah in uu yahay xubin kamid ah guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal.

Guddiga ayaa sheegay in musharaxa u tartamaya jagada guddoomiyaha looga baahan yahay in uu shubo 3-kun oo dollar, halka musharax u tartamaya ku-xigeenka uu shubayo 2-kun oo dollar.

“Haddii ay tartamaan saddex musharax iyo ka badan, waxaa wareega koowaad lagu kala guuleysanayaa 50+1 ee tirada guud ee guddiga oo ah 25 xubnood, waana nidaamka qorshe hawleedka guddiga doorashada ay ku hogaaminayaan doorashada golaha shacabka, tusaale musharaxa hela 13 cod iyo ka badan ayaa ku guuleysanaya tartanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Codbixinta lagu dooranayo shir-guddoonka guddiga waa qarsoodi oo waxaa lagu codeynayaa sanduuqa codbixinta, sida ku xusan habraaca uu soo saaray guddiga loo doortay qaban-qaabada doorasada shir-guddoonka.

“Waxaa doorashadan lagu casuumayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wsiirka arrimaha gudaha. shir-guddoonka guddiga xalinta khilaafaadka doorashada, shir guddoonka guddiyada SEIT-ka, UNSOM, UNDP Somalia, Safaaradaha beesha caalamka, goobjoogayaasha ururada bulshada rayidka, wakiilada wararka ee SONNA iyo bahda warbaahinta,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wasiirkii hore ee A/Dibedda oo shaaciyey arrin yaab leh oo ay ku kacday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arirmaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday in madaxda sare ee dowlada federaalka ay diideen mucaawino ay ku deeqday Jaamacada Carabta, si loo raali-geliyo dowladda Itoobiya.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in mucaawinada oo aheyd Daawo lagu soo daabuli rabay diyaarad milateri oo ay leedahay Masar, gebi ahaanba la diiday, maadama ay xiisad siyaasadeed xiligaas ka dhaxeysa dowladda Itoobiya, oo ay saaxiib dhow yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

“Qof Soomaali ah caqligiisa ma geli kartaa in la yiraahdo Masar la hadal oo diyaarada Cargo Milateriga ee C-130 ma rabno ee diyaarado kale hanagula soo daabulo mucaawinada daawada,” ayuu yiri.

“Maxaa keenay illaa heerkaas in la diido, marka su’aasha weydiiyay ayaa si hoose laygu sheegay Itoobiyaanka ma rabaan oo ayaga ayaa diiday. Daawo ay bixisay jaamacada Carabta oo Masar-na ay diyaarad soo saartay maxaa ka galay Itoobiya?.”

Waxa uu intaas kusii daray in la yaab ku noqotay in Itoobiya ay fara-galin intaas le’eg ku leedahay arrimaha Soomaaliya, ayna danaheeda siyaasadeed u adeegsato, maadama ay xiligaas Masar si weyn isku hayeen.

Wasiirkii hore ee arirmaha dibedda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowlada federaalka ay is hortaagtay in Masar ay ciidamo u tababarto dalkeena iyo inay door muhiim ah ka ciyaarto soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si dhow saaxiib ula ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, wuxuuna dhowr jeer isku dayay in uu cadowsado dalalka ay xiisada siyaasadeed kala dhaxeyso Abiy Ahmed, oo ay ugu horeyso dowladda Masar.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey safarka Muuse Biixi ee Mareykanka

0

Hargeysa  (Caasimada Online) – Dhawaan sida uu ka hor sheegay baarlamaanka Somaliland Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxaa la filayaa in uu safar ku tago dalka Maraykanka Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku tago dalka Maraykanka.

Muddooyinkii u danbeeyey waxaa laga arkayey warbaahinta iyo qaar ka mid ah maxdaxda falanqeeya siyaasadda Maraykanka, baaqyo isasoo tarayey uu ku aaddanaa samaynta xiriir cusub oo dhex mara Somaliland iyo Maraykanka.

Halkee se wax ka soo bilaabmeen?

Somaliland iyo Maraykanka ma aha markii u horreysay ee la isku xidhiidhiyo ama si uun uu usoo baxo warka sheegayaa in xidhiidh gaar ahi dhex marayo. Mana aha markii u horreysay ee ay kulmi doonaan madax ka kala socoto labada dhinac.

Horraantii sannadkii 2008 bishii Janurary, Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo uu weheliyo Wasiirkiisii Arrimaha Dibedda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo xubno badan oo ka tirsan golahiisa wasiirada, ayaa lagu martiqaaday Washington booqasho ay si rasmi ah u qiratay xilligaas Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku.

Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, Jendayi Frazer, ayaa xilligaas kulan la qaadatay Madaxweynaha Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, kulankaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, sida ay warbaahintu tebisay waagaas.Laba toddobaad uun ka dib, bishii February, waxa caasimadda Somaliland ee Hargeysa soo gaadhay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsanayd Afrika Jendayi Frazer, iyada iyo Ambassador John M. Yates oo ah dublamaasi ruug-caddaa ah oo fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ahaana ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya

Dr. Frazer, waxay waagaas sidaa ku noqotay sarkaalkii ugu darajada sarreeyay ee Maraykana ee yimaadda Somaliland tan iyo markii Hargeysi ay sheegtay in ay Muqdisho kala soo noqotay dawladnimadeedii ayna yihiin jamhuuriyad goonni isu taagtay. Xilligas waxaa wadahadallo rasmi ah ay la yeelatay madaxda ugu sarraysa xukuumadda, sidoo kale waxa ay si gaar ah ula kulantay wakiillo ka socday saddexdii xisbi siyaasadeed ee Somaliland ka diwaangashanaa xilligaas -Udub, Kulmiye iyo Ucid.

Maxaa imika soo cusboonaaday?

Marka laga tago Safarka Madaxweyne Biixi ee qorshaysan, dhanka kale waxaa dhawaan gaadhay magaalada Hargeysa shaqaale ka tirsan Koongareeska Maraykanka oo kulamo la qaatay madaxda Somaliland.

Dhammaadkii sannadkan waxa lagu baahiyey warbaahinta Newsweek qoraal la sheegay in uu qoray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana qoraalkaas uu ku dooday in Somaliland iyo Maraykanku ay xilligan isu baahan yihiin

“Mabda’a muhiimka ah ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweyne Joe Biden ee ah iskaashi lala yeesho asxaabta dimuqraadiga ah ee isku fikirka ah ee ay yoolalka wadaagaan Ma jirin baahi ka weyn oo maanta loo qabo istaraatiijiyadan cusub, maadaama khilaafyadu ku sii baahayaan adduunka oo dhan” ayuu qoraalku ku sheegay Muuse Biixi Cabdi.

Waxaana uu sii xoojiyey in xilligan uu Maraykanku geeska uga baahan yahay saaxiib la isku hallayn karo, isaga oo sheegay in Somaliland u qalanto maadaama ay ‘isku afkaar yihiin, hadday tahay dhinayada dimuqraaddiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha’ sida uu qabo Madaxweyne Muuse Biixi.

Si kastaba, Somaliland muddooyinkii u danbeeyey waxaa muuqatay in ay xidhiidho cusub la yeelanayso dalal badan iyada oo madaxdeeda wasaaraddda arrimaha dibaddu ay safarro kala duwan ku kala tageen, waddamo ka mid ah Afrika, Bariga dhexe, Yurub iyo Ameerikaba. Kuwaas oo isbeddel hor leh u ahaa qaabkii ay Somaliland u waajhi jirtey waayaheeda ‘ictiraaf raadinta.

BBC

Muxuu Cabdullaahi Goodax Barre ka yiri farriinta Mareykanka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka hore ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo farriimaha ka imaanaya dowladda Mareykanka.

Goodax Barre ayaa si weyn u dhaliilay qaabka ay haatan wax ku socdaan, gaar ahaan sida ay maamul goboleedyada u wajahayaan doorashada ee ah inay marba shaaciyaan kuraas cayiman oo ka mida xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Adduunka doorasho sideedaba waxaa loo yaqaanaa wixii waqti cayiman leh waxaan laba qof ayaa lasoo saaraa saddex qof ayaa lasoo saaraa intaa la waxeynaa waxaas doorasho lama yiraahdo waa wax kale ee magac kale haloo raadiyo,” ayuu yiri wasiir hore Goodax.

Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, isaga oo ku eedeeyey in aysan laheyn wadaniyad, kana fakireynin dalka.

“Dad wada qowleysato ah oo wadaniyad aan laheyn ayaa horta mustaqbalkeena gacanta u galay inaad saas u ogaataan waa lagama maarmaan,” ayuu markale yiri Goodax Barre.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday farriimaha hanjabaadda ah ee Mareykanka, isla-markaana la xiriira in la dadajiyo doorashada, si aysan markale dib ugu dhicin.

“Hadda niman Ameerikaan la yiraahdo ayaa isku xil-saaray in Ummadda Soomaaliyeed qolooyinkan laga bad-baadiyo iyagaa taba taagan oo danta Soomaaliyeed ilaalinaayo sida ay u  muuqata ka ilaalinaayo kuwa sheegtay in ay mas’uul yihiin,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu wasiirkii hore ee waxbarashada yiri “Warkaas aan sheegaayo inuu sax yahay iyo inuu khalad yahay waxaa lagu kala ogaan doonaa labada maalin ee soo socota inta ka horreysoi 15-ka la yiri doorashaaa bilaabaneyso wixi dhaca ayaa ku ogaaneysaan,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana lasoo gabagabeeyey shirkii Golaha Wadatashiga oo lagu go’aamiyey in doorashada lagu dhammeystiro muddo 40 cisho ah, taas oo ka bilaabaneyso 15-ka bishaan illaa iyo 25-ka Febraayo ee isla sanadkan 2022.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maamulkii ugu horreeyey oo bilaabay dhaqan-gelinta go’aanadii Golaha Wadatashiga

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyey ee bilaaba dhaqan-gelinta go’aanbadii kasoo baxay shirkii Muqdisho ee Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana ay ku dhowaaqday qabashada doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray liiska doorashada shan kursi oo ka mid ah xuldhibaanada xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca maamulkaasi, kuwaas oo la qabanayo doorashadooda.

Guddiga ayaa sheegay in isla maanta oo Khamiis ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta iyo shaacinta guddiga xulista ergada, kadibna lasii amba qaadi doono doorashada.

Kuraasta la shaaciyey ayaa kala ah HOP, 184, HOP, 85, HOP, 156, HOP 176 iyo HOP 45, waxaana doorashadooda la qabanayaa 18-ka bishan oo ku beegan Talaadada soo socota.

Sidoo kale kuraastan ayaa ka mid ah 11-kii kursi ee ay ku dhowaaqday Koonfur Galbeed inay qabaneyso doorashadooda 01.01.2022-ka, balse uu soo dhex-galay shirkii Muqdisho.

“Guddiga doorashooyinka ee heer dowlad goboleed SEIT Koonfur Galbeed waxay halkan ku soo bandhigayaan jadwalka qabashada doorashada 5 kursi oo ka mid ah 11-kii kursi oo la shaaciyey 01.01.2022-ka,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday guddiga.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyey in doorashada la dadajiyo, isla-markaana lagu soo gabagabeeyo muddo 40 cisho ah, si loo sii gudii galo mida madaxweynaha.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ee ka dhalatay doorashooyinka, kadib marki ay dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyey muddo hal sano ah, sababo la xiriira muranka doorashada ee u dhexeeyo dowlada federaalka, maamullada iyo mucaaradka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Somalia oo halis ugu jirto inay weyso codka ay ku leedahay QM + sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu soo bandhigay liiska wadamada aan weli bixin lacagaha qaaraanka ah ee miisaaniyadda golaha guud Qaramada Midoobay, waxaana qeyb ka ah dalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa muujineyso in Soomaaliya ay haatan halis ugu jirto inay weyso codka ay ku leedahay Qaramada Midoobay, maadaama aysan bixin lacagta deynta ah oo dhan 1.4 milyan, sida lagu soo bandhigay shaxda wadamada aan bixin oo ay Soomaaliya ku jirto.

Xeerka Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in dal kasta oo aan bixin lacagta uu weynayo xuquuqda codeynta ee golaha guud, haddii aysan jirin duruuf ka baxsan gacanta dalka.

‘Xubin ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu leeyahay dayn bixinta tabarucaadkeeda maaliyadeed ee Ururka wax cod ah kuma yeelan karo Golaha Guud haddii inta ay le’eg tahay ama ka badan tahay qaddarka qaaraanka ee ka soo baxay labada hore oo buuxa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale warbixinta ayaa intaasi kusii dareysa “Si kastaba ha ahaatee, wuxuu u ogolaan karaa xubintaasi inuu codeeyo haddii uu ku qanco in bixin la’aanta ay sabab u tahay shuruudo ka baxsan xakamaynta xubinta,”.

Soomaaliya oo ay muhiim u tahay kasii mid ahaanshaha QM, si ay uga soo muuqato fagaarayaasha caalamka ayaa waxa ay tahay inay iska bixiso lacagta lagu leeyahay, taas oo ay muddo iska bixin, balse saameyn ku yeelan karto codka ay ku leedahay golaha guud.

QM ayaa horey u go’aamisay in Soomaaliya, Comoros, Sao Tome & Principe loo ogolaado inay codkooda ka dhiibtaan Golaha illaa dhamamadka kalfadhiga lix iyo todobaatanaad.

Si kasabtaba, Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkii 2020-kii loo doortay inay ka mid noqoto 21-da Madaxweyne ku xigeen ee fadhigga 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambeysay sanadka marka uu ahaa 1979-kii.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray go’aankii lagu baajiyey banaan-baxa

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa ka jawaabay go’aankii dib loogu dhigay dibad-bax looga soo horjeeday isku daygii afgambi ee 27-ka December oo maanta ka dhici lahaa Muqdisho. 

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, oo ah Ugaaska beelaha Mudullood, ayaa shalay sheegay in la joojiyey banana-baxa kadib markii ay heshiis la gaareen Golaha Bulshada Banaadir oo qaban qaabinayey.

“Maanta waxaan u nimid wiilashii loo xil-saaray qaban qaabada banaan-baxa, waa la fariisanay waqti badan ayaan qaadanay, waxaan ku faaneynaa in soo jeedinteenii ay nala qaateen, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka reer koofurta, dhaqankooda ma maqlaan ayaa la dhihi jiray, laakiin maanta marqaati waxaan ka nahay in wiilasheena ay aad noo aqbaleen,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa qoraal ay soo saareen uga mahadceliyey Golaha Bulshada Banaadir (GBB) aqbalka codsigii kaga yimid Odayaasha Dhaqanka Muqdisho iyo Midowga Murashaxiinta ee ahaa in dib loo dhigo mudaaharaadkii uu Golaha Bulshada Banaadir qaban lahaa maanta oo ah Khamiis 13/01/22. 

“Goluhu wuxuu cambaaraynaa hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee fal danbiyeed ku tilmaamay mudaaharaadka, oo ah xaq dastuuri ah, sida uu dhigayo qodobka 20-aad ee dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Goluhu wuxuu adkeynayaa in mudaaharaadku yahay xaq dastuuri ah, shacabka Gobolka Banaadirna ay xilli kasta mudaaharaadi karaan.”

Dhinaca kale, Golaha ayaa uga mahadceliyey Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble in ay gudatay waajibkii kaga aaddanaa muddaaharaadka.

“Goluhu wuxuu mar kale ku adkaynayaa Xukuumadda in ay ilaaliso xuquuqda muwaadinka, xilna iska saarto furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda mudaaharaadka, kulammada, ololaha, safarka iyo in warbaahinta qaranka oo loo oggolaado Musharrixiinta.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Mareykanka oo soo saaray hanjabaad kale oo ku socota qaswadayaasha Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa hanjabaaddii labaad muddo 24 saac gudahood ah usoo dirtay madaxda Soomaalida, ayada oo ka digtay in doorashooyinka Soomaaliya ay dhaafaan 25-ka Febraayo.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho kusoo dhammaaday 9-kii Janaayo ayaa lagu go’aamiyey in doorashada Golaha Shacabka lagu soo afjaro 45 maalmood gudahood, oo ka billaabata 15-ka Janaayo kuna eg 25-ka Febraayo.

“Doorashooyinka Soomaaliya sanad ayey ka dib dhaceen jadwalkooda. Mareykanka waxa uu diyaar u yahay inuu tallaabooyin ka qaado qas-wadayaasha, haddii aan jadwalka Golaha Wadatashiga Qaran aan laga dhabeyn,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Maalin kahor ayey aheyd markii sidan oo kale uu hanjabaad noocan ah u bixiyey afhayeenka Wasaraadda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowlad goboleedyada inay u hoggaansamaan jadwalka cusub ee la isku raacay, islamarkaana ay saxaan khaladaadka illaa hadda hareeyey hanaanka doorashada,” ayuu yiri Ned Price.

“Doorashooyinka Soomaaliya waxay jadwalkooda ka dib dhaceen hal sano. 8-da Febraayo waxay noqon doontaa sanad-guurada koowaad ee markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweynaha. Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay adeegsato aaladaha ay heli karto, oo ay ku jirto xayiraado Visa, si looga jawaabo dib u dhacyo kale, ama ficillo kale oo wax u dhimaya sharafta hanaanka.”

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay in digniinta Mareykanka ee xayiraadaha ay si toos ah u saameyn doonoto madaxda ku shaqada leh doorashada iyo kuwa sababay dib u dhacyada is biirsada, oo sida la fahamsan yahay uu kow ka yahay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Sida uu Mareykanka warkiisa uu ku sheegay waxay si toos ah u beegsan doonaan dadka leh go’aanka doorashada ama dib u dhaceeda sababi kara, waan ognahay dib u dhaca hadda gaaray sanadka waxa uu ku yimid go’aano la qaatay oo dib u dhac uu yimaado, mararka qaarna lagu sigtay in xaalada faraha ka baxdo,” ayuu yiri.

“Mareykanka marka uu sameeyo hanjabaado xayiraad ah waxa uu haysta xulashooyin badan oo iskugu jira cunaqabteyn dhaqaale uu saaro dal ama shaqsiyaas, qaarkood uu ka xanibo fiisooyinka, waxayna ku xiran tahay marwalba danta ay siyaasada arrimaha dibedda ee Mareykanka ka leedahay dalka la beegsanayo.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Hantidhowrka DF oo qaaday tallaabo ka dhan ah hanti lunsasho ka dhex socota DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa warqad uu soo saaray waxuu ku hakiyey bixinta ruqsadaha kallumeysi ee maraakiibta shisheeye iyo qandaraaska hubinta tayada badeecadaha oo aan ‘loo marin hannaan sharci ah.’

Sidoo kale Hantidhorka ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda qoraalkaan uga dalbaday inay ka waabtaan falalka lagu baalmarayo shuruucda dalka, isagoo ugu goodiyey ciddii ku sifoowda in sharciga lala tiigsa doono.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, waxuu maalmihii lasoo dhaafay ku guda jiray hubin iyo dabagal ku aaddan arrimo la xiriiray hey’adaha qaar ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xilligan kala guurka ah ku howilan tallaabooyin aan waafaqsanayn hannaanka sharciga iyo dowlad wanaagga, kuwaas oo saamayn dhaqaale iyo mid horumarineedba ku leh dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafeed ka soo baxay xafiiska Hantidhowrka guud ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Soomaaliya ay maalmihii u dambeeyey wadeen tallaabbooyin aan waafaqsaneyn sharciga.

“Arrimaha uu xafiisku dabagalka ku hayay ayaa waxay la xiriireen hay’ado ay ka mid Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda, Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha, Wasaaradda Awqaafia & Arrimaha Diinta, iyo Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay Hantidowrka dalka.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in xafiiska Hantidhowrku uu jawaabta ku haboon ka bixiyay sidoo kalena ku wargeliyay hay’adaha , ay khuseyso in la hakiyo bixinta ruqsadaha kalluumaysi ee maraakiibta shisheeye iyo qandaraaska hubinta tay-ada badeecadaha oo aan “loo maareyn hannaan sharciga waafaqsan.”

Xafiislca Hantidhawrka Guud ee Qaranka waxaa uu u taagan yahay illaalinta hantida ummadda Soomaaliyeed iyo ka hortagga kuxadgudubka, kutagrifalka awoodaha iyo maamul xumada ku aaddan hantida.

Hoos ka akhriso warqadda

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Gaas, Faroole iyo Cumar Cabdirashiid oo caddeeyey mowqifkooda go’aanki Isimada

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa si wadajir ah bayaan uga soo saaray xiisada ka loosan magaalada Boosaaso.

Masuuliyiintaan ayaa bayaankooda uga soo hor-jeestay qodobadii ay Isimada Puntland ku shaaciyeen sida ay doonayaan in lagu xaliyo xiisada Boosaaso ee u dhaxeysa Madaxweyne Deni iyo Agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Diyaano.

“Waxaan cadeyneynaa in qoraalka Isimada 5-ta ah ay soo saareen uusan quseyn ergadayada, talo kuma lihin, waliba sidii aan kula balanay nalama aysan wadaagin, balse waxaan qoraalkooda ka aragnay baraha bulshada, qoraalka Isimada maaha mid wax u taraya xasiloonida iyo wadajirka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalkan caawa ka soo baxay siyaasiyiintaan reer Puntland.

Siyaasiyiintaan ayaa sheegay inay Boosaaso iyo Garowe kulamo kala duwan ay kula yeesheen madaxda xukuumadda Puntland, ciidamada ammaanka, bulshada qeybaheeda kala duwan iyo ganacsatada, sidoo kale waxay sheegeen in Boosaaso ay ka jirto xasilooni amni oo dadaal-badan ay ku bixiyeen.

“Waxaan ugu baaqeynaa inta ay khuseyso oo dhan in la ilaalsho nabada iyo xasiloonida Boosaaso, inta mar kale la isaga imaanayo, iyadoo maanka lagu heynayo in nabad geliyada Boosaaso iyo Puntland oo dhan aysan marna gor-gortan geli karin,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey bayaankaan ay soo wada saareen Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Hoos ka akhriso bayaanka

Soomaali laga soo daynayo xabsiga Guantánamo Bay

0

Guantanamo Bay (Caasimada Online) – Guuled Xasan Duraan oo ah muwaadin Soomaali ah kuna xiran xabsiga Guantanamo Bay ayaa la sheegay in laga sii daynayo xabsiga.

Guuleed Xasan Duraan, oo 47 jir ah, ayaa go’aan lagu gaaray in la siiyo daayo subaxnimadii Isniinta oo ku beegneyd sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xabsiga lagu hayo ee saldhigga ciidammada badda Mareykanka ee Cuba.

Duraan ahaa maxbuuskii ugu horreeyay ee laga keeno xabsiyada qarsoodiga ah ee CIA ayaan weligiis lagu soo oogin wax dacwad ah, waxaana laga qabtay dalka Jabuuti sanadkii 2004-tii, wuxuuna ku sugnaa ilaa 900 oo maalmood xabsiyo aan la ogeyn ka hor inta aan loosoo wareejin xabsiga qarsoon ee CIA oo ku yaala Guantanamo Bay.

Waxa uu noqonayaa maxbuuskii 16-aad ee 39-ka maxbuus ee weli ku jira Guantanamo oo loo ogolaaday in la sii daayo, hadii uu helo dal qaabilaya oo damaanad qaadaya amnigiisa isla markaasna uu ku qanci karo xoghayaha difaaca, Lloyd J. Austin III.

Kuma laaban karo dalkiisa sida uu dhigayo sharciga congress-ka ee diiday wareejinta maxaabiista Guantanamo ee Soomaaliya, Libya, Syria iyo Yemen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Qaraxii Muqdisho ma mid siyaasadeed ayuu ahaa? – Arrin shaki weyn abuurtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo kordhaya shakiga ku saabsan in qaraxii maanta Muqdisho ka dhacay uu ahaa mid siyaasadeed, kadib markii hadallo kasoo yeeray mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ay dhaliyeen su’aalo badan.

Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmudug, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay qaraxa ayaa dalbaday baaritaan kadib markii uu si yaab leh u fasiray Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir.

Fiqi ayaa sheegya in qaraxa dhacay ciddii lagu beegsaday ay caddahay, ayna la yaab tahay in uu magac iyo eedeyn ka raadiyo guddoomiye Cali Yare, oo isagu dhawaan si adag uga horyimid banaanbax la qorsheynayo in maalinta berri ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

“Waxaa soo baxdey oo lala yaaban yahay nin raba inuu magac ka raadiyo qaraxa meeshii la rabay ka hortaggiisa inuu ka shaqeeyo. Waxaa ku xigta inuu yiraahdo mucaaradka ayaa i soo weeraray oo uu halkaas naf ka raadiyo, ciddii ka shakisanayd waxa ay ka shaqeynayaan nimankaas halkaas haka dheehdaan!,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu dalbaday in baaritaan sax ah lagu sameeyo qaraxa dhacay iyo waqtiga lagu soo aadiyey intaba, maadama uu sheegay in uu yahay wax shaki weyn keeni kara.

“Shabaab iyo argagixisadu in ay cabiraan aragtidooda qaraxyada ah gobolka Banaadir maamulkiisa iyo hey’adihiisu amnigu waxba kama qaban karaan sida muuqata, balse waxay ku mashquulsan yihiin ka hortagga banaanbaxa. Wa ayaandarro weyn.”

“Laba Shabaab in ay wada shaqeeyaanna marqaatigeedii waa kaas.! Allaha u naxariisto dadkii ku shahiiiday falkaas argagixiso iyo caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay.”

Ugu dadmbeyntiina waxa uu maamulka amniga gobolka Banaadir ku eedeyay inay hayaan howl aan aheyn midda loo igmaday, islamarkaana ay ku fashilmeen amniga caasimada dalka ee Muqdisho.

Hadalka Fiqi ayaa imanaya kadib markii Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare uu qaraxii maanta u adeegsaday dano siyaasadeed.

Cali Yare ayaa qiil uga dhigtay qaraxa maanta sababaha ay ku diidan yihiin banaanbaxa mucaaradka, ee markii dambe la baajiyey, isaga oo sheegay in cadowga uu maalmaha soo socda uu la damacsan yahay caasimada qaraxyo noocaan ah.

“Waxyaabaha aan ka digeynay waa waxyaabahan, oo aan dhaheyna amniga waxyaabaha laga ganacsan karo maaha, dadka waa inay taxadaraan oo guryahooda joogaan. Cadowga waxa uu isku dayaya maalmaha soo socda inay xoojiyaan in dadka Soomaaliyeed ay dhibaateeyen. Inta ay wax isbadalayaan waxyaabaha hadda la wado yaan dhiigina looga faa’iideysan,” ayuu yiri.

Hadalka Cali Yare ayaa dad badan la yaab ku noqdey, ayada oo uu sare u qaaday shakiga Fiqi uu muujiyey, ee la xiriira in qaraxan saaka uu lahaa ujeeddo ka gedisan midka ay argagixisada sheegatay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Ugaaska Mudullood oo ku dhawaaqay in la baajiyey banaan-bixii berri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ah Ugaaska beelaha Mudullood ayaa ku dhawaaqay in la joojiyey banaan-bixii loo balan sanaa inuu Muqdisho ka dhaco Khamiista berri ee 13-ka Janaayo.

Ugaaska ayaa sheegay in guddigii u xil-saaraa qaban qaabada banaan-baxaas ay maanta kulan gaar ah la qaateen, kadib markii ay is tuseen in banaan-baxaas uu ku gedaaman yahay walaac amni.

Sidoo kale Ugaaska ayaa guul ku tilmaamay in hadda laga aqbalay in dib loo dhigo banaan-bixii la qorsheeyey inuu berri dhaco, isla markaana Axada soo socota la go’aami doono waqtiga uu dhacayo.

“Maanta waxaan u nimid wiilashii loo xil-saaray qaban qaabada banaan-baxa, waa la fariisanay waqti badan ayaan qaadanay, waxaan ku faaneynaa in soo jeedinteenii ay nala qaateen, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka reer koofurta, dhaqankooda ma maqlaan ayaa la dhihi jiray, laakiin maanta marqaati waxaan ka nahay in wiilasheena ay aad noo aqbaleen,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay la wareegeen isku duba ridka iyo iclaaminta goorta uu dhacayo banaan-baxaas.

“Maalinta Axada ah, waxaad naga sugi doontaan go’aan kama dambeys ah, odayaasha ayaa dhigi doona gogosha lagu iclaaminaayo waqtiga banaan-baxaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ugaas Maxamuud.

Ugu dambeyntii Ugaaska beelaha Mudulood ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in nabad ay ku sii noolaadaan, “Dadkiina iyagoo mid ah ayey wixii ay siku raacaan ku dhaqaaqi doonaan, cabsida iska daaya waan ognahay in laga welwelay mudaharaadka,” ayuu yiri.

Wasaaradda amniga XFS ayaa maanta soo saartay bayaan ay ku fasaxday banaan-baxaas, hase yeeshee waxaa si aan leex-leexad laheyn uga hor yimid oo banaan-baxaas diiday maamulka gobolka Banaadir, waxaana aad looga cabsi qaban in isku dhacyo hubeysan ay berri Muqdisho ka dhacaan.

Hoos ka daawo Ugaaska

Xog: Rooble oo u hanjabay guddiga doorashada heer federaal iyo khilaaf cusub oo laga cabsi qabo inuu qarxo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, waxayna xog aan helenay ay sheegeysaa inuu kulankaas kusoo dhammaaday is-fahan la’aan.

Xubno kamid guddiga doorashada heer Federaal oo ka qeybgalay kulankii ay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Caasimada Online u sheegay in Rooble kala kulmeen handaad iyo caga jugleyn.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Rooble uu doonayo inuu guddiga dhex marsado danihiisa gaarka ah isla markaasna uu isaga doonayo inuu maamulo qandaraasyada uu bixinayo guddiga oo ay ugu horreeyaan gaadiidka iyo hotellada la dagaayo.

“Dalal uu kamid yahay Mareykanka ayaan saaka la hadlay, waxayna iga codsadeen inaan u gudbiyo ciddii awaamiirta aan fareyno qaadan wayso, xitaa kuwa ay soo magacaabeen Dowlad Goboleedyada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey xubno guddiga, wuxuuna kulanka ka dhex sheegay magacyada xubno fadhiyay shirka oo ka biya diiday inay fuliyaan dalabyadiisa..

War-murtiyeedkii kasoo baxay madasha ayaa lagu caddeeyay in guddiyada ay si madax bannaan u gutaan waajibaadkooda shaqo, balse tallaabada uu qaaday Ra’iisulwasaaraha ayaa muujinaysa inuu doonaayo inuu saameyn shakhsi ah ku yeesho go’aamadooda.

Sidoo kale, waxaa fashilmay isku day lagu ridaayay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Galmudug Mudane Maxamed Daahir Guuleed kaasoo markii dambe lagu beeniyay bogga Guddiga ee Facebook kaddib markii uu soo farageliyay Madaxweynaha Galmuudg Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ay isku hayb yihiin ninka la sheegay in la doortay.

Tallaabooyinkan lagu wiiqayo madaxbannaanida guddiyada ayaa ka dhigan in Xafiiska Rooble uusan rabin inay doorashada kusoo dhammaato waqtiga loo qabtay, waxayna tallaabadaan keeni karto inuu mar kale soo cusboonaado  dagaalkii ka bilowday faragelinta guddiyada dabayaaqadi bishii hore.

Yey saameyneysaa xayiraada uu ku hanjabay Mareykanka ee madaxda Soomaalida?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa ka hadlay digniinta uu saaray Mareykanka ee la xiriirta dib u dhac kale ee ku yimaada doorashada, taasi oo qorshuhu yahay in la soo gaba-gabeeyo 25-ka Febraayo.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay in digniinta Mareykanka ee xayiraadaha ay si toos ah u saameyn doonoto madaxda ku shaqada leh doorashada iyo kuwa sababay dib u dhacyada is biirsada, oo sida la fahamsan yahay uu kow ka yahay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Sida uu Mareykanka warkiisa uu ku sheegay waxay si toos ah u beegsan doonaan dadka leh go’aanka doorashada ama dib u dhaceeda sababi kara, waan ognahay dib u dhaca hadda gaaray sanadka waxa uu ku yimid go’aano la qaatay oo dib u dhac uu yimaado, mararka qaarna lagu sigtay in xaalada faraha ka baxdo,” ayuu yiri.

“Mareykanka marka uu sameeyo hanjabaado xayiraad ah waxa uu haysta xulashooyin badan oo iskugu jira cunaqabteyn dhaqaale uu saaro dal ama shaqsiyaas, qaarkood uu ka xanibo fiisooyinka, waxayna ku xiran tahay marwalba danta ay siyaasada arrimaha dibedda ee Mareykanka ka leedahay dalka la beegsanayo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xanibaada Visaha ay ceebeyn weyn ku tahay madaxda lala beegsanayo ee Soomaaliyeed, marka loo eego madaxda dunida kale, maadama ay madaxdeena ay inta badan tagin Mareykanka.

“Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inta badan iskuma mashquuliyaan inay tagaan Mareykan, laakiin waa ceebeyn aduunka hortiisa iyo shacabkooda lagu dhar dhigayo mooye. Waxaana laga yaaba in dalalka kale ee reer galbeedka ay qaadan tallaabooyin lamid ah.”

Waxa uu intaas kusii daray in hanjabaada ugu culus ee Mareykanka ay xilligan tahay midda dhaqaale, maadama uu sheegay in Mareykanka uu yahay dalka ugu weyn ee taageera dowladda Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay inay xayiraado la beegsan doonto siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaalida haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada Soomaaliya, oo aan lasoo gaba-gebeyn kahor 25-ka Febraayo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu horeyn soo dhoweeyey go’aanka ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen in doorashada Soomaaliya lasoo geba-gebeeyo kahor 25-ka Febraayo.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowlad goboleedyada inay u hoggaansamaan jadwalka cusub ee la isku raacay, islamarkaana ay saxaan khaladaadka illaa hadda hareeyey hanaanka doorashada,” ayuu yiri Ned Price.

“Doorashooyinka Soomaaliya waxay jadwalkooda ka dib dhaceen hal sano. 8-da Febraayo waxay noqon doontaa sanad-guurada koowaad ee markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweynaha. Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay adeegsato aaladaha ay heli karto, oo ay ku jirto xayiraado Visa, si looga jawaabo dib u dhacyo kale, ama ficillo kale oo wax u dhimaya sharafta hanaanka.”

Mareykanka ayaa horey dhowr jeer ugu hanjabay inuu beegsan doono qas wadayaasha Soomaaliya, hase yeeshee weli ficil ma qaadin. Si kastaba, ilo-wareedyo diblomaasi ayaa Caasimada Online u sheegay inay markan ka go’an tahay inay tallaabo qaadaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddiga doorashada federal-ka oo kasoo horjeestay xil ka-qaadistii Maxamed Daahir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka soo hor jeestay xil ka qaadistii maanta la sheegay in lagu sameeyey guddoomiyaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug Maxamed Daahir Guuleed.

Afhayeenka guddiga doorashada heer federaal Axmed Safiino oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warqadii maanta lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada Galmudug aysan sax aheyn.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in xubinhii soo saaray warqadaas ee ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda uu guddiga heer federaal anshax marin ku sameyn doono.

“Guddiga doorashada Galmudug wax shir ah oo ay guddoomiyahoodii ku rideen ama mid kale ku doorteen ma uusan yeelan, sidaas dartee cidii been abuurka sameysay tallaabo ayaan ka qaadi doonaa,” ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada heer federaal Axmed Safiina.

Xubnaha guddiga doorashooyinka Galmudug ee maanta sheegay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda Maxamed Daahir Guuleed ayaa warqadooda ku shaaciyey inay guddoomiye cusub u doorteen Maxamed Qaasim Maxamuud oo horay u ahaa xogyaha guddiga.

Hoos ka daawo afhayeenka

https://youtu.be/TNc-CxTBcqE?t=16

Guddoomiyihii GUDDIGA doorashada GALMUDUG oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la doortay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –  Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug oo maanta yeeshay kulan aan horey loo sii shaacin ayaa ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii guddigaas Maxamed Daahir Guuleed.

Guddiga ayaa sheegay in dood dheer iyo falanqeyn kadib ay u codeeyeen in xilka laga qaado guddoomiyihii guddiyada doorashada Galmudug Maxamed Daahir Guuleed.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inay guddoomiye cusub u doorteen Maxamed Qaasim Maxamuud. Guddoomiyaha cusub ee la doortay ayaa horey u ahaa xoghayaha guddigaas.

Guddiga ma uusan sheegin sababihii keenay inay xilka ka qaadaan guddoomiyihii guddiga doorashada ee Galmudug.

Dhinaca kale, Maxamed Dahir Guuleed ayaa sheegay inaysan jirin xil ka-qaadis lagu sameeyey, wuxuuna beeniyay Warqadda Guddiga, isaga oo intaas ku daray in aanay jirin shir guddiga doorashada Galmudug oo dhacay.

Tallaabada uu qaaday guddiga doorashada Galmudug ayaa kusoo aadeysa xilli ay madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’isul Wasaare Rooble ku heshiiyeen in 15 January dib loo bilaabo doorashada xubnaha Golaha Shacabka.

Tallaabadan ayaa horseedi karta caqabad iyo loolan cusub oo dib u dhigi kara in doorashada dalka lagu soo dhammeeyo waqtigii loo qabtay. Galmudug ayaa ah maamulka uu hareeyey musuq-maasuqa ugu badan ee lagu sameeyey doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay guddiga 

Al-Shabaab oo shaacisay cidda ay la beegsatay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii xooganaa ee maanta barqanimadii ka dhacay wadada 21-ka October, kaasi oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedka qaraxaas uu ahaa Saraakiil cadaan ah oo la socotay kolonyo marayay wadada uu qaraxu ka dhacay, kuwaasi oo ka tirsan howl-wadeenada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ku burburay mid kamid ah gaadiidkii ay cadaanku la socdeen, halka kuwa kalena ay ku waxyeeloobeen, sida lagu sheegtay qoraal kasoo baxay kooxda Al-Shabaab.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo ay baahisay warbaahintooda.

Si kastaba, QM ayaa beenisay in shaqaalahooda ama qandaraasleyaashooda la beegsaday.

War kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu yiri “Si ka duwan warbixinada horudhaca ah qaarkood, ma jirin shaqaale ama qandaraasleyaal QM ah oo la socday kolonyadii lagu beegsaday qaraxii is-miidaaminta ee horaantii maanta ka dhacay Muqdisho.”

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya baaxadda saameynta uu lahaa qaraxa, waxaana ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray gawaari u badan nooca raaxada iyo sidoo kale waxyeelo gaartay dhismayaasha ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale warar hordhac ah oo laga helayo qaraxaan ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 qof oo isugu jiro askar iyo sidoo kale dad shacab ah, inkasta oo illa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha qaraxa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana weli goobta ku sugan ciidanka dowladda.

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay khilaafka u dhexeeyo madaxweynihii hore yo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ,taas oo saameyn ku yeelatay ciidanka iyo saraakiishooda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii