25 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Al-Shabaab oo shaacisay cidda ay la beegsatay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii xooganaa ee maanta barqanimadii ka dhacay wadada 21-ka October, kaasi oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedka qaraxaas uu ahaa Saraakiil cadaan ah oo la socotay kolonyo marayay wadada uu qaraxu ka dhacay, kuwaasi oo ka tirsan howl-wadeenada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ku burburay mid kamid ah gaadiidkii ay cadaanku la socdeen, halka kuwa kalena ay ku waxyeeloobeen, sida lagu sheegtay qoraal kasoo baxay kooxda Al-Shabaab.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo ay baahisay warbaahintooda.

Si kastaba, QM ayaa beenisay in shaqaalahooda ama qandaraasleyaashooda la beegsaday.

War kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu yiri “Si ka duwan warbixinada horudhaca ah qaarkood, ma jirin shaqaale ama qandaraasleyaal QM ah oo la socday kolonyadii lagu beegsaday qaraxii is-miidaaminta ee horaantii maanta ka dhacay Muqdisho.”

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya baaxadda saameynta uu lahaa qaraxa, waxaana ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray gawaari u badan nooca raaxada iyo sidoo kale waxyeelo gaartay dhismayaasha ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale warar hordhac ah oo laga helayo qaraxaan ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 qof oo isugu jiro askar iyo sidoo kale dad shacab ah, inkasta oo illa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha qaraxa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana weli goobta ku sugan ciidanka dowladda.

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay khilaafka u dhexeeyo madaxweynihii hore yo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ,taas oo saameyn ku yeelatay ciidanka iyo saraakiishooda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogleh oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddada 21-ka October oo ku taalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Qaraxaa oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa lala beegsaday kolonyo ay wateen howl-wadeeno ka tirsan Qaramada Midoobay oo xilligaas marayey wadada.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya baaxadda saameynta uu lahaa qaraxa, waxaana ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray gawaari u badan nooca raaxada iyo sidoo kale waxyeelo gaartay dhismayaasha ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale warar hordhac ah oo laga helay qaraxan ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 qof oo isugu jiro askar iyo sidoo kale dad shacab ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana weli goobta ku sugan ciidanka dowladda.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay weerarkan la beegsatay saraakiil Cadaan ah, isla-markaana ay khasaare xoogleh ku gaarsiisay, sida ay kooxdu ku sheegtay qoraal ay goordhoweyd sii baahisay

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay khilaafka u dhexeeyo madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ,taas oo saameyn ku yeelatay ciidanka & saraakiishooda.

Wasaaradda Amniga oo fasaxday dibad-baxa berri, fariina u dirtay taliyeyaasha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya oo uu haatan wasiirka ka yahay Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal rasmi ah kasoo saartay dibad-baxa haatan laga abaabulayo Muqdisho ee lagu wado inuu beri ka dhaco caasimada.

Wasaaradda ayaa shaacisay inay fasaxday qabsoomida dibad-baxaas oo ah mid nabadeed, isla-markaana looga soo horjeedo tallaabadii uu qaaday Farmaajo, 27-kii December.

Warqadda kasoo baxay wasaaradda amniga xukuumadda federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale lagu amray taliyeyaasha ciidamada, gaar ahaan taliyaha guud ee Booliska, kan qaybta gobolka Banaadir inay sugaan amniga shacabka dibad-baxaya.

” lyada oo la tixgelinayo xuquuqda Dastuuriga ah ee bulshada u leedahay in ay qabsadaan isu soo bax nabadeed sida ku cad qodobka 20-aad ee Dastuurka kumeel gaarka ah waxaa la farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir in ay sugaan amniga dibad-baxayaasha muddada ay samaynayaan dibad baxa nabadecd,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale wasaaradda amniga ayaa fartay guddiga qaban-qaabinaya dibad-baxa in ka fogaadaan wax kasta oo keeni karo rabashado & in lagu xadgudbo hantida dadweynaha.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay Duqa Muqdisho uu shaaca ka qaaday in gobolka Banaadir aan lagu qaban karin dibad-bax uusan ogeyn maamulka, wuxuuna Cumar Filish si cad u sheegay in xilligan caasimada aysan xamili karin dibad-bax iyo rabashado.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, laakin tallaabada la doonayo in lagu baajiyo banaan-baxa ayaa waxaa gadaal ka riixeysa Villa Soomaaliya, maadaama looga soo hojeedo Farmaajo, sidoo kalena lagu taageerayo dadaallada doorashooyinka ee Rooble.

Xaaladda Muqdisho ayaa  haatan ah mid cakiran, waxaana saameyn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo madaxweynaha iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Mareykanka oo madaxda DF u qabtay 45 cisho kadibna qaadaya tallaabo xasaasi ah

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay inay xayiraado la beegsan doonto siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaalida haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada Soomaaliya, oo aan lasoo gaba-gebeyn kahor 25-ka Febraayo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu horeyn soo dhoweeyey go’aanka ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen in doorashada Soomaaliya lasoo geba-gebeeyo kahor 25-ka Febraayo.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowlad goboleedyada inay u hoggaansamaan jadwalka cusub ee la isku raacay, islamarkaana ay saxaan khaladaadka illaa hadda hareeyey hanaanka doorashada,” ayuu yiri Ned Price. 

“Doorashooyinka Soomaaliya waxay jadwalkooda ka dib dhaceen hal sano. 8-da Febraayo waxay noqon doontaa sanad-guurada koowaad ee markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweynaha. Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay adeegsato aaladaha ay heli karto, oo ay ku jirto xayiraado Visa, si looga jawaabo dib u dhacyo kale, ama ficillo kale oo wax u dhimaya sharafta hanaanka.”

Mareykanka ayaa horey dhowr jeer ugu hanjabay inuu beegsan doono qas wadayaasha Soomaaliya, hase yeeshee weli ficil ma qaadin. Si kastaba, ilo-wareedyo diblomaasi ayaa Caasimada Online u sheegay inay markan ka go’an tahay inay tallaabo qaadaan.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shirkoodii Muqdisho ku heshiiyey inay doorashada Golaha Shacabka kusoo dhameystiraan 45 cisho oo ka billaabata 15-ka Janaayo, kuna eg 25-ka Febraayo. 

Go’aankan ayaa waxaa soo dhoweeyey madaxweyne Farmaajo oo marar badan lagu eedeeyey inuu yahay caqabadda doorashada dalka, isaga oo madax goboleedyada ugu baaqay inay ku dhaqmaan heshiiskaas.

Farmaajo oo khudbad jeediyey habeen hore, ayaa wararka qaar ay sheegayaan inuu cadaadis kala kulmay Mareykanka si uu taageero ugu muujiyey heshiiska cusub ee doorashada. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Kenya oo shidaal qodis ka billowday dhul-badeedkii loo xukmiyey SOOMAALIYA

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa kordhisay dhaq-dhaqaaqyada saliid iyo gaas sahmin ee qeybo ka mid ah dhul-badeedkii loo xukmiyey Soomaaliya kadib markii ay diiday go’aanka maxkamadda.

James Ng’ang’a, oo ah madaxa shirkadda ENI Kenya Business Venture (BV), ayaa sheegay in bishii tagtay ay qodis ka billaabeen xirmada ama Block L11B

Tani waxay ka dambeysay kadib sahmin dhuleed oo muujisay in aaggan ay ka buuxaan saliid iyo gaas. Shirkadda ayaa sheegtay inay rajeyneyso inay natiijada ku dhowaaqdo muddo laba bil gudaheed ah.

Wargeyska Business Daily Africa ayaa ku warramay in Kenya ay si xowli ah sare ugu qaaday shidaal sahminta dhul-badeedka wixii ka dambeeyey bishii April, inkasta oo uu jiray muran kala dhaxeeyey Soomaaliya. 

Si gaar ah, dhulka hadda laga wado shidaal sahminta ayaa ku yaalla aaggii lagu murmay, ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ay u xukmisay Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sanadkii tegay sheegay in Kenya aysan ka tagi doonin “hal inji oo ka mid ah dhulka lagu muransan yahay,” taasi oo muujisay sida ay Nairobi uga go’an tahay inay sharciga ka tallowdo, oo ay awood u adeegsato. 

Kenya ayaa markii ay diiday go’aankii ICJ, waxay maxkamadda ku eedeysay inaysan dhex-dhexaad aheyn oo ay u xaglineyso Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadal tallaaboyinka ay qaadeyso Kenya, mana cadda xitaa haddii ay u war hayso, maadaama ay bilihii dhowaa ku mashquulsaneyd dagaal dhexdeeda ah.

Sanadkii ugu dambeeyey ayaa Soomaaliya waxaa hareeyey xasarado siyaasadeed oo xitaa horseeday dagaal bishii April ka dhacay Muqdisho, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu isku dayey in nidaamka dimoqraadiyadda jilicsan ee dalka ka jira uu u rogo kali-talis.

Soomaaliya hadda ma lahan awood ciidan badeed oo ay uga hortagto xatooyada Kenya, hase yeeshee waxay ugu yaraan uga digi kartaa shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka sahmiya inay ka fogaadaan dhul-badeedka Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Askarta ku sugan GEDO oo digniin culus loo diray kadib…

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo haatan ku sugan magaalada Beledxaawo ayaa kulamo kala duwan la yeeshay askarta dowladda ee ku sugan gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland.

Maxamed Cabduqadir Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada oo ka mid ah saraakiisha haatan jooga gobolka ayaa uga digay ciidamada dowladda ee ka howlgala halkaasi dilalka shacabka, wuxuuna faray inay ka fogaadaan waxyeeleynta rayidka.

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in askarta ay hubka u sitaan inay ku difaacaan shacabka, wuxuuna sheegay in askarigii ku xadgudbaa laga qaadi doono tallaabo adag.

“Waxa qoriga laguugu dhiibay waa inaa ku difaacido shacabka Soomaaliyeed, askarigii lagu helo inuu dilay qof muwaadin ah waxaa la marsiin doonaa sharciga,” ayuu yiri Maxamed.

Digniintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmihii u dambeeyey gobolka Gedo siyaabo kala duwan loogu dilay dad shacab ah, kuwaas oo dilalkooda ay geysteen askarta dowlada.

Sidoo kale waxa ay Maxkamadda Ciidamadu todobaadkan gudihiisa dil ku fulisay illaa laba askari oo siyaabo kala duwan dad shacab ah ugu dilay degmooyinka Beledxaawo iyo Luuq.

Si kastaba, muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badaneysay qeylo dhaanta shacabka ka imaaneyso ee ka dhanka ah ciidamada, waxaana ka mid ah meelaha ay dilalka ka geysteen Muqdisho oo dadka lagu dilay ay ka mid yihiin gabar iyo wiil walaalo ahaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ujeedka kulanka Axmed Madoobe, Shariif iyo Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa ka dhacay hoyga uu Axmed Madoobe ka dagan yahay caasimadda, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo sii dhaqaajin lahaa heshiiska cusub ee lagu gaaray Muqdisho, waxayna Shariif iyo Xasan Axmed Madoobe ka dalbadeen inuu dardar-geliyo doorashada, si waqtiga la qabtay loogu soo gabagabeeyo doorashada baarlamaanka.

Sidoo kale madaxweynayaashii hore ayaa hoggaamiyaha Jubbaland ku boggaadiyey dadaalkiisa iyo doorka uu ku lahaa shirkii lagu soo gabagabeeyey Muqdisho.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa maanta kusii jeeda Kismaayo, kadib maalmo uu ku sugnaa caasimada, isaga oo la filayo inuu sii amba qaado doorashada Golaha Shacabka.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka socday kulamo siyaasadeed oo u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo mucaaradka, kuwaas oo gabi ahaan looga hadlay ka gudubka kala guurka iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay muranka doorashooyinka oo muddo sanad ah dib uga dhacay waqtigii loo qorsheeyey in la qabto.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro sanado ku xirnaa LIIBIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal Soomaali ah oo muddo sanado ah ku xirnaa dalka Liibiya, kuwaas oo gaarayo illaa 97 ruux.

Dadka lasoo celiyey oo u badan dhalinyaro ayaa isugu jiro rag iyo dumar, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ay dadaal xoogan gelisay sidii dhalinyaradan dib loogu soo celin lahaa dalka, kuna guuleysatay.

“Dowladda federaalka Soomaaliya sidaad ogtihiin waxay dadaal badan gelisay sidii maxaabiista meelo badan oo caalamka ka mid ah ku jira iyo dadka dhiban oo wadamo badan ku dhiban in waddankooda lagu soo celiyo,” ayuu yiri wasiir Cabdisaciid.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhalinyarada maanta la keenay ay yihiin qaybtii ugu horreysay ee dalka dib loogo soo celiyey, tan iyo markii uu dilaacay cudurka Covid-198.

“Racaan waa racii ugu horreeyey intii uu u dhacay Covid-19 dad badan oo meelo kala duwan duwan xirana waa lasoo celinaa haddii Ilaaheyn Idmo,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa u mahacadceliyey hay’adaha caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ka gacansiiyey, sidii dhalinyaradan dib loogu soo celin lahaa dalkooda.

Dowladda federaalka ayaa horay ugu guuleysatay inay maxaabiis fara badan kasoo deyso qaar ka mid ah dalalka caalamka, taas oo aad loogu baadiyey dowladda dhexe.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Mareeyihii guud ee hay’adda taya-dhowrka Soomaaliya oo shaqada laga joojiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshada xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaqo joojin ku sameeyay Mareeyaha Guud ee hay’adda taya-dhowrka Soomaaliyeed, Aadan Xasan Barre.

Wasiirka ayaa shaqo joojinta Mareeyaha u cuskaday wada-shaqeyn la’aan ka timid Mareeyaha guud ee hay’adda iyo curyaaminta habsami u socodka waajibaadka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka.

Sidoo kale waxa lagu eedeyay Mareeyaha Guud in uu si ula kac ah isaga indho-tirayo hanaanka kala sareynta shaqada, taasi oo gundhig u ah dhamaan howlaha la qabanayo

“Kadib markii uu arkay in Mareeyaha guud ee hay’adda uu iska dhega-tiray talooyin badan oo horey loogu soo jeediyay, laga bilaabo maanta waxa laga joojiyay Aadan Xasan Barre in uu ku howl-galo xilka Mareeyaha Guud” ayaa lagu yiri waraaqda shaqo joojinta ee uu soo saaray Wasiirka Ganacsiga.

Wasiirka ayaa xilka Mareeyaha Guud ee hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed u igmaday in uu sii hayo Mareeye ku-xigeenka hay’adaas.

Ugu dambeyntiina Wasiirka ayaa ka codsaday dhamaan hay’adaha dowladda ee wada-shaqeynta kala dhaxeyso Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed inay ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkiisa shaqo sii-hayaha xilka Mareeyaha Guud.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Qarax culus oo goordhow ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna ka dhacay waddada 21-October, gaar ahaan Afisyoone.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa oo uu waday ruux naftiis halige ah

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay saarkiil cadaan ah oo xilligaas mareysay waddada, mana cadda khasaaraha kasoo gaaray weerarkan.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa sidoo kale gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen, waxayna wadaan baaritaano dheeri ah.

Xaaladda goobta ayaa aad u kacsan, waxaana sidoo kale hatana socda gurmad loo fidinayo dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi.

Faah faahinta kala soco: Caasimada.net

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Isimada Puntland oo go’aano dhabarjab ku ah Deni kasoo saaray xiisadda PSF

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka Puntland oo maalmahaan u fadhiyey xalka xiisadda magaalada Boosaaso ee u dhaxeysa xukuumadda Deni iyo taliska ciidanka PSF ee uu hoggaaminayo Maxamuud Diyaano ayaa caawa soo saaray 6-qodob oo ay u arkeen in arrintaan lagu xali karo.

Isimada ayaa go’aamiyey in hey’adda PSF ay sideeda sii ahaato oo hoggaankeeda loo daayo Maxamuud Cusmaan Diyaano, iyadoo Agaasime Maxamuud la hordhigay inuu dib isugu raadiyo ciidankii ku kala jabay dagaalkii ka dhacay Boosaaso.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Agaasime Maxamuud Cusmaan Diyaano loo dhigo gogol dib u heshiineed, si loo soo afjaro khilaafka.

Qodobka sedaxaad waxay Isimadu ku go’aamiyeen in dhibkii ka dhacay magaalada lagu dagaalamay ee Boosaaso loo bandhigo shareecada Islaamka oo lagu dhaqmo xukunkeeda.

Dhanka kale Isimada ayaa xukumadda Puntland u soo jeediyey in laga laabto heshiiskii ay la gashay shirkadda Imaaraadka ee DPW oo maamusha Dekedda magaalada Boosaaso, iyagoo sheegay in shantii sano ee gacanta ay ku heysay aysan shirkadaasi qaban waxii looga baahnaa.

“Waxaan go’aaminay in 17% dakhliga dekedda loo qoondeeyo hormarinta magaalada Boosaaso, dhaqaalahaas waxaa si wadajir ah gacanta ugu heyn doona, Isimada dhaqanka iyo guddi hormarinta magaalada loo sameyn doono, kuwaas oo noqon doona guddi aamin ah I.A,”ayaa lagu yiri bayaanka Isimada Puntland.

Hoos ka akhriso

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sidee ayaa loola dhaqmaa madaxda Al-Shabaab ee isku dhiiba DF Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa dhawaan shan iyo toban jirsaday. Dowladda Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan u wajahday la dagaalanka ururkaas.

Marka laga tago dagaallada foolka foolka ah iyo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Mareykan ka ay ka geystaan qeybo kamid ah deegaannada ay maamulaan, waxaa bar bar socday dedaallo xooggan oo lagu soo jiidanayay u dagaallamayaasha iyo qaar kamid ah hoggaamiyayaasha sar sare ee ururkaas.

Wasaaradda amniga gudaha, wasaaradda gaashaandhigga, wasaaradda garsoorka iyo caddaaladda, xeer illaalinta qaranka, taliska booliska, iyo hay’adda Nabad sugidda qaranka ayaa iska kaashaday diyaarinta siyaasadda isa soo dhiibayaasha (Defection policy). Ugu dambeyn wasiirkii amniga gudaha dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa May sannadkii 2015 hor geeyay xukuumaddii ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo markii dambe cod aqlabiyad leh ku meel marisay.

Inkastoo aanan baarlamaanka la horgeeynin, haddana sida ay qabaan khubarrada amniga, siyaasaddaas waxa ay door fiican ka qaadatay dardar gelinta dadaaladii kasbashada isa soo dhiibayaasha.

Isla sannadkii 2015 waxaa magaalada Muqdisho laga furay xarunta dhaqan celinta Sarandi oo loogu talagalay in lagu dhaqanceliyo dagaalyahannada Alshabab kasoo goosta.

Mashruucaas oo ay hirgelintiisu lahayd wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya oo kaashaneysay dowladaha Imaaraadka, Denmark iyo Jarmalka ayaa hadafkiisu ahaa sidii cafis loogu fidin lahaa cid kasta oo dooneysa in ay kasoo baxsato ururka Alshabaab.

Waxaa sidoo kale xarumo dhaqan celin laga furay magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Baladweyne, ka hor inta aanay badankoodu xirmin.

Isa soo dhiibayaasha ayaa kala leh laba heer oo mid kastaahi si gaar ah loola macaamilo. Isa soo dhiibayaasha heerka hoose oo u badan askarta u dagaalanta Alshabaab, wadaaddada ka shaqeysa faafinta aragtidooda iyo saraakiisha heer dhexaadka ah ee ururkaas waxa ay isku soo dhiibaan xerooyinka dhaqan celinta iyaga oo toos u tagaya ama usii maraya saraakiil ka tirsan dowladda ama odayaasha dhaqanka si ay u dhammeystiraan hanaanka isa soo dhiibidda.

Kaddib xarumaha waxa ay siiyaan isa soo dhiibayaashaas fursad lagu dhaqanceliyo, iyadoo la barayo waxyaabo la xiriira diinta Islaamka iyo aasaasiyaadka xuquuqda Aadanaha. Marka laga soo tago in qiyam ahaan qofka loo rogo, waxaa kale oo la baraa xirfado gacanta ah oo ay ku shaqeysan karaan. Sida uu noo sheegay mid kamid ah howl wadeennada xarunta dhaqan celinta Sarandi oo diiday in aan magaciisa u adeegsanno warbaahinta.

Dhanka kale isa soo dhiibayaasha sar sare waa saraakiisha sare, madaxda iyo hoggaamiyayaasha kooxda ee doorta in ay isku soo dhiibaan dhanka dowladda. Hannaan ka duwan kan la marsiiyo isa soo dhiibayaasha yar yar ayeey maraan, oo waxaa la geeyaa guryo iyo goobo gaar ah, halka qaarka aan dhammeystirin hannaanka isa soo dhiibiddana la dhigo xabsi guri.

“Saddex qodob ayaa ugu muhiimsan siyaasadda dowladda Soomaaliya uga degsan cafinta xubnaha sare ee Alshabaab ee isa soo dhiibaya. Kow waa in uu ka tanaasulo xubinnimada ururka Shabaab/ Daacish, iwm. Labo In uu aqoonsada dowladnimada Soomaaliya (qasab ma ahan in uu taageero xukuumadda markaas jirta) iyo qodobka saddexaad oo ah in uu qaab nabadeed ku raadiyo ahdaaftiisa siyaasiga” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali oo horey u ahaa la taliye dhanka amniga saddexdii madaxweyne ee u dambeysay Soomaaliya.

“Haddii uu oggolaado isa soo dhiibaha saddexdan qodob, dowladda Soomaaliya waa ay cafineysaa, ha yeeshee cafiskaas ma damaanad qaadayo haddii qof ama qofaf ay si shakhsi ah maxkamad ugu dacweeyaan isa soo dhiibaha iyagoo ku eedeynaya inuu si shakhsi ah u waxyeeleyay, kiiska waxaa uu noqonaya mid maxkamad u furan ama isa soo dhiibaha uu la macaamilo dacwoodayaasha” Xuseen Sheekh Cali, markale.

Xubnaha sarsare ee kasoo goostay ururka Alshabaab waxaa ugu mug weynaa kuxigeenkii ururkaas Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo isku soo dhiibay maamulka Koonfur Galbeed 13kii August sannadkii 2013 kii, dhowr bil uun kaddib markii dowladda Mareykan ka ay ka saartay liiska argiggixisada.

Wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid C/llaahi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa usoo galbiyay Rooboow magaalada Muqdisho si loo dhammeystiro heshiiska labada dhinac.

Dhawaan ayeey ahayd markii taliyaha nabadsugidda qaranka Gaashaanle Yaasiin Farey uu warqad jawaab celin ah u diray wasiirka Amniga oo dalbaday in laga soo warbixiyo sababta uu u xiran yahay Mukhtaar Rooboow. Warqadda taliska Nabad sugidda kasoo baxday ayaa lagu sheegay in Rooboow uusan dhammeystirin shuruudaha isa soo dhibitaanka. haddaba maxay ahaayeen shuruudaha ay ku heshiiyeen dowladda Soomaaliya iyo Mukhtaar Rooboow. Ha inoo sharxo Cabdirashiid C/llaahi Maxamed oo ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya, door muhiimna ka ciyaaray isa soo dhiibiddii Sheekh Mukhtaar Rooboow

“Dowladda Soomaaliya waxa ay kula heshiisay Mukhtar Rooboow in uu ka tanaasulo fekerka Shabaab, iskana beriyeelo. Sidoo kale uu ka qeyb qaato dowlad dhiska dalka isagoo la dagaallamaya kooxda Alshabaab. In uu door muuqdo ka ciyaaro tashkiilinta iyo in ay isa soo dhiibaan saraakiisha sarsare ee ururka, in ciidamadii la socday la qarameeyo, lana dagaallamaan Alshabaab. Dhanka Rooboow isna waxaa uu codsaday in dowladda ay kala shaqeyso sidii loo sixi lahaa khaladaadkii dhacay, laguna garab istaagi lahaa la dagaalanka Alshabaab”.

Markale isla su’aashaas waxaa ka jawaabaya la taliye Xuseen Sheekh Cali.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay jebisay dhammaan heshiiskii lala galay Rooboow, oo si sharci darro ah ayuu ku xiran yahay. dhanka Sheekh Mukhtaar waa uu dhammeystiray dhammaan shuruudihii looga baahnaa qof isa soo dhiibe sidiisa oo kale, waa uu ku dhawaaqay in uu ka baxay ururka Shabaab, si cadna waa u u qiray dowladnimada Soomaaliyaad, wixii markaas ka dambeyayna waa tii la wada ogaa in damaciisa siyaasiga ah uu ku doonayay qaab nabadeed illaa isaga oo musharrax ah Villa Somalia ay soo qafaalatay”.

Maxaa Farmaajo ‘ku qasbay inuu soo dhaweeyo’ natiijada shir uusan aqoonsaneyn?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay jeediyey khudbad lama filaan ah, oo u muuqatay qaab olole dib u doorasho, isagoo sharaxay hanaankii ay u shaqeyneysay dowladiisa mudadii uu joogay xukunka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa soo dhaweeyay heshiiska cusub ee doorashada looga gaaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo labo maalin ka hor Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey, isagoo madaxda ugu baaqay inay ku dhaqmaan heshiiskii ay gaareen.

Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa sida la wada ogyahay si badheedh ah kal hore uga horyimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, asaga oo ka ag furay shir kale oo wadatashi, kaasi oo ugu dambeyntii fashilmay.

Haddaba, maxaa Farmaajo ku qasbay in uu soo dhaweeyo waxyaabihii kasoo baxay shirkii uu diidana?

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu wajahay culeyso dibada iyo gudaha ah, kuwaasi oo ku qasbay in uu soo dhaweeyo waxyaabihii kasoo baxay shirkii uu diidanaa ee uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida uu sheegay Cabdiraxmaan waxa uu madaxweynihii hore Farmaajo isku dayaya in uu daadka is raaciyo, kadib markii uu ku fashilmay tallaabooyinkii u dambeeyay ee awood maruursiga ahaa.

“Ha ku kadsoomina waqtiga uu iibsanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, marnaba ma aha nin yeelaya oo raali ka noqonaya doorasho madax banaan oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Waxa uu ka shaqeynayaa ah in uu laaluush u qeybiyo dad siyaasiyiin ah oo uu isleeyahay kasbo, waxa uu gadanayaa waa waqti,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khudbada Farmaajo ee xalay ay tahay mid uu indhaha caalamka iyo gudaha iskaga jeedinayo, islamarkaana uu wado shirqool cusub oo waxyeelaya geedi socodka dowladnimada iyo hanaanka doorashooyinka dalka.

“Qowlkiisa meel laga qabto oo laga rumeeyo aan laheyn, waa ninka ku leh Ra’iisul Wasaaraha xilka ka qaaday waa ka joojiyay, haddana soo saaraya warqad ku socota xafiiskiisa. Waa ninka oranaya galabtii Ra’iisul Wasaaraha waa fiican yahay haddana habeenkii warqad soo saaraya oo oranaya waa ku fashilmay shaqadii.”

Farmaajo ayaa xalay inta badan khudbadiisa uga warbixiyey dib-u-dhiska ay dowladiisu ku sameysay Ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh oo ay u difaacayaan dalka iyo halgankooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed.

Khudbada madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo aadeysa xilli uu dagaal xoogan kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaaraha, islamarkaana heshiis laga gaaray mad-madowgii doorashada, ayada oo la dhaqan-geliyay badanaa talo soo jeedintii mucaaridka ee doorashooyinka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Golaha Bulshada Banaadir oo hanjabaad uga jawaabtay go’aankii maamulka gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Bulshada Banaadir ee maalmihii u dambeeyay waday qaban-qaabada banaanbax weyn oo looga soo horjeedo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo isku-deygii afgambi ee 27-kii December ee fashilmay, ayaa si adag uga jawaabay go’aankii uu maamulka gobolka Banaadir uga horyimid banaan-baxaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish oo maanta shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo Saraakiisha laamaha amniga ee qeybta guud gobolka, ayaa banaanbaxa mucaaridka ku tilmaamay mid fowdo ah oo ka dhan ah amniga caasimada.

Cali Maxamed Maxamuud (Cali Joqonbe) oo qeyb ka ah Golaha Bulshada Banaadir oo goordhoweyd warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, kadib markii uu ku dooday in banaanbaxa uu yahay xaq dastuuri ah.

Waxa uu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono Sarkaalka ama Mas’uulka isku daya in uu awood ciidan isku hortaago banaanbaxa Khamiista, isaga oo sheegay in mas’uuliyada wax kasta oo dhaca ay dusha u ridan doonaan maamulka gobolka Banaadir.

“Waxaa maqalnay in maamulka gobolka Banaadir uu yiri lama banaanbixi karo, Golaha Bulshada Banaadir waa Gole lagu talo-galay in lagu difaaco codka, xuquuqda iyo dhamaan adeegyada bulshada ku nool gobolka Banaadir. Qofka in uu si xor ah u hadlo oo si nabad ah ku banaanbaxo waa xaquuq aan u baahneyn fasax,” ayuu yiri.

“Waxaa leeyahay cid kasta oo wax ku gaarta banaanbaxaas waxaa mas’uuliyadeeda qaadeysa maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka codsaneyna in bulshada soo baxdo oo aan muujino dareenkeeda si nabad-gelyo ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in banaanbaxa uu yahay mid nabdoon, isaga oo dadka kasoo horjeedana ku eedeyay inaysan ogoleyn doorasho xor iyo xalaal ah.

“Sarkaalkii soo bixiya ciidan maxkamad ayaa la geynaya, waana lagu ciqaabi doona. Calanka ayaa qaadeyna anaga ayaa idinka horeyna oo idinka dambeyn meyno, maalinkaas ayaa noo ballan ah,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Cali Joqonbe oo ku hadlayay afka Golaha Bulshada Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa joojinta banaanbaxa qiil uga dhiganaya in heshiis laga gaaray mad-madowgii ka jiray doorashada, ay dhankoodana ku qanceen mucaaridka, inkasta oo banaanbaxan uu yahay mid ka dhan ah Farmaajo iyo isku-deygiisa afgambi ee 27-kii December.

Waxay arrintaan sii hurineysa xiisada dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, maadama mas’uuliyiinta raacsan Farmaajo ay xilligan ku howlan yihiin baajinta banaan-baxaas, ayaga oo dhawaan qabsaday dibadbax kusoo koobmay huteel iyo haween oo lagu taageerayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa ka dhalan kara shirkii taliyayaasha ciidamada ee ‘fariinta loogu diray” Rooble?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad amni ee dalka ayaa walaac xoogan ka taagan yahay kadib markii uu fashilmay amarkii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee uu siiyay Saraakiisha ciidamada, kaasi oo dhigayay inaysan ka amar qaadan karin cid aan asaga aheyn.

Waxaa shalay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ka qabsoomay kulan ay soo abaabushay Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo ay iskugu yimaadeen badanaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha kala duwan ee ciidamada dowladda.

Kulanka ayaa waxa kasoo muuqday Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, Ku-simaha taliyaha Hey’adda NISA Yaasin Cabdullaahi Farey iyo Taliyaha ciidanka booliska qeybta gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Qaroole.

Fallan-qeeyayaasha siyaasada ayaa qaba in kulankaas uu ahaa mid dhoolatus ah oo farriin loogu dirayay Ra’iisul Wasaaraha, maadama Taliyayaasha iyo Saraakiisha kasoo muuqday ay ahaayeen kuwa weli si toos ah uga amar qaata madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa xusid mudan in kulanka shalay uu Wasaaradda Gaashaandhiga ka qabsoomay ayada oo aanu weli Wasiirka cusub ee uu dhawaan magaacabay Rooble aanu xafiiskiisa u shaqo tagin.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hore u amray ciidamada inaysan ka amar qaadan karin cid aan asaga aheyn, kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Farmaajo, oo isku dayay in uu awood ciidan ku qabsado xafiiskiisa.

Sidoo kale waxay arrintaan kusoo aadeysa ayada oo madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay ku fashilmeen inay isku raacan in amniga dalka lagu wareejiyo Rooble, maadama uu madaxweynihii hore uu weli saameyn xoogan ku leeyahay taliyayaasha iyo saraakiisha ciidamada.

Arrimahan ayaa ka dhigan in weli uu Farmaajo u adeegsan karo ciidamada dowladda dano gaar ah, sida u hore u dhacday, taasi oo aan la mahdin, islamarkaana horseeday jahwareero siyaasadeed iyo hubanti la’aan amni.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Tallaabadii uu madaxweyne Farmaajo qaaday oo arrin cusub ku kordhisay ajendaha banaan-baxa mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda abaabulka banaanbax looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December lagu qaaday xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xarunta xukuumadiisa.

Banaanbaxa oo uu si weyn uga horyimid maamulka gobolka Banaadir oo la fahamsan yahay in uu gadaal kasoo riixayo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa qeyb ka ah siyaasiyiin iyo xubnaha mucaaridka.

Sida uu qorshaha yahay banaanbaxan ayaa magaalada Muqdisho ka dhici doona maalinta Khamiista, waxaana looga soo horjeeda madaxweynihii hore iyo tallaabadii uu iskugu dayay in uu awood ciidan ku qabsado xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta xukuumadda.

Waxaa hadda kusoo biiray oo qeyb ka noqday labada arrin ee ahaa ajendaha banaanbaxaas in lagu maamuusi doono sawirka iyo taariikhda madaxweynihii koowaad ee Jamhuuriyada AUN Aadan Cabdulle Cismaan.

Wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug oo kamid ah qaban-qaabiyaasha banaanbaxa lagu wado in uu magaalada Muqdisho ka qabsoomo ayaa sheegay in banaanbaxaas ay ku sharfi doonaan xurmadle Aadan Cadde, maadaama uu Farmaajo sawirkiisa ka fujiyey madaxtooyada.

Banaanbaxan oo qorshihiisu uu soo bilowday ka hor intii aan heshiis laga gaarin doorashada ayaa weli waxa uu mucaaridka ku adkeysanaya in uu qabsoomo, ayada oo maamulka gobolka ay ku dhawaaqeen in uusan qabsoomi doonin banaanbax aan ogolaansho ka haysan.

Si kastaba, Mas’uuliyiinta raacsan Farmaajo ayaa xilligan ku howlan baajinta banaanbaxan, ayaga oo dhawaan qabsaday dibadbax kusoo koobmay huteel iyo haween oo lagu taageerayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maamulka gobolka oo war culus kasoo saaray dhaq-dhaqaaqa mucaaradka DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo Saraakiisha laamaha amniga ee qeybta guud gobolka Banaadir.

Guddoomiye Filish ayaa si adag uga horyimid banaanbax ay abaabulayaan Mucaaridka, kaasi oo qorshuhu uu yahay in uu magaalada Muqdisho ka qabsoomo maalinta Khamiista.

Waxa uu sheegay in xilligaan magaalada Muqdisho aysan xamili karin culeyso hor leh, isagoo banaanbaxa uu abaabulkiisa socdo ku tilmaamay mid fowdo ah oo ka dhan ah amniga caasimada.

Sidoo kale waxa uu faray Saraakiisha amniga inay xoojiyaan amniga caasimada dalka ee Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in bulshada kala shaqeeyan Amniga iyo Nabadgelyada Caasimada.

Guddoomiyaha ayaa arrintan qiilka u weyn uga dhigtay in heshiis laga gaaray mad-madowgii ka jiray doorashada, ay dhankoodana ku qanceen mucaaridka, inkasta oo banaanbaxan uu yahay mid ka dhan ah Farmaajo iyo isku-deygiisa afgambi ee 27-kii December.

Ma aha markii u horeysay ee uu maamulka gobolka Banaadir uu si cad uga horyimaado banaanbaxa ay mucaaridka qorsheynayaan in uu qabsoomo Khamiista, ayada oo labo maalin ka hor uu Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Cali Yare uu ku dhawaaqay in magaalada lagu qaban karin banaanbax aan fasax looga heysan maamulka gobolka.

Mas’uuliyiinta raacsan Farmaajo ayaa xilligan ku howlan baajinta dibadbaxaas, ayaga oo dhawaan qabsaday dibadbax kusoo koobmay huteel iyo haween oo lagu taageerayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sidee looga fal-celiyey khudbaddii FARMAAJO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay jeediyey khudbad lama filaan ah, taas oo ay Villa Soomaaliya sii deysay saq-dhexe, waxaana ka dhashay falcelin aad u xoogan.

Farmaajo ayaa khudbaddiisa ku sharaxay hanaankii ay u shaqeyneysay dowladiisa mudadii uu joogay xukunka, heshiiska laga gaaray doorashada, dib u dhiska ciidamada, hannaanka siyaasadda arimaha dibadda iyo arrimo kale, isagoo sidoo kale  fariin uu u diray shacabka.

Sidee looga falceliyey khudbaddiisa?

Dr Maxamuud Maxamed (Culusow) oo ah siyaasi ka faalooda xaaladd Soomaaliya iyo doorashooyinka ayaa faallo uu soo saaray ku sheegay in khudbadda uu jeediyey xalay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday laga dheehan karay xilkasnimo-xumo, dareen la’aan, daacad darrom xaqiraad iyo is moogeysiin ula kac ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Khudbadda socotay 8da daqiiqo ee 54 ilbiriqsi ee Maxamed Cabdullahi Farmajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhammaaday, ka jeediyay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu sharcidarrada ku dhex deggan yahay, waxaa laga dheehan karaa xilkasnimoxumo, dareen la’aan, doqonnimo, marin habaabin, dulleyn, iyo awr ku kacsi dhallinyaro nolol raadis ah, daacad-darro, taagero raadis, xaqiraad, eedeyn, xusuus la’aan ama is moogeysiin ula kac ah,” ayuu ku yiri Faallada Dr Maxamuud Culusow.

Dhankiisa xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynuhu is-hilmaansiiyey in uu aag dagaal ka furey madaxtooyada qaranka, balse uu ka hadlay qabkii iyo gobonimadii fagaarayaasha caalamiga in la soo celiyey.

“Qabkii iyo gobonimadii fagaarayaasha caalamiga in la soo celiyey ayuu noo sheegey! Balse wuxuu is-hilmaansiiyey in aag dagaal uu ka furey madaxtooyada qaranka looga talinayey oo uu qabtii soo celiyey!?,: ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inuu Farmaajo u ekaa nin lasoo qasbay, isla-markaana loo soo qoray khudbadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Odayga xalay wuxuu u ekaa nin la soo qasbay oo dhibban, nin hadalkiisa ay soo qoreen kuwo caalam kale ku nool, nin ay la taliyaal u yihiin kuwo god iyo haadaan ka sii tuuraya, nin u afduuban kuwo aan ka naxayn oo ka faa’idaysanaya go’doonka siyaasadeed ee ay galiyeen,” ayuu markale qoraalkiisa sii raaciyey siyaasiga Axmed Macalin Fiqi.

Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah ayaa sidoo kale ka falceliyey hadalkii madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, wuxuuna yiri “Khudbadda Farmaajo QUWAAXII aan sheegay soo ma noqon?!”.

Si kastaba, khudbadda uu jeediyey Farmaajo ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Beesha Caalamka oo dalab culus soo saartay, kadib shirkii Golaha Wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxibada Beesha Caalamka ee fadhigooda uu yahay magaalada Muqdisho ayaa qoraal wadajir kasoo saaray xaaladda dalka, gaar ahaan go’aannada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyey gudaha caasimada.

Xubnaha ayaa soo dhoweeyey is-afgaradka ay gaareen ra’iisul wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ku aadan doorashada.

‘Saaxibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka waxay garwaaqsadeen in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo lagu gaaray is-afgarad la isku raacay ee ku saabsan wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday inay aad ugu faraxsan tahay heshiiska cusub ee ay saxiixeen madaxdu, kadib la tashiyo ay la sameeyey dhinacyada kala duwan

“Waxaan ku faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay qaateen go’aamo ku saleysan wadatashiyo lala yeeshay bulshada rayidka, wakiillada haweenka iyo xubnaha mucaaradka,” ayaa lagu yiri.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale waxaa loogu dalbaday madaxda dalka inay eegaan danta guud ee qaranka, ayna ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara xiisad horleh,

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay danta qaranka wax walba ka horraysiiyaan, ayna mudnaanta siiyaan soo gabagabaynta hannaan doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed si weyn u aqbalaan, iyo inay ka fogaadaan daandaansi ka weecin kara hannaankaas oo kordhin kara khatar iska-hor-imaad ama rabshado . Dhammaan madaxda waa inay xaqiijiyaan in ciidamada amniga aan loo adeegsan hab siyaasadeed,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka Beesha Caalamka.

Ugu dambeyn waxay Beesha Caalamka hoosta ka xariiqday inay tahay in hogaamiyeyaashu dhaqan-geliyaan qodobada ay soo saareen, ayna deg deg ku dhameystiraan doorashada.

“Waxaa la joogaa waqtigii ay dhammaan madaxda Soomaaliyeed diiradda saari lahaayeen in si degdeg ah loo dhaqangeliyo go’aannadii lagu heshiiyey si loo soo gabagabeeyo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25ka Febraayo,”.

Waxaa si wada-jir ah qoraalka u soo saaray; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Soomaali ka mid noqday golaha wasiirada Tanzania

0

Dodoma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Tanzania ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada. Wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Maxamed Baashe oo loo magacaabay Wasiirka Beeraha,isagoo laga bedelay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Beeraha.

Wasiirka Beeraha Xuseen Maxamed Baashe oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa 26-Ogosto 1975 ayuu ku dhashay gobolka Nzega,waana siyaasi iyo ganacsade caan ah dalka Tanzania.

Xuseen Maxamed Baashe oo ah nin dhalinyaro ah oo ku biiray siyaasadda Tanzania, isagoo ka tirsan xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah xildhibaan laga soo doorto dalka Tanzania, horayna u soo noqday wasiir ku-xigeenka beeraha.

Sanadihii dambe waxaa sii kordhaya Soomaalida qurba joogta ah ee xilalka ka qabanaya dalalka Caalamka qaarkood, waxaana ugu dakbeeyay Xamse Warfaa oo Madaxweynaha Mareykanka uu u magacaabay in uu kamid noqdo la taliyeyaashiisa dhinaca xaquuqul Insaanka.

Xamse Warfaa ayaa qaxootinnimo ku tagay dalka Mareykanka isagoo da’ yar sannadihii 1990-meeyadii. Waxa uu horay u ahaa ku xigeenka madaxa waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota.

“Waa farxad gaar ii ah iyo mid guud oo ay ila wadaagaan dadka Mareykanka ah iyo dadka kasoo jeeda luuqaddan aan ku hadlayo. Waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan farriimihii ay ii soo direen,” ayuu yiri Xamse Warfaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii